25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Ducaale iyo xubno kale oo u tagay Shariif, codsi deg deg ahna hor-dhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda naga soo gaaray guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegaya in halkaas ay tageen wafdi ka socda dowladda oo uu hoggaaminayo wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Wafidgan ayaa ka codsaday Shariif Sheekh Axmed inuusan warbaahinta kala hadlin xayiraaddii maanta laga saaray inuu u safro magaalada Kismaayo, si uu uga qeyb-galo caleemo-saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Shariif ayaa goor sii horreysay u yeeray warbaahinta, waxaana la filayey inuu qabto shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo wixii maanta dhacay.

Ducaale, oo ku beel ah Shriif, iyo xubno la socda ayaa madaxweynihii hore ka codsaya in la xalinayo wixii maanta dhacay islamarkaana uusan hadlin inta ka horreysa, ayaga oo ka cabsi qaba in hadalkiisa uu dhalin karo xiisad cusub.

Ducaale iyo xubnaha la socda ayaa u sheegay Shariif  in amarka laga joojiyey diyaaraddiisa ay ahayd mid aysan dowladda oo dhan isku raacsan tahay, islamarkaana ay baarayaan cidda bixisay.

Waxaa hadda la filayaa in warbaahinta uu la hadlo guddoomiyaha xisbiga Shariif Sheekh Axmed ee Himilo Qaran, ayada oo Shariifna laga yaabo inuu hadlo kadib marka ay dhammaadaan wada-hadallada uu la leeyahay dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Sheekh Shariif, Xasan iyo xubno kale oo qaban qaabinaya kulan xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka socda qaban qaabada kulan deg deg ah oo ay yeelanayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo qaar ka tirsan asxaabta siyaasadda.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Xisbiyada siyaasadda ay gurigiisa ku booqdaan Shiikh Shariif oo Maanta la saaray xayiraad ku aadan inuu aado Magaalada Kismaayo.

Kulankaan dhici doono ayaa la filayaa in madaxweynayaashii hore iyo Xisbiyada Siyaasadda ay uga hadlaan Xaaladda uu dalka hadda ku jiro iyo caburinta ay Dowladda Federaalka ku heyso Siyaasiyiinta kasoo horjeedo.

Is wareysi kadib kulankaan ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku aadan qaabkii Maanta loola dhaqmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa soo saartay amar ah in Shirkad kasta oo u duuleysa Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor.

Hay’adda ayaa ka dalbatay Diyaaraddaha aadaya Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor, sidaas darteed waxaa lagu wargeliyay shirkad kasta fasaxii ay ugu duuli laheyd Kismaayo, si aan looga joojin duulimaadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xubno kamid ah jabhadii ka dilaacday gobolka Awdal oo gacanta lagu soo dhigay

0

Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar aanu helayno ayaa sheegaya in gacanta lagu soo dhigay oo xabsigana loo taxaabay xubno kamid ah Jabhadii dhowaan ka dilaacday deegaanada Dilla ee gobolka Awdal.

Xubnahaasi ayaa waxa xabsiga loo taxaabay xili ay isku dayayeen in ay weeraraan Mas’uulka ugu sarreeya Somaliland, oo ah Madaxweyne Muuse Biixi, sida uu sheegay Xildhibaan Nuur Rayaale oo kamid ah mudanayaasha golaha guurtida Somaliland.

Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre oo ka hadlayey xarunta golaha guurtida oo ay ka socotay dood ku saabsan nabad-galyada ayaa waxa uu sheegay in Xukuumada Biixi uu hogaamiyo ay ku guuleysatay inay gacanta ku soo dhigto xubno ka tirsan Jabhadaasi.

Xildhibaanka ayaa waxa kale oo uu soo jeediyey in Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Biixi ay si deg-deg ah uga howl-gasho Jabhadaasi, isla markaana ay gacan bir ah ku qabato, wuxuuna yiri

“Anigu waxaan ka imid gobolka Awdal, gobolka Awdal waxa ka jira dhibaatooyin badan, dhibaatooyinkaa waxa ka mid ah, waakii Madaxweynuhu noo yimid, qolo Jabhad ah oo la keenay waanu ka kaxaynay meeshii, waxna waanu ka qabanay”.

“Weli may hadhin Xanaftii, qaar baa xidhan baa la leeyahay intaan ka soo maqnaa, markaa sida kale Nabad-bay u ahayd [gobolka Awdal], laakiin mar kasta xagga galbeedka ayay wax ka imanayaan, markaa in tallaabo laga qaado ayaa fiican Gobolka”.

Wuxuuna Intaas kusii daray “Siyaasadda Awdal, dadka qaarkii waxay wadaan dalka ayay waxyeelaysaa, markaa waa in wax laga qabto”.

Xildhibaan Nuur ayaa ugu dambeyntii wuxuu carabka ku adkeeyay in loo baahanyahay in wax laga qabto siyaasad guracan oo uu sheegay in ay wadaan dadka reer Awdal qaarkood, isla markaana waxyeelo gaarsiin karta nabada Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Sheekh Shariif oo loo diiday inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta loo diiday inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa saarnaa diyaarad ku socota magaalada Kismaayo, oo dowladda Soomaaliya ay diiday inay halkaas ka duusho, sababo aan la shaacin.

Sida aan xogta ku helnay, wafdiga Sheekh Shariif uu hoggaaminayo ayaa waxay doonayeen inay ka qayb galaan munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kadib saacado ay garoonka ku xanibnaayeen, ayaa Shariif iyo xubnihii la socday waxay isaga laabteen guryahooda, waana markii ugu horreysay ee madaxweyne Soomaaliyeed sidan loo bah-dilo.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay xayiraad cusub oo dheeraad ah, taas oo ku saabsan duulimaadka Kismaayo.

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa soo saartay amar ah in shirkad kasta oo u duuleysa Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hay’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor.

Hay’adda ayaa ka dalbatay Diyaaraddaha aadaya Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor, sidaas darteed waxaa lagu wargeliyay shirkad kasta fasaxii ay ugu duuli laheyd Kismaayo, si aan looga joojin duulimaadka.

Ma cadda in Sheekh Shariif uu saameeyey amarkan iyo in amarka uu soo baxay kadib markii la celiyey, ayada oo isaga loogu talo-galayo, waxaana ay u badan tahay in amarka uu dambeeyey.

Wixii faah-faahin naga filo dhowaan Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF Somalia oo amar cusub kusoo rogtay diyaaradaha u duulaya KISMAAYO

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa soo saartay amar ah in Shirkad kasta oo u duuleysa Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor.

Hay’adda ayaa ka dalbatay Diyaaraddaha aadaya Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor, sidaas darteed waxaa lagu wargeliyay shirkad kasta fasaxii ay ugu duuli laheyd Kismaayo, si aan looga joojin duulimaadka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Hey’addu soo saartay Foom fasax ah oo laga buuxinayo Shirkadaha Diyaaradaha ee aadaya Kismaayo.

Wufuud kala duwan ayaa la filayaa inay gaaraan Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Jubbaland si ay uga qeyb galaan Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo dib loogu doortay inuu noqdo madaxweynaha 4-ta sano soo socoto ee Jubbaland, waxaana la rumeysan yahay inuu amarkaan yahay mid lagu joojinayo wufuudaas.

Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu casuumay madax kala duwan oo horey xilal uga soo qabtay Soomaaliya, waxayna Dowladda ku dadaaleysaa sidii ay u cunaqabateyn laheyd Caleema saarkaas.

Maalmihii ugu dambeeyay degaanada maamulka Jubbaland waxaa ka taagnaa walaac xooggan oo ka dhashay cunaqabateynta dowladda Soomaaliya ay saartay Garoonka Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa horey ugu hanjabay inuu qaadan doono go’aano culculus haddii aysan Dowladda Federaalka ah joojin cadaadiska ay ku heyso Maamulkiisa kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Video: Farmaajo oo u gefay dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo bulshada GALMUDUG

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaa sii kordhaya carrada ka dhalatay iyo jawaabta laga bixinayo hadal uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyey xiritaankii shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee 17-kii bishan lagu soo geba-gebeeyey magaalada Dhuusomareeb.

Qeyb ka mid ah hadalkiisa ayuu Farmaajo kaga hadlayaa dhaqtar uu sheegay inuu isbital ku leeyahay magaalada Muqdisho, oo madaxweynaha sheegay inuu yimid isaga oo ka xun nabadda Dhuusomareeb, sababtuna ay tahay inay yaraadeen dhaawacyadii looga keeni jiray halkaas.

Bulshada Galmudug ayaa hadalkaas ku macneeyey aflagaado iyo gef weyn oo madaxweynaha ku sameeyey dadka Galmudug, halka Soomaali badanna ay sheegeen inay tahay aflagaado iyo abaal-dhac ka dhan ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo uu ka dhigay kuwo ka ganacsaday dhiigga umadda, islamarkaana jecel dhibkooda.

“Dadka qubuuraha qoda way jecel yihiin inay dad soo dhintaan, sidoo kalena dhaqaatiirta way jecel yihiin inay dad dhaawacmaan” ayuu yiri Farmaajo oo weeraraya dhaqaatiirta, intii uu uga mahad-celin lahaa dhibka iyo marxaladda adag oo ay ku shaqaayeen si ay u bad-baadiyaan nafta shacabkooda.

Ka sokow gefka hadalka madaxweynaha, waxaa ku jirtay been cad, oo uu madaxweynaha ku yiri “60 qof oo dhaawac ah ayaa bil kasta kasta laga keeni jiray Dhuusomareeb.”

Waxyaabaha yaabka leh waxaa ka mid ah in madaxweynuhu sheeganayo in safarkiisii Dhuusomareeb uu horseeday nabadda halkaas ka jirta, ayada oo xaqiiqda ay tahay in Dhuusomareeb ay nabad ahayd sanado badan ka hor intii aanu isaga xilka qaban, oo aanu wax dagaal ah ka dhicin tan iyo markii Ahlu-Sunna ay qabsatay halkaas.

Dadka arrintan ka fal-celiyey waxaa ka mid ah siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kasoo jeeda Galmudug, kaasi oo qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Maalinta nabadda aduunka waxay i soo xusuusisay khudbadii uu Madaxweyne Farmaajo ka jeeday Dhuusamareeb, taasoo uu ku sheegtay in daddaalkiisa dib u heshiineed ka hor Galmudug ay ahayd kawaan dooxato iyo dad qalad, Dhakhaatiirta Soomaaliyeedna yihiin kuwo dhiiga dadka ka macaasha. Hambalyo ayaan leenahay guusha madaxweynaha, hambalyo maalinta nabadda aduunka.”

Sidoo kale, dad badan oo reer Galmudug ah iyo qaar kale oo dhibsaday gefka loo gaystay dhaqaatiirta ayaa madaxweynaha ku dhalleeceynaya baraha bulshada, waxayna dalbanayaan in raali-gelin uu ka bixiyo.

Hoos ka daawo muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Heshiisyo uu madaxweyne Farmaajo u saxiixi doono RUUSHKA oo la ogaaday

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu heshiisyo u saxiixi doono Wadanka Ruushka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu tago dalka Ruushka, halkaas oo uu uga qeybgeli doono shir dhex marayo Ruushka iyo Wadamada Africa.

Shirkaas ayaa la filayo inuu Ruushka ka furmo 23 Bisha October ee sanadkaan 2019,  waxaana ka qeyb geli doono wadamo badan oo ka tirsan Qaaradda Africa.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo Dalka Ruushka Cabdullaahi Maxamuud Warsame ayaa sheegay inuu dhici doono kulan dhexmarayo Farmaajo iyo Putin, halka sidoo kalana ay kulmi doonaan Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga ee labada dal.

Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka ayaa la filayaa inay kulamadaas ku kala saxiixdaan heshiisyo dhanka Militariga iyo Kalluumeysiga.

Safiirka Soomaaliya ee Ruushka ayaa sheegay in Wadanka Ruusha uu aad u daneenayo dhoofsashada Kulluunka Soomaaliya mar uu wareysi siiyey Sputnik.com

Shirka ka dhacayo Ruushka ayaa noqonayo midkii ugu horreeyey ee noociisa ah oo dhex maro Qaaradda Africa iyo Ruushka, waxaana la filayaa inay si wadajir ah u shir guddoomiyaan Putin iyo Madaxweynaha Masar El-Sisi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xaaska wiilkii ay ciidamada R/Wasaare Kheyre dileen oo xabsiga laga sii daayey

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Luul Isaaq Aadan oo ah xaaska wiilkii ilaalada Ra’iisul Wasaare Kheyre ay ku toogteen magaalada Baydhabo ayaa 13 maalin kaddib waxaa shalay laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Luul oo ah Hooyo heysata caruur agoon ah ayaa sheegtay in aysan garaneyn waxa ay u xirneed mudadaas 13-ka maalmood ah, iyadoo toogasho lagu dilay seygaadii oo aan waxba galabsan.

Luul Isaaq oo ah gabar sama-fale ah oo sifo aysan garaneyn ku xirneed muddo ku dhaw labo todobaad ayaa sheegtay in ay hadda qabto wal-wal badan oo ku aadan ammaankeeda, maadaama aan loo cadeyn waxa ay ku xirneed mudadaas iyo waxa lagu daayay toona.

Iyada oo la hadashay warbaahinta ayay tiri,  “Hadda waxa aan la joogaa caruurteyda mana garanayo wax la igu heystay mudadaas xirnaa iyo wax la ii soo daayay midna, dadkii ii doodayay mudadii aan xabsiga ku jiray waxaan ka dalbanayaa in ay iga war hayaan sidii ay iiga warhayeeba intii aan xabsiga ku jiray xaalkeygu magaranayo waxa uu ku dambey doono”.

Iyadoo sii hadlaysay ayey tiri, “Waxaan garan la’ahay waxa intaas xabsi la iigu haayay maxkamad la’aan, maadaama aan ahay qof dumar ah waxaan dareemayaa cabsi badan waxaana korsanayaa caruur agoon ah”.

Luul Isaaq Aadan ayaa seygeedii Baydhabo lagu dilay 7-dii September iyada oo la socota, kaddib markii gaari ay wada saarnaayeen ay rasaas ku fureen askar ilaalo u eheyd Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xilligaas ku sugnaa magalaasda Baydhabo.

Luul iyo Seygeedii la dilay ayaa xiligaas oo aheyd goor galab ah waxa ay ka yimaadeen duleedka magaalada Baydhabo, waxayna wateen gaari yar oo ay gacanteeda ku waday Luul, waxaana si lama filaan ah uga soo horbaxay baabuur tigniko ah oo qal-qal galiyay, kuwaas oo uu la socday Kheyre oo ku siijeeday dhagaxdhiga garoonka kubadda cagta magaalada Baydhabo ee Dr. Ayuub.

Askarta ayaa rasaas huwiyay gaarigii ay wateen lamaanahaas, kadib markii ay isku dhaceen gaarigii ay waday Luul  iyo gaari Cabdi-bile ah oo ay wateen ilaalada Ra’iisul wasaare Kheyre.

Isku dhaca labada gaari ayaa waxaa sababay baqdin ay gabadhu ka qaaday gaadiidkaas dagaal ee uga soo baxay meel aysan ka filaneyn sida ay sheegtay, waxaana rasaastii lagu furay ay galaafatay nolosha seygeedii.

Caasimada Online
Xaafiiska Baydhaba
[email protected]

DF oo fasaxday lacagtii ay dowlad goboleedyada ka haysay ee deeqaha caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u fasaxday lacag ay ka haysay maamul maamul goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir, taasi oo ahayd deeq ka timid Midowga Yurub.

Lacagtan ayaa ka kooban lix milyan oo dollar, waxaana shanta maamul goboleed iyo maamulka gobolka Banaadir ay u leeyihiin min hal miyan, sida lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda.

Qoraalka kasoo baxay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maamullada looga dalbaday inay saddex meelood meel lacagtan u adeegsadaan amniga iyo arrimaha bulshada , halka inta soo hartay uu maamul walba u kharash gareynayo sida uu doono.

Lacagtan ayaa ka mid ah 15 milyan oo dollar uu Midowga Yurub uu ugu deeqay Soomaaliya, taasi oo dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ka heleen 40% oo ah 6 milyan oo dollar.

 

Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horreysay u safray dalka Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow u ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka qeyb galaya shirka 74-aad golaha guud ee Qaramada Midoobey.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la filayaa in khudbad uu kaga haldayo dhinacyo badan uu ka jeediyo shirkaasi oo lagu suntay  “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar-goynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.”

Waxa kale oo ajandeyaasha hoggaamiyayaasha caalamku ay kaga arrinsan doonaan ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo.

Dhanka kale wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ku wehlinaya safarkan ee ka qayb-gelaya shirka guud ee Qaramada Midoobay ayaa kulamo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka caalamka ee ka qaybgelaya shirweynahaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey ee xildhibaanada lala xiriiriyey jabhada ka dilaacday Awdal

Boorama (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa weli xabsiga ku haysa xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Boorama, kuwaasi oo lala xiriirinayo jabhad ay dhowaan xogteeda baahisay Caasimada Online.

Xildhibaanada oo tiradoodu dhantahay saddex xildhibaan ayaa waxa maalintii Khamiistii ciidamada booliska Somaliland ee Boorama, ka soo qabteen xili ay ku sugnaayen mid kamid ah huteelada ugu waaweyn magaalada, iyagoona u taxaabay xabsiga dhexe ee Boorama.

Xildhibaanadan ayaa waxa loo xiray arrimo la xidhiidha Jabhad dhowaan ka dilaacday deegaanada Dilla ee bariga gobolka Awdal, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelada Xildhibaanada la xiray.

Waxaana xusid mudan in xariga xildhibaanada aan loo marin sifo sharciga waafaqsan, isla markaana ay ciidamada boolisku iska soo xireen, iyagoona sidan wax waaran qabasho ah, midaasi oo ka dhigan gaf iyo ku dul-socoteen ka dhana sharciga iyo xasaanadii uu dastuurku siiyay xildhibaanadaasi.

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiye madaxweyne Biixi ayaa u muuqata mid xukuumadihii hore kaga dhac og baalmarka sharciga, taasi oo dhowr jeer oo horena xabsiga u taxaabtay xildhibaano xasaanad leh.

Xarigan xildhibaanada ayaa u muuqda mid sii kicin kara dabaysha xiisada ka taagan gobolka Awdal, iyadoona muddooyin ka hor un ay ka dhacayeen xarunta gobolka Awdal ee Boorama, rabshado ka dhana amaanka iyo degenaanta gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama

Soomaaliya oo la rajeenayo in deymaha laga cafiyo 2020

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shirkii jaraa’id ee billaha ahaa ugu qabtay Muqdisho warbaahinta, waxaa uu uga hadlay guusha Soomaaliya ka gaartay wada hadalkii ugu dambeeyay ee barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.

Wasiir Beyle ayaa soo dhaweeyay warbixintii ay soo saartay hey’adda Lacacga Aduunka oo ay ku sheegtay in Soomaaliya ay dhameystirtay qeybta koowaad ee wajiga Afaraad ee deyn cafinta waxaana uu dul istaagay shuruudihii ku xernaa.

Wasiirka Maaliyadda ayaa soo hadal qaaday shuruudaha ku xeeran wajiga afaraad ee barnaamijka dayn cafinta ,waxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay raja wanaagsan ka qabto ka guul gaaridda wada hadallada dayn cafinta.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxaa uu hoosta ka xariiqay guusha wada hadalada deyn cafint inay ku xeran deganaashaha dalka iyo in Soomaaliya ay ka soo baxdo shuruuraha horyaalo waxaana uu bogaadiyaya dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo balan qaaday inay taageerayaan talaab walba oo Soomaaliya looga cafinayo deynta.

Geedi socodka wada hadallada dayn cafinta Soomaaliya oo soo maray wajiyo kala duwan ayuu wasiirku sheegay in ugu dambeynta Soomaaliya ay rajeynayso inay guul ka gaarto sanadka soo aadan ee 2020 lagana cafiyo deymaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxay tahay sababta uu Farmaajo maanta u saxiixay sharci uu 10 bilood haystay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mahad Maxamed Salaad oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa su’aallo ka keenay sharcigii uu maanta saxiixay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mahad Salaad ayaa Farmaajo ku eedeeyay in uu sharcigaan barkanaa muddo 10 bilood ah, isagoo soo bandhigay su’aalo uu ka qabo waxa maanta oo ay madaxweyne Farmaajo u harsantahay sanad iyo Afar bilood kusoo beegay ansixinta sharciga dhismaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa.

“Sharcigaan Madaxweyne Farmaajo 10 bilood ayuu barkanaa maxaa soo kordhay oo saxiixiisa maanta kusoo beegay,? Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-banaan ee la-dagaalanka Musuq-maasuqa ee Madaxweyne Farmaajo maanta saxiixay, Golaha Shacabka wuxuu ansixiyay 13 Nofeember 2017, Aqalka Sare wuxuu ansixiyay 05 Diseembar 2018. Kadibna Madaxweynaha ayaa loo gudbiyay si uu u saxiixo” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale Mahad salad ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Mudo 10 bilood ah ayaa Madaxweyne Farmaajo barkanaa sharcigaan, kumana soo celin Goleyaasha Barlamaanka si wax looga badalo mana saxiixin.”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada sida weyn u mucaarada dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay seddax su’aalood oo uu ka qabo ansixinta sharciga mudada 10-ka bilood ah horyaalay Farmaajo.

Su’aalaha Mahad Salaad ayaa u dhignaa sidan:

  1. Maxaa soo kordhay oo saxiixa sharcigaan maanta kusoo beegay?
  2. Guddigaan ma lagu soo xuli doonaa aqoon, karti iyo waayo aragnimo mise wuxuu noqon doonaa gudi loogu talogalay doorashada 2021 si dadka qaar Madaxweyne Farmaajo looga reebo?
  3. Madaxweynaha oo mudo xileedkiisa ay ka harsantahay sanad iyo afar bilood oo kaliya gudi uu soo dhiso maxaa wanaag ah oo laga filan karaa?

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland oo garoonka Hargeysa kasoo ceyrisay shaqaalaha hay’adii DF ku wareejisay maamulka hawada

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Maamulka Somaliland ayaa Garoonka DIyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ka ceyriyey Shaqaalaha Hay’adda Qaramada Midoobay ee ICAO ee halkaas ka howlgeli jiray.

Somaliland ayaa shaqaalahaan usoo ceyrisay sababo la xiriiro inay Dowladda Federaalka Soomaaliya hey’adaan ku wareejisay Maamulka Hawada.

Shaqaalahaan lasoo ceyriyey ayaa si deg deg ah u gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland sida uu xaqiijiyey Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada dowladda Puntland, Xuseen Cismaan Lugatoor Gabiley.

Wasiirka ayaa shaaciyey in Maamulka Somaliland uu shaqo joojin ku sameeyey dhammaan Shaqaalihii Hey’addaan sidaas darteedna ay uga howlgaleen Garoonka Diyaaradaha Garoowe.

Wuxuu sheegay in Garoonka Diyaaradaha Garoowe laga shaqaaleysiiyey 9 kamid ah shaqaalaha Hey’adda ICAO oo 7 kamid ah ay yihiin kuwii laga soo ceyriyey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

28 December 2017 ICAO ayaa si rasmi ah maamulka Hawada Soomaaliya ugu wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hey’adaan ayaa Hawada Soomaaliya maamuleysay tan iyo burburkii Dowladda uu hoggaamiyaha ka ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay maamulka Hawada Soomaaliya kusoo celiso gudaha Soomaaliya, waxayna taas keentay khilaaf xoog leh oo soo kala dhex galay Somaliland iyo Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Tirada dadka shacabka ah ee Mareykanka uu ku dilay Somalia oo lasoo bandhigay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sagaal Bil oo ka tirsan Sanadkaan dhamaadka ah ee 2019 ayaa tiro ahaan ka badan duqeymaha Mareykanka uu ka geystay Soomaaliya sanadkii 2018 sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International.

Duqeymaha Mareykanka uu ka fulinayo Soomaaliya ayaa cirka isku shareeray tan iyo sanadkii 2016 markaas oo Soomaaliya laga fuliyey 14 Duqeyn, halka sanadkii 2018 ay gaartay tirada duqeymaha illaa 47 howlgal oo dhanka cirka ah.

Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in 5 Duqeyn oo ka dhacday Gobolka Shabeelada Hoose Bishii April ee 2017 lagu dilay 14 qof oo Shacab ah.

Sidoo kale Hey’adda ayaa sheegtay in Duqeymahaas lagu dhaawacay in ka badan 8 qof oo Shacab ah.

Hey’adda ayaa  duqeymahaas sheegtay inay mas’uul ka aheyd Mareykanka inkastoo Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afirca ee loo yaqaan AFRICOM uu iska fogeeyey in duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya lagu dilay dad Shacab ah.

Amnesty ayaa ku baaqday in baaritaan xaqiiqo raadin ah lagu sameeyo saameynta ay dadka Shacabka ah ku yeelatay duqeymaha Mareykanka .

Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyey 120 duqeyn seddexdii sano ee ugu dambeysay, waxaana ka dhashay khasaaro soo gaaray dadka Shacabka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaan wax mas’uuliyad ah iska saarin dhibaatada Dadka Shacabka ah kasoo gaarto duqeyaha Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Beesha xildhibaannadii lala xiriiriyey jabahdda Awdal oo la kulantay badhasaabka

0

Boorama (Caasimada Online) ― Warar aanu hadda helayno ayaa sheegaya in maanta magaalada Boorama ay kulan xasaasiya ku yeeshen mid kamid ah beelaha dega gobolada galbeedka Somaliland iyo Badhasaabka gobolka Awdal.

Kulankan ayaa waxa uu dhexmaray Badhasaabka gobolka iyo beesha Reer Nuur, iyadoona diirada lagu saarayey kulankaasi sidii loo dajin lahaa xaalada amaanka guud ee gobolka Awdal.

Kulankan maanta ayaa waxa uu daba socdaa kadib markii ay soo shaac baxday in Jabhad hubeysan oo ka soo horjeeda xukuumada Muuse Biixi ka dilaacday deegaanada Dilla, midaasi oo lala xiriirinayo haybta beeshan uu maanta la kulmay Badhasaabku.

Kulankan oo ahaa mid xasaasiya, isla markaana dhamaan ay warbaahintu dibad joog ka aheyd, ayaa waxaan marnaba lagu soo hadal qaadin xariga xildhibaanadii ama sii-deyntooda, kuwaasi oo ay xukuumadu u xirtay Jabhadaasi oo beel ahaan kasoo jeeda beeshan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen xubno goobjoog ahaa.

Sida ay Caasimada Online ogaatay Xildhibaanadan ayaa xukuumada Biixi waxay xabsiga ugu taxaabtay, kuna eedeynaysaa inay maal-galin iyo raashin u geeyen Jabhadan cusub ee ka dilaacday gobolada bariga Awdal ee Dilla.

Kulankaasi ayaa waxa uu u daarna sidii Beesha reer Nuur ay xukuumada gacan uga siin laheyd sidii ay u kala diri lahaayen wax ay ugu yeeren ‘Dhalinyarada hubeysan’ oo ay ula jeedaan ‘Jabhadan cusub’ ee ka dilaacday deegaanadaasi.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xili ay jahwareer siyaasadeed oo dhanka amniga ah uu ka jiro gobolka Awdal, iyadoona lagu soo waramayo in Jabhadii Suldaan Wabar ay soo gaartay deegaano kamid ah gudaha gobolka Awdal, oo qiyaastii dhanka waqooyi u jirta magaalada Boorama 60-KM.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama
[email protected]

Farmaajo oo ugu dambeyn saxiixay sharci muhiim ah oo 10 bilood hor-yaallay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka musuq-maasuqa ee labada heer.

Sharcigaan oo soo maray marxalado kala duwan ayaa ugu danbayn maanta oo Sabti ah ugu danbayn lagu saxiixay munaasabad ka dhacday madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu saxiixay Sharciga ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto la dagaalanka musuq-maasuqa.

Madaxweynaha waxaa uu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed kala shaqeynta in lasoo afjaro musuq-maasuqa.

Sharcigan ayuu golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ansixiyey December 5, 2018, waxaan ansixiyay dhammaan sanatarda soo xaadiray kulanka oo ahaa 31 senator.

Sharcigan oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya ayaan la ogeyn waxa uu madaxweynaha u heystay muddo 10 bil iyo sababta hadda uu ugu soo beegay, isaga oo saacadaha soo socda u duulaya New York, si uu halkaasi uga jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaaladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maamulka gobalka Banaadir oo joojiyey qaadashada shaqaale cusub (Xog)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobalka Banaadir ayaa isku raacay joojinta qaadashada shaqaalaha cusub ee dowladda Hoose ilaa amar dambe sida ay Caasimada Online u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Hoose ee gobalka Banaadir.

Cumar Maxamuud Maxamed “Filish” ayaa u sheegay dhamaan guddoomiye ku xigeenada gobalka Banaadir, odayaasha dhaqanka, Xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha in uu joojiyay qaadashada shaqaale cusub oo kamid noqda dowladda Hoose ee gobalka Banaadir ilaa muddo dhowr bil ah.

Cumar Filish ayaa dalbay in la siiyo fursad uu ku saxo nidaamka shaqaale qaadashada gobalka Banaadir oo u baahan dib u eegis iyo in la xoojiyo hubinta qofka, taasna ay qaadan doonto muddo bilooyin ah, sida ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha ee gobalka Banaadir.

Arrintaan ayaa waxaa sababay weerarkii ka dhacay aqalka dowladda Hoose ee gobalka Banaadir 24-kii bishii July ee sanadkaan, kaas oo lagu waayay halyeeyo badan kadib markii ay fulisay qof ka tirsan masuuliyiinta gobalka Banaadir oo araga naafo ka aheyd.

Dhalinyaro badan oo gaaraya kumanaan qof ayaa gobalka Banaadir ka lahaa rajo wanaagsan oo ah in la shaqaaleysiiyo waxa uuna go’aan god ku ridayaa rajada dhalinyaro badan oo wajahaya daruufo adag, ugu yaraan illaa dhowr bilood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Imaaraadka iyo Sucuudiga oo wada qorshe ka dhan ah dhismaha dekeda Hobyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu daabacay wargayska TheNewArab, dalalka khaliijka ayaa sara u qaaday saamaynta ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa dhawaantan ku dhawaaqday in ay dhiseyso dakada magaalada Hobyo taa oo ay kasoo horjeedaan dalalka Imaaraatka iyo Sucuudiga oo sida wargaysku daabacay taageero siiyo dowlad gobolodyeeda kasoo horjeeda dowladda dhexe.

Warbixinta wargayska ayaa sidoo kale lagu sheegay in Sucuudiga ay aqoonsatay baasaboorka Somalinad oo sheegtay in ay ka madaxbanaan tahay Soomaaliya, inkastoo aysan jirin war kasoo baxay boqortooyada Sucuudiga oo lagu shaaciyay in ay aqoonsadaeen baasaboorka somaliland.

Xurgufta u dhaxeesa dalalka ugu quwada weyn khaliijka sida Qatar, Sucuudiga iyo Imaaraatka oo bilawday wixii ka danbeeyay cunaqabateentii ay Qatar saareen isbahaysiga uu sucuudigu hogaamiyo sanadkii 2017’dii ayaa wargaysku sheegay in saamayn xoogan uu ku yeeshay hanaanka siyaasadeed ee soomaaliya kadib markii dowladda Soomaaliya ay iska diiday in ay ku biirto isbahaysiga Sucuudiga.

Sucuudiga iyo Imaaraatka ayaa geeska afrika u haysto goob muhiim ah oo ay ka taageeri karaan hawlgalka ay kawadaan gudaha dalka Yemen.

Inkastoo dowladda Qatar aysan soomaaliya ku lahayn saamayn militari haddana Doha ayaa adeegsato awood dabacsan taas oo ah in maalgalin dhaqaale ay galiso si ay saamayn ugu yeelato siyaadda soomaaliya.

Umer Karim, oo madax ka ah qaybta cilmi barista ee jaamacadda Birmingham ayaa wargayska The New Arab u sheegay in sucuudigu uu xooga saarayo siyaadda arimaha dibadda.

Balse weerarka ugu wayn ayaa u dhaxeeya dowladdaha Turkiga iyo Imaaraatka iyadoona dowladaha Qatar iyo sucuudiga ay labadooda lakala safan yihiin.

Qatar oo gaashaanbuur la’ah Turkiga ayaa dowladda dhexe ee fadhigeedu yahay Muqdisho taageero siiso halka Sucuudiga iyo Imaaraatkana ay taageeraan dowlad gobolodyeedyada dalka ka jiro sida Somaliland, Puntland iyo Jubaland oo dhamaantood raadinaya in ay ka madax banaanadaan dowladda dhexe.

Warbixinta wargayska ayaa sidoo kale lagu sheegay in dalalka Gacanka ay Soomaaliya ka dhigteen meel ay ka eegtaan danahooda iyagoona iska indha tiraya saamaynta aanan wanaagsaneen ay ku yeelan karto dal sodonkii sano ee lasoo dhaafay ladaalaa dhacayay faqri iyo amni daro.

Sidoo kale dadaalada beesha caalamka oo ay Qaramada Midoobe hogaaminayso ayaa ku fashilmay in horumar maco wanagasan leh ay Soomaaliya kasoo hooyaan sida ladagaalanka burcad badeeda iyo argagaxisada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

James Swan oo soo saaray qoraal ku socda Soomaalida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa fariin culus u diray dadka Soomaaliyeed.

Mr Swan oo soo saaray War-Saxaadadeed ku aadan maalinta nabadda adduunka oo maanta ku beegan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan nabadda.

Halkan hoose ka aqriso:

Iyadoo adduunku xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda, ayaa Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu maanta ku dhiirri-geliyay dhammaan dadka Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan xaqiijinta nabad waarta oo ka hirgasha dalkooda.

“Dadka Soomaaliyeed waxay aad ugu baahan yihiin in la soo afjaro colaadda iyo toogashada macno darrada ah iyo qaraxyada ay muddada dheer usoo joogeen. Waxaan bogaadineynaa dadaallada joogtada ah ee ay waddo Dowladda Soomaaliya, oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamka, si loo hagaajiyo amniga loona soo afjaro rabshadaha. Nabad waarta  waxay sidoo kale u baahantahay hanaan dowladnimo oo loo wada dhan yahay, cadaalad loo siman yahay, iyo wada hadal joogto ah oo dhexmara dadka Soomaaliyeed ee wanaagga iyo samaha jecel si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin qaran,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Maalintan maanta ah, waxaan ku boorinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan  go’aankooda ah inay  kuwada noolaadaan midnimo, si ay Soomaaliya ugu tallaabsato waddada nabadda iyo xasilloonida,” ayuu raaciyay.

Golaha loo Dhanyahay ee Qaaramada Midoobay ayaa aasaasay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda sanadkii 1981. Labaatan sano ka dib, 2001, Golaha loo Dhanyahay wuxuu si wada jir ah ugu codeeyey in maalintaas loo asteeyo inay noqoto xilli rabshad la’aan iyo xabbad-joojin lagu xuso, iyo in Maalintaas loogu dabaal-dego [munaasabado] waxbarasho iyo wacyi-gelin dadweyne oo ku saabsan arrimaha la xiriira nabadda.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]