26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Loolan cusub oo ka billowday maamulka HirShabeelle iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Jowhar (Caasimada Online) – Waxa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabeelle ay ka bilaabato diiwaan-gelinta musharaxiinta guddoonka baarlamaanka maamulka, xili shalay lasoo saaray jadwalka doorashadaasi.

War kasoo baxay Guddiga ayaa shalay waxa lagu sheegay in maanta oo Isniin ah ay bilaabaneyso qabashada Araajida musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka, halka 3-da Bisha November oo ku aadan Talaalada ay musharixiinta jeedin doonaan khudbadahooda.

Jadwalka doorashada guddoonka baarlamaanka oo u muuqday mid deg-deg ah ayaa waxa lagu soo koobay in saddex maalin gudahooda ay ku dhacdo doorashadaasi, oo loolan adag ugu jiraan dhinacyo badan.

Waxaa jira xubno badan oo isku taagay jagada Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle, kuwaas oo isugu jira kuwa ku cusub saaxada siyaasadda iyo kuwo horay xilal u soo qabtay, waxaana xubnaha musharaxnimadooda ku dhawaaqay kamid ah:

1: Canab Axmed Ciise: Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaankii 1aad ee Hirshabelle

2: Xildhibaan Siraaji Sheikh Isaaq: oo u sharaxan Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka Hir-shabeelle.

3: Xildhibaan Mahad Xassan Cusmaan: u sharaxan Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee baarlamaanka Hir-shabeelle.

Waxa kale oo iyaguna jira shaqsiyaad loolan xoogan ugu jira qabashada xilalkaasi, kuwaasi oo la soo warinayo inay ku kala hirdamayaan mucaaridka iyo dowladda federaalka oo madaxdeedu ay rabto inay markale soo laabtaan.

Arrimahan dhan ayaa imanaya xili maanta amaanka caasimada maamulka HirShabeelle si weyn loo adkeeyay, iyada oo ay ku sugan yihiin siyaasiyiin miisaan culus ku leh dalka, oo isha ku haya hanaanka doorasho ee maamulkaasi.

DF oo isku dayeysa inay hagaajiso xiriirka Masar ee u xumaaday Ethiopia darteed – Maxaa ka socda Xamar?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Masar ee Soomaaliya, Maxamed Nasar, xili la fahamsan yahay inuu sii xumaaday xiriirka labada dal.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankan ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, iyada oo labada mas’uul isku afgarteen in lasii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Danjiraha Masar ee Soomaaliya ayaa isagu dul istaagay sooyaalka wada-jirka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, isagoona balan-qaaday in dowladda Masar ay gacan qaban doonto dowladda Soomaaliya.

Danjiraha ayaa si gaar ah sheegay in Masar ay dowladda Soomaaliya ka caawin doonto arrimaha waxbarashada, oo uu sheegay inay aasaas u tahay horumarka iyo dowlad dhiskaba.

Kulankan ayaa sidoo kale waxa ku wehlinayay danjiraha, Safiir ku-xigeenka dowladda Jarmalka, Sascha Andreas Kienzle oo uu maanta wada qaabilay wasiiru dowlaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya.

Safiirrada ayaa si wada-jir ah ugu hambalyeeyay xilka dhawaan loo magacaabay Wasiiru Dowlaha, iyaga oo u rajeeyeyna ka mira-dhalinta shaqooyinka qaran ee horyaalla, isla markaana u muujiyey is-garab taag.

Ugu dambeyntiina Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ayaa uga mahad-celiyey Danjireyaasha booqashadooda, isagoona la wadaagay dadaalladda dowladda federaalka Soomaaliya ee xoojinta amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo adeegyada aas-aasiga ah.

Waxa uu ahaa kulankii saddexaad ee dhex-maray safiirka Masar ee Soomaaliya

Shalay ayey aheyd sidoo kale markii wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, uu qaabilay safiir Mohamed Ibrahim Nasr, si loo faaqido xoojinta hababka iskaashiga iyo horumarinta xiriirka labada dhinac.

Intii lagu guda-jiray kulanka ayaa waxaa looga dooday dhowr arrimood oo muuqda oo ku saabsan xiriirka labo geesoodka ee labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee gobolka iyo dunida inteeda kale.

Isla shalay, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS Marwo Khadiija Maxamed Diiriye iyo safiirka dawladda Masar u jooga Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen waxa ay uga wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca gargaarka.

Kulanka labada dhinac ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Gargaarka ayey labada dhinac muujiyeen sida ay muhiimka u tahay in la iska kaashado xaaladaha adag ee u baahan iskaashiga

Kulamada ayaa imanaya xili uu sii xumanayey xiriirka Soomaaliya iyo Masar, kadib markii dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ay dhinaca saartay Itoobiya, oo si weyn isku hayaan Masar.

Wararka ayaa sheegaya in Soomaaliya ay hadda isku dayeyso inay dib u hagaajiso xiriirkaas, hase yeeshee ma cadda sida ay u maareyn doonto siyaasaddii markii horeba ku riixday dhanka Ethiopia.

Sawirro: Sheekh Shariif oo dalab hordhigay odayaasha dhaqanka ee HirShabeelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jowhar ee caasimada Hi rShabelle ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaasi.

Shariif ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee soo xulay xildhibaanada labaad ee baarlamaanka HirShabelle, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ah mid is-xog wareysi ah, waxaana sidoo kale lagu soo qaaday dhismaha maamulka HirShabelle.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dalab culus hordhigay duubabka dhaqanka, wuxuuna ka codsaday inay ka soo qeyb-galaan golgol dib u heshiisiin ah oo uu dhigayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Waxaan idinka codsanayaa in dib u heshiin la dhex dhigo beelaha dega Hirshabelle ka hor inta aan la galin doorashada Hirshabelle,”ayuu yiri SHeekh Shariif Sheek Axmed.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in Shariifka uu doonayo in xal waara laga gaaro kursiga madaxweynaha oo ay isku heystaan beelaha Xawaadle & Abgaal, si loogu tartamo, islamarkaana ay noqoto doorashada mid loo dhan yahay oo xor iyo xalaal ah.

Safarka uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku tegay Jowhar oo ay ku wehlinayaan xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran iyo xildhibaano ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay dhammeynta tabashada ka taagan dhismaha dowlad goboleedka HirShabelle.

Dadaallada uu wado Sheekh Shariif ayaa ku soo aadayo, xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dhankeeda qorshe gaar ah ka wadato dhismaha HirShabelle, waxaana shalay ay soo dhoweysay soo xulista xildhibaanada labaad ee baarlamaanka maamulkaasi.

Maxaa ka run ah arrinta uu Mahad Salaad ka sheegay DF Soomaaliya, Imaaraadka Carabta, Sacuudi iyo Masar?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan xiriirka dhinaca caalamiga ah ee Soomaaliya.

Mahad Salaad ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay qaaday afartii sano ee la soo dhaafay tallaabooyin ka dhan ah dowladaha Masar, Sucuudiga iyo Imaaraadka, iyada oo is xijineysa Qatar, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in diblumaasiyiinta dowladahan ay albaabada ka xirteen madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), iyo taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay bilaabeen inay raadiyaan diblumaasiyiinta dalalkaasi, oo uu sheegay inay muhiim u ahaayeen dhanka waxbarashada, ganacsiga, xajka, diblumaasiyadda iyo xiriirka taariikheed.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey in go’itaanka xiriirka ay Soomaaliya la laheyd saddexdan dal ay sabab u ahaayeen madaxweynaha iyo taliyaha NISA.

Halkan hoose ka aqriso:

Fahad iyo Farmaajo cabsi miyaa taabatay mise taladii Qatar ayaa meesha ka baxday?!

Dowlada Farmaajo hoggaamino safiiro uma joogaan sadexda dowladood ee kala ah Masar, Sacuudiga iyo Imaaraadka. Dowladahaan ayaa ah kuwa ugu muhiimsan dadka Soomaaliyeed dhanka Waxbarashada, Ganacsiga, Xajka, Diblomaasiyadda iyo Xiriirka Taariikheed.

Maanta oo muddo xileedka Farmaajo ka harsantahay 3 bilood ayuu bilaabay in uu dabo cararo diblomaasiyiintii albaabada  laga furi diiday afartii sano ee la soo dhaafay. Xiriirka xumaaday ee wadamadaan Soomaaliya kala dhaxeeyay ayaa waxaa sabab u ahaa Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Nabad Sugida Fahad Yaasin oo ku jaan goynayay amarada iyo talooyinka gurracan ee uga imaanayay dalka Qatar oo iyaga ruuxooda xiriir aan la lahayn sadexdaan dal.

Haddaba Su’aashu waxay tahay Farmaajo iyo Fahad hada miyay ogaadeen muhiimada dalalkaan Soomaaliya u leeyihiin mise amaradii Qatar ayaa meesha ka baxay?!

Sawiradan waa safiirka Masar ee Soomaaliya u qaabilsan oo lagu qaabilayo Madaxtooyada, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Wasaarado kale.

Hon. Mahad Salad

Maareeye, Faysal Waraabe iyo siyaasiyiinta beesha DIR oo war culus kasoo saaray doorashada Somalia + Video

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Nairobi ka dhacay shir ay ay isugu yimaadeen siyaasiyiin, waxgarad iyo odayaal ka tiran Beesha Dir, iyadoo laga soo saaray war ku saabsan Doorashada Soomaaliya.

