24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 26, 2026

DF oo war kasoo saartay wada-hadallada mucaaradka, shaacisay wixii la isku raacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay wada-hadallada magaalada Muqdisho uga bilowday dowladda iyo mucaaradka, kaas oo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka uu socday saacado badan, isla markaana diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo qodobbada ay ku kala aragti duwan yihiin dowladda iyo mucaaradka.

Sida lagu sheegay bayaanka, labada dhinac waxay isku afgarteen in la sii wado wada-hadallada loo dhan yahay, iyadoo ujeeddadu tahay in xal looga gaaro arrimaha taagan, laguna xoojiyo xasilloonida siyaasadeed, amniga iyo horumarka dalka.

“Kulanka wuxuu kusoo dhammaaday jawi isfaham, waxaana lagu ballamay in ay sii socdaan shirarka, iyadoo la raadinayo xasilloonida siyaasadeed iyo tan amni,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladdu waxay sidoo kale uga mahadcelisay dowladda Turkiga doorka ay ka qaadatay fududeynta wada-hadallada, iyadoo ku ammaantay dadaallada Ankara ee lagu dhiirrigelinayo isu soo dhowaanshaha dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Wada-hadalladan ayaa imanaya xilli mucaaradku uu dhowaan soo bandhigay hindise ku saabsan nooc doorasho oo uu aaminsan yahay in dalka laga qaban karo, halka Dowladda Federaalka ay weli ku adkeysaneyso hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, iyadoo ku tilmaantay inay tahay hannaan awoodda dib ugu celinaya shacabk.

Kulamadan ayaa kusoo beegmaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, kaas oo horey u sababay xiisado amni iyo iska horimaadyo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dowladda Turkiga iyo qaar ka mid ah saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa wada dadaallo lagu doonayo in labada dhinac ay ku gaaraan heshiis siyaasadeed oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo qodobbada kale ee la isku hayo.

Laba horjooge oo maanta Al-Shabaab laga dilay – Sidee u dhacay howlgalka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Jubbaland ayaa waaberigii maanta howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Baqdaad ee hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galka ayaa lagu beegsaday fariisimo iyo goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay inay halkaas ka abaabulayeen falal amni-darro ah.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, howl-galka ayaa lagu dilay laba horjooge iyo 14 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo lagu tilmaamay inay ka qeyb qaadan jireen weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ay nolol ku qabteen laba horjooge oo kale oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo la filayo in laga helo xog la xiriirta dhaqdhaqaaqyada kooxda.

Intii uu howl-galka socday, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub, rasaas iyo qalab ciidan oo ay kooxdu u adeegsan jirtay weerarrada iyo falalka amni-darrada ah ee ay ka fuliso gobolka.

Dowladdu waxay sheegtay in howl-galka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, iyadoo ciidamada ay sii xoojinayaan howlgallada ka socda deegaannada ay weli ku sugan yihiin xubnaha kooxda.

Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, si loo xoreeyo deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan, loona xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

Farmaajo oo shaaciyay is-faham hordhac ah oo lagu gaaray shirkii DF iyo Nabad & Nolol

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaciyay in is-faham hordhac ah lagu gaaray wada-hadallo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda uu hoggaamiyo ee Nabad iyo Nolol.

Wada-hadalladan oo garwadeen ka tahay beesha caalamka ayaa la doonaya in xal looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, taas oo mareysa meel xasaasi ah.

Farmaajo oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in dhinacyadu ay ku heshiiyeen in la sii wado hannaanka wada-hadalka loo dhan yahay, iyadoo la hiigsanayo xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed, amni iyo horumar baraare leh.

“Kulanka oo ku qabsoomay jawi deggan, waxa uu suurtageliyey in dhammaan dhinacyadu ay yeeshaan aragti isweydaarsi furan, hufan, isla markaana wax-ku-ool ah,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa uu intaas kusii daray: “Dhinacyadu waxa ay Jamhuuriyadda Turkiga uga mahad celiyeen dowrka hagar la’aanta ah ee ay ka qaadatay fududeynta inta ay wadahadalladu socdaan.”

Wada-hadalladan ayaa waxaa Farmaajo ku metalayay guddi farsamo oo ka kooban illaa 7 xubnood, kuwaas oo u wakiishay inay uga qeyb-galaan wada-xaajoodkan xasaasiga ah.

Si kastaba, wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka ayaa shalay si gaar gaar ah ku bilowday, iyadoo diiradda lagu saarayo sidii xal waara looga gaari lahaa muranka siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

Villa Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneysa doorashooyin qof iyo cod ah, halka mucaaradka ay iyana doonaya nooc doorasho oo cusub oo ay sheegeen inay ku bandhigi doonaan wada-hadallada hadda bilowday, si looga heshiiyo.

Guddiga doorashooyinka qaranka oo qeyb ka noqday doodda shuruucda ee ka socota…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariim Axmed Xasan ayaa magaalada Sharma El-Sheikh ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar kaga qayb-galay Madasha 10-aad ee Guddiyada Doorashooyinka Afrika oo ay isugu yimaadeen madaxda hay’adaha doorashooyinka ee dalalka qaaradda.

Madasha ayaa sanadkan diiradda lagu saaray sidii muwaadiniinta Afrikaanka ah ee ku nool dalalka dibadda loogu suurtagelin lahaa inay si buuxda uga qayb qaataan doorashooyinka dalalkooda, iyada oo la xoojinayo ka-qaybgalka qurbo-joogta ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

Intii uu socday shirka, madaxda guddiyada doorashooyinka ayaa ka dooday diyaarinta shuruucda lagama maarmaanka u ah hirgelinta codbixinta qurbo-joogta, iyo sidoo kale hababka farsamo ee u sahlaya inay codadkooda ka dhiibtaan safaaradaha iyo qunsuliyadaha dalalkooda ee ku yaalla waddamada ay deggan yihiin.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee leh qurbo-joogta ugu badan ee ku nool daafaha caalamka, taasoo ka dhigaysa arrinta ka-qaybgalka qurbo-joogta ee doorashooyinka mid muhiim u ah qorsheyaasha lagu horumarinayo nidaamka doorashooyinka dalka.

