IGAD oo soo dhaweysay waxqabadka dowladda Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) Urur goboleedka IGAD ayaa tallaabo bogaadin ah ku tilmaamtay horrumarka ay sameesay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo muddada kooban jirta.

Hadalkan ayaa la sheegay kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaasoo ay isugu yimaadeen wasiiradda arrimaha dibedda IGAD.

Xubnaha shirka joogay ayaa u hambalyeeyay dowladda Soomaaliya dedaalkeeda xasilinta dalka iyo in laga dhabeeyo fulinta lixda tiir ee saldhigga u ah qorshaha waxqabad ee dowladda ee uu horrey u sheegay madaxweyne Xasan Sheekh.

IGAD ayaa sidoo kale soo dhaweeysay aqoonsiga Maraykanka uu siiyay dowladda Soomaaliya.

Waxa kaloo IGAD ay soo dhoweysay horumarka ammaanka oo ay ka gaareen ciidamada Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Ethiopia.

Dhinaca kale IGAD waxa kaloo dowladda Soomaaliya u soo jeedisay in goobaha laga saaray Al-Shabaab si degdeg ah loogu sameeyo maamulo lo dhan yahay oo hoos yimaada dowladda Soomaaliya.

Wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday qorshaha lagu doonayo in cunaqabataynta hubka looga qaado Soomaaliya, waxayna Soomaaliya kula taliyeen inay diyaariso codsi faahfaahsan oo qeexaya rabitaanka dowladda Soomaaliya ee ku saabsan in laga qaado xayiraadda hubka, si loo horgeeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Ugu dambeen wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ayaa cambaareeyay waxa ay ugu yeereen qas-wadayaal ka soo horjeeda hannaanka dowladnimada Soomaaliya, kuwaasoo raba in ay dowladda dumiyaan.

Waxa kaloo ay sheegeen in kooxaha qabqablayaasha dagaalka iyo xagjiriinta aysan Soomaaliya ka heli doonin fursad dambe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa