27.3 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

DENI oo maanta u baxaya SAFAR dibadeed + Ujeedka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta ku wajahan magaalada Abu Dhabi ee Isu Tegga Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay uga billaaban doonto booqasho qaadan doonto dhowr cisho.

Safarka madaxweyne Saciid Deni oo aan horey loo sii shaacin ayaa la xiriiro arrimo siyaasadeed, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Deni ayaa marka hore sii mari doono dalka Kenya, waxaana la sheegay inuu halkaas kula kulmi doono madax Kenyaan ah iyo siyaasiyiinta Soomaalda ee ku dhaqan halkaasi, gaar ahaan kuwa degan magaalada caasimada Nairobi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxweynuhu kadib u bixi doono dhanka  Imaaraadka Carbta oo uu marti-qaad ka helay, isaga oo la shiri doono madaxda dalkaas.

Booqashadaan ayaa kusoo beegantaya xilli  uu dhawaan dalkaasi booqasho ku tegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo heshiis cusub lasoo galay madaxda sare ee dalka Isu Tegga Imaaraadka, kadib dhowr cisho oo uu ku sugnaa magaalada Abu Dhabi.

Saciid Deni oo hungoobay xilka madaxweynaha, kadibna waayey jagada ra’iisul wasaaraha ayaa horey saluug uga muujiyey, sida uu wax ku bilaabay madaxweyne Xasan.

Si kastaba, Madaxweynaha Puntland oo toos ugu xiran xukuumadda Abu Dhabi ayaa marar badan isaga daba laa-laabtay dalka Imaaraadka Carabta oo haatan u muuqdo inuu booska kala baxay Qatar oo shantii sano ee lasoo dhaafay aheyd taageeraha 1-aad ee Farmaajo.

Taariikh nololeedka xubnaha uu magacaabay R/W Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa shalay magacaabay agaasimayaal gaaraya illaa seddex iyo afar la-taliyayaal, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay xafiiskiisa oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online.

Hoos ka aqriso xubnaha la magacaabay iyo taariikh nololeedka oo kooban:

1. Maxamed Abuukar Zubeyr – Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Maxamed ayaa waxaa uu heystaa darajada Master-ka Maamulka, International Islamic University Malaysia. Waxa uu heer koowaad ee Jaamacadda ku bartay maamulka Ganacsiga, Jaamacadda SIMAD ee Muqdiso.

Sidoo kale waxa uu ahaa agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka, wuxuuna soo noqday agaasimaha Qorsheynta wasaaradda caddaaladda. Waxa uu macallin ka soo noqday Jaamacadaha Ummadda iyo SIMAD.

2. Farxaan Maxamed Jimcaale – Afhayeenka ahna Agaasimaha Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada.

Farxaan ayaa waxa uu darajada labaad ee Master-ka ka heystaa xiriirka Caalamiga ah, Queen Mary University of London. Waxa uu heerka koowaad ee jamacadda ku bartay Warbaahinta, Birkbeck, University of London.

Sidoo kale waxa uu hoggaaminayay qeybta Af-soomaaliga ee Telefinshinka BBC, wuxuuna ka soo shaqeeyay Raadiyaha BBC, laanta Afsoomaaliga. Waxa uu ka soo howlgalay warbaahinta Qaramada Midoobay ee IRIN.

3. Cabdullaahi Shariif Cabdi – Agaasimaha Habmaamuuska Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Cabdullaahi ayaa waxa uu haystaa darajada labaad ee Master-ka Dublamaasiyadda iyo xiriirka Caalamiga ah, Ethiopia Civil Service University. Waxa daraja koowaad ku bartay Cilmiga horumarinta iyo xiriirka caalamiga ah, Hope University Mogadishu, Somalia.

Sidoo kale waxa uu ahaa macallin, wuxuuna ka soo shaqeeyay dowladda hoose ee Xamar. Waxa kale oo uu ahaa xubin ka mid ah saraakiisha Baratakoolka XAfiiska Ra’iisul Wasaaraha.

4. Cali Cabdi Awaare – La taliye Arrimaha Dib u heshiisiin.

Waxaa uu bartay maamulka gaacsiga, wuxuuna kasoo baxay dugsiga tababarka macallinnimada ee Xalane.

Sidoo kale waxa uu xilal wasiirnimo ka soo qabtay dowlada goboleedka Putland, waxa kale oo uu la taliye kasoo noqday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

5. Kamal Guutaale – Latalaiyaha Amniga.

Waxa uu bartay darajada Master-ka ku bartay Gaacsiga Caalamiga ah iyo Maamulka Istraatiiyadaha, University Malaya, wuxuuna daraja koowaad ee jamacadda uu ku bartay maamulka Nidaamka Xogta, International University of Africa, Khartoum, Sudan.

Sidoo kale waxa uu la taliye sare ka noqday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedka Galmudug. – Waxa uu soo noqday agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya.

6. Dr Hodan Cusman – La taliyaha xiriirka Caalamiga ah.

Dr Hodan ayaa waxay darajada PHD ku sameysay Cilmiga xiriirka, Zhejiang University, Hangzhou, China.

Sidoo kale waxay darajada labaad ee Jaamacadda ka sameysay Luqadda Shiieeska iyo dhaqanka Zhejiang Normal University, Jinhua, China.

Waxay daraja koowaad ee jaamacadda ka diyaarisay maamulka ganacsiga, Zhejiang Normal University, Jinhua, China.

Waxay soo noqotay:

· Aasaasaha xaruta culuumta bariga Afrika ee ee jaamacadda Xhejiang, China.
· La-taliya saree ee arrimaha xiriirka, wasaaradda haweenka dowladda Soomaaliya.
· La-taliyaha xiriirka arrimaha Shiinaha ee madxtooyada Soomaaliya.

7. Haashim Maxamed Cali – Agaasiamaha maamulka iyo maaliyadda.

Waxa uu darajada Master-ka ka heystaa xisaabaadka iyo maaliyadda, Islamic University in Uganda. Sidoo kale waxa uu heerka koowaad ee jamacadda ku bartay Xisaabaadka, University of Science & Technology in Sana’a Yemen.