Ka-qaybgalka Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee madashan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay dadaallada lagu dhisayo hannaan hufan oo u oggolaanaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku nool inay mustaqbalka ka qayb qaataan doorashooyinka dalka.

Mudadii uu ku sugnaa Sharma El-Sheikh, Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sidoo kale ka qayb galay shirka guddoomiyeyaasha guddiyada doorashooyinka Afrika, halkaas oo lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan doorashooyinkii ugu dambeeyay ee ka qabsoomay dalal kala duwan oo Afrikaan ah, iyo caqabadaha iyo guulaha laga gaaray maamuliddooda.

Guddoomiyaha ayaa madasha ka jeediyay warbixin uu ku faahfaahiyay horumarka doorashooyinka Soomaaliya, isagoo si gaar ah uga hadlay doorashooyinkii goleyaasha deegaanka iyo golaha wakiillada ee ka qabsoomay gobolka Banaadir iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, iyo tallaabooyinka ay Soomaaliya qaaday si loo xoojiyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay.

War cusub oo kasoo kordhay doorashada maamulka Galmudug

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday ololaha doorashada ee maamulkaasi, kadib markii heshiis buuxa laga gaaray xiisaddii u dhexeysay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo kooxda Villa Soomaaliya.

Caasimada Dhuusamareeb oo dhawaan martigelin doonto wafuud kala duwan waxaa maanta gaaray xubno ka socda Xisbiga JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas ololahooda ka bilaabaya deegaannada Galmudug.

Wafdigan oo ka baxay Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminayo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), Xuseen Maxamed Nuur (Dhagaweyne), kaas oo sheegay in ujeedkooda uu yahay inay olole sameeyaan, ayna xafiisyo ka furtaan maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in safarkooda ay ku gaari doonaan dhammaan deegaannada la qorsheeyay inay ka dhacaan doorashooyin qof iyo codka ah ee laga qabanayo gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug.

“Waxaan nahay mas’uuliyiintii ugu sarreysay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ujeedada aan Dhuusamareeb usoo gaarnay waa in uu bilowday ololihii iyo daah-furka xafiisyada xisbiga ee Galmudug, waxaa noo qorsheysan inaa gaarno dhammaan 11-ka degmo iyo deegaannada kale ee loo asteeyay inay ka dhacdo doorashada qof iyo codka,” ayuu yiri Xuseen Maxamed Nuur.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka JSP, Mudane Xuseen Maxamed Nuur (Dhagaweyne) ayaa sidoo kale sheegay in ay shacabka usoo bandhigi doonaan qorshahooda, wuxuuna ka codsaday inay codka siiyaan xisbigooda.

“Waxaan rajeynaynaa inaan wada guuleysano oo shacabka Galmudug ay dhammaantood u codeyn doonaan Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka, dalku wuxuu u jeesytay doorasho qof iyo cod ah,” ayuu mar kale yiri Xuseen.

Galmudug ayaa qaadeysa dhabihii ay martay Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dhawaan laga qabtay doorashooyin isku sidkan, oo dhaliyay isbeddal ka dhacay maamulkaasi, maadaama lagu soo doortay hoggaan cusub.

Si kastaba, JSP ayaa musharraxeeda Galmudug u xulatay Liibaan Axmed Xasan (Shuluq) oo maalmihii dambe waday dhaqdhaqaaq iyo olole xooggan, isaga oo sidoo kale la fariistay Madaxweyne Qoor Qoor oo yimid Muqdisho.

Cabdiraxmaan Faroole: Dowlad sharci ah kama jirto Xamar

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland, haatana ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa weerar afka ah ku qaaday Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Faroole ayaa shaaca ka qaaday in xilligan dowlad sharci ah ka jirin Muqdisho, isla markaana dastuurkii dalka iyo shuruucdii kaleba lagu tuntay.

Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay dowladda Xasan Sheekh inay burburin ku hayso nidaamka federaalka balse Puntland ay ka nabad qabto, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowlad sharci ah kama jirto Xamar, maamulladii kalena waa la juujuubay. Puntland ee meesha ka nabad qabta dalka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka Puntland oo uu ugu baaqay inay maamulkooda la shaqeeyaan, si loo adkeeyo nabadda deegaanka.

“Waxaan u sheegaynaa shacabka reer Puntland meeshan nabad baa lagu deggan yahay. Nabad baan ka rabnaa ciddii xumaan soo waddana iyada Alle haku celiyo,” ayuu mar kale yiri Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland.

Hadalkan ayuu Cabdiraxmaan Faroole ka sheegay kulan ay yeesheen waxgaradka gobolka Nugaal, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed, mid amni, iyo sidii loo adkeyn lahaa midnimada Puntland.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Dowladda Federaalka ay dhaq-dhaqaaqyo ka waddo meelo kamid ah Puntland, taas oo keentay in ay sii laba kacleyso xiisadda u dhexeysa xukuumadda Saciid Deni iyo Villa Somalia.

Shariif oo shaaciyay dhinacyo kale oo mucaaradka ku gacan siiyay dagaalkii MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka weli kala dhexeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo wax laga waydiiyay dagaalkii dhawaan ka dhacay Muqdisho ayaa bixiyay xog cusub, isaga oo shaaciyay in dhinacyo kale ay ku gacan siiyeen dagaalka ay la galeen ciidamada dowladda oo si gaar ah uga dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Shariifka ayaa sheegay in iyagu wateen kaliya ilaaladooda, balse ay dagaalka ay kusoo biireen rag kale oo ay qaraabo iyo saaxibo yihiin, ayna ka caawiyeen in ciidamada dowladda ay iska caabiyaan, maadaama uu qarxay dagaal toos ah.

“Ciidanka horta annaga nala socday waa ilaaladeynii ciidan kale oo meesha joogay ma jirin dad deggan meesha oo qaraabanimo ama saaxibnimo ay nagala dhexeyso oo u arkaayay in nala dulminaayo oo iyagana qayb ka qaatay dagaalka way jireen, laakiin annaga meesha waxaan la tagnay waxay ahaayeen ilaaladeen oo weliba qaar halkaan uga tegnay,” ayuu yiri Shariif.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ay ku baxsadeen difaacyo ay lahaayeen guryaha ay daganaayeen, kuwaas oo uu tilmaamay in markii horeba loo sameeyay in lagu baxsado haddii uu culays yimaada, sida uu hadalka u dhigay.

“Guryaha aan annaga dageynay dabcan magaalada maadaama uu culays badan ka jiro waxaa loo sameeyay meelo gabaad ah oo haddii culays yimaado looga gamba karo ee wax la sameeyay xilliga uu dagaalka socday ma jirin,” ayuu raaciyay.

Dhanka kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo wax laga waydiiyay halka uu ku dambeeyay dibadbixii mucaaradka ayaa sheegay in aysan weli ka tanaasulin, isla markaana uu yahay xaq dastuuri ah, ayna qaban doonaan.

“Banaanbaxa weli kama tanaasulin xuquuq dastuuri ah waayay qof walba xaq ayuu u leeyahay inuu ra’yigiisa cabbiro oo si nabad ah bannaanka ugu soo baxo,” ayuu mar kale yiri wareysiga ku yiri madaxweynihii hore ee dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda Villa Somalia iyo mucaaradka, waxaase haatan bilowday wada-hadallo u dhexeeya labada dhinac oo ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka, si xal loo gaaro.

 

Puntland oo sharuud ku xirtay inuu Garowe yimaado Jeneral Jimcaale oo wacad ku maray…

0

Garowe (Caasimada Online) – Waan-waan ay wadeen guddi ka socday gobolka Nugaal iyo taliyaha guutada 54-aad ee dowladda Soomaaliya u soo magacowday Puntland ayaa ku dhammaatay natiijo la’aan, kadib markii guddigaasi uu magaalada Laascaanood kula kulmay Jen. Jimcaale Jaamac Takar.

Caasimada Online ayaa ogaatay in kulamo ka dhacay magaalada Laascaanood, oo dhex maray guddi ka socday gobolka Nugaal, gaar ahaan magaalada Garoowe, iyo Jen. Jimcaale, looga wada hadlay sidii loo dejin lahaa xiisadda ka taagan Garoowe.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay diidmada maamulka Saciid Deni ee ku aaddan in Jen. Jimcaale uu gudaha u galo magaalada Garoowe, xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay u soo magacowday inuu hoggaamiyo ciidamada qaybta 54-aad ee ku sugan deegaannada Puntland.

Jen. Jimcaale ayaa Laascaanood u yimid inuu uga sii gudbo xerooyinka ciidamada dowladda federaalka ka mid noqday ee ku sugan gobollada Nugaal iyo Mudug, balse maamulka Puntland ayaa ka hor yimid safarkiisa.

Maamulka Saciid Deni ayaa shuruud ku xiray gelitaanka Jen. Jimcaale ee Garoowe, isagoo ku adkeysanaya in haddii uu doonayo inuu magaalada soo galo uu marka hore iska casilo xilka dowladda federaalka u magacowday, ama uu warbaahinta ka caddeeyo inaysan jirin magacaabistaas.

Ergo iyo guddi dhexdhexaadin ah oo dalab ka siday xukuumadda Deni ayaa la kulmay Jen. Jimcaale, balse wada-hadalladaasi ayaa fashilmay. Jeneraalku wuxuu sheegay inuusan ka tanaasuleyn mas’uuliyadda ay dowladda federaalka Soomaaliya u igmatay.

Ergadii ka socotay Garoowe ayaa dib ugu laabatay magaalada, iyadoo aan wax natiijo ah oo la isku qanci karo ka soo qaadin Jen. Jimcaale, kaas oo ku adkeysanaya inuu tegi doono Garoowe, islamarkaana aysan jirin cid ka hor istaagi karta.

Xiriir ay Caasimada Online la sameysay xafiiska warfaafinta Puntland ayaa lagu sheegay in Jen. Jimcaale uusan soo geli karin magaalada Garoowe iyo guud ahaan deegaannada Puntland, isagoo wata magacaabista ciidan ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Ismari-waagan ayaa abuuray cabsi iyo xiisad hor leh, waxaana magaalada Garoowe laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan. Sidoo kale waxaa si weyn loo adkeeyay baraha kontorool ee laga soo galo magaalada.

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Talaadadii magaalada Garoowe kula kulmay maamullada degmooyinka, isagoo kala hadlay arrimaha amniga iyo dardargelinta howlaha horyaalla maamulka.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maamulka Puntland uu dhawaan ku dhawaaqay in qof xil ka haya dowladda federaalka Soomaaliya uusan soo geli karin xuduudaha iyo garoomada Puntland. Maamulka ayaa sidoo kale xaddiday dhaqdhaqaaqyada ciidamada ku hubeysan gaadiidka dagaalka.

Xiisadda Jen. Jimcaale ayaa hadda u muuqata inay sii ballaarineyso khilaafka siyaasadeed iyo midka amni ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, kaas oo muddooyinkii dambe si weyn uga muuqday arrimaha maamulka, ciidamada iyo awoodda dowladda dhexe ee gudaha Puntland.

Trump oo ku dhawaaqay inay dhamaatay xabad-joojintii Iran kadib markii…

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa goor la hadlay weriyaasha, isagoo kulan la yeeshay xoghayaha guud ee NATO, wuxuuna ku dhawaaqay inay dhammaatay xabbad-joojintii iyo heshiiskii is afgaradka ahaa ee Mareykanka uu kula jiray Iiraan, kadib duqeymo culus oo labada dhinac is-waydaarsadeen.

Markii wax laga weydiiyay xabbad-joojinta u dhexeysa Mareykanka iyo Iran, Donald Trump wuxuu yiri: “Waxaan u maleynayaa inay dhammaatay.”

Wuxuu wariyeyaasha u sheegay shirkii NATO: “Ma doonayo inaan mar dambe la macaamilo iyaga, waa dad aan wanaagsanayn.”

Wuxuu intaas ku daray: “Aniga aragtidayda, way dhammaatay. Waa waqti lumis in lala macaamilo iyaga, waa beenaalayaal.”

Trump wuxuu sheegay in wadaxaajoodyada labada dhinac ay “wada hadli karaan”, laakiin ay “waqtigooda iska luminayaan.”

“Runahaanti, ma doonayo inaan waqtigayga ku lumiyo iyaga,” ayuu intaa ku daray.

Dhankeeda Iiran ayaa waxyar ka hor ku dhawaaqday inay ballaarinayso weerarrada ka dhanka ah saldhigyada Mareykanka ee ku yaal Bariga Dhexe , iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay ciidanka Ilaalada Kacaanka lagu sheegay Mareykanka inuu mas’uul ka noqon doona cawaaqibka ka dhasha xadgudubyada uu si joogto ah oo cad ugu sameeyay xabbad-joojinta, kadib markii Mareykanka uu duqeymo saacadihii u dambeeyay ka fuliyay gudaha Iiran,sida ay werisay Al Jazeera.

Dhinaca kale Diyaarad sidday Madaxweynaha Iiraan Pezeshkian ayaa si degdeg ah uga duushay Najaf, Iraq, kuna laabatay Iiraan, xilli Mareykanku duqeymo culus ka wado dalkaasi.

Waa duqeymihii ugu ballaarnaa labada dhinac isku qaadaan tan iyo markii a gaara heshiiska xabad joojinta oo hadda soo dhammaaday.

Maxaa laga filan karaa wada-hadallada u bilowday DF iyo mucaaradka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa mar kale ka bilowday wada-hadallo xasaasi ah oo u dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kuwaas oo ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka.

Wada-hadallada oo shalay si gaar gaar ah ku bilowday ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii xal waara looga gaari lahaa muranka siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

Villa Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneysa doorashooyin qof iyo cod ah, halka mucaaradka ay iyana soo bandhigeen nooc doorasho oo cusub oo ay sheegeen inay ku faah-faahin doonan wada-hadallada hadda bilowday, si looga heshiiyo.

Haddaba maxaa laga filan karaa wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo mucaaradka?

Mukhtaar Maxamed Cali oo ah falanqeeye arrimo siyaasadeed ayaa sheegay in laba mid ay noqon doonto in wada-hadalku guuleysto ama in lagu kala kaco oo ay iska tegto Beesha Caalamka oo hadda qaadaneysa door dhex-dhexaadnimo ah.

“Laba arrin ayaan is leeyahay waa kasoo bixi karaan in la’is afgarto oo wax la’isku raaco waa kasoo bixi kartaa iyo in lagu kala kaco oo Beesha Caalamkana iska tegto, Soomaalidana la yiraahdo waa isku madax banaan tihiin,” ayuu yiri Mukhaar oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, wuxuu farriin u diray labada dhinac oo uu ugu baaqay inay tanaasul sameeyaan, ayna isugu yimaadaan meel dhexe, maadaama uu dalka ku jiro marxalad xasaasi ah.

“Waxaan filayaa in la heshiiyo oo meel dhexe la’isugu yimaado tartiib loo wada fariisto, haddii taasi dhici waysana waxaan leeyahay Ummadda Soomaaliyeed buur Allaha u bixiyo,” ayuu mar kale yiri Mukhtaar Maxamed Cali.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa natiijada kasoo baxday wada-hadallada socda ee ay hormuudka u tahay Beesha Caalamka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xilli xasaasi ah oo kala guur ah, waxaana sidoo kale taagan xaalado bani’aadanimo oo uu abaahan in si deg-deg ah looga jawaabo.

Trump oo Erdogan ku war-geliyey go’aan farxad leh

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington ay cunaqabateynta ka qaadi doonto Turkiga, taasoo lagu soo rogay Ankara kadib markii ay sanadkii 2019 iibsatay nidaamka difaaca cirka ee Ruushka laga sameeyo ee S-400.

Trump, oo Talaadadii booqasho ku tagay Ankara oo uu ka qeyb galayay shir madaxeedka NATO, ayaa sidoo kale muujiyay inuu diyaar u yahay in Turkiga mar kale loo oggolaado iibsashada diyaaradaha dagaalka ee F-35, inkastoo arrintaas ay si weyn uga hor imaan karaan xubno ka tirsan Congress-ka Mareykanka.

“Cunaqabateynta waan ka qaadeynaa,” ayuu Trump u sheegay wariyayaasha ka hor kulan uu la yeeshay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. “Waa waqtigii la qaadi lahaa. Ma dooneyno inaan cunaqabateyn saarno saaxiibbadeen,” ayuu raaciyay.

Hadalka Trump ayaa muujinaya isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka Washington iyo Ankara, oo muddo sanado ah uu culays ku hayay muranka ka dhashay S-400 iyo ka saaristii Turkiga ee barnaamijka diyaaradaha F-35.

Turkiga ayaa markii hore qeyb ka ahaa dalalka ka qeyb qaadanayay barnaamijka F-35, balse Mareykanka ayaa Ankara ka saaray kadib markii ay diiday inay ka laabato iibsashada nidaamka S-400. Washington waxay ku dooday in nidaamka Ruushka uu khatar amni ku yahay sirta iyo teknoolajiyadda diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka.

Sannadkii 2020, Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay hay’adda difaaca ee Turkiga, tallaabo ka dhalatay sharciga CAATSA ee Mareykanka, kaasoo lagu ciqaabo dalalka heshiisyo waaweyn oo militari la gala Ruushka.

Balse Trump ayaa Talaadadii sheegay inuusan wax walaac ah ka qabin in Turkiga uu weli haysto nidaamka S-400. “Wax walaac ah kama qabo wax kasta oo Turkiga la xiriira,” ayuu yiri. “Xiriirka Turkiga aan la leenahay hadda waxaa laga yaabaa inuu yahay kii ugu wanaagsanaa abid.”

Trump ayaa sidoo kale ammaan xooggan u jeediyay Erdogan, isagoo sheegay in labadoodu ay leeyihiin “isfaham” wanaagsan. Wuxuu intaas ku daray in Turkiga uu marar badan muujiyay daacadnimo ka badan dalal kale oo Washington ay u aragto xulafo dhow.

“Turkiga, dhinacyo badan, wuxuu ahaa mid aad uga daacad badan dalal kale oo aan u maleyneyno inay daacad yihiin,” ayuu yiri Trump, isagoo ka hadlayay suurta-galnimada in Ankara loo iibiyo F-35. “Waa diyaarad aad u weyn, waa tan ugu fiican hadda, waana arrin aan si dhab ah uga fiirsan doonno.”

Erdogan ayaa isna sheegay inuu rajeynayo in wada-hadallada ku saabsan F-35 ay natiijo wanaagsan ka soo baxdo. Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Ankara hore loogu ballanqaaday shan diyaaradood, isagoo intaas ku daray inuu rumeysan yahay in Trump uu ballanqaadyadiisa oofiyo.

Si kastaba, jidka loo marayo iibinta F-35 weli ma sahlana. Congress-ka Mareykanka ayaa sanadkii 2019 ansixiyay sharci mamnuucaya in Turkiga laga iibiyo diyaaradaha F-35 inta uu haysto nidaamka S-400. Sharciga hadda jira wuxuu Ankara ka hor istaagayaa inay ku laabato barnaamijka F-35 haddii aysan ka tanaasulin ama ka bixin nidaamka Ruushka.

Toddobaadkii hore, koox sharci-dajiyayaal Mareykan ah oo ka kooban labada xisbi, kana kala socda Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga, ayaa warqad u qoray Trump, iyagoo ka digay in Turkiga loo oggolaado F-35. Xubnahaas, oo ay hoggaaminayeen Mike Lawler oo Jamhuuri ah iyo Brad Sherman oo Dimoqraadi ah, ayaa sheegay inay “walaac qoto dheer” ka qabaan tallaabo kasta oo arrintaas lagu fasaxayo.

Qaar ka mid ah xubnaha Congress-ka ayaa ku doodaya in nidaamka S-400 uu weli halis ku yahay diyaaradaha F-35, halka kuwo kale ay walaac ka muujiyeen xiriirka Turkiga la leeyahay Iran iyo hadallada adag ee Ankara ay u jeediso Israel.

Warar ay Reuters soo xigatay ayaa sheegay in mid ka mid ah xalalka la isla dhex marayo uu yahay in nidaamka S-400 loo raro dal saddexaad, si Turkiga loogu furo waddada F-35. Hase yeeshee, weli heshiis rasmi ah lagama gaarin arrintaas, waxaana sidoo kale la ogeyn in Ruushka uu aqbali doono tallaabo noocaas ah, maadaama heshiisyada hubka Ruushka ay inta badan leeyihiin shuruudo ku saabsan cidda adeegsan karta.

Booqashada Trump ee Turkiga ayaa ahayd tii ugu horreysay ee madaxweyne Mareykan ah ku tago dalkaas muddo 11 sano ah. Erdogan ayaa Trump ku qaabilay xaflad heer qaran ah, iyadoo ciidamo Turki ah oo fardo saaran ay galbiyeen kolonyada madaxweynaha Mareykanka ilaa qasriga madaxtooyada.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa ku soo aaday xilli xulafada NATO ay si isa soo taraysa u arkaan Turkiga inuu yahay dal muhiim u ah difaaca garabka koonfur-bari ee isbaheysiga, gaar ahaan marka la eego saameynta Ruushka iyo awoodda militari ee Ankara. Turkiga ayaa leh militariga labaad ee ugu weyn NATO, waxaana uu sidoo kale noqday dal si weyn loo tixgeliyo marka laga hadlayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalka.

Wadatashigu waa furaha xalka siyaasadeed ee Soomaaliya

Soomaaliya waxay mar kale taagan tahay marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah. Wadatashiyada u socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ma aha oo keliya kulan siyaasadeed; waa fursad taariikhi ah oo lagu dhisi karo is-afgarad qaran, lagu xoojin karo dowladnimada, laguna xaqiijin karo doorashooyin lagu wada kalsoon yahay.

Waxaa muhiim ah in dhammaan dhinacyadu fahmaan in guusha wadatashigu aysan ku xirnayn cidda ka adkaata dhinaca kale, balse ay ku jirto in la gaaro heshiis waara oo ku dhisan dastuurka, sharciga, wadajirka ummadda iyo danta guud ee qaranka.

Dowladnimada casriga ahi waxay ku dhisan tahay wada-hadal, is-qancin iyo isu-tanaasul. Khilaafka siyaasadeed waa arrin dabiici ah oo ka jirta dal kasta oo dimuqraadi ah, balse waxa lagu kala duwan yahay waa habka loo maareeyo. Qaran xooggan laguma dhiso guul siyaasadeed oo hal dhinac gaaro, balse waxaa lagu dhisaa heshiisyo ay dhammaan dhinacyadu u arkaan kuwo caddaalad ah oo sharciyeysan.

Tiirka koowaad ee lagu gaari karo guul waa in dastuurka iyo ku dhaqanka sharcigu noqdaan saldhigga wada-xaajoodka. Dastuurku waa heshiiska ugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed ay ku mideysan yihiin, mana habboona in xal siyaasadeed lagu raadiyo meel ka baxsan nidaamka dastuuriga ah. Haddii ay jiraan qodobbo lagu kala aragti duwan yahay, waxaa habboon in lagu xalliyo hannaan sharci ah iyo hay’ado dastuuri ah.

Waxaa sidoo kale lama huraan ah in danta qaranku ka sarreyso danaha siyaasadeed ee gaarka ah. Dowladda iyo mucaaradkuba waa inay muujiyaan biseyl siyaasadeed, dulqaad iyo isu-tanaasul, iyagoo maskaxda ku haya in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan xasillooni, amni iyo nidaam dimuqraadi ah oo waara.

Wadatashigu wuxuu noqon karaa mid miro-dhal ah oo keliya haddii uu noqdo mid loo dhan yahay. Waxaa muhiim ah in la dhegeysto dhammaan dhinacyada siyaasadda, dowlad-goboleedyada, Baarlamaanka, bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhalinyarada. Heshiis kasta oo sal ballaaran leh wuxuu yeeshaa sharciyad iyo cimri dheer.

Sidoo kale, waxaa lama huraan ah in la dhiso kalsooni siyaasadeed. Hadallada hurinaya khilaafka, eedeymaha aan salka lahayn iyo ololaha kala fogeynaya bulshada waa in laga fogaadaa. Halkooda waa in lagu beddelaa ixtiraam, hufnaan iyo is-aaminaad.

Doorashooyinka soo socda waa inay noqdaan kuwo xor ah, hufan, loo dhan yahay, isla markaana lagu wada kalsoon yahay. Taasi waxay u baahan tahay heshiis siyaasadeed oo cad oo ku saabsan jadwalka doorashada, maamulka doorashada, amniga iyo habka lagu xallinayo cabashooyinka si nabad ah oo sharci waafaqsan.

Waxaa kale oo muhiim ah in hay’adaha dastuuriga ah, gaar ahaan guddiyada doorashooyinka iyo garsoorku, ay ilaashadaan madax-bannaanidooda. Kalsoonida shacabka waxaa lagu dhisaa hay’ado dhexdhexaad ah oo aan u adeegayn dano siyaasadeed oo gaar ah.

Heshiis kasta oo la gaarana waa inuu yeeshaa hannaan fulineed oo cad. Ballanqaad aan lahayn jadwal, mas’uuliyiin loo xilsaaray iyo hab lagu kormeero hirgelintiisa wuxuu halis ugu jiraa inuu noqdo qoraal aan la dhaqan-gelin.

Ugu dambayn, Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay hoggaan siyaasadeed oo ka fikira jiilasha soo socda, halkii uu ka fikiri lahaa doorashada soo socota oo keliya. Taariikhdu waxay xusi doontaa kuwii horseeday is-afgarad qaran iyo dowladnimo adag, ee ma xusi doonto kuwii ku adkaystay guul siyaasadeed oo ku-meel-gaar ah.

Waqtigani waa waqti lagu muujinayo biseyl siyaasadeed, lagu dhowrayo dastuurka, laguna ilaalinayo midnimada qaranka. Haddii dowladda iyo mucaaradku ay ka hormariyaan danta Soomaaliya danahooda siyaasadeed, wadatashiyadani waxay noqon karaan bilowga marxalad cusub oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, nabadda iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

DF Soomaaliya oo cambaareysay weerar argagixiso oo ka dhacay dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar argagixiso oo maanta Talaado ah ka dhacay gudaha magaalada Dimishiq ee caasmadda dalka Suuriya.

Weerarka oo qaraxyo loo adeegsaday ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn hoteelka Four Seasons oo uu degay Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron oo haatan booqashadii u horreysay ku jooga Dimishiq. Qaraxyada oo laba ahaa ayaa la sheegay inay u muuqdaan kuwa la dhigay goobaha ay ka dhaceen, waxaana Macron xilligaas uu ku sugnaa madaxtooyada Suuriya, oo uu wadahadallo kula lahaa madaxweyne Axmed Sharac, sida ay ku warrantay wakaaladda AP.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka xuntahay weerarka oo dhaliyay khasaare kala duwan, iyada oo tacsi u dirtay dhammaan dhibanayaasha iyo dadka uu saameeyay weerarka.

Soomaaliya ayaa sheegtay inay si cad uga soo horjeedo weerarrada noocaan oo kale ah, waxayna tilmaamtay inay taageereyso dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo argagixisada.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarkii argagixisanimo ee lala beegsaday caasimadda Suuriya ee Dimishiq. Dowladda Soomaaliya waxay si cad u diiddan tahay argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha ku dhisan nooc kasta iyo muuqaal kasta oo ay yeeshaan, iyadoo mar kale adkaynaysa sida ay uga go’an tahay taageeridda dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo horumarinta nabadda, amniga iyo xasilloonida,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xilligan adag ay garab taagan tahay dowladda Suuriya, iyada oo mar kale xaqiijisay taageeradeeda ku aadan amniga iyo xasiloonida dalkaasi.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa garab istaaggeeda buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhammaan dhibbanayaasha iyo dadka uu saameeyay weerarkaan argagixisanimo, waxayna u rajaynaysaa dhaawacyada in alle siiyo caafimaad degdeg ah,” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale, waxay ay Dowladda Soomaaliya ku baaqday in sharciga la horkeeno dhammaan kuwii ka dambeeyay weerarkaasi.

Guddiga Farmaajo u magacaabay wada-hadallada DF oo tallaabo qaaday +

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga farsamo ee uu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu horreysay, waxayna guda galeen waajibaadka loo igmaday ee ku aadan wada-hadallada arrimaha doorashooyinka qaranka.

Guddiga oo ka kooban illaa 7 xubnood oo aad ugu dhow Farmaaho ayaa isla maanta ka qayb-galay wajiga koowaad ee wada-hadallada, waxayna soo bandhigeen aragtidooda ku aadan doodda siyaasadeed ee taagan.

Warsaxaafadeed ay soo saareen xubnahan ayaa waxa ay ku sheegeen in marxaladda lagu jiro looga gudbi karo midnimo iyo wadajir bulsho.

“Guddiga Farsamada ee matalaya Nabad iyo Nolol ayaa haatan guda galay wajiga 1-aad ee wada-hadallada arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo ka duulaya aragtida Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ku saleysan in midnimo iyo wadajir looga gudbo xaaladda murugsan ee dalka,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale, guddiga ka socda Farmaajo ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan in is-afgarad buuxa la gaaro, isla markaana ku dhisan is ixtiraam, si loo xaqiijiyo doorasho loo dhan yahay iyo dastuur heshiis lagu wada yahay.

“Guddiga Sare ee Nabad iyo Nolol waxa ay xoojinayaan dadaallada lagu raadinayo is-afgarad siyaasadeed oo ku saleysan wadatashi iyo ixtiraamka mabaadi’da dastuurka heshiiska lagu yahay, si loo gaaro hannaan doorasho oo loo dhan yahay, hufan, isla markaana xoojiya midnimada iyo xasilloonida dalka,” ayaa lasii raaciyay.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Kulammadan wadatashiga ah waxaa ku matalaya Nabad iyo Nolol; 1.⁠ ⁠Maxamed Cabdirisaaq Abubakar – Wasiir Hore, khabiir arrimaha doorashooyinka. 2.⁠ ⁠Cabdicasiis Cabdi Ashkir – Lataliye Sare, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. 3.⁠ ⁠Cabdishakuur Cali Mire – Xildhibaan Golaha Shacabka iyo Wasiir hore. 4.⁠ ⁠Siciid Xuseen Ciid – Wasiir iyo Xildhibaan Hore. 5. ⁠Abdirahman Kulmiye Hirsi – Wasiir iyo Xildhibaan Hore. 6.⁠ ⁠Xasan Cabdi Nuur – Xildhibaan Golaha Shacabka ah, Wasiir Hore. 7.⁠ ⁠Garyaqaan Xuseen Cabdi Cilmi – Wasiir Hore.

Si kastaba, wada-hadallada Villa Somalia iyo mucaaradka ayaa maanta si rasmi ah u bilowday, waxaana garwadeen ka ah beesha caalamka.

Taliye Asad Diyaano oo tegay furimaha dagaalka ee Galgaduud + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan deegaanka Masagawaay ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo saddex sano kahor laga xoreeyay Al-Shabaab.

Taliyaha oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada ayaa ka dhagax dhigay saldhig Boolis oo dhawaan laga hirgelinayo deegaanka, si uu ugu adeego bulshada.

“Deegaankan waxaa saddex sano kahor laga xoreeyay Al-Shabaab oo dalkan iyo dadkaanba cadow ku ah in maanta saldhig Boolis loo dhagax dhigo oo halkan isugu imaano farxad ayay ii tahay waxaan idin ballan qaadayaa muddo dhow inay bilaaban doonto dhismihiisa iyo qalabeyntiisa oo casri ah,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska.

Sidoo kale, dhagax dhigga xaruntan amni ayay baahi wayn u qabeen dadka deegaanka, iyada oo sidoo kale meesha ka saareysa caqabadihii dhinaca garsoorka iyo amniga la xiriiray oo ay qabeen reer Masagawaay.

Asad Diyaano ayaa sheegay in ciidanka Boliiska ee ku howgeli doona  saldhigga ay shaqadooda noqon doonto inay u adeegaan dadka deegaanka cadowgana ka ilaaliyaan, si looga hortego in amniga ay qalqalgeliyaan.

Waxaa kale oo bushada ka codsaday in ciidamada la shaqeeyaan, lana wadaagaan xogaha amni ee la xiriira dhagaraha ay maleegayaan Khawaariijtu si looga hortago.

Dhanka kale Taliye Asad ayaa kormeeray xarunta ay deegaankaas kaga howlgalaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha xilli ay ku guda jireen ololaha diiwaangelinta codbixiyaasha.

Masagawaay waxaa hadda ka howlgala ciidanka Xoogga oo marar kala duwan dagaallo culus la galay maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyaga oo cashir u dhigay.

Wararkii ugu dambeeyay wada-hadallada u bilowday DF iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday wada-hadallo u dhexeeyo Dowladda Federaalka iyo xubnaha mucaaradka, kuwaas oo looga arrinsanayo xaaladda dalka.

Wada-hadalladan oo ay garwadeen ka yihiin Turkiga iyo xubnaha beesha caalamka ayaa waxaa ka qayb-galaya mas’uuliyiinta Villa Somalia, Golaha Mustaqbalka iyo xubno ka socda kooxda Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Shirka maanta oo ahaa mid hordhac ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii la’isugu raaci lahaa qodobada rasmiga ah ee wada-hadallada iyo ajendaha kulamada dambe ee dhex-mari doono labada dhinac.

Doodda ugu wayn ee wada-hadallada ayaa taaban doono dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka oo ah labada qodob ee ay isku hayaan dowladda iyo mucaaradka.

Villa Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneysa doorashooyin qof iyo cod ah, halka mucaaradka ay iyana soo bandhigeen nooc doorasho oo cusub oo ay sheegeen inay ku faah-faahin doonan wada-hadallada hadda bilowday, si looga heshiiyo.

Ma cadda sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa natiijada wada-hadallada ay hormuudka u tahay beesha caalamka ee hadda la guda galay.

Soomaaliya haatan waxay ku jirtaa xilli xasaasi ah oo kala guur ah, waxaana sidoo kale taagan xaalado bani’aadanimo oo uu abaahan in laga jawaabo.

Maxaa maanta ka dhacay furimaha hore? + Sawirro

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tegay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd u kuurgelidda xaaladda amniga, dhiirrigelinta ciidamada ku sugan furimaha hore iyo dardar-gelinta howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaannada gobolka.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa ciidamada ku bogaadiyey naf-hurnimada, geesinimada iyo guulaha ay ka soo hooyeen dagaallada ay kula jiraan Al-Shabaab, isaga oo ku boorriyey inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda si dalka looga ciribtiro kooxda.

Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta taageerada ciidamada qalabka sida iyo dardar-gelinta howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo dib u xoreynta deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxda.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa ciidamada ku ammaanay heegankooda, diyaar-garowgooda iyo sida ay u gutayaan waajibaadkooda qaran, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta iyo isku-duubnida.

Taliyaha ayaa sheegay in howl-gallada socda ay u socdaan si qorsheysan, isla markaana ay sii socon doonaan ilaa laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxda Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah safar dhanka dhulka ah oo wasiirka gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka ay maalmihii u dambeeyey ku marayeen gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe, kaas oo lagu dardar-gelinayo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, laguna xoojinayo isku-duwidda ciidamada ku sugan furimaha hore.

Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasay Muqdisho iyo madaxweyne Xasan oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, duubabka dhaqanka iyo culumaa’udiin Soomaaliyeed kala qayb-galay salaadda Janaasada Allaha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in marxuumku uu door weyn ku lahaa nabadeynta bulshada, dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay kaalintii uu ku lahaa xoojinta dowladnimada iyo dhismaha nabadda Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhaxalka wanaagsan ee uu ka tagay Imaam Maxamed Yuusuf Cali uu sii ahaan doono mid ay bulshada Soomaaliyeed ku xusuusan doonto, gaar ahaan dadaalladii uu ku bixiyay isku soo dhawaanshaha iyo wada noolaanshaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si gaar ah tacsi iyo tiiraanyo ula wadaagay ehellada, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka, isaga oo Alle uga baryay inuu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa.

Waxaa uu sidoo kale Alle uga rajeeyay qoyska iyo dadka uu ka baxay Imaamka samir iyo iimaan, isaga oo ku booriyay inay ku sabraan geerida ku timid mid kamid ah hoggaamiyeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ahaa Imaamka beesha Mudulood, kana mid ahaa dhaqanka Soomaliyeed kuwooda ugu waaweyn ayaa maalmo ka hor ku geeriyooday dalka Hindiya, halkaas oo muddooyinkii dambe lagu dabiibayay xaaladdiisa caafimaad.

Imaamka ayaa muddo dheer ka shaqeynayay nabadeynta bulshada, xoojinta midnimada iyo xalinta khilaafaadka, waxaana lagu xusuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa arrimaha dhaqanka iyo nabad-dhiska Soomaaliya.

Soomaaliya oo diiday inuu dalka ka hirgalo adeegga cusub ee WhatsApp + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac amni ka muujisay isbeddel cusub oo ay shirkadda Meta kusoo kordhisay adeegga WhatsApp, kaas oo u oggolaanaya isticmaaleyaasha inay adeegsadaan magac oo keliya (username) halkii uu ka muuqan lahaa lambarka taleefanka.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) ayaa sheegtay in isbeddelkaasi uu dhalin karo caqabado dhanka amniga ah, maadaama uu adkeyn karo aqoonsiga dadka adeegsanaya WhatsApp-ka, xilli Soomaaliya ay weli wajahayso khataro la xiriira argagixisada iyo dambiyada abaabulan.

Agaasimaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan taageersaneyn hirgelinta adeeggan cusub, isagoo xusay in walaaca ugu weyn uu yahay saameynta uu ku yeelan karo dabagalka iyo ka hortagga falalka halista ku ah amniga qaranka.

Mustafa Yaasiin ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay la wadaagto walaaca ay arrintan ka qabto dowladda Hindiya, oo iyaduna hore uga muujisay walaac ku saabsan qorshaha Meta ee la xiriira isbeddelka cusub ee WhatsApp.

Sida uu sheegay agaasimuhu, dowladda waxaa saaran waajib ah inay ilaaliso amniga isgaarsiinta dalka, isla markaana ay ka hortagto in tiknoolajiyada cusub ay fursad u noqoto kooxaha argagixisada, shabakadaha dambiyada abaabulan iyo cid kasta oo isku dayda inay qariso aqoonsigeeda.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in isbeddel kasta oo lagu sameeyo adeegyada isgaarsiinta uu u baahan yahay in si qoto dheer loo qiimeeyo, gaar ahaan marka la eego saameynta uu ku yeelan karo amniga qaranka iyo la dagaallanka dambiyada.

Dowladda Hindiya ayaa dhowaan iyaduna si rasmi ah uga hortimid qorshahan Meta, iyadoo ku doodday in isbeddelkaasi uu saameyn ku yeelan karo amniga gudaha iyo awoodda hay’adaha sharci fulinta ee la socodka dambiyada lagu fuliyo adeegyada isgaarsiinta.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli shirkadaha tiknoolajiyadda ay sii kordhinayaan adeegyada lagu xoojinayo asturnaanta isticmaaleyaasha, halka dowlado badan ay walaac ka muujinayaan in astaamahaas cusub ay adkeyn karaan la socodka kooxaha amni-darrada iyo shabakadaha dambiyada ee isticmaala aaladaha casriga ah.

Dowladda iyo mucaaradka oo maanta ku shiraya Muqdisho iyo doodda miiska taalla

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmaya shir u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Shirka oo ay dhex-dhexaadinayaan wakiillo ka socda dowladda Turkiga ayaa waxaa diiradda lagu saaraya arrimaha siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Kulankan ayaa la filayaa inuu noqdo mid muhiim u ah yareynta khilaafka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, maadaama labada dhinac ay muddooyinkii dambe isku hayeen hannaanka doorashooyinka iyo jihada geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

Sida ay sheegayaan wararka la helayo, xubnaha Madasha Samatabixinta ayaa kulanka ku soo bandhigi doona aragtidooda ku aaddan nooca doorasho ee xilligan ka qabsoomi karta Soomaaliya, kadib markii ay hore u diideen qorshaha doorashada qof iyo cod ee ay wado Dowladda Federaalka.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socday kulamo gooni-gooni ah oo ay yeesheen mas’uuliyiinta labada dhinac, kuwaas oo lagu lafa-gurayay ajendaha kulanka, qodobbada miiska la saarayo iyo jawaabaha laga bixin karo doodaha la filayo inay ka dhashaan wada-hadallada.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in mucaaradku dib u eegis ku sameeyay qaar ka mid ah mowqifyadii hore ee ay ka qabeen arrimaha doorashooyinka, iyadoo la sheegay inay soo diyaariyeen hindise la xiriira hannaan doorasho oo ay u arkaan mid dalka ka hirgeli kara xilligan.

Dhanka kale, wafdiga Turkiga ee dhex-dhexaadinaya wada-hadalladan ayaa saacadihii u dambeeyay soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo wada kulamo hordhac ah oo ay la leeyihiin dhinacyada siyaasadda, si loo abuuro jawi ku habboon wada-hadallada.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayso muran siyaasadeed xooggaan oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka. Si kastaba, indhaha ayaa lagu hayaa natiijada kasoo baxda wada-hadalladan, maadaama ay saameyn ku yeelan karto jihada siyaasadda dalka iyo heshiis laga gaaro hanaanka doorashooyinka.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60