25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Ciidamada ka soo horjeeda Lafta-gareen oo dagaal kula wareegay magaalada…

0

Qansaxdheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay gudaha degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, kaas oo u dhexeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa mucaaradka ee la baxay ‘badbaadada Koonfur Galbeed’.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa ku fiday xaafadaha degmada iyo duleedka, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan illaa 5 qof ayaa ku dhintay dagaalka, kuwaas oo isugu jiray labada dhinac iyo dad shacab ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gudaha degmada Qansaxdheere, iyada oo dhinacyadu ay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii dari karta xiisadda.

Ma jiro wax hadal ah kasoo baxay Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay Qansaxdheere, ee lasoo wariyay in ay la wareegeen ciidamada taabacsan mucaaradka maamulkaasi.

Xiisaddan ayaa daba socoto arrimo la xiriira khilaafka ka taagan doorashada maamulkaas oo marar badan dib uga dhacday waqtigeeda, iyada oo hadda ay xiisadda isku rogtay gacan ka hadal.

Dhanka kale, degmada Buurhakaba ayaa iyana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo uu dhexeeya labada dhinac, iyada oo maalmo kahor mucaaradka ay hub geeyeen degmadaas, kaas oo loo qaybiyay ciidamada kasoo horjeedo Laftagareen.

Waxaa kasii ka horreeyay dagaal kale oo dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo looga adkaaday ciidamada mucaaradka, kadib markii laga saaray guri ay ku sugnaayeen oo ku yaalla magaaladaasi, kadib weerar ay ku qaadeen ciidamada amniga ee Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed.

James Swan oo war ka soo saaray xaaladda Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo uu wehliyo  Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Howlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee Horumarinta iyo Arrimaha Bini’aadannimada, Mr. George Conway ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta Hay’adda SODMA, isaga oo baaq kasoo saaray xaaladda dalka.

James Swan iyo George Conway ayaa waxaa xarunta hay’adda si diiran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SODMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo warbixin guud ka siiyay xaaladda adag ee abaaraha iyo dadaallada gurmadka ee ay waddo xarunta.

Labada dhinac ayaa yeeshay kulan gaar ah oo diiradda lagu saaray xaaladaha abaareed ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa gurmadka loo fidinayo dadka nugul ee ay saameeyeen abaaruhu, iyaga oo kadib wada qabtay shir jaraa’id.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo madasha ka hadlay ayaa ku baaqay in la xoojiyo midnimada iyo wadajirka bulshada, si looga gudbo xaaladda abaareed ee dalka.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto garab istaagga  shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya xaaladaha bini’aadannimo.

Waxaa kale oo uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la helo dhaqaale si loo xoojiyo howlaha gurmadka bini’aadannimada, isaga oo xusay in qaabkii gargaarka caalamiga ah loo bixin jiray uu isbeddelay 18-kii bilood ee la soo dhaafay, gaar ahaan dhinaca deeq bixiyeyaasha.

Dhankiisa Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay James Swan booqashadiisa, wuxuuna xusay in abaaruhu ay ku sii fidayaan gobollo badan oo dalka ah, isaga oo ugu baaqay shacabka iyo ganacsatada inay door muhiim ah ka qaataan gurmadka dadka ay saameeyeen abaaruhu.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada, waxaana meelaha qaar laga soo warinayaa inay jirto dhimasho.

 

Maxkamadda Gobolka oo go’aan ka gaartay Bajaajleydii ay xirtay DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir oo maanta la horgeeyay qaar kamid ah dhalinyarada Bajaajleyda ee Arbacadii lasoo dhaafay lagu xiray Muqdisho ayaa ugu dambeyn xorriyadooda dib u siisay.

Sayid Cali Cabdullaahi Cabdilafdiif oo loo yaqaano (Saan Miyaa) oo kamid ah darawallada lasii daayay ayaa ka warbixiyay xarrigooda, wuxuuna sheegay in loo haystay dibadbaxii ay uga cabanayeen sare u kaca qiimaha shidaalka.

“Dambiga nalagu haystay waxaa waayay banaanbax aan qabanay oo aan ku ku diideynay qiimaha shidaalka oo kor u kacay, shicibka Soomaaliyeed oo dhib ku qabay dartood ayaan u sameynay” ayuu wareysiga ku yiri yiri Saan Miyaa.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in cadaalad ay ka heleen garsoorka maxkamadda, isla markaana lagu waayay wax dambi ah.

“Maanta Maxkamadda Gobolka Banaadr ayaa nala geeyay ugu dambeyn waxay nasoo siisay xorriyadeenna, maadaama wax dambi ah nalagu waayey” ayuu sii raaciyay.

Horay Booliska Soomaaliya ayaa dhalinyaradan usoo xir-xiray, iyada oo xarrigooda uu dhaliyay dhaleeceyn xooggan, waxaana cambaareeyay xubnaha mucaaradka oo siyaabo kala duwan uga hadlay beegsiga Bajaajleyda.

Si kastaba, caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa haatan wajaheysa saameyn lama filaan ah oo dhanka dhaqaalaha ah, oo kaga imaneysa dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan. Qiimaha shidaalka ayaa tan iyo dagaalka cirka isku shareeray qiyaastii 77%, iyada suuqyada Muqdisho laga soo warinayo isbeddel lixaad leh oo ku yimid kharashka ku baxa tamarta.

Maalmo uun ka hor, halkii liitar ee shidaalka baasiinka ah ayaa si xasiloon loogu kala iibsanayay $0.65 (Senti). Si kastaba ha ahaatee, laga soo bilaabo fiidnimadii Jimcaha, qiimaha kaalmaha shidaalka ee magaalada ayaa gaaray $1.5, arrintaas oo darawalada gaadiidka ku reebtay la-tacaalidda xaqiiqadan cusub ee adag.

Aqalka Cad oo saddex garab u kala jabay kadib lama filaan lagala kulmay dagaalka Iiraan

Washington (Caasimada Online) — Dagaal siyaasadeed iyo is-jiidjiid xooggan oo ka dhex socda ee Aqalka Cad ayaa keenay in Madaxweyne Donald Trump uu soo saaro hadallo is-burinaya oo ku aaddan jihada uu u socdo dagaalka Iiraan, ayada la-taliyeyaasha madaxweynaha ay si weyn isugu khilaafsan yihiin goorta iyo sida dowladda Mareykanku ay ugu dhawaaqi karto guul sheegasho. 

Sida ay Wall Street Journal u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo aad ugu dhow Aqalka Cad, qaar ka mid ah la-taliyeyaasha ayaa uga digaya Trump in sicir-bararka xawliga ah ee ku yimid qiimaha shidaalka uu dhalin karo cawaaqib-xumo siyaasadeed oo ka dhalata duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil ee Iiraan. Dhanka kale, xubno kale oo saamayn leh ayaa ku cadaadinaya in la sii wado weerarada ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Xogahan qarsoodiga ah ee soo baxaya ayaa iftiiminaya hab-dhaqanka go’aan-qaadasho ee Aqalka Cad xilli ay socoto hawlgalkii milateri ee ugu weynaa ee Mareykanku qaado tan iyo dagaalkii Ciraaq ee 2003.

Madaxweyne Trump, oo xafiiska ku soo laabtay isagoo ballanqaaday inuu ka fogaan doono faragelin milatari oo uu ku tilmaamay “nacasnimo,” ayaa haatan wajahaya cadaadis lixaad leh laba toddobaad uun kadib markii uu dalkiisa geliyay dagaal gilgilay suuqyada maaliyadda ee caalamka, carqaladeeyayna ganacsiga shidaalka.

Saddex garab oo is-diidan

Saddex garab oo is-diidan ayaa ku loolamaya saameynta madaxweynaha.

Garabka koowaad, oo ka kooban la-taliyeyaasha dhaqaalaha iyo siyaasadda sida madaxa shaqaalaha Susie Wiles iyo ku-xigeenkeeda James Blair, ayaa ku doodaya in sicir-bararka shidaalku uu si dhaqso ah meesha uga saari doono taageerada shacabka ee dagaalka. Waxay madaxweynaha ugu baaqayaan inuu guusha ku qeexo mid xaddidan, soona afjaro hawlgalka.

Dhanka kale, xubnaha mayalka adag ee xisbiga Jamhuuriga, sida Senator Lindsey Graham iyo Tom Cotton, ayaa ku riixaya madaxweynaha in la sii wado cadaadiska milateri si looga hortago in Iiraan ay hesho hub nukliyeer ah, si adagna looga jawaabo weerarada lagu qaadayo ciidamada iyo maraakiibta Mareykanka.

Garabka saddexaad oo ah taageerayaasha asalka ah ee Trump iyo shakhsiyaad saameyn leh sida Steve Bannon iyo Tucker Carlson, ayaa iyaguna si fagaare ah iyo si hooseba uga digaya in Mareykanka lagu dhex jiido dagaal daba-dheeraada.

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa bayaan ay soo saartay ku beenisay xogahan, iyadoo ku tilmaantay “xansasho iyo mala-awaal ka imanaya ilo aan la garanayn oo aan xitaa goobjoog u ahayn wadahadallada Madaxweynaha.” Waxay carabka ku adkeysay in madaxweynuhu uu yahay go’aan-qaataha kama dambeysta ah.

Isbed-beddelka fariimaha Trump ayaa si weyn u jahawareeriyay suuqyada caalamka. Madal uu kaga qaybgalay gobolka Kentucky Arbacadii, ayuu ugu horreyn sheegay in “Mareykanku uu ku guuleystay dagaalka,” balse markiiba wuxuu raaciyay hadal weji kale ah oo ahaa, “Ma doonayno inaan goor hore baxno, sow maaha? Waa inaan shaqada soo afjarnaa.”

Madaxweynaha ayaa haatan isku dayaya inuu is-waafajiyo fariimo is-diidan, xilli ujeeddooyinkii markii hore la shaaciyay ee dagaalka—oo isugu jiray in la fashiliyo weerar soo fool leh, la burburiyo barnaamijka nukliyeerka, iyo in la rido dowladda Iiraan—ay u xuub-siibteen ujeeddooyin aad u kooban oo ku saleysan cunaqabateyn iyo diblomaasiyad.

Xiritaanka Marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa udub-dhexaad u ah jihada kama dambeysta ah ee uu dagaalku u biyo-shuban doono. Marinkani oo ay caadi ahaan marto shan-meelood meel shidaalka adduunka ayaa haatan qarka u saaran inuu gabi ahaanba istaago, kadib markii Iiraan ay weerarro la beegsatay maraakiib shidaal oo ku sugnaa biyaha Ciraaq iyo nawaaxiga marinkaas.

Haddii xannibaadda Iiraan ay sii kordhiso qiimaha shidaalka ee gudaha Mareykanka, waxay caqabad siyaasadeed oo weyn ku noqon doontaa Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriga oo u diyaar-garoobaya inay difaacdaan aqlabiyaddooda ciriiriga ah ee Koongareeska doorashooyinka xilliga dhexe (midterms) ee bisha Nofembar.

Ugu dambeyn, jahawareerka ka taagan is-bedbedelka go’aamada maamulka ayaa u muuqda inuu salka ku hayo guushii degdegga ahayd ee milatariga Mareykanku dhowaan ka gaaray dalka Venezuela.

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, qaar ka mid ah la-taliyeyaasha ayaa ku dhibtooday inay Trump ka dhaadhiciyaan in hawlgalka Iiraan uusan u fududaan doonin sidii weerarkii 3-dii Janaayo ee lagu soo qabtay Madaxweyne Nicolas Maduro, kaas oo Mareykanka siiyay gacan-ku-haynta keydka shidaalka ee dalkaas iyadoo aan la gelin dagaal daba-dheeraada. Iiraan, taa beddelkeeda, ayaa ah mid si weyn u hubeysan oo leh nidaam amni iyo mid wadaad oo si qoto dheer u xididdeystay.

Sidoo kale, ilo sirdoon ayaa beeniyay sheegashada la-taliyeyaasha Trump ee ahayd in Iiraan ay toddobaadyo u jirtay sameynta hub nukliyeer ah.

In kasta oo la sheegtay in duqeymaha Mareykanku ay dhulka la simeen inta badan keydkii Yuraaniyamta la kobciyay ee Iiraan, haddana khubarada ayaa aaminsan in walxahaas weli dib loo soo saari karo loona sifeyn karo heer hub nukliyeer ah, in kasta oo xukuumadda Tehran ay mar walba dafirto inay raadinayso hubkaas.

Xiisad dagaal oo maanta ka taagan magaalada Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya  gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kadib markii ay halkaas dhaq-dhaqaaq ay ka bilaabeen ciidamo ka cabanayo mushaar la’aan.

Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland ee ka qayb-qaatay howlgalka Calmiskaad, si looga xoreeyo  kooxda Daacish, waxayna ka cabanayaan daryeel la’aan iyo sidoo kale xuquuq mushaari ah oo ka maqan.

Sidoo kale, ciidamada ayaa xirtay afaafka hore hore ee magaalada Boosaaso, iyaga oo fariisimo cusub ka sameystay halkaasi, taas oo keentay in xiisad laga dareemo duleedka magaalada.

Xiisad culus ayaa sidoo kale la dareemay markii ay goobta tageen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Puntland, kuwaas oo markii dambe ku guuleystay in ciidamada careysan ay ka qaadaan waddada si loo furo isku socodka.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada gadoodka wada ayaa farriin culus u diray madaxda sare ee Dowlad-goboleedka Puntland, iyaga oo ka dalbaday inay soo farogeliyaan arrintooda, si wax looga qabto cabashadooda oo soo noq noqotay.

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa hadda wada dadaallo dheeraad ah oo xal loogu raadinayo xiisadda taagan, iyagaoo isku dayaya in ay askartan ku qanciyaan in marka hore ay ku laabtaan xeryahooda, kadibna la xallin doono tacbashada ay qabaan.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay madaxda Puntland ee ku aadan gadoodka ciidamadaas iyo xiisadda haatan laga dareemayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Si kastaba, gadoodka ay sameynayaan  ciidamada Puntland ee ka cabanaya mushaar la’aanta ayaa in-dhawaanahan ku soo badanayay degaannada maamulkaasi, waxaana marar kala duwan ciidamo careysan lagu arkay magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo, kuwaas oo xanibay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalooyinkaasi.

Mareykanka oo billaabay in uu Soomaalida u tarxiilo dal ku yaalla Koonfurta Afrika

Mbabane (Caasimada Online) — Dowladda Eswatini (oo horay loo oran jiray Swaziland) ayaa Khamiistii xaqiijisay inay la wareegtay afar qof oo dheeraad ah oo laga soo tarxiilay dalka Mareykanka, kuwaas oo ay ku jiraan laba muwaadin oo Soomaali ah.  

Tallaabadan, oo qayb ka ah heshiis muran dhaliyay oo dhexmaray Washington iyo Mbaban,e ayaa si weyn sare ugu qaadeysa walaaca ay qabaan Soomaalida wajaheysa siyaasadaha adag ee socdaalka ee maamulka madaxweyne Donald Trump. 

Afartan qof oo ay sidoo kale ku jiraan hal qof oo u dhashay Suudaan iyo mid u dhashay Tansaaniya, ayaa tirada guud ee dadka laga soo musaafuriyay Mareykanka ee la geeyay boqortooyadan ku taalla koonfurta Afrika ka dhigaysa ugu yaraan 19 qof.

Sida ay xaqiijisay Hay’adda u Dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International, afartan nin ayaa dalkaas la geeyay 11-kii bishan Maarso, waxaana haatan lagu hayaa xabsiga weyn ee sida aadka ah loo ilaaliyo ee Matsapha Correctional Complex, kaas oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee dalkaas.

Xukuumadda Eswatini ayaa sheegtay in dadkan ay ku qaabishay heshiis ay la gashay Washington, isla markaana ay socdaan “wadahadallo xooggan” oo lala yeelanayo dalalkii ay markii hore ka soo jeedeen.

Heshiiskan ayaa noqday tusaalihii ugu caddaa ee muujinaya sida maamulka Madaxweyne Trump uu dalal saddexaad ugu adeegsanayo in lagu hayo ama lagu kala shaandheeyo dadka laga soo eryay Mareykanka, balse aan si toos ah loogu celin karin dalalkooda hooyo.

Eswatini ayaa heshiiskan ku heshay lacag dhan 5.1 milyan oo doolar, iyadoo horayna u qaabishay muwaadiniin laga soo tarxiilay dalalka Vietnam, Cuba, Laos iyo Yemen.

Dhamenyta sharciga TPS

Dhanka Soomaalida, waqtiga uu ku soo beegmay tarxiilkan ayaa ah mid xambaarsan xasaasiyad gaar ah. Maamulka Trump ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u soo afjaro aqoonsiga Sharciga Badbaadada Kumeel-gaarka ah (TPS) ee la siiyo Soomaalida marka ay saacaddu gaarto 11:59 xilliga habeenimo ee taariikhdu tahay 17-ka Maarso, 2026.

Go’aankan ayaa soo afjaraya barnaamij tobannaan sano u oggolaanayay Soomaalida ku sugan Mareykanka inay si sharci ah ugu noolaadaan, ugana shaqeystaan halkaas sababo la xiriira arrimo bani’aadannimada.

Ogeysiiska rasmiga ah ee xiritaanka barnaamijkan ayaa muujinaya in ilaa 8-dii Diseembar 2025 ay jireen 1,082 qof oo Soomaali ah oo haystay sharciga TPS, halka 1,383 kalena ay codsiyadoodu la sugayay.

Washington ayaa ku doodeysa in Soomaaliya aysan hadda buuxin shuruudihii qaanuuniga ahaa ee lagu bixinayay sharciga TPS. Balse go’aankaas ayaa argagax geliyay jaaliyadda Soomaaliyeed iyo ururrada u dooda xuquuqda soogalootiga, kuwaas oo aaminsan in Soomaaliya ay weli tahay dal aan xasilloonayn oo aan si nabad ah loogu laaban karin.

Arrintan ayaa dhalisay in afar muwaadin oo Soomaali ah iyo laba hay’adood oo u dooda xuquuqda aadanaha ay toddobaadkan dacwad u gudbiyaan maxkamad federaal ah, iyagoo isku dayaya inay is-hortaagaan joojinta sharciga.

Dacwoodayaasha ayaa ku doodaya in go’aanka maamulku uu hareer maray habraacii sharciga ahaa, isla markaana uu salka ku hayo eex iyo midabtakoor ka dhan ah dad gaar ah.

Mareykanka ayaa markii ugu horreysay sharciga TPS siiyay Soomaalida sanadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe iyo dagaaladii sokeeye ee dalka ka qarxay. In ka badan soddon sano kadib, Soomaaliya ayaa weli la daalaa-dhacaysa amni-darro, dagaallo hubeysan iyo barakac, inkastoo saraakiisha Mareykanku ay ku doodayaan in xaaladdu ay soo hagaagtay si loo joojiyo barnaamijkan.

Siyaasadda Mareykanka lafteeda ayaa muujinaysa is-burin weyn: Ayada oo Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ay doonayso in la joojiyo TPS-ka, Waaxda Arrimaha Dibadda (State Department) ayaa weli muwaadiniinta Mareykanka uga digta inay u safraan Soomaaliya, iyadoo sabab uga dhigaysa khataraha isugu jira dambiyada, argagixisada, rabshadaha sokeeye, afduubka iyo adeegyada qunsuliyadda oo aad u xaddidan.

Heshiiska oo muran dhaliyey

Gudaha Eswatini, heshiiskan tarxiilka ayaa dhaliyay caro xooggan oo dhanka sharciga iyo siyaasadda ah.

Qareenada maxalliga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa maxkamad la tiigsaday heshiiska, iyagoo ku dooday inuu yahay mid qarsoodi ah oo sharci-darro ah, balse Maxkamadda Sare ayaa bishii hore tuurtay dacwadaas, taas oo u oggolaatay in barnaamijku sii socdo iyadoo aanu weli damin murankii hareeyay.

Eswatini ayaa ka mid ah ugu yaraan toddoba dal oo Afrikaan ah oo heshiisyo tarxiil la galay xukuumadda Washington.

Dadka naqdiya siyaasaddan ayaa qaba in gacan-gelinta labada muwaadin ee Soomaalida ah ee la geeyay Eswatini ay muujinayso sida ololaha adag ee maamulka Mareykanka uu ku qaaday socdaalka uu u dhaafay in dadka si toos ah loogu celiyo dalalkoodii hooyo, isagoo u xuub-siibtay shabakad heshiisyo mugdi ku jiro oo lala galay dalal saddexaad.

In kasta oo dadkan la tarxiilay ay dhammaysteen xukunnadii xabsiga ee Mareykanka lagu dul riday, qaar ka mid ah raggii horay loo keenay Eswatini ayaa weli ku jira xabsiyada dalkaas, xilli mas’uuliyiintu ay weli wadaxaajoodyo la leeyihiin dalalkooda hooyo.

Masiirka labada nin ee Soomaalida ah ayaan weli caddayn. Balse imaatinkooda dalka Eswatini, xilli ay maalmo kooban uun naga xigaan waqtiga uu dhacayo sharcigii badbaadinayay Soomaalida Mareykanka, ayaa sii xoojinaya hubanti-la’aanta iyo welwelka haatan ragaadiyay bulsho ku tiirsanayd sharciga TPS in ka badan soddon sano.

DF oo heshiis la gashay gobol ka tirsan Mareykanka

Charleston (Caasimada Online) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Jimcaha shaacisay inay heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga macdanta muhiimka ah (critical minerals) la saxiixatay gobolka West Virginia ee dalka Mareykanka.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah olole weyn oo ay Muqdisho ku doonayso inay dalka ku soo jiidato raasamaal iyo khibrad farsamo oo Mareykan ah, si loo horumariyo waaxdan oo ay u aragto mid udub-dhexaad u ah kobaca dhaqaalaha ee mustaqbalka.

Heshiiskan cusub ayaa daboolaya hawlo isugu jira baarista, soo-saarista, sifeynta iyo kordhinta tayada iyo qiimaha macdanta muhiimka ah.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa heshiiskan u saxiixay dhanka Soomaaliya, halka Kris Warner, oo ah xoghayaha arrimaha dibedda West Virginia uu u matalayay dhanka Mareykanka, munaasabad ka dhacday magaalada Charleston.

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, ayaa waxaa halkaas ku qaabilay Guddoomiyaha Aqalka Senate-ka ahna Ku-simaha Barasaabka gobolkaas, Randy Smith.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa xusay in heshiiskani uusan ku koobnayn oo keliya helitaanka qalabka ceyriin, balse ujeedka ugu weyni uu yahay wixii laga dhisi lahaa hareerihiisa. Is-afgaradkan ayaa loogu talagalay in lagu taageero is-dhaafsiga teknoolajiyada, dhisidda awoodda xirfadeed ee shaqaalaha, iyo sameynta kaabayaal dhaqaale oo macdanta lagu sifeeyo gudaha dalka.

Tallaabadan diblomaasiyadeed ayaa imanaysa waxyar uun kadib markii 4-tii bishan Maarso ay magaalada Muqdisho ka dhaceen wada-hadalladii ugu horreeyay ee rasmi ah oo ku saabsan ganacsiga iyo maalgashiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka. Kulankaas oo diiradda lagu saaray macdanta muhiimka ah, shidaalka iyo gaaska, ayaa labada dhinacba ay isku raaceen in la sameeyo guddiyo farsamo oo wadajir ah.

Sidoo kale, saxiixan ayaa daba-socda ansixintii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay bishii Ogosto ee sanadkii 2025 ku meel-mariyeen sharciga macdanta, kaas oo ujeedkiisu ahaa in la abuuro qaab-dhismeed sharci oo hufan.

Waqtiga uu heshiiskan ku soo beegmay ayaa sidoo kale xambaarsan weji siyaasad-juquraafiyeed (geopolitical) oo aad u xasaasi ah. Dabayaaqadii bishii Febraayo, mas’uuliyiinta maamulka gooni-isu-taagga raadinaya ee Somaliland ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Mareykanka siiyaan fursad ay ku helaan macdanta iyo saldhigyo milatari, si beddelkeeda loo aqoonsado.

Arrintaas ayaa waxaa xigay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay iyaduna si gooni ah xukuumadda Washington ugu yaboohday in ay gacan ka siiso helitaanka dekedaha, garoomada diyaaradaha iyo macdanta muhiimka ah.

Tani waxay si cad u muujinaysaa sida diblomaasiyadda kheyraadka dabiiciga ah iyo loolanka amnigu ay si xawli ah isugu milmeen gobolka Geeska Afrika.

Waxay sidoo kale tani qeyb ka tahay loolan weyn oo caalami ah oo ujeedkiisu yahay in la kala duwoo silsiladaha saadka ee macdanta muhiimka ah, si looga weecdo suuq ay haatan in muddo ah gacanta ku hayeen tiro yar oo waddamo ah oo soo saara, sifeeyana macdantaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa fariin cad dirtay oo ah in iskaashi kasta oo mustaqbalka la galayo uusan ku ekaan doonin oo keliya qodista macdanta, balse uu noqdo mid dalka ku reeba faa’iidada ugu badan isagoo loo marayo warshadayn iyo dhismo kaabayaal dhaqaale.

Soomaaliya ahaan, heshiiskan ayaa ka turjumaya olole ballaaran oo lagu doonayo in caalamka loo tuso in horumarinta kheyraadka dabiiciga ah la hoos geyn karo nidaam maalgashi iyo maamul-wanaag oo rasmi ah, kadib sanado badan oo amni-darro, kala-qaybsanaan siyaasadeed iyo nidaam daciif ah ay curyaamiyeen kobacii waaxdan.

Inkastoo aan weli la hubin in is-afgaradka gobolka West Virginia uu si dhaqso ah isugu beddeli doono mashaariic dhab ah iyo maalgelin toos ah, haddana tallaabadani waxay caddeyn u tahay in xukuumadda Muqdisho ay isku dayayso in macdanta ay garab-dhigto shidaalka iyo gaaska, kana dhigto xudunta diblomaasiyadda dhaqaale ee ay la leedahay dowladda Mareykanka.

Wasiir Fiqi oo sheegay in mucaaradka ay soo dhex-mareen Bajaajleyda xiran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa si faah-faahsan uga hadlay xarriga loo gaystay qaar kamid ah dhalinyarada Bajaajleyda ee dhowaan dibadbaxa ka dhigay magaalada Muqdisho, iyaga oo ka cabanaya sare u kaca qiimaha shidaalka.

Fiqi ayaa shaaciyay sabab yaableh oo loo haysto dhalinyaradan isaga oo sheegay in ay soo dhex-mareen mucaaradka, isla markaana ay ahaayeen kuwa lasoo abaabulay, hadalladoodana ay siyaasadeysnaayeen, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay mucaaradka in ay horay sidaan oo kale u adeegaadeen qoysas danyar ah, gaar ahaan dadkii laga saaray xarumaha dowladda, haddane ay weli sii wadaan mashruucyo ay doonayaan in la’isaga horkeeno shacabka iyo dowladdooda.

“Kooxihii madasha calaacalku hadba waxa ay ku soo hoos gabadaan dad masaakiin ama mashruuc ay is leeyihiin dawladda ayaa lagu dhibi karaa. Shalay dad baa la barakicinayaa, mar kale dastuurka arrinkiisa, mar kale shabaab ayaa dhulka qabsanaya, mar kale hebel ayaa la xiray oo saldhigga Wardhiigley ayay ku duueen”. ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Maantay waxay soo fuuleen Dhallinyarada bajaajleyda qaar abaabulan oo ka mid ah oo hadaladooda laga dhex dhadhansan karo in ay siyaasadaysan yihiin!”.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa intaas ku daray in dowladdu ay fursad wayn siisay Bajaajleyda, isla markaana ay horay u xallisay inta badan caqabadihii caqabadihii haystay, gaar ahaan waddooyinka ka xirnaa loona furay.

“Dhallinyarada bajaajleyda dawladda hadda jirta waxa ay siisay fursado aysan weligood helin, waxaa lagu dhibi jiray wadooyin xiran, waa loo furey, waxaa lagu dili isgoysyada si maalinle ah waa dhammaatay ayana, waxay la kulmi jireen qaraxyo joogto ah waa dhammaadeen” ayuu mar kale yiri Fiqi.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka aysan aqbali doonin in la kiciyo fowdo, laguna soo gabbado howlo siyaasadeed, iyada oo loo adeegayo shaqsiyaad leh dano gaar ah.

“Cidna dawladda Buste uma soo huwan karto, shidaalka dagaalka bariga dhexe ka socda awgiis u qaaliyoobey dawladda laguma eedeyn karo, suurtagalna ma ahan in wadooyinka umaddu isticmaasho loo xirto oo fowdo la abuuro. Xorriyadda hadalka dastuurka ayaa damaanad, laakin fowdo iyo abaabullo siyaasadaysan in lagu soo hoos gabbado cid laga aqbalayo ma jirto”. ayuu kusoo gabagabeeyey qoraalkiisa.

Israa’iil oo qiratay fashil la xiriira qorshihii dagaalka Iran

Tel Aviv (Caasimada Online) – Saraakiisha sare ee Israa’iil ayaa haatan aaminsan in nidaamka talada haya ee dalka Iiraan uusan dhici doonin xilligan dhow, iyadoo madaxda Tehran ee la wiiqay ay weli si buuxda u maamulayaan dalka, xaaladda gudahana aysan weli ahayn mid u bisil kacdoon dadweyne, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah. 

Ku dhawaad laba toddobaad kadib markii uu dagaalku qarxay, hoggaanka milatari iyo kan siyaasadeed ee Iiraan ayaa u muuqda kuwo shaqeynaya oo si dhaw uga falcelinaya dhacdooyinka, halka mucaaradka gudaha ay si weyn u cabsi galiyeen ciidamada ammaanka oo hawlgalo adag wada.

Israa’iil ayaa qiimeysay in wax-ka-beddelka xaaladdan ay u baahan doonto in dagaalku uu sii socdo toddobaadyo ama bilooyin kale, taasi oo ka dhigan in qorshaha dagaalka uu illaa hadda yahay mid aan lagu guuleysan, sida uu qoray wargeyska The Wall Street Journal.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday in uusan hubin in shacabka Iiraan ay awoodi doonaan inay ridaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah, in kasta oo uu xusay in dalkiisu uu ka shaqeynayo abuurista jawi arrintaas suurtageliya.

“Sida dhabta ah idiinma sheegi karo in shacabka Iiraan ay ridi doonaan nidaamka,” ayuu yiri Netanyahu. “Haddii uusan dhicinna, wuxuu noqon doonaa mid aad u tabar daran.”

Milatariga Israa’iil ayaa Khamiistii soo bandhigay yoolal aad u xaddidan, iyagoo diiradda saaraya wiiqida awoodda milatari ee Iiraan si aysan khatar weyn ugu noqon Israa’iil iyo gobolka.

Afhayeenka milatariga Nadav Shoshani ayaa suxufiyiinta u sheegay in shaqada ciidamadu ay tahay in marka ay arkaan khatar ay yareeyaan, dibna u riixaan inta suurtagalka ah. Wuxuu xusay in tallaabooyinka intaas xiga ee heerar kala duwan ah ay ka baxsan yihiin awoodda milatariga.

Si kastaba ha ahaatee, Washington iyo Tel Aviv ayaa la filayaa inay sii wadaan cadaadiska dhaqaale iyo hawlgallada qarsoodiga ah xitaa haddii xabadda la joojiyo.

In kasta oo Madaxweyne Donald Trump iyo Netanyahu ay markii hore ugu baaqeen shacabka Iiraan inay la wareegaan maamulka dalkooda, saraakiisha Mareykanka ayaa haatan ulaabtay ujeeddooyin ka kooban burburinta awoodda milatari, barnaamijka nukliyeerka iyo keydka gantaallada riddada dheer.

Dhankiisa, Netanyahu ayaa weli si fagaare ah ugu dhiirrigelinaya Iiraaniyiinta inay u diyaar garoobaan inay isugu soo baxaan waddooyinka, isagoo tilmaamay in waqtigii ficilka la qaadi lahaa uu soo dhow yahay, wuxuuna si maldahan u sheegay in Israa’iil ay Iiraan u hayso waxyaabo lala yaabo.

Adkeysiga nidaamka Iiraan

Nidaamka Tehran ayaa muujiyay adkeysi isagoo sii wada weerarada aargoosiga ah, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay Mareykanka, xulafadiisa, iyo dhaqaalaha caalamka. Habeenkii Arbacada, laba markab oo shidaal sida ayaa lagu weeraray xeebaha Ciraaq, taas oo daba socotay weeraro lagu qaaday maraakiib xamuul oo horseeday in gabi ahaanba la xiro marinka muhiimka ah ee Marinka Hormuz.

Dadka deegaanka magaalada Dubai ayaa Jimcihii ka warbixiyay dhawaqa gantaallo digniin ah iyo nidaamyada difaaca hawada oo hawlgalaya, iyadoo waddamada Khaliijka sida Baxreyn iyo Sacuudi Carabiya ay weli bartilmaameed u yihiin duqeymaha. Dhanka kale, laamaha amniga Iiraan ayaa si buuxda u xakameeyay jidadka waaweyn ee dalkaas.

Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa Khamiistii baahisay bayaan ay u nisbeeyeen Hoggaamiyaha cusub ee Sare, Aayatullaahi Mojtaba Khamenei, kaas oo noqonaya kiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu beddelay aabbihiis oo lagu dilay duqeymihii bilowgii dagaalka.

Bayaankan ayuu ku wacad maray inuu aargoosan doono, wuxuuna amar ku bixiyay in marinka Hormuz la sii xirnaado, isagoo ku hanjabay inuu furi doono furimo cusub oo dagaal. Balse, bayaanka ayaan la socon wax cod ama muuqaal ah, taas oo abuurtay shaki iyo mala-awaal ku aaddan xaaladdiisa dhabta ah.

Khubarada istaraatiijiyadda iyo saraakiishii hore ee difaaca Israa’iil ayaa qaba in abuurista xaalad lagu rido nidaam ay tahay hawl adag.

Amir Avivi, oo horay u soo noqday sarkaal sare oo dhanka difaaca ah, ayaa sheegay in cadaadis milateri oo la sii wado dhowr toddobaad uu gogol-xaar u noqon karo kacdoon, balse natiijadu ay tahay mid aan la saadaalin karin. Wuxuu xusay in la go’aamiyay in la abuuro xaalad dadku waddooyinka isugu soo baxaan, balse “weli halkaas ma aannaan gaarin.”

Assaf Orion, madaxii hore ee qorsheynta istaraatiijiyadda milatariga, ayaa isna sheegay in aysan jirin hanaan cad oo xaqiijinaya in olole milateri uu keeno isbeddel nidaam, isagoo yiri, “Dagaalka waxaa loo qorsheeyay inuu socdo toddobaadyo, laakiin geedi-socodkani wuxuu qaadan karaa sanado.”

Fashil qirashada Israa’iil

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar ayaa wargeyska Times of Israel u xaqiijiyay in ficil milateri oo kaliya uusan ridi karin nidaamka, taasina ay tahay arrin u baahan in shacabka Iiraan ay iyagu sameeyaan, inta badanna ay dhacdo marka uu dagaalku istaago.

Sirdoonka Israa’iil ayaa goor hore ogaa in wiiqida nidaamka ay waqti qaadanayso, iyagoo wajahayay waqti is-gura tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Kadib markii ay la wareegeen gacan-ku-haynta hawada Iiraan, diyaaradaha Israa’iil ayaa si dhab ah u bartilmaameedsaday xarumaha iyo saldhigyada laga hago ciidamada cabburinta gudaha, iyagoo rajeynaya inay abuuraan fursad kacdoon, waxaana duqeymahaas la kordhiyay maalintii Arbacada.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump ayaa toddobaadkan xusay in dagaalku uu dhowaan dhammaan karo. In kasta oo Israa’iil ay rajaynayso waqti dheeri ah oo ay ku dagaallanto, haddana madaxdeedu way ogyihiin in Trump uu wajahayo cadaadis gudaha dalkiisa ah oo ku qasbi kara inuu si lama filaan ah u soo afjaro dagaalka.

Haddii lagu guuldareysto in la rido nidaamka, khubarada sida Orion ayaa ka digaya in Israa’iil ay wejihi doonto xukuumad mayal adag oo aad u dhiirratay marka uu dagaalku istaago.

Ma jirto hanaan cad oo xukunka looga tuurayo nidaamka Tehran. Madaxweyne Trump ayaa asbuucii hore la yimid fikradda ah in Kurdiyiinta lagu soo daro dagaalka. Balse kooxaha hubeysan ee Kurdiyiinta Iiraan — oo inta badan fadhigoodu yahay dalka deriska ah ee Ciraaq iyo goobaha xuduudka ah — ayaa sheegay in xaaladdu aysan ahayn mid saamaxaysa arrintaas, maadaama ciidamada dowladda Iiraan ay weli aad u xooggan yihiin.

Awoodda Ilaalada Kacaanka

Gudaha Iiraan, in kasta oo ay jirto caro xooggan oo shacabku u qabo dowladda, xukuumaddu waxay weli leedahay awoodda isticmaalka ciidanka.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in xubno ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) iyo ciidamada dharcadda ee Basij ay si joogto ah uga dhex muuqdaan waddooyinka caasimadda Tehran iyo magaalooyinka kale.

Ciidamada amniga ayaa ugu hanjabay dadka isku daya inay banaanbaxyo dhigaan in toos loo toogan doono, taas oo cabsi weyn ku abuurtay shacabka, soona celinaysa xusuusta cabburintii dhacday bishii Janaayo ee lagu dilay kumannaan qof oo ka soo horjeeday dowladda.

Ciidamadan ayaa la qabsaday duqeymaha, tusaale ahaan, inkastoo magaalada Isfahan ay la kulantay weeraro culus oo kaga imanayay Israa’iil, ciidamada amniga ayaa u muuqda inay weli gacanta ku hayaan magaalada, iyadoo xubnaha Basij ay mootooyin ku dhex mushaaxayaan waddooyinka iyagoo wata hub iyo calanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Dad badan oo ka soo horjeeda dowladda ayaa aaminsan in in lala dagaallamo hoggaamiyeyaashooda xaaladdan hadda lagu jiro, iyadoo aan la hubin in taageerada milatari ee shisheeye ay sii socon doonto, ay la mid tahay is-dilid.

Qof ku nool magaalada Isfahan ayaa sheegay inuu asxaabtiisa la kulmay habeenkii Arbacada, ayna meesha ka saareen inay dib u bilaabaan banaanbaxyada xilligan, maadaama rajo-xumo iyo cabsi badan ay hareereysay.

Haweeney ku nool magaalada Mashhad ayaa dhankeeda sheegtay in mucaaradka dowladda ay weli doonayaan inay ridaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah, balse ay go’aansadeen inay guryahooda iska joogaan si ay uga badbaadaan gacan-ka-hadal.

Ugu dambeyn, muwaadin ku sugan magaalada waqooyiga dhacda ee Rasht ayaa xusay in ay tahay wax aan caqli-gal ahayn in lagu tiirsanaado dad rayid ah oo aan hubeysnayn si ay u ridaan nidaam lagu eedeeyay inuu shacabkiisa xasuuqo, isagoo ka digay in tallaabadaasi ay horseedi doonto daadasho dhiig oo baaxad leh.

NISA oo fulisay laba howlgal oo lagu laayay horjoogayaal Shabaab ah + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaysa saaxiibada caalamka ah ayaa howlgallo qorsheysan ka fulisay gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka Dumaaye ee gobolka Mudug lagu dilay 15 dhagar-qabe oo kamid ah maleeshiyaad xilligaas lagu aruurinayay halkaasi, si ay u fuliyaan weerar lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.

Horjoogayaasha lagu dilay howlgalka Mudug ayaa waxaa kamid ah;- Xudeyfa Galinle (gacanyarihii Wakiilka Mudug), Qataatow (madaxii hore ee maleeshiyaadka Mudug), Cabdiraxmaan Garwayne (madaxii marin-habaabinta deegaanka Jowle), Daahir (madaxii baadda ee Dumaaye iyo Dabagalo) iyo Cabdiwali (horjoogihii hore ee maleeshiyaadka Bacaadweyne).

Sidoo kale howlgalka labaad ayaa isna ka dhacay aagga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, iyada oo lagu beegsaday laba guri oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, iyada oo lagu dilay 7 xubnood oo ilaalo u ahaa Mustaf Caato oo ku magacaaban horjoogaha maleeshiyaadka ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegtay Hay’adda NISA.

Waxaa kale oo xubnaha lagu dilay howlgalkaas ku jiray labo horjooge oo muhiim u ahaa maaliyadda kooxda, kuwaas oo kala ahaa: Qaliif Muumin Sabriya, iyo Cismaan Cabdulle Faarax.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran:-

WAR SAXAAFADEED

Muqdishu, March 13, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu beegsaday maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay gobollada Hiiraan iyo Mudug, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 22 dhagarqabe oo ku howlanaa abaabulka isku dayo lid ku ah amniga shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug, waxaa lagu bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaad iyo horjoogeyaal sare oo ka tirsan Khawaarijta.

Weerarka Dumaaye waxaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo ay ku jireen horjoogeyaasha kala ah: Xudeyfa Galinle (gacanyarihii Wakiilka Mudug), Qataatow (madaxii hore ee maleeshiyaadka Mudug), Cabdiraxmaan Garwayne (madaxii marin-habaabinta deegaanka Jowle), Daahir (madaxii baadda ee Dumaaye iyo Dabagalo) iyo Cabdiwali (horjoogihii hore ee maleeshiyaadka Bacaadweyne).

Sidoo kale, Howlgal ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ayaa isna lagu beegsaday labo guri oo ay ku sugnaayeen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ilaalo u ahaa Mustaf Caato oo ku magacaaban horjoogaha maleeshiyaadka ee gobolka Hiiraan. Howlgalkan waxaa lagu dilay ilaa toddobo (7) dhagarqabe oo ay ku jiraan labo horjooge oo muhiim u ahaa maaliyadda kooxda, kuwaas oo kala ahaa: Qaliif Muumin Sabriya, iyo Cismaan Cabdulle Faarax. Sidoo kale howlgalka waxaa lagu burburiyay gaadiid ay isticmaalayeen horjoogeyaashan.

Hay’adda NISA waxa ay dardargalisay howlgallada lagu baacsanayo Argagixisada si haraadigooda looga sifeeyo dhammaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454

Netanyahu oo lagu riixayo heshiiska Erdogan xilli Iran weerar ku hayso Turkiga

Tel Aviv (Caasimada Online) – Iyadoo ay sii kordhayso xiisadda ka aloosan gobolka Bariga Dhexe, warbaahinta Israa’iil ayaa bilowday olole ballaaran oo loogu baaqayo xukuumadda Benjamin Netanyahu inay dib u habayn ku sameyso xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Turkiga.

Ololahan ayaa yimid ka dib markii Turkigu la kulmay weerarro gantaallo oo laga soo tuuray dhinaca Iiraan, taas oo khubarada amniga iyo siyaasadda ee Israa’iil ay u arkaan “fursad dahabi ah” oo u baahan in laga faa’iideysto.

Wargeyska caanka ah ee Yedioth Ahronot, oo ka mid ah ilaha ugu saamaynta badan warbaahinta Israa’iil, ayaa daabacay maqaal falanqayn xeeldheer ah oo lagu lafaguray isbeddelka jawiga gobolka.

Wargeysku wuxuu is-weydiiyey:
“Ma suuragalbaa in weerarka gantaallada ee Iiraan ku qaaday Turkiga uu dhiirrigeliyo dib u heshiisiin u dhexeysa Tel Aviv iyo Ankara, isla markaana xoojiyo iskaashi dhex mara labada dhinac oo ka dhan ah cadow ay wadaagaan, kaas oo ah Iiraan?”

Iskaashi ka dhan ah ‘cadowga wadajirka ah’

Khubaro dhanka amniga iyo xiriirka caalamiga ah oo la hadlay wargeyska ayaa aaminsan in, inkastoo sanadihii u dambeeyey uu jiray khilaaf xooggan oo u dhexeeyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu, haddana danta guud ee labada dal ay haatan ku jirto iskaashi amni.

Danta Israa’iil: Waxay u baahan tahay xulafo xooggan oo gobolka ah si loo xakameeyo saamaynta Iiraan iyo hawlgalada militari ee ay ku lug leedahay.

Danta Turkiga: Weerarkii gantaallada ee Iiraan ayaa muujiyey nuglaanta amni ee Turkiga, taas oo keeni karta in Ankara ay raadiso iskaashi dhanka gaashaandhigga ah oo lala yeesho quwadaha gobolka.

Khubarada ayaa ku boorriyey xukuumadda Tel Aviv in aysan seegin fursaddan taariikhiga ah, iyagoo soo jeediyey in si degdeg ah loo bilaabo wadahadal hoose oo lagu qaboojinayo khilaafkii hore, laguna dhisayo isbaahaysi cusub oo ku qotoma amniga Bariga Dhexe.

Ilaa hadda, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu oo ku aaddan baaqan ka soo yeeraya warbaahinta iyo khubarada dalkaas.

2 dal oo Yurub ah oo wada-hadal qarsoodi ah la furay Iran

0

Paris (Caasimada Online) – Dowladaha Faransiiska iyo Talyaaniga ayaa xiriirro diblomaasiyadeed la sameeyay xukuumadda Iran, iyagoo doonaya inay dammaanad ka helaan maraakiibtooda ganacsi ee adeegsada marinka muhiimka ah ee Hormuz.

Sida uu baahiyay wargeyska Financial Times, oo soo xiganaya ilo xog-ogaal u ah arrintan, dadaalkan ayaa ku soo aadaya xilli uu ismari-waa weyn ka jiro gobolka ka dib weeraradii United States iyo Israel ay ku qaadeen Iran 28-kii bishii Febraayo.

Tan ayaa muujinaysa isku day ay reer Yurub ku doonayaan inay kaga nabadgalaan saameynta colaadda baaxadda leh ee ka aloosan Galbeedka Aasiya, taas oo curyaamisay dhaq-dhaqaaqii ganacsiga ee marinkaas.

Marinka Hormuz oo ah halbowlaha ay marto ku dhowaad shan meelood oo ka mid ah (20%) saliidda dunida laga isticmaalo, ayaa ku dhowaaday inuu gabi ahaanba xirmo kadib markii uu weerar dhex maray isbaheysiga Mareykanka iyo Israa’iil iyo dalka Iran dabayaaqadii bishii hore.

Inkasta oo warbixintu ay tilmaamayso in Talyaanigu uu xiriir la sameeyay Iran, haddana xukuumadda Rome ayaa si kulul u beenisay jiritaanka wada-hadallo qarsoodi ah oo ay la leeyihiin Tehran.

Ilo-wareed u hadlay dowladda Talyaaniga ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in hoggaankoodu uu ka shaqeynayo dejinta xiisadda milatari ee guud, balse aysan marnaba jirin heshiis hoose oo lagu badbaadinayo maraakiib gaar ah iyadoo kuwa kale khatar looga tegayo.

Dhinaca kale, saraakiil u hadlay Faransiiska ayaa xaqiijiyay inay weli furan yihiin marinno isgaarsiineed oo ay la leeyihiin Iran, inkasta oo ay ka gaabsadeen inay xaqiijiyaan ama beeniyaan jiritaanka wada-hadal gaar ah oo ku saabsan marinka Hormuz.

Faransiiska ayaa dhanka kale sii kordhiyay joogitaankiisa milatari ee gobolka, isagoo geeyay ilaa 12 markab oo dagaal iyo guuto diyaaradaha xambaara, kuwaas oo ka howlgala badaha Mediterranean Sea iyo Red Sea si ay u difaacaan xulafadooda ka dib weeraradii ay Tehran ku jawaabtay.

Xaaladda ayaa gaartay meel xasaasi ah kadib markii Tehran ay ku hanjabtay inay “dab qabadsiin doonto” markab kasta oo fasax la’aan ku mara marinka Hormuz, taas oo keentay in halkaas ku go’doomaan maraakiib waaweyn oo shidaal u siday caalamka.

Tan iyo markii uu qaraxay dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran bishii hore, marinkan istiraatiijiga ah ayaa noqday meel ay adag tahay in lagu dhiirado, taas oo keentay khalkhal xooggan oo laga dareemayo suuqyada tamarta ee dunida.

Ciidanka Gorgor oo arrin naf hur ah maanta ka sameeyay Galgaduud

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa howlo biyo-dhaamin ah u sameeyay qoysas badan oo ku nool deegaanka Maraay-Suuleey ee ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaas oo si weyn ay u saameeyeen abaaraha ka jira deegaanka.

Howlahan biyo-dhaaminta ah ayaa lagu gaarsiiyay biyo nadiif ah qoysas badan oo muddo la daalaa-dhacayay biyo la’aan.

Howlgalka gargaarka ah waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 8-aad ee Guutada 18-aad, Qaybta 1-aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Dhexe Maxamed Macalin Abuukar (Shaarib).

Saraakiisha ciidanka ee ku sugan deegaanada bariga Masagawaay ayaa sheegay in howlahan biyo-dhaaminta ah ay qeyb ka yihiin dadaallada ay ciidamada ku garab taagan yihiin shacabka, gaar ahaan kuwa ay saameeyeen abaaraha daran.

Dadka ku dhaqan deegaanka Maraay-Suuleey ayaa si weyn u soo dhoweeyay adeegga biyo-dhaaminta, iyagoo uga mahadceliyay ciidamada Gorgor kaalinta ay ka qaateen caawinta bulshada ku nool guud ahaan gobolka Galgaduud.

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gargaar u qeybiyeen qoysas danyar ah oo ay saameeyeen xaalado nololeed oo adag.

Deeqdaas ayaa qeyb ka ahayd dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ku taageerayaan bulshada, isla markaana ka tarjumaysa xiriirka dhow ee u dhexeeya shacabka iyo ciidamada geesiyaasha ah.

Iiraan oo kicisay unugyada qarsoon ee u jooga Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Maraykanka ayaa qabtay farriimo isgaarsiineed oo sir ah, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay ka yimaadeen dalka Iiraan.

Farriimahan ayaa la sheegay in ay noqon karaan “fure hawlgaleed” oo lagu kicinayo “unugyo hurda” (sleeper assets) oo ku sugan meelo ka baxsan dalkaas, sida lagu xusay digniin ka soo baxday dowladda federaalka oo loo diray hay’adaha fulinta sharciga.

Digniintan oo ay dib-u-eegis ku sameysay shabakadda wararka ee ABC News, ayaa soo xiganaysa “falanqayn horudhac ah oo lagu sameeyay ishaarooyinka,” taasoo muujinaysa in farriintu “ay u badan tahay mid ka timid Iiraan,” isla markaana la sii marsiiyay dalal dhowr ah wax yar uun kaddib dhimashadii Aayatullaahi Cali Khumeyni.

Khumeyni oo ahaa hogaamiyihii ugu sarreeyay Iiraan, ayaa lagu dilay weerar ay iska kaashadeen Maraykanka iyo Israa’iil 28-kii Febraayo.

Farriimahan la dhexgalay ayaa ahaa kuwo koodaysan (sir ah), waxayna u muuqdeen kuwo ku socday “qaateyaal qarsoon” oo haysta furihii lagu furi lahaa sirtaas.

Tani waa nooc ka mid ah farriimaha loogu talagalay in amarro iyo tilmaamo lagu siiyo “hawlwadeeno qarsoon ama unugyo hurda,” iyada oo aan la isticmaalin aaladaha internet-ka ama shabakadaha isgaarsiinta ee taleefannada gacanta.

“Waxaa suurtagal ah in farriimahan loola jeedo in lagu hawlgeliyo ama tilmaamo lagu siiyo unugyada hurday ee horay loo sii diyaariyay, kuwaas oo ka hawlgala meelo ka baxsan dalkii ay farriintu ka soo bilaabatay,” ayaa lagu yiri digniinta.

Inkasta oo xilligan aan la xaqiijin karin waxa dhabta ah ee ku dhex jira farriimahan, soo bixitaanka kediska ah ee saldhig cusub oo leh astaamaha dib-u-tebinta caalamiga ah ayaa keenaya in kor loo qaado feejignaanta xaaladeed,” ayay raacisay digniintu.

Iyadoo digniintu ay si taxaddar leh u xusayso in aysan jirin “khatar hawlgal oo si toos ah loola xiriiriyay goob gaar ah,” haddana waxay faraysaa hay’adaha fulinta sharciga in ay kordhiyaan la socodkooda dhaq-dhaqaaqyada hirarka raadiyaha (radio-frequency) ee shakiga dhallin kara.

Haddii xogta ku xusan digniintan ay dhab noqoto, waxay xaqiijin doontaa cabsidii ay hore u muujiyeen saraakiisha hay’adaha amniga iyo fulinta sharciga, kaddib markii Maraykanka iyo Israa’iil ay weerareen Iiraan, taas oo ahayd in unugyada hurda ee la soo dhoobay daafaha waddamada Reer Galbeedka loo adeegsan karo hawlgalo aargoosi ah.

Maraakiib dagaal oo kusoo wajahan Soomaaliya + Dalka soo diray iyo ujeedka

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa biyaha Soomaaliya u soo dirtay afar markab oo dagaal, kuwaas oo loogu talagalay ilaalinta amniga badda iyo ka hortagga xadgudub kasta oo ka dhici kara xeebaha Soomaaliya.

Howl-galkan ayaa wuxuu qayb ka yahay dadaallada Ankara ay ku xoojinayso amniga badda Soomaaliya iyo kan gobolka, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, Admiral Zeki Aktürk.

Maraakiibtan dagaal ayaa lagu kala magacaabaa TCG Göksu, TCG Bayraktar, TCG Bartın iyo TCG Yzb. Güngör Durmuş. Sida la qorsheeyay, maraakiibtan ayaa la filayaa inay soo gaaraan biyaha Soomaaliya 16-ka Maarso 2026, oo ku beegan Isniinta toddobaadka soo socda, si ay u bilaabaan howlgallo amni oo la xiriira ilaalinta xeebaha iyo la socodka dhaq-dhaqaaqyada ka socda badda.

Howl-galkan cusub ayaa la sheegay inuu yahay mid muhiim u ah xoojinta amniga badda Soomaaliya, gaar ahaan xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira budhcad-badeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo falalka kale ee amniga khatar gelin kara.

Dowladda Turkiga ayaa horey u muujisay sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay ka taageerto dhinacyada amniga iyo horumarinta awoodda ciidanka badda.

Sidoo kale, Turkiga ayaa horey Soomaaliya ugu soo diray markab loogu talagalay sahminta iyo baarista shidaalka badda ku jira, kaas oo ka shaqeynayay meelaha sahminta laga bilaabay sanadkii 2024. Tallaabadaasi waxay qayb ka ahayd iskaashiga dhinaca tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee u dhexeeya labada dal.

Maraakiibta cusub ee imaanaya ayaa waxaa la shaqeyn doona ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada ciidamada Soomaaliyeed ee ku biiraya howlgalka.

Waxaa la filayaa in ciidamadan ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada badda Turkiga si loo xaqiijiyo fulinta howlgalka.

Mas’uuliyiin kala duwan iyo warbaahinta caalamiga ah oo sidoo kale xaqiijiyay xogtan ayaa tilmaamay in howl-galkan uu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo amniga badda Soomaaliya iyo ilaalinta kheyraadka ku jira xeebaha dalka.

Turkiga ayaa horey Soomaaliya ugu soo diray in ka badan toban markab oo dagaal iyo kuwo taageero ah, kuwaas oo ka qeyb qaatay howlgallo kala duwan oo la xiriira tababarka, ilaalinta amniga badda iyo la-dagaallanka falalka sharci-darrada ah ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya.

Dhaq-dhaqaaqan militari ee Ankara ka waddo Soomaaliya ayaa muujinaya xiriirka istaraatiijiga ah ee sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada dal.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa horey u kala saxiixday heshiisyo muhiim ah oo la xiriira amniga badda, difaaca iyo iskaashiga milatari, kuwaas oo la filayo in ay sii xoojiyaan awoodda Soomaaliya ee ilaalinta biyaha iyo kheyraadka ku jira.

DF oo war ka soo saartay saldhigga militari ee Israa’iil ay ka dhiseyso Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga digtay in dhulkeeda aan loo adeegsan karin meel laga qaado howl-gallo milateri, kadib markii warbixino warbaahineed ay muujiyeen in Israa’iil ay qorsheyneyso inay saldhig ka sameysato gobolka Somaliland oo sheegata inay ka go’day Soomaaliya. 

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, oo Khamiistii u warramayay telefishinka Al Jazeera, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan dooneyn in dhulkeeda lagu soo jiido loolan iyo isku-dhacyo shisheeye, ama loo adeegsado qaab sii wiiqi kara xasilloonida gobolka oo markiisii horeba ahaa mid xasaasi ah.

Digniintan ka soo baxday Muqdisho ayaa imaaneysa xilli warbaahinta Bloomberg iyo Idaacadda Dowladda Iswiidhan ee Ekot ay todobaadkan baahiyeen xog ku saabsan qorshe la sheegay in Israa’iil ay saldhig milateri uga furaneyso meel u dhow magaalada istaraatiijiga ah ee Berbera.

Xaaladdan ayaa soo shaac baxaysa iyadoo dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan uu galayo todobaadkii labaad. Sidoo kale, marinka muhiimka ah ee Hormuz ayaa si dadban u xirmay, halka kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ku hanjabeen inay diyaar u yihiin in ay si toos ah dagaalka u soo galaan.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, oo la hadlay Bloomberg, ayaa xusay in Somaliland ay baadi-goobayso “xiriir istaraatiijiyadeed” oo ay la yeelato Israa’iil, kaas oo uu ku tilmaamay mid dhinacyo badan taabanaya.

Wuxuu intaas ku daray in suurta-galnimada saldhig ay Israa’iil yeelato aan weli si dhab ah looga wada hadlin, balse ay tahay arrin la falanqeyn doono waqtiyada soo socda.

Isagoo arrimahaas ka jawaabaya, Wasiir Cali Cumar ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay awoodda kaliya ee sharci ahaan dalka ku matali karta heshiisyada amniga iyo kuwa milateri ee caalamiga ah.

Wuxuu intaas raaciyay in wadahadal kasta oo ku saabsan saldhigyo shisheeye oo laga hirgeliyo gudaha Soomaaliya, kaas oo hareermarsan dowladda dhexe, uusan lahayn wax sal ah oo sharci ah.

Mas’uuliyiinta Somaliland ilaa hadda ma aysan shaacin waxa rasmiga ah ee lagu heshiiyay markii ay Israa’iil la sameysteen xiriir diblamaasiyadeed oo buuxa bishii December.

Kowdii bishii Janaayo, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa gaashaanka ku dhufatay eedeymaha dowladda Soomaaliya, iyadoo ku dooday in xiriirka ay la leeyihiin Israa’iil uu yahay “mid diblamaasiyadeed oo kaliya.”

Balse wax yar kadib, sarkaal ka tirsan wasaaradda ayaa telefishinka Channel 12 ee Israa’iil u sheegay in arrinta saldhigga ay tahay mid miiska saaran oo laga wada hadlayo. Bishii Febraayo ee xigtay, wasiir Khadar ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay inuusan meesha ka saarayn in Israa’iil loo oggolaado joogitaan milateri.

Hadallada ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda Bariga Dhexe ay marayso heerkii ugu sarreeyay. Marinka Hormuz, oo ay marto qiyaastii boqolkiiba 20 shidaalka iyo gaaska adduunka, ayaa xanniban kadib markii Iiraan ay ku hanjabtay inay beegsan doonto maraakiibta.

Dhinaca kale, Israa’iil ayaa kordhisay weerarada ba’an ee ay ku hayso dalka Lubnaan, halkaas oo ay ku dishay ugu yaraan 687 qof, kuna dhaawacday in ka badan 1,500 oo kale, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.

Weeraradan ayaa yimid kadib markii kooxda Xisbullah, oo gacan saar dhow la leh Iiraan, ay gantaalo ku garaacday Israa’iil, iyadoo u aargudaysa hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, oo ay si wadajir ah u dileen Mareykanka iyo Israa’iil.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo ah xulafo kale oo muhiim u ah Tehran ayaan weli si toos ah u soo gelin dagaalka, balse waxay dhowr jeer sheegeen inay diyaar u yihiin in ay qeyb ka noqdaan colaadda.

Kooxdan oo maamusha waqooyiga, galbeedka iyo bartamaha Yemen ayaa horey uga digtay joogitaanka Israa’iil ee Somaliland, iyagoo ku tilmaamay arrintaas “tallaabo cadowtinimo” iyo mid u fasaxaysa inay beegsadaan oo ay ka dhigtaan “bartilmaameed sharci ah.”

Xilli isha lagu wada hayo waddooyinka ganacsiga badda ee Bariga Dhexe, diiradda ayaa sidoo kale saaran marinka Bab al-Mandeb, oo ah marin-biyood ciriiri ah oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaas oo ay marto boqolkiiba 12 ganacsiga adduunka. Xuutiyiinta ayaa horey u xayiray maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee mara aaggaas, tillaabadaas oo ay ku micneeyeen mid ay ku taageerayaan Falastiiniyiinta Gaza inta lagu guda jiro dagaalka gumaadka ah ee Israa’iil.

Cabsida laga qabo in dagaalku uu ku fido gobolka ayaa keentay in Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti ay todobaadkan mar kale uga digto muwaadiniinteeda inay u dhawaadaan xerada Camp Lemmonier, oo ah saldhigga milateri ee ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay qaaradda Afrika.

Wasiir Cali Cumar ayaa xaaladdan isku milan ku soo afmeeray farriin digniin ah, isagoo yiri: “Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waa marino si weyn ugu muhiim ah ganacsiga caalamka iyo amniga gobolka, degenaansho la’aanta halkaas ka dhacdana waxay si toos ah u saameyneysaa guud ahaan Geeska Afrika.”

Wuxuu intaas ku daray in xilliyada ay xiisaduhu koraan ay dadka rayidka ah yihiin kuwa ugu nugul ee dhibaatadu gaarto, isagoo caddeeyay in tallaabo kasta oo bulshada Soomaaliyeed u horseedi karta khatar aan loo baahnayn ama gelin karta loolan juquraafiyadeed aysan dan u ahayn dalka iyo dadkaba.

Sawirro: Buundada Sabiid iyo Caanoole oo maanta duntay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Buundada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ka tirsan dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa qayb ka mid ah ku duntay gaari xamuul ah oo dul marayay.

Buundadan oo dib u dhis lagu sameeyay sannadkii hore ayaa si rasmi ah xarigga looga jaray 6-dii December 2025, hase yeeshee maanta ayaa la sheegay in ay duntay xilli uu dul marayay gaari nooca TM-ka ah oo ka mid ah kuwa xamuulka qaada.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in gaariga xamuulka ah uu gaaray bartamaha buundada markii ay si lama filaan ah u duntay qayb ka mid ah. Ilaa hadda lama soo sheegin khasaare naf oo ka dhashay dhacdadan.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya gaariga oo ku sugan bartamaha buundada xilli ay qayb ka mid ah dhismaheedu duntay, taasoo keentay in gebi ahaanba uu hakad galo isu socodkii gaadiidka iyo dadka ee labada dhinac ee deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in cabsi xooggan ay soo wajahday dadka isticmaala buundada, maadaama ay ahayd marin muhiim ah oo isku xira labada dhinac ee Sabiid iyo Caanoole.

Dhacdadan ayaa sidoo kale sababtay in xayirmaan gaadiidkii iyo dadkii isticmaali jiray waddadan, iyadoo dad badan ay ka walaacsan yihiin tayada dhismaha buundada oo dhawaan la dhisay.

Ilaa hadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed kama aysan hadlin burburka buundadan, waxaana la sugayaa faah-faahin rasmi ah oo ay ka bixiyaan mas’uuliyiinta ay khuseyso.

Si kastaba, arrintan ayaa dhalisay hadal-hayn xooggan oo ka dhex taagan bulshada, kuwaas oo su’aalo ka keenay sababta ay buundo dhawaan dib loo dhisay ay u duntay muddo kooban kadib xarig-jarkeeda.

Riyadii Dubai oo burburtay iyo qax ballaaran oo ka socda

Dubai (Caasimada Online)Magaalada xudunta u ah ganacsiga iyo dalxiiska Khaliijka ee Dubai ayaa wajaheysa khatartii ugu weyneyd ee abid soo marta jiritaankeeda, kadib markii dagaalka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan uu ruxay aasaaskii magaaladaas, taas oo sababtay in kumannaan ajaanib ah iyo dalxiiseyaal ay si xawli ah isaga cararaan dalkaas.

Imaaraadka Carabta ayaa la kulmay in ka badan saddex-meelood labo ka mid ah gantaallada aargoosiga ah ee ay dhowaan riday xukuumadda Tehran.

Falanqeeyayaasha siyaasadda iyo amniga ayaa aaminsan in sababta Imaaraadka loo beegsanayo ay tahay xiriirka qotada dheer ee dhanka sirdoonka iyo milateriga ee uu la leeyahay Yahuuda, quwadaha reer Galbeedka, iyo maqaamkiisa caalamiga ah ee xarun ganacsi iyo dalxiis.

“Xaqiiqdii, dhalaalkii magaalada Meesha ayuu ka baxay,” ayuu yiri John Trudinger, oo ah maamule iskuul oo u dhashay Ingiriiska, kuna noolaa Dubai muddo 16 sano ah.

Trudinger oo shaqaaleysiiya in ka badan 100 macallimiin ah ayaa xusay in inta badan shaqaalihiisu ay la kulmeen argagax weyn oo ka dhashay dagaalka lama filaanka ah, taasina ay ku riixday inay dalka isaga baxaan iyagoo aan qorsheynaynin inay dib u soo laabtaan.

Dadkan ayaa qayb ka ah tobannaan kun oo qof oo Dubai isaga qaxay tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay duqeymaha wadajirka ah ku qaadeen Iiraan ku dhawaad laba toddobaad ka hor.

Maalin kasta, fariimo digniin ah ayaa ku dhaca taleefannada gacanta ee dadka deegaanka, kuwaas oo looga digayo khataro gantaallo oo suurtagal ah, laguna amrayo in ay gabaad raadsadaan kana fogaadaan daaqadaha.

Nidaamyada casriga ah ee difaaca hawada Imaaraadka ayaa ka hortagay in ka badan boqolkiiba 90 ka mid ah 1,700 oo gantaal oo ay Iiraan riday.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah gantaalladaas ayaa dhaafay gaashaanka difaaca, iyagoo ku dhuftay goobo muhiim ah sida saldhigyo milateri, xarumo warshadeed, iyo Madaarka Caalamiga ah ee Dubai, taas oo curyaamisay mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ugu mashquulka badan adduunka.

Duqeymo lala beegsaday laba xarun oo kaydiya xogta ayaa in muddo ah sababay in dadku awoodi waayaan inay isticmaalaan taleefannadooda si ay lacagaha u bixiyaan, waana dhabar-jab weyn oo ku dhacay bulsho inta badan aan adeegsan lacagta caddaanka ah.

Saameynta burburka ayaa sidoo kale gaartay goobaha ugu qaalisan ee magaalada. Hoteelka caanka ah ee Fairmont ee ku yaalla jasiiradda macmalka ah ee u eg geedka timirta, oo hoy u ah daaro waaweyn iyo goobo tamashle, ayaa la kulmay duqeyn lixaad leh.

