25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo tartankii ugu adkaa ku galaya Dhuusamareeb

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Loolan adag oo dhanka doorashada ah ayaa ka billaabmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kaas oo u dhaxeeya qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda iyo siyaasiinta Soomaaliyeed.

Abaabul iyo kulamo joogto ah oo u badan ololeynta musharaxiinta ayaa ka socda Dhuusamareeb waxaana tartanka ugu adag uu dhaxmarayaa laba nin oo qaraabo ah balse kala taabacsan xukuumadda Soomaaliya iyo xisbiga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in madaxweyne Farmaajo oo garab ka helaya ra’iisul wasaare Kheyre ay wajahayaan xaalad adag oo halis ku ah rajadii ay ka qabeen Galmudug kadib markii uu Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu soo sharaxay aqoonyahaan, siyaasi dhalinyaro ah islamarkaana saameyn culus ku leh Galmudug.

Labadaan madaxweyne ayaa kala wata Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” iyo Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo isna musharaxnimadiisa ku dhawaaqaya dhowaan.

C/raxmaan Odowaa, oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, sidoo kalane ahaa wasiirkii hore ee arimaha gudaha Soomaaliya ayaa loo arkaa in uu leeyahay rajada ugu wanaagsan ee hogaanka Galmudug, halka Qoor Qoor uu wado dedaalo badan isagoo garab ka helaya xukuumadda Soomaaliya.

Waa tartankii ugu adkaa oo dhaxmara Xasan Sheekh iyo Farmaajo waxayna arintaan ay hour-dhac u noqon doontaa rajada 2-da hogaamiye ee doorashada Soomaaliya sanadkaan 2020/21-ka, oo la aaminsanyahay in ay isu soo taagi doonaan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Beesha Farmaajo oo qarka u saaran isku dhacyo salka ku haya xariga JANAN

0

Doolow (Caasimada Online) – Waxaa cabsi wayn laga qabaa in magaalooyin ka tirsan gobalk Gedo ee koonfurta Soomaaliya ay ka bilaawdaan isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada degaanka iyo bulshada gobalka Gedo, sida ay noo sheegeen odayaasha degaanka.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Gedo, ayaa Caasimada Online u sheegay in uu jiro kulamo iska soo horjeeda oo ay leeyihiin odayaasha, saraakiisha ciidamada iyo bulshada, kuwaas oo ku nool degmada Doolow oo ah halkii ugu dambeysay ee uu ku sugnaa Cabdirashiid Janaan, ka hor inta aan laga qaban Muqdisho.

Kulamadaan oo dhowr jeer ka dhacay Doolow waxaa yeeshay saraakiil taageersan xarigga wasiir Janan, halka kuwa kalane ay qaateen saraaakiil iyo odayaal dhaqan oo diidan xarigga wasiirka amniga Jubbaland Janan.

Kulamadan ayaa abuuray walaac ay qabaan dadka degaanka waxaana la sheegayaa in ay jiraan siyaasiin gadaal ka riixaya kacdoon dadweyne oo degaanka ka dhaca.

Xubno katirsan maamulka Jubaland ayaa ku wargeliyay dadka degaanka iyo qoyska wasiir Janan, in ay dowladda federaalka Soomaaliya ay diiday sii deynta Janan islamarkaana uu u xiran yahay arimo siyaasadeed oo ka jira maamulka Jubaland.

“Waxaan daremeynaa in dad ay abaabulayaan isku dhacyo gobalka ka bilaawda, sababtoo ah waxaa noo muuqata in beesha uu ka soo jeedo wasiir JaNan, aysan mideysneen oo ay dhici karto in dhaxdooda ay dagaalamaan” ayuu yiri qof katirsan dadka degaanka oo la hadlay Caasimada Online.

Beesha uu ka soo jeedo Cabdirashiid Janan, sidoo kalane uu ka soo jeedo madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku kala qaybsan waxyaabo badan oo ay ugu horreyso arinta Jubaland, xarigga Janan iyo kuwa kale, waxaana ka dhax-taagan khilaaf aad u adag.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqriso: Wada-sheekeysigii dhex maray kooxdii dishay weriye Jamal Khashoggi

0

Istanbul (Caasimadda Online) – Wargeyska Daily Sabah ee kasoo baxo dalka Turkiga ayaa shaaciyey codkii dilkii naxdinta lahaa ee Jamal Khashoggi.

Wargeyska Daily Sabah ayaa sheegay in Sirdoonka dalka Turkiga ay heleen codadka wada hadaladii dhex maray qoraaga reer Sacuudi iyo Saraakiishii 15-ka ahaa ee dilay daqiiqado kadib markii uu galay Safaaradda Sacuudiga ee Istanbul.

Wargeyska ayaa tibaaxay in Markii uu Jamal Khashoggi galay Safaaradda gudaheeda uu salaamay qof uu garanayo ka hor inta uusan qolka gelin.

Codadka la helay ayaa ku bilaabanayo:

Abdu Abdulaziz Mutreb oo ah sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Sacuudiga isla markaana ah ilaaliyaha dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salman ayaa dhahay Jamal fadhiiso, waa inaan kuu Celinaa Riyadh oo ah Caasimadda Sacuudiga.

Jamal Khashoggi “Majiro wax dacwad ah oo aniga i hor taalo

Mutreb:  Waxaa jira amar ka yimid Interpol. Interpol waxay codsatay in lagu celiyo. Waxaan halkaan u joognaa inaan ku qaadno.

Mutreb: Farriin u reeb wiilkaaga.

Jamal Khashoggi: Maxaa u sheegaa wiilkeyga

Mutreb: Farriin u reeb, na tusi inaad u reebto

Jamal Khashoggi: Maxaa dhahaa wiilkeyga (Goor dhow aad i arki doontaa maan dhahaa)?

Qof aan la garan oo kooxda kamid ah: Dhakhso jarjar

Mutreb: Waxaa u qortaa sidaWaxaan joogaa Istanbul, ha walwelin, ima soo gaari kartid”

Jamal Khashoggi: Ilama haboono inaan dhaho waa la i afduubtay

Qof aan la garan oo kooxda kamid ah: Siib jaakadda

Jamal Khashoggi: Sidee wax caynkaas oo kale ah uga dhici karaan qunsuliyadda? Waxba ma qorayo aniga.

Qof aan la garan oo kooxda kamid ah: Dhakhso jarjar

Jamal Khashoggi: Waxba ma qorayo aniga.

Mutreb: Mr. Jamal fadlan deg deg noo caawi si aan kuu caawino, maxaa yeelay ugu dambeyn waxaan kuu celin doonaa Sacuudiga, haddii aadan na caawin waad arki doontaa waxa ugu dambeyn dhaco.

Jamal Khashoggi: Shukumaan inta ma yaalaa, daawo maa igu duri rabtaan?

Al-Tubaigy: Waxaan rabnaa inaan ku hurdisiino.

Hawl wadeennadii ayaa markaa kadib dawo ku duray saxafiga Sacuudiga. Ereyadiisii ​​ugu dambeysay ka hor inta uusan miyir beelin waxay ahayd: “Neef ayaan qabaa. Ha yeelin, waad i lumin doontaa oo uu ula jeedo waa dhiman doonaa.

Mutreb ayaa waydiiyey Al-Tubaigy oo ahaa Dhakhtarkii jarjarayey Jamal in sidiisa boorso loogu ridi karo iyo in kale wuxuuna ugu jawaabay: Maya Macquul maahan, waa culus yahay, waa dheer yahay, waa aqaan meydadka,  waa garanayaa sida loo yar yareeyo, anigaa si fudud u maareyn doono,  sida caadiga ah markaan meydadka jarjarayo dhagaha ayaan gashtaa Sameecado, waxaan dhageystaa Music, intaan howsha wado waxaan cabayaa Kafey sidoo kalana Sigaar ayaan daaranayaa,  markaan jarjaro kadib, waxaan hilbihiisa kuugu ridi doonaa baco, boorsada gasho kadibna u bixi dibadda Safaaradda.

Markaas kadib Waa la jar jaray sidii hilibkii ayana loo jar jaray  waxaana lagu riday Baco kadibna boorsooyin ayaa lagu qaaday.

Dilkii Khashoggi ayaa ka xanaajiyay Amiirka kadib markii dunida uu kala kulmay canbaareen wuxuu xumeeyay sumcadda Amiirka oo la rumeysan yahay inuu yahay shakhsiga howshaan ka dambeeyey.

Warbixin lagu daabacay Washington Post bishii Abriil ayaa lagu sheegay in Sacuudi Carabiya ay siisay Khashoggi afartiisa caruur “guryo qiima ahaan Milyan doollar ah” iyo bil kasta lacag shan-shan kun oo Dollar” oo ah magdhow dilkii Aabahood.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul 
[email protected] 

Gudaha Itoobiya oo markii ugu horreysay lagu qabtay dagaal-yahano Daacish ah

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka xilli ciidammada dalkaas ay howgallo ka sameeyeen magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla xadka dalkaas uu la wadaago Soomaaliya.

Dagaalyahano taabacsan ururka Daacish ayaa ka dagaallama dalka Soomaaliya balse waa markii ugu horreysay ay Itoobiya qabato xubno ka tirsan ururkaas.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidammada Itoobiya, Colonel Tesfaye Ayalew ayaa sheegay in tiro kamid ah ragga la qabtay ay ka kala soo jeedaan dalalka Suuriya iyo Yemen halka ay qaar kamid ah ay yihiin Itoobiyaan.

Sarkaalka ma uusan sheegin tirada shakhsiyaadka ay qabteen ee ka tirsan ururka Daacish

Tesfaye Ayalew waxaa uu sidoo kale sheegay in Itoobiya ay leedahay sirddoon xoog leh, islamarkaana ay xiriir wanaagsan la leeyihiin dalka deriska ee Soomaaliya, taas oo u horseeday inay ku guuleystaan xiridda maleeshiyaadka.

Hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya, Sheekh Cabdulqaadir Muumin ayaa dhowaan shaaciyey in kooxdiisa ay beegsan doonto dalka Itoobiya, islamarkaana dagaal-yahanno ka qoran doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay Diinsoor

0

Diinsoor (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in meel u dhow Saldhiga degmadaasi uu ka dhacay qarax sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxaas oo ahaa Miino la dhigay agagaarka Saldhiga booliska  ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 4 Ruux oo Shacab ah oo laba ka mid ah ay carruur ahaayeen halka ay ku dhaawacmeen saddex Ruux oo uu ku jiro taliye kuxigeenka Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Diinsoor.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in lala beegsaday Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Shigshigoow kaas oo la xaqiijiyay in uu ka badbaaday.

Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow ayaa sheegay in dadka Shacabka ah ay Ciidamada kusoo wargeliyeen Miinada qaraxday ee la dhigay meel u dhow Saldhiga Booliska,isla markaana xilli la doonayay in la kala furo ay qaraxday.

Qaraxa kadib ayaa Ciidamada Booliska ee ku sugan degmada Diinsoor waxaa ay howlgallo ka sameeyeen xaafado ku dhow dhow halka uu qaraxa ka dhacay,iyaga oo qabqabtay dad Dhalinyaro u badan wallow markii dambe ay siidaayeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarkaasi dhacay xilli Ciidamada ilaalada u ah Guddoomiyaha degmada ay marayeen gudaha magaalada halkaasna kula kacday miino dhulka loo geliyay.

Caasimada Online
Xafiiska Diinsoor
[email protected]

Faysal Cali Waraabe oo si weyn uga soo horyimid qorshaha dowlada Jabuuti

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadlaya wada-hadalada mudada badan hakadka ku jira ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Faysal Cali ayaa sheegay in aysan marnaba aqbaleyn in ay ka qeyb qaataan wada-hadaladaasi dalal ay ka mid tahay dowlada Jabuuti, oo ku tilmaamay kuwo dano gaar ah ka leh wada-hadaladaasi.

Faysal ayaa sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladahaasi ay ku milmeen dowlada federaalka Soomaaliya, isagoona shiki galiyay dhex-dhexaadintooda ku aadan wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Soomaaliya iyo Somaliland wada-hadaladeeda waxaanu ka sameynay go’aamo is-afgarad, waxayna odhanayaan go’aamadaasi ‘wada-hadalka waanu ogolnahay, hase ahaate waxaanu dooneyna madal caalami ah oo dad noo kala qabta”.

“Waxaynu ka joojinay oo aan soo galeyn wada-hadaladaas wadamada bariga Afrika, Jabuuti waxanu nidhi ku marti-gelin mayno, Itoobiya waxaynu nidhi ku marti-gelin mayno kama soo qeyb-galeysid, Eratareya kama soo qeyb-galeysid, maadama dano gaar ah ay leeyihiin, iyaguna Xamar bey ku milmeen, markaa maynu sugeyna dhex-dhexaadnimo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waanu ogolnahay in aanu Soomaali la jaalno, laakiin kuwa hada jooga la hadli mayno, waa nagu ceeb in aynu la hadalno dad aan cidna matalin oo cidna soo dooran, oo weliba isku keen sawiraan xaaraan bey ka tahay”.

“Soomaaliya wax la yiraahdo ma jirto, dowladd ka jirta Soomaaliya iyadna majirto, waxa weeyi si loola dagaalamo dhalinyartaas ayaa la ictiraafay, si kheyraadka dagaalka ka socda kharashka ku baxaya sidii looga guran lahaa Badda, ayaa loo ictiraafo laga saxeexay”.

Hadalkan Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku soo aadaya xili ay dowlada Jabuuti mudooyinkii u dambeysay ay dadaalo badan galineysay sidii ay wada-hadaladaasi uga ciyaari laheyd door muhiim ah, iyada oo labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Somaliland socdaalo kala duwan ku tageen caasimada dalkaasi Jabuuti.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

DF Soomaaliya oo hakisay bixinta baasaboorka xilli uu jiro musuq maasuq xooggan

0

Muqdisho-(Caasimada Online) – Waxaa mudo todobaad ah oo ka billaabanaysa 14-ka bishan la hakiyay dalbashada baasaboorka Soomaaliya.

War kasoo baxay heyadda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaliya ayaa lagu sheegay in loo hakiyay arrimo farsamo oo jira.

“Arimo farsamo awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudo todobaad ah kana bilaabata September 14, 2019 ilaa September 21, 2019 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka.” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga waaxda socdaalka Soomaaliya ee facebook.

Go’aankaan lagu hakiyay dalbashada baasaboorka mudada todobaadka ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo sidaan oo kale horay muddo seddax maalmood ah loo hakiyay howlaha Hey’adda dambi barista booliska Soomaaliya ee CID-da, mudadaas oo maanta ku ekeed.

Hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa hay’adaha ugu musuq maasuqa iyo wax is daba marsiiska badan dalka, ayada oo xaruntaas ay tahay meel lagu dhibo lacag badan oo laaluush ahna looga qaato muwaadiniinta baasaboorka doonaya.

Hakintan cusub ayaa wararka qaar waxay sheegayaan inay ugu wacan tahay musuq maasuqa hay’addan oo xargaha goostay, islamarkaana laga yaabo in baaritaan lagu sameeyo.

Agaasimaha waaxda socdaalka Maxamed Aadan Koofi, oo marar badan la damcay in xilka laga qaado ayaa waxaa hor-istaagay nin ay isku beel yihiin oo saaxib la ah madaxweyne Farmaajo, mana jirto wax laga qaban karo musuq maasuqa hay’adda.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
[email protected]

Soomaaliya iyo walaaca duulaanka shisheeye

Hadii ay jirto kala fogaansho iyo is fahamka oo xumaad, ma iska celin karnaa Cadowga dibada? Tusaale Dagaalka bada ee nagu socda islamarkaana ay waddo Kenya, waa khatar waxa uuna yeelankaraa wajiyo kale waxaana-nala dagaalamaya dal hey’adiisa dhisanyihiin tan iyo markii uu xorriyadda qaatay.

Run ahaantii Dalkaan waxa uu ka soo baxay dagaalo Sokeeye,mana dhicin dunida casriga ah dal ay burbureen hey’adihii dowliga ahaa Dhamaan,Isla markaana toosi waayay 29sano, iyadoo waqti iyo qarash xoog leh la geliyay.

Waa ayaan darro,waana ku ceeb siyaasiyiinta, iyo indheergaradka Soomaaliyeed inay sidaa iska ahaato Soomaaliya muddo aad u dheer, sidoo kalana waa ayaan daro in siyaasi kastaa uu meesha laga yimid uusan garanayn,ee uu reerka u wado meeshay la noqoto.

Waa in aanan la is yeel-yeelin waxa is hayaa ma aha Dhalinyarada,Haweenka,Culimada , ee waa siyaasiyiinta oo marba dhinac aadaya sida, Maamulada oo hadda aan la ogayn marka doorasho soo dhawaato muxaafidiinta say noqon doonaan. sSidoo kale mucaaaradka lama yaqaan halka uu jirsan doono iyo dowlada dhexdeeda ee hadda  iscalman siday noqon doonaan markii doorasho la gaaro.

Ma kula tahay in siyaasiyiinta Soomaalida kala adkaanayaan ? Aniga ilama ahan sababtoo ah horay ayey ukala adkaan waayeen,waxaana Soomaalida ugu wacan ayaan darrada heysata, in markii hore ahaayeen dad miyiga ka yimid,hub iska haysta, islamarkaana unoolaa siday doonaan. Sidoo kale ma’ahan waxa la isku hayo mabda iyo caqiidooyin waa wayn.

Aduunyada kale ma jiro dal Sanad dowlad la’aan noolaan kara ,anaga dad bay sidaan ugu badisaa ama daneeya dowlad la’aanta. Waxay ila tahay in Dowlada hadda jirta ee Madaxwayne Farmaajo hormuudka ka yahay ay saaran yahay masuuliyad wayn oo ah:

  • In Dastuurka la dhamaystiro asagaa dadka dabri kara.
  • In dib u heshiisiin iyo issa saamaxaad la bilaabo.
  • In laga heshiiyo waxyaabaha la isku hayo.
  • In arinka doorashada 2021-ka laga heshiiyo nooceeda iyo qaabkeeda.
  • In Dowladu inkirin xoogaga siyaasada ee jira kolay way aqbali doontaaye.

W/Q: Faysal Ahmed Warsame (Qaran)
Gudoomiyahay Dallada Bulshada Rayadka ah ee Puntland (Punsaa)

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

 

Puntland oo xabsiga dhigtay mas’uul ka tirsan Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Ciidamada maamulka Puntland ayaa maanta xabsiga dhigay gudoomiye kuxigeenka Somaliland u qaabilsan degmada Badhan, sida ay sheegayaan warar hada nasoo gaaray.

Cabdiraxmaan Axmed Muuse “Suldaan Suus” ayaa ciidamada Puntland waxay xireen kadib markii uu ka dhago adeygay baaqyo kala duwan oo maamulkooda ugu soo jeediyen in uu ku biiro, isla markaana iska casilo xilka uu Somaliland u hayo, sidii ay hore ugu biireen maamulka Puntland Guddoomiyihii degmadaasi.

Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay ku howlaneed qorsho ay Mas’uuliyiinta deegaanada ay isku hayaan Somaliland kula soo wareegayaan, taasi oo mudooyinkii dambe sare u qaaday madaxda ka soo goosatay Somaliland.

Guddoomiyihii magaalada Badhan iyo Taliyihii ciidamada Somaliland ee aaga Badhan, ayaa hore ugu biirey maamulka Puntland, kuwaasi oo kordhinayey tirada madaxda Somaliland ka soo goosatay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Maxkamadda ICJ oo war cusub kasoo saartay kiiska dacwada Kenya iyo Somalia

0

The Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda ICJ ayaa warbixin cusub kasoo saartay Kiiska dacwadda Badda ee Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kadib go’aankii dib loogu dhigay muddo laba bilood ah.Maxkamadda ayaa sheegtay in dadkii isku diiwaan geliyey inay ka qeyb noqdaan kulankii Maxkamadda ee baaqday looga baahan yahay in mar kale is diiwan geliyaan.

4-ta November oo ah maalinta koowaad ee Maxkamadda ahna Maalin Isniin ah ayaa waxaa la dhegeysan doonaa Soomaaliya, waxaana jaanis la siiyey 10:00Am illaa 1:00Pm iyo  3:00Pm illaa 4:30 galabnimo.

Dowladda Kenya ayaa iyadana doodeeda soo jeedin doonto Maalinta Arbacada ah 10:00Am illaa 1:00Pm iyo  3:00Pm illaa 4:30 galabnimo.

Maalinta Sedexaad ee Maxkamadda oo ah Todobada Bisha November ayaa waxaa fursad kale la siin doonaa dalka Soomaaliya saacadda marka ay tahay 3:00 PM ilaa 4:00 Galabnimo.

8-da Bisha November oo ah Maalinta ugu dambeyso ee dhageysiga dacwadda ayaa waxaa leh Dowladda Kenya oo maalinteeda labaad u noqoneyso waana Maalin Jimco ah, waxayna soo jeedinteeda leedahay 3:00 PM ilaa 4:00 Galabnimo.

24-ka Bisha October ayaa ugu dambeyn loo qabtay inay isku soo diiwaan geliyaan dadka doonayo inay ka qeyb galaan fadhiga soo socdo ee maxkamadda kuwaas oo isugu jiro Diblomaasiyiinta, Warbaahinta iyo ka qeybgalayasha kale.

Dowladda Kenya ayaa sabab u aheyd inay baaqato dhageysiga Maxkamadda oo lagu ballansanaa sagaalka Bishaan kadib markii ay dalbatay in dib loogu dhigo.

Maxkamadda ICJ ayaa aqbashay cosiga Dowladda Kenya inkastoo ay kaliya ku dartay 2 bil halka Dowladda Kenya ay codsatay in dib loogu dhigo ilaa 12 Bil.

