Dhageyso: Fu’aad Shongale oo farriin uu soo diray ku weeraray Jabuuti

Muqdisho (Caasimada Online) Sheekh Fu’aad Maxamed  Qalaf Aadan Shoongale oo kamid ah  saraakiisha Al-shabaab ayaa wuxuu digniin u diray dowlada Jabbuuti oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Somaaliya ee AMISOM .

Wuxuu sheegay in dowlada Jabuuti ay u dirayaan digniin ku aadan inay cidamadeedu ay kala baxdo Soomaaliya  hadii aysan taas dhicina ay la kulmi doonto wixii Kenya ku dhacay oo kale isagoo sheegay inay JABUUTI wali xushmad u hayaan .

Shoogale wuxuu sheegay in Dhamaan wadamada Soomaaliya ay ciidamadoodu ay ka joogaan ay u digayaan isla-markaana ay kaga fadhiyaan inay ciidamadoodu ay kala baxaan soomaaliya , hadi kalana sida uu sheegay ay cawaaqib xumo ay la kulmi doonaan .

“Ismaaciid Cumar Geele Hadii uu shacabkiisa u naxayo waxaan u sheegeynaa inay waajib ku  tahay inuu ciidamadiisu uu soomaaliya kala baxo , taas oo ah digniintii ugu dambeysay , waxaana u sheegeyna inay quus qaadasho ugu filantahay waxa ka dhacay westgate “ ayuu yiri Shoongale.

Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka ay Soomaaliya ay ciidamada ka joogaan , waxaana ay hore u shaaciyeen in si kasto ay shabaabka Soomaaliya ay u goodiyaan aysan howlgalkooda Soomaaliya saameyn ku yeelan doonin .

Shabaab ayaa weerarkii Westaget ka dib waxaa soo if baxaya hanjabaadaha ay u jeedinayaan dalalka ay Soomaaliya ay ciidamada ka joogaan gar ahaan dowlada Kenya oo ay dhawaan rag Shabaabka ka tirsan weerar ku qaadeen

Halkaan ka dhageyso Codka Shoongale

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com