25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Guddiga doorashada oo ay mushahar la’aan ku dhacday kadib go’aan ay qaadatay beesha caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal (FEIT) ayaa maanta shaaciyay in guddiyada doorashada aysan qaadanin mushaarkoodii saddexdii bil ee u dambeysay, maadama aysan soo wada gaarin kharashaadkii loogu tala-galay doorashada.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka Soomaaliya Axmed Safiina oo la hadlay BBC ayaa sheegay in guddiga doorashada ay soo food saartay dhaqaale yari baahsan, hase yeeshe ay doorashada dalka ku wadan si dardar leh.

“Mushaaraadka ay qaateen (guddiyada) waxaa ugu dambeysay bishii October, saddex bilood iyo bisha afaraad ee hadda socotaba may soo bixin, shuruud ayay ku xireen beesha caalamka oo ah in aan soo saarno saddex meelood oo labo dalool, in qoondadii haweenka la dhameystiro iyo shuruud noocaas ah ayay ku xireen, illaa haddana ma dhameystirmin,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray in mushaaraadka guddiyada doorashooyinka iyo huteelada ay degan yihiin ay bixineysay Hay’adda UNDP, oo illaa hadda aan bixin saddexdii bilood ee u dambeeyay, taasi oo qeyb ka ah culeyska lagu saarayo guddiyada inay dadajiyaan doorashada.

“Guddiga miisaaniyadii dhaqaale ee uu dejiyay waxay aheyd 26 Milyan, waxaana la bixiyay 7 Milyan oo hordhac ah oo ay ku deeqday beesha caalamka, waxaana kharashaadka ka imanaya beesha caalamka lagu dabarayay musharaadka guddiyada oo ka badan 120 Komishaner.”

Afhayeen Safiina ayaa sheegay in marnaba aysan doorashada u istaagi doonin dhaqaale yarida soo wajahday guddiyada doorashada, ayna dadajin doonaan doorashooyinka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka oo loo go’aamiyay in lasoo gabagabeeyo 25-ka bishaan.

“Waxaa rajeynayna in caqabadaas laga gudbi doono, guddiyada doorashooyinka waxay ku niyadsan yihiin in dalkooda iyo shacabkooda, doorashada uma joogsan doonto dhaqaale la’aan. Ilaahay idamkiina wey heli doonaan guddiyada doorashooyinka xaqooda.”

Hadalka Afhayeenka ayaa imanaya xilli ay maalmihii u dambeeyay soo baxayeen warar sheegaya in guddiga ay soo food saartay dhaqaale la’aan, taasi oo walaac looga muujinayay in gaabis ku keento sida ay u socoto doorashada, hase yeeshe guddiga ayaa midaasi meesha ka saaray.

Si kastaba, Beesha caalamka ayaa aad indhaha ugu haysa doorashada ka socota dalka, ayada oo dhowr jeerna ku goodisay inay tallaabooyin qaadi doonaan haddii uu dib u dhac kale ku yimaado, waxayna cadaadis ku saaraysa dhinacyada in la dadajiyo.

Xog: Wada-sheekeysiga taleefon ee Farmaajo iyo Abiy Ahmed oo la jabsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareed lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ay ka walaacsan yahay inay suurta-gal tahay in la jabsaday wada sheekeysi ku dhex-maray taleefonka.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in arrintan uu ka war helay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kuna wargeliyey Farmaajo intii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa, oo uu maanta kasoo laabtay.

Abiy ayaa rumeysan in muddo bilooyin ah ama sanado la helayey xogta wada-sheekeysi ee isaga iyo Farmaajo ku dhex-mareysay WhatsApp-ka.

Abiy ayaa lagu warramay inuu Farmaajo u sheegay in dhanka taleefonkiisa laga jabsaday xogta, ayada oo la tuhunsan yahay in arrintan uu ka dambeeyo dal Carbeed oo aan weli la shaacin.

Ilo-wareedyada Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaya in jabsashada taleefonka Farmaajo loo adeegsaday softaware-ka Pegasus Spyware oo ay sameyso shirkadda NSO Group ee Israel, taasi oo horey madax badan oo caalamka ah iyo shakhsiyaad kale oo saameyn leh loogu adeegsaday.

Pegasus Spyware ayaa waxaa loo adeegsadaa in qofka la rabo in taleefonkiisa la dhexgalo loo diro sawir ama wax file wata virus, kaasi oo haddii uu click siiyo si rasmi ah loola wareegayo maamulka taleefonkiisa. 

Dhowaan ayaa wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq uu sheegay in Farmaajo uu diiday diyaarad militari oo gargaar siday oo ay Masar usoo diri laheyd Soomaaliya, isaga oo ka cabsi qabi inuu xumeeyo xiriirka Abiy Ahmed.

Hadalka wasiirka ayaa dhaliyey tuhun ku saabsan in laga yaabo in dalka xogta jabsaday uu noqon karo Masar, balse waxaa sidoo kale suurta-gal ah inay yihiin Imaaraadka Carabta ama Sacuudiga, oo horey caan ugu ahaa adeegsigda Pegasus Spyware.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in taleefonada la dhageysatay ay ku jiraan kuwa wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, balse ma cadda haddii uu yahay wasiirka hadda jooga Cabdisaciid Muuse ama kii ka horreeyey Maxamed Cabdirisaaq.

Sawirro lagu faafiyey baraha bulshada oo u muuqda in Abiy Ahmed uu canaanayo Farmaajo ayaa wararka qaar ay sheegayaan inuu ka careysnaa arrintan, balse lama xaqiijin karo. 

Haddii ay dhab noqoto arrintan waxay dalka haysta xogta u sahli kartaa inuu banaanka keeno sir badan oo u qarsoon Farmaajo iyo Abiy Ahmed.

Wixii kusoo kordha xogtan kala soco Caasimada Online.  

Sawirro: Rooble oo saddex arrin kala hadlay Qoor Qoor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Kulanka ayaa waxay uga wada-hadleen labada mas’uul dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka oo la rabo in lagu soo dhameeyo 25-ka bishaan.

Sidoo kale waxaa kulanka diirada lagu saaray la-dagaalanka argagixisada iyo gurmadka abaaraha, xilli ay abaaro daran ku habsadeen deegaano ay kamid yihiin kuwa maamulka uu hogaamiyo Qoor-Qoor.

Shalay unbey aheyd markii uu Rooble xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee dowladda UK u qaabilsan ka hortagga Macluusha iyo Arrimaha Bani’aadminimada Nick Dyer, oo uu kala hadlay sidii gurmad loola gaari lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameynta ku yeelatay.

Kulamadaan ayaa imanaya maalmo un kadib markii uu Ra’iisul Wasaare Rooble kasoo laabtay safar uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, oo uu ka dalbaday inay door muhiim ah ka qaadato gurmadka abaaraha.

Rooble ayaa intii uu joogay Isu-tegga Imaaraadka Carabta kulamo kala duwan la qaatay madaxda sare ee dalkaasi, sida dhaxal sugaha iyo madaxweyne ku-xigeenka.

Sidoo kale waxa uu la shiray hay’ada Bisha Cas iyo hay’adaha kale samafalka ee fadhigoodu yahay dalka Isu-Tegga Imaaraadka Carabta.

Sawirro: Yaa kusoo baxay doorashadii laba kursi ee maanta lagu qabtay Jowhar?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle ayaa waxaa maanta lagu qabtay doorashada laba kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadooda ay tahay maamulkaasi.

Kursigii horreeyey ee doorashadiisa la qabtay waxaa kusoo baxay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh oo la tartamay musharrax Maxamud Cali Bariiise.

Cabdiraxmaan Maxamed ayaa helay 71 cod, halka musharixii la tartamayey ee Bariise uu isna helay 14 cod, sidoo kale waxaa hallaabay 13 cod, sida uu shaaciyey guddiga.

Sidoo kale kursiga labaad ee HOP#115  waxaa kusoo baxay  Xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo markale dib loogu doortay baarlamaanka Soomaaliya

Cali Balcad ayaa helay 86 cod, kadib markii ay u tanaasushay Marwo Mulki Cabdullahi Islow oo la tartami laheyd.

Doorashada labadaan kursi iyo xubnaha kusoo baxay oo aan gelin tartan adag ayaa guushooda horey loo sii ogaa, maadaama kuraastan si gaar ah loogu xiray.

Si kastaba, tallaabadan ay qaaday HirShabelle ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii doorashada ee Muqdisho, gaar ahaan in la dhammeystiro doorashada Golaha Shacabka.

Qorshihii cajiibka ahaa ee kooxda FARMAAJO ay ku khiyaantay Jeneraal XUUD

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku guuleystay qorshe ay u dhigtay ururkii Kacdoonka Hiiraan ee uu hoggaaminayey Jeneraal Abuukar Warsame Xuud.

Jeneraalka ayaa Muqdisho ka keenay 19-kii Janaayo 2022, iyadoo loo adeegsaday saaxiibkiis Taliyaha ciidamada Dhulka Jen. Maxamed Tahliil Biixi, waxaana markii uu Muqdisho yimid uu sheegay inuu caasimadda u tegay arrimo qaran, islamarkaana uu wadahadal la geli doono Madaxda Dowladda, isagoo caddeeyay inaysan waxba iska bedelin mowqifkoodii HirShabeelle.

Wadahadalladii Muqdisho ayaa waxba kasoo bixi waayeen, dhowr jer oo uu saxaafadda la hadlay Jeneraal Xuudna ma sheegin wax cad oo aan ka ahayn in wixii ay ugu tageen Farmaajo ay ka heleen iyo diidmadiisa Madaxweynaha HirShabeelle.

Intii Jeneraal Xuud iyo kooxdiisa Xamar joogeen wauxuu Farmaajo magaalada Beledweyne u diray Boqolaal ciidamo isugu jira Gorgor iyo Haramcad, balse Jeneraal Xuud uu ka gaabsaday inuu ka hadlo, waxayna ugu dambeyn ciidamadaasi la wareegeen magaalada Beledweyne oo ay si awood ah ugu danbeyn ku geeyeen Cali Guudlaawe Xuseen maanta 6 Febraayo, 2022.

Waxaa shaki soo kala dhex galay kooxdii kacdoonka Hiiraan oo qaarkood iska fogeeyay qorshaha uu Jeneraal Xuud u joogo Muqdisho, waxaana soo baxay xog sheegeysa inuu Jeneraal Xuud iyo xubnaha la socda ay Madaxtooyada Soomaaliya ka heleen lacag ku dhow 100-kun Dollar, lacagtaas oo la sheegay inay khilaaf ka dhex dhalisay dhexdooda.

Jeneraal Xuud wuxuu illaa shalay ku taagnaa mowqifkiisii ahaa inuusan Madaxweynaha HirShabeelle tegi karin Beledweyne, wuxuuse qarsan inay ku dhacday khiyaamo ah in loo daba marayo magaaladii laga keenay, haddii la geynayo Cali Guudlaawe.

Qorshaha kooxda Farmaajo u dhigtay kooxdii Jeneraal Xuud waxay ahayd khiyaano looga dan lahaa in Beledweyne ay la waraageen ciidamada ka amar qaata Farmaajo, kadibna ay ka dhacdo doorasho ay ku soo baxaan xubnaha uu wato ee uu ugu horeeyo La-taliyihiisa Fahad Yaasiin.

Waxaa muuqata inuu inta badan hirgalay qorshaha lagu kala jebiyay kooxdii Jeneraal Xuud oo aan awoodin inay xitaa cambaareeyaan halka dhibaatadu uga timid ee ah Madaxtooyada Soomaaliya iyo Maxamed Farmaajo.

Haddii sida loo qorsheeyay u dhacdo doorashada kuraasta taalla Beledweyne, waxaa halkaas ku hakanaya xal u raadinta khilaafka HirShabeelle oo markii horeba laga soo abaabulay Villa Somalia, waxayna arrintaasi ku xirnaan doontaa Madaxda dowladda soo socota.

Isha: Goobjooge

Al-Shabaab oo shaacisay inay dilal ka fulisay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilal qorsheysan oo xalay iyo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan degmooyinka kala ah Yaaqshiid & Dharkenley ee magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa shaacisay in dagaalyano ka tirsan kuweeda ay baraqanimadii maanta dil ka geysteen xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqshiid kaas oo loo geystay Xuseen Ciidgale.

Idaacadda Andaluus ee ku hadasha afka kooxda ayaa baahisay in marxuumka uu ka mid ahaa ergada wax kasoo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dil kale oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo ay sheegatay inay ku khaarijisay sarkaal ka tirsanaa ciidamada milatariga dowladda federaalka Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa magaca sarkaalkaasi ku sheegtay Aadan Jiira Kuulow, waxaana ay shaacisay inuu ahaa tababare, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dilalkaasi ay mas’uuliyaddooda dhabarka u ridatay Al-Shabaab.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo dhac ay geysanayaan burcad hubeysan.

Si kastaba, arrimahan oo idil ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay caasimada ka socoto doorashada kuraas ka mida baarlamaanka oo ay ka mashquulsan tahay dowladda.

Midowga Afrika oo si rasmi maanta ugu hogaansamay go’aankii ay qaadatay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa Soomaaliya u soo magacaabay haweeney beddaleysa Simon Malungo oo ay horey dalka uga ceyrisay dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ahaa ku xigeenkii wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Guddiga Midowga Afrika ayaa Ms. Fiona Lortan usoo magacaabay inay noqoto ku xigeenka cusub ee ergayga gaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya & ku xigeenka madaxa ergada.

Ururka Midowga Afrika ayaa shaaciyey in Marwo Fiona Lortan ay door muhiim ah ka qaadan doonto marxalada kala guurka ah, gaar ahaan sidii ay Somalia ula wareegi laheyd amniga.

Fiona Lortan ayaa muddo sanado ah ka tirsaneyd guddiga Midowga Afrika, waxayna toos ugu biirtay bishii May ee sanadkii 2002-dii, ayada oo qabatay shaqooyin kala duwan.

Midowga Afrika ayaa dhanka kale xusay inay ka go’an tahay xaqiijinta Soomaaliya xasilloon, isla-markaana amaan ah.

Haweeneydan loo soo magacaabay inay ka shaqeyso Soomaaliya ayaa beddaleyso ku xigeenkii hore ee ergeyga Midowga Afrika, Simon Malungo oo ay dowladda federaalka ah dalka saartay, kadib markii lagu eedeeyey inuu dambiyo waa weyn ka geystay Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda oo bishii November ee sanadkii hore soo saartay qoraal xasaasi ah ayaa ku war-gelisay Guddiga Midowga Afrika in Simon Mulongo laga dhigay ‘Persona non grata’ (Qof aan dalka laga rabin), kadibna ka ceyrisay gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda ayaa xilligaas shaacisay inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga.

Farmaajo oo Rooble kaga adkaaday loolankii Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulalahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa shalay gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Shacabka iyo Ciidan hubeysan ayaa kusoo dhaweeyey garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Diyaaradii siday Cali Guudlaawe waxaa ka horeeyey laba diyaaradood oo ciidan siday. Inta uusan Cali Guudlaawe tagin magaalada ayaa la duqeeyey garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif, taas oo sababtay inay dib u laabato mid kamid ah diyaaradihii siday ciidanka, iyadoo ku laabatay magaalada Jowhar.

Hase yeeshee illo muhiim ah ayaa noo xaqiijiyey in xoog loo sheegtay duuliyihii diyaaradda oo ciidanku ay ku qasbeen inuu ku laabto Beledweyne.

Maamulka Hirshabelle qeyb kamid ah ayaa xaliyey arrintaan, kadibna diyaaraddii ayaa mar kale u kacday Beledweyne. Saraakiil hubeysan oo ay ugu magac weynaayeen General Xuud iyo Sarkaal la yiraahdo Nuur Dheere ayaa si weyn u diidanaa in muddo ah inuu Guudlaawe tago Beledweyne.

Xalay ayaa ugu dambeysay waxayna hanjabaad u jeediyeen dadka doonaya inay Guudlaawe xoog ku geeyaan Beledweyne, balse ciidanka ay geysay dowladda federaalka ayaa xalay la wareegay inta badan goobaha muhiimka ah ee magaalada, gaar ahaan wadada isku xirta Garoonka Ugaas Khaliif illaa xerada Lama-galaay oo ah halka loo qorsheeyey in lagu qabto doorashada 25-ka kursi ee Golaha Shacabka.

Guudlaawe wuxuu in muddo ah raajicinayey inuu si nabad ah ku tago magaalada Beledweyne, wada-hadalo badan oo arrintaas laga galay ayaa guul dareystay.

Siyaasiyiinta reer Beledweyne, gaar ahaan Beesha tabashada qabta ayaa ku kala qeybsan imaatinka Cali Guudlaawe. Si walbaba Guudlaawe wuxuu Beledweyne tagay iyadoo aan la xalin tabashadii ay qabeen qeyb kamid ah reer Beledweyne.

Illo ka tirsan xafiiska Cali Guudlaawe waxay sheegeen inuu Cali weli rabo inuu si madani ah wax u xaliyo oo uu la kulmi doono bulshada iyo madaxda beelaha dagan magaalada Beledweyne.

