24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

Daawo: Xasan Sheekh oo jawaab culus siiyay Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay casho sharaftii uu ku maamuusay Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa jawaab culus siiyay madaxweynihii ka horreeyay Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo saacado kahor ku qaaday weerar qaawan oo ka dhan ah siyaasaddiisa arrimaha gudaha iyo dibadda.

Farmaajo oo wareysi bixiyay ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tilmaamay “shaqsi aan waxba ka aqoon siyaasadda gudaha iyo tan dibadda, sidoo kalena yahay qof aan sumcad lahayn, sida uu hadalka u dhigay.

“Laba dal oo is-haya haddaa marba maalinba mid la joogto sida aan hadda aragno, marka sumcad ma lihid, haddaa sumcad lahayn xaqiiqatan dalkaaga sumcad ma lahaanayo”. Xasan siyaasad arrimo dibadeed waxba kama yaqaano, siyaasad arrimo gudaheedna waxba kama yaqaan, midna waxba kama yaqaan”. ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Farmaajo.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Madaxweynaha Soomaaiya Xasan Sheekh Maxamuud oo isna Farmaajo ku eedeeyay in xilligiisii uu diiday inuu fursad siiyo dhinacyadii kasoo horjeeday si wada-hadlo, balse uu isagu ogol yahay.

“Saaxiibkey Farmaajo xilligiisii hal maalin intuu noo yeeray, inteenii baagamuudada ahayn, maxay idinla tahay nama dhihin? anigu waddadaas Farmaajo ee aan cidna lala tashanaynin waxaan go’aansaday inaan ka leexdo, dadka nooc kasta waan kala tashaday doorashada”. ayuu ku jawaabay Xasan.

Dhinaca kale, wuxuu ku adkeystay in dalka laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah, ayna fursad siinayaan shacabka, si ay doorashada qayb uga noqdaan.

“Dalku inuu yeesho xisbiyo siyaasadeed, isla markaana shacabka Soomaaliyeed la siiyo fursad ay doorasho qof iyo cod ah uga qeyb qaataan waan ku ad-adag nahay, waana ka dhabeyn doonaa.” ayuu raaciyay Xasan.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad xasaasi ah, waxaana la’isku hayaa nooca doorasho ee ka dhaceysa dalka, iyadoo khilaaf ay ka dhex dhalisay Villa Soomaaliya, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedka ka jira dalka.

Imaaraadka oo isaga baxay ururka OPEC, xilli ay ka dartay xiisada Khaliijka iyo Sacuudiga

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta ku dhawaaqday inay isaga baxayso dalladaha ay ku midaysan yihiin dalalka dhoofiya shidaalka ee OPEC iyo OPEC+, si ay diiradda u saarto wax ay ugu yeertay danteeda qaran, taasi oo ruxday suuqyada caalamka, xilli qiimaha tamartu uu cirka isku shareeray colaadda ka socota Bariga Dhexe darteed.

Wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM ayaa baahisay in dalkan—oo ka mid ah kuwa ugu weyn ee soo saara shidaalka adduunka, horayna uga cawday qoondada wax-soo-saarka ururka lagu xaddido—uu si rasmi ah uga bixi doono dalladda maalinta Jimcaha.

Imaaraadka ayaa xubin ka ahaa OPEC tan iyo 1967-dii, iyadoo markaas uu wakiil ka ahaa maamulka Abu Dhabi, afar sano kahor intii uusan dalku xornimada ka qaadan maxmiyaddii Ingiriiska. Dalkii ugu dambeeyay ee isaga baxa dalladdan wuxuu ahaa Angola sanadkii 2024-kii.

Bayaan ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri: “Go’aankani wuxuu ka turjumayaa aragtida fog ee istaraatiijiyadeed iyo midda dhaqaale ee Imaaraadka.” Waxaa kaloo lagu xusay in xilligii ay ka tirsanaayeen ururka ay sameeyeen tanaasul weyn oo dan u ahaa dhammaan waddamada xubnaha ka ah, balse hadda ay la gaaray waqtigii ay xoogga saari lahaayeen danta gaarka ah ee qarankooda.

Tallaabadan oo ku soo beegmaysa xilligii ugu adkaa ee suuqyada shidaalka soo mara tan iyo todobaatameeyadii, ayaa la filayaa inay wiiqdo awoodda ururka OPEC, kaas oo ay awood ballaaran ku leedahay dowladda Sacuudi Carabiya oo ay deris iyo ood-wadaag yihiin Imaaraadka. Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in arrintani ay qalqal horleh gelin doonto suuqyada shidaalka caalamka.

Xilligan la joogo, dhoofinta shidaalka Khaliijka ayaa waxaa curyaamiyay go’doominta ay Iiraan saartay Marinka Hormuz, kaas oo dhaca agagaarka Imaaraadka, caadi ahaanna qaada shan-meelood meel ka mid ah shidaalka adduunka laga isticmaalo.

Imaaraadka oo si weyn ula daalaa-dhacaya weerarada kaga imaanaya Iiraan, ayaa sidoo kale waxaa madmadow uu soo kala dhexgalay iyada iyo Sacuudiga, kaddib is-mari-waa dhexmaray ciidamo ay labada dal kala taageeraan, gudaha waddanka Yemen.

Kahor inta uusan dagaalku qarxin, Imaaraadku wuxuu ahaa dalka afaraad ee ugu shidaal soo-saarista badan 22-ka dal ee ku midoobay OPEC+, wuxuuna ku xigay Sacuudiga, Ruushka, iyo Ciraaq.

Jorge Leon, oo ah falanqeeye ka tirsan shirkadda Rystad Energy, ayaa xusay in ka bixitaanka Imaaraadku aysan isla markiiba isbeddel weyn ku sameyn doonin suuqa inta dhoofinta Marinka Hormuz ay hakad ku jirto.

Balse wuxuu tilmaamay in marka dambe uu dalkani xor u ahaan doono inuu kordhiyo wax-soo-saarkiisa, taas oo meesha ka saaraysa awooddii iyo koontaroolkii OPEC, suuqana ka dhigi karta mid aan degganayn. Dhanka kale, Jamie Ingram, oo ah tifaftire ka tirsan wargeyska Middle East Economic Survey, ayaa xaqiijiyay in ururka OPEC uu waayi doono 13% awooddiisa wax-soo-saar, bixitaanka Imaaraadka awgeed.

Ururka OPEC oo dhidibada loo taagay 1960-kii, ayaa sanadkii 2016-kii isbaheysi la sameeyay 10 dal oo kale oo soo saara shidaalka, waxaana la dhisay OPEC+ si loo kordhiyo awooddooda.

Ururku wuxuu caan baxay 1973-dii markii uu cunaqabateyn shidaal saaray xulafada Israa’iil xilligii dagaalkii Yom Kippur, arrintaas oo keentay in sicirka shidaalku uu afar laabmo dhowr bilood gudahood. Nidaamka qoondada ee ay 1980-yadii soo saareen ayaa ka caawiyay inay suuqa xakameeyaan xilliyadii qalalaasaha dhaqaalaha ee 2008 iyo dhibaatadii cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Guul u soo hoyatay Trump

Ka bixitaanka Imaaraadka ayaa guul siyaasadeed u ah Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo sanadkii 2018-kii khudbad uu ka jeediyay Qaramada Midoobay ku eedeeyay OPEC inay dhiig-miirato adduunka, isagoo ku andacooday inay shidaalka si macmal ah u qaaliyeeyaan. Trump ayaa marar badan ku celceliyay in xilli Mareykanku uu difaaco xubnaha OPEC, ay iyaguna uga faa’iideystaan inay shidaalka qaaliyeeyaan.

Go’aankan ayaa sidoo kale yimid kaddib markii Imaaraadku uu si cad u dhaliilay dalalka Carabta, isagoo ku eedeeyay inaysan gacan ka siinin difaaca dalkiisa intii ay socdeen weeraradii Iiraan.

Anwar Gargash, la-taliyaha diblomaasiyadeed ee madaxweynaha Imaaraadka, ayaa sheegay in inkastoo dalalka Gacanka ay dhanka saadka iska taageereen, haddana iskaashigooda milateri iyo midka siyaasadeed uu ahaa kii ugu liitay taariikhda. “Waxaan tabar-darri ka filayay Jaamacadda Carabta, balsema ahayn inaan arrintan kala kulmo Golaha Iskaashiga Khaliijka,” ayuu yiri Gargash, isagoo muujiyay la-yaab.

Wasiirka Tamarta Imaaraadka, Suhail Al Mazrouei, ayaa isna sheegay in adduunku uu haatan u baahan yahay tamar dheeraad ah, wuxuuna ballan-qaaday in dalkiisu uu gacan ka geysan doono baahidaas.

Bixitaanka dalkan ayaa ku soo beegmaya xilli awoodda keydka shidaalka caalamku ay aad u hooseyso. Maamulka Abu Dhabi ayaa aaminsan in ka bixitaankooda ururka ay faa’iido u tahay macaamiisha caalamka iyo dhaqaalaha adduunkaba, maadaama ay si xor ah suuqa u gelin karaan shidaal jaban oo la isku halleyn karo.

Faah-faahinta dil maanta ka dhacay magaalada Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo bxaya dil maanta magaalada Baydhabo loogu gaystay wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Soomaali, kaas oo kamid ahaa dhalinyarada caanka ah ee magaalada Baydhabo, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Cabdi Soomaali ayaa ahaa tababaraha kooxda Daarusalaam oo ka dhisan  Baydhabo, iyadoo dilkiisa ay si weyn uga xumaadeen ehelladiisa iyo bahda ciyaaraha.

Wararka ayaa intaas ku daraya in askariga ka dambeeyay dilka marxuumka gacanta lagu soo dhigay, wuxuuna ku doodayaa in rasaasta ay ka fakatay, ayna haleeshay wiilka dhalinyarada ah.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdaasi, oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dhaq-dhaqaaqyo ka socdaan Koonfur Galbeed.

Baydhabo waxaa dhawaan ka dhacayay falal ammaan darri oo isugu jiro dilal iyo dhac, iyada oo askar badan loo xiray, loona maxkamadeeyay dambiyo ka dhacay gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, waxaan haatan socota qaban qaabadii u dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka, iyadoo sidoo kale la howlgaliyay ciidamada amniga, si ay sugaan ammaanka gud ee magaalada.

Amal Garaad oo 7 bil kadib cabaneysa – Aaway ballantii Ra’iisul wasaare Xamza?

Weli ma rumoobin rajadeyda!

7 bilood iyo 11 maalmood ayaa laga joogaa maalintii uu xafiiskiisa igu qaabilay Mudane Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre. Maalintaas waxaan ahaa gabar cabasho wadata, qalbigeygana ku sidata rajo weyn-rajo ah in arrinteyda wax laga qaban doono, maadaama aan ahay tiir-dhexaadka reerkeyga.

Laakiin nasiib darro, wax walba sidii aan filayay uma dhicin. Halkii aan ka filayay xal cad, waxa keliya ee iiga baxay hadalka RW Xamze rajo ah ah in la iga warqabi doono.

Tan iyo maalintaas, ma aanan joojin dadaalka. Waxaan si joogto ah u xaadirayay wasaaraddii aan ka tirsanaa, inkasta oo baabuur-raaca uu igu ahaa culays joogto ah. Inta badan nafteyda waxaan ku sasabi-jiray “Laga yaabee in wax isbedelaan,” balse bil walba waxay igu dhammaanaysay anigoo weli rajo sugaya.

Dhanka kale, nolosheyda waxaa soo wajahay xanuun kale oo ka culus wax kasta. Aabbahay oo muddo naga xanuunsanaa ayaa ugu dambeyn naga geeriyooday 17-kii Maarso 2026. Wuxuu ahaa qofkii i garab taagnaa, i fahmayay, mar walbana igu dhiirrigelin jiray in aan samro.

aniguna waxaan ahaa arday jaamacad ka baxay oo rajeynayay in aqoontayda aan ku badbaadiyo reerkeyga. Waxaan ku riyoonayay in aan shaqeeyo, in aan noqdo qof wax tar u leh qoyskeeda-laakiin ilaa maanta, riyadaas wali ma rumoobin.

Intii uu noolaa aabbahay, mar walba wuxuu igu oran jiray “Samir, gabadheyda… maalin uun waad heli doontaa xaqaaga.” Hadalkaas weli qalbigeyga ayuu ku nool yahay.

Maanta, weli waan sugayaa… welina waan rajeynayaa. Alle ayaa mahad leh.

W/Q Amal Garaad

Wiilka Jawaari oo dhaq-dhaqaaq culus ka bilaabay Baydhabo + Sawirro

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo ah wiilka guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaalya ee geeriyooday ayaa haatan dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka bilaabay magaalada Baydhabo oo uu ka socdo ololaha doorashada Koonfur Galbeed.

Cabdicasiis Jawaari oo ah musharrax madaxweyne Koofur Galbeed ayaa dhawaan gaaray magaalada Baydhabo, si uu qayb noqda doorashada ka dhaceysa magaaladaasi.

Musharraxa ayaa maanta la kulmay hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo kusoo dhaweeyay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo.

Kulanka oo ahaa wadatashi aayaa waxa ay labada dhinac uga wada-hdleen xaaladda guud ee siyaasadeed, geeddi-socodka doorashooyinka iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wadajirka iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoggaamiyaha KMG ee dowladdu magacowday oo madasha ka hadlay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in doorashooyinka ay ku dhacaan jawi hufan, caddaalad ah, isla markaana waafaqsan shuruucda dalka.

Dhankiisa musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta diirran, wuxuuna carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada horumarinta dowladnimada, nabadda, iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Si kastaba, Kulankaa ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee ku aadan qabsoomidda doorashada Koonfur Galbeed oo haatan si weyn isha loogu hayo, maadaama lasoo dooran doono baarlamaan iyo madaxweyne cusub oo beddalaya maamulkii hore ee madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Xog: Odayaasha oo caawa la kulmaya mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho, una yimid  ka qayb-galka caleema saarka Ugaaska guud ee Beesha Murusade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde ayaa lagu wadaa in caawa ay kulan xasaasi ah la yeeshaan xubnaha siyaasiyiinta ah ee mucaaradka dalka.

Odayaashan ayaa xalay soo arkay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo kala hadlay xaaladda cakiran ee dalka, iyo sidii xal loo gaari lahaa.

Qaar kamid ah duubabka dhaqanka ayaa si adag madaxweynaha ula hadlay, iyaga oo ku adkeeyay inuu muujiyo tanaasul, dhexdana soo dhigo talada.

Dhinaca kale odayaasha dhaqanka ayaa haatan la ballansan mucaaradka, iyaga oo dhageysan doono talooyinkooda, iyadoo muhiimaddu ay tahay in la wada-hadlo, lana dajiyo xaaladda kacsan ee siyaasadda Soomaaliya.

Mucaaradka ayaa Sabtidii ka dalbaday odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed in ay soo kala dhex-galaan iyaga iyo madaxweynaha, xalna u keenaan is-mariwaaga ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka.

“Waxaan rabaa codsi aan wakiil uga aha saaxibadey oo ku aadan duubabka codsigaag oo ah in duubabka aysan bixin illaa la’iska arko oo talada siyaasadeed meel la’isla dhigo” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Xasa Sheekh ayaa isuguna dhankiisa soo dhaweeyay in odayaasha ay qayb ka noqdaan dadaallada socda. “Dhaqanka Soomaaliyeedow waa joogtaan maanta waana fursad ee qofkii khaldan gacanta qabta, kan saxanna garab istaaga”. ayuu isna yiri Xasan.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa marxalad xasaasi ah oo ka dhalatay hannaanka doorashooyinka dalka, iyada oo ay si wayn isugu hayaan madaxda Dowladda Federaalka, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada.

SACIID DENI oo shaaciyay waxa uga yaalla haddii Xasan Sheekh uu dhaafo 15 May

0

Badhan (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in wixii ka dambeeya 15-ka bisha May, haddii aan xal laga gaarin khilaafaadka jira, uusan aqoonsan doonin dowlad federaal ah oo shaqaynaysa.

Siciid Deni ayaa xusay in xilligaas kaddib mas’uuliyadda iyo jihada dalka laga sugayo shacabka iyo waxgaradka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Puntland ay qayb ka noqon doonto dadaalladaas.

Hadalkan ayuu Deni ka jeediyay magaalada Badhan, isagoo si cad u yiri, “Laga bilaabo 15-ka bisha soo socota, haddii aan la helin xal Soomaali isku waafaqsan tahay, dowlad federaal ah oo jirtaa ma jiri doonto.”

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay jiraan muranno siyaasadeed oo xooggan oo ku saabsan hannaanka dowlad-dhiska iyo doorashooyinka dalka, kuwaas oo aan weli xal mideysan laga gaarin.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Puntland ay isku filan tahay dhinacyada amniga iyo jiritaankeeda, isla markaana ay hore u qaadatay go’aanno la xiriira mustaqbalkeeda oo aan dib looga laaban doonin.

Wuxuu sheegay in go’aannadaasi ay yihiin kuwo lama taabtaan ah, ayna si adag uga hortagi doonaan cid kasta oo isku dayda falal wax u dhimaya xasilloonida iyo nidaamka Puntland.

Si kastaba, hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, kaas oo saameyn ku yeeshay wada-shaqeyntii iyo kalsoonidii dhinacyada.

Puntland ayaa sidoo kale hore u sheegtay in dalka uu galay xaalad hubanti la’aan siyaasadeed iyo amni, kadib markii uu dhammaaday muddo-xileedka baarlamaanka, iyadoo ku baaqday in ka hor dhamaadka muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh la gaaro xal wada-ogol ah, si looga fogaado firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.

DF oo shaacisay sababta Waqooyi Bari looga reebay mashruuc malaayiin dollar ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah kasoo saartay sababta maamul goboleedka Waqooyi Bari uga maqan yahay mashruuca Bulsho oo ay ku baxayso malaayiin dollar.

Mashruucan oo uu maalgelinayo Baanka Adduunka ayaa si rasmi ah loo daah-furay maalintii shalay ayaa dhaliyay hadal-hayn xooggan kadib markii Waqooyi Bari kasoo muuqan weyday dowlad-goboleedyada ka faa’iideysanaya.

Mashruuca ayaa waxaa fulintiisa iska leh dowladaha heerarkeeda kala duwan, iyadoo wejigiisa hore oo saddex sano iyo bar ah ay ku baxayso dhaqaale dhan $35 milyan.

Wejiga 1-aad ee mashruuca ayaa waxaa la sheegay in laga fulin doono dowlad-goboleedyadii la-tashiga lala sameeyay, diyaariintisana qaybta ka ahaa oo qoondo siman oo min 5 milyan ah heli doona.

Sababta ay uga maqan tahay Waqooyi Bari

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in mashruucan uu nidaamkiisu ka horreeyay dhismaha maamulka Waqooyi Bari, isla markaana ay diyaarintiisu soo bilaabatay 2023-kii.

“Waxaa mashruuca diyaarintiisu soo bilaabatay Bishii Maajo, 2023, iyadoo kulankii ugu horreeyay la qabtay Nofeembar 2023. Waxaa la-tashiyadiisa dowlad-goboleedyada la sameeyay Bishii Maajo 2024. Kulankii ugu dambeeyay ee dhammeystirka mashruuca waxaa la qabtay Febraayo, 2025 kaasoo ka dhacay xarunta Baanka Adduunka ee Nairobi,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waqooyi Bari dhismihiisa waxaa lasoo gaba-gabeeyay 30-kii August, 2025, sida kor ku xusan diyaarinta mashruucan wuxuu ka horreeyay dhismaha dowlad-goboleedka.”

Wasaaradda ayaa sheegtay in hadda ku hawlan tahay sidii dowlad-goboleedka cusub ee Waqooyi Bari ay mashruuca soo socda qayb uga noqon laheyd, halka kuwii ka horreeyay oo ay bulsho ka mid tahayna loogu soo dari lahaa.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxay daahfurtay 27th Bisha Abriil, 2026 Mashruuca Bulsho, waxay uga mahadcelinaysaa hay’adaha labada heer ee Dowladda, Baanka Adduunka, Saaxiibada Caalamiga iyo cid walba oo qayb ka ahayd in Barnaamijkan Daahfurkiisu guulaysto.

Ujeedada Horumarinta Mashruuca Bulsho waa in la xoojiyo bulshadda & hay’adaha maxalliga ah si loo adkeeyo, loona horumariyo wadajirka bulshadda, ka-qaybgalka loo dhan yahay iyo adkaysiga. Mashruucu wuxuu xoogga saaraya deegaanada fog-fog ee gaari-waaga la yiraahdo (hard-to-reach areas).

Mashruuca waxaa maalgelinaya Baanka Adduunka waxaana fulinaya Dowladaha heerarkeeda kala duwan wejigiisa hore oo saddex sano iyo bar ah waxaa ku baxaysa dhaqaale dhan $35 milyan. Wejiga 1-aad ee Mashruuca waxaa laga fulin doonaa Dowlad Goboleedyadii la-tashiga lala sameeyay, diyaariintisana qaybta ka ahaa oo qoondo siman oo min 5 Milyan ah heli doona.

