25.9 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Daawo: Xasan oo si cajiib ah loogu soo dhoweeyey qasriga madaxtooyada Turkey

Ankara (Caasimada Online) – Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn milgo sare leh maanta loogu sameeyay qasriga madaxtooyada Turkiga ee Ankara.

Madaxweynaha ayaa waxaa usoo baxay oo soo dhoweyntiisa hormuud ka ahaa madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, halkaasi oo wada-hadallo rasmi ah ay goordhow uga billowdeen.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Turkiga , waxaana loo riday 21 madfac.  

Madaxweynaha waxa uu hadda ka qeyb galayaa kulan isaga iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uga socda qasriga xarunta madaxtooyada ee dalkan oo qodobo dhowr ah looga hadlayo. 

Labada madaxweyne ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan, isagoo kadibna la kulmi doona jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas. 

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda dalka Turkiga xilliyaddii adkaa.

 

Sawirro: XAASHI CUMAR oo lagu dilay Muqdisho kadib 17 sano oo uu ku xirnaa Italy

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta qarax lagu dilay Xaashi Cumar Xasan, xilli uu ku sugnaa degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in marxuumka loogu xiray gaarigiisa, isla-markaana uu dhaawac soo gaaray mar dambe u dhintay.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee loo beegsaday marxuumka oo ahaa nin qurbajoog ah, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya.

Xaashi ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo firfircoon, isla-markaana si weyn loo yaqaano, waxaana si aad ah loogu xasuustaa xabsigii laga soo daayey ee wadanka Talyaaniga.

Wuxuu muddo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga, iyada oo loo heystay dilka gabar wariye  ah iyo kaamiriiste u dhashay dalkaas oo la dilay sanadkii 1994-tii. Ilaria Alpi iyo kaamiriiste Milan Hrovatin ayaa u shaqeynaayey Warbaahinta RAI ee dalka Talyaaniga.

Maxkamadda magaalada Rome ayaa ugu dambeyn dambi ku waysay Xaashi Cumar Xasan waxaana sidoo kale ay u xukuntay lacag lagu sheegay 3 illaa 5 milyan oo Europe ah.

Sikastaba, dilka Xaashi ayaa qayb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii dambe ka dhacayay Muqdisho oo haatan ay ka billowdeen howlgallo ay ku dhawaaqday dowladda.

Sawirro: Danjire Maxamed Cabdullaahi oo la kulmay Wasiirka A/Gudaha Serbia

Belgrade (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya ee dalka Serbia Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa maanta booqasho shaqo ugu tagay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaas Mr. Aleksander Vulin.

Danjiraha ayaa ayaa wasiirka la yeeshay kulan wax ku ool ah, waxayna labada masuul ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dalka ee Soomaaliya iyo Serbia.

Waxaa si gaar ah kulankii maanta diirrada loogu saaray iskaashiga dhanka ammaanka ee Soomaaliya iyo Serbia, sidoo kale tababarada oo aad muhiim ugu ah labadda dal ayaa lagu gorfeeyey kulankaas.

Dowladda Serbia xiriir wanaagsan la leh Soomaaliya, kaas oo ah mid soo jireen ah, “Serbia waxay noo leedahay muhiimado kala duwan oo ay ka kow tahay dhismaha dowladnimada iyo kaabayaasheeda,” ayuu yiri Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed.

Kulanka ay maanta yeesheen Safiirka Soomaaliya ee Serbia iyo wasiirka arrimaha gudaha dalkaas ayaa ku dhamaaday is faham iyo in labada dal ay yeeshaan iskaashi joogto ah, gaar ahaan dhinacyada tayeynta hay’adda nabad-geliyada ee Soomaaliya.

Sawirro: Muxuu Xasan kusoo arkay xerada Kumaandooska Soomaalida ee TURKEY

0

ANKARA (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo weli booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa kormeer ku tegay Dugsiga Tababarka Kumaandooska Dalka Turkiga ee Isparta, halkaas oo lagu tababarayo ciidan Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyey Madaxda ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Turkiga, isaga oo uga mahad-celiyey doorkooda ku aadan dib u dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliya

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xerada kusoo arkay dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo carbinayo ka mid noqoshada ciidamada Xoogga dalka, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

Xasan Sheelh ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha iyo askarta Soomaaliyeed ee uu tababarku uga socdo dugsiga kumaandooska ee Isparta, wuxuuna uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska ciidamada iyo iyo sugida amniga dalka, isagoo ku boggaadiyey, sida ay uga go’an tahay in ay naftooda u huraan difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Waxa kale oo uu warbixin guud ka dhageystay macalimiinta iyo saraakiisha dugsigan oo u faahfaahiyey xaaladda iyo tayada guutooyin ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed kuwaas oo tababar u jooga dugsiga kumaandooska Isparta.

Booqashadan waxaa ku weheliyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xuseen Macallin Maxamuud, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullaahi Caydiid, U qaybsanaha Arrimaha Ciidamada Ee Safaarada Soomaaliyeed ee dalka Turkiga Janaraal Maxamed Maxamuud Xuseen iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud.

Turkiga ayaa taageero xoogan siiya Soomaaliya, waxaana kaalin muuqata uu ka qaataa dib u dhiska ciidamada, isaga oo xero milarai iyo safaarad weyn ku leh magaalada Muqdisho.

Xog: Imaaraadka ‘oo dekedda Kismaayo lagu wareejinayo’

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dib u dhis iyo casriyeyn ku sameyneysa dekedda magaalada Kismaayo, taasi oo qeyb ka ah isku day lagu horumarinayo xiriirka labada dal, waxaa sidaas shaaca ka qaaday wargeyska Africa Intelligence.

Wargeyska ayaa sheegay in arrintan laga wada-hadlay markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Abu Dhabi kula kulmay dhiggiisa dalkaas Sheikh Mohammed bin Zayed Al-Nahyan, intii lagu guda jiray booqasho dhowr maalmood qaadatay oo uu halkaas ku tegay.

Labada madaxweyne ayaa isla meel dhigay mashruuc lagu casriyeynayo laguna ballaarinayo dekedda Kismaayo oo ku taalla gobolka Jubbada Hoose ee xuduudda la leh Kenya.

