Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo Roobow oo kulan hadda uga socdo Xudur

0

Xudur (Caasimada Online) – Wadaadka lagu magacaabo Sheekh Muqtaar Cali Roobow (Abuu Mansuur) ayaa isku soo dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida uu Caasimadda Online u xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Galbeed Ugaas Xasan.

Haddaba wararkii ugu dambeeyey ee hadda nasoo gaarayo ayaa sheegayo inuu   kulan xasaasi ah Magaalada Xudur uga socdo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in Abuu Mansuur keligiis oo aanay la socon ciidamadiisa isku dhiibay Maamulka Koofur Galbeed.

Kulankaan ayaa looga wada hadlooyaa sida uu noqon doono xaalka Abuur Mansuur kadib is dhiibista iyo go’aanka uu qaadan doono Roobow.

Dadka Falanqeeyo Siyaasadda Soomaaliya ayaa aamisan in Roobow ay kaliya u furan tahay inuu ka laabto go’aankiisa Al-Shabaabnimo isla markaasna qirto inuu ku taagnaa wado qaldan taasoo u sahli doonto inuu dowladda dhexdeeda ugu noolaado si xoriyad ah.

Haddii uu Roobow diido inuu lahjadaas ku hadlo waxay keeni doontaa inuu xabsi galo sida ku dhacday Xasan Daahir Aweys.

Dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay waxaa Al-Shabaab iyo Maleeshiyada taabacsan Abuu Mansuur uu ku dhex marayay deegaanka Abal iyo agagaarkiisa, waxaana la sheegay inuu iska difaacay weerarkaas.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa saanad hub iyo ciidamo xoojin ah u dirtay Abuu Mansuur, si uu isaga difaaco weerarka Al-Shabaab uga imaanaya.

Al-Shabaab ayaa culeys saaray Abuu mansuur, tan iyo markii Mareykanka uu bishii June ee sanadkan ka saaray liiska Argagixisada iyo lacagtii dul saarneyd, waxaana Al-Shabaab ay ciidamo dul dhigeen aagga uu ku sugnaa 5-tii sano ee uu dibad jooga ka ahaa Kooxda.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

 

SHARE