Xog: Ciidamo lagu daadiyay mid kmaid ah safaaradaha ku yaalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo aad u farabadan la dhigay Safaarada Imaaraadka ay ku leedahay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Ciidamadaani ayaa la sheegay inay ku hubeysan yihiin hub noocyo cusub leh, waxaana la soo warinayaa in la dhigay afafka hore ee Safaarada iyo dhammaan hareeraheeda.

Ciidamadaani ayaa la sheegay inay isugu jiraan noocyada kala duwan ee milliteriga kuwaasi oo lagu amray inay wax ka bedelaan cabsida amni darro ee ka taagan Safaarada.

Ciidamadaani ayaa wadada hor marta Safaarada u diiday gaadiidka noocyadiisa kala duwan, waxaana la soo warinayaa inay soo baxayaan cabsiyo la xiriira in maleeshiyaadka Al-shabaab ay il gaar ah ku hayaan Safaarada.

Dhinaca kale, Adkeynta amaanka Safaarada ayaa imaaneysa xili labadii asbuuc ee lasoo dhaafay ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen weeraro argagixiso oo lagu qaaday goobo kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com