26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

R/W Rooble: “Madaxweyne XASAN waxaan leeyahay, dalkaan ka ilaali milkiile”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo wareysi xasaasi ah siiyey VOA ayaa ka hadlay xaaladda dalka, doorashooyinkii soo dhammaaday iyo dhismaha dowladda cusub.

Rooble ayaa sheegay in waqti adag, kadib uu ku guuleystay inuu qabto doorasho wadar ogol ah, isla-markaana uu kasoo maray marxalado kala duwan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa farriin la xiriirta dhismaha dowladda cusub u diray Madaxweynaha mar labaad loo doortay Xasan Sheekh oo maalmaha soo socda xilka la wareegi doono.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula taliyey Madaxweyne Xasan inuu dalka ka ilaaliyo Milkiile, isla-markaana uu isagu qaato go’aannada iyo tallaabooyinka la qaadayo.

“Waxaan kula talinayaa oo kale oo shacabka ay hadda jecel yihiin inaan Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyo waxay tahay Milkiile ka ilaali dalkan,’ ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Adaa mas’uul ka ah waa ku sheegayaa mar koowaad, mar labaad, mar saddexaad Miilkiile dalkaan iskama lahan nin ku keensaday ma jiro Soomaali adiga ayey ku dooratay,”.

Rooble ayaa sidoo kale xusay in Miilkiile uu yahay waxa burburiyey dalkan, ayna tahay in laga gudbo, mas’uuliyaddana laga rabo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa.

“Walaalow Xasanow waddooyinkii ay Soomaaliya ku duntay waxaa ka mid ah Milikiile go’aanka adiga qaado iyo ra’iisul wasaarahaaga iyo inta mas’uuliyadda markaas kula heyso cid kale haku aaminin,” ayuu markale wareysigan ku yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo la xasuusto dagaalkii siyaasadeed oo uu ra’iisul wasaaruhu la galay madaxweynihii hore ee dalka, Farmaajo iyo la-taliyihiisa amniga qaranka Fahad Yaasiin oo loogu yeeraayey 5 sano ee lasoo dhaafay Miilkiilaha dowladda.

Sawirro: R/Wasaare Rooble oo kulan xasaasi ah maanta la qaatay madaxda ATMIS

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay ku-xigeenka Howgalka Midowga Afrika ee ATMIS Fiona Lortan iyo taliska Ciidammada ATMIS.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay howlaha nabad ilaalinta ee ciidamada ATMIS u joogaan dalkeen iyo weliba wada-shaqeyntooda ciidamada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda iyo taliska ATMIS uga mahadceliyay kaalintii ay ka qaateen sugidda amniga doorashooyinkii dalka ka qabsoomay iyo wada shaqeyntoodii.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku booriyay Ra’iisul Wasaare Rooble in ay sii dardar-geliyaan howlaha nabad ilaalinta ee ay dalka u joogaan.

Ciidamada ATMIS (ex-AMISOM) ayaa waxay door weyn ka qaateen Amniga doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaga oo kaashanayay ciidamada booliska Soomaaliya.

 

 

Madaxweynaha cusub oo la kulmay safiirada Qatar iyo Sacuudiga + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Oline) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah safiirada Carbeed, gaar ahaan kuwa wadamada Qatar iyo Sacuudiga.

Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa hoygiisa ku qaabilay safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad iyagoo ka wada-hadalay danaha labada dal.

Kulankan ayaa sidoo kale ujeedkiisa waxa uu ahaa salaan iyo Hambalyo uu safiirka la wadaagay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha cusub ayaa maanta la kulmay safiirka Qatar u jooga Soomaaliya Ambassador Hassan bin Hamza Hashem, isaga oo ka guddoomay hambalyo iyo salaan.

Ambassador Hassan bin Hamza oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dowladdiisa ay garab siin doonto Madaxweynaha dhowaan dib loo doortay, wuxuuna u rajeeyey inuu Eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, kadib doorashadii Teendhada Afisyoone.

Kulamadan ayaa qayb ka noqonayo shirar uu maalmahan dambe Madaxweynaha ka wado magaalada Muqdisho, si uu u sameeyo wada-tashiyo ka hor dhismaha dowladdiisa cusub.

Guusha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn looga falceliyey, waxaana soo dhoweeyey dowladaha dariska iyo kuwa caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Galmudug oo ‘Wanted’ u aqoonsatay Sheekh Shaakir iyo saraakiil badan + Video

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliska booliska Galmudug ayaa soo saaray liiska 36 qof oo lagu raad joogo, kuwaas oo loo heysto hurinta dagaalkii ay Ahlu-Sunna ku soo qaaday Dhuusamareeb, dadkaan waa ku jira Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo saraakiil kale.

Madaxda howlgallada booliska Soomaaliya ee ka howlgala Galmudug Dhamme Nuur Cilmi Maxamed oo warbaahinta u akhriyey bayaankii kasoo baxay Taliska booliska ayaa soo bandhigay sawiirada dadka la doon-doonayo.

Dadkaan lasoo bandhigay ee lagu raad joogo ayuu sheegay Taliye Nuur Cilmi inay ku dhuumaaleysanayaan deegaano ka tirsan Galmudug, isagoo bulshada reer Galmudug ka codsaday in dadka ku jira liiskaan ay booliska lasoo wadaagaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan, si sharciga loo hor keeno.

Sidoo kale dowlad goboleedyada deriska la ah Galmudug iyo dowladda federaalka ayaa bayaankaan looga codsaday inay ku garab siiyaan maamulka Galmudug, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa saraakiishaan ka tirsan Ahlu-Sunna.

Saraakiisha ku jirta liiska dadkaan ay Galmudug doon-dooneyso waxaa ka mid ah Sheekh Shaakir Cali Xasan, Taliyihii aas-aasay ciidanka Ahlu-Sunna Jeneraal Cabdullahi Xaaji Diiriye (Hanbacoor), guddoomiyihii hore ee Dhuusamareeb Cabdullahi Beentaa, Taliyihii hore ee NISA – Galmudug, G/Sare  Cabdullahi Cabdi Raage iyo saraakiil kale.

Sidoo kale liiskaan waxaa ku jira saraakiil badan oo horay uga tirsanaa jiray ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dib ugu laabtay ciidanka u dagaalama Ahlu-Sunna ee dhowaan uu Sheekh Shaakir ka aas-aasay galbeedka gobolka Galgaduud.

Hoos ka daawo Dhamme Nuur Cilmi iyo sawirada dadkaas

Madaxweyne Xasan: Turkiga wuxuu dagay maskaxda iyo quluubta Soomaalida

Muqdisho ( Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysigii ugu horreeyey ee heer caalami ah siiyey Wakaaladda Wararka Turkey ee Anadol, ayaa sheegy in Turkiga uu taabtay quluubta shacabka Soomaaliyeed, maadaama uu saameyn muuqata ku leeyahay Soomaaliya.

Xasan ayaa 15-kii Bishan waxay xildhibaanada ku doorteen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, isagoo ka guuleystay madaxweynaha xilka ka dagaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Sida aan sheegay shacabka Turkiga iyo dowladda Turkiga waxay saameyn weyn ku leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, taageerada Turkiga waxay taabatay quluubta iyo maskaxda shacabka Soomaaliyeed, taageeradaasi waxay ahayd mid muuqata oo la taaban karo, waxayna badbaadisay naf badan oo Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweynaha cusub oo magaalada Muqdisho kula hadlay wakaaladda Anadolu.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Turkiga uu Soomaaliya siiyey taageero badan oo dhanka waxbarashada ah oo isugu jirto laga bilaabo dugsi sare illaa heer Jaamacad, wuxuuna taageeradaas ku sheegay inay tahay Ra’sulmaal.

Madaxweynaha la doortay Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Turkiga uu tababaro heer sare ah siiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

“Turkiga wuxuu soo saaray saraakiil tayo sare leh oo dhanka ammaanka ah, tababarka kuma eko kaliya Turkiga dhexdiisa, balse Soomaaliya gudaheeda ayuu tababar ku bixiyaa, wuxuu ciidamada siiyaa qalabka lagama maarmaanka u ah fulinta waxa ay kusoo barteen gudaha Turkiga,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn yiri “Turkiga wuxuu boos weyn ku leeyahay quluubta Soomaalida.”

Xog: Ciidamada ATMIS oo deegaano kasoo baxay kadib weerarkii Ceelbaraf

Balcad (Caasimada Online) – Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS Ex AMISOM ayaa isaga baxay saldhiggii ay ku lahaayeen deegaanka Gololey ee waqooyiga magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Warar lagu kalsoonaa karo oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in ciidamadii ATMIS ee fariisinka ku lahaa Gololey loo kala diray magaalooyinka Balcad, Jowhar, Biyo-Cadde iyo Mahadaay oo ka wada tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Qorshaha laga leeyahay dhaq-dhaqaaqyadaan ciidan ee ATMIS ay ka bilowday Shabeellada Dhexe waa in la xoojiyo ciidamada Burundi, lagana hor tago in mar kale uu soo laabto weerar lamid ah kii Ceel-Baraf oo aad loogu laayey ciidanka Burundi.

4-tii bishaan May kooxda Al-Shabaab ayaa degaanka Ceel-Baraf ee gobolka Shabeellada Dhexe ku weerartay saldhig ay ku lahaayeen ciidanka Burundi, halkaas oo si xun loogu laayey ciidankii ku sugnaa xerada.

Al-Shabaab oo gabi ahaanba qabsaday xeradaas ayaa shacabka deegaanka u fasaxay inay bililiqeystaan agabkii yaallay xerada, sidoo kale waxay ka furteen hub iyo gaadiid badan, iyagoo dilay in ka badan 170 askari, sida ay sheegteen.

Dowladda Burundi iyo Taliska ATMIS ayaa qirtay in weerarkaas looga dilay 30 askar, ciidan kalena nolosha lagu qabtay, wixii intaas ka dambeeyana ATMIS waxay bilowday dhaqdhaqaaqyo ay uga gaashaamaneyso weerar dambe.

Madaxweynaha oo JAWAAB deg deg ah kasoo saaray go’aankii Biden ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey go’aanka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ku go’aamiyey inuu dib ugu celiyo Soomaaliya dhowr boqol oo ka tirsan ciidamada khaaska ah ee tababarka iyo taageerada siiya ciidanka Soomaaliya.

Fariin lagu qoray barta twitterka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay Maraykanka u aragto waddan iskaashi la isku hallayn karo la leh Soomaaliya, marka ay noqoto baadi-goobka Soomaaliya ugu jirto xasillooni iyo dhinaca la-dagaalanka argagixisada.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa shalay saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib loogu soo celinayo Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab oo khatar weyn ku ah dowladnimada Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horay u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab uu wiiqay go’aankii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ayaa laga soo qaadi doonaa qeybo kale oo ka mid ah Afrika si ay tababaro iyo taageero u siiyaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, oo loo arko ururka ugu weyn uguna hodansan ee xiriirka la leh Al-Qacida.

Go’aankan ayaa looga dan leeyahay “in lagu kordhiyo badqabka iyo wax ku oolnimada ciidamadeena, loona suurta-geliyo inay taageero wax ku ool ah siiyaan saaxibadeena,” waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Adrienne Watson oo ku dhowaaqday go’aankan.

Tirada guud ee ciidamada Mereykanka ee Soomaaliya ayaa noqon doonta “ku dhowaad 500” loomana dirayo inay ka qeyb-galaan dagaal toos ah, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden oo codsaday inaan la magacaabin.

Taa beddelkeeda, ciidamada waxay la shaqeyn doonaan ciidamada Soomaaliya si ay u sugaan amniga shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka iyo hay’adda USAID ee Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaalkaas.

Dhageyso: Jubaland oo ku dhowaaqday qorshe ay dib ugu qabsaneyso gobolka Gedo

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta ee dowlad goboleedka Jubaland Saleebaan Maxamed Maxamuud oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa sheegay inuu socdo qorshe ay Jubbaland dib ugu soo ceshaneyso gobolka Gedo.

Wasiirka oo la haday Idaacadda VOA ayaa sheegay in qaabka dib u heshiisiin ah ay doonayaan inay ku soo ceeshadaan gobolka Gedo, isla markaana ay doonayaan in dadka gobolkaas loo sameeyo dib u heshiisiin.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Jubbaland wuxuu sheegay in waxgaradka gobolka Gedo ay ku soo wargeliyeen in maamulkoodii ay diyaar u yihiin in dib loogu soo celiyo.

“Maadaama ay dowlad cusub noo dhalatay, waxaan ku rajo weynahay in sharciyadii dib loogu laabto, hadana waxaa muuqata ififaaladeeda oo waxaa gobolkii dib ugu laabtay masuuliyiintii hore oo lagu soo dhaweeyey Garbahaarey, waxaana socda abaabul xoog leh oo maamulkii sharciga ahaa lagu soo celinayo,” ayuu yiri Saleebaan Maxamed wasiirka warfaafinta Jubbaland.

Wuxuu sheegay in gobolkaas sharci la’aan lagu maamulayey sanadihii lasoo dhaafay oo laga faro maroojiyey Jubbaland, balse dadka deegaanka ay hadda fahmeen in ka mid ahaanshaha Jubaland ay ayaga dan ugu jirto.

Gobolka Gedo ayaa muddo waxaa ka jiray xiisad siyaasadeed, ayadoo gacan ku hayntiisa ay isku hayeen dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska Farmaajo iyo maamul goboleedka Jubaland, xiisadaas oo sababtay in Jubaland awood ciidan iyo mid farsamo looga saaro gacan ku heynta gobolkaas.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiirka

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay guddi cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magacabaay guddiga qaban-qaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha.

Guddiga ayaa waxa hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Maxamed Cabdullaahi Ciise, waxayna ka shaqeyn doonaan munaasibada xil-wareejinta iyo waxkasta oo la xiriira.

Farmaajo ayaa guddigaan faray in ay si deg-deg ah u diyaariyaan munaasabadda xil-wareejinta, xili uu maanta Madaxtooyada kula kulmay madaxweynaha dooran ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan oo dhacay barqanimadii maanta ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa is xog wareysi iyo soo dhoweyn, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xog-ogaal ah.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Labada Madaxweyne ay iskaga xog waraysteen xaaladda guud ee dalka, sidii wada-jir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo dardar gelinta dadaalladii horumarineed ee dalka ka socday 5-tii sano ee la soo dhaafay.

Si kastaba, Tan markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu kulamo wada-tashi ah ka waday magaalada Muqdisho, isaga oo shalay qaabilay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.

Guusha Madaxweynaha cusub ayaa si aad ah looga fal-celiyey, iyada oo dowladaha taageera Soomaaliya ay bogaadiyeen qaabkii ay u dhacday doorashadii uu kusoo baxay.

IMAARAADKA CARABTA iyo QATAR oo war kasoo saaray doorashada Xasan Sheekh

Doha (Caasimada Online) – Ku-simaha madaxweynaha ahna ra’iisul wasaaraha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed Bin Rashid Al Maktoum ayaa dhambaal furan oo hambalyo ah usoo diray madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay daabacday Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta ee WAM.

Sheikh Mohamed ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u rajeeyay in uu alle ku guuleeyo mas’uuliyadda culus ee ka saaran dalkiisa, maadaama baarlamaanka uu u gartay in uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Imaaradaha Isu-tagay ayaa dhankooda hambalyo iyo bogaadin u diray madaxweynaha Soomaaliya ee aan weli si rasmi ah ula wareegin Aqalka Dalka looga arrimiyo ee Villa Somalia.

Dhinaca kale, Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa hambalyo ku aadan doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Amiirka ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya u rajeeyey guul iyo in la xoojiyo xiriirka labada dal ka dhaxeeya iyo horumarka.

Ku-xigeenka Amiirka dalka Qatar Sheekh Abdullah bin Hamad Al-Thani ayaa dhankiisa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo doorashadiisa dhawaan ka dhacday Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 15-kii May 2022 ku guuleystay Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, waa markii labaad ee loo doortay Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag oo ay kamid yihiin wax ka qabashada Amniga, Dhaqaalaha, hagaajinta siyaasadda, xiriirka caalamiga ah, arrimaha bani’aadamnimada iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa ah labada dal ee sida xooggan ugu loolamay siyaasadda Soomaaliya, muddadii uu xilka hayey madaxweyne Farmaajo oo la safnaa Qatar, halka Imaaraadka ay ku xirnaayeen maamullada Jubaland iyo Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa bilihii tegay dib u hagaajiyey xiriirka Imaaraadka, isaga oo ka ralai-geliyey lacag looga qabtay garoonka Muqdisho bishii April 2018. 

Xasan oo la kulmay madaxda IMF, xilli uu maanta ku ekaa waqtigii loo qabtay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo wasiirka maaliyadda xukuumadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan fogaan arag ah la qaatay madaxda hey’adda dhaqaalaha aduunka ee (IMF).

Ujeedka kulanka ayaa ahaa in hey’adaha dhaqaalaha caalamku dhegeystaan aragtida dhaqaale iyo barnaamijka dayn cafinta ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

17-ka May oo maanta ku beegneyd waaxay hey’adda IMF horay u sheegtay in ay joojinayso wada shaqeynta ay la leedahay dowladda Soomaaliya, hadii aan lasoo gabagabeyn doorashada oo aan la dooran hoggaan cusub.

Hase yeeshee doorashada ayaa ku soo idlaatay waqtigii loo qorsheeyey waxaana la doortay Madaxweyne cusub oo faham ka heysta horumarinta dhaqaalaha dalka iyo arrimaha deyn cafinta oo dowladda Soomaaliya meel fiican u maraya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa horyaalla horumarinta dib u habeynta maamulka maaliyadda iyo la dagaalanka musuqa, si kor loogu qaado kalsoonida caalamka, loona sii amba qaado nidaamka deyn cafinta oo meel dhexe maraya.

Hadii ay dowladda Xasan Sheekh dib u hagaajiso dhaqaalaha dalka, waxaa fududaaneysa in Soomaaliya ay ka faa’iidaysto mashaariicda hey’adaha caalamka iyo dowladaha deeqaha bixiya, kuwaas oo garab istaag ula diyaar ah Soomaaliya.

Sidoo kale doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dib u habeynta nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya waxay suurta gelinayaan in caalamku Soomaaliya u fasaxo deeqihii ku xermay dib u dhaca doorashooyinkii dalka.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii madaxweyne Xasan iyo madax goboleedyada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan wada-jir ah la qaatay madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay xaaladaha taagan ee dalka iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta dowladda cusub iyo maamulada dalka.

Waxa uu kulankaan daba socday kulamo uu maalmihii dambe madaxweynaha cusub la qaadanayay mas’uuliyiin kala duwan, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha cusub xalay kulan xasaasi ah la qaatay Taliyeyaasha Xoogga iyo Booliska Soomaaliya, kaasi oo uga dhageystay warbixin guud oo ku aadan amniga dalka.

Kulankaas ayaa diirada lagu saaray qorshayaasha hortebinta leh xiligaan kala guurka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisa ay muhiimada koowaad u yahay Amniga dalka, asaga oo taliyeyaashana ku booriyay dardar-gelinta howlaha amni ee bulshada u hayaan.

Si kastaba, Guusha Madaxweynaha cusub ayaa aheyd mid si aad ah looga fal-celiyey, iyada dowladaha taageera Soomaaliya ay bogaadiyeen qaabkii ay u dhacday doorashadii uu kusoo baxay.

Villa Somalia oo shaacisay inay qoraallo ‘u guddoontay’ madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Qaranka ayaa shaacisay goordhoweyd inay u guddoontay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud dhambaallo hambalyo ah oo ku aaddan guusha uu ka gaaray doorashadii Madaxtinimada ee qabsoomtay 15-kii bishan.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dalalka aan walaalaha nahay iyo kuwa ay naga dhaxeyso saaxiibtinimada ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada qabsiga ay Madaxweyne Xasan Sheekh u muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay sii xoojiyaan xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Dalalka hambalyada u soo diray Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka mid ah Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Amiirka Qatar, Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Imaaraatka Carabta, Dowladda Turkiga, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Amiirka iyo dhaxal sugaha dalka Kuweyt, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska, Saldanadda Cumaan iyo dalalka kale oo badan.

Sidoo kale, waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hambalyo u soo diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, Madaxweynaha Midowga Afrika Mudane Moussa Faki Mahamat, Madaxa Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu iyo Midowga Yurub oo dhammaantood muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeeyaan Madaxweynaha la doortay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guul taariikhiya kasoo hooyay doorashadii Axadii ka dhacday Afisyoone, wuxuuna noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee mar labaad ku soo noqday xukunka dalka.

Madaxweynaha cusub ayaa xilka kala wareegaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo horay uu xukunka ugu wareejiyey shan sano ka hor, sanadkii 2017-kii.

Xasan Sheekh oo horay ugu guuleystay in dowladii uu hoggaaminayey ay rasmi noqoto oo KMG ka baxdo burburkii kadib, wuxuu markale noqday Madaxeynaha 10-aad ee Soomaaliya, waxaana horyaalla howlo badan oo muhiim ah.

Sawirro: Xasan iyo Farmaajo oo ku kulmay Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo markii ugu horreysay maanta tegay xarunta Villa Soomaaliya, tan markii la doortay Axadii lasoo dhaafay ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Kulankan oo dhacay barqanimadii maanta ayaa ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa is xog wareysi iyo soo dhoweyn, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xog-ogaal ah.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Labada Madaxweyne ay iskaga xog waraysteen xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo dardar gelinta dadaalladii horumarineed ee dalka ka socday 5-tii sano ee la soo dhaafay.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Maxamed Cabdullaahi Ciise, isaga oo faray in ay si degdeg ah u diyaariyaan munaasabadda xil-wareejinta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xasan Sheekh ayaa qoraal uu soo saaray kadib kulanka ku yiri “Waxaan u mahadcelinayaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo igu qaabilay xarunta madaxtooyada dalka, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa dalalka aan walaalaha iyo saaxiibada nahay ee dalkeena u soo diray dhambaallada hambalyada ah.”

Farmaajo ayaa isna yiri “Farxad ayaa ay ii tahay in aan maanta ku soo dhoweeyo Madaxtooyada Qaranka, walaalkay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo aannu kulan booqasho iyo salaan ah wada qaadannay, annaga oo iska xog waraysannay xaaladda guud ee dalka iyo sidii aynu wadajir ugu sii ambaqaadi lahayn geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.”

“Waxaan mar kale ugu hambalyeeyey walaalkay masuuliyadda culus ee loo doortay, waxaanna shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay si buuxda isu garab taagan, ulana shaqeeyaan.”

Farmaajo oo horey u aqbalay natiijadiii kasoo baxday doorashadii looga adkaaday ayaa u hambalyey Madaxweyne Xasan oo loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in Madaxweynaha cusub uu saacadaha soo socda kulan wadajir ah la qaatay madaxda maamul goboleedyada dalka ee ku sugan caasimadda, si uu ugula hadlo xaaladaha taagan iyo sidii ay dowladdiisa cusub ula shaqeyn lahaayeen.

Tan markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu kulamo wadatashi ah ka waday Muqdisho, isaga oo shalay qaabilay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.

Guusha Madaxweynaha cusub ayaa si aad ah looga faceliyey, iyada dowladaha taageera Soomaaliya ay boggaadiyeen qaabkii ay u dhacday doorashadii uu kusoo baxay.

Ciidamada BURUNDI oo dib ula wareegay CEEL-BARAF

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Burundi ee qaybta howlgalka ATMIS ay dib ula wareegeen, iyaga oo kaashanaya ciidamada milatariga Somalia, deegaanka Ceel Baraf ee gobolkaasi.

Ciidamada huwanta oo qaaday howlgal wadajir ah ayaa gudaha u galay saldhigga deegaankaas oo ay laba todobaad ka hor weerar ku qabsatay kooxda Al-Shabaab.

Diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca ayaa lagu soo warramayaa inay ku dageen saldhigga, kadibna ay ciidamadu dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen deegaankaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in howlgalka, ka hor ciidamada ATMIS ay madaafiic ku gaareen qaybo ka mid ah Ceel Baraf, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in wax dagaal ah uusan ka dhicin halkaasi, ayna ciidamada Burundi iyo kuwa dowladda si nabadoon kula wareegeen Ceel Baraf.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana deegaanka inta badan isaga barakacay qoysaskii deganaa, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka labada dhinac.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalka ay wadaan ciidamada dowladda Soomalaiya iyo kuwa howlgalka ATMIS.

Ceel Baraf ayaa waxaa dhowaan ka dhacay weerar ku billowday qaraxyo oo ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhigga Burundi, halkaas oo ay ku dhinteen askar fara badan.

Xog: Deni oo qorsheynaya laba tallaabo oo xasaasi ah marka uu ku laabto Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha maamulka goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku guul dareystay doorashadii madaxtinimo ee Soomaaliya, ayaa qorsheynayo in marka uu dib ugu laabto magaalada Garoowe uu qaado dhowr tallaabo oo uu u arko inuu kaga hilmaami karo caradii uu ka qaaday guuldaradii doorasho ee Muqdisho.

Saciid Deni ayaa qorsheeyay in tallaabada koowaad uu ka qaado madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash oo xiligii Deni uu ku sugnaa Muqdisho soo saaray wareegto uu xilka kula wareegay, islamarkaana safarka Deni ku tilmaamay mid sharci darro ah, maadaama uu olole siyaasadeed galayna ay aheyd inuu xilka wareejiyo.

Deni ayaa waxaa u qorsheysan in uu kiciyo xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo kulankooda ugu horeeyo uu dhici doono bisha June, hase ahaatee suuragal ay tahay in lasoo hormariyo furitaanka fadhiga baarlamaanka Puntland si loosoo gabagabeeyo waayaha xukun ee Axmed Karaash.

Tallaabada labaad ee uu qaadi doono Deni ayaa noqon doonta inuu tallaabo aan caddeyn uu ka qaadi doono kooxdii reer Puntland ee ku dhabar jabisay doorashadii uu ku guuldareystay ee madaxtinimada Soomaaliya, kooxdaasi oo isla doorashooyinkii golaha deegaanka ee Qardho guuldaradii uu kala kulmay sidaan oo kale dhabar jabiyay una sabab ahaa guuldaradii soo gaartay.

Kooxda dhabar jabisay oo isugu jirta xildhibaano heer federaal iyo siyaasiyiin ayaa wararka ay heshay Caasimada Online ay sheegayaan inay ka mid yihiin xildhibaano laga soo doortay Puntland oo tiradooda gaarayaan lix kuwaas oo aan codkooda siinin Saciid Deni, waxaana xubnahaasi ka mid, Sacdiya Salaad Samatar oo ah guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamanka, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Sareedo Maxamed Cabdi iyo xildhibaan Cali Xoosh.

Saciid Deni oo adkeysigiisa siyaasadeed ku lamaanan caro badan ayaa la filayaa in safarka uu ku joogo Muqdisho soo gaabiyo maadaama mowjado siyaasadeed ay ugu furan yihiin Puntland.

Madaxweyne Erdogan: Laba arrin ayey muhiim noogu tahay doorashada Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya ayaa ka soo saartay doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Soomaaliya, ay u tahay labo tusaale oo waaweyn, kuwaas oo ka kala ah, 1 – muhiimadda ay Turkiga u leedahay horumarinta dhaqaalaha qaaradda Afrika 2 – Iyo ilaalinta nabadda bulshada iyo xasilloonida siyaasadeed.

“Waxaan rajeynayaa in natiijada doorashada Soomaaliya ay noqoto mid faa’iido u leh dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Turkiga waxa ay si weyn uga qayb qaadatay in ay Soomaaliya kasoo kabato markii ay burburka qarka u saarneyd sanadkii 2011-ka,” ayaa yiri Madaxweyne Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga oo u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in doorashadaan ay ku dareemaan xasilooni.

“Waxaan ku faraxsannahay sida wanaagsan ee ay ugu soo dhamaatay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Soomaaliya 15-kii May 2022. Waxaan u rajaynaynaa in doorashadu ay u noqoto walaalaheena Soomaaliyeed iyo shacabka bariga Afrika oo wadajira, waxaana u hambalyaynaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Muxuu Mareykanka ka yiri doorashadii Xasan Sheekh?

0

Washington  (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa waxaa looga hadlay doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud ee habeenkii Axadda, 15-kii May ka dhacday Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa soo dhoweeyey doorashada Xasan Sheekh oo mar labaad loo doortay  Madaxweyne, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay hadda heysato fursad muhiim ah.

“Soomaaliya waxay hadda haysataa fursad ay diiradda ku saari karto dib u habeynta siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga ee lagama maarmaanka u ah horumarinta danaha dadka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Sidoo kale Mareykanka ayaa ku booriyey Madaxweynaha cusub inuu xooga saaro horumarka dowladnimada, dib u dhiska ciidamada iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

“Waxaan ku dhiirigelinaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhammaan madaxda Soomaaliya inay mudnaanta siiyaan xoojinta dowladnimada iyo hay’adaha dimuqraadiga ah; horumarinta ciidamada ammaanka si ay uga hortagaan ugana hortagaan argagixisanimada iyo inay si buuxda mas’uuliyad amni ugala wareegaan howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya; samaynta dib-u-habayn dhaqaale si loo dhamaystiro waddada Soomaaliya ee deyn cafinta iyo xoojinta dhaqaalaha; iyo fududaynta gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee malaayiinta Soomaalida ah ee la ildaran abaarta ba’an,” ayaa markale lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda.

Ugu dambeyn Mareykanka ayaa ugu baaqay dowladda cusub inay xoojiso arrimaha dib u heshiisiinta iyo wada-hadallada, si xal looga gaaro khilaafaadka dib u dhigi kara dalka.

“Dib-u-heshiisiinta, isu-tanaasulka, iyo wada-hadallada la xoojiyey ee ka dhexeeya dhammaan heerarka dawladda iyo dhammaan bulshooyinka ayaa muhiim u ah guusha dadaalladaas” ayaa lagu yiri warsaxafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka,”.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha aad u taageero Soomaaliya, waxayna sidoo kale ay qayb ka tahay dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Daawo: Prof. JAWAARI oo si cajiib ah uga hadlay dib u doorashada Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanadii 9-aad iyo 10-aad ee dalka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si qota dheer uga hadlay guusha iyo dib u doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Jawaari ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu fursadaan dib u doorashada ah ku helay nabadoonimadiisa, isagoo ka sheekeeyey waayihii ay soo wada shaqeeyeen, kuna amaanay aqoonta, adkeysiga iyo aqoontiisa dowlad-dhiska.

Sidoo kale guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in hey’adihii dowladda ee la dhisay sanadihii 2014 iyo 2015-kii oo ah xiliyadii ay aad u dhisantay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh kadib aan waxaba lagu kordhin dhismaha dowladnimada.

“Aniga iyo Xasan Sheekh mudo dheer ayaan soo wadashaqeynay, dhismaha hey’adaha dowladda waxaa lagu guuleystay 2014 ilaa 2015-kii, laakiin shan sano kadib meeshii uu uga tegay ayey shaqadu joogtaa, sidaas darteed dib u doorashada Xasan Sheekh, waa guul u soo hoyatay dhismaha hey’adaha dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Sidoo kale wuxuu sheegay in doorashadaan lagu arkay arrimo aan horay loo arki jirin oo ugub ah, sida in xubin ka tirsan guddoonka baarlamaanka loo doorto gabar iyo in dib loo soo doorto Madaxweyne horay u soo maamulay dalka.

Prof. Jawaari ayaa aad u amaanay Ra’iisul wasaare Rooble iyo labada Xoghaye ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo u soo dhabar adeygay in howlihii dhameystirka doorashada.

Wuxuu soo jeediyey in la abaal mariyo oo ugu yaraan shahaado sharad la guddoonsiiyo, Rooble, labada xoghaye ee BFS, shaqaalaha kale ee baarlamaanka iyo guddigii doorashada Madaxweynaha.

Halkaan hoose ka daawo

Wararkii ugu dmabeeyey qarax maanta ka dhacay BALCAD + Khasaaraha

0

Balcad (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ka dhashay bam-gacmeed ayaa lagu soo warramayaa in lagu weeraray maqaayad ku taalla gudaha degmada Balcad, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in maqaayadda la qarxiyey ay inta badan tegi jireen shaqaale ka tirsan maamulka degmada.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxaan uu sababay khasaare u badan dhaawac, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxan, kuwaas oo kala ah guddoomiyaha maxkamadda Balcad, guddomiyaha tuulada Mareerey iyo mid ka mid ah nabadoonnada Hirshabelle, sida uu VOA u xaqiijiyey Gaashaanle Dhexe Xuseen Macallin Cabdulle oo ah taliyaha saldhigga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana dhaawacyada ka dhadhay weerarkaasi qaraxa ah la geeyey isbitaallo ku yaalla gudaha degmadaasi.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fuliya degmada Balcad iyo deegaanada hoos yimaada ee gobolka Shabeelaha Dhexe.