Xog: Al-Shabaab oo cashar loogu dhigay Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamo maleeshiyaad ahaan u abaabulan ayaa dagaal xoogan la galay ciidamo ka tirsan Alshabaab oo doonayay iney xoolo nool Zako ahaan kaga qaadaan, xilli ay ku sugnaayeen deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo saacado qaatay ayaa ka dhacay deegaanka Qandho oo ka tirsan gobolka Hiiraan, wuxuuna ka dambeeyay markii dadka deegaanka ay diideen iney bixiyaan xoolo Alshabaab ka doonayeen dadka iney Zakowaad ahaan kaga qaadaan.

Inka badan todobo ruux ayaa ku dhimatay dagaalka dhexmaray xoolo dhaqatada iyo ciidamada ururka Alshabaab ee ka dhacay deegaanka Qandho, dad kale oo dhaawacyo qaba ayaa lagu soo waramayaa iney jiraan.

Dadka deegaanka ayaa sameeyay talaabo cusub markii ay gubeen gaari Alshabaaka wateen oo la doonayay iney ku aruuriyaan Zakawaad laga aruuriyo dadka ku dhaqan deegaanka Qandho ee gobolka Hiiraan.

Markii cabaar uu dagaalka dhacay kadib ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo maqlay dagaalka ayaa gurmad ahaan u gaaray degaanka waxayna lasafteen ciidamada maleeshiyaadka ah ee iska dhicinayay Alshabaab, sida dadka deegaanka laga soo xigtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com