27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

XOG: Madaxda dowladda Soomaaliya oo go’aamiyey in la xiro Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya ay isku raaceen in la xiri karo madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), labadiisa ku xigeen iyo Saraakiil kale oo katirsan maamulkaasi.

Xubno ka tirsan hay’adaha amaanka Soomaaliya oo aan la hadalnay ayaa sheegay in amar lagu siiyay qofkii xil ka haya Jubbaland oo soo mara magaalada Muqdisho in ay xiri karaan sida Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Amarkaan ma ahan mid cusub balse Caasimada Online oo maalmahaan ku waday baaritaan waxay soo ogaatay in markii la amray in diyaaradaha Kismaayo ka baxa iyo kuwa ku socda ay soo maraan magaalada Muqdisho, ciidamadana lagu amray in la xiro Madaxweynaha Jubbaland iyo labadiisa ku xigeen iyo waliba dhowr qof oo kale oo ku jira Wasiirada, Xildhibaanada iyo Saraakiil ciidan.

Lama oga sida ay arintaan ku dhaqan geli karto, balse waxaa jira warar sheegaya in Axmed Madoobe uu Kismaayo uga bixi karo oo kaliya dhinaca Badda inta uu kala heshiinayo dowladda Soomaaliya oo la sheegay in ay raadineyso fursad ay ku qabato.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale awooda inuu raaciyo diyaaradaha helicopter-ka ciidamada Kenya oo aan u baahneyn inay xiriir la sameeyaan hay’adda duulista, kuna tegi karo Nairobi.

Dowladda federaalka Soomaaliya ma awoodo in ay Axmed Madoobe ka soo qabato Kismaayo maadaama ay halkaasi joogaan Ciidamo awood leh oo maamulkiisa ka amar qaata balse ay dooneyso in ay ku qabato Muqdisho markii uu soo maro isagoo transit ah sida Wasiir Janan, taasi oo aan dhici doonin sida muuqato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ciidankii lagu mursansanaa ee beeshoodu ay diiday oo loo qaaday Dhuusamareeb

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka ka ambabaxay ciidamo lagu tababaray magaaladaasi oo u dhaqaaqay dhanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug

Qaadista ciidamadan oo uu muran ka taagnaa muddooyinkii dambe ayaa hadda xal laga gaaray, iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay inay u safraan dhanka Dhuusamareeb.

Odayaasha dhaqanka Beledweyne ayaa horay uga biyo diiday in ciidamadaasi la geeyo Galmudug, iyagoo sheegay in baahi weyn oo amniga ah ay ka jirto gobolka Hiiraan.

Arrintan ayaa dhalisay xiisad xoogan oo u dhexeysa saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo iyo odayaashaasi, taas oo haatan la xaliyey.

Ciidamadani ayaa la sheegay in ay ka howlgali doonaan magaalooyinka waa weyn ee Galmudug, iyaga oo ka shaqeynaya nabad gelyada deegaanka.

Dhowaan ayaa la filayaa in doorasho ay ka dhacdo Galmudug, taas oo ay qaban qaabineyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne 
[email protected]

Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo lagu furay laba dacwad oo xasaasi ah

0

Nairobi (Caasimada Online) – Shirkad qandaraasle Kenyan ah ayaa ku eedeeysay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi inay xabistay kadibna jir-dishay shaqaale loo diray si uu ugu gudbiyo gal-dacwadeedka kiis ka dhan ah safaaradda oo laga furay maxkamadda Milindi ee Nairobi.

Amos Mutambu ayaa sheegay in loo diiday inuu safaaradda ka baxo waxyar kadib markii uu geeyey galka.

Amos ayaa eedeynta ku sheegay kiis ka dhan ah safaaradda oo uu geeyey maxkamadda, sidoo kale-na loo diray wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma, 4-tii September.

Amos ayaa waxaa soo dirtay shirkadda qareenada ee HMS, si uu safaaradda u geeyo gal-dacwadeedka kiis u dhaxeeya safaaradda iyo shirkad dhismaha qaabilsan, kaasi oo ku saabsan dayactir ay shirkaddan sheegtay inay ku sameysay dhisme ay safaaradda ku leedahay Nairobi.

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa la sheegay inay kulan arrintan ku saabsan la yeelatay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya, waxaana wasiirka arrimaha dibedda Monica Juma ay jimcihii sheegtay in laga yaabo in qofkii loo diray safaaradda “uu hab qaldan u adeegsaday inuu gal-dacwadeedka gaarsiiyo safaaradda.”

“Waan ogaan doonnaa waxa dhacay” ayey Monica ku tiri shir jaraa’id.

Safiirka Soomaaliya ee Nairobi Maxamed Axmed Nuur Tarsan ayaa beeniyey inay qof ku dhex xirteen safaaradda, wuxuuna wargeyska The East African u sheegay in tani ay tahay been cad.

“Ma jirin wax xabisaad ah, mana lihin qolal aan wax ku xabisno. Waxaan filayaa inay ka faa’iideysanayaan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya si ay noo qiyaamaan.”ayuu yiri Tarsan.

Muranka la xiriira dayactirka ayaa u dhaxeeya safaaradda iyo shirkadda Kingsley Construction Ltd oo safaaradda ku eedeysay inay ku leedahay lacag dhan $226,318 (Ksh23.4 million) oo ay ku dayactirta dhisme kale oo safaaradda ay ku leedahay xaafadda Lower Kabete.

Agaasimaha shirkaddan Everlyne Mutungi ayaa ku doodday safaaradda inay ka cayrisay mashruuca islamarkaana ay damacsan tahay inay qandaraaska ku wareejiso shirkad kale si ay u dhameyso 20% oo ka dhiman dhameystirka.

Dowladda Soomaaliya weli ma diiwaan gelin jawaabta dacwadda ay kusoo oogtay shirkadda Kingsley Construction Ltd, waxayna sheegtay in jawaab kasta ay marsiin doonto wasaaradda arrimaha dibedda Kenya.

Garsooraha maxkamadda Mary Kasango ayaa soo saaray amar ku-meel gaar ah oo safaaradda ama cid kasta oo matasha u diidaya inay wax howlo dayactir ah ka fuliso dhismaha ku yaalla Lower Kabete, illaa kiiskan meel uu uga dhacayo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected] 

Shacabka Galmudug waxaa barashada Qoor-Qoor uga filan xafladdii dorraad!

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisaab malahayn tirada dadkii ka soo qaybgalay Xafladda ku dhawaaqista musharaxnimada Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, taas oo ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaase ka sii darnaa lacagtii dorraad halkaasi laga bixiyay.

Warbixintaan waxaa ka soo xiganeynaa qaar kamid masuuliyiintii munaasabadda ka soo qayb galay oo katirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo nooga sheekeeyay dhacdooyinkii dorraad ee munaasabadda.

“Waxaan kamid ahaa dadkii dorraad lagu casuumay munaasabadda musharaxnimada Wasiir Qoor-qoor, waxayna indhaheygu qabteen lacagta waalida ah ee lagu bixinayay goobta ay munaasabadda ka socotay” ayuu yiri masuul ka tirsan dadkii goob jooga ahaa.

“Waxay aheyd Xaflad lacagta ku baxday qofkii aan tagin uu ka dareemi karay magaalada oo dhan iyo dhowr calaamadood oo kale oo goobta ka muuqatay, balse anigu maxay indhaheygu qabteen, lacag waali ah oo qofkii salaamo musharaxa lasiinayay, waxayna aheyd doolar Kaasha ah (Cash), ma hubo in dadka oo dhan ay helayeen balse aniga dhowr qof ayaa arkay oo gacanta loo geliyay” ayuu yiri qofkaan aan la hadalnay islamarkaana aan qarinay magaciisa.

“Intaas oo dhan waxaa ka sii daran, lacag yar ma aheyn wixii la bixinayay, waxaana qofkii loo garto loo jarayay xoogaa lacag ah, musharaxa waxa uu jeebkiisa ka soo bixinayay lacag boqol boqol u xiran waxaana dadka loo jaryay lacag aan ku qiyaasay 500-1000$” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qof kamid ah masuuliyiintii goobta ku sugneed.

Dadka ugu badan lacagta helay waxay ahaayeen odayaasha dhaqanka ee degaanka, Xildhibaano iyo siyaasiin kale oo degaanka ka soo jeeda iyo kuwa aan ka soo jeedin balse miisaan culus ku leh siyaasadda Soomaaliya, sida ay noo sheegeen qaar kamid ah dadkii goobta ku sugnaa.

Dhinaca kale, waxaa maanta magaalada Muqdisho, feel dheer hotel-ka Jazeera ka jira mashquul badan iyo safaf dhaa-dheer oo lagula kulmayo musharax Qoor-qoor oo halkaasi dagan. Dadka raadinaya musharax ayaa ka kooban 3 qayb oo kala ah.

  1. Qof u raadsaday shaxaad ama in xoogaa lacag ah uu ka soo helo maadaama agtiisa ilaa dorraad la sheegayo in lagu bixinayay lacag badan dad badanna ay ka heleen.
  2. Shaqsiyaad raba in ay ka soo muuqdaan ololihiisa iyo kooxda olalaha kuwaas oo u badan dhalinyaro degaanka u dhashay.
  3. Iyo shaqsiyaad siyaasiin ah oo ugu socda hambalyeen, talo soo jeedin iyo sheeko caadi ah.

Shaki kuma jiro in lacagtii dorraad la bixiyay ay aheyd midda qaranka oo ay Qoor-qoor gadaal ka riixeyso Xukuumadda Soomaaliya. Warar ayaa sheegaya in malaayiin lacag ah ay siisay dowladda Soomaaliya Wasiir Qoor-qoor ka hor ku dhawaaqista musharaxnimadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Fallanqeyn: Hanjabaadda Axmed Madobe ee Farmaajo

Tan in iyo markii ay dhacday doorashadii Jubaland, waxaa la sugayay in Axmed Madoobe hadlo oo la ogaado wuxuu damacsan yahay.

Axmed Madoobe waa hadlay wuxuu ku tilmaamay doorashadiisii inay ku timid rabitaanka reer Jubaland iyadoo aan cidna la khasbin, cidnana la laaluushin.

Eed iyo Hanjabaad

Wuxuu dawladda dhexe ku eedeeyay inay tahay mid waddanka u horseedaysa bur-bur iyo dagaallo hor leh. Wuuna hanjabay oo wuxuu yiri haddii dawladda Farmaajo aysan qaab dhaqankeeda Jubaland wax ka beddalin, arrintu sidaan waa ka adkaan doonta. Hanjabaadda Axmed Madoobe waxaa badanaa loo fasirtay inuu xiriirka u jari doono dawladda dhexe amaba uu oran doono Jubaland Soomaaliya wa ka go’aday oo Kenyay ku biirtay. Taasina waxay noqonaysaa khiyaano iyo bur-burin qaran (High Treason).

Si kastaba ha ahaatee arrintaan waa midda walieeg Kenya dabo joogtay oo ahayd inay Jubaland ka dhigato buffer zone ay iyadu maamulato, uuna ka taliyo qof iyada ka amar qaata.

Haddii tallaabadaas ku dhaqaaqo, waxay noqonaysaa qas iyo fawdo hor leh. Laakiin sharci ahaan wax dhaqan gali kara ama cidina aqoonsan karto ma noqonayso. waxay muujin doontaa maan gaabnimadiisa iyo sida uusan ula socon ujeeddada fog ee Kenya ka leedahay curyaaminta Soomaaliya iyo xalaalaysiga khayraadka baddeeda. Halka waxa keliya ee isagu raadinayo ay noqonayso Kurisga.

Sida muuqata labada dhinac sidii hore way sii kala fogaadeen.

Maxaa xal ah?

Xalku waa in qori iyo qaaciisba la isla tuuro.

  1. In dib u heshiisiin dhab ah laga dhex sameeyo beelaha Jubaland ka hor inta aan doorasho dambe la samayn.
  2. In oday dhaqameedyada saxda ah ay beel walba ka soo xulaan xildhbaanadooda.
  3. In xildhibaanada saxda ah loo gudbiyo dawladda dhexe iyo tan maamul goboleedka Jubaland.
  4. In Saxaafadda iyo beesha caalamku goob joog ku ahaadan rugta doorashada.
  5. In maamul ku meel gaar ah loo dhiso Jubaland, xaruna looga dhigo meel aan ahayn Kismaayo.
  6. In beesha caalamku ay u hoggaansanto go’aanada dawaladda ee ku aaddan Jubaland.

Muxuu Axmed Madoobe ku mutaystay Xukunka

Axmed Madoobe aha nin la bidayo aqoon oo waligiis xataa dugsi hoose ma dhigan, waddani ma aha haddii kale Soomaaliya cadow gacanta uma galiyeen, waayo aragnimo dawladeed iyo mid maamul ma leh, ciidankiisa iyo shaqaalaha xukuumaddiisa waxay u badan yihiin Liyuu Boliiskii iyo sirdoonkii Cabdi Ilay oo Jubaland u soo cararay markii la qabtay Cabdi Ilay.

Marka sow ma aha in la is waydiiyo muxuu ku Madaxwaynenimada Jubaland ku mutaystay.

Ugu dambayn, khatarta ugu wayn oo ay wajahayso midnimada, madax banaanida, dib u heshiisiinta, iyo dib u dhiska Soomaaliya, waa Axmed Madoobe oo raba inuu Jubaland gacanta u galiyo dalal shisheeye ah.

Ma mudna Axmed Madoobe inuu Jubaland xoog ku haysto ee wuxuu mudan yahay inuu maro waddadii saaxiibki Cabdi Ilay, iyo tii Qadaafi ay mareen.

Allow sharkiisa ka bed-baadi Soomaaliya

W/Q: Axmed Bashir
[email protected]

Galeyr oo shaaciyay talaabo uu qaadi doono haddii Biixi uu fulin waayo heshiiskiisi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa ka hadlay heshiiskii ay la galeen xukuumadii Kulmiye, isagoona sheegay inay weli ka dhago adeygayso xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi.

Prof. Galeyr ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in maamulka Somaliland la kala yeesho, isla markaana rajo xumo ka muujiyay heshiiskii uu hore ula galay xukuumadii Axmed Siilaanyo.

Prof Cali Khaliif Galeyr ayaa hadalkaasi ka jeediyey, xaflad hay’ad samo-fal ah loogu sameynayey mujaahid Axmed Ismaaciil Dukhsi oo ka mid ahaa aasaasayaashii ururkii SNM ee uu ka tirsanaa madaxweynaha talada Somaliland haya ee Muuse Biixi, wuxuuna yiri:

“Anigu waxaan odhan lahaa oo khalad badan laga fahmay waar Somaliland la wada leeyahay habkii Axmed Ismaacil Cabdi iyo ragiisu ay uga shaqeeyeen aan looga shaqayn walee meel fog ayaa laga dooni, Xamarna waxa yaala waan ognahay Garoowe iyo halkan 4.5 ayay noqtay bal inan tolkii uga dhawahay Somaliland iyo Burcaba ee hadana leh Somaliland ayaan aaminsanahay”.

“Haddana aan ka dhaqaaqi karayn heshiiskii madaxweynuu saxeexay oo baarlamaanku gudbiyay, hadalkaas waxaan u leeyahay dad badan ayaa odhan jiray waanu ku maq-maqli jirnaye, saxaafada anigaa ka gaabsaday maxaa yeelay tabliiq siyaasiga aanu ka hadlaynay ayay dadka qaarkii shido iyo xumaan u arkeen waar anaga ayaa Somaliland rabna waar anaga ayaa ka mid ah, cidna marti uma nihin”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Arrintaas haddii aan la dhamayn, hadda maaha mid la leeyahay hadaydaan waxaas dhamayn anaguna sidas ayaanu yeelaynaa ,waxaanu magaaladan ka maqalno iyo dad mas’uul ah oo aanan ugaba baran inay arimo siyaasadeed ka hadlaan oo ciidamada ah oo nin ciidanka hoggaamiya sidee arimo xaasaasi ah oo qabali ah oo runtii dhib nagu wada haya, cidaad la leeyahay cidii baxdayna tage kuwa kalena haka daba tageen”.

“Nin weyn tag lama yidhaahdee wax uu ku tagaa la tusaa, Somaliland cid kale leedahay walee in aanan kamid noqonayn Somaliland aanu marti ka nahay oo aanu baryayno kama mid noqonayno, anigu hadaan ka mid noqdo waaban joogaa Hargeysa ee umada aagaas joogtaa oo la leeyahay 6800 oo ciidan ah ayaa u qoran oo laba milyan oo doolar ayaa ku baxda caaglaynta iyo khaladka Hargeysa ka socda umad kale laguma eedayn karo, ka tagayna waxa uu uga tagay ayuu arkay waar inta yar ee ku hadhayna ha ka didinina”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]  

Xildhibaanada baarlamanka Somalia oo laga kaxeestay ciidamadii ilaalada u ahaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa amray in la soo xareeyo dhammaan ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ilaalada u ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Ciidankaan ayaa looga yeeray taliska Villa Baydhabo oo ay ku jiraan muddo ka badan 7 maalmood, sida ay noo xaqiijiyeen Xildhibaanadii laga ka xeestay ilaalada.

Dhowr Xildhibaan oo aan la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay in muddo todobaad ah ay yihiin ilaalo la’aan, islamarkaana maanta loo cadeeyay in aysan soo laaban doonin ciidankii ilaalada u ahaa.

“Muddo dhowr maalmood ah wax ilaalo ah ma heysano, waxaana looga yeeray Villa Baydhabo ilaa haddana sooma laaban” ayey tiri Sen Nuure Jaamac oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

“Taliska Villa Baydhabo oo aan lahadalnay, waxay noo sheegeen in amar ka soo baxay Jeneral Odowaa lagu xareeyay dib dambane aysan usoo laaban doonin” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa oo ka tirsan Golaha Shacabka oo aan la hadalnay.

Xubnaha Ciidanka laga ka xeestay ee ilaalo la’aanta kuwaas oo katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaraya ku dhowaad 100 Xildhibaan oo isugu jira labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada laga xareeyay ilaalada waa kuwa markii hore ilaalada u aheyn ciidan ka tirsan Gaashaandhigga Soomaaliya, halka Xildhibaanada kale ee ilaalada u ahaayeen Ciidamada kale aysan waxba iska badalin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Guddiga beesha Habar-gidir oo dalab culus hor-dhigay DF

0

Dhuusamareeb-(Caasimada Online) – Guddiga midnimada beelaha Habar-gidir ee lagu soo doortay magaalada Hobyo oo uu hoggaaminayo guddoomiyahooda Prof. Shirwac ayaa galabta wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Sabriye kula kulmay magaalada Dhuusamareeb.

Xubnaha guddiga ayaa wasiir Sabriye ka dalbaday in loo madax baneeyo in ay soo xulaan xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Galmudug kasoo galaya beesha Habar-gidir, oo ay guddi ahaan ku matalayaan.

Wasiir arrimaha gudaha Cabdi Sabriye ayaa sida aan xogta ku heleyno ka cudur daartay dalabka guddigaan, isagoo ku war galiyay in madaxweyne Farmaajo uu maalmaha nasoo aadan soo gaarayo Dhuusamareeb arrinkaasna ay isaga kala hadlaan.

Xubnaha guddiga oo dadaal badan ugu jira sidii ay madax banaani ugu heli lahaayeen soo xulidda Xildhibaanada ka imaanaya beeshooda ayaa caawa Dhuusamareeb kulan kula leh hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna Waljamaaca, waxeyna kala hadlayaan arrimo la xiriira dhismaha maamulka Galmudug.

Xubno ka tirsan guddiga ayaa Caasimada Online u sheegay in Ahlu-Sunna ay kala hadlayaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen in ay soo xulaan xildhibaanada Galmudug ee ka imaanaya beesha usoo xulatay in ay mideeyaan.

Dalabka cusub ee guddigaan ayaa ku soo aadaya iyadoo uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku tala jiro sidii uu uga laaban lahaa heshiiskii ay xukuumaddiisu Ahlu-Sunna ugu ogolaatay 30-ka xildhibaan, kaddib markii ay ku dhalatay baqdin ah musharaxa ay codkooda siinayaan.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

Sawirro: Musharax kale oo kusoo biiray loolanka loogu jiro hogaanka Galmudug

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdi Cabdllaahi Axmed oo lagu naynaaso (Cabdi Dheere) ayaa maantay si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxwaynaha Galmudug 4ta sano ee soo socota, munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Aljazeera.

Waxaa munaasabada kasoo qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaannada Labada Gole, siyaasiyiin magac ku dhex-leh bulshada Soomaaliyeed, Sariikiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Odoyaal dhaqameed, waxgarad, haweenka iyo dhalinyarada kasoo jeeda deegaannada Galmudug.

Munaasabada ayaa lagu soo bandhigay suugaan kale duwan oo isugu jirta heeso, gabayo, iyo murti taabatay dareenka kasoo qayb-galayaasha, waxaase dhammaan dadkii ka hadlay xaflada ay isla qireen in Musharax Cabdi Dheere yahay qofkii ugu mudnaa ee Galmudug midayn-lahaa.

Gabagabadii xaflada ayaa waxaa soo xiray Musharax Cabdi C/llaahi Axmed (Cabdi Dheere) waxaana uu goobta ka jeediiyay khudbad uu kaga hadlay arrimo kale duwan, waxana isagoo sharaxaya ujeedada ku kaliftay tartanka ololaha Galmudug uu yiri “Waxaan ahay qof xog’ogaal u ah xaaladda ay Galmudug maantay ku sugan-tahay, uma tartamayo Galmudug in aan ka shaqaysto, ee waxaa iga go’an in aan Galmudug u shaqeeyo”

Sidoo kale mar uu ka hadlayay arrinta dakada Hobyo ayuu wuxuu yiri “Waxaa laga yaabaa haddii siyaasigu uu ka hadlo arrimaha Galmudug oo uusan dakada Hobyo soo hadal-qaadin in loo qaato qof aan waxba sheegin, sidaas awgeed, waxaan aaminsanahay in Dakada Hobyo ay tahay Dakad Soomaaliyeed, Galmudug waxaa waajib ku ah in ay diyaariso jawi lagu dhisi-karo dakadaas, balse nafaceeda, faa’iidadeeda, iyo waxtarkeedaba waxaa iska leh ummadda Soomaaliyeed”

Xog ku saabsan weerarkii maanta ka dhacay Marka xilli uu khudbeynayey Kheyre

0

Marka (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxay madafaiic lagu garaacay xarunta degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, xilli uu khudbad ka jeedinayey ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga magaalada.

Mid ka mid ah madaafiicda oo ahaa hoobiyeyaal ayaa ku dhacay meel xoogaa u jirta barxadda xarunta degmada Marka, oo uu khudbad ka jeedinayey ra’iisul wasaaraha, halka mid kalena uu ku dhacay guri ay shacab degan yihiin.

Madfac ku dhacay halka u dhow masrixii uu Kheyre ka hadlayey ayaa loo maleeyey bam, sida ay horey u werisay Caasimada Online, hase yeeshee ciidamada ammaanka ayaa baaritaan kadib xaqiijiyey inuu ahaa hoobiye.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inaan marnaba halis gelin, islamarkaana halka madfaca uu ku dhacay ay ay ka yara fogeyd isaga ahaan, balse uu naxay oo uu joojiyey khudbaddii.

Madfaca labaad ayaa ku dhacay guri shacab ah, waxaana ku dhintay laba haween ah.

Dadkii joogay halkii uu Kheyre ka hadlayey ayaa kala cararay, waxaana kadib dhacay rasaas xooggan oo ay fureen ciidamada Amisom iyo kuwa ilaalada u ah Kheyre, oo garan waayey halka looga yimid.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ku qasbanaatay inuu soo geba gebooyo khudbaddiisa islamarkaana goobta ay kala cararaan ciidamadiisa iyo kuwa Amisom.

Ra’iisul wasaaraha ayaa maalmahan booqasho ku marayey qaar ka mid ah magaalooyinka dalka, isaga oo wada dadaallo u eg olole doorasho, xilli uu qorsheynayo inuu madaxweyne isku sharxo 2021.

Caasimada Online
Xafiiska Marka
[email protected]

Mareykanka oo shaaciyey in howlgal lagu dilay wiil uu dhalay Osama Bin Laden

0

Washington (Caasimadda Online) – Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Maanta oo Sabti ah sheegay in la dilay Wiil uu dhalay Hoggaamiyihii la dilay ee Al-Qaacidda Osama Bin laden.

Mareykanka ayaa sheegay in Howlgal ka dhan ah Argagixisada lagu dilay Xamza bin Laden oo ah wiil uu Dhalay Osama Bin Laden.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa xusay in Xamza Bin Laden uu caan ka dhex ahaa Kooxda Al-Qaacidda oo uu laf dhabar u ahaa aabihiis.

Warka kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in howlgalkaan uu ka dhacay dhul u dhaxeeyo Xuduudda Wadamada Afghanistan iyo Pakistan.

Warbixintaas kasoo baxday Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhimashada Xamza Bin Laden ay saameyn ku yeelan doonto Xirfadaha Hoggaaminta ee Kooxda maadaama uu wiilkaan Aabihiis ka dhaxlay xirfadda hoggaaminta iyo qaabka fulinta howlgalada aee kooxdaan .

Osama Bin Laden ayaa lagu dilay Abbottabad oo ka tirsan Dalka Pakistan 2 Bishi May Sanadkii 2011 kadib howlgal ay fuliyeen ciidamda gaarka ah ee Mareykanka.

Sida laga arkay warqado laga helay dhismihii lagu dilay Osama bin Laden, ee magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, Hamza, ayaa waxaa illaa iyo yaraaantiisa loo diyaarinayey inuu mar un hoggaanka Al-Qacida kala wareegay aabihiis.

Caasimada Online
Xafiiska Washington 
[email protected]

Somaliland oo shaacisay in ay ka baxday heshiiskii saldhiga militari ee Berbera

0

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii u horeysay si dad-ban shaaca uga qaaday inay xukuumadiisa ka laabatay saldhigii millateri ee magaalada Berbera ka siisay dowlada Imaaraadka Carabta.

Muuse Biixi ayaa ku micneeyay talaabadan ay kaga laabteen heshiiskii ay dowlada Imaaraadka saldhig ku siinayeen, mid timid wada-tashi dheer kadib markii xukuumadiisa ka yeelatay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkaasi sheegay xili uu maanta ku sugnaa Garoonka magaalada Berbera, isagoona ka dhawaajiyey in garoonka berbera laga dhisi doono uu kamid noqon doono garoomada ugu waaweyn dunida.

“Garoonkii Berbera ee in badan laga murmayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la-lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu yahay, Ciidankii waan ka wareejiyey oo waa Shibil maanta, wuxuu noqonaya habka ugu weyn” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Wuxuuna intaas kusiid aray “Horumarku waxa uu ku yimaaddaa nabadda, intaynnu nabadda xoojinno ee khilaafaadka yaraynno ayuu horumarkeennuna kordhayaa, meel la isku khilaafsan yahayna horumar laguma gaadho, maamulka Berbera iyo odayaashiisaba waxan ku bogaadinayaa inay nabadda aad u xoojiyeen beryahan dambe, waana tusaale wanaagsan”.

Hadalkan madaxweynaha Somaliland ee ku aadan ka noqoshada saldhigii Millateri ayaa ku soo aadaya xili uu muran baahsan ka taagna Saldhiga xukuumada Kulmiye ay Berbera ka siisay dowlada Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

Xarumaha shidaalka dalka Sacuudi Carabiya oo lala beegsaday duqeyn culus

0

Dahraan (Caasimadda Online) – Warbaahinta Sucuudiga ayaa ku warantay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka la yiraa ay weerareen oo dab qabad siiyey laba wershadood oo kuwa shidaalka ah oo ay leedahay shirkadda dawladda ee Aramco.

Muuqaallo goobahaa laga soo duubay ayaa muujinaya olol iyo qiiq ka kacaya Abqiiq oo ah wershadda ugu weyn dunida ee saliidda sifaysa.

Weerar labaad oo ay qaaday diyaarad aan duuliye lahayn ayaa isna lagu ekeeyey warshadda shidaalka ee Khurays ee dhanka galbeed ee Sucuudiga. Dabkii ka kacay labada wershadood ba haatan waa xakameeyey ayey ku waramaysaa warbaahinta dawladdu.

“Abaarihii 4.00am ee waqtiga Sacuudiga kooxaha nabadgelyada ee warshadaha ee Aramco waxay bilaabeen inay wax ka qabtaan dab ka kacay laba xarumood oo ku yaala Abqaiq iyo Khurais taas oo ka dhalatay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,” sidaa waxaa yiri Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga.

“Dabkii labada goobood ka kacayna haatan waa la xakameeyey” ayey intaa ku dartay wakaaladdu.

Dagaalyahannada Xuutiyiinta ayaa hore loogu eedeeyey weerarro ay bishii hore diyaarado aan duuliye lahayni ku qaadeen warshadda gaaska dabiiciga ah soo saarta ee Shaybah iyo goobo kale oo shidaalka laga qodo oo bishii May iyagana weerarro lagu qaaday.

Sacuudi Carabiya ayaa muddooyinkii u dambeeyay la kulmayay weeraro kaga imaanayay Jabhadda Xuutiyiinta Yemen, iyagoo si gaar ah u beegsanayay xarumaha shidaalka laga soo saaro ee Sacuudiga leeyahay.

Abqiiq waxay 60 km dhanka koonfur galbeed ka xigtaa magaalada Dahraan ee xarunta u ah gobolka bari ee Sucuudiga, Khurays na waxay ka sii shishaysaa 200 km, waxaana ku taal warshadda saliidda ee labaad ee dalka ugu weyn.

Caasimada Online
Xaafiiska Jeddah
[email protected]

Magacyada mas’uuliyiinta lagu dilay qaraxii maanta

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeri ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dashay qarax miino oo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle maanta lagula eegtay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu haleelay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen mas’uuliyiintaasi, kuwaas oo ka soo ambabaxay Balcad, kuna sii jeeday Jowar.

Mas’uuliyiinta la xaqiijiyey inay qaraxaasi ku dhinteen waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenkii Maaliyadda ee gobolka Sh/Dhexe, Cabdulllaahi Shitaawe, wasiirkii hore ee wasaaradda Ganacsiga Hirshabelle, Sabriye Cusmaan iyo nin lagu magacaabayey Xasan Baldoos, kaas oo la shaqeynayey mid ka mid ah hay’adaha Samafalka ee gobolkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in khasaaraha uu ka badan yahay intaasi  islamarkaana ay jiraan dhaawacyo kale.

Weli ma jirto cid faah faahin ka bixisay qaraxaasi, balse waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo maalmihii la soo dhaafay aad loga digayey amni darro baahsan oo ka jirta waddada dheer ee isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xaafiiska Jowhar
[email protected]

Dagaal khasaare sababay oo ka dhacay Dhuusamareeb

0

Dhuusamaereeb (Caasimada online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan dowladda, gaar ahaan kuwa Danab oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in iska hor imaadka oo ahaa mid kooban uu ka qarxay agagaarka garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaaladaasi.

Inta la xaqiiiyey waxaa israsaaseyntaasi ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan uu yimid, kadib muran ka dhashay waxyaabaha maanka dooriya oo ay isticmaalyeen askar ka tirsan kuwa dowladda.

Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in goobta ay gaareen saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo ku baxay xiisadaasi, si ay u xaliyaan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dowladda ee dhowaan la geeyey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay wada dagaamalamaan ciidamo ka wada tirsan dowladda, waxaana horay magaaladaasi isugu fara saaray ciidamo ka kala tirsan Nabad Sugida iyo Booliska Soomaaliya.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

Xidig oo dhaawaca Qalyar la xiriiriyey hadal uu maalin ka hor sheegay A/Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha Jubaland ayaa ka hadlay dhaawacii xalay Kismaayo loogu gaystay Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Bedbaadada isbedel doonka Jubaland. Hoos ka aqriso qoraal uu Xidig soo dhigay bartiisa facebook.

Bismilaah:

Ilaahay ayaan caafimaad degdeg ah uga baryeynaa Av. Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Bedbaadada isbedel doonka Jubaland:

Makhribnimadii Caawa ayaa lagu toogtay Magaalada Kismayo, dhakhatirta ayaa la tacaaleysa dhaawiciisa waxaana ilaahay uga baryeynaa inuu xaaladiisa sahlo:

Waa hubaal inuu xidhiidh toosa ka dhexeeyo Khudbadii Naflacaariga ahayd ee shalay uu jeediyay Madaxweynihii hore ee Jubaland iyo toogashada Caawa:

Golaha Badbaadada isbedel doonka Jubaland Waxaan ka codsanayaa inay usoo duceeyaan Av.Axmed Jaamac:

Sidoo kale Golaha isbedel doonka Jubaland Waxaan ugu baaqayaa inay feejignaan dheeriya galaan: Waa hubaal inuusan ruuxna maalintiisa dhaafaynin:

Golaha isbedel doonka Jubaland marna ma hakin doono ujeedada iyo goolka isbedel doonka:

Shacabka Jubaland, Dowlada Federaalka, Beesha caalamka iyo Ciidamada Amisom Waxaan ugu baaqayaa inay Gutaan masuuliyada ka saaran Ilaalinta Shacabka iyo Dadka masuuliyiinta ee indhaha u ah bulshada:

Amaana Alaah:
Xidig
Kismayo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kooxda Farmaajo oo ka jawaabtay sheegashadii Kheyre ee libinta ciidamada

Kadib ku dhowaad laba bil oo ay aamusnaayeen kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa qaaday tallaabo ay kaga fal-celinayaan sheegashada ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ee libinta dib qaabeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa 26-kii July qaaday tallaabo aan caadi ahayn, oo ra’iisul wasaaraha uu ku sheeganayo mansabkii madaxweynaha ee taliyaha guud ee ciidamada xoogga dalka.

Waxay soo saareen muuqaallo ka kooban laba qeyb oo luuqadaha Soomaaliga iyo English-ka ah, oo cinwaan looga dhigay “Dib u dhalashada libaaxyada Geeska Afrika.”

Muuqaalladan ayuu Kheyre ku sheegtay in isaga uu leeyahay dib u qaabyenta ciidamada xoogga dalka, sida diiwaan gelinta habka casriga ah ee raadka faraha, bixinta mushaharka, yareynta musuq-maasuqa iyo ka-saarista ciidamada ee tiro badan oo aan jirin oo magac ahaan un u qornaa.

Inkasta oo ay jirto in Kheyre uu kaalin ku lahaa dib qaabeynta ciidamada, haddana dad badan ayey la-yaab ku noqotay inuu kaligiis isku kobo, kana tago madaxweynaha, kadibna xirto tuutaha ciidamada, islamarkaana isu-muujiyo inuu yahay taliyaha guud ciidamada xoogga dalka, oo ah mansab uu gaar u leeyahay madaxweynaha.

Xafiiska madaxweynaha ayaa ugu dambeyn maanta ka fal-celiyey tallaabada uu qaaday Kheyre, wuxuuna soo saaray muuqaal la mid ah kii Kheyre, oo madaxweynaha uu ka dhex muuqdo, laguna sheegay in madaxweynaha uu leeyahay libinta dib u qaabyenta iyo guulaha ciidamada ay gaareen.

Muuqaalka kooxda Farmaajo ayaa si cad jawaab iyo diidmo ugu ahaa damaca ra’iisul wasaare Kheyre.

Labada muuqaal ee labada dhinac ayaa farqiga u dhaxeeya kaliya waxa uu yahay in madaxweynaha uu adeegsaday taleefishinka qaranka, halka muuqaalka Kheyre oo xafiiskiisa uu sameeyey ay baahiyeen warbaahin gaar loo leeyahay oo lacag lagu siiyey. Muuqaalka Kheyre ayaa sidoo kale habka loo diyaariyey iyo qaabka loo jar-jary (Video editing), waxa uu aad uga xirfad sarreeyaa kan kooxda madaxweynaha, waxaana ka muuqata lacagta xooggan ee ku baxday.

Dadka fallan-qeeya siyaasadda ayaa rumeysan in ra’iisul wasaaraha oo la rumeysan yahay inuu madaxweyne isku sharxi doono 2021-ka uu soo hormariyey waqtigii ololaha doorashada, islamarkaana kaaga daran’e sheegtay mansabkii madaxweynaha Kheyre.

Ololaha Kheyre, oo hadda si xowli ah ku socda, ayaan ku koobneyn kaliya arrimaha ciidamada, waxaana qeyb ka ah dadaallada uu ka wado Galmudug, dadaalkii uu ku fashilmay ee ayada oo aan madaxweyne Farmaajo raali ka ahayn uu heshiis kula galay Axmed Madoobe, iyo booqashada uu toddobaadyadii dhowaa ku bixinayey magaalooyin dalka kal mid ah, oo lacago ugu deeqayey.

Dad Kheyre ku dhow ayaa laga soo xigtay in damaca madaxweyne uu Kheyre ku jiray tan iyo maalintii uu xafiiska fariistay, hase yeeshee uu si tartiib ah ololihiisa si hoose ugu billaabay horaantii sanadkan, haddana uu sii xoogeysanayo.

Damaca Kheyre ayaa wiiqi kara howlaha dowladda muddada sanadka iyo barka ah ee u harsan, waxaana dadka Kheyre ay soo jeediyeen in haddii uu go’aansaday inuu isu sharxo madaxweyne ay habboon tahay inuu is-casilo oo uu taas xoogga saaro, balse ay khalad tahay inuu damaaciyo kursiga ninkii xilka ku aaminay, islamarkaana hantida dowladda uga faa’iideysto sidii uu kursigiisa kula wareegi lahaa.

Hoos ka daawo muuqaallada labada dhinac, waxaana soo horeeye kan Kheyre.
Muuqaalka Kooxda Kheyre

Muuqaalka Kooxda Farmaajo

Tifaftirka Caasimada Online
Muqdisho, Soomaaliya

Dhamme oo soo jeediyey xil ka qaadista Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta si adag u dhaliilay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana ku cambaareeyay xariga ay xukuumadu kula kacdo warbaahinta.

Waddani ayaa Madaxweyne Biixi ku tilmaamay mid ku fashilmay hogaamintii Somaliland, isagoona hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay talo qaran oo xilka lagaga tuuro Madaxweyne Muuse Biixi.

Maxamed Sidiiq Dhamme, Guddoomiyaha garabka dhallinyarada ee xisbiga Waddani oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu yiri “Waxaanu dareemaynaa in Xisbiga Kulmiye uu ku fashilmay Hoggaaminta dalka oo aanu sii wadi karin”.

“Madaxweynaha laftiisana waxaan ugu baaqeyna maaddaama oo uu dalka u wadi karin sidii Dastuurku ogolaa ee Dawladnimadan loo dhisay inuu hoggaaminta ku wareejiyo Golaha Guurtida, ummadduna isugu timaaddo talo Qaran oo Dadka reer Somaliland ay aayahooda ka tashadaan, oo la helo nidaam Somaliland u caddaalad sameeya, u xorriyad sameeya, una xaq sameeya”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu runtii ka xunahay oo aan u aragnaa cabudhin, cadaadis iyo in xoriyatul qowlka lagu tumanayo, saxaafada Somaliland xadhiga iyo xayiraadaha lagula kaco”.

“Waxaana lagu qasbayaa in dalkooda ka yaacan nimanka dhalinyarada ah ee wariyayaasha u badan ee dalkooda ka shaqeysanaya. Wasaarada warfaafintu laftigeeduna, niyad jabkaa iyo maamul xumadaa, iyo weliba hogaamin daradaasi qeyb bey ka tahay”. 

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

Xog: DF oo dooneysay inay lacageyso xildhibaannada Ahlu-Sunna, cabsi darteed

0

Dhuusamareeb-(Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qarka u saaran in ay ka laabato heshiiskii ay 30-ka Xildhibaan ugu balan qaaday kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca kadib walaac soo food saaray.

Caasimada Online ayaa heshay xog sheegaysa in xukuumadda federaalka ay baqdin ka qabto saameynta 30-ka xildhibaan ee loo balan qaaday Ahlu-Sunna, waxayna baqdinta ugu badan ka jirtaa halka ay codkooda ku biiri doonaan, maadaama ay loolan adag wajaheyso doorashada Galmudug.

Dowladda Federaalka ayaa doonaysa in ay Ahlu-Sunna lacag ugu badasho 30-kii xildhibaan oo ay horay ugu balan qaaday, islamarkaana dowladda ay kala wareegto soo xulista xildhibaannadaas una dhiibto odayaal ayada taageersan.

Ahlu-Sunna ayaa markii hore dalbatay in la siiyo 35 xildhibaan, waxaana dalabkooda si weyn uga soo horjeestay Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyadoo markii bambe uu madaxweyne Farmaajo arrinta soo fara galiyay Kheyre-na faray in Ahlu-Sunna la siiyo 30 xildhibaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa fuliyay amarka madaxweyne Farmaajo, isga oo xiligaas ku sugnaa Dhuusamareeb, balse hadda ayaa waxaa la sheegay in arrintu ay la xumaatay oo uu is badalay.

Hoggaanka Ahlu-Sunna oo dhankooda doonaya in saameyn siyaasadeed ay ku yeeshaan maamulka laga dhisayo Galmudug ayaa wali arinkaan la hor dhigin.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xoogga saaraya sidii musharaxa uu wato uu ugu soo bixi lahaa doorashada Galmudug, waxuuna loolan xoogleh kala kulmayaa xildhibaanada mucaaradka ah iyo xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud.

Inta badan xildhibaanada mucaaradka ah iyo xigbiga Xasan Sheekh ayaa taageeraya musharax Cabdiraxmaan Odawaa oo ka shacbiyad badan musharaxa ay wadato xukuumadda Nabad iyo Nolol.

Dowladda ayaa hadda ka cabsi qabta in Ahlu-Sunna ay heshiis la gasho mucaaradka kadibna soo xulaan madaxweyne aan ahayn kan ay wadato kooxda Nabad iyo Nolol.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

Jubbaland oo war ka soo saartay dhaawaca QALYAR

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa si kulul uga hadlay dhaawaca, Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa guddoomiyaha guddigii la magacbaxay badbaadada Jubbaland oo ay sameysteen musharixiintii is-bedal doonka ee mamaulkaasi, kaas  oo xalay lagu weeraray magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Cabdinuur ayaa sheegay in xaaladda Qalyar oo sidoo kale ah Nabadoon ay soo hagaageyso, islamarkaana lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ammaanka ee Jubbaland ay ku raadjoogaan kooxihii ka dambeeyey falka lagu dhaawacay mas’uulkaasi.

Waxa kale oo uu ugu baaqay shacabka Kismaayo in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga ee maamulkaasi, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada.

Muddooyinkii dambe amniga Kismaayo ayaa ahaa mid degan, iyadoona dilkan uu noqonayaa kii kowaad, tan iyo markii doorashooyin iska soo horjeeda ay ka dhaceen magaaladaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

Caasimada Online
Xaafiiska Kismaayo
[email protected]