BFS oo war cad ka soo saaray musiibadii ka dhacday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka dowlada Somalia ayaa war cad kasoo saaray weerarada ay maleeshiyada Al-shabaab ku qaadayaan goobaha lagu shaaho ee magaalada Muqdisho.

Mahad Cabdalle Cawad oo ah Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga hortago weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan dalka.

Mahad Cabdalle Cawad, waxa uu sheegay in tani ay suuragalinkarto in Xildhibaanada Baarlamaanka ay la xisaabtamaan Hay’adaha amniga, waxa uuna ku baaqay in wax laga qabto amni darida ka taagan magaalada Muqdisho.

Mahad waxa uu sheegay in weerarada maleegayaan Al-shabaab ay suuragalinkaraan niyad jab soo foolsaara shacabka.

Guddoomiye Mahad Cabdalle Cawad, waxa uu tilmaamay in weerarada iyo Qaraxyada ay geysanayaan Al-shabaab ay ku farxaan dad badan oo aan jecleyn hormarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in laga hortago.

Sidoo kale, Mahad Cabdalle Cawad, ayaa dadka shacabka ah kula taliyay inay u degdegaan la shaqeynta Hay’adaha amniga si meesha looga saaro amni darida.

Haddalka Mahad Cabdalle Cawad, ayaa u muuqanaaya mid Baarlamaanka Somalia ka careysiisay sida loo dayacaayo amniga Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com