Jubaland ayaa waxaa maamula Axmed Madoobe oo xulufo la ah madaxweyne Xasan Sheekh islamarkaana si xooggan u taageeray doorashadii dhacday 15-kii May ee dib loogu doortay madaxweynaha. Axmed Madoobe waxay sidoo kale xulufo iyo isku beel yihiin ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Caasimada Online oo la xiriirtay ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh, waxay sheegeen inaysan ka war hayn arrintan.

Haddii Imaaraadka Carabta ay soo cago dhigtaan Kismaayo, waxay noqon doontaa dekeddii saddexaad ee ku taalla Soomaaliya oo ay saameyn ku yeeshaan. 

Tan iyo 2016-kii, shirkadda Dubai ka dhisan ee DP World ayaa ka howlgaleysay dekedda Berbera ee ku taalla gobolka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

DP World ayaa sidoo kale ka howlgasha dekedda Boosaaso oo ay maamusho shirkad British ah oo hoos tagta oo lagu magacaabo P&O, inkasta oo aysan weli ka qaban wax shaqo ah oo lagu horumarinayo si la mid ah dekedda Berbera. 

Dekedda Muqdisho oo ah tan ugu weyn ee Soomaaliya hadda ka shaqeysa ayaa waxaa iyana maamula shirkad Turkish ah oo lagu magacaabo Al-Bayrak, balse wax horumarin ah kuma sameyn muddadii ay gacanta ku haysay, taasi oo ka duwan sida caalamiga ah ee DP World ay u casriyeysay dekedda Berbera.

Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale safarkii madaxweyne Xasan Sheekh kusoo ballan-qaaday in Soomaalida loo fududeeyo inay helaan dal-ku-galka Imaaraadka Carabta, dib loo furao isbitaalka Sheikh Zayed ee Muqdisho oo uu xiray Farmaajo 2018-kii

Sidoo kale, labada dal ayaa isku raacay in dib loo billaabo wada-shaqeyntii militari iyo tababarka uu Imaaraadka siin jiray ciidamada Soomaaliya oo la joojiyey 2018-kii markii ay isqabteen Abu Dhabi iyo Farmaajo. 

Xasan Sheekh: Caalamka oo dhan ayaa la yaabay markii ay arkeen Erdogan oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay dood ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi Baarista SETA ee dalka Turkiga ayaa wuxuu uga hadlay sababaha horseedka u in kor u kaco xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Turkiga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir qarniyo soo jireen ah, oo ku saleysan ixtiraam iyo iskaashi, kaasi oo horseeday booqashadii taariikhiga aheyd ee sanadkii 2011 bishii Agosto uu Muqdisho ku yimid Recep Tayyib Erdogan.

Waxaa xusid mudan in xiligaas uu Erdogan booqashada ku yimid Muqdisho ay ka jirtay xaalad adag oo bani’aadanimo ah, ayada oo caasimada dalku aheyd meel ka caagan booqashada Madaxda, islamarkaana ah “khad cas ah oo aan cidna tegin”.

“Caalamka oo dhan ayaa la yaabay markii ay arkeen Madaxweyne Erdogan iyo qoyskiisa, golahiisa wasiirrada iyo xildhibaanno socod ku maraya waddooyinka Muqdisho ka dibna booqasho iyo hoy ku jooga xeryaha barakacayaasha,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

“Waxay tani ahayd wax aanay cidina filaynin inay suurta-gal tahay, balse waxay ahayd xaqiiqo dhacday. Marka falkan la eego waxay cadeyneysaa sababta uu xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga maanta u xooggan yahay, xiriirkana maalinba maalinta ka dambeysa ayaa sii kordhaya.”

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir wanaagsan oo aad u wayn, kaasi oo ku qotoma dhinacyada dublamaasiyadda, siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha militariga, ayada oo dowladda Ankara gacan weyn ka geysatay tayeynta ciidamadeena.

Labada dal ayaa sidoo kale u dabaal daga xiriirkooda sii xoogeysanaya oo ka billowday booqashadii taariikhiga eheyd ee Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan uu ku yimid Muqdisho, oo ay xiligaas dagaalladu aafeeyeen.

Si loo xuso taariikhdan, Ankara iyo Muqdisho waxay isla mee dhigeen inay sannad walba u dabaal-degi doonaan maalinta “Somali-Turkey” oo ku beegan 19-ka bisha Ogoosto ee sanad kasta, oo ah maalintii ay diyaaradaha Turkigu ay soo caga dhigteen Aadan Cade International Airport.

CIIDAMADA dowladda oo hubkii ugu badnaa iyo raggii watay ku qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo fulinaya amarkii shalay kasoo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ka sameeyey gudaha magaalada Muqdisho.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa iska kaashaday Booliska iyo Nabad Sugidda, waxaana laga sameeyey degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir, sida Waaberi, Hodan iyo Dharkeenley oo ka mid ah meelaha ay ka dhacaan falalka amni darrada ah.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan oo ka warbixiyey howlgalladaan ayaa xaqiijiyey in lagu soo qabtay maandooriye, hubkii ugu badnaa iyo raggii watay.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu gacanta kusoo dhigay waxyaabaha maanka dooriyaha oo aas-aas u ah amni darrada, sidoo kale waxaa lasoo qabtay intii lagu guda jiray howlgalka hub si sharci darro ah loogu watay magaalada oo aan ka diiwaangashaneen laamaha amniga iyo dad hub sita oo aan aheyn askar,” ayuu yiri Cabdifutaax Aadan Xasan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howlgalladu ay sii socon doonaan ciidamada ammaankana ay u taagan yihiin u adeegida shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaana bulshada Soomaaliyeed inaan u caddeyno ciidanka Booliska iyo laamaha amniga oo iskaashanaya waxay har iyo habeen u taagan yihiin laamiyada in loo adeego bulshada”.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay kooxaha ciyaal weerarada ee dhibaatada ku haya xaafadaha magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay inay isku beddeleen gaangiistaro dadka dila, isaga oo ku goodiyey inay ka qaadi doonaan tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Ciyaal weero micnahoodii wuxuu ahaa asalkoodii ciyaal xaafad ka kacay, laakiin hadda waxay isku beddeleen gaangis dad qalato ah, mana aqbali doono hooyo Soomaaliyeed iyo aabe Soomaaliyeed oo daba ordaya shaqsi soo qaatay baangadaha lagu qalo xayawaanada xittaa ayaan oran karaa oo xoolaha ay dadka cunaan ka baxsan”. ayuu yiri afhayeenku

Amniga Muqdisho ayaa maalmahaan faraha kasii baxayey, waxaana soo kordhay rag hubeysan oo dhac geysanaya, iyada oona xaaladdu ay gaartay meeshii ugu darneyd.

R/W Xamza oo wada-hadal la yeeshay safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta wada-hadal la yeeshay safiirka dalka Sacuudiga, Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad oo booqasho gaar ah ugu tegay xafiiskiisa.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’uusul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee uu soo saaray Xamza.

Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay ra’iisul wasaaraha cusub xilkiisa, wuxuuna u rajeeyey in uu ku guuleysto howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda Sacuudigu u garab taagan tahay Soomaaliya.

Dhankiisa ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay dowladda Sacuudiga taageeradeeda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ra’iisul wasaaraha uu ku howlan soo dhisidda xukuumaddiisa, gaar ahaan ku dhawaaqista golaha wasiirada cusub.

Sacuudiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir xoogan, waxaana dalkan oo boqortooyo ah uu mashaariiic kala duwan ka fuliyaa gudaha dalka.

Qarax lagu dilay SARKAAL sare oo ka dhacay Afgooye

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-gaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka halka loo yaqaano Baar Ismaaciil oo ka tirsan degmada Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday baabuur uu watay taliyaha rugta tadaamun ee Booliska Soomaaliya, Cabdi Madoobe, sida ay xaqiijiteen goobjoogayaal.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in sarkaalka qaraxa lal eegtay uu geeriyooday, waxaana sidoo kale jira dhimasho iyo dhaawac kale.

Xaaladda goobta ayaa ah mid kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro weli wax faahfaahin ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha oo ku aadan dhacdadaasi.

Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca weerar toos, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay magaaladaas ka fuliyaan dagaalyahannada hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

DF oo go’aan ka soo saartay noocyada dharka ay ardaydu ku dhigtaan iskuullada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa go’aan ka soo saartay nooca dharka ay qaadanayaan ardayda dhigata dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee dalka, kaas oo la mideynayo wixii ka bilowda sanad dugsiyeedkaan 2022-2023.

“Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, waxaa ay ku wargelinaysaa Iskuulada, waalidiinta iyo guud ahaan Ardayda Soomaaliyeed in la dhaqan gelinaayo Siyaasada Qaran ee labiska ardayda heerarkooda Kala duwan laga bilaabo Sanad Dugsiyeedka Cusub ee 2022-2023,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu kala cadeeyey noocyada dharka ay qaadanayaan ardayda dhiganeysa fasallada kala duwan ee iskuulka.

Noocyada dharka hadda kadib loo ogolyahay ardayda ayaa kala ah, wiilasha dhigta dugsiga hoose Shaati cad iyo Surwaal buluug ah, markii uu u baaso dugsiga dhexe wuxuu qaadanayaa Shaati Jaalle ah iyo Surwaal cadeys ah, halka markii uu u gudbo dugsi sare uu qaadanayo Shaati cad iyo Surwaal cadeys ah.

Dhanka gabdhaha wasaaraddu waxay go’aamisay in gabdhaha dhiganaya dugsiga hoose ay xirtaan Xijaab iyo Goono buluug ah, markii ay gabadhu u baasto dugsi dhexe waxay xiraneysaa Xijaab iyo Goono jaalle ah, halka markii ay u baasto dugsi sare ay gabdhuhu xiranayaan Xijaab iyo Goono cadeys ah.

Go’aankaan lagu mideynayo dharka ay xirtaan ardayda dhigata dugsiyada kala duwan ee dalka ayaa saameynaya dhamaan iskuullada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, sida ku cad bayaanka wasaaradda waxbarashada.

Xasuuq xooggan oo mar kale ka dhacay dalka Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa Isniintii sheegay inuu dhacay xasuuq ay fallaagadu ka gaysatay gobolka Oromia, halkaasi oo jabhadda dowladdiisa ka soo horjeedda lagu eedeeyo in ay beegsato dadka rayidka ah.

Xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ma uusan sheegin tirada dadka la dilay, laakin Ururka Amxaarada Mareykanka oo soo xiganaya ilo wareedyo maxalli ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP, in ay rumeysan yihiin in 150 ilaa 160 qof lagu dilay weerarradaasi.

Wakaaladda wararka AP ayaan awoodin in ay si madax banaan u xaqiijiso tirada dhimashada ee uu sheegay ururkan oo sheegay in dadka ka soo jeeda qowmiyadda Amxaarada la beegsaday, uuna dilku bilowday aroortii hore.

“Xubnaha kooxda Shene ee ka baxsanaya weerarrada ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa khatar ku haya muwaadiniinta ku nool galbeedka Wellega,” Abiy ayaa sidaasi ku yiri qoraal uu Isniintii ku dabaacay bartiisa twitter-ka, isagoo intaa ku daray in ay socdaan hawlgallo lagu baacsanayo fallaagada. “Shacabka ku nool deegaanka Qellen Wellega ee gobolka Oromada waxaa lagula kacay gumaad,” ayuu yiri.

Hadalka ka soo yeeray ra’iisul wasaaraha ayaa imanaya saddex toddobaad kadib markii boqolaal qof oo rayid ah oo ka soo jeeda qowmiyada Axmaarada lagu dilay isla gobolkaasi, weeraro lagu eedeeyay in uu gaystay ururka OLA oo ay dawladu u taqaano Shene. Jabhadda ayaa beenisay eedeyntaasi, waxayna taa beddelkeeda ku eedeysay ciidamada dowladda iyo maleeshiyada deegaanku in ay weerrada ka dambeeyaan.

Xiriirka isgaarsiinta ee deegaanka ayaa la jaray ilaa duhurnimadii shalay.
Gumaadkan ayaa sii kordhinaya cadaadiska ku socda xukuumadda Abiy ee ah in ay wax badan ka qabato ilaalinta dadka rayidka ah iyadoo mowjado qalalaase qowmiyadeed ah ay weli ka sii socdaan dalkan oo ah kan labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika.

Weerarada lala beegsanayo dadka laga tirada badan yahay ee ku nool guud ahaan Itoobiya ayaa kordhay sannadihii u danbeeyay sababo la xiriira xiisadaha siyaasadeed, taariikheed iyo qowmiyadeed.

Qowmiyadda Axmaarada, oo ah qowmiyadda labaad ee ugu badan Itoobiya, balse looga tirada badan yahay gobollada kale, ayaa si isdaba joog ah loo beegsanayay.

Dad badan ayaa lagu dilay weeraro ka dhacay gobollada Benishangul Gumuz iyo Oromia saddexdii sano ee lasoo dhaafay oo kaliya. Bishii hore, goobjoogeyaal ayaa u sheegay AP in in ka badan 400 oo qof oo rayid ah lagu dilay weerar 18-kii June lagu beegsaday qowmiyadda Axmaarada ee deggan deegaanka Tole ee gobolka Oromia.

Muxuu Xasan Sheekh ku macneeyey xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya Turkiga?

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey xarunta siyaasadda, dhaqaalaha iyo cilmi-baarista arrimaha bulshada ee SETA ayaa si qota dheer uga hadlay faa’iidooyinka laga dhaxlay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Xasan Sheekh ayaa sheegay xiriirka labada dal uu aad u xooggan yahay siyaasad iyo diblomaasiysad ahaanba, sidoo kale dhinaca taageerada amnigana uu leeyahay istaraatijiyad iyo wada-shaqeyn ka dhan ah dagaalka looga soo horjeedo argagixisada caalamiga ah.

Sidoo kale horumarinta dhaqanka iyo xiriirka ka dhexeeya labada shacab eek u saleysan dhaqaalaha iyo ganacsiga ayuu sheegay madaxweynuhu inuu sii korayo, taas oo laga arki karo maalgashiga muudqa ee labada dal.

“Soomaaliya iyo Turkiga waxa ay ku naaloodeen xiriir taariikhi ah, kaas oo ku qotoma ia-ixtiraam iyo iskaashi tan iyo markii ay Soomaaliya heshay gobonimadeeda 1960kii. Hase ahaatee, xiriirkan waxa uu sii laba kac-leeyey markii uu booqasho taariikhi ah Soomaaliya ku yimi Agoosto 2011, Mudane Recep Tayyip Erdogan oo xilligaas ahaa Ra’iisul Wasaare, markaas oo ay Soomaaliya ku jirtay xaalad bani’aadannimo oo ba’an,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga ku macneeyey ka go’naahashaha shucuubta iyo hoggaanka labada dal, kaas oo lagu adkeynayo xiriirka.

“Dhammaan kulamadii aan la yeeshay madaxweyne Erdogan, xubnaha dowladda Turkiga, bulshada rayidka ah iyo ganacsatada, Soomaaliya waxaa loo arkaa meel ka guda ballaaran fursad kaliya. Waa meel ay dowladda Turkiga iyo dadkeeda dareensan yihiin in ay dadka Soomaaliya kala kaashan karaan bedelidda xaaladda adag, taas oo nolosha dadka Soomaaliyeed bedeli karta, una abuuri karta fursado si wadajir ah looga faa’iideysto, haddii ay ahaan lahayd iskaashiga siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha,” ayuu yiri.

Madaxweynaha oo sii hadlaayey ayaa Iskaashiga Turkiga ee dhinaca amniga wuxuu ku macneeyey mid faa’iido weyn u ah dadaallada dowladda Soomaaliya uga adkaaneyso Al-Shabaab, si xasillooni loogu soo dabbaalo dalka.

Tababbarada Booliska Soomaaliyeed, Saraakiisha iyo Ciidamada ee gudaha dalka iyo Turkiga, iyo xarunta tababbarrada ee TURKSOM ee Muqdisho, ayuu madaxweynuhu ku tilmaamay kuwo cajiib ah.

“Soo saaridda ciidamo, horumarinta xirfadaha ciidamada hadda jira waxa ay muhiim u yihiin amniga qaranka Soomaaliya xilli aan dooneyno in aan mas’uuliyadda amniga kala wareegno Hawlgalka Kumeel Gaarka ah ee Midowga Africa 2024-ka.   Soomaaliya iyo Turkiga waxa ay sidoo kale ku naaloodaan xiriir xooggan oo la xiriira dhinaca aqoonta iyo wadaagga xogta ku saabsan dhaq dhaqaaqada argagixisada iyo, waliba hore u socodka, arrimahani waa kuwo ay naga go’an tahay in aan sii xoojinno.”

“Turkiga waxa ay hore, iyo haddaba door muhiim ah ku leedahay is bedellada dhaqaale ee Soomaaliya iyada oo si joogta ah oo deeqsinimo leh uga taageerta dowladda Soomaaliya miisaaniyadda laga soo bilaabo maamulkeygii hore ee 2012 ilaa iyo hadda. Kabkaas miisaaniyadeed wuxuu muhiim u yahay taageerada dowladda Soomaaliya ee hawl-fulinta iyo ku guuleysiga hirgalinta tubta is bedellada dhaqaale ee ay jeexday hay’adda Sanduuqa Lacagta ee Aduunka (IMF).” Ayuu yiri.

Wuxuu Xasan Sheekh intaas ku sii daray, “Waxaan ku rejo weynnahay in dowladda Turkiga ay sii wadi doonto taageeradan faa’iidada leh xilli Soomaaliya ay ka shaqeyneyso in ay hore u waddo dhabbihii ay ku gaari lahayd isku filnaansho dhaqaale. Taas waxaa dheer, iskaashiga Soomaaliya iyo hay’adaha maalgashi ee Turkiga ee meelaha muhiimka ah ee dakhliga laga soo saaro sida Dekedda Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha, kuwaas oo gacan ka geysta sare u qaadidda dakhliga gudaha iyada oo loo marayo maalgashigooda haddii ay ahaan lahayd dhisidda kabaabeyaasha dhaqaale, taasi waxa ay caawineysaa barnaamijyada is bedellada dhaqaale iyo in faa’iido laga sameeyo.”

“Mustaqbalka fog, xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo Turkiga horumar weyn ayuu ku tallaabsan doonaa haddii ay noo suurtagasho in aan sare u qaadno maalgashiga iyo isu socodka ganacsiga ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan waaxaha tartanka ka jiro ee Soomaaliya iyo fursadaha Dhaqaalaha Badda (The Blue Economy). Haddii aan Soomaaaliya nahay, waxaan arritan u aragnaa siyaasad dhaqaale oo faa’iido leh, waana sii wadi doonnaa in aan dowladda Turkiga kala shaqeyno ajandahan, anaga oo ka eegeyna faa’iidada ay u leedahay labadeenna bulsho iyo dalba,” ayuu yiri.

“Waxaa barbar socda iskaashiga iyo taageerada waxbarasho, maalgashiga dowladda Turkiga ku sameyso bixinta adeegga dadweynaha aas aasiga ah ee gudaha Soomaaliya sida tababbarrada caafimaad iyo adeegyada uu bixiyo cisbitaalka Recep Tayyip Erdogan ee Muqdisho, waa mid saameyn weyn oo muuqata leh. Cisbitaalka waxaa ila furay madaxweyne Erdogan markii uu soo booqday Soomaaliya sanadkii 2015-kii waana cisbitaalka ugu weyn ee ugu horumarsan Soomaaliya, waxa uu door weyn ka qaatay ka jawaabiddii Soomaaliya ee cudurka safmarka ah ee COVID-19 iyo waliba shaqada maalinlaha ah ee lagu badbaadiyo nolosha dadka iyada oo la marayo habraacyo kale.”

“Dhinaca gargaarka bani’aadannimo, Turkiga waxa uu ahaa saaxiib ay Soomaaliya si joogta ah ugu tashato. Maanta, dowladda Turkiga waxa ay wali kaalin ka qaadaneysaa xaaladda xanuunka badan ee haatan taagan iyada oo u mareysa hay’adda Turkiga ee Wada-shaqeynta iyo Isku xirka  (TIKA). Hase yeeshee, iyada oo hore loo soconayo, dowladdeyda waxaa ka go’an in ay xal waara u raadiso masiibooyinkan soo noq-noqda ee la xiriira isbedellada cimilada taas oo saameysa guud ahaan Geeska Afrika, si daranna waxyeello ugu geysata dalal sida keyga (Soomaaliya), taas oo ay sabab u tahay awood yarida aan u leenahay maalgashi lagu sameeyo kaabeyaasha looga hortago is bedellada cimilada, waxaa taas sabab u ah dhaqaaleheena yar balse kobcaya.”

“Waxaan ku soo gunaanadayaa, khibradda Soomaaliya ee faa’iidada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waa mid saameyn weyn oo togan leh. Turkiga waxa ay wali barbar taagan tahay Soomaaliya iyo dadkeena xilli aan ku guda jirno hayaanka aan ku baadi-goobeyno xasillooni iyo horumar. Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu ku qotomaa horumarinta nolosha dadkeenna iyo ka wada-shaqeynta sidii aan heer ka sii sareeya hadda siduu yahay aan u gaarsiin laheyn xiriirkeena Iyada oo taas laga duulayo, waxaan ku kalsoonahay in xiriirka labada dal sii xoogaysan doono xilli aan si wadajir ah ugu dhaqaaqi doonno mustaqbal horseeda fursado ay gundhig u yihiin in la wada guuleysto,” ayuu Xasan Sheekh ku soo gabagabeeyey khudbadiisa.

 

Heshiiskii ay DF ku fasixi laheyd qaadka Kenya oo dib u dhacay + Sababta

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib u dhacay heshiis lagu saxiixi lahaa in dib loo fasaxo Qaadka dalka Kenya ee loo suuq geyn jiray gudaha Soomaaliya oo hadda xayiran ku dhowaad laba sano.

Wasiirka beeraha ee Kenya, Peter Munya ayaa sheegay in maanta aan la saxiixi doonin heshiis ganacsi oo u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya isagoo taas sabab uga dhigay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxauud uusan ka qeyb galin shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ee ka dhacaya dalka Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa hadda ku sugan dalka Turkiga, halkaasi oo la filayo inuu kula kulmo madaxxweynaha dalkaas Erdogan.

Peter Munya ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo saxiixi doono heshiiskaas, wuxuuna rajo fiican ka muujiyey inuu dib usoo noqon doono xiriirkii ganacsi ee ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya oo burburay shantii sano ee lasoo dhaafay.

Bishii June ayey aheyd markii wasiirka beeraha Kenya uu shaaca ka qaaday in wada-hadallada u dhexeeya labada dal ay galeen qeybtii ugu dambeysay si heshiis looga gaaro in xayiraad ay Soomaaliya ka qaado qaadkii Kenya.

Soomaaliya ayaa hakisay qaadkii laga dhoofini jiray Kenya labo sannadood ka hor oo ay taariikhda ku beegnayd 19-kii Maarso ee 2020, iyadoo sabab looga dhigayo xayiraadaha Covid-19, balse markii dambe la ogaaday inay aheyd arrin siyaasadeed.

Waxaa kadib la fasaxay qaadka Itoobiya oo heshiiskiisa loo xiray xubno ka tirsan qoyska madaxweyne Farmaajo iyo dad xulufo la ah, kuwaasi oo ka sameeyey lacag malaayiin dollar ah.

Ganacsatada Kenya ayaa si maalin ah waxay suuqa Qaadka ee Soomaaliya ka heli jireen lacag lagu qiimeeyey in ka badan 20 milyan oo shilinka Kenya ah oo dhiganta ku dhowaad 200 oo kun doolar.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay dowladda Kenya fasixadda Qaadka uga badalato waxyaabo kale sida in dal ku galka loo fududeeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo in dalka Kenya loo dhoofiyo kulluunka Soomaaliya.

Qorshaha 3 geesoodka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh oo la sharxay (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan xilligan Soomaaliya joogin marxalad ay kula xaajooto ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo maanta ka hadlayey machadka SETA ayaa sheegay in ugu dambayn ay dawladdu la xaajoon doonto, hadii ay ogolaadaan, isla markaana khilaafka lagu dhammayn doono si nabad ah.

Waxa uu sheegay inay dawladdu albaabada u fursayso xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya inay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dawladdu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah cudud milatari, mid fikir iyo mid dhaqaale.

Jeneraal Cabdi Xasan Xuseen Cabdi Yare oo horay xilliyo kala duwan u soo noqday Taliyaha Nabad-Sugidda iyo Booliska ee maamul goboleedlka Puntland ayaa laga wareystay waxa uu ka dhigan yahay istiraatiiji ahaan hadalkii madaxweynaha.

Jeneraal Cabdi Yare oo la hadlay VOA ayaa aad u soo dhoweeyey hadalkii madaxweynaha iyo fahamka uu ka heysto xaaladda dalka, gaar ahaan maareynta marxaladaan dagaalka ah ee dowladdu ay kula jirto fikirka xag-jirka ah.