Inta uu Beledweyne joogo Cali Guudlaawe ayaa la filayaa in la guda galo doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Magaalada Beledweyne.

Guudlaawe ayaa horay u diiday inuu shaaciyo liiska kuraasta taalla magaalada Beledweyne, isagoo aan tegin magaalada. Villa Somalia waxay u muuqataa inay gaartay qeyb kamid ah ujeedooyinkii ay ka laheyd kuraasta taalla magaalada Beledweyne.

Dhawaan xubno ka tirsan kooxaha ololaha ee madaxweyne Farmaajo ayaa tagay magaalada Jowhar, waxay kala hadleen Cali Guudlaawe inuu soo daayo liiska kuraasta taalla Beledweyne, balse wuxuu Cali mar kale ku xiray inuu tago Beledweyne.

Kooxda Farmaajo ayaa la sheegay inay markaas go’aansadeen in Cali Guudlaawe awood ciidan lagu geeyo magaalada Beledweyne, si uu liiska u faafiyo, iyaguna shaqo badan ay uga qabsadaan halkaas.

Yuusuf Dabageed oo ah hoggaamiye ku xigeenka maamulka Hirshabelle ayaa weli si buuxda ula shaqeenaya kooxda madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidankii ay dowladdu geysay magaalada Beledweyne ee Gorgor iyo Haramcad ayaa shalay qabtay shaqadoodii koowaad, kadib markii ay ku guuleysteen in Cali Guudlaawe laga dejiyo magaalada Beledweyne.

Ciidankaan oo xukuumadda Rooble ay soo jeedisay in laga soo celiyo magaalada Beledweyne ayaa lagu guul-dareystay dalabkaas, iyadoo taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage uu arrintaas si cad u diiday.

Kooxdii ciidanka u badnaa ee diidanaa in muddo ah in Cali Guudlaawe tago magaalada Beledweyne ayaa weli gadoodsan, waxaase jira warar sheegaya in la isku dayayo in arrintooda mar kale wada-hadal lagu xaliyo, maadaama ay ku guul-dareysteen inay Guudlaawe u diidaan Beledweyne.

Markii la eego sida ay hadda wax ku socdaan kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa ku gacan sareeysa arrinta mMagaalada Beledweyne.

Wafdi wasiirro ah oo ay shalay xukuumadda u dirtay magaalada Jowhar oo la kulmay Guudlaawe rabayna inay arrinta wada-hadal ka galaan oo ay kaalin ku yeeshaan ayaa natiijo la’aan ku laabanaya magaalada Muqdisho, maadaama uu Cali Guudlaawe heshiis la’aan uu tagay magaalada Beledweyne, iyadoo ay ammaankiisa sugayaan ciidankii ay xukuumadda qaadacday tagistooda magaalada Beledweyne.

Dabageed oo shaaciyey qorshaha uu Guudlaawe ka damacsan yahay B/Weyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha safarka Madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe uu maanta ku tegay magaalada Beledweyne.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in qorshaha Madaxweynaha uu yahay in qof kasta oo reer Hiiraan ah tabashadii uu qabo uu kala fariisto oo ka xaliyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda ka hor aysan madaxweynaha u suurta gelin inuu tago Beledweyne, balse qolo kasta oo tabasho qabta uu hadda kadib kala fariisan doono waxa ay ka tabaneyso maamulka uu hoggaamiyo.

“Qofka oo reer Hiiraan ah waan la fariisa doonaa aniga iyo madaxweynaha, waxaana diyaar u nahay inaan ka qancino tabashada ay qabaan, waxaan ka codsanayaa dadka in dowladnimada laga wada shaqeeyo,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle.

Hadalka Dabageed ayaa waafaqsan kii Cali Guudlaawe ee shalay, oo xilli uu ka hadlay munaasabad lagu soo dhaweeyay ballan-qaaday in uu xalin doono tabashada ka taagan gobolka, islamarkaana uu u cadaalad fali doono reer HirShabelle.

“Alle ayaa mahadaas iska leh, maanta haddii aan magaalada Beledweyne aan ku wada suganahay, waxaa uga mahad-celinayaa halkaan cidkasta oo gacan ka geysata inay sidan wanaaga ah u dhacdo oo anaga oo nabad ah oo wax dhibaato ah dhicin isku imaano,” ayuu yiri ugu horeyntii, isaga oo si gaar ah ugu mahad-celiyay duubaabka dhaqanka, ciidanka amniga iyo madaxda HirShabeelle.

Guudlaawe ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in tabasho kasta oo jirta iyo cid kasta oo wax tabanaysa uu la fariisan doono oo uu ka garaabi doono, xili ay muddo xiisad siyaasadeed ka taagneyd Beledweyne.

Hoos ka dhageyso wareysiga Dabageed

Israel oo dhowaan hakineysa duulimaadyada Dubai ee diyaaradaheeda + Sababta

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israel ayaa Axaddii sheegtay inay hakin karto duulimaadyada diyaaradaha Israel ay ku tagaan Dubai maalmaha soo socda, sababo la xiriira muran ku saabsan nidaamka amni, balse loo weecin karo magaalada Abu Dhabi.

Sarkaal Israeli ah ayaa sheegay in nidaamnka amni ee iminka ee saddex diyaaradood oo Israel ah oo u duala Dubai, kuwaas oo kala ah El Al , Israir iyo Arkia uu dhici doono Talaadada, taasi oo ku qasbeysa in wada-xaajoodayaasha labada dal inay isku raacaan mid cusub kahor waqtigaas.

Duulimaadyada tooska ah ee Israel iyo Imaaraatka Carabta ayaa billowday kadib markii labada dal ay yeesheen xiriir rasmi ah sanadii 2020. Boqolaal kun oo Israa’iiliyiin ayaa wixii markaas ka dambeeyey booqday Imaaraatka.

Diyaaradaha Israel ayaa waxay hoos tagaan hay’adda amniga gudaha ee Shin Bet, taasi oo sheegtay in khilaaf kala dhaxeeya dhiggeeda Imaaraatdka uu hakin karo duulimaadyada, balse ma shaacin wax uu yahay.

“Haddii la hakiyo duulimaadyada diyaaradaha Israel ee Dubai waxaa suurta-gal ah in loo weeciyo Abu Dhabi, taasi oo hadda la darsayo,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku tiri Shin Bet.

Xafiiska warbaainta Dubai kama jawaabin codsi loo diray oo la xiriiray inay arrintan ka hadlaan.

Haddii la joojiyo duulimaadyada diyaaradaha Israel ee Dubai, waxaa ka faa’iidi doona shirkadda flydubai ee Imaaraatka oo hadda sameysa duulimaad toos ah oo u dhaxeeya Dubai iyo Tel Aviv.

REUTERS + VOA

Maxay tahay lacagta cusub ee dowladda UK ay ugu deeqday SOOMAALIYA?

London (Caasimada Online) – Ergeyga UK ee kahortagga abaaraha Nick Dyer, ayaa todobaadkan booqasho ku yimid magaalada Muqdisho isaga oo si fiican u dhow u arkay malaayiin qarka u saaran iney abaarta darteed u dhinteen.

Mr Dyer ayaa ku dhawaaqay lacagta abaarta ugu talo galeen ay ku dari doonaan ilaa $8 million (£5.5 million) taas oo UK wax uga qaban doonto abaarta, lacagtan ayaa lagu kordhin doonaa Ilaa $10 million oo uu horay u sheegay in U.K wax uga qaban doonto abaarta wasiirka UK ee Vicky Ford , January 2022.

Lacagahan ay bixineyso UK ayaa waxaa wax looga qaban doonaa abaarta, qaarkood waxaa lagu bixin doonaa Kaash si loogu iibsado waxyaabaha ay dadka u baahan yihiin

Inta uu dalka joogay waxaa uu la kulmay Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo la sheegay in goobahooda ay ka jirto abaarta ugu badan, waxaa kale uu la kulmay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble.

 

Gudiga doorashada S/land oo shaaciyey jadwalka 5 kursi – Yaa ku fadhiyey?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga maamulka doorashada ee kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland) ayaa soo saaray jadwalka doorashada 5 kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, taas oo dhowaan ka dhaceyso gudaha magaalada Muqdisho.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa lagu sheegay in isla maanta la xareynayo ergada dooraneysa shantaan kursi, isla-markaana lasiinayo tababar ku saabsan doorashada.

Doorashada ayaa dhaceyso 10-ka bishan Febraayo ee sanadka 2022-ka, sida ku cad jadwalka kasoo baxay guddiga doorashada ee gobollada waqooyi.

Kuraasta doorashada la qabanayo ayaa kala ah:- HOP#240, HOP#241, HOP#263, HOP#271 & HOP#205.

Yaa ku fadhiyey kuraastaan?

HOP#240: Suri Diiriye Carab.
HOP#241: Cabdirisaaq Daahir Maxamuud.
HOP#263: Muuse Saciid Jaamac.
HOP#271: Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye.
HOP#205: Sahra Cabdulqaadir Cabdiraxmaan.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa ku socoto si dardar-leh, waxaana qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo 25-ka bishan Febraayo, si loo guda-galo doorashada madaxweynaha.

 

Somaliland oo diyaarisay qorshe oo lagu yareynayo dilalka saraakiisha ciidanka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markii u horeysay shaacisay inay diyaarisay qorshe la doonayo in lagu yareeyo dilalka inta badan ay isku geystaan ciidamada dowladda, kaasi oo muddooyinkii dambe kusoo badanayay.

Gaashanle sare Ismaaciil Aw Cali Faarax (Casayr), oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ee gobollada Bariga ayaa sheegay in qorshahaas uu dhigayo in Askariga dila Askari kale in markaaba la raaciyo oo la qisaaso.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay saxeexyo ka sugayaan Madaxweynaha iyo Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Qaranka si tallaabadaa loo qaado, islamarkaana looga hor-tago dilalka Saraakiisha iyo Ciidammada kale ee Somaliland.

“Ninka dablaha ah iyo ninka ugu sareeya nin walba waa xeer beegti Ciidanka Qaranka, markaad eegto ama xukunto ama aad dhex gasho, laakiin baryahan dambe waxaa dhacay dhacdooyin badan oo Ciidanka ka dhex dhacay, waxaad ogaataan anagu sharciga ayaanu qaabilsan nahay, waxaa dhacday wakhti wakhtiyada kamid ah ayaa nin kornayl ahi wuxuu dilay nin kornayl ahaa, shantii galabnimo ayaa la isla aasay, Geelle ayaa markaas Maxkamadda haystay, imika waxaanu wadnaa in sarkaalka sarkaalka dila, ama askariga askariga dila in aan la aasin ilaa lala aaso,” ayuu yiri.

“Arrintaas waxay imanaysa markay Xukuumadda waraaquhu gaadhaan, Madaxweynaha, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Taliyaha Ciidanka Booliska, ama dhammaan ciidamada oo dhan markay gaadho waxaa iman doonta inay saacado qaadan doonto xukunkoodu, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa ‘kal baqa ayey leedahay ee kal xishooda ma leh’, haddii uu dilku batana fashil baa imanaya.”

Sidoo kale waxa uu ku baaqay inay ciidamada iska taxadiraan, islamarkaana tababarkooda lagu daro habkii loogu wacyi-gelin lahaa dhacdooyinka soo noq-noqday oo bilihii u dambeeyay ku badnaa deegaanada Somaliland.

“Ciidamadu markay lix bilood ama shan bilood joogan in tababar la galiyo ayey u baahan yihiin, ninka Sarkaalka ah ama Askariga ah wixii xun baa laga tuuraa, wixii wanaagsan baa la faraa, marka lagu cel-celiyo waxaa iman doonta inuu qofku fahmo.”

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya toddobaad un kadib markii Askari ka tirsan ciidamada Somaliland uu toogtay Taliyihii Ciidammada Milletariga ee Saldhigga Goroyo-cawl ee gobolka Awdal.

Daawo: Beesha Ayaanle Cayr oo go’aan ka soo saartay kursiga Mahad Salaad

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka, beesha Ayaanle Cayr ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uga digay in kursiga HOP147 oo Mahad Salaad uu ku fadhiyo musharax gaar ah loo xiro, iyagoo ku goodiyey inay tallaabo qaadi doonaan hadii la isku dayo in la iska hor keeno beesha.

Odayaasha dhaqanka beeshaas oo warbaahinta kula hadlay Dhuusamareeb ayaa sheegay in ku dhawaad 10 musharax ay doonayaan in kursigaas ay u tartamaan, iyagoo ka digay gacan ka hadal ka dhasha damaca ah in HOP147 qof gaar ah loo xiro.

“Qoor Qoor waxaan u soo jeedineynaa in sida kuraastii hore uusan u xirin HOP147, dad is jecel oo wada dhashay ayuu kursigaas ka dhaxeeyaa, ha isaga kaana dirin dadka,” ayuu yiri mid ka mid odayaasha dhaqanka beesha Ayaanle Cayr.

Sidoo kale odayaashii hadlay waxay sheegeen in hadii musharaxiinta beesha look ala eexdo ay lamid tahay beesha Ayaanle Cayr oo loo kala eexday, taasna aysan ka ogolaa doonin hoggaamiyaha Galmudug.

“Laqdabo, nin jecleysi iyo wax ana tuhun nagu kala abuuri kara kursigeena uma rabno, waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha in kursigaas uu ka nabad galo, ninkii nasiib u yeesha ayaa qaada doona,” ayuu yiri oday kale.

HOP147 oo Mahad Salaad uu ku fadhiyo hadda waxaa raadinaya ku dhawaad 10 musharax, waxuuna kamid yahay kuraasta sida weyn isha loogu wada hayo, sidoo kale waxuu ka mid ahaa 8-kursi oo shalay doorashadooda la iclaamiyey.

13-ka ilaa 14-ka bishan Febraayo ayaa doorashada kuraastaas loo qorsheeyey inay ka dhacdo Dhuusamareeb, waxayna xogaha aan heleyno sheegayaan inay aad u yartahay rajada guusha kursigaas ay ka qabaan musharaxiin uu ku jiro Cali Yare Cali oo aad ugu dhow Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo.

Kursigan waa midka ugu loolanka adag ee yaalla Galmudug, Qoor Qoor iyo Mahad Salaad ayaa si weyn isugu soo dhawaaday intii uu socday dagaalkii Guriceel, markaas oo Mahad uu si buuxda u garab istaagay qorshihii Madaxweynaha Galmudug, waxaana macquul ah in Mahad taageeradiisii uu ku muteysto in kursigiisa loo xiro oo aan lagula tartamin.

Hoos ka daawo odayaasha baaqa soo saaray

CALI COSOBLE oo fasiraad cajiib ah ka bixiyey safarka Guudlaawe ee Beledweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo ka hadlay safarka uu maanta madaxweyne Cali Guudlaawe ku tagay magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in looga fadhiyo xalka xiisada taagan.

Cali Cosoble ayaa sidoo kale tegista Guudlaawe ee Beledweyne ku tilmaamay mid ka dhigan is-xaadiris, maadama uusan tagin tan iyo markii loo doortay hoggaanka sare ee maamulkaasi.

“Guudlaawe waxa uu hal sano ahaa habsan, maarkaa habsankii baa laga tiraya oo xaadir ayaa la leeyahay, waxaa ku talinaya in xaalada la qaboojiyo oo madaxweyne Guudlaawe lala fariisto, lagana wad-hadlo wixii dhib ah ee jira,” ayuu yiri.

“Doorasho ayaa lagu jiraa waa in doorashadii la qabtay oo wixii kalena loo balamo in la xaliyo, marwalbana waxaa lahaa doorashada waa in Beledweyne ka dhacdo oo waqtigeedii waa gabaabsi waa lama huraan in la dadajiyo.”

Sidoo kale waxa uu ku cel-celiyay in laga wada-shaqeeyo sidii magaalada Beledweyne oo ah deegaan doroashada labaad ee maamulka HirShabelle uga dhici laheyd kuraasta doorashada Golaha Shacabka.

“Cali Guudlaawe ayay waajib ku aheyd in doorashada uu dhaqaajiyo oo dadajiyo, waxaa ugu baaqaya dadka gadoodsan ninka idin imid waa walaalkiin wax walba oo qabtaan laqa, waa madaxweynihii HirShabelle ee ha lala fariisto si odaytinimo ah, mar hadii uu gurigaaga joogo soo dhoweyn wax aan aheyn oo ku quman majirto.

Hadalka Cali Cosoble ayaa imanaya kadib markii uu madaxweyne Cali Guudlaawe oo awood ciidan uga degay magaalada Beledweyne oo muddo loo diidana in uu ka dago, xilli aan weli xal laga gaarin tabashada taagneyd, hase yeeshe uu ballan-qaaday in uu xalkeeda gali doono.

Guudlaawe ayaa markii ka degay Beledweyne sheegay in uu diyaar u yahay in tabasho kasta oo jirta iyo cid kasta oo wax tabanaysa uu la fariisan doono oo uu ka garaabi doono, sida uu sheegay

“Aan is hor fariisano waa daawoobeyna, waxaa rabaa in aan hortiina ka cadeeyo in cid kasta oo wax tabanaysa hadey tahay mid deegaan iyo mid qabiil ay tahay waa ka garnaqi doona, aan warano oo dadkaan dowladnimo iyo wada dhalasho ayaa ka dhaxeysa.”

Waxa uu intaas kusii daray in doorashada ka dhaceysa Beledweyne oo kamid ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaas ay noqon doonto mid daah-furan oo cadaalada ah, islamarkaana laga wada qeyb qaato sugida amniga magaalada.

Xog: Shirkii Midowga Afrika iyo xiisada xubinimada Israel

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxda dalalka Afrika ee ku bahoobay ururka Midowga Afrika oo Soomaaliya ay xubin ka tahay ayaa hakiyey dood ku saabsaneyd in maamulka Yahuuda ee Israa’iil lagala noqdo aqoonsiga.

Hoggaanka ururka Midowga Afrika ayaa ka fogaaday in cod loo qaado mar kale xubinimada Israa’iil, iyadoo laga baqay in qadiyadda Israa’iil ay khilaaf ka dhex abuurto madaxda Afrika.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat, ayaa sanadkii hore aqbalay in Israel ay ku soo biirto ururka Midowga Afrika, waxayna noqotay xubinta 55-aad ee ururka.

Tallaabadaas waxaa si weyn uga soo horjeestay Falastiiniyiinta iyo dhowr dal oo kale, kuwaas oo ay ku jiraan Algeria iyo Koonfur Afrika.

Dhanka kale hoggaamiyaasha Afrika oo shir madaxeedkii 35-aad uu ugu soo gabagaboobay magaalada Addis Ababa ayaa cambaareeyey afgambiyadii dhowaan ka dhacay qaar ka mid ah dalalka qaaradda.

Xiritaankii shir madaxeedkan ayaa u qeyb-sanaha guddoomiyaha Midowga Afrika ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo ammaanka, Bankole Adeoye, wuxuu sheegay in hoggaamiye kasta oo Afrikaan ah oo ku jira golaha, uu si aan gabasho laheyn u cambaareeyey isbadal kasta oo ku yimid hab ka baxsan dastuurka iyo shuruucda dalalka qaaradda.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay shir-madexeedkaas ururka Midowga Afrika ayaa golaha ka hor jeediyey khudbad uu ku soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee nabadda iyo amniga Qaaradda Afrika, isagoo sheegay in Soomaliya ay ka go’an tahay la wareegidda masuuliyadda Amnigeeda Qaran.

Ciidanka Qaranka ayuu sheegay in si buuxda ay ugu diyaar garoobeen fulinta heshiiskii Bishii Koowaad ee sanadkan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika, kaas oo dhiirri-gelinaya dadaalka ay dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso dib u dhiska Ciidamo tayo iyo tiroba leh oo AMISOM kala wareega ammaanka dalka.

“Argagixisada Alshabaab waxa ay cadow ku tahay xasilloonida Qaaradda Afrika. Qorsheyaasha Golaha Nabadda iyo Ammaanku waa in ay noqdaan kuwo midaynaya dhammaan dadaallada iyo cududda aan kaga hortegayno dhibaatada argagixisada,” ayuu yirikhudbadiisii ku yiri Farmaajo.

Fanaanadda Xaliimo Gobaad oo go’aan lama filaan ah ku dhowaaqday maanta

0

Stockholm (Caasimada Online) – Fanaanadii caanka aheyd ee Soomaaliyeed Xaliimo Maxamed Axmed (Xaliimo Gobaad) ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay iskaga baxday guud ahaanba arrimaha fanka, oo ay muddo kusoo jirtay.

Xaliimo Gobaad ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook waxay ku sheegtay inay iska joojisay fanka, una jiheysatay dhanka kheyrka, islamarkaana ay muhiim u tahay raali ahaanshaha Ilaahay, sida ay sheegtay.

“Bismilah: Aniga oo ah Xaliima Gobaad markaan arkay adduunkaan in uu yahay maalmo, markaan xasuustay xadiiskii Nebiga Caleyhi-salaatu-wa-salam ee ahaa ‘Haddii aad galabeysataan ha sugina in uu waaga idiin baryaayo haddii subaxeysataana ha sugina in aad galab gaareysaan, waxaan go’aansaday in aan iska joojiyo fanka,” ayey ku tiri qoraalkeeda.

Waxay intaas kusii dartay “Taagerayaasheyda sharafta badan waxaan idiinka rajeynayaa in aad qeyrka igu taageertaan Allah oo raali iga noqda ayaa muhiim ii ah. Wabillaah Towfiiq.”

Xaliimo Gobaad oo kamid ahayd fanaaniinta aad loo xiiseeyo fankeeda, islamarkaana qaaday heeso badan oo Soomaali ah, ayaa ka bixitaankeeda fanka uu qeyb ka noqonaya fanaaniin dhowr ah oo muddooyinkii dambe ilaaheey dartiis uga baxayay fanka.

Qoraalka Xaliimo Gobaad ee ay ku shaacinayso inay gebi ahaanba ka baxday fankii ayaa kusoo beegmaya xili uu meherkeedu ka dhacay magaalada Stockholm ee dalka Sweden, ayna is-guursadeen Axmed Cabdullaahi Samow.

FARMAAJO oo ku adkeystay mowqifkii DF Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay shir-madexeedka Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ayaa ku adkeystay mowqifka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah inay AMISOM kala wareegto mas’uuliyadda amnigeeda qaran.

