27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xildhibanada Abgaal: Mooge-yaasha aan la moogeyn

Mudo xileedka mudanayaasha baarlamaanka labada aqal ayaa maraya heer gabo gebo ah, waxaana la isu diyaarinayaa doorashada baarlamaanka 11-aad ee Somalia oo lagu heshiiyay inuu noqon doono mid ku saleysan nidaamka 4.5 murashax walbana uu kursiga u raadsanaayo deegaan doorashadiisa.

Hadaba, waxaan qormadaan ay noqon doontaa mid bidhaamisa xildhibaanada Soomaaliyeed, inagoo marba kasoo qaadan doono deegaan doorasho iyo qaab qabiileedka Soomaalida wax u qeybsado. Waxaana qormadaan ay dul istaagi doontaa xildhibaanada beelweynta Abgaal Ismaan oo leh kuwo muuqda iyo kuwa aan muuqanba.

Xildhibaanada beesha Abgaal ee aqalka hoose iyo sare, waxaa ku fadhiyo xildhibaano ku kala duwan dhinaca aqoonta, damiirka, siyaasadda, waxqabadka iyo kuwo hurda oo moogayaal aan la moogeen, danahoodana ku ilaalsada kursiga xildhibaanimo iyo xasaasanada uu leeyahay.

Qaarkood siyaasadda dalka lama saan qaadi karaan, warna uma haayaan marxaladaha kala duwan ee dalku soo maray. Halka qaar kale siyaasadda wax uun ay ka fahansan yihiin.

Xildhibaanada qaar ayaa dantooda ah inay yihiin xil iyo xoolo doon, halka qaarka kale ay daneenaayaan iney siyaasadda kusoo galaan si ay uga helaan magac iyo mansab siyaasadeed. waxqabadkoodana ku kooban yahay kaliya, si is-tustus ah.

Bal aan eegno, mudanayaasha beeshaan madasho iyo waxqabadkooda, iyo doorka ay ku leeyihiin siyaasadda iyo bulshada dhexdeeda.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow, wuxuu baarlamaanka nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo, wuxuu markii danbe ahaa wasiir ka dhex muuqday xukuumaddii dhacday ee Kheyre, xilkiisana ku waayay saaxiibtinimadii Kheyre. Wuxuu lahaa awood buuxda oo xukuumadii hore, waa ganacsato meel walba lug kula jira, xilkiisa shaqsi ahaan wuu ka faa’iideystay haddey ahaan laheyd arrimahiisa gaarka iyo ganacsigiisa, wuxuu leeyahay shirkadd ku xeran AMISOM oo ka howlgasha Xalane iyo ganacsiyo kale, ma jirto waxqabad muuqda iyo horumar uu gaarsiiyay deegaanka uu madalo, marka laga reebo inuu tabcaday hanti iyo shaqsiyaad gaar ah oo uu ku beeray wasaaradii uu xukumayay ee amniga, beeshiisana waxay u aragtaa in xilkiisa lagu khasaaray deegaankiisana ka war qabin.

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur, waa ganacsade da’yar 30 jir milyanaar ah, wuxuu leeyahay hotelka caanka ah ee Elite, wuxuu ahaa saaxiibadii ku dhowaa Xasan Sheekh, isagoona soo noqday wasiiru dowlihii maaliyada ee dowladdii Xasan Sheekh, halkaasi oo la is leeyahay inuu ku noqday 30 jir milyanaar ah. Marka ay timaado masiibo iyo dhibaato wuxuu boqolaal kun ugu deeqaa hadba meesha masiibada ka dhacday, laakiin ilaa weli ma jirto goob waxbarasho ama caafimaad oo uu ka hirgeliyay deegaankii laga soo doortay, wuxuuna miisaan culus uu ku leeyahay baarlamaanka marka ay timaado doodaha iyo mucaaradnimada dowladda ee xiligaan.

C/qaadir Cosoble, waa siyaasi, ganacsato ah, xildhibaanada ugu muuqda baarlamaanka, wuxuu dhowr mar isu soo sharxay xilka madaxtinimada isagoo helay codod uu ugu gudbay wareega labaad, waa mucaarad aan la gamban fikradiisa, wuxuuna xilkiisa xildhibaano ay tahay ila meereeyso oo wax horumar ah oo muuqda uu deegaankiisa ku hormariyay ma jirto, marka laga reebo inuu dhaliilo dowladda iyo inuu ka dhex muuqdo xisbiyada siyaasadeed ee doonaya in dalka hoggaanka u qabtaan. 

Senator Muuse Suudi Yalaxow, waa hoggaamiye afkaartiisa cad yihiin, wuxuu si cad oo gambasho laheyn fakaarayaasha ugu sheegaa mab’da’iisa iyo in lugta la haysto horumarka bulshada uu madalo, gaar ahaan waa hoggaamiye u dooda xuquuqda dadkiisa leeyihiin, laakiin waayay garab, wuxuu si cad u sheegaa in beesha uu ka dhashay ee Abgaal hoggaan xumida haysa awgeed aysan jirin in la isku duubnaado, waana xildhibaanka kaliya ee beeshiisa horumar la doonayo.

Xildhibaan Saadaq C/kariin, waa xildhibaan laga soo doortay Galmudug oo beesha Abgaal, waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa Agaasimihii madaxtooyada ee xiligii Xasan Sheekh oo ina adeer ay yihiin, waa mooge aan la moogeyn, magac u yaal ah oo aan muuqan, beesha uu ka dhashayna ay karaahiyeysatay mudada afarta sano ee uu xilka ku fadhiyo, waxayna ku shalaaynayaan ergadii dooratay eexdii ay ka eenden ninkii la tartanmayay ee C/llaahi Cali Xasan maxaa codkeena ugu hiilin weynay, waa xildhibaan albaabada dadkiisa ka xertay, kana warqabin deegaankii laga soo doortay.

Caddow Cali Gees, waa xildhibaan Ganacsade ah oo aan ku mashquulin siyaasadda, wuxuu ganacsigiisa gaarsiisan yahay ilaa Dubia, sababta uu baarlamaanka u galayna waa in uu xasaanad ku helaa iyo in ganacsigiisa ku ilaashada, wuxuu qandaraasyo ka haystaa xarunta AMISOM ee Xalane oo dhaqaale xoogan uu kasoo galaa, beeshiisa waxay ka aaminsan tahay in lagu khasaaray, hase ahaatee hadda uu tolkiisa u sheegay in uusan isa soo sharxi doonin, fursadana cid kale uu siin doono.

Dr. Mina Xasan Shibis, waa ganacsato, waxay leedahay hotelka Global ee degmada Shibis ku yaal, waa xildhibaanad qunyar socod ah oo siyaasaddana ku dhiban, laakiin ciyaarta hadba meeshii muuqata inay ka muuqato jecel, waxaa lagu eedeeyaa inay tolkeeda albaabada ka xiratay, waxna ka qaban weyday dhibaato baahsan ee deegaan doorashadeeda ka taagan, colaad, abaar, waxbarasho la’aan iyo caafimaad xumo, intaasina aysan warba u heyn, waxayna tolkeeda ku tuceysanayaan in illaahey wax ka qeyr badan ugu badalo doorashada danbe.

Xildhibaan Yusuf Kabaale, oo Hirshabeele laga soo doortay, cid ka war haysa inuu xildhibaan yahay iyo in kale ma jirto, waayo siyaasadda uma bisla, kamana muuqda saaxada siyaasadda iyo baarlamaanka, wax muuqda oo uu deegaankaasina ka qabtay ma jirto, inkastoo xasilooni amni ay hortaagan tahay.

C/qaadir Carabow wuxuu ka mid yahay xildhibaanada ugu da’da yar baarlamaanka Somalia, horay weligii siyaasad uma gelin baarlamaanka ka hor, hase ahaatee waa xildhibaan dhiiran oo galgal badan, waxaa xildhibaanka kallya ee dhalinyarada dadka uu madalo u heelan, inkastoo aan aqoon u laheyn, haddana aabihii ayaa aqoon u leeyahay oo uu ii ahaa macallinkeygii dugsiga sare ee Umul Quraa 95-kii. Waa Xildhibaan u taagan inuu dhibaatada dadkiisa la qeybsado, kuwa codkooda meel sare gaareyna u hiiliya.

Senator Maxamed Amiin, Senator Samsam Dahir iyo Xildhibaan Sahro Cumar Maalin waa saddax xubnood oo aqalka sare iyo aqalka hoose ka tirsan, waa mudanayaal aan ka dhex muuqan hay’adda ay ka tirsan yihiin, inkastoo ay kala siman yihiin eedaha iyo ceebaha xildhibaanada kale ee howshii loo igmaday gebay.

Hadda, xildhibaan walba marka laga reebo Caddow Cali Gees waxaa ham ugu jiraa inuu dib usoo laabto dadkoodii ay dayaceena ay cod ka helaan, hase ahaatee doorashada Somalia oo la og yahay xaalkeeda waa suuragal ah in inyar oo ka mid ah ay dib usoo laabtaan iyagoo adeegsanaayo jeebkooda, waase ku doqonimo in kan ku dooranaya xaalada jirta.

Ali Muhiyaddiin – Waxaad kala xiriiri kartaa: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xisbiga Wadajir oo war ka soo saaray habka doorasho ee xildhibaanda G/Waqooyi

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa war qoraal ah kasoo saaray walaaca ay ka qabaan dib u dhaca ku yimid doorashada, iyagoo sidoo kale taageero u muujiyay qoraal uu soo saaray gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo la xiriira xildhibaanada Somaliland.

Xisbiga Wadajir waxey qoraalka ay soo saareen maanta ku sheegeen iney ka walaacsan yahiin arrimaha doorashooyinka maadaama wali aan tallaabo loo qaadin iyadoo la joogo wakhtigii ku qornaa heshiiskii ay gaareen dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada.

“Xisbiga waxa uu walaac xoogan ka muujinayaa in aan wali tallaabo loo qaadin fulinta qodobadii lagu heshiiyay, gaar ahaan jadwalkii doorashada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xisbiga wadajir.

Sidoo kale xisbiga wadajir wuxuu taageero la garab istaagay gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Caashi oo war qoraal ah kasoo saaray xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland, waxeyna xisbiga aaminsan yahiin in gudoomiyaha aqalka sare uu isaga xaq u leeyahay inuu soo magacaabo maadaama uu yahay qofka ugu sarreeya ee matalaya walaalaha Somaliland.

Heshiiskii ay gaareen dowladda dhexe iyo dowladdaha xubnaha ka ah waxaa jadwalka ku qorana in doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka la bilaabayo bishaan dhexdeeda, balse ma muuqato wax tallaabo ah oo loo qaaday wali, waana arrinta dhalisay walaaca ay qabaan xisbi siyaasadeedka Wadajir.

 

 

Dagaalka qowmiyadaha ee Ethiopia oo ka daray iyo 100 Amxaaro ah oo la dilay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ugu yaraan 100  qof oo kasoo jeeda qowmiyada Amxaarada ayaa lagu dilay weerar maalin ka hor, 1-dii bishan November ay qaaday koox la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Jabhadda hubeysan ee Oromo Liberation Army oo magaceeda loo soo gaabiyo (OLA).

Weerarkaas waxa uu ka dhacay tuulo lagu magacaabo Gawa-Qanqa oo  hoos tagta degmada Guliso ee dhacda galbeedka gobolka Wellega Zone ee dalka Itoobiya.

Kooxdaas waxay weerarka qaaday maalin kadib markii ciidamada milteriga dowladda dhexe ee Itoobiya ay isaga bexeen aaggaas, iyagoo aan shaacin sababta bixitaankooda.

Dad ku sugan deegaanada dadkaas lagu laayey ayaa warbaahinta u sheegay in tobaneeyo rag, dumar iyo carruur isugu jira la dilay, hanti badan la dhacay, isla markaana ay kooxdu gubtay oo dab qabadsiiday wixii ay qaadi weysay.

“Weerarkan macno darrada ah ayaa ah kii ugu dambeeyay ee taxane dilal dalka ka dhaca, kaas oo xubno ka tirsan qowmiyadaha tirada yar si ula kac ah loola beegsaday. Xaqiiqda ah in dhacdadan foosha xun ay dhacday waxyar kadib markii ciidamada dowlada ay si lama filaan ah uga baxeen aaga duruufo aan la fahmi karin ayaa keenaya su’aalo ay tahay in laga jawaabo” waxaa sidaas yiri Deprose Muchena oo ah Agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Sarkaalkaas ka tirsan Amnesty ayaa mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya ka dalbaday inay baaraan wixii dhacay oo ay maxkamadeeyaan kuwa mas’uulka ka ahaa weerarkaas, weliba si cadaalad ah.

“Amnesty International waxay la hadashay qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarkii foosha xumaa ee ka badbaaday geerida iyagoo ku dhuumaaleystay keyn ku dhow. Waxay sheegeen in kooxda weerarka soo qaaday ay cadeeyeen inay yihiin OLA oo ay sheegeen inay ‘gacanta ku hayaan’ aagga ay ciidamada dowladdu baxeen 31-kii October” ayuu yiri Agaasime  Deprose Muchena.

100-ka qof waxaa la sheegay in kooxdu isugu geysay inta aysan leyn xarun School oo deegaanka ku taalla, kadibna ay ku dhex dileen, badankoodna waxay ahaayeen dadkii aysan u suurta-gelin inay cagahooda ku baxsadaan, oo waxay u badnaayeen haween, carruur iyo dad waayeel ah.

Mid ka mid ah dadka ayaa u sheegay Amnesty International in la dilay seddax ka mid ah eheladiisa – aabihiis, walaashiis iyo xaaskiisa awoowgeed.

Mid kale wuxuu yiri, “Waxaan waayey walaalkey, dumaashidey iyo seddax caruur ah oo ay kujiraan adeer iyo ilma adeer. Meydadkooda waxaa laga dhex helay barxada iskuulka oo ay ka muuqdaan dhaawacyo rasaas ah.”

Ugu dambeyntii Deprose Muchena oo ah Agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee hey’adda Amnesty Internation oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa warbixintiisa ku yiri, “Dowladda Ethiopia waa inay xoojisaa dadaalkeeda si loo joojiyo weerarrada hubeysan ee lagu hayo kooxaha laga tirada badan yahay, loona ilaaliyo naftooda, loogana hor-tago burburka guryahooda, kaliya ma ahan Oromiya, laakiin guud ahaan dalka xaaladaasi way ka jirtaa.”

Wararkii u dambeeyey ee doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabelle

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa maanta lagu wada inay kulan xasaasi ah ku yeeshaan xildhibaanada la soo xulay ee baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Kulankan ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu ka furmo xarunta baarlamaanka HirShabelle, iyada oo khudbado kala dhuwan laga dhageysan doono musharrixiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyaha, ku xigeenkiisa koowaad iyo labaad.

Labo musharrax ayaa isku soo taagay xilka guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, kuwaas oo kala ah Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir oo midkii guuleysta uu bedalayo Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Sidoo kale waxaa xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad u sharraxan labada musharax ee kala ah Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq, halka ku xigeenka labaad ay markale isku soo taagtay Marwo Canab Axmed Ciise oo horay xilkan u soo qabatay, taas oo tartan la geli doonto Xildhibaan Mahad Xasan Cismaan.

Doorashada guddoonka ayaa sida qorshuhu yahay beri oo Arbaco ah 4-ta November ka dhici doono magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba doorashada HirShabelle oo weli is jiid-jiid ka taagan yahay ayaa mareysa meel gaba-gabo ah, waxaana dhowaan la dooran doonaa madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa, iyada oona xalay saq dhexe uu is casilaad ku dhowaaqay madaxweyne Waare.

Daawo: Rooble oo amar deg deg ah siiyey MAAMULKA Gobolka Banaadir + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan deg deg ah ugu yeeray maamulka gobolka Banaadir, kaasoo ku qabsoomay xafiiska Rooble, waxaana looga hadlay dhibaatada roobabka iyo biyaha xiray wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray maamulka gobolka Banaadir in si deg deg ah wax ugu qabtaan dhibaatada roobabka iyo wadooyinka biyaha xiray, isagoona sidoo kale amray in la caawiyo dadka barakacayaasha ah ee roobabka waxyeeleeyeen.

“Waxaan isugu kiin yeeray dardar gelinta howlaha aad u haysaan shacabka oo maalmahan la dareemayo gaab muuqda oo ka jira dhanka bilicda iyo fayo dhowrka caasimadda. Sidoo kale waxaa la idin ka sugayaa in aad gurmad deg deg ah la gaartaan dadkeenna ay waxyeeleeyeen Roobabka ka da’ay Gobolka.”

”Waxaan idinku boorrinayaa in dadka magaaladan jooga ee canshuurta bixiya ay dareemaan in canshuurtodii wax loogu qabtay”

Rooble ayaa maamulka gobolka Banaadir ku amray in dadka caasimada ku cool la siiyo adeeg u dhigma canshuurta ay bixiyaan, si ay u dareemaan in canshuurtooda wax loogu qabto.

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa aad u saameeyay roobabkii saacadihii lasoo dhaafay ka degay magaalada, iyadoo wadooyinka ay xirmeen, xaafadaha qaarna loo kala gudbi karin.

Dadka Muqdisho ayaa si joogto ah u bixiya laçago canshuur ah oo bil walba laga qaado guryaha iyo goobaha ganacsiga, lamana oga halka ay ku baxdo, mana haystaan adeeg waxbarasho, caafimaad iyo mid nadaafadeed.

Mucad Dheere iyo ilaaladiisa oo howl-gal lagu khaarijiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ay ka sameeyeen degmada Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku bartilmaameedsadeen guri ku yaalla degmadaas oo ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab & ilaaladiisa.

Sarkaalka la toogtay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay (Mucaad Dheere) iyada oo sidoo kale howl-galkaas lagu khaarijiyey 10 dagaalame oo la socotay.

Warka ka soo baxay taliiska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Mucaad Dheere uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca gobollada Jubbooyinka.

”Ciidanka kumaandooska oo ka war hayay in habeenimadii Sabtida sarkaalka iyo xubnaha lasocday soo gaareen Sablaale ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmadaasi iyagoona ugu galay gurigii ay ka joogeen Sablaale islamarkaana goobti kuwada toogteen sarkaalka iyo tobankii xubnood ee la socday, ayaa lagu yii qoraalka.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi lagu dilay Mucaad Dheere oo ka mid ah saraakiisha kooxdaasi.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Weerar isugu jira toogasho iyo is-miidaamin oo lagu qaaday Vienna + Sawirro

Vienna (Caasimada Online) – Ugu yaraan laba qof ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay 15 kalena lagu dhaawacay weerar isugu jira is-miidaamin iyo rasaas oo lagu qaady meel u dhow kaniisad Yahuudeed oo ku taalla magaalada Vienna ee dalka Austria.

Weerarka ayaa waxaa fuliyey dabley hubeysan, waxaana lagu warramayaa in la qabtay dhowr ka mid ah, halka qaar kalena la la’yahay oo weli lagu raad joogo. Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in mid ka mid ah uu isku qarxiyey dibedda kaniisadda.

Wargeyska ugu afka dheer Austria ee Kronen Zeitung, oo soo xiganaya wasiirka arrimaha gudaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Austria, Karl Nehammer ayaa ku sheegay dhacdadan mid argagixiso, islamarkaana sidoo kale lagu toogtay oo si xun loogu dhaawacay sarkaal boolis.

Illaa iyo hadda ma cadda haddii kaniisadda Yahuudda uu ahaa bartilmaameedka weerarka, ayada oo dhisme iyo maqaayad u dhow labaduba ay xirnaayeen markii weerarka uu dhacay

Sawirro naxdin leh oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dad goobta ka baxsanaya, ayaga oo dhaawac ah oo dhiigmaya.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Austria ayaa xaqiijiyey dhimashada hal qof oo kaliya iyo dhaawaca dhowr kale.

Idaacadda dowladda ee ORF ayaa goobjoogeyaal kasoo xigatay in toogashada ay billaabay abaare 7-dii habeennimo, laguna qaaday waddo hormarta kaniisadda Yahuudda.


Diyaarad uu la socday Qoor Qoor oo weerar lagu qaaday iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa galabta weeraray diyaarad uu galabta Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ka soo raacay magaalada Dhuusamareeb.

Xubno la socday wafdiga madaxweynaha ayaa Caasimada Online u sheegay in ilaa sideed xabadood oo laga riday qoriga loo yaqaano Suuga ay Al-Shabaab ku rideen diyaaradda, daqiiqado yar kadib markii ay hawada gashay.

Xubnaha aan soo xiganeyno oo naga dalbaday inaanaa adeegsan magacyadooda ayaa noo sheegay in shaqaalada hey’adda duulista rayidka qeybtooda ka howlgasha Dhuusamareeb ay duuliyaha ku war-geliyeen inay rasaas ku socoto, isla markaana uu jiha kale u weeciyo diyaaradda.

“Hubkii lagu soo riday diyaaradda oo naguula sheegay sideed xabadood waa lala waayey Alle ayaa mahadleh, duuliyaha waxaa lagu wargeliyey inuu jiha kale u weecdo, khal-khal badan ayaan dareenay, balse hada waxaan si nabad ah ku imaanay Muqdisho,” ayuu yiri mid ka mid ah xubnihii madaxweyne Qoor Qoor Dhuusamareeb ka soo raacay oo Caasimada Online u waramay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in diyaaradda oo u socotay Muqdisho ay gashay wareeg dheer, isla markaana ay dulmartay degmada Gurceel oo 60 KM koonfur galbeed uga beegan Dhuusamareeb.

Xilliga diyaaradda la weeraray waa 5:30am oo galabnimo, waxuuna Madaxweyne Qoor Qoor caawa ku suganyahay magaalada Muqdisho oo safarkiisu uu ku wajahnaa.

Wixii ka dambeeyey markii Ahlu-Sunna looga taag roonaaday Galmudug, waxaa caasimadda maamulkaas ee Dhuusamareeb ku soo dhawaaday Al-Shabaab, waxayna xilliyada habeenkii ah duqeeyaan garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale waxaa si cabsi ah lagu maraa wadada u dhaxeysa Dhuusamareeb iyo Gurceel oo dhowr habeen lagu arkay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo gaadiidka boonadooda canshuurta u jaraya.

Seddax maalin ka hor inta u dhaxeysa deegaanka Ceeldheere iyo Dhuusamareeb waxaa lagu qarxiyey gaari weyn oo kuwa ciidanka ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad ee milateriga Soomaaliya.

Illaa hadda ma jiro masuul ka tirsan Galmudug oo ka hadlay amni darada ka soo cusboonaatay deegaanada ku xeeran magaalada Dhuusamareeb oo Al-Shabaab badan ay gudaha u soo galeen, mana jirto wax dhaq-dhaqaaq ciidan ah oo hadda socda.

Shanta xilal ee ugu sarreysa maamulka HirShabeelle iyo BEELAHA isku haysta

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar oo haatan uu ka socdo dhismaha dowlad goboleedka HirShabeelle, waxaa laga dareemayaa hardanka ay beelaha dega gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ugu jiraan hanashada jagooyinka sare ee maamulka cusub.

Toddoba musharax oo u taagan qabashada xilalka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa ayaa maanta la diiwaan geliyey, waxayna doorashada guddoonka baaramaanka dhaceysa laba maalin kadib.

Hadaba sidey beeluhu ugu loolamayaan shanta jago ee ugu sareysa maamulka?

1 –Xilka Madaxweynaha: Beelaha Abgaal iyo Xawaadle ayaa loolan adag ugu jira xilka madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, afartii sano ee lasoo dhaafay madaxwenaha HirShabeelle waxa aheyd beesha Xawaadle, balse hadda waxaa kula loolameysa beesha Abgaal.

2 –Xilka Madaxweyne ku xigeenka: Sidoo kale beelaha Abgaal iyo Xawaadle waxaa dhex yaalla xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka HirSahbeelle, waxaana qaadan doonta beesha looga guuleysto madaxweynaha.

3 –Seddax ka mid ah  7-da musharax ee maanta la diiwaan geliyey waxay u tartamayaan xilka guddoomiyaha baarlamaanka HirShabeelle, waxayna ka soo jeedaan beesha Gaaljecel.

4 –Laba musharax waxay u taagantahay xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka HirShabeelle, waxayna ka soo jeedaan beesha Gugundhabe.

5 –Labada kale ee musharaxiintii maanta la diiwaan geliyey waxay u tartamayaan xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka HirShabeelle, waxayna ka soo kala jeedaan beelaha Udeejeen iyo reer Ow-Xasan.

Waxaa xusid mudan inay jiraan beelo kale oo aan ku xusneyn loolankaan, isla markaana aan ka soo dhex muuqan, waxaana ka mid ah beesha Jareer-weyne.

Odayaasha iyo waxgaradka beeshaas waxay qabaan in markii la aas-aasaayey HirShabeelle afar sano ka hor aan lasiin jagooyinkii ay mudnaayeen, sidoo kale waxay marar badan sheegeen in dowladda dhexe aysan ku heysan mansabkii ay mudnaayeen.

 

Wasiirka Warfaafinta DF oo si yaab leh ugu jawaabay dalabkii Faysal Cali Waraabe

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa jawaab kulul ka bixiyey jeedin uu shalay sameeyay guddoomiyaha xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe, xili uu shir uga qeyb-galay magaalada Nairobi.

Guddoomiye Faysal ayaa shir ay yeeshen beelaha Dir ka sheegay in beeshu ay Baarlamaanka Soomaaliya ku leedahay 75-kursi, lana mid yihiin Daarood, Hawiye iyo Digi/Mirifle, balse aysan muuqan doorkooda, loona baahan yahay inay awood qeybsiga ka qeyb galaan, arrintaasna xoogga la saaro.

Hadal jeedintaasi ayuu wasiirka cusub ee warfaafinta Soomaaliya ku tilmaamay mid aan kasoo bixin shaqsigii ku munaasabsanaa, maadama uu si dadban Faysal Cali Waraabe ugu sifeeyay shaqsi umadda Soomaaliyed ku kala irdheeyay xumaan iyo cuqdad, sida uu hadalka u dhigay.

Cismaan ayaa sidoo kale sheegay inay caadi tahay in shir beeleed ay isugu yimaadaan siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaal, balse ay nasiib darro tahay inay shirkaasi kasoo muuqdaan siyaasiyiin uu sheegay inay 30 sanno hortaagnayeen midnmada Soomaalida.

Wuxuuna shaqsiyaad uusan carabaabin oo uu kamid yahay Faysal Cali Waraabe ku sifeeyay inay hadda shirarka beelaha iyo Nairobi ka dhex raadinayaan ‘sidii ay habeen madow iyaga oo dhuumanaya daaqad uga soo geli lahaayeen siyaasaddii Soomaaliya ee ay mudada 30-ka sano ah caayayeen’.

“Dad badan baa isoo weydiiyey shir ka dhacay Nairobi oo beelo Soomaaliyeed ku shireen. Waa wax la fahmi karo in dhaqan ahaan Beeluhu u shiraan, Laakiin waxa indhaha dadweynuhu gaar u qabteen Nimankii midnimada Shacabka Soomaaliyeed hortaagnaa 30ka sano” ayuu yiri Wasiir Cismaan.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Weliba cuqdadda iyo xumaanta ku dhex beerayey ee laga kari waayey walaalayaalow kaalaya oo Soomaali oo isku dhan taladeeda ka qayb-qaata in ay hadda shirarka beelaha iyo Nairobi ka dhex raadinayaan sidii ay habeen madow iyaga oo dhuumanaya daaqad uga soo geli lahaayeen siyaasaddii Soomaaliya ee ay 30 ka sano caayayeen. Odayadaas dhuumanaya waxan leenahay soo dhowaada walaalayaal, Albaabadu weli way furan yihiin”.

Si kastaba, hadalka Cismaan ayaa imanaya xili shirkaasi laga soo saaray war-saxaafadeed lagu dalbanayay in Doorashada xildhibaannada Dirta waqooyi ay u dhacdo si xalaal ah oo ay u madax bannaan-yihiin magacaabiddda guddiyada Doorashada.

Ruushka oo ballan-qaaday inuu soo galayo dagaalka Armenia iyo Azerbaijan

Moscow (Caasimada Online) – Ruushka ayaa ballan-qaaday inuu ka caawin doona Armenia dagaalka ay kula jirto Azerbaijan, haddii uu soo gaaro gudaha dalkaas, kadib markii Yerevan ay codsatay kaalmo amni.

Codsiga Armenia ay u dirtay Moscow ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo inay isku dhacaan Ruushka iyo Turkey, oo ay xulufo yihiin Azerbaijan.

Ra’iisul Wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ayaa si rasmi ah u weydiistay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin inuu billaabo “wada-tashi deg deg ah” oo la xiriira caawimaad amni oo uu siiyo ciidamada Armenia, xillia kuwa Azerbaijan dhulal badan ka qabsadeen gooni u goosatada gobolka la isku hayo ee Karabash.

Codsiga ayaa sidoo kale yimid kadib markii Azerbaijan iyo Armenia ay ku guul-darreysteen inay isku raacaan xabad-joojin cusub intii lagu guda jiray wada-hadallo Jimcihii ka dhacay magaalada Geneva.

Si kastaba, madaxweynaha Azerbaijan Ilhan Aliyev ayaa Axaddii sheegay inaysan jirin sababo Ruushka ay usoo faro-geliyaan dagaalka, sababtoo ah buu yiri, Baku halis kuma ahan dhulka Armenia.

Dagaalka ayaa muddo bil ka badan ka socda gobolka Karabakh, oo ay degan yihiin dad Armenian ah, balse ka tirsan dalka Azerbaijan.

AFP + VOA

Maxay yihiin afarta shaqo ee ay qaban doonto hay’adda DADSOM ee la ansixiyey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha shacabka baarlamanka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hay’adda Diiwangelinta Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed ee loo soo gaabiyo Hay’adda DADSOM.

Muhiimadda gaarka ah ee ansixinta Sharcigaan uu uleeyahay hooyo, aabe iyo ilmo walba oo Soomaaliyeed waa xagga aqoonsiga iyo jiritaanka qof walba oo Soomaaliyeed inuu yeelanayo lambar tirsi ah oo ku xiran dhalasho ilaa geeri iyo dhanka dhaqaalaha dalku sii kobcayo.

Soomaalidu waa dad is-gacan qabta, mudadii ay dhibtu jirtayna xawaaladaha ayaa u fududeeyay howlahaas, waxaana abuurmay bankiyo caalamka la tartami kara, laakin wadamo badan way xireen xawaaladaha xafiisyadooda dibadda, bankiyadiina way awoodi la’yihiin in lacagta si toosa loogu diro banki kale oo caalami ah oo iyaga la siman!

Sababtuna waxa ay tahay in lagu xiray shardi ah in ay soo buuxshaan nidaamka caalamiga ah ee loo yaqaan macmiilkaaga aqoonso (Know Your Customer) ee bankiyada dunida oo dhan ku shaqeeyaan. Nidaamkaan oo hirgeli kara in qof walba leeyahay National ID u gooni ah.

Haddaba, ansixinta Golaha Shacabka ee Sharcigaan ayaa ah mid ay kujirto danta qof walba oo Soomaaliyeed, midka magaalada jooga iyo kan baadiyaha jooga, kan dibada jooga iyo kan gudaha jooga, kan ganacsada iyo kan dowlad u shaqeeya iyo in dalka u soo galo dhaqaalihii dibadda ku xanibnaa si waafaqsan nidaamka caalamiga ah.

Sida Sharcigu dhigayo Hay’adda DADSOM waxay umadda Soomaaliyeed gude iyo dibad u qaban doontaa in ay:

1. In ay muwaadin walba iyo cid walba oo si sharci ah dalka kujoogta siiso lambar tirsi ah oo u gooni ah

2. In ay bixiso kaarka Aqoonsiga heer Qaran (National ID)

3. In ay dajiso oo u fududeyso barnaamijyada ay degmooyinka iyo gobolada ku bixin lahaayeen waraaqaha aqoonsiga sida dhalashada, dhimashada, guurka, furiinka iyo geerida, oo leh hal hanaan (one standard) oo la raaci karo.

4. In ay isku xirto laamaha dowladda qaab elektroonik ah oo u fududeynaya wadashaqeyn iyo howl fududeyn heersare ah.

Howl-gelinta iyo dardargelinta shaqooyinka DADSOM ayaa ah mid culeys badan kaga dhacayo eedaymo badan oo dhawaan Security Council usoo jeediyeen Soomaaliya iyo mid ay fududeyn doonto howlaha iyo baahiyaha muwaadin walba oo Soomaaliyeed.

XIJAAR oo qorshe la xiriira doorashada ka billaabay magaalooyinka Puntland

0

Garowe (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa bilaabay dar-dar galinta howsha loo idmay ee la xiririta sugidda amniga goobaha doorashooyinka, wuxuuna markaan ku sugan yahay magaalada Garowe ee dowlad goboleedka Puntland.

Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga caasimada maamulka Puntland ee Garoowe, ayaa kulan la qaatay Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Ku-simaha madaxweynaha iyo Taliye Xijaar ayaa ka wada-hadlay sidii dowladda federaalka iyo maamulka Puntland ay uga wada shaqeyn lahaayeen dar-dar gelinta arrimaha doorashooyinka, oo dhawaan heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa sidoo kale waxa diirad lagu saaray sidii labada dhinac ay iskaga kaashan lahaayeen sugida Amniga doorashooyinka labada aqal, gaar ahaan kuwa lagu qabanayo deegaanada Puntland.

Taliyaha wuxuu kormeer ku sameeyay dhawr goobood oo ay ka dhici doonto doorashada aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana wehliyay saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliya iyo kuwa maamulka Puntland.

Qiimeynta ay sameeyeen waxey kaliya ku wajahneed magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana Booliska Soomaaliya loo xil saaray iney sugaan amniga iyo isku-dubaridka doorashooyinka.

Taliyaha wuxuu kormeer arrimahaan doorashooyinka la xiriira ku tagay Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana la rajeynayaa inuu tago maamulada kale ee haray sida Jubbaland iyo Hirshabelle, si uu ammaanka doorashooyinka uga agaasimo.

Bishaan Novembar wuxuu dalka galayaa doorashooyin, waxaana la filayaa in laga bilaabo labada aqal ee Baarlamaanka, sidaas darteed maamul walba waxaa loo asteeyay laba meelood oo la dhigi doono kuraasta xildhibaanada aqalka hoose.

Taliyaha wuxuu u muuqdaa mid si hordhac ah u fulinaya hawlahiisa iyadoo doorashada wakhtigeeda rasmiga ah aan la shaacin.

Madasha Xisbiyada Qaran oo ka soo horjeesatay qaabka loo xulayo xildhibaanada Gobollada Waqooyi ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta war-saxaafadeed ay soo saartay ku muujisay mowqifkeeda ku aadan doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi (Somaliland) ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, xili uu maalmihii u dambeeyay hadheeyay khilaaf xoogan.

Madasha ayaa sheegtay inay adkayneyso ahmiyada iyo qiimaha ay siyaasiyiinta gobolada waqooyi ugu fadhiyaan dowladnimada dalkeeda, isla markaana ay rabto in hanaan hufan oo raali lagu wada yahay loo hirgeliyo doorashada xubnaha goboladaasi.

Waxay si cad garab istaag ugu muujisay Madashu waraaq uu dhawaan soo saaray guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi, kaasi oo ku dalbanayay inuu magacaabo xubnaha guddiyada doorashada ee gobolada waqooyi, isla markaana uu kaga hor imanayey hanaankii lagu go’aamiyey heshiiskii Muqdisho ee doorashada 2020/2021.

Madasha ayaa si adag uga digtay in hanaan aan loo mideysneyn ay jideeyan madaxda dalku, iyadoona soo jeedisay in hanaanka doorashadaasi lagu saleeyo habraacyadii meel-marka ahaa ee lagu galay doorashadii dad-baneyd ee 2016-kii.

“Waxaan cadeyneynaa in guddoomiyaha aqalka sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu yahay mas’uulka ugu mudan xagga sharciga iyo nidaamka federaalka labadaba inuu magacaabo xubnaha guddiyada doorashada ee gobolada waqooyi, maadaama uu yahay siyaasiga ugu maamuuska sarreeya ee la doortay, hogaamiyana siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolladaas, isla markaasna hadda ah guddoomiyaha aqalka sare ee BFS” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha.

Waxa kale oo war-saxaafadeedkaasi lagu yiri “Madashu waxay ugu baaqeysaa madaxda labada heer dowladeed in ay si wadajir ah u dhameystiraan wadar-ogolka hirgelinta hanaanka doorashooyinka 2020/2021 lagana fogaado waxkasta oo ku keeni kara muran iyo isqab-qabsi doorashooyinka loo madlan yahay”

War-saxaafadeedkan maanta kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa isgarab istaag loogu muujiyay qoraal uu Guddoomiye Cabdi Xaashi u kala diray madaxweyne Farmaajo, ra’iisal wasaare iyo madaxda dowlad goboleedyada, kaasi oo uu ku dalbanayey inuu isaga soo magacaabo guddiga doorashada ee matalaya gobollada waqooyi.

Cabdi Xaashi ayaa qoraalkaasi ku sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan xaq u lahayn in magacowdo guddiga doorashada gobollada waqooyi, sida lagu qoray heshiiska doorashada ee ay gaaraan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sababtuna ay tahay inaysan soo magacaabin xubnaha dowlad goboleedyada.

Xildhibaanada BF oo maanta ansixiyay sharci muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharci muhiim ah kadib markii ay kulan caadi ah ku yeesheen xaruntooda kumeel gaarka ah ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddomiye ku xigeenka Koowaad Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa kulanka shir gudoominayay, waxaana lagu ansixiyay Hindise-Sharciyadeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaangalinta & Aqoonsiga Dadweynaha.

Kulanka waxaa soo xaadiray 143 mudane, iyadoo cod aqlabiyad leh lagu ansixiyay sharciga miiska saarnaa, ma jirin xildhibaan ka aamusan iyo mid diiday toona.

Dhinaca kale Xildhibaanada Baarlamaanka waxey akhriyeen markii labaad hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaalka, dib ayaana la isugu soo laaban doonaa si go’aan looga gaaro.

Gudoomiyaha golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal C/raxmaan wuxuu aad ugu mahad celiyay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka isagoo sharciga la ansixiyay ku tilmaamay mid sax ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka muddo xileedkooda waa gabaabsi, waxaana bishaan gudaheeda bilaaban doona doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka kuwaas oo ka kala dhici doona goobo lagu cayimay heshiiskii ay gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Loolan cusub oo ka billowday maamulka HirShabeelle iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Jowhar (Caasimada Online) – Waxa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabeelle ay ka bilaabato diiwaan-gelinta musharaxiinta guddoonka baarlamaanka maamulka, xili shalay lasoo saaray jadwalka doorashadaasi.

War kasoo baxay Guddiga ayaa shalay waxa lagu sheegay in maanta oo Isniin ah ay bilaabaneyso qabashada Araajida musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka, halka 3-da Bisha November oo ku aadan Talaalada ay musharixiinta jeedin doonaan khudbadahooda.

Jadwalka doorashada guddoonka baarlamaanka oo u muuqday mid deg-deg ah ayaa waxa lagu soo koobay in saddex maalin gudahooda ay ku dhacdo doorashadaasi, oo loolan adag ugu jiraan dhinacyo badan.

Waxaa jira xubno badan oo isku taagay jagada Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle, kuwaas oo isugu jira kuwa ku cusub saaxada siyaasadda iyo kuwo horay xilal u soo qabtay, waxaana xubnaha musharaxnimadooda ku dhawaaqay kamid ah:

1: Canab Axmed Ciise: Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaankii 1aad ee Hirshabelle

2: Xildhibaan Siraaji Sheikh Isaaq: oo u sharaxan Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka Hir-shabeelle.

3: Xildhibaan Mahad Xassan Cusmaan: u sharaxan Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee baarlamaanka Hir-shabeelle.

Waxa kale oo iyaguna jira shaqsiyaad loolan xoogan ugu jira qabashada xilalkaasi, kuwaasi oo la soo warinayo inay ku kala hirdamayaan mucaaridka iyo dowladda federaalka oo madaxdeedu ay rabto inay markale soo laabtaan.

Arrimahan dhan ayaa imanaya xili maanta amaanka caasimada maamulka HirShabeelle si weyn loo adkeeyay, iyada oo ay ku sugan yihiin siyaasiyiin miisaan culus ku leh dalka, oo isha ku haya hanaanka doorasho ee maamulkaasi.

DF oo isku dayeysa inay hagaajiso xiriirka Masar ee u xumaaday Ethiopia darteed – Maxaa ka socda Xamar?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Masar ee Soomaaliya, Maxamed Nasar, xili la fahamsan yahay inuu sii xumaaday xiriirka labada dal.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankan ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, iyada oo labada mas’uul isku afgarteen in lasii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Danjiraha Masar ee Soomaaliya ayaa isagu dul istaagay sooyaalka wada-jirka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, isagoona balan-qaaday in dowladda Masar ay gacan qaban doonto dowladda Soomaaliya.

Danjiraha ayaa si gaar ah sheegay in Masar ay dowladda Soomaaliya ka caawin doonto arrimaha waxbarashada, oo uu sheegay inay aasaas u tahay horumarka iyo dowlad dhiskaba.

Kulankan ayaa sidoo kale waxa ku wehlinayay danjiraha, Safiir ku-xigeenka dowladda Jarmalka, Sascha Andreas Kienzle oo uu maanta wada qaabilay wasiiru dowlaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya.

Safiirrada ayaa si wada-jir ah ugu hambalyeeyay xilka dhawaan loo magacaabay Wasiiru Dowlaha, iyaga oo u rajeeyeyna ka mira-dhalinta shaqooyinka qaran ee horyaalla, isla markaana u muujiyey is-garab taag.

Ugu dambeyntiina Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ayaa uga mahad-celiyey Danjireyaasha booqashadooda, isagoona la wadaagay dadaalladda dowladda federaalka Soomaaliya ee xoojinta amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo adeegyada aas-aasiga ah.

Waxa uu ahaa kulankii saddexaad ee dhex-maray safiirka Masar ee Soomaaliya

Shalay ayey aheyd sidoo kale markii wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, uu qaabilay safiir Mohamed Ibrahim Nasr, si loo faaqido xoojinta hababka iskaashiga iyo horumarinta xiriirka labada dhinac.

Intii lagu guda-jiray kulanka ayaa waxaa looga dooday dhowr arrimood oo muuqda oo ku saabsan xiriirka labo geesoodka ee labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee gobolka iyo dunida inteeda kale.

Isla shalay, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS Marwo Khadiija Maxamed Diiriye iyo safiirka dawladda Masar u jooga Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen waxa ay uga wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca gargaarka.

Kulanka labada dhinac ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Gargaarka ayey labada dhinac muujiyeen sida ay muhiimka u tahay in la iska kaashado xaaladaha adag ee u baahan iskaashiga

Kulamada ayaa imanaya xili uu sii xumanayey xiriirka Soomaaliya iyo Masar, kadib markii dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ay dhinaca saartay Itoobiya, oo si weyn isku hayaan Masar.

Wararka ayaa sheegaya in Soomaaliya ay hadda isku dayeyso inay dib u hagaajiso xiriirkaas, hase yeeshee ma cadda sida ay u maareyn doonto siyaasaddii markii horeba ku riixday dhanka Ethiopia.

Sawirro: Sheekh Shariif oo dalab hordhigay odayaasha dhaqanka ee HirShabeelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jowhar ee caasimada Hi rShabelle ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaasi.

Shariif ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee soo xulay xildhibaanada labaad ee baarlamaanka HirShabelle, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ah mid is-xog wareysi ah, waxaana sidoo kale lagu soo qaaday dhismaha maamulka HirShabelle.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dalab culus hordhigay duubabka dhaqanka, wuxuuna ka codsaday inay ka soo qeyb-galaan golgol dib u heshiisiin ah oo uu dhigayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Waxaan idinka codsanayaa in dib u heshiin la dhex dhigo beelaha dega Hirshabelle ka hor inta aan la galin doorashada Hirshabelle,”ayuu yiri SHeekh Shariif Sheek Axmed.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in Shariifka uu doonayo in xal waara laga gaaro kursiga madaxweynaha oo ay isku heystaan beelaha Xawaadle & Abgaal, si loogu tartamo, islamarkaana ay noqoto doorashada mid loo dhan yahay oo xor iyo xalaal ah.

Safarka uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku tegay Jowhar oo ay ku wehlinayaan xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran iyo xildhibaano ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay dhammeynta tabashada ka taagan dhismaha dowlad goboleedka HirShabelle.

Dadaallada uu wado Sheekh Shariif ayaa ku soo aadayo, xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dhankeeda qorshe gaar ah ka wadato dhismaha HirShabelle, waxaana shalay ay soo dhoweysay soo xulista xildhibaanada labaad ee baarlamaanka maamulkaasi.

Maxaa ka run ah arrinta uu Mahad Salaad ka sheegay DF Soomaaliya, Imaaraadka Carabta, Sacuudi iyo Masar?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan xiriirka dhinaca caalamiga ah ee Soomaaliya.

Mahad Salaad ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay qaaday afartii sano ee la soo dhaafay tallaabooyin ka dhan ah dowladaha Masar, Sucuudiga iyo Imaaraadka, iyada oo is xijineysa Qatar, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in diblumaasiyiinta dowladahan ay albaabada ka xirteen madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), iyo taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay bilaabeen inay raadiyaan diblumaasiyiinta dalalkaasi, oo uu sheegay inay muhiim u ahaayeen dhanka waxbarashada, ganacsiga, xajka, diblumaasiyadda iyo xiriirka taariikheed.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey in go’itaanka xiriirka ay Soomaaliya la laheyd saddexdan dal ay sabab u ahaayeen madaxweynaha iyo taliyaha NISA.

Halkan hoose ka aqriso:

Fahad iyo Farmaajo cabsi miyaa taabatay mise taladii Qatar ayaa meesha ka baxday?!

Dowlada Farmaajo hoggaamino safiiro uma joogaan sadexda dowladood ee kala ah Masar, Sacuudiga iyo Imaaraadka. Dowladahaan ayaa ah kuwa ugu muhiimsan dadka Soomaaliyeed dhanka Waxbarashada, Ganacsiga, Xajka, Diblomaasiyadda iyo Xiriirka Taariikheed.

Maanta oo muddo xileedka Farmaajo ka harsantahay 3 bilood ayuu bilaabay in uu dabo cararo diblomaasiyiintii albaabada  laga furi diiday afartii sano ee la soo dhaafay. Xiriirka xumaaday ee wadamadaan Soomaaliya kala dhaxeeyay ayaa waxaa sabab u ahaa Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Nabad Sugida Fahad Yaasin oo ku jaan goynayay amarada iyo talooyinka gurracan ee uga imaanayay dalka Qatar oo iyaga ruuxooda xiriir aan la lahayn sadexdaan dal.

Haddaba Su’aashu waxay tahay Farmaajo iyo Fahad hada miyay ogaadeen muhiimada dalalkaan Soomaaliya u leeyihiin mise amaradii Qatar ayaa meesha ka baxay?!

Sawiradan waa safiirka Masar ee Soomaaliya u qaabilsan oo lagu qaabilayo Madaxtooyada, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Wasaarado kale.

Hon. Mahad Salad

Maareeye, Faysal Waraabe iyo siyaasiyiinta beesha DIR oo war culus kasoo saaray doorashada Somalia + Video

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Nairobi ka dhacay shir ay ay isugu yimaadeen siyaasiyiin, waxgarad iyo odayaal ka tiran Beesha Dir, iyadoo laga soo saaray war ku saabsan Doorashada Soomaaliya.

Shirka oo ay ka dhex muuqdeen siyaasiyin ay ka mid yihiin Feysal Cali Waraabe, Maxamed Cabdi Maareeye, Ridwaan Xersi iyo xubno kale ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed ku baaqay in Doorashada xildhibaannada Dirta waqooyi ay u dhacdo si xalaal ah oo ay u madax bannaan yihiin magacaabiddda guddiyada Doorashada.

Guddoomiyaha Xibsiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa shirka ka sheegay in Dir ay Baarlamaanka Soomaaliya ku leedahay 75 kursi, lana mid yihiin Daarood, Hawiye iyo Digi/Mirifle balse aysan muuqan doorkooda, loona baahan yahay inay awood qeybsiga ka qeyb galaan, arrintaasna xoogga la saaro.

Shirka Dir ee magaalada Nairobi ayaa socda muddo laba maalmood ah, wuxuuna kusoo beegmay iyadoo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi uu shaaciyey inuu isugu soo magacaabayo guddiyada Doorashada xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland.


Xigasho: Goobjooge