25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Suldaan reer Somailand ah oo lagala baxay gurigiisa ku yaalla Muqdisho + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Suldaanka Beesha Makaahiil Samaroom Suldaan Cabdulqaair ayaa hadda lagala baxay gurigiisa, waxaana lagu xiray Xarunta Dambibaarista CID ee KM4.

Suldaanka lagala baxay gurigiisa ayaa waxaa dhowr jeer u yeertay xeer ilaalinta Qaranka, wuxuuna diiday inuu tago, waxayna xogaha aan helnay sheegayaan in laga gudbiyey dacwad.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Caasimada Online ayaa tibaaxaya in Suldaanka loo xiray arrimo la xiriira kuraasta beeshiisha, gaar ahaan kursiga 226 oo ay ku fadhiso Xildhibaan Maryan Maxamuud.

Xarigan waxaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Axmed Yuusuf oo u rabay kursiga tirsigiisu yahay 226 in loo xiro musharax ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Yoonis Bashiir Muuse.

Xariga loo geystay Suldaanka ayaa kusoo aadayo xilli dib loo bilaabay doorashada xubnaha Golaha Shacabka, waxaana Muqdisho ka socdo loolan loogu jiro kuraasta Gobolada Woqooyi ee Somaliland.

Wasiir Jamaal oo u jawaabay xildhibaanka UK ee wada dooda aqoonsiga Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka qorsheynta xukuumadda federalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa si adag ugu jawaabay xildhibaan xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii barlamaanka UK horgeeyay mooshinka looga doodayay aqoonsiga Soomalailand.

Jamaal oo ka jawaabay qoraal Gavin Williamson uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, ayaa waxa uu ku weeraray shaqsiyada Gavin, si adagna uga horyimid in uu soo fara-geliyo arrimaha gudaha dalkeena.

“Tani waxay dhab ahaantii muujinaysaa jaahilnimadaada ku aadan xaaladda gudaha ka jirta. Qof si sharaf dhac leh looga ceyriyay shaqadii uu dowladdiisa u hayay ka dib markii uu dusiyay sirar la xirriira amniga qarankiisa ma aha inuu farageliyo arrimaha gudaha ee dal madaxbanaan,” ayuu ku yiri qoraalkiisa Wasiir Jamaal.

Xildhibaan Gavin Williamson oo dooda u soo bandhigayay xubnaha aqalka baarlamaanka ayaa sheegay in la joogo xilligii ay UK aqoonsan lahayd Somaaliland, isagoo hadal kasoo yeeray Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Vicky Ford ku tilmaamay in faham la’aan ka haysato xaqiiqda jirta.

Vicky Ford ayaa ku dhawaaqday in aqoonsi ay hesho Somaliland uu yahay mid ku xiran dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay tahay inay Somaliland ka wada-hadlaan, xilli baarlamanka dalkaas shalay la geeyey dood ku saabsan aqoonsiga Somaliland.

“Doodda ka socota Aqalka Wakiilada waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka joogtada ah ee UK ee ku wajahan maqaamka Somaliland. Waa arrin u taalla Somaliland iyo dowladda federaalka inay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda,” ayey Vicky Ford ku tiri qoraal ay soo dhigtay twitter-ka.

“Waxaan sii wadi doonaa in iskaashi kala sameyno dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland arrimaha dimqoraadiyadda, ammaanka iyo barwaaqada.”

Hadalka Vicky Ford ayaa soo xiray dooddii qabsatay baraha bulshada iyo rajadii Somaliland ee ay aheyd in doodda la geeyey baarlamanka UK ay hoggaamin karto aqoonsi ay hesho Hargeysa.

Sidoo kale waxa uu yimid hadalka Vicky Ford saacado un kadib markii ay wada-hadallo la yeelatay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali, kaasi oo ku aadana ixtiraamka midnimada iyo madax-baannaanida Qarannimo ee labada Dal.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xilligan marnaba ogoleyn in Somaliland loo aqoonsado dal madax-banaan, ayada oo uu gaabis weyn ku yimid wada-hadaladii u dhaxeeyay labada dhinac.

Yaa kusoo baxay 5-ta kursi baarlamaan ee maanta la qabtay doorashadooda?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed waxaa maanta lagu qabtay doorashada shan kursi oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ka imaanaya dhinaca maamulkaasi.

Kuraasta maanta la qabtay doorashadooda ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaano hore ugu fadhiyay iyo kuwa cusub, waxaana loogu kala guuleystay sidaan hoose;

Kursiga 1-aad: HOP#184 ayaa waxaa ku tartamay laba musharrax oo kala ah Xasan Cabdinuur Cabdi iyo sidoo kale musharrax Maxamed Cabdulaahi Cali, waxaana kursigan kusoo baxay Mudane Xasan Cabdinuur.

Xasan Cabdinuur oo hadda ah wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, ayaa waxa uu helay codad gaaraya-72 cod, halka musharaxii la tartamayay ee Maxamed Cabdulaahi Cali uu heley 27 cod, sidoo kale waxaa halaabay laba cod.

Kursiga 2-aad: HOP#085 ayaa waxaa ku tartamay Shariif Maxamed Cabdalla oo hore ugu fadhiyay kursigaan iyo Maxamed Xuseen Mukhtaar, waxaana markale kursigaan ku guuleystay Shariif Maxamed Cabdalla.

Shariif Maxamed Cabdalla ayaa waxa uu helay 79 cod, halka Musharrixii la tartamayay ee Maxamed Xuseen Mukhtaar uu helay 19-cod, waxaana halaabay 3 cod, sida uu shaaciyey guddiga.

Kursiga 3-aad: HOP#176 waxaa kursigaan ku tartamay Maxamed Mursal Maxamuud Boorow iyo Cabdixakiin Mustaf Ibraahim, waxaana ku guuleystay Maxamed Boorow oo asagu hore ugu fadhiyay kursigaan.

Sida uu sheegay guddiga Maxamed Mursal Maxamuud Boorow ayaa helay codad gaaraya 73 cod, halka musharaxii la tartamayay ee Cabdixakiin Mustaf Ibraahim uu heley 26 cod, sidoo kale waxaa halaabay hal cod.

Kursiga 4-aad: HOP#046 waxaa kursigaan oo horey ugu fadhisay Raabaco Sheekh Nuur maanta ku tartamay Maxamed Wardheere Cabdi iyo Cabdulaahi Samow Cusmaan, waxayna guushu ku raacday Maxamed Wardheere.

Maxamed Wardheere Cabdi ayaa helay codad gaaraya 83 cod, halka Cabdulaahi Samow Cusmaan oo ah musharaxii la tartamayay uu helay 11 cod, waxaana halaabay hal cod oo keli ah.

Kursiga 5-aad: HOP#156 oo ahaa kursigii ugu dambeeyay ee maanta doorashadiisa la qabto ayaa waxaa ku tartamay Maxamed Aadan Maxamed iyo Maxamed Ibraahim Isaaq, waxaana ku guuleystay Maxamed Aadan Maxamed.

Maxamed Aadan Maxamed oo ah guuleystaha kursigaan ayaa waxa uu helay codad gaaraya 88 cod, Maxamed Ibraahim Isaaq oo ahaa musharaxii la tartamay uu heley 10 cod, sidoo kale waxaa halaabay laba cod, sida uu sheegay guddiga.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa noqoneysa maamulkii ugu horreeyey ee soo doorta xildhibaano cusub, kadib heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa qorshaha uu yahay in la soo gaba-gabeeyo 25-ka Febraayo, si markaas loo guda galo tan madaxweynaha oo haatan si weyn la isugu hayo.

Maxaa ka dhaxeeya khilaafka FARMAAJO iyo ROOBLE, iyo qaraxyada Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doodo u muuqda inay xaaladda uga sii darayaan ayey baafinayaan qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ah iyo jamaahiirtooda. Caasimadda waxaa kusoo laabtay waayadaan dambe qaraxyo.

Afartii qarax ee ugu dambeysay ee Muqdisho ka dhacay waxaa dhammaan loo ekeysiiyey kuwa xambaarsanaa dano siyaasadeed.

Qaraxii lagu dilay Allaha u naxariistee Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Africa, mid dhawaan ka dhacay wadada 21-ka October iyo midkii ugu dambeeyey ee lagu dhaawacay afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa kusoo beegmay xilli ay jirto xurgufta madaxda sare.

Tuhunka marka laga tago waxaa jira dad Siyaasiyiin ah oo u bareeray inay isku xiraan xaaladda kacsan ee siyaasadda iyo qaraxyadaas.

Haddaba dooda aan weli dhinaca loo ridin waxay tahay macquul ma tahay in arrimahaasi is waafaqi karaan?

Waxaan la hadalnay qaar kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya, marka Koowaad Qarax is-miidaamin ah oo uu fuliayo qof naftiisa dilaya waxa ay dowladda federaalka ah ku yeelan karto abaabulkiisa waa mid aad u yar.

Dhibka ugu badan inuu iyagu gaarayo waa caddahay, laakiin inay iyagu fulin karaan waa arrin mustaxiil ah. Askari dowladda federaalka ah ka tirsan waligiis isma qarxin, inay is qarxiyaan iska dhaafe qaarkood sida shacabka ayey uga dhuuntaan goobaha bartilmaameedka ah.

Waxaa la isku raacsan yahay haddii uuba qaraxu yahay is-miidaamin wuxuu ka billowdaa kuna dhammaadaa kooxda Al-Shabaab.

Mid waa macquul, waana inuu jiri karo xiriir xubnaha dowladda qaar la yeelan karaan Al-Shabaab, laakiin taas kama badan karta xog is dhaafsi ayey leeyihiin khubarada amniga ee aan la hadalnay.

Uma badna inay isla qorsheyn karaan qofka iyo goobta. Al-Shabaab isku xukun ayey marisaa dhammaan dadka dowladda federaalka u shaqeeya, isla iyagana talo kama waydiineyso cidda ay dileyso, ayuu yiri mid kamid ah sarakiisha aan la hadalnay.

Dad badan waxay qabaan in qaraxyada ismiidaaminta ah iyo xurgufta madaxda sare inaysan cilaaqaad laheyn ama yeelan karin.

Haddii ay qaraxyo ahaan lahaayeen miinooyin dhulka lagu aasay ama weeraro toos ah dooduhu waxay heli lahaayeen dad xoogaa dhageysta oo tuhun ayey abuuri lahaayeen.

Xilliga doorashada iyo Amniga

Doorkii doorasho ee ugu dambeeyey ee Soomaaliya waxaa xilliga doorashada la dilay dad kala duwan oo qaarkood kasoo horjeeday madaxdii xilligaas xilka heysay, qaarkood weerar toos ah oo gaadiidkooda lagu qaaday ayaa lagu dilay bartamaha wadada Makka Al-Mukarama.

Qaraxyo iyo Hoteelo la weeraray ayaa sidoo kale dadka qaar lagu beegsaday, haddii la isku xiro weerarada iyo qofka xukunka haya markaas dhammaan madaxdii dalka xukumeysay 12-kii sano ee lasoo dhaafay waxay noqon doonaan dambiilayaal, ayey leeyihiin xeel dheerayaashu.

Arrintaan uma fududa sida dadka qaarkiis u dhigayaan. Waxaa la aamisan yahay in mar walba xilliga doorashada inay Al-Shabaab beegsadaan dadka muhiimka u ah xaaladda taagan, balse siyaasiyiinta qaar ayaa isku dayaya inay arrimaha qaar u adeegsadaan olole siyaasadeed.

Waqtigaan la joogo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo ayaa siyaasad ahaan is diidan, laakiin taasi kama dhigna inay madaxda isku badalaan argagixiso.

Siyaasiyiinta is waafajinaya labadaan kiis ee khilaafka madaxda iyo qaraxyada is-miidaaminta ah waxay si weyn usii kala fogeenayaan bulshada, waxay dambiilayaal ka dhigayaan madaxda is-haysa, waxay dhaawacayaan dowladnimada, waxay shacabka ku abuurayaan in dhinacyada oo dhan ay ka aamin baxaan, waxayna fariimahooda keeni karaan in xaaladda amniga sii xumaato.

Xeel dheerayaasha Amniga waxay leeyihiin; in siyaasiyiinta xukmiyaan qarax walba cidda ka dambeysa iyagoo danahooda eegaya, waxay jeexi kartaa ama abuu kartaa isbeegsi aan hadda jirin oo dowladda dhexdeeda ah, waxayna qaarkood ku talinayaan in laga fogaado arrintaas.

Wasiir ka tirsan DF oo ka qeyliyey kursi uu u sharxan yahay ‘oo la boobayo’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda  Soomaaluya  Duraan Axmed Faarax ayaa cabasho ka muujiyey habka loo maamulayo kursiga tirsigiisu yahay HOP#166, kaasi oo deegaan doorashadiisu tahay Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in kursigaas loo marayo hab raac ka duwan heshiiskii 3 illaa 9 January 2022 ay Muqdisho ku gaareen madaxda maamul Goboleedyada, iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada iska leh kursiga golaha shacabka ee sumadiisu tahay #Hop166 u caddaynaya in si baal marsan habraacyadii doorashada dadban ee lagu heshiiyay 3 ilaa 9 Janaayo 2022 loo maamulay doorashada kursigaas.iyadoona Nabadoonada beesha kursigu ka dheexyo aan wax door ah la siin” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha xulaya ergada iyo ergada ay soo xuleenba inaysan aheyn kuwa heysto matalaada Bulshada.

Wasiir Duuraan waa Musharrax Xildhibaan u taagan kursiga tirsigiisu uu yahay HOP#166 kaas uu ku fadhiyo Wasiirka hore ee Shaqada iyo Shaqaalaha Sadiiq Xirsi Warfaa.

Hadalka Wasiir Duraan ayaa ku soo aadaya xilli lagu madalsan yahay in doorashada xildhibaanada Goloha Shacabka lagu soo gabagabeeyo muddo 40 beri oo ku eg 25 Febraayo 2022 sida ku xusan heshiiskii Muqdisho lagu gaaray dhawaan.

Waxaa durba muuqata cabashooyin laga soo gudbinayo sida ay ku socoto doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka oo dib loo bilaabay 15-ka Bishaan, waxaana weli halkiisa kasii socdo boobkii markii hore keenay inay shir isugu yimaadaan Golaha Wada-tashiga Qaran.

Waxaa hadda la is-weydiinayaa haddii xitaa wasiiradii awoodda iyo saameynta lahaa si fudud loogu diidi karo tartanka kuraasta ama la boobi karo, xagee ku jiraan dadka caadiga ah? 

Daawo: Jeneraal Xuud oo Muqdisho la keenay – Sidee loogu soo dhoweeyey?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo si weyn uga soo horjeeday HirShabelle ayaa maanta la keenay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, isaga oo ogolaaday inuu wad-hadal toos ah la galo dowaldda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xuud oo diyaarad gaar ah ay kasoo qaaday Beledweyne ayaa waxaa la socday taliyaha ciidamada Lugta General Biixi oo hormuud ka ah dadaallada socda ee lagu qaboojinayo xiisadda ka aloolsan magaaladaasi, si loogu qabto doorashada Golaha Shacabka Somalia.

Generalka oo muddo ku sugnaa duleedka magaalada Beledweyen ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey caasimada, waxaana garoonka ugu hortegy ciidamo iyo saraakiil loo diyaariyey inay qayb ka noqdaan soo dhoweyntiisa, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan.

Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo horey uga hadlay safarkiisa Muqdisho ayaa xusay inuu kulan gaar ah la qaadan doono Farmaajo, maadaama Villa Soomaaliya ay haatan dadaal xoogleh haatan galineyso xiisadda Beledweyne, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey inay guuleysan doonaan wada-hadallada socda ee xalka loogu raadinyo tabashada reer Hiiraan.

“Xalka Hiiraan haddaan madaxweynaha isku tegno waxaan qiyaasaayaa 70% inay xalismi doonto,” ayuu yiri Jeneral Xuud.

Dhinaca kale wuxuu beeniyey in illaa & hadda uu kulan la yeeshay madaxda HirShabelle ee ku sugan Beledweyne, sida madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Yuusuf Dabageed. Xuud ayaa sheegay inuu haatan wadahadalku kula jiro dowladda federaalka Soomaaliya.

“Kacdoon ayaa nala yiraahdaa HirShabelle wax la yiraahdo shir lama yeelanin annaga,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalin ka hor taliyaha ciidamada lugta oo ay aad isugu dhow yihiin Farmaajo uu gaaray Beledweyne, isaga oo halkaas ka bilaabay kulamo xal raadin ah, si magaaladaasi loogu qabto doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

ROOBLE oo ka dhabeeyay GO’AANKII uu ka qaatay siyaasadda IMAARAADKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u muuqda inuu ka dhabeynayo siyaasadda cusub ee uu shaaciyey inuu ku wajahayo arrimaha dibedda, gaar ahaan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Rooble ayaa dhawaan shirkii Golaha Wasiirada ka shaaciyey in marnaba aysan suurta-gal aheyn in Soomaaliya ay colaadiso dalal kala dhaxeeyan dano badan, islamarkaana aysan si gaar ula macaamilin dal gaar ah, kuwa kalena aysan fogeyn, ayada oo xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso sida uu sheegay siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa timid kadib amrkii uu Ra’iisul Wasaaraha dib u soo celiyay xiriirka Soomaaliya ee dowladda Imaaraadka Carabta, uuna ka raali-galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda ugala wareegtay lacag laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, isagoona u ballan-qaaday in dib loogu wareejin doono.

Is-bedelka siyaasadda arrimaha dibedda ee uu qaatay Rooble ayaa si rasmi ah u dhaqan-galay, ayada oo shalay xukuumadda ay cambaareysay weeraro ay Xuutiyiinta ku qaadeen magaalada Abu Dhabi.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in dowladda federaalka ay si kulul u cambaareyneyo weeraradaas oo ay fulisay kooxda Xuutiyiinta oo adeegsatay diyaarado drone oo qaraxyo xambaarsan.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka argagaxiso ee lagu qaaday magaalada Abu Dhabi,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay tacsi u dirayaan qoysaska ay dadkooda ku dhinteen weeraradaas, kuwa dhaawaca ahna ay u rajeynayaan caafimaad deg-deg ah.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii ku dhintay iyo qoysaskooda,” ayuu sii raaciyey wasiir Cabdisaciid.

Xukuumadda ayaa ka hor warka kasoo baxay shalay waxay inta badan ka gaabsan jirtay arrimaha Imaaraadka Carabta, ayada oo ay ugu wacan tahay in Farmaajo uu xiriirka Imaaraadka ka door-biday kan Qatar, oo ah dal inta badan aanay waxba kala dhaxeyn Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibedda Cabdisaciid Muuse Cali ayaa shalay nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Al-Muwallad ayaa waxay dowladda Sacuudiga u soo magacowday bilowgii ishii October ee sanadkii 2021-ka, muddo kadibna Wasaaradda arrimaha dibadda gudaheeda ayaa shalay si rasmi ah looga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo.

Imaaraadka iyo Sacuudigaba waa laba dal oo Farmaajo u colaadiyey Qatar darteed

Tallaabadan ayaa ka dhigan in uu fulay go’aankii Rooble ka qaatay xiriirada dibada ee Soomaaliya, oo markii hore madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu qaar ku fogeeyay, kuwa kalena uu ku soo dhaweystay.

Wasiir ka tirsan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble oo loo doortay xildhibaan cusub

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed waxaa haatan ka socota doorashada shan kursi ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ka imaanaya dhinaca maamulkaasi.

Doorashada oo kursigii horreeyey la qabtay ayaa waxaa ku tartamay laba musharrax oo kala ah Xasan Cabdinuur Cabdi iyo sidoo kale musharrax Maxamed Cabdulaahi Cali, waxaana kursigan oo ah HOP#184 kusoo baxay Mudane Xasan Cabdinuur.

Xasan ayaa helay codad gaaraya 72 cod halka musharaxii la tartamayay uu sina heley 27 cod, sidoo kale waxaa halaabay 2 Cod, sida uu shaaciyey guddiga.

Musharraxa guuleystay ee Xasan Cabdinuur ayaa ka tirsan xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble, wuxuuna haatan ku magacaaban yahay wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galayaa kuraasta xigta ee lo qorsheeyey in isla maanta lagu qabto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Koonfur Galbeed ayaa noqoneysa maamulkii ugu horreeyey ee soo doorta xildhibaano cusub, kadib heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa qorshaha uu yahay in lasoo gabagabeeyo 25 Febraayo, si markaas loo guda galo tan madaxweynaha oo haatan si weyn la’isugu hayo.

Arrinta aan la shaacin ee ka dhalatay xiisadda ka dhex-oogan Puntland iyo PSF

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Inkasta oo ay si weyn hoos ugu dhacday xiisadii dagaal ee ka taagneyd magaalada Boosaaso ee u dhaxeysay maamulka madaxweyne Deni iyo hogaanka hay’adda PSF, haddana waxaa soo baxaya in uu reebay saameyn aan weli laga soo kabsan.

Xiisadii dagaal ee Boosaaso waxaa ku xirmay Dekedda Boosaaso oo badeecaddaha kale duwan laga soo dejiyo, islamarkaana la geeyo illaa gobolada dhexe iyo bartamaha dalka.

Badeecadaha kasoo dega Dekedda Boosaaso ayaa waxaa Ganacsi ahaan ku xiran inta badan gobolada dhexe ee dalka, waxayna taasi keentay in uu isbedelo qiimaha maciishadda nuucyadeeda kala duwan.

Waxaa kordhay wax ku dhow 30% magaalooyinka waaweyn ee dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland, qiimaha cuntada ee gobollada Bari, Nugaal, Mudug, Galgaguud iyo Hiiraan ayaa kacay.

Sababaha u weyn ee kor u kaca intaas le’eg ku keenay qiimaha maciishada ayaa ah kadib markii gaadiidka Boosaaso ka soo daabula cuntada ay joojiyeen shaqadaas iyo dekedda oo shaqadeedu istaagtay intii ay socotay xiisada colaadeed.

Inkasta oo aysan hadda xabad ka socon xarunta gobolka Bari, hase yeeshe waxaa weli hoos ka nool dabkii lagu gubtay ee ka dhashay xiisada dagaal ee u dhaxeysay maamulka madaxweyne Deni iyo hogaanka hay’adda PSF.

Si kastaba, Isimada dhaqanka Puntland oo muddo u fadhiyey xalka xiisadda magaalada Boosaaso ayaa dhawaan go’aamiyey in hay’adda PSF ay sideeda sii ahaato oo hoggaankeeda loo daayo Maxamuud Cusmaan Diyaano, iyadoo Agaasime Maxamuud la hordhigay inuu dib isugu raadiyo ciidankii ku kala jabay dagaalkii ka dhacay Boosaaso.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Agaasime Maxamuud Diyaano loo dhigo gogol dib u heshiineed, si loo soo afjaro khilaafka, ayada oo ay go’aamiyeen in dhibkii ka dhacay magaalada lagu dagaalamay loo bandhigo shareecada Islaamka oo lagu dhaqmo xukunkeeda.

UK oo mowqif kasoo saartay aqoonsiga SOMALILAND kadib dooddii baarlamanka

London (Caasimada Online) – Xukuumadda ra’iisul wasaare Boris Johnson ee dalka UK ayaa mowqif niyad-jab leh usoo dirtay Somaliland, xilli baarlamanka dalkaas shalay la geeyey dood ku saabsan aqoonsiga Somaliland.

Wasiirka Britain ee Arrimaha Afrika Vicky Ford ayaa ku dhowaaqday in aqoonsi ay hesho Somaliland uu yahay mid ku xiran dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay tahay inay Somaliland ka wada-hadlaan.

“Doodda ka socota Aqalka Wakiilada waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka joogtada ah ee UK ee ku wajahan maqaamka Somaliland. Waa arrin u taalla Somaliland iyo dowladda federaalka inay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda,” ayey Vicky Ford ku tiri qoraal ay soo dhigtay twitter-ka.

“Waxaan sii wadi doonaa in iskaashi kala sameyno dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland arrimaha dimqoraadiyadda, ammaanka iyo barwaaqada.” 

Hadalka Vicky Ford ayaa soo xiray dooddii qabsatay baraha bulshada iyo rajadii Somaliland ee ay aheyd in doodda la geeyey baarlamanka UK ay hoggaamin karto aqoonsi ay hesho Hargeysa.

Warka kasoo baxay Vicky Ford ayaa yimid saacado kadib markii ay wada-hadallo la yeelatay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay kadib kulankaas ku sheegtay “in labada wasiir ay ka wada-hadleen xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka midnimada iyo madax-baannaanida Qarannimo ee Labada Dal.”

“Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika, isaga oo Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali uga mahad celiyey dowladda Ingiriiska taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dooddan ayaa waxaa baarlamanka geeyey xildhibaan Gavin Williamson, oo horey u ahaa wasiirka difaaca UK, intii u dhaxeysay 2017 illaa 2019. 

Daawo: Madaxweyne Deni oo weerar cusub ku qaaday DF

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay inay ka go’antahay in shacabka Puntland ay helaan dowlad casri ah, halka uu dhinaca kalena weerar ku qaaday dowladda federaalka.

Saciid Deni ayaa ugu horeyn waxa uu shacabkiisa ku amaanay ilbaxnimada iyo dimuqraadiyadda ay muujiyeen intii ay socotay doorashadii golayaasha deegaanka ee 3-da degmo.

Saciid Deni ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed baahida ugu weyn oo ay qabaan ay tahay dhanka amniga, “Hadii aan la helin amni gacan aamina ku jira, waan garan karnaa waxa ka dhalan kara,” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in badanaa cabsi laga muujiyo qabsoomidda doorashooyinka Soomaaliya, isagoo caqabada koowaad u tiiriyey amni xumada dalka ka jirta.

“Inta badan waxaa cabsi laga muujiyaa suurta galnimada doorasho ka dhacda Soomaaliya, waxa ugu weyn ma ahan in dadku aysan doorasho rabin, mana ahan in farsamo ahaan aan doorasho la qaban karin, laakiin waxa ugu weyn ee na xayiray waa amniga,” ayuu yiri

Madaxweyne Saciid Deni, oo weeraraya dowladda federaalka, ayaa intaas ku sii daray in dowladii amniga dadkeeda sugi weysay hadii ay tiraahdo ‘waxaan qabanayaa doorasho qof iyo cod ah ay been u sheegtay dadkeeda.’

“Taasi waa sababta markasta doorashada dadban ee dhibka weyn noo geysatay aan uga gudbi la’nahay, waxaan u baahan inaan ku dhiirano inaan xasilino dalkeenna,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Hoos ka daawo

Maxay ka wada-hadleen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo haatan booqasho ku joogo waddanka Itoobiya ayaa kulan la yeeshay ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Mudane Abiy Axmed oo isagu u fidiyey casuumaadda uu ku tegay Addis Ababa.

Biixi iyo Abiy oo wada-hadallo gaar ah yeeshay ayaa xoogga saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan iskaashiga ay leeyihiin labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Ciise Kayd oo ka warbixiyey kulankaasi ayaa shaaca ka qaaday in labada mas’uul ay isla soo qaadeen arrimo dhowr ah, sida isticmaala Berber Port iyo Berbera Corridor.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Itoobiya iyo Somaliland ay baallaarin doono iskaashiga dhinaca ganacsiga ee ka dhexeeya labada dhinac.

Muuse Biixi ayaa sidoo kale inta uu joogo Addis Ababa kulamo doceedyo la yeelan doono madax kala duwan oo ay qayb ka yihiin safiirada deggan magaaladaasi.

Socdaalka madaxweynaha Somaliland ee Itoobiya ayaa ah kiisii labaad oo uu ku tego dalkaas oo xiriir la leh Somaliland, waxaana loo soo dhoweeyey si ballaaran.

Waxaa sidoo kale hadal hayn xoogan ay ka dhalatay hab maamuus loo soo dhoweeyey madaxweynaha Somaliland, waxaana dadka isticmaala baraha bulshada ay barbar ku sameynayeen soo dhoweeyntii hore loogu sameeyey Farmaajo iyo tan Biixi oo aan waxba ku kala duwaneyn, marka la eego qaabka loo soo dhoweeyey labaduba.

Si kastaba, Farmaajo iyo Abiy ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay ahaa saaxibo isu dhow, waana midda sii xoojisay hadal heynta ka dhalatay safarka Muuse Biixi ee Addis Ababa.

JUBALAND oo shaacisay jadwalka doorashada BF

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga maamulka doorashada ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyey jadwalka doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabke ee deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Guddiga ayaa soo saaray liiska illaa 6 kursi, kuwaas oo ka mid ah 14-kii kursi ee ay Jubbaland shaaciyay 13/12/2021.

Sidoo kale guddiga ayaa qoraalkooda ku xusay in isla maanta ay shaacin doonaan xubnaha guddiga xulista ergada doorashada lixda kursi ee ay soo saareen liiskooda.

Doorashada kuraastaan ayaa sidoo kale la qabanayaa 23-ka bishan, sida ku cadda jadwalka kasoo baxay guddiga doorashada ee Jubbaland.

Tallaabada ay qaaday Jubbaland ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ee u dhexeeyay Golaha Wadatashiga.

Dhanka kale Jubbaland ayaa illaa iyo hadda ku dhawaaqin doorashada kuraasta taalla dhanka Garbahaarey, taas oo isha lagu hayo, maadaama loolan xoogan loo geli doono kuraastaasi oo ay tartan u geli doonto Villa Somalia oo siyaasad ahaan ku xoogan Gedo.

Si kastaba, doorashada Soomaaliya ayaa haatan ku socota dardar xoogan, waxaana qorshaha uu yahay in lasoo gabagabeeyo ka hor 25 Febraayo ee sanadkan 2022-ka.

Yaa hadda ku fadhiyay 11-ka KURSI ee PUNTLAND ay shaacisay doorashadooda

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa goordhoweyd shaaciyey 11 kursi, oo kamid ah kuwa Golaha Shacabka, kadib xili uu dhawaan shaaciyay kuraastii u horeysay.

Guddiga ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku soo bandhigeen liiska kuraastaas, kuwaasi oo kala ah; HOP#014, HOP#174, HOP#191, HOP#192, HOP#129, HOP#075, HOP#121, HOP#221, HOP#073, HOP#198 iyo HOP#199.

11-ka kursi ee uu shaaciyey guddiga doorashada Puntland ayaa waxay kamid yihiin 37 kursi oo ku asteysan deegaanka maamulkaas, kuwaasi oo illa hadda tirada kuraasta Puntland ee la shaaciyey ka dhigeysa 21 kursi.

Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa sheegay in faah-faahinta jadwalka iyo kala horeynta doorashada kuraasta uu shalay shaaciyay ay dib kasoo saari doonaan.

Sida uu qorshuhu yahay waxaa maalmaha soo socda la dooran doona 10 kursi oo horay loo dhameystiray habraacii lagu dooran lahaa.

Hoos ka aqriso magacayada xildhibaanada hadda ku fadhiya 11-ka kursi:

  1. HOP#221: Xildhibaan Daa’uud Maxamed Cumar
  2. HOP#198: Xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi
  3. HOP#199: Xildhibaanad Xaawo Yuusuf Axmed
  4. HOP#192: Xildhibaanad Saciido Maxamed Xasan
  5. HOP#191: Xildhibaanad Daahir Maxamuud Muuse
  6. HOP#174: Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar
  7. HOP#129: Xildhibaanad Sacdiya Yaasiin Xaaji
  8. HOP#121: Xildhibaanad Canab Xasan Cilmi
  9. HOP#075: Xildhibaanad Ikraan Yuusuf Xirsi
  10. HOP#073: Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jangali
  11. HOP#014: Xildhibaanad Sacdiya Careys Ciise

Wararkii ugu dambeeyey ee wada-hadallada Villa Soomaaliya iyo XUUD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneral Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay xaaladda guud ee magaalada Beledweyne, gaar ahaan kulamada xasaasiga ah ee uu haatan la leeyahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xuud oo u warramay Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday inuu shirar gaar ah la yeeshay taliyaha ciidamada Lugta ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo metalayey, sida uu sheegay madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waa noo sheegay inuu si gaar ah u metelayo madaxweynaha,” ayuu yiri Jeneral Xuud oo ka warbixinayey dadaallada uu haatan wado taliye Biixi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu maanta kusoo jeedo magaalada Muqdisho, isaga iyo rag kale oo reer Hiiraan ah, si loo sii amba qaado wada-hadallada haatan billowday

“Muqdisho ayaan imaanayaa maanta dad badan ayaa i wehlinayo oo ila tegi doono,” ayuu markale sii raaciyey.

Jeneral Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu kulan gaar ah la qaadan doono Farmaajo, wuxuuna sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyey inay guuleysan doonaan wada-hadallada socda ee xalka loogu raadinyo tabashada reer Hiiraan.

“Xalka Hiiraan haddaan madaxweynaha isku tegno waxaan qiyaasaayaa 70% inay xalismi doonto,” ayuu markale yiri Xuud.

Dhinaca kale wuxuu beeniyey in illaa & hadda uu kulan la yeeshay madaxda HirShabelle ee ku sugan Beledweyne, sida madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Yuusuf Dabageed. Xuud ayaa sheegay inuu haatan wadahadalku kula jiro dowladda federaalka Soomaaliya.

“Kacdoon ayaa nala yiraahdaa HirShabelle wax la yiraahdo shir lama yeelanin annaga,” ayuu kusoo gabagabeeyey hadalkiisa.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalin ka hor taliyaha ciidamada lugta oo ay aad isugu dhow yihiin Farmaajo uu gaaray Beledweyne, isaga oo halkaas ka bilaabay kulamo xal raadin ah, si magaaladaasi loogu qabto doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Turkiga oo shaaciyey arrin aan horey looga ogeyn oo ku saabsan ciidanka Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha difaaca Turkiga ayaa markii ugu horeysey shaacisay arrin aanan horey waxbadan looga ogeyn oo ku saabsan kaalinta dowladda Qatar ay ku leedahay arrimaha tabobarka ciidamada Soomaaliya.

Bogga Twitter-ka ee wasaaradda ayaa lasoo dhigay sawirro iyo qoraallo muujinaya saraakiil sarsare oo ka socota militariga dalka Qadar oo tabobar u fidinaya 350 ciidamada kumaandooska Soomaaliya ah oo lagu laylinayo xero weyn oo ku taalla dalka Turkiga.

Sawirrada ayaa lagu dul qoray jumladahan oo luuqadda Turkiga aan kasoo turjunnay: “Xarunta Tababarka dhanka la dagaallanka argagixisada iyo carbiska (Isparta). Isbuucii saddexaad ee tababarka loo sameynayo 350 askari oo Soomaali ah oo Turkiga jooga, waxaana qayb ka ah tababarka ciidankan xubno ka tirsan ciidanka militariga ee waddanka Qadar.”

Tababarkan saraakiisha Qadar ayaa ku saabsanaa arrimaha argagixiso la dirirka , wuxuuna ka dhacay xero ku taalla magaalada Sparta ee dalka Turkiga.

Sidoo kale tababarka ciidamada Soomaaliya ayaa aad loogu yaqiinay in ay fidiso dowladda Turkiga, balse kaalinta Qadar ee ciidamada waxay ahayd mid aanan horey looga warqabin, kaliya waxay dowladda Qadar ku koobnayn arrimaha kale ee siyaasadda iyo diplomaasiyadda la xiriira.

Turkiga iyo Qadar ayaa waxaa ka dhaxeeya iskaashi militari, iyada oo dowlad kastaba ay saldhig ciidan ku leedahay dalka kale, si isweydaar ah, inkasta oo la sheegay in saldhigga Turkiga uu ku leeyahay Qadar uu weynyahay.

Turkiga waxuu saldhigga ugu weyn ee tababarka ciidamada ku leeyahay Muqdisho, kaas oo lagu magacaabo TurkSom, hase yeeshee ciidamada gaar ah ayaa intooda badan lagu tabobaraa gudaha Turkiga.

Lama oga in saraakiisha Qadar ay tabobar iyo talobixin ciidanba ka fuliyaan gudaha Soomaaliya xilli kooxaha mucaaradka ee Soomaaliya ay aad farta ugu godayaan dowladda Qadar, kuna eedeeyaan in ay garab siiso dowladda hadda jirta ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hulusi Askar ayaa bishii Novembar magaalada Ankara kula kulmay taliyaha guud ee ciidamada Soomaaliya Jeneraal Odowaa.

Markii ugu dambeysay oo arrin ku saabsan ciidamada oo xiriir la leh Qadar ay soo shaacbaxdo waxa ay ahayd sanado ka hor, markii dowladda Soomaaliya ay fududeysay dhallinyaro Soomaali ah in askar ahaan loogu qaado Qadar si ay uga qeybgalaan illaalinta koobka adduunka oo ka qabsoomaya dalka  Qadar sanadkan 2022-ka.

“Dowladda Qadar waxa ay cambaareynaysaa xadgudub kasta oo loo geysto qof si marin habaabin ah loogu sheegay in Qadar loo geynayo fursado shaqo. Dowladda arrinkaasi waa ay kasoo horjeeddaa, waxayna dhammaan dowladaha kale ka codsanaysaa in ay baaraan ficiladaasi” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta Qadar, sida uu kasoo xigtay wargeyska Doha News oo Qadar laga leeyahay.

Bishii Janaayo ee sanadkii 2019-kii ayay dowladda Qadar gaadiidka gaashaaman ugu deeqdey ciidamada Soomaaliya sida ay xilligaasi faafisay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA.

Ma jirto xog shaac baxsan ama meel furan oo laga tixraaci karo hawlaha tababarka, qalabaynta iyo caawinta Turkiga ee ciidamada Soomaaliya marka laga reebo war-saxaafadeedyada iyo mararka kooban ee warbaahinta loogu yeero ciidamo soo qalin jabiyay oo Muqdisho lagu soo dhoweynayo iyo kuwo dhoofaya.

Mucaaradka Soomaaliya iyo waalidiin ubad ka maqanyihiin oo dhawr jeer warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidan markii hore loo qoray in Qadar loo qaadayo markii dambe la geeyay dalka Eritrea, si loogu tabobaro.

Dowladda Soomaaliya iyo tan Qadar ayaanan weli eedahaasi ka jawaabin, lamana oga hadda illaa xadka Qadar ay ku lug leedahay arrimaha tababarka ciidamada Soomaaliya oo marar badan ay soo baxeen eedo la xiriira in sababo siyaasadeed loo adeegsado.

Balse sida uu qoray wargeyska Doha News bishii Janaayo 2021-kii, dowladda Qadar ayaa dowladda Soomaaliya ka codsatay in ay baaritaan ku samayso dhallinyarada la la’yahay ee la sheegay in ay ku maqanyihiin dalka Eritrea.

Xigasho: BBC

Khasaare ka dhashay laba qarax oo Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah qof soo xirtay jaakadda qaraxda ayaa gabal-dhicii isku miidaamiyey Maqaayad ku taalla afaafka hore ee xerada tababarrada ciidanka xoogga Soomaaliya ee Jeneraal Dhega-badan Ex xero Nacnac.

Inta la xaqiijiyey 4-qof ayaa ku geeriyootay qaraxaas, sidoo kale ugu yaraan 10 qof oo kale ayaa ku dhawacmay, dadkaas ayaa la sheegay inay isugu jiraan askar iyo shacab ku sugnaa maqaayada.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qoraal uu ka soo saaray qaraxaas waxuu ku yiri, “Abaaro 5:18 PM qof naftii halige ah ayaa isku qarxiyey Maqaayad u dhaw Xerada Jenera Dhagabadan Ex. Nacnac, khasaaraha ayaa noqday 14 qof oo dhaawac ah, ayadoo ay dhaawici u geeriyoodeen 4-qof, shakhsiga naftiisa haligaha ah ayaa toos u beegsaday Maqaayad ay ku shaahayeen dad ka mid ab bulshada deegaankaas.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay masuuliyadda qaraxaas, warbaahinta taageerta kooxda ayaa werisay in Al-Shabaab ay sheegteen in qaraxaas lagu dilay 20 askari oo ka tirsanaa ilaalada dugsiga tababarrada ciidanka Soomaaliya ee TurkiSom.

Maqaayada uu galabta qaraxaasi ka dhacay oo ku taalla ka soo horjeedka Warshadii hore ee Nacnaca, haatana ah xero tababar oo ciidanka xooggu uu leeyahay ayaa dhacda dhinaca koonfureed ee degmada Wadajir, 15-Juun 2021-kii ayuu sidaan oo kale qarax ismiidaamin ah uga dhacay maqaaxidaas.

Dhanka kale qarax gaari lagu dhejiyey ayaa mar kale caawa ka dhacay isla degmada Wadajir, gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaano Xaaji Gaabow, gaariga qaraxaas lagu dhejiyey waxaa lahaa shirkad lagu magacaabo Caadil, mana jiraan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay, markii laga reebo burbur xoog leh oo gaaray gaariga, sidaas waxaa warbaahinta u xaqiijiyey afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan.

 

DF Somalia oo la hadashay UK, xilli laga cabsi qabo inay aqoonsato Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta khadka telefoonka wada-hadal kula yeeshay Wasiirka arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska, Vicky Ford.

Labada Wasiir ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka midnimada iyo madax-banaanida Qaran-nimo ee labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxay wada-hadalkooda diiradda ku saaree kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee labada dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.

Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa dhankiisa uga mahad celiyey dowladda Ingiriiska taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wada-hadalkan deg deg ah ee Cabdisaciid iyo Vicky Ford ayaa yimid kadib markii xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka UK ay markale bilaabeen olole ictiraaf loogu raadinayo Somaliland, oo ayadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan.

Xukuumadda Britain ma aqoonsano gooni isu taagga Somaliland, mana jiro rabitaan ku aadan arrintaas sida ay marar badan sheegtay, oo ay ugu dambeysay bishii November 2021-kii oo ay Vicky Ford, oo ah wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika ay cadeysay in UK ay Somaliland aqoonsan doonto oo keliya marka ay go’aan noocaas ah gaaran Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrikaanka ah.

Somaliland ayaa inta badan ku bixisa dhaqaale badan sidii ay uga miro-dhalin laheyd qadiyada gooni isku-taaga, hase yeeshe Soomaaliya ayaa isku deygaas wiiqda, ayada oo ay ugu dambeyso tallaabada maanta ee ay UK u gaarsiiyeen ilaalinta midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya.

Xog: Qorshaha ka dambeeya heshiiska uu Farmaajo la gaaray Jeneraal Xuud

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan lagu soo gabagabeeyey kulamo aan kala joogsi laheyn oo xal loogu raadinayey tabashada laga qabo dhismaha labaad ee maamul goboleedka HirShabelle.

Taliyaha ciidamada dhulka Soomaaliya Genaraal Maxamed Tahliil Biixi, Taliyaha qeybta 12-Apriil Genaraal Tawane Gurureey iyo saraakiil kale oo ka wakiil ah madaxweyne Farmaajo oo shalay Beledweyne soo gaaray ayaa kulamo la qaatay hoggaamiyaha Golaha kacdoonka Hiiraan ee HirShabelle diidan Generaal Abuukar Xuud iyo saraakiil sare oo kacdoonka ka mid ah.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo, wada-hadallada ayaa waxaa laga gaaray isfaham hordhac ah si loo guda galo wajiga labaad ee dadaalada socdo.

Heshiiska la gaaray ayaa waxaa qeyb ka ah in Generaal Abuukar Xuud iyo xubno kale oo kacdoonka Hiiraan kamid ah ay Generaal Biixi u raacaan magaalada Muqdisho si ay kulan ula qaataan Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Soomaaliya Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Marka ay General Xuud iyo xubnaha la socdo  tagaan Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in halkaas lagu dhameystiro heshiiska qabyada ah.

Dhanka kale, Taliyaha ciidamada dhulka Soomaaliya Genaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar, saraakiisha ciidanka dowladda iyo maamulka Gobolka Hiiraan.

Sida ay ogaatay Shabakadda Caasimada Online, Villa Somalia ayaa gadaal ka riixeysa wada-hadallada lala furay General Xuud, waxaana qorshahaan loo soo wakiishay Taliyaha ciidamada dhulka Soomaaliya Genaraal Maxamed Tahliil Biixi.

Jenraal Xuud iyo kooxdiisa ayaa sida aan xogta ku helnay loo ballanqaaday taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Farmaajo ayaa doonaya in xiisadda Hiiraan la dhameeyo, si ay u suurta-gasho in halkaas ay ka dhacdo doorasho, ayada oo kuraas muhiim u ah ay halkaas yaalaan, waxaana ka mid ah kursiga HOP086 oo la filayo inuu isku sharxo Fahad Yaasiin.

Kooxda Farmaajo ayaa hore is-afragrad ula gaartay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed, oo loo xil saaray qorshaha fuulinta sidii inta badan kuraasta 25-ka ah ee yaalla Beldweyne loogu gacan gelin lahaa kooxda Farmaajo.

Soomaalida oo falcelin laga naxo ka bixiyey imaatinka safiirka cusub ee Sacuudiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa si xadgudub leh oo laga naxo uga falceliyey kulan maanta waraaqaha aqoonsiga danjirenimo looga guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sucuudiga usoo dirtay Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa barteeda Facebook ku baahisay sawirada Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomaya safiirka cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Dad badan oo ka falceliyey arrintaas ayaa si akhlaaqda ka baxsan u weeraray safiirka cusub ee dowladda Sacuudiga ay u soo magacowday Soomaaliya, marka loo eego dhanka midabkiisa oo uu yahay nin madow ah, ayaga oo hadallo cunsurinimo ah kula kacay safiirka.

Dadka qaarkood ayaa soo dirista safiir madow ah ku qeexay ina ka dhigan tahay in Sacuudiga yasayo Soomaaliya, waa sida ay qoraalka u dhigeen’e.

Hase yeeshee dadkaas ayaa ah kuwa aan xog badan ka haysan in Sacuudiga ay ku nool yihiin dad badan oo madow dhalad ah, oo xitaa qaarkood dalkaas uga horeeyey dadka Carabta ah.

Waxaa yaab leh in dad Soomaali ah oo madow ay haddana cunsuriyeeyaan qof kale oo madow, oo weliba ah Muslim ku diin ah, taasi oo muujineysa heerka ay Soomaalida ka gaareen kibirka iyo isla weynida.

Weerarka lagu qaaday safiirka Sacuudiga ayaa ceeb iyo magac dal ku ah umadda iyo dowladda Soomaaliyeed, waana in dowladda Soomaaliya ay cudur daar ka bixisaa arrintan.