Wuxuu qiray in Soomaaliya aysan ka guul gaarin hafdkii dagaalka Al-Shabaab ee soo bilowday 15 sano ka hor, isagoo wax laga calool xumaado ku tilmaamay dhalinyarada la qalday ee duurka lagu laayo maalin kasta, iyaguna dadka laaya.

Jeneraal Cabdi Yare oo cabiray sida ugu fudud ee kooxdaan looga taqalusi karo ayaa sheegay in qorshaha madaxweynaha uu u muuqdo mid guuleysa kara, iyadoo dalka dhan guluf dagaal looga qaadayo kooxda argagixisada ah.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inay ku qasbanaa doonaan inay wadahadal galaan ama is dhiibaan, sidoo kalena ay suurta gal tahay in dalka dhan laga ciribtiro, maadaama dadka Soomaaliyeed ay u heelan yihiin nabad iyo kala dambeyn taaba gasha.

Hoos ka dhageyso wareysiga Jananka

Xasan Sheekh iyo kooxdiisa oo isku haya laba arrin oo la xiriirta Golaha Wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Nidaam walba oo ka dhasha Soomaaliya tan iyo 2009 wuxuu lahaa koox jilib culus ah oo ku xisaabsan inay dhisteen madaxweynaha markaas la doortay, waxaa loo yaqaanaa milkiilayaal fara maran.

Wax loo jeedo kuma bixiyaan guusha laakiin xataa inay qaarkood la joogeen dhowrkii cisho ee u dambeysay guuleystaha ayaa siisa darajada kooxda talada haysa.

Badankood xilal ayey helaan qaarna deg deg ayey mucaarad u noqdaan. Tixanayaashaan weli ma dhammaan, balse hadda xoogaa isbadal ah ayaa jira maadaama la sameeyey xisbiyo ku-meel gaar ah.

Nidaamka hadda dhashay ee Soomaaliya waxaa ugu xoog badan kooxda loo yaqaano UPD, waa xisbi ku-meel gaar ah, waa dhowr xisbi oo isku tagtay, waxaana ugu tun roon Daljir iyo PDP.

Guushii madaxweyne Xasan Sheekh kadib dhowr qof oo kooxdaan ka tirsan ayaa xilal la siiyey sida Mahad Salaad, Xamza Cabdi Barre, Xuseen Macallin iyo Xuseen Sheekh Maxamuud.

Hadda waxaa loo fadhiyaa dhismaha xukuumadda cusub. Laba cisho ka hor madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu casho u sameeyey milkiilayaasha faraha maran ee kooxdiisa.

Qof kamid ah dadkii ka qeyb galaya kulankaan wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu uga mahad celiyey kooxda kaalintoodii guushii 15-kii May. Wuxuu u sheegay inuu safaro geli doono kadibna uu meeleyn doono oo uu dowladda xilal ka siin doono intooda aan hadda xilalka heyn.

Dooda kooxda dhexdeeda taalla waa xooggan tahay. Xubnaha xil doonka ah ee kooxda waxay badi qabaan inay iyagu xilalka isku tixaan oo ay dhagaha ka fureystaan dhinacyada kale ee siyaasadda, gaar ahaan marka ay timaado qeybinta golaha wasiirada.

Laakiin xubno uu ra’iisul wasaare Xamza ku jiro waxaa la sheegay inay qabaan in maadaama ay xukunka sare haystaan inay fiicnaan laheyd inan xilalka qeybiyaan, gaar ahaan in xukuumadda wax laga siiyo musharaxiintii mucaaradka oo ay qaar xubno wataan, madaxda maamulada oo iyaguna xubno wata iyo guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo iyaguna shaqsiyaad wasiiro u raba.

Ra’iisul Wasaaraha kama qeyb gelin kulankaas cashada ah. Doodaan dhex wareegeysa kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ee ah xukunka aan haysano ee aan xilalka qeybino iyo maya ee aan wax walba inagu qaadano waxay leedahay laba faa’ido iyo laba khasaaro.

1- Faa’idada

Haddii la dhiso xukuumad midnimo qaran ah waxay xiiso iyo taageerayaal badan u yeeli doontaa nidaamka cusub oo hadda caajis badan ka muuqdo. Waxay yareyn kartaa naceybka dowladda cusub, waxay dib u dhigi kartaa mucaaradnimada, waxayna keeni kartaa siyaasad ka marag kacda wixii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku ololeeyey oo aheyd ahmiyad siinta isku heynta dhinacyada siyaasadda.

Tani waa faa’ido qaran. Haddii xubnaha UPD xilalka wasiirada lagu tixo iyadu waa faa’ido shaqsiyadeed oo Xasan Sheekh ayaa noqonaya siyaasi abaal leh oo saaxiibadii wax ka dhistay qurxiyey.

Labadaas faa’ido faraqiga u dhaxeeya qofna uma raadinaya fasiraad

2- Khasaaraha

Haddii xukuumadda lagu koobo kooxda madaxweyne Xasan Sheekh waxaa deg deg u dhallan doona mucaarad dhowr jiho ah, baarlamaanka dhexdiisa, musharixiinta mucaaradka, maamul goboleedyada iyo kooxda Farmaajo oo markii horaba gaar u taagneyd.

Waxaa dhici karta in Xasan Sheekh iyo kooxdiisa afarta sano difaac iyo wax iska caabin ay uga dhammaato.

Khasaaraha labaad waa mid kooban. Haddii xukuumadda la fidiyo oo laga dhigo mid loo dhan yahay waxaa macquul ah in xubno Xasan Sheekh lasoo ololeeyey inay kuraas waayaan kadibna ay mucaarad noqdaan ama ay madaxweynaha ku eedeeyaan mid aan abaal laheyn.

Labadaasi khasaaro mid Xasan ayey gaar u tahay midna dowladda. Inkastoo ay macquul tahay in laga fakaro xal dhexe oo isku heyn kara dhinacyada oo dhan haddana dadka arrimaha xukuumadda faaqidaya waxay leeyihiin Xasan Sheekh iyo Xamza waxaa isku garba taalla faa’ido guud iyo mid gaar ah oo kala doorasho u baahan iyo dhanka kale dagaal siyaasadeed saf ballaaran ah iyo mid kooxda dhexdeeda ka imaan kara oo isaguna kala doorasho u baahan, waxaana la eegayaa halka ay wax dhigaan maalmaha soo aadan.

Sawirro: Xil-wareejin maanta ka dhacday xafiiska Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Subeer ayaa maanta xilka kala wareegay Xoghayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Ibraahim Nuur.

Munaasibada xil-wareejinta ayaa ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaasi oo uu goobjoog ka ahaa Wasiiru-dowlaha xafiiska Mudane Cabdixakiin Ashkir.

Xoghayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Ibraahim Nuur ayaa ku wareejiyey Xoghaya cusub galal ay ku qoran yihiin hantida ma guurtada ah, shaqaalaha, iyo hannaanka shaqo ee Xafiiska.

Sidoo kale waxa uu Alle uga rajeeyey in xilkaas culus ee loo dhiibay uu u fududeeyo.

Xoghayaha cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Maxamed Abuukar Subeer ayaa dhankiisa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha mudnaanta u leh.

Ugu dambeyntiina waxa uu xoghayaha cusub ka codsaday dhammaan shaqaalaha iyo howl-wadeennada xafiiska in lala shaqeeyo, si loo dardar-geliyo howlaha horyaalla.

Xasan Sheekh ‘oo ku gacan sayray’ casuumaddii Uhuru

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaan ka qayb-geli doonin shirka hogaamiyeyaasha dalalka ku midaysan urur gobaleedka IGAD, kaasi oo maanta ka furmay caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Madaxweyne Xasan oo lagu waday inuu ka dego magaalada Nairobi ayaa weli booqasho rasmi ah ku jooga caasimada dalka Turkiga ee Ankara, halkaasi oo ay uga socdaan wada-hadalo uu la yeelanayo madaxda dalka Turkiga.

Xasan ayaa goor dambe ku wargeliyay Uhuru Kenyatta in uusan kasoo qeyb-gali doonin shirka IGAD, oo ay dowladda Kenya dooneysay in madaxweyne Xasan uu kasoo qeyb-galo shirkaas, sida uu qoray wargeyska Africa Intelligence oo soo xiganaya mas’uuliyiin Kenyaan ah.

Dowladda Kenya ayaa imaanshaha madaxweynaha Soomaaliya u arkeysay fursad muhiim ah oo looga wada-xaajoon karo arrimo dhaqaale iyo ganacsi, oo ugu horeeyo sida la fahamsan yahay dib u furida qaadka.

Baaqashada shirka ee madaxweyne Xasan ayaa waxay siyaasiyiinta Kenyaanka ah ku tilmaameen halaag iyo rajo xumo ku yimid dib ufurida ganacsiga qaadka, oo ay xukuumadda Nairobi rejo badan ka qabtay tan iyo markii la doortay madaxweynaha.

“Shacabka Kenya waxay sugayeen madaxweynaha Soomaaliya ama Ra’iisul Wasaaraha midkood inuu shirka kasoo qeyb-galo, kadibna Soomaaliya lagala heshiiyo inay fasaxdo Qaadka Kenya oo ay ku tiirsanaayeen nolosha Malaayiin muwaadin Keenyaan ah, laakiinse rajadii dadku filayeen god dheer ayay kusii dhacday,” ayuu yir Sylvanus oo ah siyaasi Kenyaan ah.

Caasimada Online ayaa hore u baahisay in madaxweynaha uu safarkiisa labaad ee kadib dib u doorashadiisa ku tagi doono magaalada Nairobi, maadama xiligaas ay soo gaartay casuumad rasmi ah oo ay u fidiyeen madaxda dalka Kenya.

Hase yeeshe waxa uu isbedel lama filaan ah ku yimid qorshaha safar ee madaxweyne Xasan oo xiligaan ku sugan dalka Turkiga, isaga oo ka cudur daartay aqbaalada casuumada iyo ka qeyb-galka shirka.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa weli waxay heystaan fursad weyn oo ay uga gudbi karaan sooyaalka xiisado daba-dheeraaday oo saameeyey shucuubta labada wadan.

Labadaan dal ee dhacda Geeska Afrika, waxaa si weyn isugu milan danaha shacabkooda, waxayna faa’iido weyn ka heli karaan iskaashi iyo is-aaminaad dhex-marta, sida ay qabaan quburada ka faalloota arrimaha gobolka.

Inta badan xiisadihii dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya waxay salka ku hayeen kiiskii go’aanka caalamiga ah laga qaatay ee badda dhacda xuduuda labada dal, kaas oo hadda Kenya aysan u furneyn wado ay ku sii wado murankiisa.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya waxay si weyn isugu xumaadeen intii uu xukunka joogay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse madaxweynaha Kenya Uhuru ayaa Muqdisho uga soo qeyb-galay caleemo saarkii madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo muujineysa in Kenya ay diyaar u tahay wanaajinta xiriirkeeda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo go’aan ka gaaray wada-hadal lala galo Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay sheegay inaysan xilligan Soomaaliya joogin marxalad ay kula xaajooto ururka Al-Shabaab, hase yeeshe ay albaabada u fureyso xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha tilmaamay in ugu dambeynta dowladdu la xaajoon doonto kooxaha xagjirka ah, gaar ahaan Al-Shabaab oo ku xoogan gudaha Soomaaliya, si khilaafka lagu dhameeyo si nabdoon.

“Dowladdu waxay albaabada u furaysa xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya inay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah mid milatari, mid fikir, iyo mid dhaqaale.

Waxa kale oo uu sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay amniga, isaga oo tilmaamay inay dowladdu dooneyso inay hirgeliso dib-u-heshiisiin bulsho iyo mid siyaasadeed oo ay ku jirto dastuur mideysan iyo dhismaha hay’addo dowli ah.

Madaxweynaha ayaa hore u ballan-qaaday inuu ka adkaan doono kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay inay dib ugu xoogeysatay dalka shantii sano ee uu maamulayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Intii uu Farmaajo madaxweynaha ahaa, Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay si weyn ugu dhex-milmeen hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga, ayada oo kooxdu hadda maamusha dhul baaxad leh, waxayna canshuur ka qaadaan inta badan gacnacsata dalka, gaar ahaan kuwa Muqdisho oo dakhliga ugu badan uu kooxdan kasoo galo.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay maanta ururiso canshuur ka badan tan dowladda, oo ay nidaam dowladeed ka dhex sameyeen dowladda federaalka, taasi oo uu nasiib darro ku tilmaamay.

Muddo xileedkii koowaad ee Xasan Sheekh, Al-Shabaab sidan uma awood badneyn. Inkasta oo ay ganacsatada qaar ka qaadi jireen canshuur, haddana uma baaxad weyneyn heerka ay gaareen shantii sano ee Farmaajo.

Madaxweyne ku-xigeenkii Kenya oo sheegay inuu ‘qabiil Soomaali ah kasoo jeedo’

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Kalonzo Musyoka, ayaa sheegay in uu kasoo jeedo mid ka mid ah qabiillada Soomaalida ee caanka ah.

Hadalkan ayuu ka jeediyay isusoobax siyaasadeed oo uu uga qayb galay magaalada Habasweyne ee ismaamulka Wajeer, halkaas oo uu booqday isbuucii lasoo dhaafay.

Erayadiisa ayaa abuuray hadal-hayn aad u ballaaran oo maalmihii lasoo dhaafay qabsatay baraha bulshada.

Mr Musyoka oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu magaca wayn dalka Kenya, uguna taageerada badan, ayaa fagaaraha uu ka khudbeynayay oo ay dadweyne aad u badan isugu imaadeen ka sheegay in qabiilkiisa – oo lagu magacaabo Wakamba – “looga yaqaanno Soomaaliya Digil iyo Mirifle”.

Waxaase hadalladiisa ay u muuqdeen kaftan uu la wadaagayay Soomaalida badan ee ku sugnayd goobta uu ka hadlayay.

Khudbadda uu arrintan ku sheegay ayuu sidoo kale uga hadlay in xiriirka Kenya iyo Soomaaliya uu yahay mid aad u wanaagsan.

“Hadda waxaan leennahay dowlad saaxiib la ah Muqdisho. Xitaa Madaxweyne Uhuru maalin dhawayd wuxuu u tagay halkaas caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.”

“Aniga arrimaha Soomaaliya waxaan ka shaqaynayay tan iyo markii aan ahaa wasiirka arrimaha dibadda. Aniga waxaan iri dadka Wakamba-da ah ee dhinacaas waxaa lagu magacaabaa Digil iyo Mirifle,” ayuu yiri Musyoka.

Tani waxay ka dhigan tahay in Kalonzo Musyoka uu hadalkiisa ula jeedo in isaga qudhiisa uu “kasoo jeedo Digil iyo Mirifle”, isagoo sidoo kale ka hadlay qabiillo kale oo Soomaalida ka tirsan oo uu bartay.

Siyaasigan oo muddo dheer olole ka waday Kenya ayaa hadda ku guda jira ololaha doorashada bisha August la filayo in ay ka dhacdo Kenya.

Markii ugu horraysay sanadkan waxa uu ka maqan yahay tartanka booska madaxweyne ku xigeenka Kenya oo uu dhowr jeer oo lasoo dhaafay u hanqal taagayay isagoo la safan musharaxa hadda u taagan kursiga madaxweynaha, Raila Odinga.

Mr Odinga ayaa markan ku xigeenkiisa u xushay haweeney rug caddaa siyaasadeed ah oo lagu magacaabo Martha Karua, taasoo noqon doonta gabadhii ugu horraysay ee xilka Madaxweyne ku xigeenka ka qabata Kenya, haddii uu guulaysto Raila Odinga.

Loollan adag ayuu Odinga kala kulmayaa murashaxa kale ee sida wayn ugu cad cad doorashada, William Ruto.

Waa kuma Kalonzo Musyoka?

Kalonzo Musyoka waxa uu degmada Mwingi ku dhashay 24-kii bishii December ee sanadkii 1953-kii.

Waa 68 jir dhalay saddex carruur ah. Waxa uu hoggaamiyaa xisbi siyaasadeedka Wiper oo saamayn xoog badan leh.

Intii ud ahsxaysay 1993-kii ilaa 1998-kii waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ka ahaa dowladdii Daniel Arap Moi.

9-kii bishii January ee sanadkii 2008 ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweyne ku xigeenka Kenya, xilkaas oo uu hayay ilaa 9-kii bishii April ee sanadkii 2013-kii.

Isha: BBC

DF oo ku dhowaaqday HOWLGAL culus oo laga fulinayo Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah burcadda hubeysan ee dhaca iyo dhibaatooyinka kale xilliyada habeenkii ah ka geysta gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya, C/fitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa shaaciyey in howl-galladaasi oo ay fulin doonaan qaybaha ay ka kooban yihiin ciidamada inay ka bilaaban doonaan gudaha caasimada si looga hortego amni daada.

“Laga bilaabo maanta waxaan bulshada gobolka Banaadir u xaqiijineynaa in guud ahaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo aan kala harin qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, qaybaha kala duwan ee gobolka, fadhiyada madaxa-bannaan iyo ciidanka gaarka ah dhammaan taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed wuxuu amray in laga wda howlgalo muddo koobana lagu soo afjaro carruurtaasi gaangiska ah ee caadeestay inay Ummadda hantidooda qaataan, dhiigoodana daadiyaan,” ayuu yiri afhayeenka Booliska.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale xusay in inta badan dhibaatooyinka iyo dhaca shacabka lagu geysto mootooyinka nooca Bajaajta, isla-markaana ay ku raadjoogaan.

“Waxaan heynaa mootooyin badan oo u adeega tuugada, dadyowgii raacana u geeya tuugada si loo dhaco oo hantida looga furto,” ayuu sii raaciyey.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray milkiilayaasha mootooyinkaasi, wuxuuna ugu baaqay inay marka hore hubiyaan qofka ay ka kireysanayaan mootooyinkooda.

“Waxaan kaloo rabaa inaan halkan farriin uga diro milkiilayaasha mootooyinka Bajaajta ee kireeya shaqsi walba oo mootadaada aad ka kireyneyso, waa inaad u heysaa caddeyn dambi la’aan ah,” ayuu markale yiri afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna soo wargeliyaan kooxaha dhaca geysta iyo sidoo kale kuwa ka ganacsada maandooriyaha oo uu tilmaamay inay iyagujna la dagaalamayaan.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa faraha ka baxayey amniga caasimada oo ay kusoo kordheen rag hubeysan oo dhacaya shacabka, waxaana ugu dambeeyey dilkii loo geystay  Macalin Cismaan Axmed Macow oo moobeyl dartiis loogu dilay Dharkenley, kaas oo ka mid ahaa Macalimiinta wax ka dhiga Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho, gaar ahaan tan Horseed.