27.3 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Rag hubeysan oo Macallin Jaamacadeed maanta ku dilay Muqdisho + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay rag hubeysan oo burcad ah dil ka geysteen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay marxuum Cismaan Axmed Macow oo ka mid ahaa howlwadeennada Jaamacadda Horseed oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa ahaa Hormuudka Kulliyadda Economic iyo Magement Sciences, sida lagu sheegay qoraal tacsi ah oo kasoo baxay maamulka sare ee Jaamacaddaasi.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Macalinka ay dishay gacan ka xaq-darran, wuxuuna maamulka Jaamacadda uu Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa.

“Maamulka, Maclimiinta iyo howlwadeenada jaamacada Waxaa ay Tacsi Tiiranyo leh u dirayaan Hormuudka kulliyadd (Economic and Magement Sciences ) Ustaad Cusmaan Axmed Macow oo gacan ka xaqdaran ku dishay magaalada Mugdisho. Waxaan leenahay samir iyo iimaan Allah ha inaga wada siiyo qabrigiisana Allah ha u waasiciyo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka sare ee Jaamacadda Horseed.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in sidoo kale marxuumka ay ka qaateen taleefan iyo sidoo kale agab kale oo uu watay, xilli uu marayey agagaarka suuq-yaraya Dharkenley.

Dhinaca kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo howlgallo baaris ka sameeyey halkaas, balse ma jirto cid lagu soo qabtay.

Magaaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo dhac loo geysanayo shacabka ku dhaqan caasimada.

Godka Laftagareen – Maxaa ka socda Koonfur Galbeed?

Maamulka ka jira gobolka Koonfur-Galbeed  (KG) wuxuu December 18, 2018 ku  yimid doorasho aan hufnayn, kacdoonkii carada shacbiga ka dhashayna waxaa lagu demiyay dhiiga. Maamulka dulmigaas ku askunmay ee Cabdulcasis Xasan Maxamed Laftagareen wuxuu mudda xileedkiisa ku eg yahay waxay ka yar shan bilood.

Maamulkaas  waxay dadka ku tilmaamaan inuu yahay mid kelitalis ah oo “Qoysaysan,” mana aha mid daah furan, wuxuu adeegsadaa cabsiggelin baahsan, cabburin, jirdil, iyo xabsi. Weriyayaal ay u suurtowday inay arkaan xabsiga ayaa soo tebiyey in maxaabiista badidooda ay naafoobeen jirdil aawadiis, kuna xiran yihiin qolal aan lahayn dariishado hawo, iyo iftiin ka galaan. Raashin rasmi ah ma haystaan, lamana booqon karo.

Waxay kalaoo, sheegeen in maxaabiista ay ka mid yihiin wiilal iyo gabdha da’yar. Wararka weriyayaasha soo tebiyeen waxay waafaqsan yihiin cabashada waaliddiinta maxaabista laga soo duubay (Amaandhoorey, Baidoa News 28/6/2022).

Waxaa ka sii daran, in dhawaan la aasay maxbuus 16 jir ah oo la dilay kaddib markii la yiri wuxuu ka cararay xabsiga. Wiilku waxuu lugaha iyo gacmahaba uga naafoobay xabsiga, orod iska daaye xitaa ma awoodin inuu sarajoogsado. Takhaatirtu waxay ku sheegeen inuu u geeriyoon doono dhiig la’aan haddii aan deg deg lagu shubin.

Waaliddiintiisa waxay sheegeen in si kasta oo ay isugu dayeen inay arki waayeen ubadkooda. “Hal mar ayaa mudda gaaban naloo fasaxay Ramadaankii.” Waxay yiraahdeen waxa aan aragnay waxay ahaayeen humaag baniaadan, balse laguma tilmaami karo dad nool. Waxay yiraahdeen maxaabiista waa wada naafo aan istaagi karin.

Wiilka la dilay Maxamed Cali iyo dhallinyarada kaleba waxaa lagu soo eedeeyay inay ka mid yihiin Al Shabaab caddayn la’aan. Wiilashu waxay ahaayeen dhallinyaro hay’ad samafal ah ay kaalmaysay si ay isubixiyaan dhaqaale ahaan.

Toddobaadkan Laftagareen wuxuu Koonfur-Galbeed  ka  mamnuucay qabashada shirar siyaasadeed. Wasiirka Amniga Maxamed Isaaq Cabdi ayaa June 25, 2022 sii faafaahiyay in la joojiyay hadal siyaasadeed si aan amniga gobolka khal khal loo gelin. Amarku wuxuu ka dambeeyay markuu  Guddoomiyihii hore ee gobolka Bakool Ibraahim Macallim Nuurow ‘Shiino” uu ku dhawaaqay inuu yahay musharrax goddoomiye.

Dabcan maamulka waxaa qoorsho u ah inuu kolka hore uu ku kororsado muddo xileedkiisa sannad iyo bar. Waxaa xusuus mudan in xildhibaannada Barlamaanka Koonfur-Galbeed aysan mushaahar qaadan lix bilood, inkastoo maalmahan dambe qaar la siinayo kaararkii loogu talaggalay taakulaynta barakacyaasha abaaraha ee dhooban gobolka.

Waxaa iyadana xusuus mudan in lataliyaha Koonfur-Galbeed  xagga sharxiga Dr. Axmed Sheekh Abdullahi “Maadka”, inuu dhawaan iska casilay shaqada kaddib markii talo laga dhagaysan waayay, siduu ku yiri warayasigii warbaahinta Amaandhoorey. Wuxuu intaas ku daray in muddo xileed kororsi aysan ku jirin Dastuurka, damiirkiisana uusan u fasaxayn inuu hawl ka qabto maamulka uu ku timaamay inuu “qoysaysan” yahay. Waxaa weli bannaan jagooyin hoose iyo sare leh sida kuwii ka tagay shaqada, kuwii noqday xildhibaanno, iwm.

Booqashadii Baydhabo ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh mar la qaatay shir albaabbda u xiran yihiin guddoomiye Laftagareen. Waxay ka hadleen waxba kaamasoo shaacbixin, balse madaxweynaha khudbadiise dambe ayuu kusoo daray inuu “gebi ahaanba hor istaagayo mooshinka Xamar ay kasoo abaabulayaan xubno kasoo jeeda beelaha Koonfur-Galbeed  oo ka soo horjeeda maamulka Cabdulcasiis Laftagareen,” (Warqaad 3/6/2022).

Waxaa muuqata inuusan Laftagareen u sheegin in mooshinka la abaabulayo uu yahay keliya mid ka soo horjeeda muddo xileed kororsi. Xasan Sheekh wuxuu kaloo u sheegay Laftagareen in “haddii aad guddoonka gobolka kusoo noqonaysid iyo haddii kaleba ay khuseeyso dadweynaha Koonfur-Galbeed”.

Gudoomiye Aadan Madoobe oo magacaabay laba xil

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay labo xubnood oo la-taliyeyaal cusub u noqonaya, gaar ahaan dhinacyada arrimaha bulshada iyo xiriirka dadweynaha iyo dib u heshiisiinta.

Xildhibaan hore Naciimo Maxamed Gacal ayuu guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe u magacaabay la-taliyihiisa dhanka arrimaha bulshada.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa la-taliyihiisa dhanka xiriirka dadweynaha iyo dib u heshiisiinta u magacaabay Cali Yuusuf Cusmaan, wuxuuna Sheekh Aadan Madoobe xoghaya guud ee golaha shacabka faray inuu soo dhameystiro habraaca maamuuska la-taliyeyaashaan iyo meel marinta magacaabidooda, si sharciga waafaqsan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa magacaabidaan sameeyey maanta inta uusan safar ugu amba-bixin dalka Sacuudiga, si uu u soo xajiyo.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa horay xildhibaan hore Maxamed Idiris Ganey u magacaabay la-taliyihiisa dhanka sharciga.

 

Sawirro: NISA oo howlgal culus ka fulisay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgallo culus oo ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ay fuliyeen ayaa xalay ka dhacay degmooyinka Howlwadaag, Wartanabadda, Yaaqshiid, Kaaraan iyo qaybo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Howlgaladaan ayaa ka danbeeyay cabasho ka timid qaar ka mid ah shacabka degmooyinka magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka cabanayay tuugo xiliyadda habeenkii ah dhac u gaysta.

Intii lagu jiray howlgalladii xalay laga fuliyey degmooyinka Muqdisho, waxaa lagu soo qabtay kooxo watay mindiyo, baangado, bistoolado iyo agabyo kale oo dadka shacabka ah ay ku furanayeen.

Taliye Warbac oo howlgalkaan hoggaaminayey ayaa sheegay in dadkaan ay soo qabteen ay u gudbinayaan booliska, si baaritaano loogu sameeyo.

Taliyaha hey’adda NISA ee Gobolka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor oo howlgalkii xalay hoggaaminayey ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadkii ka cabanayay tuugada dhaca u gaystay.

Taliyaha ayaa dadkii uu la kulmay wuxuu u sheegay in ciidamadu ay wadaan howlgallo ka dhan ah tuugada, isla markaana ay ka go’antahay hadda kadib in gacanta lagu soo dhigo qof kasta oo qal-qal galisa amniga magaalada.

 

DENI xaq ma u leeyahay dib usoo celinta xubnaha la diiday ee maxkamadda sare?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay ku gacan-seeray go’aankii baarlamaanka maamulkaasi oo iska diiday inuu ansixiyo xubnihii uu soo magacaabay ee maxkamadda sare, isaga oona markale dib usoo magacaabay isla xubnihii ay diideen golaha wakiilada ee Puntland.

Haddaba xaq ma leeyahay DENI inuu soo celiyo xubnaha la diiday ee maxkamadda sare?

 Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo ka mid ah xubnaha diiday ansixinta mas’uuliyiinta maxkamadda sare ayaa faah-faahiyey arrintaasi, wuxuuna markale ka hadlay sababaha ay ku diideen, isagoo shaaciyey inay tahay wax caadi ah oo ka mid ah shaqada baarlamaanka.

“Waa iska caadi shaqada baarlamaanka ayey ka mid tahay markii xubno lasoo gudbiyo golaha wasiirada ha ahaadeen ama maxkamado ha ahaadeen cid kasta oo xasaanad u baahan xubnaha baarlamaanka waa ku kala aragti duwanaadaan,” ayuu yiri xildhibaanka.

Cawil ayaa sidoo kale soo hadal qaaday jawaabta kasoo baxday Saciid Cabdullahi Deni ee ku aadan inuu markale dib usoo celiyey isla xubnihii la diiday, wuxuuna hoosta ka xariiqay in madaxeweynuhu uusan xubnahaas ku soo celin karin golaha inta uu jiro kalafdhigaan.

“Xaqiiqiyan madaxweynaha xubnahan sharciyan dib uguma soo celin karo golaha, inta kalfdhigaan uu jiro,” ayuu markale yiri Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo

Sidoo kale wuxuu sharci darro ku tilmaamay warqadda shalay kasoo baxday madaxtooyada Puntland ee lagu shaaciyey dib u magacaabidda xubnaha maxkamadda sare.

“Laba siyaabood-baa xubnahaan lagu soo celin karaa mid waxaa weeye madaxweynuhu wuxuu leeyahay diidmo qayixan oo isla wareegtadii kusoo celinayo, taas ma uusan isticmaalin ee wuxuu isticmaalay qodobka 90-aad oo ka hadlaaya maxkamadaha iyo garsoorka magacaabistooda, marka waraaqdaan hadda madaxweynaha uu soo qoray ma’aha waraaqad si sharci ah ku timid,” ayuu sii raaciyey xildhibaan Cawil Xasan Daad.

Si kastaba, waxaa shalay codeysay illaa 43 xildhibaan, waxaana ka hor yimid xubnaha maxkamadda sare  11 Mudane, halka ay ka aamuseen 9 xildhibaan, waxayna xubnaha lasoo magacaabay ee Maxkamadda Sare codka kalsoonida ku heli lahaayeen 34 mudane.

500 oo qof oo haraad iyo Gaajo ugu geeriyooday magaalada BAARDHEERE

0

Baardheere (Caasimada Online) – Xaaladda abaareed ee haatan ka jirta Soomaaliya ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, iyada oo dhimasho fara badan laga soo warinayo deegaanada qaar ee ay sida daran u saameysay abaarta ka jirta gudaha dalka.

Maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo warbixin siinayey ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada iyo abaaraha oo booqday degmadaasi ayaa ka warbixiyey xaaladda nololeed ee ka jira halkaasi.

Warbixinta kasoo baxday maamulka ayaa waxaa lagu sheegay in magaalada ay ku sugan yihiin boqolaal qoys oo kasoo barakacay deegaanadoodii oo ay sameeysay abaarta.

Mas’uul u hadlay maamulka ayaa xaqiijiyey inay Baardheere ku geeriyoodeen in ka badan 500 oo qof, kuwaas oo isugu jiro carruur iyo waayeel.

“Waxaa magaaladaan ku dhintay oo saameynta abaarta u geeriyooday dad ka badan 500 oo qof oo u badan carruur iyo dad waayeel ah,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan maamulka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qoysaska haatan soo maciin biday degmada aysan heysan cunno, biyo iyo wax kasta oo uu u baahan yahay bani’aadamka.

‘Waxa walbo oo dadka bani’aadamka ah ay u baahnaayeen dadkaan ma heestaan hoy haddii ay tahay, caafimaad, cunno iyo daryeel nooc kasta ah,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu maamulka degmada Baardheere ku baaqay in gurmad deg-degga ah laga soo gaaro qoysaskaasi, si loo bad-baadiyo noloshooda.

“Meeshaan abaarta waxay ku reebtay saameyn xoogan, waxaan codsaneynaa in wixii la tari karo dadkaasi la taro,” ayuu markale yiri mas’uulka u hadlay maamulka Baardheere.

Soomaaliya ayaa waxaa ku dhufatay abaar baahsan, taasoo saameysay dadka & duunyada, waxaana haatan socda gurmad ay hormuud u tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

TOOGASHO dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday MAREYKANKA

New York (Caasimada Oline) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa toogasho markale ka dhacday gudaha dalka Mareyanka, gaar ahaan magaalada Highland Park.

Toogashada ayaa waxaa fuliyey nin hubeysan oo watay qori awood badan, kaas oo rasaas ku furay dadweyne u dabaal-degayey madax bannaanida Mareykanka ee 4-ta Luulyo.

Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadaan ku dhintay ugu yaraan 6 qof, halka ay ku dhaawacmeen 24 kale, sida ay shaaciyen saraakiisha Booliska.

Dadka dhintay 5 ka mid ah waxay ahaayeen dad waaweyn, iyadoo qofka kalena la sheegay inuu ku geeriyooday isbitaal ku dhow goobta ay wax ka dhaceen.

Robert E Crimo III, oo 22 sano jir ah, isla-markaana looga shakisan yahay weerarka ayaa la xiray wax yar kaddib markii uu falku dhacay.

Dhinaca kale madaxweyne Joe Biden ayaa si adag uga hadlay toogashadan, kadib khudbad uu ka jeediyay bannaanka hore Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka, wuxuuna sheegay in afarta Luulyo  ay ku soo beegantay xilli xasaasi ah.

 “Waan ogahay in falkaan uu abuuri karo walaac, laakiin waan ka gudbi doonnaa dhammaan,” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha dalka Mareykanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu qalinka ku duugay sharci muhiim ah oo wax looga qabanyo hubka iyo sidii looga xakameyn lahaa guud ahaan wadanka Mareykanka.

“Ka hor inta aan Yurub u bixin waxaan saxiixay sharcigii ugu horreeyay oo muddo 30 sano ah si dhab ah wax uga qabanaya hubka, dhamaantiin waad maqasheen waxa maanta dhacay. Maalin kasta waxaa nala xasuusiyaa sida ay waajib noogu tahay inaan difaacno oo aan u dagaallanno dimuquraadiyadeenna,” ayuu markale sii raaciyey madaxweyne Biden.

Si kastaba, toogashadaan ayaa kusoo beegantay bil uun kaddib toogashooyin dhimasho sababay ay dhaceen Ovaldi, Texas, Buffalo iyo New York ee dalka Mareykanka.

Saamaynta suurta-galka ah ee Bankiyada shisheeye ay ku yeelan karaan suuqa maaliyadda Soomaaliya

Bangiyada oo ah kuwa ugu muhiimsan nidaamka maaliyadeed waxa ay kamid yihiin matoorada dhaqaajiya ama keena hormarka dhaqaale ee dalkasta. Bangiyada Soomaaliya ayaa ah qaybta ugu muhiimsan hananka maaliyadeed ee dalka isla markaasne kaalin weyn ka ciyaara kobaca dhaqaale. 

Horumarka dhaqaale ee dalku sameeyay 10-kii sano ee la soo dhaafay iyo horumarka baahsan ay sameeyeen bangiyada gudaha dalka ayaa suuqa maaliyadeed ee Soomaaliya ka dhigay mid soo jiita indhaha caalamka isla markaasne sababay in bangiyada ajaanibtu ay faa`ido ka soo raadiyaan. 

Iyadoo ay sii kordhayaan xiisaha Bunuugta Shisheeyaha u hayaan Suuqa Maaliyaded Soomaaliya, ayaa waxaa la is weydiinayaa saameynta ay Bangiyada Shisheeye ku yeelan karaan dhaqaalaha dalka iyo Bangiyada gudaha.

Waa maxay sababta dalalku ugu ogolaadaan bangiyada shisheeye inay ka shaqeeyaan dalalkooda?

Sababaha keenay in bangiyada ajnabiga ah uga shaqeeyaan wadamada kale waxaa ka mid ah;

  1. Adeegyada maaliyadeed oo noqday kuwo caalami ah oo ka gudbay xuduudaha.

2. Iyadoo la khafiifiyay ama meesha laga saaray siyaasadihii xannibaadaha saarayay raasumaalka shisheeye (lacagaha shisheeyay si fudud ayey dalka looo keeni karaa hadii ay ka qeyb qaadaneyso maalgelinta dalka).

3. Dhibaatooyinka dhaqaale ee adduunka kadhacay (1929 iyo 2008) isla markaasne ay hormuudka ka ahaayeen bankiyada gudaha, waxa ay sahashay in bankiyada shisheeye si fudud u soo galaan waddamada si ay uga qayb qaataan xallinta dhibaatooyinka dhaqaale ee ka jira dalalkas.

4. Xiirka dhaqaale ee ka dhaxeeya dalka laga leeyahay bankiga iyo dalka laga furayo bankiga oo ah mid xoogan, hadafka laga leeyahayne aytahay in xiriirka ganacsi iyo maalgelinada ka jira dalalkaas dhaxdooda sare loo qaado. 

Sababaha ay u daneynayaan bangiyada shisheeye suuqa maaliyadeed Soomaaliya;

1. Dib u soo gabashada ay Sameysay Soomaaliya 9-kii Sano ee la soo dhaafay ( 2013-2021).

Sida kamuuqata Chartka dhaqaalaha dalka sanadkii 2013`kii waxa uu ahaa (4bilyan) halka sanadkii lasoo dhaafay ee 2021 uu noqday 7 bilyan. Waa kobac dhaqaale oo aad u hooseeya marka loo fiiriyo wakhtiga la heestay oo 9 sano ahaa iyo hormarka yare e la agaaray.

2. kobaca dhaqaale ee hada jira oo ah mid wanaagsan iyo midka suurta galka oo ay Soomaaliya gaari kartoo mustaqbalka dhow oo aad u sareeya.

4. Hormarada iyo dib u habeynada wanaagsan ee dhawaanahaan laga sameeyay dhanka sectorska bankiyada Soomaliya.

5. Banka dhexe ee Soomaaliya oo hormariyay Xerarka iyo nidaamyada Maaliyadeed ee lagu maamulayo bankiyda dalka iyo kuwa ajaanibta. 

Faa’idooyinka ay bankiyada ajaanibta ah ay u keeni karaan suuqa maaliyadeed ee Soomaaliya. 

1. Waxa ay sabab u noqonayan in uu kordho tartanada bankiyada dhaxdooda ah ( Bankiyada dalka iyo kuwo shisheeye) taas oo keeneysa in adeegyada maaliyadeed ee labixinayo ay noqdaan kuwo tayo sare leh. 

2. Waxa ka qeyb qaadanayaan dadaalada lagu kobcinayo aqoonta maaliyadeed ee bulshada)

3. Waxa ay dhiira gelinayaan in xeerarka nidaamyada maaliyadeed ee dalka si wanaagsan loo sii hormariyo.

4. Waxa ay fudeydinayaan in lacagaha caalamiga ah ay dalka si fudud usoo gaari karaan.

5. Waxa ay gacan ka geysanayaan maalgelinta mashruucyada dalka gudahiisa ka socda.

6. Waxa ay gacan ka geysanayaan kordhinta xajmiga ganacsi ee ka dahxeeya dalka laga leeyahay iyo Soomaaliya.

7. Waxa ay ka qeyb qaadanayaa shaqa abuurka dhalinyarada dalka ay ka howlgalayaan.

8. Waxa ay bankiyada gudaha uga faa`ideyna keydkooda aqooneed madama ka qibrad badanyihiin.

9. Waxa ay suuqa maaliyada Soomaaliya kusoo kordhin karaan adeegyo maaliyadeed oo cusub iyo agab tiknoolajiyad ee aan horay uga jirin suuqa.

10. Waxa ay dowlada, Shirkadaha iyo Bankiyada gudaha la yeelanayaa hishiisyo kor loogu qaadayo maalgelinta gudaha isla markaasne kobcinaya dhaqaalaha dalka. 

Cilladaha suurtagalka ah oo ay lahaan karaan bankiyada ajaanibtu.

1.Waxaa Suurta gal ah sidii horay loo soo arkay oo kale in Xiliyada dhibaatada dhaqaale ay dalka ka jirta in ay shaqada joojiyaan oo ay dalka isaga baxaan.

N.B: Waxaa looga baahanyahay waqtiyadaan oo kale in ay xalka la raadiyaan dadkii iyo dowladiii soo dhoweysay oo lacagahoda ku aaminay si dhibaatada dhaqaale meesha looga saaro.

2. Waxaa suurtagal ah in ayagoo ka faa`ideysanaya magaca iyo miiskanka ay markaas leeyihiin in ay dad kooban oo bulshada kamid ah u adeegaan iyagoo dadka kalana u diidaya adeega ay ubaahanyihiin.

3. Waxaa suurta gal in ganacsiyada yaryar ee dalka ka jira u diidaan meelgelinta ay u baahanyihiin.

4. Waxaa suurta gal in iyadoo laga faa`ideysanaya awood la`aanta heysata Soomaaliya in bankiyadaan dowladaha shisheeye qaarkood soomaarsadaan lacago siyaasad ahaan iyo amni ahaan dalka dhibaato loogu geysanayo.

N.B: Nidaamka maaliyadeed ee dalka oo ay hugaaminayaan Banka dhexe iyo Wasaarada Maaliyada waxaa laga rabaa in ay kasii baaran dagaan sida ay uga hortagi lahaayeen hadii qodobkaan 4`aad. 

Aqoondarada Maaliyadeed ee Bulshada Soomaaliyadeed heysata. 

Bulshada Soomaalida oo ay aad u hooseyso aqoontooda maaliyadeed isla markaasna anan weli si fiican u la jaan qaadin nidaamka bankiyada dalka ayaan weli fahamsaneyn muhiimda ay leedahay ka faa`ideysiga adeegyada maaliyada iyo sida qofka shaqsiga ah hormarkiisa ay uga qeybqataan. 

Bulshada Soomaaliyeed waqti xaadirkaan inta ka faa`ideysato adeega bankiyada ayaa aad u yar marka la fiiriyo inta aan weli iskudayin in ay ka faa`ideystaan. 

inta waqti xaadirkaan ka faa`ideysaneysa adeegayada maaliyadeed oo ay bixiyaan bankiyada dalka ayaa waxaa heysata aqoon daro baahsan oo dhanka aqoonta maaliyada ah.

Macaamiisha Soomaalida ee bankiyada iyo Mamaamulyaasha bankiyada ayaa isku dhiban dhanka isfahamsiinta adeegyada maaliyada. Tusaale waxaa la arkaa in qofk macaamilka ah uusanba siwanaagsan u fahamsaneyn nidaamka deyn qaadashada iyo habka ugu sahlan ee uu u bixin lahaa. sidaas oo kale inta badan qofka macaamilka ah qorshihii uu ku bixin lahaa deynta uma degsana, deynta la qaato waxa ay ubadantahay iska qaado waad iska bixin kartaaye taasne waxaa u sabab ah in uusan qofka macaamilka ah uusan laheyn qorsho sax ah ee uu ku maareeyo dakhliga soo gala iyo qarashaadka kabaxa. waxaa la arkaa in qofka macaamilka ah in mudada loo qabtay deyn celinta marna uu wakhtigeedi ku bixiyo marna uu kasoo daaho marka kalane uu kasoo hordhaco. Sidaas oo kale bulshada Soomaalida waxaa aad ugu yar dhaqanka wax keydsashada taas oo ka dhigeysa bulsho aan u adkeysan karin xaladaha sida degdega ah usoo waajayaha. ugu dambeyntii bulshada Soomaalida oo 31 sano ku jirta xaalad jahwareer ah ayaan intooda badan laheyn hal abuur sabab u noqon kara maalgelin guuleysata. Maalgelin guuleysata oo lawaayana waa deyntii bankiga dib u bixinteeda oo ad kaata. 

Sidaas aawadeed aqoondaradaas baahsan ee ka jirta dhanka aqoonta maaliyada waxa ay keeneysaa in bankiyada ajaanibtu ku adkaato in ay mudada dhow hadafka ay kalahaayeen suuqa maaliyada Soomaaliya ay gaari wayaan.

waxa ay keeneysaa in bankiyada ajaanibta u adkeysan waayaan hananka deyn-celinta macaamiisha qaar sidaas darteedne ay go`aansadaan in ay u adeegaan keliya bulshada qeyb ka mid ah. 

N.B. Sidaas darteed si looga baaqsado dhibaatada ay keeni karto aqoon la`aanta maaliyadeed waa in bankiyada gudaha iyo kuwa ajaanibta ee xarumahooda ka furan doona Soomaaliya ay isku dayaan in ay kordhiyaan wacyiga lagu kordhinayo aqoonta maaliyadeed ee bulshada Soomaalida. 

Waa maxay Aqoonta Maaliyadeed (Financial Literacy)? Waa in shakhsiyaadku aqoon u lahaadaan fikradaha maaliyadeed ee muhiimka ah sida samaynta miisaaniyad (budgeting), habka wax loo keydsado ( saving), deyn qaadashada (borrowing) iyo maalgashiga (investing) isla markaasne aqoontaas isticmaalaan marka ay gaarayaan go’aanadooda maaliyadeed.

Maxay muhiim u tahay aqoonta maaliyadeed (Financial Literacy)?  

Barashada habka loo dejiyo miisaaniyad; in qofku fahamo sida dakhligiisa ula xidhiidho kharashaadka kabaxaya ayaa kaa caawin kara in uu iska ilaaliyo in deyn badan ku aruurto mustaqbalka. 

Waa maxay faa’iidooyinka ay leedahay in la yeesho xirfado aqoon maaliyadeed? 

Aqoonta maaliyadeed waxay qofka u ogolaanaysaa in uu yeesho aragti wax tar u leh oo uu ku wajihi karo aduunka maanta aan ku noolnahay, Aqoonta maaliyadeed waxa ay qofka u kordhineysaa karti uu uga baarandegi karo xalada dhabta ah ee dhaqaale ee markaas jirta. Aqoonta maaliyadeed waxa uu qofku kadhaxli karaa xirfad u horseedeyso in aad wax keydsado.  

Gunaanad

Bankiyadu matoorka ay ku shaqeeyaan waa lacagaha dadka ay dhigtaan (deposits made by savers). Sidaas darteed waxaa muhiim ah in tilaabo dheeri ah la qaado, lana adkeeyo xeerarka iyo sharciyada lagu dabaqayo bangiyada ajaanibta si loo ilaaliyo loona kordhiyo badqabka lacagaha dadka muwaadiniinta ah dhiganayaan bangiyadaan. 

Sidaas oo kale waxaa muhiim in aan la ogaalnin tartanada qaar ee dhaawaca u geysan kara ama keeni kara in bangiyada dalka musalafaan oo ay isku dhibaan bangiyada shisheeye.

Marka laga soo tago qaar ka mid ah hal-abuurada iyo hormarada ay dalka ku soo kordhin karaan bangiyada ajnabiga hadane waa in aan la iska indha tirin in ay yihiin kuwa ugu horeeyo oo lacagahooda dalka kala baxaya marka ay dalka ka dareemaan dhibaato dhaqaale waayo lacagaha ay ku shaqeynayaan bangiyada ajaanibta ah waxaa iska leh dadyow kale marka laga reebo lacagaha ay dalka gudihiisa ka aruuriyeen. Marka hadii xajmiga iyo saameynta ay suuqyada maaliyada Soomaaliya ku leeyihiin uu kordho waxa ay ka dhigantahay mustaqbalkana suuqaas in uu dhibaato dhaqaale oo wayn soo wejihi karto hadii aan si wanaagsan loo xakameyn wakhti xadirkaan. hadii suuqa maaliyadeed wax soo garaan oo ay dalka lacag badan laga saaro waxaa dhanka kale dhibaato weyn la kulmaya suuqyada badeecada iyo adeega ee Soomaaliya sicirbararka dhalan doona awadeed. Waxa ayna kusoo gabgaboobi doontaa in dadku baahi iyo faqri lasoo deristo. 

 ……….Dhamaad (The End)………

N.B: Maqaalkaan ma ahan mi cilmiyeysan, waa mid ku saleysan aragtideyda shaqsiga ah (This article is not scientific, it represents my own personal analysis).

Sawirro: XASAN oo ballan-qaad muhiim u ah u sameeyey Soomaalida ku nool Turkey

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga, isaga oo la wadaagay dadaalka Dowladda Soomaaliya ay galineyso xoojinta xiriirka Labada dal.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka, xoojinta amniga, shaqo abuurka dhallinyarada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada. 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay xubnaha jaaliyadda, xaaladda guud ee Soomaalida ku nool dalkan, sidoo kale waxa ay la wadaageen caqabadaha iyo duruufaha ay qabaan, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo dal-ku-joogga,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadaha jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga uu kala hadli doono Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyadoo diblumaasiyiinta Labada dal ay iska kaashanayaan sidii ay u horumarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqday xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga, halkaas oo uu warbixin kaga dhageystay diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada Safaaradda, waxa uuna ku adkeeyey in ay si hufan ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee ay matalaan.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan dib u habaynta iyo horumarinta hanaanka diblumaasiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta matalaad dibadeed oo ku saleysan Soomaali Heshiis ah, dunidana Heshiis la ah,”ayaa lagu yiri qoraalka.

Daawo: Booliska oo war soo saaray kadib arrin yaab leh oo ka billaabatay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Saldhiga degmada Howl-wadaag iyo ciidamo uu horkacayo ayaa howl-galo ka sameeyay degmada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay halkaas dhac ka geysteen kooxo burcad ah.

Taliyaha ayaa ballan-qaaday inay gacanta kusoo dhigi doonaan tuugada dhaca u geysaneysa shacabka, islamarkaana ay har iyo habeen u taagan yihiin difaacooda.

“Waa niman tuugo ah oo mindiyo wata, intay naf nagu jirtana waa taagnaneyna habeen iyo maalin. Aniga kula hadlaya ayaa taagnanaya oo tuug walba oo soo gala waxa rajeynayna in aan gacanta ku dhigno oo sharciga waafajino,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada booliska, islamarkaana ay gacan ka geystaan sidii ay u qaban lahaayeen tuugada dhaca u geysaneysa xiliyada habeenkii.

“Shacabka waxaa leenahay raali noqdo waxa u shaqeynayno ee u rafaadeyno waa idinka, ma ogolin in qof shacab ah oo xaafada degan in la dhibaateeyo oo loo boodo saqdhexe ma ogolin.”

Taliyaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay joogteyn doonaan howl-galada lagu baadi-goobayo tuugada dhaca ka geysata degmada, isaga oo markale shacabka ka dalbaday inay arrintaas kala shaqeeyan.

Howl-galka uu hogaaminayo taliyaha saldhiga degmada Howl-Wadaag ayaa imaneysa kadib markii xalay xaafad ka tirsan degmada Howl-Wadaag ay koox tuugo ah dhac u geysteen qoys ku nool degmadaas.

Koox hubeysan ayaa markii u horeysay hab aan hore loo arag u jabsaday guriga qoys degan xaafada Black-Sea ee degmada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhac baaxad weyn ka geystay.

Qoyska dhaca loo geystay gurigooda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kooxda burcada ah ay albaabada gurigooda u jabsadeen hab casri ah, maadama aysan ka muuqan garaafo.

Sidoo kale waxay sheegeen inay qaateen dahab, telefoono qaali ah iyo Laptop-yo ay lahaayeen dadka ku noola guriga, kuwaasi oo illaa hadda aan meel lagu sheegin.

“Si casri ah oo aan hore u arag ayay u jabiyeen guriga, waxaa noo soo dhacay dad aan ku qiyaasay shan illaa lix nin oo hubeysan oo bistoolado iyo tooreeyo wata. Waxay bilaabeen inay baskoolado nagu qabtaan oo baaran alaabta guriga,” ayuu yiri qof kamid ah qoyska la dhacay oo la hadlay warbaahinta.

Daawo: Xildhibaan shaaca ka qaaday in mushaarkii laga jartay loona hanjabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii cakirmeysa xaaladda maamul ee ka jirta Koonfur Galbeed Soomaaliya, wixii ka dambeeyey markii hoggaanka dalka looga guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo taabici uu u ahaa hoggaamiyaha maamulkaas.

Xildhibaan Axlaan Cumar oo maanta warbaahinta kula hadashay Muqdisho ayaa sheegtay in mushaarkii laga jartay, sidoo kalena loo hanjabay.

Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in loogu hanjabay in xasaanadda xildhibaanimo laga qaadi doono, hadii aysan joojin hadallada uu dhibsanayo hoggaamiyaha maamulkaas.

Waxay intaas ku sii dartay in si gooni ah loo baacsado xildhibaanada iyo qof kasta oo isku daya inuu ka hadlo dhibaatada amni ee ka jirta deegaanada maamulkaas.

Xildhibaan Axlaan waxay codsatay in Koonfur Galbeed la badbaadiyo oo loo sameeyo hoggaan ka saari kara go’doona ay dhowr iyo tobanka sano ku jirto.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdulqaadir Jookar ayaa shirkaan jaraa’id ku soo bandhigay caburin iyo tacadiyo ay ka tirsanayaan hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, isagoo sheegay in Madaxweynuhu uu si cad u diiday in sharciga lagu dhaqmo, isla markaana xukuumadiisa lala xisaabtamo.

Hoos ka daawo muuqallada

Xog: Beyle oo loo haysto kiis musuq oo la xiriira dad ay qaraabo yihiin + Caddeymo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa loo haystaa kiis musuq-maasuq oo xasaasi ah oo la xiriira dad uu shaqaaleeyey oo meelo badan ka qaato mushahar.

Sida ku cad, dokumentiyo ay heshay Caasimada Online, xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa ogaaday in Beyle uu si sharci darro ah u qortay shaqaale wasaarado kale ka qaata mushahar, kuwaasi oo uu ka qeyb-geliyey mashruucyo kale.

Xafiiska Hanti-dhowrka oo dhawaan u yeeray Bayle, ayaa waxa uu wasiirku ku gacan sayray yeeristaas, oo waxyaabihii loo haystay ay kamid ahaayeen in shaqsiyaad ay qaraabo yihiin ay sifo sharci darro ah ku qaatan mushaaharaad iyo gunnooyin joogto ah oo meelo kala duwan kasoo gala.

Xubnahan ayaa dowladda bil kasta ka qaadanayey lacago tobanaan kun oo dollar ah, oo dhowr meel kasoo galayey, lacagtaas oo xitaa wasiirada iyo guddoonka baarlamanka aysan qaadan.

Baarista uu sameeyay Hanti-dhowrka oo lasoo gaarsiiyay Caasimada Online ayaa waxa lagu ogaaday in saddexda shaqsi ee kala ah; Liibaan Aadan Obsiye, Nuur Cali Cumar iyo Cabdullaahi Xuseen Nuur uu Wasiir Bayle u codsaday inay si ereg ah ula shaqeeyaan, ayaga oo ah shaqaale rasmi ah oo ka qoran Wasaaradda Arrimaha Dibedda, taasi oo siineysa mushaharaad dhowr ilo ah.

Khaladka uu baarista ku ogaaday Hanti-dhowrka ayaa waxa kamid ah in saddexda shaqsi ay haysan ogolaasho heshiis Ereg oo waafaqsan sharciga shaqaalaha rayidka ay mushaar, gunno iyo kharashaad hotel ka wada-qaadanayeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Maaliyadda iyo Mashaariic hoos taga Wasaarada Maaliyada oo ay maal-galiyaan Bankiga Adduunka iyo Bankiga Horumarinta Afrika.

“Waa in Liban, Nuur iyo Cabdullaahi ay dib u celiyaan dhamaan lacagihii ay ka heleen Mashaariicda ay maal-galiyaan Bankiga Adduunka iyo Bankiga Horumarinta Afrika. Sidoo kalana waa in Wasaaradda Maaliyadda ay heshiis waafaqsan Sharciga Shaqaalah Rayidka Qoddobkiisa 41-aad ay la gashaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda haddii ay Wasaaradda Maaliyaddu doonayso in ay howlihii loo ergaday shaqsiyaadkani usii wataan, kana helaan lacagahooda mashaariicda hoostaga Wasaarada Maaliyada ama Miisaaniyadda Wasaarada,” ayaa lagu yiri talo soo-jeedin uu soo saaray Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.

Sidoo kale Xafiiska Hanti-dhowrka ayaa ka dalbaday Wasaaradda Maaliyadda inay dhowrto shuruucda maamulka Maaliyada iyo kala baxsanaanta waajibaadka shaqo ayna si deg-deg ah u joojiso qabashada Payment Voucher (F3) ee uu idman Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Shaqaalahan ayaa sida la ogaaday qaraabo la ah Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Bayle, waxayna wasaaradiisu ka bixin jirtay kharashaadka Hotel-ka, iyada oo siin jirtay gunooyin iyo lacago kale oo sharci darro ah, ayaga oo ka diiwaan-gashan yihiin Wasaarad kale.

Bayle ayaa wajahaya kiisas musuq-maasuq intii uu joogay Wasaaradda, ayada oo dhawaana ay dood adag ka dhalatay xisaab-xirkii miisaaniyadii afarta sano ee dowladdii hore, taasi oo loo xil-saaray guddi baaris ku sameeya.

Hoos ka aqriso dokumentiyada kiiska baarista oo ay heshay Caasimada Online

Sawirro: Aadan Madoobe, Rooble iyo Mahdi Guuleed oo safarro dalka uga baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi xildhibaano, wasiirro iyo masuuliyiin kale isugu jira ayaa galabta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyagoo ku kala wajahan magaalada Nairobi iyo boqortooyada Sacuudiga.

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe, Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa u amba-baxay dalka Sacuudiga, si ay u soo gutaan Acmaasha Xajka.

Sidoo kale wafdi kale oo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed uu hoggaaminayo ayaa galabta u amba-baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo berri uu uga qeyb gelayo shirka madaxeedka wadamada IGAD oo berri furmaya.

Horay waxaa dalka uga maqnaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaamiyo oo xalay gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku casuumnaa shirka IGAD ee berri ka furmaya Nairobi, balse warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in loo diray Mahad Guuleed, maadaama ay Madaxweynaha u suurta geli weysay inuu ka soo gaaro.

Haatan waxaa dalka ku sime madaxweyne ka ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo markeedii labaad maamuuskaan heleysa maalmo gudahood, maadaama ay safar dalka uga wada baxeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiye Aadan Madoobe.

Daawo: Dhac nooc cusub ah oo ka billowday Muqdisho iyo qoys guriga loogu galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa markii u horeysay hab aan hore loo arag u jabsaday guriga qoys degan xaafada Black-Sea ee degmada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhac baaxad weyn ka geystay.

Qoyska dhaca loo geystay gurigooda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kooxda burcada ah ay albaabada gurigooda u jabsadeen hab casri ah, maadama aysan ka muuqan garaafo.

Sidoo kale waxay sheegeen inay qaateen dahab, telefoono qaali ah iyo Laptop-yo ay lahaayeen dadka ku noola guriga, kuwaasi oo illaa hadda aan meel lagu sheegin.

“Si casri ah oo aan hore u arag ayay u jabiyeen guriga, waxaa noo soo dhacay dad aan ku qiyaasay shan illaa lix nin oo hubeysan oo bistoolado iyo tooreeyo wata. Waxay bilaabeen inay baskoolado nagu qabtaan oo baaran alaabta guriga,” ayuu yiri qof kamid ah qoyska la dhacay oo la hadlay warbaahinta.

“Waxay naga qaateen saddex telefoon oo waaweyn, telefoono niiclaha ah, saacado, laptop HP ah iyo dahab illaa 80G ah waa nagala qaatay, meel jaban oo dhib weyn loo geystay ma jiraan wixii yaaleyna waa nagala qaatay.”

Dhinaca kale dadka xaafada Black-Sea oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay la kulmeen dhac lamid ah midka qoyska xalay loo geystay, ayaga oo carabaabay in haddii tuugada wax dhacaya ay waayan alaab ay qaatan ay kufsi u geysanayaan dumarka ku nool.

“Caawa hadduu maqan yahay habeen dambe wuu imanaya. Waxaa ku nool nahay khal-khal, canshuurna waa nagala qaada. kuwa dowladda sheeganaya hubka ayaga ayuu ka imaada, raga bistoolado ayey wataan halkee ka keenen hubka.”

Tuugada dhaca ka geysata gudaha magaalada Muqdisho ayaa kusoo badanaya magaalada, ayada oo xiligaan lasoo baxay hab la yaab leh oo lagu jabsanayo guryaha xaafada, sida xalay ka dhacay degmada Howl-Wadaag.

Xog: Dib u habeynta NISA iyo dagaalka hoose ee Mahad Salaad iyo Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa dib u habeyn xoog leh ku wada Hay’adda NISA, kadib markii uu xilkaasi la wareegay 29 May 2022.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa inuu Mahad Salaad isbedello waaweyn ku bilaabay Hay’adda si uu meesha uga saaro habkii ay u shaqeyneysay 5-tii Sano ee dowladii Farmaajo, xilligaas oo uu awoodda ugu sareysa lahaa Fahad Yaasiin Xaaji.

Agaasimaha cusub ayaa wajahay dagaal hoose oo uu la galay agaasimihii hore oo wareysi uu bixiyey ugu baaqay saraakiisha NISA inaysan wax sir ah ama xog ah la wadaagin Mahad Salaad, isagoo ku eedeeyay inuu la shaqeeyo Alshabaab.

Mahad Salaad oo madaxweyne Xasan Sheekh aad ugu dhow ayaa loo dhiibay shaqada ugu adag, waxaana isagoo waqti iska lumin si degdeg ah u bilaabay nadiifinta Hay’adda iyo sidii uu meesha uga saari lahaa saameynta Fahad Yaasiin.

Tallaabooyinka ugu waaweyn ee Mahad Salaad qaaday waxaa ka mida:

– Isbedel degdega oo lagu sameeyay hoggaannada NISA, sida Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Gobolka Banaadir iyo

– Xilal ka qaadista xubno halis loo arkay oo toos ugu xirnaa Fahad Yaasiin.

– Dib u soo celinta Gaadiidka iyo ciidamadii iyo hubkii Hay’adda ee ay heysteen Fahad Yaasiin iyo C/llaahi Kulane.

– Xariga ciidamo iyo saraakiil isku dayey inay baxsadaan

– Magacaabidda qaar ka mida saraakiishii ku dhowaa Fahad Yaasiin

– Iyo Dabagal ku bilowday kiisaska waaweyn ee Hay’adda lagu eedeeyay xilligii Farmaajo iyo Fahad

Arrimahan oo dhan waxaa barbar socday dadaallo uu agaasimaha cusub ee NISA ku doonayo inuu si buuxda u maamulo hay’adda NISA oo xaalad adag ku jirtay xilligii kala guurka, isaga laftiisana uu ku eedeeyay inay ku milantay Alshabaab.

Isbedellada waaweyn ee la filayo inay gasho Hay’adda NISA ee hoggaanka cusub ayaa waxaa ka mida:

– Xalinta iyo Arrinta Gobolka Gedo oo Hay’addu si dadban u maamuli jirtay xiligii Farmaajo

– La tacaalidda saraakiisha halista ah ee Hay’adda awoodda ku lahaa xilligii Fahad Yaasiin

– Baaritaanka iyo bandhigga kiisaskii waaweynaa ee NISA ku lug yeelatay xilligii Farmaajo iyo Fahad.

– Soo celinta sumcadii Hay’adda NISA ee lagu tuhmay la-shaqeynta Alshabaab

– Gudashada xilka rasmiga ah ee loo dhisay NISA oo ah sugidda Amniga iyo ka hortagga caddowga gudaha iyo dibadda oo ay ugu horeyso Alshabaab.

Dagaalka hoose ee Mahad Salaad iyo Fahad Yaasiin dhex maray ee dib u habeynta Hay’adda NISA wuxuu u muuqdaa inuu wejiga hore ku guuleystay Mahad Salaad, lama oga natiijada wejiga labaad oo la bilaaban doona marka Fahad Yaasiin bilaabo inuu soo bandhigo xogta uu ka hayo Mahad Salaad.

Xiasgo: Goobjooge

Dhageyso: Bankiga Dhexe oo shaaciyey sababta shatiyo loo siiyey bankiyo caalami ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey tallaabadii ay Soomaaliya markii ugu horraysay shatiyo ku siisay laba banki oo laga leeyahay dibedda.

Labada Banki ayaa lagu kala magacaabaa Banque Misr oo laga leeyahay dalka Masar iyo Ziraat Katilim oo laga leeyahay dalka Turkiga

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in labadan banki ay kasoo baxeen shuruudihii bankiga dhexe, isla markaana ay bixin doonaan adeegyada bankiyada ee shirkadaha.

“Waqti dheer ayey qaadatay howshaan, maadaama ay tahay markii ugu horeysay oo banki caalami ah loo ogolaanayey inuu dalka ka shaqeeya waxaa marka hore diyaarinay xeerkii lagu hagi lahaa, kadib waxaan u dirnay shuruudaha laga rabo wayna soo buuxiyeen runtii,” ayuu yiri guddoomiye Cabdiraxmaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii ugu horeysay oo ay bankiyadaan soo dalbadaan aqoonsiga uu bandhiga dhexe dalka kusoo rogay xayiraad ku saabsan inaan la diwaan gelin karin bankiyo dibadda laga leeyahay, isagoo taas sabab uga dhigay in waqtigaas la diiwaan geliyey 13 Banki oo gudaha laga leeyahay kuwaas oo ay aheyd in la siiyo waqti ay ku kobcaan.

Guddoomiyaha oo ka hadlayey adeegyada ay bankiyadaan qaban doonaan ayaa yiri “ Waa Bankiyo waa weyn oo jira oo haddaba shaqeeya waxay doonayaan inay laan ka sameystaan Muqdisho kadibna ay bixiyaan adeeg Banki oo weliba kuwa shirkadaha ah, sanad kasta waxaa la eegi doonaa in Bankiyada ay kasoo baxeyn shuruudihii lagu siiyey Leysinka”

Guddoomiyaha Bankiga dhexe oo wax laga waydiiyey shuruudaha ay bankiyada ku xireen ayaa sheegay inay kamid tahay shuruudaha inay Bankiga dhexe dhigaan lacago Malaayiin ah oo ra’sumaal ah iyo inay ku dhaqmaan shuruucda loo dajiyey oo ay kamid tahay inay leeyihiin xeerar adag oo lagu maamulo, shaqaale xirfad leh iyo qalab casri ah.

Guddoomiyaha Cabdiraxmaan ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay in bankiyadaan ay yihiin kuwa lagu aamini karo hantida shacabka Soomaaliyeed taasiina ay daliil u tahay in bankiga dhexe uu ku qancay wuxuuna ugu baaqay inay isticmaalaan maadaama uu sheegay in bankiga dhexe ay dhigi doonaan lacag aad u badan oo damaanad ah.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha ayaa sheegay in bankiga dhexe uu diyaariyey shaqaale xirfad leh oo kormeer iyo qiimeyn ku sameyn doona marka ay bankiyadaan bilaabaan adeegooda Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran

Sawirro: R/W Xamza oo la kulmay Tiina Intelmann kadib go’aankii Midowga Yurub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Maanta waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa looga hadlay “Xoojinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Dowladda Soomaaliya iyadoo lagu saleynayo howlaha hortebinta u leh dowladda,”  Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann ayaa sheegtay inay si dhow ula shaqeyn doonto dowladda Cusub ee Soomaaliya, isla markaana ay kordhinayaan mashaariicda horumarineyd oo ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadcelshay booqashada Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Tiina Intelmann, isaga oo kaga mahadcelshay kaalinta ay ku leeyihiin dowlad dhiska Soomaaliya.

Tiina Intelmann oo ah Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa uga Hambalyeesay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre xilka culus ee loo igmaday kaas oo Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay 15 Juun 2022 Ra’iisul Wasaaraha 21-aad ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa imanaya ayada Midowga Yurub uu 2-dii ku dhowaaqay inuu dib u billaabi doono lacagihii uu ku taageeri jiray dowladda federaalka ah Soomaaliya oo xayirnaa muddo ka badan sanad.

Taageerada Midowga Yurub ayaa la joojiyey ayada oo looga jawaabayo markii dowladda federaalka ay ku guuldarreystay inay qabato doorashooyin kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo 7-dii Februray 2021.

Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah ee Midowga Yurub Jutta Urpilainen, ayaa maanta sheegtay in ururka uu Soomaaliya gaarsiin doono lacag dhan €13.5 milyan oo taageero miisaaniyad oo deg deg ah si loo joogteeyo dardarta siyaasadda Soomaaliya, islamarkaana ururka uga qeyb qaato isbedellada ka socda dalka.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ururka uu Soomaaliya siin doono €125 milyan guud ahaan sanadkan 2022, si loo taageero dowlad dhisidda, isbedellada dhaqaale, adkeysiga iyo tallaabooyinka la xiriira isbeddelka cimilada.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu 25-kii May Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber.

 

Baarlamanka Puntland oo go’aan culus soo saaray iyo DENI oo jawaab ka bixiyey

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha wakiilada Puntland oo maanta kulan ka yeeshay Garoowe ayaa diiday inay ansixiyaan dhamaan xubnaha garsoorayaasha ee uu dhawaan madaxweyne Saciid Deni u magacaabay maxkamadda sare maamulkaasi.

Ugu horeyn kulanka golaha ayaa waxaa laga akhriyay codsi ka yimid madaxweyne, Siciid Deni oo ku aadan ansixinta xubnaha hoggaanka maxkamadda sare ee Puntland.

Sida uu shaaciyey guddoonka baarlamaanka waxaa codeysay 43 xildhibaan, waxaana  ka hor yimid 11 Mudane, halka ay ka aamuseen 9 xildhibaan, sidaas daraadeed xubnaha lasoo magacaabay ee Maxkamadda Sare Puntlabnd ayaa kalsoonida ku heli lahaa 34 mudane.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland oo jawaab deg-deg ah bixiyey ayaa ku gacan-seeray go’aanka baarlamaanka, wuxuuna markale dib u magacaabay xubnaha la diiday ee maxkamadda sare.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa lagu magacaabay isla xubnihii la diiday, oo uu guddoomiye u ah Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran).

Tallaabada uu qaaday Deni ayaa muujineyso inuu ka carooday go’aanka golaha wakiilada ee dowlad goboleedka Puntland ku diideen xubnaha maxkamadda sare ee mamaulkaasi.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 4-ta July 2022 kuna saabsan dib u magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90aad
Marku arkay:  Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda    shaqo.
Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

  1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntlan

Waxaa kale oo la magacaabay

  1. Keydka
  2. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin
  3. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin
  4. Xubno Guddi
  5. Daahir Maxamed Nuur
  6. Xasan Cabdi Cilmi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Ciidamada HARAMCAD iyo NISA oo maanta gudaha u galay Bakaaraha + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay gudaha Suuqa Bakaaraha ay ka sameeyeen Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo kuwa Nabad Sugidda oo gudaha u galay suuqaasi.

Howlgalkan ayaa waxaa horkacayey taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole), waxaana ciidamadu ay sidoo kale isku fidiyeen, xaafadaha Warshadii hore ee Caanaha, Warshada Taraqa iyo Sigaarka, xaafadda Daaru-salaam iyo degmooyin ka mid ah qeybta bari ee gobolka Banaadir.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayey ammaanka, sida uu shaaciyey taliyaha Booliska qaybta goblka Banaadir ee xalay kormeerka ku tegay Suuqa Bakaaraha.

Farxaan Qaroole ayaa intii uu socday howlgalka xog wareystay ganacsatada Bakaaraha oo uu wax ka weydiiyey amniga guud ee Suuqaas oo ah kan ugu weyn Soomaaliya.

Saraakiisha Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan howlgalladaan oo looga gol-leeyahay xaqiijinta amniga guud ee degmooyinka gobolka Banaadir

Boolisku ma shaacin natiijada kasoo baxday howlgalkan iyo haddii ay jiraan in dad lagu soo qab-qabtay iyo in kale.

Magaalada Muqdisho oo ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayeen falal ammaan dari ayaa haddana howlgallo amni xaqiijin ah ka wada ciidamada Booliska Soomaaliya.

DENI oo maanta u baxaya SAFAR dibadeed + Ujeedka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta ku wajahan magaalada Abu Dhabi ee Isu Tegga Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay uga billaaban doonto booqasho qaadan doonto dhowr cisho.

Safarka madaxweyne Saciid Deni oo aan horey loo sii shaacin ayaa la xiriiro arrimo siyaasadeed, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Deni ayaa marka hore sii mari doono dalka Kenya, waxaana la sheegay inuu halkaas kula kulmi doono madax Kenyaan ah iyo siyaasiyiinta Soomaalda ee ku dhaqan halkaasi, gaar ahaan kuwa degan magaalada caasimada Nairobi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxweynuhu kadib u bixi doono dhanka  Imaaraadka Carbta oo uu marti-qaad ka helay, isaga oo la shiri doono madaxda dalkaas.

Booqashadaan ayaa kusoo beegantaya xilli  uu dhawaan dalkaasi booqasho ku tegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo heshiis cusub lasoo galay madaxda sare ee dalka Isu Tegga Imaaraadka, kadib dhowr cisho oo uu ku sugnaa magaalada Abu Dhabi.

Saciid Deni oo hungoobay xilka madaxweynaha, kadibna waayey jagada ra’iisul wasaaraha ayaa horey saluug uga muujiyey, sida uu wax ku bilaabay madaxweyne Xasan.

Si kastaba, Madaxweynaha Puntland oo toos ugu xiran xukuumadda Abu Dhabi ayaa marar badan isaga daba laa-laabtay dalka Imaaraadka Carabta oo haatan u muuqdo inuu booska kala baxay Qatar oo shantii sano ee lasoo dhaafay aheyd taageeraha 1-aad ee Farmaajo.