25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Wasiir ka tirsan maamulka GALMUDUG oo is-casilay

0

Dhuusamaareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdinaasir Geelle ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa.

Wasiirka Qorsheynta ayaa sheegay inuu is casilaadiisa u gudbiyey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor isla markaasna uu dib faahfaahin uga bixin doono sababta uu isku casilay.

Cabdinaasir  Geelle ayaa noqonaya Wasiirkii labaad ee iska casila Galmudug, waxaa horay sanadkii hore is casilay Wasiirkii Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka is casilaada oo uu soo dhigay bartiisa Facebook

Bismilaah,

Waxaan maanta u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug warqadii aan iskaga casilay xilkii Wasiirka   Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee Galmudug.

Waxaan gadaal kasoo faahfaahin doona sababta keentay iscasilaadeyda oo aan ku faahfaahin doono shir jaraaid.

Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa dhamaan heyadaha Dowladda Galmudug iyo shacabkeeda. Sidoo kale waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa howl wadeenada Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalmiga sida hagar la’aanta eey iila shaqeeyeen.

Macallimuu: Mucjiso ayay ahayd sidii aan uga bad-baaday qaraxa (Wareysi)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay faahfaahinta qaraxii lala beegsaday 16-kii January ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Macallimuu oo waraysigii ugu horreeyay tan iyo markii uu dhaawacmay siiyay BBC Soomaali, ayaa sheegay in marka la eego xajmiga qaraxa uu fuliyay qofka dili rabay iyo masaafada kooban ee uu u jiray, ay tahay wax mucjiso ah sida uu uga badbaaday.

Xaaladdiisa caafimaad ayaa hadda soo hagaagaysa, waxaana muddo ku dhaw lagu daweynayay cisbitaal ku yaalla Istanbul, Turkiga.

“Waxaan ka jabay bowdada midig iyo gacanta, firirna jirka ayuu iga galay. Hadda waxaan isku dayaa in aan socdo, maalinba maalinta ka dambeysa xaaladeydu way soo fiicnaaneysaa,” ayuu yiri Macallimuu.

Waxa uu si faahfaahsan uga warramay qaraxii lala beegsaday iyo xaalka sida uu ahaa subaxaas.

“Markii aan gurigeyga ka soo baxayay waxaan ahaa qof faraxsan oo shaqadiisa u socda, laakiin sekeno gudahood ayay xaaladdu is bedashay. Wiil aan adeer u ahay oo gaariga darawal ka ahaa ayaa igu yiri soo deg waan baxaynaa,” ayuu sheegay Macallimuu.

Waxa uu tilmaamay in ninka isku qarxiyay uu aad ugu dhawaa, awoodda Alle oo keliya na ay badbaadisay.

“Markaan gaariga saartay laptop-kii aan watay ayaa waxaan arkay xariga kabta oo iga furan. Anigoo xiranaya ayaa waxaan arkay qof isa soo maqiiqay oo meel aan fogeyn soo cararaya. Waxaan xusuustaa in albaabka gaariga qeybtiisa dambe aan ku riixay oo aan jug ku siiyay. Laakiin xoog iyo xeelad qofkaa looga baxsan karay ma jirin ee awoodda Alle ayaa i badbaadisay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waxa uu sheegay in markii uu qaraxa dhacay kadib ay niyadiisa u sheegtay in ugu yaraan qeyb kamid ah jirkiisa uu ka go’ay.

“Markii uu qaraxa dhacay dhulkaan ku dhacay. Qiiq madow iyo uuro ayaa afka iga buuxiyay. Markii hore waxaan is lahaa ugu yaraan qeyb kamid ah jirkaaga ayaa maqan, laakiin markii aan dhulka ku dhacay ayaan gacanta isku hubiyay. Alxamdullilah, waxaan arkay inuu jirkeyga taam yahay,” ayuu ku jawaabay Macallimuu.

Weriyahan hore uga tirsanaa BBC-da ayaa sheegay in inkastoo uu qaraxyo iyo weerarro badan kula kulmay Muqdisho, haddana uu rabo in uu ku laabto caasimadda Soomaaliya.

“Dhul kale ma qabo oo aan Soomaaliya ahayn. Anigoo intaan ka dhalinyar ayaan soo maray caasimadaha 15 dal oo Yurub ah, qaarkoodna aan ka soo shaqeeyay, weligeyna kuma fekerin in aan is dhiibo,” ayuu sheegay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in xaalad ka adag tan maanta Muqdisho ka jirta uu ku soo shaqeeyay, sidaa awgeedna uu ku qanacsan yahay dalkiisa, uuna rajeynayo in xaaladda amni ay wanaagsanaan doonto.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa sheegay in uu weli u taagan yahay kursi kamid ah Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo deegaan doorashadiisu tahay Hirshabelle.

Dhammaadkii bishii February 2019, Macallimuu ayaa ka badbaaday weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen huteelka Maka Al-Mukarama iyo goobo u dhaw, waxaana ka soo gaaray dhaawac fudud , gaar ahaan gacanta.

“Waxaan ku cararay duleel uu derbiga huteelka ku sameeyay gaarigii qarxay,” ayuu sheegay Macallimuu.

Sanadkii 2016, Macallimuu ayaa si xun ugu dhaawacmay weerar ay Al-Shabaab ka fuliyeen huteel ku yaalla xeebta Liido.

“Balli dhiig ah ayaan ku jiray muddo ka badan laba saacadood. Waxa uu dhaawac xun iga soo gaaray wejiga. Bilooyin badan ayaa la igu daweynayay cisbitaallo ku yaalla Nairobi iyo London,” ayuu Macallimuu u sheegay BBC.

Sanadkii 2013, Macallimuu ayaa la kulmay weerar ay A-Shabaab ku beegsatay xaruntii UNDP ee Muqdisho, iyadoo ay waxyeello ka soo gaartay gaarigii uu watay.

Macallimuu ayaa sheegay in marar badan ay qoyskiisa kala taliyeen tegidda goobaha ay bulshada isugu yimaadaan, gaar ahaan maqaayadaha.

Waxa uu tilmaamay in weerarkii huteel Elite uu saameyn ba’an ku yeeshay, isla markaana uu aad uga naxay in saaxiibkii ay wada fadhiyeen uu daqiiqado gudahood ku waayo.

Maxkamadda Ciidamada oo DIL toogasho ku xukuntay Xasan Maxamud Dhiblaawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo ahaa askari ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, balse horey dil ugu geystay qof shacab ahaa.

Maxkamadda ayaa fadhiyo kala duwan ka yeelatay kiiskan oo la xiriira dil uu askarigan u geystay Marxuum Maxamed Cawil oo ahaa wade Mooto Bajaajle, kaas oo dilkiisu bishii August sanadkii 2019-kii ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan isgoyska Tarabuunka.

Dhiblaawe oo falkaas dilka ah, kadib baxsaday ayaa waxaa mar dambe, gaar ahaan September isla 2019-kii  ganacata ku soo dhigay ciidamada ammaanka, kadib waxaa lagu wareejiyey hay’adaha baarista iyo xeer ilaalinta maxkamadda, si ay ula wareegaan.

Kadib xafiiska xeer ilaalinta ayaa maxkamadda horteeda la yimid qiraalka eedeysanaha, sedax marag, baarihii Kiiska, xaanshida dhimashada marxuumka oo ay u dheertahay waaran uu xafiiska xeer ilaalinta u jaray eedeysanaya, markii uu baxsaday, kadib.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saartay, waxa ayna ku xukuntay Xasan Maxamuud Dhiblaawe dil toogasha oo ah qistaasta Marxuum Maxamed Cawil Jaamac, sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay G/lle Maxamed Cabdi Muumin.

Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukunsanaha iyo qareennadiisa siisay fursad ay ku dalban karaan racfaan.

Maxkamadda Ciidamada ayaa horey xukuno kala duwan ugu ridday askar ka tirsan ciidamada dowladda oo dilal u geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

QOOR QOOR oo kulan isugu keenay CC Shakuur, Saadaq Joon iyo Kulane + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa xalay saq-dhexe kulan foolka fool ah isugu keenay siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) iyo Cabdullaahi Aadan Kulane (Jiis) oo saddexdooduba loo doortay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa is cafin, sida ay shaacisay Madaxtooyada Galmudug oo qoraal kooban kasoo saartay kulankaasi.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa kula dardaarmay saddexdaan xubnood inay ka shaqeeyaan horumarka dalka, gaar ahaan inay si dhab ah baarlamaanka ugu metelaan Galmudug.

“Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan ujeedkiisu ahaa iscafin iyo dardaaran la qaatay xubno ka mid ah Xildhibaanada la doortay oo ay ka mid ahaayeen Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane iyo Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo dhamaantood ku guuleystay Doorashada Xildhibaanada BFS ee dhawaan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah siyaasi mucaarad ah ayaa waxaa cadaawad dhinac weliba leh kala dhexeysay labadaan nin oo ka mid ah kooxda sida weyn ula shaqeyso madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo).

Saaqdaq Joon ayaa lagu xasuustaa weerarkii lagu qaaday hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa, isaguna lagu dhaawacay, kadibna la xiray, isaga oo mar dambena la saaray maxkamad.

Dhankiisa Cabdullaahi Kulane ayaa ka mid ah saraakiisha sar sare ee uu siyaagan u hayey takanaha, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha ee aadka ugu dhow Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Si kastaba, saddexdaan xubnood oo lagu wada doortay Dhuusamareeb, kuna cusub Golaha Shacabka ayaa ku biiray baarlamaanka 11-aad dalka, kaasi oo soo dooran doono madaxweyne cusub.

 

 

CC Shakuur oo ka fakaday shirqool wax u dhimi karay musharaxnimadiisa M/Weyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shalay loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo sidoo kalena ah musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, ayaa culeys xoogan kala kulmayey Villa Somalia, oo ay sanadihii dambe si weyn isku hayeen.

Villa Somalia ayaa si weyn iskugu dayday inay dhaafiso kursiga uu ku guuleystay Cabdiraxmaan, ayada oo shaqsiyaad magac leh u diyaarisay inay isku soo taagan tartanka, kuwaas oo markii dambe ku haray rabitaanka beesha iska leh kursigaas.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah xubnaha musharixiinta mucaaradka ayaa guul taariikhi ah kasoo hooyey doorashada, inkastoo uusan gelin tartan adag.

Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Galmudug, Naciimo Xuseen Cali oo la tartami laheyd Cabdiraxmaan ayaa ka tanaasushay tartanka, kadibna waxaa loo qaaday cod gacan taag ah, isaga oo helay codad gaaraya 86 cod oo ah dhammaan ergada soo xaadirtay.

Dad badan ayaa is weydiinayay in Cabdiraxmaan kursi ka soo heli doono Dhuusamareeb, hadii Cabdiraxmaan uu soo waayi lahaa kursiga beeshiisa ee golaha shacabka waxay caqabad weyn ku noqon laheyd damaciisa Villa Somalia iyo halgankii waqtiga dheeraa ee siyaasadda, taasi oo ay rabeen kooxda Farmaajo.

Way adkaan laheyd inuu gado dood ah inuu hoggaamin karo Soomaali, haddii uu jufadiisa hoose kasoo weyn lahaa kursi xildhibaan, taasi oo ka sokow xilka madaxweyne dhaawici laheyd sumacaddiisa guud.

Balse Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu kursiga kusoo qaatay si sharaf leh oo weliba la dhihi karo wuxuu yahay musharaxa xildhibaan ee kaliya ee isaga oo aan ka tegin mabda’iisa kursi kasoo qaatay madal ay ku xoogan yihin cadowgisa.

Inkastoo waxa hadda dalka ka socda aan doorasho lagu qeexi karin, hadana inaad kasoo dhex-baxdo mashruucaan doorashada shabaha ama aad ku dhacdo, waxay labadaas dadweynuhu u qaadan karaan qiimeyn toos ah.

Si kastaba, Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dardar ku socota, waxaana uu qorshuhu yahay in lasoo gaba-gabeeyo 25-ka bishan Febraayo ee sanadka 2022-ka.

Xog: Rooble oo billaabay qorshe xasaasi ah oo ka dhan ah kursiga uu rabo Fahad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wada qorshe dib loogu dhigayo doorashada kursiga uu doonayo inuu u tartamo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ee #HOP086, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u yeeray guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, wuxuuna ku amray in dib loo dhigo doorashada kursiga #HOP086 oo la filayo inay Beledweyne ka dhacdo toddobaadka socda.

Rooble ayaa guddoomiyaha u sheegay in tartanka kursigaan la qaban doono marka uu dalka dib ugu soo laabto xildhibaankii ku fadhiyey ee Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo mar kale rabo inuu u tartamo kursigan kaasoo hadda dalka uga maqan arrimo caafimaad.

Inta badan xubnaha guddiga doorashada ayaa ka horyimid qorshaha uu wado Rooble ee lasoo marsiiyey guddoomiyaha guddiga doorashada heer Federaal, waxayna ku adkeysteen in doorashada kursigaan lagu qaban doono waqtigii loogu talagalay.

Rooble oo ay horey isku qabteen Fahad Yaasiin ayaa xoogiisa isugu geynaya sidii kursigan loo dhaafin lahaa Fahad Yaasiin oo hadda ah la-taliyaha Amniga Qaranka, ama ugu yaraan loo gelin lahaa tartan furan.

Waxaa muuqata in qorshaha Rooble ay si weyn uga hor yimaadeen xubnaha guddiga, mana la garanayo tallaabada xigta ee uu qaadi doono maadaama tan ay ka fashilmatay.

Kooxda madaxweyne Farmaajo oo ciidan badan geysay magaalada Beledweyne ayaa qorsheneysa inay soo saarato xildhibaano uu ka mid yahay Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay inuu u tartami doono guddooniye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sawirro: Safaaradda Somalia ee dalka Kenya oo yeelatay dhisme weyn oo cusub

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa isbeddel weyn laga dareemaya safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee waddanka Kenya, marka loo eego marxaladihii kala duwana ee ay safaaradu ku soo shaqeysay 16-kii sanno ee u dambeeyay.

Isbeddeladan oo ah kuwa ishu ay qabaneyso ayaa waxaa ka mid ah: dhismaha safaaradda oo la balaariyay, masjid weyn oo laga dhisay gudaha safaaradda, dadka howlaha shaqo u yimaada safaaradda oo loo diyaariyay qeybo gaar ah iyo nidaamkii shaqo ee safaaradda oo ay hufnaani ka muuqato.

Safaaradda oo aan maanta booqasho ku tegay ayaa waxaa kula kulmay dad howlo shaqo u yimid, waxaanna dadkaasi ay u muuqdeen kuwa ku faraxsan howlaha safaaradda.

“Madaxdu waa 2 nuuc, mid marka uu xilka hayo xitaa isaga oo wax qabanaya ayuu mudnaanta siinaya dantiisa shaqsiga ah, midna wuxuu aamisan-yahay ummadda xilka kuu dhiibatay taariikh kaga tag: Safiir Tarzan waa dadka ay ka go’an tahay marka xil loo dhiibo inuu ummadda si daacadnimo ah ugu shaqeeyo, kana soo dhalaalo kaalintiisa,” waxaa sidaas yiri Ganacsade Muxudiin Cali oo kamid ahaa dadkii aan kula kulmay gudaha safaaradda

“Dib u fiiri taariikhdiisa weli dadku way xasuustaan wixii uu ku qabtay Gobolka Banaadir, nalalka jidadku ku dhegan maamulkiisa ayaa qabtay” ayuu sii raaciyay hadalkiisa, isaga oo sheegay in uu kamid yahay dadka ku faraxsan isbeddelka dhanka horumarka ah ee ay safaaradu ku tillaabsatay.

“Waxaan ka shaqeeyaa “Agency” howsheenu waxay tahay soo saarista viisooyinka, waxaan tegay safaarado badan oo Afrikaan iyo Asian ah, waa ka maseeri jiray safaaradahaasi marka aan howl u tago, maanta marka aan arko sida safaaradeenu u shaqeyneyso waa ku faraxsanahay in safaaradeenu u ekeeto ama la tartami karo safaaradaha caalamka” ayuu yiri Cabdinaasir Xassan, isaga oo intaasi raaciyay in dhulka safaarada weliba ay ku fadhido uu yahay dhul dalkaagii oo kale ah.

Safaarada Somaliya ee Kenya ayaa xiligaan waxay tahay safaarada ugu weyn dhisme ahaan marka loo eego dalalka Afrika safaaradahooga ku yaala dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi, safaarada ayaa xiligaan ka duwan safaaradii hore ee ay ku shaqayn jireen safiiradii soo maray 16-kii sano ee la soo dhaafay ee Danjire cali amerika iyo Danjire Jamaal.

Safaaradii hore oo ahayd mid kiro ah oo ay deganeyd safaarada ayaa ahayd dhisme aad u yar oo aysan ku habooneyn safaarad, balse safaaradan ayaa ah mid aad u wayn balac ahaan iyo dhisme ahaan, waxayna ka kooban tahay qeybo kala duwan, sida qeyb dadka ay fadhiistaan, qeyb bakin ah, qeyb adeega safaarada ay ku shaqayso, qeyb gaar ah oo ah qeybta qadashada Baasaboorka iyo xareenta iyo qeyb kale oo ah qeybta dadka balanta leh ay fadhiistaan, bulshada Soomaaliyeed ayaa xiligaan helay safaarad dhameestiran.

Sidoo kale Safiirka soomaaliya ee Kenya Danjire Tarsan ayaa waxa uu howlo muhiim ah xiligaas ka waday safaarada, intii aan ku guda jiray Howlahayga shaqo oo aan ugu kuur galayo safaarada, waxaa indhahayga qabanayeen Danjire Tarsan oo la hadlayo shacabka ku sugnaa qaybta Sugista Pasaporka, asaga oo waydiinaya xaaladooda iyo in shaqada si fiican loogu wado.

Tarsan ayaa sidoo kale waxa uu dadka ku war-galinayay inay xirtaan Maaska, maadaama xanuunka Covid-19 uu ka jiro dalalka caalamka gaar ahaan dalka Kenya, waxa uuna kula dardaarmaayay in ay kala fogaadaan si ay u yaraato qatarka Xanuunka Covid-19.

W/Q: Wariye Abdihakim Elmi Hassan
Email: [email protected]

Sawirro: Guddoomiyaha Baarlamaanka KGS oo isku soo sharraxay HOP#187

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cali Saciid Fiqi ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey musharraxnimidiisa kursiga HOP#187 ee Golaha Shacabka, Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Fiqi ayaa isla maanta qaatay shahaadada musharaxnimada, isaga oo ka guddoomay guddiga SEIT ee dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT) ayaa Shahaadada Musharaxnimada Xildhibaan Gudoonsiiyey Dr Cali Saciid Fiqi oo U-Tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-187,” ayaa lagu yiri war qoraal ah ka soo baxay guddiga.

Kursiga uu haatan isku soo sharraxay Fiqi oo si gaar ah loogu xiray ayaa waxaa horey ugu fadhiyey Shariif Sheekuna Maye oo ka tirsanaa Baarlamaankaii 10-aad ee dalka.

Dr Cali Saciid Fiqi ayaa horey isaga oo ahaa safiirka Soomaaliya ee Ururka Midowga Yurub loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, haddase wuxuu u xuubsiinayaa Golaha Shacabka, isaga oo taageero weyn ka helaya Madaxweyne Cabdiciis Lafta Gareen.

Sidoo kale ninkan waxa ay aad isugu dhow yihiin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, ayada oo wararka ay intaas ku darayaan inuu doonayo inuu u tartamo guddoonka sare ee Golaha Shacabka.

Xubnaha kale ee maanta qaatay shahaadada musharaxnimada waxaa ka mid ah wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Xamza Saciid Xamza oo u tartamaya HOP#194.

Koonfur Galbeed oo maamullada ugu horreysa doorashada ayaa soo saartay xildhibaano u badan dhalinyaro, kuwaas oo bedalay rugcadaayaashii muddada kusoo jiray Baarlamaanka.

Maxaa xal u ah boobka ku socda doorashada dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dunida kale waxay eegayaan waxa ka socda Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed waxuu xaalkoodu marayaa “Allow dhan u bixi” balse siyaasiyiinta ayaa jilaya ruwaayad natiijadeeda lasii ogyahay sida ay ku dhamaaneyso, waana boobka doorashada.

Wey adag tahay in Faallo lagu soo koobo heerka uu gaaray boobka lagu hayo doorashada Soomaaliya ee masiirka malaayiinta qaran iyo qurba joogta leh, balse aan soo yara koobno dhacdooyinka boobka muujinaya iyo laba geesoodka uu ka socdo daadka la raacsiiyay aftidii shacabka.

Kahor dhammaadka muddo xileedkii madaxda wali joogta, 2020-kii waxaa lagu hungoobay qabashada doorasho dadweyne – qof iyo cod ah oo dalka laga qabto, taas badalkeed waxaa 17-kii September la ogyahay inuu soo baxay heshiiskii caanka baxay ee doorashada dad-badan, kaas oo isku bedelay doorashada boobka ah ee maanta socta.

Waagaas dad badan oo caqli u saaxiib ah waa sii ogaayeen in ay adagtahay isfahan doorasho xalaal ah oo ka yimaada laba geesoodka isku heysta siyaasadda oo kala ah muxaafid iyo mucaarad, taas waxaa sii xoojisay maamul goboleedyada dalka oo labada geesood kala jiray – laba toos loogu tiirinaayay in ay mucaarad ku yihiin madaxda federalka iyo seddax in ay taabacsanyihiin loo xisaabiyay.

Waxay keentay in doorashada oo inta ugu badan ka dhaceysa maamul goboleedyada ay ku bilaabato boob, kuma ekeyn oo kaliya Aqalka Sare sida ay dadka qaar filayeen, balse waxaa xulasho iska soo horjeeda noqotay dhamaan doorashadii xildhibaanada BFS oo hadda kala bar ku dhaw, inta la soo saaray.

Shaki kuma jiro in sababta boobka iska soo horjeeda ay tahay in la boobo guud ahaan talada dalka. Waxaana isku heysta oo kala boobaya madax hadda joogta, kuwo horay dalkaan u soo maamulay iyo madaxda maamul goboleedyada oo mid walba damac gaar ah uu ku jiro.

Mar haddii boobka doorashada Soomaaliya uu noqday wax aan laga cabsan, laga xishoon, laga gamban, oo baarlamaanka la soo geliyay rag horay ugu caan baxay dhacdooyin aan la mahdin, iyo dabeecado ka fog dowladnimada, dhalinyaro aan caqliga ka qaan gaarin iyo rag loogu soo saaray ku jebinta rag kale, oo waxa Soomaalidu u taqaan rag iska celis laga dhigay taladii dalka, sow ma muuqato in loo baahan yahay ka fekerka waxa xal u noqon kara doorashadaan boobka ku socta ee u muuqata in ay sidaan ku dhamaaneyso.?

Mar haddii xaaladdu taagan tahay xagee la maraa, ma sahlana wadadu, waxaase jirta in qof walba uu si u arko xalka. In baarlamaanka 11-aad ay soo galeen dadka aan la wada soconno, haddana ay kursiga ugu sareeya doonayaan musharaxiin iska soo horjeedda oo waliba aad isku neceb, kuna koobneyd mucaaradnimo oo kaliya, waxaan la huri doonin in bulshadu ka fekerto badbaadinta Qaranka.

Qarankaan hora u jabay oo doorashadiisa la boobay, waxaa hada ku soo wajahan doorashadii madaxtinimada oo haddii aan laga fiirsan dhali karta xaalad xun oo dhulka la gasha dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa na sugeysa kala doorashada in ay xaaladdan iyo mid ka daran sii socto iyo in la daba qabto hambada yar ee ku hartay dowladnimada Soomaaliya.

Maanta inta badan waxaa noo muuqda musharaxiin is neceb oo xitaa ay adag tahay in midkii guuleysta ay aqbalaan inta kale, waxaa kale oo noo muuqda in baarlamaanka hadii aanu imaan qof isku wada kara, uu noqon doono goob lagu dagaalo, aag lagu kala xirto, la isuguna dhex hanjabo.

Gunaanadka waxaa talo iyo aragti looga baahan yahay muwaadin kasta, waxaase jirta in ragga is haya ee mucaarad iyo muxaafid leh uusan maanta midkood ka muuqan awoodda isku wadidda dowladnimada curdunka ah ee Soomaaliya, mar hadii lagu kala qeyb sami karo natiijada ugu dambeysa ee cod bixinta.

Golaha Ammaanka oo ka shiraya xaaladda Somalia

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinta dambe ee maanta yeelan doono shir ku saabsan xaaladda xaaladda Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimaha taagan gaar ahaan amniga dalka, doorashooyinka yo abaaraha.

Kulanka oo furmaya lixda Maqribnimo (6:00pm) ee xilliga geeska Afrika ayaa  si gaar ah loogu gurfeyn xaaladihii ugu dambeeyey ee soo kordhay & arrimaha bani’aadanimada.

Sidoo kale waxaa kulankan khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeedin doono wakiilka xoghayaha QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo ka warbixin doono xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya iyo wixii ka dhaqan-galay heshiiskii doorashada.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale kulankooda kusoo qaadi doono howlgalka AMISOM oo mustaqbalkiisu gabagabo yahay, si looga tashado qorshaha kala guurka ah ee Somalia.

Francisco Madeira oo ah madaxa howlgalka AMSIOM ayaa isna shirkan ka hadli doono wuxuuna jeedin doonaa khudbad ku saabsan waxqabadkooda iyo mustaqbalka AMISOM.

Howlgalka AMISOM oo saddex bilood loogu daray waqtiga ayaa dhammaanayo 31-ka Maarso ee sanadkan 2022-ka, balse waxaa loo beddali doonaan mid KMG ah.

Shirka Golaha Ammaanka QM ay ka yeelanayaan xaaladda Soomaaliya ayaa kusoo aadayo, xilli dalka uu jiro xaalad kala guur ah, ayna weli socota doorashada Golaha Shacabka.

Ciidamada DF oo howlgal ku qabtay rag hubeysan

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeleeha Hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, kuwaas oo lagu soo qab qabtay rag hubeysan.

Howlgallada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey tuulooyinka Gololeey, Siigoole, Masiirey,
Buula cajuusa, Lamagaras, Qaandhoole iyo Booraan oo dhamaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha Wanlaweyn, Ismaaciil Sheekh Abuukar oo horkacayey howlgallada ayaa ka warbixiyey, wuxuuna sheegay in lagu soo qabtay koox burcad ah oo dhac u geysaneysay dadka shacabka ah, kuwaas oo lagu raad joogay.

Ismaaciil Sheekh Abuukar ayaa sidoo lale sheegay inay sii socon doonaan baaritaanada lagu xaqiijinayo amniga ee ay haatan wadaan.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada deegaanka inay garab siiyaan ciidamada ammaanka, ayna kala shaqeeyaan nabadgelyada.

Wanlaweyn ayaa waxaa marar badan ka dhacay iska hor imaadyo hubeysan oo sababay khasaare kala duwan, kuwaas oo waxyeelada ugu badan ay kasoo gaartay rayidka.

Si kastaba, gobolka Shabeelaha Hoose ayaa weli ku jiro xaalad amni xumo ah, waxaana usii dheer weerarada ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab.

Jabuuti oo ogolaatay inay dib u soo celiso hanti ay u heysay Soomaaliya (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa Soomaaliya u ogolaatay inay dib ugu soo celiso dhismayaal uu ku jiro dhismihii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, faraciisa dalka Jabuuti.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti Salaad Cali Jeelle oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in safaaraddu ay ku guuleysatay in dowladda Jabuuti ay u ogolaato in hantidaas ay dib ugu soo celiso gacanta dowladda Soomaaliya.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in arrintaan ay suurta gashay kadib markii uu kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo aad ugu mahad celiyey madaxweynaha iyo wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Dawaale.

“Ka safaarad ahaan doorkeenii waan qaadanay oo dadaal dheer kadib ugu dambeyntii waxaa noo suurta gashay in heshiiska ay Jabuuti ku wareejineyso hantida dowladda Soomaaliya uu noo soo gabagaboobo 9-kii bishaan Febraayo 2022,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Salaad oo sanad iyo dhawr bilood ku magacaaban safiirka Soomaaliya u jooga Jabuuti ayaa sheegay in markii uu xafiiska tegay uu dadaal dheer u galay sidii hantidaas ay dib ugu soo laaban laheyd gacanta dowladda Soomaaliya.

“Guryihii aan ku laheyn dalkaan Jabuuti oo faracii Bandhiga Dhexe ee dalkaan uu ku jiro, hadda waxay soo galeen gacanta dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Intii uu xukunka joogay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, mad-madow badan ayaa galay wadashaqeynta dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, inkastoo uusan jirin khilaaf weyn oo sababi kara inay kala tagaan labada dal iyo shucuubta walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Hoos ka daawo Salaad Cali Jeelle oo sharaxaya heshiiskaas

Sawirro: Taliyihii hore ee NISA iyo siyaasiyiin kale oo gaaray Beledweyne + Ujeedka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Taliyihii hore ee NISA Cabdulaahi Sanbaloolshe iyo wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Xubnahaan ayaa u sharaxan kuraasta beeshooda ee taalla magaalada Beledweyne, halkaas oo dhawaan lagu wado inay ka bilaabato doorashada golaha shacabka.

Wasiir Cabdirisaaq iyo Cabdullahi Sanbaloolshe oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa cadeeyey inay Beledweyne u tageen ka qeyb galka doorashada golaha shacabka.

Si weyn ayaa isha loogu wada hayaa hanaanka uu hoggaanka HirShabeelle u maamuli doono doorashada kuraasta golaha shacabka ee talla magaalada Beledweyne.

Arrinta xasaasi ka dhigeysa doorashada kuraasta magaalada Beledweyne taalla, waa in kooxda Farmaajo ay dadaal xoog leh ku bixineyso sidii saameyn togan ay ugu yeelan laheyd doorashada kuraastaas, waxaana ka mid ah kursi ay la doonayaan Fahad Yaasiin oo aan laga jecleyn Beledweyne.

Sidoo kale beesha ugu weyn qabaa’ilka dega Hiiraan ee Xawaadle ayaa aad isha ugu heysa sida hoggaanka HirShabeelle uu u maareeyo doorashada kuraastooda.

Beeshaan sanad ka badan waxay aad u diidaneed inay aqoonsato hoggaanka HirShabeelle, balse dhawaan waxaa xal hor dhac ah laga gaaray khilaafkii jiray, laakiin siyaasiyiinta beeshaas ayaa qaba in heshiiskaas uusan sii jiri doonin hadii boob lagu maamulo kuraasta Xawaadle.

Fiqi oo si cajiib ah uga hadlay bah-dilka lagu sameeyey Muudey iyo Cali Yare Cali

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa markii u horeysay ka hadlay isku-deygii shalay iyo maanta lagu hor istaagay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka iyo Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Amniga ee gobolka Banaadir oo ka dhoofayay garoonka Muqdisho.

Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo rabay inay u kala safraan Baraawe iyo Guriceel ayaa loo diiday inay ka duulaan garoonka Aadan Cade, si aysan u doonan kuraas kamid ah Golaha Shacabka, oo ay isku taagi lahaayeen.

Fiqi ayaa ayaan-darro weyn iyo xad-gudub ka dhan ah dowladnimada ku tilmaamay in garoonka Muqdisho uu isku bedeley isbaaro u taalla madaxda dawlad goboleedyada qaarkood, ayna ka celinayaan qofkii ay rabaan.

“Muudey, Cali Yare iyo kuwo kale oo u alalaasayey sanado ka hor kuwii celinayey madaxdii hore ee dalka in maanta ayagii ay ku timid ma ahan wax lagu farxo waayo labada mar waa xadgudub waxa la sameeyey, ilamana haboona in lagu farxo sharcidarro iyo xadgudub qof lagula kacay si kasta oo aad u kala aragti duwan tihiin!,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu sheegay in wadada kaliya ee furan ay tahay in aan loo kala harin sidii la isku dhaafsiin lahaa kooxda Farmaajo, oo caadeystay xad-gudubyada aan loo meel-dayin, kuwaasi oo qaar kamid ah ciqaabtooda marayaan kuwo kamid ah xulafada.

“Dhacdadani waxay waxbari doonta kuwa nacamlayn baradka ah mar haddii kuwii waaweynaa sidaas loo galayo in aan ayaga loo daahayn mar haddii ninkii golaha shacabka u afduubay Farmaajo iyo midka banaanbaxyada barakacayaasha iyo aflagaadaynta u qaabilsanaa lagu bahdilay garoonka Muqdisho, ma jiro qof ka badbaadaya xadgudubkaas si kasta oo loogu kala dhowaada Farmaajo!.”

Arrimahan ayaa imanaya xili laga deyrinayo doorashada Golaha Shacabka, oo noqotay mid magac u yaal ah, maadama inta badan xildhibaanada kusoo baxay kuraasta la doortay ay yihiin kuwo markii horeba loo xiray oo lasii ogaa.

Isbedel weyn oo maanta lagu sameeyay taliyeyaasha Galmudug + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliya, Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta isbedel ballaaran ku sameeyay taliyeyaasha saldhigyada degmooyinka maamulka Galmudug iyo saraakiil kale.

Qoraal kasoo baxay Taliska guud ayaa lagu socodsiiyay talisyada ciidamada booliska gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa xilalkii looga qaaday taliyeyaasha saldhigyada Booliska, Guriceel, Cadaado, Matabaan, ayada oo kuwa cusub u magaacabay.

Waxaa la faray taliyeyaasha hogaamada ciidanka, maaliyada iyo saadka inay ka gutaan waajibaadka kaga aadan isbededlka iyo xil magacaabida uu sameeyay Taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliya.

Hoos ka aqriso magacyada iyo xilalka loo magacaabay;

1- Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Cali Muuse Maxamuud.

2- Taliye ku-xigeenka Ciidanka Birmadka ayaa waxaa loo bedelay Qaasim Sheekhdoon Cali oo ahaa taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug.

3- Gaashaanle Qalbi Axmed Cali ayaa waxaa loo magacaabay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Galgaduud.

4- Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Maxamed Xasan Warsame.

5- Taliyaha Saldhiga Booliska Dhuusamareeb ayaa loo magacaabay Maxamed Mire Maxamuud.

6- Taliyaha Saldhiga Booliska Cabudwaaq ayaa waxaa loo magacaabay Dhame Yaxye Maxamed Xaashi.

7- Taliyaha Saldhiga Booliska magaalada Cadaado ayaa waxaa loo magacaabay laba xidigle Maxamed Cadceed Cismaan.

8- Taliyaha Booliska degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa loo magacaabay laba xidigle Maxamed Aadan Cumar.

9- Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska degmada Matabaan ayaa waxaa loo magacaabay laba xidigle Xasan Xuseen Maxamuud.

10- Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Guriceel ayaa waxaa loo magacaabay laba Xidigle Xasan Cabdi Maxamed.

Isbedelkan uu sameeyay Taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili ay socoto doorashada Golaha Shacabka, oo la rabo in lagu soo gaba-gabeeyo wax ka yar labo toddobaad, islamarkaana uu amaankeeda uu mas’uul ka yahay Xijaar.

Cali Yare oo eedeyn culus u jeediyey Qoor Qoor kadib markii laga celiyey garoonka

0

Dhuusamareeb (Caasimadad Online) – Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobalka Banaadir Cali Yare ayaa sheegay in safarkiisa uu ku tagi lahaa Dowlad Gobaleedka Galmudug aysan ka baajin NISA.

Guddoomiye Cali Yare ayaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ku eedeeyey inuu ka dambeeyey in la baajiyo safarkii uu ku tagi lahaa magaalada Guriceel halkaas oo uu qorsheenayey inuu kaga sii gudbo magaalada Dhuusamareeb.

Cali Yare ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu hay’adda NISA ka dalbaday in la baajiyo safarkiisa, balse wuxuu sheegay in Hey’adda NISA ay taas diiday.

“Waxaan beeninayaa wararka sheegaya in Hey’adda NISA oo ay madax ka yihiin saaxiibo aan shaqo-wadaag nahay ay hor istaag ku sameeyeen aniga iyo waftigii ila socday oo safar u ahaa Galmudug – ma jirto mana jiri karto sabab ay Hey’ad amni oo Gobolka Banaadir ka howlgasha ay ku hor istaagi karto safar aan hoggaaminayo maadaama aan anigu fadhiyo xafiiska Amniga Caasimadda – Waxaanse bulshada u xaqiijinayaa inuu shalay, xalay iyo saakay-ba Madaxweynaha Galmudug la soo xariiray Hey’adda NISA kana dalbaday in aniga iyo waftigeygu aanan Galmudug u soo duuli karin  sida ay Madaxda NISA ii xaqiijiyeen,” Ayuu yiri Cali Yare.

Hadalka Cali Yare ayaa u muuqda inuu yahay mid is khilaafsan, waxaana is qaban la’ hadalkiisa ah in Hay’adda NISA ay diiday codsiga Qoor Qoor iyo in maanta laga celiyey Garoonka.

Sida ay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Caasimada Online, Cali Yare iyo ciidamo uu watay ayaa maanta loo diiday inayka dhoofaan Garoonka Aadan Cadde, waxaana arrintaas ka shaqeeyey madaxweynaha Galmudug oo doonayo in Kursiga HOPP#147 loo xiro xildhibaan Mahad Salaad.

Cali yare ayaa ka mid ahaa dadka aad ugu dhaw Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  Cali ayaa u sharaxnaa mid ka mid ah kuraasta taala Magaalada Dhuusomareeb kuwaas oo deegaan doorashadiisa tahay Galmudug.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa xilli shalay isla garoonka Aadan Cadde laga celshay Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee BFS Cabdiweli Muudey kaas oo safar u ahaa Magaalada Baraawe ee Caasimadda Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Todobaadkaan ayaa la filayaa in doorashada kursiga HOPP#147 ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb, waxaana madaxweynaha Galmudug ka go’an inuu kursigaan kusoo baxo Mahad Salaad oo Afartii Sano ee lasoo dhaafay  ku fadhiyey.

Nin Ciraqi ah oo jaceyl dartiis u dilay gabar Soomaali ah

0

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Allah ha u naxariistee gabadh Soomaali ah oo kamid aheyd Soomaalida ku nool magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia ayaa shalay lagu dilay magaaladaas.

Gabadha oo lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar ayaa waxaa lagu dilay meel aan ka fogeyn maqaaxi ay ka shaqeyn jirtay, waxaana dilkeeda lala xiriirinaya Nin Iraqi ah oo dhowr jeer xiriir Jaceyl usoo bandhigtay.

Maxamuud Cabdullaahi Bille oo kamid ah Ardayda wax ka barata dalka Malaysia oo la hadlay VOA ayaa sheegay in gabadha la dilay ay inbadan ka cago-jiiday inay xiriir la sameyso ninkaas.

“Allaha u naxariiste Dahabo waxa dilay Nin ay ka wada-shaqeynayeen maqaaxida, gabadhaasna waxa uu ku dilay sida ay xogta hore ugu soo tabisay jaaliyada Soomaalida kadib markii ay xiriir ka diiday, dhowr jeerna wuu ugu hanjabay dilkeeda,” ayuu yiri.

Dilka gabadha ayaa lagu wargeliyay safaarada Soomaaliya ee Malaysia, ayada oo mas’uuliyiinta safaarada la kulmeen Booliska gacanta ku haya kiiskeeda, kaas oo weli ay baaristiisa socoto.

“Safaarada waxay si dhow ula shaqeynaysa Jaaliyada iyo Booliska oo arintaan gacanta ku haya, waxaana marwalba u taaganahay in aan u khidmeyno oo dhibta Soomaalida ee Malaysia ku nool gacan ka geysano waxkasta oo ay u baahan yihiin,” ayey tiri Amaal Maxamed Saciid oo ah sii-hayaha safaarada Soomaaliya ee dalka Malaysia.

Allaha u naxariistee Dahabo ayaa la sheegay inay ku jirtay da’da labatameedyada, waxayna kamid aheyd dadka fara-ku-tiriska ah ee ka shaqeeya maqaaxiyaha, ugu dambeyntiina sababtay gacanta ninka ay xiriirka ka diiday.

Cali Yare Cali oo laga celiyey garoonka Aadan Cadde iyo cidda ka dambeysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga ee Gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa maanta laga celiyey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Cali Yare iyo ciidan uu watay oo ku wajahnaa Magaalada Guriceel si uu Magaaladaas uga sameeyo olole la xiriira dhanka kursiga HOPP#147 ayaa loo diiday inuu Garoonka ka dhoofo.

Ciidamada Nabad-Sugidda ee Garoonka Aadan Cadde ayaa u diiday inuu ka dhoofo Garoonka, waxaana ugu dambeyntii baaqday safarkiisa oo si weyn looga diyaar garoobay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa ka dambeeyey go’aanka Cali Yare loogu diiday inuu ugu safro magaalada Guriceel.

Madaxweyne Qoor Qoor oo raba inuu kursiga HOPP#147 siiyo Mahad Salaad ayaa kooxda Farmaajo ka codsaday in la celiyo Cali Yare, isagoo ku andacooday inuu wato ciidamo badan, islamarkaana ay suuragal tahay inuu qalqal geliyo doorashada ka dhici rabta magaalada Dhuusamareeb.

Cali Yare oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu baaqday safar uu ku tagi lahaa magaalada Guriceel, balse ma uusan faahfaahin sababta keentay baaqshadiisa.

Todobaadkaan ayaa la filayaa in doorashada Kursigaan ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb, waxaana madaxweynaha Galmudug ka go’an inuu kursigaan kusoo baxo Mahad Salaad oo Afartii Sano ee lasoo dhaafay  ku fadhiyey.

Cali Yare oo taagero iyo guulwade u ahaa madaxweyne Farmaajo ayaa hadda u muuqda inuu waayey kursiga HOPP#147, waxaana muuqata in kooxda Nabad iyo Nolol ay garabkiisa ka baxeyn xilli uu aad ugu baahnaa.

DAAWO: Booliska oo shaaca ka qaaday sababta Muudey loogu celiyey garoonka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey is hortaaggii shalay lagu sameeyey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo loo diiday inuu ka baxo garoonka Aadan Cadde, xilli uu ku sii jeeday magaallo xeebeedka Baraawe.

Cabdifitaax Aadan ayaa sababta ku sheegay in guddoomiyuhu watay ciidamo fara badan iyo hub, taasina ay keentay in laga hor istaago inuu ciidamadaas kala baxo garoonka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in isaga aan si gaar ah loo bartilmaameedsan, balse ujeedka uu ahaa arrimo la xiriira amniga doorashada.

Afhayeenka ayaa xusay in amniga Baraawe uu sugan yahay, isla-markaana musharixiinta tegaya kaliya loo ogol yahay ilaalo gareyso 4 ama 5 nin, sida uu hadalka u dhigay.

“Ma jirto sabab keeni karta in ciidan badan loo qaato magaaladaas, Garoonka Aadan Cadde waxaa lagu baraaruqay ciidan hub badan wata oo rabo in ay diyaarad raacaan lana ogaaday in ay Baraawe tagayaan balse Muudey waxaa lagu wargeliyay in keliya loo ogol yahay 5 askari oo waardiye ah” ayuu yiri Cabdifitaax.

Dhammaan musharixiinta ayuu ugu baaqay inay ilaaliyaan xasiloonida amniga, maadaama lagu jiro doorasho, iyaguna ay mas’uul ka yihiin nabad-gelyada guud ee doorashooyinka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay garoonka Aadan Cadde lagu celiyey guddoomiye Muudey oo kusii socda magaalada Baraawe oo deegaan doorashadiisu tahay, si uu markale ugu tartamo kursiga uu ku fadhiyo oo ay sumadiisu tahay HOP#145.

Si kastaba, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo dhacdada, kadib shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa eedeyn u jeediyey Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, wuxuuna sheegay in la boobayo kursigiisa, isaga oo shaaciyey in loo rabo qof gaar ah.

CC Shakuur oo loo doortay xildhibaan federal + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa goordhow loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah xubnaha musharixiinta mucaaradka ayaa guul taariikhi ah kasoo hooyey doorashada, inkastoo uusan gelin tartan adag.

Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Galmudug, Naciimo Xuseen Cali oo la tartami laheyd Cabdiraxmaan ayaa ka tanaasushay tartanka, kadibna waxaa loo qaaday cod gacan taag ah, isaga oo helay codad gaaraya 86 cod oo ah dhammaan ergada soo xaadirtay.

Guusha Cabdiraxmaan ayaa dhabar jab ku ah Villa Somalia oo isku deyday inay kursigan ka reebto, maadaama uu ka mid yahay xubnaha ay sida aadka isugu hayaan Farmaajo.

Doorashada ayaa haatan sii soconeyso waxaana la guda-galayaa saddexda kursi ee kale ee loo qorsheeyey in isla maanta lagu qabto caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Kursi ka mid ah kuraastan waxaa sidoo kale loo xiray Cabdullahi Aadan Kulane oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee NISA, kaas oo ah Hop#040 ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dardar ku socota, waxaana uu qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo, ka hor 25 bishan Febraayo ee sanadka 2022-ka.