Mas’uuliyiin ka tirsanaa DFS oo si xun loo dilay!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in fagaaro halkaasi ku yaalla uu ka dhacay dil toogasho ah oo ay fuliyeen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaaba.

Wararku waxa ay sheegayaan in dilkaasi lagu fuliyay Guddoomiyaha Deegaanka Mareereey Cismaan Macaani iyo Sarkaal kale oo ka tirsanaa Ciidamada DFS, sida ay baahisay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho.

Dilka labadaasi mas’uul ayaa ka dhacay goob fagaaro ah oo ku yaalla deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana halkaasi isugu soo baxay shacab aad u farabadnaa.

Xukunka dilka ah ayaa waxaa riday Maxkamada Al-shabaab ee Gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii Shabaabka ay sheegen in bilo ka hor ay gacanta ku soo dhigeen oo ay hayeen.

Dacwad qaadaha maxkamada ayaa sheegay in dhamaan eedeymihii loo soo jeediyay ay qirteen.

Dhanka kale, Sargaalka lala toogtay Gudoomiyahaasi ayaa waxaa lagu magacaabaa C/fataax Ibraahin oo 27 sano jir ahaa ciidamada Dowladdana ka tirsanaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com