Faah-faahinta heerarka diyaarinta mashruucan:

  • Waxaa mashruuca diyaarintiisu soo bilaabatay Bishii Maajo, 2023, iyadoo kulankii ugu horreeyay la qabtay Nofeembar 2023.
  • Waxaa la-tashiyadiisa Dowlad Goboleedyada la sameeyay Bishii Maajo 2024.
  • Kulankii ugu dambeeyay ee dhammeystirka Mashruuca waxaa la qabtay Febraayo, 2025 kaasoo ka dhacay xarunta Baanka Adduunka ee Nairobi.
  • Guddigga Sare ee Baanka Adduunku wuxuu ansixiyay Mashruuca 29-kii Bisha Abriil, 2025, dhaqangalka Mashruucuna waxay soo baxday 8-dii August, 2025.
  • Daahfurka Mashruucana wuxuu dhacay 27-kii Abriil, 2026.
  • Waxaa xusid mudan in Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari dhismihiisa lasoo gabagabeeyay 30-kii Agoosto, 2025, sida kor ku xusan diyaarinta Mashruucan wuxuu ka horreeyay dhismaha Dowlad Goboleedka. Sidaa darteed, waxay Wasaaraddu hadda ku hawlan tahay sidii Dowlad Goboleedka cusub ee Waqooyi Bari ay mashruucida soo socda qayb uga noqon lahaayeen, halka kuwii ka horreeyay oo ay Bulsho ka mid tahayna loogu soo dari lahaa.

Fashil weyn oo hareeyay doorashada SOMALILAND – Maxaa dhacay maanta?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta muddo kordhin u sameeyay goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, iyagoo u kordhiyay 2 sano iyo 3 bilood, taas oo ka dhigan in xubnihii la doortay 31-kii May 2021 ay sii joogayaan kuraastooda.

Go’aankan ayaa yimid kaddib fadhi ay yeesheen xubnaha Golaha Guurtida, waxaana ogol ku codeeyay 72 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka xubnood ee golaha ka kooban, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddoomiyaha golaha ayaa la sheegay inuu isagu codayn, balse uu ku ekaaday ku dhawaaqista natiijada kama dambaysta ah ee fadhigaas.

Muddo kordhintan ayaa sii adkeynaysa doodaha la xiriira dib u dhaca doorashooyinka Somaliland, iyadoo tallaabadan ay ka dhigan tahay in mar kale dib loo dhigay qabashada doorashooyinkii la filayay inay dhacaan xilligooda.

Golaha Guurtida laftiisa ayaa horay uga gudbay muddadii xileedkiisa dastuuriga ahayd, waxaana marar badan uu isagu isku kordhiyay muddada uu xilka hayo, arrintaas oo dhalisay su’aalo la xiriira sharciyadda iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

Tallaabadan cusub ayaa sidoo kale wiiqaysa nidaamkii doorashooyinka isku xiga ee Somaliland ay ku faani jirtay sanadihii la soo dhaafay, iyadoo dib u dhacyada soo noqnoqday ay si weyn u saameeyeen kalsoonidii lagu qabay jadwalka doorashooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa markii uu mucaaradka ahaa dhowr jeer si weyn ugu dhaliili jiray Muuse Biixi Cabdi in uu ku fashilmay qabashada doorashooyinka, hase yeeshee xaaladda maanta taagan ayaa u muuqata mid isaga iyo xisbigiisa Waddani si toos ah u dhex geysay wixii uu hore ugu eedeyn jiray Kulmiye.

Aqriso warqadda cajiibka ah ee uu sii qoray ninkii weeraray xafladdii Aqalka Cad

Washington (Caasimada Online) – Ninkalagu eedeeyay inuu weerarka hubeysan ku qaaday munaasabadda Casho-sharafeedka Wariyeyaasha Aqalka Cad, Cole Allen, ayaa qoyskiisa u diray dhambaal argagax leh oo ka dhan ah Madaxweyne Donald Trump, wax yar uun kahor inta uusan rasaasta furin.

Xogtan la helay ayaa muujineysa in ninkan uu isku magacaabay “Khaarijiye Sharafeedka Federaalka (Friendly Federal Assassin), isagoo shaaca ka qaaday inuu si weyn ugu oomanaa inuu khaarajiyo mas’uuliyiinta sarsare ee maamulka Trump.

Allen ayaa dhambaalkiisa ku qoray in bartilmaameedyadiisu ay ahaayeen mas’uuliyiinta maamulka, isagoo ka reebay Agaasimaha Hay’adda Dambi-baarista ee FBI-da Kash Patel, wuxuuna intaas ku daray inuu u kala hormarin doono min mas’uulka ugu darajada sarreeya ilaa kan ugu hooseeya.

Laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa xaqiijiyay in farriintan xambaarsan nacaybka la diray qiyaastii 10 daqiiqo kahor inta uusan weerarku dhicin habeenkii Sabtida.

“Diyaar uma ihi inaan mar dambe oggolaado inuu dhiigga dambiyadiisa igu mariyo nin kufsade ah, khaa’in ah, carruurtana faraxumeeya,” ayuu qoray Allen, isagoo ula jeeday madaxweynaha.

Wuxuu xusay in si uu u yareeyo khasaaraha dadka aan eedda lahayn, uu isticmaali doono rasaasta baasiinka ah ee firdhata taas oo aan gidaarada ka dhex bixin karin, balse wuxuu si naxdin leh u qirtay inuu diyaar u ahaa inuu laayo qof kasta oo qolka ku jira haddii ay qasab noqoto si uu u gaaro bartilmaameedyadiisa.

Wuxuu ku dooday in dadka meesha yimid ay iyagu doorteen inay dhegeystaan shakhsi uu ku sifeeyay khaa’in, taasina ay ka dhigayso kuwo dambiga la wadaaga.

Qoraalkiisa ayuu dhowr jeer u adeegsaday diintiisa Masiixiga si uu ugu qiil dayo falkiisa. Wuxuu sidoo kale soo hadal-qaaday arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah, sida duqeymaha maamulka Trump uu la beegsaday doomaha daroogada ee Venezuela iyo xarigga muhaajiriinta sharci-darrada ah.

Wuxuu ku dooday in dulqaadku uu banaan yahay marka adiga shakhsi ahaan lagu dulmiyo, balse uusan ahayn dhaqan Masiixi ah in laga aamuso marka dad kale la dulminayo, isagoo tusaale u soo qaatay carruur gaajeysan iyo dad la xirxiray. Qaraabo uu la wadaagay dhambaalkan ayaa u gacan geliyay booliska, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta.

Sii-hayaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Todd Blanche, ayaa sheegay in baarayaashu ay rumeysan yihiin in eedeysanuhu uu tareen uga soo safray magaalada Los Angeles ilaa Washington, DC, isagoo sii maray magaalada Chicago. Tallaabadan ayaa loo maleynayaa inuu kaga gabbanayay baaritaannada adag iyo isha lagu hayo rakaabka diyaaradaha.

Markii uu gaaray hoteelka Washington Hilton, Allen wuxuu si weyn ugu jeesjeesay “karti-xumada” iyo habacsanaanta amniga hoteelka. Wuxuu qoray inuu hoteelka la galay hub kala duwan iyadoo aysan jirin hal qof oo ka shakiyay inay khatar ka imaan karto.

Wuxuu ku eedeeyay laamaha amniga inay diiradda saareen oo keliya dibad-baxayaasha bannaanka jooga iyo martida xilligaas imaneysay, balse aysan ka fikirin in la baaro dadka hoteelka sii deggenaa maalin kahor. Wuxuu xitaa is-barbardhigay isagoo leh, haddii uu ahaan lahaa wakiil Iiraani ah inuu gudaha soo gelin karay qoriga weyn ee darandoorriga u dhaca ee M2 Browning iyadoo aan la dareemin, isagoo amniga goobta ku sifeeyay “waalli.”

Walaalka la dhashay Allen ayaa booliska magaalada New London ee gobolka Connecticut ku wargeliyay dhambaalkan, kaas oo uu ku saxiixnaa magaca “Cole ‘coldForce’ ‘Friendly Federal Assassin’ Allen.”

Sidoo kale, ciidamada ilaalada gaarka ah ee Secret Service-ka ayaa wareystay gabar la dhalatay eedeysanaha oo ku nool gobolka Maryland, taas oo u sheegtay in walaalkeed uu inta badan ku hadli jiray hadallo xagjirnimo ah oo siyaasadeed, uuna sheegi jiray inuu doonayo inuu “wax” sameeyo si uu u xalliyo dhibaatooyinka dunida.

Diiwaannada guddiga doorashooyinka ayaa muujinaya inuu 25 dollar ugu deeqay ololaha doorashada Kamala Harris bishii Oktoobar 2024, waxaana la sheegay inuu gurigiisa horteeda soo taagay boor uu ku taageerayo garsoore ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga.

Xeer-ilaaliyaha Mareykanka ee degmada Columbia, Jeanine Pirro, ayaa sheegtay in Allen oo la qabtay kaddib is-rasaaseyn dhexmartay isaga iyo ciidamada amniga, la filayo in Isniinta maxkamadda la soo taago.

Waxaa lagu soo oogi doonaa dambiyo ay ka mid yihiin adeegsiga hub xilli uu geysanayay dambi gacan-ka-hadal ah iyo inuu weeraray sarkaal federaal ah. Ugu yaraan hal sarkaal ayaa ku dhaawacmay weerarkan. Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyay in Allen uu laba bistooladood iyo qori ka soo iibsaday xarun hubka lagu iibiyo, uuna si joogto ah ugu tababaran jiray goobaha rasaasta lagu rido.

Macluumaadka shakhsiyadeed ee la helay ayaa muujinaya in Allen uu ka tirsanaa koox lagu magacaabo “The Wide Awakes”, wuxuuna ka qaybgalay dibadbaxyo ka dhacay gobolka California.

Wuxuu ahaa macallin ka shaqeeya xarunta waxbarashada ee C2 Education, isagoo bishii Diseembar 2024 ku guuleystay abaalmarinta “Macallinka Bisha”. Ninkan ayaa shahaadada injineernimada ka qaatay jaamacadda caanka ah ee Cal Tech sanadkii 2017, wuxuuna markii dambe qaatay shahaadada mastarka ee cilmiga kombuyuutarka. Sababta uu dhambaalkiisa uga reebay madaxa FBI-da ayaan weli si cad loo ogeyn.

Gebagebadii dhambaalkiisa, oo u muuqday mid u eg warqad dardaaran ah oo uu qoray qof is-dilaya, ayuu Allen ku muujiyay xaaladdiisa nafsi xilli uu u diyaar-garoobayay inuu gudaha u galo hoolka.

Wuxuu qoray: “Way igu adag tahay… Waxaan rabaa inaan matago; waxaan la ooyayaa dhammaan wixii aan doonayay inaan sameeyo ee aanan marnaba sameyn doonin, iyo dadka aan aamminaaddooda khiyaameeyay; waxaan dareemayaa caro marka aan ka fekero wax kasta oo maamulkani uu sameeyay.”

Maxaa xalay ka dhacay Villa Soomaaliya? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad casho-sharaf ah oo xalay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed.

Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed ee ka qeyb-galay munaasabadda ayaa isaga yimid guud ahaan dhulka Soomaaliyeed, iyagoo ka jawaabay casuumaadda Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa odayaasha dhaqanka ku bogaadiyey doorkooda togan ee ay ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada.

Sidoo kale, wuxuu ku ammaanay kaalintooda ku aaddan dowlad-dhiska iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay hoggaanka dhaqanka guulaha ay dowladdu ka xaqiijisay dhinacyada amniga iyo dimuquraadiyeynta.

Waxaa kale oo uu ka hadlay horumarka laga sameeyay dowlad-dhiska iyo daadejinta maamulka dalka.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in aan marnaba laga tanaasuli karin xaqa ay shacabka Soomaaliyeed u leeyihiin inay doortaan hoggaamiyeyaashooda siyaasadeed.

Dhankooda, qaar ka mid ah Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha casuumaadda iyo maamuuska uu siiyey, iyagoo ku bogaadiyey guulaha laga gaaray amniga, dagaalka Al-Shabaab, dimuquraadiyeynta iyo daadejinta maamulka.

Xubnaha fulinta JSP oo gaaray Jowhar + Qorshahooda

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa maanta gaaray xubno muhiim ah oo kamid ah Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo lagu soo dhaweeyay magaaladaasi.

Xubnahan oo kamid ah guddiga fulinta ee Xisbiga JSP ayaa waxaa qasriga madaxtooyada HirShabelle ku qaabilay madaxweyne Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe),oo si diiran ugu soo dhaweeyay caasimada Jowhar.

Ugu horreyn guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo hoggaaminayey wafdiga oo kulanka ka hadlay ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyay.

Ujeedka safarka xubnaha JSP ayaa ah sidii xariga looga jari lahaa xarunta xisbiga ee caasimada Dowlad-goboleedka  Hirshabeelle, halkaas oo lagu qaban doono munaasabad ballaaran.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kamid ah aas-aasayaa xisbigan, isaga oo maalmahaan dhaq-dhaqaaq olole ka waday magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho, kuwaas oo la xiriira doorashada HirShabelle.

“JSP ayaa kasoo safarteen waxaad u timaadeen JSP, dhammaanteen waa inaan gaarnaa yoolka xisbiga weyn.” Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka HirShabelle.

Ugu dambeynCali Guudlaawe ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiga iyo golihiisa wasiirrada in loo guntado shaqooyinka hor-tebinta u leh JSP.

Muxuu yahay shakiga ay sirdoonka caalamka ka qabaan kan Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa ka digay in kalsooni-darro qoto dheer ay weli wiiqeyso iskaashiga u dhexeeya hay’adda sirdoonka dalka iyo saaxiibadeeda caalamiga ah.

Isagoo wareysi siinayay barnaamijka Geed Fadhi, ayuu Sanbaloolshe sheegay in Soomaaliya ay xogta sirdoonka la wadaagto hay’adaha shisheeye, oo ay ku jirto dowladda Mareykanka, balse wuxuu ku dooday in iskaashigaasi uusan weli gaarin heerkii loo baahnaa si loo waajaho khataraha amni ee dalka ka jira.

Wuxuu tilmaamay in caqabadda ugu weyn ay tahay kalsoonida. Sirdoonnada shisheeye, sida uu xusay, ayaa weli ka gaabsanaya inay xogaha xasaasiga ah la wadaagaan dhiggooda Soomaaliya, iyagoo ka walaacsan xog dusin, in hay’adaha dowladda lagu dhex milan yahay, iyo khataraha ka dhalan kara isku-duwidda hawlgallada ee dhow.

“Macluumaad waa la wadaagaa ilaa xad, laakiin boqolkiiba boqol wada-shaqeyn ma jirto,” ayuu yiri Sanbaloolshe, isagoo muujiyay in arrintan ay tahay mid si taxaddar leh loo maareeyo. “Inkastoo ay jiraan meelaha ay wada-shaqeyntu ka muuqato, sida digniinaha amni iyo hawlgallada militari, haddana weli ma gaarin heer qaran oo isku filnaansho ah.”  

Walaacan ma aha mid ku cusub fagaarayaasha amniga. Muddo sanado ah, shacabka iyo dowladdaba waxaa hareereeyay su’aalo ku aaddan in Al-Shabaab ay ku dhex milmeen qaybo ka mid ah nidaamka amniga dowladda, gaar ahaan kaddib markii dhowr mar ay la beegsaday deegaanno la filayay inay ka mid yihiin kuwa ugu ammaanka badan dalka.

Tusaalaha ugu cad wuxuu dhacay sanadkii 2019-kii, markii haweeney is-miidaamisay ay gudaha xafiiskiisa ku dishay duqii Muqdisho ee xilligaas, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) iyo mas’uuliyiin kale.

Hay’adaha dowladda ayaa markii dambe xaqiijiyay in haweeneydaasi ay ahayd shaqaale ka tirsan dowladda hoose, balse ka tirsan kooxda Al-Shabaab, taas oo sii xoojisay shakiga ahaa in xoogagga hubeysan ay ka faa’iideystaan dad xog-ogaal ah oo gudaha ku jira.

Ururka Al-Shabaab ayaa sidoo kale dhowr jeer weeraray hoteello iyo xarumo xiriir la leh dowladda oo ku yaalla xudunta awoodda Muqdisho, oo ay ku jiraan hoteello u dhow qasriga madaxtooyada.

Bishii Maarso ee 2025, Al-Shabaab ayaa qarax la beegsaday kolonyo uu la socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud meel u dhow madaxtooyada, xilli uu ku sii jeeday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

In kasta oo madaxweynuhu uu ka badbaaday weerarkaas, haddana dhacdadaas ayaa dib u soo nooleysay cabsidii muddada dheer jirtay ee ku aaddaneyd sida kooxdu u hesho xogta, sida ay uga gudubto baraha koontaroolka, iyo sida ay ku gaarto aagagga sida weyn loo ilaaliyo.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda amniga Soomaaliya ma aha mid meel un iska taagan, waxaana muuqda horumar la taaban karo.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib ugu soo laabtay xafiiska sanadkii 2022-kii, hay’adaha amniga ayaa guulo muuqda ka gaaray amniga caasimadda Muqdisho.

Xawligii weerarada waaweyn ee Al-Shabaab ay ka fulin jirtay caasimadda ayaa si weyn hoos ugu dhacay marka la barbar dhigo sanadihii hore, xilligaas oo dhowr qarax iyo weerarro toos ah ay dhici kareen hal bil gudaheed. Dhacdooyinka waaweyn ayaa hadda ah kuwo naadir ah, oo inta badan ay u dhexeeyaan bilooyin beddelkii ay ahaan lahaayeen toddobaadyo.

Hay’adda NISA ayaa door udub-dhexaad ah ka ciyaartay isbeddelkaas wanaagsan. Hay’adda ayaa xoojisay hawlgallada ka-hortagga sirdoonka, waxay burburisay unugyo ka tirsan kooxda, waxay xirtay xubno looga shakisan yahay inay fuliyayaal yihiin, waxayna adkeysay la-socodka shabakadaha lagu eedeeyo inay Al-Shabaab ka caawiyaan soo-gelinta qaraxyada, hubka iyo dagaalyahannada gudaha caasimadda.

Guulahaas ayaa si dhab ah gacan uga geystay in la yareeyo awooddii kooxdu ay si xor ah uga hawlgeli jirtay Muqdisho sidii beryihii hore.

Yuusuf Madaale: Waa la kala horreeyaa waase la wada socdaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal ay dad badan u fasirteen in uu isaga bixi doono xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraalka Madaale, oo ka falcelinayey is-casilaadda Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ka tegay xilkii la-taliyaha madaxweynaha, ayuu ku yiri: “Waa la kala horreeyaa waase la wada socdaa, mid sabra iyo mid socdaalaba.”

Dad ku dhow Madaale ayaa Caasimada Online u sheegay in qoraalku ahaa fariin toos ah oo ku socota Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhowr xubnood ay ka baxeen xisbigiisa JSP, si ay cadaadis ugu saaraan madaxweynaha.

Xubnahaas waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Odowaa, oo ahaa xoghayihii guud ee xisbiga, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, oo ahaa taliyihii hore ee NISA, iyo Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ugu dambeeyey, kana tirsanaa la-taliyeyaasha gaarka ah ee madaxweynaha.

Qoraalka Madaale ayaa la sheegay in uu ka tarjumayey caro ka dhan ah madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, sida ay sheegeen dad ku dhow.

Madaale ayaa muddo raadinayey in mar kale loo magacaabo xilka guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, lagana qaado Jeneral Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, oo hadda xilka haya. Muungaab ayaa xilkan ku soo noqday sanadkii 2025, kadib markii uu horey u soo qabtay intii u dhexeysay 2014 iyo 2015.

Hase yeeshee, bilo uun kadib soo laabashadii Muungaab, Madaale ayaa billaabay olole uu ku doonayo in uu mar saddexaad kursiga ku fariisto.

Madaale ayaa laba jeer soo qabtay xilka guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho. Markii koowaad waxaa xilka loo magacaabay bishii November 2015, wuxuuna hayey illaa bishii April 2017, xilligii koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Markii labaad, Xasan Sheekh ayaa dib ugu magacaabay xilka 7-dii September 2022, isaga oo beddelay Cumar Maxamuud Maxamed Filish, waxaana xilka laga qaaday December 2024, markaas oo lagu beddelay Maxamed Axmed Amiir.

Ilo ku dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ay Madaale u sheegeen in aysan caqli ahaan habboonayn in kursi uu ku fadhiyo xubin ka tirsan xisbiga JSP laga qaado, laguna beddelo xubin kale oo isla xisbigaas ka tirsan.

Farmaajo oo weerar culus ku qaaday Xasan: “Waa shaqsi aan sumcad lahayn”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weerar qaawan ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku tilmaamay “shaqsi aan waxba ka aqoon siyaasadda gudaha iyo tan dibadda.”

Farmaajo oo bixiyay wareysi cusub ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay qof aan sumcad lahayn, isagoo ku eedeeyay inuu maalinba mid la joogo laba dal oo is-haya.

“Laba dal oo is-haya haddaa marba maalinba mid la joogto sida aan hadda aragno, marka sumcad ma lihid, haddaa sumcad lahayn xaqiiqatan dalkaaga sumcad ma lahaanayo,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu intaas kusii daray: “Xasan siyaasad arrimo dibadeed waxba kama yaqaano, siyaasad arrimo gudeedna waxba kama yaqaan, midna waxba kama yaqaan.”

Dhinaca kale, Farmaajo ayaa isku sifeeyay “shaqsi ay ku weyn tahay waddaniyaddu” isagoo ku faanay inuu dhisay ciidanka xoogga dalka, oo uu sheegay in markii hore ee uu Xasan Sheekh kala wareegay uu baaba’ ahaa, sida uu hadalka u dhigay.

“Xasan Sheekh waxaa ka dhaxlay ciidan aan mooral laheyn, oo mushaar qaadan, oo la leeyahay $100 qaata ama ka taga, balse aniga wuxuu iga dhaxlay ciidan dhisan,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Farmaajo.

Waxa uu intaas kusii daray “Hal sanduuq oo rasaas ah igama tagin Xasan Sheekh. Waxaan uga tagnay bakhaaro hub ah.”

Farmaajo oo soo hadal qaaday weerarkii lagu qaaday Madaxweyneyaashii hore ee dalka oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku jiro, intii uu xafiiska joogay ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage uu hoggaaminayay weerarkaasi, isagoona isweydiiyay, haddiiba General Odawaa uu halis geliyay naftooda, sababta uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka dib ugu soo magacaabay Taliyaha.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu isagu mucaarad isku filan yahay, isaga oo tusaale u soo qaatay iska-horimaadka hadalladiisa shalay iyo maanta.

“Ceeb ka weyn ma jirto qof weyn oo mas’uul ah, da’daas ah, sheegtana inuu PhD yahay, haddana shalay iyo maanta la iska horkeenayo. Waxaad is leedahay, isagaaba mucaarad isugu filan ee maxaad ka mucaaradeysaa?” ayuu yiri Farmaajo.

Waa weerarkii ugu adkaa ee Farmaajo uu ku qaado Madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii uu dalka dib ugu soo laabtay 13-kii November.

Farmaajo ayaa ka soo horjeeda hannaanka ay Dowladda Federaalka u maamuleyso doorashooyinka dalka, iyadoo uu is-mari-waa ka taagan yahay nooca doorasho ee dalka laga qabanayo.

Hoos ka daawo hordhaca wareysiga:

Waqooyi Bari oo soo afjartay shabakad qaab yaab leh lacago u sameyn jirtay

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Waqooyi Bari, Qeybta Gobolka Sool ayaa howlgal qorsheysan ku soo qabtay eedeysane lagu magacaabo Farxaan Farax Shaciye.

Howlgalkan ayaa waxaa ka qeyb qaatay shacabka deegaanka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay xog ururinta iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada eedeysanaha.

“Ciidanka booliska Waqooyi Bari, qeybta gobolka Sool ayaa ka dib dabagal ay ku wadeen, iyagoo kaashanaya shacabka ku soo qabtay eedeysane lagu magacaabo Farxaan Farax Shaciye, kaas oo ku lug lahaa falal tahriibin iyo falal mukhallasnimo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka booliska Waqooyi Bari.

Eedeysanahan ayaa lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa falal tahriibin ah iyo sidoo kale falal la xiriira mukhallasnimo, kuwaas oo si weyn u saameeyay dhalinyaro badan oo ka soo jeeda deegaanada Waqooyi Bari.

Wararka laga helay booliska ayaa tilmaamaya in Farxaan uu fududeyn jiray tahriibinta dhalinyarada ka kala imanaysa magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle, isagoo adeegsanayay xeelado marin habaabin ah oo lagu qaldo waalidiinta iyo ehelada dhalinyaradaas.

Habka uu u shaqeynayay ayaa ahaa mid ku dhisan been abuur, isagoo diyaarin jiray muuqaallo la iskaga dhigayo in dhalinyarada lagu jirdilayo xeebaha dalka Liibiya, gaar ahaan magaalada Bangaasi, si loo abuuro cabsi iyo degdeg ay waalidiintu lacag ugu bixiyaan.

Muuqaalladan oo lagu sheegay inay ahaayeen kuwo gudaha dalka lagu duubo, ayaa loo adeegsan jiray in lagu qanciyo waalidiinta in carruurtooda ay ku sugan yihiin xaalad halis ah, taasoo keentay in laga qaado lacago badan oo lagu sheegay in lagu badbaadinayo.

Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale ku guuleystay inay soo celiyaan qaar ka mid ah dhalinyaradii la tahriibinayay, iyagoo soo bandhigay caddeymo lacageed oo muujinaya lacagihii laga qaaday dhalinyaradaas, kuwaas oo loo marsiin jiray adeegyada lacag dirista.

Eedeysanaha ayaa haatan ku jira gacanta Ciidanka Booliska, waxaana socda dhameystirka baaritaanka kiiska si sharciga loo horkeeno, loogana qaado tallaabo waafaqsan sharciga dalka.

Maxkamad Kenya oo 10 sano ku xukuntay nin Soomaali ah oo lagu helay…

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla deegaanka Kahawa ee dalka Kenya ayaa xukun 10 sano oo xabsi ah ku ridday nin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdikariim Xasanow Xasan kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira ururka Al-Shabaab.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Agaasimaha Dacwad-oogista Kenya (ODPP), eedeysanaha ayaa lagu helay inuu si toos ah ugu lug lahaa ka mid noqoshada iyo taageeridda ururka Al-Shabaab, oo ay Kenya u aqoonsan tahay urur argagixiso.

Warbixinta ODPP ayaa sidoo kale sheegtay in Cabdikariim uu door ka qaatay qorista xubno cusub oo lagu biirinayay ururka, isaga oo dhalinyaro ku qancinayay inay ku biiraan Al-Shabaab.

Maxkamaddu ayaa caddeysay in eedeysanuhu abaabulay kulamo lagu taageerayo ururka, kuwaas oo lagu faafinayay fikradaha xagjirka ah iyo qorsheyaasha la xiriira hawlaha Al-Shabaab.

Cabdikariim oo sidoo kale loo yaqaan Cali ayaa lagu helay inuu fududeeyay safarro ay dhalinyaro uga ambabaxeen gobolka Migori ee dalka Kenya, kuwaas oo loo qaaday dhanka Soomaaliya si ay ugu biiraan ururka.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay sheegtay in ninkan uu bixiyay taageero lacageed iyo hagitaan la xiriira safarrada iyo isku xirka xubnaha cusub ee Al-Shabaab.

Intii ay socotay dhageysiga dacwadda, maxkamaddu waxay dhegeysatay afar marqaati, kuwaas oo si faahfaahsan u caddeeyay doorka muuqda ee eedeysanuhu ku lahaa hawlaha ururka.

Garsooraha maxkamadda, Boaz Ombewa ayaa sheegay in caddeymaha la horkeenay maxkamadda ay muujinayaan in eedeysanuhu si toos ah uga qayb qaatay qorista xubnaha cusub, faafinta fikradaha xagjirka ah iyo abaabulka hawlaha Al-Shabaab.

Si kastaba, garsooraha ayaa amray in xukunada lagu riday eedeysanaha ay noqdaan kuwo isla socda (concurrent), taasoo ka dhigan inuu wada qaadan doono muddada xabsiga ee 10-ka sano ah ee lagu xukumay.

Doorashada Koonfur Galbeed oo dib u dhacday – Goorma ayaa la qabanayaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa caawa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashooyinka isku sidkan ee maamulka Koonfur Galbeed, taas oo qorshuhu ahaa in berri ka dhacdo maamulkaasi.

Guddiga ayaa dib u dhigista doorashooyinka Koonfur Galbeed ku saleeyay codsiyo ka yimid ururrada siyaasadda, kuwaas oo dalbaday in waqti dheeraad ah loogu daro, si ay doorashooyinka ugu diyaar garoobaan si dhameystiran.

Guddiga ayaa shaaciyay in doorashada golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya laga dhigay maalinta Axadda oo ku taariikheysan 10 May 2026.

“Guddigu wuxuu aqbalay codsigii Ururada ee kordhinta muddada soo gudbinta liisaska musharaxiinta oo markii hore ahayd 25/04/2025, waxaana laga dhigay muddada kama dambeynta ah ee soo gudbinta liisaska Musharaxiinta Maalinta Talaadada ah ee 05-ka May 2026,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay guddiga doorashooyinka qaranka.

Sidoo kale, guddiga ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay in doorashooyinka dalka ay u dhacaan si cadaalad ah, daahfuran, isla markaana lagu kalsoonaan karo.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka:

Ujeeddo: Kordhinta Muddada kamadanbeynta ah ee soo gudbinta Liisaska Musharaxiinta & Cayimida Maalinta Doorashada DG KGS.

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka:

➤ Markuu arkay codsiga Ururada siyaasada ee ku taariikheysan 23/04/2026, ku saabsanaa kordhinta muddada soo gudbinta liisaska musharaxiinta iyo Dib-u dhigista Maalinta Doorashada oo ahayd 28/04/2026.

➤ Markuu kulan wadatashi ah la yeeshay Madaxda Ururada Siyaasadda 25/04/2026 kana dhacay Xarunta Dhexe ee GMDQS.

➤ Guddigu markuu falanqeeyay sababaha ku cad codsiga qoraalka ururada oo ay la wadaageen Bulshada iyo Warbaahinta.

➤ Guddigu markuu qaddariyey muhiimada ay leedahay in doorashooyinku ku dhacaan si hufan, loo dhan yahay, oo waafaqsan sharciga,

Guddigu wuxuu go’aamiyay:

1. Guddigu wuxuu aqbalay codsigii Ururada ee kordhinta muddada soo gudbinta liisaska musharaxiinta oo markii hore ahayd 25/04/2025, waxaana laga dhigay muddada kama dambeynta ah ee soo gudbinta liisaska Musharaxiinta Maalinta Talaadada ah ee 05-ka May 2026.

2. Waxaa la farayaa Ururada inaysan ka dib dhici karin muddada loo asteeyey.

3. Sidoo kale Guddigu waxaa uu aqbalay Dib-u dhigista Doorashada Golaha Wakiilada iyo Goleyaasha Deegaanka DG Koonfur galbeed ee Soomaaliya oo uu Guddigu horay ugu cayimay in ay dhacdo 28/04/2026, waxaana laga dhigay Maalin Axad ah Tr: 10 May 2026.

4. Ugu dambeyn GMDQS waxaa uu farayaa In dhammaan ururada siyaasadeed in ay ilaaliyaan hanaanka isu dheelitirka Qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee wada daga Degmooyinka ay Doorashada ka dhaceyso marka ay soo gudbinayaan liisaskooda musharaxiinta si waafaqsan shuruudaha iyo habraacyada uu Guddigu hore u soo saaray muddada loo qabtay.

Tilmaamo Dheeraad ah:

➤ Guddigu wuxuu xoojin doonaa dadaallada la xiriira dardargelinta bixinta kaararka codbixinta.

➤ Waxaa sidoo kale la kordhin doonaa wacyigelinta bulshada si loo xaqiijiyo ka-qaybgal ballaaran.

➤ Guddigu wuxuu mar kale adkeynayaa sida ay uga go’an tahay in doorashooyinka dalka ay u dhacaan si cadaalad ah, daahfuran, isla markaana lagu kalsoonaan karo.

-Dhamaad-

Deni oo la kulmay Suldaan Siciid Suldaan C/salaam xilli dhaqankii Puntland uu…

0

Badhan (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo kusoo gaaray degmada badhan ee gobolka Sanaag ayaa booqasho ugu tegay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Cali Shire.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda iyo Saraakiisha Ciidanka kala duwan ee Dowladda Puntland.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay inta badan odayaasha dhaqanka Puntland ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho. Isimada dhaqanka Puntland ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulamadaas ayaa si qoto dheer la iskaga xog-waraystay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan deegaannada ay ka yimaadeen isimadu, iyo dadaallada ay ku bixinayaan xoojinta dowlad-dhiska iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.

Kulamada ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana ay is-hayaan Dowladda Federaalka iyo Puntland, maadaama uu khilaafkoodu sii fogaaday. Villa Soomaaliya ayaa horay sidaan oo kale ula shirtay inta badan siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo hadda jooga Muqdisho, waxaa kale oo ay saameysay dhaq-dhaqaaq ciidan oo uu qaylo dhaan kasoo saaray madaxweyne Deni.

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta dhismaha cusub ee taliska qeybta Booliiska ee Gobolka Sanaag oo loo dhisay si la mid ah xarumaha kale ee Gobollada, waana qeyb ka mid ah dib-u-habeynta iyo tayeynta Booliska oo ay Dowladda Imaaraadku ka taageertay Puntland.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, xubni ka tirsan Golaha Wasiiradda, Xildhibaano, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliiska, Taliyaha guud ee Ciidanka daraawiishta DPL, Saraakiisha Qeybta Booliska gobolka Sanaag, Maamulka Gobolka Sanaag iyo kan degmada Badhan iyo marti Sharaf kale.

Qorshaha isbeddelka 5 sano ee soo socota oo Muqdisho laga daah-furay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa daah-furay qorshaha isbeddelka Muqdisho (2026–2030), kaas oo lagu wajahayo horumarinta caasimadda sannadaha soo socda.

Qorshahan ayaa ah mid hagaya jihada istaraatiijiga ah ee caasimadda shanta sano ee soo socota, si loo gaaro horumar waara iyo kobac dhaqaale oo la taaban karo, loona xoojiyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Qorshaha shanta sano ee maanta la soo bandhigay ayaa ka tarjumaya danaha guud iyo maslaxadda shacabka, isagoo diiradda saaraya wax ka qabashada caqabadaha jira iyo hirgelinta aragti horumarineed oo waarta.

Sidoo kale, qorshahan ayaa ku yimid hannaan wadatashi ballaaran, waxaana lagu mideeyay aragtiyo iyo talooyin laga uruuriyay qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo qorshe ay wada leeyihiin shacabka iyo maamulka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in fulinta qorshahan ay ku salaysnaan doonto isla-xisaabtan, wada-shaqeyn dhow iyo ka-qaybgal bulsho, si loo gaaro natiijooyin muuqda oo wax ka beddela nolosha shacabka iyo horumarka guud ee caasimadda.

Waxaa sidoo kale la tilmaamay in qorshahan uu door weyn ka qaadan doono dardargelinta mashaariicda horumarineed, kor u qaadista dhaqaalaha iyo hagaajinta adeegyada muhiimka ah ee ay bulshada u baahan tahay.

Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirrada Wasaaradaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Amniga, Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga, Wasiiru-dowlayaasha Caafimaadka, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa munaasabadda guddoomiyeyaasha degmooyinka, agaasimeyaal, odayaasha dhaqanka, ganacsatada, culimada, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60