25.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Soomaaliya, Turkiga iyo UK oo yeeshay wada-hadal cusub

0

London (Caasimada Online) – Iskaashi dhow oo u dhexeeya Soomaaliya, Turkiga iyo Boqortooyada Midowday (UK) ayaa lagu sheegay inuu gacan ka geysan karo xoojinta xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika, kadib kulan ay mas’uuliyiin ka kala socday saddexda dal ku yeesheen Aqalka Baarlamaanka UK.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya, Turkiga iyo UK, iyadoo lagu sheegay in xiriirka muddada dheer ee Ankara iyo Muqdisho uu noqon karo saldhig lagu ballaarinayo wada-shaqeyn ay London qayb ka noqoto.

Mas’uuliyiintii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in iskaashigan saddex geesoodka ah uu muhiim u noqon karo taageerada amniga, horumarinta iyo koboca dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan xilli uu dalku ku jiro marxalad dib-u-dhis iyo horumar.

Danjiraha Turkiga ee Boqortooyada Midowday, Cismaan Koray Ertaş ayaa sheegay in xiriirka dalkiisa iyo Soomaaliya uusan ku koobnayn gargaarka bini’aadantinimo, balse uu isu beddelay iskaashi ballaaran oo dhinacyada horumarinta, amniga iyo maalgashiga ah.

Ertaş ayaa xusay in Turkigu tan iyo sanadkii 2011 uu Soomaaliya ka hirgeliyay mashaariic horumarineed oo ka badan hal bilyan oo doollar, isla markaana uu tababarro siiyay in ka badan 20,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Danjiraha Turkiga ayaa sheegay in Soomaaliya ay sameysay horumar muuqda, inkastoo ay weli wajahayso caqabado kala duwan. Wuxuu tilmaamay in Ankara ay soo dhoweynayso taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan doorka UK, isagoo carrabka ku adkeeyay in Turkigu uu doorbidayo iskaashi halkii uu ka jiri lahaa tartan.

Dhankiisa, Danjiraha Soomaaliya ee UK, Cabdulqaadir Xaashi ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudbeyso marxalad ku tiirsanaanta gargaarka dibadda una gudbeyso hannaan ku saleysan horumar, maalgashi iyo iskaashi dhaqaale.

Xaashi ayaa soo dhoweeyay warbixin ay diyaarisay xarunta xiriirka Anglo-Turkiga (CATR), isagoo sheegay inay ka tarjumeyso isbeddellada ka socda Soomaaliya iyo dadaallada dalka loogu beddelayo meel fursado maalgashi leh.

Wuxuu intaas ku daray in ku biirista UK ee iskaashiga dhow ee Soomaaliya iyo Turkiga ay abuuri karto iskaashi saddex geesood ah oo faa’iido u leh dhammaan dhinacyada, isla markaana gacan ka geysan kara xoojinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.

“Soomaaliya iyo Turkigu waa laba saaxiib oo muhiim u ah UK,” ayuu yiri Xildhibaanka Baarlamaanka UK ee xisbiga Labour-ka, Afzal Khan oo guddoomiyay kulanka. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in laga gudbo ku tiirsanaanta gargaarka loona gudbo maalgashi, kobac dhaqaale iyo iskaashi waara, isagoo sheegay in xasilloonida Soomaaliya ay dan u tahay Afrika iyo caalamkaba.

Fiqi oo ciidamada xoogga faray inay u diyaar garoobaan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan xarumaha tababarrada ee gobolka Shabeellada Dhexe ku amray inay galaan heegan buuxa, iyadoo dowladda ay waddo abaabulka howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa ciidanka ku booriyay inay dardar geliyaan howl-gallada lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in loo baahan yahay diyaar-garow buuxa si loo soo afjaro haraadiga kooxda.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa wadday abaabulka ugu dambeeyay ee lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo la diyaarinayo ciidamo fulin doona howlgallo qorsheysan oo ka dhacaya deegaanno ka tirsan Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa booqday degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo uu kula kulmay ciidamada iyo saraakiisha kumaandooska Gorgor, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Axmed Macallin Fiqi ayaa ciidamada ku adkeeyay inay u diyaar garoobaan gulufka colaadeed ee lagu doonayo in lagu xoreeyo deegaannada ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab, isagoo bogaadiyay dadaallada ay ciidamada ka wadaan furimaha dagaalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale ciidamada ku ammaanay difaaca ay ka sameeyeen weerarrada Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in dowladda ay sii xoojin doonto taageerada iyo howlaha lagu wiiqayo awoodda kooxda.

Fiqi ayaa shacabka ugu baaqay inay ciidamada la wadaagaan xogaha muhiimka ah ee la xiriira dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab iyo sahayda ay helaan, isagoo sheegay in iskaashiga shacabka iyo ciidamada uu muhiim u yahay guusha howlgalka.

Ugu dambeyntiina, wasiirka ayaa sheegay in ciidamada ay sameeyeen howl-gallo lagu joojiyay sahayda Al-Shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay in la qabtay xoolo ay kooxdu dadka kaga qaadday canshuur ay ugu yeerto “sako”, taasoo uu ku tilmaamay dhaqaale ay ku maalgeliso howlaheeda.

Sawirro: Taliyaha ciidanka dhulka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Turkiga, Jeneraal Metin Tokel oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya.

Soo dhaweynta taliyaha iyo wafdigiisa ayaa loo sameeyey hab-maamuus ciidan oo heer sare ah, iyadoo la muujiyey muhiimadda booqashada iyo xiriirka dhow ee labada dal.

Booqashadan ayaa ka tarjumeysa xiriirka qotada dheer ee walaaltinimo iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo saldhig u ah wada-shaqeyn ballaaran oo dhinacyada amniga iyo difaaca ah.

Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyey door muuqda ka qaatay dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo gacan ka geystay tababarrada ciidamada, kor u qaadista awooddooda iyo horumarinta hay’adaha difaaca.

Sidoo kale, labada dal ayaa si joogto ah u xoojinaya iskaashigooda dhinacyada amniga, iyagoo ka wada shaqeynaya la dagaallanka khataraha amni ee gobolka iyo xoojinta awoodda ciidamada Soomaaliyeed.

Inta lagu guda jiro booqashadan, waxaa la filayaa in mas’uuliyiinta labada dhinac ay yeeshaan kulamo looga arrinsanayo ballaarinta iskaashiga difaaca, tababarrada ciidamada iyo is-dhaafsiga khibradaha ciidan.

Booqashadan ayaa la filayaa inay sii adkeyso xiriirka u dhexeeya ciidamada Soomaaliya iyo Turkiga, isla markaana ay gacan ka geysato xoojinta amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka.

Kenya oo lumisay qayb ka mid ah suuqa Somalia kadib…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa sii xoojinaysa saamigeeda suuqa qaadka Soomaaliya, taasoo sababtay hoos u dhac ku yimid dhoofinta iyo dakhliga qaadka miraa ee Kenya saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan, sida uu qoray wargeyska Daily Nation, oo soo xiganaya xogta Hay’adda Beeraha iyo Cuntada Kenya (Agriculture and Food Authority – AFA).

Xogta AFA ayaa muujisay in dhoofinta qaadka mirooga Kenya ay hoos u dhacday boqolkiiba 13, iyadoo gaartay 692,000 kiiloogaraam muddadii u dhexeysay Janaayo iyo Maarso 2026, marka loo eego 795,668 kiiloogaraam oo la dhoofiyay isla muddadaas sanadkii hore.

Sidoo kale, dakhliga laga helay dhoofinta ayaa hoos ugu dhacay 3.09 bilyan oo shilin Kenya ah, halka uu sanadkii hore gaarayay 3.56 bilyan oo shilin, taasoo ka dhigan khasaare ku dhow 470 milyan oo shilin.

Warbixinta ayaa sheegtay in hoos u dhacaasi inta badan uu ka dhashay tartanka sii kordhaya ee uga imanaya Itoobiya, maadaama ay juqraafi ahaan uga dhowdahay Soomaaliya, taasoo u sahlaysa inay suuqa gaarsiiso qaad cusub oo qiimihiisu tartan geli karo, isla markaana kharashka gaadiidkiisu hooseeyo.

Waxa kale oo warbixintu xustay in go’aankii Soomaaliya ay sanadkii 2023 ku siisay dhoofiyeyaasha Itoobiya mudnaan ay si gaar ah suuqa u geli karaan 10 maalmood bishii uu sare u qaaday saamiga Itoobiya ee suuqa Soomaaliya, taas oo xilligaas dhalisay cabashooyin xooggan oo uga yimid beeraleyda iyo dhoofiyeyaasha Kenya.

Sida uu qoray Daily Nation, Soomaaliya ayaa weli ah suuqa ugu weyn ee rasmiga ah ee qaadka Kenya loo dhoofiyo, taasoo ka dhigaysa ganacsigan mid si weyn ugu nugul isbeddellada siyaasadeed, go’aannada dowladda iyo tartanka ka imanaya dalalka gobolka.

Hay’adda AFA ayaa sheegtay in ku tiirsanaanta hal suuq ay khatar ku tahay dhoofinta qaadka Kenya, iyadoo ku baaqday in la ballaariyo suuqyada loo dhoofiyo, gaar ahaan waddamada gobolka sida Jabuuti, si loo yareeyo saameynta isbeddellada ka dhaca suuqa Soomaaliya.

Sidoo kale, hay’addu waxay dowladda Kenya kula talisay inay maalgeliso horumarinta kaydinta iyo gaadiidka dalagga, isla markaana ay xoojiso heshiisyada ganacsi ee laba geesoodka ah, si kor loogu qaado tartanka mirooga Kenya ee suuqyada gobolka.

Caqabad hortaagan in DF ay Mareykanka u gacan geliso Cabdikariim Cabdullahi Ciidle

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarigga Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle oo dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa noqday guul weyn oo ay Mareykanka ku tilmaameen tallaabo muhiim ah oo loo qaaday kiiska musuq-maasuqa lacagihii Covid-19 ee gobolka Minnesota, hase yeeshee waxaa haatan muuqata in arrintu aysan ku dhammaan doonin si fudud.

Cabdikariim, oo 42 jir ah, ayaa Mareykanka ku eedeeyay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu muhiimsanaa kiiska Feeding Our Future, oo ahaa fadeexad lagu lunsaday lacag ka badan 250 milyan oo dollar. Lacagtaas ayaa loogu talagalay in lagu quudiyo carruur danyar ah xilligii safmarkii Covid-19, balse dacwad-oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay in lagu leexsaday dano shaqsi, shirkado been-abuur ah iyo lacago la isku siiyay laaluush iyo kickbacks.

Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa markii la shaaciyay xariggiisa ku tilmaantay guul muujineysa in dadka lagu eedeeyo inay xadaan lacagta canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka aysan ka baxsan karin gacanta sharciga, xitaa haddii ay u cararaan dalal fog.

Laakiin ku dhowaad laba toddobaad kadib xariggaas, Cabdikariim weli wuxuu ku jiraa gacanta hay’adaha Soomaaliya. Su’aasha weyn ee haatan taagan ayaa ah: sidee ayaa Mareykanka loogu gudbin karaa, maadaama Soomaaliya iyo Mareykanka aysan lahayn heshiis is-dhaafsi maxaabiis ama eedeysaneyaal ah?

Dastuurka Soomaaliya ayaa dhigaya in qof eedeysane ah ama dembi lagu helay loo gacan gelin karo dal kale keliya haddii uu jiro heshiis caalami ah ama mid laba dal u dhexeeya oo arrintaas oggolaanaya. Taas ayaa ka dhigeysa kiiska Cabdikariim mid sharci ahaan culus, maadaama Washington aysan si toos ah u haysan waddo cad oo ay Muqdisho uga dalban karto in ninka loo soo wareejiyo.

Joseph H. Thompson, oo hore u ahaa dacwad-ooge federaal ah, islamarkaana kiiskan si dhow ula socday, ayaa sheegay in xarigga Cabdikariim uu yahay tallaabadii ugu horreysay oo keliya.

“Xariggu waa tallaabada koowaad, waxaana laga yaabaa inay noqoto dagaal adag in halkan la keeno oo maxkamad la soo taago,” ayuu Thompson u sheegay The New York Times.

Wuxuu intaas ku daray in ay jiraan “caqabad sharci iyo mid diblomaasiyadeed”, kuwaas oo ay sii adkeyn karto xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya.

Sida ay qortay The New York Times, Mareykanka ayaa helay goobta uu ku sugnaa Cabdikariim kadib markii la raacay taleefankiisa gacanta, ka hor inta aysan ciidamo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya howlgal saqdii dhexe ah ka fulin deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Qoyska Cabdikariim ayaa sheegay in uusan iska caabin markii la xirayay. Faiza Ciidle, oo uu adeer u yahay, ayaa sheegtay inay ku booqatay meel lagu hayo, islamarkaana uu ku jiray qol nadiif ah oo sariir keliya leh. Waxay sheegtay inuu xirnaa funaanad iyo macawis Soomaali ah.

“Wuxuu u muuqday mid aad u murugaysan oo niyad-jabsan,” ayay tiri, iyadoo sheegtay inuu waqtigiisa ku qaadanayay akhrinta Qur’aanka.

Cabdikariim ayaa hore ugu noolaa magaalada Burnsville ee gobolka Minnesota, balse wuxuu Soomaaliya ku laabtay sanadkii 2022. Dacwadaha lagu soo oogay ayaa isla sanadkaas la shaaciyay, balse qaraabo iyo mas’uuliyiin Soomaali ah ayaa sheegay inuu si caadi ah ugu noolaa Muqdisho.

Kiiska ayaa sidoo kale kiciyay dareen qabiil iyo mid siyaasadeed. Dad ka soo jeeda beeshiisa Cayr, ayaa ka hor yimid in loo gacan geliyo Mareykanka, waxayna ku doodeen in haddii uu jiro dembi lagu eedeynayo lagu maxkamadeeyo Soomaaliya.

“Waxaan dooneynaa inuu ka qeyb galo dhageysiyada maxkamad ee Soomaaliya, kadibna la arko in lagu helo dembi iyo in kale,” ayuu yiri Qoordheere Jaamac, oo ah oday dhaqameed sheegay inuu ku booqday xabsiga.

Arrintan ayaa sidoo kale cadaadis saaraysa dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo si weyn ugu tiirsan taageerada amni ee Mareykanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Washington ayaa Soomaaliya ka taageerta duqeymo, tababar iyo howlgallo dhinaca amniga ah, halka Muqdisho ay u baahan tahay inay ilaaliso xiriirkaas muhiimka ah.

Dhanka kale, kiiska Feeding Our Future ayaa muddo dheer noqday mowduuc siyaasadeed oo ka dhex taagan Minnesota, oo ay ku nool yihiin Soomaali badan. Inkastoo hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ay sheegeen in qof kasta oo dembi gala lala xisaabtamo, haddana waxay cambaareeyeen hadallo ay sheegeen in lagu sumcad-dilayo bulshada oo dhan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowr jeer fadeexaddan u adeegsaday weerarro ka dhan ah Soomaalida, isagoo mar ku tilmaamay erayo meel ka dhac ah, taas oo dhalisay caro iyo walaac ka dhex jira qurbojoogta Soomaaliyeed.

Hadda, Mareykanka wuxuu doonayaa in Cabdikariim la geeyo maxkamad ku taalla gudaha Mareykanka. Laakiin Soomaaliya waxay wajahaysaa go’aan adag: inay tixgeliso cadaadiska Washington, inay ilaaliso dastuurkeeda, iyo inay ka hortagto caro gudaha ah oo ka dhalata in muwaadin Soomaali ah ama qof ay beeshiisu Soomaali u aragto loo gacan geliyo dal shisheeye.

Samira Gaid, oo ah falanqeeye arrimaha Soomaaliya ah, ayaa sheegtay in Muqdisho aysan si fudud uga hor imaan karin rabitaanka Washington.

“Soomaaliya ma awooddo inay si kasta uga hortagto Mareykanka,” ayay tiri. “Mareykanka waa mid ka mid ah dalalka kugu adkeyn kara haddii aad iska caabiso.”

Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay Imaaraadka Carabta

Riyadh (Caasimada Online) — Sacuudiga ayaa la sheegay inuu dib u dhigay ama xanibay lacagaha loo dirayo akoonno ku yaalla Imaaraadka Carabta, arrin dhalisay cabsi ah in khilaaf siyaasadeed oo sii ballaaranaya oo u dhexeeya labada dal uu hadda saameyn ku yeeshay ganacsiga.

Dhowr ilo-wareed ayaa u sheegay wargeyska Financial Times in lacagaha laga dirayey bankiyada Sacuudiga, kuna socday akoonno ku yaalla Imaaraadka oo ay leeyihiin shirkado iyo shaqsiyaad ku sugan Dubai, la celiyey ama dib loo dhigay tan iyo bishii May, marar badanna aan wax sharaxaad ah laga bixin.

Mid ka mid ah madaxda reer Galbeedka ee shirkad caafimaad oo fadhigeedu yahay Dubai ayaa FT u sheegay in bankiyo Sacuudi ah ay xayireen oo celiyeen dhowr lacagood oo ka imaanayey macmiil Sacuudi ah oo muddo dheer la shaqeynayey shirkadda, tan iyo bartamihii May.

Bankiga dhexe ee Sacuudiga ayaa dhankiisa beeniyey inuu soo rogay “xayiraado toos ah oo lagu beegsanayo dalal gaar ah”, sida uu u sheegay Financial Times.

Arrintan ayaa taabaneysa mid ka mid ah xiriirrada ganacsi ee ugu muhiimsan Khaliijka.

In kasta oo Sacuudiga iyo Imaaraadka muddo dheer loo arkayey xulafo isku dhow, haddana labada dal waxay isku hayaan dhowr arrimood oo waaweyn, oo ay ka mid tahay Israel. Abu Dhabi ayaa ah saaxiibka ugu dhow ee Israel ku leedahay gobolka, halka Riyadh aysan weli si rasmi ah u aqoonsan Israel.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sidoo kale ka soo horjeeda taageerada Imaaraadka ee dhaq-dhaqaaqyada gooni-u-goosadka ee Soomaaliya iyo Yemen.

‘Xiisad sii kaceysa’

Sacuudiga, oo dhaqaalihiisu gaarayo ku dhowaad $1.2 tirilyan, iyo Imaaraadka, oo dhaqaalihiisu ku dhow yahay $550 bilyan, waa labada dhaqaale ee ugu waaweyn dunida Carabta. Ganacsiga labada dal ayaa sanadkii ka badan $20 bilyan.

Sanado badan, shirkado badan ayaa Dubai u adeegsanayey xarun ay uga shaqeeyaan suuqa Sacuudiga. Laakiin Riyadh ayaa sanadihii dambe si xooggan ugu riixeysay shirkadaha inay howlahooda u soo raraan gudaha boqortooyada, iyadoo dooneysa in ganacsiga, shaqooyinka iyo maalgashiga badan lagu hayo gudaha Sacuudiga.

“Mar walba waxaa jiray tartan dhaqaale oo u dhexeeya labada dhinac, mana aha markii ugu horreysay ee tallaabooyin noocan oo kale ah la sheegay in loo adeegsaday in xiisadda kor loogu qaado. Xiriirkuna wuu ka badbaaday xiisado hore oo dhacay dhammaadkii 2000-meeyadii iyo sanadkii 2021,” ayuu Kristian Coates Ulrichsen, oo ah khabiir ka tirsan Baker Institute, u sheegay Middle East Eye.

Xiisadda ayaa gaartay heer khatar ah kadib markii Riyadh ay Abu Dhabi ku eedeysay inay taageertay garab gooni-u-goosad ah oo Yemen ah, kaas oo bishii December weerar ku qaaday xoogag taageersan Sacuudiga.

Imaaraadka ayaa lagu qasbay inuu ciidamadiisa kala baxo Yemen, kadib xiisaddaas iyo weerarro Sacuudi ah oo lagu qaaday xulafadiisa Yemen.

Sacuudiga ayaa sheegay in Imaaraadka, oo ahaa saaxiibkiisa ugu weyn ee isbaheysigii Sacuudigu hoggaaminayey ee galay dagaalka Yemen sanadkii 2015 si loola dagaallamo Xuutiyiinta, uu khatar geliyey amniga qaranka Sacuudiga, kadib markii uu taageeray weerarka garabkaas Yemen.

Dagaalka Yemen wuxuu ku guuldareystay inuu jabiyo Xuutiyiinta, waxaana ku dhintay boqolaal kun oo Yemeniyiin ah.

Khilaafkaas ayaa sababay kala taggii ugu xumaa ee dhex mara labada dal ee Khaliijka muddo tobanaan sano ah, wuxuuna banaanka keenay loollan hore uga jiray ganacsiga, siyaasadda saliidda iyo saameynta gobolka.

Dagaalkii Mareykanka iyo Israel ee Iran ayaa muddo kooban hoos u dhigay kala aragti duwanaanshahaas, iyadoo dalalka Khaliijka ay isku dayayeen inay muujiyaan midnimo kadib markii Iran ay bartilmaameedsatay gobolka aargoosi ahaan.

“Waxay u badan tahay in xiisaduhu aysan marnaba dhab ahaantii meesha ka bixin, balse degdegga iyo khatarta weerarradii Iran ee Khaliijka waxay keeneen in arrimahan ay muddo gadaal u dhacaan intii dagaalku socday,” ayuu yiri Ulrichsen.

Horaantii sanadkan, Imaaraadka ayaa ka yaabiyey dalalka deriska la ah markii uu ku dhawaaqay inuu ka baxayo OPEC, ururka saliidda ee Sacuudigu si dhab ah u hoggaamiyo.

Abu Dhabi ayaa sheegtay in go’aankaas uu ka tarjumayo “aragtideeda dhaqaale iyo isbeddelka ku socda qaabkeeda tamarta”, balse tallaabadaas ayaa si weyn loogu arkay dharbaaxo ku dhacday Riyadh.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa horey ugu adkeystay in xiisadaha siyaasadeed ee kala dhexeeya Imaaraadka aysan dhaawici doonin xiriirka ganacsi iyo dhaqaale ee labada dal.

Laakiin warbixinnada sheegaya in lacagaha loo dirayo Imaaraadka la hakiyey ama la celiyey ayaa dhalinaya su’aalo cusub oo ku saabsan in khilaafka Riyadh iyo Abu Dhabi uu hadda gaaray heer uu taabanayo ganacsiga maalinlaha ah iyo xiriirka bangiyada.

Maxkamadda oo go’aan lama filaan ah ka gaartay fure-haye xabsi oo loo xiray fakinta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dhageysatay dacwad loo haystay fure-haye ka tirsanaa xabsiga Janaale, kaas oo lagu eedeeyay inuu dayacay furihii xabsiga, arrintaas oo la sheegay inay sahashay baxsashada maxbuus horay loogu xukumay dil toogasho ah.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo labo xidigle boolis Ilyaas Cabdullaahi Cabdi Mansuur ayaa sida ay sheegtay xeer ilaalintu, mas’uul ka ahaa furaha xabsiga Janaale, balse waxaa lagu eedeeyay inuu lumiyay furihii loo dhiibay, taasoo keentay in xilli dambe oo habeennimo uu baxsado Ismaaciil Cabdiraxmaan Mahad.

Ismaaciil ayaa horay loogu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay dilka macallin dugsi Qur’aan. Kahor inta aan la xukumin, waxaa gacanta ku dhigay shacabka ku nool deegaanka Janaale, hase yeeshee haatan wuxuu ku maqan yahay baxsad.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa maxkamadda u sheegay in baxsashada maxbuuskan ay ka dhalatay dayacaad dhinaca amniga ah, wuxuuna codsaday in booskiisi la geliyo dadka loo haysto inay ka qeyb qaateen fakashadiisa.

Dhankiisa, taliyaha booliska ee mas’uulka ka ah xabsiga Janaale ayaa maxkamadda ka sheegay inuu mar hore meel cidlo ah ka helay furihii xabsiga, isla markaana uu geeyay xafiiskiisa. Wuxuu sheegay in Ilyaas Cabdullaahi Cabdi Mansuur uu markaas uga daba yimid, kana codsaday in dib loogu celiyo furaha, isagoo ballan-qaaday in uusan mar kale dayici doonin.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in baaritaannada lagu ogaaday in uusan jirin darbi ama albaab la jebiyay, balse baxsashada maxbuuska ay u muuqato mid si qorsheysan loogu fududeeyay gudaha xabsiga, taasoo uu sheegay inay muujinayso in dad kale ay wax ka ogaayeen dhacdada.

Xeer ilaalinta ciidamada ayaa maxkamadda ka codsatay in ciqaab adag lagu rido fure-hayaha iyo askari kale oo ka tirsanaa ilaalada xabsiga.

Hase yeeshee, qareenka difaacayay eedeysanaha ayaa ku dooday in aan la caddayn in furaha la koobiyeeyay ama uu jiray fure kale oo lagu furay albaabka xabsiga, sidaas darteedna uusan muwakilkiisu qaadi karin mas’uuliyadda baxsashada.

Kadib markii ay dhageysatay doodaha labada dhinac, marqaatiyaasha iyo caddeymaha la horgeeyay, maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ugu dambeyn go’aamisay in la sii daayo labo xidigle boolis Ilyaas Cabdullaahi Cabdi Mansuur, iyadoo sheegtay in aan lagu helin eedihii loo haystay.

DF Soomaaliya oo ka hor-timid barnaamij ay damacsan tahay shirkadda WhatsApp

Muqdisho (Caasimada Online) — Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Soomaaliya ayaa shirkadda Meta ka dalbatay inay dib u dhigto hirgelinta adeegga cusub ee WhatsApp ee dadka u oggolaanaya inay isticmaalaan “username” halkii ay lambar taleefan ka adeegsan lahaayeen, iyadoo ka digtay khataro dhanka amniga, asturnaanta iyo maaliyadda ah.

Hay’adda NCA ayaa sheegtay in adeeggan, haddii aan si taxaddar leh loo maamulin, ay ka faa’iideysan karaan kooxaha dambiyada internet-ka, tuugada dadka iska dhigta iyo kooxaha argagixisada, kuwaas oo adeegsan kara magacyo dadweyne oo aan si adag loo xaqiijin.

“Ka hor inta aan adeeggan laga hirgelin Soomaaliya, waxaan Meta ugu baaqeynaa inay nala gasho wadatashiyo farsamo, ayna hirgeliso tallaabooyin adag oo lagu ilaalinayo asturnaanta dadka isticmaala, loogana hortagayo si xun u adeegsiga,” ayay NCA ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay.

Adeegga cusub ee WhatsApp usernames ayaa dadka u oggolaanaya inay samaystaan magac gaar ah oo ay dadka kale kula xiriiri karaan, iyada oo aan si toos ah loo bixin lambarkooda taleefanka.

Meta ayaa arrintan u aragta tallaabo lagu xoojinayo asturnaanta dadka isticmaala WhatsApp, balse dalal qaarkood ayaa walaac ka muujiyey in adeeggu abuuri karo fursado cusub oo khiyaano iyo iska dhigid ah.

NCA ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u baahan tahay dammaanad cad ka hor inta aan adeeggan laga bilaabin dalka. Hay’addu waxay si gaar ah u xustay baahida loo qabo nidaamyo lagu xaqiijinayo aqoonsiga, qalab lagu joojinayo xadgudubyada, iyo habab lagu kormeero magacyada si looga hortago in dad ama hay’ado rasmi ah lagu daydo.

Walaaca ugu weyn ayaa la xiriira xaaladda gaarka ah ee Soomaaliya, halkaas oo WhatsApp si ballaaran loogu isticmaalo isgaarsiinta bulshada, ganacsiga iyo adeegyada maalinlaha ah. Hay’addu waxay sheegtay in magacyo dadweyne oo aan la xaqiijin ay khatar gelin karaan dadka isticmaala, gaar ahaan marka lala xiriiriyo lacagaha moobilka.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka Afrika ee sida ugu badan looga isticmaalo adeegyada mobile money-ga, xilli nidaamka bankiyada rasmiga ah uu weli yahay mid kobcaya. Qiyaaso hore ayaa muujiyey in bishii la diiwaangeliyo ku dhawaad 155 milyan oo macaamil lacageed, kuwaas oo qiimahoodu gaarayo $2.7 bilyan, halka in ka badan 70 boqolkiiba dadka waaweyn ee Soomaalida ah ay si joogto ah u isticmaalaan lacagaha moobilka.

Taasi waxay ka dhigeysaa in khalad yar oo dhanka aqoonsiga ah uu si degdeg ah isugu beddeli karo khasaare maaliyadeed oo ballaaran. NCA ayaa ka digtay in qof adeegsada username u eg magaca hay’ad dowladeed, bangi, shirkad isgaarsiin ama qof caan ah uu si fudud u khiyaanayn karo dad badan, haddii aan la helin nidaam adag oo lagu kala saarayo aqoonsiyada rasmiga ah iyo kuwa been-abuurka ah.

Tallaabada Soomaaliya ayaa timid maalmo kadib markii Hindiya ay Meta ka dalbatay inay hakiso hirgelinta adeeggan, iyadoo sheegtay in username-yada ay kordhin karaan khiyaanada internet-ka, xatooyada iyo in dad ama hay’ado lagu daydo. Hindiya waa suuqa ugu weyn ee WhatsApp, waxaana app-kaas isticmaala boqolaal milyan oo qof.

WhatsApp ayaa dhankeeda sheegtay in adeegga username-ka uusan weli si buuxda u shaqeyn, isla markaana si tartiib ah loo baahin doono dabayaaqada sanadkan. Shirkaddu waxay sheegtay in dadka la ogeysiin doono marka adeeggu ka furmo dalkooda, islamarkaana username-yada yihiin ikhtiyaari.

Meta ayaa sidoo kale sheegtay in adeeggu yahay mid loogu talagalay in lagu ilaaliyo asturnaanta dadka isticmaala, gaar ahaan kuwa aan doonayn in lambarkooda taleefanka ay si fudud u helaan dad aysan aqoon. Si kastaba, dalalka walaaca muujiyey ayaa ku adkeysanaya in asturnaanta aan laga dhigi karin mid wiiqaysa amniga, ilaalinta dadka isticmaala iyo la dagaallanka dambiyada internet-ka.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa sheegtay inaysan diidaneyn hal-abuurnimada teknoolojiyadda, balse ay doonayso in adeeg kasta oo cusub uu la jaanqaado duruufaha Soomaaliya iyo khataraha ka jira dalka.

“Waxaan taageersannahay horumarka adeegyada dijitaalka ah, balse waa in aan hubinnaa in adeegyadaas aysan dadka Soomaaliyeed u horseedin khataro cusub,” ayay hay’addu sheegtay.

Doodda ka dhalatay WhatsApp usernames ayaa muujineysa loollan sii kordhaya oo u dhexeeya shirkadaha teknoolojiyadda ee doonaya inay xoojiyaan asturnaanta dadka isticmaala iyo dowladaha doonaya in la ilaaliyo amniga, traceability-ga iyo ka hortagga khiyaanada.

Soomaaliya, arrintu waxay si gaar ah muhiim ugu tahay sababta oo ah WhatsApp iyo mobile money labaduba waxay noqdeen qeyb ka mid ah nolosha maalinlaha ah ee shacabka, ganacsatada iyo hay’adaha. NCA ayaa sidaas darteed ku adkeysanaysa in Meta aysan adeeggan dalka ka bilaabin ilaa laga helo wadatashi farsamo iyo ilaalin cad oo ka hortagta si xun u adeegsiga.

Daawo: DF oo shaacisay in mucaaradka ay qaateen doorasho qof iyo cod balse…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac oo caawa ka warbixiyay wada-hadalladii maalmahan ka socday magaalada Muqdisho ee u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo garabyada mucaaradka ayaa shaaciyey in dhinacyadu isku raaceen doorasho qof iyo cod.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in si guud mabda’a doorasho dadweyne la isla qaatay, balse weli laga sii doodayo hannaanka doorashada dadweyne ee ka qabsoomi doonta dalka.

“Inta ay maalmahan noo socdeen wada-hadallada, waxaan aad u soo dhoweynay in badi, haddii aysan dhammaan ahayn, saaxiibada kala duwan ay run ahaantii isla qaateen mabda’a ah in talada dadka Soomaaliyeed la gaarsiiyo shacabka, oo muwaadinka Soomaaliyeed uu xaq u yeesho inuu wax doorto lana doorto. Mabda’aas hadda uma muuqdo mid lagu kala aragti duwan yahay,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Saalax.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in inta badan dhinacyadu isla qabaan in mabaadi’da dimuqraadiyaddu ay aas-aas u tahay hannaanka xisbiyada badan. “Doorashada aan ka hadlayno waa mid ku dhisnaan doonta hannaanka xisbiyada badan, iyadana waxaad odhan kartaa waa mabaadi’ la isla soo dhoweynayo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa caddeeyey in arrintaas ay barbar socoto sidii loo heli lahaa hannaan maamul oo doorashada dadweynaha lagu maareeyo, kaas oo daah-furan isla markaana ay wada raalli ka yihiin dhinacyadu.

“Waxaa iyadana la isla meel dhigay, oo aad mooddo in la wada oggol yahay, in doorashadaasi ay fursad siiso dhammaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay suurtagal ka tahay inay doorashadu ka dhacdo, iyadoo duruufaha gaarka ah ee jiri karana si wadajir ah loo maareynayo,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in wada-xaajoodyada socda ay rajo weyn ka qabto inay qeyb ka noqdaan dhammaystirka iyo miro-dhalinta hadafka ay dowladda muddada dheer soo waday, kaas oo ra’iisul wasaare ku-xigeenku sheegay inuu dalka ka saarayo fadhiidnimadii ay Soomaaliya ku jirtay tan iyo burburkii.

“Waxaan doorkan rajo weyn ka qabnaa in aan ku guuleysanno hadafka aas-aasiga ah ee ah in isbeddel weyn lagu keeno hannaankii siyaasadeed ee dalka ka jiray, kaas oo ahaa doorasho dadban oo dalka iyo dadkaba dib u dhigtay,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo muuqaalka

Beesha caalamka oo war kasoo saartay wada-hadallada DF iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hawl-galka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa faah-faahisay wada-hadallada u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kaas oo maalmahan ka socday magaalada Muqdisho.

UNTMIS ayaa sheegtay inay fududeysay kulan wada-hadal ah oo Muqdisho ku dhex-maray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan saamilayda mucaaradka.

War-saxaafadeed kasoo baxay UNTMIS ayaa lagu sheegay in wada-hadallada ay ku wehliyeen xubno ka socday Midowga Yurub ee Soomaaliya, Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska, Safaaradda Mareykanka iyo Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

UNTMIS ayaa tilmaamay inay sharaf u ahayd inay goobjoog ka noqoto isla markaana fududeyso wada-hadallada u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo dhinacyada mucaaradka.

Wada-hadallada ayay sheegtay inay ku qabsoomeen jawi saaxiibtinimo leh oo wax-dhis ah, iyadoo dhinacyadu ay ka wada hadleen arrimo la xiriira mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo abuuri lahaa isfaham guud oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

UNTMIS ayaa xustay muhiimadda ay leedahay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay yeeshaan wada-hadal joogto ah oo horseeda isku soo dhawaansho iyo xal waara.

Wada-hadalladan oo soo bilowday 7-dii Luulyo ayaa loo arkaa kuwa muhiim ah, iyadoo ujeedka ugu wayn uu yahay sidii loo gaari lahaa is afgarad siyaasadeed oo dhex-mara Dowladda Federaalka iyo mucaaradka.

Si kastaba, kulamadan ayaa kusoo aadaya xilli ay socdaan dadaallo lagu raadinayo heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hanaanka doorashooyinka dalka, maadaama uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, kaas oo horey u sababay xiisado amni iyo iska horimaadyo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dekedda BOOSAASO oo xirmatay kadib markii…

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Dekedda magaalada Boosaaso ayaa weli xiran, iyadoo aysan wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ka socon muddo sagaal maalmood ah, kadib markii ganacsatada wax kala soo dega dekedda ay diideen khidmad cusub oo ay soo rogtay shirkadda DP World oo gacanta ku haysa maamulka dekedda.

Khilaafka ayaa salka ku haya khidmadaha cusub ee lagu kordhiyay adeegyada dekedda, kuwaas oo ganacsatadu ku tilmaameen kuwo aad u sarreeya, isla markaana aan la jaanqaadi karin xaaladda dhaqaale ee ka jirta Puntland. Waxay sheegeen inaysan aqbali doonin khidmadahaas ilaa dib loogu noqdo.

Shirkadda DP World ayaa ku adkaysatay hirgelinta khidmadaha cusub, iyadoo aan muujin wax calaamad ah oo muujinaysa inay ka laabanayso go’aanka ay qaadatay, taas oo sii hurisay muranka u dhexeeya shirkadda iyo ganacsatada.

Xirnaanshaha dekedda ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka badeecadaha iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga, maadaama Dekedda Boosaaso ay tahay halbowlaha ugu weyn ee dhaqaalaha Puntland, isla markaana ay ku tiirsan yihiin ganacsato badan.

Si kastaba, maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin khilaafka sababay xirnaanshaha dekedda, mana jirto wax dhex-dhexaadin ah oo la shaaciyay, iyadoo xirnaanshaha dekeddu uu galay toddobaadkii labaad.

Shirkadda DP World oo muddo ku dhow toban sano maamulaysay Dekedda Boosaaso ayaa marar badan wajahday dhaliilo uga yimid ganacsatada iyo qaybaha bulshada, kuwaas oo ku eedeeya inay qaaddo khidmado sare oo saameeya ganacsiga.

Shirkadda ayaa sidoo kale lagu dhaliilaa inaysan si buuxda u hirgelin ballan-qaadyadii ku jiray heshiiskii maamulka dekedda, gaar ahaan kuwa la xiriiray ballaarinta, casriyeynta iyo kor u qaadista adeegyada Dekedda Boosaaso.

Farmaajo oo soo bandhigay nooc doorasho oo mucaaradka kula socon

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo bandhigay nooc doorasho oo uu u arko inuu dalka ka saari karo ismariwaaga siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka, kadib markii uu ka qeyb-galay wada-hadallada u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Kulanka oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay dowladda Turkiga, waxaana ka qayb galay wakiillo ka socday dowladda iyo xisbiga Nabad iyo Nolol. Sidoo kale, waxaa goob-joog ka ahaa wakiillo ka socday Turkiga, Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Guddiga Farsamada ee Nabad iyo Nolol, kulanka ayaa diiradda lagu saaray in dhinac kasta uu soo bandhigo aragtidiisa ku aaddan nooca doorasho ee uu mudnaanta siinayo, iyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee hareeyay geeddi-socodka doorashooyinka.

Xisbiga ayaa sheegay in hindisaha uu soo bandhigay uu ku saleysan yahay hannaan doorasho oo ay shacabka si fudud u fahmi karaan, isla markaana ah mid la wada aamini karo, hufan, muuqda, kana fog muran iyo is-qabqabsi siyaasadeed.

Nabad iyo Nolol ayaa sidoo kale ku dooday in doorashadu noqoto mid lagu qabto muddo kooban, isla markaana loo dhan yahay, si qof kasta oo Soomaali ah oo buuxiya shuruudaha codbixinta uu si xor ah uga qayb qaadan karo.

Qorshaha xisbiga ayaa sidoo kale dhigaya in diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo codeyntuba ay ka dhacaan hal goob, isla markaana hal maalin lagu soo gabagabeeyo, si loo yareeyo caqabadaha farsamo iyo kuwa amni ee la xiriira doorashooyinka.

Sidoo kale, xisbiga ayaa soo jeediyay in muwaadin kasta uu si toos ah ugu codeeyo xisbiga uu taageersan yahay, halka kuraasta baarlamaankana lagu qaybinayo saamiga codadka ay xisbiyadu ka helaan shacabka, taas oo u dhow nidaamka doorashada ku saleysan axsaabta siyaasadeed.

Nabad iyo Nolol ayaa intaas ku dartay in maamulka iyo amniga doorashadu noqdaan kuwo ay ku wada qanacsan yihiin dowladda iyo mucaaradka, si loo xaqiijiyo kalsoonida geeddi-socodka doorashada, loogana fogaado muranno siyaasadeed oo cusub.

Xisbiga ayaa sheegay in qaabka uu soo bandhigay uu yahay mid mideynaya shacabka iyo dalka Soomaaliyeed, isla markaana ilaalinaya xorriyadda, madax-bannaanida siyaasadeed iyo danaha qaranka.

Waxa kale oo uu caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu taageero heshiis kasta oo ay Soomaalidu si wadajir ah ugu heshiiyaan, haddii uusan waxyeello u geysanayn danta dalka iyo dadka.

Muxuu yahay ninka Soomaaliga ee Mareykanka ku raadinayo lacagta?

Washington (Caasimada Online) – Hay’adda Dambi-baarista Federaalka Mareykanka (FBI) ayaa ku dhawaaqday abaalmarin lacageed oo gaareysa illaa $150,000, taas oo la siin doono cid kasta oo bixisa xog horseedi karta in la soo qabto lana horkeeno cadaaladda eedeysane lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur.

Fahad Maxamed Nuur oo ah muwaadin Mareykan ah kana soo jeeda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa musuq-maasuq lagu lunsaday malaayiin doolar oo loogu talagalay Barnaamijka Federaalka ee Nafaqeynta Carruurta xilligii uu dunida ka jiray cudurka COVID-19.

Bayaan ay soo saartay FBI-da ayaa lagu sheegay in Fahad la rumeysan yahay inuu u baxsaday Soomaaliya, iyadoo hay’addu shacabka ka codsatay inay la wadaagaan xog kasta oo gacan ka geysan karta soo qabashadiisa.

“Nuur waa muwaadin Mareykan ah oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, waxaana hadda la rumeysan yahay inuu u baxsaday dalkaas,” ayaa lagu yiri bayaanka FBI-da.

Sida ku cad dukumiintiyada maxkamadda, Maxkamadda Federaalka ee Degmada Minnesota, oo ku taalla magaalada Minneapolis, ayaa 13-kii Sebtembar 2022 u jartay Fahad Maxamed Nuur waaran qabasho, kaddib markii lagu soo oogay dacwado la xiriira falal musuq-maasuq.

FBI-da ayaa sheegtay in eedeymaha loo haysto Fahad ay isugu jiraan lacag dhaqid, lunsasho hanti dadweyne iyo dambiyo kale oo la xiriira khiyaano maaliyadeed, kuwaas oo ka dhashay baaritaanno lagu sameeyay barnaamijkii quudinta carruurta xilligii safmarkii COVID-19.

Ku dhawaaqista abaalmarintan ayaa muujineysa dadaalka ay dowladda Mareykanka ugu jirto sidii loo soo qaban lahaa eedeysaneyaasha la xiriira kiiskan, iyadoo FBI-du caddeysay inay sii wadeyso la shaqeynta hay’adaha kale ee fulinta sharciga si cadaaladda loo horkeeno dadka lagu tuhunsan yahay dambiyadan.

Dib u eegista heshiiska Qaramada Midoobay ee UNCAC oo bilaabatay iyo DF oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday diyaarinta qiimeynta wareegga labaad ee dib-u-eegista hirgelinta heshiiska Qaramada Midoobay ee la-dagaallanka musuq-maasuqa (UNCAC), iyadoo la qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Faysal Aadan Xasan ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay aqoon-is-weydaarsi lagu diyaarinayo is-qiimeynta wareegga labaad ee dib-u-eegista hirgelinta heshiiska UNCAC.

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa waxaa ka qaybgalaya wakiillo ka socda hay’ado kala duwan oo dowladda Soomaaliya ah, kuwaas oo iska kaashanaya diyaarinta qiimeynta iyo hirgelinta qodobbada heshiiska.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray laba arrimood oo muhiim u ah heshiiska, kuwaas oo kala ah ka hortagga musuq-maasuqa iyo soo-celinta hantida, kuwaas oo laf-dhabar u ah xoojinta hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo sarreynta sharciga.

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo ah barta xiriirka UNCAC ee Soomaaliya ayaa hoggaaminaysa isku-dubbaridka geeddi-socodkan, iyadoo si dhow ula shaqaynaysa hay’adaha qaranka iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Daroogada iyo Dambiyada (UNODC).

Xoghayaha Joogtada ah ayaa sheegay in is-qiimeyntani ay fursad muhiim ah u tahay xoojinta dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, kor u qaadidda hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo dardargelinta dadaallada qaranka ee la-dagaallanka musuq-maasuqa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay hirgelinta waajibaadka ka saaran Heshiiska UNCAC, iyadoo qiimeyntan wareegga labaad laga filayo inay sare u qaaddo tayada maamulka, isla markaana xoojiso kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda iyo nidaamka la-dagaallanka musuq-maasuqa.

Daawo: Xasan oo xarigga ka jaray Taliska cusub ee Madaxtooyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusu ee Taliska Guutada 77 ee Madaxtooyada Qaranka, kadib munaasabad ka dhacday Villa Soomaaliya.

Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo saraakiisha halkaasi ku sugan, waxaana wehlinayay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo Taliyaha guutada 77.

Xasan Sheekh ayaa taliska ku boggaadiyay hirgelinta xaruntan cusub oo wax badan ka tari doono howlaha ciidamada, gaar ahaan ilaalada madaxda Qaranka.

Intaas kadib Madaxweynaha Soomaaliya iyo taliyeyaasha ayaa kormeeray dhismaha xarunta cusub iyo xafiisyada ay ku shaqeyn doonaan saraakiisha, maadaama dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii ku guda jiray booqashada la kulmay askarta ku soo dhaawacantay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isaga oo xaal wareystay, kuna boggaadiyay dadaalkooda naf-hurnimada ah.

Tallaabadan ayaa qayb ah dadaallada lagu xoojinayo dib u dhiska ciidamada, iyada oo lagu soo aadiyay xilli xasaasi ah oo uu mar kale Madaxweynuhu iclmaaliyay dagaal kama dambeys ah oo lagu qaadayo kooxda Al-Shabaab.

Gulufka cusub ayaa durbo laga dareemay furimaa hore oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilowdeen, halkaas oo loo diray Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga oo dhawaan booqday deegaanno ka tirsan Galmudug.

Soomaaliya waxaa weli halis ku haya kooxaha argixisada oo weli ku sugan qaybo kamid ah dalka, sidoo kalen weerarro ku qaada xarumaha dowladda.

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyay heshiisyo lala soo galay saddex dal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta khatarta roobabka Super El Niño oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Warbixinta ayaa tilmaantay in Soomaaliya ay wajahayso fatahaado, daadad degdeg ah iyo barakac, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara beeraha, xoolaha, wax soo saarka iyo amniga cunnada dalkeenna.

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay qorshe qaran oo lagu xoojinayo u diyaargarowga, tallaabooyinka ka hortagga iyo iskaashiga hey’adaha dowladda, si looga jawaabo, loona yareeyo saameynta El Niño, iyada oo ahmiyadda la saarayo ilaalinta nolosha shacabka, beeraha iyo sugnaanta cuntada dalka.

Shirka, yaa sidoo kale lagu ansixiyey heshiisyo waa wayn oo lala soo galay dowladaha Turkmenistan, Hindiya Masar iyo habraacyo kale oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah;-

Habraaca isku-xirka farriimaha dowladda ee xilliyada xaaladaha deg-degga ah ee la xiriira falalka argagixisada.

Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkmenistan, kaas oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed.

Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Hindiya, kaas oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed.

Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada gaadiidka badda iyo dekedaha.

Wajiga labaad ee wada-hadallada DF iyo mucaaradka oo furmay + Farmaajo oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wada-hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka ayaa maanta galay wajiga labaad, kuwaas oo diiradda lagu saarayo is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

Qaybta koowaad ee wada-hadallada oo furmay 10:00am ayaa ku bilowday kulan u dhexeeya ergo ka socota Villa Soomaaliya iyo guddiga wada-hadallada ku metalaya Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyadoo sidoo kale ay goobjoog yihiin dhex-dhexaadiyeyaasha Turkiga iyo wakiilada Beesha Caalamka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay kooxda Nabad iyo Nolol ayaa waxaa lagu sheegay in ay guda galeen wajiga labaad ee wada-hadallada, iyaga oo sheegay in aragtidooda ay ku saleysan tahay in midnimo iyo wadajir looga gudbo marxaladda uu marayo dalka

“Guddiga Farsamada ee matalaya Nabad iyo Nolol ayaa haatan guda galay wajiga 2-aad ee wada-hadallada arrimaha doorashooyinka dalka, iyaga oo ka duulaya aragtida Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ku saleysan in midnimo iyo wadajir looga gudbo xaaladda murugsan ee dalka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, guddiga ayaa warsaxaafadeedka ku sheegay in shirka maanta ay kusoo bandhigayaan nooca doorasho ee xilligan laga qaban karo dalka, si xal loogu helo muranka daba dheeraaday ee ka taagan hanaanka doorashooyinka.

“Guddiga Sare ee mucaaradka Nabad iyo Nolol ku matalaya wadahadalada, waxa ay maanta shirka ku soo bandhigi doonaan nooca doorasho ee dalka ka qabsoomi karta iyo shuruudaha lagama maarmaanka u ah hirgalintooda,” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka ay soo saareen kooxda Madaxweyne Farmaajo.

Kulan labaad ayaa sidoo kale qorshuhu yahay in 1:00pm ay yeeshaan wakiilada ka socda Villa Somalia iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka, kaas oo isna diiradda lagu saari doono is mari-waaga labada kooxdood.

Wada-hadalladan oo soo bilowday 7-dii Luulyo ayaa loo arkaa kuwa muhiim ah, iyada oo ujeedka ugu wayn uu yahay sidii loo gaari lahaa is afgarad siyaasadeed oo dhex-mara Dowladda Federaalka iyo mucaaradka.

Kulamadan socda ayaa kusoo beegmaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, kaas oo horey u sababay xiisado amni iyo iska horimaadyo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xaaska Taliyaha Booliska Soomaaliya oo Ceel Dheer uga dhawaaqday in ay….

0

Ceel Dheer (Caasimada Online) — Makko Maxamuud Muuse Cadde, oo ku magac dheer Makko Cafiif, ahna xaaska Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Asad Cismaan Diyaano, ayaa magaalada Ceel Dheer uga dhawaaqday inay tahay murashax xildhibaan oo u taagan booska deegaan-doorasho ee kursiga uu ku fadhiyo Xildhibaan Maxamed Cajiib, oo xubin muhiim ah ka haya xisbiga JSP.

Degmada Ceel Dheer waxaa gaaray wafdi sare oo uu hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyay Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Asad Diyaano. Booqashada Taliye Asad ayaa loo arkay mid ka turjumeysa ololaha iyo dhismaha musharraxnimada xaaskiisa Makko Cafiif, oo kasoo jeedda deegaanada Ceel Dheer, Masaga-Waay iyo Galcad.

Marwo Makko ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay tahay murashax u taagan deegaan-doorashada Ceel Dheer, iyadoo sheegtay inay tahay qof aan kala saarin beelweynta degta deegaanadaas.

“Waxba idinkama qarinayo, waxaan ahay murashax xildhibaan. Deegaankan Ceel Dheer ayaan wax ku leeyahay. Beesha Wacaysle ee dhalashadaydu tahay kalama saaro; hebel waaye iyo hebel kalama aqaan,” ayay tiri Marwo Makko Maxamuud Muuse Cadde.

Ujeedada socdaalka uu qeybta ka ahaa Taliyaha Booliska Soomaaliya, Asad Cismaan Diyaano, ayaa sidoo kale lagu macneeyay inuu qeyb ka ahaa ololaha musharraxnimada marwadiisa, oo kasoo jeedda Ceel Dheer.

Kursiga ay Marwo Makko ku dhawaaqday inay u taagan tahay waxaa hadda ku fadhiya Xildhibaan Maxamed Cajiib, oo sidoo kale ah Xoghayaha Arrimaha Bulshada, Shaqada iyo Shaqaalaha ee xisbiga JPS.

Xildhibaan Maxamed Cajiib ayaa loo doortay kursigan, waxaana siyaasad ahaan loo arkaa inuu aad ugu dhow yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu sidoo kale yahay Guddoomiyaha Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Cod-bixinta ee Golaha Shacabka, kaas oo ka mid ah guddiyada muhiimka u ah habsami-u-socodka shaqada iyo nidaamka Baarlamaanka, xilli muddo-xileedkiisa uu sii dhammaanayo.

Maxaa ka cusub xiisadda Garoowe iyo taliyaha ay DF u soo magacowday Puntland?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online baahisay maalin ka hor, waxaa magaalada Garoowe ka taagneyd xiisad u dhexeysay maamulka Puntland iyo Taliyaha Guutada 54-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya u soo magacowday deegaanada Puntland, Jen. Jimcaale Jaamac Takar. Xiisaddaas ayaa timid kadib markii soo gelitaankiisa Garoowe shuruud looga dhigay inuu ka tanaasulo xilkaas.

Wararka ayaa hadda sheegaya in isu soo dhowaansho laga gaaray xiisaddaas, sida uu shaaciyey madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Kulan ka dhacay magaalada Garoowe, oo uu hoggaaminayey madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole, isla markaana loo xil saaray xal u helidda arrintan, ayaa laga soo saaray go’aanno lagu doonayo in xal nabadeed loogu helo xiisadda ka taagan Garoowe iyo guud ahaan Puntland.

Kulanka, oo ay qeyb ka ahaayeen Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Xirsi Qarjab, Wasiirka Caafimaadka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire, ayaa looga hadlay amniga magaalada Garoowe iyo sidii xal looga gaari lahaa xaaladda soo korortay.

Senator Cabdiraxmaan Faroole, oo kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in guul iyo is-afgarad lagu soo afjaray wada-hadalladii u dhexeeyey Jen. Jimcaale iyo waxgaradka Garoowe, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay cakirnaa, isla markaana diiradda lagu saarayey xiisadda taagneyd.

“Puntland waa hal maamul iyo hal dad. Haddii nalasoo dhex galo oo nalasoo shuusha-gareeyo, waxaan diyaar u nahay inaan iska saarno. Meel kasta waa ka imaan kartaa, dowladda dhexe ama gudaha Puntland. Faahfaahin intaas ka badan kama sii bixinayo. Cudurkan nidaamka federaalka beenta ah ee Soomaaliya lagu ciyaarayo, oo dowlad rasmi ah aysan jirin, iyo dastuurka sidaas ah dadka ku dhaqmaya kama yeeleyno,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole, oo si kulul u cambaareeyey dowladda federaalka Soomaaliya.

Inkastoo aan si rasmi ah loo faahfaahin qodobbadii kasoo baxay shirka, haddana warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in lagu heshiiyey in wada-hadal laga yeesho amniga Garoowe iyo guud ahaan Puntland. Sidoo kale, Jen. Jimcaale Takar ayaa lagu qanciyey in guddi wada-hadal loo xilsaaro sidii uu magaalada Garoowe ku imaan lahaa.

Faroole ayaa ku baaqay in aan cidna laga yeelin wax kasta oo lid ku ah Puntland, isagoo sheegay in aan lasoo dhex mari karin dadka reer Puntland.

Maamulka Saciid Deni ayaa horay shuruud ugu xiray gelitaanka Garoowe ee Jen. Jimcaale, isagoo ku adkeystay in haddii uu doonayo inuu magaalada soo galo uu marka hore iska casilo xilka dowladda federaalka u magacowday, ama uu warbaahinta ka caddeeyo in aysan jirin magacaabistaas.

Hase yeeshee, ergo iyo guddi dhexdhexaadin ah oo dalab ka siday xukuumadda Deni ayaa la kulmay Jen. Jimcaale, balse wada-hadalladaas ayaa fashilmay. Jeneraalku wuxuu sheegay inuusan ka tanaasuleyn mas’uuliyadda ay dowladda federaalka Soomaaliya u igmatay.

Weerarrada Mareykanka iyo Iiraan oo maalintii 2-aad galay – Maxaa dhacay xalay?

Tehran (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo Iiraan ayaa  markale xalay issweydaarsaday weerarro, kuwaas oo si weyn looga dareemay Bariga Dhexe, maadaama ay mar kale faraha kasii baxayso xaaladda gobolka.

Mareykanka ayaa duqeymo cirka ah oo cusub xaladay ku qaaday gudaha Iiraan, iyada oo Donald Trump uu sheegay in weerarradan ay ahaayeen “aargoosi ku saabsan weerarkii shalay ay Iiraan ku qaaday maraakiibta.” Marayay Hormuz.

Bayaan kasoo baxay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay bartilmaameedsadeen ku dhowaad 90 goobood oo Iiraan leedahay, isla markaana weerarrada loogu talagalay in lagu wiiqo awoodda Iiraan ee ay ku weerari karto maraakiibta ganacsiga iyo maraakiibta rayidka ee maraya Marinka Hormuz.

Saacado kadib markii weerarrada la soo sheegay, Trump ayaa wariyeyaasha saarnaa diyaaradda Air Force One u sheegay, in mas’uuliyiin Iiraaniyiin ah ay “wax yar ka hor” la soo xiriireen isla markaana ay si aad ah u doonayaan heshiis, balse uusan hubin inay “u qalmaan” heshiis.

Dhinaca kale dhowr dal oo Khaliijka ku yaalla ayaa soo weriyay weerarro, waxaana ka mid ahaa qaraxyo ka dhacay caasimadda Baxrayn ee Manama, dhankeeda Kuwait ayaa sheegtay inay hawada ku burburisay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones), iyo Qatar-na waxay soo saartay digniin amni.

Iiraan qudheeda waxaa soo hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mohammad Bagher Ghalibaf, oo sidoo kale ah madaxa Iiraan, isaga oo bartiisa X ku sheegay in “Mareykanku uusan weli baran in cabsi gelinta iyo jebinta ballanqaadyadu aysan mar dambe noqon doonin wax aan cawaaqib lahayn.

Weerrradan ayaa kusoo beegmaya, xilli shalay Madaxweynaha Mareykanka uu kuu dhawaaqay in uu si rasmi ah u soo afjaray heshiiskii xabbad-joojinta ee u dhexeeyay dalkiisa iyo Iiraan, waxaana kadib bilowday weerarrada labada dal.