26.4 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Daawo: Koonfur Galbeed oo amar culus ku soo rogtay musharaxiinta kuraasta Baydhaba iyo BARAAWE

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray amar ku socda musharaxiinta kuraasta xildhibaanada golaha shacab ee deegaan doorashadoodu tahay magaalooyinka Baraawe iyo Baydhaba.

Amarkaan ayaa ah in musharaxiintu aysan magaalooyinkaas la tegin karin hub iyo ciidan u gaar ah, sidoo kale wasaaraddu waxay ku sheegtay war-saxaafadeedkaan in ammaanka musharaxiinta ay damaanad qaadeyso.

Wasaaradda ayaa amarkaan ku socodsiisay maamulka garoomada magaalooyinka Koonfur Galbeed, hey’adaha ammaanka dowladda federaalka, K/Galbeed iyo musharaxiinta dooneysa inay u tartamaan kuraasta xildhibaanada ee laga soo doorto deegaanadaas.

Koonfur Galbeed ayaa go’aankaan ku macneysay mid looga hor tegayo qalqal gelin amni oo laga abuuro magaalooyinka Baydhaba iyo Baraawe, inta ay ka socoto doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

“Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed waxay u cadeyneysaa musharaxiinta dooneysa inay u tartamaan kuraasta golaha shacabka inay sugi-doonto ammaankooda, si lamid ah sidii ammaankooda loo sugay musharaxiintii hore, hey’adaha amniga waxaa la farayaa inay fuliyaan amarkaan,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaarada amniga K/Galbeed.

Amarkaan ayaa ku soo aaday xilli maanta guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey loo diiday inuu ka dego magaalada Baraawe oo laga soo doorto kursiga HOP#145 oo horay uu isagu ugu fadhiyey.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tallabada looga hor istaagay Muudey inuu tago Baraawe uu ka dambeeyo La-Taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin, oo la sheegay inuu damac uga jiro booska uu ku fadhiyo Muudey ee guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha shacabka.

Hoos ka daawo amarka K/Galbeed

https://youtu.be/CvGX7VQXdbI?t=1

Video: Muudey oo ka hadlay xayiraaddii lagu sameeyey iyo cidda ka dambeysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo maanta goor sii horeysay laga hor istaagay in uu ka duulo magaalada Muqdisho, ayaa la hadlay warbaahinta.

Cabdiweli Muudey ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu ka dambeeyay tallaabadii looga hor istaagay in uu tago magaalada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaas.

“Safar ayaa ahaa maanta waxaa u socday Baraawe, oo u aadayay kursigii yaalay oo u tartamo, waxaa diyaaradii lagu amray inaysan i qaadi karin. Waxaa lagu yiri ninkaas lama keeni karo, oo asaga ayaa la ogoleyn,” ayuu yiri.

“Markaa weydiiyay qoladii shirkada diyaaradaha waxay yiraahdeen amar ayaa nala soo siiyay oo qolada maamulka Koonfur Galbeed ayaa amar nasoo siiyay, qolada Aviation-ka Baraawe waxay ku dhaheen haddii amar la’aan soo qaadan diyaarada waa soo ridayna ayey dhaheen, waa arrin yaab leh.”

Waxa uu intaas kusii daray in sababta u weyn ee looga hor istaagay in uu tago Baraawe ay tahay inuusan u tartamin kursiga uu fadhiyo hadda ee sumadiisu tahay HOP#145.

Muudey ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in qof gaar ah loo wado kursigaas, isaga oo ka gaabsaday in uu si toos ah u weeraro La-Taliyaha Amnigaa Qaranka Fahad Yaasiin, oo sida la fahamsan yahay ka dambeeyay tallaabada lagu celiyay maanta.

“Waxaa u sheegaya Umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka intaba in uu maanta xad-gudubkaas igu dhacay, sababta loo diidan yahay in aan meesha tago waa in aan u tartamo kursiga, waxa iska leh kursigaas qabiil ee qof iskama laha, markaa in la yiraahdo adiga ma tartami kartid arinta isaga ah waa la ogyahay dadka ka dambeeya, la iskagama hari doonana.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in uusan marnaba aheyn nin loo hanjabi karo, uuan ka hadheyn xuquuqdiisa, islamarkaana waxa dhacay maanta la iskula xisaabtami doono.

Kursiga laga hor istaagay Muudey in uu utartamo ayaa waxaa si gaar ah loogu xiray Maxamed-weli Cabdullaahi Sheekh oo reer Australia, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Hoos ka daawo Muudey

Sawirro: Kulane Jiis iyo CC Shakuur oo maanta la siiyey shahaadada musharaxnimo

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada Galmudug ayaa maanta shahaadada musharaxnimo guddoon siiyey Cabdullaahi Aadan Kulane oo ka tirsan Hey’adda Nabad-Sugidda Qaranka sidoo kalana kamid ah saraakiishii lagu eedeeyey dilka Ikraan Tahliil.

Cabdullaahi Kulane oo u sharaxan kursiga HOP#040 ayaa waxaa la tartamayo Xasan Cabdi Jaamac oo la rumeysan yahay inuu yahay musharax malxiis ah, ayada oo la filayo inuu Kulane si fudud ku qaato kursiga.

Sidoo kale, guddiga ayaa shahaadada musharaxnimada siiyey siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah musharixiinta sanadkaan u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan oo raadinayo Kursiga HOP#138 ayaa waxaa booskaas kula tartameysa Naciimo Xuseen Cali oo iyadana la rumeysan yahay inay tahay malxiis, ayada oo la filayo inuu Cabdiraxmaan si fudud ku qaato kursiga..

Dhanka kale, waxaa shahaadada musharaxnimada la siiyey Faarax Cabdi Diini oo kamid ah wasiirada Galmudug kaasoo u taagan Kursiga HOP#007.

Doorashada kuraastaan ayaa la filayaa inay Magaalada Dhuusamareeb ka dhacdo Maalinta Berri, waxaana lasii saadaalinayaa inay kusoo bixi doonaan:

1- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
2- Cabdullaahi Aadan Kulane
3- Faarax Cabdi Diini

Cabdullaahi Kulane oo u tartamaya kursi beeshiisa ee HOP#40 ayaa loo xiray kursiga, waxaana la hubaa inuu soo qaadanayo, halka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u tartamaya kursiga beeshiisa ee HOP#138 la isku dayayey in la hor-istaago, balse lagu fashilmay.

Sida aan xogta ku helnay, Villa Somalia ayaa waday dadaal xooggan oo kursiga looga dhigayo mid loo qoondeeyo haween, si meesha looga saaro Cabdiraxmaan Cabdishakuur, balse waxaa hadda muuqata inuu qorshahaas fashilmay.

Cabdiweli Muudey oo lagu celiyay garoonka Muqdisho iyo cidda ka dambeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa goordhoweyd loo diiday in uu ka duulo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Muudey ayaa kusii jeeday magaalada Baraawe ee maamulka Koonfur Galbeed, si uu ugu tartamo kursiga uu ku fadhiyo ee sumadiisu tahay HOP#145.

Diyaarad ka qaadi laheyd guddoomiye ku-xigeenka 1-aad garoonka Muqdisho ayaa lagu amray inaysan ka bixi karin, waxaana lasoo warinaya in weli ku sugan yihiin Muudey iyo Ciidamo Ilaalo u ah qeybta VIP-da ee garoonka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tallabada looga hor istaagay Muudey in uu ka dhoofo Muqdisho uu ka dambeeyo La-Taliyaha Amnigaa Qaranka Fahad Yaasiin, oo lasoo warinayo in uu hunguriyeynayo booska uu ku fadhiyo Muudey ee Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha shacabka.

Kursiga uu ku fadhiyo Muudey ee HOP#145 ayaa waxaa si gaar ah loogu xiray Maxamed-weli Cabdullaahi Sheekh oo reer Australia.

Fahad Yaasiin oo saaxiib dhow la ah Farmaajo, sidoo kale ay isku hayb yihiin Muudey ayaa waxa uu gacanta ku hayaa maamulka kursiga uu dhaafiyay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, si uusan culeys u wajahin rabitaanka Fahad.

Tan iyo markii ay bilaabatay doorashada Golaha Shacabka ayaa waxa socday qorshe ujeedkiisu yahay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo saaro saraakiil ka tirsan NISA, si ay ku helaan xasaanad, kaasi oo uu qeyb ka yahay Fahad Yaasiin.

Taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa horey xulafada Farmaajo iyo Fahad ugu guuleysteen inay u boobaan kursiga HOP#067, arrintaasi oo mar dhalisay xaalada hubanti la’aan ah.

Xulafada Farmaajo iyo Fahad ayaa isku-dey kasta u sameynay sidii ay u xaqiijin lahaayeen rabitaankooda ku aadan doorashada, gaar ahaan xildhibaanada loogu raadinayo xasaanad oo ugu horeeyo Fahad, oo asagu gadaal iska mariyay liiska xulafada.

Magacyada siyaasiyiinta caanka ah ee ku fadhiya 13-ka kursi ee doorashadooda la shaaciyey ee Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga Doorasada HirShabelle ayaa soo saray liiska kuraasta 13 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka, kuwaas oo lagu dooranayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kuraasta 13-ka kursi ah ee la shaaciyay qaarkood waxaa ku jira kuwo ay ku fadhiyaan siyaasiyiin miisaan culus ku dhex leh siyaasayada Soomaaliya, waxaana jira welwel badan oo ay qabaan Musharaxiinta qaar oo ku aadan in loo boobo kuraasta shaqsiyaad gaar ah oo la wato.

Kuraastan waxaa hore ugu fadhiyey xubno ka mida Golaha wasirada xukuumadda xil-garsiinta, iyo wasiiro hore, waxaana xiiso leh inuu ku jiro kursiga isha lagu wada hayo ee uu doonayo inuu soo qaato Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Xildhibaannada ku fadhiye kuraasta la shaaciyey in doorashadooda ka dhaceyso Beledweyne ayaa la filayaa inaysan intooda badan soo laaban, waxayna kala yihiin:

HOP#003: Waxa ku fadhiyey Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh Beenebeene.
HOP#006: waxaa ku fadhiyey Baarlamaanka 10-aad Maxamed Cabdullaahi Axmed
HOP#008: Waxaa xilligan ku fadhiyey Dr Xuseen Cabdi Cilmi
HOP#015: waxaa ku fadhiyey Baarlamaanka 10-aad Xiis Xasan Aadan
HOP#022: Waxaa ku fadhiyey Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo)
HOP#031: waxaa ku fadhiyey Baarlamaanka 10-aad Yuusuf Xuseen Axmed
HOP#032: waxaa ku fadhiyey Baarlamaanka 10-aad Khaliif Cabdi Cumar
HOP#068: waxaa ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad Faadumo Faarax Ibraahim
HOP#074: waxaa ku fadhiyey 10-aad Cabdullaahi Colaad Rooble
HOP#086: Waxaa ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir
HOP#109: waxaa ku fadhiyey Baarlamaanka 10-aad Cabdifitaax Qaasim Maxamuud
HOP#252: Waxaa hadda ku fadhiya Cabdicasiis Saalax Carmaan
HOP#274: waxaa ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux.

