Dowladaha Africa oo mashruuc dhaqaale raadin ah ka dhigtay Al-shabaab

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka kenya Uhuro Kenyatta oo ka qayb galay shirka hogaamiyayaasha qaaradda Afrika iyo dalka hindiya oo lagu qabtay Magaalada New delhi ee caasimada dalkaasi, ayaa Caalamka ka dalbaday in dowladiisa garab lagu siiyo la dagaalanka Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Uhurro Kenyatta waxa uu shirka ka sheegay in Maleeshiyaadka Al-shabaab ay dhibaato culus ku heyso amaanka dalkiisa waxa uuna sheegay in taasi ay sababtay in dhalinyaradii ay iska diiwaan galinayaan kamid ahaanshiyada Al-shabaab.

Waxa uu Madaxweynaha sheegay in ciidamadiisa ammaanka ay wax badan ka qabteen la dagaalanka Al-shabaab balse waxaa uu xusay in ay u baahan yihiin gacan ay ka helaan wadamada caalamka.

Dib usoo celinta amaanka Kenya ayuu sheegay inay ku xiran tahay caalamka oo iska kaashto xaqiijinta amaanka iyo garabsiinta Dowlada Kenya.

Kenyatta waxa uu sidoo kale sheegay in Al-shabaab ay xubno ku dhex leeyihiin gudaha iyo daafaha Kenya, balse ay dowladu wado qorshooyin lagu burburinaayo unugyada ka tirsan Al-shabaab ee ku dhex dhuumaaleysanaaya gudaha Kenya.

Haddalka Uhurro Kenyatta ayaa imaanaya xili Al-shabaab ay xujo uga dhigtay Kenya inay Ciidamadeeda kala baxdo gudaha Somalia, haddii taasi la waayana aysan joojin doonin weerarada ay ku hayaan Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com