25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

JABUUTI oo digniin bixisay: KENYA lama aamini karo

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa wali wadda dadaalka ay ugu jirto sidii ay ku hanan lahayd matalaadda Kursiga Afrika ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib markii dhawaan loollan ay taageerada midowga Afrika ku raadineysay ay Kenya uga guuleysatay.

Wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti ayaa sheegay in Kenya aan lagu aamini karin kursiga ay u tartamayso ee golaha ammaanka, maadaama sida uu yiri uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo Soomaaliya.

Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf oo maanta safiirrada ajnabiga ah ee dalkiisa ku sugan kala hadlayay arinta la xiriirta musharraxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan codadka dalalkaasi.

“Jabuuti waxa aay qiyaaseysa inay ku saxan tahay dadaalkeeda ku aaddan kursiga Golaha ammaanka. Waxa aan u bahanahay taageraada dalalkiina ee ku saabsan musharraxnimadeena”, ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu dhanka kale sheegay in haddii Kenya ay kursigaas hesho ay saameyn ku yeelaneyso muranka kala dhaxeeya Soomaaliya.

“Waxa aan qiyaaseyna oo kale inay Kenya dhibaatada khatar ah ku heyso Soomaaliya, xalaada u dhexeysa labaada dalna ay cirka isku sii shareeri karto oo ay faraha ka bixi karto”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay in Kenya an lagu aamni karin amniga gobolka.

“Waxa aan qabaa dal sidaas khatar u ah ma ilaalin karo danaha gobolka iyo qaarada iyo nabada guud, haddii u khilaafka si fogaadana waxa uu saamayn karaa labada dal iyo gobolkaba”.

Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay xukuumadda Nairobi, oo ay arrintan uga jawaabeyso.

Hase yeeshee, waxay Kenya ku naallooneysaa taageerada dalalka Midowga Afrika, si ay ugu tartanto kursiga ay damacsan tahay inay golaha amaanka ugu matasho qaaradda Afrika.

Cod-bixin ay bishii Agoosto sameeyeen dalalka xubnaha ka ah midowga Afrika oo ka dhacday magaalada Addis Ababa ayey dowlada Kenya ka heshay 37 cod, halka Jabuuti ay heshay 13 cod oo kaliya.

Laakiin Jabuuti ayaa wali ku adkeysaneysa inay tartanka lasii waddo Kenya marka la isla tago golaha amniga, ayna isku daydo inay ka guuleysato.

Horay uma dhicin in waddan labo dal oo ku kala haray midowga Afrika ay wali loollan kusii sameeyaan kursigaas.

Xigasho: BBC Somali 

Kenya oo ka laabatay mid ka mid ah go’aanadii ay ku cadaadineysay Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa dib uga laabatay go’aan ay markii hore u muuqday mid ay ku cadaadiso Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay kala dhaxeyso dacwad ku saabsan dhul Badeed ay leedahay Soomaaliya oo ay dood gelisay Kenya.

Dowladda Kenya ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqday inay ka laabatay Xayiradii ay horey u saartay Kalluumeysato Gobolka Lamu ee ka kalluumeysan jiran Xeebaha u dhow kuwa Soomaaliya.

Xayiradaan ay qaaday Kenya ayaa aheyd in Habeenkii wixii ka dambeeyo labada Saac aysan kalluumeysatada kasoo kalluumeysan karin Xeebaha ku teedsan Soomaaliya.

Go’aankaan oo markii hore soo baxay 7 bil ka hor ayaa la sheegay inuu ujeedkiisa ahaa sidii Soomaaliya loogu cadaadin lahaa inay ka laabato dacwadda Badda ee hor taalo Maxkamadda ICJ.

Waxay Kenya xilligaas marmarsiiyo ka dhigatay inay go’aankaas u qaadatay arrimo dhanka ammaanka ah iyo cabsi ay ka qabto in la dhibaateeyo muwaadiniinteeda sida ay hadalka u dhigtay waqtigaas.

Dowladda Kenya ayaa sameysay dhawr tallaabo ay ku dooneysay inay Soomaaliya kaga hor istaagto dacwadda Badda ee kala dhaxeyso balse marnaba ma aysan suurta gelin.

Ugu dambeyntii Dowladda Kenya oo dareensan in looga guuleysan doono dacwadadaas ayaa Maxkamadda ICJ ka codsatay in dib loogu dhigo dacwadda muddo 12 Bilood balse maxkamadda ayaa ugu dambeyn dib u dhigtay laba Bil oo kaliya.

Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aad usii xumaanayo waxayna mar kala qaateen safiiradii u kala joogay labada dal inkastoo markii dambe laga heshiiyey.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Furitaanka wejiga labaad ee shirka GALMUDUG oo hal shuruud ku xiran (XOG)

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, xili la filayay in uu soo furo wejiga labaad ee Shirka dib u heshiinta Galmudug.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in wejiga labdaad ee shirka dib u heshiinta Galmudug uu furmi doono dabayaaqada bisha 10-aad ee sanadkaan, sida ay qorsheysay dowladda Soomaaliya, waxa uuna gaab geli doonaa muddo bil ah.

Sababta arrintaan ayaa lagu sheegay in ay tahay mid ka mid ah beelaha daga Galmudug ay caleema-saar u qaban doonaan hoggaankii ay ku doorteen magaalada Hobyo ee gobalka Mudug.

Xildhibaano, odayaal, siyaasiin iyo madax kale ayaa lagu casuumay caleema-saarka Prof. Shirwac, oo dhowaan loo doortay Guddoomiyaha Golaha hoggaaminta Galmudug.

Caleema-saarka Shirwac ayaa dhacaya 10-ka Oktoober ee sanadkaan, waxaana hakad geli doono wejiga labaad ee Shirka Dhuusamareeb, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wajaheysa culeesyo badan oo uga imaanaya qaar kamid ah beelaha daga Galmudug, culeyskaas oo ku saabsan rabitaano isdiidan oo ku saabsan dhismaha Galmudug cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
[email protected]

Somaliland oo war ka soo saartay weerarkii xarumaha shidaalka Sacuudi Carabiya

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa maanta ka hadashay weerarkii dhowaan lagu qaaday xarumo shidaal oo ku yaala dalka Sacuudiga.

Wasaarada Arrimaha dibedda ee Somaliland, oo soo saartay war qoraal ah oo ku qornaa luuqada Carabiga, ayaa waxa lagu sheegay in Somaliland ay si weyn uga xuntahay weerarkii dhowaan lagu qaaday xaruumaha shidaal ee ku yaalay Sacuudiga.

Warkan ka soo baxay Wasaarada ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inay Somaliland mar-walba barbar taagantahay dowlada iyo shacabka Sacuudiga, iyadoona weerarkaasi ku tilmaamtay mid bahal-nimo oo ay fulisay ‘Argagaxiso’.

Weerarkaasi lagu qaaday labo xarumood oo laga soo saaro saliida shidaalka ayaa waxa Mas’uuliyaddiisa sheegatay Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen, laakiinse Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo ayaa isaguna sheegay in weerarkaasi ay ka dambaysay Dowladda IRAN, isagoo ka dhawaajiyey in aanay jirin caddaymo sheegaya in Xuutiyiintu weerarkaasi qaadeen.

Si kastaba, Weerarkaasi ayaa waxa loo adeegsaday labo diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn, kuwaasi oo geystay khasaare laxaad leh, midkaasi oo gaadhsiisan in wax soo-saarkii Shidaalka ee Sacuudiga uu hoos u dhaco illaa 5.7 Million Barmiil, sida laga soo xigtay Wasiirka Tamarta ee dalkaasi Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Warbixin: Diinsoor waxaa ka taliya kaligiis taliye dila qofkii ka soo horjeesta

Diinsoor (Caasimada Online) – Dhowrkii sano ee la soo dhaafay magaalada labaad ee caasimada u ah gobalka Bay ee Diinsoor, waxaa lagu dilay tobaneeyo dad ah, sidoo kale waxaa magaalada laga masaafuriyay dad kale, halka qaar kalane ay xabsiyada magaalada ku jiraan.

Diinsoor waxay ku jirtaa gacan adag, waxaana maamula hal qoys oo xukunka ka dhigay boqortooyo hoostimaada islamarkaana handada oo dila dadka ka horyimaada. Qoyskaan ayaa garab ka heesta ciidamada Itoobiya ee magaalada ku sugan.

Ibraahim Maxamed Nuur Shikshigow, oo ku magacaaban Diinsoor ayaa lagu eedeeyay gadoob fallo waa wayn iyo dilka dad shacab ah oo degmada ku nool.

Shikshigow, waxaa sidoo kale maamulkiisa ka tirsan wiilal uu dhalay oo laba ah, gabar la dhalatay xaaskiisa, gabar ay walaalo yihiin iyo dhalinyaro uu adeer u yahay waxaana dhamaantood ay ka mideysan yihiin toogashada, tarxiilka iyo cabsi gelinta dadka ka soo horjeeda.

Madaxweynihii hore ee Koonfur galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hore xilka uga qaaday Shikshigow balse balse waxa uu magaalada u diiday in uu soo galo guddoomiyii lagu badalay, isagoo ugu hanjabay dil.

Xildhibaan hore oo BF Soomaaliya ka tirsan oo magaalada Muqdisho ku sugan ayaa noo sheegay in cabsi uu uga soo baxay Diinsoor, sidoo kale tobaneeyo dad ah oo ku sugan Muqdisho islamarkaana cabsi uga soo cararay Diinsoor ayaa sheegay in halkaas ay ka jirto dhibaato aan lagu baraarugsaneen.

Dadka aan la hadalnay waxaan qarinay magacyadooda sababo dhanka amniga, waxaana ku jira qaar hadda ku sugan Diinsoor. Guddoomiye Shikshigow waxa uu diiday inuu arintaan ka hadlo, waxa uuna sidoo kale warbaahinta uu ka mamnuucay xubnaha maamulkiisa.

Saraakiisha Itoobiya ee ku sugan Diinsoor ayaa door wayn ku leh dhibaatooyinka Diinsoor waxayna maamulka ka gacan siiyaan xadgudubyada ka dhaca degmadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

Taliska Amisom oo bilaabay diyaarinta sida ciidanka DF ay ula wareegayaan amniga

0

Muqdisho (Caasuimadda Onlin) – Taliye kuxigeenka Howlgalka iyo Qorsheynta ee Ciidamada AMISOM Jeneraal Nakibus Lakara ayaa booqasho ku tagay Xarumaha Ciidamada AMISOM, si uu u qiimeeyo howlaha ciidamada, si loogu diyaar garoobo qorshaha kala guurka ee sanadka 2021, xilligaasoo AMISOM isku diyaarineyso inay mas’uuliyadda Amniga ku wareejiso Ciidamada xoogga dalka.

Nakibus Lakara, oo ah ku xigeenka taliyaha Amisom oo booqasho ku tagay qaar kamid ah xerooyinka milatari ee ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in Amisom ay diyaar u tahay sidii ay ciidamada dowladda kaga taageeri lahayd sidii ay wadankooda u difaaci lahaayeen.

“Ciidamada SNA waxa ay u baahanyihiin in laga taageero sidii amaanka guud ee dalka ula wareegi lahaayeen, taasina waa qorsha xaaladda kala guurka oo ay ciidamada Amisom amniga dalka ugu wareejinayaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay fulinayaan qorshaha kala guurka Soomaaliya ee ku aadan in sanadka 2021 ay AMISOM ka baxdo Soomaaliya, isla markaana ku wareejiso Mas’uuliyadda Amniga Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Jeneraal Lakara ayaa booqasho ku tagay magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar oo ah xarumaha AMISOM ee qeybaha 4aad iyo 5aad ee ay kala hoggaamiyaan Ciidamada ka socda Jabuuti iyo Burundi.

Booqashada taliyaha ee magaalada Beledwayne ayaa kusoo aaday maalmo kadib markii uu booqasho ku tagay magaalada Jowhar halkaasi oo ku booqday ciidamada Burundi ee halkaasi ku sugan.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Darawalada gaadiidka dadweynaha oo bannaan bax ka wada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasuimadda Onlin) – Waxaa qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho banaanbax ka dhigay qaar ka mid ah wadayaasha Gaadiidka dadweynaha,kuwaas oo ka cabanaya in lacago dheeraad ah lagu soo rogay taas oo aysan awoodin inay dhiibaan.

Gaadiidkaan dadweynaha ayaa ka dhex-Shaqeeya Isgoyska Sanca ilaa degmada Xamarweyne,waxaana qaarkood ay sheegeen in sarkaal ka tirsan Maamulka degmada Boondheere uu ku amray inay bixiyaan lacag dhan 100 oo Shillinka Soomaaliga.

Sidoo kale darawalada gaadiidka ayaa sheegay in horay ay u qabeen dhibaatooyinka waddooyinka xiran ee magaalada, haatan loogu sii daray lacago dheeraad ah oo canshuur ahaan lagu soo rogay.

Waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho ayaa xiran muddo dhowr bilood ah iyada oo aanan jirin gaadiid isku gudbi kara degmooyinka qaar ee magaalada muqdisho.

Madaxda dowladda Federalka Somaliya ayaa waxa ay ka codsadeen inay ka shaqeeyaan sidii dhibaatadaasi looga dulqaadi lahaayeen, maadaama Sarkaal Ciidan oo ka tirsan Saldhiga Degmada Boondheere caqabadaasi uu ku haayo.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Qarax xoogaan oo caawa ka dhacay MUQDISHO iyo xildhibaan ka bad-baaday

0

Muqdisho-(Caasimada Online) – Waxaa faah-faahino dheeraad ah laga helayaa nuuca iyo khasaaraha ka dhashay Qarax Miino oo caawa ka dhacay afaafka hore ee Hotel cusub ku oo yaalla Isgoyska Shaqaalaha  ee wadada Maka Al-Mukarama.

Qaraxaas oo ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda, ayaa aad ugu dhawaa Hotel cusub oo ay ka socotay munaasabad xariga looga jarayay, sidoo kale waxaa aad u badnaa isticmaalka wadada xiliga uu qaraxu dhacayay.

Dadka wadada marayey xiligii uu qaraxu dhacay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdulqaadir Garabow oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka, waxaana ku dhintay labo ka mid ah askartii ilaalada u eheed iyo darawalkii gaarigiisa, halka ay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaaray ilaaladii xildhibaanka, waxaana la sheegay in uu xildhibaanku ka badbaaday qaraxaas.

Labo qof oo kale oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen iyo dhaawaca shan ruux, waxaa goobta yaalay gaari NOAH ah oo uu watay qof shacab ah, kaas oo gabi ahaantiisba gubtay isaga iyo labo mooto Bajaaj.

In kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha rasmiga ah wadarta guud ee dhimashada ayaa noqoneysa inta Afar ruux oo labo askar ahaayeen iyo dhaawaca shan kale, waxaana goobta soo gaaray askar ka tirsan booliiska Soomaaliya, kuwaas oo dadka rasaas ku kala cayrinaya.

Wixii kasoo gordha kala soco Caasimada Online

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Sacuudiga oo qiimo yaab leh ku xaraashay qunsuliyadii lagu gowracay Khashoggi

0

Istanbul (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa iska iibisay dhismaha qunsuliyadeedii ku taalay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga taasoo Sanadkii hore lagu dhex dilay Wariyihii dalkaas u dhashay ee Jamal Khashoggi sida uu sheegay TV laga leeyahay dalka Turkiga.

Haberturk TV ayaa sheegay Talaadadii in Dhismaha qunsuliyadda Sacuudiga oo ku yaalay Xaafadda Levent  ee Magaalada Istanbul lagu iibiyey 45 maalin ka hor, 3 meelood hal meel qiimihii markii hore laga bixiyey.

TV-ga ayaa sheegay in Sacuudiga dhismo cusub ka iibsatay Xaafadda Sariyer  ee Magaalada Istanbul halkaas oo noqon doonto qunsuliyadda cusub ee Sacuudiga, waxayna daris la noqon doontaa midda Mareykanka oo halkaas ku taalo.

Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga oo la hadlay Middle East Eye  ayaa sheegay inaysan weli helin macluumaadka ku saabsan inay Sacuudiga iska iibisay Dhismaha qunsuliyaddii istanbul ee lagu dhex dilay Jamal Khashoggi.

Dowladda Sacuudiga ayaa lagama maarmaan ah inay fasax uga hesho iibinta dhulkaas Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, waxaana la aaminsan yahay sababta ay uga guureyso inay tahay sababo dhanka Amniga ah.

Saraakiil ka socotay Sacuudiga oo tagay Turkiga wax yar kadib dilkii Jamal ayaa warbixin farsamo oo ay soo saareen ku sheegay in aysan soo saari karin boorsooyinka ku jira Qunsuliyadda loona baahan yahay guri cusub.

Dowladda Sacuudiga ilaa hadda wax qunsul ah uma joogo Istanbul tan iyo dilkii jamal, balse waxay Safaaradda bixisaa adeegyada dal ku galka oo kaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul 
[email protected]

IMAARAADKA oo weli ka aamusan dhawaaqii Biixi iyo mas’uul sare oo ku wajahan

Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa weli wax jawaab ah ka bixin hadal uu dhowaan Madaxweyne Biixi ku sheegay in madaarkii Berbera ee saldhiga u ahaa Imaaraadka loo badelay mid ay isticmaali doonaan dadka shicibka ah.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale waxa uu isla dhowaan markale magaalada Burco ka sheegay ineyna ka bixin xukuumadiisu heshiiskii ay kula jirtay Dowladda Imaaraadka, balse ay wax iska badaleen qaabkii loo isticmaalayey madaarka, iyadoona ay wada isticmaali doonaan diyaaradaha shicibka ah iyo kuwa milatariga Imaaraadku.

Wakaaladda Reuters, ayaa sheegtay inay ku guul-dareysatay inay jawaab uga helaan dowladda Imaaraadka, hadalkaasi ka soo yeeray madaxweyne Biixi ee saldhiga Imaaraadka, kadib markii ay dowladda Imaaraadku ka jawaabi weysay email ay wakaaladu u dirtay.

Isbadel weyn ayaa ku yimid howl-galadii dowladda Imaaraadka Carabta ee dalka Yemen, sida ay aaminsanyihiin dadka falanqeeya arrimaha siyaasada, midaasi oo saameyn baaxad leh ku yeelatay qorshihii uu Imaaraadku ka lahaa saldhiga millateri ee Berbera.

Hadalka Madaxweyne Biixi ee ku aadan saldhiga Berbera ayaa u muuqda mid yimid kadib markii ay wada-hadal isla yeesheen dowladda Imaaraadka iyo xukuumadiisu, taasi oo la iskula qaatay in madaarka Berbera ay si wada-jir ah u isticmaalaan diyaaradaha rayidka iyo kuwa ciidamada Imaaraadkuba.

Heshiiska ay xukuumada Somaliland iyo dowladda Imaaraadka Carabtu wada galeen, ayaa dhigaya in dowladda Imaaraadku ay saldhigaasi Berbera isticmaasho muddo dhan 30-sanadood, heshiiskaasi oo qalinka lagu duugay waqtigii uu talada hayey madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo.

Dhinaca kale, waxa la filayaa in muddooyinkan soo socda uu socdaal aan la shaacin Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland ku tago dalka Imaaraadka Carabta, midaasi oo ilaa hadda si rasmiya loo ogeyn ujeedka ka dambeeya Safarkiisa.

Warar kale oo aan helayno ayaa sheegay in safarkaasi Madaxweyne Kuxigeenku uu Imaaraadka ku tagayo uu daba socdo safaro uu hore ugu tagay madaxweynaha Somaliland, iyadoona si gaara uga wada-hadli doonaan labada dhinaca isbadelka ku yimid heshiiskii madaarka Berbera ee Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Cabdishakuur Cali Mire oo weerar ku qaaday xisbiyadii shalay go’aanka soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo ka mid ah xildhibaannada sida aadka ah ugu dhow madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa weerar ku qaaday xisbiyada dalka.

Cabdishakuur Cali mire ayaa bartiisa twitter soo dhigay qoraal jawaab u ah war-murtiyeedkii shalay kasoo baxay xisbiyada ee looga soo horjeedo go’aanadii kasoo baxay shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee lagu soo geba-gebeeyey Dhuusomareeb.

“Xisbi ku sheegyada dalka oo horey u taageeray hanaankii doorashada aan dastuuriga iyo dimoqraadiga ahayn ee Jubaland ayaa hadda cambaareynaya shirka dib u heshiisiinta Galmudug” ayuu qoraakiisa ku yiri.

“Mowqifyadan is-burinaya waxa ay ka tarjumayaan laba wejiile-nimadooda iyo xeeladdooda ku dhisan fursadda un.”

Doorashada dhowaan ka dhaceysa Galmudug ayaa waxaa isku wajihi doona musharaxa Nabad iyo Nolol ee Qoor-Qoor iyo musharaxiin ka socda xisbiyada mucaaradka oo uu ugu cad-cad yahay Cabdiraxmaan Odowaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Sirdoonka Itoobiya, Kenya iyo Villa Somalia oo ka shiray arrinta Jubaland

0

Nairobi (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa heshay xog ku saabsan kulan natiijo la’aan ku soo dhamaaday oo toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaas oo u dhaxeeyay Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.

Kulankaan oo ku saabsanaa arimaha Jubbaland, ayaa waxaa yeeshay saraakiil ka tirsan hogaanka sirdoonka Itoobiya iyo kuwa Kenya iyo masuuliyiin ka tirsan Villa Somalia.

Dowladda Itoobiya ayaa kulankaan soo qaban qaabisay waxa uuna qorshuhu ahaa in wadahadal lagu dhameeyo xaaladda Jubbaland balse waxaa la sheegay in Kenya ay diiday in meesha laga saaro Axmed Madoobe, halka Itoobiya iyo Soomaaliya ay doonayeen in meesha wadahadal looga saaro Axmed Madoobe.

Saraakiishii ka socotay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kuwa Itoobiya u gudbiyay cabasho ka timid Madaxweynaha Soomaaliya oo aheyd, in Itoobiya aysan sidii lagu ballamay u wajihin xaaladda Jubbaland maalmihii ay socdeen dedaallada meesha looga saarayay Axmed Madoobe ee ka hor doorashadiisa.

Sirdoonka Itoobiya ayaa madaxdii Villa Somalia ka socotay u sheegay in aysan awoodin faragelin ciidan iyo mid siyaasadeed oo toos ah ama qaawan, maadaama ay goobtu joogto dowlad kale oo kala tirsan AMISOM islamarkaana ay aagaas iyadu ku qaran tahay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa diiday gabo gabadii shirka in uu qaabilo wafdi kasocda Kenya islamarkaana uu kala hadlo xaaladda Jubbaland.

“Kenya kalama hadlayo xaaladda gobol kamid ah Somalia waxaana degaanka ka qaadan doonaa wixii ay Soomaali heshiis ku tahay xalna u ah dalka” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo telephone kula hadlay wakiiladii shirka u joogay.

Maalin kadib markii uu shirkaan guul darrada ku soo dhamaaday, ayaa waxaa shir jaraa’id qabtay Madaxweyne Axmed Madoobe, isagoo ku goodiyay in xaaladda Jubbaland ay horseedi doonto bur bur iyo dib u dhac xoog leh, hadii aysan dowladda Soomaaliya qorshaheeda wax ka badalin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Odayaasha Mudulood oo madaxweyne Farmaajo hor-dhigay laba qodob oo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowr habeen ka hore waxa xafiiskiisa Villa Somalia ku qaabilay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka beelaha Mudulood, waxayna ka wada hadleen arrimo quseeyo Soomaaliya gaar ahaan gobalka Banaadir.

Kulankan ayaa odayaasha waxaa ku wehlinayay Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Odayaasha ayaa madaxweynaha kala hadlay laba qodob oo waa wayn, kuwaas oo ahaa digniin iyo wargelin, sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah odayaashii kulanka ka qayb-galay.

Madaxweynaha ayaa marka hore odayaasha waxay uga mahad-celiyeen magacaabistii taliyaha ciidamada xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, waxayna balan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan taliyaha Xoogga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhanka kale looga digay laba qodob kuwaas oo kala ah.

1) – In uu shaqadiisa u madaxbaneeyo guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, hadii ay dhici weysana laga dhaxli doono cawaaqib ay masuuliyadiisa qaadi doonto dowladda.

Odayaasha ayaa madaxweynaha u sheegay in guddoomiye Filish hadda uu wajahayo cadaadis iyo rabitaano is-diidan oo saameyn kuleh shaqadiisa iyo waajibka saaran, loona baahanyahay in culeeskaas laga qaado duqa cusub.

2) – Qodobka labaad oo ay odayaasha Madaxweynaha u sheegeen ayaa u muuqday hanjabaad, waxa uuna ahaa, in odayaasha Madaxweynaha u sheegeen in ay ka hortaagan yihiin umad dhan oo daashay,  islamarkaana caro ay buux dhaafisay wixii xiligaas ka dambeeyana aysan sii hortaagnaan doonin hadii aysan dowladda qorshaheeda wax ka badalin.

Arrimaha amniga iyo xirnaanshiyaha waddooyinka Muqdisho ayaa qayb ka ah waxyaabaha kulankaas looga hadlay, waxaana la sheegay in uu caadi ku soo dhamaaday oo ay dhinacyo is-fahmeen.

Lama oga sida uu ku dhaqan geli doono waxyaabaha ay ku wada hadleen madaxweynaha Soomaaliya, guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo odayaasha beelaha Mudulood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Donald Trump oo warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay danjiraha Somalia

0

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka Danjire Cali Shariif Axmed.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington DC ayaa Caasimada Online soo gaarsiisay war-saxaafadeed arrintaas ku saabsan. Hoos ka aqriso

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa aqabaaladda waraaqaha aqoonsiga ee uu Madaxweynaha Mareykanka Mudane Donald J. Trump kaga guddoomay Aqalka Cad danjiraha cusub ee Soomaaliya ee Washington Mudane Ali Shariif Axmed kaasoo loo igmaday inuu sii dardargeliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee tariikhiga ah, iskaashiga istaraatiijiyeed iyo wax wada qabsiga ee faa’iidada u leh labada dal.

Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay Dowladda Mareykanka u arkaan isbahaysi adag iyo saaxiib kaalin mug leh ka qaadanaya horumarka iyo hurosocodnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona Washington wuxuu hore usoo noqday Danjiraha dalalka Faransiiska, Itoobiya. Wuxuu sidoo kale ahaa Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika iyo Golaha Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA).

Marka laga soo tago waaya aragnimadiisa dhanka dowladda, Danjire Axmed wuxuu soo noqday maamule sare, ganacsade iyo la-taliye shirkado iyo hay’ado caalami ah. Danjirihu wuxuu Shahaadada 2-aad ka qaatay Jaamacadda Sussex ee dalka Ingiriiska, halka uu shahaada 1-aad uu ka qaatay Jaamacadda London Metropolitan ee isla dalkaas isaga oo ku takhasusay Culuumta Siyaasad-dagaleedka (Geopolitics) iyo Istiraatiijiyadda iyo sidoo kale Daraasaadka Nabadda iyo Khilaafaadka sida ay u kala horreeyaan.

Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoontahay in Danjire Axmed uu u gudan doono waajibaadkiisa shaqo isidii uu usii xoojin lahaa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo fursadaha casriga ah ay labada dhinac ka wada faa’iideysan karaan.

Sawirro: Lafta Gareen iyo Waare oo ballan qaad u sameeyey guddoomiye Filish

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xalay gurigiisa kulan gaar ah kula qaatay Madaxweyneyaasha maamullada HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Kulanka oo ahaa mid is xog wareysi ah ayaa inta badan diirada lagu saaray  wadashaqeynta gobolka Banaadir iyo maamulladaasi.

Ugu horreyn Madaxweyneyaasha Maxamed Cabdi (Waare) iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa uga mahadceliyey guddoomiyaha soo dhoweyntiisa.

Sidoo kale waxa ay u ballan qaadeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan maamulka uu hoggaamiyo ee gobolka Banaadir.

HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa muhiim u ah in maamulka gobolka Banaadir ay ka la shaqeeyaan amniga Muqdisho, maadaama ay daris la yihiin Caasimada.

Waa kulankii ugu horreeyey ee Cumar Filish uu la qaato mas’uuliyiintan, tan iyo markii dhowaan loo magacaabay xilkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasiir Sabriye oo faah-faahiyey dhismaha Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey doorkii wanaagsanaa oo ay ka qaateen shirkii Dib-u heshiisiinta ee Beelaha daga Dowlad Goboleedka galmudug.

Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in shirkii Dib-u-heshiisiinta ee magaaladda Dhuusamareeb uu ku soo xiray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si-wanaagsan ugu soo dhamaaday, iyadda oo laga gaaray guulo waaweyn.

Wasiirka ayaa Ergada kasoo qeyb gashay shirkii ee matalayey Beelaha Galmudug daga ay ka ogneyd inay xal waara ka gaareen deegaanadooda siddii dadku nabad u gaari lahaayeen iyaga oo wadajira, Intii uu socday shirka ayaa lagu guuleystay in ladhameeyo arrimo yar oo Beelaha qaarkood soo kala gaartay.

Madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayuu uga mahadceliyey sida ay uga qeyb qaateen arrinta Galmudug oo waqti badan ku bixiyeen.

Galmdug ayaa haatan wixii ka dambeeya waxaa isku diyaarineysaa Doorashadda Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa waxaasa kasii horeeya in lasoo xulo Baarlamaanka Dowlad Goboleedkaas oo mardhow ka biilan dooonta Dhuusamareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

Nin Haweeney si arxan darro ah u dilay oo la qabtay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Beledweyne ayaa gacanta ku soo dhigay nin Haweeney ganacsato aheyd ku dilay Mindi gudaha magaaladaasi.

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Ilyaas ayaa waxa ay iibineysay Qaad, xilliga la dilayey, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka dilka geystay iyo marxuumada uu muran soo kala dhexgalay, sidaasi uu ku dhawaacay, balse markii dambe ay ku geeriyootay isbitaalka.

Ninka dilka geystay oo isku dayey inuu baxsado ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Booliska ee ka howlgala magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha amniga oo ku aadan dilkaasi.

Dhacdadan oo argagax ku reebtay ehellada marxuumada Xaliimo Ilyaas ayaa dalbaday in si deg deg ah cadaaladda loo hor keeno ninkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

Barasaab ku-xigeenkii reer Somaliland ee Puntland ay xirtay oo war soo saaray

Hargeysa (Caasimada Online) ― Cabdiraxmaan Axmed Muuse (Suldaan), Badhasaab ku-xigeenka Somaliland ee gobolka Badhan, ayaa maanta ka hadlay xarig la sheegay inay ciidamada maamulka Puntland kula kaceen, isagoo ku sugan gudaha Badhan.

Badhasaabka oo maanta warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in xaalada guud ee goblkaasi ay tahay mid degan oo wanaagasan, isla markaana uu ka jiro nidaamkii maamul ee Somaliland.

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan dadyow qalalaase ka wada gudaha gobolkaas, balse ay socoto shaqadii ay u hayeen xukuumada Somaliland, wuxuuna yiri

“Gobolka Badhan waa nabad-galyo oo wuu fiican yahay, shaqadii iyo nidaamkii Maamulku illaa heer degmo si fiican buu uga socdaa, laakiin gobolka qolo qalalaase ka waddaa way jirtaa, aniga, Guddoomiyaha Gobolka iyo Shaqaalihii Gobolka, Maayarkii, ku-xigeenkiisii way joogaan oo si fiican baa looga shaqaynayaa”

“Waxaan sheegayaa war borobagaando ah oo qolo Laamiga ka timid (Puntland) ay meelihii wadeen, waxay Telefiishannadooda ka siidaayeen oo ay yidhaahdeen Badhasaab ku-xigeenkii Gobolka Badhan baanu xidhnay, beentu intay socotaaba way iska yar tahay”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Markaa wax alaale iyo wax ka jiraa ma jiraan warkaasi, Aniga xarig la ii geystayna ma jiro. Mar hadday yidhaahdeen waanu xirnay, bal ha sheegaan halkay igu siidaayeen”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Xisbiyada siyaasadda dalka oo qoraal 6 qodob ka kooban ku diiday shirkii Galmudug

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira ayaa walaac xoogan ka muujiyey qodobadii ka soo baxay shirkii dib -u-heshiisiinta beelaha Galmudug oo habeenimadii xalay lagu soo gabangabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug.

Xisbiyada oo si wadajir ah u soo saaray war saxaafadeed ayaa si weyn u dhaliilay qodobada qaar ee ku jira war murtiyeedkii soo baxay shirkii ku soo idlaaday Dhuusamareeb, kaas oo dowladdu ku sheegtay in ayadu ay soo dhisayso guddiga farsamada ee maamul dhisidda Galmudug, islamarkaana dowladda federaalka ay sameyso shuruudo iyo habraacyo adag oo lagu soo maraayo xulista xildhibaannada wakiilada Galmudug, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

Xisbiyada siyaasadda ayaa sheegay in qodobkaas iyo qodobo kale oo ku jira war murtiyeedkii soo baxay ay khilaafsan yihiin hanaanka federaalka, waxaa ayna ka digeen in doorashada dowlad gobaleedka Galmudug la afduubo.

Halkan hoose ka aqriso Qoraalka ka soo baxay Xisbiyada Siyaasada dalka

 

Farmaajo oo aqbalay dalabkii Ahlu-Sunna markii laga reebo hal qodob oo kaliya (Aqriso)

0

Dhuusamareeb-(Caasimada Online) – Kulan ay saxaafaddu dibad joog ka eheyd oo maanta magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray hoggaanka Ahlu-Sunna iyo madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo dhamaaday is fahmi waa, kadib markii sida la sheegay uu madaxweyne Farmaajo ka biya diiday aqbalidda qaar ka mid ah qodobadii ay soo hor dhigeen hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna.

Ahlu-Sunna ayaa madaxweynaha ka dalbatay qodobo ay ka mid yihiin in dowladdu ogolaato garaadaha saraakiishii Ahlu-Sunna, xildhibaano iyo lacag horay loogu balanqaaday, kuwaas oo aan wali loo fulin.

Farmaajo ayaa Ahlu-Sunna u ogolaaday in lasiiyo lagactii horay loogu balanqaaday loona qarameeyo garaadaha saraakiishoodii, balse waxa uu diiday in loo madax baneeyo saami ay ku yeeshaan xildhibaanada cusub ee uu yeelanayo maamulka Galmudug.

Kulankaas ayaa galabta kusoo dhamaaday natiijo la’aan iyadoo is mari waa dheer kadib lagu kala dareeray goobta, iyadoo Farmaajo markii uu kabaxay kulankaas uu duulay magaalada Dhuusamareeb, una hoyday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Dowladda federaalka ayaa horay Ahlu-Sunna ugu ogolaatay in ay 30 xildhibaan ku yeelato baarlamaanka cusub ee loo dhisayo maamulka Galmudug, balse balankaas looga baxay Ahlu-Sunna, kadib markii ay xukuumaddu ka baqdin ka muujisay cida ay codkooda siidoonaan xildhibaanada ka imaanaya Ahlu-Sunna.

Intiinii akhrisatay, horay waxaan idiin kugu soo gudbinay xog ay Caasimada Online ku ogaatay in dowladda federaalka ay ku dhalatay baqdin ku aadan 30-kii xildhibaan ee ku jiray heshiisiikii ay la gashay Ahlu-Sunna, isla markaana ay dowladdu qorsheynayso in Ahlu-Sunna xildhibaanadii loo balan qaaday lacag loogu badalo.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
[email protected]