Jubaland oo ka jawaabtay ISIS Xabsiga Kismaayo laga daayay

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay rag ka tirsan Daacish oo la sheegay in laga sii daayay xabsiga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Taliska ciidamada nabad sugida ee magaalada Kismaayo ayaa beeniyay in ciidamo Daacish ka tirsan laga sii daayay xabsiga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, arintaasina aysan dhici karin.

Afhayeen Ciidamada nabad sugida ee Kismaayo Axmed Maxamuud Carab, ayaa sheegay in Jubbaland marnaba aysan sii deyn kooxdaasi Daacish ka tirsan.

Dadka daacish ka tirsan ee la sheegay in xabsiga laga sii daayay ayaa gaarayay ku dhawaad 7 ruux, waxaana afhayeenka Jubbaland uu sheegay in ciidamada Jubbaland aysan ka suuroobin arintaasi.

AL-shabaab iyo ciidamada Daacish ayuu sheegay iney isku mid ula dagaalamayaan.

Hoos ka dhageyso codka

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com