25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Sawirro: Masar iyo Somalia oo HESHIIS wada-galay

0

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha ee Somalia, Eng. Abdullahi Ali Hassan iyo Wasiirada Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Masar, Saxar Nasar waxay maanta qalinka ku duugeen Heshiiska Isfahamka Maalgashiga Wadajirka ee labada dal.

Heshiiska Istaraatijiyada Iskaashiga Maalgashiga ee Somalia iyo Masar waxaa lagu saxiixay magaalladda Qaahira, kadib markii la soo gebagebeeyey Shirweynihii Labaad ee Guddiyada Ganacsatada ee Labada dal ee ka socday Qaahira.Munaasabadda saxiixa ee Heshiiskaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha dalka Masar, Cumaru Nasaar iyo madax kale.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin
Xigasho: mubasher.info, Egypt

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sababta ay DF u qaadan la’dahay saddexdan tallaabo oo ay ku ciqaabi karto Kenya

Muddo sanad badan ficillada iyo hadallada ka imaanayay Kenya ee Soomaaliya iyo madaxdeeda quseesayay waxay ahaayeen kuwo dhiillo iyo colaad xambaarsan. Waxay Kenya u dhaqmaysay sidii kuray xoog badan oo mid uu ka adag yahay kolba dhinac u jiiray si uu falceliyo isna feer ugu boobo.

Cayrinti safiirka Soomaaliya, diyaraadihi maridda Wajeer lagu qasbay, madaxdii lagu bahdilay garoonka Joomo Kenyatta iyo soo dhawaynti maamul goboleedyada iyo maqaamki ay siisay Soomaaliland iyo kaba darane doorashadii Jubbaland oo ay ka dhigtay Kenya mid ka dhacayday dagmo Nayroobi hoos tagto waxay dadkeenna ku abuureen ciil iyo caro. Waxaan jeclaysannay inay dowladdeennu mar un bixiso jawaab kulul oo Kenya ka nixiso.

Waxaan jamannay inaan aragno madaxweynaha oo dagaal Kenya ka dhan ku dhawaaqay ama ugu yaraan ku hanjabay isdifaacid. Waxaan naawilnay isagoo qaadka mamnuuay, ciidamada Kenya dalka ka saaray ama xariirka oo dhan u jaray oo sidii ay safiirkeenna u cayrisay isna kooda u fiijiyay. Mase dhicin. Ma cabsibaa sida dadku qaar dhaheen? Ma badownimaa? Ma liidnaan iyo ducfi uu u dhashaa mise waa dibloomaasiyad heer sare ah iyo bisayl aynu gaarnay mise wax kaloo la xeerinayo ayaa jiro? Inta badan su’aalahaan waxaan kaga jawaabay qormadaan ee ku noqo.

Halkaan waxaan ku falanqayn doonaa kaliya saddexda su’aalood ee ugu soo noqnoqoshada badan (qaadka, ciidamada iyo xariirka oo la jaro). Anigu maahi afhayeenka dowladda iyo xubin ka tirsan oo arrimaheeda hoose og toona. Haddaan ku iraahdo xogo hoosaan hayaa been baan kuu sheegay. Waxaan hadlayo waa aragtidayda iyo khibradda kooban iyo aqoonta yare e aan u leeyahay arrimaha taagan oo aan had iyo goor sida ii muuqato ka iraahdo. Barigii Imaaraat dalka laga cayrshay dadkeennu walwal badan iyo walbahaar cabsi la socoto ayaa galay. Qormo Ayaan barigaas idinla wadaagay aan ku qeexay inuusan Imaaraat waqtigaan waxba ka qaadi karin Soomaaliya, sidaan u sheegay inay dhacday iyo kale lifaaqa kore ku noqo oo go’aan ka gaar. Haddana waxaan is leeyahay qiyaas xaqa waafaqsan ayaad haysaa.

Qaadka

Qaadku waa gol jileeca Kenya ee sida dhaqsaha ah xanuun uga dareento. Beeralayda qaadka wax soo saarkoodu wuxuu ku dhisan yahay 90% suuqa Soomaaliya. Maalinti waxay Soomaaliya u dhoofiyaan qaad qiimihiisu gaarayo boqol milyan oo lacagta Kenya ah taasoo u dhiganta hal milyan oo doolar. Waxaa sidoo kale dhaqaale xooggan si dadban ooga helo dad milyan kor u dhaafay kuwaas ka shaqeeyo iibintiisa, dhoofintiisa, dillaalkiisa ama xamaalkiisa iyo xirxiriddiisa. Diyaaradaha qaado iyo canshuurta dowladda haddii lagu daro qaadku wuxuu noogu kacaa ugu yaraan hal bilyan sanadki. Sidaa darteed joojintiisu waa jug culus oo dhaawac xooggan gaysan karto dowladda Kenyana  si dhaqso ah u dareemi lahayd.

Hasa yeeshee joojintiisu dowladdu way ka baaqsatay iyadoon u danaynayn Kenya balse maslaxo kale eegtay. Kow, sida malaayiin Kenyan ah ugu tiirsan yihiin qaadka ayay kumannaan Soomaali ah ugu tiirsan yihiin. Ganacsatada qaadka keento waa Soomaali. Kuwo dillaalo,  kala iibsho iyo kuwo jumlada kusoo qaadaba waa soomaali. Gudaha dalka waxaa ku tiirsan dan yar u badan hooyooyin kaligood ilmo koriyo iyo dad aan lahayn cid kale oo caawiso. Joojintiisu sida Kenya u xanuujinayo ayuu dad badan oo Soomaaliyeed u xanuujin.

Muddadii asbuuca ahayd ee madexweyne Xasan uu hakiyay qaadka dadki ugu badnaa ee qayliyay waxay ahaayeen soomaalida ka ganacsan jirtay. Sidoo kale Feebaraayo 2017’ki marki dowladdu canshuurta qaadka ay kordhisay ganacsatadi soomaaliyeed ee qaadka keeni jirtay ayaa shaqo joojin  sameeyay ilaa ay dowladda ku qasbeen inay dhinto canshuurta. In la mamnuuco waxaa dalkeenna ooga faaiido badan in canshuur badan la saaro. Mar dowladda ayaa lacag fiican ka heli marna dadka cunayo ayaa yaraan lahaa oo iibsigiisa kari waayi lahaa. Mar haddii middii faaiida badnayd ay soomaalidu u dulqaadan wayday ma waxay u qaadan doonaan mid ka daran?

