Qaraxyo iyo rasaas xoogan oo caawa laga maqlayo magaalada Muqdisho

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) Sida aan idiin sheegnay kal hore, xaalladda magaalada Muqdisho ayaa caawa ka duwan sidii ay ahayd habeenidii la soo dhaafay, waxaana degmooyinka qaar laga maqlayaa qaraxyo iyo rasaas xooggan.

Meelaha qaraxyada laga maqlay waxaa ka mid Saldhigyo ciidan oo ku yaalla Muqdisho, iyo xarumo kale, waxaana xigay qaraxyada rasaas xooggan sida ay lee yihiin dadka deggan goobaha la weerraray.

Qaraxyada iyo rasaasta markii ay dhaceen waxaa xigay howgallo ciidamada ammaanka iyo kuwa nabad sugida ay ka wadaan goobaha lagu dagaalamay.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ay geesteen qaraxyada iyo rasaasta laga maqlay magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyada ka horeeyay madaafiic ku dhacday xaafado ku yaalla degmada Xamarweyne.

Goobaha la weeraray waxaa ku yaalla xarumaha dowladda waana meel ay si weyn u joogaan ciidamo badan.

Ma jirto cid ka hashay marka laga reebo taliyaha afar irdoodka ee degmada Xamarweyne oo ku eedeeyay qaraxyada ku soo dhacay degmadaas kooxda Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.com