26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Farmaajo oo ugu dambeyn saxiixay sharci muhiim ah oo 10 bilood hor-yaallay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka musuq-maasuqa ee labada heer.

Sharcigaan oo soo maray marxalado kala duwan ayaa ugu danbayn maanta oo Sabti ah ugu danbayn lagu saxiixay munaasabad ka dhacday madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu saxiixay Sharciga ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto la dagaalanka musuq-maasuqa.

Madaxweynaha waxaa uu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed kala shaqeynta in lasoo afjaro musuq-maasuqa.

Sharcigan ayuu golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ansixiyey December 5, 2018, waxaan ansixiyay dhammaan sanatarda soo xaadiray kulanka oo ahaa 31 senator.

Sharcigan oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya ayaan la ogeyn waxa uu madaxweynaha u heystay muddo 10 bil iyo sababta hadda uu ugu soo beegay, isaga oo saacadaha soo socda u duulaya New York, si uu halkaasi uga jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaaladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maamulka gobalka Banaadir oo joojiyey qaadashada shaqaale cusub (Xog)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobalka Banaadir ayaa isku raacay joojinta qaadashada shaqaalaha cusub ee dowladda Hoose ilaa amar dambe sida ay Caasimada Online u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Hoose ee gobalka Banaadir.

Cumar Maxamuud Maxamed “Filish” ayaa u sheegay dhamaan guddoomiye ku xigeenada gobalka Banaadir, odayaasha dhaqanka, Xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha in uu joojiyay qaadashada shaqaale cusub oo kamid noqda dowladda Hoose ee gobalka Banaadir ilaa muddo dhowr bil ah.

Cumar Filish ayaa dalbay in la siiyo fursad uu ku saxo nidaamka shaqaale qaadashada gobalka Banaadir oo u baahan dib u eegis iyo in la xoojiyo hubinta qofka, taasna ay qaadan doonto muddo bilooyin ah, sida ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha ee gobalka Banaadir.

Arrintaan ayaa waxaa sababay weerarkii ka dhacay aqalka dowladda Hoose ee gobalka Banaadir 24-kii bishii July ee sanadkaan, kaas oo lagu waayay halyeeyo badan kadib markii ay fulisay qof ka tirsan masuuliyiinta gobalka Banaadir oo araga naafo ka aheyd.

Dhalinyaro badan oo gaaraya kumanaan qof ayaa gobalka Banaadir ka lahaa rajo wanaagsan oo ah in la shaqaaleysiiyo waxa uuna go’aan god ku ridayaa rajada dhalinyaro badan oo wajahaya daruufo adag, ugu yaraan illaa dhowr bilood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Imaaraadka iyo Sucuudiga oo wada qorshe ka dhan ah dhismaha dekeda Hobyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu daabacay wargayska TheNewArab, dalalka khaliijka ayaa sara u qaaday saamaynta ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa dhawaantan ku dhawaaqday in ay dhiseyso dakada magaalada Hobyo taa oo ay kasoo horjeedaan dalalka Imaaraatka iyo Sucuudiga oo sida wargaysku daabacay taageero siiyo dowlad gobolodyeeda kasoo horjeeda dowladda dhexe.

Warbixinta wargayska ayaa sidoo kale lagu sheegay in Sucuudiga ay aqoonsatay baasaboorka Somalinad oo sheegtay in ay ka madaxbanaan tahay Soomaaliya, inkastoo aysan jirin war kasoo baxay boqortooyada Sucuudiga oo lagu shaaciyay in ay aqoonsadaeen baasaboorka somaliland.

Xurgufta u dhaxeesa dalalka ugu quwada weyn khaliijka sida Qatar, Sucuudiga iyo Imaaraatka oo bilawday wixii ka danbeeyay cunaqabateentii ay Qatar saareen isbahaysiga uu sucuudigu hogaamiyo sanadkii 2017’dii ayaa wargaysku sheegay in saamayn xoogan uu ku yeeshay hanaanka siyaasadeed ee soomaaliya kadib markii dowladda Soomaaliya ay iska diiday in ay ku biirto isbahaysiga Sucuudiga.

Sucuudiga iyo Imaaraatka ayaa geeska afrika u haysto goob muhiim ah oo ay ka taageeri karaan hawlgalka ay kawadaan gudaha dalka Yemen.

Inkastoo dowladda Qatar aysan soomaaliya ku lahayn saamayn militari haddana Doha ayaa adeegsato awood dabacsan taas oo ah in maalgalin dhaqaale ay galiso si ay saamayn ugu yeelato siyaadda soomaaliya.

Umer Karim, oo madax ka ah qaybta cilmi barista ee jaamacadda Birmingham ayaa wargayska The New Arab u sheegay in sucuudigu uu xooga saarayo siyaadda arimaha dibadda.

Balse weerarka ugu wayn ayaa u dhaxeeya dowladdaha Turkiga iyo Imaaraatka iyadoona dowladaha Qatar iyo sucuudiga ay labadooda lakala safan yihiin.

Qatar oo gaashaanbuur la’ah Turkiga ayaa dowladda dhexe ee fadhigeedu yahay Muqdisho taageero siiso halka Sucuudiga iyo Imaaraatkana ay taageeraan dowlad gobolodyeedyada dalka ka jiro sida Somaliland, Puntland iyo Jubaland oo dhamaantood raadinaya in ay ka madax banaanadaan dowladda dhexe.

Warbixinta wargayska ayaa sidoo kale lagu sheegay in dalalka Gacanka ay Soomaaliya ka dhigteen meel ay ka eegtaan danahooda iyagoona iska indha tiraya saamaynta aanan wanaagsaneen ay ku yeelan karto dal sodonkii sano ee lasoo dhaafay ladaalaa dhacayay faqri iyo amni daro.

Sidoo kale dadaalada beesha caalamka oo ay Qaramada Midoobe hogaaminayso ayaa ku fashilmay in horumar maco wanagasan leh ay Soomaaliya kasoo hooyaan sida ladagaalanka burcad badeeda iyo argagaxisada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

James Swan oo soo saaray qoraal ku socda Soomaalida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa fariin culus u diray dadka Soomaaliyeed.

Mr Swan oo soo saaray War-Saxaadadeed ku aadan maalinta nabadda adduunka oo maanta ku beegan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan nabadda.

Halkan hoose ka aqriso:

Iyadoo adduunku xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda, ayaa Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu maanta ku dhiirri-geliyay dhammaan dadka Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan xaqiijinta nabad waarta oo ka hirgasha dalkooda.

