26 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Muxuu Mareykanka ka yiri doorashadii Xasan Sheekh?

0

Washington  (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa waxaa looga hadlay doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud ee habeenkii Axadda, 15-kii May ka dhacday Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa soo dhoweeyey doorashada Xasan Sheekh oo mar labaad loo doortay  Madaxweyne, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay hadda heysato fursad muhiim ah.

“Soomaaliya waxay hadda haysataa fursad ay diiradda ku saari karto dib u habeynta siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga ee lagama maarmaanka u ah horumarinta danaha dadka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Sidoo kale Mareykanka ayaa ku booriyey Madaxweynaha cusub inuu xooga saaro horumarka dowladnimada, dib u dhiska ciidamada iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

“Waxaan ku dhiirigelinaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhammaan madaxda Soomaaliya inay mudnaanta siiyaan xoojinta dowladnimada iyo hay’adaha dimuqraadiga ah; horumarinta ciidamada ammaanka si ay uga hortagaan ugana hortagaan argagixisanimada iyo inay si buuxda mas’uuliyad amni ugala wareegaan howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya; samaynta dib-u-habayn dhaqaale si loo dhamaystiro waddada Soomaaliya ee deyn cafinta iyo xoojinta dhaqaalaha; iyo fududaynta gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee malaayiinta Soomaalida ah ee la ildaran abaarta ba’an,” ayaa markale lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda.

Ugu dambeyn Mareykanka ayaa ugu baaqay dowladda cusub inay xoojiso arrimaha dib u heshiisiinta iyo wada-hadallada, si xal looga gaaro khilaafaadka dib u dhigi kara dalka.

“Dib-u-heshiisiinta, isu-tanaasulka, iyo wada-hadallada la xoojiyey ee ka dhexeeya dhammaan heerarka dawladda iyo dhammaan bulshooyinka ayaa muhiim u ah guusha dadaalladaas” ayaa lagu yiri warsaxafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka,”.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha aad u taageero Soomaaliya, waxayna sidoo kale ay qayb ka tahay dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Daawo: Prof. JAWAARI oo si cajiib ah uga hadlay dib u doorashada Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanadii 9-aad iyo 10-aad ee dalka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si qota dheer uga hadlay guusha iyo dib u doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Jawaari ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu fursadaan dib u doorashada ah ku helay nabadoonimadiisa, isagoo ka sheekeeyey waayihii ay soo wada shaqeeyeen, kuna amaanay aqoonta, adkeysiga iyo aqoontiisa dowlad-dhiska.

Sidoo kale guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in hey’adihii dowladda ee la dhisay sanadihii 2014 iyo 2015-kii oo ah xiliyadii ay aad u dhisantay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh kadib aan waxaba lagu kordhin dhismaha dowladnimada.

“Aniga iyo Xasan Sheekh mudo dheer ayaan soo wadashaqeynay, dhismaha hey’adaha dowladda waxaa lagu guuleystay 2014 ilaa 2015-kii, laakiin shan sano kadib meeshii uu uga tegay ayey shaqadu joogtaa, sidaas darteed dib u doorashada Xasan Sheekh, waa guul u soo hoyatay dhismaha hey’adaha dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Sidoo kale wuxuu sheegay in doorashadaan lagu arkay arrimo aan horay loo arki jirin oo ugub ah, sida in xubin ka tirsan guddoonka baarlamaanka loo doorto gabar iyo in dib loo soo doorto Madaxweyne horay u soo maamulay dalka.

Prof. Jawaari ayaa aad u amaanay Ra’iisul wasaare Rooble iyo labada Xoghaye ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo u soo dhabar adeygay in howlihii dhameystirka doorashada.

Wuxuu soo jeediyey in la abaal mariyo oo ugu yaraan shahaado sharad la guddoonsiiyo, Rooble, labada xoghaye ee BFS, shaqaalaha kale ee baarlamaanka iyo guddigii doorashada Madaxweynaha.

Halkaan hoose ka daawo

Wararkii ugu dmabeeyey qarax maanta ka dhacay BALCAD + Khasaaraha

0

Balcad (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ka dhashay bam-gacmeed ayaa lagu soo warramayaa in lagu weeraray maqaayad ku taalla gudaha degmada Balcad, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in maqaayadda la qarxiyey ay inta badan tegi jireen shaqaale ka tirsan maamulka degmada.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxaan uu sababay khasaare u badan dhaawac, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxan, kuwaas oo kala ah guddoomiyaha maxkamadda Balcad, guddomiyaha tuulada Mareerey iyo mid ka mid ah nabadoonnada Hirshabelle, sida uu VOA u xaqiijiyey Gaashaanle Dhexe Xuseen Macallin Cabdulle oo ah taliyaha saldhigga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana dhaawacyada ka dhadhay weerarkaasi qaraxa ah la geeyey isbitaallo ku yaalla gudaha degmadaasi.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fuliya degmada Balcad iyo deegaanada hoos yimaada ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Maxay dib usoo laabashada Mareykanka ka bedeli kartaa DAGAALKA Al-Shabaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Gaashaanle Sare Axmed Cabdullaahi Sheekh oo horey u usoo noqday taliyaha ciidanka sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa wareysi uu siiyey VOA kaga hadlay talaabada uu Isniintii qaaday Madaxweynaha Mareykanka oo fasaxay in boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada dalkaas lagu soo celiyo Soomaaliya.