Zain Anwar, oo ah darawal taksi oo u dhashay dalka Pakistan, ayaa indhihiisa ku arkay gaarigiisa oo lagu burburiyay duqeyntii hoteelka Fairmont xilli uu dhigtay si uu u soo tukado. Wuxuu warbaahinta u sheegay inuu yahay qofka ugu nasiibka badan adduunka maadaama uu badbaaday, balse qoyskiisu ay hadda ugu yeerayaan inuu dalka dib ugu laabto.

Wuxuu ku cawday in ganacsigii uu istaagay, wax dhaqaale ahna aysan soo gelin tan iyo markii dagaalku bilowday, isagoo hadalkiisa kusoo xiray in qof walba uu ogyahay in xilligii Dubai uu dhammaaday.

Cawaaqib-xumada dhaqaale ee ka dhalan karta dagaalkan ayaa la filayaa inay noqoto mid aad u culus, gaar ahaan Dubai oo dalxiisku uu sanadkii kasoo xareeyo dakhli gaaraya 30 bilyan oo doolar. In ka badan boqolkiiba 90 dadka ku nool Dubai waa ajaanib, waxaana ku jira maalqabeeno badan oo adduunka ah, kuwaas oo ay soo jiidatay canshuur dhaafka dalkaas.

Si ka duwan deriskeeda Abu Dhabi, Dubai ma haysato saliid badan oo ay ku tiirsanaato. Khubarada ayaa ka digaya in khasaaruhu uu noqon doono mid aad u weyn haddii dagaalku daba-dheeraado. Arbacadii, hay’ado maaliyadeed oo waaweyn, sida Citibank iyo Standard Chartered, ayaa daadgureeyay shaqaalahoodii sababo la xiriira khataro amni oo sii kordhaya.

Madaxda dalkaas ayaa isku dayaya inay xakameeyaan xaaladda oo ay muujiyaan in wax walba ay caadi yihiin. Booliska Dubai ayaa ku hanjabay inay xiri doonaan shakhsiyaadka baraha bulshada caanka ka ah ee faafiya muuqaalo muujinaya argagax oo ka hor imaanaya warbixinnada dowladda. Farriimaha rasmiga ah ayaa dadka u xaqiijinaya in jugta weyn ee hawada laga maqlayo ay tahay uun dhawaqa nidaamyada badbaadada dalka.

Qaxan baaxadda leh ee ajaanibta taajiriinta ah ayaa sidoo kale sababay in waddooyinka lagu daadiyo boqolaal xayawaan rabaayad ah, sida eeyo iyo bisado, xaaladdaas oo ay xarumaha xanaanada xayawaanku ku tilmaameen mid laga yaxyaxo.

Halka maalqabeenadu ay dalka isaga baxayaan, malaayiin shaqaale xoogsato ah oo u badan Aasiyaan iyo Afrikaan ayaan haysan waddo ay ku baxsadaan. Shaqaalahan oo u badan kuwa qabta shaqooyinka dhismaha iyo gaadiidka, ayaa bixinaya qiimihii ugu qaalisaa ee dagaalka.

Afarta qof ee ilaa hadda ku dhintay Imaaraadka tan iyo markii duqeymuhu bilowdeen, saddex ka mid ah waxay ahaayeen shaqaale u dhashay Koonfurta Aasiya. Sidoo kale, duqeymo Arbacadii ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Dubai ayaa dhaawacay shaqaale u dhashay dalalka Ghana, Hindiya iyo Bangladesh.

Dadkan xoogsatada ah qaar ka mid ah ayaa aaminsan in xog la’aanta rasmiga ah ee dowladda ay sababtay geerida eheladooda.

Zakir Hussein, oo walaalkiis Saleh Ahmed lagu dilay haraadiga gantaal ku dhacay goobtiisa shaqada, ayaa sheegay inuu xaaladda dhabta ah fahmay uun markii uu meydka walaalkiis la aaday dalkiisa hooyo ee Bangladesh, kana daawaday wararka.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay inuu dib ugu laaban doono Dubai inkastoo ay adag tahay inuu halkaas ku noolaado walaalkiis la’aan, maadaama aysan qoysaskoodu haysan ilo dhaqaale oo kale oo ay ku tiirsanaadaan.

Diyaarad Mareykanka uu leeyahay oo burburtay iyo askar ku dhimatay

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa qiratay in mid ka mid ah diyaaradaheeda ay ku burburtay galbeedka dalka Ciraaq, xilli uu socdo dagaalka wadajirka ah ee ay iyaga iyo Israa’iil kula jiraan Iiraan.

Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa xaqiijiyay inay afar xubnood oo ka tirsanaa shaqaalaha diyaarad nooca shidaalka lagu shubo oo ahaa askar ay ku dhinteen, kadib markii diyaaraddaas oo ah nooca KC-135 ay Khamiistii ku burburtay galbeedka dalka Ciraaq.

Warbixinta ka soo baxday taliska ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay saarnaayeen lix qof, iyadoo weli ay socdaan dedaallo gurmad ah oo lagu baadi-goobayo inta dhiman.

Qoraalka kasok baxay Taliska Dhexe ayaa lagu caddeeyay inay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo waxa sababay masiibadan, balse ay meesha ka saareen in diyaaradda lagu soo riday weerar cadaw ama ay ku dhacday rasaas qaldan oo ay fureen ciidammada xulafada ah.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in shilkan uu yimid kadib markii ay hawada ku isku dhaceen laba diyaaradood. Saraakiil u hadlay dowladda Mareykanka ayaa xaqiijiyay in diyaaraddii labaad, oo iyaduna ahayd nooca KC-135, ay si nabad ah ku degtay ka dib dhacdadaas.

Khasaarahan ugu dambeeyay ayaa kusoo beegmaya xilli ay horey u jireen todobo askari oo Mareykan ah oo lagu dilay dagaalka hadda ka socda gobolka, halka ku dhowaad 150 kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo bilowgii colaadda.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Iska-caabinta Islaamiga ah ee Ciraaq (Islamic Resistance in Iraq) ayaa sheegatay mas’uuliyadda soo ridka diyaaradda, iyagoo ku dhawaaqay inay ku soo rideen diyaarad nooceedu yahay KC-135 oo uu leeyahay Mareykanka galbeedka Ciraaq, iyagoo adeegsanaya “hub ku habboon.”

Khasaaraha iyo shilalkii hore ee dagaalka

Ka hor shilkan diyaaradeed, milatariga Mareykanka ayaa soo wariyay in toddoba xubnood oo ka tirsan ciidamada ay ku dhinteen ololaha milatari ee socda, halka mid siddeedaadna uu ku dhintay dalka Kuweyt sababo la xiriira “xaalad caafimaad” intii lagu guda jiray xaalad degdeg ah oo caafimaad.

Guud ahaan, 140 kale ayaa la dhaawacay.

Afhayeenka Waaxda Difaaca (Pentagon), Sean Parnell ayaa sheegay in siddeed ka mid ah ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Shilkan dhacay Khamiistii ayaa ah kii ugu dambeeyay ee ku yimaada milatariga Mareykanka tan iyo markii ay bilaabeen hawlgallada ka dhanka ah Iiraan 28-kii Febraayo.

Waxaa horay u dhacday in saddex diyaaradood oo nooca dagaalka ah la soo riday, taas oo loo maleynayo inay ahayd rasaas saaxiib 1-dii Maarso, maalin un ka dib markii uu dagaalku bilowday.

CENTCOM ayaa sharaxday in diyaaradahaas oo ahaa saddex F-15E Strike Eagles ay “si qalad ah u soo rideen nidaamyada difaaca hawada ee Kuweyt” intii lagu guda jiray xaalad dagaal oo firfircoon, xilli Iiraan ay qaadday weerarro aargudasho ah oo ku baahsan inta badan Bariga Dhexe.

Shilkaas dhexdiisa, lixdii shaqaale ee saarnaa diyaaradaha ayaa si nabad ah uga booday, waxaana la soo badbaadiyay iyagoo xaaladoodu deggan tahay.

Ra’yiga dadweynaha oo diiddan dagaalka

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka ka dhanka ah Iiraan ayaa diidmo kala kulmaya shacabka Mareykanka, iyadoo ra’yi-ururinadu muujinayaan inuu yahay iska horimaadkii ugu horreeyay ee tobannaankii sano ee la soo dhaafay oo la kulma diidmo tan iyo bilowgiisii.

Sahan la daabacay 9-kii Maarso oo ay samaysay Jaamacadda Quinnipiac ayaa muujiyay in 53% codbixiyeyaasha ay diiddan yihiin gulufka milatari ee ka dhanka ah Iiraan.

Qayb intaas ka sii badan oo ah 74%, ayaa diiday fikradda ah in la bilaabo hawlgallo dhulka ah oo ciidamo Mareykan ah la geeyo goobaha dagaalka (boots on the ground).

Natiijooyinkaas waxaa xoojiyay ra’yi-ururino kale. Shirkadda cilmi-baarista Ipsos ayaa ogaatay in aqlabiyadda Mareykanka la wareystay, oo ah 43%, aysan oggolaan duqeymaha Mareykanka, taas oo aad uga badan boqolkiiba 29-ka taageeray. Inta hartay waxay muujiyeen hubanti la’aan.

Khilaafka siyaasadeed iyo sababaha maamulka

Dagaalka ka dhanka ah Iiraan ayaa khilaaf ka dhex abuuray xitaa taageerayaasha Madaxweyne Donald Trump, kaas oo marar badan ku difaacay weerarka milatari inuu lagama maarmaan u yahay ammaanka qaranka Mareykanka.

Shakhsiyaadka caanka ah ee muxaafidka ah, sida soo-jeediyaha barnaamijyada Tucker Carlson, ayaa su’aal geliyay sababtaas. Carlson ayaa xitaa soo jeediyay in laga yaabo in la-taliyeyaashiisu ay habaabiyeen Trump.

“Waxaa loo tusayaa ra’yi-ururino sheegaya in dagaalkani uu isaga u yahay guul u dhiganta 90-10,” ayuu Carlson ka yiri Trump. Wareysi uu siiyay ABC News, Carlson wuxuu gaaray heer uu dagaalka ku tilmaamo mid “gebi ahaanba ah wax laga yaqyaqsado iyo shar.”

Trump ayaa uga jawaabay isagoo iska fogeeyay naqdiyayaashiisa, xitaa kuwa sida Carlson oo kale, kuwaas oo isu arka inay ka mid yihiin dhaq-dhaqaaqiisa “Make America Great Again” (MAGA).

“MAGA waa ‘America First’, Tucker-na midna ma aha waxyaabahaas,” ayuu Trump u sheegay ABC News.

Si kastaba, maamulka madaxweyne Trump ayaa ku dhibtooday inuu shacabka ka dhaadhiciyo ujeedada dagaalka, isagoo soo xiganaya sababo kala duwan oo ku aaddan sababta ay hawlgallada milatari u ahaayeen kuwa lagama maarmaan ah.

Fagaare uu ka soo muuqday, Trump wuxuu ka digay in “dagaal nukliyeer ah” uu qarxi lahaa haddii aan Iiraan laga hortagin.

Dhacdo kale, wuxuu ku dooday in wada-hadaladii lala yeeshay Iiraan ee lagu dhimayay barnaamijkeeda nukliyeerka ay noqdeen kuwo aan miro dhalin, inkastoo mas’uuliyiintu ay si isdaba-joog ah u sheegeen inay qarka u saarnaayeen inay heshiis gaaraan.

Horraantii bishan, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio ayaa soo jeediyay in weerarka Mareykanka la qaaday sababtoo ah “waxaan ogayn inuu jiri doono tallaabo dhanka Israa’iil ah” oo ka dhan ah Iiraan, inkastoo markii dambe uu dib uga noqday hadalladaas.

Khasaaraha guud

Marka laga soo tago toddobada xubnood ee dhintay ee milatariga Mareykanka, qiyaastii 1,348 Iiraaniyiin ah ayaa la dilay tan iyo markii uu bilowday dagaalku, iyo sidoo kale 15 u dhashay Israa’iil.

Sidoo kale, 17 qof ayaa ku dhintay waddamada Khaliijka ee u dhow, iyadoo rabshaduhu ay ku sii baahayaan gobolka.

Soomaalida Mareykanka oo lagu adkeeyey in ay lacago u diraan Soomaaliya

Minneapolis (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu bilowday howlgalka loogu magac daray “Operation Metro Surge” bishii December ee la soo dhaafay, maamulka madaxweyne Trump ayaa olole dhaqaale iyo cadaadis xooggan ku qaaday bulshada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka.

Maamulka ayaa adeegsanaya hanjabaado isugu jira xarig, masaafurin, iyo in dadka lagala laabto sharciga magangalyada ku meel gaarka ah, arrintaas oo cabsi gelisay isla markaana hoos u dhac weyn ku keentay ganacsiyadii mashquulka badnaa ee xarumaha Soomaalida, sida suuqa caanka ah ee Karmel Mall.

Hadda, maamulka ayaa cunaqabateyntan ballaariyay isagoo gaarsiiyay ilaa qaaradda Afrika, wuxuuna shuruudo iyo canshuuro cusub ku rogay lacagaha Mareykanka looga diro Soomaaliya.

Xamza Isxaaq oo ah kalkaaliso caafimaad iyo milkiile dukaan oo ku yaalla Karmel Mall, ayaa sheegtay in qorshahan lagu xakameynayo lacagaha la diro uu reebi doono saameyn baaxad leh. Xamdi ayaa xustay in lacagta ay bishii u dirto ehelkeeda ay ka saacido bixinta baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha, sida cuntada, kirada guryaha, dharka iyo waxbarashada.

Dadka Soomaaliyeed ayaa in ka badan boqolkiiba 50 waxay ku nool yihiin saboolnimo, iyagoo maalintii hela wax ka yar 2 doolar. Sida lagu xusay xog uu daabacay wargeyska The Interpreter, sanadkii 2023-kii qurba-joogta ayaa dalkooda u diray lacag xawaalad ah oo gaareysa 1.73 bilyan oo doolar. Lacagtan oo ka dhigan boqolkiiba 16.5 wax soo saarka guud ee dalka (GDP) ayaa si weyn uga badan dhammaan deeqaha bani’aadannimo iyo kuwa horumarineed ee la geeyo Soomaaliya.

Dhibaatooyinka cusub ee maamulka Trump uu ku hor-gudbay xawaaladaha ayaa laga cabsi qabaa inay si dadban u sii wiiqaan xasilloonida gobolka Geeska Afrika, taasoo dhalin karta mowjado tahriib oo horleh.

Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaan dhankeeda ka soo jawaabin codsiyo loo diray oo lagu weydiinayay inay arrintan faahfaahin ka bixiso.

Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent ayaa bishii Janaayo ku dhawaaqay in baaritaan lagu sameynayo shirkadaha xawaaladaha Soomaalida, kadib maqaal aan sal lahayn oo lagu daabacay wargeys garabka midig ah.

Maqaalkaas ayaa ku andacooday in lacago si sharci darro ah lagu helay si ula kac ah loogu diro kooxda Al-Shabaab oo ay dowladda Mareykanku u aqoonsan tahay urur argagixiso.

Xamdi Isxaaq ayaa xustay in eedeymahan xiriirinaya Soomaalida Mareykanka iyo ururada argagixisada ay yihiin kuwo been abuur ah oo dhaawacaya sumcadda bulshada dhexdeeda, iyadoo tiri, “Waxaan nahay dad xoogsato ah, badideenna waxaan u shaqaysannay hantida aan haysanno.”

Sagaalkii bishii Janaayo, laanta dambi baarista maaliyadda ee loo yaqaan FinCEN, ayaa soo saartay amar lagu beegsanayo aagag juquraafiyeed gaar ah. Amarkan ayaa shirkadaha xawaaladaha iyo bankiyada ku yaalla ismaamullada Hennepin iyo Ramsey faraya in ay Waaxda Maaliyadda soo wargeliyaan ciddii Soomaaliya iyo dalal kale u dirta lacag dhan $3,000 ama ka badan.

Sharcigan ayaa dhaqan galay 12-kii Febraayo, wuxuuna socon doonaa ilaa 10-ka Agoosto, in kasta oo xoghayaha maaliyadda uu kordhin karo mudadaas.

In kasta oo ay FinCEN ku andacooneysa in ay baareyso in lacagaha dibadda loo diro ay yihiin kuwo la xiriira khayaanooyinka barnaamijyada taakulaynta dowladda, xaqiiqada ayaa ah in dadka lagu helo dambiyada khayaanada aysan u badnayn inay lacagtooda u diraan waddan nidaamkiisa dowladeed iyo midkiisa dhaqaaleba ay liitaan oo kale.

Xoghaye Bessent ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri, “Waan dabagalnay halka ay lacagtu aaday waana baaraynaa,” inkastoo uusan faahfaahin sida ay waaxdiisu u samayn doonto arrintaas.

Dhinaca kale, sharciga cusub ee arrimaha gudaha ee madaxweyne Trump, ee loo yaqaan ‘One Big Beautiful Bill Act’, ayaa soo kordhiyay canshuur cusub oo dhan boqolkiiba hal (1%) oo la saarayo lacagaha Mareykanka laga diro ee dalka dibaddiisa aada.

Canshuurtan oo u dhiganta $10 in laga qaado $1,000 kasta oo la diro, ayaa dhaqan gashay kowdii bishii Janaayo, waxayna dheeri ku tahay shantii doolar ee asalka ahayd ee shirkaduhu ay badiyaa ku qaadaan adeegga xawaaladda. Shirkadahan ayaa lagu khasbay in ay canshuurtaas ururiyaan oo ay saddexdii biloodba mar ku wareejiyaan hay’adda dakhli ururinta ee IRS, haddii kale ay la kulmayaan ganaaxyo culus.

Borofisar Paul Vaaler oo wax ka dhiga Kulliyadda Maamulka ee Carlson ee Jaamacadda Minnesota, ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid isir-sooc ah oo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo soo-galootiga.

Waxa uu xusay in dad badan oo soogalooti ah ay markii horeba la tacaalayeen caqabado ka hor istaagaya furashada xisaabaad banki, beddelkeedana ay fursadda kaliya ee ay haystaan tahay in ay isticmaalaan xawaaladaha. Waxa uu yiri, “Waan ognahay in sharcigani yahay mid takoor ah sababtoo ah si siman uma khuseeyo dhammaan xawilaadaha caalamiga ah.”

Maamulka Trump ayaa sidoo kale ka fiirsanaya shuruudo cusub oo bankiyada ku qasbaya inay si dhab ah u xaqiijiyaan heerka dhalashada macaamiishooda, arrintaas oo qaar badan oo kamid ah soo-galootiga ku riixi karta in ay isaga baxaan nidaamka bangiyada rasmiga ah, oo ay maciin bidaan habab dhaqaale oo khatar ah sida goobaha deynta dulsaarka badan, lacagaha dhijitaalka ah, ama ay guryahooda ku keydsadaan lacag caddaan ah.

Abdulaziz Sugule, oo ah guddoomiyaha dallada shirkadaha xawaaladaha Soomaalida Mareykanka ee (SAMSA), ayaa sheegay in hadallada Bessent ay muujinayaan faham darro weyn oo ku aaddan doorka muhiimka ah ee xawaaladaha.

Waxa uu sheegay in shirkadaha xawaaladuhu ay gaaraan meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah, oo ay ku jiraan magaalooyinka yaryar iyo deegaannada miyiga ah ee aysan bankiyada rasmiga ah ka hawlgalin, taasina ay tahay sababta ay halbowle ugu yihiin nolosha dadka Soomaaliyeed. Waxa uu intaas raaciyay in xawaaladuhu, sida hay’ad kasta oo maaliyadeed, ay waajib ku tahay inay raacaan xeerarka Waaxda Maaliyadda.

Sida uu sheegay Sugule, dadka intiisa badan ayaa bishii dira kaliya $450 ilaa $500, xaddigaas oo aad uga yar shuruudda $3,000 ee sharciga cusub ku xiran tahay, inkastoo canshuurta boqolkiiba halka ah (1%) ay saameyneyso.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ka digay in eedeymaha lala xiriiriyay arrimaha isirka iyo juquraafiga ay bulshada dhexdeeda ka abuuri karaan argagax carqaladeeya dirista lacagaha. Dad yar ayuu sharcigu si toos ah u saameyn doonaa, iyadoo mararka qaar ay jiraan dad u dira $10,000 ilaa $20,000 qoysaskooda si ay ugu abuuraan ganacsiyo yaryar oo isku filnaansho gaarsiiya.

Warbixin uu dhawaan daabacay wargeyska The Washington Post ayaa iftiimisay in xitaa xubno ka tirsan maamulka Trump laftooda ay saluugsan yihiin beegsigan lagu hayo bulshada Soomaaliyeed.

Wargeyska oo soo xiganaya ilo wareedyo qariyay magacyadooda ayaa sheegay in John Hurley, oo loo magacaabay xoghayaha ku xigeenka waaxda dabagalka maaliyadda argagixisada, uu u gudbiyay Bessent walaaca uu ka qabo qorshahan.

Shaqaale ka tirsan Waaxda Maaliyadda ayaa warbixinta lagu xusay in ay xeerarkan u arkaan “kuwo iska hordhac ah oo ah qaab aan hufnayn oo lagu ciribtiro khayaanada, isla markaana u muuqda weerar siyaasadeysan oo lagu qaadayo gobolada taageera xisbiga Dimoqraadiga.”

Julie Siegel oo horey uga tirsanaan jirtay Waaxda Maaliyadda xilligii maamulka Biden, ayaa wargeyska u sheegtay in adeegsiga amaradan lagu beegsanayo xogaha guud ee magaalooyinka Mataanaha (Twin Cities) ay meesha ka saarayso kalsoonida shacabka Mareykanka ay ku qabaan hay’adaha maaliyadda.

Ugu dambeyn, Sofia Ahmed oo kamid ah ganacsatada suuqa Karmel Mall ayaa sheegtay in lacagta ay u dirto ehelkeeda ay ka dhigan tahay arrin badbaado nololeed, gaar ahaan xilligan adag ee maamulka Trump uu laalay dhammaan gargaarkii dowladda Mareykanka ay siin jirtay Soomaaliya.

“Shaqo la’aanta Soomaaliya aad ayay u sarreysaa, dadka badankood ee halkan jooga ayaa qoysaskooda taageera,” ayay tiri Sofia. Xogta Macrotrends ayaa muujineysa in heerka shaqo la’aanta Soomaaliya ay ahayd boqolkiiba 19 ama ka sareysay tan iyo horraantii 1990-meeyadii, xilligaas oo ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.