Shirka oo ay ka dhex muuqdeen siyaasiyin ay ka mid yihiin Feysal Cali Waraabe, Maxamed Cabdi Maareeye, Ridwaan Xersi iyo xubno kale ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed ku baaqay in Doorashada xildhibaannada Dirta waqooyi ay u dhacdo si xalaal ah oo ay u madax bannaan yihiin magacaabiddda guddiyada Doorashada.

Guddoomiyaha Xibsiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa shirka ka sheegay in Dir ay Baarlamaanka Soomaaliya ku leedahay 75 kursi, lana mid yihiin Daarood, Hawiye iyo Digi/Mirifle balse aysan muuqan doorkooda, loona baahan yahay inay awood qeybsiga ka qeyb galaan, arrintaasna xoogga la saaro.

Shirka Dir ee magaalada Nairobi ayaa socda muddo laba maalmood ah, wuxuuna kusoo beegmay iyadoo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi uu shaaciyey inuu isugu soo magacaabayo guddiyada Doorashada xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland.


Xigasho: Goobjooge

Xog: Maxay ka wada hadleen Shariif iyo Cali Guudlaawe?

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay laba jeer la kulmay Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Kulankaan oo ka dhacay hoteelka uu dagan yahay Sheekh Shariif ayaa qaatay saacado waxaana dibada ka joogay dhamaan dadkii la socday labada dhinac.

Warar aan ka helnay xubno kamid ah labada dhinac oo kulamada kadib la kulmay Shariif iyo Guudlaawe ayaa Caasimada Online u sheegay in Sheekh Shariif la wadaagay Madaxweyne Guudlaawe go’aano uu ku xaliyay beelo badan oo tabashooyin qabay islamarkaana uu aqbalay Cali Guudlaawe.

Go’aanadaas lama sheegin nuuca ay yihiin hase yeeshee wararku waxey tilmaamayaan in dadka tabashada qaba lagu qanciyay xilal islamarkaana Cali Guudlaawe laga dalbaday inuu fuliyo iyo qaar loo sameeyay balan qaadyo kale.

Dhinaca wararka aan helnay ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen qorshaha doorashada Soomaaliya iyo rabitaanka Sheekh Shariif ee xilka Madaxweynaha.

Cali Guudlaawe, ayaa Sheekh Shariif la wadaagay cadaadiska saaran iyo dhibaatooyin uu kala kulmayo Villa Somalia isagoo dhinaca kale u balan qaaday inuu la shaqeyn doono haddii uu noqdo Madaxweynaha HirShabeelle.

Sheekh Shariif, ayaa Cali Guudlaawe la wadaagay rajadiisa ah inuu Soomaaliya markale hogaamiyo isagoo dhinaca kale u rajeeyay inuu guul ka gaaro doorashada HirShabeelle. Mas’uuliyiintaan ayaa la sheegay in ay u harsan yihiin kulamo kale oo ku saabsan doorashada Soomaaliya iyo arimaha HirShabeelle.

Sidee ayey roobabkii da’ay u saameeyeen Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka da’ay Roobab mahiigaan ah oo saameyn ku yeeshay magaalada oo dhan, gaar ahaan isku socodka dadka iyo sidoo kale gaadiidka qeybihiisa kala duwan.

Roobabkan oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxa ay biyo dhigeen waddooyinka waa weeyn ee magaalada Muqdisho oo aan laheyn dhuumaha biyaha ka saara.

Sidoo kale Roobabkaas ayaa sababay inuu istaago isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay intaba.

Waxaa sidoo kale dumay dhismo ku yaalla degmada Hodan oo ay daganaayeen qoysas badan, walow laga soo bad-baadiyey, sida uu sheegay maamulka gobolka Banaadir.

Saameynta ugu daran ayey Roobabkani waxa ay ku yeesheen dadka barakacayaasha ah iyo sidoo kale kuwa danta yar ee ku nool Xamar.

Gurmad loo fidinayo dadka ay saameynta ku yeesheen biyaha ayaa haatan socda, wuxuuna guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir, Cumar Cali Cabdi uu tilmaamay in booyado loo diri doono waddooyinka xirmay, si ay biyaha uga saaraan.

Inta badan jidadka waa weyn ee ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Somaaliya ayaa ah kuwa aad liita, islamarkaana aan u baahan dib u dayactir ballaaran iyo in loo sameeyo meelaha ay ka baxaan biyaha Roobka, sida bulaacado ama dhuumaha biyaha.

Xaaladda ERDOGAN kadib markii saraakiil u dhow laga helay cudurka Covid-19

Ankara (Caasimad Online) – Saraakiil sare oo u dhow madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa laga helay cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, kuwaasi oo ka tirsan madaxtooyada iyo golaha dalkaasi.

Ibrahim Kalin oo ah afhayeenka madaxweyne Erdogan ayaa shaaciyey maalintii shalay aheyd in laga helay cudurka, isagoona sheegay inuu isku arkay astaamaha yar-yar ee cudurkaasi.

Afhayeenka ayaa ka gaabsaday in uu faah-faahin dheeriya ka bixiyo xaaladiisa caafimaad, kadib marka laga helay cudurka, midaasi oo ka dhigeysa in halis caafimaad uu wajahi karo madaxweyne Erdogan.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi, Suleyman Soylu ayaa isaguna shaaciyey in cudurka Coronavirus laga helay, isaga iyo xaaskiisa, iyo weliba gabadh ay dhaleen.

Soylu oo wax laga weydiiyay xaaladooda caafimaad ayaa sheegay in xaaladooda ay hadda wanaagsan tahay, isla markaana ay kasoo reysanayaan cudurka.

Labadan mas’uul ayaa lasoo warinayaa inay kulamo la qaateen madaxweyne Erdogan, ka hor inta aan la xaqiijin inay qabaan cudurkaasi, maadama ay ahaayeen labo mas’uul oo aad ugu dhawaa madaxweynaha.

Madaxweyne Erdogan ayaa gebi ahaanba ka bad-qaba cudurkan, kadib markii baaritaano lagu sameeyay, markii laga helay cudurkaasi afhayeenkiisa iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha.

Turkiga ayaa markale u muuqda in uu kusoo labo kacleeyay cudurka Coronavirus, iyada oo kiisaska lasoo wariyey maalintii shalay aheyd oo kaliya lagu sheegay 75-kiis.

Madaxweyne Qoor Qoor oo digniin u diray wasiiradiisa

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa markii u horeysay luuqad adag kula hadlay golihiisa wasiirada, isagoona carabka ku adkeeyay in looga baahan yahay inay si deg-deg u qabsadaan shaqooyinkooda.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa sheegay in xubnaha golaha wasiirada Galmudug & Hay’adaha kala duwan ee maamulkiisa laga rabo inay sida ugu dhaqsaha badan u gutaan waajibaadkooga, xili uu hadal ka jeedinayay baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shuruucda kala duwan ee Galmudug ay jiraan wasaarado baarlamaanka u gudbiyay iyo kuwo aan weli gudbin, isagoona faray in wasaaradaha dhiman ay soo dhameystiraan shuruucdooda.

Qoor Qoor ayaa golaha baarlamaanka Galmudug kula dar-daraamay inay si adag ula xisaabtamaan golaha wasiirada Galmudug iyo hay’adda kale ee maamulkiisa, midaasi oo uu sheegay inay meesha ka saareyso ‘gaabis ku yimaada waxqabadkooda’.

Ugu dambeyntiina waxa uu xildhibaannada baarlamaanka Galmudug uga mahad-celiyay sida ay u meel-mariyeen shuruuc kala duwan oo ay u gudbiyeen qar kamid ah golaha wasiiradiisu.

Doorashada USA: Guusha Trump ama Joe Biden maxay uga dhigan tahay dunida?

Maalinta Talaadada ee November 3, 2020 muwaaddiniinta Mareykanka ee aan weli codkoodii bixin ayaa u dareeri doonaa goobaha codbixinta. Donald Trump oo ah madaxweyne xilfadhiya oo shacbiyad lixaad leh ku yeeshay fulinta ballanqaadkii dib u soo kabista dhaqaalaha, ayaa wajahaya Joe Biden oo ah siyaasi ruugcaddaa oo ku ololneynaya in maamulku ku fashilay maareynta caabuqa safmareenka ah “Covid-19” ee ilaa hadda dilay tiro ku dhawaad rubac malyan   (230,ooo) qof oo Mareykan ah.

Madaxweyne Donald Trump oo ay muuqato inuu baac dheer yahay musharrax Joe Biden marka lays barbar dhigo xamaasadda taageerayaasha, ayaa dadka da’da ah oo kolkii hore doortay iyo kuwa madow oo badankoodii Heleray Clinton u codbixin ayaa muuqda inay u weecdeen dhinka Biden. Wax weyn ma kala tira badna taageerayaasha labada xisbi Jambuuriga iyo Dimuqraaddigaba, balse waxaa doorashooyinka dhinac u rida codbixiyeyaasha loo yaqaan kuwa “madaxabannaan.”

Sida muuqata hoggaanka xisbiga Dimuqraaddiga waxuu bartilmaamsanayaa inuu dib ula soo noqdo seddaxdii gobol ee kolkii hore laga boobay (Michigan, Wisconsin iyo Pennsylvania). Taas waxay ka dhigan tahay in lagu biyo keenay xisbiga Jamhuuriga, lagana yaabo inay lumiyaan mid ama ka badan xubnaha aqalka sare ee gobollada Arizona, Georgia iyo Nord Carolina.

Ma sahlana in si sax ah loo saadaaliyo natiijada doorashada, inkastoo ilaa hadda ay codkoodii bixiyeen dad kor u dhaafay 90 malyan oo u dhigma saddex meelood laba meel codbixiyeyaashii 2016kii. Walwalka taagan ayaa ah inaan la hubin odorasyaashu inaysan ku dhici doonin qaladaadkii doorashadii hore (2016), inkastoo sanadkaan ay yar tahay codbixiyeyaasha aan weli go’aansan dhanka codkoodu u dhacayo.

Maqaalka uu Thomas Friedman ku qoray wargeyska New York Times asagoo ka walwalsan dimuqraadiyadda dalkiisa ayuu ku yiri, “codayn xor ah iyo xalaal ah, iyo rajada ah in si nabad ah xukunka loo wareejiyo ayaa labadaba su’aal ka taagan tahay.” Madaxweyne Trump ayaa siyaabo kala duwan u sarbeebay in dib loo doorto mooye uusan si sahlan awoodda u wareejin doonin. Taas waxuu micnaheedu yahay in laysla aadi doono maxkamad dibna loo tiri doono codbixinta isu dhowaata ee gobollada qaarkood.

Siyaabo badan ayaa doorashada Mareykanka u saamayneysaa dunida. Afar sanadood oo dheeraad ah inuu helo Trump waxay ka dhigan tahay in Maraykanku dib uga gurto taageerada caalamka xilli dunida u baahan tahay hawlgalkiisa. Dalalka Shiinaha, Iraan, Midowga Yurub waxay u arkayaan inuu yahay qof aan la saadaalin karin. Aragtidaas mid ka duwan waxaa qaba dalalka Hindiya, Ruusha, Khaliijka Carbeed, iyo kuwo kale. 

Si kastaba ha ahaate, Maraykan waxaa ka hirgashay dimuqraadiyadda ugu da’da weyn dunida, walow jawiga qaranka ay soo wajahday cabsi dhalin karta rabshado tijaabo gelisa Dimoqraadiyada.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Soomaali qeyb ka ah baadi goobka dad lagu la’yahay dhul gariirka dalka Turkiga

0

Ankara (Caasimadda Online) – Dhul gariir xoogan ayaa ku dhuftay gobolka Izmir ee dalka Turkiga, waxaana jira wali rajo laga qabo in la helo dad ku xayiran dhismayaashii dumay hoostooda taasoo baadi goobo loogu jiro.

Soomaalida ku nool wadanka Turkiga ayaa qeyb ka ah baadi goobka dadka lagu la’yahay dhul gariirka iyadoo lasoo warinayo in dad Soomaali ah oo macdanta qoda ay si samafal ah ugu gurmanayaan dadka ku dhibaateysan dhismayaasha hoostooda.

Soomaali ku nool degmada Bayraklı ayaa shaqadooda usoo dhaafay si ay u badbaadiyaan walaalahood, waxeyna u warrameen idaacadda adduunka la hadasha BBC-da qeybteeda afka turkiga.

Ilaa iyo hadda 81-qofood ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen dhul-gariirka ka dhacay Izmir maalinimadii Jimcaha, waxaana cabirkiisa lagu sheegay 6.9, waxaana wali socda dadaallo lagu soo badbaadinayo dad la tuhunsan yahay iney wali nool yahin.

Muddo ku dhaw 10-sano dhul-gariir nuucaan ah ma aysan arkin dadka Turkiga, waxaana ugu dambeysay sanadkii 2011 markaas oo magaalada Van ee bariga Turkiga dhacda uu ku dhuftay dhul gariir xoogan oo galaaftay nolosha 500 qofood.

Dhamaadkii qarnigii hore ayey Turkiga la kulmeen dhul gariirkii ugu xooganaa ebid, waxaana uga geeriyootay 18 kun oo qofood kadib laba dhul gariir oo ka dhacay waqooyi galbeed dalkaas.

BF Somalia oo ka doodayo labo arrin oo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta kulan ku yeelan doono xaruntooda Villa Hargeysa ayaa ka doodaya labo qodob oo muhiim ah.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa xalay lagu war-geliyey dhammaan xildhibaanada baarlamaanka, si ay u soo xaadiraan.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in kulankan oo ka mid ah kulamada caadiga ah ee baarlamaanka inuu furmo saacadaha soo socda.

Xildhibaanada ayaa si gaar ah uga doodaya ajandayaasha kala ah: – 1. Akh 3aad ee H/Sh Hay’ada Diiwaangalinta iyo bixinta Aqoonsiyadda, 2. Akh 2aad ee H/Sh Socdaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhowaan shaaciyey inay dardar-gelin doonaan howlaha hor-yaalla baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba, golaha shacabka oo uu haatan ka sii dhammaanayo muddo xileedka ayaa doonaya inay ka faa’iideystaan waqtiga yar ee u haray, ka hor doorashada 2020/21.

Puntland oo howlgal kula wareegtay deegaano lagu arkay kooxda Al-Shabaab

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada daraawiishta Puntland oo saacadihii la soo dhaafay gaaray gobolka Sanaag ayaa howlgallo ka sameeyey gudaha gobolkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano hoos yimaada degmada Laas-Qoray ee gobolkaas oo dhowaan lagu arkay Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay la wareegeen deegaanka Gurya-Samo iyo tuulooyin hoos yimaada, halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in u jeedkooda uu yahay, sidii looga hortagi lahaa dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku jooga gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi.

Si kastaba dhaq-dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, iyada oo todobaadkii hore ay kooxda Al-Shabaab ku dhowaaqay inay la wareegtay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, walow markii dambe ay dib uga baxeen dagaalyahanadii lagu arkay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Xog: Safarka Sheekh Shariif ee Jowhar oo salka ku haya laba arrin

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle, waxaana halkaas soo dhoweyn ballaaran ugu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle iyo kuwa maamulka gobalka Shabeellada Dhexe.

Sheekh Shariif, ayaa socdaalkiisa ku sheegay inuu u kuur galayay doorashada maamulka HirShabeelle iyo in uu soo arko xaaladda gobalka iyo bulshada degaanka.

Ilo-wareedyo ku dhow ayaa socdaalka madaxweynihii hore ku sheegay laba arrin oo kala ah.

1- Inuu ka qeyb qaato dadaallada lagu dhameynayo tabashooyinkii ka dhashay soo xulista baarlamanka iyo qeyla dhaanta ka soo baxeysa qaar ka mid ah beelaha dega HirShabeelle.

2 – Iyo inuu la soo kulmo baarlamaanka, madaxda maamulka, odayaasha degaanka iyo qeybaha bulshada maadaama uu yahay musharax Madaxweyne islamarkaana uu gobalkaas ka soo jeedo, si uu u muujiyo dareenkiisa ku aadan dhismaha maamulka iyo rabitaankiisa siyaasadeed.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sanado badan tagin gobalka Shabeellada Dhexe oo saameen gaar ah ku leh iyo guud ahaan HirShabeelle, waxa uuna socdaalkiisa ku aaday iyadoo ay socoto doorashada maamulka oo meel dhexe mareyso.

Xiisad ka dhalatay dhismaha cusub ee maamulka HirShabeelle, kadib markii sida wax loo wado ay diideen qaar ka mid ah beelaha gobolka Hiiraan, ayaa hadda u muuqata inay meesha ka baxday kadib markii beelahaas ay qancisay Villa Somali.

Cali Cosoble: “Qalad ayey aheyd in anaga oo ah qabiil yar aan wax ku darsanno ABGAAL oo qowmiyad ah”

0

Jowhar (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si kulul uga hadlay soo dhaweyntii Magaalada Jowhar Maanta loogu sameeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in madaxdii soo dhaweysay Sheekh Shariif ay dhammaantood kasoo jeedeen Beesha Abgaal, taasina ay isaga soo xasuusisay hadalkii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ee ahaa “Abgaal waa qowmiyad.”

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa Su’aal ka keenay haddii maamulka HirShabelle oo ka kooban Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe uu kusoo aruuray Abgaal, sidoo kalana wuxuu qalad ku tilmaamay in iyagoo kasoo jeedo qabaa’il yar yar ay wax ku darsadeen qowmiyad weyn sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook

Markaan arkay sawirrada soo dhaweynta Madaxweyne Sharif Shekh Axmad waxaan soo xasuustay warkii adeerkey Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ee ahaa Abgaal waa qowmiyad. Waxaan marqaati ka ahay iney qowmiyad yihiin sababtoo ah madaxweynaha waxaa soo dhaweeyay Ku sime Madaxweyne Cali Gudlawe, Wasiirka Arrimaha Gudaha Caadle, Guddoomiya Gobolka Sh Dhexe Axmad Meyre Makaran, Taliyaha Boliska Hirshabeelle Kor Xasan Dhicisow iyo mas’uuliyiin kale. Haddaad mas’uuliyiinta soo dhaweeyay wareysato wexey ku leeyihiin soo dhaweynta Shariifka looma kala harin, haddaad hoos u sii fiirisana waa hal reer Hirshabeelle ma Abgaal ayey ku soo aruurtay?

Waxaan qirayaa iney qalad aheyd inaan annagoo qabaa’il yar yar ah wax ku darsanno qowmiyad, dhinaca Xawaadlena qaladkaa anaa dusha saaranaya.

Maxaa daliil u ah iney Abgaal qowmiyad yihiin? Muddo ka badan 10 sano qowmiyaddan wexey laheyd inta uu waddan gooni u taagan leeyahay; wexey laheyd lacag u gaar ah, deked u gaar ah, garoon diyaaradeed oo u gaar ah, ciidan u gaar ah iyo madax qaran oo haddana u gaar ah. Ma jiro reer kale ee Soomaaliyeed oo sidaa gaar isugu taagi karo.

Maxaa dhacaya marka ay qabaa’il yaryar wax ku darsadaan qowmiyad?

Hirshabeelle calool Abgaal ayey gashay, in looga tago maahane lalama lahaan karo.

Indha Cadde: “Waa in dalka lagu xukumaa shareecada ISLAAMKA haddii kale….”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa ku baaqay in si rasmi ah dalka loogu maamulo diinta Islaamka, “si buu yiri aan uga run sheegno islaamnimada aan sheeganeyno.”

“Islaam ayaan nahay soo maaha, waa inaan ka run sheegno waxa aan sheeganeyno, gaaladu waxay ka run sheegeen waxa ay sheeganayaan,” ayuu yriri Jeneraal Indhacadde.

Si dowladnimada Soomaaliya ay u raacdo dariiqa saxda ah, isla markaana ay guuleysato waxa uu soo jeediyey in dalka lagu maamulo Kitaabka Ilaahey.

“Waa inaan Kitaabka Ilaahey isku xukunno, oo Ilaahey diintiisa aan isku maamulno, markaas waxaan noqoneynaa dad dariiqa saxda ah ku taagan, waana guuleysaneynaa,” ayuu yiri.

Isagoo sii hadalyey ayuu yiri Jeneraal  Indhacade, “Anagoo heysana wixii adduunka ugu fiicnaa. Aakhirana na anfacaayey oo ah Kitaabka Ilaahey, ayaan inta iska diidnay waxaan raadineynaa wax kale, maxay yihiin waxa kale ee aan raadineyno?”

Hoos ka Daawo

Xog: Sababta Guudlaawe uu uga baaqday soo dhoweynta Shariif isagoo jooga Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeelle ahna ku simaha Madaxweynaha maamulkaas Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe, ayaan maanta ka qeyb gelin soo dhaweynta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo gaaray Jowhar.

Sheekh Shariif, ayaa garoonka waxaa uga hortagay wasiirka Arrimaha Gudaha HirShabeelle iyo guddoomiyaha gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana sidoo kale soo dhaweeyay kumanaan shacabka magaalada ah.

Cali Guudlaawe, ayaa mar dambe Madaxweyne Sheekh Shariif ugu tagay hoteelkii uu dagay ee Jowhar waxeyna yeesheen kulan albaabada u xiran yahay oo qaatay saacado badan, iyadoo ay dibad joog ka ahaayeen mas’uuliyiin badan.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in sababta uu Cali Guudlaawe u soo dhaweyn waayay Sheekh Shariif ay la xiriirto inuu ilaalinayo xiriirka dhow ee uu la leeyahay Villa Somalia, oo la sheegay in ay u rabto Madaxweynaha HirShabeelle.

Wararka ayaa sheegaya in Guudlaawe uu iska ilaalinayo in dhamaan mucaaradka lagu sarwiro si aysan saameen ugu yeelan doorashadiisa.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Guudlaawe iyo Sheekh Shariif taleefoon kuwada hadleen una sheegay in uusan soo dhaweyn doonin si aysan u sameynin qorshihiisa doorashada islamarkaana uu ka aqbalay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dad badan ayaa aaminsan in Villa Somalia ay Cali Guudlaawe u diyaarisay Madaxweynaha soo socdo ee HirShabeelle, si uu uga taageero soo laabashada Madaxweyne Farmaajo.

Cabdi Xaashi oo ka horyimid qorshaha DF “Anigaa soo magacaabaya guddiyada doorashada G/Waqooyi”

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhaliilay qaabka ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso doorashada kuraasta baarlamanka ee xildhibaanada gobollada waqooyi, wuxuuna dalbaday inuu isaga soo magacaabo guddiga doorashada ee matalaya gobollada waqooyi.

Cabdi Xaashi, ayaa qoraal uu u diray madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada waxa uu ku sheegay in intii lagu guda jiray shirarkii go’aannada looga gaaray hanaanka iyo waqtiga doorashada “aan wax tixgelin iyo qadarin ahba la siinin midnimada Qarannimo oo ay u taagan yihiin siyaasiyiinta beelahaas ku metela Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Sababta ayuu ku sheegay in madashii lagu go’aamiyay heshiiska siyaasadeed ee Doorashooyinka 2020/21 iyo habraacyada hirgelinta heshiiskaas “aysan goobjoog ka ahayn” siyaasiyiin ama mus’uuliyiin meteleysa Gobollada Waqooyi ee Somaliland, madashaas oo ay ahayd in ay ku yeeshaan metelaad iyo go’aanba, sida uu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay in heshiiska shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka “ay ka maqnaayeen” siyaasiyiin metesha Gobollada waqooyi.

Cabdi Xaahsi ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan xaq u lahayn in magacowdo guddiga doorashada gobollada waqooyi, sida lagu qoray heshiiska doorashada ee ay gaaraan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sababtuna ay tahay inaysan soo magacaabin xubnaha dowlad goboleedyada.

Guddoomiayah Aqalka Sare ayaa sheegay in sidaas darteed, uu isaga soo magacaabi doono labada xubnood ee gobollada waqooyi ku matalaya guddiga doorashada heer federal, labada xubnood ee guddiga xalinta khilaafaadka, iyo sideedda xubnood ee guddiga doorashada heer gobol ee gobollada waqooyi.

Xigasho VOA

Wasiirka cusub ee A/Gudaha oo caddeeyey mowqifkiisa doorashada HirShabeelle

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa soo saartay qoraal ay kusoo dhoweyneyso soo Xulista xildhibaanada baarlamanka labaad ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda ayaa loogu hambalyeyey Baarlamaanka labaad ee loo dhaariyay Dowlad Goboleedka HirShabeelle iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay hannaanka geeddi socodka soo xulista Baarlamanka labaad ee HirShabeelle.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay uga mahad celisay Guddiga soo Xulista Baarlamaanka Dowlad Goboleedka HirShabeelle shaqadii wanaagsaneyd oo ay ka qabteen soo xulista xubnaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu yiri “ Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay u hambalyaynaysaa Baarlamaanka 2aad ee loo dhaariyay Dowlad Goboleedka Hirshabeele iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay hannaanka geeddi socodka soo xulista Baarlamanka 2aad ee Hirshabeelle.

Qoraalkan ayaa ahaa mid laga filayey wasiirka arrimaha gudaha ee cusub ee Jeneral Mukhtaar Xuseen Afrax, sababtoo ah sababaha uu xilkan ku helay ayaa waxaa ka mid aha heshiis dhex maray ugaaska beesha uu kasoo jeedo ee Xawaadle iyo madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo ugaaska ku taageeray hanaanka doorasho ee HirShabeelle, si xilkan loo siiyo Jeneral Mukhtaar.

Shariif oo ka hadlay safarkiisa Jowhar iyo arrimo xasaasi ah

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle, iyada oo si weyn ugu soo dhaweeyen mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan HirShabelle iyo bulshada qeybaheeda kala duwa.

Sheekh Shariif oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka ka dambeeya safarkoodu uu la xiriiro howl ay muddo soo wadeen, isla markaana ku qotonta tabashooyin ka dhashay arrimaha doorashooyinka.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay muddo badan lasoo daala dhaceysa kala duwanaanta fikirada iyo is-jiid-jiidka, xiligan loo baahan yahay in la is dhageysto oo wax walba si nabad ah lagu dhameeyo.

“Howl aan wadnay muddo oo ku saabsaneyd dad xooga tabasho qabay oo arrimaha doorashooyinka ka qabay oo aan muddoba la wadnay, oo meel fiican soo gaarsiinay ayaa rabna in arrintaas si nabad ah lagu dhameeyo,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas kusii daray “dalka Soomaaliya guud ahaanba wuxuu kasoo daalay kala duwanaasho, oo in la is dhageystona waa wax wanaagsan. Markaa waxaan rabna in aan hiigsano dalalka horumarka gaaray oo aanu gaarno”.

Madaxweynihii hore ee dalka marnaba si cad uma kala saarin arrinta ay hanaankeedu tabashada ka taagan inay tahay doorashooyinka maamulka HirShabeelle iyo mida dowladda dhexe ee laga dhawaan laga gaaray heshiiska.

Si-kastaba, Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay inuu madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka qeyb-geli doono dhismaha dowlad goboleedka HirShabelle, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka maamulkaas, iyada oo si dhab ah loo ogeyn sida uu sameyn ugu yeelan karo.

Shariif ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda HirShabelle ee ku sugan Jowhar iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, oo iyadu wajaheysay dhibaatooyin adag, xili ay ku jirto marxalad kala guur ah.