26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Sawiro: Somalia iyo Turkey oo heshiis cusub saxiixday

0

Ankara (Caasimadda Online) – Heshiiskan iskaashi ee labadan shirkadood oo laga kala leeyahay Soomaaliya iyo Turkiga ayaa yimid kadib markii dalka Turkiga safar shaqo uu ku tagay madaxa shirkadda Ceymiska Islaamiga Soomaaliya (First Somali Takaful and Re-takaful) Maxamed Cabdi Maxamed oo uu wehliyo lataliyaha shirkadda Hilaal sheekh Cusmaan,kuwaasi oo kulamo la yeeshey ganacsatada Turkiga.

Safarka shaqo ay ku yimaadeen dalka Turkiga ayaa ahaa sidii ay u hormarin lahaayeen shirkadda Ceymiska Islaamiga ee Soomaaliya, heshiis wada shaqeyn ahna ula soo geli lahaayeen shirkadda Ceymiska ee dalka Turkiga, lagana hirgaliyo xarun ay shirkaddu ay leedahay dalkan turkiga.

Ujeedka arrintan ayaa la xiriirta si bulshada soomaaliyeed ay u helaan shirkad Ceymis oo la isku halaynkaro una qabato adeegyada Ceymiska, sida Ceymiska Caafimaadka, Ceymiska Tikidada, Ceymiska baabuurta, Guryaha IWL.

Heshiiskan ganacsi oo ay ku heshiiyeen labadan shirkadood ee Ceyymiska Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa kala saxiixday madaxa shirkadda Ceymiska Islaamiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Maxamed iyo shirkadda Ceyymiska Dalka Turkiga oo uu ka socday Arif Hikmet Cesur, ahna la-taliyaha Wasaaradda Maaliyadda ee dalka Turkiga.

Waxaa saxiixa heshiiska dhexmaray labada shirkadood goob joog ka ahaa Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mudane Jaammac Cabdullahi Maxamed Ceydiid, mas’uuliyiin iyo ganacsato ka soocotay dowladda Turkiga iyo howlwadeenada Safaaradda soomaaliya ee dalka Turkiga.

Muqdisho waxaa ka furan xabaal University: Jamacad DADKA oo nool lagu aaso

0

Maalin hore waxaan kulannay nin aan muddo kor iska naqaannay oo madaxa Xiriirka Bulshada(PR) ka ah jaamacad Muqdisho ku taalla, oo ku dhowaad 10 sano shaqeyneysa.

Shaqada iyo waxbarashada ayaa ka mid ahaa waxyaabihii aan isbarashada ku wadaagnay, waxaana u sheegay in aan shahaadada koobaad ee jaamacadda ka qaatay cilmiga Kumbiyuutarka, darajada labaadna aan ka qaatay maamulka ganacsiga oo ah takhasus guud oo u furan qof kaste oo Bachelor heysta, maadaama ay dadka takhasusyada kale bartay ay u baahan yihiin aqoon iyo xirfad maamul.

Ninkii wuxuu igula taliyay in maadaama aan maamulka ka heysto shahaadada labaad, aan sidoo kalena ka qaato shahaadada koobaad, wuxuuna intaas ii raaciyay in uu arinkaas ii fududeyn karo oo uu shahaado iiga heli karo jaamacadda uu masuulka ka yahay, aniga oo aan jaamacadda tegin oo aan hal xiso xaadirin, shardiga kaliya ee iiga xiranna uu yahay in aan bixiyo $465 oo ah qarashka xafladda qalinjebinta, la iguna darayo ardayda sanadkaan ka qalin-jebineysa jaamacaddooda.

Wuxuu intaas iigu daray in uu isaguba shahaadada koobaad ka qaatay cilmiga Sheybaarka, balse uu jaamacadda ka qaatay shahaado kale oo Maamulka Dadweynaha(PA) ah oo uusan xiso u xaadirin. Ninkii waxaan u sheegay in aan shahaadadaas ka qaadanayo, lacagtana bixinayo, haddii ay keenaan hab ay aqoontaas iigu shubi karaan, maadaama aan lacag bixinayo, ayna i siinayaan shahaado ka marqaati kaceysa in aan aqoontaas leeyahay. Nin weyn oo wax aqrisan kara, waxna isbari kara ayaad tahay ayuuna jawaab iiga dhigay.

Jaamacado badan oo caalamka ku kala yaalla way ka dhacdaa in aan qofka si wanaagsan wax loo barin, oo aysan tabartooda iyo tayadoodu gaarin heerkii loo baahnaa, waxaana sidoo kale dhici karta in uu qofku suuqa ka sameysto shahaado been-abuur ah, isaga oo aan jaamacad ka qaadan! Waxaanse in muddo ah maqli jiray, caqligeyguna diidi jiray in ay dalka ka jiraan jaamacado ku shaqeeya sharci iyo fasax dowladeed oo qofkii raba inta tago oo lacag bixiyo uu ka dalbanayo shahaadada, takhasuska iyo dhibcaha uu rabo!! Ka dibna uu ka qalinjebiyo jaamacad uusan weligiis dhigan.

Aniga oo jecel in ay xantaasi been noqoto, ayaa dareenkii uu i geliyay ninkii igula taliyay in aan shahaado been-abuur ah ka iibsado wuxuu igu dhaliyay in aan baaritaan sameeyo, waxaana la kulmay qof shahaado shaqo looga xiray, ee shahaado ka qaatay jaamacad uusan aqoonin meesha ay ku taallo!! Ustaad Prof. Maxamuud Axmed Jimcaale oo aan jaamacaddaan uga sheekeeyay wuxuu u bixiyay Xabaal University(XU).

Waa run, oo waa qabri dadka oo nool-nool lagu duugayo, weliba waa xabaal-wadareed ummad dhan lagu aasayo, waayo dadka shahaadooyinkaas wata waxay gelayaan suuqa, waxayna umadda ugu shaqeynayaan aqoon aysan laheyn, balse ay u heestaan shahaado sax ah, oo been-abuur ah!! Sidaas ayuuna bukaanku ugu dhimanayaa gacanta Dhaqtar wata shahaado been-abuur ah, guryuha iyo waddooyinku ku burburayaan gacanta Injineer heysta shahaado bug ah, hantida umadddu ku lumeysaa gacanta Xisaabiye qaatay shahaado been-abuur ah, caddaaladdu ku lumeysaa gacanta Garsoore heesta shahaado bug ah, jahliguna ku faafayaa sababka Macallin wata shahaado been-abuur ah.

Todobaadkii hore, wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre wuxuu magacaabay guddiga ku-meel-gaarka ah ee Tacliinta Sare, oo sida la sheegay ka shaqeyn doona tayeynta Tacliinta Sare ee dalka. Waxaan guddigaas ka rejeynaynaa in uusan maqaar-saar noqan ee uu si dhab ah u guto masuuliyadda qaran ee loo xilsaaray, ayna la yimaadaan hannaan hufan oo lagu tayeynayo laguna kala saarayo boqolaalka jaamacadood ee dalka ku yaalla, ayna meesha ka saaraan jaamacadaha aan u qalmin in ay waxbarasho ka shaqeeyaan ee ka ganacsanaya masiirka ardaydeenna, waxaana,rejeynayaa in la gaaro maalin maamulka jaamacaddaas iyo kuwa la midka ah ay dacwo ku soo oogaan dadkii ay nolosha ku aaseen oo gacmaha ku wada sita shahaadooyinkii been-abuurka ahaa ee ay siiyeen, iyagana lugu duugo xabaashii ay ummadda u qodeen Alle idankii!!

Waxaa qoray: Hussein Sabrie
Email: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

“Kooxda Aaran-Jaan waa iskaashatada shaydaanka” – Gaas oo ka sheekeeyey wixii kala qabsaday Faroole

0

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ahaa Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaa dalka Mareykanka uu kusoo bandhigyo Buug uu qoray,kaasi oo lagu magacaabo “Caqabadihii kalaguurka Soomaaliya” (A Challenging Transition in Somalia).

Buuga uu qoray Cabdiweli gaas ayaa waxaa uu uga sheekeynayan xili uu doonayay inuu socdaal ku tego Magaalada Boosaaso ay  ishor istaag ku sameeyeen Xukuumaddii Madaxweynihii Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole,waxaana xiligaas uu wareejiyay xilka Ra’isal Wasaarenimo ee Soomaaliya.

Nuqul kamid ah buuga uu qoray Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ahaa Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa u qoran sidan.

“Waxaan wacay Faroole, kama uusan jawaabin Telephonekayga, dabcan wuu yaqaaney lambarkayga laakiin sida muuqata markan wuu naqdiyey wicistayda, deedna waxaan go’aansaday in aan waco mi kamid ah dadka ugu dhow kooxdiisa oo ah Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh ) wasiir kuxigeenkii arrimaha gudaha. waa mid kamid ah koox ka kooban ilaa 12 qof oo loo yaqaano Aaran Jaan ama “Iskaashatada Shaydaanka” caadi ahaanna waa kooxda hoggaanka Faroole ku xeeran oo aad saamayn ugu leh xukunka jira iyo go’aamada, xataa waxay aad uga awood badan yihiin Wasiirradda Faroole. Waxay ahaayeen wasiiradiisa daaha gadaashiisa istaagan.

Cali si deg deg ah ayuu Telefoonka iiga qabtay waxaana ku iri, “Cali waan filayaa inaad ogtahay waxa ka socda Boosaaso. ii sheeg sababta aad xoogga ugu faanayso iyo sababta ciidamadu guriga ugu hareeraysan yihiin.”

Sidoo kale waxaan u sheegay inuu wacay Madaxweynaha balse uu iga qaban waayey telefoonka.Wuxuu ii sheegay in badanaa ”Madaxweynuhu mashquul yahay” ama hadii kale uu qayb ka yahay arinka ee i sug aan hubiyee.

Daqiiqado kaddib wuu isoo wacay, wuxuu san se ii sheegin ayaa ahayd in wiilka Faroole ee Maxamed uu dhegaysanayey wada hadalkeenna.

Xigasho: Radio Daljir

Dood ka taagan sida loo xulayo xildhibaanada Habar-gidir (2 garab oo isku haya)

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa dood culus ay ka taagantahay qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada beesha Habar-gidir ay ku leedahay baarlamanka labaad ee Galmudug, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug.

Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ku jahwareersan laba awoodood oo iska soo horjeeda, kuwaas oo dano siyaasadeed ka leh baarlamanka cusub ee Galmudug.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha hoggaanka Habar-gidir ee lagu dhisay magaalada Hobyo ee gobalka Mudug, ayaa isku haya dhismaha baarlamaanka beesha Habar-gidir ka soo galay Galmudug, waxaana taagan doodo culus.

Golaha hoggaanka Habar-gidir, ayaa odayaasha dhaqanka ee beeshaas ka dalbaday in ay soo xushaan xildhibaano balse ay door ku yeeshaan Golaha hoggaanka Habar-gidir, islamarkaana saxiixa ugu dambeeyo uu yeesho Guddoomiyaha Habar-gidir Prof. Shirwac.

Odayaasha ayaa ogolaaday arrintaas balse waxaa dhanka dowladda federaalka Soomaaliya ka yimid dalab kale oo ku aadan in dowladda Soomaaliya ay door wayn ku yeelato xildhibaanada beeshaas ee baarlamanka Galmudug.

Xildhibaanada beesha Habar-gidir ay ku leedahay baarlamanka Galmudug ayaa gaaraya ku dhowaad 40 Xildhibaan, waxayna muhiim u yihiin dhinacyada isku haaya hogaanka maamulkaasi waana sababta keentay in dood culus ay gasho qaabka xulista Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
[email protected]

Monica Juma goorma ayay qaladaadkeedii hore wax ka baran doontaa?

Geeska Afrika waxaa saameeyey isbdelo isdabajoog ah, ka dib markii mugdi siyaasadeed iyo xasillooni la’aan muddo dheer hareeraysay. Somaaliyana waxay ka mid tahay isbedeladaas ka soo iftiimay guud ahaan gobolka.

Arrintaas, waxay dhalisay in Kenya durbadiiba dareento in horseednimadeedii Bariga iyo Geeska Africa, ay ciriiri geli karto dib u soo noolaashaha dowladnimadda Soomaaliyeed, tasoo saamayn ku yeelan kara gobolka. Mararka qaar waxaad u malaysaa habdhaqanka Kenya sidii bukaan uu dhaqtar ku soo sheegay cudur oo ay ismoogeysiinayso in dan u tahay inay wax ka bedesho nolosheeda si dhaawac horleh uga badbaado. Isdhegammarrinta Kenya waxaa saldhig u ah, iyadoo ay ka degi la’ in Soomaaliyada maanta ay ka duwan tahay middii ay u baratay macaamilkeeda.

Sida la wada ogsoon yahay Maxkamadda Caalimiga ee ICJ, ayaa dib loo dhigay dhagaysiga dacwaddii u dhexeysay Soomaaliya iyo Kenya, kuna saabsanayd dhulbadeedka Soomaaliya ay Kenya sheeganeyso. Kenya waxay ku marmarsiyootay dalabkeeda, in ay garyaqaanadeedii dib uga gurteen difaacidda dacwaddeeda, oo ay u baahan tahay muddo kordhin sannad ah, si ay garyaqaano kale u raadsato.

Maxkamadda ayadoo ka ambaqaadaysa codsigaas, islamarkaasna ka walaacsan dib u dhaca aan qorshaysnayn ee soo foodsaaray, ayay waxay u kordhisay muddo laba bilood ah, taasoo aad uga yar middii ay Kenya codsatay. Go’aanka maxkamadda waxaa laga dhadhansan karaa diidmo farsamaysan oo ay ku diidayso dib u dhac uu ku yimaado garta ay u fadhiso. Halkaas waxaa kaaga cad in shirkaddaha garyaqaanada ugu caansan dunida iyo garyaqaanada shaqsiga ah ay doorbidayaan dacwaddaha ay ka filan karaan in ay ku guulaysanaayaan, taasoo kor u qaadeysa sharaftooda iyo magacooda. Maadaama uu waqtigu aad u kooban yahay, isdifaaca Kenyana uu dhidibo adag ku fadhin ayaa waxay u badan tahay in qareenno badan ay isku fogeeyaan difaacidda Kenya.

Waxaase la yaab leh, siyaasadda guracan ee Kenya oo ay horboodeyso marwa Monica Juma aysan waxba ka dheefin qaladaaadkii siyaassaddeed ee ay gashay labadii sanno ee la soo dhaafay. Kenya waxay weli aaminsantahay in ay awood u leedahay in ay siddey doonto u furdaamin karto dacwadda badda ee kala dhaxaysa Soomaliya.

Maalmo ka gadaal markii ay hubsatay in ay maxkamadda dib u dhigtay qaadista dacwadda, ayay waxay horeyba ka bilowday luggoyntii lagu yaqiin. Maalintii Axadda ee 15ka Sateembar ayay tiri “waxaan doorbideynaa waanwaan ka baxsan maxkamadda, si xal waara looga gaaro garta labada dhinac” (TheEastAfrican, Sabteembar 14 2019).

Juma waxay kaloo raacisay ayadoo hadalka sii wadata “Waxaan doorbideynaa garta noocan oo kale, taasoo ah, haddaad u fiirsato, habka ay mudnaanta siiyaan Qaramadda Midoobay (UN), Isutagga Africa (AU) iyo urur goboleedka IGAD. Sababtoo ah waa sida ugu fursadda weyn oo taabagelin kara in ay nabadgalyo ku dhammaato garta”. Haddalkaas, wuxuu ifafaale u yahay in Kenya aysan u hogaamsamaynin go’aanka maxkamadda hadday gartu raacdo Soomaaliya.

Su’aasha meesha taal waa ma suurtoobi kartaa in ay Kenya diido go’aanka kama dambaysta ah ee maxkamadda? Jawaabtu waa maya. Kenya waxay saxiixday in ay u hoggaansamayso maxkamadda ICJ 1963-dii. Maxkamaddana waxay leedahay habab kala duwan ay ku hirgeliso go’aamadeeda oo ay ugu horayso Golaha Ammanka.

Kenya waxay hadda u ololaynaysaa in ay ku fadhiisato kursiga xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka ee 2021-2022- ka. Marwo Juma waxay waraysi siisay ayadoo ku doodaysaa “Geeska Africa waxay noqotay marinka isgaarsiineed aad muhiim ugu ah adduunwaynaha waxayna horyaala dhibaatooyin amnidarro (Daily Nation, 16 Sabteembar 2019).

Mar haddii ay ka soo horjeedsato go’aanka maxkamadda waxaa hubaal ah in ay dhuminayso fursadda kursigaas oo ay Jabuuti tartanka kula jirto. Waxaa layaab leh, dhuunirraaca Kenya ay marna isku tiriso Bariga Africa oo ay samaysatay Urur Goboleedka Bariga Africa (East Arican Community- EAC), marna Geeska Africa oo ay ku dooddayso in ay ayadda horjooge u tahay. Haddaan si kale u dhigno, Kenya waxay si bareer ah marar badan u horistaagtay ka mid noqoshada Soomaaliya urur goboleedka EAC. Laakiinse waxaa ka sii yaab badan markay u fududaysay Koonfurta Suudaan in ay ku biirto EAC 2016-kii, ayadoo madaxbanaanayd 5 sano oo kaliya.

Haddal kale oo darreenkayga soo jiitay ay tiri marwo Juma ayadoo siinaysa wareysi muuqbaahiye ka mid ah kuwa maxaliga ee dalka Kenya (KTN News Kenya), aya ah “Sidaad la socoto annaga iyo Soomaaliya waxaa horey u kala saxiixanay heshiis is-afgarad ‘MoU’ 2009kii kasoo qoraayey haddiiba ay dhacdo in uu muran ka dhasho badda labada dhinac in lagu xaliyo hab wadaxaajood nabadeed”.

Sida ka muuqata, marwo Juma waxay iska maaweelinaysaa halku maantay mowqifku taagan yahay iyo sababta keentay arrinku meeshuu maantay marayo. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ” Beenaale waxaa sira xasuus-xumi”. Bal aan xasuusino haddii ay xasuusteeda yaraatay.

Waa run in uu heshiis is-afgarad labada waddan kala saxiixdeen 2009kii. Laakiinse marwo Juma waxay ku indho-adeegaysa arrin ka baxsan heshiis is-afgaradka. Heshiisku wuxuu ku saabsanaa in labada dowladood ay midba midda kale ay ka horistaagin codsigeeda xaddaynta sare ee Hoobad Qaaradeedka (Continental Shelf). Heshiiska waxaa uu kaga gaabsaday xallinta wixii kilaafaad ah ee ku saabsan xaddaynta badda ee labada dal ay wadaagaan ka heshiiyaan. Habka loo heshiinaayo, meesha lagu sheegin, sidoo kalena cidda heshiinaayso kuma xusnayn. Heshiiska marnaba uma aqoonsanayn Kenya lahaanshaha aaga muranka dhaliyey. Laakiinse, Kenya ayadoo og arrintaas ayay gacandhaaf ku samaysay heshiiska waxayna si bareer ah uga xaraashtay bishii Juunyo 2012 shirkadaha shidaalka ee Eni iyo Total oo Talyaani iyo Faransiis kala ah.

Waxaa su’aalshu tahay, haddii ay Kenya daacad ka tahay maxay u afgembisey heshiiska is-afgaradka ay hadda ku marmarsiyoonayso?

Intaas arrinku kuma eka, ee markii ay Soomaaliya kaga dacwootay UN-ka in Kenya marin-habaabisey heshiiska dhexyalay ayaa Kenya lagu qasbay in wadaxaajood lagasho Soomaaliya. Labadii shir ee hore waxaa martigelisay Nayroobi. Mas’uuliyiintii Keenyaatiga waxay la soo shirtageen dhulka annaga ayaa leh. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ee uu waqtigaas Dr. Cabdiraxman Bayle ayaa warqad u qoray dhigiisa Kenya oo uu ku leeyahay “meeqa ayaad rabtaan inuu arrinku sidaan ku sii socdo ayadoon wax miro dhal lahayn shirarka noocan?”

Keenya waxay ka soo jawaabtay ayadoo codsatay in mar seddexaad la kulmo. Akhristow arrintaas si fiican ula soco. Dowladda Soomaaliya waxay aqbashay codsigaas, waxaana lagu ballamay Muqdisho in shirka lagu qabto 25kii ilaa 26kii Agoosto 2014. Kenya ballanti ayay ka baxeen, mana aysan imaanin shirka. Taa waxaaba ka darnaa, maamuus xumada iyo yasidda ay Soomaaliya u muujiyeen ayagoo aanan wax cudurdaar ka bixin sababta ay u maqnaadeen maqnaadeen. Soomaaliyana ayadoo ka carraysan islaweynidda Kenya dacwo hordhigtay maxkamadda ICJ, 28 Agoosto 2014.

Intii waqtigaas ka dambeyey, marwo Juma iyo dowladdeeda waxay marar badan cunaqabatayn iyo aflaggaaddo joogta ah la dabasocdeen shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda. Haddaba waxaa arrin lagu qosla ah in maanta ay marwo Juma ay fagaare kasta la soo taagan tahay in ay Soomaaliya ay u carartay maxkamad ayadoo ay wadooyin kale oo badan ay u furnaayeen iyo in Soomaaliya dan ugu jirto in wadahadal ka baxsan maxkamadda lagu xalliyo arrinta.

Waxaan leenahay marwo Juma, wadooyinka aad sheegayso adigaa hore u xiray “waagaad isla waynayd.” Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “Mar i dage Allahaw dego, mar labaad idagase anaa dagay.” Marka Kenya ha ku adkaysato islaweynideedii illeen “gar laba nin kama wada qoslisee”.

W/Q: Cusmaan Maxamed iyo Cabdulqaadir Cariif

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Itoobiya oo ku gacan-sayrtay CODSI uga yimid MASAR

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ku gacan-sayrtay qorshe ay usoo jeedisay dhigeeda Masar oo ah qaabka uu u shaqeynayo biyo xireenka Itoobiya ay ka dhiseyso webiga Nile gaar ahaan xadka Suudaan.

Masar oo ku tiirsan webiga Nile, ayaa ka walaacsan in biyo xireenka Itoobiya u horseedi karo gabaabsi ku yimaada biyaha iyo waraabka.

Wasiiraka biyaha Itoobiya, Seleshi Bekele ayaa sheegay ” In Masar ay dooneyso ka faa’iideysiga biyo xireenka taasina aysan aqbali doonin.”

“Waxaa uu qorshaheenu yahay in biyo xireenka aan buuxinno xilli roobaadka soo socda, waxaan bilaabeynaa in aan ka dhalinno korontada bisha Diseembar ee sannadka 2020-ka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay  wasiirka biyaha ee Itoobiya.

Dhamays-tirka dhismaha biyo xireenka Itoobiya ayaa hadda ku dhaw in la dhameystiro.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
[email protected]

Alifleeydii siyaasadda ee saynisyahanada ismooday

0

Qormadan gaaban ayaan ugu talagalay in aan aragtideyda qormo kaga waramo Alifleeyda sallafay ee ku hawooda siyaasad u baahan deganaan khibradeed.
Macna ahaan aniga igama ahan in aan ku liidaayo shakhsiyaad hammi u leh siyaasadda badweynta ah ee dalkeena ka jirta.

Waxaan in badan indhahaygu qabtaan dhallinyaro wax dhaliisha aragti ahaan, balse aynaan haysan hadaf ee wax ku dhaliilaan.

Waxaa in badan ku arkaa barraha bulshada dhaliilo ku qotoma aragtiyo diidmo iyo mid aan diidmo ahayn.

Dulucda ujeedka

Waxaa i soo maray walaalo aan ka soo wada jeedno deegaan aan u wada dhalannay, kana mida dadka aadka uga hadla barraha bulshada.

Waxaan marar badan ka wada sheekeysanay marxaladaha iyo horumarrada aan la rabno deegaanadeena iyo sida aan u jeclaan lahaa in aan uga midowno horumarinta dadkeena.

Markasta oo aan gaarno wax ay dadkeenu u baahnaayeen misena ay iyaga aad ula xumaato, iyagoo u sababeeya xumaan ay badanaa ladoonaan shaakhdiyaadka horseedka u ah hiigsiga hadafyada aan gaarno badanaa.

Waxaan badanaa isku dayi jiray in aan sharraxaad ka siiyo waxa qabsoomay iyo halka ay wax noo marayaan, hase ahaatee taa bedelkeeda waxay barraha bulshada noogu soo jawaabaan kuwa dadkeena iyo deegaanadeenuba aanan u wanaagsanayn.

Marxaladaha deegaanada aan kas oo jeedno waxay u yaqaanaan magacyo shakhsiyadeed, iyagoo bulshada u dareensiiya in wax kasta oo wax qabad ah ay aad u sii hooseyso.

Dhinacyadan ayaan arkaa in ay aad u buun buuniyaan kolka ay qaraxyadu dhacaan, misena uu Webiga Shabelle bilaabo in uu ku fataho deegaanadeena. Eedeymaha ay soo jeediyaana maaha kuwa ay wax ku dhisayaan ee waa kuwo ay ku burburinayaan.

Marka aad milicsato sida ay uga aradan yihiin siyaasad hufan iyo sida ay isugu haystaan khubaro dhanka siyaasadda ah ayaan ugu magac-daray (Alifleeydii siyaasadda ee Saynisyahanada ismooday!).

La-soco qaybta labaad
Hassan Abdulkhader Mudey

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Abuukar Cumar Caddaan: Dadka MUQDISHO way mudan yihiin in la ciqaabo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan ayaa sheegay in Dadka Muqdisho ay mudan yihiin in laga xiro jidadka isla markaasna ay rafaadaan, isagoo taas sabab uga dhigay inay iyaga yihiin Ballaayo waxaas keensaday.

Ganacsadaha ayaa sheegay in Muqdisho lagu dhacay Hanti badan oo dad shacab ah ay lahaayen dhiig badanna lagu daadiyey midaasna aan weli laga toobad keenin waxna la iska waydiin.

Wuxuu sheegay in fidnada Soomaaliya ay soo bilaabatay Sanadkii 1960 illaa haddana xal loo la’yahay, wuxuu tusaale usoo qaatay  in dadkii riday Siyaad Barre ay awoodi waayeen inay dalka xal u keenaan ayna Muqdisho u kala jareen laba qeyb.

Ganacsade Abuukar ayaa sheegay in haddii la rabo in laga baxo dhibaatada dadka Muqdisho heysato loo laabto Alle isla markaasna la iska dhaafo Dastuurka la isku xukumayo oo uu ku tilmaamay inuu yahay arrin gaar u ah Gaalada.

Abuukar ayaa sheegay in madaweynayaashii dalka soo maray oo uu ugu dambeeyo Madaxweyne Farmaajo uu midba midka ka dambeeyo wax ka sheego isagoo sheegay inaysan waxba is dhaamin, wuxuuna tusaale u soo qaatay Farmaajo oo uu sheegay inuu horey u ballan qaaday inuusan xiri doonin jidadka markii dambana laga waayey.

Wuxuu sheegay in markuu Famaajo tago uu imaan doono mid isaga ka daran dadkana ay dhihi doonaan Farmaajo ayaa fiicnaa.

Ugu dambeyntii Wuxuu xusay inaysan Soomaaliya dowlad shaqeyso ka dhallan doonin inta uu Dalka leeyahay lix Madaxweyne sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasiir Oomaar oo sabab yaab leh ku sheegay xayiraadii duulimaadyada Kismaayo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxamed Salaad Oomaar oo ah Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si cad uga hadlay sababihii keenay in xayiraad la saaro Duulimaadyadii sida tooska ah u tagi jiray Magaalada Kismaayo.

Oomar ayaa sheegay inay Dowladda go’aankaas qaadatay kadib markii uu sheegay inuusan maamul ka jirin Jubbaland ayna u cabsadeen xuduudaha dalka.

Oomaar ayaa xusay iyagoo gudanayo waajibaadka ka saaran Xuduudaha inay amreen in Diyaaradaha ay soo maraan Muqdisho kadibna ay usii gudbaan Magaalada Kismaayo

Wasiirka ayaa sheegay inaysan jirin xanibaad la saaray Kismaayo, balse go’aanka xukuumadda uu yahay “mid lagu ilaalinayo danta guud ee dalka.”

Mar Su’aal laga waydiiyey sababta aysan xayiraad u saarin Magaalooyinka kale ee Soomaaliya oo kaliya ay u bartilmaameedsadeen Kismaayo ayuu sheegay in meelaha kale ay ka jiraan Maamul ay Dowladda aqoonsatay uuna ka shaqeeyo Xafiisyada Immigration-ka Soomaaliya.

Sidoo kale mar wax laga waydiiyey in Ujeedka laga leeyahay xayiraadaan uu yahay mid siyaasadeysan oo la doonayo in lagu xiro Siyaasiyiinta Jubbaland ayuu sheegay inay arrintaas tahay been abuur ayna jirin cid ay dowladda dooneyso inay xirto marka laga reebo dad uu sheegay inay Booliska raadinayaan oo dambiyo galay.

Hadalka Oomaar ayaa imanaya ayada oo maamulka Jubbaland uu maanta soo saaray warbixin qoraal ah oo ku aadan xaaladda amni, siyaasadeed iyo bani’aadamnimo ee ka jirta dowlad goboleedka Jubaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa Garoonka Muqdisho ku xirtay Wasiirkii Amniga ee Maamulka Jubbaland kadib markii diyaaradii uu saarnaa ay soo martay Magaalada Muqdisho kadib amarkii kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa horey u sheegay in xayiraada la saaray ay tahay mid sharci darro ah oo aan waafaqsaneyn Dastuurka Dowladda Soomaaliya iyo midka Maamul Goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maalmo ka hor sheegay in xayiraadda Dowladda ay saartay duulimaadyada Kismaayo aysan isaga shaqsi ahaan saameyn ku yeelan karin oo uu aadi karo halkii uu doono isagoo aan wax fasax ah ka qaadan Dowladda Dhexe balse cidda la cunqabateenayo ay tahay Shacabka Jubbaland sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Wasiir Oomaar

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Golaha wasiirada Jubaland oo go’aanno culus soo saaray

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Jubbaland ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyey Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyadoo inta badan diirada lagu saaray xaaladda cakiran ee maamulkaasi.

Ugu horreyn kulanka ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday dadaallada lagu dhameynayo khilaafka ka dhashay doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Kismaayo, taas oo ay hormuud ka tahay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay arrimaha nabad galyada, waxaana la’isku raacay laga bilaabo 20-ka bishan September in shirar ruqsad la’aan ah aan lagu qaban karin gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Waxa kale oo ciidamada amniga la faray inay muujiyaan feejignaan iyo taxadar dheeri ah, si ay uga hortagaan suurtagalnimada falal amni darro oo ka dhaca halkaasi.

Ugu dambeyn shirka golaha wasiirada ee Jubbalad ayaa looga arrinsaday xaaladaha bani’aadanimo ee ka taagan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, iyadoo hay’adaha ku shaqada leh la faray in ay warbixinno ka keenaan xaaladaha nololeed ee ka jira gobolladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

DEG DEG: Xildhibaano lala xiriirinayo jabhadda ka dillaacday Awdal oo la xiray

0

Boorama (Caasimada Online) ― Warar hadda naga soo gaaraya magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay saddex xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Boorama.

Ciidamada Booliska ee magaalada Boorama ayaa goordhoweyd xabsiga dhigay saddexdaa xildhibaan, xili ay ku sugnaayen Hotel-ka Raysa oo kamid ah huteelada ugu waaweyn magaalada Boorama.

Sida ay Caasimada Online ogaatay xildhibaanadan ayaa waxa si qasab ah lagaga xiray hutelkii ay ku sugnaayen, iyadoona waaran qabasho loo sidan, isla markaana ah xildhibaano xasaanad buuxda uu siiyey dastuurku.

Xildhibaanada oo goordhoweyd xabsiga dhexe ee magaalada Boorama loo taxaabay ayaa waxay kala yihiin: Guddoomiye kuxigeenkii hore ee degmada, Xildhibaan Maxamed Muxumed Faarax Dheerayste, Xildhibaan Mustafe Xasan Labo-qaydle iyo Xildhibaan Mustafe Indhosheed.

Xildhibaanadan ayaa waxa loo xiray arrimo la xidhiidha Jabhad dhowaan ka dilaacday deegaanada Dilla, iyadoona halkaasi ka wada dad urursi, isla markaana lagu tobabaro deegaanadaasi oo ah bariga gobolka Awdal, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelada Xildhibaanada la xiray.

Caasimada Online oo isku dayday inay wax ka weydiiso xariga xildhibaanadan Taliska ciidamada booliska gobolka iyo ka degmada Boorama, ayeysan u suurto-gelin kadib markii ay ka jawaabi waayeen telefoonadooda gacanta.

Dhinaca kalena, Caasimada Online ayaa labo maalin ka hor baahisay xogta Jabhadaasi ka abuurmatay deegaanadaasi hoos yimaada gobolka Awdal iyo dhaq-dhaqaqyada ay ka wadaan, kuwaasi oo mudooyinkii u dambeeyayna waday dar-dar gelin iyo u diyaar garow dagaal ka dhana xukuumada Muuse Biixi. Halka ka aqriso xogtaas.

Sida ay Caasimada Online xogta ku helaysay Jabhadaasi ayaa waxa ay daba socotay Jabhad kale oo hore uga jirtay gobolka Awdal, taasi oo uu hogaamin jirey Suldaan Wabar, midaasi oo iyaduna dib u soo rogaal celisay sida ay noo xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama
[email protected]

Kheyre oo guddoomiyay shir amni oo ay Puntland iyo Jubaland ka maqnaayeen

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta guddoomiyay shir ay kasoo qeyb galeen Safiirrada Waddamada amniga ka taageeraa Soomaaliya iyo wakiillada Beesha caalamka, loogana hadlay amniga iyo xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugan tahay Dalka.

Shirka ayaa intiisa badan looga dooday dardar-gelinta howl-gallada lagu baacsanayo Argagaxisada iyo in kaalmada amni ee Dowladaha aan saaxiibbada nahay  loo qaabeeyo hannaan la jaan qaadaya qorshaha Dowladda iyo rabitaanka Ummadda Soomaaliyeed, si guul looga gaaro dedaallada xoreynta iyo adkeynta amniga.

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle oo shirka hadallo ka jeediyay ayaa sheegay in xoreynta Goballada Shabeellooyinku ay muhiim u yihiin kobcinta dhaqaalaha iyo sugidda amniga Caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in dib-u-habeyn xooggan lagu sameeyay Ciidanka Labadii Sano ee laso dhaafay, lana ogyahay tirada iyo tayadooda, Dalkuna uu leeyahay rajo wanaagsan oo dhanka amniga iyo xoreynta ah.

Wuxuuna  Ra’iisul wasaaruhu wakiillada Beesha caalamka u caddeeyay in Shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu baahi qabaan taageera amni oo wax ku ool ah.

Shirka ayaa waxaa ka maqnaa madaxda Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo aan xiriir fiican la laheyn Dowladda Dhexe.

Dowladda Soomaaliya oo deddaal xooggan ugu jirta sidii mas’uuliyadda amniga ay ula wareegi lahaayeen Ciidamada qalabka sida, ayaa Labadii Sano ee lasoo dhaafay waxa ay dib-u-habeyn ballaaran ku sameysay Ciidamada Qaranka, arrintaas oo fududeysay in degaanno badan laga xoreeyo Argagaxisada, dibna ay uga billaabato nolol Bulsho oo dhammeytiran.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Gudoomiyaha Warsheekh oo dhaawacay xildhibaan sida biskoolad loo rido barayey

0

War-Sheekh (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada War-Sheekh ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa dhaawacay xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka oo barayey sida loo rido Biskoolad.

Xasan Xaaji Axmed Darafeey oo ah Guddoomiyaha Warsheekh ayaa la sheegay inay xabad kaga fakatay Xildhibaan Makaraan oo kamid ah Golaha Deegaanka intii la tusayey sida loo rido biskoolad.

Xildhibaan Makaraan ayaa waxaa dhaawiciisa loola cararay Isbitaal Keysaneey ee Magaalada Muqdisho, waxaana la xaqiijiyey inaan si ku talagal ah Xabadda loogu dhufan.

Waxaa soo baxayo warar aan la xaqiijin oo sheegayo inay labada Mas’uul isku qabsadeen lacago baad ah oo laga qaado Isbaaro balse Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ayaa sheegay inaysan arrinta sidaas aheyn.

Xaaladda Caafimaad ee Xildhibaanka ayaa la sheegay inay tahay mid halis ah, wuxuuna ku jiraa qeybta gargaarka deg deg ah ee Isbitaal Keysaneey.

Degmada Warshiikh ayaa waxaa loo dhisay Golaha Deegaanka, waxaana Guddoomiye loo doortay Bishii lasoo dhaafay ee Agoosto.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Ciidamo boolis ah oo loo diyaariyey xeebaha Somalia

0

Muqdisho (Caasuimadda Onlin) – Aqoon is weydaarsi looga hadlayey sidii loo heli lahaa Ciidan Boliis ah oo awood u leh ilaalinta Xeebaha Dalka, ka hortagga Tahriibka, isku socodka kooxaha Argagaxisadda iyo kuwa ka ganacsadda waxyaabaha maanka dooriya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Saraakiil ka socotay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan laanta ilaalinta Xeebaha Dalka, maamul Goboleedyada, wakiillo ka socda Dowladaha Soomaaliya ka taageera Boliiska, UNSOM, UNPOL iyo AMISOM.

Isku duwaha Xafiiska Ciidanka ilaalinta Xeebaha ee Wasaaradda Amniga, Muntaasiya Xaaji Jimcaale ayaa sheegtay in ay muhiimad gaar ah leedahay ilaalinta Xeebaha Dalka, Ciidanka la unkayana uu wax weyn ka tari doono ka hor tagga dembiyada ka dhaca Badaha Soomaaliya.

Taliyaha laanta ilaalada Xeebaha ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, G/dhexe, Bashiir Cabdi Isaaq, ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo aas-aaska Ciidan Boliis oo awood u leh difaaca iyo ilaalinta Xeebaha Dalka, wuxuuna intaa raaciyay in halistii xagga berriga ay ku biirtay dhibaato kale oo ka jirta dhanka Badda, taas oo u baahan in wax laga qabto.

Sidoo kale waxaa isna warbaahinta la hadlay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Amniga Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya C/naasir Siciid Muuse ayaa waxaa uuna sheegay in la joogo waqtigii la soo dhamaystiri lahaa cudududda ciidan xoog leh oo wax ka qaban kara ammaanka xeebaha Badda.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Ahlu-Sunna oo ka hor-timid qorshe yaab leh oo DF ka damacsaneyd Guriceel

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aan ay dowladda federaalka ciidamo boolis ah ku geyn laheyd magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in wasiirka amniga Soomaaliya uu isku dayay in qaar ka mid ah ciidamada booliiska dowladda dhexe ee dhawaan la geeyay magaalada Dhuusamareeb uu u diro magaalada Gurceel, si ay ula wareegaan ammaankeeda.

Qorshaha Wasiirka ayaa ahaa in ciidamadaas ay si buuxda ula wareegaan saldhigga booliiska magaalada Gurceel, balse intii lagu howlanaa diyaarinta ciidamadaas oo hada ku sugan Dhuusamareeb ayaa waxaa ka war helay hoggaanka Ahlu-Sunna oo ciidamo taabacsan ay gacanta ku hayaan magaalada Gurceel.

Ahlu-Sunna ayaa heegan galisay ciidamo daacad u ah oo maamula magaalooyin ay ka mid yihiin Gurceel iyo Matabaan, iyagoo dowladda federaalka ku war geliyay in aysan arintaas ogolayn.

Xubno matalayay xukuumadda federaalka ayaa caawa Dhuusamareeb kulan kula yeeshay seddaxda hoggamiye ee ugu sareysa Ahlu-Sunna, waxeyna ka dalbadeen in ciidamada federaalka loo ogolaado in ay ka howlgalaan Gurceel, si tartiib-tartiibana loogu warejiyo amaanka magaalada.

Madaxda Ahlu-Sunna ayaa gabi ahaanba ku gacan sayrtay dalabkaas, waxaana muuqata in ay ku fara adeygayaan gacan ku heynta magaalooyinka Matabaan, Gurceel iyo Tuulooyin kale oo dhaca koonfurta gobolka Galgaduud oo ay kusoo aruurtay awooda Ahlu-Sunna.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

JABUUTI oo digniin bixisay: KENYA lama aamini karo

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa wali wadda dadaalka ay ugu jirto sidii ay ku hanan lahayd matalaadda Kursiga Afrika ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib markii dhawaan loollan ay taageerada midowga Afrika ku raadineysay ay Kenya uga guuleysatay.

Wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti ayaa sheegay in Kenya aan lagu aamini karin kursiga ay u tartamayso ee golaha ammaanka, maadaama sida uu yiri uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo Soomaaliya.

Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf oo maanta safiirrada ajnabiga ah ee dalkiisa ku sugan kala hadlayay arinta la xiriirta musharraxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan codadka dalalkaasi.

“Jabuuti waxa aay qiyaaseysa inay ku saxan tahay dadaalkeeda ku aaddan kursiga Golaha ammaanka. Waxa aan u bahanahay taageraada dalalkiina ee ku saabsan musharraxnimadeena”, ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu dhanka kale sheegay in haddii Kenya ay kursigaas hesho ay saameyn ku yeelaneyso muranka kala dhaxeeya Soomaaliya.

“Waxa aan qiyaaseyna oo kale inay Kenya dhibaatada khatar ah ku heyso Soomaaliya, xalaada u dhexeysa labaada dalna ay cirka isku sii shareeri karto oo ay faraha ka bixi karto”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay in Kenya an lagu aamni karin amniga gobolka.

“Waxa aan qabaa dal sidaas khatar u ah ma ilaalin karo danaha gobolka iyo qaarada iyo nabada guud, haddii u khilaafka si fogaadana waxa uu saamayn karaa labada dal iyo gobolkaba”.

Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay xukuumadda Nairobi, oo ay arrintan uga jawaabeyso.

Hase yeeshee, waxay Kenya ku naallooneysaa taageerada dalalka Midowga Afrika, si ay ugu tartanto kursiga ay damacsan tahay inay golaha amaanka ugu matasho qaaradda Afrika.

Cod-bixin ay bishii Agoosto sameeyeen dalalka xubnaha ka ah midowga Afrika oo ka dhacday magaalada Addis Ababa ayey dowlada Kenya ka heshay 37 cod, halka Jabuuti ay heshay 13 cod oo kaliya.

Laakiin Jabuuti ayaa wali ku adkeysaneysa inay tartanka lasii waddo Kenya marka la isla tago golaha amniga, ayna isku daydo inay ka guuleysato.

Horay uma dhicin in waddan labo dal oo ku kala haray midowga Afrika ay wali loollan kusii sameeyaan kursigaas.

Xigasho: BBC Somali 

Kenya oo ka laabatay mid ka mid ah go’aanadii ay ku cadaadineysay Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa dib uga laabatay go’aan ay markii hore u muuqday mid ay ku cadaadiso Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay kala dhaxeyso dacwad ku saabsan dhul Badeed ay leedahay Soomaaliya oo ay dood gelisay Kenya.

Dowladda Kenya ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqday inay ka laabatay Xayiradii ay horey u saartay Kalluumeysato Gobolka Lamu ee ka kalluumeysan jiran Xeebaha u dhow kuwa Soomaaliya.

Xayiradaan ay qaaday Kenya ayaa aheyd in Habeenkii wixii ka dambeeyo labada Saac aysan kalluumeysatada kasoo kalluumeysan karin Xeebaha ku teedsan Soomaaliya.

Go’aankaan oo markii hore soo baxay 7 bil ka hor ayaa la sheegay inuu ujeedkiisa ahaa sidii Soomaaliya loogu cadaadin lahaa inay ka laabato dacwadda Badda ee hor taalo Maxkamadda ICJ.

Waxay Kenya xilligaas marmarsiiyo ka dhigatay inay go’aankaas u qaadatay arrimo dhanka ammaanka ah iyo cabsi ay ka qabto in la dhibaateeyo muwaadiniinteeda sida ay hadalka u dhigtay waqtigaas.

Dowladda Kenya ayaa sameysay dhawr tallaabo ay ku dooneysay inay Soomaaliya kaga hor istaagto dacwadda Badda ee kala dhaxeyso balse marnaba ma aysan suurta gelin.

Ugu dambeyntii Dowladda Kenya oo dareensan in looga guuleysan doono dacwadadaas ayaa Maxkamadda ICJ ka codsatay in dib loogu dhigo dacwadda muddo 12 Bilood balse maxkamadda ayaa ugu dambeyn dib u dhigtay laba Bil oo kaliya.

Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aad usii xumaanayo waxayna mar kala qaateen safiiradii u kala joogay labada dal inkastoo markii dambe laga heshiiyey.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Furitaanka wejiga labaad ee shirka GALMUDUG oo hal shuruud ku xiran (XOG)

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, xili la filayay in uu soo furo wejiga labaad ee Shirka dib u heshiinta Galmudug.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in wejiga labdaad ee shirka dib u heshiinta Galmudug uu furmi doono dabayaaqada bisha 10-aad ee sanadkaan, sida ay qorsheysay dowladda Soomaaliya, waxa uuna gaab geli doonaa muddo bil ah.

Sababta arrintaan ayaa lagu sheegay in ay tahay mid ka mid ah beelaha daga Galmudug ay caleema-saar u qaban doonaan hoggaankii ay ku doorteen magaalada Hobyo ee gobalka Mudug.

Xildhibaano, odayaal, siyaasiin iyo madax kale ayaa lagu casuumay caleema-saarka Prof. Shirwac, oo dhowaan loo doortay Guddoomiyaha Golaha hoggaaminta Galmudug.

Caleema-saarka Shirwac ayaa dhacaya 10-ka Oktoober ee sanadkaan, waxaana hakad geli doono wejiga labaad ee Shirka Dhuusamareeb, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wajaheysa culeesyo badan oo uga imaanaya qaar kamid ah beelaha daga Galmudug, culeyskaas oo ku saabsan rabitaano isdiidan oo ku saabsan dhismaha Galmudug cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
[email protected]

Somaliland oo war ka soo saartay weerarkii xarumaha shidaalka Sacuudi Carabiya

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa maanta ka hadashay weerarkii dhowaan lagu qaaday xarumo shidaal oo ku yaala dalka Sacuudiga.

Wasaarada Arrimaha dibedda ee Somaliland, oo soo saartay war qoraal ah oo ku qornaa luuqada Carabiga, ayaa waxa lagu sheegay in Somaliland ay si weyn uga xuntahay weerarkii dhowaan lagu qaaday xaruumaha shidaal ee ku yaalay Sacuudiga.

Warkan ka soo baxay Wasaarada ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inay Somaliland mar-walba barbar taagantahay dowlada iyo shacabka Sacuudiga, iyadoona weerarkaasi ku tilmaamtay mid bahal-nimo oo ay fulisay ‘Argagaxiso’.

Weerarkaasi lagu qaaday labo xarumood oo laga soo saaro saliida shidaalka ayaa waxa Mas’uuliyaddiisa sheegatay Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen, laakiinse Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo ayaa isaguna sheegay in weerarkaasi ay ka dambaysay Dowladda IRAN, isagoo ka dhawaajiyey in aanay jirin caddaymo sheegaya in Xuutiyiintu weerarkaasi qaadeen.

Si kastaba, Weerarkaasi ayaa waxa loo adeegsaday labo diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn, kuwaasi oo geystay khasaare laxaad leh, midkaasi oo gaadhsiisan in wax soo-saarkii Shidaalka ee Sacuudiga uu hoos u dhaco illaa 5.7 Million Barmiil, sida laga soo xigtay Wasiirka Tamarta ee dalkaasi Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Warbixin: Diinsoor waxaa ka taliya kaligiis taliye dila qofkii ka soo horjeesta

Diinsoor (Caasimada Online) – Dhowrkii sano ee la soo dhaafay magaalada labaad ee caasimada u ah gobalka Bay ee Diinsoor, waxaa lagu dilay tobaneeyo dad ah, sidoo kale waxaa magaalada laga masaafuriyay dad kale, halka qaar kalane ay xabsiyada magaalada ku jiraan.

Diinsoor waxay ku jirtaa gacan adag, waxaana maamula hal qoys oo xukunka ka dhigay boqortooyo hoostimaada islamarkaana handada oo dila dadka ka horyimaada. Qoyskaan ayaa garab ka heesta ciidamada Itoobiya ee magaalada ku sugan.

Ibraahim Maxamed Nuur Shikshigow, oo ku magacaaban Diinsoor ayaa lagu eedeeyay gadoob fallo waa wayn iyo dilka dad shacab ah oo degmada ku nool.

Shikshigow, waxaa sidoo kale maamulkiisa ka tirsan wiilal uu dhalay oo laba ah, gabar la dhalatay xaaskiisa, gabar ay walaalo yihiin iyo dhalinyaro uu adeer u yahay waxaana dhamaantood ay ka mideysan yihiin toogashada, tarxiilka iyo cabsi gelinta dadka ka soo horjeeda.

Madaxweynihii hore ee Koonfur galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hore xilka uga qaaday Shikshigow balse balse waxa uu magaalada u diiday in uu soo galo guddoomiyii lagu badalay, isagoo ugu hanjabay dil.

Xildhibaan hore oo BF Soomaaliya ka tirsan oo magaalada Muqdisho ku sugan ayaa noo sheegay in cabsi uu uga soo baxay Diinsoor, sidoo kale tobaneeyo dad ah oo ku sugan Muqdisho islamarkaana cabsi uga soo cararay Diinsoor ayaa sheegay in halkaas ay ka jirto dhibaato aan lagu baraarugsaneen.

Dadka aan la hadalnay waxaan qarinay magacyadooda sababo dhanka amniga, waxaana ku jira qaar hadda ku sugan Diinsoor. Guddoomiye Shikshigow waxa uu diiday inuu arintaan ka hadlo, waxa uuna sidoo kale warbaahinta uu ka mamnuucay xubnaha maamulkiisa.

Saraakiisha Itoobiya ee ku sugan Diinsoor ayaa door wayn ku leh dhibaatooyinka Diinsoor waxayna maamulka ka gacan siiyaan xadgudubyada ka dhaca degmadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]