Waxaa raaco in dowladda oo joojiso qaadka Kenya uusan ku joogsan doonin. Dowladdu Xamar unbay ka mamnuuci kartaa qaadka. Sidii 2017’ki dhacdayba qaadka waxaa laga soo dajin gobollada dalka qaar ka mid ah. Xataa haddii ay dowladdu diyaaradaha ciqaabto waxaa lasoo marin dhulka. Wuxuu dalka imaan isagoo sidii hore ka qaalisan, ka khatar badan  kana dhib iyo mushkilad badan. Waxaa suuragal ah inuu ka dhasho kacdoon iyo rabshado dowladda gilgilo. Meelihii ugu horreeyay ee mucaaradka dowladdi Kacaanka xoojiyay waxaa ka mid ahaa qaadki ay xarrintay. Haddii middii awoodda badnayd ee dalkoo dhan xukuntay gacan laga baqana lahayd ay joojin wayday mucaarad iyo kacdoonna ka faaiidday maxaa loo fili karaa middaan taagta daran ee udubkeedu ul booco yahay?

Maadaama qaadku yahay hubka ugu culus ee dowladda soomaaliya ay isticmaali karto, waxaa siyaasad xumo ah inay ku billow kii ugu weynaa ee ay haystay. Waa inay jiraan wax lagaaga baqo oo la isleeyahay waxaas ayaa u dhimman. Haddii wixii ugu danbeeyay aad isticmaashay maxaa kuu haray oo aad ku hanjabi ama qalbi lagu hayn inaad isticmaali karto? Kenya waxa fashilay waxaa ugu weynaa diidmadii baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaalida waayo wuxuu ahaa hubka ugu culus ay soomaaliya u haysatay. Isagii haddiiba ay mar ridday maxaa dhimman oo dowladdu ka baridaa?

Ciidamada Kenya ee Soomaaliya joogo

Ciidan afar kun gaarayo ayaa Kenya soomaaliya ka joogo. Ciidankaan wuxuu sitaa magaca nabad ilaalin iyo diyrayska iyo calanka Midowga Afrika. Xaaladda uu ku joogo iyo qawaaniinta uu isticmaalo waxay ka dhigeen ciidan uu leeyahay Midowga Afrika. Midowga Afrika ciidankoodu, sida ay iyagu u arkaan, waa mid ka badax bannaan siyaasad iyo dano gaar ah oo dalal u dhaxeeyo. Waa ciidan waajibaadkiisa u guto si caddaalad iyo karaamo leh, ilaaliya sharciga dalka uu joogo iyo sharafta dadkiisa, ay u simanyihiin dalkiisa iyo kan uu shaqada u joogo kana amar qaato Midowga Afrika ee aan fulin doonidda dalkiisa.

Marki mowqofka midowga Afrika ee ku aaddan ciidama Kenya ee joogo Jubbaland sidaas yahay, Midowga Yurub oo dhaqaalahooda bixiyana la aragti yihiin, caydiisa, dhaliishiisa iyo weerarkiisu wuxuu ku dhacyaa Midowga Afrika. Macnaha dowladda Soomaaliya oo eedo usoo jeediso ciidamada Kenya waxay la mid tahay iyadoo eed usoo jeedisay Midowga Afrika. Taasi kama dhigna dowladdu ciidamada Kenya oo xadgudbayo kama hadli karto. way ka hadli kartaa dhaliili kartaa oo waliba dalka ka saari kartaa laakiin waxay u baahantahay caddayn la hubo oo mugdi iyo muran aan gali karin Midowga Afrikana dood la’aan uu ku qanco.

Ilaalinta karaamada ciidamada AMISOM oo  kuwo Kenya ku jiraan waxay dowladda ka dhigtay mid qaan gaar ah, taqaan marka eedda la jeediyo iyo goobta laga jeediyo iyo sababta loo jeediyo. Waxay caddaysay inaysan cadaawaad gaar ah u hayn ree Kenya ee arrimo kooban oo xal laga gaari karo la isku hayo. Tani dowladda soomaaliya waxay siisay taageero iyo kaaramayn ugu kaalmeeyay inay kaga guulaysato Kenya baratankii diblomaasiyadda dibadda. Tusaale usoo qaado inay taqaan goobta laga hadlo iyo goorta la hadlo maalintii la isla tagay Qaramida Midoobay ee Kenya doonaysay inay mariso sharci Soomaalida oo dhan argagixiso ka dhigi lahaa. Safriirka Soomaaliya si cilmiyaysan ayuu Kenya iyo ciidankeeda ugu dhammeeyay isagoo wax eed ah saarin Midowga Afrika. Dib u dhaqgayso khubaddii Amb Abuukar Baalle.

Asbuuci hore wuxuu joornaalka The Star ee Kenya kasoo baxo qoray in madaxweyne Uhuru uu ka niyad jabsan yahay wasiirkiisa arrimaha dibadda inuu shaqada ka qaadana qarka u saaran yahay. Arriamaha lagu eedayay waxaa ka mid ah inay ku fashilantay dumashada dalal kale. Arriamha guuldarradaas u keenay qaar ka mid ah ayuu joornaalku ku sheegay inay ku mashquushay sidii ay u karaama tiri lahayd Soomaaliya halki ay ku ekaan lahayd waxa la isku hayo isuna muujin lahayd mid aan waxba u qabin Soomaaliya balse doonayso xal u helid arrinta la isku hayo si nabad iyo walaaltinnimo loogu wada noolaado. Joornaalka ayaa soo xigtay diblamoosi u dhashay mid ka ah dalalka Kenya saaxiibka la ah kaasoo yiri “waxaan garan waynay waxa ay Kenya doonayso si aan u caawinno”.

Halkaas waxaa kaaga cad in dunida hadda la joogo ee ay yartahay cid ciidan iyo cudud wax ku maquunin karto ay u baahantahay diblomaasiyad wajiyadeeda muuqdo duman karaan saaxiibbo badan. Haddii Soomaaliya waqti galin lahayd sidii iin iyo ceeb ugu heli lahayd ciidamada Kenya dalka si dalka looga saaro, waxay kusoo dhici lahayd bannaan cidla ah waxayna u badnaan lahayd inay lumin lahayd taageerada Midowga Yurub iyo kan Afrika oo hadda xaggeeda maray.

Sidoo kale waxaa furan doorka baarlamaanka oo ah inay mooshan ka keeni karaa ciidamada Kenya si dalka looga saaro. Go’aannada baarlamaanku waa ka madax bannaan yihiin kuwa dowladda. Haddu baarlamaanku go’aamiyo in ciidamada la saaro, madaxweynaha waxaa u furan inuu saxiixo oo sidaas dalka looga saaro ama inuu ku gorgortamo oo suu rabo isagu loo yeelo si ciidamadu u sii joogaan.

Xariirka oo loo jaro 

Xiriir dal loo jaro waxay la mid tahay bilcaan la furay. Waa meesha ugu danbayso ee dagaal. Waan yaan la isku soo noqon. Haddii la isku noqdana baxdinti soo baxday bogsan mayso oo waxaa lagu wada noolaan tuhun iyi utuno la isu hayo. Xaal halkaas inuu gaaro soomaalida dan uma aha sababahaan owgood. Kenya waa dal aan daris nahay dhul ballaaranna naga haysto. Dhulka uu naga haysto waxaa ku nool malaayiin Soomaali ah oo xariir dhow oo dhalasho la leh Soomaalida kale. Sidoo kale, waxaa dagay dhul weynaha kale ee Kenya Soomaali malyan ka badan oo qax iyo tabac u tagtay. Soomaalidaan waxay qaateen dhalashada dalkaas waxay la xaq iyo xuquuq noqdeen kuwii hore ee dagganaa. Sidoo kale, waxaa kusoo guuray oo warasaadoodi keenay Kenya Soomaalidii debadda jirtay.

Dadkaas horay u sii joogay iyo kuwa gadaal ka yimidba Kenya waxay galiyeen maalgalin aan caadi ahayn. Wixii la heli karay oo dhan ayaa lagu shubay Kenya. Waa ay yartahay in la helo ruux wax un lacag ah heli karo oo aan Kenya guri ka iibsan. Tuulo yar oo aan daganahay soomaaliduna ku yartahay waxaan ka aqaan dad labaatan dhaafay oo falaatyo Nayroobi ka iibsaday iyagoo wali dibadda ku nool. Malaayiinta soomaaliyeed ee waxay adduunka naxeen Kenya u taal marnaba kama raalli noqonayaan xiriirka Kenya oo la jaro (waxaan idiin xaqiijin in aan anigu shaqsiyan guri iyo kumi kale toona Kenya iga oollin). Dalka sidaasi Soomaalidu isugu aamintay in xariirka loo jaro iyadoo laga maarmi karo ama maslaxo qaran oo muuqataa aysan jirin waa mid is-halligid iyo qar iska tuurnimo ah.

Midda labaad Kenya inkasta oo ay dhul naga haysato hadda wixii ka horreeyay ma lahayn han dhaafsiisan gudaheeda. Awal kuma jirin qabsashada dhul soomaaliyeed haddana uma diyaarsana. Waa dal gondo-fiiris ah (inward looking) oo ku danbeeyo xagga saamaynta arriamaha dibadda. Tusaale, 10 sano ka badan oo dalka dowlad aysan ka jirin Kenya waxay isku ballaarin kartay dhul badan iyadoo cidna ogaan. Iyadoo lagu siqayo oo xuddeed beenaadkeedi la galay ayaysan yac waligeed dhihin.

Soomaalida daggan Baladxaawo waxay dagtay dhulkii loo aqoon jiray lama-yeeshaanka (No man’s land). Askartu iyadoo tuban oo eegayso ayaa shan mitir ka yar halka ay waardiyaha ka galaan guryo laga dhistay joojiyana aysan dhihi jirin. Arrinta badda ee hadda toosisay qudheedu waxaa abaabulkeeda lahaa dowladda Norway ee waligeed ma aysan damaaciseen baan qabaa ama maba ku baraarugteen. Dalka noocaas ah cadaawaddiisu ma foga mana mudna in laga raadiyo colaad raagto hadduusan isagu soo doonan.

Duuduub, Kenya waa na hujuuntay, noo hanjabtay, na handatay daandaansi iyo dagaalna doontay. Dhinaceenna dowladda na matasho waxay muujisay dulqaad, daganaan iyo diblomaasiyad waqtigeedi joogto muraadkeedana gaarsiin kara. Saddexda arrimood ee aan halkaan ku faaqiday dowladdu kama dammana laakiin waa hub waqtigii la isticmaali lahaa aan la gaarin inta laga maarmana in aan la isticmaalin mudan. Haddii inta maxkamaddu noo xunto badda Kenya isku daydo inay ciidamo gayso oo ku dhawaaqdo inay xoog ku qabsatay, markaas waxaysan hurayn istimaalka qaar ka  mid ah hubkaan.

WQ: Ibrahim Aden Shire
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

SOMALILAND oo gashay heshiis caalami ah kaddib mashruucii Injineer Yariisow

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland ayaa heshiis cusub oo dhinaca horumarinta ah la saxiixday dowladda Ingiriiska, kadib markii ay dhowaan Somaliland ka hortimid mashuruuc loogu magac daray marxuum Injineer yariisow, kaas oo laga fulinayo magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera.

Heshiiskan ayaa waxaa dowladda UK u qalinka ugu duugay madaxa hay’adda  DFID, Mr. Damon Bristow.

War ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu faah faahiyey waxyaabaha uu la xariiro heshiiskaasi.

Qaraalka ayaa lagu sheegay in heshiiska wajigiisa labaad ee kaalmada Britain ay kaga qayb qaadaneyso sanduuqa hormarinta Somaliland iyo sidoo kale kobcinta kheyraadka Tamarta ee maamulkaasi.

Heshiiskani ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu xafiiskiisa kula kulmay safiirka UK ee Soomaaliya, Ben Fender.

Labada ma’suul ayaa ka wada hadlay arrimo la xariira wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Beeshii diiday in DF Somalia ay qaado ciidamadeeda oo shaaciyey sabab yaab leh

0

Beledweyne-(Caasimada Online) – Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska beesha Xawaadle oo ku suugan magaalada Beledweyne ayaa si kulul uga hadlay ciidamada ay dowladdu dooneyso in ay ka qaado Beledweyne, kuwaas oo la geynayo magaalada Dhuusamareeb.

Ugaaska ayaa sheegay inuu lasoo xariiray wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya, isagoo waydiiyay sababta ay u diideyso beeshiisu ciidamada ay dowladdu u qaadayso magaalada Dhuusamareeb.

Ugaasku ayaa sheegay in ka oday dhaqameed ahaan aysan diidin in gobol kale loo qaado ciidamo dowladda u joogay gobolka Hiiraan, balse waxa uu dowladda ku eedeeyay in ay gobolka ka aruursaneyso dhalinyaro uu sheegay in ay aradanyihiin oo ay macawiisyo wadataan.

Sidoo kale Ugaaska ayaa mid ka mid ah saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka qeybta 21-aad ee ka yimid magaalada Dhuusamareeb ee hadda ku sugan Beledweyne, waxa uu ku eedeeyay inuu yahay ninkii hoggaaminayay dagaalkii deegaanka Baanyaaley ku dhex maray beesha Ugaaska ee Xawaadle iyo beesha degta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ee Habareji/Ceyr.

Ugaas Xasan ayaa sheegay in reer Hiiraan aysan wiilashooda Dhuusamareeb u direyn, isla markaana aysan dowladda ka yeelayn damaceeda ah in dhalinyaro aan tababar qabin, daryeel ciidana aan heysan ay u qaado gobol kale.

Halkaan ka dhageyso codka Ugaaska:-

Caasimada Online
Xaafiiska Beledweyne
[email protected]

Bankiga Adduunka oo war wanaagsan kasoo saaray dhaqaalaha dalka Somalia

0

Washington DC (Caasimada Online) – Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa sanadkan sare u kici doona 2.9%, halka sanadkii hore uu ahaa 2.8%, ka hor inta aanu deg deg u gaarin 3.2% illaa 3.5%, saddexda illaa shanta sano ee soo socota, sida uu sheegay Bankiga Adduunka

Saadaasha sare u kaca ee saddexda illaa shanta sano ee socota ayaa ku xirnaan doonta sida dalka uu awood ugu yeesho joogteynta is-beddelada dhaqaale ee socda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Bankiga Adduunka.

Dakhliga kasoo xarooda canshuurta ay ururiso dowladda Soomaaliya ayaa sanaddii tagtay sare u kacay 29%, kadib markii dhaqaalaha uu kasoo kabtay abaaro xooggan oo dhacay sanadkii kaas ka horreeyey, islamarkaana dowladda ay is-beddelo ku sameysay siyaasaddeeda canshuuraha.

“Inkasta oo horumarkan uu yahay mid dhiir-gelin leh, miisaaniyadda la heli karo si looga soo baxo baahiyaha qarash-gareynta ee qeybaha waxbarashada iyo caafimaadka kuma filna” ayaa lagu yiri qoraalka Banki Adduunka.

Banki Adduunka ayaa weydiistay dowladda inay abuurto sanduuq lacageed oo gaar u ah waxbarashada, si dowladda uu ugu ogalaado inay dalalka kale ee gobolka iyo saaxiibada Soomaaliya ka hesho lacag lagu taageero waxbarashada.

Sanduuqa Lacagta Adduunka ayaa bishii May sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu ku taagan yahay waddadii saxda, hase yeeshee waxa uu ka digay inuu u baylahan yahay amni-darrada, is-beddelka cimilada iyo saboolnimada.

Caasimada Onlone
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Madaxweyne Muuse Biixi oo billado guddoonsiiyey afar sarkaal + Arag Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta billado iyo shahaado-sharafeeddo guddoonsiiyey Afar sarkaal oo katirsan ciidamada Somaliland, kuwaas oo kasoo qalin-jebiyey kulliyadda ciidamada oo ku yaalla dalka Itoobiya, islamarkaana derejooyin aad u sarreeya ku qalinjebiyey.

Munaasibad uu madaxweynuhu shahaado-sharafeeddada iyo billadaha ku guddoonsiinayey saraakiisha ayaa lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, waxana madaxweynaha ku wehelinayey taliyaha ciidamada, wasiirka gaashaandhigga, la-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda, gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye iyo afarta sarkaal ee la abaal-marinayey.

Waxaana goobta laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo guulaha ay Somaliland u soo hooyeen saraakiishani iyo sida ay tusaalaha ugu yihiin dhammaanba ciidanka Somaliland.

Taliyaha guud ee ciidanka qaranka, sarreeye gaas Nuux Taani iyo wasiirka gaashaandhigga, Vabdiqani Caateeye, ayaa ugu horrayn madaxweynaha siiyey warbixin ku saabsan heerka ay waxbarashada ka gaadheen saraakiisha dhawaan qalin-jebisay, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay wax weyn ka tari doonaan baahida uu ciidanku u qabo in aqoontiisa la horumariyo.

Madaxweyne Biixi ayaa isaguna dhankiisa saraakiisha soo qalin-jebisay ku bogaadiyey horumarka ay sameeyeen iyo guusha ay kasoo hooyeen jaamacadaha ay dhiganayeen ee ay hormoodka ugu noqdeen kumannaanka arday ee ka kala socota dalalka Afrika.

Madaxweynaha ayaa waxa uu saraakiisha soo qalinjebisay ku adkeeyey inay aqoontooda ku dhisaan ciidamada, si uu qaranku u yeesho ciidamo tayo leh, wuxuuna yiri

“Waxa la idinka doonayaa aqoontaa aad keenteen iyo horumarkaas inaad ciidanka ku dhistaan, xooggana waxannu saaraynaa dhismaha ciidanka, hadduu ciidanku inoo dhismona qaranku wuu dhismayaa, waxa la idinka sugayaa qaran-dhis iyo inuu ciidanku sidii uu ahaa kasii xoogaysto oo laga ilaaliyo qalin-daarka”.

“Madaxweyne ahaan iyo xukuumad ahaan dhammaanteen waxa inagu waajib ah inaynnu ciidamada ka ilaalinno qalin-daarka, ciidamada haddii la qalin-daaro socon mayso, ciidanku ma qaadi karo musuqmaasuq, ciidanku ma qaadi karo xeer-jebin iyo in sharciga ninna laga dhaafo ninna lagu dabbaqo ciidanku ma qaadi karo, ciidanku Dhisibiliin iyo is maqal buu ku dhisan yahay, annaguna ciidanka siyaasad usoo gudbin maynno”.

Muuse Biixi ayaa sidoo kale amar ku bixiyey in dhulka danta guud ah qaybo kamid ah loo qoondeeyo ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha dawladda, isaga oo islamaantaba wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta u diray wareegto u arrintan ku fulinteeda ku farayo.

Afarta sarkaal ee kasoo qalin-jebiyey jaamacadaha Itoobiya oo mid kamid ahi billad dahab ah kusoo guulaystay, ayaa kala ah:

1. Gaashaanle Sare Axmed Hurre Haarriye
2. Gaashaanle Dhexe Nimcaan Yuusuf Cismaan
3. Gaashaanle Cabdirisaaq Xasan Dalmar
4. Gaashaanle Mustafe Cabdi Xasan.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Sawirro: Shaakir oo kulan la qaatay Fiqi iyo Odowaa

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa xalay kulan gaar ah Dhuusamareeb kula qaatay xildhibaano ka tirsan Soomaaliya oo shalay gelinkii dambe gaaray gudaha magaaladaasi.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu dhexmaray, Sheekh Shaakir iyo Xildhibaanada Axmed Macalin (Fiqi) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ah musharrax u taagan qabashada hoggaanka dowlad gobioleedka Galmudug.

Labada dhinaca ayaa ka wada hadalay arrimaha ammaanka, dib u heshiisiinta iyo dooraashada la filayo in dhowaan ay ka dhaco halkaasi.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kula dardaarmay xildhibaanadaasi inay ka qeyb qaataan horumarka iyo dhismaha loogu jiro Galmudug oo mid ah.

Xaaladda Galmudug ayaa hadda ah mid degan, waxaana si caadi ah ku socda shirka dib u heshiisiinta oo Jimicihii uu daah-furay Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Khayre.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

Xariga Janan ma caddaalad mise culays siyaasaddeed?

Dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay xariga Wasiirkii Amniga ee Jubaland. Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Zakiya Xuseen, ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay qoraal ay ku xaqiijinayso in “Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ay taariikhdu markay ahayd 31/08/2019, soo xiray eedeeysane Cabdirashiid Xassan Nuur – Janan, kaasoo ku eedaysan dambiyo culus.”

Haddaba, xariga Cabdirashiid Xassan Nuur, ma waxuu la xariiraa dambiyo uu galay mise waa mid culeys lagu saarayo maamulka uu ka tirsan yahay ee Jubaland? Fariin caynkee ah ayay diraysaa xariga Cabdirashiid Janan?

Durbadiiba, waxaa xarigiisa soo dhoweeyey hay’adda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International, kuna tilmaantay tallaabo loo qaaday dhanka isla-xisaabtanka.

Eedaymaha loo haysto Cabdirashiid Janan waxaa sal looga dhigay warbixin QM ay soo saartay sanadii 2017. Waxay warbixintu xustay inuu is hortaag ku sameeyey kaalmada bin’aadanimada iyo inuu gaystay jirdil iyo dil intii u dhaxeysay 2014 iyo 2015.

Mucaaradka waxaa looga bartay inay dhaleecayaan talaabo kasta oo xukuumada qaado sax iyo khalad! Haddaba, maxay mucaaradka uga aamuseen dhacdadani?

Ugu horeyn, xukuumada waxaa ka soo booday neef, waxayna galad u aragtay in AMNESTY soo dhawayso xariga Cabdirashiid Janan. Balse, warbixinta Amnesty waxay af-qabatay mucaaradka!

Dowladda waxay cayaartay khamaar siyaasadeed. Waxaase dad badan ka yaabisay dhiiranaanta xukuumada, ayadoo la ogaa culeykii ay kala kulantay xarigii MukhtarRobow.

Shaki kuma jiro, in siyaasiyiin badan oo jila masraxa siyaasadda gaysteen gabood falo dhanka xuquuqda aadamaha, haddana moog danbiyadii ay galeen inay diiwaan ku qoran yihiin!

Ku-xigeenka Agaasimaha Bariga Afrika, Geeska iyo Great Lakes, Seif Magango ayaa yiri, “Xiritaanka Cabdirashiid Janan, waa tallaabo muhiim u ah dhanka isla xisaabtanka xadgudubyada halista ah ee xuquuqda aadanaha, oo ay geysteen iyadoo aan la ciqaabin muddo sanado ah, shakhsiyaad awood badan oo Soomaaliya ah;” (Amnesty International Org. – September 2, 2019).

Balse waxa ugub ah oo ku soo kordhay masraxa siyaasadda, tan iyo intii la xiray Cabdirashiid Janan, ayaa ah in xertii mucaaradka ay kulan la qaateen Raysal-wasaare Kheyre, kalana hadleen arrimaha maamul u samaynta Gal-Mudug, kuna qanceen hanaanka ay xukuumada u daadihinayso howsha.

Sidoo kale, waxaa soo ifbaxay in Madaxweyne Xasan Sheikh uu dhan iskaga riixay fikrada sumaysan ee Cabdullahi Maxamed Cali – Sanbolooshe, taas oo ah biseyl siyaasaddeed oo ku soo kordhay Siyaasiyiinta Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah waxay sheegayaan, in maamulka uu ka tirsanaa Cabdirashiid Janan gaysteen danbiyo dhan ka ah xaquuqda aadamaha, tan iyo wixii ka danbeeya doorashadii uu afduubay Axmed Maxamed Islaam-Madoobe. Sida, dadka oo aan khiyaar u laheen inay cabiraan aragtidooda siyaasaddeed, inkastoo taasi ay ka mid tahay xuquuqda asaasiga ee uu damaanad qaadayo dastuurka iyo sharciyada dalka u yaal.

Barakacayaasha, ardayda dhigata dugsiyada in lagu qasbo ka qayb galka mudaharaad aysan raali ka ahayn, iyo ganacsatada oo lagu qasbo inay xiraan goobahooda ganacsi si ay qayb uga ahaadaan banaan-baxa lagu taageerayo boob dimuqaraadiyad loo siman yahay.

“maamulka Axmed Madoobe waxuu dad badan soo xusuusiyay, una dhaqmaya xilliyadii dalka uu ka jiray hal xisbi,” sidaas waxaa yiri Oday Axmed oo magaciisa runta ah u qarinay sababo la xiriira amnigiisa.

Ridwaan Nuur Ibraahim, oo diiday inay qayb ka noqoto banaanbax lagu taageeraye Axmed Madoobe, ayaa lagu dilay Ceelwaaq- Gedo. Banaanbaxaas waxaa soo qabanqaabiye Gaashanle Sare Cabaas Guray oo ah Taliyaha Daraawiishta Jubaland ee Ceelwaaq. Nuur Ibraahim Muumin oo ah aabaha Ridwaan ayaa maxkamada ciidamada qalabka sida ee Muqdisho ka furtay galdacwadeed, si uu cadaalad uga helo gabadhiisa – Ridwaan oo ahayd 16 jir (radio knn August 26 2019).

Xariga Cabdirashiid Janan waddada miyay u xaaraysaa in la gaaray xilligii lagu madlanaa in shaahid loo noqdo caddaalad loo siman yahay, haddana shaqaynaysa mise waa xagaayo iyo dhoola tus siyaasaddeed?

W/Q: Saciid Cabdisalaam
Jamhuriyadda.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Somaliland oo dad u xirtay dagaalkii LAASCAANOOD

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Somaliland ay howlgallo ka sameeyeen gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa bllaaraan ayaa lagu soo qab qabtay dad la sheegay inay ka dambeeyeen dagaal shalay ka dhacay magaaladaasi.

Ciidamada ayaa xabsiga dhigay illaa 10 qof oo lagu eedeeyey inay dagaal la galeen ciidamo burburin ka waday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dadkan oo isugu jira rag iyo dumar ayaa xalay ku hoyday saldhigga Booliska ee degmadaasi.

Sidoo kale waxaa guul darro ku soo dhamaaday dadaallo ay waxgaradka deegaanku ku doonayeen in lagu soo daayo dadkaasi.

Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona ciidamo dheeraad ah lagu arkayo waddooyinka magaaladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Sawirro: Musharax Odowaa oo si weyn loogu soo dhoweeyey Dhuusomareeb

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Musharaxa Madaxweynaha Galmudug C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Musharax Odawaa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb waxaa ku soo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

C/raxmaan Odawaa ayaa uga mahadceliyay dadweynihii ku soo dhoweeyay Dhuusamareeb, waxaana uu sheegay in geeddiga sacdaalkiisa caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb uu yahay bilowga dhismaha Galmudug mid ah oo loo dhan yahay.

Musharax C/raxmaan Odawaa ayaa ah Musharax aad loogu saadaalinayo xilka Madaxweynaha Galmudug, iyadoo sahan codeyn laga sameeyay Baraha Bulshada uu ku noqday Musharaxa ugu shacbiyada badan.

Xogta ciyaarta xiisaha leh ee Somalia iyo Zimbabwe

0

Harare (Caasimadda Online) – Xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta la ciyaaraya dhigiisa Zimbabwe kulanka lugta labaad isreeb-reebka koobka Adduunka 2022 wadamada qaaradda Afrika, waliba marxaladda koowaad, waxeyna heystaan natiijo fiican maadaama ay 1-0 kusoo adkaadeen kulankii martida loo ahaa oo ka dhacay Djabouti.

Soomaaliya waxey u aheyd markii ugu horreysay oo ay guul gaarto kulamada isreeb-reebka sida lagu daabacay bogga FIFA, 12-kulan oo ay ciyaaren kaliya guushii ay ku heleen bishaan wadanka Djabouti ayaa loo diwaan galiyay.

Kadib guushaas, bogga twitter-ka ay FIFA ugu talagashay in lagu buun-buuniyo wararka koobka Adduunka 2022 ayaa soo daabacayay dhiirigalin taabaneysa ciyaartoyda Soomaalida.

Marka aad hal tallaabo u jirto booska taarikhiga ah ee wareega groupyada isreeb-reebka koobka Adduunka wadamada Afrika” ayaa lagu soo qoray shalayto.

Anwar Siid Cali ayaa xulka Soomaaliya kubad madaxa ugu dhaliyay daqiiqaddii 87-aad ee ciyaarta, goolkaas ayeyna ku dhammaatay.

Khamiistii ma aysan u ahayn habeen caadi ah xulka qaranka Soomaaliya, maadaama ay darajada kala horreynta liiska kubadda cagta adduunka ee Fifa ka galeen booska 202-aad, halkii ay markii hore ka ahaayeen booska 211-aad.

Gool xamaasad weyn abuuray oo la dhaliyay daqiiqaddii 86-aad ayaa sababay in kooxda lagu naaneyso Xiddigaha badweynta(Ocean Stars) ay sameeyaan dabaaldag aysan noociisa waligood horay u sameynin.

Soomaaliya ayaan waligeed ka qeyb galin tartanka ugu weyn kubadda cagta caalamka ee loo yaqaanno World Cup-ka(Koobka Aduunka), tan iyo markii la aasaasay sanadkii 1930-

WAA GOORMA KULANKA?

Kulanka waxaa geeska Afrika laga daawan doonaa 4:00 Galabnimo, sida la rajeynayo barta youtube-ka xiriirka kubadda cagta Adduunka (FIFA) ayaa laga daawan doonaa, walow ay jiri doonaan TV-yo kale oo soo tabin doona ciyaarta.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Sawirro: Khayre oo markii u horreysay tegaya Bakool

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa saacadaha soo socda ku wajahan gudaha magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Qaban qaabo iyo soo dhoweyn lagu jiro Ra’iisul wasaaraha ayaa hadda ka socota magaaladaasi.

Dadweyne fara badan oo sita boorar lagu xardhay sawirka Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Xudur.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in goob fagaare ah uu kula hadlo dadkaasi, sidoo kalena uu booqdo xarumaha ciidamada iyo goobaha muhiimka ah ee ku yaalla degmadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ra’iisul wasaaruhu uu dhagax dhigi doono mashaariic horumarineed oo laga fulinayo halkaasi.

Ammaanka ayaa loo adkeeyey, iyaoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo jidadka magaalada, maadaama booqashada Ra’iisul wasaare Khayre ay tahay tii ugu horreysay ee gobolka Bakool.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Xildhibaanadii mucaaradka oo billaabay inay heshiisyo qarsood ah la galaan xukuumadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, gaar ahaan golaha shacabka islamarkaana mucaarad ku ahaa xukuumadda Soomaaliya iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa bilaabay wadahadalo ay kula heshiinayaan xukuumadda.

Xildhibaanadaan ayaa bilaabay in ay wadahadalo lagalaan xubno ka socda xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo qaabilsan xiriirka baarlamaanka iyo xukuumadda, waxaana ujeedada ugu wayn ay ku saabsantahay fulinta heshiiyo dangaar ah ku dhisan.

Xildhibaanadii mucaaradka ahaa 3-dii sano ee ugu dambeysay islamarkaana u arka in xukuumadda laga raacsanyahay degaanadii laga soo doortay, sida HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa wada dedaalo xoog leh.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in xubnahaan ay xaqiiqsadeen in dalka ay ka dhici doonto oo kaliya soo xulis baarlamaan ama wax ka agdhow ayna qasabtahay in ay xukuumadda la heshiiyaan si ay ugu soo laabtaan baarlamanka.

“Inta badan maamul gobaleedyada waxaa laga dhisay maamulo taageersan xukuumadda, xildhibaanadana waxay ogyihiin in aysan waxba u qaban degaankooda mana qabaan rajo dhanka shacabka ah sidaas darteed waxay raadinayaan in heshiis lagalaan xukuumadda si dib ay ugu soo celiso kursigooda” ayuu yiri qof katirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

“Marabo inaa hebel iyo hebel ku dhaho, laakiin waad taqaanaa ragii ugu mucaaradsanaa iyo kuwii gadaal ka fadhiyay oo gaaraya 80-100 qof, maalmahaan dhan waan aragnaa qaarkood waa ku guuleesteen halka qaar kalane ay rajo ka qabaan” ayuu yiri qofka aan la hadalnay ee katirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Qofkaan aan la hadalnay oo aan qarinay magaciisa iyo codkiisa, ayaa sidoo kale noo sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dooneyso waxyaabo badan heshiisyo ah horgeyso baarlamaanka,  islamarkaana ay dooneyso in loo fududeeyo ansixinta heshiisyadaas oo qaarkood ay dhici karto in doodo badan ka dhashaan islamarkaana ay ku badalaneyso heshiiska ay la galayso baarlamanka.

Soomaaliya hadda kama jiro baarlamaan xor ah oo gudan kara shaqadii loo igmaday, iyadoo ay muuqato in shaqada baarlamanka ay hadda gacanta u gashay xukuumadda Soomaaliya,  islamarkaana rabateenkeeda ay ku shaqeeyaan tan iyo wixii ka dambeeyay is-casilaadii prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland oo soo saartay amaro yaab leh oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saartay, isla markaana ku dhawaaqday amaro cusub oo ka dhana dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka warfaafinta Somaliland oo maanta kulan la yeeshay madaxda telefishanada madax banaan ee ka howl-gala gudaha Somaliland, ayaa wuxuu faray in xiliga war-tebinada ay soo hor-mariyaan wararka Somaliland, isla markaana ay wararka Soomaaliya raaciyaan kuwa kale ee dibada.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan oo Soomaaliya ay kala yihiin labo dal iyo labo dowladood, inkasta oo beesha caalamka iyo dunida inteeda kaleba ay u aqoonsantahay maamul ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Awaamiirtan uu maanta ku dhawaaqay wasiirku ayaa waxa dhaqan-galkooda ay Wasaaradda Warfaafintu u muddaysay mudo dhan labo todobaado oo ka bilaabaneysa maanta oo ay taariikhdu tahay 09/09/2019-ka, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka warfaafinta Somaliland.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedkaasi

Farmaajo yuusan sheegan guul aan weli iman oo noqon karta guul-darro uu ka cararo

Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay aqbashay markii ay maxkamadda ICJ geysay dacwad ka dhan ah Kenya in ay aqbasho xukun walba oo maxkamadda ka soo baxa: guul iyo guuldarroba. Dacwaddu ma ahayn mid Xasan Sheekh uu guri ay Kenya ka dhacday ku soo dhacsanayo, waxay ahayd dacwad uu ku gudbiyay magaca Jamhuuriyadda ee uu shaqaalaha ka ahaa, Farmaajana sidoo kale.

Jawiga hadda Soomaaliya ka jira wuxuu marayaa in xitaa la siyaasadeeyo guusha wiilashii Soomaaliyeed ee ka badiyay Zimbabwe. Libintii u soo wada hoyatay Soomaali oo dhan ayaa koox siyaasadeed u tarjumatay riixidda ujeeddo gaar ah iyo olole.

Kiiska badda wuxuu ka mid yahay waxyaabaha dhifka ah ee ay Soomaalida ku mideysan tahay. Sida haddii lagu guuldarreysto ay isaga fogeyn lahayd mas’uuliyadda fashilka, waxaa la gudboon Villa Somalia in ay libin marka ay timaadana ay ku ekaadaan u mahad celinta dadkii shaqadan bilaabay iyo kuwii sii dardar geliyay illaa guul laga gaaro, guushana ka dhigto guul Soomaaliyeed.

Sannadkii 2008 dhaqaalaha Maraykanka ayaa dhulka galay; Obama intii uu xilka hayay wuxuu qaaday tallaabooyin dhaqaalaha lagu habaynayo, wayna shaqeeyeen, laakiin waxaa uu kobocii muddo laga soo shaqaynayay uu si sax ah u taabbo galay markii Trump uu xilka qabtay: laga billaabo sayladaha Dow Jones, NASDAQ, shaqo helidda, abuurka ganacsiga dhammaan waxay joogaan heerkii ugu wannaagsanaa. Sida caadada ahba Trump wuu inkiray shaqadii Obama ee 8 sanno soo socotay, wuxuu sheegtay xishood la’aan in uu asaga 2 sanno gudahooda ku kobciyay dhaqaalaha.

Koboc dhaqaale waa wax lagu farxo laakiin falcelinta ka dhalatay sheegashada Trump ayaa waxay keentay in dad badan oo caan ah, siyaasiyiin iyo wariyayaal, in ay burbur dhaqaale oo ku habsada dalkooda Maraykan ay ku duceystaan. Bill Maher oo ah daadihiye barnaamij caan ah ayaa yiri: “waxaan jeclaan lahaa in uu dhaqaalaha dhulka galo, la waayo shaqo, sayladaha ay sabbeeyaan, si shacabku ay u dhibtoodaan, kaddibna ninkaan madaxa jaalaha leh bannaanka loo tuuro”.

Derek Thompson oo ah wariye ka tirsan wargeysa Atlantic ayuu wuxuu qoray maqaal cinwaankiisu yahay, “walaalyaalow dhaqaalo burbur ha ku duceysanina”. Aqoonyaho, indheer.garad, macallimiin jaamacadeed, siyaasiyiin kuwii ugu garashada badnaa ayaa aad ugu faraxsan is qab qabbsiga dhaqaale ee Shiinaha iyo.Maraykanka bal haddii uu burbur dhaqaale uu u keenni karo dalkooda oo shacabka dhib ku ah balse ay u arkaan xannuun gaaban oo gaarsiinaya guul ah in ay Trump dhaafiyaan Aqalka Cad.

Waxa ugu qaalisan ee uu dal leeyahay haddii la arko in uu qof si shakhsi ah uga faa’ideysanayo, in dad badan oo qiima leh ay duruufta ku kalifayso in ay yiraahdaan:

“Inta uu Farmaajo libinta u isticmaali lahaa siyaasad, badyahay jinni laguu xukun”.

Sidoo kale waa la mid maamulkii Xasan Sheekh, waa in aysan sheegasho siyaasadeed ka dhigan libin laga soo helo maxkamadda!

Sida goolkii wiilkii asagoo qarankiisa u dhidhidaya dhaliyay siyaasad ahaan loogu isticmaalay, yaanan qaddiyadda badda ee na mideysa loo isticmaalin.

Bad ka weyn baan u bi’inay yuusan hebel iyo asxaabtiisa keligood macaashin; waxaana u duminay qaran, waxaana nooga dhintay dad fara badan, welina kabasho ayaan ku jirnaa.

In guud ahaan midnimo aan gaarno, qeybsanaantana iska deyno, waxay ka billaabanaysaa ugu yaraan in aan qeybin ka ilaalino meelaha ay midnimadu ku dambeyso, qaddiyadda badda iyo xulka qaranka waa ka kow!

Inta hartay dacarta ka daaya!

W/Q: Hassan Adam Hosow 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho iyo xog ku saaban Jeneralkii lala beegsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ka dhashay miino lagu xiray baabuur ayaa maanta ka dhacay kaalin shidaal oo ku dhow xabisga dhexe ee Xamar, ee magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online gaariga qarxay ayaa waxaa watay Generaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaliyeed oo la sheegay in dhaawac uu soo gaaray.

Jeneral Maxamed Cabdulle Dhoore ayaa booliska u qaabilsanaa xiriirka arrimaha dibedda iyo booliska caalamiga ah ee Interpol.

Gaariga la qarxiyey ayaa ahaa nooca loo yaqaano sarufta, waxaana la sheegay in qaraxa uu ahaa mid Jeneral Dhoore loogu dhejiyey. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawaca gaaray uu ahaa mid culus.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu sababay dab xoogan oo qabsaday Kaalinta Shidaalka ee qaraxu ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo hakiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka, maadaama halka qaraxa uu ka dhacay ay in badan isticmaalaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan, wallow markii dambe ay dib u fasaxeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo ‘shuruud ku xiray sii daynta’ wasiir Cabdirashiid Janan

Nairobi (Caasimada Online) – Guddi ka socday maamulka jubbaland iyo waxgaradka gedo oo la kulmay madaxda hay’adaha amniga iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka ayaa sheegay in la hor dhigay shuruudo lagu sii daynayo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan.

Guddigan ayaa sheegay in shuruudahan oo ka yimid dhanka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo looga baahan yahay Jubaland in ay fuliso si loo sii daayo Janan.

Axmed Maxamuud Cumar, oo gudoomiye ku xigeenka gudiga madaxa banaan  xaduudaha iyo doorashooyinka Jubaland ayaa sheegay in ay la kulmeen mas’uuliyiinta dowladda, laakiin laga dalbaday shuruudo u muuqday kuwa siyaasadeed oo loo baahan yahay in la fuliyo si loo sii daayo wasiir Janan.

“Kulamo aan la yeelaney madaxda hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka waxay na hor-dhigeen qodobo uu madaxwaynuhu doonayo inaan fulino ka hor sii daynta wasiirka” ayuu yiri Axmed Cumar.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in qodobadda la hor dhigay dhammaantood ay yihiin kuwo ku aadan kala qeybinta bulshadda degaanada maamulka Jubaland.

“Qodobadda qaarkood waxay ahaayeen qabyaalad cad, kala qaybin iyo iska horkeen dadka reer Jubaland” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Jubaland.

Axmed ma uusan shaacin waxa ay yihiin shuruudaha, hase yeeshee waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu qaadi doono wixii dhibaato ah oo ka dhasha xariga wasiirka, maadaama dadka degaanadaasi lagu waddo kala qeybin, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Shaqaalaha gobolka Banaadir oo qarka u saaran in ay shaqo joojin sameeyaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad usii adkaanaya nolasha shaqaalaha dowladda hoose ee gobalka Banaadir oo aan wax lacag ah qaadan muddo dhan saddex bil, iyadoo ay wajahayaan daruufo aad u adag.

Shaqaalahaan oo siyaabo kala duwan ula soo xiriiray Caasimada Online, ayaa noo sheegay in ay wajahayaan nolal aad u adag ayna u baahanyihiin in cabashadooda la gudbiyo.

Dhibaatada kale ee heysata shaqaalaha dowladda hoose iyo kuwa kalaba, waxaa waaye in aysan si shaacsan warbaahinta uga hadli karin oo aysan gudbin karin tabashadooda, waxayna ku waynayaan shaqada ay hayaan (ruqseyn).

Dhowr qof oo kamid ah dadka aan la hadalnay ayaa waxay ka siman yihiin mushaar la’aan iyo in aysan ka hadli karin dhibkooda oo loogu hanjabay in shaqada laga ruqseyn doono hadii ay hadlaan oo ay soo bandhigaan dhibaatada ay qabaan.

Mushaar laga qaato gobalka Banaadir waxaa ugu dambeysay 20-kii bishii Juun ee sanadkaan, waxaana tan iyo markaas aysan helin xuquuqda iyo mushaarka ay leeyihiin. Qaar badan oo kamid ah shaqaalaha dowladda hoose ayaa laga saaray guryihii ay daganaayeen halka qaar kalane ay qarka u saaran yihiin sidaas oo kale.

Isbadal maamul oo gobalka ka dhacay iyo musiibadii ka horreysay ayaa la’aaminsan yahay in ay sabab u tahay dib u dhaca mushaarka oo markii horaba 50-kii maalmoodba mar la bixin jiray. Xog ay heyshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in qasnadda dowladda hoose aysan hadda lacag ku filan shaqaalaha ku jirin, balse ay ku jirto lacag kooban oo loogu sii wadi doono shaqada gobalka Banaadir.

Lama oga sida ay uga soo kaban doonaan dhibaatooyinka heesta shaqaalahada dowladda hoose oo maamulkii cusub-ba qaab gaar ah ula dhaqmo, maadaama aysan meesho laheyn nidaam saxan oo lagu maamulo shaqada gobalka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]