Dowladda Kenya ayaa muujisay cabsi ku aadan in looga guuleysan doono Dacwadda taalo Maxkamadda ICJ, waxayna isku dayday inay meel kasta u marto sidii loo joojin lahaa dacwadda balse Soomaaliya ayaa ku adkeysatay inaysan wax wada hadal ah ka geli doonin Kiiskaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Ganacsatada Muqdisho oo shaaciyey in la musuqay lacagtii dhismaha jidadka

0

Muqdisho (Caasimdda Online) – Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa War Saxaafadeed ay soo saareen waxa ay uga hadleen lacago looga qaado dhismaha Wadooyinka magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in si qaldan loo maamulo.

Waxa ay sheegeen Ganacsatada gobolka Banaadir in lacago taburacaad ah oo loogu tala galay dhismaha Wadooyinka magaalada Muqdisho bil kasta si joogta ah looga qaado hadana ayan jirin wax muuqda oo lacagtaasi lagu qabto si khaldana loo maamulo.

Halkan Akhriso War Saxaafadeedka Ganacsatada soo saareen

Ku: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Og. Handti-dhowrka Qaranka Soomaaliyeed

Og. Raysulwasaaraha Xukuumadda Fed. Soomaaliyeed

Og. Madaxweynaha Jumhuriyadda Fed. Soomaaliyeed

Ujeeddo: Warsaxaafadeed Wax Ka Qabasho Lacagta Jidadka

Annaga oo ah ganacsatada canshuurta ugu badan laga qaado , isla markaasna ah aasaasayaalkii tabarucaadka dib-u-dhiska waddooyinka Muqdisho, lagana qaado  tabarrucaadda ugu badan, waxaan ka codsanaynaa cid walba oo ay khuseyso in ay wax ka qabtaan musuqa lagu hayo lacagta tabarucaadda dib-u-dhiska waddooyinka Muqdisho.

Lacagtaan tabarucaada ah oo hadda uu maamulo Maxamuud Cabdikariim Gabeyre, wax shaqo ah oo muuqda laguma qaban muddo hal sano ah.

Waxaan ognahay in lacagtaas ganacsatadu looga qaado si joogto ah, iyada oo aysan jirin hab isla xisaabtan ama xitaa warbixinta xaalka ay ku sugan tahay lacagta muddadii uu maamulayey Gabeyre October 2018 ilaa September 2019.

Sidaasi awgeed Ganacsatada laga qaado tabarrucaadda dib-u-dhiska waddooyinka waxay dalbanayaan in:

  1. La xaqiijiyo in lacagta lagu qabto AKOON (XISAAB) aammin ah,
  2. Talada lagu maamulayo lacagta laga tixgeliyo ganacsatada laga qaado lacagta ugu badan,
  3. La soo bandhigo xisaab xirka lacagihii loo uruuriyey dhismaha waddooyinka muddadii sanadka aheyd ee u dhexeysay Oktober 2018 – September 2019.

Mahadsanidiin

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Dad ka yimid ITOOBIYA oo shirka Galmudug buuq ka abuuray + Arrin la isku hayo

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah beelaha degga Galmudug ayaa waxaa la sheegay in lagu gacan bidixiyeeyay shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug, ee ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Guddoonka Shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ayaa shalay u yeeray qaar ka mid ah beelaha, si loo xaliyo cabasho la sheegay in ay qabaan. Beelahan loo yeeray ayaa kala ahaa Saleebaan, Waceysle, Shiikhaal iyo Beesha Shanaad.

Madashii la doonayay in lagu xaliyo beelahan ayuu buuq ka dhashay, ka dib markii ay madasha soo fariisteen xubno la sheegay in ay ka yimaadeen Deegaanada Soomaalida Itoobiya, kuwaa oo ku andacoonaya qaar ka mid ah Beesha Shanaad inaanay degin Galmudug.

Ugaas Xaashi Ugaas Jimcaale oo ka mid ahaa saxiixe-yaasha Galmudugtii 2015 lagu soo dhisay Magaalada Cadaado ayaa beeniyay warka ka soo yeeray kooxda la sheegay in ay ka timid Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

“Nimankan ka yimid Kilinka Shanaad ee Itoobiya waxay doodoodu tahay in beelo ay ka mid tahay Beesha Guuleed Cadde/Beesha Shanaad aanay degin Galmudug. War adeer warkaasi war soconayo maaha, war jirana maaha. Beesha Guuleed Cadde iyo beelaha kalaba waxay ka mid yihiin beelaha degga Galmudug.” Ayuu yiri Ugaas Xaashi Ugaas Jimcaale.

Ugaas Xaashi Ugaas Jimcaale oo la hadlayay Warbaahinta gudaha ayaa yiri “Guuleed Cadde waxay deggaan Galgaduud, Kulbeer waxay deggaan Mudug, Tumaalo iyo Carab Saalax intaba waxay ka mid yihiin beelaha degga Galmudug.”

Ugaas Xaashi Ugaas Jimcaale ayaa Guddoonka Shirweynaha Dhuusamareeb ugu baaqay in ay wax ka qabtaan gacan bidixeenta uu sheegay in lagu hayo qaar ka mid ah beelaha degga Galmudug.

Waxa uu intaa ku daray haddii aan arrintan wax laga qaban ay waxba kama jiraan noqon doonto waxa ka soo baxa shirweynaha dib u heshiisiinta ee beelaha Galmudug uga soconaya Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Cabashadan ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Dowladda Somaliya ay juhdi ku bixineyso, sidii ay dib u heshiisiin u dhex dhigi laheyd beelaha ballaaran ee deegaanka ku ah Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
[email protected]

Dowladda Australia oo ku dhawaaqday go’aan halis ku ah Daacishta Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga amniga iyo sirdoonka baarlamaanka dalka Australia ayaa shaaciyey in koox argagixiso ah ay u aqoonsadeen Daacishta Soomaaliya ee ka dagaalanta dhulka buuraleyda ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Warbixin ka soo baxday guddiga ayaa lagu sheegay in kooxdan ay maleegeyso khatar halis ku ah amniga Australia iyo muwaadiiniinta dalkaasi.

Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in dadka asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ee ku nool Australia ay xiriir la yeelan karaan kooxdaasi.

Waxa kale oo ay dowladdu shaacisay in Daacishta Soomaaliya gesyan karto afduub ka dhan dadka reer Galbeedka, iyadoona muwaadiniinta dalkeeda ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan iyo taxadar dheeri ah

Daacish Soomaalya ee uu hoggaamiyo Cabduqaadir Muumin ayaa la aas aasay sanadkii 2015-kii, waxaana ay haatan ku xoogan tahay dhulka buuraleyda gobolka Bari.

Kooxdan oo sanadihii dmabe sii xoogeysay ayaa sidoo kale weeraro u badan dilal qorsheysan ka fulisa magaalooyinka dalka oo ay ugu horreyso Caasimada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Ma burburtay haybaddii maamulka PUNTLAND?

Marka aan Leeyahay ma burburtay haybaddii butlaan waxaa aan uula jeeda in uu dhammaanayo qiimihii iyo heerkii ay joogtay butlaan kaas ahaa mid qofkii sheegtaa uu ahaa mudan ama ciddii maqashaaba ay siin jirtay mudnaan, taasina ma ahayn mudnaan ku timaadda cago-juglayn ama jajuub, ee waxay ahayd mudnaan ay butlaan lahayd taas oo ka dhigtay in ay noqoto meel dadku jeclaystaan maqalkeeda iyo joogisteedaba, luguna tiriyo in ay butlaan ahayd meel qofkii tagaa ama ku yimaadda uu ahaa xurmadleh  miisaan leh. 

Butlaan oo ah meelihii ay soomaali ku badbaadday, cidkastana ay ka dhiganaysay gabbaad, hanti badan oo soomaliyeedna ku ammaan heshay luguna tabcaday, Waxa ay noqotay meel mar lugu xisaabtamay, balse aan maanta ka duwannayn meel mar loo haajiray oo laga soo laabtay. 

Siyaasad ahaan butlaan waxa ay ahayd meelihii uugu doonista badnaa nidaam dawladdeed oo soomaliyeed, taas oo maskax iyo maalba gelisay sidii la isugu keenilahaa soomaalidii kala irdhowday “kala fogaatay” 

Dadaalkii badnaa ee butlaan iyo marti-soorkii soomaliyeed ee ahayd mid qof kasta oo soomaliyeed deegaankiisa ka mudnaa, waxaad mooddaa in uugu dambayntii butlaan noqotay  sidii meel aan marnaba laga helin wax Abaal ah oo hore. 

Tani ma aha mid aan anigu ku dhaliilaayo soomaalidii hore ugu bad-badday butlaan iyo kuwii hantida ku tabcadayba, waayo dadkaasi waxay ahayeen dad tegay dhul soomaliyeed wajiibna ay ahayd in aysan cidi ka xigsan joogista iyo ku bed-qabka dhulkaas.  

Waxaa wax kasta oo ay butlaan soo samaysay dhulka ku jiiday kana dhigay Hal-bacaad lugu lisay siyaasiyiinta deegaankaas hoggaanka ka noqonaysay muddooyinkii dambe iyo weliba metelaad xumada ku haysa dawladda dhexe. 

Marka leeyahay kuwo dawladda dhexe ku metela, waxaan u jeeda wasiirrada iyo xildhibaannada oo noqday kuwo aan joogin heerkii laga rabay ee ahayd in mar kasta ay hor-boodaan xalkii ay hore u raadinjireen. 

Kuwo badan waxa ay ku milmeen ka qaybqaadashada hannaanno badan oo aysan dawladda federalku raalli ka ahayn, taas oo dib u celinaysa hannaankii socday. 

Waxaa loo baahnaa dhammaan masuuliyiinta butlaan ka jooga federaalka in ay yihiin kuwo u heellan sidii ay hore butlaan uugu heellanayd dhismaha soomaliya waarta, siidookale waxaa loo baahnaa in ay meesha ka saaran tabashada soo jiitamaysay muddadii dheerayd ee u dhexaysay butlaan iyo dawladda dhexeba, waana taas dhaliisha aan u jeedinayo anigu masuuliyiinta ku metela butlaan dawladda dhexe. 

Dhinaca kale waxaa mooddaa in madaxdii timi butlaan muddooyinkii dambe ay ahayeen kuwo amminsan shaqada loo idmaday in ay tahay uun caqabad-gelinta dawladda dhexe, tanna waa dhaliil aan u jeedinayo hoggaannadii uugu dambeeyay ee qabtay butlaan, waxaa loo baahanyahay in hoggaanku ku baraarugsanyihiin butlaan in ay ahayd meeshii soomaali ku nabad heshay, haddana ay butlaan mudantahay in sidii ay soomaali u sii ahaato oo ay ka qayb-qaadato dhammaystirka shaqooyinka soo celinaya soomaliyadii awoodda lahayd. 

Haddii hoggaanka butlaan uu mashquul ku yahay jigraaridda “dhibitaanka’ dawaldda dhexe waxaa meesha ka baxaysa in butlaan ay yeelato qiimihii ay hore u lahayd, waxaana si toos ah butlaan luugu arkayaa in ay tahay meelaha ay soomaali ka dhaqaaqi-weyday, waxaa ay butlaan noqonaysaa mid aan meelna laga tix-gelin iyada iyo dadkeedaba. 

Wax kasta oo maanta butlaan haysta iyo si kasta oo loola dhaqmoba waxaa sabab u ah madaxdeeda aan  marnaba ku hamiyayn ilaalinta wanaaggii butlaan 

W/Q:  Cumar Rodol
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Madaafiic ah lagu garaacay dhismaha Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya madaafiic xoogan oo goor dhow ku hoobtay dhismaha madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicda oo gaarayey illaa saddex ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah uu ku dhacay xarunta safaaradda Itoobiye oo ku taalla gudaha Villa Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada hoobiye ee kale ay ku dhaceen xaafadaha Cagadhiig iyo Kaambada oo ka tirsan degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Wararka qaar ayaa sheegaya in khasaare u badan dhaawac ay ka dhasheen madaafiicdaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya,.

Mana’ahan markii ugu horreysay oo hoobiyeyaal lagu weeraro dhismaha madaxtooyada Qaranka oo ah oo goob aad loo ilaaliyo.

Faah faahinta kala soco Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

TACSI ku socota dhammaan reer Xaaji Leyte

0

Dhammaan Reer Sheekh Axmed Mataan, gaar ahaan

Abuukar Sheekh Axmed Mataan

Maxamuud Caddey Sheekh Axmed Mataan

Aba Cali Siid Axmed Sheekh Axmed Mataan

Iyo xaaskiisa Hooyo Aamin Daa’uud Axmed

Jamiila Siid Axmed Sheekh Axmed Mataan

Zeinab Siid Axmed Sheekh Axmed Mataan

Iyo Seygeeda Cabdi Maxamuud Geedi

Ruqiya Siid Axmed Sheekh Axmed Mataan

Dhammaan dadkaasi waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Reer Xaaji Layte, ayaga oo uga tacsiyeynaya geerida ku timid Xaaji Axmed Xaaji Leyte oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxayna leeyihiin samir iyo iimaan allaha idinka siiyo, marxuumkana jannada fardowsa allaha geeyo.  إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ‎.

Xog: Dowladda Somalia oo cunaqabateynta Jubaland ku kordhisay afar tallaabo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ballaarisay cunaqabateynta saaran maamulka Jubaland oo markii hore ku koobneed dhinaca duulimaadka oo kaliya.

Caasimada Online ayaa ogaatay in dowladda federaalka Soomaaliya ay cunaqabateynta Jubaland ku kordhisay ilaa afar heer oo kale oo cunaqabateyn ah, kuwaas oo ay ka dhalan karto dhibaatooyin daran oo saameeya shacabka degaanka.

Shirkii ugu dambeeyay ee golaha wasiirada Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyay in la kordhiyo cadaadiska Jubaland waxaana lagu daray afartaan qodob oo kale ah.

  • Gabi ahaanba waxaa la joojiyay wadashaqeynta wasiirada xukuumadda Kheyre kala dhaxeysay wasiirada kale ee maamulka Jubaland ilaa inta laga xalinayo khilaafka labada dhinac.
  • Waxaa meesha laga saaray in maamulka Jubaland la siiyo lacago maamul gobaleedyada loo soo marsiiyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, taas oo ay helaan maamulada oo dhan, marka laga reebo Galmudug oo ku jirta soo kabasho iyo dhismaha maamul cusub.
  • Dowladda Soomaaliya waxay si KMG ah hakad u gelisay dhamaanba mashaariicdii hormarineed ee Jubaland, oo ay ku jiraan dhismaha saldhigyo ciidan iyo adeegyo kale oo dheeraad ah hadii la helo iyo kuwii hadda socday.
  • Iyo go’aanka ugu dambeeyo oo ah in la joojiyo dhamaan tababarada, taageerada iyo ka warqabka ciidamada ku sugan Jubaland ee aan ka amar qaadan dowladda federaalka Soomaaliya, ilaa inta laga xalinayo khilaafka taagan.

Go’aanadaan oo lagu gaaray shirkii ugu dambeeyay ee golaha wasiirada, ayaa lagu darin waxyaabihii ay xukuumadda faah faahisay markii uu shirkooda soo dhamaaday, waxaana dibad joog ka ahaa dhamaan wixii aan ka tirsaneyn golaha wasiirada, sida kaamira-maanada, shaqaalaha xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo xog-heynida oo dhan.

Xubno ka tirsan golaha wasiirada Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in arrintaan ay saarnaan doonto Jubaland muddo dhowr bil ah, kadibna lagu dari doono cunaqabateyno kale oo intaan ka ballaaran sida ay noo sheegeyn qaar kamid ah wasiirada goobta joogay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Caqabadaha ka dhalan kara amaradii Somaliland ee ka dhanka ahaa Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay soo saartay, isla markaana ku dhawaaqday amaro cusub oo ka dhana dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka warfaafinta Somaliland oo shalay kulan la yeeshay madaxda telefishanada madax banaan ee ka howl-gala gudaha Somaliland, ayaa wuxuu faray in xiliga war-tebinada ay soo hor-mariyaan wararka Somaliland, isla markaana ay wararka Soomaaliya raaciyaan kuwa kale ee dibada.

Hadaba, Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac “Dafac” oo daba socday amarkaa yaabka leh ee ay soo saartay xukuumada Somaliland, ayaa waxa uu ka hadlay caqabadaha uu Madax-banaanida warbaahinta Somaliland ku keeni karo Amarkaasi ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Somaliland.

Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa ka dhawaajiyey in xeerka saxaafada Somaliland uu awooda xulashada wararka iyo kala horeysiinteedaba uu siiyay Tifaftiraha hay’adaha warbaahineed ee kala duwan, isagoona amarka wasiirka warfaafinta ku tilmaamay mid uu fara-galin ku sameeynayo madax-banaanida warbaahinta.

Garyaqaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Amarkaasi uu hoos dhac weyn ku keeni karo tartankii ka dhaxeeyay warbaahinta Somaliland iyo kuwa kale Geeska Afrika, midaasi oo ku tilmaamay inay lumin doonaan Soomaali badan oo dunida daafaheeda ka fiirsan jirey wararkooda, wuxuuna yiri:

“Xeerka Saxaafada Somaliland marka uu ka hadlayo qaabka loo gudbinayo wararka iyo barnaamijyada waxa uu awood buuxda siinayaa Tifaftiraha inuu leeyahay awooda qaabka uu u kala horaysiinayo wararkiisa, markaa cid kale oo awood u leh inay go’aamiso ama ay faragaliso go’aanka Tifaftire-nimeed (editorial decisions-ka) ma jirto, waxa iska leh Tifaftirka, wixii taa ka soo gudba waxay noqonaysaa faragalin in la faragalinayo warbaahinta madaxabanaan shaqadoodii ay qabsanayeen”.

“Madaxbanaanida u weyn ee warbaahini heli kartaa waa shaqada Tifaftirenimo oo ah inay iyagu ka go’aan gaadhaan siday u kala horaysiinayaan, iyaga oo ku go’aan gaadhaya qiimaynta wararkaasi ay kala leeyihiin, taasi waa caqabada koowaad ee ay yeelaynayso”.

“Caqabada labaad ee ay keeni doontaana waxa ay tahay inay dhib badan ku keeni doonto Warbaahinta Somaliland meeqaamka ama tartanka ay ku leeyihiin Geeska Afrika, waayo hadii lagu soo koobo inay Somaliland oo kaliya wararkooda ay soo horaysiiyaan waxay keenaysaa in dadka Soomaalida ee Somaliland ay ku jirto aanay eegin ama aanay daawan Telefishanada Somaliland oo ay eegaan Telefishanada Somalia oo iyagu wararka labada dhinacba ka soo diraya, markaa tartankii ay ku jireen warbaahinta Somaliland-na hoos ayay u dhigaysaa oo khatar ayay galinaysaa”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Ta saddexaadna waxay ka soo horjeedaa dabeecada Warbaahinta, dabeecada warbaahintu wararka u gudbisaana waxa weeyi qiimaha wararka ay soo gudbinayaan ayay markaasi ku xidhan tahay, Matalan waxa laga yaabaa warbaahinta adduunka war ka dhacay Xamar inuu Lambarka koowaad u yahay, ama war ka dhacay Maraykanka inuu warka koowaad u yahay”.

“Markaa waxay ku xidhan tahay nooca warku uu yahay. Hadii lagu soo koobo war waxay noqonaysaa qaab faaf-reeb ama censorship oo laga xadidayo waxaanay sheegay iyo waxay sheegi doonaan”.

“Arinta kalena waxa weeyaan Shaqada Wasaarada Warfaafintu, Wasaarada Warfaafintu Tifaftiraha Guud ee Warbaahinta Somaliland maaha, waxay u xilsaaran tahay inay horumariso oo ay kobciso Warbaahinta Xitaa waxaanay xaq u lahayn warbaahinta Dawladda ee ay ka midka yihiin Idaacada iyo Telefishanka inay u sheegto qaabka ay u waramayaan”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Sawirro: Masar iyo Somalia oo HESHIIS wada-galay

0

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha ee Somalia, Eng. Abdullahi Ali Hassan iyo Wasiirada Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Masar, Saxar Nasar waxay maanta qalinka ku duugeen Heshiiska Isfahamka Maalgashiga Wadajirka ee labada dal.

Heshiiska Istaraatijiyada Iskaashiga Maalgashiga ee Somalia iyo Masar waxaa lagu saxiixay magaalladda Qaahira, kadib markii la soo gebagebeeyey Shirweynihii Labaad ee Guddiyada Ganacsatada ee Labada dal ee ka socday Qaahira.Munaasabadda saxiixa ee Heshiiskaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha dalka Masar, Cumaru Nasaar iyo madax kale.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin
Xigasho: mubasher.info, Egypt

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sababta ay DF u qaadan la’dahay saddexdan tallaabo oo ay ku ciqaabi karto Kenya

Muddo sanad badan ficillada iyo hadallada ka imaanayay Kenya ee Soomaaliya iyo madaxdeeda quseesayay waxay ahaayeen kuwo dhiillo iyo colaad xambaarsan. Waxay Kenya u dhaqmaysay sidii kuray xoog badan oo mid uu ka adag yahay kolba dhinac u jiiray si uu falceliyo isna feer ugu boobo.

Cayrinti safiirka Soomaaliya, diyaraadihi maridda Wajeer lagu qasbay, madaxdii lagu bahdilay garoonka Joomo Kenyatta iyo soo dhawaynti maamul goboleedyada iyo maqaamki ay siisay Soomaaliland iyo kaba darane doorashadii Jubbaland oo ay ka dhigtay Kenya mid ka dhacayday dagmo Nayroobi hoos tagto waxay dadkeenna ku abuureen ciil iyo caro. Waxaan jeclaysannay inay dowladdeennu mar un bixiso jawaab kulul oo Kenya ka nixiso.

Waxaan jamannay inaan aragno madaxweynaha oo dagaal Kenya ka dhan ku dhawaaqay ama ugu yaraan ku hanjabay isdifaacid. Waxaan naawilnay isagoo qaadka mamnuuay, ciidamada Kenya dalka ka saaray ama xariirka oo dhan u jaray oo sidii ay safiirkeenna u cayrisay isna kooda u fiijiyay. Mase dhicin. Ma cabsibaa sida dadku qaar dhaheen? Ma badownimaa? Ma liidnaan iyo ducfi uu u dhashaa mise waa dibloomaasiyad heer sare ah iyo bisayl aynu gaarnay mise wax kaloo la xeerinayo ayaa jiro? Inta badan su’aalahaan waxaan kaga jawaabay qormadaan ee ku noqo.

Halkaan waxaan ku falanqayn doonaa kaliya saddexda su’aalood ee ugu soo noqnoqoshada badan (qaadka, ciidamada iyo xariirka oo la jaro). Anigu maahi afhayeenka dowladda iyo xubin ka tirsan oo arrimaheeda hoose og toona. Haddaan ku iraahdo xogo hoosaan hayaa been baan kuu sheegay. Waxaan hadlayo waa aragtidayda iyo khibradda kooban iyo aqoonta yare e aan u leeyahay arrimaha taagan oo aan had iyo goor sida ii muuqato ka iraahdo. Barigii Imaaraat dalka laga cayrshay dadkeennu walwal badan iyo walbahaar cabsi la socoto ayaa galay. Qormo Ayaan barigaas idinla wadaagay aan ku qeexay inuusan Imaaraat waqtigaan waxba ka qaadi karin Soomaaliya, sidaan u sheegay inay dhacday iyo kale lifaaqa kore ku noqo oo go’aan ka gaar. Haddana waxaan is leeyahay qiyaas xaqa waafaqsan ayaad haysaa.

Qaadka

Qaadku waa gol jileeca Kenya ee sida dhaqsaha ah xanuun uga dareento. Beeralayda qaadka wax soo saarkoodu wuxuu ku dhisan yahay 90% suuqa Soomaaliya. Maalinti waxay Soomaaliya u dhoofiyaan qaad qiimihiisu gaarayo boqol milyan oo lacagta Kenya ah taasoo u dhiganta hal milyan oo doolar. Waxaa sidoo kale dhaqaale xooggan si dadban ooga helo dad milyan kor u dhaafay kuwaas ka shaqeeyo iibintiisa, dhoofintiisa, dillaalkiisa ama xamaalkiisa iyo xirxiriddiisa. Diyaaradaha qaado iyo canshuurta dowladda haddii lagu daro qaadku wuxuu noogu kacaa ugu yaraan hal bilyan sanadki. Sidaa darteed joojintiisu waa jug culus oo dhaawac xooggan gaysan karto dowladda Kenyana  si dhaqso ah u dareemi lahayd.

Hasa yeeshee joojintiisu dowladdu way ka baaqsatay iyadoon u danaynayn Kenya balse maslaxo kale eegtay. Kow, sida malaayiin Kenyan ah ugu tiirsan yihiin qaadka ayay kumannaan Soomaali ah ugu tiirsan yihiin. Ganacsatada qaadka keento waa Soomaali. Kuwo dillaalo,  kala iibsho iyo kuwo jumlada kusoo qaadaba waa soomaali. Gudaha dalka waxaa ku tiirsan dan yar u badan hooyooyin kaligood ilmo koriyo iyo dad aan lahayn cid kale oo caawiso. Joojintiisu sida Kenya u xanuujinayo ayuu dad badan oo Soomaaliyeed u xanuujin.

Muddadii asbuuca ahayd ee madexweyne Xasan uu hakiyay qaadka dadki ugu badnaa ee qayliyay waxay ahaayeen soomaalida ka ganacsan jirtay. Sidoo kale Feebaraayo 2017’ki marki dowladdu canshuurta qaadka ay kordhisay ganacsatadi soomaaliyeed ee qaadka keeni jirtay ayaa shaqo joojin  sameeyay ilaa ay dowladda ku qasbeen inay dhinto canshuurta. In la mamnuuco waxaa dalkeenna ooga faaiido badan in canshuur badan la saaro. Mar dowladda ayaa lacag fiican ka heli marna dadka cunayo ayaa yaraan lahaa oo iibsigiisa kari waayi lahaa. Mar haddii middii faaiida badnayd ay soomaalidu u dulqaadan wayday ma waxay u qaadan doonaan mid ka daran?

Waxaa raaco in dowladda oo joojiso qaadka Kenya uusan ku joogsan doonin. Dowladdu Xamar unbay ka mamnuuci kartaa qaadka. Sidii 2017’ki dhacdayba qaadka waxaa laga soo dajin gobollada dalka qaar ka mid ah. Xataa haddii ay dowladdu diyaaradaha ciqaabto waxaa lasoo marin dhulka. Wuxuu dalka imaan isagoo sidii hore ka qaalisan, ka khatar badan  kana dhib iyo mushkilad badan. Waxaa suuragal ah inuu ka dhasho kacdoon iyo rabshado dowladda gilgilo. Meelihii ugu horreeyay ee mucaaradka dowladdi Kacaanka xoojiyay waxaa ka mid ahaa qaadki ay xarrintay. Haddii middii awoodda badnayd ee dalkoo dhan xukuntay gacan laga baqana lahayd ay joojin wayday mucaarad iyo kacdoonna ka faaiidday maxaa loo fili karaa middaan taagta daran ee udubkeedu ul booco yahay?

Maadaama qaadku yahay hubka ugu culus ee dowladda soomaaliya ay isticmaali karto, waxaa siyaasad xumo ah inay ku billow kii ugu weynaa ee ay haystay. Waa inay jiraan wax lagaaga baqo oo la isleeyahay waxaas ayaa u dhimman. Haddii wixii ugu danbeeyay aad isticmaashay maxaa kuu haray oo aad ku hanjabi ama qalbi lagu hayn inaad isticmaali karto? Kenya waxa fashilay waxaa ugu weynaa diidmadii baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaalida waayo wuxuu ahaa hubka ugu culus ay soomaaliya u haysatay. Isagii haddiiba ay mar ridday maxaa dhimman oo dowladdu ka baridaa?

Ciidamada Kenya ee Soomaaliya joogo

Ciidan afar kun gaarayo ayaa Kenya soomaaliya ka joogo. Ciidankaan wuxuu sitaa magaca nabad ilaalin iyo diyrayska iyo calanka Midowga Afrika. Xaaladda uu ku joogo iyo qawaaniinta uu isticmaalo waxay ka dhigeen ciidan uu leeyahay Midowga Afrika. Midowga Afrika ciidankoodu, sida ay iyagu u arkaan, waa mid ka badax bannaan siyaasad iyo dano gaar ah oo dalal u dhaxeeyo. Waa ciidan waajibaadkiisa u guto si caddaalad iyo karaamo leh, ilaaliya sharciga dalka uu joogo iyo sharafta dadkiisa, ay u simanyihiin dalkiisa iyo kan uu shaqada u joogo kana amar qaato Midowga Afrika ee aan fulin doonidda dalkiisa.

Marki mowqofka midowga Afrika ee ku aaddan ciidama Kenya ee joogo Jubbaland sidaas yahay, Midowga Yurub oo dhaqaalahooda bixiyana la aragti yihiin, caydiisa, dhaliishiisa iyo weerarkiisu wuxuu ku dhacyaa Midowga Afrika. Macnaha dowladda Soomaaliya oo eedo usoo jeediso ciidamada Kenya waxay la mid tahay iyadoo eed usoo jeedisay Midowga Afrika. Taasi kama dhigna dowladdu ciidamada Kenya oo xadgudbayo kama hadli karto. way ka hadli kartaa dhaliili kartaa oo waliba dalka ka saari kartaa laakiin waxay u baahantahay caddayn la hubo oo mugdi iyo muran aan gali karin Midowga Afrikana dood la’aan uu ku qanco.

Ilaalinta karaamada ciidamada AMISOM oo  kuwo Kenya ku jiraan waxay dowladda ka dhigtay mid qaan gaar ah, taqaan marka eedda la jeediyo iyo goobta laga jeediyo iyo sababta loo jeediyo. Waxay caddaysay inaysan cadaawaad gaar ah u hayn ree Kenya ee arrimo kooban oo xal laga gaari karo la isku hayo. Tani dowladda soomaaliya waxay siisay taageero iyo kaaramayn ugu kaalmeeyay inay kaga guulaysato Kenya baratankii diblomaasiyadda dibadda. Tusaale usoo qaado inay taqaan goobta laga hadlo iyo goorta la hadlo maalintii la isla tagay Qaramida Midoobay ee Kenya doonaysay inay mariso sharci Soomaalida oo dhan argagixiso ka dhigi lahaa. Safriirka Soomaaliya si cilmiyaysan ayuu Kenya iyo ciidankeeda ugu dhammeeyay isagoo wax eed ah saarin Midowga Afrika. Dib u dhaqgayso khubaddii Amb Abuukar Baalle.

Asbuuci hore wuxuu joornaalka The Star ee Kenya kasoo baxo qoray in madaxweyne Uhuru uu ka niyad jabsan yahay wasiirkiisa arrimaha dibadda inuu shaqada ka qaadana qarka u saaran yahay. Arriamaha lagu eedayay waxaa ka mid ah inay ku fashilantay dumashada dalal kale. Arriamha guuldarradaas u keenay qaar ka mid ah ayuu joornaalku ku sheegay inay ku mashquushay sidii ay u karaama tiri lahayd Soomaaliya halki ay ku ekaan lahayd waxa la isku hayo isuna muujin lahayd mid aan waxba u qabin Soomaaliya balse doonayso xal u helid arrinta la isku hayo si nabad iyo walaaltinnimo loogu wada noolaado. Joornaalka ayaa soo xigtay diblamoosi u dhashay mid ka ah dalalka Kenya saaxiibka la ah kaasoo yiri “waxaan garan waynay waxa ay Kenya doonayso si aan u caawinno”.

Halkaas waxaa kaaga cad in dunida hadda la joogo ee ay yartahay cid ciidan iyo cudud wax ku maquunin karto ay u baahantahay diblomaasiyad wajiyadeeda muuqdo duman karaan saaxiibbo badan. Haddii Soomaaliya waqti galin lahayd sidii iin iyo ceeb ugu heli lahayd ciidamada Kenya dalka si dalka looga saaro, waxay kusoo dhici lahayd bannaan cidla ah waxayna u badnaan lahayd inay lumin lahayd taageerada Midowga Yurub iyo kan Afrika oo hadda xaggeeda maray.

Sidoo kale waxaa furan doorka baarlamaanka oo ah inay mooshan ka keeni karaa ciidamada Kenya si dalka looga saaro. Go’aannada baarlamaanku waa ka madax bannaan yihiin kuwa dowladda. Haddu baarlamaanku go’aamiyo in ciidamada la saaro, madaxweynaha waxaa u furan inuu saxiixo oo sidaas dalka looga saaro ama inuu ku gorgortamo oo suu rabo isagu loo yeelo si ciidamadu u sii joogaan.

Xariirka oo loo jaro 

Xiriir dal loo jaro waxay la mid tahay bilcaan la furay. Waa meesha ugu danbayso ee dagaal. Waan yaan la isku soo noqon. Haddii la isku noqdana baxdinti soo baxday bogsan mayso oo waxaa lagu wada noolaan tuhun iyi utuno la isu hayo. Xaal halkaas inuu gaaro soomaalida dan uma aha sababahaan owgood. Kenya waa dal aan daris nahay dhul ballaaranna naga haysto. Dhulka uu naga haysto waxaa ku nool malaayiin Soomaali ah oo xariir dhow oo dhalasho la leh Soomaalida kale. Sidoo kale, waxaa dagay dhul weynaha kale ee Kenya Soomaali malyan ka badan oo qax iyo tabac u tagtay. Soomaalidaan waxay qaateen dhalashada dalkaas waxay la xaq iyo xuquuq noqdeen kuwii hore ee dagganaa. Sidoo kale, waxaa kusoo guuray oo warasaadoodi keenay Kenya Soomaalidii debadda jirtay.

Dadkaas horay u sii joogay iyo kuwa gadaal ka yimidba Kenya waxay galiyeen maalgalin aan caadi ahayn. Wixii la heli karay oo dhan ayaa lagu shubay Kenya. Waa ay yartahay in la helo ruux wax un lacag ah heli karo oo aan Kenya guri ka iibsan. Tuulo yar oo aan daganahay soomaaliduna ku yartahay waxaan ka aqaan dad labaatan dhaafay oo falaatyo Nayroobi ka iibsaday iyagoo wali dibadda ku nool. Malaayiinta soomaaliyeed ee waxay adduunka naxeen Kenya u taal marnaba kama raalli noqonayaan xiriirka Kenya oo la jaro (waxaan idiin xaqiijin in aan anigu shaqsiyan guri iyo kumi kale toona Kenya iga oollin). Dalka sidaasi Soomaalidu isugu aamintay in xariirka loo jaro iyadoo laga maarmi karo ama maslaxo qaran oo muuqataa aysan jirin waa mid is-halligid iyo qar iska tuurnimo ah.

Midda labaad Kenya inkasta oo ay dhul naga haysato hadda wixii ka horreeyay ma lahayn han dhaafsiisan gudaheeda. Awal kuma jirin qabsashada dhul soomaaliyeed haddana uma diyaarsana. Waa dal gondo-fiiris ah (inward looking) oo ku danbeeyo xagga saamaynta arriamaha dibadda. Tusaale, 10 sano ka badan oo dalka dowlad aysan ka jirin Kenya waxay isku ballaarin kartay dhul badan iyadoo cidna ogaan. Iyadoo lagu siqayo oo xuddeed beenaadkeedi la galay ayaysan yac waligeed dhihin.

Soomaalida daggan Baladxaawo waxay dagtay dhulkii loo aqoon jiray lama-yeeshaanka (No man’s land). Askartu iyadoo tuban oo eegayso ayaa shan mitir ka yar halka ay waardiyaha ka galaan guryo laga dhistay joojiyana aysan dhihi jirin. Arrinta badda ee hadda toosisay qudheedu waxaa abaabulkeeda lahaa dowladda Norway ee waligeed ma aysan damaaciseen baan qabaa ama maba ku baraarugteen. Dalka noocaas ah cadaawaddiisu ma foga mana mudna in laga raadiyo colaad raagto hadduusan isagu soo doonan.

Duuduub, Kenya waa na hujuuntay, noo hanjabtay, na handatay daandaansi iyo dagaalna doontay. Dhinaceenna dowladda na matasho waxay muujisay dulqaad, daganaan iyo diblomaasiyad waqtigeedi joogto muraadkeedana gaarsiin kara. Saddexda arrimood ee aan halkaan ku faaqiday dowladdu kama dammana laakiin waa hub waqtigii la isticmaali lahaa aan la gaarin inta laga maarmana in aan la isticmaalin mudan. Haddii inta maxkamaddu noo xunto badda Kenya isku daydo inay ciidamo gayso oo ku dhawaaqdo inay xoog ku qabsatay, markaas waxaysan hurayn istimaalka qaar ka  mid ah hubkaan.

WQ: Ibrahim Aden Shire
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid