26.4 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Jabuuti oo ogolaatay inay dib u soo celiso hanti ay u heysay Soomaaliya (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa Soomaaliya u ogolaatay inay dib ugu soo celiso dhismayaal uu ku jiro dhismihii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, faraciisa dalka Jabuuti.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti Salaad Cali Jeelle oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in safaaraddu ay ku guuleysatay in dowladda Jabuuti ay u ogolaato in hantidaas ay dib ugu soo celiso gacanta dowladda Soomaaliya.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in arrintaan ay suurta gashay kadib markii uu kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo aad ugu mahad celiyey madaxweynaha iyo wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Dawaale.

“Ka safaarad ahaan doorkeenii waan qaadanay oo dadaal dheer kadib ugu dambeyntii waxaa noo suurta gashay in heshiiska ay Jabuuti ku wareejineyso hantida dowladda Soomaaliya uu noo soo gabagaboobo 9-kii bishaan Febraayo 2022,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Salaad oo sanad iyo dhawr bilood ku magacaaban safiirka Soomaaliya u jooga Jabuuti ayaa sheegay in markii uu xafiiska tegay uu dadaal dheer u galay sidii hantidaas ay dib ugu soo laaban laheyd gacanta dowladda Soomaaliya.

“Guryihii aan ku laheyn dalkaan Jabuuti oo faracii Bandhiga Dhexe ee dalkaan uu ku jiro, hadda waxay soo galeen gacanta dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Intii uu xukunka joogay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, mad-madow badan ayaa galay wadashaqeynta dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, inkastoo uusan jirin khilaaf weyn oo sababi kara inay kala tagaan labada dal iyo shucuubta walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Hoos ka daawo Salaad Cali Jeelle oo sharaxaya heshiiskaas

Sawirro: Taliyihii hore ee NISA iyo siyaasiyiin kale oo gaaray Beledweyne + Ujeedka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Taliyihii hore ee NISA Cabdulaahi Sanbaloolshe iyo wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Xubnahaan ayaa u sharaxan kuraasta beeshooda ee taalla magaalada Beledweyne, halkaas oo dhawaan lagu wado inay ka bilaabato doorashada golaha shacabka.

Wasiir Cabdirisaaq iyo Cabdullahi Sanbaloolshe oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa cadeeyey inay Beledweyne u tageen ka qeyb galka doorashada golaha shacabka.

Si weyn ayaa isha loogu wada hayaa hanaanka uu hoggaanka HirShabeelle u maamuli doono doorashada kuraasta golaha shacabka ee talla magaalada Beledweyne.

Arrinta xasaasi ka dhigeysa doorashada kuraasta magaalada Beledweyne taalla, waa in kooxda Farmaajo ay dadaal xoog leh ku bixineyso sidii saameyn togan ay ugu yeelan laheyd doorashada kuraastaas, waxaana ka mid ah kursi ay la doonayaan Fahad Yaasiin oo aan laga jecleyn Beledweyne.

Sidoo kale beesha ugu weyn qabaa’ilka dega Hiiraan ee Xawaadle ayaa aad isha ugu heysa sida hoggaanka HirShabeelle uu u maareeyo doorashada kuraastooda.

Beeshaan sanad ka badan waxay aad u diidaneed inay aqoonsato hoggaanka HirShabeelle, balse dhawaan waxaa xal hor dhac ah laga gaaray khilaafkii jiray, laakiin siyaasiyiinta beeshaas ayaa qaba in heshiiskaas uusan sii jiri doonin hadii boob lagu maamulo kuraasta Xawaadle.

Fiqi oo si cajiib ah uga hadlay bah-dilka lagu sameeyey Muudey iyo Cali Yare Cali

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa markii u horeysay ka hadlay isku-deygii shalay iyo maanta lagu hor istaagay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka iyo Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Amniga ee gobolka Banaadir oo ka dhoofayay garoonka Muqdisho.

Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo rabay inay u kala safraan Baraawe iyo Guriceel ayaa loo diiday inay ka duulaan garoonka Aadan Cade, si aysan u doonan kuraas kamid ah Golaha Shacabka, oo ay isku taagi lahaayeen.

Fiqi ayaa ayaan-darro weyn iyo xad-gudub ka dhan ah dowladnimada ku tilmaamay in garoonka Muqdisho uu isku bedeley isbaaro u taalla madaxda dawlad goboleedyada qaarkood, ayna ka celinayaan qofkii ay rabaan.

“Muudey, Cali Yare iyo kuwo kale oo u alalaasayey sanado ka hor kuwii celinayey madaxdii hore ee dalka in maanta ayagii ay ku timid ma ahan wax lagu farxo waayo labada mar waa xadgudub waxa la sameeyey, ilamana haboona in lagu farxo sharcidarro iyo xadgudub qof lagula kacay si kasta oo aad u kala aragti duwan tihiin!,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu sheegay in wadada kaliya ee furan ay tahay in aan loo kala harin sidii la isku dhaafsiin lahaa kooxda Farmaajo, oo caadeystay xad-gudubyada aan loo meel-dayin, kuwaasi oo qaar kamid ah ciqaabtooda marayaan kuwo kamid ah xulafada.

“Dhacdadani waxay waxbari doonta kuwa nacamlayn baradka ah mar haddii kuwii waaweynaa sidaas loo galayo in aan ayaga loo daahayn mar haddii ninkii golaha shacabka u afduubay Farmaajo iyo midka banaanbaxyada barakacayaasha iyo aflagaadaynta u qaabilsanaa lagu bahdilay garoonka Muqdisho, ma jiro qof ka badbaadaya xadgudubkaas si kasta oo loogu kala dhowaada Farmaajo!.”

Arrimahan ayaa imanaya xili laga deyrinayo doorashada Golaha Shacabka, oo noqotay mid magac u yaal ah, maadama inta badan xildhibaanada kusoo baxay kuraasta la doortay ay yihiin kuwo markii horeba loo xiray oo lasii ogaa.

Isbedel weyn oo maanta lagu sameeyay taliyeyaasha Galmudug + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliya, Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta isbedel ballaaran ku sameeyay taliyeyaasha saldhigyada degmooyinka maamulka Galmudug iyo saraakiil kale.

Qoraal kasoo baxay Taliska guud ayaa lagu socodsiiyay talisyada ciidamada booliska gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa xilalkii looga qaaday taliyeyaasha saldhigyada Booliska, Guriceel, Cadaado, Matabaan, ayada oo kuwa cusub u magaacabay.

Waxaa la faray taliyeyaasha hogaamada ciidanka, maaliyada iyo saadka inay ka gutaan waajibaadka kaga aadan isbededlka iyo xil magacaabida uu sameeyay Taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliya.

Hoos ka aqriso magacyada iyo xilalka loo magacaabay;

1- Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Cali Muuse Maxamuud.

2- Taliye ku-xigeenka Ciidanka Birmadka ayaa waxaa loo bedelay Qaasim Sheekhdoon Cali oo ahaa taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug.

3- Gaashaanle Qalbi Axmed Cali ayaa waxaa loo magacaabay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Galgaduud.

4- Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Maxamed Xasan Warsame.

5- Taliyaha Saldhiga Booliska Dhuusamareeb ayaa loo magacaabay Maxamed Mire Maxamuud.

6- Taliyaha Saldhiga Booliska Cabudwaaq ayaa waxaa loo magacaabay Dhame Yaxye Maxamed Xaashi.

7- Taliyaha Saldhiga Booliska magaalada Cadaado ayaa waxaa loo magacaabay laba xidigle Maxamed Cadceed Cismaan.

8- Taliyaha Booliska degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa loo magacaabay laba xidigle Maxamed Aadan Cumar.

9- Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska degmada Matabaan ayaa waxaa loo magacaabay laba xidigle Xasan Xuseen Maxamuud.

10- Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Guriceel ayaa waxaa loo magacaabay laba Xidigle Xasan Cabdi Maxamed.

Isbedelkan uu sameeyay Taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili ay socoto doorashada Golaha Shacabka, oo la rabo in lagu soo gaba-gabeeyo wax ka yar labo toddobaad, islamarkaana uu amaankeeda uu mas’uul ka yahay Xijaar.

Cali Yare oo eedeyn culus u jeediyey Qoor Qoor kadib markii laga celiyey garoonka

0

Dhuusamareeb (Caasimadad Online) – Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobalka Banaadir Cali Yare ayaa sheegay in safarkiisa uu ku tagi lahaa Dowlad Gobaleedka Galmudug aysan ka baajin NISA.

Guddoomiye Cali Yare ayaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ku eedeeyey inuu ka dambeeyey in la baajiyo safarkii uu ku tagi lahaa magaalada Guriceel halkaas oo uu qorsheenayey inuu kaga sii gudbo magaalada Dhuusamareeb.

Cali Yare ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu hay’adda NISA ka dalbaday in la baajiyo safarkiisa, balse wuxuu sheegay in Hey’adda NISA ay taas diiday.

“Waxaan beeninayaa wararka sheegaya in Hey’adda NISA oo ay madax ka yihiin saaxiibo aan shaqo-wadaag nahay ay hor istaag ku sameeyeen aniga iyo waftigii ila socday oo safar u ahaa Galmudug – ma jirto mana jiri karto sabab ay Hey’ad amni oo Gobolka Banaadir ka howlgasha ay ku hor istaagi karto safar aan hoggaaminayo maadaama aan anigu fadhiyo xafiiska Amniga Caasimadda – Waxaanse bulshada u xaqiijinayaa inuu shalay, xalay iyo saakay-ba Madaxweynaha Galmudug la soo xariiray Hey’adda NISA kana dalbaday in aniga iyo waftigeygu aanan Galmudug u soo duuli karin  sida ay Madaxda NISA ii xaqiijiyeen,” Ayuu yiri Cali Yare.

Hadalka Cali Yare ayaa u muuqda inuu yahay mid is khilaafsan, waxaana is qaban la’ hadalkiisa ah in Hay’adda NISA ay diiday codsiga Qoor Qoor iyo in maanta laga celiyey Garoonka.

Sida ay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Caasimada Online, Cali Yare iyo ciidamo uu watay ayaa maanta loo diiday inayka dhoofaan Garoonka Aadan Cadde, waxaana arrintaas ka shaqeeyey madaxweynaha Galmudug oo doonayo in Kursiga HOPP#147 loo xiro xildhibaan Mahad Salaad.

Cali yare ayaa ka mid ahaa dadka aad ugu dhaw Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  Cali ayaa u sharaxnaa mid ka mid ah kuraasta taala Magaalada Dhuusomareeb kuwaas oo deegaan doorashadiisa tahay Galmudug.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa xilli shalay isla garoonka Aadan Cadde laga celshay Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee BFS Cabdiweli Muudey kaas oo safar u ahaa Magaalada Baraawe ee Caasimadda Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Todobaadkaan ayaa la filayaa in doorashada kursiga HOPP#147 ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb, waxaana madaxweynaha Galmudug ka go’an inuu kursigaan kusoo baxo Mahad Salaad oo Afartii Sano ee lasoo dhaafay  ku fadhiyey.

Nin Ciraqi ah oo jaceyl dartiis u dilay gabar Soomaali ah

0

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Allah ha u naxariistee gabadh Soomaali ah oo kamid aheyd Soomaalida ku nool magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia ayaa shalay lagu dilay magaaladaas.

Gabadha oo lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar ayaa waxaa lagu dilay meel aan ka fogeyn maqaaxi ay ka shaqeyn jirtay, waxaana dilkeeda lala xiriirinaya Nin Iraqi ah oo dhowr jeer xiriir Jaceyl usoo bandhigtay.

Maxamuud Cabdullaahi Bille oo kamid ah Ardayda wax ka barata dalka Malaysia oo la hadlay VOA ayaa sheegay in gabadha la dilay ay inbadan ka cago-jiiday inay xiriir la sameyso ninkaas.

“Allaha u naxariiste Dahabo waxa dilay Nin ay ka wada-shaqeynayeen maqaaxida, gabadhaasna waxa uu ku dilay sida ay xogta hore ugu soo tabisay jaaliyada Soomaalida kadib markii ay xiriir ka diiday, dhowr jeerna wuu ugu hanjabay dilkeeda,” ayuu yiri.

Dilka gabadha ayaa lagu wargeliyay safaarada Soomaaliya ee Malaysia, ayada oo mas’uuliyiinta safaarada la kulmeen Booliska gacanta ku haya kiiskeeda, kaas oo weli ay baaristiisa socoto.

“Safaarada waxay si dhow ula shaqeynaysa Jaaliyada iyo Booliska oo arintaan gacanta ku haya, waxaana marwalba u taaganahay in aan u khidmeyno oo dhibta Soomaalida ee Malaysia ku nool gacan ka geysano waxkasta oo ay u baahan yihiin,” ayey tiri Amaal Maxamed Saciid oo ah sii-hayaha safaarada Soomaaliya ee dalka Malaysia.

Allaha u naxariistee Dahabo ayaa la sheegay inay ku jirtay da’da labatameedyada, waxayna kamid aheyd dadka fara-ku-tiriska ah ee ka shaqeeya maqaaxiyaha, ugu dambeyntiina sababtay gacanta ninka ay xiriirka ka diiday.

Cali Yare Cali oo laga celiyey garoonka Aadan Cadde iyo cidda ka dambeysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga ee Gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa maanta laga celiyey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Cali Yare iyo ciidan uu watay oo ku wajahnaa Magaalada Guriceel si uu Magaaladaas uga sameeyo olole la xiriira dhanka kursiga HOPP#147 ayaa loo diiday inuu Garoonka ka dhoofo.

Ciidamada Nabad-Sugidda ee Garoonka Aadan Cadde ayaa u diiday inuu ka dhoofo Garoonka, waxaana ugu dambeyntii baaqday safarkiisa oo si weyn looga diyaar garoobay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa ka dambeeyey go’aanka Cali Yare loogu diiday inuu ugu safro magaalada Guriceel.

Madaxweyne Qoor Qoor oo raba inuu kursiga HOPP#147 siiyo Mahad Salaad ayaa kooxda Farmaajo ka codsaday in la celiyo Cali Yare, isagoo ku andacooday inuu wato ciidamo badan, islamarkaana ay suuragal tahay inuu qalqal geliyo doorashada ka dhici rabta magaalada Dhuusamareeb.

Cali Yare oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu baaqday safar uu ku tagi lahaa magaalada Guriceel, balse ma uusan faahfaahin sababta keentay baaqshadiisa.

Todobaadkaan ayaa la filayaa in doorashada Kursigaan ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb, waxaana madaxweynaha Galmudug ka go’an inuu kursigaan kusoo baxo Mahad Salaad oo Afartii Sano ee lasoo dhaafay  ku fadhiyey.

Cali Yare oo taagero iyo guulwade u ahaa madaxweyne Farmaajo ayaa hadda u muuqda inuu waayey kursiga HOPP#147, waxaana muuqata in kooxda Nabad iyo Nolol ay garabkiisa ka baxeyn xilli uu aad ugu baahnaa.

DAAWO: Booliska oo shaaca ka qaaday sababta Muudey loogu celiyey garoonka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey is hortaaggii shalay lagu sameeyey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo loo diiday inuu ka baxo garoonka Aadan Cadde, xilli uu ku sii jeeday magaallo xeebeedka Baraawe.

Cabdifitaax Aadan ayaa sababta ku sheegay in guddoomiyuhu watay ciidamo fara badan iyo hub, taasina ay keentay in laga hor istaago inuu ciidamadaas kala baxo garoonka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in isaga aan si gaar ah loo bartilmaameedsan, balse ujeedka uu ahaa arrimo la xiriira amniga doorashada.

Afhayeenka ayaa xusay in amniga Baraawe uu sugan yahay, isla-markaana musharixiinta tegaya kaliya loo ogol yahay ilaalo gareyso 4 ama 5 nin, sida uu hadalka u dhigay.

“Ma jirto sabab keeni karta in ciidan badan loo qaato magaaladaas, Garoonka Aadan Cadde waxaa lagu baraaruqay ciidan hub badan wata oo rabo in ay diyaarad raacaan lana ogaaday in ay Baraawe tagayaan balse Muudey waxaa lagu wargeliyay in keliya loo ogol yahay 5 askari oo waardiye ah” ayuu yiri Cabdifitaax.

Dhammaan musharixiinta ayuu ugu baaqay inay ilaaliyaan xasiloonida amniga, maadaama lagu jiro doorasho, iyaguna ay mas’uul ka yihiin nabad-gelyada guud ee doorashooyinka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay garoonka Aadan Cadde lagu celiyey guddoomiye Muudey oo kusii socda magaalada Baraawe oo deegaan doorashadiisu tahay, si uu markale ugu tartamo kursiga uu ku fadhiyo oo ay sumadiisu tahay HOP#145.

Si kastaba, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo dhacdada, kadib shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa eedeyn u jeediyey Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, wuxuuna sheegay in la boobayo kursigiisa, isaga oo shaaciyey in loo rabo qof gaar ah.

CC Shakuur oo loo doortay xildhibaan federal + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa goordhow loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah xubnaha musharixiinta mucaaradka ayaa guul taariikhi ah kasoo hooyey doorashada, inkastoo uusan gelin tartan adag.

Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Galmudug, Naciimo Xuseen Cali oo la tartami laheyd Cabdiraxmaan ayaa ka tanaasushay tartanka, kadibna waxaa loo qaaday cod gacan taag ah, isaga oo helay codad gaaraya 86 cod oo ah dhammaan ergada soo xaadirtay.

Guusha Cabdiraxmaan ayaa dhabar jab ku ah Villa Somalia oo isku deyday inay kursigan ka reebto, maadaama uu ka mid yahay xubnaha ay sida aadka isugu hayaan Farmaajo.

Doorashada ayaa haatan sii soconeyso waxaana la guda-galayaa saddexda kursi ee kale ee loo qorsheeyey in isla maanta lagu qabto caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Kursi ka mid ah kuraastan waxaa sidoo kale loo xiray Cabdullahi Aadan Kulane oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee NISA, kaas oo ah Hop#040 ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dardar ku socota, waxaana uu qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo, ka hor 25 bishan Febraayo ee sanadka 2022-ka.

Beesha HAWIYE oo fariin xasaasi ah u dirtay beesha Isaaq iyo Somaliland + Video

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxgaradka beelaha Hawiye ayaa maamulka Somaliland ku eedeeyey inuu ku kacay arrin aan waafaqsaneyn dhaqanka beelaha Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka, kadib markii uu maamulku “afduubay heshiis ay gaareen laba beelood oo ka soo kala jeeda Habargidir iyo Isaaq.”

Odayaal uu hoggaaminayo guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb, iyagoo fariin u diray maamulka Somaliland iyo beesha Isaaq.

Nabadoon Xaad ayaa sheegay in nin ka soo jeeda beesha Saruur ee Habargidir uu dil toogasho ah ugu xiran yahay magaalada Hargeysa, balse markii ay labada beelood ka wada xaajoodeen magta nin horay loo dilay oo loo heysto ninkaas ay Somaliland soo faro-gelisay kiiska.

Waxuu sheegay in cadeymo buuxa aan loo heyn dilka loo heysto ninka Saruur ee Hargeysa ku xiran, balse cidii uu ka dhashay ay aqbashay inay bixiso diyada ninkii dhintay oo sida uu sheegay ka badan intii dhaqanka Soomaalida lagu kala qaadan jiray.

Hase yeeshee iyadoo wax kasta ay gabagabo yihiin ayuu Nabadoon Xaad sheegay in arrinta uu soo faro-geliyey maamulka Somaliland oo hadda ku adkeysanaya in la toogto ninkaas.

Ninka la dilay ee Somaliland ay dooneyso in loo toogto ninkaas ka soo jeeda beesha Saruur ee Habargidir, halka ninka dhintay uu ka dhashay beesha Ciida-Gale ee Garxajis – Isaaq, “Jufada uu ninkaas ka dhintay ee Isaaq waxay adkeeyeen wax kasta oo dhaqan lagu xali jiray, hadana qolada uu ninka xiran ka dhashay waxay aqbaleen wax kasta oo la hor dhigay, si ninkaas uu xornimo u helo, balse waxaa arrinta soo faro-gelisay Somaliland oo tiri ninkaas waa la tooganaa, taasna nama qabato,” ayuu yiri Xaad.

Waxa uu sheegay in mudo dheer laga wada hadlaayey gorgortanka diyada ninkii la dilay, balse aan marna la soo hadal qaadin in la dilo ninkaas, balse maamulka Somaliland uu ugu dambeyntii afduubay heshiisyadii socday, isla markaana uu ku adkeystay in la tooganayo ninkaas.

Nabadoon Xaad iyo odayaasha kale ee Hawiye ayaa maamulka Somaliland iyo beesha uu ka dhashay ninka dhintay waxay ka codsadeen in la dhowro dhaqanka Soomaalida, isagoo cadeeyey in xal kasta oo aan dil aheyn ay diyaar u yihiin.

Hoos ka daawo Nabadoonka

Daawo: Musharax u taagan kursiga uu rabo FAHAD oo ku duceystay in lasoo diro Malaa’ikta dagaalkii Badar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax sheegay inuu u tartamayo kursiga HOP#086 oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in doorashada kursigaas lagu gudbay caqabado hor leh.

Musharax Khaalid Muxumad Gaabane ayaa sheegay in kursiga uu isku taagay si gaar ah loogu xiray La-Taliyaha Amnigaa Qaranka Fahad Yaasiin, si loogu boobo kursigaana musharaxiinta kale laga hor istaagayo inay isku diiwaan-geliyaan kursigaas.

“Waxaa u taaganahay kursiga HOP#086 oo la rabo in si gaar ah loogu boqro nin aan qaraabo nahay oo Fahad Yaasiin ah, waxaana loo soo maraya qeyb kamid ah maamulka HirShabelle iyo guddiga doorashada,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Fahad Yaasin uu diyaarsaday ciidamo uu ka dhiganayo ergada soo dooranaysa kursiga, ayada oo laga hor istaagay in wax tashi ah laga geliyo kursigaas beesha iska leh.

“Waxaa ognahay in dadka u sharaxa kursigaan oo reerkayga ka tirsan, marka laga reebo Malxiiska in ayaga laga hor istaago waraaqda dambi baarista iyo shahaadada qaadashadeeda (musharaxnimada), si looga hortago qalad kasta oo suurta-gal ka dhigi kara inay ka dhacdao doorasho.”

“Malakul Jibriil iyo Malaa’iktii dagaalkii Badar ka qeyb gashay in Ilaaheey noo soo diro ayaan rajo ka qabnaa,Fahad Yaasiin waxa uu diyaarsaday Ciidan gaar ah iyo ergo gaar ah kursiga Hop086 waa la afduubtay.”

Waxa uu sheegay inuu u badheedhayo khatar kasta oo uu ku wajahayo tartanka kursigaas, oo kamid ah kuraas ku jirta qorshaha xasaanad u helida saraakiisha NISA.

Musharax Khaalid ayaa ugu dambeyntiina sheegay inuu u duulayo magaalada Beledweyne, si uu uga qeyb-galo kursiga si gaar ah loogu xiray Fahad Yaasiin, islamarkaana ugu hiiliyo cadaalada, sida uu sheegay.

Si kastaba, waxaa saacadihii u dambeeyay isa-soo tarayay qeylo-dhaanta ka taagan kursiga sumadiisu tahay HOP#086 oo si gaar ah ugu xiran Fahad Yaasiin, ayada oo la soo warinayo in uu xareystay Nabadoonkii rasmiga ahaa ee kursigaas saxiixay doorashadii 2016-kii.

Kulane Jiis iyo xildhibaano kale oo la doortay + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashooda ay tahay dowlad goboleedka Galmudug.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa waxaa ka mid ah kursiga HOP#040, waxaana ku guuleystay, Cabdullaahi Aadan oo loo yaqaano Kulane Jiis, kadib markii uu u tanaasulay msuharrax Xasan Cabdi Jaamac oo u ahaa malxiis, maadaama isaga loo xiray kursiga.

Kulane Jiis oo loo qaaday cod gacan taag ah ayaa helay 101 cod, sida uu shaaciyey guddiga SEIT ee dowlad goboleedka Galmudug.

Guusha Cabdullaahi Kulane oo ku xiran Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa guul weyn u ah kooxda Villa Soomaaliya oo dadaaal xoogan gelisay kursigan oo markii horeba ahaa qoondo haween, balse hadda loo beddalay, rag, si loogu soo saaro Kulane Jiis oo kusoo baxay.

Sidoo kale kursiga HOP#007 waxaa kusoo baxay Farah Cabdi Diini oo ah guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.

Diini ayaa kusoo baxay codad dhan 76 cod, kadib markii uu u tanaasulay musharax Mohamed Cabdi Cali oo kula tartami lahaa kursigaaso.

Doorashada labadaan kursi waxaa kasii horreeyey kursi HOP#138, waxaana loo doortay siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kana mid ah mucaaradka.

Si kastaba, tallaabada ay Galmudug qaaday ee ku aadan doorashada Golaha Shacabka ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii doorashooyinka ee lagu gaaray magaalada Muqdisho.

C/Weli Muudey iyo Xasan Kheyre oo ‘dhibanayaal u ah nidaamkii ay wax ka abuureen’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay tallaabadii shalay Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey looga hor istaagay inuu u safro Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu xanibay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xilli ay ku sii jeedeen Degmada Baraawe.

Cabdiweli Muudey ayaa sheegay inuu Baraawe ugu socday, si uu uga qaybgalo tartanka doorashada ee Golaha Shacabka, maadaama halkaasi uu yaalo kursiga uu haatan ku fadhiyo.

Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Cabdiweli Muudey iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee xukuumadda, Xasan Cali Khayre ay labaduba dhibane u yihiin nidaamka Villa Somalia, oo ay wax ka dhiseen.

“Khayre iyo Muudey labaduba waxay dhibane u yihiin nidaamkii ay wax ka abuureen,” ayuu Waare ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Waare ayaa muujiyay inaanay labaduba ilaalin sharciga, muddadii ay xafiiska jooggeen, maantana ay guranayaan mirihii ay beerteen.

Waare ayaa qoraalkiisa ku xusay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay iyaguna qaadi doonaan wadddaasi.

Cabdiweli Muudey ayaa Warbaahinta u sheegay inay garanayan ciddii is hortaagga ku sameysay, inkastoo aanu magacyadooda xusin, haddana waxaa uu sheegay inaanan looga hari doonin.

“Arrinka asaga ah dadka ka dambeeyo waa la’ogyahay, waan garan karnaa, waana naqaanaa, mana leeskaga hari doono, mid la iskaga hari doonana ma’aha, xisaabteedana way jirtaa, waana la xisaabtami doonnaa. Haddii loo maleynayo hanjaabadda, guulguulka iyo handadaadda in dadka lagu cabsiiyo la rabo in wax looga haraayo, taas leeskagama hari doono, waana lagu xisaabtami doonnaa, maalinkeedeena taggi doontaa, se waxaan u sheegaya inaanan ahayn aniga qof la handadi karo, loo hanjabi karo amaba la guulguuli karo, maxaa yeelay aniga waxa aan raadinayo waa xuquuqdaydii ee xuquuq bani’aadam kale ma’ahan waxa aan raadinayo,” ayuu yiri Muudey.

Muudey ayaa si dhow loola xiriirin jiray Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihii hore ee Hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Wararkii ugu dambeeyey ee qarax ay shacab ku dhinteen oo ka dhacay JOWHAR

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya ka dhashay qarax maanta ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleeyay Mooto Bajaaj ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu mareysay deegaanka Xaanshooley ee duleedka Jowhar.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaran ku dhintay ugu yaraan afar qof oo saarnaa mootada la qarxiyey, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonyahay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, kuwaas oo meesha kasoo qaaday meydadka iyo dhaawaca dadka ku waxyeeloobay miinadaasi.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka HirShabelle ka bixiyeen dhacdadaasi, balse waxaa haatan socda baaritaano dheeri ah.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay haatan ka socoto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha deegaan doorashooduu tahay gudaha magaaladaas.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ka fulisa halkaasi, waxaana ay ku beegsadataa ciidamada iyo mas’uuliyiin maamulka HirShabelle, inkastoo illaa iyo hadda aysan kooxdu ka hadlin weerarkan qaraxa ah ee maanta loo dhigay dadka shacabka ah.

Jowohar ayaa waxaa haatan laga dareemayaa mashquul xoogan oo ku aadan doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya oo si rasmi ah uga bilaabatay gudaha magaaladaasi.

Shaki cusub oo hareeyey dhameystirka doorashada golaha shacabka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shaki laga muujinaya in Doorashada Golaha Shacabka lagu soo geba-gabeen karo muddadii lagu heshiiyay iyo in kale, sababo ku aaddan dhowr arrimood oo is biirsaday.

Sida ku cad heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka, doorashada kuraasta Golaha Shacabka ayay tahay in lagu soo geba-gabeeyo muddo 40 maalmood ah oo ku eg 25-ka bishan, illaa iyo haddana xitaa lama soo dooran kala bar kuraasta Golaha Shacabka oo 275 kursi ka kooban.

Tirada guud kuraasta Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la soo doortay ayaa ah 127 kursi, kuwaa oo 26 ka mida ay dumar ku soo baxeen.

Waqtiga oo aad ciiriri u ah, gaabiska hareeyay qoondada haweenka, kuraasta u baahan in khilaafkooda la xaliyo iyo mushaar la’aanta soo wajahday Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa bilow u noqon kara in doorashada ay mar kale sadkeedii dhaafto.

Marka laga soo taggo Koonfur Galbeed, Dowlad Goboleedyada kale ayaan weli doorashada Golaha Shacabka ka bilaabin goob doorashadooda 2aad.

Jubbaland oo caqabad ka haysato Garbahaarey, Hirshabelle oo aan la ogayn goorta doorashada kuraasta Golaha Shacabka ka qaban doonto Beledweyne iyo Puntland oo weli aan wax abaabul ah ka bilaabin Boosaaso waxay arrimahaasi oo dhan wiiqayaan suurtagalnimada in doorashada golahaasi lagu soo gaba-gabeeyo maalmaha tirsan ee haray.

Siyaasiyiinta qaarkood ayaa kuu sheegaya inaysan jirin wax ifafaalo ah oo muujinaya in doorashada 275-ka kursi ee Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeen doono bil iyo tobanka cisho ee jadwalkeeda ku muddeysan.

Doorashadan ayaa noqonayso tii ugu liidatay ee dalka laga qabto, tan iyo intii dib loo yegleelay Dowladnimada Somaliya, laba iyo labaatan sano horteed.

Wararkii ugu dambeeyey ee loolanka doorashada ka dhaceyso Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa haatan ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada afar kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada kuraastan ayaa goordhow ka bilaaban doonto magaalada Dhuusamareeb, waxayna kala yihiin afarta kursi:- Hop#138, Hop#007, Hop#040 iyo Hop#053.

Laba ka mid ah kuraastan ayaa aad isha loogu hayaa, waxaana ugu horreeyo kursiga uu u tartamayo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo midka loo xiray Cabdullahi Kulane.

Sidoo kale waxaa kursi ka mid ah kuraastan si gaar ah loogu xiray dumarka, waxaana ku tartami doono illaa 7 haween ah, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Galmudug.

Dhammaan musharixiinta tartamaya ayaa shalay la siiyey shahaadada musharaxnimada, si ay qayb uga noqdaan tartanka ka dhacaya caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Halkan hoose ka aqriso magacyadooda:-

1-Hop#138 waxana ku wada tartami doono Cabdiraxman Cabdishakuur iyo Musharax  Naciimo Xuseen Cali

2:Hop#007 waxaa ku wada tartami doono Faarax Cabdi Diini iyo Maxamed Cabdi Cali

3: Hop#040 waxa isna kuwada tartami doono Cabdullahi Aadan Kulane iyo Xasan Cabdi Jaamac

4: kursiga afaraad eee Hop#053 ayaa isna waxaa ku tartami doono 7 haween ah.

Abaalka Farmaajo oo lagu tijaabinayo kursiga Muudey oo uu dagaal ku hayo Fahad

0

Baraawe (Caasimada Online) – Magaalada Baraawe waxaa ka socdo boob diiwaanka geli doono oo la xiriira doorashada Soomaaliya. 26-kii kursi ee baarlamaanka Soomaaliya ee taalay magaalada Baraawe waxaa illaa hadda la doortay 13 kursi, waxaana dhiman 13 kale oo liiskooda la shaaciyey.

Wajigii koowaad ee doorashada Baraawe lagu doortay 8-kursi ayaa la tuuray dadkii horay ugu fadhiyey 4-na waa lasoo celiyey xubniii horey u heystay, hal kursina wuxuu ahaa mid uu dhintay xildhibaankii ku fadhiyey.

13-ka Kursi ee dhiman waxaa ku jira kursiga sida weyn isha loogu wada hayo ee HOPP#145, kaas oo uu ku fadhiyo guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee golihii shacabka ee baarlamaankii 10-aad Cabdiweli Ibraahim Muudey.

Sida aan xogta ku heleyno culeys badan ayaa la saaray kursiga Muudey, Lafta Gareen ayaa ka caga jiiday inuu Muudey siiyo kursiga, dhawaan ayaa lasoo saari doonaa jadwalka 13-ka kursi ee dhiman iyo musharixiinta isku diiwaan gelisay, waxaana laga cabsi qabaa in Muudey laga reebo liiska.

Sida ay ku warameen ilo muhiim ah waxaa Cabdiweli Muudey ku dhagan Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ujeedka uu Fahad Yaasiin u diidan yahay Muudey waxaa lagu sheegay damaca Fahad ee guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaa Shacabka baarlamaanka 11-aad.

Fahad Yaasiin maalmahaan wuxuu ka shaqeeyaa inuu xildhibaan soo noqdo, kadibna uu noqdo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Waxaa la sheegay inuu Fahad aaminsan yahay in haddii uu Muudey soo laabto inay adkaan karto inuu qaato kursiga guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka.

Ilaha aan la hadalnay waxay sheegeen in la rabo in kursiga Muudey la siiyo nin la yiraahdo Cabdullaahi Maxamed Sheekh ama sida Dadka qaarkood u yaqaanaan Maxamed-Weli Cabdullaahi Sheekh. Waa Nin qurba joog ah oo ka yimid wadanka Australia.

Fahad Yaasiin iyo Lafta Gareen waxaa la sheegay inay heshiis ku yihiin arrinta Ninkaan. Cabdiweli Muudey wuxuu shantii sano ee lasoo dhaafay ahaa mid fuliya wax walba oo nidaamka Farmaajo uu rabo.

Wuxuu kooxda Farmaajo u qabtay shaqadii ugu weyneyd oo aheyd in Jawaari mooshin laga qabto, cadaadisna lagu saaro inuu is casilo.

Ajandayaal badan oo golaha Shacabka la keenay ayuu Muudey u dhigay sida uu Farmaajo rabay. Markii ay Mursal iyo Farmaajo is qabteen wuxuu ahaa Ninkii ka shaqeeyey inuu isku soo celiyo.

Shantii Sano waxay uga dhammaatay isagoo ah wakiil daacad ah oo ay Farmaajo ku leedahay Golaha Shacabka, laakiin 5 sano kadib kursigiisii ayaa maanta loo diidan yahay.

Waxaa loo diiday inuu ka duulo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isaga oo ku sii jeeday Baraawe, si uu ugu tartamo kursiga uu ku fadhiyo oo loo xiray Maxamedweli C/llaahi Sheekh oo reer Australia ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in isku dayga lagu celiyay C/weli Muudey uu ka dambeeyo La-Taliyaha Amniya Qaranka Fahad Yaasiin oo quudareynaya inuu tartamo booska Guddoomiye kuxigeenka 1aad.

Inkastoo la sheegay inuusan Farmaajo diideen Muudey, haddana waxaa la fahamsan yahay in uusan wax shaqo ah iska gelin inuu difaaco.

Maalmahaan waxaa Kuraastii Golaha Shacabka laga eryaday Dad badan oo Farmaajo la shaqeenayey mudadii uu xafiiska joogay. Qaar si aan leex leex laheyn u caddeysan jiray inay isaga 100% taageersan yihiin oo dartiis Dad kale u colaadiyey ayuu Farmaajo la yimid Dadkii lagu badali lahaa, taas oo dad badan ku qasabtay inay shaki geliyeen inuu Farmaajo yahay Nin garanaya abaalka siyaasadda.

Hadda waa Kursigii Muudey kaas oo abaal siyaasadeed xooggan ku leh Farmaajo, waxayna Dad badan leeyihiin kursigaan waa midka lagu baran doono inuu Farmaajo yahay Nin abaal siyaasadeed leh.

Waxaa laga wada dharagsan yahay in Laftagareen uu 100% ku shaqeeyo rabitaanka Farmaajo, sidaas darteed Dad badan waxay leeyihiin Farmaajo waa awoodaa inuu Kursiga Muudey ka celiyo Fahad iyo Laftagareen.

Xog: Yaa loo rabaa kursiga Cabdiweli Ibraahim Muudey?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay isa-soo tarayay guuxa doorashada kursiga sumadiisu tahay HOP#145 ee uu hadda ku fadhiyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Kursigaan ayaa waxaa si gaar ah loogu xiray Maxamed-weli Cabdullaahi Sheekh oo reer Australia.

Muhiimada u weyn ee loogu xiray kursigaan Maxamed-weli ayaa ah in uusan culeys ku noqon karin rabitaanka La-Taliyaha Amnigaa Qaranka Fahad Yaasiin, oo asagu raba in uu galo booska Muudey ee guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka.

Fahad iyo Muudey oo isku hayb ah ayaa loolan adag ku dhex-mari lahaa golaha, maadama uu Muudey markale difaacan lahaa booskiisa, waana sababta u weyn ee hadda loo dhaafinayo kursigiisa.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa goor sii horeysay loo diiday in uu ka duulo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde, si uu utago magaalada Baraawe oo ay taallo doorashada kursigiisa.

Diyaarad ka qaadi laheyd guddoomiye ku-xigeenka 1-aad garoonka Muqdisho ayaa lagu amray inaysan ka bixi karin, waxaana lasoo wariyay in saacado ku jireen Muudey iyo Ciidamo Ilaalo u ah qeybta VIP-da ee garoonka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tallabada looga hor istaagay Muudey in uu ka dhoofo Muqdisho uu ka dambeeyo La-Taliyaha Amnigaa Qaranka Fahad Yaasiin, oo isagu hunguriyaynaya booskiisa.

Xulafada Farmaajo iyo Fahad ayaa isku-dey kasta u sameynay sidii ay u xaqiijin lahaayeen rabitaankooda ku aadan doorashada, gaar ahaan xildhibaanada loogu raadinayo xasaanad oo ugu horeeyo Fahad, oo raba in uu kamid noqdo guddoonka golaha.

Jubaland oo shaacisay in DOORASHO aysan ka dhici karin Garbahaarey + Sababta

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Golaha Fulinta iyo xubnaha ku jira baarlamaanka Jubbaland ee ka soo jeedo gobolka Gedo ayaa shaaciyey in doorasho aysan ka dhici karin magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Xubnahaan ayaan Madaxweynaha Jubbaland u soo jeediyey in laga fikiro oo la raadiyo xal suurta gelin kara qabsoomida doorashada 16 kursi oo taalla magaalada Garbahaarey.

Bayaanka ka kooban todoba qodob oo xubnahaas ay soo saareen waxay ku sheegeen in caqabadaha ka jira gobolkaas ay laf-dhabar u tahay hey’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo ciidamo badan oo la yiraahdo Duufaan ku daabushay Gobolka Gedo.

Waxay sheegeen in ciidanku ay dadka gobolkaas ku nool ay ku hayaan cadaadis iyo cabsi gelin xoog leh, sidoo kale waxay sheegeen NISA ay gobolka Gedo ka bilaawday isku hubeynta beelaha, taas oo sida ay sheegeen horseedi karta xaalad amni daro iyo gacan ka hadal hubeysan oo dhex mara beelaha wadaaga kuraasta taalla Garbahaarey.

Ilaa sideed beelood oo kuraastoodu Garbahaarey ayaa bayaankaan lagu sheegay inay si buuxda isku hubeeyeen, taas oo hadii muran ka dhasho doorashada Garbahaarey keeni karta gacan ka hadal dhex mara beelaha kursi wadaagta ah, sida lagu sheegay qoraalkaan.

Xubnahaan ayaa qeybaha dambe ee bayaankooda tala ahaan waxay ugu soo jeediyeen, “Iyadoo la tixraacayo caqabadaha xilligaan ka jira deegaan doorashada labaad ee Jubbaland iyo baahida loo qabo in doorasho dalka uga dhacdo waqtigii loo asteeyey, waxaan soo jeedineynaa in laga fikiro xal kale oo suurta gelinaya qabsoomidda doorashada 16-ka kursi ee taalla Garbahaarey.”

Gobolka Gedo ayaa hadda ka maqan gacanta Jubbaland, waxaana maamusha dowladda federaalka oo cudud ciidan uga qabsatay Jubbaland, dhamaan magaalooyinka waaweyn ee gobolkaas waxaa ka howlgala ciidamo u badan NISA iyo Gor Gor, waxaana laga war-sugayaa sida ay suurta-gal u noqon karto doorasho ay maamuleyso Jubbaland oo ka dhacda Garbahaarey.

Hoos ka akhriso qodobada bayaanka

Daawo: Koonfur Galbeed oo amar culus ku soo rogtay musharaxiinta kuraasta Baydhaba iyo BARAAWE

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray amar ku socda musharaxiinta kuraasta xildhibaanada golaha shacab ee deegaan doorashadoodu tahay magaalooyinka Baraawe iyo Baydhaba.

Amarkaan ayaa ah in musharaxiintu aysan magaalooyinkaas la tegin karin hub iyo ciidan u gaar ah, sidoo kale wasaaraddu waxay ku sheegtay war-saxaafadeedkaan in ammaanka musharaxiinta ay damaanad qaadeyso.

Wasaaradda ayaa amarkaan ku socodsiisay maamulka garoomada magaalooyinka Koonfur Galbeed, hey’adaha ammaanka dowladda federaalka, K/Galbeed iyo musharaxiinta dooneysa inay u tartamaan kuraasta xildhibaanada ee laga soo doorto deegaanadaas.

Koonfur Galbeed ayaa go’aankaan ku macneysay mid looga hor tegayo qalqal gelin amni oo laga abuuro magaalooyinka Baydhaba iyo Baraawe, inta ay ka socoto doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

“Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed waxay u cadeyneysaa musharaxiinta dooneysa inay u tartamaan kuraasta golaha shacabka inay sugi-doonto ammaankooda, si lamid ah sidii ammaankooda loo sugay musharaxiintii hore, hey’adaha amniga waxaa la farayaa inay fuliyaan amarkaan,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaarada amniga K/Galbeed.

Amarkaan ayaa ku soo aaday xilli maanta guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey loo diiday inuu ka dego magaalada Baraawe oo laga soo doorto kursiga HOP#145 oo horay uu isagu ugu fadhiyey.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tallabada looga hor istaagay Muudey inuu tago Baraawe uu ka dambeeyo La-Taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin, oo la sheegay inuu damac uga jiro booska uu ku fadhiyo Muudey ee guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha shacabka.

Hoos ka daawo amarka K/Galbeed

https://youtu.be/CvGX7VQXdbI?t=1