26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xidig oo dhaawaca Qalyar la xiriiriyey hadal uu maalin ka hor sheegay A/Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha Jubaland ayaa ka hadlay dhaawacii xalay Kismaayo loogu gaystay Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Bedbaadada isbedel doonka Jubaland. Hoos ka aqriso qoraal uu Xidig soo dhigay bartiisa facebook.

Bismilaah:

Ilaahay ayaan caafimaad degdeg ah uga baryeynaa Av. Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Bedbaadada isbedel doonka Jubaland:

Makhribnimadii Caawa ayaa lagu toogtay Magaalada Kismayo, dhakhatirta ayaa la tacaaleysa dhaawiciisa waxaana ilaahay uga baryeynaa inuu xaaladiisa sahlo:

Waa hubaal inuu xidhiidh toosa ka dhexeeyo Khudbadii Naflacaariga ahayd ee shalay uu jeediyay Madaxweynihii hore ee Jubaland iyo toogashada Caawa:

Golaha Badbaadada isbedel doonka Jubaland Waxaan ka codsanayaa inay usoo duceeyaan Av.Axmed Jaamac:

Sidoo kale Golaha isbedel doonka Jubaland Waxaan ugu baaqayaa inay feejignaan dheeriya galaan: Waa hubaal inuusan ruuxna maalintiisa dhaafaynin:

Golaha isbedel doonka Jubaland marna ma hakin doono ujeedada iyo goolka isbedel doonka:

Shacabka Jubaland, Dowlada Federaalka, Beesha caalamka iyo Ciidamada Amisom Waxaan ugu baaqayaa inay Gutaan masuuliyada ka saaran Ilaalinta Shacabka iyo Dadka masuuliyiinta ee indhaha u ah bulshada:

Amaana Alaah:
Xidig
Kismayo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kooxda Farmaajo oo ka jawaabtay sheegashadii Kheyre ee libinta ciidamada

Kadib ku dhowaad laba bil oo ay aamusnaayeen kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa qaaday tallaabo ay kaga fal-celinayaan sheegashada ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ee libinta dib qaabeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa 26-kii July qaaday tallaabo aan caadi ahayn, oo ra’iisul wasaaraha uu ku sheeganayo mansabkii madaxweynaha ee taliyaha guud ee ciidamada xoogga dalka.

Waxay soo saareen muuqaallo ka kooban laba qeyb oo luuqadaha Soomaaliga iyo English-ka ah, oo cinwaan looga dhigay “Dib u dhalashada libaaxyada Geeska Afrika.”

Muuqaalladan ayuu Kheyre ku sheegtay in isaga uu leeyahay dib u qaabyenta ciidamada xoogga dalka, sida diiwaan gelinta habka casriga ah ee raadka faraha, bixinta mushaharka, yareynta musuq-maasuqa iyo ka-saarista ciidamada ee tiro badan oo aan jirin oo magac ahaan un u qornaa.

Inkasta oo ay jirto in Kheyre uu kaalin ku lahaa dib qaabeynta ciidamada, haddana dad badan ayey la-yaab ku noqotay inuu kaligiis isku kobo, kana tago madaxweynaha, kadibna xirto tuutaha ciidamada, islamarkaana isu-muujiyo inuu yahay taliyaha guud ciidamada xoogga dalka, oo ah mansab uu gaar u leeyahay madaxweynaha.

Xafiiska madaxweynaha ayaa ugu dambeyn maanta ka fal-celiyey tallaabada uu qaaday Kheyre, wuxuuna soo saaray muuqaal la mid ah kii Kheyre, oo madaxweynaha uu ka dhex muuqdo, laguna sheegay in madaxweynaha uu leeyahay libinta dib u qaabyenta iyo guulaha ciidamada ay gaareen.

Muuqaalka kooxda Farmaajo ayaa si cad jawaab iyo diidmo ugu ahaa damaca ra’iisul wasaare Kheyre.

Labada muuqaal ee labada dhinac ayaa farqiga u dhaxeeya kaliya waxa uu yahay in madaxweynaha uu adeegsaday taleefishinka qaranka, halka muuqaalka Kheyre oo xafiiskiisa uu sameeyey ay baahiyeen warbaahin gaar loo leeyahay oo lacag lagu siiyey. Muuqaalka Kheyre ayaa sidoo kale habka loo diyaariyey iyo qaabka loo jar-jary (Video editing), waxa uu aad uga xirfad sarreeyaa kan kooxda madaxweynaha, waxaana ka muuqata lacagta xooggan ee ku baxday.

Dadka fallan-qeeya siyaasadda ayaa rumeysan in ra’iisul wasaaraha oo la rumeysan yahay inuu madaxweyne isku sharxi doono 2021-ka uu soo hormariyey waqtigii ololaha doorashada, islamarkaana kaaga daran’e sheegtay mansabkii madaxweynaha Kheyre.

Ololaha Kheyre, oo hadda si xowli ah ku socda, ayaan ku koobneyn kaliya arrimaha ciidamada, waxaana qeyb ka ah dadaallada uu ka wado Galmudug, dadaalkii uu ku fashilmay ee ayada oo aan madaxweyne Farmaajo raali ka ahayn uu heshiis kula galay Axmed Madoobe, iyo booqashada uu toddobaadyadii dhowaa ku bixinayey magaalooyin dalka kal mid ah, oo lacago ugu deeqayey.

Dad Kheyre ku dhow ayaa laga soo xigtay in damaca madaxweyne uu Kheyre ku jiray tan iyo maalintii uu xafiiska fariistay, hase yeeshee uu si tartiib ah ololihiisa si hoose ugu billaabay horaantii sanadkan, haddana uu sii xoogeysanayo.

Damaca Kheyre ayaa wiiqi kara howlaha dowladda muddada sanadka iyo barka ah ee u harsan, waxaana dadka Kheyre ay soo jeediyeen in haddii uu go’aansaday inuu isu sharxo madaxweyne ay habboon tahay inuu is-casilo oo uu taas xoogga saaro, balse ay khalad tahay inuu damaaciyo kursiga ninkii xilka ku aaminay, islamarkaana hantida dowladda uga faa’iideysto sidii uu kursigiisa kula wareegi lahaa.

Hoos ka daawo muuqaallada labada dhinac, waxaana soo horeeye kan Kheyre.
Muuqaalka Kooxda Kheyre

Muuqaalka Kooxda Farmaajo

Tifaftirka Caasimada Online
Muqdisho, Soomaaliya

Dhamme oo soo jeediyey xil ka qaadista Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta si adag u dhaliilay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana ku cambaareeyay xariga ay xukuumadu kula kacdo warbaahinta.

Waddani ayaa Madaxweyne Biixi ku tilmaamay mid ku fashilmay hogaamintii Somaliland, isagoona hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay talo qaran oo xilka lagaga tuuro Madaxweyne Muuse Biixi.

Maxamed Sidiiq Dhamme, Guddoomiyaha garabka dhallinyarada ee xisbiga Waddani oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu yiri “Waxaanu dareemaynaa in Xisbiga Kulmiye uu ku fashilmay Hoggaaminta dalka oo aanu sii wadi karin”.

“Madaxweynaha laftiisana waxaan ugu baaqeyna maaddaama oo uu dalka u wadi karin sidii Dastuurku ogolaa ee Dawladnimadan loo dhisay inuu hoggaaminta ku wareejiyo Golaha Guurtida, ummadduna isugu timaaddo talo Qaran oo Dadka reer Somaliland ay aayahooda ka tashadaan, oo la helo nidaam Somaliland u caddaalad sameeya, u xorriyad sameeya, una xaq sameeya”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu runtii ka xunahay oo aan u aragnaa cabudhin, cadaadis iyo in xoriyatul qowlka lagu tumanayo, saxaafada Somaliland xadhiga iyo xayiraadaha lagula kaco”.

“Waxaana lagu qasbayaa in dalkooda ka yaacan nimanka dhalinyarada ah ee wariyayaasha u badan ee dalkooda ka shaqeysanaya. Wasaarada warfaafintu laftigeeduna, niyad jabkaa iyo maamul xumadaa, iyo weliba hogaamin daradaasi qeyb bey ka tahay”. 

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

Xog: DF oo dooneysay inay lacageyso xildhibaannada Ahlu-Sunna, cabsi darteed

0

Dhuusamareeb-(Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qarka u saaran in ay ka laabato heshiiskii ay 30-ka Xildhibaan ugu balan qaaday kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca kadib walaac soo food saaray.

Caasimada Online ayaa heshay xog sheegaysa in xukuumadda federaalka ay baqdin ka qabto saameynta 30-ka xildhibaan ee loo balan qaaday Ahlu-Sunna, waxayna baqdinta ugu badan ka jirtaa halka ay codkooda ku biiri doonaan, maadaama ay loolan adag wajaheyso doorashada Galmudug.

Dowladda Federaalka ayaa doonaysa in ay Ahlu-Sunna lacag ugu badasho 30-kii xildhibaan oo ay horay ugu balan qaaday, islamarkaana dowladda ay kala wareegto soo xulista xildhibaannadaas una dhiibto odayaal ayada taageersan.

Ahlu-Sunna ayaa markii hore dalbatay in la siiyo 35 xildhibaan, waxaana dalabkooda si weyn uga soo horjeestay Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyadoo markii bambe uu madaxweyne Farmaajo arrinta soo fara galiyay Kheyre-na faray in Ahlu-Sunna la siiyo 30 xildhibaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa fuliyay amarka madaxweyne Farmaajo, isga oo xiligaas ku sugnaa Dhuusamareeb, balse hadda ayaa waxaa la sheegay in arrintu ay la xumaatay oo uu is badalay.

Hoggaanka Ahlu-Sunna oo dhankooda doonaya in saameyn siyaasadeed ay ku yeeshaan maamulka laga dhisayo Galmudug ayaa wali arinkaan la hor dhigin.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xoogga saaraya sidii musharaxa uu wato uu ugu soo bixi lahaa doorashada Galmudug, waxuuna loolan xoogleh kala kulmayaa xildhibaanada mucaaradka ah iyo xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud.

Inta badan xildhibaanada mucaaradka ah iyo xigbiga Xasan Sheekh ayaa taageeraya musharax Cabdiraxmaan Odawaa oo ka shacbiyad badan musharaxa ay wadato xukuumadda Nabad iyo Nolol.

Dowladda ayaa hadda ka cabsi qabta in Ahlu-Sunna ay heshiis la gasho mucaaradka kadibna soo xulaan madaxweyne aan ahayn kan ay wadato kooxda Nabad iyo Nolol.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

Jubbaland oo war ka soo saartay dhaawaca QALYAR

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa si kulul uga hadlay dhaawaca, Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa guddoomiyaha guddigii la magacbaxay badbaadada Jubbaland oo ay sameysteen musharixiintii is-bedal doonka ee mamaulkaasi, kaas  oo xalay lagu weeraray magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Cabdinuur ayaa sheegay in xaaladda Qalyar oo sidoo kale ah Nabadoon ay soo hagaageyso, islamarkaana lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ammaanka ee Jubbaland ay ku raadjoogaan kooxihii ka dambeeyey falka lagu dhaawacay mas’uulkaasi.

Waxa kale oo uu ugu baaqay shacabka Kismaayo in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga ee maamulkaasi, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada.

Muddooyinkii dambe amniga Kismaayo ayaa ahaa mid degan, iyadoona dilkan uu noqonayaa kii kowaad, tan iyo markii doorashooyin iska soo horjeeda ay ka dhaceen magaaladaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

Caasimada Online
Xaafiiska Kismaayo
[email protected]

Mas’uuliyiin HirShabelle ka tirsan oo qarax la eegtay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in goor dhow halkaasi qarax lagula eegtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle iyo kan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa lagu soo warramayaa in lala bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen mas’uuliyiintaasi, xilli ay marayeem deegaanka lagu magacaabo Gololey.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa oo isugu jira dhimasho iyo dhaawaca, walow aan weli si rasmi ah loo xaqiijiin inta uu la egyahay.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in qaraxa uu qabsaday gaari ay la socdeen guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda gobolka Shabeelaha dhexe, Cabdullaahi Shitaawe iyo mas’uuliyiin kale.

Xaaladda ayaa haatan kacsan,waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya.

Faah faahinta kala soco: caasimada.net

Caasimada Online
Xaafiiska Jowhar
[email protected]

Guddoomiyihii guddiga bad-baadada Jubaland oo caawa lagu toogtay Kismaayo

0

Kismaayo-(Caasimada Online) – Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa guddoomiyaha guddigii la-magacbaxay badbaada Jubbaland oo ay sameysteen musharixiintii is-bedal doonka Jubbaland ayaa caawa lagu weeraray magaalada Kismaayo.

Axmed Jaamac oo sidoo kale ahaa Nabadoon si weyn looga yaqaanay Kismaayo ayaa dabley hubaysan waxa ay weerar ku qaaday xilli uu ku sugnaa goob Biibito ah oo ku taalla bartamaha magaalada Kismaayo.

Xubno ka tirsan xildhibaanada garab madaxweynaha u doortay Cabdirashiid Xidig ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in dhowr xabad lagu dhuftay, islamarkaana dhaawac daran uu kasoo gaaray rasaasta ay ku fureen kooxdii weerarka ku qaaday.

Dhaawaca Nabadoonka oo sida la sheegay aad u daran ayaa hadda lagu dabiibayaa Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, waxana la xaqiijiyey in ilaa Afar xabadood oo ka mid ah rasaastii lagu furay ay madaxa kaga dhacday.

Dableydii dhaawaca u gaysatay Nabadoon Axmed Jaamac ayaa goobta iskaga baxsatay, walina wax war ah oo ku aaday arintaan kama soobixin hey’adaha ammaanka maamulka Jubbaland.

Ninkaan ayaan hadda wax jago ah ka heyn garabka is-badel doonka ee madaxweynaha u doortay Cabdirashiid Xidig, balse waxa uu guddoomiye ka soo noqday guddigii ay sida wadajirka ah u magacaabeen musharaxiintii is baheystay ee lamagacbaxay is-badal doonka Jubbaland.

Guddigii uu guddomiyaha ka ahaa ayaa soo xulay xildhibaanada Jubaland ee garabka madaxweynaha u doortay Xildhibaan Cabdirashiid Xidig.

Caasimada Online
Xaafiiska Kismaayo
[email protected]

Kenya oo qorshaheeda xiga shaacisay kadib markii dib loo dhigay kiiska badda

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday qorshaheeda xiga ee kiiska dacwada badda Soomaaliya, kadib markii maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay dib u dhigtay illaa 4-ta November.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa sheegtay in Kenya ay ku dadaali doonto in ka hor maxkamadda ay Soomaaliya la gaarto heshiis ka baxsan maxkamadda.

“Arrinta maaha wax caddaan iyo madow ah. Xal kasta oo waara waa inuu noqda amid laba dhinac ah. Waxaan doorbideynaa heshiis laga wada-xaajoodo” ayey tiri Monica Juma.

Hadalka Juma ayaa qeyb ka mid ah loo fasirtay in Kenya ay u aragto go’aanka maxkamadda mid hal dhinac ah oo Soomaaliya kaliya ay dooneyso, sidaas darteedna jumladda ah “Xal kasta oo waara waa inuu noqda amid laba dhinac ah” ay tahay hanjabaad ah inaysan aqbali doonin go’aanka ICJ.

Toddobaadkii tagay, maxkamadda ICJ ayaa aqbashay codsiga Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo, hase yeeshee waxay diiday waqtigii ay Kenya dooneysay ee ahaa sanadkan waxayna ogolaata kaliya laba bil.

Warka cusub ee maanta kasoo baxay Kenya ee ah inay isku dayeyso in xal laga gaaro kiiska ka hor maxkamadda, ayaa caddeyn u ah tuhunkii horey loo qabaa ee ahaa in qiilkii Kenya ay ku codsatay dib u dhigista ee ahaa inay qoraneyso qareeno cusub, uu ahaa mid aan jirin, balse ay dooneysay kaliya waqti dheeri ah oo ay ku cadaadiso Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

 

3 qoddob oo muujinaya in Odawaa looga adkaan karo madaxtinimada Galmudug

0

Loollanka doorashada madaxtinimadda Galmudug ayaa si xowli ah ku bilaawday, iyadoo durba lasii calaameeyay labadda musharax ee noqon kara kuwa ugu cadcad.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo loo arko inuu garab ka helaayo Dowladda Federaalka ah iyo Cabdiraxmaan Odawaa oo ah gacanta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu dhexyaala hardanka ugu adag.

Dadka qaar ayaa durba bilaabay iney hoos u dhigaan rajadda uu musharax Odawaa ka qabo inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha Galmudug, waxeyna sabab u dhigayaan saddexdaan qoddob.

1-Farqiga beelaha iyo xildhibaanada Federaalka.

Galmudug waxaa degan oo xildhibaanada loo qeybiyaa 11 beelood. Marka la joogo Galmudug waxaa caadi ah in xildhibaanada Federaalku ay saameyn xoogan ku lee yihiin soo xulista xildhibaanada Galmudug.

Xafladii uu Cabdiraxmaan Odawaa kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa waxaa joogay xildhibaanada 3 ka mid ah 11-ka beelood ee degan Galmudug, halka uu musharax Qoor Qoor soo bandhigay xildhibaanadda 11-kaas beelood ku matala Dowladda Dhexe. Tani waxey muujisay in Odawaa uusan heysan taageerada inta badan beelaha Galmudug.

Xildhibaanada Dowladda dhexe ku matala Galmudug ayaa inta badan xusul-duub ugu jira iney soo saaraan qof ay wataan si 2020 ay ugu soo laabtaan Baarlaamanka Federaalka ah.

Dadka aadka u faaqida arrimaha Galmudug waxey sheegayaan in musharax Odawaa uu aruursaday xildhibaanadii caanka ka ahaa Facebook halka uu musharax Qoor Qoor aruursaday xildhibaanadii go’aaminayay kuraasta qabiiladooda.

2-Khilaaf ka cararka reer Galmudug

Dadka reer Galmudug ayaan 4 sanno helin adeeg maamul. Waxey sanadihii dambe daawanayeen khilaafka Villa Somalia iyo Galmudug. Waxey aaminsanyihiin iney halkaas wax badan oo horumar ah ku seegeen, sidaa darteed waxaa u muuqata in aaney hada xiiso u qabin hogaamiye khilaaf abuur ah.

Qodobkaan wuxuu si weyn u saameynaya musharax Odawaa oo dhowaan si dadban u iclaamiyay inuu la dagaalami doono Dowladda Federaalka ah, hadii la doorto.

3- Cadaawadda loo qabo Damuljadiid

Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dagaalo ku qaaday Guriceel iyo Dhuusamareeb sanadkii 2015, halkaas oo ay dad-badan ku dhinteen. Weli cidna magdhow iyo raali gelin kama bixin arrintaas. Odawaa wuxuu xiligaas ahaa wasiirkii arrimaha Gudaha iyo qofkii u xil saarnaa arrimaha gobaladda Dhexe.

Waxaa la fahamsanyahay in weli colaad badan loo qabo kooxda uu ka tirsanyahay musharax Odawaa. Sidoo kale wuxuu horey meel fagaaro ah uga weeraray kooxda Ahlu Sunna oo deegaankaas ku xoogan waana arrin kale oo saameynteeda leh.

Si kastaba waxaan weli la go’aamin xiliga ay dhici doonto doorashada madaxweynaha Galmudug, waxaana weli socda shirkii Dib-uheshiisiinta beelaha Galmudug.

W/Q: Maxamed Cabdullaahi Sabriye 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Waxgarad FARMAAJO ugu tagay sii deynta JANAN oo niyad jab kala soo laabtay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Odayaal iyo waxgarad muddo todobaad ah u joogay Magaalada Muqdisho sii deynta Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan oo Shalay dib ugu laabtay Gobolka Gedo gaar ahaan Magaalada Doolow  ayaa waxay sheegeen in natiijo ay kasoo bixi weyday dadaalkii ay ku doonayeen inay kusoo daayaan Cabdirashiid Janan.

Odayaasha ayaa xusay inuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ula dhaqmay si baal marsan sharciga iyo Dhaqanka sida ay warka u dhigeen.

“ Waxaan aheyn odayaashii Berri haddii la xiro Farmaajo u doodi lahaa oo dhihi lahaa maxaad ku heysataan, wuuna naga soo diiday inuu sii daayo Wasiirka, mana rabno inaan banaanka usoo bixino wixii aan kala soo kulanay ” ayuu yiri mid kamid ah Odayaashii Farmaajo u tagay oo saxaafadda la hadlay.

Odayaasha ayaa xusay inuu Madaxweyne Farmaajo ka diiday ergeyntii ay wadeen, waxayna Xariga Wasiir Janaan ku tilmaameyn mid xaq darro ah.

Sidoo kale Odayaasha ayaa sheegay inuu Madaxweynaha u sheegay inaan wax dambi ah lagu heyn Wasiirka balse xoog lagu heysto.

“Madaxweynaha wuxuu noo sheegay inaysan jirin dambi lagu hayo Wasiirka, haddii ay sidaas tahay waxaa lagu heystaa Xoog” Ayuu yiri mid kale oo kamid ah Odayaasha.

“Waxaan Madaxweynaha uga imaanay meel fog, waxaana aheyn odayaal badan oo miisaan leh balse niyad jab ayaan kala soo laabanay Muqdisho” ayuu sii raaciyey.

Hadalka kasoo baxay Odayaasha ayaa imaanayo Xilli Dowladda Soomaaliya ay dhawaan sheegtay in Wasiirka loo heysto dambiyo waaweyn lana soo taagi doono Maxkamadda.

Sidoo kale Amnesty International ayaa soo dhaweysay Xariga Wasiir Janan waxayna ku baaqday in si deg deg ah Cadaaladda loo horkeeno.

Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isna Xariga Wasiir Janan ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsaneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hab awood qeybsi ay soo jeedisay beesha Sacad oo khilaaf ka abuuray shirka dib u heshiisiinta Galmudug

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dood kulul oo xoog leh ayaa hareeyay shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, sida ay noo sheegeyn xubno ka tirsan guddiga qaban qaabada Shirka.

Beelaha Soomaaliyeed ee ku kulansan shirka ayaa soo bandhigaya tabashooyin badan oo dhaxdooda ah iyo sidoo kale muran ka taagan nidaamka awood qaybsiga Galmudug oo beelaha qaar tabasho ka qabaan.

Beesha Sacad ayaa markii labaad soo jeedisay in awood qaybsiga Galmudug laga dhigo labada gobal ee Mudug iyo Galgaduud ee uu ka kooban yahay maamulkaasi.

Talo soo jeedin ay sameeyeen ayey ku sheegeen in ay doonayaan in Galmudug awood qaybsigeeda laga dhigo labada gobal ayna ku xaqiran yihiin.

Soo jeedinta beesha Sacad ayaa keentay in doodo kulul ay ka bilaawdaan shirka maadaama gobalka Mudug uu gaar u yahay beeshaasi, markii laga reebo beelo kooban oo la daga.

Shirka ayaa lagu wadaa in Isbuuc gudihiis lagu soo xiro islamarkaana laga soo saaro War-murtiyeed sida uu qorshuhu yahay.

Guddiga Shirka ayaa doonaya in deg deg loo dhameeyo lagana soo saaro War-murtiyeed, si loo dhameeyo howlaha kale ee horyaala maamulka iyo odayaasha dhaqanka ee Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
[email protected]

Bal adba ii sheeg waxa JABUUTI lagu qooshayo!

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi – Farmaajo ayaa August 2019 ku tegay dalka Jabuuti booqasho hawleed. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo ka warbixiyay kulankii labada madaxweyne dhexmaray ayaa yiri, “waxay isla lafogureen arrimo masiiri ah oo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha ka taagan Gobolka,” (Sonna – August 19, 2019).

Halkaas waxaa ka dhashay su’aal ah, maxaa isku soo beegay safarka degdegta ahaa ee Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Jabuuti, iyo imaanshahii Muqdisho wafdigii muhiimka ahaa ee uu hoggaaminayay Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Qadar!

Inta uu Madaxweyne Farmaajo joogay dalka Jabuuti, Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Qatar waxay wada saxiixdeen heshiiskii ugu muhimsanaa tan iyo inta ay jirtay xukuumadda Farmaajo-Keyre.

Dalka Qadar wuxuu ballan qaaday inuu ka dhisayo deked casri ah magaaladda Hobyo ee Maamul-Goboleedka Galmudug. Dhammaan dhaqaalaha ku baxaya dhismaha dekeddaas, waxaa la sheegay inuu yahay deeq walaal. Taasi waxay astaan cusub u tahay in Qatar ay qorsheyneyso inay door firfircoon ka ciyaarto isdhexgelka dhaqaale geeska Afrika, gaar ahaan kan Soomaaliya.

Intaba waxaa ka sii cajiib badan, in Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu isna booqasho lama filaan ah ku tagay dalka Jabuuti. Su’aasha waxay isu rogtay, muxuu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Jabuuti ku qooshayaa?

Labada safar waxaa u dhexeyay wax ka yar seddax todobaad, haddaba maxaa xiriir ahoo ka dhaxeeya booqashada, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo midda Mudane Muuse Biixi Cabdi?

Dhanka kale, Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa magaaladda Mina ee dalka Sucuudiga, kula kulmeen Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wasiiro ka tirsan maamulkiisa.

Labada wafdi waxay casumaad ka heleen Boqorka Sacuudiga Salmaan binu Cabdullcaziiz Al Sacuud. Haddaba, kulanka wafuuda labada dhinac ma mid si kadis ah ku dhacaybaa mise wuxuu ahaa mid hore loo qorsheeyay?

Booqashada madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxay timid kadib markii dowladda Sacuudiga ogolaatay in sanadkan moosinka Xajka, xoolaha ka soo dhoofa dekedda Berbera laga qaado xayiraadii saarnayd. Arrintaas, waxaa heshiis is-afgarad ka yeeshay dowladda, Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga.

Weliba, casuumadda Mudane Biixi iyo wafdigiisuba waxay timid ka gadaal markii Muuse Biixi uu kala soo laabtay Abu Dhabi caloolgubyo la xiriirta in Somaliland aan laga marti qaadin shirkii amniga badda cas.

Geesta kale, maamulka Somaliland waxuu sheegay in shiidaal ganacsi ah kala soo degi doonaan dekedda Berbera laga bilaabo bisha Oktoobar, islamarkaasna laga iibin doono ganacsatada. Sidaas waxaa sheegay Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, Mudane Xassan Axmed Ibrahim -Embassy, (BBC Somali News – September 08, 2019).

“Inkastoo Mudane Xassan Embassy uu sheegay shiidaalka inuu yahay mid ay maamulka Somaliland soo iibsadeen, misna meesha lagama saari karo inuu yahay deeq Sacuudiga siiyay Somaliland, marka la eego awoodda dhaqaalaha maamulka iyo dhaqanka soo jireenka ah ee boqortooyada Sacuudiga,” sidaas waxaa rumaysan Cigaal Yare oo falanqeeya siyaasadda gobolka.

Waxaan sir ahayn in Boqortooyada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carbabta xiriirkoodda madmadow soo galay, marka ay timaado arrimaha dalka Yemen. Taasi waxay sababtay in labada dal ay isku aragti ka noqon waayaan siyaasadda lagu wajahayo dalalka dhaca Bada Cas, oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Khabiirada siyaasadda gobolka waxay rumeysan yihiin, “in Boqortooyada Sacuudiga, doonayso inay Soomaliya (Somaliland) u adeegsato aalad cadaadis ah oo lagu xakamadeynayo saameynta Imaaraadka Carbabta ku leeyahay gobolka. Waxuuna Sacuudiga ka faa’iidaysanayaa xiriirka aan wanaagsanayn ee kala dhaxeeya Imaaraadka, dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya.”

Ifafaalaha muuqda waxuu tilmaamayaa in Sacuudiga danaynayo Soomaaliya, gaar ahaan dekedda Berbera. Waxaase la hubin habka uu u doonayo inuu meesha kaga saaro (eryo) Imaaraadka Carbabta, kol haddii uu ku tuhmayo khiyaano. War laga soo xigtay laba ilood oo Yamini ah, iyo mid kale oo kulanka wax ka og ayaa yiri, “Boqorka ayaa xanaaqiisa ka muuqday wada hadaladii uu la yeeshay Madaxwyne Abd-Rabbu Mansour Hadi ee ay Sacuudiga taageeraan,” (Reuters – August 28, 2019).

Dekedda Hobyo ee uu ballan qaaday dalka Qadar inuu si casri oo weliba deeq ah ku dhisayo waxay huwan tahay labo ujeeddo oo kala ah: (B) mahadnaq ku aadan in dowladda Soomaaliya aysan u nuglaanin cadaadiskii ay saartay Imaaraadka Carabta, si xiriirka loogu jaro dalka Qatar, iyo (T) in maamuladda Somaliland iyo Puntland la tuso in maalgashi la heli karo, ayadoo aan la xaraashin dekaddaha, deeqna laga heli karo dunidda.

Haddaba, su’aasha taagan ayaa ah, sideebay Soomaaliya uga badbaadi doontaa hertinta iyo haraatinta (hagardaamaynta) Abu Dhabi, islamarkaasna uga faa’iidaysan doontaa isbaacsiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo ilaalsaneysa masaalixdeeda qaranka.

W/Q: Saciid Cabdisalaam iyo Cabdulqaadir Cariif

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Gorgor si yaab leh dhaawac iyo dil ugu gaystay caruur ku sugneyd dhulka DDSI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka ku nool degmada Gaashaamo ee gobolka Soomaalida, Itoobiya ayaa sheegay in ay arkeen shimbir wayn oo loo maleynayo inuu gorgor yahay oo Caruurta qaadaya.

Hal canug ayaa dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen weerarka uu shimbirkaas halista ah uu qaaday.

Maamulka waxay aaminsan yihiin in arrintan ay ugu wacantahay abaaraha ka jiray gobolka.

Muno Shuceyb waa hooyada dhashay mid ka mid ah carruurta dhaawacantay. Waxay BBC Somali u sheegtay in ay maqashay canuggeeda oo qeylinaya ka dibna ay dibadda u soo carartay.

Waxay tiri: “Waxaan maqalnay canugga oo aad u qeylinaya, guriga ayaanna orod uga soo baxnay. Waxaan arkay isagoo inanka dhulka ku haya oo afka ku garaacaya. Wuxuu ku qeylinayay ‘hooyo…hooyo’. Waan ku cararay waana ka fujiyay. Wuxuu ku hayay gacmaha oo dhulka ayuu ku baqtiinayay.”

Maxamed Xasan waa askeriga booliska ee qaabilsan nawaaxigaas, wuxuu BBc Somali u sheegay in askar badan ay geeyeen howdka, lana amray in la toogto gorgorkaas weerarka ah.

“Wallaahi, tan iyo dhacdadaas ka dib, waxaa jiro howlgal boolis oo socda. Askarta waxaa la geeyay meesha iyo keynta. Waxaa bixinay amar ah ah in la dilo balse weli wuu socdaa baadigoobka”. ayuu yiri.

Xigasho BBC

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF oo ka baxday heshiisyo qarsoodi ahaa oo ay kula jirtay shan shirkadood

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka baxday heshiisyo ay kula jirtay shan shirkad oo kala duwan.

Heshiisyadan oo ahaa kuwa aan markii horeba laga war-hayn, ayaa shirkadaha lagula jiray waxay qaabilsanaayeen hubinta bedqabka Gaadiidka [M.O.T ama Kalaawito].

Shirkadaha Wasaaradda Gaadiidka heshiiska kula jiray ee la laalay qandaraaskooda waxay kala yihiin: General Motors, Balqiisa General Service, Sawaasiya General Service, Gaagaale General Service, iyo Barwaaqo General Service.

Heshiisyadan ayaa ahaa kuwo ay shacabka Muqdisho dhibaato badan ku qabeen, maadaama looga qaadan jiray lacago kala duwan oo aan wax shaqo ah loogu qaban.

Qoraalka kasoo baxay wasiirka wasaaraddaasi Maxamed C/llaahi Salaad [Oomaar] ayuu ku shaaciyey in gebi ahaanba la joojiyey tijaabadii bedqabka gaadiidka, mana jiro sabab faahfaahsan oo laga bixiyey arrintan.

Xog: Qorshe 3 qeyb loogu kala qeybinayo ciidamada Roobow oo la isku raacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka  Koonfur Galbeed ayaa wada qorshe la doonayo in lagu Qarameeyo ciidamada Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Bakool.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamada daacada u ah Roobow ayaa ogolaaday wadahadal dheer, kadib in la qarameeyo. Waxaa sidoo kale la isla qaatay in loo kala saaro ilaa saddex qeybood, qeyb Booliiska gaarka ah, Nabad-sugidda iyo xoogga dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa soo jeediyey in ciidamadan loo kala saaro ilaa saddex qeybood oo kala ah Boolis, Nabad Sugidda iyo SNA.

Lama oga in arrintan ay aqbali doonaan saraakiisha ciidanka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Masuur) oo horay shuruud uga dhigay in hoggaanka ciidanka dowladda ay qeyb ka noqdaan, sidoo kalena la siiyo gaadiid dagaal, hub iyo saanad Milatari intaba.

Wadahadallada iyo dadaallada lagu doonayo in lagu Qarameeyo ciidamadan ayaa sii xoogeystay, kadib booqashadii Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ee gobolka Bakool, inkastoo uu hadda dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa horay ugu guuleystay inuu Qarameeyo ciidamada maamulkii gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca iyo sidoo kale maleeshiyaad beeleed ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Arrimahan ayaa waxa ay ku soo aadayaan, iyadoo uu weli xiran yahan wadaadka Mukhtaar Roobow oo ay bishii December ee sanadkii hore dowladdu ka soo xirtay Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

11 qof oo carruurta ka xadi jiray magaalada Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in Ciidamada Booliska  ay soo qabteen Shabakad ku howlaneed ka Ganacsiga Carruurta taas oo in mudo ah ay ku raadjoogeen Ciidamada Amniga.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa barteeda Facebook ku soo daabacday warbixin la xiriirta in howlgallo ciidamada ammaanku ka sameeyeen Muqdisho ay ku soo qabteen kooxdaan isla markaana su’aallo laga weydiinaya shaqadooda.

“Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Dembi Baarista ee CID ayaa soo qabtay shabakad ka ganacsata caruurta taasoo la daba joogay muddo hal bil waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay 11 eedeysanayaal oo 8 ay yihiin haween.

Sidoo kale Taliye Zakiya ayaa waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartay in Ciidamadu ay soo badbaadiyeen 11 Carruur ah oo ay Shabakada doonayeen inay iibsadaan,hayeeshee Ciidamada Booliska Soomaaliya ay la sugayaan waalidoontooda si ay ugu wareejiyaan.

Qoraal kooban oo ay ku daabacday baraha Bulshada ayey ku xaqiijisay in shabakaddan lagu daba jiray muddo bil ah maantana gacanta lagu dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaan kashifay qorshe sir ahaa oo BF uu laba sano ugu darsanayo waqtigiisa

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxda ugu sarreeyo dalka ayaa lagu eedeeyey inay wadaan qorsho culus oo ay waqti kororsi ku sameenayaan.

Maxamed Xasan Idiris oo kamid ah XIldhibaanada Baarlamaajka Soomaaliya ayaa sheegay inuu jiro guuxa ku aadan inuu Baarlamaanka Soomaaliya qorsheenayo in la sameeyo waqti 2 illaa 3 sano ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi isna loo kordhin doono waqtiga weliba iyadoo aan la shaacin.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in qorshahaan uu wado Guddiga kumeel gaarka ah ee diyaarinta Sharciga doorashoyiinka ayna diyaariyeen dhowr Ajande oo ay marmarsiiyo ka dhiganayaan si loo sameeyo waqti kororsi 2-3 sano ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sababta loo cuskan doono muddo kordhinta ay tahay in duruufo amni ay jirto taas oo aan suuragal ka dhigi karin doorashadii la filayay inay dalka ka dhacdo,taasina ay noqoneyso meel ka dhac loo geystay Shacabka Soomaaliyeed,isla markaana aysan fulin sababihii loo doortay.

Madaxda ugu sareysa Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu sheegay inay wadaan qorshahaas mudo kororsiga ah,waxaana uu ka digay in dalka Soomaaliya uu xilligaan ka dhaco dagaalo Sokeeye.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor hore sheegay inuusan waqti ku darsan doonin isla markaasna uu doorashada qaban doono waqtigeeda.

Lama ogo sida ay ku suurtageli karto inay Dowladda Soomaaliya waqti kordhin sameysato maadaama taas horey looga diiday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Xildhibaanka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

 

Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo tartankii ugu adkaa ku galaya Dhuusamareeb

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Loolan adag oo dhanka doorashada ah ayaa ka billaabmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kaas oo u dhaxeeya qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda iyo siyaasiinta Soomaaliyeed.

Abaabul iyo kulamo joogto ah oo u badan ololeynta musharaxiinta ayaa ka socda Dhuusamareeb waxaana tartanka ugu adag uu dhaxmarayaa laba nin oo qaraabo ah balse kala taabacsan xukuumadda Soomaaliya iyo xisbiga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in madaxweyne Farmaajo oo garab ka helaya ra’iisul wasaare Kheyre ay wajahayaan xaalad adag oo halis ku ah rajadii ay ka qabeen Galmudug kadib markii uu Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu soo sharaxay aqoonyahaan, siyaasi dhalinyaro ah islamarkaana saameyn culus ku leh Galmudug.

Labadaan madaxweyne ayaa kala wata Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” iyo Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo isna musharaxnimadiisa ku dhawaaqaya dhowaan.

C/raxmaan Odowaa, oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, sidoo kalane ahaa wasiirkii hore ee arimaha gudaha Soomaaliya ayaa loo arkaa in uu leeyahay rajada ugu wanaagsan ee hogaanka Galmudug, halka Qoor Qoor uu wado dedaalo badan isagoo garab ka helaya xukuumadda Soomaaliya.

Waa tartankii ugu adkaa oo dhaxmara Xasan Sheekh iyo Farmaajo waxayna arintaan ay hour-dhac u noqon doontaa rajada 2-da hogaamiye ee doorashada Soomaaliya sanadkaan 2020/21-ka, oo la aaminsanyahay in ay isu soo taagi doonaan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Beesha Farmaajo oo qarka u saaran isku dhacyo salka ku haya xariga JANAN

0

Doolow (Caasimada Online) – Waxaa cabsi wayn laga qabaa in magaalooyin ka tirsan gobalk Gedo ee koonfurta Soomaaliya ay ka bilaawdaan isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada degaanka iyo bulshada gobalka Gedo, sida ay noo sheegeen odayaasha degaanka.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Gedo, ayaa Caasimada Online u sheegay in uu jiro kulamo iska soo horjeeda oo ay leeyihiin odayaasha, saraakiisha ciidamada iyo bulshada, kuwaas oo ku nool degmada Doolow oo ah halkii ugu dambeysay ee uu ku sugnaa Cabdirashiid Janaan, ka hor inta aan laga qaban Muqdisho.

Kulamadaan oo dhowr jeer ka dhacay Doolow waxaa yeeshay saraakiil taageersan xarigga wasiir Janan, halka kuwa kalane ay qaateen saraaakiil iyo odayaal dhaqan oo diidan xarigga wasiirka amniga Jubbaland Janan.

Kulamadan ayaa abuuray walaac ay qabaan dadka degaanka waxaana la sheegayaa in ay jiraan siyaasiin gadaal ka riixaya kacdoon dadweyne oo degaanka ka dhaca.

Xubno katirsan maamulka Jubaland ayaa ku wargeliyay dadka degaanka iyo qoyska wasiir Janan, in ay dowladda federaalka Soomaaliya ay diiday sii deynta Janan islamarkaana uu u xiran yahay arimo siyaasadeed oo ka jira maamulka Jubaland.

“Waxaan daremeynaa in dad ay abaabulayaan isku dhacyo gobalka ka bilaawda, sababtoo ah waxaa noo muuqata in beesha uu ka soo jeedo wasiir JaNan, aysan mideysneen oo ay dhici karto in dhaxdooda ay dagaalamaan” ayuu yiri qof katirsan dadka degaanka oo la hadlay Caasimada Online.

Beesha uu ka soo jeedo Cabdirashiid Janan, sidoo kalane uu ka soo jeedo madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku kala qaybsan waxyaabo badan oo ay ugu horreyso arinta Jubaland, xarigga Janan iyo kuwa kale, waxaana ka dhax-taagan khilaaf aad u adag.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqriso: Wada-sheekeysigii dhex maray kooxdii dishay weriye Jamal Khashoggi

0

Istanbul (Caasimadda Online) – Wargeyska Daily Sabah ee kasoo baxo dalka Turkiga ayaa shaaciyey codkii dilkii naxdinta lahaa ee Jamal Khashoggi.

Wargeyska Daily Sabah ayaa sheegay in Sirdoonka dalka Turkiga ay heleen codadka wada hadaladii dhex maray qoraaga reer Sacuudi iyo Saraakiishii 15-ka ahaa ee dilay daqiiqado kadib markii uu galay Safaaradda Sacuudiga ee Istanbul.

Wargeyska ayaa tibaaxay in Markii uu Jamal Khashoggi galay Safaaradda gudaheeda uu salaamay qof uu garanayo ka hor inta uusan qolka gelin.

Codadka la helay ayaa ku bilaabanayo:

Abdu Abdulaziz Mutreb oo ah sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Sacuudiga isla markaana ah ilaaliyaha dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salman ayaa dhahay Jamal fadhiiso, waa inaan kuu Celinaa Riyadh oo ah Caasimadda Sacuudiga.

Jamal Khashoggi “Majiro wax dacwad ah oo aniga i hor taalo

Mutreb:  Waxaa jira amar ka yimid Interpol. Interpol waxay codsatay in lagu celiyo. Waxaan halkaan u joognaa inaan ku qaadno.

Mutreb: Farriin u reeb wiilkaaga.

Jamal Khashoggi: Maxaa u sheegaa wiilkeyga

Mutreb: Farriin u reeb, na tusi inaad u reebto

Jamal Khashoggi: Maxaa dhahaa wiilkeyga (Goor dhow aad i arki doontaa maan dhahaa)?

Qof aan la garan oo kooxda kamid ah: Dhakhso jarjar

Mutreb: Waxaa u qortaa sidaWaxaan joogaa Istanbul, ha walwelin, ima soo gaari kartid”

Jamal Khashoggi: Ilama haboono inaan dhaho waa la i afduubtay

Qof aan la garan oo kooxda kamid ah: Siib jaakadda

Jamal Khashoggi: Sidee wax caynkaas oo kale ah uga dhici karaan qunsuliyadda? Waxba ma qorayo aniga.

Qof aan la garan oo kooxda kamid ah: Dhakhso jarjar

Jamal Khashoggi: Waxba ma qorayo aniga.

Mutreb: Mr. Jamal fadlan deg deg noo caawi si aan kuu caawino, maxaa yeelay ugu dambeyn waxaan kuu celin doonaa Sacuudiga, haddii aadan na caawin waad arki doontaa waxa ugu dambeyn dhaco.

Jamal Khashoggi: Shukumaan inta ma yaalaa, daawo maa igu duri rabtaan?

Al-Tubaigy: Waxaan rabnaa inaan ku hurdisiino.

Hawl wadeennadii ayaa markaa kadib dawo ku duray saxafiga Sacuudiga. Ereyadiisii ​​ugu dambeysay ka hor inta uusan miyir beelin waxay ahayd: “Neef ayaan qabaa. Ha yeelin, waad i lumin doontaa oo uu ula jeedo waa dhiman doonaa.

Mutreb ayaa waydiiyey Al-Tubaigy oo ahaa Dhakhtarkii jarjarayey Jamal in sidiisa boorso loogu ridi karo iyo in kale wuxuuna ugu jawaabay: Maya Macquul maahan, waa culus yahay, waa dheer yahay, waa aqaan meydadka,  waa garanayaa sida loo yar yareeyo, anigaa si fudud u maareyn doono,  sida caadiga ah markaan meydadka jarjarayo dhagaha ayaan gashtaa Sameecado, waxaan dhageystaa Music, intaan howsha wado waxaan cabayaa Kafey sidoo kalana Sigaar ayaan daaranayaa,  markaan jarjaro kadib, waxaan hilbihiisa kuugu ridi doonaa baco, boorsada gasho kadibna u bixi dibadda Safaaradda.

Markaas kadib Waa la jar jaray sidii hilibkii ayana loo jar jaray  waxaana lagu riday Baco kadibna boorsooyin ayaa lagu qaaday.

Dilkii Khashoggi ayaa ka xanaajiyay Amiirka kadib markii dunida uu kala kulmay canbaareen wuxuu xumeeyay sumcadda Amiirka oo la rumeysan yahay inuu yahay shakhsiga howshaan ka dambeeyey.

Warbixin lagu daabacay Washington Post bishii Abriil ayaa lagu sheegay in Sacuudi Carabiya ay siisay Khashoggi afartiisa caruur “guryo qiima ahaan Milyan doollar ah” iyo bil kasta lacag shan-shan kun oo Dollar” oo ah magdhow dilkii Aabahood.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul 
[email protected]