Farmaajo ayaa intaas ku daray “in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen fulinta” heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanku gaareen bishii koowaad ee sannadkan, kaas oo jeexayey dhabbaha la wareegidda amniga oo ku qotoma hagitaannada iyo jihaynta kasoo fula dowladda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay sannadihii la soo dhaafay ku tallaabsatay horumar ballaaran oo dhanka amniga, dib-u-dhiska ciidanka iyo wiiqidda awoodda argagixisada Al-Shabaab, waxa ayna taasi keentay in Soomaaliya ay hadda soo gaartay xilligii ay si buuxda u la wareegi lahayd masuuliyadda amnigeeda qaran,” ayuu yiri Farmaajo.

Dawladda Soomaaliya ayaa bishii December 2021 mar kale ku celisay inay kasoo horjeeddo in hawlgalka AMISOM loo bedelo mid nabad ilaalin oo ay wadajir uga hawlgalaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

War-saxaafeed ay xilligaas daabacday Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, balse kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay si xooggan u diiddan tahay qorshe uu ku taliyey hawlgalka wadajirka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Qorshahaas waxaa markiisii hore soo jeediyey guddi qiimayn ah oo Midowga Afrika usoo diray Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay horey u diidday qorshahaas bishii July ee sannadkan.

Laba toddobaad kahor, Guddi farsamo oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Samantar, ayaa heshiis la galay Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika (AU PSC).

Heshiiskaas ayaa ku saabsanaa dib u habeynta iyo qaabka hirgelinta qorshaha looga guurayo AMISOM amniga dalka, isla markaana ula wareegi lahaayeen ciidanka xoogga dalka iyo hay’adaha kale ee amni, balse lagama bixin faah-faahin badan.

Guudlaawe oo ballan-qaad culus ka sameeyay B/Weyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta markii ugu horeysay ka degay magaalada Beledweyne, tan iyo markii loo doortay hoggaanka sare ee maamulkaasi.

Cali Guudlaawe oo ka hadlay munaasabad lagu soo dhaweeyay ayaa ballan-qaaday in uu xalin doono tabashada ka taagan gobolka, islamarkaana uu u cadaalad fali doono reer HirShabelle.

“Alle ayaa mahadaas iska leh, maanta haddii aan magaalada Beledweyne aan ku wada suganahay, waxaa uga mahad-celinayaa halkaan cidkasta oo gacan ka geysata inay sidan wanaaga ah u dhacdo oo anaga oo nabad ah oo wax dhibaato ah dhicin isku imaano,” ayuu yiri ugu horeyntii, isaga oo si gaar ah ugu mahad-celiyay duubaabka dhaqanka, ciidanka amniga iyo madaxda Hirshabelle.

Guudlaawe ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in tabasho kasta oo jirta iyo cid kasta oo wax tabanaysa uu la fariisan doono oo uu ka garaabi doono, xili ay muddo xiisad siyaasadeed ka taagneyd Beledweyne.

“Aan is hor fariisano waa daawoobeyna, waxaa rabaa in aan hortiina ka cadeeyo in cid kasta oo wax tabanaysa hadey tahay mid deegaan iyo mid qabiil ay tahay waa ka garnaqi doona, aan warano oo dadkaan dowladnimo iyo wada dhalasho ayaa ka dhaxeysa.”

Waxa uu intaas kusii daray in doorashada ka dhaceysa Beledweyne oo kamid ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaas ay noqon doonto mid daah-furan oo cadaalada ah, islamarkaana laga wada qeyb qaato sugida amniga magaalada.

“Masuuliyadda waa meerto qofba mar ayuu qaban, waxaana muhiim ah in qofka markaasi haya uu dadka isku haayo islamarkaana fursad la siiyo.”

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay inay midooban reer HirShabelle, oo waxa dhexdooda ah lagu xaliyo is-faham iyo wada-hadal, ayada oo dhinac loo wada jeesanayo, lagana shaqeeyo horumarka maamulka.

Ammaanka Beledweyne ayaa aad loo adkeeyey, waxaana inta badan la xiray wadooyinka magaalada, si looga hortego rabshado ka dhaca magaaladaas oo qaybo ka mid ah ay ku sugan yihiin ciidamo gadoodsan oo la magac baxay Kacdoonka gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kulamo wada-tashiya ah ka bilaabi doono Beledweyne, kuwaas oo xal loogu raadinayo tabashada reer Hiiraan, ayada oo weli Jeneraal Xuud oo ku sugan Muqdisho iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Nuur Dheere ay ka soo horjeesteen imaanshihiisa.

Madaafiic lagu weeraray GAROONKA diyaaradaha magaalada Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in goordhow ciidamada la magac baxay Kacdoonka Hiiraan ay madaafiic xoogan ku garaaceen garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaaladaas, xilli uu magaalada gaaraya madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Madaafiicda oo qaarkood ku hoobatay garoonka iyo nawaaxigiisa ayaa waxaa xigtay hoobiyeyaal kale oo ay ku jawaabeen ciidamada Jabuuti ee ku sugan garoonkaasi.

Sidoo kale waxaa is rasaaseyn kooban ay ka dhacay magaalada, taas oo u dhexeysay ciidamada dowladda iyo kuwa kasoo horjeeda safarka Cali Guudlaawe.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyo weerarka madaafiicda ee lala beegsaday garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Ciidamada dowladda ayaa gacanta ku haya magaalada, iyaga oo xiray inta badan waddooyinka, halka duleedka ay ku sugan yihiin ciidamada gadoodsan.

Dhaq-dhaqaaqyadan cusub ayaa waxa ay saameyn ku yeesheen guud ahaan magaalada, sida ganacsiga, isku socdka dadka iyo gaadiidka oo hakad-galay.

Si kastaba, booqashada Cali Guudlaawe ee Beledweyne ayaa ku soo aadeysa, xilli haatan Muqdisho uu ku sugan yahay Xuud oo si weyn uga soo horjeeda HirShabelle, isaga oo sheegay in hadda la sameynayo dadaalada lagu dib mareeynayo.