25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Soomaalida Mareykanka oo lagu adkeeyey in ay lacago u diraan Soomaaliya

Minneapolis (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu bilowday howlgalka loogu magac daray “Operation Metro Surge” bishii December ee la soo dhaafay, maamulka madaxweyne Trump ayaa olole dhaqaale iyo cadaadis xooggan ku qaaday bulshada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka.

Maamulka ayaa adeegsanaya hanjabaado isugu jira xarig, masaafurin, iyo in dadka lagala laabto sharciga magangalyada ku meel gaarka ah, arrintaas oo cabsi gelisay isla markaana hoos u dhac weyn ku keentay ganacsiyadii mashquulka badnaa ee xarumaha Soomaalida, sida suuqa caanka ah ee Karmel Mall.

Hadda, maamulka ayaa cunaqabateyntan ballaariyay isagoo gaarsiiyay ilaa qaaradda Afrika, wuxuuna shuruudo iyo canshuuro cusub ku rogay lacagaha Mareykanka looga diro Soomaaliya.

Xamza Isxaaq oo ah kalkaaliso caafimaad iyo milkiile dukaan oo ku yaalla Karmel Mall, ayaa sheegtay in qorshahan lagu xakameynayo lacagaha la diro uu reebi doono saameyn baaxad leh. Xamdi ayaa xustay in lacagta ay bishii u dirto ehelkeeda ay ka saacido bixinta baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha, sida cuntada, kirada guryaha, dharka iyo waxbarashada.

Dadka Soomaaliyeed ayaa in ka badan boqolkiiba 50 waxay ku nool yihiin saboolnimo, iyagoo maalintii hela wax ka yar 2 doolar. Sida lagu xusay xog uu daabacay wargeyska The Interpreter, sanadkii 2023-kii qurba-joogta ayaa dalkooda u diray lacag xawaalad ah oo gaareysa 1.73 bilyan oo doolar. Lacagtan oo ka dhigan boqolkiiba 16.5 wax soo saarka guud ee dalka (GDP) ayaa si weyn uga badan dhammaan deeqaha bani’aadannimo iyo kuwa horumarineed ee la geeyo Soomaaliya.

Dhibaatooyinka cusub ee maamulka Trump uu ku hor-gudbay xawaaladaha ayaa laga cabsi qabaa inay si dadban u sii wiiqaan xasilloonida gobolka Geeska Afrika, taasoo dhalin karta mowjado tahriib oo horleh.

Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaan dhankeeda ka soo jawaabin codsiyo loo diray oo lagu weydiinayay inay arrintan faahfaahin ka bixiso.

Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent ayaa bishii Janaayo ku dhawaaqay in baaritaan lagu sameynayo shirkadaha xawaaladaha Soomaalida, kadib maqaal aan sal lahayn oo lagu daabacay wargeys garabka midig ah.

Maqaalkaas ayaa ku andacooday in lacago si sharci darro ah lagu helay si ula kac ah loogu diro kooxda Al-Shabaab oo ay dowladda Mareykanku u aqoonsan tahay urur argagixiso.

Xamdi Isxaaq ayaa xustay in eedeymahan xiriirinaya Soomaalida Mareykanka iyo ururada argagixisada ay yihiin kuwo been abuur ah oo dhaawacaya sumcadda bulshada dhexdeeda, iyadoo tiri, “Waxaan nahay dad xoogsato ah, badideenna waxaan u shaqaysannay hantida aan haysanno.”

Sagaalkii bishii Janaayo, laanta dambi baarista maaliyadda ee loo yaqaan FinCEN, ayaa soo saartay amar lagu beegsanayo aagag juquraafiyeed gaar ah. Amarkan ayaa shirkadaha xawaaladaha iyo bankiyada ku yaalla ismaamullada Hennepin iyo Ramsey faraya in ay Waaxda Maaliyadda soo wargeliyaan ciddii Soomaaliya iyo dalal kale u dirta lacag dhan $3,000 ama ka badan.

Sharcigan ayaa dhaqan galay 12-kii Febraayo, wuxuuna socon doonaa ilaa 10-ka Agoosto, in kasta oo xoghayaha maaliyadda uu kordhin karo mudadaas.

In kasta oo ay FinCEN ku andacooneysa in ay baareyso in lacagaha dibadda loo diro ay yihiin kuwo la xiriira khayaanooyinka barnaamijyada taakulaynta dowladda, xaqiiqada ayaa ah in dadka lagu helo dambiyada khayaanada aysan u badnayn inay lacagtooda u diraan waddan nidaamkiisa dowladeed iyo midkiisa dhaqaaleba ay liitaan oo kale.

Xoghaye Bessent ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri, “Waan dabagalnay halka ay lacagtu aaday waana baaraynaa,” inkastoo uusan faahfaahin sida ay waaxdiisu u samayn doonto arrintaas.

Dhinaca kale, sharciga cusub ee arrimaha gudaha ee madaxweyne Trump, ee loo yaqaan ‘One Big Beautiful Bill Act’, ayaa soo kordhiyay canshuur cusub oo dhan boqolkiiba hal (1%) oo la saarayo lacagaha Mareykanka laga diro ee dalka dibaddiisa aada.

Canshuurtan oo u dhiganta $10 in laga qaado $1,000 kasta oo la diro, ayaa dhaqan gashay kowdii bishii Janaayo, waxayna dheeri ku tahay shantii doolar ee asalka ahayd ee shirkaduhu ay badiyaa ku qaadaan adeegga xawaaladda. Shirkadahan ayaa lagu khasbay in ay canshuurtaas ururiyaan oo ay saddexdii biloodba mar ku wareejiyaan hay’adda dakhli ururinta ee IRS, haddii kale ay la kulmayaan ganaaxyo culus.

Borofisar Paul Vaaler oo wax ka dhiga Kulliyadda Maamulka ee Carlson ee Jaamacadda Minnesota, ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid isir-sooc ah oo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo soo-galootiga.

Waxa uu xusay in dad badan oo soogalooti ah ay markii horeba la tacaalayeen caqabado ka hor istaagaya furashada xisaabaad banki, beddelkeedana ay fursadda kaliya ee ay haystaan tahay in ay isticmaalaan xawaaladaha. Waxa uu yiri, “Waan ognahay in sharcigani yahay mid takoor ah sababtoo ah si siman uma khuseeyo dhammaan xawilaadaha caalamiga ah.”

Maamulka Trump ayaa sidoo kale ka fiirsanaya shuruudo cusub oo bankiyada ku qasbaya inay si dhab ah u xaqiijiyaan heerka dhalashada macaamiishooda, arrintaas oo qaar badan oo kamid ah soo-galootiga ku riixi karta in ay isaga baxaan nidaamka bangiyada rasmiga ah, oo ay maciin bidaan habab dhaqaale oo khatar ah sida goobaha deynta dulsaarka badan, lacagaha dhijitaalka ah, ama ay guryahooda ku keydsadaan lacag caddaan ah.

Abdulaziz Sugule, oo ah guddoomiyaha dallada shirkadaha xawaaladaha Soomaalida Mareykanka ee (SAMSA), ayaa sheegay in hadallada Bessent ay muujinayaan faham darro weyn oo ku aaddan doorka muhiimka ah ee xawaaladaha.

Waxa uu sheegay in shirkadaha xawaaladuhu ay gaaraan meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah, oo ay ku jiraan magaalooyinka yaryar iyo deegaannada miyiga ah ee aysan bankiyada rasmiga ah ka hawlgalin, taasina ay tahay sababta ay halbowle ugu yihiin nolosha dadka Soomaaliyeed. Waxa uu intaas raaciyay in xawaaladuhu, sida hay’ad kasta oo maaliyadeed, ay waajib ku tahay inay raacaan xeerarka Waaxda Maaliyadda.

Sida uu sheegay Sugule, dadka intiisa badan ayaa bishii dira kaliya $450 ilaa $500, xaddigaas oo aad uga yar shuruudda $3,000 ee sharciga cusub ku xiran tahay, inkastoo canshuurta boqolkiiba halka ah (1%) ay saameyneyso.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ka digay in eedeymaha lala xiriiriyay arrimaha isirka iyo juquraafiga ay bulshada dhexdeeda ka abuuri karaan argagax carqaladeeya dirista lacagaha. Dad yar ayuu sharcigu si toos ah u saameyn doonaa, iyadoo mararka qaar ay jiraan dad u dira $10,000 ilaa $20,000 qoysaskooda si ay ugu abuuraan ganacsiyo yaryar oo isku filnaansho gaarsiiya.

Warbixin uu dhawaan daabacay wargeyska The Washington Post ayaa iftiimisay in xitaa xubno ka tirsan maamulka Trump laftooda ay saluugsan yihiin beegsigan lagu hayo bulshada Soomaaliyeed.

Wargeyska oo soo xiganaya ilo wareedyo qariyay magacyadooda ayaa sheegay in John Hurley, oo loo magacaabay xoghayaha ku xigeenka waaxda dabagalka maaliyadda argagixisada, uu u gudbiyay Bessent walaaca uu ka qabo qorshahan.

Shaqaale ka tirsan Waaxda Maaliyadda ayaa warbixinta lagu xusay in ay xeerarkan u arkaan “kuwo iska hordhac ah oo ah qaab aan hufnayn oo lagu ciribtiro khayaanada, isla markaana u muuqda weerar siyaasadeysan oo lagu qaadayo gobolada taageera xisbiga Dimoqraadiga.”

Julie Siegel oo horey uga tirsanaan jirtay Waaxda Maaliyadda xilligii maamulka Biden, ayaa wargeyska u sheegtay in adeegsiga amaradan lagu beegsanayo xogaha guud ee magaalooyinka Mataanaha (Twin Cities) ay meesha ka saarayso kalsoonida shacabka Mareykanka ay ku qabaan hay’adaha maaliyadda.

Ugu dambeyn, Sofia Ahmed oo kamid ah ganacsatada suuqa Karmel Mall ayaa sheegtay in lacagta ay u dirto ehelkeeda ay ka dhigan tahay arrin badbaado nololeed, gaar ahaan xilligan adag ee maamulka Trump uu laalay dhammaan gargaarkii dowladda Mareykanka ay siin jirtay Soomaaliya.

“Shaqo la’aanta Soomaaliya aad ayay u sarreysaa, dadka badankood ee halkan jooga ayaa qoysaskooda taageera,” ayay tiri Sofia. Xogta Macrotrends ayaa muujineysa in heerka shaqo la’aanta Soomaaliya ay ahayd boqolkiiba 19 ama ka sareysay tan iyo horraantii 1990-meeyadii, xilligaas oo ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo taageero dibadda ah u helay dastuurka cusub ee muranka dhaliyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit ayaa soo dhoweeyay dhameystirka wax ka beddelka dastuurka, oo dhawaan uu ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.

Dastuurkan ayaa sidoo kale waxaa maalmo ka hor si rasmi ah u saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn u riixayay qorshaha doorashada qof iyo cod, taas oo si adag uga horyimaadeen mucaaradka.

Aboul Gheit ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo muhiim u ah dhammaystirka dhismaha hay’adaha dowlad-dhiska Soomaaliya iyo horumarinta nidaamka dowladeed ee dalka.

Wuxuu sheegay in ansixinta dastuurku ay xoojinayso aasaaska nidaamka dastuuriga ah ee ku dhisan sarreynta sharciga iyo kala soocidda awoodaha dowladda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dastuurku uu door weyn ka qaadanayo ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Aboul Gheit ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay sidoo kale gacan ka geysaneyso xaqiijinta midnimada dalka iyo wadajirka gobollada kala duwan ee Soomaaliya.

Afhayeenka rasmiga ah ee Xoghayaha Guud, Jamaal Rushdi ayaa sheegay in ansixinta dastuurka ay ka tarjumayso geeddi-socod qaran oo ballaaran iyo dadaallo joogto ah oo ay sameynayaan shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adahooda qaran si loo xoojiyo xasilloonida siyaasadeed.

Ugu dambayn, wuxuu caddeeyay in Jaamacadda Carabta ay sii wadi doonto taageerada iyo wada-shaqeynta ay la leedahay dowladda iyo baarlamaanka Soomaaliya, si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida, loona horumariyo hay’adaha dimuqraadiyadda, loona gaaro horumar iyo barwaaqo ay helaan shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba, Dastuurkan cusub ee dhawaan ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa haatan la dhaqan-galinayaa, wuxuuna dhigaya in muddo xileedka madaxweynaha uu yahay shan sano, halka uu hore uga ahaa afar sano.

Tan ayaa ka dhigan in hal sano oo dheeri uu qaadan doono Madaxweyne Xasan Sheekh, oo haatan ku jiray bilihii u dambeeyay ee muddo xileedkiisa, iyadoo mucaaradka si adag uga horyimaadeen wax-ka-beddelka dastuurka.

Khasaare ka dhashay qarax ka dhacay Calmiskaad

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 askari ay geeriyoodeen, kaddib markii qarax miino lala beegsaday gaari ay wateen ciidamo ka tirsan Puntland.

Qaraxan oo sida la sheegay ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah, ayaa maanta ka dhacay waddada cusub ee isku xirta magaalada Boosaaso iyo tuulada Dhaadaar ee degmada Qandala.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada la beegsaday ay halkaasi ka wadeen howlgallo miino-baaris ah.

Ciidamada gaariga saarnaa ayaa ka tirsanaa ururka Dhoore ee guutada Afmeer, oo ka mid ah ciidamada Daraawiishta Puntland, kuwaas oo haatan howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish ka wada buuraleyda Calmiskaad.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxu si toos ah u haleelay gaarigii ay wateen ciidamada, taasoo sababtay dhimashada askarta iyo burbur soo gaaray gaariga.

Buuraleyda Calmiskaad ayaa muddooyinkii dambe ahayd goob ay si joogto ah uga socdaan howlgallo militari oo ay wadaan ciidamada Puntland, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo dagaalyahannada kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaya aaggaas.

Ma aha markii ugu horreysay oo qaraxyo miinooyin lagu aaso waddooyinka ay isticmaalaan ciidamada Puntland ee ka howlgala Calmiskaad. Marar badan ayaa qaraxyo la mid ah ay ka dhaceen waddooyinka gobolka Bari, kuwaas oo sababay khasaare kala duwan.

Ciidamada Puntland ayaa in ka badan 15 bilood dagaal kula jira kooxda argagixisada ah ee Daacish, waxaana kooxda lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, iyadoo laga xoreeyay deegaanno hor leh.

Hase yeeshee, weli kooxda si dhameystiran loogama sifeyn buuraleyda Calmiskaad, iyadoo meelo ka mid ah ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaad ka tirsan kooxda.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Puntland oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, inkastoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan dhimashada ugu yaraan toddobo askari.

Daawo: Macallin Mahdi oo si adag ugu hanjabay mucaaradka ka hor 15-ka May

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa maanta hanjabaad culus u diray siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo ku goodiyay in haddii doorashada dib uga dhacdo 15-ka May wixii dhaca mas’uuliyadeeda uu qaadi doono Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliye Macallin Mahdi ayaa sheegay in ammaanka iyo xasilloonida caasimadda aan cidna looga waaban doonin, meeqaam kasta ha lahaadee, sida uu hadalka u dhigay.

“Ammaanku maaha siyaasad, ammaanku waa nolosha qof kasta oo muwaadin ah. Hooyada Soomaaliyeed ee laamiga ku gadaneysa tukaanka amni ayay u baahan tahay, wiilka ama gabadha Soomaaliyeed ee iskuul u socdo ammaan ayay u baahan yihiin,” ayuu yiri Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Waxa uu intaas kusii daray: “Ammaanka lama siyaasadayn karo, gorgortana lagama galayo. Kuwa hadlaya iyo kuwa ka dambeeya waxaa leenahay amniga ha noogu imaanina, hay’adaha ammaanka ayaa mas’uul ka ah. Qof kasta oo isku daya inuu wax u dhimo ammaanka gacan adag ayaa ku qabaneynaa.”

Macallin Mahdi ayaa carabka ku adkeeyay in aysan marna raalli ka noqon doonin in ammaanka dib loo celiyo, isla markaana ay mar kale kusoo laabtaan qaraxyadii ka dhici jiray Muqdisho, oo ay muddooyinkii dambe ka raysatay falalka amni-darrada ee argagixisada.

“15-ka May haddii la gaaro waa dagaalameyna dadka dhahaayo, ma waxaad u xiisteen tacsiyeynta saaxibadiina. Qof kasta oo amniga wax u dhimaayo waa khaa’inul waddan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Taliye Macalin Mahdi.

Hadalkan ayaa imanaya xilli hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay ka digeen ku dhaqanka dastuurka cusub ee uu meel-mariyay Baarlamaanka Soomaaliya iyo in dib looga dhaco waqtiga doorashada.

Dastuurka cusub ee mucaaradka diidan yahay ayaa jideynaya muddo kororsi hal sano ah, sida uu dhawaan goob fagaare ah ka sheegay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, waxaana sii dheer xaalad kale oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka

Puntland oo sheegtay in DF ay ku hubeysay ciidan beeleed iyo cunaqabateyn dhaqaale

Gaalkacyo (Caasimada Online) — Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali “Jifo-jabsade”, ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu taageero iyo hub siiyay ciidamo beeleedyo uu sheegay in lagu wiiqayo amniga iyo xasilloonida deegaannada Puntland.

Guddoomiyaha oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dowladda federaalka ay diiday taageeradii tooska ahayd ee ay siin lahayd ciidamada ammaanka Puntland, islamarkaana taa beddelkeeda ay xoogga saartay, sida uu hadalka u dhigay, abaabul ciidan oo lagu dhaawacayo maamul dhisan.

“Xasan wuxuu diiday mushaarkii iyo mashaariicdii ciidamada ammaanka Puntland ee Daraawiishta iyo Booliska, wuxuuna nagu hubeeyay ciidamo beeleedyo uu doonayo inuu nagu burburiyo,” ayuu yiri Jifo-jabsade.

Eedeymahan ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka, khilaaf salka ku haya arrimo is biirsaday oo ay ka mid yihiin wax-ka-beddelka dastuurka, amniga, mashaariicda horumarinta, iyo awood-qeybsiga dalka.

Guddoomiyaha Mudug ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu hor istaagay dhaqaalihii iyo mashaariicdii horumarineed ee Puntland loo qoondeeyay, gaar ahaan mashruuca dhismaha waddada Gaalkacyo iyo Bacaadweyn.

“Anagu waa isku filanahay ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaan. Madaxweyne Xasan wuxuu hor joogsaday dhaqaalihii horumarinta qoondadii Puntland, wuxuu diiday baasaboorrada ciidankii ku dhaawacmay dagaalka Calmiskaad, wuxuuna isku dayey inuu burburiyo Puntland iyo maamulo dhisan oo uu ku hubeeyey ciidan beeleedyo,” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Wuxuu hadalkiisa ku xoojiyay in Puntland ay dareemeyso cadaadis siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo uga imaanaya Villa Somalia, isaga oo tilmaamay in taasi ay qeyb ka tahay muran muddo soo jiitamayay oo labada dhinac u dhexeeyay.

Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka ma ahan mid cusub, balse wuxuu si weyn u sii fogaaday tan iyo markii Puntland ay ka hortimid wax-ka-beddelladii lagu sameeyay Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya.

Puntland ayaa ku doodaysa in wax-ka-beddellada dastuurka ee ay ansixiyeen hay’adaha federaalka aan lagu marin hannaan heshiis qaran oo loo dhan yahay, islamarkaana aan lagala tashan dowlad-goboleedyada sida uu farayo dastuurkii lagu heshiiyay 2012, inkasta oo dastuurkii 2012 uu yahay mid sidoo kale aan lagu heshiin, oo ay intiisa badan ay soo qoratay Puntland.

Dhankeeda, dowladda federaalka ayaa isbeddelladaas u aragta tallaabo sharciyeynaya nidaamka dowladnimada iyo dhammeystirka dastuurka dalka. Hase yeeshee Puntland waxay arrintaas u aragtaa mid awood dheeraad ah siinaysa madaxtooyada dhexe, isla markaana yareyneysa doorka dowlad-goboleedyada.

Arrintan ayaa sababtay in xiriirka Garowe iyo Muqdisho uu galo marxalad adag, iyadoo Puntland marar badan sheegtay inay si madax-bannaan isu maamuli doonto ilaa laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo cusub oo ku saleysan wada-tashi qaran.

Khilaafka ma ahan mid siyaasadeed oo keliya, balse wuxuu si toos ah u saameeyay iskaashiga amni ee labada dhinac. Puntland ayaa muddooyinkii dambe xoojisay howl-gallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gaar ahaan buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay dagaallo culus kula gashay maleeshiyaad xiriir la leh Daacish.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa marar badan sheegay in aysan helin taageeradii buuxday ee dowladda federaalka, inkastoo Muqdisho ay dhankeeda ku adkeysaneyso in amniga dalka uu yahay mas’uuliyad qaran oo mideysan.

Eedeynta cusub ee ka timid guddoomiyaha Mudug ayaa muujineysa in Puntland ay wajaheyso culeys dhaqaale, kadib markii ay yaraatay taageeradii maaliyadeed ee ka iman jirtay Muqdisho.

Jifo-jabsade ayaa sidoo kale khudbaddiisa ku dhaliilay wax-ka-beddelka lagu sameeyay Dastuurkii Ku-meel-gaarka ahaa ee 2012, isaga oo ku tilmaamay mid sharci-darro ah.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nidaamka dastuuriga ah, isaga oo sheegay in wixii wax-ka-beddel ah ay tahay in lagu saleeyo wada-tashi qaran oo loo dhan yahay, si loo ilaaliyo midnimada dalka iyo xasilloonida siyaasadeed.

Kulanka uu ka hadlay guddoomiyaha gobolka Mudug, oo lagu qabtay hoolka madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo, waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland, maamulka gobolka iyo kan degmada, saraakiisha booliiska, waxgarad, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Lacagta xad-dhaafka ah ee Mareykanka uga baxday dagaalka Iran oo la shaaciyay

Washington (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa intii lagu guda jiray warbixin la siiyay Koongareeska toddobaadkan sheegay in toddobaadkii ugu horreeyay ee dagaalka Mareykanka ee Iran uu ku kacay kharash dhan qiyaastii $11.3 bilyan.

Warbixintan ma ahayn qiimeyn dhammaystiran oo ku saabsan kharashaadka guud ee dagaalka, balse waxaa loo gudbiyay sharci-dejiyeyaasha maadaama ay dalbanayeen faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan colaadda.

Wargeyska The New York Times ayaa Arbacadii noqday warbaahintii ugu horreysay ee baahisa in kharashku gaaray $11.3 bilyan.

Dhowr kaaliye oo ka tirsan Koongareeska ayaa sheegay inay filayaan in Aqalka Cad uu dhowaan Koongareeska u gudbiyo codsi ku saabsan dhaqaale dheeraad ah oo lagu maalgeliyo dagaalka.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in codsigaasi gaari karo ilaa $50 bilyan, halka kuwo kalena ay aaminsan yihiin in qiyaastaasi ay weli u muuqato mid aad u hooseysa.

Ilaa iyo hadda, maamulku ma soo saarin qiimeyn rasmi ah oo dadweynaha lala wadaagay oo ku saabsan kharashka colaadda, mana jirto aragti cad oo laga bixiyay muddada uu dagaalku socon karo.

Madaxweyne Trump, oo Arbacadii safar ku tagay gobolka Kentucky, ayaa sheegay: “Waanu badinay dagaalka,” balse wuxuu intaas ku daray in Mareykanku sii wadi doono dagaalka si loo “dhammeystiro howlgalka.”

Khasaaraha nafeed iyo hubka la isticmaalay

Ololaha milateri ee ka dhanka ah Iran, oo bilowday 28-kii Febraayo, kadib duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil, ayaa ilaa hadda sababay dhimashada ku dhowaad 2,000 oo qof, kuwaas oo u badan Iiraaniyiin iyo Lubnaaniyiin.

Colaaddan ayaa ku fiday dalka Lubnaan, waxayna khalkhal gelisay suuqyada tamarta iyo gaadiidka caalamka.

Mas’uuliyiinta maamulka ayaa sidoo kale u sheegay sharci-dejiyeyaasha in labadii maalmood ee ugu horreysay ee duqeymaha la isticmaalay hub iyo saanad milateri oo ku kacaya $5.6 bilyan.

Walaaca Koongareeska iyo dalabaadka Dimuqraadiga

Xubnaha Koongareeska, oo laga yaabo inay dhowaan ansixiyaan dhaqaale dheeraad ah oo lagu taageerayo dagaalka, ayaa walaac xooggan ka muujiyay in colaaddani ay si weyn u dhimi karto kaydka milateri ee Mareykanka, xilli warshadaha difaacu ay horeyba ugu adkeyd daboolidda baahida hubka ee sii kordheysa.

Dhanka kale, Madaxweyne Trump ayaa toddobaadkii hore la kulmay madaxda todoba shirkadood oo waaweyn oo qandaraasyo la leh wasaaradda difaaca, xilli Pentagon uu wado dadaallo lagu soo buuxinayo kaydka agabka milateri.

Sidoo kale, sharci-dejiyeyaasha ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ayaa dalbaday in mas’uuliyiinta maamulka ay hortagaan Koongareeska iyagoo dhaar maraya, si ay marag-kac uga bixiyaan qorshaha madaxweynaha ee ku aaddan dagaalka.

Waxay si gaar ah u doonayaan in la caddeeyo muddada uu dagaalku socon karo iyo qorshaha uu madaxweynuhu u hayo Iran marka ay colaaddan istaagto.

Itoobiya oo ku dhawaaqday tallaabooyin ay uga jawaabeyso…

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin ay uga jawaabayso dhibaatada ka dhalatay dagaalka Iran, gaar ahaan sahayda shidaalka oo sii yaraanaysa.

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Ahmed Shide, ayaa kororka qiimaha shidaalka ku tilmaamay mid aad u culus, isagoo xusay in dowladdu ka shaqeyneyso sidii loo dhimi lahaa isticmaalka shidaalka gudaha dalka.

Axmed Shide ayaa arrintan ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay, kaas oo looga hadlayay saameynta colaadda Bariga Dhexe ku yeelatay sahayda shidaalka iyo qiimaha uu dalka ka marayo.

Maalin ka hor, dowladda ayaa ku dhawaaqday koror cusub oo ku yimid qiimaha shidaalka. Sida ku cad qiimaha la shaaciyay Talaadadii, batroolka oo hore loogu iibin jiray 129 birr halkii litir ayaa hadda gaaray 132 birr iyo 18 senti. Diesel-ka cad ayaa isna kor u kacay oo noqday 139 birr iyo 83 senti, halka gaaska caadiga ah lagu kordhiyay 17 birr.

Wasiirka Maaliyaddu wuxuu sheegay in isbeddelladan ay yihiin kororka ugu yar ee suurtagalka ah marka loo eego sicir-bararka weyn ee ka jira suuqyada shidaalka ee caalamka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka iyo shirkadaha ka shaqeeya shidaalka inay yareeyaan isticmaalka shidaalka, maadaama aan weli la garanayn muddada ay socon doonto carqaladda ku timid sahayda shidaalka ee ka dhalatay dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iran.

Dhanka kale, waxaa la sheegay in Iran ay xirtay Marinka Hormuz, oo ah marin-biyood ay maraan qiyaastii 20% shidaalka adduunka. Colaadda ayaa sidoo kale sababtay weerarro lagu qaaday kaabayaasha shidaalka ee Iran iyo dalal kale oo Bariga Dhexe ah.

Arrimahan ayaa horseeday koror weyn oo ku yimid qiimaha shidaalka ee caalamka, kaas oo mar gaaray $120 halkii foosto, heer aan la arag tan iyo sanadkii 2022. Si kastaba ha ahaatee, qiimuhu wuu hoos u dhacay tan iyo markaas, waxaana hadda lagu kala iibsadaa qiyaastii $89 halkii foosto.

War qoraal ah oo uu soo saaray wasiirku ayuu ku sheegay in qiimaha shidaalka ee caalamka uu gaaray heer aad u sarreeya. Markii la eego qiimaha ay Itoobiya ka hesho dalka Jabuuti, ayuu xusay in batroolka uu gaaray 205 birr iyo 74 senti halkii litir.

Wuxuu sidoo kale sheegay in diesel-ka cad ee suuqa caalamiga ah uu gaaray 238 birr iyo 13 senti halkii litir, halka dowladdu ay weli kabid ka bixineyso 98 birr iyo 29 senti.

“Dowladda Itoobiya weli waxay bixineysaa kabid aad u sarreysa, inkastoo qiimaha shidaalka ee caalamka uu si cabsi leh u kordhayo,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wuxuu adkeeyay in shidaalka lagu iibiyo oo keliya marinnada rasmiga ah ee sahayda, isla markaana lagu dhaqmo qiimaha ay dowladdu dejisay.

Wasiirka Maaliyaddu wuxuu sheegay in dowladdu qaadayso tallaabooyin kala duwan oo lagu yareynayo saameynta ka dhalatay dhibaatada shidaalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin keenista sahay degdeg ah iyo isticmaalka kaydka shidaalka si loo daboolo baahida dalka.

Intaa waxaa dheer, ayuu sheegay in dadaallo lagu raadinayo ilo kale oo shidaal si loo dedejiyo soo dejintiisa, loogana gudbo caqabadaha ka dhashay xiritaanka Marinka Hormuz.

Axmed Shide ayaa xusay in aan la hubin karin inta uu socon doono qalalaasaha ka jira Bariga Dhexe, balse dowladdu ay si dhow ula socoto xaaladda isla markaana ay ka shaqeyneyso sidii loo heli lahaa marinnada kale ee sahayda shidaalka.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay in loo baahan yahay dadaal ballaaran oo lagu badbaadinayo isticmaalka shidaalka gudaha dalka.

Hoggaamiyaha cusub ee Iran oo hadlay markii ugu horreysay, wacadna ku maray aargoosi

Tehran (Caasimada Online) – Mojtaba Khamenei ayaa soo saaray bayaankiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu la wareegay xilka Hoggaamiyaha Sare ee Iran, kaddib markii aabihii, Aayatullah Cali Khamenei, iyo dhowr xubnood oo qoyskiisa ka mid ah lagu dilay duqeymo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil.

Bayaankan oo galinkii dambe ee maanta laga akhriyay telefishinka dowladda, ayuu Mojtaba ku baaqay midnimo qaran, xilli dagaalka haatan ku fiday qaybo badan oo ka mid ah Bariga Dhexe.

Wuxuu si cad u sheegay in Iran aysan ka laba-labeyn doonin inay “u aargudato dhiigga Iiraaniyiinta la dilay,” oo ay ka mid ahaayeen aabihii iyo xubno kale oo qoyskiisa ka tirsan.

Mojtaba ayaa sidoo kale sheegay in marinka muhiimka ah ee caalamiga ah ee Hormuz uu sii xirnaan doono si cadaadis loo saaro cadowga Iran. Wuxuu intaas ku daray in dhammaan saldhigyada Mareykanka ee gobolka si degdeg ah loo xiro, haddii kale la weerari doono.

Inkastoo uu xusay in Iran ay aaminsan tahay saaxiibtinimada dalalka deriska ah, ayuu haddana Khamenei caddeeyay in la sii wadi doono weerarrada ka dhanka ah saldhigyada Mareykanka ee gobolka.

Hoggaamiyaha Sare ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha hubeysan ee Yemen “ay iyaguna shaqadooda qaban doonaan,” isagoo raaciyay in kuwa Ciraaq joogana ay “doonayaan inay caawiyaan” Kacaanka Islaamiga ah.

Dhinaca kale, Khamenei ayaa u mahadceliyay ciidamada qalabka sida ee Iran, kuwaas oo uu sheegay inay dalka ka badbaadiyeen in la qabsado ama la kala qaybiyo xilli uu wajahayo weerarro.

“Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo dagaalyahannada geesiyaasha ah ee qabanaya shaqada weyn xilli dalkeenna uu ku jiro cadaadis iyo weerar,” ayuu yiri, isagoo wacad ku maray in Iran ay sii wadi doonto dagaalka.

Cali Khamenei, oo Iran xukumayay muddo 37 sano ah, ayaa 28-kii Febraayo lagu dilay magaalada Tehran. Golaha Khubarada Iran ayaa Axaddii isku raacay in wiilkiisa loo magacaabo inuu xilka kala wareego.

Tohid Asadi oo ka tirsan telefishinka Al Jazeera, kana soo warramayay Tehran, ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub uu tilmaamay inuu marin-biyoodka Hormuz u adeegsan doono awood uu ku cadaadiyo cadowgiisa, isla markaana uu kordhin karo xoojinta dagaalkan.

Asadi ayaa intaas ku daray in bulshada Iran ay weli ku kala qaybsan tahay magacaabista Mojtaba Khamenei, inkastoo uu ku baaqay midnimo. Arrintan ayaa inta badan salka ku haysa dhibaatooyinkii dhaqaale ee kiciyay dibadbaxyadii rabshadaha watay ee dalkaas ka dhacay bilihii December iyo January.

Dalalka Islaamka iyo Carabta oo si adag uga horyimid go’aanka Israa’iil ay ku xirtay…

Qudus (Caasimada Online) – Dalalka Qatar, Urdun, Indonesia, Turkiga, Pakistan, Sacuudi Carabiya, Masar iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Israa’iil ay ku xirtay Masjidka Al-Aqsa inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, taas oo gashay maalintii 12-aad oo xiriir ah.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee siddeeddan dal ee Carabta iyo Islaamka ayaa lagu sheegay in xayiraadaha ay Israa’iil ku soo rogtay Falastiiniyiinta, kuwaas oo ka hor istaagaya gelitaanka magaalada qadiimiga ah ee Qudus iyo goobaha cibaadada, ay yihiin “xadgudub qaawan.”

Dalalkan ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid si toos ah uga hor imanaysa sharciga caalamiga ah, gaar ahaan sharciga bini’aadantinimada, isla markaana wax u dhimaysa xaaladdii taariikhiga iyo sharciga ahayd ee hore u jirtay, iyo qaanuunka oggolaanaya in si xor ah loo booqdo goobaha cibaadada.

“Wasiirradu waxay si cad u xaqiijiyeen inay si buuxda u diidan yihiin, isla markaana u cambaareynayaan tallaabadan sharci darrada ah ee aan wax cudur-daar ah lahayn, iyo sidoo kale ficillada daandaansiga ah ee ay Israa’iil ka waddo Masjidka Al-Aqsa / Xaramka Shariif iyo kuwa ka dhanka ah cibaadeystayaasha,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in Israa’iil aysan wax madaxbannaani ama maamul sharci ah ku lahayn Qudusta la haysto iyo goobaha barakeysan ee Islaamka iyo Masiixiyiinta.

Maamulka masjidka iyo baaqa beesha caalamka

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dhul-weynaha Masjidka Al-Aqsa uu si gaar ah u leeyahay Muslimiinta, isla markaana Waaxda Awqaafta Qudus iyo Arrimaha Masjidka Al-Aqsa — oo hoostagta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Urdun — ay tahay hay’adda kaliya ee sharci ahaan u leh maamulka masjidka.

“Wasiirradu waxay ugu baaqeen Israa’iil, oo ah quwadda haysata dhulkaasi, inay si degdeg ah u joojiso xiritaanka albaabbada Masjidka Al-Aqsa, isla markaana meesha ka saarto xayiraadaha lagu soo rogay gelitaanka Magaalada Qadiimiga ah ee Qudus, kana waantowdo carqaladeynta Muslimiinta cibaadeysanaya ee tagaya masaajidka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, dalalkan ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay cadaadis ku saarto Israa’iil si ay u joojiso “xadgudubyadeeda joogtada ah.”

Doodda Israa’iil iyo jawaabta Falastiiniyiinta

Ciidamada Israa’iil ayaa dhankooda xayiraado adag ku soo rogay cibaadeystayaasha iyo isu-socodka Magaalada Qadiimiga ah, iyagoo sabab uga dhigaya tallaabooyin “ammaan” oo ay sheegeen inay la xiriiraan dagaalka socda ee ka dhanka ah Iiraan.

Hase yeeshee, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa Arbacadii sheegtay in xiritaankan sii socdaa uu caddeynayo in siyaasadahaasi ay yihiin “xadgudub cad oo ka dhan ah xuquuqda Falastiiniyiinta,” sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA.

Dhinaca kale, ururka Xamaas ayaa isna cambaareeyay xiritaanka joogtada ah ee masjidka, isagoo Talaadadii sheegay in tallaabadan ay abuureyso “tusaale taariikheed oo halis ah” iyo “xadgudub qaawan” oo ka dhan ah xorriyadda cibaadada.

Soomaaliya oo markii ugu horreysay soo tababareysa ciidan ku duuli kara…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in markii ugu horreysay ay soo tababareyso ciidan ku duuli kara Baarashuut, si loo hormariyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa sagootiyay cutub kamid ah ciidankan oo loo qaadayo tababar xagga dibadda ah, isagoo ka warramay ahmiyadda uu aqoon kororsigan u leeyahay Ciidanka Qaranka oo hadda sameynaya dib usoo kabasho wayn.

Jeneraal Ibraahim ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in ciidanka uu kasoo dhalaalo barashada aqoonta ee loogu talagalay in lagu dhiso xirfadaha ciidanimo, isagoo kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan koorsadan muhiimka ah.

Taliyaha ayaa si gaar ah xusay in ciidamadan ay soo qaadan doonaan xirfado ku saabsan barashada Madallaadka ama waxa loo yaqaanno adeegga isticmaalka Baarashuutka ee looga soo dhaadhaco gaadiidka cirka, gaar ahaan diyaaradaha ciidamada, maadaa talisku helay diyaarado dagaal oo casri ah.

“Ciidanka Xoogga Dalka, Unit horay loo diray oo Baarashuut soo bartay ma jiro marka laga soo tego dowladdii dhexe waxaa tihiin cutubkii ugu horreeyay ee inta la diro oo fursaddaas helay” ayuu yiri Taliyuhu.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray “Waa muhiim in aad go’aamisaan fursadaha ay heli doonaan ciidanka idinka dambeeya ee loo qaadayo dibadaha”.

Sidoo kale, wuxuu qiray in tababarkan aqoon kororsiga ah uu yahay mid culus oo u baahan ad-adeeg iyo dulqaad, isagoo ciidanka faray in waji furfuran ay kula dhaqmaan ciidamada shisheeye ee ay la qaadan doonaan tababrkaasi.

Si kastaba, Soomaaliya, ayaa xilligan meel wanaagsan ka gaartay dhismaha ciidamada, waxaana ka caawiyay dowlado waa wayn, sida Mareykanka, Turkiga iyo kuwa kale oo saaxib ah, kana taageero dhanka howlaha milatariga.

FBI oo shaacisay in Iran ay qorsheyneyso in ay weerarto gobol ka tirsan Mareykanka

Los Angels (Caasimada Online) — Hay’adda Dembi-baarista Federaalka ee Mareykanka (FBI) ayaa maalmihii lasoo dhaafay laamaha booliska ee gobolka California uga digtay in Iiraan ay aargoosi ahaan weeraro loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) uga fulin karto Xeebta Galbeed ee Mareykanka, sida lagu sheegay xog-amni oo ay aragtay shabakadda wararka ee ABC News.

“Waxaan dhawaan helnay xog muujinaysa in horraantii bishii Febraayo 2026, Iiraan ay damacsanayd inay weerar lama filaan ah oo loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (UAVs) ka fuliso markab aan la aqoonsan oo ku sugan xeebaha Dhulweynaha Mareykanka, si gaar ahna loo bartilmaameedsado goobo aan la cayimin oo ku yaalla California, haddii ay dhacdo in Mareykanku uu duqeymo ku qaado Iiraan,” ayaa lagu yiri digniintan xasaasiga ah ee la qaybiyay dhammaadkii bishii Febraayo. “

Ma hayno xog dheeraad ah oo ku saabsan waqtiga, qaabka, bartilmaameedka, ama dembiileyaasha fulinaya weerarkan la sheegay.”

Digniintan ayaa soo baxday xilli maamulka Madaxweyne Trump uu bilaabay weerarada milateri ee haatan ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Iiraan ayaa dhankeeda aargoosi ahaan duqeymo Drones ah la beegsanaysay bartilmaameedyo ku kala baahsan guud ahaan Bariga Dhexe.

Afhayeen u hadlay xafiiska FBI-da ee Los Angeles (LA) ayaa diiday inuu ka hadlo arrintan, halka Aqalka Cad uusan isna si degdeg ah uga jawaabin codsi ahaa inay faahfaahin ka bixiyaan. 

Halista drones-ka ee xuduudda Mexico

Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa sidoo kale bilihii lasoo dhaafay si weyn uga walaacsanaa adeegsiga sii kordhaya ee Drones-ka ee ay isticmaalayaan kooxaha ka ganacsada daroogada ee Mexico (Cartels), iyo suurta-galnimada in teknoolajiyadaas loo adeegsado weeraro ka dhan ah ciidamada Mareykanka iyo shaqaalaha ka hawlgala xuduudda.

Warbixin amni oo soo baxday bishii Sebtembar 2025 oo ay aragtay ABC News ayaa xustay: “Warar aan wali la xaqiijin ayaa soo jeedinaya in hoggaamiyeyaasha kooxaha maafiyada Mexico ay oggolaadeen in weeraro Drones ah oo xambaarsan waxyaabaha qarxa lala beegsado laamaha fulinta sharciga iyo ciidamada milateriga Mareykanka ee ku sugan xuduudda Mareykanka iyo Mexico.”

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in weerar noocan ah oo lagu qaado danaha Mareykanka ee gudaha dalka uu noqon doono mid aan horay loo arag, balse uu muujinayo dhacdo dhici karta, in kasta oo kooxaha maafiyadu ay inta badan ka fogaadaan falal keeni kara in mas’uuliyiinta Mareykanku ay qaadaan jawaab-celin adag.

Xafiiska Badhasaabka California, Gavin Newsom, ayaa u sheegay ABC News: “Xafiiska Adeegyada Degdegga ah ee Badhasaabka ayaa si firfircoon ula shaqeynaya saraakiisha amniga ee gobolka, kuwa maxalliga ah iyo kuwa federaalka si loo ilaaliyo bulshooyinkeenna.”

Waaxda Booliska ee Degmada Los Angeles (LA Sheriff’s Department) ayaa dhankeeda sheegtay in “iyadoo la eegayo dhacdooyinka caalamiga ah ee haatan taagan” ay wadaan ilaalin “heer sare oo u-diyaargarow ah.”

“Si taxadar dheeri ah loo muujiyo, iyadoo la tixgelinayo munaasabadaha diimeed ee xilligan lagu jiro, Waaxdu waxay sii wadday kordhinta roondooyinka lagu kormeerayo goobaha cibaadada, xarumaha dhaqanka, iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee ku yaalla guud ahaan Degmada,” ayaa lagu yiri bayaanka waaxda.

“Waxaan si firfircoon dib-u-eegis ugu sameynay qorshayaasheena hawlgelineed, waxaan xoojinay wada-shaqeynta saldhigyadeena, waxaana xaqiijinay in ilo dheeri ah ay diyaar yihiin haddii loo baahdo.”

Xiriirka Iiraan iyo Laatiin Ameerika

John Cohen, oo ah falanqeeye dhanka sirdoonka ah oo la shaqeeya ABC News, horayna u soo noqday madaxa sirdoonka ee Waaxda Amniga Gudaha (DHS), ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay suurtagalnimada in dagaalka Drones-ka uu Mareykanka kaga yimaado labada dhinacba — Badweynta Baasifigga iyo dhanka dalka Mexico.

“Waxaan ognahay in Iiraan ay joogitaan ballaaran ku leedahay Mexico iyo Koonfurta Ameerika, waxay leeyihiin xiriirro, waxay haystaan diyaaradaha Drones-ka, haddana waxay leeyihiin dhiirigelintii ay ku fulin lahaayeen weeraro,” ayuu yiri Cohen.

“FBI-du aad bay u caqli badan tahay inay soo saarto digniintan si laamaha gobolka iyo kuwa maxalliga ah ay si wanaagsan ugu diyaar-garoobaan, ugagana jawaabaan noocyadan khataraha ah. Xogta ceynkan ah waxay si gaar ah muhiim ugu tahay laamaha fulinta sharciga.”

In kasta oo digniinta FBI-da aysan si gaar ah u qeexin sida ama goorta maraakiibta xambaarsan Drones-ka weerarka ah ay ugu soo dhowaan karaan berriga Mareykanka, saraakiisha sirdoonka ayaa muddo dheer ka walaacsanaa in qalab milateri horay loo sii geeyay — ha ahaato dhulka ama maraakiibta badda dhexdeeda ah — diyaar loo sii dhigo haddii ay dhacdo in Israa’iil ama Mareykanku ay duqeeyaan Iiraan.

DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo deg-deg ah kadib dilkii Muuse Xaadoole

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah oo la xiriirta dagaal beeleedka haatan kasoo cusbooday ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo uu shalay ku dhintay Muuse Xaadoole oo la dhashay Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo u dirtay deegaanka lagu dagaalamay ee Bashaqle, gaar ahaan cutub ka tirsan kumaandooska Gorgor, kuwaas oo kala dhex-galay labada dhinac, waxayna durbo ku guuleysteen inay kala qaadaan maleeshiyaadka dagaalamay.

Sidoo kale, ciidanka Gorgor ayaa bilaabay howlgal amni xaqiijin ah, laguna baadi goobayo shaqsiyaadkii ka dambeeyay dagaalka khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay halkaasi.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay khilaaf xoogan oo ku saabsan guddoomiye waaxeed cusub, kaas oo dhawaan guddoomiyaha degmada Warsheekh u magacaabay deegaanka Bashaqle. Khilaafkan ayaa sababay isku dhac culus oo labada dhinac ku dhexmaray deegaanka.

Inta la xaqiijiyay, ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay dagaalkan, kuwaas oo uu ku jiro Muuse Xaadoole, oo ah walaalka Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Deegaanka lagu dagaalamay ee Bashaqle ayaa ah deegaan muhiimad leh, iyadoo loo qorsheeyay in laga dhiso garoon casri ah iyo deked cusub oo ka mid ah mashaariicda horumarineed ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Dhacdadan cusub ayaa muujinaysa baahida loo qabo in si degdeg ah loo xalliyo khilaafaadka beeleed ee ka dhaca gobollada dhexe, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo nabadgelyo u horseeda bulshada deegaanka.

DF oo baaq kasoo saartay sare u kaca qiimaha shidaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadashay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka ee dalka, oo saameyn weyn ku yeeshay gaadiidleyda oo maalmahan cabasho ka muujinayay, maadaama ay saameysay shaqadooda.

Ku-simaha wasiirka ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda batroolka iyo macdanta ee XFS Xildhibaan Cabdiwahaab Cabdi Cumar (Caananuug) oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in ay la kulmeen ganacsatada, isla markaana ay kala hadleen xaaladaha soo kordhay.

Caananuug ayaa sheegay in ganacsatadu ay ka dhageysteen warbixin ku aadan shidaalka, ayna u sheegeen in helitaankiisa uu noqday mid adag, isla markaana ay ku helaan qiimo aad u sarreeya, taas oo keentay sicir bararka.

“Muwaadiniinta sharafta leh waxaan u caddeyneynaa in wasaaradda batroolka wadatashi iyo wada-hadal marka ay la yeelatay ganacsatada kadib oo ay dhageysteen ganacsatada iyo dhibaatooyinka lasoo darsay xaaladaha uu adduunka ku jiro maanta, gaar ahaan bariga dhexe waxay noo sheegeen dhibaatooyinkii ay qabeen, waxaana kamid ah in helitaanka shidaalka uu dhib noqday wixii ay heleena qarashka ay ku heleen uu aad qaali u yahay” ayuu yiri Caananuug.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in ka wasaarad ahaan ay ka codsadeen in loo dhimriyo shacabka, isla markaana aan looga faa’iideysan daruufta jirta.

“Sidaas daraadeed waxaan ka codsanay ka wasaarad ahaan inay u dhimriyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed wax ka badan waxa ay qaadi karaana aan la dul saarin, haddii ay ku helaana shidaalka qiimaha ugu macquulsan in ay hoos u dhigaan” ayuu sii mar kale yiri wasiirku.

Waxaa kal oo u sii raaciyay “Ganacsatada Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan iyadoo waddanku ku jiro xaalad abaar ah oo aad u saameysay dhinac walba in ayna macaash ka badan macaashka xalaasha u ah ayna maanta daruufaha jira aawadood uga faa’iideysanin”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan caasimadda Muqdisho ay wajaheyso saameyn lama filaan ah oo dhanka dhaqaalaha ah, oo kaga imaaneysa dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan. Qiimaha shidaalka ayaa tan iyo dagaalka cirka isku shareeray qiyaastii 77%, iyada suuqyada Muqdisho laga soo warinayo isbeddel lixaad leh oo ku yimid kharashka ku baxa tamarta.

Maalmo uun ka hor, halkii liitar ee shidaalka baasiinka ah ayaa si xasiloon loogu kala iibsanayay $0.65 (Senti). Si kastaba ha ahaatee, laga soo bilaabo fiidnimadii Jimcaha, qiimaha kaalmaha shidaalka ee magaalada ayaa gaaray $1.5, arrintaas oo darawalada gaadiidka ku reebtay la-tacaalidda xaqiiqadan cusub ee adag.

Mareykanka iyo Israa’iil oo isku khilaafay dagaalka Iran xilli Trump uu go’aansaday in…

Washington (Caasimada Online)) — Khilaaf sii kordhaya ayaa soo kala dhexgalay dowladdaha Mareykanka iyo Israa’iil kaas oo ku saabsan sida iyo xilliga la soo afjarayo olohooda milateri ee wadajirka ah ee ka dhanka ah Iiraan, xilli sare u kaca qiimaha shidaalka caalamka iyo yoolalka istaraatiijiyadeed ee kala duwan ay tijaabinayaan isbaheysiga labada dal.

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhowaan soo jeediyay in dagaalku uu mar dhow dhammaan karo, isagoo sheegay in ololaha milateri ee Mareykanka uu “inta badan” soo gaba-gaboobay. Balse Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sii wada inuu riixo yoolal aad u ballaaran, oo ay ku jirto in gabi ahaanba la rido nidaamka Tehran.

In kasta oo ay maalin kasta wada hadlaan, labada xulafo ayaa raadinaya ujeeddooyin sii kala fogaanaya inta uu socdo ololaha cirka, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Mareykan ah, oo la hadlay wargeyska The Wall Street Journal.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa muujiyay walaac ah in Israa’iil ay doonayso in dagaalku sii daba-dheeraado xitaa ka dib marka Mareykanku soo gabagabeeyo hawlgalladiisa duqeynta. Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Israa’iil ayaa ku adkeysanaya in ololahooda uu dhammaan doono marka ay joogsato faragelinta Mareykanka.

Beegsiga tamarta oo xiisad abuuray

Qodobka ugu weyn ee la isku hayo ayaa ah go’aanka Israa’iil ay ku ballaarisay liiska bartilmaameedyadeeda si ay ugu darto warshadaha saliidda ee dakhliga badan soo geliya Iiraan.

Mareykanka ayaa Isniintii uga digay Israa’iil in maamulka Washington uusan “ku faraxsanayn” weerarada lagu qaadayo xarumaha tamarta Iiraan. Washington ayaa si cad uga codsatay Israa’iil inay joojiso duqeymaha ka dhanka ah kaabayaasha tamarta ilaa ay oggolaansho hore ka hesho, sida ay qortay shabakadda Axios.

Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa qiray kala fogaanshahaas intii uu socday shir jaraa’id oo ka dhacay xarunta Pentagon-ka Talaadadii, isagoo garab taagan General Dan Caine, oo ah guddoomiyaha Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

In kasta oo uu Israa’iil ku tilmaamay saaxiib wanaagsan, Hegseth ayaa xusay “halkii ay ka leeyihiin ujeeddooyin kala duwan, way ku dhaqaaqeen.”

Dhaleeceyntan ayaa waxaa ku raacay Senator Lindsey Graham, oo xulafo dhaw la ah Trump, isagoo ka digay in duqeymaha Israa’iil ay la beegsanayso keydadka shidaalka ee u dhow Tehran ay fogeyn karto taageerada shacabka Iiraan.

Isbeddelka yoolalka Mareykanka

Maamulka Mareykanka ayaa si muuqata hoos ugu dhigay yoolalkiisii uu shaaciyay markii uu dagaalku bilowday. In kasta oo Trump markii hore uu ku baaqay in nidaamka la beddelo, wuxuu u sheegay suxufiyiinta Isniintii in Mareykanku uu durba gaaray yoolalkiisii ugu weynaa ee milateri, isagoo intaas raaciyay inay “aad uga horreeyaan jadwalka.”

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio ayaa qeexay ujeeddooyin intaas ka xaddidan, isagoo si gaar ah diiradda u saaray in dib loo dhigo barnaamijyada nukliyeerka iyo gantaallada ballistic-ga ee Iiraan.

Qorsheeyayaasha milateriga Mareykanka ayaa ka digay in awoodda cirka oo keliya aysan waligeed si guul leh xukunka uga tuurin dowlad shisheeye.

Sarkaalka ugu sarreeya siyaasadda Pentagon-ka, Elbridge Colby, ayaa dhawaan is-barbardhig ku sameeyay hababka Mareykanka iyo Israa’iil mar uu la hadlayey Koongareeska.

Colby wuxuu ku tilmaamay duqeymaha Mareykanka ee ka dhanka ah ciidamada badda, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo gantaallada Iiraan inay yihiin “kuwo baaxaddoodu xaddidan tahay oo macquul ah.” Taa beddelkeeda, wuxuu xusay in duqeyntii lala beegsaday ee lagu dilay Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan Aayatulaahi Cali Khamenei ay qayb ka ahayd hawlgallo u gaar ah “Israa’iil.”

Afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa carabka ku adkeysay in Washington ay iyadu go’aamiso waqtigeeda bixitaanka.

“Dhammaadka ku lug lahaanshaha Mareykanka ee colaaddan waxaa aakhirka go’aan ka gaari doona Taliyaha Guud ee Ciidamada,” ayay tiri Leavitt, iyadoo raacisay in Trump uu joojin doono marka khatarta nidaamka Iiraan “si buuxda loo burburiyo.”

Israa’iil, dhanka kale, ayaa riixaysa in waqti dheeri ah la siiyo si loo dhammeeyo shaqada. “Hamigeenu waa inaan u suurtagelino shacabka Iiraan inay iska tuuraan heeryada kali-talisnimada,” ayuu yiri Netanyahu Talaadadii. “Shaki kuma jiro in tallaabooyinka aan qaadnay ilaa hadda, aan lafaha uga jebinayno.”

Saameynta dhaqaale iyo sicirka shidaalka

Kala duwanaanshahan ayaa waxaa uga daray khasaaraha dhaqaale ee sii kordhaya. Netanyahu ayaa sanado badan riixayay isbeddel nidaam, isagoo ka faa’iideysanaya dagaalkii 12-ka maalmood ahaa ee sanadkii hore kaas oo si weyn u wiiqay awoodda milateri ee Iiraan.

Laakiin Mareykanka ayaa si sii kordheysa diiradda u saaraya saameynta dhaqaale ee caalamiga ah ee dagaalka iyo ilaalinta saaxiibadiisa gobolka Khaliijka ee qaniga ku ah tamarta si aysan ula kulmin weeraro aargoosi ah.

Go’doominta joogtada ah ee Iiraan ay ku hayso Gacanka Faaris (Persian Gulf) iyo Marinka Hormuz ayaa qiimaha shidaalka adduunka gaarsiisay in ka badan $100 halkii fuusto toddobaadkan, taas oo qaylo-dhaan ku abuurtay Aqalka Cad.

Trump ayaa ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabooyin waawayn si loo furo marinkaas muhiimka ah—kaas oo caadi ahaan maamula qiyaastii shan-meelood meel (20%) shidaalka adduunka—isagoo soo jeediyay in Ciidamada Badda Mareykanka ay galbin karaan maraakiibta.

Isagoo uga digaya “Dhimasho, Dab, iyo Carro” haddii Iiraan aysan tanaasulin, hanjabaadaha Trump ayaa muujinaya halista ah in Mareykanka lagu jiidi karo dagaal ka dheer intii la qorsheeyay.

“Trump waxaa laga yaabaa inuu baranayo casharkii ugu da’da weynaa ee khilaafaadka aadanaha: Waa ka sahlan tahay in dagaal la bilaabo intii la soo afjari lahaa,” ayuu yiri Ali Vaez, oo ah agaasimaha mashruuca Iiraan ee International Crisis Group.

Vaez ayaa ka digay in joojinta duqeymaha iyadoo aan la helin waddo diblomaasiyadeed oo looga baxo ay Iiraan ku dhiirigelin karto inay sii waddo go’doominta inta Israa’iil ay dagaalka sii waddo.

Culeyska gudaha oo kala duwan

Labada hoggaamiye ayaa wajahaya xaqiiqooyin gudaha ah iyo tirooyin ra’yi uruurin ah oo aad u kala duwan.

Ra’yi uruurin la sameeyay horraantii bishii Maarso oo ay sameysay Machadka Daraasaadka Amniga Qaranka (INSS) ayaa muujisay in 82% dadka Israa’iil ay taageersan yihiin dagaalka. Netanyahu, oo wajahaya doorashooyin dhammaadka sanadkan, ayaa u badan inuu si weyn ugu tiirsan yahay ololaha milateri si uu kor ugu qaado maqaamkiisa siyaasadeed.

Israa’iil ayaa sidoo kale wajahaysa khatar jiritaan oo degdeg ah: gantaal ballistic ah oo laga soo riday Iiraan ayaa gaari kara dhulka Israa’iil sagaal daqiiqo gudahood.

Taa beddelkeeda, Tehran ma laha awood ay ku beegsato dhul-weynaha Mareykanka. Saadaalin ay bishii May soo saartay Hay’adda Sirdoonka Difaaca Mareykanka (DIA) ayaa lagu qiyaasay in Iiraan aysan awoodi doonin inay dirto 60-ka gantaal ee isaga gudba badaha ee loo baahan yahay ilaa ugu yaraan sanadka 2035-ka.

Mareykanka gudihiisa, taageerada shacabka ee dagaalka ayaa si weyn hoos ugu dhacday, iyadoo ra’yi uruurinnadii ugu dambeeyay ay muujinayaan in dad laga tiro badan yahay oo Mareykan ah ay taageersan yihiin dagaalka.

Isagoo wajahaya dhaleeceyn kaga imanaysa xisbiga Dimoqraadiga iyo xubnaha Jamhuuriga gooni-isu-taagga ah ee ku saabsan ballanqaadkiisii uu uga baxay ee ahaa in la soo afjaro “dagaallada aan dhammaadka lahayn,” kaaliyeyaasha Trump ayaa si gaar ah ugu boorrinaya inuu raadiyo istaraatiijiyad bixitaan ka hor inta aanu qiimaha shidaalka ee sarreeya kicin caro siyaasadeed oo daran.

In kasta oo ay jiraan kala duwanaansho, diblomaasiyadda ayaa weli ah mid firfircoon. Ergeyga gaarka ah Steve Witkoff iyo Jared Kushner, ergeyga Trump ee Iiraan, ayaa si weyn ugu lug lahaa isku dubaridka qaabka loo soo afjarayo dagaalka. Witkoff ayaa la qorsheynayaa inuu toddobaadka dambe u safro Israa’iil si uu isugu dayo inuu is-waafajiyo ololaha milateri ee labada dal.

“Riyada Bibi (Netanyahu) iyo waxaan filayaa riyada Israa’iil ee tobannaan sano waxay ahayd dagaal wadajir ah oo lagu rido Jamhuuriyadda Islaamiga ah,” ayuu yiri Chuck Freilich, oo ahaa ku xigeenkii hore ee lataliyaha amniga qaranka Israa’iil. “Laakiin in lagu tiirsanaado Trump wax kasta waa arrin mar walba shaki ku jiro.”

Xog ka cusub qorshaha ay Israa’iil saldhigga militari uga dhiseyso Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) — Israa’iil ayaa sahminaysa iskaashi amni oo qoto dheer oo ay la yeelato maamulka Somaliland, oo ay qeyb ka tahay saldhig milateri oo ku yaalla Gacanka Cadmeed, sida ay Arbacadii werisay warbaahinta Bloomberg.

Tallaabadan ayaa dowladda Yuhuudda si toos ah uga soo horjeedin doonta kooxda Xuutiyiinta Yemen ee dhinaca kale ee badda fadhisay, waxayna sii xoojin doontaa loolanka awoodeed ee ka taagan agagaarka Badda Cas.

Warbixinta ayaa sheegtay in wada-hadalladani ay dardar galeen xilli dagaalka Iiraan uu kordhiyay walaaca laga qabo ammaanka marin-biyoodyada gobolka. Waxay sidoo kale iftiimisay khatarta ay leeyihiin Xuutiyiinta, oo ah dhaqdhaqaaq fadhigiisu yahay Yemen balse ay taageerto Tehran, kuwaas oo in ka badan 100 jeer beegsaday maraakiibta maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed tan iyo dhammaadkii 2023.

Bloomberg, oo soo xiganaysa mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland iyo dad xog-ogaal u ah arrintan, ayaa sheegtay in Israa’iil ay ka fiirsanaysay in ay joogitaan istaraatiijiyadeed ku yeelato xeebaha Somaliland, kadib markii ay si rasmi ah u aqoonsatay gobolkan gooni-isu-taagga raadinaya dhammaadkii bishii Diseembar.

Aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland 26-kii Diseembar ayaa ka dhigay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada jamhuuriyaddan is-magacowday. Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991 balse weli ma helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran.

Tallaabadaas ayaa xiriirkoodii hoose ee sanadaha badan u bedelay xiriir istaraatiijiyadeed oo furan, kaas oo diiradda saaraya mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu xasaasisan adduunka.

Xeeb istaraatiiji ah

Bloomberg ayaa werisay in Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, uu sheegay in xiriirka Israa’iil uu yahay mid istaraatiijiyadeed marka laga eego dhanka amniga, isla markaana uu sii ballaaran karo. Wuxuu xusay in arrintan ay mustaqbalka ku jiri karaan qiimeyno lagu sameeyo suurta-galnimada saldhig milateri.

Warbixinta ayaa sheegtay in saraakiil Israa’iiliyiin ah ay durbaba sahan ku sameeyeen qaybo ka mid ah xeebaha Somaliland, oo ay ku jiraan aagagga dhaca galbeedka magaalada Berbera. Waxay darsayeen fursadaha saldhig gacan ka geysan kara la-socodka ama ka-hortagga Xuutiyiinta ee dhinaca kale ee Gacanka Cadmeed.

Juquraafiga ayaa sharxaya danaha laga leeyahay arrintan. Xeebta Somaliland waxay ku dhow dahay marinka Bab al-Mandeb ee isku xira Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, oo ah marin ciriiri ah balse aad u muhiim ah ganacsiga adduunka.

Maraakiibta ganacsiga ee adeegsada marinkan ayaa la kulmay weeraro joogto ah oo kaga imanayay Xuutiyiinta. Arrintaas ayaa ku qasabtay shirkado badan oo maraakiib ah inay maraan dhinaca koonfureed ee qaaradda Afrika, taas oo waqti iyo kharash intaba ku kordhisay safarrada u dhexeeya Yurub iyo Aasiya.

Weeraradan ayaa sababay in isu-socodka Kanaalka Suweys (Suez Canal) uu hoos u dhaco boqolkiiba 75 sanadkii 2024, taas oo muujinaysa sida colaad xudunteedu tahay Yemen ay saameyn ugu yeelan karto dhaqaalaha adduunka.

Khatarta ayaa sii korortay tan iyo markii uu dagaalka Iiraan qarxay 28-kii Febraayo, kadib duqeymo ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan. Tan iyo xilligaas, Marinka Hormuz ayaa wajahayay cadaadis xooggan, iyadoo maraakiib dhowr ah la beegsaday, shirkadaha caymiskuna ay ka digeen halista sii kordhaysa ee haysata maraakiibta ganacsiga.

In kasta oo qalalaasaha Hormuz uu ka jiro bariga Jasiiradda Carabta, haddana wuxuu dib u soo cusboonaysiiyay ahmiyadda marinka Badda Cas iyo goob kasta oo gacan ka geysan karta sugidda amnigiisa.

Diidmada gobolka

Joogitaan kasta oo milateri oo Israa’iil ay ku yeelato Somaliland ayaa la filayaa inuu kiciyo mucaaradad xooggan oo guud ahaan gobolka ah.

Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, iyadoo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanideeda. Dhanka kale, Midowga Afrika ayaa bishii Janaayo ku baaqay in go’aankaas laga noqdo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Saar, ayaa booqday Hargeysa maalmo uun kadib aqoonsiga. Booqashadaas ayaa ka careysiisay Muqdisho, waxayna sii xoojisay cabsida laga qabo in Geeska Afrika uu noqdo furin kale oo qayb ka ah colaadda ballaaran ee Bariga Dhexe.

Tallaabadan ayaa sidoo kale qayb ka noqon doonta loolanka sii kordhaya ee awoodda Geeska Afrika. Imaaraadka Carabta ayaa xiriir qoto dheer la yeeshay Somaliland, kaas oo salka ku haya maalgashi dhan $442 milyan oo ay shirkadda DP World ku sameysay dekedda Berbera.

Turkiga ayaa weli ah saaxiibka ugu dhow ee dhinaca amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna saldhiggiisa milateri ee ugu weyn ee dibadda ku leeyahay Muqdisho.

Turkiga ayaa markabkiisa qodista badda ee Cagri Bey u diray Soomaaliya bishii hore si uu u guto howshiisii ugu horreysay ee badda ka baxsan biyaha Turkiga. Tallaabadan ayaa muujinaysa danaha istaraatiijiyadeed iyo kuwa tamar ee Ankara ay ka leedahay gobolka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isagoo sheegay in aanu cidna dan ugu jirin, isla markaana uu halis gelinayo xasilloonida gobolka.

Dhaleeceyntiisa ayaa ka tarjumaysa loolan ballaaran oo xeebaha gobolka Somaliland, oo markii hore aan sidaa uga dhex muuqan diblomaasiyadda caalamka, ay hadda isku beddeshay goob istaraatiijiyadeed oo aad loogu loolamayo.

Waa loolan u dhexeeya Israa’iil, Turkiga, Imaaraadka, Soomaaliya, iyo dalalka Carabta ee daneeya amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas labadaba.

Xuutiyiinta iyo welwelka Israa’iil

Israa’iil ahaan, walaaca ugu weyn wuxuu ka imaanayaa dalka Yemen.

Xuutiyiinta ayaa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ku riday Israa’iil, waxayna weerareen maraakiib ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Israa’iil ama xulafadeeda.

Kooxdan ayaa beegsatay in ka badan 100 markab oo ganacsi tan iyo bishii Nofembar 2023, iyagoo qaar quusiyay, kuwo kalena qafaashay, isla markaana dilay badmaaxayaal.

In kasta oo Xuutiyiintu ay ilaa hadda ka gaabsadeen inay furaan furin cusub oo la xiriirta dagaalka Iiraan ee xilligan, haddana suurta-galnimadaas ayaa weli ah walaac istaraatiijiyadeed oo weyn oo haysta Israa’iil iyo danaha maraakiibta reer Galbeedka.

Bloomberg ayaa sheegtay in saraakiisha Israa’iil ay hadda u arkaan Xuutiyiinta inay yihiin mid ka mid ah khataraha ugu halista badan ee ka haray xulafada Iiraan ee gobolka, kadib markii la wiiqay awooddii Xamaas iyo Xisbullah.

Saldhig ay Israa’iil ka hesho Somaliland kaliya ma siin doono gacan ku dhow Yemen, balse wuxuu sidoo kale farriin u noqon doonaa in Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed aysan mar dambe ahayn fagaarayaal dagaal oo heerka labaad ah.

Beddelkeeda, waxay si xowli ah isugu beddelayaan goobo dagaal oo udub dhexaad u ah loolanka gobolka ee ka soo bilowda Gaza iyo Iiraan ilaa uu ka soo gaaro Geeska Afrika.

Farmaajo oo war kasoo saaray tallaabadii ay shalay qaaday DF

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul u cambaareeyay tacaddiyo iyo xarig uu sheegay in loo geystay qaar ka mid ah dhallinyarada ku shaqeysata mootooyinka Bajaajta ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo shalay dhigay dibadbaxyo ay kaga cabanayaan sicir-bararka ba’an ee ku dhuftay shidaalka.

Dhallinyaradaas ayaa waxaa qaarkood shalay xiray ciidamada dowladda, oo isku dayay in ay joojiyaan dibad-baxa.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynihii hore ayaa lagu sheegay in dhallinyaradan ay si nabad ah u soo bandhigayeen cabashadooda ku aaddan duruufaha nololeed ee adag, wuxuuna dowladda ugu baaqay inay si degdeg ah xorriyaddooda ugu soo celiso dhallinyarada la xiray.

“Waxaan si adag u cambaaraynayaa tacaddiyada iyo xarigga loo geystay gaadiidlayda bajaajka magaalada Muqdisho. Dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminay dalkooda, kuna shaqeynaya duruufaha adag, waxa ay mudan yihiin garab istaag iyo in laga dulqaado culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan,” ayuu yiri Farmaajo, isagoo intaas raaciyay in dowladdu ay ka waantowdo dhaqannada cabburinta ah ee ay kaga jawaabeyso tabashooyinka shacabka.

Bayaanka Farmaajo ayaa imaanaya saacado uun kadib markii darawallada mooto Bajaajta ay isugu soo baxeen waddada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarrama, iyagoo gabi ahaanba xiray isgoyska mashquulka badan ee KM4, taas oo hakad gelisay isku-socodkii gaadiidka iyo dadweynaha ee caasimadda.

Dibadbaxayaasha ayaa si weyn uga careysan ganacsatada shidaalka oo ay ku eedeeyeen inay qiimaha qaaliyeeyeen, waxayna dowladda ka dalbadeen inay soo farageliso arrintan.

Saan Miyaa, oo ka mid ah darawallada dibadbaxayay oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah, ayaa yiri: “Halkan waxa ka socda waa dibadbax nabadeed, buuq ma jiro. Annaga korkeenna ayaa lagu ganacsanayaa, marka in dowladda ay la jirto ganacsatada ama annaga inay nala jirto ayaa maanta kala caddaaneyso.”

Wuxuu intaas ku daray in ay bixiyaan canshuur dhan $15, balse aysan awoodin inay shidaal qaali ah ku shaqeeyaan. “Dowladdeenna waxaan ka codsaneynaa inay naga qabato ganacsatada. Dibadbaxaan illaa shidaalka laga raqiisinayo wuu soconayaa,” ayuu yiri.

Dhibaatadan ka taagan caasimadda ayaa salka ku haysa saameyn dhaqaale oo lama filaan ah oo ka dhalatay dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen dalka Iiraan, kaas oo gilgilay suuqyada tamarta ee caalamka.

Sida laga soo xigtay suuqyada Muqdisho, qiimaha shidaalka ayaa cirka isku shareeray qiyaastii 77% tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay. Maalmo uun ka hor, halkii liitar ee shidaalka baasiinka (Petrol) ah ayaa lagu iibsanayay $0.65, balse laga soo bilaabo fiidnimadii Jimcaha, qiimaha kaalmaha shidaalka ee magaalada ayaa gaaray $1.50 halkii liitar.

Isbeddelkan lixaad leh ee ku yimid kharashka tamarta ayaa dhabar-jab dhaqaale ku noqday kumannaan dhallinyaro ah oo nolosha qoysaskooda ka soo saara kaxeynta mootooyinka Bajaajta, kuwaas oo hadda wajahaya xaqiiqo cusub oo adag.

Sacdiyo Bajaaj oo lagu xiray Muqdisho iyo mucaaradka oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta xabsiga dhigay Sacdiyo Macallin Cali (Sacdiyo Bajaaj) oo kamid ah dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka ee ka howlgala magaalada Muqdisho, taas oo maalmahan kasoo muuqatay baraha bulshada, iyada oo dhaleeceyneyso dowladda Soomaaliya.

Sacdiyo ayaa kamid ahayd koox dhalinyaro ah oo hoggaamineysay dibadbax ay haatan wadaan Bajaajleyda oo ka cabanaya qiimo kororka ku yimid shidaalka oo saameyn ku yeeshay shaqadooda.

Xarrigeeda ayaa waxaa durbo cambaareeyay mucaaradka, gaar ahaan siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo wax laga xumaado ku tilmaamay, isaga oo sidoo kale dalbaday in si deg deg ah loo sii daayo Sacdiyo.

“Hoggaaminteeda dibadbaxa wuxuu muujinayaa geesinimo, masuuliyad muwaadinnimo iyo ruux xuquuq u doodis. Xarigga gabar dhallinyaro ah oo waxa kaliya ee ay samaysay uu yahay abaabulka dibadbax nabadeed wuxuu dirayaa farriin walaac leh, heerka xorriyadaha muwaadiniinta iyo xaqa ay u leeyihiin in ay cabashadooda muujiyaan” ayuu yiri Warsame.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran;

Waxaan si adag u cambaaraynayaa xarigga loo geystay Sacdiyo Macallin Cali, oo ah darawalad Bajaaj, isla-markaana ka mid ahayd dibadbaxayashii ka cabanayey culaysyada lagu hayo bahda Bajaajleeyda.

Sacdiyo ma aha oo kaliya wade Bajaaj ee waa gabar labo shahaado jaamacadeed shaqo ku waysay, balse sida dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed waxay kaxaynta Bajaajta u dooratay in ay nafteeda iyo tan qoyskeeda ku maareyso.

Hoggaaminteeda dibadbaxa wuxuu muujinayaa geesinimo, masuuliyad muwaadinnimo iyo ruux xuquuq u doodis.

Xarigga gabar dhallinyaro ah oo waxa kaliya ee ay samaysay uu yahay abaabulka dibadbax nabadeed wuxuu dirayaa farriin walaac leh, heerka xorriyadaha muwaadiniinta iyo xaqa ay u leeyihiin in ay cabashadooda muujiyaan. Abaabulka iyo ka qaybqaadashada dibadbaxa nabadeed ma aha dembi balse waxaa danbi gelaya kuwa ku tumanaya xaq dastuurku damaanad qaaday.

Xilli dhallinyarada Soomaaliyeed ay horeyba u wajahayeen shaqo la’aan, duruufo dhaqaale oo adag, iyo fursado sii yaraanaya, jawaabta ay bixiyaan hay’adaha dowladdu waa in ay noqotaa wada hadal iyo wax ka qabad tabasho ee ma aha cabsi gelin iyo xarig.

Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha nabdgelyada in ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiyo, lana ixtiraamo xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadinka.

Waxaa muuqaata in dowladdu ay cabsi wayn ka qabto abaabulka dhallinyarada iyo in ay cod midaysan xuquuqdooda ku dalbadaan, laakiin caburinta iyo aamusinta codkooda xal ma aha ee dhagaysiga tabashada iyo ka qaybgelinta talada ayaa xal ah.

Dal Yurub ah oo ka soo horjeeda dagaalka Iiraan oo safiirkiisa kala baxay Israa’iil

Madrid (Caasimada Online) — Dowladda Spain ayaa go’aansatay inay si rasmi ah ula baxdo safiirkeedii u fadhiyay Israa’iil, Ana Maria Salomon Perez, sida lagu daabacay faafinta rasmiga ah ee dowladda maalintii Arbacada.

Tallaabadan ayaa imanaysa xilli Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez, uu noqday hoggaamiyaha ugu cadcad qaaradda Yurub ee sida weyn uga soo horjeeda xasuuqa Israa’iil ay ka waddo Gaza iyo dagaalka ay iyada iyo Mareykanka ku qaadeen dalka Iiraan.

Safaaradda Spain ee magaalada Tel Aviv ayaa hadda wixii ka dambeeya waxaa hoggaamin doona sii-hayaha xilka safiirka (charge d’affaires), sida uu ilo-wareed ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda u sheegay warbaahinta Middle East Eye.

“Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxay xaqiijinaysaa in ay la baxday safiirkii Tel Aviv, kaas oo markii hore loogu yeeray la-tashi ‘aan waqti lahayn’, taas oo ka dhigaysa in safaaradda Spain ee Tel Aviv uu hoggaamiyo sii-haye, si la mid ah heerka safaaradda Israa’iil ay ku leedahay Madrid,” ayuu sarkaalkan xog-ogaalka ah u sheegay Middle East Eye.

Khilaaf sii xoogeysanaya

Go’aankan ayaa ah calaamaddii ugu dambeysay ee muujinaysa kala fogaanshaha diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Madrid iyo Tel Aviv, kaas oo kasii darayay tan iyo markii Israa’iil ay bilowday weeraradeeda baabi’inta ah ee Gaza bishii Oktoobar 2023.

Spain ayaa ka mid ah dowladaha tirada yar ee reer Yurub ee si joogto ah u cambaareeya hab-dhaqanka Israa’iil ee Gaza, iyadoo ku tilmaantay xasuuq. Sannadkii 2025-kii, Spain waxay mamnuucday in maraakiibta iyo diyaaradaha hubka u sida Israa’iil ay isticmaalaan dekedaha ama hawadeeda.

Sidoo kale, dalkan ayaa si rasmi ah u aqoonsaday dowladda Falastiin bishii May 2024, taas oo ku qasabtay Israa’iil inay wadatashi ugu yeerato safiirkeedii fadhiyay Madrid.

Xiriirka labada dal ayaa mar kale dhaawacmay ka dib markii safiirka Spain ee Israa’iil, Perez, loogu yeeray dalkeeda bishii Sebtembar ee sannadkii hore.

Tani waxay ka dhalatay muran diblomaasiyadeed oo yimid markii xukuumadda Sanchez ay Israa’iil kusoo rogtay sagaal tallaabo oo cunaqabateyn ah, kuwaas oo uu ku jiro cunaqabateyn hub oo dhammaystiran.

Hadda, labada dal iskuma hayaan wax safiiro ah; safiirkii hore ee Israa’iil ayaa xilkiisa ka tagay 2024, labada safaaradoodna waxaa haatan maamula sii-hayeyaal.

Diidmada qorshaha Trump

Bishii Janaayo, Ra’iisul Wasaare Sanchez ayaa diiday inuu ku biiro qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee loo yaqaan “Guddiga Nabadda” ee lagu maamulaya Gaza. Wuxuu qorshaas ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah shuruucda caalamiga ah, isagoo si adag uga soo horjeestay in meesha laga saaro Maamulka Falastiiniyiinta.

Xiisadda ayaa mar kale cirka isku shareertay toddobaadyadii lasoo dhaafay oo ku aaddan dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan. Sanchez ayaa si xooggan u dhaleeceeyay ololahaas milateri isagoo ku sifeeyay mid sharci-darro ah.

Wuxuu si cad u diiday inuu Mareykanka u oggolaado isticmaalka saldhigyada milateri ee ay labada dal si wadajirka ah u maamulaan ee ku yaalla koonfurta Spain, si loogu fuliyo hawlgalo lala xiriirinayo duqeymaha Iiraan.

Go’aankan ayaa dhaliyay isku dhac fagaare ah oo dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Trump, kaas oo ku eedeeyay Spain inay tahay dal “aan saaxiib ahayn” isla markaana ku hanjabay inuu dalkaas ka jari doono xiriirka ganacsi.

“Dagaal maya”

Khudbad laga sii daayay telefishinka horraantii bishan, Sanchez ayaa difaacay mowqifka xukuumaddiisa, isagoo fariintiisa kusoo koobay laba erey oo cad: “Dagaal Maya.”

Isagoo u jawaabayay Madaxweyne Trump khudbaddiisii 4-tii Maarso, Ra’iisul Wasaaraha Spain ayaa bixiyay digniin culus.

“Hal sharci-darro laguma xallin karo mid kale, sababtoo ah sidaas ayay ku bilowdaan masiibooyinka waaweyn ee aadanaha. Inta badan, dagaallada waaweyn waxay ka dhashaan dhacdooyin isdaba-joog ah oo faraha ka baxa, kuwaas oo ka dhasha xisaab-xumo, cilado farsamo, ama xaalado aan la saadaalin karin.”

Wuxuu hadalkiisa kusoo xiray dardaaran la xiriira ilaalinta nabadda caalamka.

“Sidaas darteed, waa inaan wax ka barannaa taariikhda, mana ku ciyaari karno masiirka malaayiin qof. Spain waxay garab taagan tahay mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Yurub. Waxay garab taagan tahay Axdiga Qaramada Midoobay. Waxay garab taagan tahay shuruucda caalamiga ah iyo sidaas darteed nabadda iyo wada-noolaanshaha nabdoon ee dalalka.”

Xasan Sheekh, Abiy iyo Geelle oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Jabuuti + Sawirro

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa caawa kulan saddex-geesood ah ku yeeshay magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Kulankan ayaa lagu xoojiyay iskaashiga wadajirka ah ee saddexda dal, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha amniga gobolka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha saddexda dal ayaa sidoo kale si qoto dheer uga wada-hadlay dagaalka argagixisada, dadaallada Soomaaliya ee dimuqraadiyeynta, xasilloonida Geeska Afrika, iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Intii uu socday kulanka ayaa sidoo kale lagu lafaguray fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga dhaqaale ee dalalka gobolka, gaar ahaan dhinacyada maalgashiga, ganacsiga iyo fududeynta isu-socodka dadka iyo badeecadaha.

Madaxda ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee isku xira dalalka Geeska Afrika, si loo xoojiyo isdhexgalka gobolka loona abuuro fursado dhaqaale oo waara.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti martigelinta kulankan, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii joogteynta wada-tashiyada iyo iskaashiga lagu xoojinayo xiriirka dalalka gobolka.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli colaadda Bariga Dhexe ay sii xoogeysanayso, taas oo sare u qaadaysa walaaca laga qabo xaaladda amni ee gobolka.

Iiraan oo ku dhawaaqday go’aan ku saabsan marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz

Tehran (Caasimada Online) – Ciidamada Iiraan ayaa maanta ku dhawaaqay in aysan oggolaan doonin xitaa hal litir oo shidaal ah inuu maro marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz haddii uu ku wajahan yahay Mareykanka, Israel ama xulafadooda.

Arrintan ayaa lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay taliska hawlgallada milatari ee Iiraan, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in maraakiib kasta ama doonyo shidaal sida oo la xiriira Mareykanka, Israel, ama waddamada ay xulafada yihiin loo tixgelin doono bartilmaameed sharci ah oo la weerari karo haddii ay isku dayaan inay maraan marinka Hormuz.

Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay in tallaabadan ay ka dhalatay xaaladda dagaal ee ka dhex taagan Iiraan iyo dalalka reer galbeedka.

Iiraan ayaa si cad u sheegtay inay xannibi karto dhoofinta shidaalka haddii weerarrada Mareykanka iyo Israel ay sii socdaan, iyadoo tilmaantay in aysan oggolaan doonin “xitaa hal litir oo saliid ah” inuu ka baxo gobolka.

Marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin badeed aad u muhiim ah oo isku xira Gacanka Faaris iyo Badda Cumaan, waxaana la sheegay in qiyaastii 20% shidaalka adduunka uu maalin kasta ka gudbo halkaas, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee tamarta dunida.

Khubarada tamarta ayaa ka digaya in haddii marinkan si buuxda loo xiro ay si weyn u saameyn karto suuqyada shidaalka caalamka.

Wararka ugu dambeeyay ayaa sidoo kale sheegaya in xiisadda gobolka ay sii kordhayso, iyadoo dhowr maraakiib ah lagu weeraray gudaha marinka Hormuz, halka ciidamada Mareykankuna ay burburiyeen doonyo Iiraan lahayd oo la sheegay inay miinooyin dhigayeen badda.

Dhacdadan ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in khilaafka uu saameyn weyn ku yeesho ganacsiga iyo gaadiidka badda ee gobolka.

Xiisaddan sii xoogaysanaysa ayaa keentay in dowlado iyo hay’ado caalami ah ay ka digaan khatar ku iman karta sahayda shidaalka ee caalamka, maadaama marinka Hormuz uu yahay halbowlaha ugu muhiimsan ee dhoofinta saliidda ee Bariga Dhexe.

Si kastaba, hubanti la’aanta ku xeeran awoodda lagu kala gudbin karo shidaalka ee marinkan ayaa u muuqatay inay abuurtay isbeddel xooggan oo ku yimid suuqa saliidda cayriin, iyadoo qiimaha shidaalka uu si xowli ah kor ugu sii kacayo.