Waxa uu macalin kasoo noqday Jaamacadda Musdisho, wuxuuna kasoo howl-galay Bangiga Dahabshiil. Waxa kale oo uu maamul iyo maaliyad madax uga noqday African Relief Fund xafiiskooda Muqdisho.

Daawo: Somaliland oo ‘qaran dumis’ u aqoonsatay dadkii xajka ka aaday sanadkaan

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullahi Seylici oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa ka hadlay khilaafka arrimaha xajka ee kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa beeniyey in wasiirka diinta iyo awqaafta Soomaaliya ay ka wadahadleen arrimaha Xajka, isagoo qaran dumis ku tilmaamay dadka reer Somaliland ee Muqdisho iyo Garowe ka dhoofay, si ay u soo xajiyaan.

“Waxaan beeninayaa hadal ka soo yeeray wasiirka diinta iyo awqaafta Muqdisho oo yiri waxaan Madaxweyne ku xigeenka ka wadahadalnay arrimaha xajka, waxaan umadda reer Somaliland u cadeynayaa in wax wadahadal ah aana la yeelan qof ka tirsan qaranka Soomaaliya, taas oo ka dhigan in wasiirkaas uu ku xad gudbay sharafteyda iyo tan qaranka Somaliland,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Wuxuu sheegay in wasiirku uu si aan habooneyn u qeybiyey arrimaha xajka, wuxuuna sheegay in Somaliland ay tahay qaran, taas oo ka dhigay in dowladda Sacuudiga ay ka doonayaa qoondadoodii xajka.

“Umadda Somaliland waxay boqortooyada Sacuudi Carabiya uga fadhisaa xuquuqdooda islaamiga ah oo 31-sano ay hagal daacineysay, xukuumadda Somaliland, shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajka iyo culumadu waxay go’aan ku gaareen in sanadkaan aan ka harno xajka oo Somaliland aan laga xajin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Seylici.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Shacabka Somaliland waxaan u sheegeynaa in cidii meelo kale ka dhooftay ama u baryo tagtay inay meel u dhacday qarankaan go’aanka qaatay oo ay dhinac mareen.”

Hoos ka daawo

Wararkii ugu dambeeyey toogasho dhimasho leh oo ka dhacday dalka DENMARK

Copenhagen (Caasimada Online) – Nin hubeysan ayaa saddex qof ku dilay mid ka mid ah xarumaha ganacsiga ee ugu weyn dalka Denmark, halka kuwa kalena uu dhaawacay, kuwaasoo saddex ka mid ah ay aad u liitaan.

Nin 22 jir ah ayaa la xiray oo lagu eedeeyay weerarka kaas oo argagax ku abuuray dadkii wax ka iibsanayay suuqa Field ee koonfurta magaalada Copenhagen.

Taliyaha bilayska Soeren Thomassen ayaa sheegay in ujeedka weerarka aanu caddayn, isla markaana aanu meesha ka saari karin in ficilkaani uu yahay “fal argagixiso”.

Raiisel wasaare Mette Frederiksen ayaa sheegtay in Danmark ay la kulantay weerar naxariis darro ah. Waxay tacsi u dirtay ehellada dadkii weerarkaasi ku dhintay iyo kuwii ku dhawaacmay,iyadoo ugu baaqaday dadka dalka Denmark, in ay midoobaan ayna is taageeraan xilligana adage e lagu jiro.

“Denmark waxaa ka dhacay weerar naxariis darro ah. Caasimadeena quruxda badan oo badanaa aad u nabdoon ayaa lagu bedelay ilbiriqsiyo,” ayay tiri

Qoyska boqortooyada Denmark ayaa sheegay inay aad uga damqadeen “Dadkii ku dhintay, qaraabadooda iyo dhammaan dadka ay dhibaatadu saameysey”.

“Weli si buuxda uma naqaano dhibaatada dhacday, balse waxaa muuqata in dad badan ay naftooda ku waayeen, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Qoyska boqortooyada.

Eedeysanaha weerarkan suuqa laga dukaameysto ka dhacay ayaa markii la xiray waxa uu haystay qori iyo rasaas, sida ay booliisku sheegeen. Ninkaan lagu eedaynayo inuu weerarka gaystay ayaa sidoo kale booliisku ku tilmaameen nin “Danish ah” waxaana uu wajihi doonaa su’aalo maanta oo isniin ah .

Booliisku waxay sheegeen inaysan haynin wax calaamad ah oo muujinaya in kooxo kale ay ku lug lahaayeen weerarka ka dhacay, waxayna ku booriyeen milkiilayaasha dukaamada inay la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta falkaan oo laga yabao in ay hayaan.

Suuqa Field’s waa xarunta ugu weyn Denmark, oo leh in ka badan 140 isugu jira dukaamo iyo makhaayado. Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in cabsi ay soo wajahday dadkii wax ka iibsanayay suuqa,xilligii weerarku uu dhacayay.

Mid ka mid ah dadkaasi oo lagu magacaabo Isabelle ayaa u sheegtay warbaahinta Denmark: “Si lama filaan ah ayaanu u maqalnay rasaas, waxaan filayaa in aan maqlay toban xabbadood, ka dibna aan ku dhex cararnay suuqa, waxa aanu ku dhuumanay suuli, halkaas oo aanu isugu nimid dad gaaraya 11 qof”.

Wax yar ka dib toogashada, qoyska boqortooyada Denmark ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay xaflad soo dhaweyn ah oo uu qaban lahaa Amiir Frederik. Qaar ka mid ah hoggaamiyasha dalalka deriska la ah Denmarka ayaa cambaareyay werarka , waxayna tacsi u direen qoysaska dadkii wax ku noqday.

BBC

Sawirro: Sidee madaxweyne Xasan Sheekh loogu soo dhoweeyey Ankara?

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Turkiga, oo caasuumaad uu ka helay.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa si weyn Ankara ugu soo dhaweeyey Wasiirka Waxbarashada dalka Turkiga Mahmut Özer, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdullahi Caydiid iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkaas ku sugan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casuummad rasmi ah ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadalladooda waxay xoogga ku saari doonan adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu ku guda jiro booqashada uu ku joogo dalkaas, wuxuu la kulmi doonaa Bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed, sida Jaaliyadda iyo ganacsatada, si uu uga xog-wareysto xaaladooda guud iyo horumarrada ay sameeyeen.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu booqan doonaa Dugsiga Tababbarada Kumaandooska ee Isparta, halkaas oo ay tababbar ku qaataan qaar ka mid ah ciidamada xoogga Soomaaliya.

Sababta magacabista uu sameeyey R/W Xamza ay uga duwan tahay kuwii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta sameeyey xilal magacaabistii koowaad ee xafiiskiisa tan iyo markii uu xilka la wareegay dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay ee June.

Xamza wuxuu magacaabay illaa iyo 8 qof oo isugu jira maamulayaal iyo la-taliyayaal. Jihooyinka dadka la magacaabay ay ka imaanayaan ama xisaab ahaan ay kasoo jeedaan ayaa xiiso iyo dhug u yeeshay magacaabista uu sameeyey ra’isul wasaaraha.

Dadka la magacaabay ayaa kala ah:

Zubeyr waxaa loo magacaabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’isul wasaaraha, ninkaan wuxuu horey u soo noqday agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka ee dowladda federaalka ah.

Nin beesha shanaad kasoo jeeda, muddo aad u dheer ma dhicin in qof beesha shanaad kasoo jeeda loo magacaabo xilka ugu sarreeya xafiiska ra’isul wasaaraha, taas oo Xamza durba siisay sawir fiican.

Qofka labaad ee isna maanta la magacaabay waa suxufiga mudada fog jiray Farxaan Maxamed Jimcaale, kaas oo loo magacaabay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, ahna agaasimaha warfaafinta ee xafiiska Ra’isul wasaaraha.

Farxaan Maxamed Jimcaale oo hadda ah Tifaftiraha BBC TV ayaa loo arkaa mid si weyn ugu haboon booska loo magacaabay.

Qofka seddexaad ee uu ra’isul wasaare Xamze magacaabay waa Cali Cabdi Awaare oo reer Puntland ah, kaas oo loo magacaabay la-taliyaha ra’isul wasaaraha ee arrimaha dib u heshiisiinta.

Qofka afaraad waa Haashim Maxamed Cali oo loo magacaabay agaasimaha maaliyadda ee xafiiska ra’isul wasaaraha.

Qofka shanaad ee uu ra’isul wasaare Xamze magacaabay waa Cabdullaahi Shariif oo reer Gedo ah, kaas oo laga dhigay madaxa hab maamuuska ra’isul wasaaraha.

Ninkaan ayaa in muddo ah ka tirsanaa xafiiska ra’isul wasaaraha, xilligii uu Xasan Cali Kheyre talinayey wuxuu ka tirsanaa waaxda hab maamuuska ee xafiiska ra’isul wasaaraha.

Qofka lixaad oo Drs. Hodan Cusmaan oo reer Laascaanood ah, taas oo laga dhigay la-taliyaha ra’isul wasaaraha ee xiriirka caalamiga ah.

Drs. Hodan ayaa horey uga soo shaqeysay nidaamkii madaxweyne Farmaajo, taas oo dhinaca kale Xamza ka dhigeysa in xulashadiisu aysan ku jaan go’neyn inuu diido dadkii la shaqeeyey nidaamkii hore ee Farmaajo.

Qofka todobaad ee uu ra’isulwasaare Xamza magacaabay waa Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi oo xilligii ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre madax ka ahaa xafiiska ra’iisul wasaaraha Axmednuur waxaa loo magacaabay la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda iyo isku duwaha barnaamijyada ee xafiiska ra’isul wasaaraha.

Qofka sideedaad ee la magacaabay waa Kamaal Daahir Guutaale oo horey u soo noqday agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya, hadana kamid ahaa la-taliyaashii ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo isna hadda loo magacaabay la-taliyaha arrimaha ammaanka ee ra’isulwasaare Xamza Cabdi Barre.

Sideedaan xubnood ee maanta la magacaabay mid kamid ah ayaa ra’isul wasaaraha la wadaaga xisaabta Afmadow, laakiin xubintaas oo ah Dr. Axmednuur wuxuu horey u soo noqday xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’isul wasaaraha iyo madaxa hey’adda NRC ee  heer gobol, taas oo ka dhigan in qibradiisa lagu xushay.

Xubnaha maanta la magacaabay 2 waa reer Puntland, 3 waa reer Jubbaland, 2 waa reer Hirshabelle, midna waa reer Galmudug.

Sida uu ra’isul wasaare Xamza u qaabeeyey magacaabistiisii koowaad waxay muujineysaa dheeli tirnaan, dhaqan siyaasadeed oo la aqbali karo iyo xulasho xirfad ku saleysan.

Daawo: Booliska oo Muqdisho ku soo bandhigay wiil 8 cisho si yaab leh qoys ugu xirnaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay wiil mudo 8 cisho ah u xirnaa qoys u heystay inuu ka xaday Maacuun ay sheegeen inay ku iibinayeen suuqa Bakaaraha, waxaana ka soo baxay amarro adag oo ka dhashay arrintaan.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraaíd qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey kiiska wiilkaan maalmaha badan u xirnaa qoys wax ku sheeganayey, isagoo shaaciyey in wax uu cuno loo diiday mudadii uu silsilada ugu xirnaa qoyskaas.

“Waxaa la yaab ah in Hooyo iyo Aabe Soomaaliyeed ay isku raacaan inay guriga ku xirtaan muwaadin Soomaaliyeed ee hadana loo diido in la siiyo biyo iyo cuno toona, iyadoo lagu eedeynayo wax aan xaqiiqo loo heyn oo aan la baarin, qabow iyo roob ayaa kula da’ay halkii lagu xiray,” ayuu yiri Afhayeenku.

Sida uu cadeeyey afhayeenku wiilkaan ayaan la geyn wax saldhig boolis ah 8-dii beri ee reerkaan uu u xirnaa, ugu dambeyntiina booliska oo ka war helay ayaa ka sii daayey maanta, iyadoo saldhigga Howlwadaag lagu xiray qoyskii gurigooda ku xirtay wiilkaas.

“Markii boolisku uu ka war helay dhacdadaan tallaabo ayaan ka qaadnay qoyskii waxaan ku soo xirnay saldhigga, waxaan leenahay bulshada way dhici kartaa in qof wax inka xado ama inka dhaco, laakiin waxaa tallaabo qaadi kara oo wax xiri kara booliska, saldhigii oo kuu muuqda qof lug kama xira kartid, waana dembi adag, qoyskaana maxkamad ayey ku muteysteen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdifitaax Aadan.

Afhayeenka booliska oo shirkaan jaraa’id ku qabtay degmada Howlwadaag ayaa sheegay in falkaan uu qoyskaas ku muteystay maxkamad, isla markaana ay hor geyn doonaan, si uu cadaalad u helo wiilkaan ay iska xirteen iyagoo xatooyo ku eedeynaya.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/GRE4vktN1qM?t=1

Safarka Xasan ee Ankara iyo qorshaha xakameynta Qatar

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbedelkii ka dhacay Soomaaliya 15-kii, May ee sanadkan waxa uu soo jiitay indhaha dalal badan oo ku hardamayay in ay gacan saar dhow la yeeshaan dowladda dhexe. Waddamada uu loolanka adag u dhexeeyo waxaa kamid ah xulufada  ay hor-kacayaan Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar oo isku dhinac ah iyo Dowladda Qatar. A rrintaan ayaa u baahan in Soomaaliya ay ku wajahdo siyaasad dibadeed oo xasilan.

Nidaamkii uu hoggaaminayay madaxweynahii xilka ka degay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu u janjeeray dhanka Qatar, iyada oo ay taasi keentay in uu xumaado xiriirkii Imaaraadka iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, halka hoos u dhacay wada shaqeyntii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhexeysay Masar iyo Sacuudiga.

Soomaaliya oo joqoraafi ahaan ku taalla goob istiraatiiji ah, mid walba oo ka tirsan waddamadaan waxay u leedahay muhiimad gaar ah, haddiise dowladda cusub ee uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh aysan la imaan qorshe siyaasadeed oo arrimaha dibadda ah, waxaa suuragal ah in laba culeys oo xooggan uu dalku wajaho, kuwaas oo kala ah, mid amni iyo mid dhaqaale­.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ol-olahiisii doorashada ku galay hal ku dhigga “Soomaali heshiis ah, dunidana la heshiis ah” ayaa waxaa uu safarkiisii ugu horreeyay uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta, waxa uuna dhowr maalmin uu halkaasi joogay la isla gartay in la iska kaashado waxyaabo badan, dadka qaar ayaa u fasiraya in Soomaaliya isbedelka ka dhacay uu soo dhoweyn doono Imaaraadka, taas bedelkeedana uu meesha ka saari doono xiriirkii soke ee Qatar.

Inkasta uu madaxwene Xasan Sheekh uu safar kale maanta ugu ambabaxay dalka Turkiga waxay falanqeeyeyaasha siyaasaddu qabaan in ajendeyaal aan la shaacin doonin uu hor dhigi doono Xukuumadda Ankara, kuwaas oo ay kamid yihiin sidii Xiriirka Muqdisho iyo Dooxa uu u noqon lahaa mid wanaagsan, Dowladda Turkigana ay u noqon laheyd mid dowrkaasi ka shaqeysa.

Walaaca ugu weyn oo ay dowladda Soomaaliya qabto ayaa ah, in dowladda Qatar ay xiriir dhow la yeelato dhinacyada ka aragtida sida Ururada Islaamiyiinta ah ee ka dagaallamaya dalka iyo in Qatar ay maal-geliso mucaarad siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda dhexe ee uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Turkiga oo hadda Soomaaliya ku leh saldhig militari oo lagu tababaro ciidamadda dowladda Soomaaliya waxa uu si dhow xiriir ula leeyahay Qatar, waxaana suura-gal in qorshaha Soomaaliya ay aqbasho Xukuumadda Ankara, balse waxaan la ogeyn sida Qatar ay uga jawaabi doonto dalabka ceynkaan ah iyo in uu jiri karo sharuudi ka imaan kara.

Inkasta oo diblumaasiyadda aysan suura-gal aheyn in la isku sameeyo faragelin, haddana dal bur-bur kasoo baxaya sida Soomaaliya waxaa dhib weyn ku noqon kara in uu la kulmi khilaafaad diblumaasiyadeed oo dhabar jab ku noqon kara dib u kabashadiisa.

Sida Ilo-wareedka qaar ay sheegayaan, haddii qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh uu guuleysto waxaa dowladda Soomaaliya ka yaraan doona culeys siyaasadeed uu horay dalka u wajahayay xilligii madaxweyne Farmaajo uu talada joogay. Mar kale, haddii arrinta Carabta xal loo helo, waxaa mar kale dowladda Xasan Sheekh horyaalla in ay xal diblumaasiyadeed u raadiso arrinta Kenya iyo Xiriirka hoos u dhacay ee Jabuuti iyo Soomaaliya.

Aqriso: Beelaha ay kasoo jeedaan xubnaha uu maanta magacaabay R/W Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ku howlan dhismaha xukuumaddiisa ayaa maanta sameeyey magacaabis cusub.

Ra’iisul Waaaraha ayaa magacaabay agaasimayaal gaaraya illaa seddex iyo afar la-taliyayaal, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay xafiiskiisa oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online.

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha la magacaabay iyo qabiiladooda:

1. Maxamed Abuukar Zubeyr, Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisul Wasaaraha – Waxa uu kasoo jeedaa Beesha Jareer Weyne/Shiidle.

2. Farxaan Maxamed Jimcaale, Afhayeenka ra’iisul wasaaraha iyo agaasimaha warbaahinta ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha – Waxa uu kasoo jeedaa Beesha Hawiye/Xawaadle.

3. Cali Cabdi Waare, La-taliye arrimaha dib u heshiisiinta – Waxa uu kasoo jeedaa Beesha Majeerteen.

4. Haashim Maxamed Cali, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha – Waxa uu kasoo jeedaa Beesha Sheekhaal.

5. Cabdullahi Shariif Cabdi, Agaasimaha hab maamuuska xafiiska Ra’iisul Wasaaraha – Waxa uu kasoo jeedaa Beesha Mareexaan.

6. Drs. Hodan Cusmaan, La-taliyaha ra’iisul wasaaraha ee xiriirka caalamiga ah – Beesha Dhulbahante.

7. Dr. Axmednur Maxamed Cabdi, La-taliyaha sare ee siyaasadda iyo isu-duwaha baraamijyada ee ra’iisul wasaaraha – Waxa uu kasoo jeedaa Beesha Ogaadeen.

8. Kamal Guutaale, La-taliyaha amniga ee ra’iisul wasaaraha – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Habar-gidir/Saleebaan.

Magacaabista uu sameeyay Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa kusoo aadeysa ayada oo haatan ra’iisul wasaaruhu wado wada-tashiyadii u dambeysay ee ku aadan magacaabidda golihiisa wasiirada cusub.

Xamza oo todobaadkii hore codka kalsoonida ka helay baarlamaanka Soomaaliya ayaa ballan-qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka samata bixin karta.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii bishii May, taas oo uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Safiirka Mareykanka oo war cusub kasoo saaray siyaasadda ‘Hal Soomaaliya’

Minneapolis (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa mar kale xaqiijiyey in Washington ay joogteeneyso siyaasaddeeda halka ah ee ku wajahn Soomaaliya, ayna aqoonsan tahay xuduudaha Soomaaliya ee la aas-aasay xilligii xoriyadda.

Safiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad Jimcihii ka dhacday magaalada Minneapolis oo qeyb ka aheyd dabaal-degga toddobaadka xoriyadda Soomaaliya.

“Siyaasaddeena waa sideedii 62-kii sano ee lasoo dhaafay, taasi oo ah Soomaaliyada taariikhiga ah, oo leh xuduudaheeda taarikhiga ah tan iyo markii Somaliland-tii British-ka ay dooratay inay ku biirito Somaliland-tii Italia, ee ay aas-aaseen dalka,” ayuu yiri danjire Andre.

Safiirka Mareykanka ayaa sheegay in aqoonsi madax-banaani ama wada-hadal ku saabsan ay tahay inay go’aan ka gaaraan Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxa uu intaas ku daray in Mareykanka uu beddeli doono siyaasaddiisa ah Hal Soomaaliya haddii labada dhinac ay isku raaci karaa in wax laga beddelo maqaamka.

Dhinaca kale, safiirka Mareykanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto waqti aad u xiiso badan balse waxa uu qiray in ololihi doorashada ee daba dheeraaday uu ahaa mid niyadjab leh.

“Waxaad arki kartaa in dib usoo noolaanshaha Soomaaliya ay dhaqaaqeyso, waa laba tallaabo oo horey loo qaadayo iyo tallaabo dib loo qaadayo, balse taas waa dhaqanka bani’aadamka ee meel kasta. Ma jiri doono horumar joogto ah,” ayuu yiri.

Hadalka safiirka ayaa imanaya ayada oo Somaliland ay dadaal ugu jirto inay Mareykanka ka dhaadhiciso inuu ula macaamilo si gaar ah, oo ka madax-banaan dowladda federaalka.

Guddiga xiriirka arrimaha dibedda Mareykanka ee Aqalka Senate-ka ayaa 10-kii June 2022 meel-mariyey Sharci muhiim ah oo aas-aasi kara xiriir toos ah oo dhex-mara dowladda Mareykanka iyo Somaliland.

Senatorada kala ah Chris Van Hollen (D-Md), Jim Risch (R-Idaho) iyo Mike Rounds (R-SD.) oo ka tirsan guddiga xiriirka arrimaha dibedda ee Senate-ka ayaa soo saaray sharcigan loogu magac daray Somaliland Partnership Act (Xeerka Saaxiibtinimada Somaliland), kaasi oo Waaxad Arrimaha Dibedda Mareykana ku amraya inay Congress-ka warbixin ka siiso la-macaamilka Somaliland

Sharcigaas ayaa la filayaa inuu u gudbo qalka Senate-ka Mareykanka oo dhameystiran, si cod loogu qaado. Haddii uu ansixiyo, wuxuu sidoo kale u baahnaan doonaa inuu soo ansixiyo Aqalka Wakiilada kadibna uu saxiixo madaxweyne Joe Biden, si uu u dhaqan galo. 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u baxay safar dibadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ka amba-baxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan, isagoo kadibna la kulmi doona jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Sidoo kale inta uu madaxweyne Xasan Sheekh ku sugan yahay Turkiga, waxaa la sheegay inay u qorsheysan tahay inuu la kulmo hay’adaha samafalka ee ka jira dalka Turkiga, si caawinaad uu uga raadiyo dadka Soomaaliyeed ee abuuruhu ay saameeyeen.

Waa safarkii labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka uga baxaayo tan iyo markii la doortay 15-kii May, wuxuuna horay safar qaatay shan cisho ugu tegay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo casuumaad uu ka helay.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda dalka Turkiga xilliyaddii adkaa.

Xamza oo magacaabay la-taliyeyaal iyo agaasimayaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ku howlan dhismaha xukuumaddiisa ayaa maanta sameeyey magacaabis cusub.

Ra’iisul Waaaraha ayaa magacaabay agaasimayaal gaaraya illaa seddex iyo afar la-taliyayaal, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay xafiiskiisa oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online, waxaana xubnaha la magacaabay ay ka yihiin: 

1- Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa loo magacaabay afhayeenka ra’iisul wasaaraha iyo agaasimaha warbaahinta iyo xiriirka bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha. Farxaan ayaa ah suxufi rug caddaa ah, oo horey uga soo shaqeeyey BBC Somali.

2- Cabdullaahi Shariif Cabdi ayaa loo magacaabay agaasimaha hab maamuuska xafiiska ra’iisul wasaaraha. Ninkaan dhalinyarada ah ayaa sidoo kale horey ula soo shaqeeyey ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre.

3- Haashim Maxamed Cali ayaa loo magacaabay agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee xafiiska ra’iisul wasaaraha

4- Cali Cabdi Waare ayaa loo magacaabay la-taliyaha arrimaha dib u heshiisiinta ee ra’iisul wasaaraha

5- Kamaal Guutaale ayaa loo magacaabay la taliyaha amniga ee ra’iisul wasaaraha. Kamaal ayaa horey usoo noqday agaasimaha Villa Somalia ee muddo xileedkii koowaad ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

6- Dr. Axbdinuur Maxamed Cabdi ayaa loo magacaabay la taliyahasarre ee dhanka arrimaha siyaasadda iyo iskuduwaha barnaamijyada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha

7- Drs. Hodan Cusmaan ayaa loo magacaabay la-taliyaha ra’iisul wasaaraha ee xiriirka caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa goor sii horeysay magacaabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, kaasi oo loo magacaabay Maxamed Abuukar Zubeyr oo horey usoo noqday agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu taliyaha amniga ee xafiiska ra’iisul wasaaraha u magacaabay Gaashaanle Dhexe Akram Maslax.

Magacaabistan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan ra’iisul wasaaruhu wado wada-tashiyadii u dambeysay ee ku aadan magacaabidda golihiisa wasiirada cusub.

Xamza oo todobaadkii hore codka kalsoonida ka helay baarlamaanka Soomaaliya ayaa ballan-qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka samata bixin karta.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii bishii May, taas oo uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

DF Soomaaliya oo shatiyo siisay laba Banki oo caalami ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey codsiga shati ee laba banki oo laga kala leeyahay dalalka Masar iyo Turkiga, kuwaas oo lagu kala magacaabo Banque Misr iyo Ziraat Katilim. 

Tallaabadan Bankiga uu maanta qaaday ayaa timid ayada oo Caasimada Online ay shalay xog gaar ah ku sheegtay in Bankiga uu sidaas qorsheynayo, kadib markii arrimo siyaasadeed ay horey codsiyada ugu diiday dowladdii Farmaajo. 

Guddiga Bankiga Dhexe ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in labada Banki ay mareen hanaan qoto dheer oo socday bilo oo lagu eegayey codsigooda. 

“Guddiga Bankiga Dhexe wuxuu go’aamiyey in labada Banki ay buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee shityada, waxanaa la ansixiyey codsiyadooda. Labada Banki waxay hadda laamo ka furan karaan kana howlgali karaan Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Bankiga.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Cabdiraxmaan Cabdullaahi Maxamed ayaa yiri “Kadib habraac ballaaran waxaan ku faraxsanahay in guddiga uu ansxiyey codsiga shatiyo ee Ziraat Katilim Bank iyo Banque Misr.” 

Bankiga Dhexe ayaa sheegay in labadan Banki ay yihiin kuwa xooggan oo qiimo ku dari doonaa horumarka qeybaha maaliyadda Soomaaliya, kana qeyb qaadan karaan kobaca dhaqaalaha dalka.

Ziraat Katilim (Turkey) iyo Banque Misr (Masar) ayaa noqon doona labadii Banki ee ugu horreeyey ee caalami ah ee ka howlgali doonaan Soomaaliya, taasi oo astaan u ah guulaha isbeddellada qeybta maaliyadda Soomaaliya, sid auu sheegay Bankiga Dhexe.

Madaxweyne Farmaajo iyo maamulkiisii ayaa dhowr jeer hoos isaga dhigay arrintaan, ayada oo sababta ugu weyn ay aheyd Bankiga Masar, sababo la xiriira xiisadda Qaahira iyo Addis-Ababa.

Sidoo kale ganacsatada bankiyada ee Soomaaliya ayaa dhankooda taageersanaa diidmadaas, iyagoo ka cabsi qabay inuu tartan culus ka dhasho, taasi oo saameyn ku yeelan karta ganacsiyadooda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aad ugu dhawaa dowladda Itoobiya taasoo diidan in dalalka saaxiibka la ah inay dhinaca kale soo dhaweystaan dowladda Masar oo ay xurguf xooggan kala dhaxeyso.

Waxaa jirta kala aragti duwanaan la xiriirta in Bankiyo iyo shirkado caalami ah dalka ka howl billaabaan. Ganacsatada dareynsan inay imaan karaan shirkado ka xoolo iyo farsamo aad uguma riyaaqsana bilaabashadaan, laakiin dhinaca kale waxaa jira shacab aaminsan in loo baahan yahay inay dalka soo galaan shirkado caalami ah oo ay taasi mar abuureyso tartan xiiso leh marna ay fasiraad ka bixineyso inuu dalku soo hagaagayo amni ahaan.

Xog: Abiy Ahmed oo si weyn uga carooday magacaabista ra’iisul wasaare XAMZA

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ka carooday in Xamza Cabdi Barre loo magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaa sidaas qoray wargeyska Africa Intelligence. 

Xamza, oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, gaar ahaan jufada Maxamed Zubeyr/Reer Cabdille, ayaa aad ugu dhow madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo isla jufadaas kasoo heeda, sida lagu yiri warbixinta wargeyska.

“Sanado badan, Jubaland waxay noqotay goob ay gabaad ka helaan mucaaradka Soomaalida Ethiopia ee beel ahaan xiga Xamza iyo Axmed Madoobe.”

Xubnahaas ayaa waxaa ka mid ah taageerayaasha madaxweynihii hore ee gobolka Soomaalida Cabdi Iley oo kasoo jeeda isla Maxamed Zubeyr. Cabdi Iley ayaa xulufo la ahaa kooxda TPLF ee dagaal kula jirtay xukuumadda Abiy tan iyo bishii November 2020.

Cabdi Iley ayaa la xiray bilo un kadib markii uu xukunka yimid Abiy Ahmed 2018-kii, waxaana kadib qaar ka mid ah xubnihii aadka ugu dhowaa ay u carareen Soomaaliya, ayey tiri warbixinta Africa Intellegence.

Magacaabista Xamza, oo noqday qofkii ugu horreeyey ee Ogaadeen ah ee xilkaas ka qabta Soomaaliya, ayaa farxad gelisay mas’uuliyiinta ururka ONLF, ayada oo madaxdooda ay sidoo kale Muqdisho u yimaadeen ka qeyb-galka caleemo-saarkii Xasan Sheekh, ka hor inta aan la magacaabin Xamza.

Hase yeeshee waxaa farxaddaas la wadaagin madaxweynaha gobolka Soomaalida ee hadda Mustafe Cagjar oo aad ugu dhow Abiy Ahmed, islamarkaana ay xiisad kala dhaxeyso hoggaanka ONLF. 

Warbixinta Africa Intelligence waxay sheegtay, in ayada oo ay atsaan u tahay carada Abiy, uu Mustafe mamnuucay xaflad lagu dhigi lahaa Jigjiga 20-kii June oo loogu dabaal-degi lahaa magacaabista ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Abiy Ahmed ayaa saaxib dhow la ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayada oo aanay isku fiicney madaxweyne Xasan Sheekh, oo marar badan cambaareeyey siyaasaddiisa xilligii uu mucaaradka ahaa.

Ma cadda sida magacaabista Xamza iyo xurguftii hore ay u saameyn doonto xiriirka labada dal, balse dowladda Xasan Sheekh waxay horey u ballan-qaaday inay si wanaagsan ula macaamili doonto dhammaan dalalka caalamka. 

Hooyo Soomaaliyeed oo kufsi iyo dil loo geystay, kadibna la laayey carruurteedii

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaalida ku dhaqan wadanka Koonfur Afrika ayaa xilligan wajahaya xaaladdii ugu adkeyd oo ku aadan ammaankooda, kadib markii ay kordheen weerarada dilalka, dhaawaca iyo boobka loo geysanayo.

Ceydarus Ismaaciil Cilmi oo xubin sare ka ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalkaasi ayaa wareysi uu siiyey Somali Cable wuxuu kagag hadlay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika & dhibaayooyinka ay xilligaan wajahayaan.

Waxa uu sheegay in dhibaatooyinka ay mar weliba jireen, isla-markaana ka jaaliyad ahaan isku dayeen inay wax ka qabtaan, balse wuxuu tilmaamay in aysan jirin isku xirnaan guud.

“Soomaalida sideedaba waxaa jira go’aanno aysan ku mideysneyn oo ah sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka soo noq-noqday ee Soomaalida inta badan ku dhaca marwalba oo jaaliyaddu go’aan gaarto ama Soomaalida ay go’aan gaarto isku xirnaasho la’aan iyo waxaa jirta go’aan wada qaadasho la’aan,” ayuu wareysigaan ku yiri Ceydarus Ismaaciil Cilmi.

Sidoo kale Ceydarus ayaa ka sheekeeyey dhacdo xanuun badan oo uu la kulmay, taas oo qabsatay qoys Soomaaliyeed oo ka koobnaa hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay.

Ceydarus Ismaaciil Cilmi ayaa xusay in hooyadaasi Soomaaliyeed oo uusan sheegin magaceeda inay habeen ay u dhaceen gurigeeda rag hubeysan, isla-markaana ay kufsi u geysteen, kadibna ay dileen iyo iyada carruurteeda oo ka koobnaa laba gabdhood iyo wiil.

“Habeenkii xilli dambe guriga ayey niman ugu soo dhaceen waxay sameeyeen iyadiina way kufsadeen hooyadii Soomaaliyeed Ilaahey naxariis iyo Janno haka waraabiyo, wayna dileen sadexdii carruur ahaana, arrintaas ayaa waxa ay ila noqotay arrintii iigu naxtinta badneyd ” ayuu markale yiri Ceydarus Ismaaciil Cilmi oo ka mid ah jaaliyadda dalka Koonfur Afrika.

Dhacdadaan xanuunka badan ayaa ka mid ah xaaladaha adag ee Soomaalida ku heysta wadanka Koonfur Afrika oo ka mid ah meelaha tacadiyada loogu geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi oo ay u tageen shaqo, gaar ahaan howlo ganacsi.

JUBBALAND oo baareyso ‘xasuuq ay ciidankeeda ka geysteen’ tuulada Qudus

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa si kulul uga hadlay wararka sheegaya in ciidamada Jubbaland iyo kuwa Danab ay xasuuq ka geysteen deegaan hoostaga magaalada Kismaayo oo lagu magacaabo Qudus.

Sayid Aadan oo kulan la yeeshay xildhibaano ka tirsan Jubaland ayaa sheegay inay cabasho kasoo gaartay howlgal ciidanka Danab iyo kuwa Jubbaland ka sameeyeen deegaanka Qudus oo qiyaastii 65 KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in baaris agu sameeynayo dhacdadaas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac la gaarsiiyey dad shacab ah.

Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday in dabagal, kadib uu maamulku qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, si loola xisaabtamo ciidamadii geystay falkaaso

Odayaasha dhaqanka ee tuulada Qudus ayaa horey warbaahinta ugu sheegay sheegay in ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ay tuuladaas gubeen, sidoo kale ay ka geysteen dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanti dadweyne.

“Waxaan ka cabaneynaa dhibkii nagu dhacay, dad iyo duunyo ayey tuuladaan ku laayeen ciidamada Jubbaland, naf iyo maal wax noo ceynta malaha, gaadiid, guryo iyo duunyo ayaa la gubay,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii warbaahinta la hadlay xilligaasi.,

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in  tuulada aysan horay u joogin wax ciidan ah, isla markaana ay soo weerareen ciidamada Jubbaland oo ka geystay gabood fallo aan loo meel deyin, sida ay sheegeen odayaashii hadlay.

Ciidamadaas waxay ka soo gudbeen dhowr deegaan oo aysan waxaba ka geysan, laakiin waxay weerareen tuulada Qudus oo cid hubeysan aysan joogin, dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti ayey geysteen, waxaan ka canabeynaa ciidanka Jubbaland,” ayuu raaciyey.

Hadalka Sayid Aadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan adka deegaanka ay dalbanayaan inay cadaalad helaan, si loo maxkamadeeyo askartii ka dambeysay falkaasi.

Ciidamada UGANDA oo khasaare lagu gaarsiiyey qarax ka dhacay MARKA

0

Marka (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax xoogan oo ciidamo ka tirsan howlgalka ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda lagula beegsaday duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog-fog ayaa ciidamadaasi lala eegtay, xilli ay marayeenj bartamaha magaalada, waxaana qaraxu haleelay mid ka mid ah kolonyada ay wateen ciidamada dowladda Uganda.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi lagu dilay ugu yaraan 5 askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda ee ATMIS, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Ilo deegaanka ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online in qaraxa, kadib ay rasaas  fureen ciidamada la qarxiyey oo markii dambe sii watay socdaalkooda.

Taliska guud ee howlgalka ATMIS ayaa xaqiijiyey jiritaanka weerarkaas qaraxa ah, balse kama hadlin khasaaraha soo gaaray ciidamadooda.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana shaacisay in askar ka tirsan ciidamada Uganda ay ku dileen, kuwa kalena ay ku dhaawaceen.

Int badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS, ex AMISOM xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta & bartamaha dalka.

BF oo fasax galay xilli laga sugayey ansixinta golaha wasiirada lasoo dhisayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la siiyey fasax 15 maalmood ah, si acmaasha Xajka iyo munaasabadda ciidul Adxa ay u soo gutaan.

Warqad uu soo saaray Xoghayaha golaha shacabka ayaa xildhibaanada lagu faray inay fasax yihiin 15-ka maalmood ee soo socota, iyadoo lagu wargeliyey in 16-ka bishaan ay ku soo laabtaan kulamada golaha.

“Mudane Xildhibaan, anigoo fulinaya amarka guddoomiyaha golaha, waxaan idinku war gelinayaa in xubnaha golaha la siiyey fasaxii Xajka iyo Ciidul Adxa, oo idiin bilaabana 1-da Luuliyo, kuna eg 15-ka bishaan,” ayaa lagu waqadda.

Qoraalkaan ayaa xildhibanada looga codsaday inay ka soo laabtaan fasaxaas maalinta Sabtiga ee 16-ka Luuliyo, si loo guda galo howlo ay ku jirto ansixinta xukuumadda cusub.

“Maadaama ay ansixintii golaha wasiirradu soo dhowdahay, waxaa xildhibaanada laga codsanayaan inay soo xaadiraan kulanka golaha shacabka, maalinta Sabtida ah ee 16-ka July, si guluhu u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah,” ayaa lagu yiri qoraalkaan lagu fasaxay xildhibaanada.

Shaqooyinka ugu horeeya ee xidhibaanadu ay qaba doonaan markii ay kasoo laabtaan fasaxaan waxaa ka mid ah, ansixinta golaha wasiirrada ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu soo dhisi doono.

Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka oo kulamo wadajir ah maalmihii lasoo dhaafay ka lahaa miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022-ka ayaa maalin ka hor ansixiyey miisaaniyadii ugu badneyd burburkii kadib.

Ra’iisul Wasaare XAMZA oo xilal cusub magacaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ku howlan dhismaha xukuumaddiisa ayaa maanta sameeyey magacaabis cusub, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa agaasimaha xafiiskiisa u magacaabay Maxamed Abuukar Zubeyr oo horey usoo noqday agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale Xamza ayaa madaxa hab-maamuska ee xafiiskiisa u magacaabay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdillaahi Shariif, kaas oo kasoo jeeda gobolka Gedo.

Ninkaan dhalinyarada ah ayaa sidoo kale horey ula soo shaqeeyey ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, taas oo soo dadajisay in markale loo magacaabo jagadaasi.

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaya in taliyaha amniga ee xafiiska ra’iisul wasaaraha isna loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Akram Maslax.

Magacaabistan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan ra’iisul wasaaruhu wado wada-tashiyadii u dambeysay ee ku aadan magacaabidda golihiisa wasiirada cusub.

Xamza oo todobaadkii hore codka kalsoonida ka helay baarlamaanka Soomaaliya ayaa ballan-qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka samata bixin karta.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii bishii May, taas oo uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xabaale ku yaal Muqdisho oo meydadkii ay banaanka usoo baxeen iyo halis ka taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad halis ah ayaa ka taagan xeebta degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay banaanka u soo baxeen xabaalaha Iskuul Boluusiya oo badda kaabiga ku haya.

Hirka badda oo karkaarada soo dhaafay ayaa banaanka u soo saaray lafaha meydadkii ku aasnaa qabuuraha ku yaalla halka loo yaqaano iskuul Boluusiya ee degmada Xamar-jajab.

Goobtaas ayaa caan ku ah fagaaraha lagu toogto dadka la qisaasayo, waxaana ku yaalla qabuuro aad ugu dhow xeebta, kuwaas oo hadda ay baddu soo gaartay.

Soomaaliya ayaa gashay xilligii xagaaga, waxaana caasimadda Muqdisho maalmahaan ka da’aya roobka xagaaga, iyadoo xiligaan oo kale ay is bedesha cimillada badda.

Dadka ku nool quryaha xiga xeebta, gaar ahaan degmada Xamarjajab ayaa qeylo dhaan ka soo saaray xaaladda ka jirta qabuuraha Iskuul Boluusiya, oo meydad hor leh lagu sii aasayo maalin kasta.

Warbaahinta gudaha oo maanta warbixino ka soo diyaarisay goobtaas ayaa soo bandhigtay qoysas meydadka ehelkooda kala baxa qabuurahaas, si goobo kale ay ugu aastaan iyo xabaalo ay biyaha baddu banaanka u soo saareen.

Hoos ka daawo warbixin ay ka diyaarisay Dalsan TV