Maamulka HirShabeelle ayaa noqonaya maamulkii labaad ee shaaciya doorashada kuraasta taala deegaan doorashada labaad ee doorashooyinka Golaha Shacabka, waxaana maamulkii ugu horeeyay noqday Koonfur Galbeed oo Baraawe ku qabatay doorashada13 kursi, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la qabto doorashada 13-ka kursi ay shaaciyeen guddiga doorashada HirShabelle.

Maxaa sababay dagaalka ciidamada CC SAHKUUR iyo Kulane ee Dhuusamareeb?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeyey ciidamo kala taabacsan musharrixiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdullaahi Aadan Kulane oo ku sugan Dhuusamareeb.

Iska hor imaadka oo xalay ka dhacay gudaha magaalada ayaa waxaa ka hadashay dowlad goboleedka Galmudug oo digniin culus u dirtay musharixiinta ciidamada la tegay halkaasi.

Taliyaha saldhigga booliska Dhuusamareeb, Gaashaanle Maxamed Aadan Warsame oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka hadlay is-rasaaseynta dhex-martay labada dhinac, inkastoo uusan shaacin khasaaraha ka dhashay, balse wuxuu tilmaamay in la xiray askarta dirirtay

Gaashaanle Maxamed Aadan Warsame ayaa sidoo kale xusay in dagaalka uu ka billowday tuhun la xiriira Telefoono la dhacay, balse si dhaqso ah loo xalliyey.

“Saraakiisha ciidamada khilaafku dhex maray ayaa kala dhexgalay ciidamada ka wada tirsan dowladda ee shaqaaqada dhexmartay, waxaana lagu xirey saldhigga booliska askarta bilaabay fowdada,”ayuu yiri taliyaha saldhigga booliska ee magaalada Dhuusamareeb.

Ugu dambeyn wuxuu digniin adag u diray musharixiinta ciidamada la tegay caasimada Galmudugm wuxuuna la tilmaamay in aan la aqbali doonin falkasta oo dhaawacya amniga.

Si kastaba Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u tartamaya kursiga HOP#138, halka  Cabdullaahi Aadan Kulane  loo xiray kursiga HOP#40. labadaan kursi ayaa waxaa doorashadooda la qaban doonaan 14-ka bishan Febraayo oo ku beegan Isniinta.

Sawirro: Dowladda Qatar oo laba arrin u ballan-qaaday DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Qatar u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Xasan bin Xamsa Hashem, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo dhowr ah.

Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, sida uu shaaciyey Gadiidka iyo Duulista Hawada.

“Waxaan kawada hadalnay iskaashiga labada dal iyo sidii loosii xoojin lahaa,” ayuu yiri Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu safiirka u ballan qaaday in Qatar ay ka qeyb qaadan doonto horumarinta garoomada iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

“Dhinaca duulimaadyada waxaan isla qaadanay horumarinta garoomada dalka iyo kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu sii raaciyey Wasiir Duraan.

Ugu dambeyn Duraan Axmed Faarax  ayaa uga mahad-celiyey dowladda Qatar taageerada ay mar weliba la garan taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Qatar ayaa 5-tii sano lasoo dhaafay garab taagneyd dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna dalka ka fulisay mashaariicyo kala duwan.

Si kastaba, ballan-qaadkan cusub oo ay Qatar u sameysay dowladda federaalka ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Soomaaliya ay ku jirto marxalad doorasho iyo waqti kala guur ah.

Digniin laga soo saaray nabadoon la sheegay inuu u xareysan yahay Fahad Yaasiin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha iyo nabadoonnada beesha reer Aw-Xasan ayaa digniin kasoo saaray Nabadoon beeshaas ka tirsan oo u xareysay Fahad Yaasiin oo hadda u sharxan kursiga xildhibaan ee beeshaasa.

Qoraal ay soo saareen 10 odayaal iyo Nabaddoon isugu jira ayay cabasho uga muujiyeen kursiga HOP086 ee yaalla magaalada Beledweyne, waxayna caddeeyeen in Maxamed Xuseen Axmed aanu ahayn Suldaan, Nabadoon ama Ugaas qabiil oo la doortey, balse uu ahaa wakiil saxiixe doorashadii 2016.

Odayaasha ayaa Nabaddoon Maxamed Xuseen Axmed ayey ku eedeeyeen inuu ku kacay arrimo ay ka mid yihiin:

1- Isagoo ahaa wakill saxiixihii doorashadil 2016, uuna hadda ku nool yahay goob qarsoon oon la garanaynin, isla markaana dilday codsiyo badan oo uga yimid odayaasha dhaqanka inuu la kulmo ama ka soo qaybgalo shirarkooda si looga tashado arimaha kursiga HOP086

2- Inuu muddo 6 bilood ah u xareysan yahay murashax ka mid ah musharixiinta u taagan kursigaas (Fahad Yaasiin), si uu ugu qoro ergo isaga u gaar ah oo aan lagala tashan Odayaasha Dhaqanka Beesha iyo Jifooyinka kursiga wada leh.

3- Shirar isdaba joog ah oo ay yeesheen Odayaasha Dhaqanka ee Beesha waxaa u soo baxday in Maxamed Xuseen Axmed aan lagu aamini Karin masiirka beesha, madaama uu isaga doortay in uu isu dhlibo hal musharax, xaqna uusan ulahayn Inuu qaado tallaabo uusan fasax uga haysan Golaha Dhaqanka ee beesha, isla markaana uusan dhexdhexaad ka abayn xulidda ergada kursiga Hop086, sidoo kale uu u gacan galay hal musharrax oo rabo in asaga kursiga loo xiro cid kalana aynan kula tartamin.

