Wasiir soo bandhigay magacyada Ajaanibtii fulisay weerarkii Hoteel Naasa Hablood (Magacyo)

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur ”Janan”, ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xogo muujinaaya in weerarkii dhawaan lagu qaaday Hoteel Naasa Hablood One ay fuliyeen rag ajaanib ah oo ay kamid ahaayen Kenyan.

Wasiirka waxa uu sheegay in ragga Keenyaanka ah ee qeybta ka ahaa raggii fuliyay weerarkaasi ay kasoo ambabaxeen Magaalada Mandhera, ayna sii mareen deegaanada Shabaabka ay joogaan, sida uu hadalka u dhigay.

Mr Janan oo weerarkaasi faahfaahin ka bixinaayay ayaa sheegay in raggii Keenyaanka ah ee fuliyay ay kamid ahaayen ragg lagu kala magacaabo Issack Dyati, Yuusuf Cabdi iyo Issack Gola oo dhammaantooda kasoo jeeda dalka Kenya.

Waxa uu sheegay in Jubbaland ay liiskaani heshay weerarka kadib si ay dowlada Somalia uga caawiyaan wixii xog ah oo ku saabsan weerarada dhaca.

Waxa uu intaa ku daray inuu xaqiijinaayo in weerarada ka dhaca gudaha Somalia aysan fulin keliya Soomaali balse ragga fuliya ay qeeyb ka yihiin Ajaanib usoo dhigatay in Somalia ay dib ugu celshaan dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay.

Weerarkaani oo dhacay 26-kii Bishii June, ayaa waxaa ku dhamaaday mas’uuliyiin iyo dad shacab ah, waxaana kamid ahaa Mas’uuliyiintii ku dhintay Wasiir Burci oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com