25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Daawo: Sida madaxweyne Farmaajo maanta loogu soo dhoweeyey Dhuusomareeb

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Cali Xasan Shaakir ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey madaxweyne Farmaajo oo uu safarka ku wehliyey madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Waxaa sidoo kale wafdiga madaxweynaha soo dhoweeyey wasiirka amniga iyo gudaha ee Xukumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlaamka Soomaaliya siyaasiyiin iyo dadweyne.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu soo xiro shirka dib u heshiisiinta beelaha dega maamulka galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud.

Saldhiggii Berbera wuxuu raacay isbedalka Imaaraadka ee dhinaca istaraatiijiyadda

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay hadalkii Madaxweynaha Somaliland ee uu dhowaan ku shaaciyay in Madaarkii Berbera uu noqon doono mid ay adeegsadaan dadka shicibka ah.

Waddani ayaa sheegay in is-bedel weyni ku yimid Istaraatijiyadii Imaaraadka, midaasi uu ku macneeyay in dantii uu Berbera ka lahaa ay wax weyn iska badaleen, sidaasina uu ku yimid hadalka Madaxweyne Biixi.

Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Khadar Xuseen Cabdi oo warbaahinta la hadlayey ayaa waxa uu sheegay in Xukuumada Kulmiye ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi looga baahanyahay inay dadweynaha reer Somaliland si cad ugu sharaxdo waxyaabihii iska badalay heshiiskii ay hore ula galeen dowladda Imaaraadka Carabta.

Xoghayaha ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Madaxweynaha looga fadhiyo in uu banaanka keeno heshiiskaasi oo uu sheegay in mad-madow badan uu hore ugu jiray, isla markaana loo baahanyahay in madowga laga saaro haddii wax ka badal lagu sameeyay, wuxuuna yiri

“Heshiis beynu Imaaraadka ku wada jirnay, heshiisku siduu doonaba ha ku bilaabmo, wuxuu ahaa in Madaarka Berbera uu saldhig Millateri u noqdo dowladda Imaaraadka, markaa arrintaasi maxa iska badalay, ma dhankeena ayey wax iska badaleen?, mise dhanka dowladda Imaaraadka iska badaleen?, sidey wax u jiraa?, su’aalo faro badan bey u baahantahay oo ay tahay in dowladda iyo madaxweynuhu ay ka jawaaban”.

“Sida muuqata Isbedel xagga istaraatijiyada oo siyaasiyan ah oo Imaaraadka ayaa jiraa, weyna cadahay. Siyaasadii arrimaha dibeda ee Imaaraadkuna waxay wadaa dibu qaabeyn, midaasi oo saameyn ku yeelanaysa danihii ay hore u lahaayen dowladda Imaaraadku”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Isbadelada Istiraatijiga Imaaraadka ayuunba u muuqda in uu arrintana qeyb ka yahay, oo saameyn ku leeyahay. Innaguna haddii aan iskala daala dhaceyno oo aynu mareyno halka ay marto dabaysha danaha dalalka kale, waxay ku fiicneed ugu yaraan in dadka ay u sharaxaan sida ay wax u dhaceen, midaasi oo ah waajib ay ku leeyihiin Madaxweynaha”.

“Waa in dib loo eego Heshiiskii oo dadka loo sharaxo, loona sheego, oo ayna sanduuq madow ku jirin, sidii uu markii horeba uu sanduuq madow ugu jiray, oo himikana aan lagaga bixin sanduuqii madoowa ee heshiisku ku jirey, waa in dadka loo sheega haddii uu wax iska badalay heshiiskaasi”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Beesha Cadaado oo shaaca ka qaaday laba arrin oo uu Farmaajo u ballan-qaaday oo ay doonayaan in la fuliyo

0

Cadaado (Caasimada Online) – Odayasaha iyo waxgaradka beesha magaalada Cadaado oo maanta kulan yeeshay ayaa baaq iyo farriin u diray madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo inuu tago magalada Dhuusamareeb, islamarkaana uu soo xiro shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa madaxweyne Farmaajo waxaa ay ka dalbadeen laba qodob oo kala ah:

1 – In uu fuliyo balantii uu ka qaaday ee ahaa in xarunta baarlamaanka Galmudug ay noqoto magaalada Cadaado.
2 – In doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug lagu qabto magaalada Cadaado.

Sidoo kale odayaasha iyo waxgaradka beesha Cadaado ayaa markale waxaa ay ku celiyeen inaysan qeyb ka aheyn shirka Dhuusamareeb, islamarkaana aysan ka qeyb-galeen doorashada Galmudug ilaa iyo inta laga fulinayo dalabkooda.

Waxgaradka iyo odayaasha ayaa sheegay in aysan kasoo horjeedin dowladnimada iyo dhismaha Galmudug, hase yeeshee ay dalbanayaan balantii madaxweyne Farmaajo uu ballan qaaday, xilli uu ku sugnaa magalada Cadaado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 21-kii bishii Maarso ee sanadkii 2018 waxa uu magaalada Cadaado u magacaabay inay noqoto xarunta baarlamanka Galmudug.

Hoos ka dhageyso codadka qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxkamadda sare ee Kenya oo qaaday tallaabadii ugu horreysay ee Kenya ay uga baxeyso kiiska ICJ ee badda

0

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa 7-da October u mudeysay inay dhageysato codsi raadinaya in dowladda Kenya laga joojiyo inay  ka qeyb-qaadato kiiska horyaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee badda Soomaaliya.

Codsigan oo ay diiwaan-geliyeen 20 qareen oo Kenyan ah oo uu hoggaaminayo Kiriro Wa Ngugi ayaa ah isku daygii ugu dambeeyey ee Kenya ay uga baxsaneyso kiiska maxkamadda ICJ.

Garsoorayaasha maxkamadda sare ee Kenya, Kanyi Kimondo, Robert Limo iyo Antony Mrima aya asidoo kale ku dhowaaqay in 9-ka iyo 10-ka October ay yihiin maalmaha sidoo kale la dhageysan doono kiiska.

Qareen Kibe Mungai ayaa doonaya in maxkamadda sare ay go’aan gaarto ka hor 4-ta bisha November,  oo la waqtiyeeyey in maxkamadda ICJ ay dib u dhageysato kiiska Soomaaliya iyo Kenya.

Qareenada kisikan wada ayaa sidoo kale doonaya in maxkamadda sare ay dowladda Kenya ka joojiso inay u hoggaansato go’aan kasta oo kasoo baxa maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda.

Ma cadda go’aanka kasoo bixi doono maxkamadda sare ee Kenya, hase yeeshee dadka qaar ayaa rumeysan in qareenada kiiska gudbiyey iyo dowladda ay is og yihiin, islamarkaana xukuumadda  Uhuru ay raadineyso cudur-dara ay uga baxdo kiiska ICJ.

Toddobaadkii tagay, maxkamadda ICJ ayaa aqbashay codsiga Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo si ay u qorato qareeno cusub, hase yeeshee waxay diiday waqtigii ay Kenya dooneysay ee ahaa sanadkan waxayna ogolaata kaliya laba bil.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa dhowaan sheegtay in Kenya ay ku dadaali doonto in ka hor maxkamadda ay Soomaaliya la gaarto heshiis ka baxsan maxkamadda.

“Arrinta maaha wax caddaan iyo madow ah. Xal kasta oo waara waa inuu noqda amid laba dhinac ah. Waxaan doorbideynaa heshiis laga wada-xaajoodo” ayey tiri Monica Juma.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

4 Soomaali ah oo lagu dilay KENYA kadibna la gubay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in illaa afar qof oo Soomaali ahaa ay ku dileen gobolka Tanariva ee dalka Kenya, kadibna ay gubeen.

Afarta qof ee la toogtay, kadibna la gubay ayaa labo ka mid ah waxay ahaayeen walaalo, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay, Xuseen Cali iyo Mustaf Cali.

Sidoo kale labada qof ee kale ayaa la sheegay in ay ahaayeen darawallo ka shaqeeya qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Lama oga sababta loo dilay dadkaasi, iyada oo ay arrintan walaac badan ku abuurtay dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolka Tanariva.

Dhanka kale ehellada dadkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay dowladda Kanya in ay gacanta lagu soo dhigto kooxihii ka dambeeyey falkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Kenya oo ku aadan dhacdadaasi, basle waxa ay saraakiisha dalkaasi sheegeen in ay baari doonaan falkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
[email protected]

Xog: Sidee DF Somalia ugu guuleysatay inay joojiso dhismaha saldhiggii Berbera?

0

New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay ugu dambeyn joojiso qorshihii Imaaraadka Carabta uu saldhig militari uga sameysan lahaa magaalada Berbera, kadib cadaadis xooggan oo caalami ah, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa sabtidii si lama filaan ah u shaaciyey in garoonka la qorsheynayey in laga dhiso Berbera, si ay u adeegsadaan diyaaradaha militariga Imaaraadka Carabta loo beddelay mid shacab.

Muuse Biixi ayaa hadalkaas dib uga gurtay axaddii isaga oo sheegay in garoonka ay wadaagi doonaan diyaaradaha militariga iyo shacabka, hase yeeshee Caasimada Online ayaa og in Muuse Biixi isku dayayo inuu dib u saxo hadal uusan ugu talo-gelin oo ka dusay.

Xog gaar ah oo aan helnay ayaa sheegeysa in cadaadis socday muddo oo safiirka Soomaaliya ee QM Abuu Daahir Cusmaan Abuukar Baalle uu saaray Imaaraadka Carabta uu gu dambeyn miro-dhalay, kuna qasbay Imaaraadkaa inay isaga baxaan Berbera.

Abuukar Baalle ayaa dacwado xiriir oo joogto ah oo ka dhan ah Imaaraadka u gudbiyey golaha ammaanka ee QM, isaga oo ku eedeeyey inay ku xadgudbeyso madax-banaannida Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dacwadii ugu dambeysay ayaa danjiraha wuxuu gudbiyey 4-tii bishan, waxaana Imaaraadka Carabta uu gu dambeyn go’aansaday 8-dii bishan in la joojiyo dhismihii saldhigga, ayada oo lagu amray dhammaan shaqaalihii iyo mas’uuliyiintii inay halkaas isaga baxaan kuna laabtaan Dubai.

Qaar ka mid ah dalalka waa weyn ee caalamka ayaa la rumeysan yahay inay cadaadiyeen Imaaraadka, oo rajo ka qaba inuu xubin aan joogto ahayn ka noqdo golaha ammaanka sanadda 2021, ayada oo looga digay in xadgudubyada joogtada ah ay taas ka hor-istaagi karaan.

Go’aanka Imaaraadka Carabta uu kaga noqday qorshihiisa saldhigga Berbera ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay is-beddealka ku yimid siyaasaddii Imaaraadka Carabta ee dagaalka Yemen, ayada oo Abu Dhabi ay bilihii dhowaa si tartiib ah uga baxaysay Yemen. Saldhigga Berbera ayaa ujeedadiisa waxaa qeyb ka ah in loo adeegsado in laga weeraro Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Cumar Filish oo la kulmay xildhibaannada beelaha HAWIYE ee BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa xalay kulan la qaatay qaar ka mid ah xildhibaannada beelaha Hawiye ee baarlamanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii xildhibaannada Hawiye ay ula shaqeyn lahaayeen maamulka gobolka Banaadir, looguna midoobi lahaa in magaalada amnigeeda lasugo iyadoo laga mideysan yahay.

Cumar Filish ayaa xildhibaannada u sheegay in xilka uu ka hayo gobolka uu ayaga ku matalo, balse qof kasta ay muhiim tahay inay talo ka gaysato sidii gobalka Banaadir looga saari lahaa marxaladaha amni xumo ee haysata.

Cumar Filish ayaa isku dayaya inuu wanaajiyo amniga gobolka, si taasi ay u suurta-geliso in la furo waddooyinka xiran ee magaalada, oo shacabka ay aad u dhibsadeen.

Xildhibaannada iyo duqa Muqdisho ayaa isku raacay in ay si joogta ah u kulmaan la iskuna xirnaado, si looga wada shaqeeyo danta dadka gobolka u dhashay.

Xildhibaannada la kulmay Filish ayaa u badnaa kuwa kasoo jeeda beesha Mudullood iyo qaar ka mid ah kuwa beesha Habar-gidir, inkasta oo ay kulanka sidoo kale joogeen xildhibaano kasoo jeeda beelaha kale ee Hawiye.

Sawirro: R/W KHEYRE oo guddoomiyey shir looga hadlay arrimo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyey shirka arrimaha deyn cafinta Soomaaliya oo tododbaadkiiba hal mar lagu qabtay gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Ugu horreeyn shirka ayaa waxaa warbixin guud looga dhageystay wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) oo faah faahin ka bixiyey shirkii oo dhowaan uga qeyb galay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

“Shirkii Todobaad laha ahaa ee hanaanka Deyn-Cafinta Soomaaliya SMP waxaa maanta nagala soo qeyb galay R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo aan warbixin ka siiyay shirkii dhawaan Addis Ababa inoogu soo gaba gaboobay ee dib u eegista SMP4 ayuu yiri.“ wasiir Beyle.

Dhankiisa Khayre oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay fulin doonto dhammaan qorshaha lagu doonayo in dhamaan deymaha loogu cafiyo Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey wasaaradda Maaliyadda dadaalka ay ugu jirto, sidii loo hormarin lahaa kobaca dhaqaalaha Soomaliya

Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan uu meel wanaagsan marayo dadaallada deymaha lagu cafinayo dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Nin hubeysan oo maanta dad ku laayay Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) ― Warka aanu ka helayno magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in magaaladaasi uu nin hubaysan ku dilay Askari ka tirsan ciidamada Somaliland, halka qof kale oo shicib ahna uu ku dhaawacay.

Askariga la toogtay ayaa waxa uu muran adag dhexmaray Ninka hubeysan ee falka geystay, kaasi oo rasaas ku furay Askariga, iyadoona uu falkaasi uu dhaawac ka soo gaaray qofka shacabka ah oo isagu ku sugnaa meel ka ag dhow halka uu falka ka geystay ninkaasi hubeysna, sida ay sheegen dad goob-joogayaal ah.

Waxa sidoo kale soo baxaya warar kale oo iyagana sheegaya in Ninka hubeysan ee dilka iyo dhaawaca ka geystay magaalada Laascaanood uu isagu ka tirsanaa ciidamada Somaliland ee ku sugan magaaladaasi.

Ninkan dilka geystay ayaa waxa lagu soo waramayaa in uu goobta ka baxsaday kadib markii uu geystay dilkaasi, inkasta oo ay saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland ay sheegen inay ku daba jiraan ninkaasi hubeysan ee ka dambeeyay dilka Askariga ka tirsan ciidamadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Muxuu R/W Kheyre u xaqiray gobolka Shabeellaha Hoose?

0

Safarkii Raisul Wasaaraha Soomaalia Mudane Xasan Cali Khayre uu ku tagay Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya maxaa ka soo baxay?

Safar qaatay Mudo hal isbuuc ayuu ku tagay sedexda gobol ee maamulk koofur galbeed ee Soomaliya maalitiisa ugu horeeysay waxaa ka degay magaalada baydhabo ee gobolka Bay oo ah xaruunta kumeel gaarka ah ee maamulka wuxuu raisul wasaaraha soomaaliya ka hergliyey dhowr mashruuc ay ka mid yihiin dhagax dhiga wado dhex marta magaalada Baydhabo iyo in uu bixiyey lacag dhan $150,000 (Boqol iyo Konton Kun oo Dollars) oo lagu dhiso  garoonka kubada cagta ee Dr Ayuub iyo mashaariic kale oo badan wuxuu Raisul Wasaare Khayre magaaldaas ku sugnaa mudo ku dhow sedex maalmood, wuxuu u gudbay magaalada Xudur ee gobolka Bakool iyadana wuxuu soo dhagax dhigay dhowr mashruuc ay ka mid yihiin dhagax dhiga Isbitaalka Guud ee Xudur iyo Guriga Martida ee degmada Xudur wuxuu kaloo qarameeyey ciidamo ku sugan degmada xudur iyo mashaariic kalo oo badan wuxuuna ku sugnaa Mudo ku dhow sedex maalmood.

Hadaba Su’aasha Is weydiinta mudan waxay taahay Shabeellaha Hoose maxaa loo xaqiray?

Gobolka Shabeellaha hoose waa gobolka ilbaxnimada iyo xadaarada waa gobol ay shacabkiisa dad nabadeed yihiin waa barwaaqo sooran  waa gobol leh wax soo saar waa gobol ku filnaan kara dhammaan soomaaliya inteeda kale quudin kara bulsho weynta Soomaaliyeed, Hadaba dhowr su’aalood aan ka jawaabno.

Baraawe

Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose waa magaalada madaxda rasmiga ah ee maamulka koofur galbeed soomaali ma ay helin xaqii ay laheyd oo ah in loo soo wareego caasumada laguna shaqeeyo manasb iyo meqaam waxay laheyd ku dhex hesho.

Qoryooley

Degamada qoryooley ee gobolka sh/hoose xiligii la xoreeyey ilaa maanta majirto maalin ay ka soo bexeen ciidamada xooreeyey ee amniga suga u dhinta diifaaceeda xalaydaan qoyan waxaa soo weeraray Ururka Nabad diidka ah ee UGUS way iska difaaceen ma helaan xuquuqda ay ku lahaayeen dowaladooda mid dhex iyo mida maamul goboleed koofur galbeed ciidamada xoreeyey degmada qoryooley ilaa maanta heeganka ugu jiro difaaca shacabkeeda maalintii ay xoreeyeen ilaa maanta oo ay ku sugan yihiin mudada laga joogo xoreynta magaalada ay tahay in ku dhow 7 sano maalina aysan ka soo bixin habeen kasta cadawga soo weeraro waxay xaq u laaheeyn in ay ka helaan dowladooda soomaaliyeed iyo mid koofur galbeed dhiiro gelin ay ka mid in ay helaan mushaaraad iyo in qarameeyo laakin weli ma dhicin taas.

Afgooye

Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose waxaa maalin kasta sii joogta ah looga qaadaa shacabkeeda lacag baad ah oo aan waxna loogu qaban shacabkeeda, baahida wakhti xaadirkaan ka taagan degmada Afgooye waxaa waaye Isbitaalka guud ee degmada Afgooye oo gabi ahanba xermi rabo daruufo daawo la’aan ah iyo derbigigii isbitaalka ku wareegsanaa oo dumay, shacabka degmada afgooye aad ayey uu dhiig baxayaan gargaar ayey u baahan yihiin.

Marko

Degmada Marko ee Gobolka Sh/hoose Raisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa safar qaatay saacado kooban ku tagay magaalada Marko ee Gobolka Shabeellaha hoose inta uu ku sugnaa waxaa laga abuuray qalqal amni taasi oo loo qadan karo Bay waa Amni, Bakool na waa Amni laakin shabellaha hoose Amni ma ahan suur galna ma ahana in uu maamulka koofur galbeed ee caasumadiisu tahay Bawraawe ee gobolka Sh/hoose in uu u soo guuro shabellaha hoose taasi waa siyaasada uu ka shaqeynaayo mudane C/casiis lafta gareen.

Hada inta uu raiusal wasaaraha ku sugnaa magalada marko cadey muxu mashruuc ah uu ka hergeliyey ama uu ka dhagax dhigay hadii ay run tahay hadalkii Madaxweyne C/casiis lafta gareen ee ahaa Raisul wasaare ku soo dhowoow gobolka shabeellaha hoose oo ah gobolka wax soo saarka maamul koofur galbeed soomaaliya iyo magaalada marko oo ah magaaladii ganacsiga ee maamulka koofur galbeed maxay u heli weyday wixii ay heleen Bay iyo Bakool Mudane lafta gareen aan kugu hadal qabsadee waxaan maqli jiray MAA CIIL SOOKEYE AYAA KU HAAYA MISE CIDI SALKEEDA AYAA LAGAA HAAYAA.

Dhalinyadrada Sportska Gobolka shabeellaha hoose oo ah laf dhabarta sports soomaaliyeed hadii taariikhda dib loogu noqdo Qaranka soomaaliyeed ee dhanka ciyaaraha gobolka shabeellaha hoose kaalin mug leh ayey ku lahaayeen kuna leeyihiin maanta mudane Raisul Wasaare ma weysan xaq ku laheyn in la dhiiro geliyo oo ay helaan wixii Bay iyo Bakool ay helaan ma weysan xaq u laheyn in ay helaan Garoomo ay ku ciiyaaraan si la mid ku Bay iyo Bakool Ma weysan xaq u laheyn in ay helaan agab sports hada ogoow sportska Shabeellaha hoose waa kaabaha sportska Qaranka Mudan C/casiis Lafta gareen aan kugu hadal qabsadee waxaan maqli jirtay MA CIIL SOOKEEYE AYAA KU HAAYA MISE CIDI SALKEEDA AYAA LAGAA HAAYAA.  Rabi ha sugu xaqa shabellaha Hoose.

Hada shacabka Gobolka Shabeellaha Hoose walaalyaal Maxaa idinla gudboon hadii ay aad u jeedaan in la idin xaqiraayo maad is muujisaan oo aad dareenkiina soo gudbisaan, waxaa idin la gudboon hadii Aydan haysan Wakiilo indin ku metela dowlada dhex iyo dowalada goboleedka labada waxaa keliya idin la gudboon waa I aad baanaan bax nabadeed aad ku muujisaan cabashadiina iyo tabashooyinkiina.

Rabi ha idin amaansado xaqiina Allah sugo reer shabeellaha hoose.
Mahadsanidiin

W/Q: Mohamed Ali Barre
Email: [email protected]
Nairobi, Kenya

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xog: Maxaa ka jira dhacdada la sheegay inay dhex martay Cali Mahdi iyo Farmaajo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee tagay waxaa baraha bulshada aad looga hadal hayey dhacdo la sheegay inay dhex-martay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed iyo ilaalada madaxwene Farmaajo.

Caasimada Online oo arrintan xaqiijin ku sameeyey ayaa la hadashay xubno ka mid ah qoyska Cali Mahdi, kuwaas oo xaqiijiyey inay sax tahay oo ay jirto in ilaalada Farmaajo ay celiyeen madaxweynihii hore.

Waxay sheegeen in Cali Mahdi laga celiyay mid kamid ah baraha Koontorool ee laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ilaalada madaxweyne Farmaajo ee loo yaqaano koofiya gaduuda ay ku xujeeyeen in uu la yimaado aqoonsi uu ku maro wadada.

Cali Mahdi oo sida aan xogta ku helayno aad uga xumaaday arrintaas ayaa askartii ku war geliyay in uu yahay madaxweynihii hore ee dalka, cid aqoonsi uu uga baahanyahana aysan jirin.

Askartii ku sugneed barta koontorool ee laga ilaaliyo madaxtooyada ayaa iyaguna ku adkeystay in wadadaas loo diido in uu maro madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi, hadii uusan wadan aqoonsi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la sheegay in ay gaartay arrintu oo uu soo fara galiyay, waxaana uu xaafiiskiisa ku qaabilay Cali Mahdi oo ka mid ah madaxweynayaashii isaga ka horreeyay, waxa uuna ka raali galiyay falka ay kula kaceen askartiisa.

Raali galin kadib ayaa waxa uu madaxweyne Farmaajo ka dalbaday Cali Mahdi in loo sameeyo aqoonsi ama ID CARD uu ku maro wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, waxaana mar kale arrintaas aad uga carooday madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

“Ma anigaa aqoonsi la ii sameynaa, oo ma adigaa aqoonsi aan Xamar ku joogo ii samaynaya?” ayuu yiri Cali Mahdi, sida aan xogta ku helnay kadibna isaga soo tagay xafiiska Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kadib Cali Mahdi u diray xubno ay ka mid yihiin duqa Muqdisho Cumar Finish, iyo Salaad Cali Jeelle iyo Cali Geedi Maxamed oo ah laba ka mid ah siyaasiyiinta beesha Abgaal ee mushaharka ka qaata Villa Somalia si ay u taageeraan Farmaajo, kuwaas oo Cali Mahdi gaarsiiyey raali-gelin, sidaasna lagu xaliyey kiiska.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Muuse Biixi oo ka laabtay go’aankii uu shalay ku dhowaaqay ee saldhigga Imaaraadka ee Berbera

Hargeysa (Caasimada Online) ―Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa manta markale ka hadlay arrinta madaarka Berbera oo uu sheegay inuu noqon doono mid ay adeegsadaan dadka shicibka, isla markaana uu kamid noqon doono garoomada aduunka ugu horumarsan.

Madaxweyne Biixi ayaa si cad u sheegay in xukuumadiisu aysan marnaba ka bixin heshiiskii ay hore ula gaashay dowladda Imaaraadka Carabta, balse laga maarmi waayey in garoonkii Berbera loo isticmaalo shicib ahaan.

Biixi ayaa si adag carabka ugu adkeeyay in heshiiskii ay hore u wada galeen dowlada Imaaraadka iyo Somaliland, uu sidiisi yahay, isla markaana aysan waxba iska badalin, heshiiskaasi oo mudadiisu aheyd shan iyo labaatan sanno.

Madaxweynaha Somaliland oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Garoon aan isleeyahay waa ka Afrika ugu weyn ayaa la dhisay, adduunkoo dhanna ciidamada iyo shicibku way wada isticmaalaan garoomada, markaa laga maarmi maayo in garoonkii loo isticmaalo shicib ahaan”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Markaa lagama maarmaan ayey noqotay in garoonkii loo isticmaalo shicib ahaan iyo diyaaradaha madaniga ah oo uu noqdo garoon caalamiya (International airport), heshiiskii aynu la galnay ee 25-ka sanno ahaana waa sidiisii, wax iskama bedelin ee sidiisii ayuu u yaalaa”.

Si kastaba, Madaxweyne Biixi ayaa shalay sheegay in garoonka Berbera aysan isticmaali doonin Millateri balse ay isticmaaali donan dad shicib ah, taasi oo ka dhigtay mid shaki galinaysa in xukuumadiisu ka baxday heshiiskii dowlada Imaaraadka carabta ee saldhigii Berbera.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

DAB ka dhashay diyaarad rakaab ka qaaday Muqdisho kuna wajahneyd Nairobi

0

Muqdisho-(Caasimada Online)-Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo dab ayaa maanta ka kacay gudaha diyaarad dad shacab ah ka qaaday magaalada Muqdisho, islamarkaana gaartay Nairobi ee dalka Kenya.

Diyaaradda oo barqadii maanta ka duushay Muqdisho ayaa waxaa gudaheeda ka dhashay dab xoog leh waxaana saarnaa rakaab u badnaa dad Soomaaliyeed, iyadoo si dirqi ah uga dagtay Garoonka Jummo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Gaadiidka dabdamiska ee garoonka Jumma Kenyatta ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dabka qabsaday qeybo ka mid ah diyaaradda ka kacday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dabkaas ayaa diyaaradda ka dhashay daqiiqado kadib markii ay ka duushay garoonka magaalada Wajeer oo lagu sii xanibo diyaaradaha ka baxa magaalada  Muqdisho kuna sii jeeda magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Qaar ka mid ah dadkii la socday diyaaradda ayaa Caasimada Online u sheegay in markii dabku ka dhashay diyaaradda ay dareemeen wal-wal badan, balse Alle uu badbaadiyay.

Daqiiqado kadib markii uu dab qabsaday qeybo ka mid ah diyaaradda ayaa nasiib wanaag waxa ay ka caga dhigatay Nairobi, iyaga oo bad qaba dhamaan rakaabkii diyaaradda.

Caasimada Online

Xaafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Sawirro: Hooyo haysatay 7 caruur ah oo si naxdin leh ugu geeriyootay Berbera

0

Berbera (Caasimada Online) ― Warka aanu ka helayno magaalada Berbera ayaa sheegaya in hal qof oo dumar ah ay ku geeriyootay magaaladaasi, kadib markii uu soo dhacay Taawarada laydhka ee shubka ka sameeysani.

Taawarkan galaaftay nolosha Haweenaydan ayaa waxa uu ku hor yaalay gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Daaroole, ee magaalada Berbera.

Haweenaydan geeriyootay ayaa waxay haysatay 7-caruur ah, kuwaasi oo dhamaantood wada jiifay banaanka guriga ay ka daganaayen magaalada Berbera, xiliga uu Taawarku ku soo dul-dhacayey.

Magaalada Berbera ayaa waqtiyadan oo kale waxa saa’id looga dareema kulayl, midaasi oo sababtay in hooyada iyo 7-caruurta ahba ay jiiftan guriga ay daganaayen hortiisa, inkastoo oo Taawarka laydhku uu haleelay hooyada ciyaalka, halka Caruurta aanu waxba yeelin.

Ilaa iyo hadda ma cada in Taawarka laydhku uu si caadi ah u soo dhacay ama in xadhka laydhka ee saarna uu gaadhi jidhay, taasina ay sababtay inuu Taawarku soo jabo, isla markaana uu ku dul dhaco haweenayada hooyada ah.

Mana jirto ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka iyo maamulka Gobolka oo ku aadan geerida naxdinta leh ee ku timid hooyada haysatay 7-da caruurta ah.

Caasimada Online
Xafiiska Berbera
[email protected]  

Cabsi xoogan oo ka taagan magaalada Boorama oo ay ka dillaacday koox cusub

0

Borama (Caasimada Online) ― Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa magaalada Boorama ee gobolka Awdal ka dhacayey falal lidi ku ah amniga, taasi oo cabsi xoogan ku abuurtay bulshada ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Awdal.

Boorama ayaa la daala dhaceysa cabsi amni, taasi oo ay ka dambeeyan dhalinyaro kooxo isku baahaystay, kuwaasi oo rabshado xoogan sameeynayey habeenimadii la soo dhaafay.

Kooxahaasi ayaa sababay bur-burin iyo boob hantiyeed, isla markaana dab qabad-siiyay guryo ku yaalay gudaha Magaalada Boorama, iyagoona dad ku waxyeeleyay rabshadahaasi oo dhammaantood ku cusub magaalada.

Caasimada Online oo isku dayday inay wax ka weydiiso Badhasaabka Gobolka Awdal, amni darada maalmihii u dambeeysay ka jirtay magaalada Boorama iyo cabsida balaadhan ee ku habsatay bulshada ku nool, ayeysan u suurta-galin.

Dhinaca kale, Caasimada Online ayaa waxay isku deyday inay wax ka weydiiso xaalada amni daro iyo rabshadahaasi Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska gobolka Awdal, kuwaasi oo noo xaqiijiyey inay gacanta ku soo dhigeen qaar kamid ah dhalinyaradii falalka amni daro ka geystay magaalada Boorama.

“Waxa dhacay maalmihii u dambeeyay, dhallinyaro kooxo ah oo nidaamkii aanu ku naqaanay ka duwan, kuwaasi oo hantida, gaadiidka iyo meheradahaba burburinaya, dadkana waxyeelo u geysanaya, dhacdooyinkaasi dhowrkii habeen ee u dambeeyay ayay ka socotay magaalada, markaa annaga oo la kaashanayna Ciidanka iyo dadweynaha Gacan adag ayaanu ku qabanay” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan booliska Borama oo Caasimada Online la hadlay.

Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Awdal, Gaashaanle sare Guutaale ayaa isaguna sheegay in dhalinyartaasi ay maalmihii u dambeeyay ay culeys badan ku hayeen magaalada, isagoona xusay inay rabshadahaasi qeyb ka ahaayen dad waalid ah, wuxuuna yiri

“Dhallinyaro koox-koox ah ayaa culays badan ku hayey magaalada, imika illaa labaatameeyo ayaa saldhigyada ku xidhan, waalidna way ku jiraan, doraadna qaar ayaanu jeelka u gudbinay. waxaana si gaara ugu mahad-celinayaa dab-damiska oo aqalada ay gubeen aad noola hawl-galay”.

Si kastaba, magaalada Boorama ayaa inta badan waxa lagu tirin jiray magaalooyinka ugu nabad-gelyada badan deegaanada Somaliland, balse rabshadihii maalmihii u dambeeyay ka dhacayay, ayaa ka dhigaya mid xaaladeedu aysan daganeyn, inkastoo ay laamaha amaanku ku howlan-yihiin soo afjarida falalkaasi lidiga ku ah amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Borama
[email protected]

Koox hubeysan oo toogasho ka geystay MUQDISHO.!!

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in maanta askari ka tirsanaa ciidanka dowladda ay ku dileen isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

Ragga dilka geystay oo watay Bistoolado ayaa toogtay askariga oo la sheegay inuu xirnaa dharka tuutaha Milatariga Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in askariga la dilay uu fadhiyey goob maqaaxi oo ku taalla halkaasi, iyadoona ay baxsadeen kooxihii fuliyey dilkiisa.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo meydka ka qaaday goobta.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal amaan dari oo maalmihii dambe ka dhacayey magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XOG: Madaxda dowladda Soomaaliya oo go’aamiyey in la xiro Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya ay isku raaceen in la xiri karo madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), labadiisa ku xigeen iyo Saraakiil kale oo katirsan maamulkaasi.

Xubno ka tirsan hay’adaha amaanka Soomaaliya oo aan la hadalnay ayaa sheegay in amar lagu siiyay qofkii xil ka haya Jubbaland oo soo mara magaalada Muqdisho in ay xiri karaan sida Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Amarkaan ma ahan mid cusub balse Caasimada Online oo maalmahaan ku waday baaritaan waxay soo ogaatay in markii la amray in diyaaradaha Kismaayo ka baxa iyo kuwa ku socda ay soo maraan magaalada Muqdisho, ciidamadana lagu amray in la xiro Madaxweynaha Jubbaland iyo labadiisa ku xigeen iyo waliba dhowr qof oo kale oo ku jira Wasiirada, Xildhibaanada iyo Saraakiil ciidan.

Lama oga sida ay arintaan ku dhaqan geli karto, balse waxaa jira warar sheegaya in Axmed Madoobe uu Kismaayo uga bixi karo oo kaliya dhinaca Badda inta uu kala heshiinayo dowladda Soomaaliya oo la sheegay in ay raadineyso fursad ay ku qabato.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale awooda inuu raaciyo diyaaradaha helicopter-ka ciidamada Kenya oo aan u baahneyn inay xiriir la sameeyaan hay’adda duulista, kuna tegi karo Nairobi.

Dowladda federaalka Soomaaliya ma awoodo in ay Axmed Madoobe ka soo qabato Kismaayo maadaama ay halkaasi joogaan Ciidamo awood leh oo maamulkiisa ka amar qaata balse ay dooneyso in ay ku qabato Muqdisho markii uu soo maro isagoo transit ah sida Wasiir Janan, taasi oo aan dhici doonin sida muuqato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ciidankii lagu mursansanaa ee beeshoodu ay diiday oo loo qaaday Dhuusamareeb

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka ka ambabaxay ciidamo lagu tababaray magaaladaasi oo u dhaqaaqay dhanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug

Qaadista ciidamadan oo uu muran ka taagnaa muddooyinkii dambe ayaa hadda xal laga gaaray, iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay inay u safraan dhanka Dhuusamareeb.

Odayaasha dhaqanka Beledweyne ayaa horay uga biyo diiday in ciidamadaasi la geeyo Galmudug, iyagoo sheegay in baahi weyn oo amniga ah ay ka jirto gobolka Hiiraan.

Arrintan ayaa dhalisay xiisad xoogan oo u dhexeysa saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo iyo odayaashaasi, taas oo haatan la xaliyey.

Ciidamadani ayaa la sheegay in ay ka howlgali doonaan magaalooyinka waa weyn ee Galmudug, iyaga oo ka shaqeynaya nabad gelyada deegaanka.

Dhowaan ayaa la filayaa in doorasho ay ka dhacdo Galmudug, taas oo ay qaban qaabineyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne 
[email protected]

Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo lagu furay laba dacwad oo xasaasi ah

0

Nairobi (Caasimada Online) – Shirkad qandaraasle Kenyan ah ayaa ku eedeeysay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi inay xabistay kadibna jir-dishay shaqaale loo diray si uu ugu gudbiyo gal-dacwadeedka kiis ka dhan ah safaaradda oo laga furay maxkamadda Milindi ee Nairobi.

Amos Mutambu ayaa sheegay in loo diiday inuu safaaradda ka baxo waxyar kadib markii uu geeyey galka.

Amos ayaa eedeynta ku sheegay kiis ka dhan ah safaaradda oo uu geeyey maxkamadda, sidoo kale-na loo diray wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma, 4-tii September.

Amos ayaa waxaa soo dirtay shirkadda qareenada ee HMS, si uu safaaradda u geeyo gal-dacwadeedka kiis u dhaxeeya safaaradda iyo shirkad dhismaha qaabilsan, kaasi oo ku saabsan dayactir ay shirkaddan sheegtay inay ku sameysay dhisme ay safaaradda ku leedahay Nairobi.

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa la sheegay inay kulan arrintan ku saabsan la yeelatay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya, waxaana wasiirka arrimaha dibedda Monica Juma ay jimcihii sheegtay in laga yaabo in qofkii loo diray safaaradda “uu hab qaldan u adeegsaday inuu gal-dacwadeedka gaarsiiyo safaaradda.”

“Waan ogaan doonnaa waxa dhacay” ayey Monica ku tiri shir jaraa’id.

Safiirka Soomaaliya ee Nairobi Maxamed Axmed Nuur Tarsan ayaa beeniyey inay qof ku dhex xirteen safaaradda, wuxuuna wargeyska The East African u sheegay in tani ay tahay been cad.

“Ma jirin wax xabisaad ah, mana lihin qolal aan wax ku xabisno. Waxaan filayaa inay ka faa’iideysanayaan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya si ay noo qiyaamaan.”ayuu yiri Tarsan.

Muranka la xiriira dayactirka ayaa u dhaxeeya safaaradda iyo shirkadda Kingsley Construction Ltd oo safaaradda ku eedeysay inay ku leedahay lacag dhan $226,318 (Ksh23.4 million) oo ay ku dayactirta dhisme kale oo safaaradda ay ku leedahay xaafadda Lower Kabete.

Agaasimaha shirkaddan Everlyne Mutungi ayaa ku doodday safaaradda inay ka cayrisay mashruuca islamarkaana ay damacsan tahay inay qandaraaska ku wareejiso shirkad kale si ay u dhameyso 20% oo ka dhiman dhameystirka.

Dowladda Soomaaliya weli ma diiwaan gelin jawaabta dacwadda ay kusoo oogtay shirkadda Kingsley Construction Ltd, waxayna sheegtay in jawaab kasta ay marsiin doonto wasaaradda arrimaha dibedda Kenya.

Garsooraha maxkamadda Mary Kasango ayaa soo saaray amar ku-meel gaar ah oo safaaradda ama cid kasta oo matasha u diidaya inay wax howlo dayactir ah ka fuliso dhismaha ku yaalla Lower Kabete, illaa kiiskan meel uu uga dhacayo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected] 

Shacabka Galmudug waxaa barashada Qoor-Qoor uga filan xafladdii dorraad!

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisaab malahayn tirada dadkii ka soo qaybgalay Xafladda ku dhawaaqista musharaxnimada Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, taas oo ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaase ka sii darnaa lacagtii dorraad halkaasi laga bixiyay.

Warbixintaan waxaa ka soo xiganeynaa qaar kamid masuuliyiintii munaasabadda ka soo qayb galay oo katirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo nooga sheekeeyay dhacdooyinkii dorraad ee munaasabadda.

“Waxaan kamid ahaa dadkii dorraad lagu casuumay munaasabadda musharaxnimada Wasiir Qoor-qoor, waxayna indhaheygu qabteen lacagta waalida ah ee lagu bixinayay goobta ay munaasabadda ka socotay” ayuu yiri masuul ka tirsan dadkii goob jooga ahaa.

“Waxay aheyd Xaflad lacagta ku baxday qofkii aan tagin uu ka dareemi karay magaalada oo dhan iyo dhowr calaamadood oo kale oo goobta ka muuqatay, balse anigu maxay indhaheygu qabteen, lacag waali ah oo qofkii salaamo musharaxa lasiinayay, waxayna aheyd doolar Kaasha ah (Cash), ma hubo in dadka oo dhan ay helayeen balse aniga dhowr qof ayaa arkay oo gacanta loo geliyay” ayuu yiri qofkaan aan la hadalnay islamarkaana aan qarinay magaciisa.

“Intaas oo dhan waxaa ka sii daran, lacag yar ma aheyn wixii la bixinayay, waxaana qofkii loo garto loo jarayay xoogaa lacag ah, musharaxa waxa uu jeebkiisa ka soo bixinayay lacag boqol boqol u xiran waxaana dadka loo jaryay lacag aan ku qiyaasay 500-1000$” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qof kamid ah masuuliyiintii goobta ku sugneed.

Dadka ugu badan lacagta helay waxay ahaayeen odayaasha dhaqanka ee degaanka, Xildhibaano iyo siyaasiin kale oo degaanka ka soo jeeda iyo kuwa aan ka soo jeedin balse miisaan culus ku leh siyaasadda Soomaaliya, sida ay noo sheegeen qaar kamid ah dadkii goobta ku sugnaa.

Dhinaca kale, waxaa maanta magaalada Muqdisho, feel dheer hotel-ka Jazeera ka jira mashquul badan iyo safaf dhaa-dheer oo lagula kulmayo musharax Qoor-qoor oo halkaasi dagan. Dadka raadinaya musharax ayaa ka kooban 3 qayb oo kala ah.

  1. Qof u raadsaday shaxaad ama in xoogaa lacag ah uu ka soo helo maadaama agtiisa ilaa dorraad la sheegayo in lagu bixinayay lacag badan dad badanna ay ka heleen.
  2. Shaqsiyaad raba in ay ka soo muuqdaan ololihiisa iyo kooxda olalaha kuwaas oo u badan dhalinyaro degaanka u dhashay.
  3. Iyo shaqsiyaad siyaasiin ah oo ugu socda hambalyeen, talo soo jeedin iyo sheeko caadi ah.

Shaki kuma jiro in lacagtii dorraad la bixiyay ay aheyd midda qaranka oo ay Qoor-qoor gadaal ka riixeyso Xukuumadda Soomaaliya. Warar ayaa sheegaya in malaayiin lacag ah ay siisay dowladda Soomaaliya Wasiir Qoor-qoor ka hor ku dhawaaqista musharaxnimadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]