Axmed Cabdullahi ayaa soo dhoweeyey go’aanka kasoo baxay dowladda Mareykanka, wuxuuna tilmaamay in lagu soo aadiyey xilli loo baahnaa, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay tallaabada muujineyso farriinta Mareykanka ee ku aadan la shaqeynta Madaxweynaha cusub iyo dowladdiisa.

“Waa tallaabo aad u fiican waxaa weeye go’aan xilligiisa lagu soo aadiyey, farriintaasna waxay ku socotaa Madaxweynaha cusub iyo Ummadda Soomaaliyeed inay Mareykankana garab taagan yihiin, waana loo baahnaa taageeraadaasi” ayuu yiri Gaashaanle Sare Axmed.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in markii Mareykanka uu la baxay ciidamadiisa, isla-markaana uu yareeyey howl-galkiisa Soomaaliya ay soo laba kacleeyeen Al-Shabaab.

Gaashaanle Sare Axmed Cabdullaahi ayaa hoosta ka xariiqay in go’aanka Mareynka uu wax wey ka bedeli doono dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan weerarada ay fuliso kooxda.

“Wax weynbey tari doontaa hadda tusaale dhowaan waxay soo weerareen Burundigii Ceel Baraf meesha ay daganaayeen ciidamada ATMIS xasuuq weyn ayey meesha gaarsiiyeen marka waxaa weeye cabsidii awelba ku jiri jirtay xoogaa waxaa moodaa inay meesha ka baxday. Marka inay Mareykankii soo noqdaan oo ay la socdaan dhaq-dhaqaaqooda oo ciidamadii dowladda ee weliba Kumaandooska taageeradooda dib u bilaabaan ayna u diyaar garoobaan dagaalkaas,” ayuu markale sii raaciyey Gaashaanle Sare Axmed Cabdulllahi.

Mareykanka ayaa si toos ah uga qayb qaata la dagaalka Al-Shabaab, isaga oo fuliyo duqeymo dhanka cirka ah, sidoo kale wuxuu tababar iyo taageero siiyaa ciidanka Danab.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo dhambaal muhiim ah gaarsiiyay Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Edward Andre Jr. ayaa shalay booqasho ugu tegay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxaana uu gaarsiiyay dhambaal hambalyo ah oo uu ka siday wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka.

Larry Edward Andre Jr. ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo u rajeeyay in xilka cusub ee loo igmaday guud ahaan Soomaaliya ugu adeego si hufan.

Safiirka ayaa sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh soo gaarsiiyay fariin hambalyo ah oo ka timid wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka, iyadoo fariintaasi lagu adkeeyay xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan ayaa la kulmay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Muqdisho, Mehmet Yilmaz, isagoona ugu hambalyeeyay guusha Xasan Sheekh.

Mehmet Yilmaz ayaa sidoo kale, dhambaal hambalyo ah oo uu ka siday dowladdiisa u gudbiyay Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona tilmaamay in dowladda Turkiga ay garab taagan tahay.

Kullamada iyo hambalyada ka imaanaya dalalka saaxiibka la ah Somalia ayaa isa soo kordhaya ee loogu hambalyeynaayo madaxweynaha cusub oo xalay doorashadii dhacday cod aqlabiyad leh kaga guuleystay madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Hub laga bixiyey keydka hay’adda sirdoonka ee NISA

Muqdisho (Caasimada Online) –  Warar lagu kalsoon yahya oo aan helnay ayaa sheegaya in shalay hub laga bixiyey keydka hubka hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka ee NISA, maalin kadib doorashadii madaxweyne Xasan.

Hubkan ayaa la sheegayaa inay bixiyeen taliyaha NISA xidlhibaan Yaasiin Farey, xildhibana Cabdullaahi Kulane Jiis oo ka mid ah saraakiisha sare ee NISA iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere.

Ma cadda ujeedka hubkan loo bixiyey balse waxaa suurta-gal ah in looga faa’iideysanayo xaaladda kala guurka ee uu dalka galay.

Hay’adda NISA ayaa mudadii uu xilka hayey Farmaajo lagu eedeeyey inay noqotay hay’ad ku lug leh arrimo siyaasadeed, oo aan xoogga saarin shaqadii loo diray ee sugidda amniga qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu isbeddel ku sameeyo hoggaanka hay’adda marka uu xukunka la wareego toddobaadka soo socda, ee uu Villa Somalia baneeyo madaxweyne Farmaajo.

Dadka amniga darsa ayaa sheegaya inay noqon doonto shaqo adag in hay’adda dib u habeyn lagu sameeyo, oo laga dhigo hay’ad ku shaqo leh amniga oo siyaasad ka madax banaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ma ka dhabeyn doonaa ‘inuusan aargoosi jiri doonin’

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kahor doorashadiisii wuxuu balan qaaday in haddii uu xilka ku guuleysto uusan maamulka uu hoggaamin doono dib u soo gocon doonin dhaqamadii tabashooyinka kooxda xilka wareejin doonta ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa khudbaddii uu ka jeediyay xafladdii uu sida gaarka ah ugu qabtay taageerayaashiisa wuxuu ku sheegay in aysan jiri doonin ka aarsi siyaasadeed iyo waa iga ra’yi duwanaa, islamarkaana cid gaar ah oo lagu dhibaateyn doonin.

“Waxaan damaanad qaadayaa ciidanka, shaqaalaha dowladda iyo cidkasta oo Soomaali ah, waxa la yiraahdo ka aarsi siyaasadeed inuusan dalkan ka jireyn, waa iga ra’yi duwanaa, intoow ka dhacay la leeyahay oo la beegsanayo ama loo ciqaabaayo, xukunka aan aniga hoggaamiyaha ka ahay hoostiisa maka dhici doonto, ma iloowi karno wixii xun ee dhacay laakiin waan cafin karnaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo dalbaday in wixii horay la laabo oo bog cusub Soomaalida loo furo, gaar ahaan maamul goboleedyada ayuu soo hadal qaaday in macaamilkooda lasoo celin doono.

“Kuwii siyaasiyiinta ahaa ee qaraabadooda, ilmahooda shaqada looga eryay hebel ayey ka ra’yi duwan yihiin awgeed, shaqadooda waa lagu soo celinayaa Insha Allah,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaa raaciyay in aysan jiri doonin hebel ayaa naga ra’yi duwan awgeed inaan shaqada looga eryi doonin.

Sidoo kale, balan qaadyadiisa shacabka ay sugayaan ayaa waxaa ka mid ah in howsha koowaad ee uu qabanaayo inay tahay soo celinta dhalinyaradii lagu weysanaa dalka Eritrea ee dowladdii Farmaajo si qarsoodi ah ugu qaaday dalkaasi, dhalinyaradaasi oo war iyo wacaal laga heyn tan iyo markii la qaaday.

Madaxweyne Xasan ayaa balan qaadkiisa koowaad ka dhigtay inuu dabagal iyo akhbaartooda uu raadin doono, islamarkaana si deg deg ah dalka loogu soo celin doono wixii nool ee naf ay ku jirto, isagoo u beer qaboojiyay waalidiin badan oo la murugeysan wiilashoodii oo aan nolol iyo geeri midna ku ogeyn.

Balan qaadyadaasi ayaa tijaabo u noqon doona madaxweynaha cusub ee mar kale xukunka kusoo laabtay, waxaana la ogaan doonaa inta lagu guda jiro boqolka maalmood marka xukunka uu si rasmi ah ula wareego.

Faham la’aanta ka jirta qaab dhismeedka wasaaradaha dowladda SOOMAALIYA

Ugu horrayn , bismallahi raxmani raxiim, alla mahad leh, rasuulkiisaana sharaf leh. 

Qoraalkani waa mid dhaxal reeb u ah, ruux kasta oo uilaaheey u sahlo inuu hoggaanka dalka qabto. Waa qoraal ku saabsan muhiimadaha koowaad ee laga doonaayo in ay ka miro dhaliso xukuumadda cususb ee  soo socota. Dunidan waxaa horumar baahsan gaara dalka kulansada labo arrimood, dad aqoon badan leh, iyo dhaqaale baahsan. Soomaalidu waa suurto gal, laakiin tiro badan oo kaafin karta baahiyeheenna muhiimka ah lama heli karo, sidaa awgeed waxaa lagu qasaban yahay aqool tayeysan iyo tabihii looga faaiideysan lahaa inta aan heli karno.  

Qaab dhismeedka wasaaradaha dowladda 

Qaab dhismneedka wasaaradaha ee hadda jira waa mid duugoobay oo laga kaaftoomay (redundant) ee aan la jaan qaadi karin baahiyaha waqtiga la joogo, iyo mustaqbalka. Waxaa is dhex daadsan wasaaradaha soo socda. Wasaradaha laga kaaftoomay ee macno la’aan u jira, halkaaso dhaqaale badan lagu qasaariyo, oo wax faa’iido ah laga helin. Tusaale, wasaarada hawlaha guud iyo guryenta iyo dib u dhiska. Hawlaha guud waa maxay, waa biyaha, korntada, jidadka, buundooyinka, dhismaha dekedaha iyo garoomada diyaaradaha iyo IWM. Waa wasaarada loogu talo galay xilligii shuuciyadda ama hanti wadaagga la dhisay. Xilligaas private sector ma jirin. maanta waxaan leenahay private sector ama hayado gaar loo leeyahay oo hawlahaas qaban kara.  Manta dalku waa federal, maamul goboleedyadu iyagaa ku filan iney hawlahaas qabsadaan. Kaliya qandaraas tartan daah furan loo qabto, cidii ku guuleystana laa siiyo. Wasaaradan waxaa laga dhigi karaa Directorate ama agaasin leh 50 qof oo khubaro sare ah ka tala bixiya siyaadaha iyo guud ee hufnaan ee lagu maareynaayo hawlaha aan kor kusoo sheegay. Uma baahna wasaarad ay u shaqeeyaan 500 shaqaale oo mushaar macno la’aan qaata.  

Wasaraada xoolaha. Sidoo kale xoolaha dadka iska leh ayaa dhaqda, Berigii hore xoolaha waa dhoofin jirtay dowladda, hadda waxaa dhoofsada dadka iska leh xoolaha. Marka wasaaraddu maxay qabaneysaa??? kaliya waxaa loo baahan yahay khubaro ku xeel dheer caafimaadka xoolaha oo cilmi baaris ku badqabka iyo tayeynta xoolaha Soomaaliya. Sidoo kale wasaarada weynaatay oo ay u shaweeyaan shaqaale tiro badan uma baahna.  

  • Wasaaradda kaluunka waa sidoo kale 
  • Wasaarada beeraha waa sidoo kale.  

Gunaanad. Seddexda wasaaradood waxaa laga dhigi karaa hal wasaarad oo loogu magic daray wasaaradda dhaqaalaha. Ogoow xoolaha, kalluunka, iyo beeruhu waa lafdhabarata dhaqaalaha soomaalia. Marka waxey noqon karaa seddex agaasin oo kal ah agaasinka beeraha, agaasinka xoolaha, agaasinka kalluunka.  

Waarada biyaha iyo tamartu maxat qabataa? Koronto iyo biyo comapniyaahs private ayaa bixiya, sidoo kale looma baahna shaqale badan oo mushaar la siiyo. Waxay u baahan tahay khubaro kooban oo hoggaamisa istraatiijiyda fog ee siyaasada lagu maaeyrnaayo tamarta iyo biyaha soomaaliya. Waxaa laga dhigi karaa agaasin ama wakaalad leh khubaro kooban. 

Wasaaradda warfaafinta waa wasaarad loogu talo gay iney dicaayadaha dowadda faafsio oo loogu talo galay in shacabka lagu jaho wareeriyo war beenaadka lagu amaanyo hoggaanka dalka. Dalku wuxuu leeyahay idaacado gaar loo leeyahay. Kaliya waxaa loo baahan yahay wakaalad kormeerta idaacadaha gaarka loo leeyahay hufnaanta wararkooda iyo macluumaadka ay shabaka u gudbinayaan. Looma baahna wasaarad leh dhaqanka oryateeshimaddii kacaanka oo ummadda ku jaho wareerisa heeso lagu amaanayo hoggaAnka dalka haya.  

Horumarinta Dowladnimada 

  • Dastuur qabyo ah 

Datuurku waa heshiis bulsho iyo tiirka ugu muhiimsan dowladnimada. Haddii datuurkeennu qabyo yahay, waligeen waxaan ahaaneynaa bulsho aan heshiis ahayn, waxaana dhaceysa inaan sharciga loo hogaansamin oo madaxweyne walba sidii doono sharciga ka yeelo sidii inuu sharciga ka sarreeyo oo dowladnimadu noqoto hayd koox gaar ahi ku sghqeysto. Tusaale waxaa noogu filan shanti sano ee lasoo dhaafay. Sidaan awgeed waa in la si degdeg ah loo qabyo tiraa

  • Maxkamadda dastuuriga ah iyo garsoor madax banaan. Wali lama hayo. Haddaan sharciga lagu kala baxayn, sow ma muuqato in shargica qof walba siduu doono u fasiran mayo, oo ganmaha la isula tagi mayo. Waa tii dhacday markuu madaxeyne Farmaajo labo sano oo jeebkiisa ku darsaday. Maxaa ka  dhashay? 
  • Gobolka Banaadir – xagge lagu arkay Seddex million oo aan matalaad ay soo doorteen aan lahay? Madaxweynihii villa Soomaaliya qabta ayaa siduu doono ka yeela. Canshuurtoodana waxba loogu qaban. Jidadkii laga xiray oo isu sodka shacabka deggen iyo hantidooduba ku baa’ba’aan.  Waa maxay caddaalad darrada ka weyn ee bini’aadam samayn karo? Maxaa waxaa la sugayaa in shacabka banaadir deggen hubkood qaatan dabdedna aan la mahadin?
  • Maxaa loo la’ yahay in la qabto doorasho qof iyo cod ah si looga gudbo xildhibaanno iyo snetaro kooban doortaan madaxweyna. Sow ma in carabta cigaallayeda, yam yam iyo qadaad weyn adeegsadaan usoo dhiibaan wiilal calool buuran oo sidii abeeso lugaaleydii u socda kuna iibsadaan qaranimada Soomaaliya. Ma nin la leeyahay oo camiil u ah dowado shisheeye ayaa lagu aamini karaa aayaha geeddi socdoka umadda Soomaaliya.  
  • Xaggee lagu arkay qaran aan lahayn siyaadad hagta cilaaqaadka arrimaha dibadda ee dowladaha aan danaha wadaagno. Sow noqon meyso in madaxweynihii yimaada danahiisa shaqsiyaydeed u burburin mayo danaha qaranka ee sooyaalka ah. Side dal aan dagaal taariikhi ah naga dhaxeeyey, intaan shah iyo kafee isla cabno madaxdooda u oran karnaa saaxiibo ayaan nahay dhulkeenna iyo baddeena siinno. Sow ma muuqato madax caqli carruureed leh galin meyso halis weyn qarinimada Soomaaliya.  
  • Xaggee lagu arkay wiil ama hooyaddi wali irmaan tahay oo general ah? 
  • Xaggee lagu arkay dadweyne ama xildhibaano badan oo safaf ugu jira airpt dhexdiisa iney soo dhoweeyan madaxda dalka. Soomaaliya kaliya ayey ka jirta. Sow dhaqan xumo gaamurtay oo in wax laga qabto u baahan.  Sow maaha mid ka mid dhaqan xumada dhalisa kali talisnimada.

Waxaan filyaa intaa iyo in ka badan oo qaldan in si degdeg ah wax looga qabto si  dolwanimada Soomaaliya karaamo iyo sharaf yeelto. 

Mahadsanidin
Abdullahi Roble
[email protected] 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Xog: Dagaalkii Farmaajo iyo Kheyre ee Teendhada Afisyoone iyo sida Farmaajo looga aarsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay Muqdisho ka mid mid ah doorashooyinkii ugu xiisaha badnaa ee loogu tartamayey xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, waxaana mar kale xilkaas loo doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa ka adkaaday saddexdii musharax ee kale ee lasoo gudbay wareegii koowaad ee doorashada kuwaas oo kala ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre.

Waxyaabaha laga diiwaan geliyey doorashadii xalay ayaa waxaa ka mid ah in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu diiday inuu tanaasul u sameeyo Xasan Cali Kheyre oo Ra’iisul Wasaare u ahaa saddex sano iyo bar oo ka mid ah shantii sano ee uu xukunka hayey, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegii koowaad ee doorashada helay 59 cod, halka Xasan Cali Kheyre uu helay codad gaaraya illaa 47 cod.

Xasan Cali Kheyre iyo kooxdiisa ololaha ayaa markii uu dhammaaday wareegii koowaad waxay kulan la yeesheen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoo ka codsaday inuu tanaasul u sameeyo, ayaga oo u sheegay inuusan rajo badan laheyn, islamarkaana uu codadkiisa ku taageero Kheyre, si uu u gaaro wareegga saddexaad.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la tashi la sameeyey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu dambeyn ku gacan sayray codsiga Kheyre, wuxuuna Farmaajo ku adkeystay inuu tartami doono wareegga labaad.

Kheyre ayaa la rumeysan yahay inuu wareegga Sedexaad usoo gudbi lahaa haddii uu taageero ka heli lahaa kooxdiisii hore ee Nabad iyo Nolol, balse waxaa muuqatay in kooxdaas aysan aqbali karin inay arkaan Kheyre oo dalka madaxweyne ka ah, iyagana ay dibad joog ka yihiin.

Go’aanka uu qaatay Farmaajo ayaa ugu dambeyn sabab u noqday inuu fursad weyn helo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka faa’idestay tanaasul la’aanta ka dhacday natiijada wareegii koowaad.

Saddexda musharax ee uu wajahay Xasan Sheekh, waxaa la rumeysan yahay in Kheyre uu noqon karo musharaxa ugu loolanka adag.

Si kastaba, Xasan Cali Kheyre ayaa markiisa ka aarsaday Farmaajo markii ay isku soo hareen isaga iyo Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna inta badan codadka taageerayaashiisa  u wareejiyey dhanka Xasan si loo reebo Farmaajo.

Kheyre iyo Farmaajo ayaa kala tagay waqtigii dalka loo diyaarinayey doorasho kadib markii uu Kheyre ka horyimid, sida uu rabo Farmaajo in doorashada loo wajaho, waxaana xilligaas la rumeysnaa inuu Kheyre yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, waana taas sababta in si aan dastuurka waafaqsaneyn xilka looga qaaday.

Kheyre wuxuu shalay muujiyey wacadro isaga oo helay codad ka badan intii la filayey, wuxuuna u muuqdaa inuu leeyahay mustaqbal ifiya, haddii uu isa sii dhiso afarta sano ee soo socota.

Beesha caalamka oo ka hadashay doorashada Xasan, mid ku amaantay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeedka ay si wadajir ah u soo saareen wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa ugu horeyn loogu hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee xalay la dooray Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku amaantay sida uu u fuliyay dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana uu u aqbalay natiijadii doorashada.

“Waxaan Madaxweynaha xilka ka sii degaya Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ uga mahadcelineynaa sida uu u fuliyay dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya isagoo si dhakhsa ah u aqbalay natiijada doorashada, una ballanqaaday inuu garab taageeri doono madaxweynaha dhaxli doona,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa loogu mahadceliyey guddoonada baarlamaanka Soomaaliya, howlwadeennada xirfadleyda ah, xubnaha Guddiga Wadajirka ah ee doorashadii Madaxweynaha, ciidamada amniga Soomaaliyeed iyo ATMIS, kuwaas oo hirgeliyey “qabsoomidda doorasho Madaxweyne oo habsami leh, nabdoon oo ammaan ah.”

“Anagoo ah saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya, waxaan weli ku taaganahay ballan-qaadkeena aan u hayno Soomaaliya. Waxaan rajeyneynaa inaan fahamno arrimaha hortebinta u leh Madaxweynaha cusub, si aan uga wada shaqeyno horumarinta nabad, barwaaqo iyo dowladnimo suuban oo ka hanaqaada Soomaaliya,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka beesha caalamka.

Waxaa qoraalkaan wadajir u soo saaray dalalka iyo ururrada kala ah: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Shiinaha, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Sawirro: Rooble oo hoygiisa ugu tegay madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa hoygiisa ku booqday Madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Rooble ayaa hambalyo iyo salaam ugu tegay Madaxweynaha, sida lagu shaaciyey qoraal uu soo saaray xafiiska Ra’iisul Waaaaraha, sidoo kale Rooble ayaa Alle uga

“Ra’iisul Waaaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa booqasho hambalyo iyo salaan ah ugu tagay madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo xilka Qaran ee loo doortay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xasan Sheekh oo xalay loo doortay madaxweynaha dalka ayaa maanta sameeyey kulamo culus oo uu la yeeshay madaxda kale dowladda, sida guddoomiyaha golaha shacabka, saraakiisha ciidamada xoogga iyo booliska, Ra’iisul wasaaraha iyo siyaasiyiin kale.

Wasiirrada Gaashaandhigga, Amniga, Waxbarashada iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa Ra’iisul wasaaraha ku wehliyey booqashadaan uu ugu tegay Madaxweynaha cusub ee dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmay halgamaa Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo Muqdisho ku sugan, Qalbidhagax ayaa galabta Madaxweynaha ku booqday hoygiisa, isagoo hambalyo ugu tegay.

Madaxweyne Joe Biden oo saxiixay go’aan xasaasi ah oo ku saabsan Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu celinaya Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horey u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab ay wiiqday go’aankii madaxweynihii hore Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ayaa laga soo qaadi doonaa qeybo kale oo ka mid ah Afrika si ay tababaro iyo taageero u siiyaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, oo loo arko ururka ugu weyn uguna hodansan ee xiriirka la leh Al-Qacida.

Go’aankan ayaa looga dan leeyahay “in lagu kordhiyo badqabka iyo wax ku oolnimada ciidamadeena, loona suurta-geliyo inay taageero wax ku ool ah siiyaan saaxibadeena,” waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Adrienne Watson oo ku dhowaaqday go’aankan.

Tirada guud ee ciidamada Mereykanka ee Soomaaliya ayaa noqon doonta “ku dhowaad 500” loomana dirayo inay ka qeyb-galaan dagaal toos ah, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden oo codsaday inaan la magacaabin.

Taa beddelkeeda, ciidamada waxay la shaqeyn doonaan ciidamada Soomaaliya si ay u sugaan amniga shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka iyo hay’adda USAID ee Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaalka.

Madaxweyne Trump ayaa bishii Janaayo 2021, maalmo kahor inta aanu ka tegin xafiiska, wuxuu Soomaaliya kasoo saaray 700 oo askar Mareykan ah, taasi oo qeyb ka aheyd siyaasad guud oo uu dalka ugu soo celinayey ciidamada Mareykanka ee dibedda ku maqan.

Hase yeeshee, hoggaamiyayaasha militariga ayaa sheegay in taasi ay lumisay waqti, islamarkaana qaboojisay dardartii ciidamada Mareykanka ay kula dagaalamayeen Al-Shabaab.

Go’aanka Biden ayaa waxaa markii ugu horeysay shaaciyey wargeyska New York Times, oo sidoo kale sheegay in madaxweynaha uu saxiixay codsi Pentagon-ka uu ku beegsanayo tobaneeyo hoggaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab.

AP

Laba dal oo saameyn ku leh Soomaaliya oo weli aan ka hadlin doorashada Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii madaxweynaha dalka loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud waxaa isa-soo tarayay Dalalka iyo Ururada Caalamiga ah ee sida weyn u soo hambalyeynaya madaxweynaha cusub.

Waxaa sidoo kale jira wadamo aan illaa hadda ka hadlin natiijada doorashada, islamarkaana dhambaal hambalyo ahna usoo dirin madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxaana kamid ah Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo ayagu sida la fahamsan yahay saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doorashadii xalay kusoo baxay 214 cod, halka murashaxa la tartamayay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 110 cod.

Tan iyo markaas waxaa iska soo daba dhacayay hambalyada madaxweynaha cusub ay usoo dirayeen dalalka iyo ururada caalamiga ah, kuwaasi oo ay kamid yihiin UK, Jabuuti, Jarmalka iyo Itoobiya.

Sidoo kale shacabka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa isugu soo baxay waddooyinka, waxaana dhacayey rasaas si loogu dabaal dego natiijada doorashada oo lagu dhowaaqay saqdhexe.

Xasan Sheekh ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee mar labaad ku soo noqday xukunka dalka, wuxuuna xilka kala wareegayaa Farmaajo oo horay uu xukunka ugu wareejiyey shan sano ka hor, sanadkii 2017-kii.

Doorashadaan oo soo bilaabatay shalay duhurkii ayaa lagu kala baxay saqdii dhexe ee xalay, waxaana sidaas ku soo xirmay todobaadkaan jiitankii dheeraa ee doorashada Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo horay ugu guuleystay in dowladii uu hoggaaminayey ay rasmi noqoto oo KMG ka baxdo burburkii kadib, wuxuu markale noqday Madaxeynaha 10-aad ee Soomaaliya, waxaana horyaalla howlo badan oo muhiim ah.

Madaxweyne Xasan oo kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd kulan la yeeshay Taliyeyaasha Xoogga iyo Booliska Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxa uu madaxweynaha kaga dhageystay Taliye Xijaar iyo Odowaa warbixinta guud ee amniga dalka iyo weliba qorshayaasha hortebinta leh xiligaan kala guurka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisa ay muhiimada koowaad u yahay Amniga dalka, asaga oo taliyeyaashana ku booriyay dardar-gelinta howlaha amni ee bulshada u hayaan.

Kulankaan ayaa kamid ah kulamo is-daba joog ah oo madaxweynaha cusub uu la yeelanayay mas’uuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Xasan Sheekh ayaa xalay guul taariikhi ah kasoo hooyay tartankii doorashada, wuxuuna noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee mar labaad ku soo noqday xukunka dalka, isaga oo xilka kala wareegaya Farmaajo oo horay uu xukunka ugu wareejiyey shan sano ka hor, sanadkii 2017-kii.

Xasan Sheekh ayaa wareegii 2-aad uga soo gudbay 110-cod, halka uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga soo gudbay 83-cod, waxayna labada musharax ku kala hareen wareegii ugu dambeeyey ee 3-aad.

Doorashadaan oo soo bilaabatay shalay duhurkii ayaa lagu kala baxay saqdii dhexe ee xalay, waxaana sidaas ku soo xirmay todobaadkaan jiitankii dheeraa ee doorashada Soomaaliya.

Uhuru oo war kasoo saaray doorashada Xasan Sheekh, ballanqaadna sameeyey

Nairobi (Caaismada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ee xalay la doortay Xasan Sheekh Maxamuud, oo mar kale kusoo laabtay hoggaanka dalka. 

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Kenya ayaa lagu yiri “Madaxweyne Uhuru Kenyatta wuxuu u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee loo doortay Jamhuuriyadda federaalka Soomalaiya, Xasan Sheekh Maxamuud.” 

“Wuxuu fariintiisa hambalyada, madaxweyne Kenyatta ugu rajeeyey madaxweynaha cusub caafimaad wanaagsan iyo guul isaga oo la wareegaya hoggaanka, wuxuuna u xaqiijiyey sii wadista Kenya ee iskaashiga iyo saaxiibtnimada.” 

Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa ka dhaxeeyey xiriir aad u xun oo ka dhashay taageerada Kenya ee madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, iyo Farmaajo oo joojiyey khaatkii Kenya, kuna beddelay kan Ethiopia oo loo xiray dad ay isku dhow yihiin. 

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa sidoo kale horey uga dhaxeeyey xiisad ka dhalatay kiiskii badda ee Soomaaliya ay ku adkaatay, kaasi oo Maxkamadda ICJ uu geeyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa ballan-qaaday inuu Soomaaliya ka dhigi doono “dal heshiis ah, dunidana heshiis la ah.”

Sawirro: Xasan iyo Aadan Madoobe oo yeeshay kulan deg deg ah + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, oo door weyn ka qaatay dhameystirka doorashada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa salaan iyo hambalyo ugu tagay madaxweynaha cusub oo xalay ay doorteen Baarlamaanka labada Aqal.

Kulana labada masuul ayaa ahaa is xog-wareysi iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa geedi socodka nabada iyo xasilooni siyaaseed oo wadajir ah, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Xasan Sheekh ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee mar labaad ku soo noqday xukunka dalka, wuxuuna xilka kala wareegayaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo horay uu xukunka ugu wareejiyey shan sano ka hor, sanadkii 2017-kii.

Xasan Sheekh ayaa wareegii 2-aad uga soo gudbay 110-cod, halka uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga soo gudbay 83-cod, waxayna labada musharax ku kala hareen wareegii ugu dambeeyey ee 3-aad.

Doorashadaan oo soo bilaabatay shalay duhurkii ayaa lagu kala baxay saqdii dhexe ee xalay, waxaana sidaas ku soo xirmay todobaadkaan jiitankii dheeraa ee doorashada Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo horay ugu guuleystay in dowladii uu hoggaaminayey ay rasmi noqoto oo KMG ka baxdo burburkii kadib, wuxuu markale noqday Madaxeynaha 10-aad ee Soomaaliya.

 

Dalal iyo urur caalami ah oo sheegay waxa ay ka dhigan tahay guusha Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah dalalka iyo ururada caalamiga ayaa soo dhoweeyey doorashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xafiiska la wareegaya kadib bilo ay Soomaaliya ka jirtay xasillooni la’aan siyaasadeed.

Shacabka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa isugu soo baxay waddooyinka, waxaana dhacayey rasaas si loogu dabaal dego natiijada doorashada oo lagu dhowaaqay saqdhexe.

Xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa madaxweynaha cusub ugu hambaleeyey guushiisa. “Waxaan rajeyneynaa inaan isaga iyo kooxdiisa kala shaqeyno horumarinta ahmiyadaha qaran, sida nabadda, ammaanka iyo xasilloonida, sanadaha soo socda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska UNSOM.

Safiirka UK ee Afrika ayaa sidoo kale u hambaleysay madaxweyne Xasan, oo horey dalka usoo hoggaamiyey 2012 illaa 2017, kaasi oo noqday madaxweynihii ugu horreeyey dalka ee dib loo doorto. 

UK “waxay rajeyneysaa inay si dhow ula shaqeyso oo ay ka taageerto xasillooni dhisidda, wax ka qabashada Al-Shabaab iyo taageerada kuwa ay saameeyeen abaaraha,” ayey twitter kusoo qortay wasiir Vicky Ford.

Madaxweyne Xasan ayaa ballan-qaaday inuu Soomaaliya ka dhigi doono “dal heshiis ah, dunidana heshiis la ah.”

Urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in guusha Xasan Sheekh “ay daliil cad u tahay aaminaadda iyo kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabaan tayada hoggaankooda.”

Safaaradda Jarmalka ee Muqdisho ayaa iyana qoraal ay soo saartay ku tiri “Hambalyo madaxweyne Xasan Sheekh in lagu doortay mar kale, Hambalyo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed in lasoo geba-gebeeyey hanaan doorasho oo si weyn dib ugu dhacay. Waa waqtigii horey loogu dhaqaaqi lahaa mustaqbal nabad iyo barwaaqo ah oo ay Soomaaliya yeelato.”

“Erayo kuma muujin karo sida aan u faraxsanahay, Inshaa’Allah. Aad iyo aad ayaan u faraxsanahay,” ayuu yiri Xasan Maxamuud Maxamed oo ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho oo la hadlay wakaaladda wararka AFP.

Ka sokow wax ka qabashada abaarta iyo amniga, madaxweyne Xasan waxaa sidoo kale laga sugayaa inuu dhayo boogihii ka dhashay bilo dagaal siyaasadeed ah oo ka dhex-jira dowladda iyo dowladda iyo maamul goboleedyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii xalay la dhaariyey wuxuu madaxweyne Farmaajo ku amaanay inuu sahlay in si nabdoon xukunka lagula kala wareego. “Waa inaan horey u dhaqaaqnaa oo aynaan dib u laaban. Waa inaan dhaynaa dhammaan booigihii,” ayuu yiri.  

UK oo ballan-qaad culus u sameysay madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa war kasoo saartay dhameystirka doorashada Soomaaliya, gaar ahaan guusha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay mar labaad loo doortay inuu hoggaamiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

UK ayaa ballan-qaad u sameysay Madaxweynaha cusub, kadib qoraal ay soo saartay Vicky Ford oo ah wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika.

Vicky Ford ayaa marka hore shaacisay inay u hambalyeneyso Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xafiiska loo dhaariyey.

“Hambalyo Xasan Sheek Maxamuud, oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya,” ayeyey tiri wasiirka arrimaha Africa ee UK, Vicky Ford.

Qoraalkan oo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa waxa ay sidoo kale ku sheegtay inay kala shaqeyn doonaan dowladda cusub amniga, la dagaalanka Al-Shabaab iyo caawinta dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha soo laa laabtay ee ku dhuftay Somaaliya.

“UK waxay rajeyneyaa inay sii waddo shaqada wada shaqeynta dhow ee ay Soomaalida uga taageereyso dhismaha xasilloonida, la dagaallanka Al-shabaab iyo taakuleynta dadka ay saameeyeen abaaraha ba’an” ayay markale qoraalkan ku tiri Vicky Ford.

Ingiriiska ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u taageera dowladda federaalka ah, wuxuuna mashariic kala duwan ka fuliyaa gudaha dalka Soomaaliya.

Muxuu Feysal Cali Waraabe ka yiri doorashadii Xasan?

Hargeysa (Caasimada Online) –  Guddoomiyha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Mudane Feysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id Wariyeyaasha ugu qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay doorashadii xalay ka dhacday Muqdisho.

Feysal Cali Waraabe oo boggaadiyey qaabka ay u dhacday doorashada ayaa u hambalyeeyey Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad doortay Madaxweyne.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in xalay uu soo jeeday, si uu ula socdo ku dhowaaqista natiijada doorashada.

“Aniga oo waligey daawan doorashada Muqdisho, xaley baan soo jeeday ilaa inta u dambeysay” ayuu yiri Feysal CalI Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID oo hadalkiisa sii wata ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha xilka haya ee laga adkaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Waxaa isoo jeediyey waxaa weeye shantaas sanadood waxaan ka seexan kari waayey ninkaa shandada sitay ee ciil qabaha ah,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh, isaga oo ka dalbaday inuu fuliyo heshiisyadii ay hore u galeen labada dhiinac.

“Waxaan leenahay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha la doortay horaa laguu doortay waxaan kaa codsanayaa horta heshiisyadii aan wada galnay inaad fuliso,”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhigay taariikh cusub ayaa helay 214 cod, halka Madaxweynihii horeyna Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isna helay 110 cod.

Abiy Ahmed oo war kasoo saaray doorashadii uu kusoo baxay XASAN SHEEKH?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa war ka soo saaray doorashadii xasaasiga aheyd ee xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo uu ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad la doortay.

Abiy ayaa hambalyo u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afarta sano ee soo socota hoggaamin doono Villa Somalia.

“Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Abiy.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu si dhow ula shaqeyn doono Madaxweynaha cusub, ayna iska kaashan doonaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo danaha gobolka.

“Waxaan rajaynayaa inaan si dhow uga wada shaqeeynno danaha guud ee labada dal iyo kuwa gobolka” ayuu sii raaciyey.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa shantii sano lasoo dhaafay saaxib dhow la’ahaa Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay looga adkaaday doorashada, kaas oo helay 110 cod, halka Xasan Sheekh Maxamuud uu isna kusoo baxay 214 cod.

Si kastaba, guusha Xasan Sheekh ayaa waxaa si weyn looga soo dhoweeyey dalka, iyada oo sidoo kale xubnaha Beesha Caalamka iyo dowladaha dariskana ay ka hadleen.