“Dadka Soomaaliyeed waxay aad ugu baahan yihiin in la soo afjaro colaadda iyo toogashada macno darrada ah iyo qaraxyada ay muddada dheer usoo joogeen. Waxaan bogaadineynaa dadaallada joogtada ah ee ay waddo Dowladda Soomaaliya, oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamka, si loo hagaajiyo amniga loona soo afjaro rabshadaha. Nabad waarta  waxay sidoo kale u baahantahay hanaan dowladnimo oo loo wada dhan yahay, cadaalad loo siman yahay, iyo wada hadal joogto ah oo dhexmara dadka Soomaaliyeed ee wanaagga iyo samaha jecel si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin qaran,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Maalintan maanta ah, waxaan ku boorinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan  go’aankooda ah inay  kuwada noolaadaan midnimo, si ay Soomaaliya ugu tallaabsato waddada nabadda iyo xasilloonida,” ayuu raaciyay.

Golaha loo Dhanyahay ee Qaaramada Midoobay ayaa aasaasay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda sanadkii 1981. Labaatan sano ka dib, 2001, Golaha loo Dhanyahay wuxuu si wada jir ah ugu codeeyey in maalintaas loo asteeyo inay noqoto xilli rabshad la’aan iyo xabbad-joojin lagu xuso, iyo in Maalintaas loogu dabaal-dego [munaasabado] waxbarasho iyo wacyi-gelin dadweyne oo ku saabsan arrimaha la xiriira nabadda.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Qar-iska-tuurka Kenya oo kacdoon uu kasoo socdo

Muddo dheer oo uu jiray loollan baddeed oo gaadhay maxkamadda aduunka iyo weliba golayaasha fadhiyada waddamada caalamka intooda badan, waxaa hadda aad mooddaa In hawshii oo dhammi soo idlaatay, iyadoo ay go’aan qaadashada maxakamaddu ka hadhsantahay muddo kooban. 

Filashada natiijada iyo weliba sida ay wax u socdaan ayaa u eeg In maxkamaddu ay go’aamin doonto kiiskan iyada oo dib uugu celinaysa lahaanshiyaha badda soomaaliya oo muran laga geliyay.

Kenya waxaa fajac ku ah hankii sheegashada badda oo si yar faraheeda uuga baxay, waxaa kaga burburaya hishiisyo badan oo ahaa shidaal baadhis kuwaas oo ay hore uula saxiixatay shirkado caalami ah, waxaa guud ahaan waxba-kama-jiraan noqday qorshayaal mashaariiceed ee ay kenya baddaas kaga xisaabtamaysay. 

Dhanka kale waxaa daciifaya xidhiidhkii kenya iyo waddamo badan, waxa kale oo adkaanaysa si caadi ah kiisaskii kenya ay hor-gayn lahayd maxkammadda adduunka mar uun haddii wax ku soo kordhaan kenya, sababtoo ah Kenya waxaa si cad u qabanaya ku xad-gudbidda dhul aysan lahyn iyo weliba kenya oo fel-celinteedu noqon doonto mid qallafsan. Waana tan adkayndoonto xidhiidhka Maxkamadda adduunka iyo kenya. 

Waxaa iyana meesha soo gelaya in kenya ay ka bur-buraan heshiisyadii shidaalka iyo weliba maal-gashiyo ay hawlaheedu ka socdaan gudaha kenya hadda, dhammaan howlahan maal-gashi ee ka socda gudaha kenya waxa ay noqonayaan kuwo dusha ka saaran kenya. 

Fashilka iyo jabka ka soo gaadha kiiskan kenya, waxa gudaha waddanka ka dhalan-doona kacdoon siyaasaddeed oo culus, kaas oo ay macquul tahay ugu yaraan in uu Meesha ka saaro xukuumaddan hadda talada haysa, waayo dadka waddanka Kenya oo muddoba dhegtu taagnayd oo dawladdan uba arka in dhulkii ay sheeganaysay qayb-qayb loo kala qaatay, waxa ay dadkaasi ku jawaabi-doonnaan kacdoonno siyaasaddeed oo waddankaasi uu galo. Tanna waxaa tusaale u ah howlaha socda iyo sida ay shacabka dhegtu uugu taagantahay. 

Habkan layaabka iyo amakaaga ku ah maxkamadda adduunka ee ay samaynayso kenya, waa halka waddo ee ay doonayso kenya in ay shacabkeeda ku degto maskaxdooda iyada oo muujinaysa in aysan marnaba raalli ka ahayn kiiska badda, waayo kenya waxay u jeeddaa jawaabta kaga imanaysa shacabkeeda, mana jirto naxariis u dhexaysa shacabka iyo dawladda kenya. 

Shacabka kenya oo ogsoon in dawladdoodu horre been uugu sheegtay iyo weliba sida dawladdan intii ay jirtay dhulkii kenya ee Waddamada kale ay muran u galeen. Dhulkaas oo ay ka midyihiin kan ay ku maransanyihiin “ kenya iyo Uganda iyo Kenya iyo Tanzania” marnaba shacabku ma yeeli-doonnaan natiijada la filaayo ee ah in dhulkaas loo xukminaayo Soomaliyadii hore u lahayd. 

Dhinaca kale kenya Waxay ku dhacaysaa ceeb-siyaasaddeed taas oo ah khibradda aan lahayn ka fiirsashada iyo beenta ku dheehan ee ka halleelay kiiska badda soomaaliya, waana tallaabada keenaysa in ay kenya ka baxdo go’aanka maxkamadda ka hor inta aan lugu dhawaaqin natiijada, waana “Guul-darradu inta aysan ku halleelin ka bax garoonka”, balse xeerka maxkamadda oo ah mid hore loo saxiixay in uusan ka laaban-karin waddan ayaa diidaya wax kasta oo ay kenya samaynlahayd maanta. 

Dhammaan Gal-galashada kenya waxa ay u tahay hal natiijo oo ay dadkeeda beer-laxawsi kaga doonayso, balse arrinku uu noqon doono mid aysan shacabkaasi marnaba ka tanaasulin. 

XIDHIIDHKA KENYA IYO SOOMAALIYA

Dhanka kale go’aan gaadhista natiijadaas waxa ay sababaysaa in uu adkaado cilaaqadka labada waddan ee ay wadaaggaan xadka, tan oo ka imanaysa labada dhinacba. 

Soomaaliya waxa ay qorshaynaysaa hannaan dhammaystiran oo ay ciidamada Kenya ee ka midka ah midowga Africa ee nabad illaalinta u jooga soomaliya in ay ka saarto gudaha waddanka iyada oo adeegsanaysa xeer sharciyadaysan kaas oo soomaaliya ka illaalinaya in ay ku xad-gudubto qaar ka mid ah xeerrarkii u yaallay iyaga iyo ciidamada ka jooga africa soomaaliya. 

Waxaa macquul noqon-doona in labada waddan ay galaan saxmad-siyaasaddeed, waxaana meesha aan ka maqnayn in xadka u dhexeeya labada dal uu noqdoono mid ka duwan sidiisii hore. 

W/Q: Cumar Rodol
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Dowladda Mareykanka oo ku dhowaaqday in ciidamo ay gaynayso Sacuudiga

Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday qorshe ay ciidamo ugu direyso dalka Sacuudiga kadib weeraradii lagu qaaday goobaha saliidda laga soo saaro ee dalkaas,

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa weriyayaasha u sheegay in daad-gureynta ciidamadan ay tahay “tallaabo difaacid.” Weli go’aan lagama gaarin tirada ciidamada la dirayo.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee Iran ay taageerto ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradaas oo toddobaadkii tagay lala beegsaday laba goobood oo saliidda laga soo saaro.

Hase yeeshee Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa labaduba weerarka ku eedeeyey Iran.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhowaaqay cunaqabteeno “heerkii ugu sarreeyey” ah oo la saarayo Iran, isaga oo sidoo kale tusmeeyey inuu doonayo inuu ka fogaado dagaal militari.

Cunaqabateenada cusub ayaa diiradda saari doono Bankiga Dhexe ee Iran, sida uu Trump sheegay.

Esper ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ay caawimaad ka codsadeen.

Waxa uu sheegay in ciidamadan ay diiradda saari doonaan xoojinta habka difaaca gantaallada iyo hawada, Islamarkaana ay “dedejin doonaan qalab militari oo la gayn doono” labadan dal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kacdoon la mid ah kii lagu riday Xosni Mubaarak oo ka billowday dalka Masar

Qaahira (Caasimada Online) – Kumanaan qof oo ah dibad-baxayaal taageeraya dimoqraadiyadda ayaa isugu soo baxay magaalooyinka kala duwan ee dalka Masar, si ay u dalbadaan is-casilaadda madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi.

Muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dibad-baxayaasha oo ku qeylinaya “kaca, ha cabsanina, Sisi waa inuu baxaa, dadkana waa in dalbadaan inuu taliskan uu dhaco.”

Dibad-baxyada ayaa looga soo warramay magaalooyinka Qaahira, magaalada labaad ee ugu weyn ee Alexandria, iyo magaalada Suez.

Saraakiil aan xirneyn dharka ciidanka ayaa ka hortagay dibad-baxayaasha oo isku dayey inay tagaan Fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira. Dhowr qof ayaa lagu soo warramay in lagu xiray Qaahira.

Dibad-baxyada ayaa yimid kadib markii ganacsadaha iyo jilaaga Masriga Mohamed Ali uu el-Sisi ku eedeeyey musuq-maasuq, uguna baaqay shacabka inay waddooyinka isugu soo baxaan oo ay dalbadaan in xilka laga qaado el-Sisi.

“Haddii el-Sisi uusan ku dhowaaqin is-casilaadiisa Khamiista, dadka Masar waxay Jimcaha isugu soo bixi doonaan fagaarayaasha, ayaga oo mudaaharaadaya, “ayuu Ali ku yiri muuqaal la baabhiyey Talaadadii.

Kacdoon midkan la mid ah oo dhacay 25-kii Janaayo iyo 11-kii Febraayo 2011 ayaa horseeday inuu xukunka ka dego madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Xosni Mubarak.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

Dagaal sababay khasaare oo ka qarxay Ceel-Afweyn

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeri ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo markale dib uga qarxay deegaano hoostaga degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.

Wararka ayaa sheegay in dagaalkan uu yimid, kadib markii meelashiyaadkaasi ay isku qabteen arrimo la xariira dhul daaqsimeed.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Mudane Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro) ayaa xaqiijiyey in dagaalkaasi ay ku dhinteen illaa 5 qof, kuna dhaawacmeen 9 kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xiisadaasi ay ku baxeen ciidamada Somaliland, islamarkaana haatan xaaladdu ay tahay mid degan.

Xiisadan dib uga soo cusboonaatay gobolka Sanaag, ayaa ku soo aadeysa, iyadoo saacadihii la soo dhaafay colaadaha gobolkaasi uu si kulul uga hadlay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo sheegay inay ka maamul ahaan ka hortagi doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Sawirro: Muudey oo Waare iyo Lafta Gareen la kulmay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee Golahaasi, Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey ayaa xalay kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Kulankan oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa ahaa mid is xog-wareysi iyo soo dhaweyn Madaxweynayaasha Maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Dhanka kale waxaa kulanka lagu soo qaaday howlgallada ciidanka huwanta ee ka socda gobollada Shabeelooyinka ee maamulladaasi.

Waare iyo Lafta Gareen oo maalmo ku sugan Muqdisho ayaa horay ula kulmay qaar ka mid ah madaxda dowladda fedederaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ay la kulmeen ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha gobolka Banaadir , Cumar Filish oo ay ka wada hadleen arrimo la xariira ammaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo maanta saxiixaya sharci cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa inuu saxiixo sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka Musuqmaasuqa ee labada heer.

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay ayaa saacadaha soo socda la filayaa in lagu qabto xarunta madaxtooyada Qaranka, taas oo lagu meel marinayo sharcigaasi.

Sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka musuqmaasuqa oo soo maray heerar kala duwan ayaa ugu dambeyn maanta oo Sabti ah lagu wadaa in qalinka uu ku duugo Madaxweyne Farmaajo.

Sharcigan ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh dalka, islamarkaana xilligan loo qabo baahi weyn guud ahaan Soomaaliya.

Haddii uu dhaqan galo sharcigan weliba sidii loogu tala galay ayaa waxaa uu wax ka bedali doonaa arrimaha musuqa ee ka jira ee hay’adaha dowladda iyo guud ahaan dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Maxkamadaha Somaliland oo war culus ka soo saaray faragelinta mas’uuliyiinta xukuumada iyo ciidamadaba

Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Maxkamada sarre ee gobolka Sanaag, isla markaana ah laan muhiima oo ka tirsan maxkamadaha Somaliland ayaa si adag uga hadashay fara-gelinta qaawan ee ay ku hayaan dacwadaha kala gedisan Mas’uuliyiinta xukuumada Somaliland iyo Ciidamada Booliskuba

Garsoore Maxamed Axmed Olol, oo kamid ah garsoorayaasha maxkamada sarre ee gobolka Sanaag, ayaa sheegay in loo baahanyahay inay madaxda Somaliland u hogaansanaadan nidaamka garsoorka.

Garyaqaankan oo la hadlayey warbaahinta ayaa waxa kale oo uu sheegay in loo baahanyahay in si isku mid ah lagu qaado dacwadaha qofka shacabka ah lagu soo eedeyo iyo midka Mas’uulka xukuumada xilka ka haya, taasi oo uu ku sheegay in sharcigu siinayo xuquuq isku mida, wuxuuna yiri

“Dacweysanuhu wuxuu ku suganyahay goobo iyo magaalooyin, aan rug ciidan ama bileys aan laheyn, gaadhsiinta qofkaa dacwadeysanaha ahi iyo yeedhmadiisa, iyo weliba mudeynta la doonayo in maxkamada uu ku yimaado, si uu dacwadan lid-ka ku ah iskaga difaaco caqabado badan ayaanu runtii kala kulana, midaasi waa qodob dhanka masaafada ah”.

“Caqabadaha ugu waaweyn iyaguna waxay naga soo wajahaan xagga ciidamada, garsoorkuna sidiisaba wuxuu ka garnaqaa xubin iyo in ka badan oo dadweyne dhexdii oo is dacweynaya ah, Sarkaal dowladeeda iyo howl-wadeen dowladeed dhexdood oo labo shaqaale dowladeed ah oo is dacweynaya, ama xubin dadweyne iyo sarkaal dowladeed oo is dacweynaya, markaa sidaasay maxkamaduhu ugu garnaqaan”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Sarkaalkii ama shaqaalihii dowladeed amase Sarkaalkii ciidanku markay dacwadi maxkamadii ka timado, oo runtii sidii uu u soo qaabili lahaa maxkamada, iyadana dhibaato weyn baanu kala kulana, waxaana keenta fahan darro inta badan ka haysata micnaha sharcigii”.

“Waxaanu fareynaa inay laamaha ciidanka kala duwan, saraakiishooda iyo hogaankoodaba in cidii la soo dacweeyo oo ciidanka kamid ah inay ku amraan u hogaansamida sharciga, mana ah in sharcigii la yaso. Dadkuna darajo kuma kala sareeyan ee sharciga hortiisa waxay ku leeyihiin xuquuq siman”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Faah-faahin ku saabsan qaraxii maanta ka dhacay magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo goor dhow ka dhacay xaafadda Salaam degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari Saarif ah oo la sheegay in lagu soo xiray miinada nooca lagu dhajiyo baabuurta.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxaasi oo ahaa wadihii gaariga, halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale oo la socotay.

Wararka ayaa sheegaya in qofka dhintay oo ahaa wiil dhalinyaro ah uu adeer u yahay xildhibaan hore, Cabduqaadir Maxamed Mursal oo horay Muqdisho ay ugu dileen kooxo hubeysan.

Sidoo kale ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in gaariga xilliga uu qarxayey uu yaallay afafaafka hore ee guriga marxuumka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Qaraxan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah nabad gelyada oo isugu jira qaraxyo nooca miinada ah iyo dilal oo muddooyinkii dambe ka dhacayey magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasiir xukuumadda Kheyre ka tirsanaa oo is-casilay

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhaw shaaciyay is casilaadiisa wasiir ku-xigeenkii wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdikariim Khaliif Dhalac.

Wasiirka ayaa is casilaadiisa ku sacbabeeyay fara galinta xukuumadda uu ka tirsanaa ee Ra’iisul Wasaare Kheyre ay ku hayso dhismaha maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in uu ku qanci waayay sida ay xukuumaddu wax u wado ee faragalinta qaawan ay ugu heydo dhamaan maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, si gaar ah maamulka uu federaalka ku matalo ee Galmudug.

Qoraal dheer oo uu kusoo daabacay bartiisa Facebook-ga ayuu ku yiri, “Anigoo ah Xildhiban Cabdikarim khalif Cabdi (Dhalac) maanta oo taariikhdu tahay 20.09.20019 waxaan Go’aansaday inaan iska Casilo Xilkii aan ka hayey Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ahaa Wasiir- kuxigenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa.

Sababaha aan isku casiley  waxaa ka mid ah.

  1. Waxaan ku qanci waayey feragelinta Dowladdu ku heyso Dowlad Goboleeyadda dalka Ka jira, gaar ahaan Maamulka Galmudug oo ay hadda ka socoto qaban qaabo maamul u sameyn baal marsan rabitaanka dadka reer Galmudug ‘ iyo Dasturka dalka uyaal.

taasoo keeni karta dib u dhac siyaasadeed, dhaqaale , amni iyo mid hurumarineed.

sidoo  kale waxay keeni kartaa kala fogeeynta labadii gobal ee  ku midoobey dowlad gobaleedka Galmudug Kuwaas kala ah mudug iyo galgaduud.

Waxaan halkaan baaq uga dirayaa

1 Xukuumada federalka iney ilaaliso

Dastuurka dalka iyo nidaamka federalkanee Somali ku heshiisey faragalintana ay ka daayaan dhismaha dowlad gobaleedyada.

2 Waxaan kaloo ayagana baaq udirayaa dowlad gobaleeda dalka Ka jira iney xil iska saaraan ilaalinta shuruucda dalka utaal oo dastuurku ugu horeeyo Iyo nidaamka federalismKa ee ay ku dhisan yihiin.

3 sidoo kale waxaan kula talinayaa dadka reer Galmudug inay ilaashadaan midnimadooda iyo wada jirkooda, Ayna ka fekertaan qofka ay ku aaminayaan aayahooda.

Waxaan ugu horeeyn u mahad celinaayaa R/wasaaraha Xukuummadda mudane Xasan Cali Kheyre ‘ iyo golaha wasirada ee aan saaxiibada nahey mudadii aan wada shaqeyney.

Ugu dambeeyntii waxaan balan qaadayaa inaan ka  shaqeyn doono midnimada iyo wanaaga ummadda soomaaliyeed,  sidoo kale waxaan si dhow ula socon doonaa maslaxada dadka aan ku matalo golaha shacabka” ayuu qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Cabdikariim Dhalac wasiir ku xigeenkii xanaanada xoolaha xukuumadda Soomaaliya.

Wali wax war ah oo ku aadan is casilaadda wasiirkaan kama soo bixin xukuumadda federaalka ee uu majaraha u hayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online

Xaafiiska Muqdisho

[email protected]

DF oo dhul u iibineysa 3 ka mid ah safaaradaha Soomaaliya ee caalamka

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay dhismeyaal u iibiso safaaraddaha saddex dal, sida ay sheegeen illo aad loogu kalsoon yahay.

Safaaraddaha dhulalka loo beecinayo ayaa waxay kala yihiin; Mareykanka, Koonfur Afrika iyo waddanka deriska ah ee Kenya.

Xafiiska wasiirka maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo xaqiijiyey jiritaanka xogtan ayaa ka gaabsaday in uu tafaasiil dheeri ah bixiyo.

Waxyaabaha aan weli laga jawaabin ayaa waxaa ka mid ah: goorta la bilaabayo, qarashka loo qoon-deeyay mid walba iyo hadii ay yihiin dhismeyaal dhisan ama dhul kaliya.

Qorshahan oo Khamiistii, 19-ka September 2019, ay ka doodeen Golaha Wasiiradda ayaa waxaa lagu daray Miisaaniyada guud ee dalka sanadkan.

Ku tala galka miisaaniyadda oo ah 390.1 milyan oo Doollar [Shilin Soomaali ahaana u dhiganta 226,258,000,000] ayaa waxaa meel-mariyey wasiiradda. Golaha Shacabka ayaase ansixinta ugu dambeysa leh.

Ku tala galka miisaaniyadda oo ah 390.1 milyan oo Doollar [Shilin Soomaali ahaana u dhiganta 226,258,000,000] ayaa waxaa meel-mariyey wasiiradda. Golaha Shacabka ayaase ansixinta ugu dambeysa leh.

Miisaaniyadda oo markii hore ahayd 344.2 Milyan ayaa waxaa ku korortay 45.9 Milyan oo doollar, taasi oo ka timid dakhliga gudaha.

“Ku tala galkii hore ee dakhliga guduhu ayaa ahaa 189.9 Milyan, halka haddana la rejeynayo inuu gaaro 221.3 Milyan oo doollar, waxaana farqiga u dhexeeya uu 31.5 milyan oo doollar,” ayuu yiri xubin ka tirsan Laanta Fulinta.

Mashruuca dhismeyaasha loogu iibinayo safaaradahaas ayaa wuxuu qeyb ka yahay 8 milyan oo Doollar [4,640,000,000 Shilin Soomaali] oo loo jiheyn doono dayactir iyo dhisme iibinta safaaradaha dibadda qaar.

Safaaradda Koonfur Afrika waa madax ka ah Jamal Maxamed Barow; halka tan Kenya uu hogaamiyo Maxamuud Axmed Nuur Tarsan; Cali Shariif Axmed uu yahay diblumaasiga ugu sareeya howlgalka Washington.

Xigasho: Garowe Online

Toogasho iyo dil ka dhashay sheeko yaab leh oo maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa goor-dhow lagu dilay agagaarka isgoyska Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho, halka qof kalena uu ku dhaawacmay.

Dilka askarigaan ayaa waxaa uu ka dhacay bar-koontorool oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin agagaarka isgoyska Cali Kamiin, waxana ka dambeeyay askari kale oo ka tirsan askarta dowladda.

Qof goobjooge ahaa xilliga dilka uu dhacayay ayaa Caasimada Online u sheegay in dilka uu yimid kadib markii askariga la dilay uu isku dayay in bajaaj uu marsiiyo waddada oo ciidamada u xirneyd, hase yeeshee taasi ay muran ka dhalatay.

“Waxaa xirneed waddada, wiilka bajaajta watay ayaa arkay askari uu yaqaan kadibna waxaa uu ka codsaday in uu ka gudbiyo askarta, waxayna isku raaceen oo ay isku afgarteen in askariga bajaajta uu wado, wiilka bajaajta lahaana gadaal ayuu raacay, waxaa uuna iska dhigay qof bajaajta saaran, kadibna waxaa ay gaareen askartii, kuwaasi oo diiday in ay bajaajtu gudubto, muran dheer kadib askartii bajaajta ayay rasaas u fureen.” Ayuu yiri goobjoogaha.

Goobjoogaha waxaa uu sheegay in rasaastii bajaajta lagu furay uu ku dhintay askarigii mootada waday ee doonayay in uu gudbiyo, iyada oo sidoo kale-na ninkii mootada horay u watay uu soo gaaray dhaawac culus, isla markaana loo qaaday mid ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Askarta joogta agagaarka isgoyska Cali Kamiin ayaa inta badan waddada iska xirta, ayaga oo bajaale-yaasha ku qasba inay bixiyaan lacag baad ah, ama dib u noqdaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawiro: Somalia iyo Turkey oo heshiis cusub saxiixday

0

Ankara (Caasimadda Online) – Heshiiskan iskaashi ee labadan shirkadood oo laga kala leeyahay Soomaaliya iyo Turkiga ayaa yimid kadib markii dalka Turkiga safar shaqo uu ku tagay madaxa shirkadda Ceymiska Islaamiga Soomaaliya (First Somali Takaful and Re-takaful) Maxamed Cabdi Maxamed oo uu wehliyo lataliyaha shirkadda Hilaal sheekh Cusmaan,kuwaasi oo kulamo la yeeshey ganacsatada Turkiga.

Safarka shaqo ay ku yimaadeen dalka Turkiga ayaa ahaa sidii ay u hormarin lahaayeen shirkadda Ceymiska Islaamiga ee Soomaaliya, heshiis wada shaqeyn ahna ula soo geli lahaayeen shirkadda Ceymiska ee dalka Turkiga, lagana hirgaliyo xarun ay shirkaddu ay leedahay dalkan turkiga.

Ujeedka arrintan ayaa la xiriirta si bulshada soomaaliyeed ay u helaan shirkad Ceymis oo la isku halaynkaro una qabato adeegyada Ceymiska, sida Ceymiska Caafimaadka, Ceymiska Tikidada, Ceymiska baabuurta, Guryaha IWL.

Heshiiskan ganacsi oo ay ku heshiiyeen labadan shirkadood ee Ceyymiska Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa kala saxiixday madaxa shirkadda Ceymiska Islaamiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Maxamed iyo shirkadda Ceyymiska Dalka Turkiga oo uu ka socday Arif Hikmet Cesur, ahna la-taliyaha Wasaaradda Maaliyadda ee dalka Turkiga.

Waxaa saxiixa heshiiska dhexmaray labada shirkadood goob joog ka ahaa Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mudane Jaammac Cabdullahi Maxamed Ceydiid, mas’uuliyiin iyo ganacsato ka soocotay dowladda Turkiga iyo howlwadeenada Safaaradda soomaaliya ee dalka Turkiga.

Muqdisho waxaa ka furan xabaal University: Jamacad DADKA oo nool lagu aaso

0

Maalin hore waxaan kulannay nin aan muddo kor iska naqaannay oo madaxa Xiriirka Bulshada(PR) ka ah jaamacad Muqdisho ku taalla, oo ku dhowaad 10 sano shaqeyneysa.

Shaqada iyo waxbarashada ayaa ka mid ahaa waxyaabihii aan isbarashada ku wadaagnay, waxaana u sheegay in aan shahaadada koobaad ee jaamacadda ka qaatay cilmiga Kumbiyuutarka, darajada labaadna aan ka qaatay maamulka ganacsiga oo ah takhasus guud oo u furan qof kaste oo Bachelor heysta, maadaama ay dadka takhasusyada kale bartay ay u baahan yihiin aqoon iyo xirfad maamul.

Ninkii wuxuu igula taliyay in maadaama aan maamulka ka heysto shahaadada labaad, aan sidoo kalena ka qaato shahaadada koobaad, wuxuuna intaas ii raaciyay in uu arinkaas ii fududeyn karo oo uu shahaado iiga heli karo jaamacadda uu masuulka ka yahay, aniga oo aan jaamacadda tegin oo aan hal xiso xaadirin, shardiga kaliya ee iiga xiranna uu yahay in aan bixiyo $465 oo ah qarashka xafladda qalinjebinta, la iguna darayo ardayda sanadkaan ka qalin-jebineysa jaamacaddooda.

Wuxuu intaas iigu daray in uu isaguba shahaadada koobaad ka qaatay cilmiga Sheybaarka, balse uu jaamacadda ka qaatay shahaado kale oo Maamulka Dadweynaha(PA) ah oo uusan xiso u xaadirin. Ninkii waxaan u sheegay in aan shahaadadaas ka qaadanayo, lacagtana bixinayo, haddii ay keenaan hab ay aqoontaas iigu shubi karaan, maadaama aan lacag bixinayo, ayna i siinayaan shahaado ka marqaati kaceysa in aan aqoontaas leeyahay. Nin weyn oo wax aqrisan kara, waxna isbari kara ayaad tahay ayuuna jawaab iiga dhigay.

Jaamacado badan oo caalamka ku kala yaalla way ka dhacdaa in aan qofka si wanaagsan wax loo barin, oo aysan tabartooda iyo tayadoodu gaarin heerkii loo baahnaa, waxaana sidoo kale dhici karta in uu qofku suuqa ka sameysto shahaado been-abuur ah, isaga oo aan jaamacad ka qaadan! Waxaanse in muddo ah maqli jiray, caqligeyguna diidi jiray in ay dalka ka jiraan jaamacado ku shaqeeya sharci iyo fasax dowladeed oo qofkii raba inta tago oo lacag bixiyo uu ka dalbanayo shahaadada, takhasuska iyo dhibcaha uu rabo!! Ka dibna uu ka qalinjebiyo jaamacad uusan weligiis dhigan.

Aniga oo jecel in ay xantaasi been noqoto, ayaa dareenkii uu i geliyay ninkii igula taliyay in aan shahaado been-abuur ah ka iibsado wuxuu igu dhaliyay in aan baaritaan sameeyo, waxaana la kulmay qof shahaado shaqo looga xiray, ee shahaado ka qaatay jaamacad uusan aqoonin meesha ay ku taallo!! Ustaad Prof. Maxamuud Axmed Jimcaale oo aan jaamacaddaan uga sheekeeyay wuxuu u bixiyay Xabaal University(XU).

Waa run, oo waa qabri dadka oo nool-nool lagu duugayo, weliba waa xabaal-wadareed ummad dhan lagu aasayo, waayo dadka shahaadooyinkaas wata waxay gelayaan suuqa, waxayna umadda ugu shaqeynayaan aqoon aysan laheyn, balse ay u heestaan shahaado sax ah, oo been-abuur ah!! Sidaas ayuuna bukaanku ugu dhimanayaa gacanta Dhaqtar wata shahaado been-abuur ah, guryuha iyo waddooyinku ku burburayaan gacanta Injineer heysta shahaado bug ah, hantida umadddu ku lumeysaa gacanta Xisaabiye qaatay shahaado been-abuur ah, caddaaladdu ku lumeysaa gacanta Garsoore heesta shahaado bug ah, jahliguna ku faafayaa sababka Macallin wata shahaado been-abuur ah.

Todobaadkii hore, wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre wuxuu magacaabay guddiga ku-meel-gaarka ah ee Tacliinta Sare, oo sida la sheegay ka shaqeyn doona tayeynta Tacliinta Sare ee dalka. Waxaan guddigaas ka rejeynaynaa in uusan maqaar-saar noqan ee uu si dhab ah u guto masuuliyadda qaran ee loo xilsaaray, ayna la yimaadaan hannaan hufan oo lagu tayeynayo laguna kala saarayo boqolaalka jaamacadood ee dalka ku yaalla, ayna meesha ka saaraan jaamacadaha aan u qalmin in ay waxbarasho ka shaqeeyaan ee ka ganacsanaya masiirka ardaydeenna, waxaana,rejeynayaa in la gaaro maalin maamulka jaamacaddaas iyo kuwa la midka ah ay dacwo ku soo oogaan dadkii ay nolosha ku aaseen oo gacmaha ku wada sita shahaadooyinkii been-abuurka ahaa ee ay siiyeen, iyagana lugu duugo xabaashii ay ummadda u qodeen Alle idankii!!

Waxaa qoray: Hussein Sabrie
Email: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

“Kooxda Aaran-Jaan waa iskaashatada shaydaanka” – Gaas oo ka sheekeeyey wixii kala qabsaday Faroole

0

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ahaa Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaa dalka Mareykanka uu kusoo bandhigyo Buug uu qoray,kaasi oo lagu magacaabo “Caqabadihii kalaguurka Soomaaliya” (A Challenging Transition in Somalia).

Buuga uu qoray Cabdiweli gaas ayaa waxaa uu uga sheekeynayan xili uu doonayay inuu socdaal ku tego Magaalada Boosaaso ay  ishor istaag ku sameeyeen Xukuumaddii Madaxweynihii Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole,waxaana xiligaas uu wareejiyay xilka Ra’isal Wasaarenimo ee Soomaaliya.

Nuqul kamid ah buuga uu qoray Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ahaa Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa u qoran sidan.

“Waxaan wacay Faroole, kama uusan jawaabin Telephonekayga, dabcan wuu yaqaaney lambarkayga laakiin sida muuqata markan wuu naqdiyey wicistayda, deedna waxaan go’aansaday in aan waco mi kamid ah dadka ugu dhow kooxdiisa oo ah Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh ) wasiir kuxigeenkii arrimaha gudaha. waa mid kamid ah koox ka kooban ilaa 12 qof oo loo yaqaano Aaran Jaan ama “Iskaashatada Shaydaanka” caadi ahaanna waa kooxda hoggaanka Faroole ku xeeran oo aad saamayn ugu leh xukunka jira iyo go’aamada, xataa waxay aad uga awood badan yihiin Wasiirradda Faroole. Waxay ahaayeen wasiiradiisa daaha gadaashiisa istaagan.

Cali si deg deg ah ayuu Telefoonka iiga qabtay waxaana ku iri, “Cali waan filayaa inaad ogtahay waxa ka socda Boosaaso. ii sheeg sababta aad xoogga ugu faanayso iyo sababta ciidamadu guriga ugu hareeraysan yihiin.”

Sidoo kale waxaan u sheegay inuu wacay Madaxweynaha balse uu iga qaban waayey telefoonka.Wuxuu ii sheegay in badanaa ”Madaxweynuhu mashquul yahay” ama hadii kale uu qayb ka yahay arinka ee i sug aan hubiyee.

Daqiiqado kaddib wuu isoo wacay, wuxuu san se ii sheegin ayaa ahayd in wiilka Faroole ee Maxamed uu dhegaysanayey wada hadalkeenna.

Xigasho: Radio Daljir

Dood ka taagan sida loo xulayo xildhibaanada Habar-gidir (2 garab oo isku haya)

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa dood culus ay ka taagantahay qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada beesha Habar-gidir ay ku leedahay baarlamanka labaad ee Galmudug, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug.

Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ku jahwareersan laba awoodood oo iska soo horjeeda, kuwaas oo dano siyaasadeed ka leh baarlamanka cusub ee Galmudug.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha hoggaanka Habar-gidir ee lagu dhisay magaalada Hobyo ee gobalka Mudug, ayaa isku haya dhismaha baarlamaanka beesha Habar-gidir ka soo galay Galmudug, waxaana taagan doodo culus.

Golaha hoggaanka Habar-gidir, ayaa odayaasha dhaqanka ee beeshaas ka dalbaday in ay soo xushaan xildhibaano balse ay door ku yeeshaan Golaha hoggaanka Habar-gidir, islamarkaana saxiixa ugu dambeeyo uu yeesho Guddoomiyaha Habar-gidir Prof. Shirwac.

Odayaasha ayaa ogolaaday arrintaas balse waxaa dhanka dowladda federaalka Soomaaliya ka yimid dalab kale oo ku aadan in dowladda Soomaaliya ay door wayn ku yeelato xildhibaanada beeshaas ee baarlamanka Galmudug.

Xildhibaanada beesha Habar-gidir ay ku leedahay baarlamanka Galmudug ayaa gaaraya ku dhowaad 40 Xildhibaan, waxayna muhiim u yihiin dhinacyada isku haaya hogaanka maamulkaasi waana sababta keentay in dood culus ay gasho qaabka xulista Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
[email protected]

Monica Juma goorma ayay qaladaadkeedii hore wax ka baran doontaa?

Geeska Afrika waxaa saameeyey isbdelo isdabajoog ah, ka dib markii mugdi siyaasadeed iyo xasillooni la’aan muddo dheer hareeraysay. Somaaliyana waxay ka mid tahay isbedeladaas ka soo iftiimay guud ahaan gobolka.

Arrintaas, waxay dhalisay in Kenya durbadiiba dareento in horseednimadeedii Bariga iyo Geeska Africa, ay ciriiri geli karto dib u soo noolaashaha dowladnimadda Soomaaliyeed, tasoo saamayn ku yeelan kara gobolka. Mararka qaar waxaad u malaysaa habdhaqanka Kenya sidii bukaan uu dhaqtar ku soo sheegay cudur oo ay ismoogeysiinayso in dan u tahay inay wax ka bedesho nolosheeda si dhaawac horleh uga badbaado. Isdhegammarrinta Kenya waxaa saldhig u ah, iyadoo ay ka degi la’ in Soomaaliyada maanta ay ka duwan tahay middii ay u baratay macaamilkeeda.

Sida la wada ogsoon yahay Maxkamadda Caalimiga ee ICJ, ayaa dib loo dhigay dhagaysiga dacwaddii u dhexeysay Soomaaliya iyo Kenya, kuna saabsanayd dhulbadeedka Soomaaliya ay Kenya sheeganeyso. Kenya waxay ku marmarsiyootay dalabkeeda, in ay garyaqaanadeedii dib uga gurteen difaacidda dacwaddeeda, oo ay u baahan tahay muddo kordhin sannad ah, si ay garyaqaano kale u raadsato.

Maxkamadda ayadoo ka ambaqaadaysa codsigaas, islamarkaasna ka walaacsan dib u dhaca aan qorshaysnayn ee soo foodsaaray, ayay waxay u kordhisay muddo laba bilood ah, taasoo aad uga yar middii ay Kenya codsatay. Go’aanka maxkamadda waxaa laga dhadhansan karaa diidmo farsamaysan oo ay ku diidayso dib u dhac uu ku yimaado garta ay u fadhiso. Halkaas waxaa kaaga cad in shirkaddaha garyaqaanada ugu caansan dunida iyo garyaqaanada shaqsiga ah ay doorbidayaan dacwaddaha ay ka filan karaan in ay ku guulaysanaayaan, taasoo kor u qaadeysa sharaftooda iyo magacooda. Maadaama uu waqtigu aad u kooban yahay, isdifaaca Kenyana uu dhidibo adag ku fadhin ayaa waxay u badan tahay in qareenno badan ay isku fogeeyaan difaacidda Kenya.

Waxaase la yaab leh, siyaasadda guracan ee Kenya oo ay horboodeyso marwa Monica Juma aysan waxba ka dheefin qaladaaadkii siyaassaddeed ee ay gashay labadii sanno ee la soo dhaafay. Kenya waxay weli aaminsantahay in ay awood u leedahay in ay siddey doonto u furdaamin karto dacwadda badda ee kala dhaxaysa Soomaliya.

Maalmo ka gadaal markii ay hubsatay in ay maxkamadda dib u dhigtay qaadista dacwadda, ayay waxay horeyba ka bilowday luggoyntii lagu yaqiin. Maalintii Axadda ee 15ka Sateembar ayay tiri “waxaan doorbideynaa waanwaan ka baxsan maxkamadda, si xal waara looga gaaro garta labada dhinac” (TheEastAfrican, Sabteembar 14 2019).

Juma waxay kaloo raacisay ayadoo hadalka sii wadata “Waxaan doorbideynaa garta noocan oo kale, taasoo ah, haddaad u fiirsato, habka ay mudnaanta siiyaan Qaramadda Midoobay (UN), Isutagga Africa (AU) iyo urur goboleedka IGAD. Sababtoo ah waa sida ugu fursadda weyn oo taabagelin kara in ay nabadgalyo ku dhammaato garta”. Haddalkaas, wuxuu ifafaale u yahay in Kenya aysan u hogaamsamaynin go’aanka maxkamadda hadday gartu raacdo Soomaaliya.

Su’aasha meesha taal waa ma suurtoobi kartaa in ay Kenya diido go’aanka kama dambaysta ah ee maxkamadda? Jawaabtu waa maya. Kenya waxay saxiixday in ay u hoggaansamayso maxkamadda ICJ 1963-dii. Maxkamaddana waxay leedahay habab kala duwan ay ku hirgeliso go’aamadeeda oo ay ugu horayso Golaha Ammanka.

Kenya waxay hadda u ololaynaysaa in ay ku fadhiisato kursiga xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka ee 2021-2022- ka. Marwo Juma waxay waraysi siisay ayadoo ku doodaysaa “Geeska Africa waxay noqotay marinka isgaarsiineed aad muhiim ugu ah adduunwaynaha waxayna horyaala dhibaatooyin amnidarro (Daily Nation, 16 Sabteembar 2019).

Mar haddii ay ka soo horjeedsato go’aanka maxkamadda waxaa hubaal ah in ay dhuminayso fursadda kursigaas oo ay Jabuuti tartanka kula jirto. Waxaa layaab leh, dhuunirraaca Kenya ay marna isku tiriso Bariga Africa oo ay samaysatay Urur Goboleedka Bariga Africa (East Arican Community- EAC), marna Geeska Africa oo ay ku dooddayso in ay ayadda horjooge u tahay. Haddaan si kale u dhigno, Kenya waxay si bareer ah marar badan u horistaagtay ka mid noqoshada Soomaaliya urur goboleedka EAC. Laakiinse waxaa ka sii yaab badan markay u fududaysay Koonfurta Suudaan in ay ku biirto EAC 2016-kii, ayadoo madaxbanaanayd 5 sano oo kaliya.

Haddal kale oo darreenkayga soo jiitay ay tiri marwo Juma ayadoo siinaysa wareysi muuqbaahiye ka mid ah kuwa maxaliga ee dalka Kenya (KTN News Kenya), aya ah “Sidaad la socoto annaga iyo Soomaaliya waxaa horey u kala saxiixanay heshiis is-afgarad ‘MoU’ 2009kii kasoo qoraayey haddiiba ay dhacdo in uu muran ka dhasho badda labada dhinac in lagu xaliyo hab wadaxaajood nabadeed”.

Sida ka muuqata, marwo Juma waxay iska maaweelinaysaa halku maantay mowqifku taagan yahay iyo sababta keentay arrinku meeshuu maantay marayo. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ” Beenaale waxaa sira xasuus-xumi”. Bal aan xasuusino haddii ay xasuusteeda yaraatay.

Waa run in uu heshiis is-afgarad labada waddan kala saxiixdeen 2009kii. Laakiinse marwo Juma waxay ku indho-adeegaysa arrin ka baxsan heshiis is-afgaradka. Heshiisku wuxuu ku saabsanaa in labada dowladood ay midba midda kale ay ka horistaagin codsigeeda xaddaynta sare ee Hoobad Qaaradeedka (Continental Shelf). Heshiiska waxaa uu kaga gaabsaday xallinta wixii kilaafaad ah ee ku saabsan xaddaynta badda ee labada dal ay wadaagaan ka heshiiyaan. Habka loo heshiinaayo, meesha lagu sheegin, sidoo kalena cidda heshiinaayso kuma xusnayn. Heshiiska marnaba uma aqoonsanayn Kenya lahaanshaha aaga muranka dhaliyey. Laakiinse, Kenya ayadoo og arrintaas ayay gacandhaaf ku samaysay heshiiska waxayna si bareer ah uga xaraashtay bishii Juunyo 2012 shirkadaha shidaalka ee Eni iyo Total oo Talyaani iyo Faransiis kala ah.

Waxaa su’aalshu tahay, haddii ay Kenya daacad ka tahay maxay u afgembisey heshiiska is-afgaradka ay hadda ku marmarsiyoonayso?

Intaas arrinku kuma eka, ee markii ay Soomaaliya kaga dacwootay UN-ka in Kenya marin-habaabisey heshiiska dhexyalay ayaa Kenya lagu qasbay in wadaxaajood lagasho Soomaaliya. Labadii shir ee hore waxaa martigelisay Nayroobi. Mas’uuliyiintii Keenyaatiga waxay la soo shirtageen dhulka annaga ayaa leh. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ee uu waqtigaas Dr. Cabdiraxman Bayle ayaa warqad u qoray dhigiisa Kenya oo uu ku leeyahay “meeqa ayaad rabtaan inuu arrinku sidaan ku sii socdo ayadoon wax miro dhal lahayn shirarka noocan?”

Keenya waxay ka soo jawaabtay ayadoo codsatay in mar seddexaad la kulmo. Akhristow arrintaas si fiican ula soco. Dowladda Soomaaliya waxay aqbashay codsigaas, waxaana lagu ballamay Muqdisho in shirka lagu qabto 25kii ilaa 26kii Agoosto 2014. Kenya ballanti ayay ka baxeen, mana aysan imaanin shirka. Taa waxaaba ka darnaa, maamuus xumada iyo yasidda ay Soomaaliya u muujiyeen ayagoo aanan wax cudurdaar ka bixin sababta ay u maqnaadeen maqnaadeen. Soomaaliyana ayadoo ka carraysan islaweynidda Kenya dacwo hordhigtay maxkamadda ICJ, 28 Agoosto 2014.

Intii waqtigaas ka dambeyey, marwo Juma iyo dowladdeeda waxay marar badan cunaqabatayn iyo aflaggaaddo joogta ah la dabasocdeen shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda. Haddaba waxaa arrin lagu qosla ah in maanta ay marwo Juma ay fagaare kasta la soo taagan tahay in ay Soomaaliya ay u carartay maxkamad ayadoo ay wadooyin kale oo badan ay u furnaayeen iyo in Soomaaliya dan ugu jirto in wadahadal ka baxsan maxkamadda lagu xalliyo arrinta.

Waxaan leenahay marwo Juma, wadooyinka aad sheegayso adigaa hore u xiray “waagaad isla waynayd.” Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “Mar i dage Allahaw dego, mar labaad idagase anaa dagay.” Marka Kenya ha ku adkaysato islaweynideedii illeen “gar laba nin kama wada qoslisee”.

W/Q: Cusmaan Maxamed iyo Cabdulqaadir Cariif

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid