Warbixin: Dagaalka sokeeye ee Libya iyo Somalia maxay wadaagaan?

Tripoli (Caasimada Online) – Libya, mar waxay aheyd mid kamid ah wadamada Africa ugu dhaqaalaha iyo siyaasada wanaagsan, laakiin hadda waxay u muuqataa mid daaqadii madoobeyd ku jirta kadib kacdoonkii carabta ee ka dhacay wadamo badan tan bishii February sanadkii 2011.

Kacdoonkii ka dhacay dalkaasi oo sided bilood kadib dhamaaday ayaa wuxuu horseeday in xilka laga tuuro Macamer Al Qadaafi oo dalkaasi xukumayay tan iyo sanadkii 1969-kii waxaana uu horseeday kacdoonkaasi burbur dhaqaale, iyo mid wadan oo ka dhacay Libya.

Shan sano kadib dilkii Qadaafi, wadanka waxaa ka dhacay dagaal sokeeye oo u dhaxeeya labo kooxood oo dalka isku haya, waxaana laga jabhadood oo hishiis xabad joojin ah gaaray wali aysan dhaqan gelin xabad joojinta.

Libya burburka ka dhacay ayaa u muuqda burburkii Soomaaliya ee dhacay sanadkii 1991, kadib markii Soomaalida ay rideen Maxamed Siyaad Barre, waxaana kadib la ogaa mirihii qaraaraa ee la gurtay kadib eryidii Siyaad Barre.

Midowgii Maxaakiimta Islaamiga ayaa maamulka dalka la wareegay sanadkii 2006, balse waxaa dalka ka saaray ciidamadii Ethiopia oo dalka si aan sharci aheyn kusoo galay.

Kadib markii nabad la’aan ay ka dhacday Dalka LIBYA ayaa waxay hoy u noqotay nabad galyo la’aan iyo in kooxo islaami ah ka abuurmaan kuwaasi oo lamid ah kuwii Somaliya qabsaday kadib dagaalkii sokeeye.

ISIS ayaa ku faaftay Libya, waxaana la sheegay in ku dhawaad 6,000 oo dagaalyahan ay ku xooganaayeen magaalada SIRTA, Benghazi iyo Sabrata oo Libya ka wada tirsan.

Kooxo kale oo ay kamid yihiin Alsaar Al Shareeca oo Al-qaacida ka tirsan, guutada Zintan, Derna Mujaahidiin iyo golaha Shura ayaa ka dhashay dalkaasi Libya.

Kooxahaasi ayaana waxay qalqal weyn oo dhanka amaanka ay ku beereen wadamada ku yaala waqooyiga Africa iyo wamada Deriska iyo wadamada YURUB.

Marka Soomaaliya la eego kooxda Alshabaab oo kamid ah garabyada midowga Maxaakiimta ayaa waxay ku faafeen gobolada kale ee Soomaaliya markii Maxaakiimta la jibiyay.

Kooxda ayaa markii dambe ku buurtay kooxda Al-qaacida waxayna qalqal amni dhankood aku noqdeen wadamada ku yaala bariga Africa, iyaga oo dilal ka geystay Kenya, Ethiopia iyo Uganda.

Dhaqaalaha dalka Soomaaliya ayaa burburay sabab la xiriirta xasilooni la’aanta siyaasadeed, waxaana yaraadan wax soo saarkii dalka Soomaaliya ee loo iib geyn jiray dalalka kale ee caalamka.

Sidoo kale Libya marka la eego Libya waxay kooxaha islaamiyeenta cuuryaamiyiin dhaqaalihii dalkaasi, waxayna bartilmaameyd ka dhigteen wax soo saarkii warashadaha dalka Libya.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com