Booliska Baydhabo oo kala eryay taageerayaal usoo baxay Mukhtaar Roobow

Baydhabo (Caasimadda Online) – Ciidamada Booliska Magaalada Baydhabo ayaa kala cayriyay Dad Shacab ah,kuwaasoo Banaanbax ka sameeyay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sawirro laga soo qaaday oo la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinayay dad badan oo waddooyinka marayay, kuwaasoo ku qeylinayay hadal taageero u ah Mukhtaar Roobow iyo in Xildhibaanada Koofur Galbeed ay tixgeliyaan codsiga shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in banaan baxyadan ay yihiin kuwo laga abaabulay deegaanada Koofur Galbeed, kaasoo ujeedkiisa yahay sidii Xildhibaanada Koofur Galbeed culeys loogu saari lahaa inay doortaan Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Taliska Booliska Gobolka Baay ayaa soo saaray awaamiir ka dhan ah dadka dibad baxyada ku dhigaya magaalada, waxaana ay uga digeen shacabka inay qabtaan banaan bax aanay fasax u heysan.

Mukhtaar Roobow oo horay uga mid ahaa Hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana uu wadaadkan taageero ka heystaa dadka ku nool Gobolada Baay iyo Bakool.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com