DF oo sheegtay inaysan Joojin doonin Baacsiga Sarakiisha Al-shabaab

Muqdisho (Caasimada online) Wasaarada Gaashaandhiga xukuumadda soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi,  ayaa sheegtay in lasii wadayo bartilmaameedka lagu haayo saraakiisha Al-Shabaab ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya sida uu sheegay ,

C/xakiin Fiqi Wasiirka Gaashaandhiga dalka, ayaa sheegay inaysan marnaba joojin doonin bartilmaameedka ay ku hayaan saraakiisha ugu sar-sareysa Al-Shabaab ee Soomaaliya jooga.

Dowladda Soomaaliya ayuu shegay inaysan haysan diyaaradaha dagaalka iyo gaadiid badan oo gaashaaman, balse wuxuu sheegay in howlgalada ay ku bartilmaameedsanayaan saraakiisha Al-Shabaab, uu yahay mid ay kala kaashan doonaan sida uu tilmaamay wadamada xiriirka dhanka amniga uu Soomaaliya kala dhaxeeyo.

Weerarkii ka dhacay Degmada Baraawe, ayaa wasiir Fiqi wuxuu ku sheegay in ujeedkiisa uu ahaa soo qabashada ama in la dilo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo bartilmaameedka weerarka uu ahaa,

Wuxuu shaaciyay in iyadoo si feejigan looga taxadaray khasaaro soo gaara dadka shacabka ah Weerarkaas la filiyay

Kumaandooska Mareykanka ayaa ku daatay xeebta Degmada Baraawe, halkaasi oo ay ka fuliyeen weerar lagu qaaday aqal ilaa hada aan cadeyn sarkaal ku jiray, inkastoo Mareykanka ay ku sheegeen bartilmaameedka weerarkaasi inuu ahaa sarkaal Shabaab ka tirsan oo Kenyati ah asal ahaana Soomaaliya kasoo jeeda.

 Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com