4 – Odoyaasha Dhaqanka Reer Ow Xasan waxaa ka go’an in si waafaqsan habraaca Doorashada dalka loo madax baneeyo Hoggaanka Dhaqanka ee Beesha Reer Ow Xasan soo xulidda 5 ta xubnood ee Guddiga Farsamada, sidaasna ay 5 taas xubnood kusoo xulaan ergada 101da ah iyadoo laga talogalinaayo Odoyaasha Dhaqanka lyo guud ahaan xubnaha beesha.

Odayaasha waxay waxay Guddiga Doorashada ee heer Federaal FEIT, Guddiga Doorashada ee Dowlad goboleedka Hirshabeelle SEIT iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada, ka codsadeen inay gacan nalagu siiyaan ka hortagga boobka abaabulan ee baalmarsan habraacyada doorashada dalka ee lala maagan yahay masiirka kursiga HOP086

1- Nabadoon Axmed Muxumed Xaaji Maxamuud
2- Nabadoon Xasan Cumar Abuukar
3- Nabadoon Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Khalilf
4- Suldaan Sheekh Ibraahim Sheekh Cabduqaadir Sheekh Cabdulle
5- Nabadoon Amiin Sheekh Cabdullaahl Sheekh C/deer
6- Nabadoon Sh. Maxamed Cabdullaahi Goosaar
7- Nabadoon Raage Sheekh Cumardaahir Sheekh Cabdullaahi
8- Nabadoon Sheekh Cumar Caagane Xaaji Cabdisamad
9- Nabadoon Xaaji Maxamed Axmed Xaamud
10 -Sheekh Cismaan Macallin Cabdullaahi Cali

Abwaan Cabdikariin Jiir oo ku geeriyooday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku geeriyooday Abwaankii Soomaaliyeed, Cabdikariin Faarax Qaarey (Jiir) oo maalmahan dambe ku xanuunsanaa caasimada.

Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa iyo bahda Fanka, wuxuuna ku dhintay Isbitaalka Erdogan oo horey loo oran jiray Digfeer.

Cabdikariin Jiir ayaa waxaa uu ahaa Odey Soomaaliyeed iyo Mulaxamiiste cajiib ah, waxaana ka mid ah Heesaha uu laxanka saaray heesta Beledweyn ee Samatar qaado.

Sidoo kale wuxuu kaalin weyn kasoo qaatay Fankii Bariisamaadka, gaar ahaan xilligii uu dhisnaa Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda ayaa ka hadlay geerida ku timid marxuumka, waxayna tacsi u direen ehelladiisa iyo guud ahaan bahda Fanka.

Wasaaradda warfaafinta oo qoraal soo saartay ayaa sidoo kale Abwaanka Alle uga bariday inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowsa.

“Wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuumka iyagoo allaah uga baryay inuu naxariistiisa ku daboolo,” ayaa lagu yiri qoraal tacsi ah oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinrta Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee, Abwaan Cabdikariin Jiir wuxuu sannadkii 1943-dii ku dhashay magaallo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Mareykanka oo markale digniin culus u diray Ruushka

0

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ayaa sheegay, in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Sabtidii shalay u sheegay dhiggiisa Russia Vladimir Putin in duullaan uu Ruushku ku qaado Ukraine uu sababi doono “Dhibaato baahsan oo soo gaarto aadanaha”.

Biden ayaa sidoo kale Putin u sheegay in Galbeedka ay ka go’antahay in xasaraddan lagu dhammeeyo dariiqa diblomaasiyadda, laakin si taasi la mid ah ay ugu diyaar garoobeen xaaladaha kale.

Aqalka Cad ma bixin faahfaahin ku aadan, in wadahadalkiui khadka telefoonka ku dhexmaray shalay Biden iyo Putin ee qaatay muddada saacadda aheyd uu hoos u dhigi karo halista dagaal ay suurtagal tahay inuu ka qarxo Yurub.

Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka iyo xulufadiisa ay jawaab deg deg ah oo kama danbeys ah bixin doonaan isla markaana cuna-qabateyn adag oo cawaaqib xumi ka dhalan doono kusoo rogi doonaan, haddii ay Moscow ka dhabeyso weerarka ay rabto in ay ku qaaddo dalka deriska la ah ee Ukraine.

Dhanka kalana, in ka badan 10 waddan ayaa ugu ugu baaqay muwaadiniinta ka joogta Ukraine, in ay si deg deg ah uga baxaan, sababo la xiriira suurtagalnimada dagaal daqiiqad walba ka billaaban kara Ukraine.

Dalalkaasi waxaa ka mid ah Mareykanka, Canada, Ingiriiska, Jarmalka, Australia, Japan, Netherlands, Talyaaniga iyo Israel.

Maamul goboleedkii 2-aad oo shaaciyey KURAASTA degaan doorashada 2-aad

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa noqotay maamul goboleedkii labaad ee ku dhowaaqa kuraasta deegaan doorashada labaad ee Golaha Shacabka, si loo dhaqan-geliyo heshiiskii doorashooyinka dalka ee horay lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Guddiga SIET ee HirShabelle ayaa soo saaray liiska 13 kursi oo ka mid ah kuraasta taalla gudaha magaalada Beledweyne, kadib markii uu magaaladaasi tegay madaxweyne Cali Guudlaawe oo is-afgarad la gaaray reer Hiiraan oo tabasho xoogan ka qabay maamulkiisa.

Kuraasta 13-ka kursi ah ee la shaaciyay qaarkood waxaa ku jira kuwo ay ku fadhiyaan siyaasiyiin miisaan culus ku dhex leh siyaasayada Soomaaliya, waxaana jira welwel badan oo ay qabaan Musharaxiinta qaar oo ku aadan in loo boobo kuraasta shaqsiyaad gaar ah oo la wato.

Kuraasta doorashadooda la shaaciyey oo la qaban doono maalmaha soo socda ayaa waxa ay kala yihiin:- Hop#003, Hop#006, Hop#008, Hop#015, Hop#022, Hop#031, Hop#032, Hop#068, Hop#074, Hop#086, Hop#109, Hop#252 iyo Hop#274.

Maamulka HirShabeelle ayaa noqonaya maamulkii labaad ee shaaciya doorashada kuraasta taala deegaan doorashada labaad ee doorashooyinka Golaha Shacabka, waxaana maamulkii ugu horeeyay noqday Koonfur Galbeed oo Baraawe ku qabatay doorashada13 kursi, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la qabto doorashada 13-ka kursi ay shaaciyeen guddiga doorashada HirShabeelle.

 

Ciidanka Kenya oo qarax culus lagula beegsaday LAMU

0

Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya lagula eegtay gobolka Xeebta Laamu ee dalkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya, xilli ay ku socdaalayeen halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib ay rasaas fureen ciidmada Kenya ee la qarxiyey.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyey jiritaanka weerarkaasi, waxayna shaaciyeen in ciidamadu ay sameeyeen iska caabin xoogan, kadib qaraxa lalal beegsaday.

Sidoo kale ciidmada Kenya ayaa sameeyey qaraxa, kadib howlgal ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi oo meesha ka baxsaday.

Al-Shabaab oo dhankeeda guulo ka sheegatay weerarkan waxa ay shaacisay in halkaasi ay ku dileen ugu yaraan 15 askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya, sidoo kalena ay gubeen baabuur ka mid ah kolonyada ay wateen.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa ciidamada dalkaasi.

Shaqaale ka tirsan QM oo lagu afduubtay YEMEN

0

Caden (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in shan ka mid ah shaqaalaheeda Jicmihii lagu afduubtay koofurta Yemen, xilli ay kusii jeedeen Caden.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Russel Geekie ayaa sheegay in howlwadeenadooda lagu afduubay gobolka Abyan ee waddankaasi.

Russel Geekie ayaa sidoo kale tilmaamay in ay hadda ku rajo weyn yihiin in maamulka aaggaasi ka taliya ay xorriyadooda dib u soo celiyaan saraakiisha Qaramada Midoobay.

Dhanka kalana, diyaaradaha dagaalka Mareykanka nuuca F-22 ayaa shalay gaaray saldhig militari oo ku yaalla dalka Isutagga Imaaraadka Carabka, kaddib marki uu Imaaraadka duqeymo aanan horay loo arag kala kulmay dagaalyahannada Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Imaaraadka ayaa kaalin muuqata ka ciyaara dagaalka lagu hoobtay ee sanadihi dhawaa ka socday dalka Yemen, isaga oo qeyb ka ah dowladaha Carbeed ee la dagaallamaya jabhadda Xuutiyiinta ee taageerada ka hesha Iran.

Yemen ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ka socday dagaallo culus oo u dhexeeya kooxda Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen oo garab ka heleysa isbaheysiga uu horkacyo Sacuudiga.

Dagaallada ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan oo Yemen dib u dhigay, tan iyo markii ay Xuutiyiinta isku ballaariyeen qaybo badan oo ka mid ah dalkaasi.

QOOR QOOR oo soo saaray liiska musharaxiin cusub

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa soo saaray liiska musharixiinta u tartamaya kursiga u dambeeya doorashada golaha Aqalka Sare ee BFS.

Kursigaan oo horay loo doortay waxaa 18-kii bishii November iska casilay Senator Yuusuf Dhegey oo hadda ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Farxaan Cali Maxamuud iyo Naciima Yuusuf Maxamed ayaa lagu shaaciyey warqad ka soo baxday xafiiska Qoor Qoor inay ku tartami doonaan kuriga Aqalka Sare ee beesha Duduble, Farxaan waa wasiirka Maaliyadda Galmudug, waxana la sheegay in Qoor Qoor uu asaga la rabo kursigaas.

12-kii bishii Agoosto 2021 ayaa Yuusuf Geelle Ugaas (Yuusuf Dhegey) loo doortay kursigaan, balse 18-kii November ayuu iska casilay.

Yuusuf Dhegey ayaa xilligaas shaaciyey in sababta uu isku casilay ay tahay in cidiisa uu ka dhex sameeyo siyaasad caafimaad qabta, balse mar kale ayuu soo qaatay kursiga isla beesha ee golaha shacabka.

Waa kursigii u dambeeyey ee doorashada golaha Aqalka Sare ee dalka, waxaana horay loo doortay dhamaan kuraasta kale ee Aqalka Sare, dhawaan waxaa lagu wadaa in guddiga doorashada Galmudug uu soo saaro jadwalka doorashada kursigaas.

Nabadoonka kursiga HOP#53 oo gudbiyey dacwad ka dhan ah qorshaha FARMAAJO

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Jaamac Shire Xaashi oo ah Nabadoonka jufada Bah-Ogaadeen ee beesha Mareexaan ayaa bayaan dheer ka soo saaray wax qeybsiga ergada kursigii doorashadiisa dib loo dhigay ee HOP#053, kaas oo sida la sheegay uu madaxweyne Farmaajo faro-gelin ku hayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in kursigaas uu la doonayo in loo xiro Reysal Qorane Abshir, oo ah gabar ay qaraabo hoose yihiin, taas oo keentay in si adag uu uga soo hor jeesto Nabadoonka Jufada Bah-ogaadeen oo kursigaan uu kala dhaxeeyo jufada reer Dalal ee Mareexaan.

Nabadoonka Jaamac oo qoraalkiisa ku socodsiiyey guddiga xallinta khkilaafaadka doorashooyinka dadban ayaa yiri, “Guddiga Sharafta leh , Salaan iyo qaddarin naga guddooma, Aniga oo ah Nabadoon Jaamac Shire Xaashi oo ah Nabadoonka Beesha Bah-ogaadeen ee Mareexaan, waxaan halkan idiinkugu soo gudbineynaa cabasho ku saabsan habka wax qeybsiga Ergada kursiga Bah-ogaadeen ee HOP#053, oo deegaan doorashadiisu Dhuusamareeb – Galmudug,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Nabadoon Jaamac Shire ayaa qoraalkiisa ku soo bandhigay cadeymo muujinaya hanaankii sanadkii 2016-kii loo qeybsaday ergada gursiga jufada Bah-ogaadeen ee Mareexaan, sidoo kale waxuu cadeeyey in hadda ay beeshu ogoshahay in wax loo qeybsado si waafaqsan habraacyada doorashada dadban 2020-2022.

Hoos ka akhriso Bayaanka Nabadoonka Bah-ogaadeen – Mareexaan

Waxaan cadaynaynaa in Bah Ogaadeen ay Ergo qeeybsi ku sameeeysay Doorashaddii 2016kii taasoo ku cad Waraaqdii kasoo baxdey Gudigii Doorashada Heer Dawlad Goboleed ee Galmudug SEIT iyo Guddigii Doorashada Heer federal FEIT 2016kii warqadaas oo muujinaaysa habka ay tahay wax qeybsiga Ergada Bah Ogaadeen waxaan diyaar u nahay in Ergadda loo qaybsado sida waafaqsan habraacyada Doorashada Dadban 2020-2022 oo Qeexaya in Xubnaha Xulitaanka Ergada (odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah) ay u soo xulayaan Ergada doorshada si waafaqsan hanaankii ergo qeybsiga doorashadii 2016kii oo labajibaaran ama si kale oo ay heshiis ku yihiin.

Nabadoon Jaamac Shire Xaashi kadib markii uu arkay khilaafka jira waxaa uu soojeediyay in wada hadal iyo isfahan lagu dhameeyo Khilaafka wax qaybsiga Ergadda asaga oo waliba codsaday in maanta loo tanaasulo walaalahood reer Dalal oo ayagu kursiga ku loolamaya, balse arintaas dhinacyo kale ayay ka socon wayday.

Hada maadaama oo ay suurta gali wayday in khilaafkaas is fahan iyo heshiis looga gaaro Beesha dhexdeeda, waxaan cadaynaynaa in uusan jirin wax Heshiis ah oo ka badalan habkii ay Beesha Bah Ogaadeen Ergo qeeybsi ku sameeeysay Doorashaddii 2016kii, sidaas darteed waxaan dalbanaynaa in wax-qabysiga Ergadda Bah Ogaadeen loo raaco sida waafaqsan habraacyada xulista ergada ee lagu heshiiyay ee ku cad Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee 21-22 August 2021. Habka Ergada loogu qaybiyay 2016kii Beesha Bah Ogaadeen waxay ku cadahay Waraaqdii kasoo baxdey Gudigii Doorashada xiligaas ee cabashadeena ku lifaaqan.

Ugu waxaan ka codsanayaa Guddiyada doorashda heerarkooda kala duwan in Doorashada Ay u qabtaan si dhex dhexaad iyo cadaalad ah oo waafaqsan habraacuadii lagu heshiiyay waxaana u cadaynayaa in wax waxba oo ka badalan habkii Erga qaybsiga beesha Bah Ogaadeen ee doorashdii 2016dii oo aan heshiis lagu ahayn ay tahay waxba kama jiraan, waxaana ka codnanaynaa in aan xacieena si cadaalad ah ku helno..

Nabadoonka Beesha Bah ogaadeen Nabadoon Jaamac Shire Xaashi  

Hoos ka eeg cadeymaha kanaankii 2016 loo qeybsaday ergada kurigaas

Hirgelinta Hannaanka Doorashooyinka Dadban ee 2016

Ku. Madax-dhaqameedyada iyo nabadoonnada beelaha hoos ku xusan

Og. Madaxda Maamul-Goboleedka Gaimudug

Ujeeddo: go’aanno wax-gevbin kuraas doorasho

Guddiyada Federaalka iyo Dowlad-Goboieedka Galmudug Ee Hirgelinta Doorashada waxay 23-27 Nofeembar la yeesheen kulammo xal loogu raadinayo kuraas dhowr ah oo ay ku adkaatay beelaha iska Ieh inay ugu heshiiyaan wadaagiddooda iyo qeybsiga ergada doorashada. Kadib markii ay la dhegeystay dhammaan dhinacyada beelaha waxay go’aamiyey in qeybta ergooyinka iyo tartanka kursigu noqdaan sidan:

  1. Marge )aegifiarlalaa n: 3ifooyinka bah-ogaadeen ee kala ah Reer Dalal, Reer Xirsi, Maxamuud Guuleed, Fiqi Yacquub, Sharma’arke Rooble, Habar Ciise, Howraarsame iyo Reer Yuusuf; dhammaantood wey u tartami karaan kursigan Bah-Ogaadeen, ergada kursigan waa sidan: a) Reer Dalal = 13 b) Reer Xirsi = 13 c) Reer Maxamuud Guuleed = 10 d) Sharma’arke Rooble – 3 e) Fiqi Yacquub = 2 f) Howraarsame =4 g) Reer Yuusuf = 1 h) Habar Ciise = 5

Go’aannadaan saameyn kuma yeelanayaan wax-qeybsiga dhaqanka beelaha ee wuxuu ku eg yahay Doorashada Dadban ee 2016. Waxaa dhammaan madax-dhaqameedyada iyo waxgaradka beelahaan laga doonayaa inay u hoggaansamaan go’aannada la gaaray ayna si degdeg ah u soo gudbiyaan. Go’aankaani wuxuu dhagangelayaa marka uu saxiixo guddiga GDGDD Galmudug uuna ogolaado Guddoomiyaha Guddiga Federaalka Ee Hirgelinta Doorashada Dadban GFHDD.

Sidaa iyo shaqo wacan

Guddiga GFHDr Guddiga GDGDD

26 Nofeembar 2016

 

Xilliga doorashada kuraasta ay u tartamayaan Kulane iyo CC Shakuur oo la shaaciyey

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaciyey xilliga la qabanayo doorashada laba ka mid ah kuraasta sida aadka ah isha loogu hayo ee golaha shacabka.

Labada kursi ee doorashadooda la shaaciyey ayaa kala ah HOP#40 oo loo xiray Cabdullaahi Aadan Kulane iyo HOP#138 oo uu u tartamayo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxaana la qabanayaa 14-ka bishan Febraayo oo ku beegan Isniinta

Kursiga HOP#40 ayaa horey u ahaa mid ay dumar ku fahdisay balse waxaa hadda loo soo wareejiyey rag, si loo siiyo Kulane oo ka mid ah saraakiisha saree e hay’adda NISA.

Kulane iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa siyaasadda aad uga kala fogaa, waxaana u dhaxeysa cadaawad weyn oo dhinac waliba leh, balse waxaa kulmiyay inay Dhuusamareeb u wada joogaan kursaas ay doonayaan inay ku guuleysteen oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Cabdullaahi Kulane oo u tartamaya kursi beeshiisa ee HOP#40 ayaa loo xiray kursiga, waxaana la hubaa inuu soo qaadanayo, halka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u tartamaya kursiga beeshiisa ee HOP#138 la isku dayayo in la hor-istaago. 

Sida aan xogta ku helnay, Villa Somalia ayaa wadda dadaal xooggan oo kursiga looga dhigayo mid loo qoondeeyo haween, si meesha looga saaro Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 

Sawirro: Rooble iyo safiirka Mareykanka oo kulmay kadib xayiraaddii lasoo rogay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaararaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry André.

Rooble iyo Larry Larry André ayaa ka wada hadlay doorashada Soomaaliya oo waqtigeeda ka dib ka dhacday, wuxuuna Rooble la wadaagay safiirka Mareykanka in howsha doorashada ay ku socoto si wanaagsan isla markasna lagu soo gabagabeen doono waqtigeeda.

Sidoo kale Rooble iyo André ayaa ka wada hadlay amniga Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, ayada oo sidoo kalena isku soo hadal qaaday sidii ay dowladda Mareykanka gacan uga geysan laheyd abaaraha baahsan ee ka jiro Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble u ballan qaaday inuu kala shaqeyn doono dhameystirka Doorashada iyo sugidda Amniga.

Kulankan ayaa ku soo aaday maalmo kadib markii xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken uu Talaadadii ku dhowaaqay soo saarista xayiraado Visa oo ka dhan ah shakhsiyaad hadda xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, oo lagu eedeeyey inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Maanta, ayada oo ay ku beegan tahay sanad-guuradii koowaad ee marka uu muddo xileedka ka dhammaaday madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhowaaqayaa fulinta xeerka Socdaalka Qaranka qeybtiisa 212(a)(3)(C), kaasi oo diidaya in Visa la siiyo shakhsiyaad xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”

Blinken ma shaacin magcayada shakhsiyaadkan lagu beegsaday siyaasaddan.

Mareykanka ayaa horey u sheegay inuu xayiraado la beegsan doono madaxda Soomaaliya haddii aan doorashada lagu dhameyn kahor 25-ka Febraayo, waxaana laga cabsi qabaa inuu soo rogo kuwa cusub.

Daawo: Korneyl Nuur Dheere ‘oo raali-geliyey’ Guudlaawe

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxtooyada HirShabeelle ayaa sheegtay in Korneyl Nuur Dheer oo ka mid ahaa saraakiishii sida weyn u macaaradsanaa maamulka HirShabelle uu maanta raali-geliyey madaxweyne Cali Guudlaawe.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa maanta magaalada Beledweyne kula kulmay Korneyl Nuur Dheer, xildhibaano iyo saraakiil kale.

“Korneylka oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Booliiska Dowladda HirShabeelle ayaa Madaxweynaha ka raali galiyay qadafkii ka dhacay waxaa uuna balan qaaday inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Madaxweynaha,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada HirShabeelle.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Guudlaawe uu isna bogaadiyay imaanshaha uu u yimid Korneyl Nuur Dheere, islamarkaana uu aqbalay raali galintiisa.

“Madaxweynaha ayaa xaliyay dhamaan tabashooyinkii jiray waxa uuna sii wadi doona la kulanka bulshada iyo inuu qanciyo cidwalba oo tabasho qabto,” ayey tiri madaxtooyada HirShabeelle.

Korneyl Nuur Dheere ayaa ka mid ah saraakiisha hoggaamisa kooxda la baxday Kacdoonka Hiiraan, wuxuuna dhowr jeer isaga oo wata ciidamo badan qabsaday magalaada Beledweyne, isaga oo kasoo horjeeda in Guudlaawe uu yimaado magaalada.

Si kastaba Guudlaawe ayaa ugu dambeyn xoog lagu geeyey magaalada kadib markii Villa Somalia ay magaalada gaysay ciidamo laga qaaday Muqdisho oo muquuniyey xoogaggii magaalada ku sugnaa ee kasoo horjeeday maamulka HirShabelle.

Farmaajo iyo kooxdiisa oo xeelad cusub u dagay sidii ay kursiga u dhaafin lahaayeen Cabdiraxmaan Cabdishakuur

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Laba cisho kadib markii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame toos ugu dhawaaqay inuu u tartamayo kursiga xildhibaaimo ee Beeshiisa, madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay iyadana toos u bilowday duulaankeeda kursiga HOPP#138.

Wixii Arbacadii hore ka horreeyey dad badan u kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa u heystay doonista Cabdiraxmaan mid war suuqeed ah, balse Arbacadii ayuu tagay Dhuusamareeb markaas oo uu toos u shaaciyey musharaxnimadiisa Kursiga HOPP#138, wixii markaas ka dambeeyeyna waxaa la xaqiijiyey inay madaxtooyada u xirxiratay sidii Cabdiraxmaan lagu dhaafin lahaa kursiga.

Xalay kursiga doorashada ee heer federaal ayaa soo saaray warqad ay toos ugu abaareen kuraasta HOPP#138 iyo HOPP#71 oo ay sheegeen in loo baahan yahay in Labadaas Kursi laga dhigo kooto Dumar.

Guddigii doorashada waa ay isku khilaafeen warqaddaas oo la sheegay in y ka shaqeeyeen koox guddiga kamid ah oo weli gacan saar la leh Villa Somalia.

Xubno guddiga kamid ah oo aan la hadalnay waxay sheegen in lagu heshiiyey in warqadda la badalo oo hab qoraalka laga dhigo mid guud oo la hadlayo Beesha Dhexe ee kuraastaas iska leh.

Mar kale warqad ay shalay galab sii daayeen guddiga doorashada ee heer Federaal ayey ku sheegeen in la rabo in beesha heysato hoggaanka maamulka Galmudug inay saxdo qoondada haweenka ee ah in qoladii 3 kursi heysataba inay 1 kursi Gabar ka dhigaan, weliba warqadda guddiga waxaa lagu yiri lama aqoonsan doono doorashadaas lamana siin doono shahaada xildhibaanada illaa ay Galmudug kasoo saxeyso qoondada Dumarka.

Guddiga si loo fahmo ujeedkooda iyo Kuraasta ay u socdaan waxay Qoor Qoor iyo guddiga doorashada Galmudug waydiisteen in kuraasta hadda jadwaleysan ee Beeshaas in la caddeeyo kuwa ay dumarka gooni ugu tartami karaan.

Kuraasta hadda jadwaleysan oo ay beeshaasi leedahay kuwaas oo uu guddiga rabo in Laba kamid ah laga dhigo Dumar waa Kursiga HOPP#138 , kursiga HOPP#147 iyo HOPP#71.

Kuraastaas mid waxaa ku fadhiya Xildhibaan Mahad Salaad, mid waxaa ku fadhiya xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, midna waxaa u tartamaya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Guddiga doorashada ee heer Federaal gabadha madaxda uga ah xaqiijinta kootada Dumarka dalka waa ka maqan tahay. Xubin kamid ah guddiga doorashada ee heer Federaal oo aan la hadalnay wuxuu noo xaqiijiyey in arrintaani ay gacan weyn ku leedahay madaxtooyada Soomaaliya oo weli xubno badan ku leh guddiga dhexdiisa.

“Qofka loo socda waa Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la rabo in Kursigiisa Dumar laga dhigo ama inuu noqdo kursi dacwo ku furan tahay oo illaa doorashada la is daba socdo,” ayuu yiri xubintaas.

“In guddigii doorashada ee heer Federaal uu beegsi sameeyo oo la isticmaalo waa fadeexad weyn oo doorashada Soomaaliya dhex taalo,” ayey leeyihii dadweynuhu.

“Waxaa ka dhallan karta arrintaan in qof kasta oo Villa Somalia rabin in loo adeesado inay kursigiisa ku dhagaan, guddiga doorashada haddii ay ujeedo sax ah xambaarsan yihiin waxay aheyd inay arrintaan ka hadlaan inta aan la jadwaleyn Kuraasta, maadaama xilligaasi lasoo saaro nooca uu kursiga noqonayo rag iyo dumar,” ayey leeyihiin Dadkii ka falceliyey isku daygaan.

Ilhaan oo war kasoo saartay xayiraadda Mareykanka ee madaxda Soomaalida

0

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareynka ayaa qoraal xasaasi ah u dirtay maamulka Madaxweyne Joe Biden, kaas oo la xiriira xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan cunaqabateynta saaran.

Ilhaan ayaa ka dalbatay Joe Biden inuu dib u eegis ku sameeyo cunaqabateynta la saaray Soomaaliya 2010 iyo 2012-kii.

“Tan iyo markii la saaray cunaqabateyntan, xaaladda Soomaaliya ayaa si weyn isu beddashay,” ayey ku tiri qoraalkeeda Ilhaan Cumar.

Sidoo kale waxay maamul Biden qoraalkan ku weydiisay 5 su’aalood oo la xiriira sida siyaasadda cunaqabateynta ay u ciyaareyso istiraatiijiyadda ballaaran ee Soomaaliya.

Bishii April 13, 2010-kii Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama ayaa soo saaray amar fulineed oo cunaqabatayn dhaqaale ku soo rogaya dadka ka qayb qaadanaya xaaladda sii xumaanaysa ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan falalka burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya.

Maraykanka ayaa oggolaaday adeegsiga xeerka Awoodaha Dhaqaale ee Degdegga ah ee Caalamiga ah (IEEPA) iyada oo laga jawaabayo khatarta amniga qaranka Mareykanka iyo siyaasadda arrimaha dibadda. Cunaqabateynta ayaa isla markiiba dhaqan gashay.

Cunaqabataynta waxaa kamid ah in shakhsiyaadka ama hay’adaha ku hawlan yahay falal si toos ah ama si dadban u khatar gelinaya nabadda, amniga, ama xasilloonida Soomaaliya, in lagusoo rogo xanibaad ka dhan ah hantidooda Maraykanka u taala.