24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

Qorshaha isbeddelka 5 sano ee soo socota oo Muqdisho laga daah-furay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa daah-furay qorshaha isbeddelka Muqdisho (2026–2030), kaas oo lagu wajahayo horumarinta caasimadda sannadaha soo socda.

Qorshahan ayaa ah mid hagaya jihada istaraatiijiga ah ee caasimadda shanta sano ee soo socota, si loo gaaro horumar waara iyo kobac dhaqaale oo la taaban karo, loona xoojiyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Qorshaha shanta sano ee maanta la soo bandhigay ayaa ka tarjumaya danaha guud iyo maslaxadda shacabka, isagoo diiradda saaraya wax ka qabashada caqabadaha jira iyo hirgelinta aragti horumarineed oo waarta.

Sidoo kale, qorshahan ayaa ku yimid hannaan wadatashi ballaaran, waxaana lagu mideeyay aragtiyo iyo talooyin laga uruuriyay qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo qorshe ay wada leeyihiin shacabka iyo maamulka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in fulinta qorshahan ay ku salaysnaan doonto isla-xisaabtan, wada-shaqeyn dhow iyo ka-qaybgal bulsho, si loo gaaro natiijooyin muuqda oo wax ka beddela nolosha shacabka iyo horumarka guud ee caasimadda.

Waxaa sidoo kale la tilmaamay in qorshahan uu door weyn ka qaadan doono dardargelinta mashaariicda horumarineed, kor u qaadista dhaqaalaha iyo hagaajinta adeegyada muhiimka ah ee ay bulshada u baahan tahay.

Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirrada Wasaaradaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Amniga, Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga, Wasiiru-dowlayaasha Caafimaadka, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa munaasabadda guddoomiyeyaasha degmooyinka, agaasimeyaal, odayaasha dhaqanka, ganacsatada, culimada, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

QM oo qiimeyn ku sameynaysa xaaladda kasii dareysa ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa billowday qiimayn ku saabsan xaaladaha bani’aadamnimo ee ka jira Soomaaliya, iyadoo wafdi uu hoggaaminayo ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee arrimaha gargaarka bani’aadamnimo uu maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali iyo guddoomiyaha hay’adda SODMA, Maxamuud Macallin, kaas oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay qiimayntan lagu sameynayo xaaladaha bani’aadamnimo ee dalka.

Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta isku duwidda howlaha gargaarka bani’aadannimo, horumarinta hannaanka kheyraadka (maalgelinta), iyo kor u qaadista wacyiga caalamiga ah ee mudnaanta Soomaaliya.

Labada dhinac waxay si gaar ah u adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in taageerada beesha caalamka la waafajiyo nidaamyada dowladda iyo hadafka soo kabashada muddada dheer.

Wafdigan ayaa dalka joogi doono ilaa 1-da May, wuxuuna booqan doona goobo dhowr ah oo ay ka mid tahay magaalada Baydhabo, halkaas oo ay si gaar ah uga jirto xaalad bani’aadamnimo oo adag.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is afgarad ku saabsan in la sii xoojiyo iskaashiga, lana hubiyo in gargaarka bini’aadanimo loo gaarsiiyo si hufan meelihii loogu tali galay si loo taageero xasilloonida, adkeysiga, iyo horumarka Soomaaliya.

Si kastaba, qiimayntan ayaa imaneysa xilli dalka uu wajahayo xaalado is-biirsaday oo ay sababeen abaar daba-dheer iyo daadad ka dhashay roobabka Gu’ga ee ka da’aya qaybo kamid ah Soomaaliya, kuwaas oo saameyn ku yeeshay kumannaan qof.

Wararka ayaa sheegaya in dad badan ay la ildaran yihiin cunno yari, biyo la’aan iyo hoy la’aan, iyadoo xaaladahan ay sii xumeeyeen barakaca iyo nuglaanta bulshada ku nool deegaannada ay dhibaatadu saameysay.

Qaramada Midoobay ayaa hore uga digtay in xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya ay u baahan tahay gurmad degdeg ah, iyadoo beesha caalamka ugu baaqday in ay kordhiyaan taageerada si loo badbaadiyo dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka is-daba jooga ah.

Xog: Madaxweye Xasan Sheekh oo kulan isugu yeeray odayaasha dhaqanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan isugu yeeray odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho, maadaama ay u yimaadeen ka qayb-galka caleema saarkii Ugaaska guud ee Beesha Murusade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha ayaa odayaasha kala hadli doono xaaladda dalka iyo khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Waxaa sidoo kale, qorshuhu yahay in odayaasha ay madaxweynaha la wadaagaan farriintooda ku aadan xaaladda cakiran ee dalka, maadaama dhawaan mucaaradka ay dalbadeen in la dhex-dhexaadiyo iyaga iyo Xasan.

Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Sabtidii shaaca ka qaaday in siyaasiyiintu ay heshiin waayeen, sidaas daraadeedna ay dalbanayaan in ay soo kala dhexgalaan odayaasha dhaqanka, si xal loogu helo is-mariwaaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.

“Waxaan rabaa codsi aan wakiil uga aha saaxibadey oo ku aadan duubabka codsigaag oo ah in duubabka aysan bixin illaa la’iska arko oo talada siyaasadeed meel la’isla dhigo” ayuu yiri Madaxweynihii oee dalka.

Intaas kadib waxaana isna hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda ku sugnaa, wuxuuna sheegay inuu soo dhaweynayo hadalkaas, isaga oo ugu baaqay dhaqanka inay doorkooda qaataan.

“Dhaqanka Soomaaliyeedow waa joogtaan maanta waana fursad ee qofkii khaldan gacanta qabta, kan saxanna garab istaaga”. ayuu isna yiri Xasan.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa marxalad xasaasi ah oo ka dhalatay hannaanka doorashooyinka dalka, iyada oo ay si wayn isugu hayaan madaxda Dowladda Federaalka, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada.

Somaliland oo shaacisay inay qabatay hub laga keenay dalal shisheeye

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay hub laga keenay dalal shisheeye, kaas oo la doonayay in lagu dhibaateeyo dadkeeda, sida ay hadalka u dhigtay.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere) ayaa sheegay in hubkaas qorshuhu ahaa in lagu kiciyo colaado beeleedyada ka jirta gobollada dhaca galbeedka Somaliland , gaar ahaan Awdal iyo Salal.

Sidoo kale wuxuu intaas ku dartay in ujeedada ugu wayn ay tahay in xumeeyo nabad-gelyada Somaliland, la’iskana horkeeno dadka shacabka h, si loo huriyo colaada beelaha ee ka taagan halkaas.

Cabdalle Sandheere ayaa hoosta ka xariiqay in xilligan adag ay Somaliland wajahayso faragelin dibadeed oo la xiriirta aqoonsiga ay Israa’iil ka heshay, isaga oo sheegay inuu sababtay inay cadow badan yeelato.

Wasiirka ayaa tilmaamay in faragelintaasi ay qaabab kala duwan u dhacday, oo ay ka mid yihiin taageero dhaqaale, dacaayado iyo hub la soo gelinayo gudaha Somaliland.

Ugu dambeyn wuxuu carrabka ku dhuftay in hay’adaha ammaanka ay gacanta ku hayaan caddeymo la xiriira arrimahan, isla markaana waqtiga ku habboon ay shacabka u soo bandhigi doonaan noocyada hubka iyo waddamada laga keenay.

Somaliland ayaa xilligan wajaheysa marxalado xasaasi ah oo ay ugu horreyso qaddiyada aqoonsiga, iyo tallaabooyinkii xigay ee ay qaaday Israa’iil oo dhawaan safiir cusub usoo magacowday Hargeysa, kaas oo ay diiday dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, Michael Lotem ayaa noqonaya safiirkii ugu horreeyay ee Israa’iil u qaabilsan Somaliland, iyadoo soo jeedintii Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Sa’ar ay aqbaleen Golaha Wasiirada xukuumadda Tel Aviv oo shalay ansixiyay.

DF Soomaaliya oo war ka soo saartay mudaharaadka cajiibka ah ee mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay mudahaaradka ay bilaabeen xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada gudaha magaalada Muqdisho.

Fiqi ayaa marka hore duray hab-dhaqanka cusub ee siyaasiyiinta mucaaradka, wuxuuna tilmaamay in uu ka muuqdo qiimo dhac wayn, sida uu ku sheegay qoraalkiisa.

“Kooxdii madasha calaacalka ee hal abuurku ka idlaaday waxay marayaan qiimo dhac siyaasadeed kii ugu hooseeyey abid oo qof siyaasad sheegtaa uu gaaray!” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale xusay in mucaaradka markii ay fashilmeen ay bilaabeen in ay kasoo dhex mudaaharadaan guryahooda, iyaga oo wata boorar aflagaado ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Aroosyada iyo Munaasabadaha xushmad mudan ee looga yeero ayaan ogeyn in ay ku dhex matagaan, gogol dadka kale dhigtay oo lagu maamuusay ay ka dhex calaacalaan, hadda waxa ay marayaan markii ay u waayeen taageerayaal ku raacsan afkaartooda gurracan ee shisheeyuhu hoosta ka soo riixayo in ay boorar aflagaado ku qoran tahay ay daabacaan oo ay guryaha ay deggan yihiin ku dhex mudaaharaadaan” ayuu sii raaciyay Wasiirku.

Sidoo kale, wuxuu sii raaciyay “Waxa la fashilin doonaa isku day kasta oo ay kooxahaasi isugu dayaan in ay ku marin habaabiyaan shacabkeena isla markaana ay ku qalqal-geliyaan Amniga iyo dawladnimada”.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka, isaga oo yiri “Dadka Soomaaliyeed waa ku mahadsan yihiin in ay arkeen kuwaas mar horena ka leexdeen, intooda badan waa niman xilalkii ay qabteen ku soo fashilmay, oo aan rajo badan ka qabin in ay talada dalka qabtaan, waa saaxiibada Xamiidati, Cayduruus Alzubaydi iyo kuwo kale oo dalalkooda in ay burburiyaan loo hawlgeliyey”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo todobaadkii hore siyaasiyiinta mucaaradka oo ay wehliyaan qaar ka mid ah dhalinyarada Muqdisho ayaa mudaharaad ka dhan ah dowladda ku qabtay xarunta xisbiga Himilo Qaran. Mas’uuliyiinta ayaa watay istiikaro ay ku yaallaan sawirrada Sacdiyo Macalin Cali, Najiib Cali Cosoble iyo Sharmaarke Maxamuud Axmed oo ka mid ah dhalinyarada xisbiga Himilo Qaran, kuwaas oo dhammaantood u xiran dowladda.

Israel oo Imaaraadka gaysay ciidamo iyo nidaam difaac

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta u dirtay nidaamka difaaca cirka ee loo yaqaano Iron Dome iyo ciidamo qaabilsan hagidda nidaamkaas xilliyadii hore ee uu bilowday dagaalka lala galay Iiraan, sida ay xaqiijiyeen laba sarkaal oo Israa’iili ah iyo hal sarkaal oo Mareykan ah oo la hadlay warbahainta Axios.

Iskaashiga dhinacyada milateriga, amniga iyo sirdoonka ee u dhexeeya Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta ayaa gaaray heerar cusub intii lagu jiray dagaalka. Tallaabadan aan horay loo arag ee la xiriirta in nidaamka Iron Dome la daabulo xilliga dagaalka ayaa ah mid aan markii hore la shaacin.

Tan iyo markii uu dagaalku qarxay, Imaaraadka ayaa ahaa dalka aadka ay u beegsanaysay xukuumadda Iiraan marka loo eego waddamada kale ee gobolka. Sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka, Iiraan ayaa dalkaas ku soo riday in ka badan 550 gantaallada nooca ballistic-ga iyo kuwa riddada dheer (cruise missiles), iyo in ka badan 2,200 oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan drones-ka.

In kasta oo inta badan gantaalladaas iyo diyaaradahaas hawada lagu burburiyay, haddana qaar ka mid ah ayaa ku guuleystay inay ku dhacaan bartilmaameedyo milateri iyo kuwo rayid ah oo ku yaalla gudaha dalkaas.

Weeraradan baaxadda leh ee uu Imaaraadku la kulmay ayaa ku riixay dalkaas inuu gacan-siin weydiisto xulafadiisa. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku amray Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) inay xirmo ka mid ah gantaallada ka hortagga ah ee Iron Dome iyo tobanaan askari oo isku-dubarida u diraan Imaaraadka, kaddib wada-hadal dhanka taleefanka ah oo dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Imaaraadka Maxamed bin Saayid, sida ay xuseen saraakiisha Israa’iil.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee Israa’iil ay nidaamka Iron Dome u dirto waddan kale, iyadoo Imaaraadku uu noqday dalkii ugu horreeyay ee ka baxsan Mareykanka iyo Israa’iil ee nidaamkan laga isticmaalo, sida uu sheegay sarkaal sare oo Israa’iili ah. Nidaamkan ayaa ka hortagay oo burburiyay tobanaan gantaal oo ay Iiraan soo riday, sida uu xaqiijiyay sarkaal kale.

Labada dal ayaa si dhow isugu dubaridayay arrimaha milateriga iyo kuwa siyaasadda tan iyo markii uu dagaalku billowday. Sidoo kale, Ciidamada Cirka ee Israa’iil ayaa fuliyay duqeymo is-xigxiga oo ay ku burburinayeen gantaallada riddada gaaban ee la soo dhoobay koonfurta Iiraan, kahor inta aan loo adeegsan in lagu weeraro Imaaraadka iyo dalalka kale ee Gacanka.

Daabulidda ciidamo Israa’iili ah oo ka hawlgala gudaha Imaaraadka ayaa noqon karta arrin xasaasiyad siyaasadeed ka dhalisa gobolka Khaliijka. Balse, saraakiil Imaaraati ah ayaa sheegay in dagaalka Iiraan uu beddelay aragtidii iyo fikirki dad badan oo ku nool Imaaraadka.

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa tilmaamay in cid kasta oo gacan ka geysaneysa difaaca dalka loona arko inay ka hortagayso weerarada Iiraan loo soo dhoweyn doono si wanaagsan. Dhanka kale, go’aanka Netanyahu uu nidaamka difaaca cirka kula wadaagay Imaaraadka xilli Israa’iil qudheedu ay wajaheysay weeraro culus ayaa suurtagal ah inuu dhaliyo caro iyo falcelin xooggan oo ka dhalata gudaha dalkiisa.

Israa’iil iyo Imaaraadka ayaa kala saxiixday heshiis nabadeed sanadkii 2020-kii. In kasta oo ay jireen kala-aragti-duwanaansho ku aaddan arrimo ay ka mid tahay xaaladda Gaza tan iyo xilligaas, saraakiisha labada dhinac ayaa aaminsan in iskaashigoodu uu haatan marayo heerkii ugu dhowaa ee ebid soo mara.

Daariq Al-Oteyba, oo horay sarkaal uga ahaa golaha amniga qaranka ee Imaaraadka, ayaa maqaal uu u qoray Machadka Dalalka Gacanka Carabta (AGSI) ku sheegay in Israa’iil ay ka mid ahayd dalalka u istaagay inay gargaar dhab ah siiyaan Imaaraadka.

Wuxuu qoray: “Ugu horreyn, Mareykanka iyo Israa’iil waxay caddeeyeen inay yihiin xulufo dhab ah, iyagoo ina siiyay taageero iyadoo loo marayo gargaar milateri oo ballaaran, is-dhaafsiga sirdoonka iyo garab istaag diblomaasiyadeed.”

“Marnaba ma illaawi doonno,” ayuu yiri sarkaal sare oo Imaaraati ah oo ka hadlayay caawimaadda Israa’iil iyo Netanyahu ay u fidiyeen xilli xasaasi ah. Sarkaal labaad ayaa xusay in arrintani ay sidoo kale dhab ka tahay waddamadii kale ee u istaagay ka qeyb galka difaaca Imaaraadka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Faransiiska, Ingiriiska, Talyaaniga iyo Australia.

“Wuxuu ahaa xilli indhaha inoo furay. Si aan u ogaanno ciddii ah saaxiibadeenna dhabta ah,” ayuu kusoo xiray sarkaalka Imaaraatiga ah.

Saddex hab oo Turkiga uu ku ciqaabi karo Israa’iil, haddii xiisadda ay ka sii darto

Ankara (Caasimada Online) – Dagaalka dhanka afka ah ee u dhexeeya dalalka Turkiga iyo Israa’iil ayaa si weyn u xoogeystay toddobaadyadii la soo dhaafay, taas oo bannaanka soo dhigtay khilaaf qoto dheer oo u dhexeeya labadan awoodood ee gobolka.

Wejiga ugu dambeeyay ee cadaawaddan ayaa billowday markii xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee magaalada Istanbul uu dacwad kusoo oogay 35 shakhsi, oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu. Eedeymahan ayaa salka ku haya weerarkii sanadkii hore lagu qaaday doonyaha gargaarka ee Global Sumud Flotilla xilli ay marayeen biyaha caalamiga ah.

Dacwadda xeer-ilaaliyaha, oo lagu dalbaday xabsiyo dhaadheer, ayaa Netanyahu u arkay tallaabo sii hurinaysa xiisadda. Maadaama lagu jiro sanad doorasho, ra’iisul wasaaraha Israa’iil wuxuu u baahnaa inuu difaaco sumcaddiisa siyaasadeed, gaar ahaan xilli xabbad-joojinta Mareykanka iyo Iiraan ay hoos u dhigtay taageeradiisii gudaha dalkiisa.

Si uu uga jawaabo, Netanyahu ayaa adeegsaday barta xiriirka bulshada ee X, isagoo ku eedeeyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan inuu xasuuqayo muwaadiniintiisa Kurdiyiinta ah. Netanyahu, weerarka uu ku qaaday Erdogan ayaa laga yaabaa inuu ahaa tallaabo siyaasadeed oo lagama maarmaan u ah si uu u kasbado cod-bixiyayaasha aan weli go’aanka gaarin.

Isla xilligaas, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil, Naftali Bennett, ayaa isna soo dhexgalay khilaafka, isagoo weerar afka ah oo kulul ku qaaday Turkiga. Bennett ayaa Turkiga ku sifeeyay “Iiraanta cusub”, isagoo horay u sii tilmaamay in suurtagal ay tahay in tallaabo laga qaado Ankara, wuxuuna yiri “Iiraan kaddib, faro-laab kuma fadhin doonno.”

Dagaalkan afka ah ma aha uun mid siyaasadeed, balse wuxuu abuuray cabsi ah in labada dal ay isku dhici karaan. Waa in la xusuusnaadaa in markii horeba ay jireen khilaafyo xooggan oo u dhexeeya labada waddan, kuwaas oo salka ku haya dagaalka xasuuqa ah ee Israa’iil ay ka waddo Gaza, dowladda cusub ee ka dhalatay Suuriya, iyo loollanka guud ee gobolka—oo ay ku jirto xiriirka sii xoogeysanaya ee Israa’iil ay la leedahay dalalka Greece iyo Qubrus.

Haddaba, maxaa dhici kara haddii Turkiga iyo Israa’iil ay qaadaan tallaabooyin adag oo ay ku gooyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, ayna galaan iska-hor-imaad?

Qulqulka shidaalka

Falanqeeyayaal badan ayaa ku dooday in Turkigu uu joojin karo qulqulka shidaalka Azerbaijan ee soo mara dhuumaha Baku-Tbilisi-Ceyhan, haddii amnigiisa qaran uu halis galo. Shidaalkan ayaa la sheegay inuu daboolo qayb weyn oo ka mid ah baahida tamarta Israa’iil, isagoo bixiya ku dhawaad boqolkiiba 50 isticmaalkeeda shidaalka.

Inkastoo Turkigu uu cunaqabateyn ganacsi saaray Israa’iil tan iyo bishii May 2024, haddana shidaalku wuu sii socday, iyadoo la sheegay in ganacsatada iyo iibsadayaashu ay adeegsanayaan habab isku-dhafan si ay u sii wadaan socodka shidaalka, oo ay ku jirto adeegsiga maraakiibta si qarsoodi ah u shaqeysa ee loo yaqaano (shadow fleet).

Haddii Turkigu uu adeegsado awoodda uu ku leeyahay Azerbaijan oo uu xiro tuubooyinka, shaki la’aan waxay abuuri doontaa carqalad muddo gaaban ah, balse lama oga inta ay sii socon doonto.

Xilligan, ma jiraan cunaqabateyno caalami ah oo dhanka tamarta ah oo saaran Israa’iil, waxayna shidaal ka iibsan kartaa suuqyada furan. Intaas waxaa dheer, mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa muddo dheer ku doodayay in iibsashada shidaalka Azerbaijan ay u adeegayso ilaalinta xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin xukuumadda Baku, isla markaana Asarbajaan ay dooneyso inay dhowrto iskaashigaas istaraatiijiyadeed.

Xayiraadda hawada

Tallaabo kale oo ciqaab ah oo inta badan laga doodo ayaa ah in Turkigu uu hawadiisa ka xiro duullimaadyada rayidka ah ee Israa’iil. Tani waxay horseedi kartaa koror ku yimaada qiimaha tikidhada shirkadaha diyaaradaha ee Israa’iil iyo kuwa caalamiga ah.

Jidadka dhaadheer waxay ka dhigan yihiin isticmaalka shidaal badan, saacadaha shaqada shaqaalaha oo kordha iyo carqaladeyn ku timaada jadwalka duullimaadyada, kuwaas oo dhammaantood sababi kara in qiimaha tikidhada ay qaali ku noqdaan shacabka Israa’iil, faa’iidada shirkadahana ay hoos u dhacdo.

Gaarista dalalka sida Ruushka iyo Azerbaijan ayaa noqon karta mid dhib badan, balse dhibaatooyinkaas waxaa lagu yareyn karaa in laga duulo dul-mareenka Badda Madow (Black Sea).

Sidoo kale, duullimaadyada kale ayaa laga weecin karaa hawada Turkiga. Helitaanka Israa’iil ee marinnada hawada ee beddelka ah—sida hawada Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee gobolka oo si tartiib-tartiib ah u furmayay sanadihii la soo dhaafay—ayaa si weyn u yareynaya saameynta istaraatiijiyadeed ee xayiraad kasta oo ka timaada Turkiga, balse dalalkaas ayaa suurta-gal ah in ay dib uga xertaan hawadooda Israa’iil.

Ganacsiga laba geesoodka ah

Ganacsiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Turkiga iyo Israa’iil ayaa si weyn hoos ugu dhacay tan iyo markii la soo rogay cunaqabateynta ganacsiga, balse qaar ka mid ah badeecadaha Turkiga ayaa weli Israa’iil ku gaara ayaga oo maraya dalal saddexaad.

Dalxiisayaasha Israa’iil ee taga Turkiga, inkastoo ay gaareen tobanaan kun sanadkii 2025, haddana ma aha kuwo tiro ahaan saameyn weyn leh oo dhaawac dhaqaale gaarsiin kara Israa’iil haddii Ankara ay ka hor istaagto inay u safraan dalkeeda.

Awoodda xaddidan ee Ankara ay ku leedahay Israa’iil ayaa ka dhalatay isku-tiirsanaan la’aanta dhabta ah ee u dhexaysa labada waddan. Ganacsiga laba geesoodka ah ayaa horay u ahaa mid si weyn faa’iido ugu leh Turkiga, balse in badan oo ka mid ah ayaa la hakiyay sababo la xiriira xasuuqa Gaza.

Halka il ee laga yaabo in lagu gor-gortami karay waxay ahaan lahayd mashruuca dhuumaha gaaska ee EastMed oo muddo dheer laga wada hadlayay, kaas oo la doonayay inuu gaaska Israa’iil iyo Falastiin geyso Turkiga si looga dhoofiyo qaaradda Yurub. Balse dagaalka Israa’iil ay ku qaadday Gaza ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray mashruucaas.

Marka laga soo tago dhismaha awooddiisa milateri, maalgashiga warshadaha difaaca iyo xoojinta awooddiisa is-horteegga, xukuumadda Ankara waxay u muuqataa inay isku dayayso inay saameyn ku yeelato dhaqanka Israa’iil iyadoo sii xoojinaysa xiriirka ay la leedahay dalalka gaashaanbuurta NATO iyo isbaheysiga ay la leedahay awoodaha waaweyn ee gobolka sida Pakistan, Sacuudi Carabiya iyo Masar.

Turkiga ayaa u muuqda mid aaminsan in xiriirka isku-dhafan ee uu la leeyahay Midowga Yurub, doorkiisa muhiimka ah ee qaab-dhismeedka amniga Yurub, xiriirka gaarka ah ee uu la leeyahay Ruushka iyo Ukraine, iyo cilaaqaadka sii kordhaya ee qaaradaha Afrika iyo Aasiya, ay ku filan yihiin inay abuuraan lakabyo difaac oo ka hortagi kara in xiisaddu ay gaarto heer gacan-ka-hadal ah mustaqbalka.

Shabaab loo diyaarinayay inay weeraraan Itoobiya oo la duqeeyay + Khasaaraha

0

Jilib (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaaradeed oo saacadihii ugu dambeeyay ka dhacay gobollada Jubbada Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ee Jubbada iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeymo is xig-xigay oo ka kala dhacay degmooyinka Sablaale, Kunyobarrow iyo deegaanka Yaaqbariweyne ayaa waxaa lagu beegsaday dagaalamayaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, iyada oo lagu dilay ugu yaraan ilaa 30 xubnood.

Ilo wareedyo amni ayaa sheegay in xubnahan lagu diyaarinayay goobaha lagu duqeeyay, ujeedkoodana uu ahaa inay weerarro ka fuliyaan gudaha Itoobiya, haseyeeshee laga hortegay qorshahooda, kadibna cagta la mariyay.

Sidoo kale, waxaaa la burburiyay xarumo muhiim ah oo ay ku jiraan kaydad hub oo ay lahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee la duqeeyay.

Dhinaca kale, duqeyn kale oo iyana ka dhacday degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa lala beegsaday hoggaamiyeyaal ka tirsanaa Khawaarijta oo la socday gaari, kaas oo dhulka lala simay.

Horjoogayaashaas oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaaniib ayaa saarnaa baabuurka la beegsaday, waxaana la sheegay inay u socdeen shir kooxda ah, balse kahor lala helay gantaal culus, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in war rasmi ay kasoo saarto weerarkan cusub, soona bandhigto khasaaraha guud ee gaaray Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah ayaa sare u qaaday howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyada oo laga soo hooyay guullo wax ku ool ah, maadaaama ciidamadu ay dib ula wareegeen deegaano muhiim ah oo laga saaray kooxda.

 

 

duqeyn jilib gaari shir ku socdeen, hoggaamiyeyaah

Sablaale, Kunyobarrow iyo Yaaqbariweyne 30 dagaalmie qaybtood lo diyarayanya deegaano kamid ha dalka tobiya goobta tababarja dqeyn

xarumo kayd ah duqeymaha hub, uto hubbaland

ilo areedyo amniga xliii loogu talalagay duqeyn d=

Xogta markab siday xamuul oo lagu afduubtay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) Koox burcad badeed ah ayaa afduubatay markab nooca xamuulka qaada ah oo ay saarnaayeen 16 qof oo shaqaale ah, xilli uu marayay xeebaha gobolka Mudug ee Puntland, sida ay xaqiijiyeen ilo amniga ah.

Markabka ayaa ku gooshayay Calanka Panama, waxaana lasoo wariyay inuu kusii jeeday dhana dalka Mozambique, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyadu.

Shaqaalaha saaran markabka ayaa 10 kamid ah waxaa la xaqiijiyey inay yihiin Carab, waxaana la baxsaday burcadda hubeysan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in markabka la afduubtay uu alaab kala duwan u siday shirkad xamuul ah oo laga leeyahay Yurub.

Markabkani xamuulka ah ayaa sidoo kale leh Wiish awood u leh in uu deked la’aan agabyo ku dajiya doon ama markab kale, taas oo shaki abuurtay, maadaama xiliga la qabsanayay uu ku jiray biyaha Soomaaliya, kana durgay biyaha caalamiga ah.

Waa afduubkii labaad oo maalmo gudahood ah ka dhacaya biyaha Soomaaliya, waxaana dhawaan sidaan oo kale loo afduubay markab qaada shidaalka oo ay saarnaayeen 17 qof oo shaqaale ah.

Markabkaas oo lagu magacaabo Honour 25, ayaa waxaa gacan-ku-hayntiisa  la wareegay lix nin oo hubeysan goor dambe oo Arbacadii ah, xilligaas oo uu qiyaastii 30 mayl-badeed u jiray xeebta.

Qiyaastii ilaa 3 sano ka hor, falalka burcad-badeednimada ayaa u muuqday kuwo gabi ahaanba ka ciribtirmay biyaha Badweynta Hindiya oo horay ugu caan baxay afduubka, balse dib ayay arrintaas u soo laabatay iyadoo inta badan la beegsanayo doonyaha kalluumeysiga iyo maraakiibta xamuulka.

Somaliland oo sheegtay inay ka naxday isku daygii dil ee madaxweyne TRUMP

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Somailand, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa ka hadlay isku daygii dil ee uu ka bad-baaday Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, xilli uu nin hubeysan ku weeraray hoteelka Washington Hilton.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa shaaca ka qaaday inuu ka naxay weerarka lagu qaaday Trump, isaga oo si adag u cambaareeyay.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in Xukuumadda Somaliland ay garab taagan tahay dowladda Mareykanka, sida uu ku caddeeyay qoraalkiisa.

“Aad ayaan uga naxay ugana xumahay isku daygii weerar ee lagu qaaday madaxweyne Trump. Waxaan garab taaganahay Mareykanka” ayuu yiri Cirro.

Trump ayaa habeenkii Sabtida fadhiyay masraxa hoteelka Washington Hilton, oo  ay ka socotay casho-sharafeedka wariyeyaasha Aqalka Cad (White House Correspondents’ Dinner), waxaana wehlinayay Madaxweyne Ku-xigeenka JD Vance, afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt iyo mas’uuliyiin ka tirsan ururka wariyeyaasha Aqalka Cad, iyadoo si lama filaan ah loo maqlay dhawaqa rasaas xooggan xilli martidu ay ku guda jireen cunteynta hoolka weyn ee munaasabadda.

Madaxweynaha ayaa dib ka sheegay in markii hore uu u qaatay in saxan weyn uu dhacay maadaama dhawaqu ula muuqday mid “aad u fog,” balse wuxuu xusay in marwada koowaad ay si degdeg ah u dareentay khatarta.

“Waxaan u malaynayaa inay markiiba ogaatay waxa dhacay,” ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta isagoo ku sugan Aqalka Cad, wuxuuna xusuustay in Melania Trump ay ku tiri: “Kani waa dhawaq xun.”

Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ilaalada ay si degdeg ah uga dejiyeen masraxa, isaga oo xaqiijiyay in ciidamadu ay qabteen shakhsigii laga shakiyay, isla markaana hal askari oo ka tirsan ilaalada gaarka ah uu ka badbaaday xabbad meel dhow lagaga dhuftay jaakaddiisa xabadda celiysa.

Si kastaba, ninka eedeysanaha ah ee weerarka gaystay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cole Allen, oo 31 jir ah, kaaas oo kasoo jeeda Torrance, California, sida ay sheegeen laba sarkaal oo ka tirsan hay’adaha amniga oo xog-ogaal u ah baaritaanka. Booliska ayaa sheegay in Allen uu marti ka ahaa hoteelka Washington Hilton, halkaas oo munaasabadda lagu qabtay, isla markaana uu watay qori, bastoolad iyo mindiyo. Mas’uuliyiintu ma aysan shaacin sabab

CC Shakuur: Muqdisho way dhismaysaa, laakiin ma korayso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda Muqdisho, gaar ahaan dhismayaasha iyo laamiyada, maadaama ay soo martay marxalado kala duwan.

Warsame ayaa qoraalkiisa ciwaan uga dhigay “Muqdisho way dhismaysaa, laakiin ma korayso” isaga oo is-barbar dhig ku sameeyay dhismaha daaraha dhaadheer, burburka laamiyada iyo bulaacadaha qulqulaya, maadaama la galay xilli roobaad.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran;- 

Muqdisho daaruhu samada ayey la tartamayaan, haseyeeshee bullaacadaha dhinac qulqulaya, jidadka burbursan iyo Lo’da hoos harsata ayaa kashifaya xaqiiqo aan qarsoonayn oo ah in quruxdu dusha sare oo keliya tahay. Sidaa oo ay tahay canshuur sedax cayn ah ayaa qoray caaradii looga qaadaa daaraha iyo dadka degan adeegna looguma qabto.

Geel, lo’ iyo dameero ayaa wadooyinka kula loollama gawaari qurxoon ee qaaliga ah, qaarkoodna buruufta yihiin. Sidaas ayay laba adduun isu dhex jiraan mid aan weli dhammaan noloshii miyiga, dhaqankii qabiilka, iyo fikirkii baadiyaha iyo mid bilow ah oo aan weli hana qaadin, dhaqan magaalo, dowladnimo casri ah iyo fikir ku dhisan muwaaddinnimo.

Magaaladu marka salaadda Subax dhowdahay, waxay isu beddeshaa meel sawaxanka iyo codadku samada isku shareeraan; aadaan, digri iyo wacdi ayaa is qabsada. Qofkii waayeel ah ama nugul ee sugaya in makarafoonnadu yara aamusaan, waxaa mar qura is qabsada naadada waratada, biraha la tumayo, mashiinnada shamiitada, hoonka gawaarida iyo guuxa diyaaradaha, dhawaq kasta wuxuu doonayaa in uu ka sarreeyo kan kale.

Colaadii, Qaraxii, dilkii qaxii way yaraadeen, marka laga reebo barakaca ay dawladu wado iyo dadka lagu dilo hawlgaladaas. Laakiin fiidkii jugta rasaasta iyo madaafiicda argagaxa leh ee tababbarka ciidanka iyo tijaabada ayaa wadnaha gilgila qofki aan la qabsan. Tani waxay ku xasuusinayaan xaqiiqo aan la dafiri karin oo ah in weli amni iyo xasillooni la isku haleeyaa jirin, nabaduna aysan ahayn maqnaanshaha colaadda, balse ay tahay jiritaanka caddaaladda.

Si aad u gaarto maqaaxiyaha ifiya ee quruxda badan, ama uga soo adeegato suuqyada casriga ah ee magaalada waa in aad soo martaa baro-koontorool oo ay askar kala duwan oo qoryo qalka kaa gelinaya, waddooyin jajaban, godad biyo fadhiyaan iyo qashin dabayluhu kala haatiyeen. Gudaha, shaaha iyo kabashiin ayaa lagu cabbaa iftiin diirran hoostiis, bannaankana, bullaacaduhu weli waa qulqulayaan, waa meerto aan dhammaad lahayn.

Maalmahan, Malabaani ayaa noqotay casho la xiiseeyo; waa Canbuulo aad u qoyan, saliid macsaro ka buuxdo, Sonkor xad-dhaaf ah lagu daray, caano garoor ama suusac ah lagu shubay, waa macaan, dhanaan, biyo iyo dufan la isku walaaqay.

Daarta dheer, bullaacadda, lo’da, buruufta, geela, dameerka, qashinka, askarta, madaafiicda, iyo moolka casriga ah dhammaantood waa isku qooshan yihiin. Muqdisho dhinac kasta dhadhankeedu iyo dhaqankeedu waa Malabaani.

Suuqyadu waa casri, maqaaxiyadu waa kaahayaan, hoteelladu muuqaal caalami ah ayey leeyihiin, bangiyadu tiknoolojiyadii ugu danbaysay ayay ku shaqeeyaan, internet ku waa xawaare sare, wax walba waxay u eg yihiin horumar marka laga eego muuqaalka.

Laakiin halbeegga dhabta ah ee horumarka iyo nolol casri ahi waa dhismayaalka aanu indhuhu qaban: waa sharci sarreeya, waa nidaam caddaaladeed oo aan eex lahayn, waa dowlad xaqsoor leh, waa qiyam bulsho oo danta guud la wada leeyahay, waa hawl u baahan feker, dhaqan magaalo iyo ilbaxnimo ummadeed oo ku dhisan muwaaddinnimo, xuquuq iyo waajibaad isu dheellitiran.

Muqdisho lagama xiiseeyo afkaaraha, suugaanta, taariikhda, dhaqanka, diinta, iyo fahamka dunida iyo fasirka duruufaha nolosha ee lagu dhisi lahaa dawlad iyo nidaam, balse waxaa loo arkaa macno iyo dan la’aan. Taas aayaana keenaysa in nidaamka iyo fawdadu is barbar socdaan, noloshii miyiga iyo tii magaalada  isdhexyaacayaan.

Waa nolol u muuqata in ay iftiimayso, laakiin weli hoos mugdi ka ah. Muqdisho waa dhismaysaa, laakiin ma laha dhaqan ilbaxnimo iyo hay’ado dowladeed oo isu dheellitiran oo koriya.

Waa kuma Cole Tomas Allen? – Ninkii isku dayey inuu dilo madaxweyne Trump

Washington (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Mareykanka ayaa xiray nin hubeysan oo lagu eedeeyay inuu xoog ku galay barxadda hore ee hoolka ay ka socotay Casho-sharafeedka Wariyeyaasha Aqalka Cad (WHCA) oo ka dhacaysay hoteel ku yaalla magaalada Washington, DC, taas oo uu ka qaybgalayay Madaxweyne Donald Trump.

Dhawaqa rasaasta ayaa sababtay in si degdeg ah goobta looga saaro madaxweynaha iyo xubnaha golihiisa wasiirrada, iyagoo laga fogeynayo munaasabadda warbaahinta ee habeenkii Sabtida ka socotay hoteelka Washington Hilton. Madaxweyne Trump ayaa markii dambe dhacdadan ku tilmaamay weerar uu geystay “shakhsi doonayay inuu khaarajiyo”.

Ciidamada ammaanka ayaa rasaas ku furay eedeysanaha kaddib markii uu xoog ku dhaafay bar-koontarool oo ku taalla bannaanka hoolka hoteelka, halkaas oo ay isugu yimaadeen madaxweynaha, Marwada Koowaad Melania Trump, mas’uuliyiin sarsare iyo boqollaal marti sharaf ah.

Ninkan oo warbaahinta Mareykanku ay magaciisa ku sheegtay Cole Tomas Allen oo 31 jir ah, ayaa lagu xiray goobta ay wax ka dhaceen, inkastoo aan weli la soo saarin xaqiijin rasmi ah oo ka timid laamaha dowladda.

Xaalad argagax leh ayaa hareereysay madasha, iyadoo dadku ay gabaad ka dhigteen miisaska hoostooda xilli ciidamada ilaalada gaarka ah ee Secret Service ay buux dhaafiyeen munaasabadda quruxda badan ee sanadlaha ah.

“Nin ku hubeysan hub kala duwan ayaa soo weeraray bar-koontarool oo ammaan ah, waxaana dhulka dhigay xubno aad u geesiyaal ah oo ka tirsan Secret Service-ka,” ayuu Trump ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad wax yar kaddib markii ay dhacdadani dhacday.

Madaxweynaha ayaa intaas raaciyay in laamaha amnigu ay aaminsan yihiin in ninku uu ahaa gacan-ku-dhiigle keligiis socday, isaguna uu dareenkaas la qabo. Hadalkan ayuu jeediyay kaddib markii uu soo bandhigay muuqaal muujinaya eedeysanaha oo si xawli ah ku dhaafaya ciidamada amniga iyadoo ilaaladuna ay qoryahooda la soo baxayaan.

Maxaa laga og yahay Cole Tomas Allen?

Saraakiisha fulinta sharciga oo aan wali si rasmi ah u shaacin magaca ninkan ayaa sheegay inuu deggen yahay magaalada xeebta ah ee Torrance ee gobolka California, taas oo ku taalla xaafadda South Bay ee u dhow Los Angeles.

Taliyaha waaxda booliska ee Washington, DC ayaa sheegay in baarayaashu ay aaminsan yihiin in eedeysanuhu uu hoteelka deggenaa maadaama uu marti ku ahaa, inkastoo aan wali la ogaan ujeeddada dhabta ah ee falkan ku riixday.

Qoraallo la soo dhigay barta Facebook oo u muuqda inay la xiriiraan Allen ayaa muujinaya in bishii Diseembar 2024 loo aqoonsaday “Macallinkii Bisha” ee laanta Torrance ee xarunta C2 Education, oo ah shirkad bixisa tababarro gaar ah iyo diyaargarowga imtixaannada ardayda u socota jaamacadaha.

Sidoo kale, boggiisa xiriirka xirfadleyda ee LinkedIn ayaa ninkan ku sifeeyay inuu yahay injineer farsamo iyo saynisyahan kombuyuutar, horumariye Games, iyo inuu yahay macallin dabiici ah.

Diiwaannada maaliyadda ee ololaha doorashooyinka federaalka ayaa muujinaya in Allen uu 25 doolar ugu deeqay guddi taageerayay ololihii madaxweynenimo ee Kamala Harris sanadkii 2024. Dhanka kale, Madaxweyne Trump oo la hadlay suxufiyiinta ayaa meesha ka saaray in toogashadan ay xiriir la leedahay dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iiraan, isagoo caddeeyay in aysan jirin wax caddaynaya arrintaas, weerarkuna uusan ka hor istaagi doonin guusha dagaalkaas.

Marka la eego tallaabooyinka amniga ee hoteelka, sii-hayaha xilka taliyaha booliska caasimadda, Jeffery Carroll, ayaa saxafiyiinta u sheegay Sabtidii in baarayaashu rumeysan yihiin in eedeysanaha uu deggenaa hoteelka, taasina ay tahay sida uu ugu suurtagashay inuu halkaas ku sugnaado xilliga munaasabadda.

Hoteelka ayaa guud ahaan laga xiray dadweynaha laga bilaabo 2-dii duhurnimo ee Sabtida si loogu diyaar-garoobo cashada oo bilaabanaysay 8-dii fiidnimo. Iridda hore, tobanaan qof oo dibadbaxayaal ah ayaa isugu yimid roobka dhexdiisa, kuwaas oo inta badan dhaliilayay warbaahinta ka qaybgalaysay munaasabadda.

Gelitaanka hoteelka ayaa lagu xaddiday martida halkaas deggen, dadka sita tikidhada cashada, dadka haysta casuumaad, ama dokumiintiyo cadeynaya inay ka tirsan yihiin munaasabadda. Ku dhawaad 2,300 oo marti ah oo ku sugnaa hoolka weyn ee dhulka hoostiisa ah ayaa maray baaritaanno dhowr ah oo adag oo ay ka mid ahaayeen in la marsiiyo aaladaha baarista biraha ee ay gacanta ku hayeen hay’adaha amniga.

Muuqaal uu faafiyay Trump ayaa muujinayay eedeysanaha oo orod ku dhaafaya saraakiil amni oo u muuqday inay furfurayaan aaladaha baarista biraha. Maadaama madaxweynuhu uu fariistay hoolka, lama oggolayn in dad dheeraad ah ay soo galaan aagga la sugay, waana sababta aaladahaas loo furfurayay.

Agaasimaha Secret Service-ka, Sean Curran, iyo Taliye Carroll ayaa labaduba isku raacay in nidaamkii amniga ee la qorsheeyay uu si buuxda u shaqeeyay. Balse, wariye Richard Gaisford oo Al Jazeera uga soo warramayay Washington, DC ayaa sheegay in isha lagu hayn doono bal in amnigu ahaa mid ku filan iyo in kale, isagoo intaas ku daray in maanta heli doono xog dheeraad ah oo ku saabsan ujeeddada ninkan.

Isku dayadii hore ee ka dhanka ahaa Trump?

Dhacdadani ma aha tii ugu horreysay ee la beegsado Madaxweyne Trump.

Wuxuu horay ula kulmay dhowr isku-day khaarajin iyo hanjabaado dil ah intii uu xilka hayay iyo xilliyadii ololaha. Weerarkii ugu halista badnaa wuxuu dhacay bishii Luulyo 2024 isu-soo-bax ka dhacay Butler, Pennsylvania, markaas oo nin hubeysan uu rasaas kasoo riday saqafka kore ee dhisme u dhowaa masraxa. Dhacdadaas waxaa lagu dilay hal qof, Trump ayaa dhegta laga dhaawacay, ilaaladuna waxay toogasho ku dileen ninkii weerarka soo qaaday oo 20 jir ahaa lana oran jiray Thomas Crooks.

Bilo kaddib, bishii Sebtembar, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in nin hubeysan uu ku dhuuntay garoonka Golf-ka ee Trump ee West Palm Beach, isagoo qorsheynayay inuu dilo madaxweynaha. Eedeysanahaas, Ryan Routh, ayaa la qabtay ka hor inta uusan rasaas ridin, wuxuuna bishii Febraayo ee sanadkan ku mutaystay xukun xabsi daa’im ah.

Isla bishaas Febraayo, wiil 21 jir ah oo lagu magacaabo Austin Tucker Martin ayaa isna toogasho lagu dilay kaddib markii uu qori la galay xarunta nasashada ee Mar-a-Lago ee gobolka Florida, inkastoo madaxweynuhu uusan xilligaas ku sugnayn dhismaha.

Golaha Wasiirrada Israel oo go’aan ka gaaray safiirkii loo magacaabay Somaliland

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Israel ayaa ansixiyay magacaabista Michael Lotem oo noqonaya safiirkii ugu horreeyay ee u qaabilsan Somaliland, kadib markii ay aqbaleen soo jeedintii Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Sa’ar.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda Axadda maanta, Lotem oo ahaa ergeyga meertada ah ee Israel u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha qaaradda Afrika ayaa haatan shaqadiisa u gudan doona si aan deggenaansho rasmi ah lahayn (non-resident).

Hore waxa uu u soo noqday safiirka Israel u fadhiya dalalka Kenya, Azerbaijan iyo Kazakhstan. Sidoo kale, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in magacaabistan uu hore u meel mariyay Guddiga Wasiirrada ee Magacaabista Diblomaasiyadda.

Tallaabadan ayaa timid bilo uun kadib markii Israel iyo Somaliland ay yeesheen xiriir diblomaasiyadeed bishii December 2025, taas oo ka dhigtay Israel dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madax-bannaanida Somaliland tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii.

Heshiiskaas oo la saxiixay 26-kii December ayaa dhigayay in labada dhinac ay kala furtaan safaarado, isla markaana is dhaafsadaan safiirro. Bishii Febraayo ee sanadkan, Somaliland ayaa iyaduna dhankeeda magacawday Maxamed Xaaji inuu noqdo safiirkeeda u fadhiya Israel.

Intaas waxaa sii dheeraa booqasho uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ku tagay Somaliland bishii Janaayo ee sanadkan.

Somaliland ayaa leh meel istiraatiiji ah oo ku taalla Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden), waxayna muddo dheer raadinaysay aqoonsi caalami ah, iyadoo waddamo badan ay ka cabsi qabaan in arrintaasi ay ka caraysiiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay dhiirrigeliso dhaq-dhaqaaqyada kale ee gooni-u-goosadka ah ee qaaradda Afrika.

Falcelinta Soomaaliya iyo beesha caalamka

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay, isla markaana gaashaanka u daruurtay aqoonsiga Israel, iyadoo ku adkaysanaysa in Somaliland ay tahay qayb kamid ah dhulkeeda.

Xukuumadda Muqdisho ayaa xustay in xiriir kasta oo diblomaasiyadeed oo dowlad shisheeye ay la yeelato Somaliland uu yahay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanideeda, iyadoo booqashadii Sa’ar ku tilmaantay “soo-galid aan oggolaansho loo haysan” (unauthorized incursion).

Dhanka kale, aqoonsiga Israel ayaa waxaa cambaareeyay Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta, kuwaas oo labaduba sheegay in go’aankaasi uu wax u dhimayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa dhaleeceeyay tallaabadan, halka dowladda Mareykanka ay xaqiijisay inay sii wadi doonto aqoonsiga madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taas oo ay sheegeen in “uu ku jiro dhulka Somaliland.”

Muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Badda Cas

Goobta ay ku taallo Somaliland ee Geeska Afrika oo kasoo horjeedda xeebaha Yemen, halkaas oo ay ka taliyaan kooxda Xuutiyiinta ayaa ka dhigaysa deegaan xambaarsan miisaan istiraatiijiyadeed oo weyn.

Khubarada gobolka ayaa aaminsan in xiriirka Somaliland uu Israel siinayo marin sahlan oo ay ku gaarto Badda Cas, taas oo u sahlaysa inay bartilmaameedsato falaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Kooxdan ayaa weerarro is-daba-joog ah ku qaadayay Israel iyo maraakiibta badda intii u dhaxaysay Nofembar 2023 iyo Oktoobar 2025, kahor inta aan xabbad-joojin laga gaarin xiisadda Gaza.

Dhanka kale, bishii Janaayo ee sanadkan, dowladda Somaliland ayaa si adag u beenisay warar sheegayay inay oggolaatay inay qaabiso qaxooti reer Falastiin ah oo ka yimid Gaza ama ay Israel u ogolaato inay saldhigyo milatari ka sameysato dhulkeeda si loogu beddelo aqoonsiga. Hadalkan ayaa yimid kadib markii Madaxtooyada Soomaaliya ay sheegtay in heshiiskaas qaabkaas loo dhigay.

Ugu dambayn, kulankan Golaha Wasiirrada Israel ee go’aamadan lagu gaaray ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Yahel Vilan inuu noqdo safiirka Israel u fadhiya dalka Singapore. Vilan ayaa hore u soo noqday ergeyga Israel ee dalka Kenya.

Xasan oo wada qorshe uu ugu guuleysanayo doorashada – Maxaa dhacay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga fulinta ee ururka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo golayaasha wakiillada ee dowlad-goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u bogaadiyay guddiga fulinta, isagoo ku ammaanay kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan hirgelinta qorshayaasha ururka, kuna dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo doorashooyinka qof iyo cod.

Guddiga doorashooyinka ayaa doonaya in 28-ka bishan ay maamulka Koonfur Galbeed ka qabtaan doorashooyinka isku sidkan, iyadoo sidoo kale 13-ka bisha May ay u qorsheeyeen in deegaannada maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle ay ka dhacaan doorashooyinka qof iyo cod ah ee dadweynuhu ugu codeynayaan wakiilladooda.

Halka doorashada golaha deegaanka ee maamulka Waqooyi Bari ay qabsoomi doonto 30-ka bisha June, maadaama uu leeyahay maamul dhameystiran oo leh golihiisa wakiillada iyo xukuumad.

Xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dadaalaya sidii uu u hanan lahaa codadka ugu badan ee doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo golayaasha wakiillada ee dowlad-goboleedyada, taasoo qorshaheeda uu bilaabay, xilli mucaaradku diidan yihiin hanaanka doorashooyinka socda.

Shalay, xisbiga ayaa, si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka JSP, guddoonka sare ee ururka u dalacsiiyay Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud, oo ahaa ku-xigeenka xoghayaha guud, inuu si rasmi ah u noqdo xoghayaha guud ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Sidoo kale, guddoonka sare ee ururka ayaa Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhagaweyne), oo ahaa xoghayaha arrimaha gudaha iyo siyaasadda, u dalacsiiyay inuu noqdo xoghayaha ku-xigeenka guud ee ururka.

C/llaahi Maxamed Nuur oo iska casilay xilkii la-taliyaha madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa goordhoweyd ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii la-taliyaha sare ee madaxweynaha Soomaaliya ee ka hor tagga iyo la-dagaalanka fikradaha xagjirka ah ee rabshadaha wata.

Cabdullaahi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu xilka uga tagay caqabadaha iyo is-mariwaaga siyaasadeed ee adag ee dalka ka jira.

Waxa uu sheegay in is-mariwaaga taagan uu horseedi karo xasillooni-darro siyaasadeed iyo mid amni. “Waxaan maanta, oo ay taariikhdu tahay 26-ka April 2026, iska casilay xilkii lataliyaha sare ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu yiri.

Cabdullaahi ayaa sheegay inuu dhawaan si faah-faahsan uu bulshada Soomaaliyeed ula wadaagi doono aragtidiisa ku aaddan xalka xasaradaha siyaasadeed ee xilliga kala guurka, iyadoo la filayo inuu ku biiro isbaheysiyada siyaasadeed ee mucaaradka.

“Dhawaan ayaa si faahfaahsan aragtayda ula wadaago doonaa shacabka, maadaama muddada xilhaynta hay’adaha dowladda ee la doortay ay ku egtahay 15-ka May 2026, isla markaana ay ka harsan tahay wax ka yar 20 maalmood,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 2023-kii u magacaabay Cabdullaahi Nuur inuu qabto xilka la-taliyaha sare ee uu maanta iska casilay.

Cabdullaahi ayaa si weyn loogu xasuusta inuu ka mid ahaa siyaasiyiintii sida adag uga hor tagtay mudo kororsigii Farmaajo, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa raggii ka dambeeyey in ciidan hubeysan uu gudaha u soo galo Muqdisho, si looga hor tago mudo kororsiga.

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ganacsiyo badan ku leh Muqdisho, ayaa horay saaxiib siyaasadeed ula ahaa madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda sida muuqata ay kala huleeleen, maadaama ay dowladda federaalka ku adkeysaneyso in sanad dheeri ah ku darsato, iyadoo uga qiil dhiganeysa dastuurka cusub ee la meel-mariyay.

Soomaaliya iyo Cumaan oo yeelanaya iskaashi ballaaran – Maxaa ka socda Cumaan?

0

Muscat (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cali ayaa maanta magaalada Muscat kula yeeshay saddex kulan oo heer sare ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Cumaan.

Kulamadan u dhaxeeya Soomaaliya iyo Cumaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyo kala duwan oo istiraatiiji ah.

Kulamada ayuu wasiirka la yeeshay Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Macluumaadka ee Cumaan, Saciid bin Xamuud Al-Maawali, Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Cumaan, Cabdulsalaam bin Maxamed Al-Murshidi, iyo Wasiirka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Khayraadka Biyaha, Dr. Sucuud bin Xamuud Al-Xabsi.

Intii lagu guda jiray wada-hadallada, labada dal ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga gaadiidka, isgaarsiinta iyo ICT-ga, si loo horumariyo isku xirnaanta, loona taageero isbeddelka dijitaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la dardargelinayo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dhinaca kale, kulanka la xiriiray maalgashiga ayaa diiradda lagu saaray sidii loo soo jiidan lahaa maalgelin ka timaadda Cumaan, gaar ahaan qaybaha leh fursadaha sare sida xoolaha, kalluumeysiga, dhaqaalaha badda (blue economy), duulista hawada iyo warshadaha istiraatiijiga ah.

Waxaa sidoo kale la isla qaatay in la abuuro jawi ku habboon iskaashi u dhexeeya dowlad iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed, horumarinta kalluumeysiga iyo beeraha, iyadoo la isla gartay muhiimadda maalgashi wadajir ah, dhismaha kaabeyaasha silsiladda qaboojinta (cold chain) iyo horumarinta silsiladda qiimaha wax-soo-saarka.

Wasiir Cabdisalaam Cali ayaa carrabka ku adkeeyay doorka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya ay ku leedahay isku xirka Afrika iyo Khaliijka, isagoo xusay kheyraadka ballaaran ee dalka sida xeebta dheer, xoolaha iyo awoodda beeraha, kuwaas oo Soomaaliya ka dhigaya dal leh fursado maalgashi oo waaweyn.

Dhankiisa, dowladda Cumaan ayaa mar kale xaqiijisay taageeradeeda ku aaddan madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo labada dal ay ku heshiiyeen in la sii xoojiyo wada-shaqeynta farsamo, dhiirrigelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo hirgelinta mashaariic maalgashi oo wadajir ah.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto xoojinta diblomaasiyadda dhaqaale, si iskaashiyada caalamiga ah loogu beddelo maalgashi dhab ah oo ka qeyb qaata kobaca iyo horumarka dalka.

Dowladda Saldanadda Cumaan ayaa dhawaan xaqiijisay taageerada buuxda ee ay la garab taagan tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, ayada oo si cad u diidday aqoonsiga hay’ad kasta ama maamul ka baxsan qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Badr bin Xamad Al-Busaidi ayaa mowqifkan adag ku dhawaaqay intii ay socdeen wada-hadallo uu shalay magaalada Muscat kula yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaas.

Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli Soomaaliya ay raadinayso taageero goboleed oo ballaaran si ay uga hortagto go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland, uguna magacawday ergey diblomaasiyadeed.

Dagaalka IRAN oo baabi’iyey keydkii hubka Mareykanka

Washington (Caasimada Online) — Dagaalka 38 maalmood socday ee dhex-maray Mareykanka iyo Iiraan ayaa si ba’an u yareeyey keydka caalamiga ah ee hubka muhiimka ah ee milateriga Mareykanka, arrintaas oo Wasaaradda Difaaca ee Pentagon-ka ku qasabtay inay hub uga soo wareejiso qaaradaha Aasiya iyo Yurub.

Tallaabadan ayaa dhalisay walaac xooggan oo ku aaddan diyaar-garowga xukuumadda Washington ee ka dhanka ah khataraha kaga imaan kara dalalka Shiinaha iyo Ruushka.

In kasta oo Wasaaradda Difaaca aysan si rasmi ah u shaacin tirada rasmiga ah ee gantaallada loo adeegsaday duqeynta in ka badan 13,000 oo bartilmaameed kahor xabbad-joojintii dhowaan la gaaray, haddana khasaaraha maaliyadeed ayaa ah mid aad u baaxad weyn.

Qiyaaso madax-bannaan oo ay sameeyeen Xarunta Daraasaadka Istaraatiijiga iyo Caalamiga ah ee CSIS iyo Machadka American Enterprise ayaa muujinaya in wadarta guud ee kharashka ku baxay dagaalku uu u dhexeeyo $25 bilyan ilaa $35 bilyan, taas oo u dhiganta ku dhawaad hal bilyan oo doolar maalintii. Saraakiil difaac ayaa xildhibaannada u sheegay in hub qiimihiisu dhan yahay $5.6 bilyan la isticmaalay labadii maalmood ee ugu horreeyay oo keliya.

Colaaddan ayaa si cad u iftiimisay sida weyn ee Pentagon-ku ugu tiirsan yahay hubka aadka u qaaliga ah ee hagidda casriga ah leh. Milateriga ayaa dagaalkan ku bixiyay inta badan keydkiisii gantaallada riddada dheer ee aan la arkin ee loo yaqaano JASSM-ER.

Qiyaastii 1,100 ka mid ah gantaalladan awoodda u leh inay burburiyaan dhufeysyada adag ayaa la adeegsaday, iyadoo qiimaha midkiiba uu gaarayo qiyaastii $1.1 milyan, waxaana kaydka Mareykanka ku haray ilaa 1,500 oo keliya.

Ciidamada ayaa sidoo kale riday in ka badan 1,000 gantaallada riddada dheer ee Tomahawk, taas oo qiyaastii toban jeer ka badan tirada uu milaterigu soo iibsado sanad walba. Gantaalladan oo midkiiba uu ku kaco $3.6 milyan ayaa loo arkaa kuwo laf-dhabar u ah isku-dhacyada suurtagalka ah ee ka dillaaci kara gobolka Baasifigga, balse isticmaalkoodan xad-dhaafka ah ayaa sababay in kaydka ay ku haraan ilaa 3,000 oo kaliya.

Nidaamyada difaaca cirka iyo kuwa dhulka ayaa iyaguna si la mid ah u yaraaday. In ka badan 1,200 oo gantaallada ka-hortagga ee Patriot ayaa la riday, kuwaas oo qiimaha midkiiba uu ku dhow yahay $4 milyan. Tani waa tiro lala yaabo, maadaama Mareykanku uu sanadkii 2025-ka oo dhan soo saaray 600 oo keliya. Waxaa intaas dheer, in ka badan 1,000 gantaallada dhulka laga rido ee ATACMS iyo ‘Precision Strike’ ayaa gebi ahaanba hawlgalladaas lagu tirtiray.

Sidoo kale, milateriga ayaa la kulmay khasaare maaliyadeed oo weyn oo dhanka qalabka milateriga ee dhulka ah. Intii lagu jiray hawlgal samatabbixin ah oo ay ciidamada gaarka ah ee ‘Navy SEAL Team 6’ ka fuliyeen gudaha Iiraan, ciidamadu waxay ku qasbanaadeen inay burburiyaan laba diyaaradood oo nooca xamuulka ah ee MC-130 iyo ugu yaraan saddex helikobtar oo nooca MH-6 ah, kaddib markii ay ku xayirmeen ciidda. Burburintan kaska ah, oo loo fuliyay si looga hortago in teknoolajiyada xasaasiga ah ay gasho gacanta Iiraan, ayaa ku kacday lacag lagu qiyaasay $275 milyan.

Hoos-u-dhacan ballaaran ee loo sameeyay si loo xoojiyo Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa taliyeyaasha gobollada kale ku reebay inay la tacaalaan gabaabsi dhanka hubka ah.

Mark F. Cancian oo ah la-taliye sare oo ka tirsan CSIS, ayaa xusay in in kasta oo Mareykanku haysto kayd ku filan oo ah hubab kala duwan, qaar ka mid ah hubka muhiimka ah ee weerarada dhulka iyo kuwa difaaca gantaallada ayaa ahaa kuwo aad u yar dagaalka kahor, haddana aad uga sii yaraaday.

Sida lagu xusay xogta Pentagon-ka, ka-wareejinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee sirdoonka iyo kuwa weerarka, iyo sidoo kale dhimista dhoolatusyada tababarka, ayaa wiiqday awoodda Taliska Yurub ee Mareykanka uu u leeyahay inuu qaado hawlgallo weerar ah ama inuu ka hortago gardarrada Ruushka ee garabka bari ee isbaheysiga NATO.

Jeneraal Alexus G. Grynkewich, oo ah madaxa Taliska Yurub ee Mareykanka, ayaa iska indho-tiray cabashooyinka tooska ah ee ku aaddan gabaabsigan, isagoo sheegay in ciidamadiisu ay ku faanayaan inay taageeraan hawlgallada taariikhiga ah ee ka dhanka ah Iiraan.

Saameynta ugu daran ayaa si gaar ah u taabatay gobolka Baasifigga. Kahor dagaalka, Pentagon-ka ayaa u weeciyay Bariga Dhexe markabka weyn ee xambaara diyaaradaha ee USS Abraham Lincoln iyo laba guuto oo ka tirsan ciidamada Marines-ka.

Arrinta ugu xasaasisan ayaa ah in milaterigu uu markii ugu horreysay ka soo raray Kuuriyada Koonfureed nidaamyada casriga ah ee difaaca cirka, oo ay ku jiraan gantaallada Patriot iyo kuwa THAAD, taas oo si weyn u wiiqday awoodda difaac ee lagaga hortagi lahaa khataraha Waqooyiga Kuuriya.

Culeyskan ayaa ku darsamaya hoos-u-dhacyo hore oo ka dhashay hawlgalkii bishii hore ee duqeymaha ahaa ee lagula beegsaday xoogagga Xuutiyiinta Yemen, kaas oo ku kacay in ka badan hal bilyan oo doolar. Admiral Samuel J. Paparo Jr., oo ah madaxa Taliska Indo-Baasifigga, ayaa dhowaan u qirtay Koongareeska in kaydka hubku uu leeyahay xad uusan dhaafi karin.

In kasta oo ay jiraan qiyaaso gudaha ah oo faahfaahinaya gabaabsigan, Aqalka Cad ayaa si fagaare ah isaga fogeeyay eedeymahaas. Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in eedeymaha ku saabsan gabaabsiga hubka ay yihiin kuwo been abuur ah, isla markaana Mareykanku uu si buuxda u heysto hub iyo rasaas ka badan inta ku filan si uu u difaaco gudaha dalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Pentagon-ka iyo xildhibaannada ayaa ka digaya in dib-u-buuxinta kaydkan ay noqon doonto dadaal dhib badan oo waqti dheer qaadan doona. Senator Jack Reed ayaa ka digay in xawaaraha wax-soo-saarka ee hadda jira, ay dib-u-dhiska kaydadka la isticmaalay ay qaadan karto sanado.

Bishii Janaayo ee la soo dhaafay, maamulka ayaa heshiisyo toddobo sano ah la galay shirkadaha waaweyn ee qandaraasyada difaaca sida Lockheed Martin si loo afar jibbaaro wax-soo-saarka hubka hagidda casriga ah leh iyo gantaallada THAAD. Hase yeeshee, ballaarinta wax-soo-saarka dhabta ah ayaa weli hakad ku jirta.

Wasaaradda Difaaca ayaa haatan sugaysa in Koongareesku uu meelmariyo maalgelin dheeraad ah kahor inta aysan shirkadaha wax soo saara siinin lacagta lagu fulinayo dalabaadkaas, taas oo milateriga ku reebaysa xaalad adag oo uu kula tacaalayo baahiyaha hawlgal ee degdegga ah isagoo adeegsanaya kayd hub oo maalinba maalinta ka dambeysa sii yaraanaya.

Wasiirkii difaaca Maali oo la dilay iyo xaaladda oo faraha kasii baxaysa

Bamako (Caasimada Online) – Wasiirkii Gaashaandhigga dalka Maali, Janaraal Sadio Camara ayaa lagu dilay weerarro qorsheysan oo lala beegsaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla guud ahaan dalkaas.

Warkan ayaa soo baxay maalin uun ka dib markii gurigiisa oo ku yaalla magaalada weyn ee taliska milatariga ee Kati uu la kulmay weerar ku bilowday qaraxyo, xilli ay weerarro isku mar ah fulinayeen kooxo xiriir la leh Al-Qaacida iyo jabhadda Tuareg.

Camara ayaa ahaa shaqsi udub-dhexaad u ahaa dowladda milatariga ah ee la wareegtay awoodda kadib inqilaabyadii is-xigay ee dalkaas ka dhacay sanadihii 2020 iyo 2021.

Ninkan ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu saameynta badan hoggaanka milatariga ee talada haya, waxaana dadka qaar u arkayeen inuu ahaa shaqsiga mustaqbalka hoggaamin lahaa dalka Maali.

Dhimashadiisa ayaa lagu tilmaamay dhabar-jab weyn oo soo gaaray ciidamada qalabka sida ee dalkaas.

Kooxaha weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay fuliyeen qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari, kaas oo lala beegsaday guriga Camara ee Kati.

Magaaladan oo si weyn loo ilaaliyo ayaa qiyaastii 15 kilomitir dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Bamako, waana halka uu sidoo kale degan yahay Madaxweynaha KMG ah, Assimi Goita.

Kati waxaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah goobaha ugu ammaanka badan dalka, haddana dagaalyahanno ka tirsan kooxda Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) ee xiriirka la leh Al-Qaacida, oo ay weheliyaan dagaalyahannada Tuareg ee ka tirsan Jabhadda Xoreynta Azawad (FLA), ayaa awooday inay soo qaadaan weerarkan.

Madaxweyne Goita ayaa la xaqiijiyay inuu nool yahay oo uu caafimaad qabo, isla markaana uu hadda ku sugan yahay goob ammaan ah. Tan ayaa ka dhigan in weli uu gacanta ku hayo taliska milatariga.

Kooxaha hubeysan ayaa sii wada weerarrada, iyagoo beegsaday dhowr goobood oo kale oo ku baahsan Maali, oo ay ku jiraan caasimadda Bamako, iyo sidoo kale magaalooyinka Gao iyo Kidal ee dhaca waqooyiga, iyo magaalada Sevare ee bartamaha dalka.

Dhawaaqa rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn ayaa weli laga maqlayay magaalada Kidal, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Bulama Bukarti, oo ah falanqeeye arrimaha ammaanka iyo siyaasadda, ayaa sheegay inay u badan tahay in “dagaallo hor leh oo loogu jiro gacan-ku-haynta dhulka iyo goobaha istaraatiijiga ah” ay dhici doonaan maalmaha soo socda.

Wuxuu sidoo kale iftiimiyay sida kooxaha hubeysan ee horay isku dagaali jiray ay hadda isku biirsadeen si ay u weeraraan cadowgooda guud oo ah dowladda Maali.

“Kuwani waa laba kooxood oo u dagaallamaya yoolal kala duwan,” ayuu yiri Bukarti oo la hadlay Al Jazeera. “Laakiin waxay isku yimaadeen sanadkii hore, waxayna sheegeen inay iska kaashan doonaan howl-gallada mustaqbalka, waxaana maalmihii u dambeeyay aan aragnay fulinta rasmiga ah ee heshiiskaas.”

Midowga Afrika, Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo Xafiiska Arrimaha Afrika ee Mareykanka ayaa dhammaantood si kulul u cambaareeyay weerarradan.

Ciidanka Badbaadada K/G oo laga saaray Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada badbaadada Koonfur Galbeed ee dhawaan magaalada Baydhabo ka saaray Cabdicasiis Lafta-gareen maanta dib loogu celiyay degmada Buurhakaba oo markii horeba laga soo qaaday.

Ciidamadan oo ka qayb-qaatay howlgalkii ciidamada dowladda ay ku galeen Baydhabo 30-kii Maarso ee sanadkan 2026, ayaa haatan laga saaray gudaha magaalada, si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada iyo hubka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa sheegay in la’isla gartay in ciidamada lagu celiyo xarumahoodii, iyaga oo laga war qabi doono, maadaama ay qabteen howl muhiim ah, ayna ku guuleysteen howlgalkii Baydhabo.

Ujeedada ugu wayn ayaa ah in la xadiido ciidamada tirada badan ee jooga magaalada, maadaama la galayo doorasho iyo tartan adag oo isku hayaan dhinacyo kala duwan oo daneynaya hoggaanka Koonfur Galbeed.

Horay ciidamadii taabacsanaa Lafta-gareen ayaa isaga baxay magaalada iyo hareeraheeda, iyaga oo gaaray qaybo kamid ah gobolka Gedo ee Jubbaland.

Arrinta ayaa kusoo aadeysa xilli maanta gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, isaga oo loo diyaarinayo inuu noqdo musharraxa JSP ku metalaya dooarashada Maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Xasan Sheekh uu ku qanciyey agaasimihii hore ee Villa Somalia, ahna saaxiib aad ugu dhow, Xuseen Sheekh Maxamuud inuu taratanka uga haro Aadan Madoobe, ayada oo si kale loo qanciyey.

Si kastaba, Arrintan ayaa tartanka ka dhigeysa mid aan u muuqan mid furan, gaar ahaan maadaama Baydhabo ay hadda ku jirto marxalad kala-guur ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay saameyn xooggan ku leedahay.

Farmaajo oo taageeray baaqii Shariif ee uu aqbalay Xasab

0

Muqdisho (Caasmada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa taageeray baaqii shalay kasoo yeeray madaxweyne hore Sheekh Shariif oo shalay dalbaday in la dhex-dhexeediyo iyaga iyo Madaxweynaha, halka dhankiisana  Xasan Sheekh uu soo dhaweeyay baaqaas oo la hordhigay odayaasha dhaqanka ee ka qayb-galay caleema saarkii Ugaaska Murusade.

Farmaajo ayaa xusay in isaguna uu codkiisa ku biirinayo in la wada-hadlo, isla markaana doorkooda ay qaataan odayaasha dhaqanka, si xal loo gaaro.

“Waxaan codkayga ku biirinayaa baaqii shalay uu soo jeediyay madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed uuna taageeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mar ay ka hadlayeen madashii caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo ahayd madal muujisay baahida ay Soomaalidu u qabto midnimo iyo wadahadal. Baaqa Madaxweynayaasha waxaa uu salka ku hayey kaalinta ay duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ee ku kulmay caasimadda dalka ay ka qaadan karaan xal u helidda ismari-waaga siyaasadeed ee dalka ka jira”. ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, wuxuu intaas sii raaciyay “Haddaba waxaan sidoo kale halkan baaq uga gudbinayaa duubabka Soomaaliyeed inay u istaagaan gudashada waajibkooda, ayna kaalin mug leh ka qaataan sidii loo gaari-lahaa xal siyaasadeed oo looga badbaado dib u laabasho siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye”.

Maxamed Farmaajo ayaa sidoo kale ka dalbaday maxdaxa mucaaradka iyo hoggaanka sare ee Villa Somalia inay si dhab ah ula shaqeeyaan odayaasha dhaqanka, si looga wada shaqeeyo sii socodka geediga dowlad dhiska Soomaaliya.

“Waxaan markale madaxda siyaasadda dalka muxaafid iyo mucaarad ugu baaqayaa inaan odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed siinno kaalin dhab ah oo ay ka qaadan karaan geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, bacdamaa ayagu ahaayeen kuwii dhisay hannaankii lagu unkay jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya”. ayuu mar kale yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay caddeeyay in aysan jirin xaalad sababi karta in dalka uu burburo, balse siyaasaddu leedahay is-rii xriix, ayna iska dhamaan doonto, isaga oo soo dhaweeyay in dhaqanku qaato doorkiisa.

“Dhaqanka Soomaaliyeedow waa joogtaan maanta waana fursad ee qofkii khaldan gacanta qabta, kan saxanna garab istaaga. Dab kama kace looma baahno dowladnimadeena waa kortay siyaasaddu is jiid jiid iyo is riix riix waa leedahay annaga kan naga dhex jiro ma ah mid burburin, dumin ama balaayo dhaceyso waana dabeecad ay siyaasadda wadato wayna hagaageysaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60