Alshabab oo si yaab leh uga hadashay boggeedii Twitter-ka ee la xannibay?

Nairobi (Caasimada Online) Ururka Al-Shabaab ayaa ayaa ka hadlay xiritaanka boggoodii Twitte-ka ee af-ingiriiska oo shaley laga xiray.

Waxana ay sheegeen in ay cambaareenayaan tallaabadaas oo ah bay yiraahdeen mid faafreeb iyo xayiraad lagu sameeyay waxa ay ku sheegtay xoriyada hadalka.

‘’Tani waa cadeen cusub oo ah in dagaal lagu jiri oo ah dhinaca xoriyatul qowlka, waxana sameeyay  reer Galbeedka’’, ayay ku tiri Al-Shabaab farriin ay ku soo daabacday qaybta Carabiga ee ay ku leedahay Twitter-ka.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa bogga Twitterka ee af-ingiriiska waxa ay ku xirnaa dhowr kun oo qof kuwaasoo kala socday wararka ay soo galiyaan, laakin illaa hadda si rasmi ah looma agga wixii ku dhacay.

In kastoo la xiray hadda haddana wali waxaa shaqeynaya cinwaannada Al-Shabaab ee luuqadaha Soomaaliga iyo Carabiga.

Waxa loo maleenayaa in loo xiray ciwaanka kadib  bogga Twitter-ka Al-Shabaab, kaddib markii ay ku soo gudbisay hanjabaad la xariirta dilka muwaadiniin Kenyan ah oo u afduuban.

Waxa kaloo ka horreeyay sawirka askari Faransiis ah oo ku dhintay weerar guul dareestay oo ka dhacay Buulo-Mareer.

Illaa hadda waxa aan ka hadlin warkan shirkadda Facebook, laakin waxa loo maleenayaa in ay ka warqabto xirataanka bogga Shabaabka ee Twitterka waayo waxa aysan oggeen lama sameen karo.

Boggan ayaa la furay bishii December ee sanadkii 2011, kaddib markii ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi