25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xisbiyada siyaasadda dalka oo qoraal 6 qodob ka kooban ku diiday shirkii Galmudug

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira ayaa walaac xoogan ka muujiyey qodobadii ka soo baxay shirkii dib -u-heshiisiinta beelaha Galmudug oo habeenimadii xalay lagu soo gabangabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug.

Xisbiyada oo si wadajir ah u soo saaray war saxaafadeed ayaa si weyn u dhaliilay qodobada qaar ee ku jira war murtiyeedkii soo baxay shirkii ku soo idlaaday Dhuusamareeb, kaas oo dowladdu ku sheegtay in ayadu ay soo dhisayso guddiga farsamada ee maamul dhisidda Galmudug, islamarkaana dowladda federaalka ay sameyso shuruudo iyo habraacyo adag oo lagu soo maraayo xulista xildhibaannada wakiilada Galmudug, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

Xisbiyada siyaasadda ayaa sheegay in qodobkaas iyo qodobo kale oo ku jira war murtiyeedkii soo baxay ay khilaafsan yihiin hanaanka federaalka, waxaa ayna ka digeen in doorashada dowlad gobaleedka Galmudug la afduubo.

Halkan hoose ka aqriso Qoraalka ka soo baxay Xisbiyada Siyaasada dalka

 

Farmaajo oo aqbalay dalabkii Ahlu-Sunna markii laga reebo hal qodob oo kaliya (Aqriso)

0

Dhuusamareeb-(Caasimada Online) – Kulan ay saxaafaddu dibad joog ka eheyd oo maanta magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray hoggaanka Ahlu-Sunna iyo madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo dhamaaday is fahmi waa, kadib markii sida la sheegay uu madaxweyne Farmaajo ka biya diiday aqbalidda qaar ka mid ah qodobadii ay soo hor dhigeen hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna.

Ahlu-Sunna ayaa madaxweynaha ka dalbatay qodobo ay ka mid yihiin in dowladdu ogolaato garaadaha saraakiishii Ahlu-Sunna, xildhibaano iyo lacag horay loogu balanqaaday, kuwaas oo aan wali loo fulin.

Farmaajo ayaa Ahlu-Sunna u ogolaaday in lasiiyo lagactii horay loogu balanqaaday loona qarameeyo garaadaha saraakiishoodii, balse waxa uu diiday in loo madax baneeyo saami ay ku yeeshaan xildhibaanada cusub ee uu yeelanayo maamulka Galmudug.

Kulankaas ayaa galabta kusoo dhamaaday natiijo la’aan iyadoo is mari waa dheer kadib lagu kala dareeray goobta, iyadoo Farmaajo markii uu kabaxay kulankaas uu duulay magaalada Dhuusamareeb, una hoyday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Dowladda federaalka ayaa horay Ahlu-Sunna ugu ogolaatay in ay 30 xildhibaan ku yeelato baarlamaanka cusub ee loo dhisayo maamulka Galmudug, balse balankaas looga baxay Ahlu-Sunna, kadib markii ay xukuumaddu ka baqdin ka muujisay cida ay codkooda siidoonaan xildhibaanada ka imaanaya Ahlu-Sunna.

Intiinii akhrisatay, horay waxaan idiin kugu soo gudbinay xog ay Caasimada Online ku ogaatay in dowladda federaalka ay ku dhalatay baqdin ku aadan 30-kii xildhibaan ee ku jiray heshiisiikii ay la gashay Ahlu-Sunna, isla markaana ay dowladdu qorsheynayso in Ahlu-Sunna xildhibaanadii loo balan qaaday lacag loogu badalo.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

Taliyaha sirdoonka Angola oo SAFAR aan horey loo sii shaacin ku yimid Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho safar aan horey loo shaacin ku yimaaday Taliyaha Sirdoonka dalka Angola  Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa.

Barta Twitterka ee Hey’adda NISA ayaa lagu xaqiijiyey gelinkii dambe ee Maanta in Taliyaha Sirdoonka dalka  Angola  uu safar ku imaaday Muqdisho.

Hey’adda NISA ayaa sheegtay inuu Taliyaha dalkaas la kulmay Agaasimaha Hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Labada dhinac ayaa la sheegay inay ka wada hadleen xiriir labada Hey’adood iyo waxyaabo badan oo ku saabsan la dagaalanka Argagixisada.

NISA waxay sheegtay inuu Taliyaha Sirdoonka Angola uu ka faa’ideysanayey midka Soomaaliya khibradda dagaalka lagula jiro Argagixisada sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale labada Dhinac ayaa la sheegay inay ka wada hadleen qaraxii Computer-ka lagu soo xiray ee lala beegsaday Diyaaradda Daalo Airline, maadaama ninka qaraxa fulin rabay uu Ticketka kasoo jartay Shirkad Travel Agency oo xafiiskeeda yahay Caasimadda Angola ee Luanda

Maanta ayaa waxaa la xiray qeybo badan oo kamid ah jidadka Muqdisho, waxaana la qariyey safarka uu Taliyaha ku imaanayey Muqdisho sababo xagga Amniga ah, waxaana ammaankiisa sugayey ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Soomaaliya.

Sirdoonada dalalka Caalamka ayaa muddooyinkii dambe safaro qarsoodi ah ku imaanayey Magaalada Muqdisho kadib isbadaladii ka dhacay Hey’adda NISA.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

Xog: Jabhad kasoo horjeeda xukuumada Muuse Biixi oo ka dillaacday gobolka Awdal

Boorama (Caasimada Online) ―  Xogo kala duwan oo ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in Jabhad cusub oo ka soo horjeeda xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, ay ka dilaacday deegaanka Dilla ee gobolka Awdal.

Jabhadan ayaa waxa naloo xaqiijiyey inay gabaad ka dhiganayso deegaanadaasi, kuwaasi oo wada dad urursi iyo dar-dar gelin dagaalo ka dhana xukuumada Biixi, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen dad deegaanka ah.

Jabhadan oo weli si rasmiya loo ogeyn magaca iyo hal ku dhiga ay kula dagaalami doonaan xukuumada Somaliland, ayaa haddana waxa la dareemaya dar-darta ay ka wadaan deegaankaasi, kuwaasi oo laga cabsi qabo in ay gacan saar hoose la leeyihiin Jabhada Korneyl Caare ee ka dagaalanta gobolada Bariga Somaliland.

Sida ay Caasimada Online ku helayso Xogta Jabhadan ayaa waxa ay daba socotaa Jabhad kale oo hore uga jirtay gobolka Awdal, taasi oo uu hogaamin jirey Suldaan Wabar, midaasi oo iyadu dib u soo rogaal celisay sida ay noo xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

Jabhadii Suldaan Wabar ayaa iyaduna waxa la sheegaya in hadda ku sugan-yihiin deegaanka u dhow xuduuda gobolka Awdal ee Harawo, halkaasi oo iyaguna ka wadaan rogaal celin xoogan oo ay dib ugu bilaabayaan dagaalkii ay kula jireen xukuumada Somaliland.

Dhinaca kale, Taliyaha qaybta gobolka Awdal, Gaashaanle-Sare Axmed Maxamed Guutaale oo kulan looga hadlayey Arrimaha Amaanka gobolka Awdal, waxa uu si hoose ugu sheegay Odayaashii dhaqanka iyo Gudida wanaag farista oo kamid ahaa xubnaha ka soo qeyb galay kulankaasi, in xaalada Amaanka gobolku ay hadda mareyso meel xasaasiya.

Taliyaha oo amray in qaar kamid ah suxufiyiinta in dibeda looga saaro hoolka shirka, isla markaana intii kale ku sugneed goobtana lagu amray inay damiyaan dhamaan qalabka isgaarsiinta iyo kuwa wax lagu duubaba, wuxuuna xaqiijiyey inay ka cabsi qabaan in Jabhado badani ka dilaacan gobolka Awdal oo muddooyinkii u dambeeyay la daala dhacayey rabshado ka dhana amniga.

Arimahani oo dhan ayaa ku soo beegmaya xili ay gobolka Awdal ka taagan-yihiin xiisad colaadeed oo u dhaxeysay labo beelooda oo ka soo kala jeeda Beelaha Samaroon iyo Ciise, kuwaasi oo dagaal shalay ku dhex maray gudaha gobolka uu sababay dhimashada hal qof oo kamid ah labadaasi beel.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama

Xog: Xulista xildhibaanada GALMUDUG oo ka socota hoteello ku yaal Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si xooli ah uga socdo xulista Xildhibaanada cusub ee la doonayo in loo sameeyo Maamulka Galmudug.

Howshaan oo ay wadaan Xildhibaano si weyn ugu dhow madaxda Dowladda Federaaka Soomaaliya ayaa waxay ka socotaa Hoteelo ku yaalo Magaalada Muqdisho.

Inta badan Xildhibaanada ayaa la diyaariyey, waxayna durba bilaabeen inay kulamo la qaataan musharaxa ay Dowladda wadato ee Ahmed Abdi Kaariye (Qoor Qoor) .

Dadka doonayo inay Xildhibaano noqdaan ayaa waxay safaf dhaadheer ugu jiraan Xildhibaanada ay Dowladda Soomaaliya u wakiilatay Dhismaha Galmudug kuwaas oo kala jeedo deegaanada Galmudug.

Sida aan xogta ku helnay ilaa hadda waxaa lasoo xulay ilaa 89 xildhibaan oo liiskooda lagu wareejiyey Musharaxa Dowladda ay wadato ee Ahmed Abdi Kaariye (Qoor Qoor) .

Arrintaan ka socoto Muqdisho ayaa niyad jab ku riday musharixiinta kale ee u taagan xilka madaxweynimo ee maamulka Galmudug maadaama ay dowladda soo xulaneyso dad ay ku kalsoon tahay oo dooran doono Qoor Qoor.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an inay xilka madaxweynimo ee Galmudug u dhiibto shakhsiga ay iyada rabto sidii ay dhawaan ka sameysay doorashadii ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ahlu-Sunna iyo madaxweyne Farmaajo oo isku haya 3 qodob oo xasaasi ah

0

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Kulanka xasaasi ah ayaa wuxuu Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug wuxuu ku dhex maray madaxweye Maxame Cabdullaahi farmaajo iyo Hoggaanka Ahlu Sunna.

Kulanka oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo dhisi lahaa Maamulka Galmudug loona qancin lahaa dhammaan dhinacayda kala duwan ee Deegaanada Galmudug.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay dalacsiinta Ciidamada Ahlu Sunna iyo tirada Xildhibaanada ay dalbeen Ahlu Sunna in laga siiyo xildhibaanada Galmudug.

Sida aan xogta ku helnay kulanka ayaa waxaa xooga lagu saaray ilaa seddex qodob oo kala ah:

  1. In darajooyinka dhiman ee ciidanka Ahlu-Ssuna la dhameystiro.
  2. In Galmudug iyo Dowladda ay si wadajir ah u magacaabaan guddiga doorashada Galmudug
  3. Iyo in Ahlusuna la siiyo 30 xildhibaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Ahlsuna ku qanciyay in dowladda iyo Galmudug ay si wadajir ah u magacaabi doonaan guddiga doorashada.

Illo wareedyo ku dhow dhow Madaxweynaha ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey in la isku fahmi waayey labada qodob ee kale.

Hoggaanka Ahlusuna ayaa weli ku doodaya in qodobada waa  weyn oo caqabad ku ah dowladda Fedraalka Soomaaliya, halka dowladana ay isku dayayso sidii ay u qancin laheyd Ahlusuna.

Lama oga go’aanka ugu dambeeya ee ka soo bixi doono dowladda Soomaaliya iyo Hoggaanka Ahlusuna, kaasi oo ku aadan qodobada qaar oo weli lagu murunsan yahay.

Xalay waxaa Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug lagu soo geba-gabeeyay Shirka dib u heshiisiinta beelaah dega deegaannada Galmudug,shirkaas oo socday mudo ka badan 10 Cisho,waxaana soo xiray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray 7 Qodob oo xasaasi ah oo ku saabsan sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan iyo sidii dadka ku nool deegaannada Galmudug uga tashan lahaayeen aayahooda, iyada oo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

War-murtiyeedka shirka Galmudug oo ay ku jiraan qodobo awood siiyey DF

0

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Xalay waxaa Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug lagu soo geba-gabeeyay Shirka dib u heshiisiinta beelaah dega deegaannada Galmudug,shirkaas oo socday mudo ka badan 10 Cisho,waxaana soo xiray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray 7 Qodob oo xasaasi ah oo ku saabsan sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan iyo sidii dadka ku nool deegaannada Galmudug uga tashan lahaayeen aayahooda, iyada oo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qodobada war murtiyeedka ku qoran ayaa ka mid ah:

  1. in beelaha Galmudug ay si shuruud la’aan ah ay u dhistaan Dowlad Goboleed loo dhan yahay.
  2. in dowlada federalka agaasinto dhistana dowlad goboleed loo dhan yahay oo ay Galmudug yeelato.
  3. in khilaafaadka ka jira deegaanada Galmudug xalinteeda ay la wareegto dowlada cusub ee la dhisayo.
  4. in dib u eegis lagu sameeyo hannaankii lagu dhisay maamulka galmudug sanadkii 2015, wixii qaldamayna la saxo iyo qodobo kale.

Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameystiran

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

Xiisad dagaal oo ka taagan Boorama iyo dhaawac la geeyey isbitalka magaalada

Boorama (Caasimada Online) ― Xog ay Caasimada Online heshay ayaa sheegaysa in hal qof oo dhaawac culus ahaa oo shalay la keenay Isbitaalka Masaarida ee magaalada Boorama uu maanta geeriyooday.

Sida Caasimada Online ogaatay Marxuumkan maanta geeriyooday oo lagu magacaabo Xasan Muumin Muuse Suldaan, ayaa waxa uu ku dhaawacmay iska hor imaad culus oo shalay u dhaxeeyay beeshiisa iyo beel kale oo ku muran-saneed dhul.

Labadan beel ayaa ku dagaalamayey dhul daaqsimeed iyo beero ku yaala deegaanka Dhanaane oo u dhexeeya degmooyinka Xariirad iyo Geerisa ee gobolka Awdal, midaasi oo qiyaastii 80-KM dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Boorama.

Labadan beelood ee shalay isku fara-saaray gudaha gobolka Awdal ayaa waxay ka soo kala jeedaan Beelaha Samaroon iyo Ciise, kuwaasi oo muddo labo maalmood ahba ku dirirsanaa deegaankaasi.

Marka laga yimaado qofka dhaawaca ah ee maanta ku geeriyooday Isbitaalka, ilaa hadda si dhaba looma xaqiijin karo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay iska hor imaadka, iyada oo la filo karo in saacadaha soo socda ay xiisada labada beel kor u kacdo, midaasi oo sababi karta khasaare baaxad leh.

Iska hor-imaadka beelahan oo ah mid dhowr goor soo noq-noqotay labadii sano ee u dambeeyay, ayaa waxay u muuqata mid ay xukuumada Somaliland iyo maamulka gobolka Awdal ka gaabiyeen doorkii ay ku lahaayeen dejinta xiisada labadaasi beel.

Waxaana xusid mudan in labada beel ee ku muransan deeganadaasi ay labadoodaba u haystaan sharciyo ay u sameysay dowladda hoose, midaasi oo soo if-bixinaysa musuq-maasuqa iyo wax is-daba marinta ka taagan dowladaha hoose ee degmooyinka gobolka Awdal.

Si kastaba, Mid kamid ah ehelkii Marxuumkaasi maanta ku geeriyooday Isbitaalka Masaarida ee Boorama, oo la hadlay Caasimada Online ayaa ku hanjabay inay qaadi doonan talaabo culus oo jawaab adag u noqota weerar uu ku sheegay inay jabhad hubeysani ku soo qaaden.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama
[email protected]

Cabdirashiid Xidig oo ku dhowaaqay arrin cusub oo ay ka sameynayaan Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed (Xidig) oo sheegta in taageerayaashiisa ay u doorteen Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ay diiwaangelin doonaan dadkii lagu dilo ama lagu dhaawaco magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Xidig ayaa sheegay in mar uun cadaalada la horkeeni doono kooxaha dilalka ka fuliya magaaladaasi iyo cidkasta oo gacan ka geysata.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay hayaan magacyada, sawirrada iyo xaafadaha ay ka yimaadeen ragga geystay dilalkii ugu dambeeyey, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale waxa uu shaaciyey in xubnaha isbedal doonka ahi ay markasta la kulmaan hanjabaadyo joogta ah, basle aysan ka tanaasuli doonin fikirkooda.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan magaallo xeebeedka Kismaayo lagu dhaawacay, Nabadoon Axmed Jaamac (Qalyar) oo soo noqday guddoomiihii golaha la magac baxay badbaadada Jubbaland, inkastoo markii dambe uu isaga baxay golahaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Hogaamiyaha Daacish oo shaaciyey arrin Mareykanka ku qabsatay gudaha Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha guud ee ururka Daacish, Abuubakar Al-Baqdaadi oo soo duubay cod maqal ah ayaa ka hadlay howlgalladdii ugu dambeeyey ee ay kooxdu ka fulisay wadama dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Al-Baqdaadi ayaa inta badan khudbaddiisa diirada kuu saaray dagaalka ay kula jiraan dalalka reer Galbeedka, gaar ahaan Mareykanka.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in Mareykanka lagu jabiyey dalalka Somalia, Afghanistan, Pakistan, Iraq bartamaha Afrika, bariga Aasiya iyo waqooyiga Yemen.

Waxa kale uu sheegay in kooxdiisu ay sii xoogeysaneyso islamarkaana ay guullo ka soo hoyday dagaalladii ugu dambeeyey, sida uu hadalka u dhigay.

Dhowan warbixin ka soo baxday Congress-ka Mareykanka ayaa lagu sheegay in awooda Daacish ay ku sii xoogeysnyeso dalalka Syria iyo Iraq.

Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya ayaa ku xoogan dhulka buuraleyda ee Puntland, gaar ahaan gobolka Bari ee maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xiisad ka taagan Kismaayo iyo C/naasir Seeraar iyo Xidig oo qaaday tallaabo cusub

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Xiisad colaadeed cusub ayaa ka taagan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland, taasi oo u dhaxeysay saddexda madaxweyne ee isku haysta hoggaanka maamulka Jubaland.

Wararka aan ka heleyno magaalada ayaa sheegaya in siyaasiyiinta Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar, oo sheegtay madaxweynenimada Jubaland, ay magaaladaasi ka wadaan hub urursi iyo qorista ciidamo beeleed daacad u ah.

Abaabulka siyaasiyiintan ayaa yimid kadib hadal uu dhawaan warbaahinta ka sheegay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ahaa in aanu u dulqaadan doonin in Kismaayo ay ku sugnaadaan rag sheeganaya madaxweyne-nimada jubbaland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xidig iyo Seeraar kulan ay ku yeesheen Kismaayo ay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid yihiin, in mid kasta uu si gooni ah u sameysto ciidamo difaaca. Seeraar oo markii hore ciidan xooggan lahaa ayaa sii kordhiyey qorista ciidamadiisa.

Waxaa sidoo kale heshiiska qeyb ka ah, qodob kale oo sheegaya in haddii midkood ay ciidamada Jubaland ee Axmed Madoobe ka amar qaata ay weerar ku soo qaadaan, ay isu gurmadaan oo ay is caawiyaan.

Xiisaddan cusub ayaa imaneysa ayada oo weli aanay miro-dhalin wada-hadallo u socday ergo matalaysa Axmed Madoobe iyo Seeraar, oo la doonayey in Seeraar lagu qanciyo inuu magaalada isaga baxo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Dr. AXMED CALI DAAHIR oo weerar culus ku qaaday hay’adda socdaalka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer-ilaaliyaha qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa eedeyn u jeediyay hey’adaha socdaalka iyo dambi barista dalka, isagoo shaaca ka qaaday ajaanib kol hore amarkiisa looga tarxiilay dalka, kuwaas oo ka mid ahaa madaxda shirkadda maamusha garoonka Muqdisho ee Favori.

Axmed Cali Daahir ayaa shalay qeyb galay shir ku saabsanaa isku xirka howlaha hey’adaha u xilsaaran maareynta Irdaha laga soo galo dalka ama Bar-xuduudeedyada oo uu guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ka furay magaalada Muqdisho.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in wax is daba marsiis badan uu ka dhex jiro hey’adaha ku shaqada leh xuduudaha dalka si gaar ah garoonka Muqdisho, bixinta baasaboorka iyo dambi barista.

Waxa uu sheegay in maalin kasta ay soogaaraan kiisas waa weyn oo ay baabi’iyaan laamaha kala duwan ee hey’adaha socdaalka iyo dambi barista dalka, sida uu aaminsanyahayna bil kasta la-baabi’iyo ugu yaraan kun dambi, taasina ay hoos u dhigi karto kalsoonida lagu qabo xuduudaha laga soo galo dalka.

Intii uu hadlayey ayuu soo hadal qaaday labo nin oo u kala dhashay dalalka Turkiga iyo Ugaanda oo iyagoo ka tiinadaysan uu sheegay in laga tarxiilay garoonka Aadan-Cadde, kuwaas oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta ugu sareeyay shirkadda Favori ee maamusha garoonka Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Agaasimihii xiligaas ee hey’adda socdaalka oo ahaa Cabdullahi Gaafow uu uga soo dacwooday labadaas nin oo jabiyay sharyada lagu joogo dalka.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in nin iyagoo ka tiinadeysana uu ka dhoofiyay garoonka Muqdisho, waxuuna faray hey’adda socdaalka in sidaas oo kale bilaa maxkamad ay u tarxiili karto ajaanibta ku xad-gudubta sharciga dalka.

Hadalka Xeer-ilaaliye Axmed Cali Daahir ayaa ku soo aadaya iyadoo muddo todobaad ah hakad la galiyay bixinta baasaboorka Soomaaliya, sidoo kalana horay muddo seddax maalmood ah hakad loo galiyay howlaha hey’adda dambi barista booliiska Soomaaliya ee CID-da.

Marka laga soo tago eedeynta Axmed Cali Daahir waxaa ka jira hey’adahaas musuq maasuq iyo wax is daba marin xarkaha goostay, mana jirto cid wali isku howshay in laga taqaluso.

Hoos ka dhageyso codka Xeer-ilaaliyaha:-

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

SACIID DENI oo ka digay qorshe ay damacsan yihiin madaxda DF Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi (Deni) oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka la filayo in ay dhacaan 2020, illaa 2021-ka

Ugu horreyn Deni ayaa ka digay in madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay sameystaan muddo kororsi aan lagu heshiin.

Waxa kale uu sheegay haddii ay dhacdo arrintaasi in ay dalka u horseedeyso dib u dhac, sida uu hadalka u dhigay.

“Labo sano iyo badh kaddib ma hayno hannaan doorasho, waase rajeynaynaa, dalku waqti kororsi kama bixi karo, Soomaalidu waxa keliya ee haatan ay heshiis ku tahay waa in afartii sanoba mar doorasho dhacdo ilaa burburkii”. ayuu yidhi Siciid Deni.

Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in dowladda dhexe ay waajib ku tahay in waqtigii loo asteeyey ay ku qabato doorashooyinkasi.

Dhowaan ayey aheyd markii xildhibaan ka tirsan golaha shacabka uu shaaciyey in baarlamaaka uu doonayo muddo kororsi, waxaana uu xusay in arrintaasi oo mar marsiiyo looga dhigayo arrimo amni uu ka shaqeynayo guddiga diyaarinta sharciga doorashooyinka.

Doorashada 2020-ka oo lagu heshiiyey inay noqoto qof iyo cod ayaa haatan waxaan muuqan dadaalkii loo baahnaa, si loo qabto doorashadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Dibadbax ka dhan ah shirkii Dhuusamareeb lagu soo xiray oo ka dhacay Cadaado

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Banaanbaxan oo ahaa mid ballaaran, islamarkaana looga soo horjeeday shirkii dib u heshiisiinta ee xalay lagu soo gabagabeeyey Dhuusamareeb ayaa saaka ka dhacay gudaha magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduuud.

Dibadbaxa ayaa waxaa ka qeyb galay dadweyne aad u fara badan, kuwaas oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay Caaasimada Online ayaa dowladda dhexe ka dalbaday in ay cadeyso maqaamka magaalada Cadaado, maadaama shirkii dib u heshiisinta lagu qabtay Dhuusareeb, sidoo kalena doorashada ay ka dhaceyso gudaha magaladaasi.

Shalay odayaasha beesha Cadaado oo kulan yeeshay ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in uu fuliyo ballamihii uu la galay 21-kii Maarso ee 2018-kii oo kala ahaa:

1 – In uu fuliyo balantii uu ka qaaday ee ahaa in xarunta baarlamaanka Galmudug ay noqoto magaalada Cadaado.
2 – In doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug lagu qabto magaalada Cadaado.

Banaanbaxa maanta ka dhacay Cadaado ayaa ku soo aadaya, iyadoo xalay Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in loo gudbay wejiga labaad ee dhismaha Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

Sawirro: Farmaajo oo soo xiray shirka Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa ku dhawaaqay in loo gudbay wajigii labaad ee qorshaha dhammaystirka dhismaha maamul mideysan oo hana qaada, kana tarjuma hiigsiga iyo himilada bulshada Deegaannada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka mideysan ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee horseeday qabanqaabada iyo qabsoomidda Shirweynahan, isaga oo ku ammaanay bulshada, waxgaradka iyo haldoorka deegaannada Galmudug biseylka ay muujiyeen iyo in ay wadajir ugu istaageen ka mira-dhalinta fursaddan taariikhiga ah.

“Dib-u-heshiisiinta aan bilihii la soo dhaafay ku hawllanayn caawa ayaynu wada aragnaa mira-dhalkeeda. Geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta oo ina gaarsiinaya in aan u gudubno wajiga labaad ee soo xulista iyo dhisidda maamul sal adag leh oo Galmudug ay yeelato.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u ballanqaaday shacabka reer Galmudug in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la garab taagan tahay taageero joogto ah iyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen himiladooda iyo horumarka ay hiigsanayaan.

Madaxweynaha ayaa dhaqanka, dhallinyarada, culimada, ganacsatada, haweenka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug ugu baaqay inay midoobaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si loo helo Galmudug mideysan, horumarsan, barwaaqo ah oo ay bulshadeedu si nabad ah u wada nool yihiin.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali iyo Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo dhammaantood kaalin mug leh ka qaatay qabsoomidda iyo guul ka gaaridda Shirweynahan.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

Mid ka mid ah afarta beel ee ugu weyn 4.5 oo diiday doorasho qof iyo cod ah

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Beesha Digil iyo Mirifle oo ah mid ah afarta beel ee ugu weyn ee nidaamka 4.5 ayaa maanta ku dhowaaqday go’aan la xiriira doorashada xigta ee ka dhaceysa Soomaaliya.

Odayaasha beeshan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa shaaca ka qaaday inay kasoo horjeedaan in la qabto doorasho qof iyo cod ah, sida marar badan la sheegay.

Waxay sheegayaan inay doonayaan in lasii wado hab awood qeybsiga ku dhisan 4.5 ee beelaha.

Odayaasha ayaa sheegay inaysan waxba ka qabin haddii doorasho qof iyo cod ah la qabto, balse la xaqiijinayo in beel kasta oo ka mid ah afarta beel ay heleyso 61-ka xildhibaan ee ay ku leedahay baarlamanka

Beelaha Koonfur Galbeed ayaa soo jeediyey in marka hore la sameeyo tiro-koob rasmi ah, si loo xaqiijiyo in beel walba ay wax ku hesho tiradeeda, balse ayada oo aanay taas dhicin aan la qabin karin doorasho qof iyo cod ah.

Odayaasha ayaa ka digay in sad-bursi lagu sameyn karo doorashada la sheegayo inay tahay qof iyo cod, oo sida ay sheegeen la rabo in degmooyin aanay dad badan deganeyn lala simo degmooyin ay ku nool yihiin boqolaal kun oo qof.

Hoos ka dhageyso odayaasha oo la hadlay idaacadda VOA

Caasimada Onlien
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

Daawo: Sida madaxweyne Farmaajo maanta loogu soo dhoweeyey Dhuusomareeb

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Cali Xasan Shaakir ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey madaxweyne Farmaajo oo uu safarka ku wehliyey madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Waxaa sidoo kale wafdiga madaxweynaha soo dhoweeyey wasiirka amniga iyo gudaha ee Xukumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlaamka Soomaaliya siyaasiyiin iyo dadweyne.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu soo xiro shirka dib u heshiisiinta beelaha dega maamulka galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud.

Saldhiggii Berbera wuxuu raacay isbedalka Imaaraadka ee dhinaca istaraatiijiyadda

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay hadalkii Madaxweynaha Somaliland ee uu dhowaan ku shaaciyay in Madaarkii Berbera uu noqon doono mid ay adeegsadaan dadka shicibka ah.

Waddani ayaa sheegay in is-bedel weyni ku yimid Istaraatijiyadii Imaaraadka, midaasi uu ku macneeyay in dantii uu Berbera ka lahaa ay wax weyn iska badaleen, sidaasina uu ku yimid hadalka Madaxweyne Biixi.

Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Khadar Xuseen Cabdi oo warbaahinta la hadlayey ayaa waxa uu sheegay in Xukuumada Kulmiye ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi looga baahanyahay inay dadweynaha reer Somaliland si cad ugu sharaxdo waxyaabihii iska badalay heshiiskii ay hore ula galeen dowladda Imaaraadka Carabta.

Xoghayaha ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Madaxweynaha looga fadhiyo in uu banaanka keeno heshiiskaasi oo uu sheegay in mad-madow badan uu hore ugu jiray, isla markaana loo baahanyahay in madowga laga saaro haddii wax ka badal lagu sameeyay, wuxuuna yiri

“Heshiis beynu Imaaraadka ku wada jirnay, heshiisku siduu doonaba ha ku bilaabmo, wuxuu ahaa in Madaarka Berbera uu saldhig Millateri u noqdo dowladda Imaaraadka, markaa arrintaasi maxa iska badalay, ma dhankeena ayey wax iska badaleen?, mise dhanka dowladda Imaaraadka iska badaleen?, sidey wax u jiraa?, su’aalo faro badan bey u baahantahay oo ay tahay in dowladda iyo madaxweynuhu ay ka jawaaban”.

“Sida muuqata Isbedel xagga istaraatijiyada oo siyaasiyan ah oo Imaaraadka ayaa jiraa, weyna cadahay. Siyaasadii arrimaha dibeda ee Imaaraadkuna waxay wadaa dibu qaabeyn, midaasi oo saameyn ku yeelanaysa danihii ay hore u lahaayen dowladda Imaaraadku”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Isbadelada Istiraatijiga Imaaraadka ayuunba u muuqda in uu arrintana qeyb ka yahay, oo saameyn ku leeyahay. Innaguna haddii aan iskala daala dhaceyno oo aynu mareyno halka ay marto dabaysha danaha dalalka kale, waxay ku fiicneed ugu yaraan in dadka ay u sharaxaan sida ay wax u dhaceen, midaasi oo ah waajib ay ku leeyihiin Madaxweynaha”.

“Waa in dib loo eego Heshiiskii oo dadka loo sharaxo, loona sheego, oo ayna sanduuq madow ku jirin, sidii uu markii horeba uu sanduuq madow ugu jiray, oo himikana aan lagaga bixin sanduuqii madoowa ee heshiisku ku jirey, waa in dadka loo sheega haddii uu wax iska badalay heshiiskaasi”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Beesha Cadaado oo shaaca ka qaaday laba arrin oo uu Farmaajo u ballan-qaaday oo ay doonayaan in la fuliyo

0

Cadaado (Caasimada Online) – Odayasaha iyo waxgaradka beesha magaalada Cadaado oo maanta kulan yeeshay ayaa baaq iyo farriin u diray madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo inuu tago magalada Dhuusamareeb, islamarkaana uu soo xiro shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa madaxweyne Farmaajo waxaa ay ka dalbadeen laba qodob oo kala ah:

1 – In uu fuliyo balantii uu ka qaaday ee ahaa in xarunta baarlamaanka Galmudug ay noqoto magaalada Cadaado.
2 – In doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug lagu qabto magaalada Cadaado.

Sidoo kale odayaasha iyo waxgaradka beesha Cadaado ayaa markale waxaa ay ku celiyeen inaysan qeyb ka aheyn shirka Dhuusamareeb, islamarkaana aysan ka qeyb-galeen doorashada Galmudug ilaa iyo inta laga fulinayo dalabkooda.

Waxgaradka iyo odayaasha ayaa sheegay in aysan kasoo horjeedin dowladnimada iyo dhismaha Galmudug, hase yeeshee ay dalbanayaan balantii madaxweyne Farmaajo uu ballan qaaday, xilli uu ku sugnaa magalada Cadaado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 21-kii bishii Maarso ee sanadkii 2018 waxa uu magaalada Cadaado u magacaabay inay noqoto xarunta baarlamanka Galmudug.

Hoos ka dhageyso codadka qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxkamadda sare ee Kenya oo qaaday tallaabadii ugu horreysay ee Kenya ay uga baxeyso kiiska ICJ ee badda

0

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa 7-da October u mudeysay inay dhageysato codsi raadinaya in dowladda Kenya laga joojiyo inay  ka qeyb-qaadato kiiska horyaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee badda Soomaaliya.

Codsigan oo ay diiwaan-geliyeen 20 qareen oo Kenyan ah oo uu hoggaaminayo Kiriro Wa Ngugi ayaa ah isku daygii ugu dambeeyey ee Kenya ay uga baxsaneyso kiiska maxkamadda ICJ.

Garsoorayaasha maxkamadda sare ee Kenya, Kanyi Kimondo, Robert Limo iyo Antony Mrima aya asidoo kale ku dhowaaqay in 9-ka iyo 10-ka October ay yihiin maalmaha sidoo kale la dhageysan doono kiiska.

Qareen Kibe Mungai ayaa doonaya in maxkamadda sare ay go’aan gaarto ka hor 4-ta bisha November,  oo la waqtiyeeyey in maxkamadda ICJ ay dib u dhageysato kiiska Soomaaliya iyo Kenya.

Qareenada kisikan wada ayaa sidoo kale doonaya in maxkamadda sare ay dowladda Kenya ka joojiso inay u hoggaansato go’aan kasta oo kasoo baxa maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda.

Ma cadda go’aanka kasoo bixi doono maxkamadda sare ee Kenya, hase yeeshee dadka qaar ayaa rumeysan in qareenada kiiska gudbiyey iyo dowladda ay is og yihiin, islamarkaana xukuumadda  Uhuru ay raadineyso cudur-dara ay uga baxdo kiiska ICJ.

Toddobaadkii tagay, maxkamadda ICJ ayaa aqbashay codsiga Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo si ay u qorato qareeno cusub, hase yeeshee waxay diiday waqtigii ay Kenya dooneysay ee ahaa sanadkan waxayna ogolaata kaliya laba bil.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa dhowaan sheegtay in Kenya ay ku dadaali doonto in ka hor maxkamadda ay Soomaaliya la gaarto heshiis ka baxsan maxkamadda.

“Arrinta maaha wax caddaan iyo madow ah. Xal kasta oo waara waa inuu noqda amid laba dhinac ah. Waxaan doorbideynaa heshiis laga wada-xaajoodo” ayey tiri Monica Juma.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]