26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Toos: Xafladda caleema saarka Madaxweynaha oo ka socota Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabadda caleema Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow ka bilaabatay teendhada Afiysoone oo ku taalla xerada Xalane ee Muqdisho, taas oo si heer sare loo soo agaasimay.

Xafladda ayaa waxaa ka qayb-galaya madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Waxaa sidoo kale qeyb-galaya oo madasha wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, Imaaraadka Carabta, Malaysia iyo dalal kale oo saaxiib la ah Soomaaliya, waxaana qaarkood ku jiro wasiiro arrimo dibadeedyo.

Madaxda lagu casuumay munaasabadda, oo isugu jira kuwo xulafo la ahaa dowladdii Farmaajo iyo kuwo ay u aragtay cadow, ayaa astaan u ah ka dhabeynta hindisaha madaxweyne Xasan Sheekh ee ah; Soomaali heshiis ah, dunida na heshiis ah la ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in Soomaaliya ay heshiis la ahaato dhammaan dalalka caalamka ee aan kusoo gardarroon, islamarkaana siyaasadda arrimaha dibedda dalka aan laga xukumin dal kale, si la mid ah tii Farmaajo oo laga xukumayey magaalada Doha ee dalka Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh caleema-saarkiisa kadib waxaa laga sugayaa magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, ayada oo dastuurka uu dhigayo inuu ku magacaabo 30 maalmood kadib marka madaxweynaha la dhaariyo.

 

Isbeddel ku yimid habkii ay madax goboleedyada ku iman jireen Muqdisho – Maxaa dhacay maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Is-bedelka hoggaamineed ee dalka ka dhacay ayaa saameyntiisa durba laga dereemayaa hanaanka ay gudaha Muqdisho u kala degeen madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Galmudug oo caawa ku hoyanaya Muqdisho ayaa degay Hotel ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Halka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo intii uu Farmaajo xukunka joogay aan soo dhaafi jirin agagaarka garoonka uu hadda degan yahay guri ka soo hor jeeda Madaxtooyada Soomaaliya.

Arrimaha cajiibka ah waa in Madaxweyne Laftagareen uu maanta markii u horeysay Muqdisho la yimid diyaarad sida ciidamo aad u hubeysan, halka xilligii uu Farmaajo xukunka hayay uusan wax ciidan soo wada jirin.

Ciidamada Nabad sugidda iyo Asluubta federaalka ayaa Laftagareen kasoo gelbi jiray garoonka, markii uu yimaado Muqdisho, balse hadda waxaa muuqata in arrintaasi ay is bedeshay, kadib guul daradii doorashada ee Madaxweyne Farmaajo.

Dhamaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa hadda ku wada sugan Muqdisho, kuwaas oo berri ka qeyb gelaya xafladda caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhacaysa teendhada Afisyooni.

Madaxda iyo wafuuda berri ka qeyb galeysa caleemo saarka Madaxweynaha JFS waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, UAE, Malaysia iyo dalal kale.

Saddex qof oo lagu arkay calaamadaha CUDURKA monkeypox oo la dhigay isbitaalka De Martino

Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex qof oo laga shakisan yahay cudurka furuqa daanyeerrada (Monkeypox), kuwaasi oo lagu arkay calaamadaha cudurka ayaa la dhigay Isbitaalka De Martino ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay Caasimada Online

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay laba ka mid ah dadkaas ay yihiin kuwa ku sugnaa magaalada Muqdisho, halka qofka kale uu dhowaan ka yimid dalka Koonfur Afrika.

Ilo-wareedyo caafimaad oo ka tirsan isbitalka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuu socdo baaritaan lagu sameynayo dadkan, oo ay si wadajir ah ay u wadaan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Saddex qof ayaa laga qaaday tijaabo caafimaad oo shaybaar ah, waxaana la sugayaa natiijada kasoo baxda.

“Illaa natiijada shaybaarka ay soo laabato ma dhihi karno weli waa cudurka monkeypox, balse waxaa ka muuqda caalamadaha, waxaan sugaynaa natiijada,” ayuu yiri ilo-wareedka la hadlay Caasimada Online.

Sawir laga soo qaaday qof ka mid ah dadka uu soo ritay xanuunkaan oo la baahiyey ayaa muujinaya nabarro badan oo ka soo baxay qofkaas jirkiisa, waxaana lagu wadaa in dowladda Soomaaliya ay xanuunkaan war kasoo saarto, kadib markii ay sameyso baaritaano socda oo ay ka qeyb qaadaneyso WHO.

Sidoo kale warar ay heshay Caasimada Online waxay sheegayaan in deegaanada Somaliland lagu arkay hal kiis oo ah Busbuskaan halista ah ee afka qalaad lagu yiraahdo (Monkeypox).

Waa maxay cudurka monkeypox?

Monkeypox (Furuqa daanyeerrada), waa cudur uu keeno il-ma’aragga viruska oo qayb ka ah Orthopoxvirus genus, qoys ahaanna raacsan family-ka Poxviridae. Monkeypox Waa cudur virus ah oo ku dhaca xayawaaanka, una gudba bani’aadamka (zoonotic disease). Waxaa badanaana lagu arkay keymaha Afrikada Dhexe iyo Afrikada Galbeed.

Monkeypox calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah qandho, nabarro afka biyo iyo malax ku sita iyo qanjirro-barar, badanaa waa cudur si iskiis ah looga bogsado muddo 2 ilaa 4 toddobaad gudahood ah. Xaalado aad u daran ayaa dhici kara oo mararka qaar dhimasho keeni kara.

Monkeypox wuxuu ku gudbaa taabashada qof ama xayawaan qaba cudurka. Calaamadaha lagu garto waxay u egyihiin calaamadaha cudurka furuqa oo dunida hadda kahor laga dabarjaray, iyada oo la isticmaalay tallaal.

Xasan oo magacaabay la-taliyeyaashiisa arrimaha dastuurka iyo federaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa wareegto uu soo saaray ku magacaabay laba nin oo noqa doona la-taliyeyaashiisa arrimaha dastuurka iyo nidaamka federaalka.

Labada la-taliye ee caawa la magacaabay ayaa kala ah:

  1. Dr. Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo loo magacaabay la-taliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha dastuurka.
  2. Iyo Axmed Cabaas Axmed oo loo magacaabay la-taliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha federaalka.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri, “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey La-Taliyeyaasha cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.”

Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa ka soo shaqeeyay hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’ado kale oo muhiim ah, waxayna khibrad dheer iyo aqoon durugsan u leeyihiin howlaha uu Madaxweynuhu u igmaday ee arrimaha dastuurka iyo federaalka.

Iidle Yare oo Muqdisho yimid soona saaray war ku saabsan xaaladdiisa iyo qorshihiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka Cabdiraxmaan Cabdullahi Nuune (Iidle Yare) oo maalmihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayey xaaladiisa caafimaad ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Iidle oo degan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa soo gaaray  Muqdisho, waxaana caafimaad loogu qaadi doonaa dalka dibediisa, si wax looga qabto xanuunada haya oo ay ugu darantahay Buro madaxa uga taalla.

Markii uu soo gaaray Muqdisho wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay u istaageen, isagoo si gaar ah ugu mahad celiyey Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo la sheegay inay ka dambaysay in Iidle Yare xaaladiisa caafimaad loo raadiyo daryeel dibada ah.

“Waxaan aad ugu mahad celinayaa Maama Khadiija, waxaan ku leeyahay hooyo mahadsanid, waxaad tahay hooyo Soomaaliyeed, si gooni ayaan kuu salaamayaa hooyo,” ayuu yiri          Iidle Yare.

Waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Iidle Yare ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii aad ugu baahay baraha bulshada, kadib markii uu qoraal taabtay quluubta Soomaalida uu soo dhigay Facebook.

Farriinta Iidle Yare ee dadka Soomaaliyeed ka nixisay ayuu ku yiri, “Allaah ayaa idinkaga tegay ilmaheyga,” taas oo loo fasiray inuu taagan yahay xaalad quus ah, isla markaana uu isu qibleeyay geeri.

Tan iyo xalay, waxaa Nairobi ka socday dedaallo ay wadeen asxaabta iyo ehelka fannaankaas oo lagu xaqiijinayay badqabkiisa iyo halka uu ku sugan yahay.

“Sabtidii ayaan guriga ka baxay anigoo aaday cisbitaal. Markaas waxaa i xanuunayay gows. Markii aan cisbitaalka tegay, waxaa la ii sheegay in sokortayda ay kacsan tahay. Waan suuxay qol ayaa la i seexiyay, waxaan soo kacay anigoo moodaya in aan aakhiro joogo. Waxaan is iri waad dhimatay oo ma noolid,”ayuu yiri.

Mar uu ka jawaabay sababta uu u soo qoray erayada quusta ah ayuu yiri, “Halkii aan ka dhihi lahaa ilmahayga Soomaali ayaan idin kaga tegay, waxaan go’aansaday in aan iraahdo Alle ayaan idiinka tegay ilmahayga.”

Qoraal uu Kamaal Guutaale uga jawaabay weerarkii Fahad uu ku qaaday Mahad Salaad

Wareysiga taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo u warramay wariye Farah Geylan ayaa goos-gooskiisa waxaa iiga baxay in taliyuhu uu sugi waayay inta maamulka cusub ee Madaxweyne Xasan Sheikh uu hay’adaha dowladda si dhameystiran ula wareego, lana arko jihada dalka uu u kaxeeyo, ugu yaraanna sida caadada dowladnimada ah uu u sugo xitaa 100 maalin ee koowaad ee dowlad kasta xilligaas kadib keed la qiimeeyo.

Taliyihii hore wuxuu baaq farriin ah u dirsaday ururkiisii hore ee al-ictisaam si uu oga helo meel uu ku dhuunto “protection” iyo cid u doodda maa daama loo heysto danbiya waaaweyn iyo tacadiyo uu Qaranka ka galay, xasaanadii barlamaaniga aheyd ee uu ku talo galay maa daama ay meesha ka baxday, sida muuqata wuxuu baxsad ka yahay cadaalad ay dhibanayaashiisii maanta ay ka dalbanayaan hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, waxaa yaab leh isaga oo iska dhigaya nin weeraraya taliyaha cusub inuu si “indirect” ah farriin ugu diro hay’adaha dowladaha kale ee la shaqeeya hay’adeenna nabad Sugida ee uu leeyahay yaanan wax wada shaqeyn ah lala yeelan taliyaha cusub ama aanan xog lala wadaagin kollayba waa inta karaankiisa ah ama dowladihii uu u shaqeyn jiray oo hay’addeenna u dhex deganaa xilligii uu taliyaha ka ahaa.

Waxaa xusid mudan in afartii sano ee la soo dhaafay iney aheyd hay’adda NISA markii ugu badneyd ee ay ku dhex milanto dowlad ajnabi ah, cumalada dowladaasna ay iyada oo la wada ogyahay ay dhex daganeed xarunta hay’adda ee Habar Khadiija.

Weerarka uu taliyaha ku qaaday madaxweyne axmed Madoobe ma ahan mid cusub ee waa siyaasadii fashilantay ee reer Jubbaland lagu cunnaqabateeyay sanadihii la soo dhaafay, maamulkii Fahad diiqa ka ahaana uu kala garan waayay cadaawadda kaala dhaxeysa axmed Madoobe ha u ciqaabin shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Jubbaland.

Intaas waa horudhac, wixii kalena waan sugeynaa!

W/Q: Kamaal Guutaale
Agaasimihii hore ee Villa Somalia 

Rooble oo qaabilay taliye ku-xigeenkii NISA ee ay isku dhaceen Farmaajo iyo Fahad

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay taliye ku-xigeenkii hore ee Hay’adda NISA General Cabdalla Cabdalla Maxamed oo uu horey shaqo joojin ugu sameeyey taliyihii hore ee hay’addaas Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Inkastoo xafiiska ra’iisul waaaraha uusan wax faahfaahin ka bixin kulankaas, haddana Cabdalla Cabdalla oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inuu ra’iisul wasaare Rooble uga mahadcelinayo qaabilada uu u sameeyey iyo inuu mar kale dalka dib ugus oo dhaweeyey.

“Waxaan aad ugu mahad-celinayaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Maanta igu qaabilay xafiiskiisa, si rasmi ahna iigu soo soo dhaweeyay inaan dib ugu soo laabtay dalkayga Hooyo, waxaana u rajaynayaa guul iyo mustaqbal wanaagsan, runtii ra’iisul wasaare Rooble waa badbaadiyaha qaranka, wuxuu khatar badan usoo galay in dalkaan doorasho ka dhacdo si nabad ah, wada ogol ah, xilkana lagu kala wareego si nabdoon,” ayuu Cabdalla Cabdalla ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Xil ka qaadistii lagu sameeyey 

Cabdalla Cabdalla oo ahaa taliye ku xigeenkii koowaad ee hey’adda NISA iyo Taliye ku-xigeenkii kale ee hay’adaas Cabdulqaadir Maxamad Nuur oo Jaamac ku magac-dheer ayaa labadaba xilka laga qaaday kadib laba toddobaad oo qaraxyo is xig-xigay lala beegsaday agagaarka madaxtooyada, kuwaas oo ay dad ku dhinteen, kuna dhaawacmeen.

Dowladdii hore ma sheegin sababta xilka looga qaaday Cabdalla Cabdalla, isagana wareysii uu siiyey VOA markii xilka laga qaaday kadib ayuu ku sheegay in uusan ogeyn sababta xilka looga qaaday.

Xubinimada NISa oo laga saaray

War qoraal ah oo 01-09-2018 kasoo baxay Hey’adda ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba liiska xubnaha NISA laga saarey Gen. Cabdalla Cabdalla Maxamed, kaasoo soo noqday taliye ku xigeenka koowaad ee Hay’addaan.

Sababta ayaa lagu shaaciyay inay salka ku hayso wareysi uu siiyay Cabdalla VOA-da, oo eedeymo cul-culus ugu jeediyay hoggaanka sare ee NISA, oo uu sheegay inaysan u shaqeynin si waafaqsan nimaadka dowladnimo.

Marka laga soo tago qaladaad uu sheegay inay ka jireen gudaha Hay’adda, ayuu carabka ku dhuftay hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya ay noqotay mid lagu caburiyo shaqsiyaadka dhaliila madaxa sare ee Dowladda Federaalka, oo lagu weeraro.

Qoraalka NISA kasoo baxay ayaa lagu cadeeyay in go’aanka Cabadalla Cabdalla looga saarey Hay’adda ay qaateen Guddi la sheegay in la sameeyay, kuwaasoo baaris ku sameeyay sida hadalka loo dhigay qaladaadkii uu wareysiga ku galay.

Si gaar ah, waxaa farta lagu fiiqay in arrimaha xasaasiga ah ee uu banaanka soo dhigay Cabadalla Cabadalla uu ku lumiyay xubinnimadiisa Hay’adda, taasoo la sheegay inay ka hor-imaaneyso hanaanka shaqo ee hay’adda NISA iyo danaha qaran.

Arrimaha xasaasiga ah ee uu daboolka ka qaaday Cabdalla ayaa waxaa qayb ka ah in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku dhex-leeyihiin gudaha Hay’addaan xubno kuwaasoo si dhow ula shaqeeya una gudbiyay xogta dowladda.

Darajooyinkii ciidan

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaaho Farmaajo ayaa 09 September sanadkii 2018 ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed kadib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo uu xilligaas ahaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Rooble oo shaaciyey xilliga la xirayo jidadka Muqdisho iyo muddada ay xirnaanayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in jidadka Muqdisho la xiri doono inta ay socoto munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xafladda caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay kasoo qeyb geli doonaan madax ka kala imaaneyso daafaha caalamka, sidaas darteedna lagama maarmaan u tahay in la sugo amniga.

Waxaa uu sheegay in waddooyinka Muqdisho la xiri doono laga bilaabo 10:00 Fiidnimo ee caawa ilaa 5:00 galabnimo ee maalinta berri ee Khamiista ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in la joojinayo dhammaan dhaq-dhaqaaqyada gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo dadweynaha inta lagu guda jiro saacadahaas.

Sidoo kale waxa uu shacabka Muqdisho ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan saacadaha ay socoto xafladda caleemo-saarka madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray taliska Booliska in ay diyaariyaan gaadiid goobaha caafimaadka lagu geeyo dadka ay la soo darsaan xaaladaha caafimaad inta ay jidadku xiran yihiin.

Go’aanka kasoo baxay xukuumadda ayaa kusoo aadayo xilli maalinta berri ah la filayo inay magaalada Muqdisho ka dhacdo xafladda caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana Shalay illaa maanta magaalada soo gaaray wufuud kala duwan.

Madaxda ugu sareyso ee xafladda ka qeb-galayo sida madaweynaha Kenya, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Jabuuti ayaa la filayaa inay berri Muqdisho soo gaaraan.

Madaxda ka qeyb-galeyso xafladda ayaa isla berri galab dib ugu laaban doono wadamadooda, waxaana jidadka la furi doonaa marka ay dhoofaan kadib.

Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee ra’isulwasaare Rooble 

FAHAD YAASIIN oo si yaab leh uga hadlay agaasimaha cusub ee hay’adda NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin ayaa markii u horeysay ka hadlay magacaabista Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA Mahad Salaad, kaasi oo dhawaan si rasmi ah ula wareegay xilka hay’adda.

Fahad oo sidoo kale ah Agaasimihii hore ee hay’adda NISA ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan si fiican u aqoon Mahad Salaad, taasi oo keentay in uu gacanta u geliyo hay’ad muhiim u ah amniga Qaranka, sida uu sheegay.

“Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud aqoon uma laha Mahad Salaad, haddii uu aqoon u lahaan lahaa ma uu magacaabeen. Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa qofka xog iyo sir Qaranka leeyahay la wadaaga Taliyaha cusub uu yahay qof la wadaagay sirtii qaranka Cadowga,” ayuu yiri.

Fahad ayaa si badheedh ah u maagay Mahad Salaad oo uu gaarsiiyay heer uu isla barbar-dhigo argagixisada Al-Shabaab, marka hadalkiisa laga imaadana ma jirto cadeyn muujineysa arrintaas.

Sidoo kale waxa uu ku faanay intii uu joogay xilka u sareeya hay’adda in uu ka sifeeyay wax ugu yeeray “fara-gelin shisheeye” iyo in xogaha dowladda si fudud ku helaan ajaaniibta kale.

“Waxaa hay’adda (NISA) ka saaray wax alaala iyo wixii fara-gelin Ajaanib ahaa oo hay’adda si xad dhaaf ah ugu dhex jiray.”

Si kastaba, Wareysiga Fahad ee xiligaan la baahinayo ayaa u muuqda mid laga leeyahay ujeedo siyaasadeed iyo in indhaha bulshada laga leexiyo eedeymihii cusla iyo gabood-falkii uu geystay intii uu joogay hay’adda.

Maxaa looga hadlay kulanka Rooble iyo Axmed Madobe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay xaalada guud ee dalka iyo diyaar garoowga munaasibadda caleemo-saarka Madaxweynaha, oo la filayo in maalinta berri ah ka dhacdo gudaha caasimada dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahad-celiyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland booqashada uu ugu yimid iyo doorkii weyna ee uu kulahaa dhameystirka doorashooyinka.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb-galka Xafladda caleemo-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wada in kulamo kala duwan uu la qaadan doono Madaxda ka qeyb galeysa xafladda.

Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha oo beri dhaceyso ayaa waxaa lagu wadaa inay kasoo qab-galaan madax kala duwan, safiiro iyo marti sharaf kale oo caalami ah.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana maamulka gobolka Banaadir uu ka codsaday reer Muqdisho inay dul qaataan inta ay ka dhaceyso xafladda caleemo-saarka.

15-kii bishii hore ee May ayey aheyd markii ay dhacday doorashada Madaxweynaha oo mar labaad loo doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah xilka ugula wareegay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wafdi ka socda ururka ONLF oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya si weyn loogu soo dhaweeyey wafdi ka socda ururka ONLF oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Ururkaas Cabdiraxmaan Maadeey.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa waxay magaalada Muqdisho u yimaadeen ka qeybgalka xafladda caleemka saarka kadib markii ay casuumaad ka heleen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Saacadaha soo socda ee Maanta ayaa la filayaa inay Magaalada Muqdisho soo gaaran wufuud kala duwan, kuwaas oo maalinta berri ah Muqdisho uga qeyb galaya xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya.

Ururka ONLF ayaa waxaa horey argagixiso ugu aqoonsan tahay dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inkasoo Baarlamaanka uu diiday.

Go’aanka ONLF loogu aqoonsaday urur argagixiso ayaa waxaa lagu baneesanayey Qalbi Dhagax oo loo gacan geliyey dowladda Itoobiya kaasoo hadda dib u helay xornimadiisa.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waqtigii uu ololaha ku jiray wuxuu ballan qaaday inuu sixi doono dhammaan waxyaabihii ay qaladay dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Al-Shabaab oo QARAX ku dishay Injineer Shiinees ah

0

Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo is xig-xigay oo ka dhacay gobolka xeebta Lamu ee dalka Kenya, kaas oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Qaraxyada oo ahaa miino ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ay galbinayeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Ijaara iyo Sangaa’ilow.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa uu haleelay gaari Kooyal ah oo ay la socdeen ciidanka Booliska Kenya, isla-markaana uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaacisay inay qaraxyadaasi mid ka mid ah ay ku dishay nin Injineer ah oo u dhashay dalka Shiinaha, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kolonyada la qarxiyey ay socdaalkooda sii wateen, kadib weerarka ay la kulmeen, waxaana xaaladdu ay tahay mid deggan.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Kenya oo ku aadan qaraxyadaasi ee ay guulaha ka sheegteen Al-Shabaab.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa weeraro u badan qaraxyo ay ka dhacayeen deegaanada u dhow xadka Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyey qaraxii lagu weeraray xildhibaano ka tirsan Kenya iyo ciidamo la socday oo ku socdaalayey duleedka Garissa.

Maxaad ka taqaan afarta nin ee hoggaaminaya ololaha guriga ‘loo dhisayo’ Farmaajo?

Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn baraha bulshada u haystay olole la sheegay in guri loogu dhisayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Ololahan oo siyaabo kala duwan looga hadlay ayaa dadka wada waxa ay ku tilmaameen mid Farmaajo loogu mahadcelinayo, maadaama uu “si wanaagsan u ilaaliyay amaanadda qaranka.”

Dadka dhaliilsan ayaa ku tilmaamay mid ujeedo siyaasadeed laga leeyahay, isla markaana aan habooneyn in xilligan oo abaar xooggan ay dalka ka jirto shacabka lagu mashquuliyo hawl noocaas ah.

Hadaba waa kuwee afarta nin ee hogaaminaya ololaha guriga loogu dhisayo Farmaajo?

Maxamed Cabdullahi Ciise

Waxa uu ahaa agaasimihii Madaxtooyada Villa Soomaaliya markii doorashada looga adkaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xilkaas ayaa loo magacaabay dabayaaqadii bishii November 2021, kadib markii Cabdisaciid Muuse Cali oo ahaa agaasimihii xilkaa hayay loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya.

Sanadihii u dambeeyay, Maxamed waxa uu ahaa nin aad u taageersan Farmaajo, waana ninkii codadka u tirinayay doorashada madaxtinnimada ee dhacday 15-kii May.

Maxamed ayaa mar ahaa guddomiyaha urur la baxay midnimo doonka Gobolada Waqooyi (Somaliland) oo xaruntiisu tahay Muqdisho.

Hadda waa gudoomiyaha ololaha guriga loogu dhisayo Madaxweynihii hore.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi

Waa afhayeenkii hore ee Villa Soomaaliya, waxaana xilkaas loo magacaabay bishii September 2020 kadib markii uu banneeyay Cabdinuur Maxamed Cali oo uga hoorreeyay.

Waraysi uu todobaadkii tegay Cabdirashiid siiyay BBC Soomaali ayuu ku sheegay in qorshaha guriga uu kamid shacabka taageersan Madaxweynaha hore, isla markaana uu oggolaaday Farmaajo.

Waxa uu muddo ku noolaa waddanka Canada oo uu ku soo qaatay qeyb kamid ah waxbarashadiisa.

Hadda waa afhayeenka ololaha guriga lagu dhisayo.

Cali Cabdi Wardhere (Cali Yare)

Waa guddoomiye kuxigeenka gobolka Banaadir u qaabilsan amniga iyo siyaasadda.

Waxay sanado badan saaxiibbo dhaw ahaayeen Farmaajo, oo uu kamid ahaa ragga aadka ugu dhaw tan iyo markii uu billaabay ololihii uu Villa Somalia ku hantay February 2017.

Baraha bulshada, gaar ahaan Facebook ayaa waxa uu ku leeyahay taageerayaal badan oo uu la wadaago xogta ololaha guriga iyo weliba dadka dhaqaalaha ku taageeray.

Cabdirisaaq Xirsi

Waa wadaad ku nool dalka Canada, oo si weyn baraha bulshada uga difaaca dowladdii uu madaxda u ahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Markii uu Farmaajo xilka hayay, waxa uu Sheekh Cabdi Xirsi sameyn jiray fallanqeyn toos ah oo mararka qaar ay marti ugu yihiin siyaasiyiin caan ah iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda.

Waxa uu bartiisa Twitter ku sheegay in isaga uu lacagtii ugu horreysay ku diray koontada loo furay dhisidda guriga loogu talo-galay Farmaajo.

Xigasho: BBC Somali

Yaasiin Farey oo shaaciyey xogta sida ay NISA ugu lug laheyd arrimaha siyaasada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Farey) oo horey uga mid ahaa hoggaanka NISA ayaa wareysi dheer ee uu bixiyey wuxuu uga hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan Taliska Hay’adda NISA iyo shaqooyinkii ay soo qabteen.

Yaasiin Farey oo uu warramay SMS Somali Tv ayaa shaaciyey xog ku aadan shaqadii hay’adda NISA, gaar ahaan sida ay ugu lug laheyd arrimaha siyaasadda ee dalka.

Xildhibaanka oo mar soo noqday ku simaha hay’adda, marna ahaa Taliyaha Nabad Sugida ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in NISA ay sideedaba mas’uul ka tahay tahay amniga qaranka, guud ahaan dalka iyo dadka, isla-markaana aysan jirin shaqo u gaar ah.

“Horta hay’adda waxay mas’uul ka tahay amniga qaranka meesha Booliska amniga gudaha uu mas’uul ka yahay, Milatariga xuduudaha mas’uul ka yahay, Asluubta ay xabsiyada iyo dhaqan celinta ay mas’uul ka tahay. Sirdoonku wuxuu mas’uul ka yahay dalka iyo dadka oo dhan shaqo gaar ah oo cayiman oo la leeyahay shaqadaasee qabanee hay’adda Nabad Sugida shaqo kale ma qaban karto ma jirto,” ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Farey.

Farey ayaa qiray in hay’addu ay la shaqeyneysay hay’adaha kale ee dowladda, isla-markaana taasi ay aheyd isku filnaan ay gaartay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan leeyahay marka hay’adda Nabad Sugiddu, haddii dowladnimadii oo dhan ay ka shaqeyneyso oo wax weliba isku filnaasho iyadu gaartay hay’adihii kale ee dowladda ay ka shaqeyneyso waa sax, waana muhiim, waana waajib in hay’addu marka ay hagaagtay inay iyadu hagaajiso ay sabab u noqoto hay’adaha kale ee dowladda,” ayuu markale sii raaciyey.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in xilligii ay joogeen taliska isaga iyo Fahad Yaasiin ay ku dadaaleen in hay’addu ay noqoto mid sirdoon, wuxuuna sheegay in sababaha looga soo horjeeday ay aheyd kaliya mid lagu colaadinayey shaqada ay u hayeen dalka iyo dadka.

“Hoggaankii xilligaas joogay wuxuu ka shaqeeyey hay’addaan inay noqoto hay’ad sirdoon, hay’ad iyaduna dhisanta hay’adihii kalena dhista waxaa marka lagu colaadinayey waxa ay aheyd awoodda intaas la’eg,” ayuu yiri taliyihii hore ee Nabad Sugidda gobolka Banaadir.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo hoggaankii hore ee NISA loo heysto eedeymo culus oo ay ka mid tahay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, walow Yaasiin Farey wareysigiisa uu ku soo hadal qaaday arrintaasi, isaga oo ku adkeystay inay Ikraan dileen Xoogga Al-Shabaab.

3 madaxweyne goboleed oo yimid Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo ay ka dhaceyso xafladda caleema saarka Madaxweynaha cusub ayaa waxaa soo gaaray inta badan hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada, si ay uga qayb-galaan caleema saarka.

Madaxweynahaha HirShabelle oo maalmahan ku maqnaa safar dibadeed ayaa maanta lagu soo dhoweeyey garoonka Aadan Cadde.

Soo dhoweyntiisa ayaa waxaa ka qayb-galay xildhibaano, wasiiro iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa maanta caasimada soo gaaray Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Lafta gareen oo kasoo amba-baxay Muqdisho, waxaa isna si ballaaran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhankiisa Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa ku sugan caasimadda, wuxuuna soo gaaray maalintii shalay aheyd, isaga oo wata kaliya ilaalo dharcad ah.

Wararka ayaa sidoo jkale intaasi ku daraya in Madaxweynayaasha kale ee Galmudug iyo Puntland la sugayo saacadaha soo socda, si ay qayb uga noqdaan madax goboleedyada kale.

Xafladda caleema saarka Madaxweynaha oo beri dhaceyso ayaa waxaa lagu wadaa inay kasoo qab-galaan madax kala duwan, safiiro iyo marti sharaf kale oo caalami ah.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana maamulka gobolka Banaadir uu ka codsaday reer Muqdisho inay dul qaataan inta ay ka dhaceyso xafladda caleema saarka.

15-kii bishii hore ee May ayey aheyd markii ay dhacday doorashada Madaxweynaha oo mar labaad loo doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah xilka ula wareegay.

Lafta-gareen oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyey

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta sameeyey xilka qaadis iyo magacaaabis, kadib wareegto goordhow kasoo baxday xafiiskiisa, taas oo la baahiyey.

Lafta Gareen ayaa maamul cusub u magacaabay gobollada Baay iyo Bakool oo hoostaga dowlad goboleedkaasi, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Sidoo kale warqadda ayaa waxaa lagu shaaciyey in magacaabitsan ay timid, kadib talo soojdin ka timid, wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur Galbeed.

Sida lagu sheegay wareegtada waxaa xilka laga qaaday guddoomiyihii gobolka Bakool iyo ku xigeenkiisa amniga, waxaana la magacaabay mas’uuliyiin cusub. Maxamed Cabdi Maxamed (Tall) ayaa loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Bakool, halka isna  ku xigeenkiisa Amniga iyo siyaasadda loo magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur (Snike).

Sidoo kale Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Baay ayaa waxaa loo magacaabay Mudane Cabdifitaax Maxamed Ibraahim oo ku magac dheer (Biyaano).

Madaxweynaha ayaa faray mas’uuliyiinta cusub inay si deg deg ah ula wareegaan xilalka, ayna dardar geliyaan shaqooyinka maamul ee loo igmaaday.

Arrintan ayaa qayb ka ah isbedelada uu wado Cabdicaiis Lafta Gareen, kadib markii xubnihii ugu badnaa ee maamulkaas ay ku biireen baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Maalin kahor Madaxweynaha ayaa magacaabay  illaa 5 Wasiir oo bedelay wasiiradii hore ka dib markii ay ka mid noqdeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhalinyaro kale oo Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika

0

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya inay sii kordhayaan dilalka iyo weerarada ka dhanka ah dadka ajaaniibta ah oo ay Soomaalida ku jirto ee ganacsiyada & shaqooyinka kala duwan u jooga gudaha wadankaas.

Dhibaatooyinka ugu badan ayaa waxaa haatan wajahaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh dalkaas, waxaan kordhay cabsida la xiriirta weerarada lagu hayo.

Sida ay wararka sheegayaan waxaa xalay xaafadda Khayelitsha oo ka tirsan magaala xeebeedka Cape Town lagu dilay labo dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed, waxaana dilalkooda ka dambeeyey kooxo burcad Afrikaan ah oo goobta isaga baxsaday, kadib falkaasi.

Labada wiil ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Jowhar iyo Yaasiin Cumar, waxaana goobta lagu dilay gaaray ciidamo ka tirsan Booliska dalkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in halka lagu dilay dhalinyarada Soomaaliyeed sidoo kale lagu dilay laba nin oo dhalasho ahaan kasoo jeeda wadanka Malawi.

Dilalka loo geysanayo dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa qayb ka noqonaya dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dhacay, waxaana 48 saac ee lasoo dhaafay dalkaas lagu dilay saddex dhalinyaro ah oo lagu kala magacaabi jiray Cali Maxamed Xasan Balaakii, Cabdirashiid Axmed Sheekh Maxamuud iyo Mowliid Yare, kuwaas oo lagu dilay Magaalada Cape Town.

Xaaladda Koonfur Afrika ayaa u muuqata mid kasii dareysa, waxaana sii badanaya beegsiga lagu hayo ganacsatada Soomaalida, iyadoo aysan jirin wax ka qabasho dhanka dowlada ah.

QM oo digniin cusub kasoo saartay xaaladda Somalia

0

New York (Caasimada Online) – Qoraal uu soo saaray Adam Abdelmoula oo ah xidhiidhaya hawlaha bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay inay ka dillaacaan gaajo iyo macaluul baahsan oo gallaafata nolosha boqollaal kun oo qof. Isaga oo sheegay in xaalada abaarta ee Soomaaliya ay ka sii darayso marba marka ka dambeeya.

Adam Abdelmoula ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ee abaarta uga sii daray ay ka mid tahay, iyada oo aanay Soomaaliya si fiican u helin roobabkii la filayey muddo afar xilli ah oo isku xigay, taasoo keentay inay Soomaaliya ka dhacdo abaartii ugu darnayd ee soo marta muddo 40 sano ah. Waxaa sidoo kale walaac badan laga muujinayaa qiimaha cuntada oo Iyana cirka isku shareeray, halka ay xadidan tahay kaalmada bini’aadanimo ee loo fidiyey dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xidhiidhiyaha hawalaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in qiimaynta ay sameeyeen ay muujinayso in illaa 850,000 oo qof in ay guryahooda ka barakaceen, si ay noloshooda iyo xoolahooda ugu raadsadaan waxay cunaan ama cabbaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in xogaha ay hayaan ay muujinayaan in illaa 8 deegaan oo Soomaaliya ka mid ah, inay abaaruhu si daran u saameeyeen kuwaas oo halis ugu jira inay ka dillaacdo macaluuli, goobahaas ayaa badankoodu waxay ku yaallaan Koonfurta dalka, gaar ahaan gobollada ay ka jiraan xasilooni darrada iyo colaadaha kale oo keenay inay adkaato in gargaarka la gaadhsiiyo dadka tabaalaysan.

Adam Abdelmoula ayaa sheegay in xilliga uu warbaahinta la hadlayey in illaa 7.1 million oo qof oo Soomaali ahi inay abaaruhu saameeyeen, tiradaas oo ku dhow kala badh shacabka Soomaaliya. Halka 213,000 oo ka mid ah ay qarka u saaran yihiin xaalad gaajo iyo macaluuleed, taasoo muujinaysa in tiradaasi 160% ay kor u kacday tan iyo bishii April ee sannadkan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in haweenka, caruurta iyo dadka waayeelka ahi inay yihiin kuwa ay abaaruhu sida ugu daran u saameeyeen. Illaa 1.5 milion oo caruur ah oo da’doodu ka hoosayso 5 sano ayaa waajahaya xaalad nafaqo darro.

Warbixinta Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in tan iyo badhtamihii sannadkii 2021 in xoolo gaadhaya illaa 3 million oo neef inay u dhinteen abaaraha daran ee ka jira Soomaaliya, waxaana taasi ay saamayn xooggan ku yeelanaysaa noloshii dadka reer baadiyaha ahaa, iyo weliba hoos u dhac ku yimaadda waxsoosaarkii hilibka iyo caanaha xoolaha.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in duruufaha ka dhashay abaaruhu inay keeneen xaalado caafimaad darro, iyaga oo sheegay in tan iyo bishii January ee sannadkan in la diiwaangeliyey in ka badan 4,880 xaaladood oo looga shakisan yahay inay yihiin shuban biyood ama daacuun. Sidoo kale waxaa la soo weriyey illaa 8,700 oo xaaladood oo looga shakisan yahay inay yihiin xanuunka jadeecada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hay’adaha gargaarku inay caawiyeen illaa 2.8 million oo qof, intii u dhexeysay January illaa April 2022. Qaramada Midoobay ayaa intaas ku dartay inay haatan durbaanka u garaacayaan sidii dunidu u fahmi lahayd xaaladda adag ee abaareed ee ka jirta Soomaalia, iyaga oo ugu baaqay beesha caalamku inay dedejiyaan taageerada ay u fidinayaan dadka abaaruhu saameeyeen.

Xaflad lagu dabaal-degayey madaxweynaha cusub oo lagu qabtay Netherlands

Amsterdam (Caasimada Online) – Xaflad lagu soo dhoweynayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xalay lagu qabtay Magaalada De Heeg ee waddanka Netherland. 

Xafladdan, oo  qabsoomideeda ay iska kaashadeen Guddi uu horkacayay agaasimaha hay’adda nabadoon [Yahye Foundation] Cali yaxye & Dalladda isutagga ururada Soomaalida ee magaceeda loo soo gaabiyo [FSAN] waxaa ka soo qeybgalay marti sharaf iyo mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen  safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka la isku yiraa Benelux & Midowga Yurub Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi, madax ka socotay jaaliyadaha Soomaalida oo uu horkacayay Guddoomiyihii hore ee dalladda FSAN Dr. Cali Waare, C/qaadir Cali [Nuune] oo ka tirsan Guddiga FSAN ahna Guddoomiyaha Jaaliyadaha Zwolle & nawaaxigeeda, fanaaniin, aqoonyahanno & marti sharaf aad u tiro badan. 

Xafladdan, waxaa xiriiriye ka ahaa Cali yaxye, waxaana ugu horreeyn abaalmarin sharfeed lagu guddoonsiiyay marwo Ruqiyo Caddoow  oo abaalmarintaasi ku muteysatay doorkeeda ka shaqeynta masaaliixda & danaha mushtamaca Soomaalida ee ku dhaqan NL, iyada oo abaalmarintaasi uu guddoonsiiyay Ruqiyo Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalalka Benelux & Midowga Yurub Danjire Yoonis. 

Guddoomiyihii hore FSAN Dr. Cali Waare oo xafladda ka hadlay, wuxuu hambalyo, duco & talo u diray Madaxweynaha cusub. 

“Maadaama codad aqlabiyad leh ay ku doorteen Madaxweynaha cusub xildhibaanada 2da aqal ee shacabka metalaayay, waxaa na looga baahan yahay annaga oo dhan inaan ka qeybqaadano geedi socodka dib u dhiska Soomaaliya” Ayuu yiri Dr. Cali Waare oo ku tilmaamay  xilka ugu sareeya ee dalka inuu yahay mid qori-isku dhiib ah. 

“Madaxweynaha la doortay waxaan leenahay jaaliyadda Soomaalida waa kuu soo hambalyeyneysaa iyada oo isku duubban, waxaad ogtahay in jaaliyada Holland ay xasuus gaar ah kuu leedahay maadaama aad aheyd madaxweynihii ugu horreeyay ee dacwadda badda keenay Holland” Ayuu yiri Cali Waare, oo intaasi raaciyay in ummadda Soomaaliyeed ay haraad u qabto cadaalad & amni. 

C/qaadir Cali [Nuune] oo ka tirsan guddiga FSAN, laf-dhabar-na u ahaa qabsoomida xafladda, ayaa kelmado koobban oo uu munaasabada ka jeediyay u hambalyeeyay Madaxweyne Xassan Sheekh. 

“Anigoo ku hadlaya magaca dalladda FSAN waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha cusub Xassan Sheekh Maxamuud, waxaanna u rajeynayaa in mas’uuliyada cusub uu ALLE ku asturo” Ayuu yiri C/qaadir Cali Nuune, wuxuuna intaasi ku daray in sidoo kale uu bogaadinayo Madaxweynihii hore Max’ed Cabdullaahi [Farmaajo] oo agaasimay xaflad  qurux badan xilligii uu xil-wareejinta sameynayay.  

“Annaga oo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Netherland waxaan la kulanay safiirka Netherland u fadhiya Soomaaliya, waxaan ka codsanay in arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha in ay wax ka qabtaan” Ayuu yiri C/qaadir Nuune oo dhowaan ku soo biiray guddiga dalladda, wuxuuna balanqaaday in  dalladdu ay wax weyn ka qaban doonto intii karaankeeda ah horumarka bulshada Soomaalida.  

Abwaanad Marwo Jawaahir Axmed oo caan ku ah curinta suugaanta, gaar ahaan  buraanburka ayaa madasha ka tirisay buraanbur dadkii madasha fadhiyay aad u qiira geliyay. 

Zahra Siyaad Naaleeye, oo ka tirsan howl-wadeenada dalladda FSAN oo madasha ka hadashay waxay dhinaceeda hambalyo u dirtay Madaxweyne Xassan Sheekh. 

“Soomaali heshiis ah, duniddana heshiis la ah waa halku dhig taariikhda u gashay Madaxweyne Xassan Sheekh ALLAHA ku garab qalo” Ayeey tiri Zahra Naaleeye. 

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalalka Benelux & Midowga Yurub Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi, ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyay xafladda wuxuu ku tilmaamay Madaxweynaha cusub inuu astaan u yahay horumarka & dimuqoraadiyadda. 

“328 xildhibaan oo  metalaya shacabka Soomaaliyeed ayuu wuxuu ka helay madaxweynaheena cusub 214 taasi waxay siineysaa madaxweynaheena aqlabiyad weyn oo uu “mandate” ku haysto” Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi raaciyay Madaxweyne Xassan inuu astaan u yahay horumar & dimuqoraadiyad. 

“Madaxweyne Xassan Sheekh waxaad ku xasuusataan inuu ahaa hogaamiyihii dhidibada u taagay  dhismaha labada Dowlad goboleed [Galmudug & Hirshabele] oo qaati laga taagan yahay wuxuu ahaa shaqsigii dhismahooda ku guuleystay” Ayuu yiri Danjire Yoonis. 

Fannaaniin ay ka mid ahaayeen Cabdi Baadil, Leylo Cumar Dhuule, Weeroow & kuwa kale ayaa heeso waddani ah ku soo bandhigay xafladda, waxeyna xafladaasi ku soo idlaatay si qurux badan. 

XAFLAD LAGU SOO DHOWEYNAYAY MADAXWEYNAHA CUSUB EE SOOMAALIYA OO LAGU QABTAY NETHERLAND – YouTube

Sawirro: Villa Somalia oo war kasoo saartay booqashadii Xasan Sheekh uu ku tegay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in dowladdu ay xoogga saari doonto howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda argagixisada ah ee Al -Shabaab.

Madaxweynaha oo ugu horreyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan talisyada kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo warbixinno ka dhageystay hoggaannada Ciidamada Xoogga Dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ahna Taliyaha Guud ee CQS ayaa qalabka isgaarsiinta Xoogga Dalka kula xiriiray qaar ka mid ah saraakiisha iyo ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan jiidaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al- Shabaab, waxa uuna ku bogaadiyey sida naf-hurninada leh ee ay dharaar iyo habeen walba heegan ugu yihiin difaaca dadkooda iyo dalkooda, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu la wadaagay  ciidamada sida ay dowladda uga go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeerkiisii ugu horreeyey ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga, kadib dib u doorashadiisa ayaa u kuur galay xaaladda Ciidamada Qalabka Sida, waxaa uuna muujiyey sida ay dowladda federaalka uga go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka.