25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

DF Somalia oo Muqdisho uga dhowaaqday qorshe looga hortagayo dhibaato taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho uga dhawaaqday qorshe cusub oo wax looga qabanayo Ayax fara badan oo ku habsan deegaano kamid ah gobolada dalka.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Saciid Xuseen Ciid ayaa kulan looga hadlayo qorshahaasi la qaatay Wasiirka Beeraha Daaqa & Dhirta Galmudug, Axmed Nuur Xaaji oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay sidii loo kordhin lahaa dagaalka ka dhanka ah Ayaxa, oo baabi’iyey dalagyo ku beernaa Beero ku yaalla degaano ka tirsan maamulka Galmudug, sida uu sheegay wasiirka Beeraha maamulkaasi.

Kulankaasi ayaa sidoo kale lagu lafo-guray sidii wasaaradda beeraha dowladda federaalka iyo tan Galmudug ay u kordhin lahaayeen la dagaalanka Ayaxa oo dhibaato ku haya degaano ka tirsan Maamulka Galmudug iyo deegaano kale.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa isaguna dhankiisa sheegay in qorshaha dowladda ee ku aadan la dagaalanka ayaxu uu yahay kordhinta howl-galada iyo dagaalka ka dhanka Ayaxaasi, oo maalmihii la soo dhaafay dalka uga soo gudbay dhinaca dalka Yemen.

Waxaa uu xusay in deegaano badan oo ka tirsan Galmudug ay ka bilaabeen howl-gallo lagu buufinayo Ayaxa, isagoona xusay in maamulada kale ay kala hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa howlaha lagula dagaalayo Ayaxa.

Ayaxa ayaa muddooyinkii dambe waxa uu dhibaato badan ku hayay deegaano ka tirsan dalka, gaar ahaan Maamulada Hir-Shabeelle & Galmudug oo uu ka baabi’iyey dalagyadii ku yaalay beeraha deegaanadaasi.

Sawirro: Shariif oo dib ugu laabtay Jowhar + Ujeedka

0

Jowhar (CaasimadaOnline) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa saaka markale dib ugu laabtay magaalada Jowhar oo ah caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Shariif iyo wafdigiisa ka amba-baxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Booqashadan oo ah tii labaad oo uu maalmo kooban gudahood Sheekh Shariif ku tago Jowhar ayaa saacadihii u dambeeyey si aad ah looga hadal hayey baraha bulshada.

Safarka madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo haatan ah guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa la xiriira dadaallo uu ugu jiro xal ka gaarida dhismaha HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in Shariifka ay la socdaan waxgarad ka raacay magaalada Muqdisho, isaga oo sidoo kale kulamo ka bilaabi doono caasimada Jowhar.

Sheekh Shariif ayaa doonaya inuu xaliyo tabashada iyo khilaafaadka ka taagan dhismaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Socdaalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay maanta dhaceyso doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabelle, iyadoona ay ku xigi doonto tan madaxeynaha & ku xigeenkiisa.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada Mareykanka iyo halka la kala marayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxiinta ku tartameysa doorashadi madaxtinimo ee shalay ka dhacday dalkaan Mareykanka ayaanan wali ku kala bixin doorashada, kaddib markii ay soo bixi weysay natiijada gobollo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Pennsylvania, Michigan, Georgia, North Carolina, Wisconsin iyo Arizona, oo weli tirinta codadka ay ka socoto.

Madaxweyne Trump oo ka socda Xisbiga Jamhuuriga iyo Joe Biden, madaxweyne ku-xigeenki hore oo ka tartamaya Xisbiga Dimoqraadiga, ayaa labaduba xalay saqdi dhexe kadib la hadlay taageerayaashooda.

Joe Biden xalay saqdi dhexe kaddib ayuu khudbad kooban ka jeediyay magaalada laga soo doorto ee Wilmington ee gobolka Delaware, wuxuuna u sheegay in doorashada ay ku guuleysan doonaan, isaga oo yiri niyadda dagsada, innaga ayaa ku guuleysa doonna.

Wuxuu kale oo sheegay in aysan doorashada dhamaan doonin ilaa cod walba laga tirinayo.

Madaxweyne Donald Trump ayaa isna khudbad ka jeediyay Aqalka Cad ku sheegtay inuu guul ka gaaray doorashada, inkasta oo weli tirinta codadka aysan dhammaan, natiijada rasmiga ahna aan la shaacin.

Madaxweynaha ayaa yiri “Xaqiidii doorashadaan waan ku guuleysannay. Laakin sida muuqata, waxaa wali socoto tirinta codadka dhowr gobol oo ah kuwa go’aamin doona natiijada kama danbeysta ah.”

Madaxweyne Trump ayaa isaga oo aanan faah-faahin biixn sheegay in ay dhacday “wax isdaba marin,” sidaasi daraadeedna uu qorsheynayo inuu Maxkamadda Sare la aado natiijada doorashada.

Trump wuxuu sheegay inuu guulo waa weyn kasoo hooyey gobollada Florida, Texas iyo Ohio, sidoo kalana uu codad badan Biden kaga hogaaminayo gobollada hadda aanan wali lagu dhawaaqin natiijadooda.

Sida ay sheegayaan dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda Mareykanka, saddexda gobol ee Wisconsin, Michigan iyo Pennsylvania ayaa ah kuwa kala saari doono cidda noqon doonta madaxweynaha afarta sano ee soo socota maamuli doona dalka ugu awoodda badan caalamka ee Mareykanka.

Si kastaba, waxaa suurta-gal in natiijada kama dambeysta ah aan la ogaan maalmo haddii aad la isugu dhow yahay, sababo la xiriira codad lagu soo diray boostada, oo iman doona maalmaha soo socda, kuwaas oo la tirin doono.

Xildhibaanada Waqooyi oo kasoo horjeestay qorshaha Cabdi Xaashi, lana saftay xukuumadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya kuwooda ka soo jeeda gobollada Woqooyi ee Somaliland ayaa si adag uga hor-yimid dalabkii gudoomiyaha Aqalka Sare ee ahaa in xubnaha Somaliland ku metelaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka ee heer federaal ay iyagu soo magacaaba doonaan.

Xildhibaanadaas oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xukuumadda federaalka ay u wakiisheen inay soo magacaawdo xubnaha Somaliland ku meteli doona guddiyadaas.

Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayey ku eedeeyeen inuu dayacay masuuliyadaas, isla markaana uu xaq u lahaa inuu talo ku yeesho heshiisyadii doorashada ee lagu gaaray Dhusamareeb iyo Muqdisho, isagoo metelaya Somaliland.

War-saxaafadeed ay ka soo saareen shirkaas waxay ku sheegeen in maadaama guddoomiye Cabdi Xaashi uu dayacay mas’uuliyadaas, uu madaxweyne Farmaajo ku metelayey heshiisyadii laga gaaray doorashada dalka.

“Majiro heshiis ay gaareen siyaasiyiinta gobollada Waqooyi ugu jira dowladda federaalka, mana jirto cid uu guddoomiye Cabdi Xaashi kala tashaday ama ku metelo warqadii uu dhawaan soo saaray,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka xubnahaas ka soo jeeda Somaliland ay soo saareen.

Sidoo kale war-saxaadfadeedkan waxaa eedeyn loogu jeediyey Madaxsha Xisbiyada Qaran oo taageero u muujisay dalabkii guddoomiye Cabdi Xaashi.

Madasha Xisbiyada oo shalay soo saaray qoraal ku saabsan arrinta kuraasta gobollada waqooyi ayaa xukuumadda federaalka kula talisay in doorka doorashada kuraasta gobollada waqooyi looga dambeeyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, maadaama uu yahay masuulka ugu weyn ee la doortay.

 Hoos ka Daawo war-murtiyeedka

Shirkadaha diyaaradaha oo diiday inay Dhuusamareeb tagaan kadib weerarkii lagu qaaday diyaarada Qoor Qoor

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Inta badan Shirkadaha Duulimaayada ee ka shaqeeya Soomaaliya ayaa maanta joojiyey duulimaadyadii caadiga ahaa oo ay ku tagi lahaayeen garoonka magaalada Dhuusmareeb ee xarunta Galmudug, kadib markii xalay Al-Shabaab ay weerareen diyaarad ka kaceysay garoonka.

Diyaaraddaas ayaa waxaa saarnaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, waxaana lagu riday 7 oo xabadaha baasuukaha ah, kuwaasi oo ay seegeen.

Warar aan ka helnay saraakiisha amniga ee Dhuusamareeb iyo madaxda shirkadaha ayaa sheegaya in dhamaan shirkadaha ay diideen in garoonkaas tagaan sababo amni aawgeed, waxaana jirin diyaarad maanta halkaas ka dagtay.

“Ma jirto wax diyaarad ah oo maanta Dhuusamareeb tegay waxaana baaqday rakaab badan oo ay maanta aheyd in la qaado,” ayuu yiri mid ka mid ah madaxda shirkadaha ka shaqeeya Soomaaliya oo maanta tagi laheyd Galmudug.

Shirkadaha ayaa la sheegay inay la xiriireen maamulka Galmudug kana dalbadeen damaanad qaad amni, balse maamulka uu sheeegay inuusan siin karin, taasi oo keentay inay diidaan inay garoonka tagaan.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in kaliya aysan ahayn maanta, balse ay u badan tahay in maalmaha ama toddobaadyada soo socda aysan diyaarad ka degin garoonkaas.

Saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in hadda ururinayaan ciidan dagaal qaada oo Al-Shabaab ka sifeeya deegaanada ku dhow garoonka ee ay weerarka kasoo qaadayaan.

Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay duqeymaha garoonka Dhuusamareeb, hase yeeshee madaafiicdii ay shalay ku rideen diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, ayaa xaaladda meel xun gaarsiisay.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa u muuqata in bilooyinkii la soo dhaafay uu sii xumaanayo amaankeeda oo gudaha iyo dibadda ah, waxaana usii dheer duqeymaha magaalada ee joogtada noqday.

Sawirro: 3 dal oo Yurub ah oo howlgal diblomaasiyadeed ka aas-aasay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Denmark, Ireland, Poland ee Soomaaliya, kuwaasi oo howlgal diblomaasiyaadeed maanta ka aas-aasay Soomaaliya.

Danjiraha Boqortooyada Denmark Ole Thonke oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda Dalkiisa Marwo Margrethe Alexandrine ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran.

Sidoo kale, Danjiraha cusub ee Ireland Marwo Fionnuala Quinlan oo warqadaheeda aqoonsi u gudbisay Madaxweynaha ayaa muujisay sida ay ugu hanweyn tahay ka mid noqoshada bahda diblumaasiyiinta ka howlgala dalkeenna.

Danjiraha Jamhuuriyadda Poland Jacek Bazanski ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Andrzej Duda, isaga oo nuqul ka mid ah waraaqihiisa aqoonsiga Danjirenimo guddoonsiiyey Madaxweynaha.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhaxeeya dalalka caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday.

Safarkii Shariif ee Jowhar oo su’aal weyn ka dhax-dhaliyay siyaasadda Soomaaliya

Jowhar (Caasimada Online) – Ilaa hadda waxaa si rasmi ah loo heli la’yahay xogta dhabta ah ee safarkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku tagay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobaleedka HirShabeelle.

Dad badan oo siyaasiin ah ayaa is weydiiyay maxey ka wada hadleen Cali Guudlaawe iyo Sheekh Shariif? Madaxweyne Shariif wax dhaafsiisan intii uu sheegay Jowhar ma u tagay? Kadib safarkiisii Jowhar iyo is-casilaada Waare maxaa isku beegay? Iyo su’aalo kale.

In badan oo kamid ah siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa aaminsan in Madaxweyne Sheekh Shariif uusan wax sahlan u tagin HirShabeelle oo uu ka maqnaa muddo ku dhow 15 sano, islamarkaana safarkiisa ku aadiyay waqti kala guur ah oo ay taagan tahay khilaafyo culus oo degaanka iyo dalkaba ah.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in safarkii Madaxweyne Sheekh Shariif uu badalay qorshaha Nabad iyo Nolal ee HirShabeelle oo si hoose ku socday, waxaana laga yaabaa in wax kasta isbadalaan doorashada baarlamaanka kadib.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maalin iyo habeen ku soo qaatay Jowhar waxa uuna intii uu joogay la kulmay odayaasha dhaqanka, Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle iyo dad kale oo ah siyaasiin miisaan culus ku leh siyaasadda HirShabeelle.

Galmudug oo heshiis lagu dhisayo dekedda Hobyo la gashay shirkado caalami ah

London (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta heshiis taariikhiya oo lagu dhisayo dekedda Hobyo la saxiixatay Shirkadda Oriental oo ah Isbahaysi ka kooban Seddex Shirkad oo Turkey, Ingiiriis iyo Soomaali ah.

Heshiiskan ayaa waxaa maanta dhinaca Galmudug u saxiixey Wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga Galmudug, Mudane Cabdi Saabir Nuur, halka Shirkadda Oriental ay metelayeen shirkadaha kala ah Crom LTD, Hobyo Invesment LTD, Indian Ocean Holding LTD.

Waxa madasha lagu saxiixay heshiiskaasi ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Shirkadda Holman Fenwick Willan (HFW) oo ah sharciyaqaano ku takhasusay arrimaha Badda oo fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska, oo kala talinaya dhinaca Sharciga maamulka Galmudug.

Shirkadda Oriental oo saldhigeedu yahay Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxa ay Wasaaradda dekedaha iyo kalluumeysiga Galmudug la gaartay heshiiskan, kadib markii bilihii ugu dambeeyey kulamo kala duwan ay la qaateen wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka wasaaradaasi.

Heshiiskan kadib ayaa waxaa la filayaa in dalka ay soo gaaraan dhamaadka bishaan koox sahan ah oo ka socota shirkada Oriental, kuwaasi oo darsi doona qaabka loo bilaabayo dhismaha Dekadda Hobyo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay heshiiskan. 

Wasiir Cabdi Saabir Nuur oo isaguna ka hadlay saxiixa heshiiskan ayaa ugu horeyntii bogaadiyey, isagoona sheegay in wajiga labaad ee heshiiskan uu bilaaban doono Bisha Maarso 2021.

“Waxaa xaqiiqo ah in dhismaha Dekedda Hobyo ku soo kordhin doonto isbedel dhaqan-dhaqaale oo muuqda nolosha Maalaayiinta ku nool Galmudug iyo dowlad-goboleedyada la deriska ah,” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay wasiir Saabir.

Heshiiska dhismaha Dekedda Hobyo ayaa la rumeysan yahay inuu abuuri doono fursado shaqo, ganacsi oo horseeda isbedel dhaqan-dhaqaale oo muuqda, saameyn toos ah ahna ku yeelan doono nolosha Maalaayiinta ku nool Galmudug iyo dowlad-goboleedyada la deriska ah.

Xog: Afar arrin oo keenay is-casilaadi madaxweyne Waare

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay sheegay inuu iska casilay xilkaas, isaga oo saluugay habka loo maareynayo doorashada maamulka cusub ee HirShabeelle.

Si kastaba, ilo-wareedyo ku dhow Waare ayaa Caasimada Online u sheegay in Iscasilaadiisa ay ka dambeysay dhowr arrimood oo isbiirsaday oo ku qutuma HirShabeelle iyo farogelinta dowladda Soomaaliya, kuwaasi

1 – Inuu xalin waayay muddadii uu Madaxweynaha ahaa tabashooyinka ay qabaan Shacabka HirShabeelle, gaar ahaan beesha uu Madaxweynaha ka soo jeeday islamarkaana hadda saartay cadaadis badan.

2 – In dhismaha HirShabeelle wali socda islamarkaana la iska indha tiray baaqiisa iyo kan ka soo baxaya odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka reer Hiiraan, taasina ay gelisay wal wal ah in la dhiso maamulka iyadoo aan laga jawaabin tabashada shacabka Hiiraan, si aan taas isaga loogu eedin.

3 – In Cabashooyin uu u gudiyay Madaxdii ee dalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo siyaasiin kale oo ku saabsanaa in lasoo faro-geliyo arrinta HirShabeelle la iska indho tiray, xilli la rumeysan yahay inay taageersan yihiin in qof ku beel ah loo doorto madaxweynaha cusub ee HirShabeelle.

4 – In dowladda federaalka Soomaaliya saartay cadaadis badan islamarkaana loo diiday inuu ka baxo magaalada Muqdisho, si ugu yaraan u muujiyo aragtiidiisa doorashada HirShabeelle, maadaama uu kursiga ku matalo mid ka mid ah beelaha gobalka.

Is-casilaadda Waare ayaa timid xilli waqtigiisu dhamaaday, baarlaman cusub loo dhisay HirShabeelle, islamarkaana uu magacaabay dhammaan guddiyadii doroashada ee laga sugayey ee heer federal, taasi oo macnaheedu yahay in wax saameyn ah aysan yeelan doonin is-casilaaddiisa.

Wararka qaar ayaa dhanka kale sheegaya in is-casilaaddan ay isla ogyihiin dowladda, islamarkaana tani ay tahay cayaar siyaasadeed heshiis ku xiran oo u uku baxay.

Madaxweyne Waare oo ah aqoonyahan daggan ayaa la sheegay in muddo dheer usoo samray HirShabeelle inkastoo ay dhinac dhigeen culeesyo ka weyn oo degaanka ka jira.

Guddoomiye Mursal oo ku dhowaaqay muddo kororsi uu sameynayo baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh ayaa shaaciyey in baarlamaanka federaalka ee xiligan uu waqtiga kororsan doono uu sii shaqeyn doono marka uu waqtigiisu uu dhamaado.

Mursal ayaa ku doodaya in baarlamaanku uu sii joogayo, haddii la heli waayo baarlamaan kale oo badala, midaasi oo ka dhigan in weli uu sii shaqeyn doono baarlamaanka xiligan haddii uu dib u dhac ku yimaado jadwalka doorashada.

Waxa kale oo uu sheegay in xiliga xil-heynta baarlamaanka federaalka uu ku eg yahay 27-ka bisha soo socota ee December, balse ay taasi ka dhigeyn inay kala dareeri doonaan ilaa inta uu diyaar ka noqonayo baarlamaankii badeli lahaa.

“Ilaa hay’ad tii bedeli laheyd ka imaaneyso baarlamaankan waa sii shaqeynayaa, ilaa qorshaha doorashada ay dhameystiraan dowlad goboleedyada iyo hay’adaha federaalka baarlamaanku wuu shaqeynayaa,” ayuu yiri Mursal.

Waxa uu intaas kusii daray guddoomiyuhu “Majiro baarlamaan iska kala taga, iyadoo aan shaqada lagala wareegin”.

Si kastaba, hadalkan ayaa imanaya xili uu dib u dhac wajahayo jadwalkii doorashada 2020/21 ee dhawaan magaalada Muqdisho heshiiska uga gaareen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka.

Maxay yihiin ciidanka cusub ee loo diyaariyey Baraawe?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Koonfur Galbeed ayaa diyaarisay ciidamo cusub oo la qorsheynayo in maalmaha soo socda la geeyo magaalada Baraawe ee caasimadda maamulkaasi oo ay ka dhici doono doorashada xildhibaanada 2 aqal ee Soomaaliya.

Ciidamada la geynayo Baraawe ayaa isugu jira Daraawiish iyo Booliis, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in askartaas lagu biirin doono ciidamada haatan ku sugan Baraawe, si ay xoojiyaan amniga guud ee magaallo xeebeedkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in si gaar ah ay uga howl-geli doonaan goobaha ay ka dhacayaan doorashada xildhibaanada ka soo gelaya baarlamaanka Baraawe.

Lama shaacin tirada askarta ay Koonur Galbeed geyneyso halkaasi, sidoo kalena lama oga halka laga soo qaadayo ciidamadaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyada oo horey waxgaradka Baraawe ay madaxweyne Lafta Gareen uga dalbadeen ciidamo dheeraad ah oo suga amniga degmadaasi.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorashooyinka 2020/2021, iyada oo ay ugu horreyso soo xulista xildhibaaada oo ka dhici doonto magaalooyin dhowr ah.

5 arrin oo looga hadlayo shir 3 maalin soconaya oo golaha wasiirada DF uga furmay garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta uu shir uga furmay hoteel ku dhex-yaalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir guddoominayo ra’iisul wasaare Rooble.

Shirkan oo loogu magac daray shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada ayaa looga hadlayaa dardargelinta qorsheyaasha Xukuumadda  hortabinta u leh, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amniga, kordhinta dhaqaalaha, daynta cafinta, horumarinta adeegyada bulshada, Caddaaladda iyo qorshaha waxqabadka Xukuumadda ee 100ka maalmood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ku shaqeyn doonto qorshaha horumarinta qaranka ee 9aad iyo natiijadii ka soo baxday shirarkii madaxda Qaranku ay ku yeesheen Samareeb iyo Muqdisho.

“Barnaamijka Xukuumadda ee aad qaybta ka tihiin wuxuu ahmiyadda koobaad siinayaa qabsoomidda doorashada dalka, maadaama waddanku uu galay xilli doorasho, waxaa loo baahan yahay in si wadajir ah aan u xaqiijinno qabsoomidda doorasho daah furan isla markaana aan habacsanaan ku keenin hawlaha dowladda”.

Banbaxa Golaha Wasiirrada maanta furmay ee halku dhiggiisu yahay “Daah Furnaan iyo Doorashooyin”  ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in wasaaradaha oo dhan laga rabo barnaamijkooda in ay ka soo dhex saaraan qorshe howleedka 100 maalmood ee soo socda, taa soo lagula xisaabtami doono Wasaarad kasta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumaddiisu ay ka hortagayso wax walba oo keeni kara habacsanaan ku yimaada howllaha dowladda xiliga doorashooyinka, si taas looga hortagana golaha wasiirrada laga rabo  in si miisaan leh  u fuliyaan howlaha kaga aaddan doorashooyinka iyo waajibaadkooda  shaqo ee kale.

Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada oo soconaya muddo saddex cisho ah ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Golaha kula dardaarmay in ay hirgeliyaan qodobada saldhigga u ah barnaamijka Xukuumadda ee golaha shacabku ansixiyeen.

Maxaad u baahan tahay in aad ka ogaato doorashada Mareykanka ee maanta iyo saadaashii ugu dambeysay?

Washington (Caasimada Online) – Dadweynaha Mareykanka ayaa intooda ugu dambeysay maanta u dareeraraya goobaha cod-bixinta, ayaga oo dooranaya madaxweynaha xiga ee dalka ee afarta sano ee soo socota.

Waxaa xilkan ku loolamaya madaxweynaha iminka talada haya Donald Trump oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, iyo madaxweyne ku-xigeenkii hore Joe Biden, oo ay soo xusheen xisbiga Dimoqraadiga.

Inkasta oo doorashada rasmiga ah ay maanta dhaceyso, haddana 100 milyan oo qof oo Mareykan ah ayaa ka faa’iideystay codeynta xilliga hore oo socotat muddo ku dhow bil, taasi oo macnaheedu yahay in 70% dadka ay codeeyeen.

Codadka ra’yi uruurinta ah ee la sameeyo ayaa muujinaya in tartanka u uku horreeyo Joe Biden, isaga oo Trump ka horreeyey qiyaasti 8%, oo heerka taageeradooda uu la eg yahay 52-44, hase yeeshee nidaamka Mareykanka ay wax ku doortaan oo ka duwan caalamka kale ayaa macnaheedu yahay in doorashadu ay intaas ka dhowdahay.

Mareykanka madaxweynaha waxaa lagu doortaa nidaam loo yaqaan “Electoral College” oo ka kooban 538 codeeyayaal ah, ayada oo gobol walba uu leeyahay tiro u dhiganta shacabka ku nool, waxaana madaxweynaha ku guuleysta musharaxa hela 270 electoral.

Waxaa jira gobollo inta badan u codeeya Dimoqraadiga, kuwa u codeeya Jamhuuriga, iyo gobolo aan dhinacna u badneyn oo marba meel u janjeera, kuwaas oo ah kuw ago’aamiya cidda madaxweynaha noqoneysa. Gobolladaas ayaa sanadkan kala ah; Florida, Pennsylvania, Ohio, North Carolina, Michigan, Wisconsin, Arizona, Georgia, iyo Nevada.

Sidaas darteed inkasta oo Trump guud ahaan dalka laga horeeyo 8 dhibcood marka la eego ra’yi ururinta, haddana gobollada wax go’aamiya ayaa tartanka intaas aad isaga dhow yahay, waxaana macquul ah in Trump haddii uu gobolladaas ku adkaado uu madaxweyne noqdo, si la mid ah doorashadii 2016.

Saadaasha la sameeyey waxay muujineysaa inay jirto rajo ah in 90% uu tartanka ku adkaan doono Biden, hase yeeshee 10% ayaa macnaheed uu yahay in Trump uu weli uu haysto rajo kooban.

Waxaa sidoo kale suurta-gal ah in codadka ra’yi ururinta ee gobollada loolanka adag uu ka socdo ay qaladaad ku jiraan, oo ay dhayalsanayaan heerka taageerada Trump, si la mid ah sidii dhacday 2016, markaasi oo ra’yi ururinta ay muujineysay in Clinton ay ka horresay Trump, balse markii la codeeyey uu ka guuleystay.

Arrinta kale ee jirta ayaa ah inay muhiim tahay in taageerayaasha labada dhinac ay codeeyaan. Si kasta oo dad badana ay u muujiyaan inay taageerayaan musharax gaar ah, haddana haddii aanay soo bixin oo aysan codkooda dhiiban, taageeradaas wax macno ah kuma fadhiso.

Waa taas sababta maalmihii tegay uu olole xooggan oo dadka loogu sheegayo inay codeeyaan ay uga socday gobollada aan dhinacna jirin, gaar ahaan gobolka Pennsylvania oo leh 20 ka mid ah 538-ka cod, kaasi oo ciddii ku adkaataa ay u badan tahay inay noqon doonto madaxweyne.

Ugu dambeyntii, saadaashu waxay u badan tahay in Biden badin doono, balse rajo yar ayuu Trump leeyahay, taasi oo macnaheedu yahay in wax kasta ay dhici karaan.    

Cali Xuseen oo ‘lagu dilay’ qarax ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ahaa mid lagu xiray gaari nooca raaxada ah oo qarxay xilli uu marayey deegaanka Siinka Dheer ee duleedka M/ Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas uu ku dhintay wadihii gaariga, iyadoona ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sameeyey baaritaano kooban.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, iyada oo shaacisay inay ku dishay guddoomiye ku xigeenkii deegaanka Siinka Dheer, sida ay hadalka u dhigtay.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale magaca marxuumka ku sheegtay Cali Xuseen, iyada oo oo tilmaamay in lagu khaarijiyey qarax loogu dhajiyey gaarigiisa.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii Al-Shabaab ay guddoomiye waaxeed ka tirsanaa degmada Kaxda ay ku dileen duleedka Muqdisho, iyada oo raggii fuliyey toogashadaasi ay gaariga marxuumka ku xireen qarax sababay khasaare kale oo isugu jira dhimasho & dhaawac.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro u badan qaraxyo ka fuliya wadada dheer ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose.

Madaxweynihii HirShabelle, Waare oo xilka iska casilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhowaaqay inuu is-casilay, isaga oo sheegay inuu saluugsan yahay qaabka loo wado dhismaha maamulka cusub ee HirShabeelle.

Warqadda is-casilaadda, oo lasoo garasiiyey Caasimada Online, ayuu Waare ku sheegay in dhismaha maamulka cusub ee HirShabeelle lagu wado si deg deg ah, taasi oo keeni karta xasilooni darro siyaasadeed.

Waxa uu tusaale usoo qaatay in markii koowaad ee maamulkan la dhisayey oo ahayd 2016 la aas-aasay xilli dalka ku guda jiro doorasho federal, taasi oo keentay in xildhibaano aan tayo lahayn iyo maamul fadhiid ah, oo ay beelo badan cabasho ka qabaan lasoo dhiso.

Waxa uu sheegay in hadda lagu socdo waddadii oo kale, islamarkaana uu soo jeediyey in dib loo dhigo soo xulista xildhibaanada HirShabeelle illaa bil kadib doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, balse taasi ay diideen hoggaanka HirShabeelle, odayaasha dhaqanka, dowladda federaalka iyo xildhibaanada metela HirShabeelle ee federaalka.

Waare ayaa sidoo kale nasiib-darro ku tilmaamay in mucaaradka dowladda federaalka oo badankood kasoo jeeda HirShabeelle ay ka aamuseen waxa ka socda HirShabeelle, halka ay ka dhiidhin jireen dhibaatooyinka maamul goboleedyada kale.

Waxa uu warqaddiisa ku yiri in isaga oo eegaya dhammaan arrimahaas uu go’aansaday inuu is-casilo.

Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay fulinta amarkii R/Wasaare Rooble + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir oo ka duulaya amarkii ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay bilaabay inay biyaha ka saaraan waddooyinka xirmay ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa xalay kormeeray jidadka muhiimka ah ee caasimada oo saameyn ay ku yeesheen roobabkii da’ay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Sidoo kale maamulka gobolka ayaa durbo bilaabay inay biyaha ka dhuuqaan meelaha ay fariisteen, iyaga oo isticmaalyo booyado, taas oo qeyb ka aheyd amarkii Rooble.

Axmed Xasan Iimaan oo haatan ah ku simaha duqa magaalada Muqdisho, ahna gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaar ka mid ah jidadka ay ka dhuuqeen biyaha degay, wuxuuna intaasi ka daray in ay sii laba jibaari doonaan dadaallada ay haatan wadaan.

Sidoo kale Imaan ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho inay isku gurmadaan, si loo caawiyo dadka danta yar ee ku dhibaateen gudaha caasimada.

Shalay ayey aheyd markii ra’iisul wasaare Rooble uu isugu yeeray mas’uuliyiinta gobolka Banaadir, isaga oo kala hadlay saameynta ka dhalatay roobabkii ka da’ay Xamar, wuuna faray ra’iisul wasaaruhu inay si deg-deg ah u furaan waddooyinka muhiimka ee xirmay.

Xildhibanada Abgaal: Mooge-yaasha aan la moogeyn

Mudo xileedka mudanayaasha baarlamaanka labada aqal ayaa maraya heer gabo gebo ah, waxaana la isu diyaarinayaa doorashada baarlamaanka 11-aad ee Somalia oo lagu heshiiyay inuu noqon doono mid ku saleysan nidaamka 4.5 murashax walbana uu kursiga u raadsanaayo deegaan doorashadiisa.

Hadaba, waxaan qormadaan ay noqon doontaa mid bidhaamisa xildhibaanada Soomaaliyeed, inagoo marba kasoo qaadan doono deegaan doorasho iyo qaab qabiileedka Soomaalida wax u qeybsado. Waxaana qormadaan ay dul istaagi doontaa xildhibaanada beelweynta Abgaal Ismaan oo leh kuwo muuqda iyo kuwa aan muuqanba.

Xildhibaanada beesha Abgaal ee aqalka hoose iyo sare, waxaa ku fadhiyo xildhibaano ku kala duwan dhinaca aqoonta, damiirka, siyaasadda, waxqabadka iyo kuwo hurda oo moogayaal aan la moogeen, danahoodana ku ilaalsada kursiga xildhibaanimo iyo xasaasanada uu leeyahay.

Qaarkood siyaasadda dalka lama saan qaadi karaan, warna uma haayaan marxaladaha kala duwan ee dalku soo maray. Halka qaar kale siyaasadda wax uun ay ka fahansan yihiin.

Xildhibaanada qaar ayaa dantooda ah inay yihiin xil iyo xoolo doon, halka qaarka kale ay daneenaayaan iney siyaasadda kusoo galaan si ay uga helaan magac iyo mansab siyaasadeed. waxqabadkoodana ku kooban yahay kaliya, si is-tustus ah.

Bal aan eegno, mudanayaasha beeshaan madasho iyo waxqabadkooda, iyo doorka ay ku leeyihiin siyaasadda iyo bulshada dhexdeeda.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow, wuxuu baarlamaanka nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo, wuxuu markii danbe ahaa wasiir ka dhex muuqday xukuumaddii dhacday ee Kheyre, xilkiisana ku waayay saaxiibtinimadii Kheyre. Wuxuu lahaa awood buuxda oo xukuumadii hore, waa ganacsato meel walba lug kula jira, xilkiisa shaqsi ahaan wuu ka faa’iideystay haddey ahaan laheyd arrimahiisa gaarka iyo ganacsigiisa, wuxuu leeyahay shirkadd ku xeran AMISOM oo ka howlgasha Xalane iyo ganacsiyo kale, ma jirto waxqabad muuqda iyo horumar uu gaarsiiyay deegaanka uu madalo, marka laga reebo inuu tabcaday hanti iyo shaqsiyaad gaar ah oo uu ku beeray wasaaradii uu xukumayay ee amniga, beeshiisana waxay u aragtaa in xilkiisa lagu khasaaray deegaankiisana ka war qabin.

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur, waa ganacsade da’yar 30 jir milyanaar ah, wuxuu leeyahay hotelka caanka ah ee Elite, wuxuu ahaa saaxiibadii ku dhowaa Xasan Sheekh, isagoona soo noqday wasiiru dowlihii maaliyada ee dowladdii Xasan Sheekh, halkaasi oo la is leeyahay inuu ku noqday 30 jir milyanaar ah. Marka ay timaado masiibo iyo dhibaato wuxuu boqolaal kun ugu deeqaa hadba meesha masiibada ka dhacday, laakiin ilaa weli ma jirto goob waxbarasho ama caafimaad oo uu ka hirgeliyay deegaankii laga soo doortay, wuxuuna miisaan culus uu ku leeyahay baarlamaanka marka ay timaado doodaha iyo mucaaradnimada dowladda ee xiligaan.

C/qaadir Cosoble, waa siyaasi, ganacsato ah, xildhibaanada ugu muuqda baarlamaanka, wuxuu dhowr mar isu soo sharxay xilka madaxtinimada isagoo helay codod uu ugu gudbay wareega labaad, waa mucaarad aan la gamban fikradiisa, wuxuuna xilkiisa xildhibaano ay tahay ila meereeyso oo wax horumar ah oo muuqda uu deegaankiisa ku hormariyay ma jirto, marka laga reebo inuu dhaliilo dowladda iyo inuu ka dhex muuqdo xisbiyada siyaasadeed ee doonaya in dalka hoggaanka u qabtaan. 

Senator Muuse Suudi Yalaxow, waa hoggaamiye afkaartiisa cad yihiin, wuxuu si cad oo gambasho laheyn fakaarayaasha ugu sheegaa mab’da’iisa iyo in lugta la haysto horumarka bulshada uu madalo, gaar ahaan waa hoggaamiye u dooda xuquuqda dadkiisa leeyihiin, laakiin waayay garab, wuxuu si cad u sheegaa in beesha uu ka dhashay ee Abgaal hoggaan xumida haysa awgeed aysan jirin in la isku duubnaado, waana xildhibaanka kaliya ee beeshiisa horumar la doonayo.

Xildhibaan Saadaq C/kariin, waa xildhibaan laga soo doortay Galmudug oo beesha Abgaal, waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa Agaasimihii madaxtooyada ee xiligii Xasan Sheekh oo ina adeer ay yihiin, waa mooge aan la moogeyn, magac u yaal ah oo aan muuqan, beesha uu ka dhashayna ay karaahiyeysatay mudada afarta sano ee uu xilka ku fadhiyo, waxayna ku shalaaynayaan ergadii dooratay eexdii ay ka eenden ninkii la tartanmayay ee C/llaahi Cali Xasan maxaa codkeena ugu hiilin weynay, waa xildhibaan albaabada dadkiisa ka xertay, kana warqabin deegaankii laga soo doortay.

Caddow Cali Gees, waa xildhibaan Ganacsade ah oo aan ku mashquulin siyaasadda, wuxuu ganacsigiisa gaarsiisan yahay ilaa Dubia, sababta uu baarlamaanka u galayna waa in uu xasaanad ku helaa iyo in ganacsigiisa ku ilaashada, wuxuu qandaraasyo ka haystaa xarunta AMISOM ee Xalane oo dhaqaale xoogan uu kasoo galaa, beeshiisa waxay ka aaminsan tahay in lagu khasaaray, hase ahaatee hadda uu tolkiisa u sheegay in uusan isa soo sharxi doonin, fursadana cid kale uu siin doono.

Dr. Mina Xasan Shibis, waa ganacsato, waxay leedahay hotelka Global ee degmada Shibis ku yaal, waa xildhibaanad qunyar socod ah oo siyaasaddana ku dhiban, laakiin ciyaarta hadba meeshii muuqata inay ka muuqato jecel, waxaa lagu eedeeyaa inay tolkeeda albaabada ka xiratay, waxna ka qaban weyday dhibaato baahsan ee deegaan doorashadeeda ka taagan, colaad, abaar, waxbarasho la’aan iyo caafimaad xumo, intaasina aysan warba u heyn, waxayna tolkeeda ku tuceysanayaan in illaahey wax ka qeyr badan ugu badalo doorashada danbe.

Xildhibaan Yusuf Kabaale, oo Hirshabeele laga soo doortay, cid ka war haysa inuu xildhibaan yahay iyo in kale ma jirto, waayo siyaasadda uma bisla, kamana muuqda saaxada siyaasadda iyo baarlamaanka, wax muuqda oo uu deegaankaasina ka qabtay ma jirto, inkastoo xasilooni amni ay hortaagan tahay.

C/qaadir Carabow wuxuu ka mid yahay xildhibaanada ugu da’da yar baarlamaanka Somalia, horay weligii siyaasad uma gelin baarlamaanka ka hor, hase ahaatee waa xildhibaan dhiiran oo galgal badan, waxaa xildhibaanka kallya ee dhalinyarada dadka uu madalo u heelan, inkastoo aan aqoon u laheyn, haddana aabihii ayaa aqoon u leeyahay oo uu ii ahaa macallinkeygii dugsiga sare ee Umul Quraa 95-kii. Waa Xildhibaan u taagan inuu dhibaatada dadkiisa la qeybsado, kuwa codkooda meel sare gaareyna u hiiliya.

Senator Maxamed Amiin, Senator Samsam Dahir iyo Xildhibaan Sahro Cumar Maalin waa saddax xubnood oo aqalka sare iyo aqalka hoose ka tirsan, waa mudanayaal aan ka dhex muuqan hay’adda ay ka tirsan yihiin, inkastoo ay kala siman yihiin eedaha iyo ceebaha xildhibaanada kale ee howshii loo igmaday gebay.

Hadda, xildhibaan walba marka laga reebo Caddow Cali Gees waxaa ham ugu jiraa inuu dib usoo laabto dadkoodii ay dayaceena ay cod ka helaan, hase ahaatee doorashada Somalia oo la og yahay xaalkeeda waa suuragal ah in inyar oo ka mid ah ay dib usoo laabtaan iyagoo adeegsanaayo jeebkooda, waase ku doqonimo in kan ku dooranaya xaalada jirta.

Ali Muhiyaddiin – Waxaad kala xiriiri kartaa: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xisbiga Wadajir oo war ka soo saaray habka doorasho ee xildhibaanda G/Waqooyi

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa war qoraal ah kasoo saaray walaaca ay ka qabaan dib u dhaca ku yimid doorashada, iyagoo sidoo kale taageero u muujiyay qoraal uu soo saaray gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo la xiriira xildhibaanada Somaliland.

Xisbiga Wadajir waxey qoraalka ay soo saareen maanta ku sheegeen iney ka walaacsan yahiin arrimaha doorashooyinka maadaama wali aan tallaabo loo qaadin iyadoo la joogo wakhtigii ku qornaa heshiiskii ay gaareen dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada.

“Xisbiga waxa uu walaac xoogan ka muujinayaa in aan wali tallaabo loo qaadin fulinta qodobadii lagu heshiiyay, gaar ahaan jadwalkii doorashada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xisbiga wadajir.

Sidoo kale xisbiga wadajir wuxuu taageero la garab istaagay gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Caashi oo war qoraal ah kasoo saaray xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland, waxeyna xisbiga aaminsan yahiin in gudoomiyaha aqalka sare uu isaga xaq u leeyahay inuu soo magacaabo maadaama uu yahay qofka ugu sarreeya ee matalaya walaalaha Somaliland.

Heshiiskii ay gaareen dowladda dhexe iyo dowladdaha xubnaha ka ah waxaa jadwalka ku qorana in doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka la bilaabayo bishaan dhexdeeda, balse ma muuqato wax tallaabo ah oo loo qaaday wali, waana arrinta dhalisay walaaca ay qabaan xisbi siyaasadeedka Wadajir.

 

 

Dagaalka qowmiyadaha ee Ethiopia oo ka daray iyo 100 Amxaaro ah oo la dilay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ugu yaraan 100  qof oo kasoo jeeda qowmiyada Amxaarada ayaa lagu dilay weerar maalin ka hor, 1-dii bishan November ay qaaday koox la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Jabhadda hubeysan ee Oromo Liberation Army oo magaceeda loo soo gaabiyo (OLA).

Weerarkaas waxa uu ka dhacay tuulo lagu magacaabo Gawa-Qanqa oo  hoos tagta degmada Guliso ee dhacda galbeedka gobolka Wellega Zone ee dalka Itoobiya.

Kooxdaas waxay weerarka qaaday maalin kadib markii ciidamada milteriga dowladda dhexe ee Itoobiya ay isaga bexeen aaggaas, iyagoo aan shaacin sababta bixitaankooda.

Dad ku sugan deegaanada dadkaas lagu laayey ayaa warbaahinta u sheegay in tobaneeyo rag, dumar iyo carruur isugu jira la dilay, hanti badan la dhacay, isla markaana ay kooxdu gubtay oo dab qabadsiiday wixii ay qaadi weysay.

“Weerarkan macno darrada ah ayaa ah kii ugu dambeeyay ee taxane dilal dalka ka dhaca, kaas oo xubno ka tirsan qowmiyadaha tirada yar si ula kac ah loola beegsaday. Xaqiiqda ah in dhacdadan foosha xun ay dhacday waxyar kadib markii ciidamada dowlada ay si lama filaan ah uga baxeen aaga duruufo aan la fahmi karin ayaa keenaya su’aalo ay tahay in laga jawaabo” waxaa sidaas yiri Deprose Muchena oo ah Agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Sarkaalkaas ka tirsan Amnesty ayaa mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya ka dalbaday inay baaraan wixii dhacay oo ay maxkamadeeyaan kuwa mas’uulka ka ahaa weerarkaas, weliba si cadaalad ah.

“Amnesty International waxay la hadashay qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarkii foosha xumaa ee ka badbaaday geerida iyagoo ku dhuumaaleystay keyn ku dhow. Waxay sheegeen in kooxda weerarka soo qaaday ay cadeeyeen inay yihiin OLA oo ay sheegeen inay ‘gacanta ku hayaan’ aagga ay ciidamada dowladdu baxeen 31-kii October” ayuu yiri Agaasime  Deprose Muchena.

100-ka qof waxaa la sheegay in kooxdu isugu geysay inta aysan leyn xarun School oo deegaanka ku taalla, kadibna ay ku dhex dileen, badankoodna waxay ahaayeen dadkii aysan u suurta-gelin inay cagahooda ku baxsadaan, oo waxay u badnaayeen haween, carruur iyo dad waayeel ah.

Mid ka mid ah dadka ayaa u sheegay Amnesty International in la dilay seddax ka mid ah eheladiisa – aabihiis, walaashiis iyo xaaskiisa awoowgeed.

Mid kale wuxuu yiri, “Waxaan waayey walaalkey, dumaashidey iyo seddax caruur ah oo ay kujiraan adeer iyo ilma adeer. Meydadkooda waxaa laga dhex helay barxada iskuulka oo ay ka muuqdaan dhaawacyo rasaas ah.”

Ugu dambeyntii Deprose Muchena oo ah Agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee hey’adda Amnesty Internation oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa warbixintiisa ku yiri, “Dowladda Ethiopia waa inay xoojisaa dadaalkeeda si loo joojiyo weerarrada hubeysan ee lagu hayo kooxaha laga tirada badan yahay, loona ilaaliyo naftooda, loogana hor-tago burburka guryahooda, kaliya ma ahan Oromiya, laakiin guud ahaan dalka xaaladaasi way ka jirtaa.”

Wararkii u dambeeyey ee doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabelle

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa maanta lagu wada inay kulan xasaasi ah ku yeeshaan xildhibaanada la soo xulay ee baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Kulankan ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu ka furmo xarunta baarlamaanka HirShabelle, iyada oo khudbado kala dhuwan laga dhageysan doono musharrixiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyaha, ku xigeenkiisa koowaad iyo labaad.

Labo musharrax ayaa isku soo taagay xilka guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, kuwaas oo kala ah Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir oo midkii guuleysta uu bedalayo Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Sidoo kale waxaa xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad u sharraxan labada musharax ee kala ah Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq, halka ku xigeenka labaad ay markale isku soo taagtay Marwo Canab Axmed Ciise oo horay xilkan u soo qabatay, taas oo tartan la geli doonto Xildhibaan Mahad Xasan Cismaan.

Doorashada guddoonka ayaa sida qorshuhu yahay beri oo Arbaco ah 4-ta November ka dhici doono magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba doorashada HirShabelle oo weli is jiid-jiid ka taagan yahay ayaa mareysa meel gaba-gabo ah, waxaana dhowaan la dooran doonaa madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa, iyada oona xalay saq dhexe uu is casilaad ku dhowaaqay madaxweyne Waare.