25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Somaliland oo soo saartay amaro yaab leh oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saartay, isla markaana ku dhawaaqday amaro cusub oo ka dhana dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka warfaafinta Somaliland oo maanta kulan la yeeshay madaxda telefishanada madax banaan ee ka howl-gala gudaha Somaliland, ayaa wuxuu faray in xiliga war-tebinada ay soo hor-mariyaan wararka Somaliland, isla markaana ay wararka Soomaaliya raaciyaan kuwa kale ee dibada.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan oo Soomaaliya ay kala yihiin labo dal iyo labo dowladood, inkasta oo beesha caalamka iyo dunida inteeda kaleba ay u aqoonsantahay maamul ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Awaamiirtan uu maanta ku dhawaaqay wasiirku ayaa waxa dhaqan-galkooda ay Wasaaradda Warfaafintu u muddaysay mudo dhan labo todobaado oo ka bilaabaneysa maanta oo ay taariikhdu tahay 09/09/2019-ka, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka warfaafinta Somaliland.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedkaasi

Farmaajo yuusan sheegan guul aan weli iman oo noqon karta guul-darro uu ka cararo

Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay aqbashay markii ay maxkamadda ICJ geysay dacwad ka dhan ah Kenya in ay aqbasho xukun walba oo maxkamadda ka soo baxa: guul iyo guuldarroba. Dacwaddu ma ahayn mid Xasan Sheekh uu guri ay Kenya ka dhacday ku soo dhacsanayo, waxay ahayd dacwad uu ku gudbiyay magaca Jamhuuriyadda ee uu shaqaalaha ka ahaa, Farmaajana sidoo kale.

Jawiga hadda Soomaaliya ka jira wuxuu marayaa in xitaa la siyaasadeeyo guusha wiilashii Soomaaliyeed ee ka badiyay Zimbabwe. Libintii u soo wada hoyatay Soomaali oo dhan ayaa koox siyaasadeed u tarjumatay riixidda ujeeddo gaar ah iyo olole.

Kiiska badda wuxuu ka mid yahay waxyaabaha dhifka ah ee ay Soomaalida ku mideysan tahay. Sida haddii lagu guuldarreysto ay isaga fogeyn lahayd mas’uuliyadda fashilka, waxaa la gudboon Villa Somalia in ay libin marka ay timaadana ay ku ekaadaan u mahad celinta dadkii shaqadan bilaabay iyo kuwii sii dardar geliyay illaa guul laga gaaro, guushana ka dhigto guul Soomaaliyeed.

Sannadkii 2008 dhaqaalaha Maraykanka ayaa dhulka galay; Obama intii uu xilka hayay wuxuu qaaday tallaabooyin dhaqaalaha lagu habaynayo, wayna shaqeeyeen, laakiin waxaa uu kobocii muddo laga soo shaqaynayay uu si sax ah u taabbo galay markii Trump uu xilka qabtay: laga billaabo sayladaha Dow Jones, NASDAQ, shaqo helidda, abuurka ganacsiga dhammaan waxay joogaan heerkii ugu wannaagsanaa. Sida caadada ahba Trump wuu inkiray shaqadii Obama ee 8 sanno soo socotay, wuxuu sheegtay xishood la’aan in uu asaga 2 sanno gudahooda ku kobciyay dhaqaalaha.

Koboc dhaqaale waa wax lagu farxo laakiin falcelinta ka dhalatay sheegashada Trump ayaa waxay keentay in dad badan oo caan ah, siyaasiyiin iyo wariyayaal, in ay burbur dhaqaale oo ku habsada dalkooda Maraykan ay ku duceystaan. Bill Maher oo ah daadihiye barnaamij caan ah ayaa yiri: “waxaan jeclaan lahaa in uu dhaqaalaha dhulka galo, la waayo shaqo, sayladaha ay sabbeeyaan, si shacabku ay u dhibtoodaan, kaddibna ninkaan madaxa jaalaha leh bannaanka loo tuuro”.

Derek Thompson oo ah wariye ka tirsan wargeysa Atlantic ayuu wuxuu qoray maqaal cinwaankiisu yahay, “walaalyaalow dhaqaalo burbur ha ku duceysanina”. Aqoonyaho, indheer.garad, macallimiin jaamacadeed, siyaasiyiin kuwii ugu garashada badnaa ayaa aad ugu faraxsan is qab qabbsiga dhaqaale ee Shiinaha iyo.Maraykanka bal haddii uu burbur dhaqaale uu u keenni karo dalkooda oo shacabka dhib ku ah balse ay u arkaan xannuun gaaban oo gaarsiinaya guul ah in ay Trump dhaafiyaan Aqalka Cad.

Waxa ugu qaalisan ee uu dal leeyahay haddii la arko in uu qof si shakhsi ah uga faa’ideysanayo, in dad badan oo qiima leh ay duruufta ku kalifayso in ay yiraahdaan:

“Inta uu Farmaajo libinta u isticmaali lahaa siyaasad, badyahay jinni laguu xukun”.

Sidoo kale waa la mid maamulkii Xasan Sheekh, waa in aysan sheegasho siyaasadeed ka dhigan libin laga soo helo maxkamadda!

Sida goolkii wiilkii asagoo qarankiisa u dhidhidaya dhaliyay siyaasad ahaan loogu isticmaalay, yaanan qaddiyadda badda ee na mideysa loo isticmaalin.

Bad ka weyn baan u bi’inay yuusan hebel iyo asxaabtiisa keligood macaashin; waxaana u duminay qaran, waxaana nooga dhintay dad fara badan, welina kabasho ayaan ku jirnaa.

In guud ahaan midnimo aan gaarno, qeybsanaantana iska deyno, waxay ka billaabanaysaa ugu yaraan in aan qeybin ka ilaalino meelaha ay midnimadu ku dambeyso, qaddiyadda badda iyo xulka qaranka waa ka kow!

Inta hartay dacarta ka daaya!

W/Q: Hassan Adam Hosow 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho iyo xog ku saaban Jeneralkii lala beegsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ka dhashay miino lagu xiray baabuur ayaa maanta ka dhacay kaalin shidaal oo ku dhow xabisga dhexe ee Xamar, ee magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online gaariga qarxay ayaa waxaa watay Generaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaliyeed oo la sheegay in dhaawac uu soo gaaray.

Jeneral Maxamed Cabdulle Dhoore ayaa booliska u qaabilsanaa xiriirka arrimaha dibedda iyo booliska caalamiga ah ee Interpol.

Gaariga la qarxiyey ayaa ahaa nooca loo yaqaano sarufta, waxaana la sheegay in qaraxa uu ahaa mid Jeneral Dhoore loogu dhejiyey. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawaca gaaray uu ahaa mid culus.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu sababay dab xoogan oo qabsaday Kaalinta Shidaalka ee qaraxu ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo hakiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka, maadaama halka qaraxa uu ka dhacay ay in badan isticmaalaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan, wallow markii dambe ay dib u fasaxeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo ‘shuruud ku xiray sii daynta’ wasiir Cabdirashiid Janan

Nairobi (Caasimada Online) – Guddi ka socday maamulka jubbaland iyo waxgaradka gedo oo la kulmay madaxda hay’adaha amniga iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka ayaa sheegay in la hor dhigay shuruudo lagu sii daynayo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan.

Guddigan ayaa sheegay in shuruudahan oo ka yimid dhanka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo looga baahan yahay Jubaland in ay fuliso si loo sii daayo Janan.

Axmed Maxamuud Cumar, oo gudoomiye ku xigeenka gudiga madaxa banaan  xaduudaha iyo doorashooyinka Jubaland ayaa sheegay in ay la kulmeen mas’uuliyiinta dowladda, laakiin laga dalbaday shuruudo u muuqday kuwa siyaasadeed oo loo baahan yahay in la fuliyo si loo sii daayo wasiir Janan.

“Kulamo aan la yeelaney madaxda hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka waxay na hor-dhigeen qodobo uu madaxwaynuhu doonayo inaan fulino ka hor sii daynta wasiirka” ayuu yiri Axmed Cumar.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in qodobadda la hor dhigay dhammaantood ay yihiin kuwo ku aadan kala qeybinta bulshadda degaanada maamulka Jubaland.

“Qodobadda qaarkood waxay ahaayeen qabyaalad cad, kala qaybin iyo iska horkeen dadka reer Jubaland” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Jubaland.

Axmed ma uusan shaacin waxa ay yihiin shuruudaha, hase yeeshee waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu qaadi doono wixii dhibaato ah oo ka dhasha xariga wasiirka, maadaama dadka degaanadaasi lagu waddo kala qeybin, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Shaqaalaha gobolka Banaadir oo qarka u saaran in ay shaqo joojin sameeyaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad usii adkaanaya nolasha shaqaalaha dowladda hoose ee gobalka Banaadir oo aan wax lacag ah qaadan muddo dhan saddex bil, iyadoo ay wajahayaan daruufo aad u adag.

Shaqaalahaan oo siyaabo kala duwan ula soo xiriiray Caasimada Online, ayaa noo sheegay in ay wajahayaan nolal aad u adag ayna u baahanyihiin in cabashadooda la gudbiyo.

Dhibaatada kale ee heysata shaqaalaha dowladda hoose iyo kuwa kalaba, waxaa waaye in aysan si shaacsan warbaahinta uga hadli karin oo aysan gudbin karin tabashadooda, waxayna ku waynayaan shaqada ay hayaan (ruqseyn).

Dhowr qof oo kamid ah dadka aan la hadalnay ayaa waxay ka siman yihiin mushaar la’aan iyo in aysan ka hadli karin dhibkooda oo loogu hanjabay in shaqada laga ruqseyn doono hadii ay hadlaan oo ay soo bandhigaan dhibaatada ay qabaan.

Mushaar laga qaato gobalka Banaadir waxaa ugu dambeysay 20-kii bishii Juun ee sanadkaan, waxaana tan iyo markaas aysan helin xuquuqda iyo mushaarka ay leeyihiin. Qaar badan oo kamid ah shaqaalaha dowladda hoose ayaa laga saaray guryihii ay daganaayeen halka qaar kalane ay qarka u saaran yihiin sidaas oo kale.

Isbadal maamul oo gobalka ka dhacay iyo musiibadii ka horreysay ayaa la’aaminsan yahay in ay sabab u tahay dib u dhaca mushaarka oo markii horaba 50-kii maalmoodba mar la bixin jiray. Xog ay heyshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in qasnadda dowladda hoose aysan hadda lacag ku filan shaqaalaha ku jirin, balse ay ku jirto lacag kooban oo loogu sii wadi doono shaqada gobalka Banaadir.

Lama oga sida ay uga soo kaban doonaan dhibaatooyinka heesta shaqaalahada dowladda hoose oo maamulkii cusub-ba qaab gaar ah ula dhaqmo, maadaama aysan meesho laheyn nidaam saxan oo lagu maamulo shaqada gobalka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hogaamiyaha xisbiga Mid Qaran, Dr. C/Nuur oo lagu soo dhoweeyey Holland

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Holland ayaa casho sharaf ku soo dhaweysay Hogaamiyaha xisbiga Mid Qaran, Dr Abdinuur Sheikh Mohmamed oo dhawaanahaan booqasho ku joogay wadanka holland.

Dr Abdinuur oo dadkii casha ka soo qeybgalay la hadalyey ayaa waxaa uu sheegay in xiligaan dadka Soomaaliyeed ay u baahanyihiin hogaamiye umadda is ku wadi kara kana fog qabyaaladda isagoo tusaale u soo qaatay waxyaabihiin  foolxumada ahaa ee laga dhaxlay qabyaadda iminkana loo bahanyahay in la mideeyo dadka Soomaaliyeed oo ku daalay qabiilka iyo dowlad xumida .

Dr Abdinuur Sheikh Mohamed oo khudbadiisa ku dheeraaday ayaa waaxaa kaloo uu sheegay in dalka u u baahanyahay wadahadal hadii aan wada hadal lahelin in lagu jiraayo fowdada iyo dhibaatada waayo wadahadalka waxaa laga dhexhelayaa Mab,da, lagu mideysanyahay  ayuu yiri DR Abdinuur.

Qaar kamid ah dadkii Dr Abdinuur ku soo dhaweyey oo ka hadalay Munaasabadda Cashada ayaa waxaa ay sheegeen in ay u baahanyihiin hogaamiye daacad ah oo wax badan ka tarikara dhibka Soomaaliya heysta iyagoona Dr kula dardaarmay in aqoonyahanada sidiisa ookale ah ay san ka daalin lahadalka umadda iyo in ay keenaan isbadal ka duwan kuwii la soo maray.

Sawirro: Madaxweyne Biixi iyo safiirka UK ee Somalia oo ku kulmay Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska u qaabilsan dalka Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay wafdiga Ingiriiska, ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka labada dhinac ee Somaliland iyo Ingiriiska, ammaanka guud ee mandaqadda, doorashooyinka, mashaariicda horumarineed iyo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu dawladda Ingiriiska uga mahad-naqay taageerada ballaadhan ee ay la barbar taagan yihiin Somaliland, waxana uu u sheegay inay Somaliland ka go’an tahay adkaynta xidhiidhka beesha caalamka, sidoo kalena wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay xukuumad ahaan ka taagan yihiin mawqifkii iyo shuruudihii ay beesha caalamka Somaliland hore ugu bayaamisay.

Dhankooda, waxa ay weftigu ku bogaadiyeen Somaliland horumarka laga sameeyey qabsoomidda doorashooyinka iyo sida ay shacab iyo dawladba diyaarka ugu yihiin geeddi-socodka Dimuqraaddiyadda ee dhinacyada doorashooyinka iyo horumarka.

Ugu dambayntii waxa ay madaxweynaha iyo madaxa hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow kala saxeexdeen wejiga labaad ee kaalmada dalka Ingiriisku kaga qayb-qaadanayaan sanduuqa hormarinta Somaliland (SDF) ee lagu maal-geliyo mashaariicda horumarineed ee Somaliland laga fuliyo.

Sidoo kale waxa ay goobta ku kala saxeexdeen labada dhinac heshiis lagu horumarinayo khayraadka Tamarta Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Kadib guushii doorashadii dhiiga badan loo daadiyey maxaa u qabsoomay K/G?

Bishii labo iyo tobaandaad 2018 waxaa magaalada baydhabo oo ah xaruunta ku meel gaarka ah ee dowlad gobaleedka koofur galbeed Soomaaliya ka dhacaday doorasho aan xor iyo xalaal midna aan lagu tilmaami Karin ilaa maanta ay dadka soomaaliyeed iyo beesha caalamka ay jawaab waafi ah u la’ yihiin wixii meeshaas ka dhacay.

Wixii meeshaas ka dhacay dib ugu laaban meeyno sharaxaadeeda laakin aan is weydiino (DOORASHADAII GUMAADKA IYO DHIIGA BADAN DARTEEDA LOO DAADIYEY KADIB MAXAA U QABSOOMAY KGS?).

Doorashadaas dhiiga badan darteeda loo diiday waxaa lagu cimaamday ama maqaar saar ahaan loogu doortay Mudane C/casiis Maxamed Xasan (laftagareen) oo ahaa wasiir ka tirsan xukuumada Raisul wasaare Xasan Cali khayre ka hor inta aan dhiiga loo daadin si loogu doorto Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Aan u I maano jawaabta ah waxa u qabsoomay iyo wixii kaloo aan ka ogahay dhammaan balan qaadyadii uu sameeyey Mudane C/casiis Laftagareen hal mid ah oo uu sameeyey majirto markii la eego dhanka Amniga, Dhaqaalaha, Maamul Wanaaga, Cadaalada iyo Sinaanta Metelaada Qabiilada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Amniga Maxaa ka hirgalay? Amniga koofur galbeed soomaaliya wuxuu kacanta ka baxay maalintii C/casiis lafta gareen sida qasabka iyo jujuubka ah ay ku doorteen Xildhibaanada koofur galbeed oo awood ka tan weyn loo adeegsaday, Maxaa dhacay inta uu joogay dhanka aminga dhacdooyinka ugu waayen ee dhacay waxaa ka mid in qaar ka mid qaabiilada koofur galbeed soomaaliyeed hogaaminta aan wanaagsaneeyn ee C/casiis laftagreen ay sababtay mudo sanada ah kadib in maagalada baydhabo labo qabiil dagaal sookeye ah soo kala dhex galo aan ilaa hada wax xal ah lakala dhex dhigin, Dilalka bartilmaameedka ah ee haladoor reer koofur galbeed oo ku soo batay dhammaan deeganada koofur galbeed Tusaale AHN Mudane siyaasi Marguusi oo beertiisa lagu dhex dilay oo xitaa la aasi waayey dagaal socodo darteesa.

Waxaa in mudo ah kadib magalaada baydhabo iyo magaalooyinka waa weyn ee koofur galbeed ka dhaqan galay amarada Ururka UGUS, magalada baydhabo mudo isbuuc ah waxay korantada magaalada ay dansaneed amar ka yimi Ururka UGUS, dhacdooyinka amniga ku saabsan intaas waa ka badan yihiin.

Dhaqaalaah maxaa ka qabsoomay? Mudane C/casiis laftagreen afkiisa yuu igu sheegay wax dhaqaalaha in aysan koofur galbeed ka jiran ayna adag tahay sida ay ku noolaan lahaayeen shacabka koofu galbeed balse aysan isaga dhib ku hayn oo bil awalba uu helaayo $150,000 (Boqol iyo Konton kun oo Dollars ah) oo ka timaado Dowlada Federalka Soomaaliyeed ee wakiil ugu yahay koofur galbeed Soomaaliya, waa inta aan afkiisa ka maqlay anagoo wada fadhina.

Maamul Wanaaga maxaa ka hirgalay? Waxa maamul wanaag ah ee ka jir koofur galbeed ma jiro mudo sanad ku dhowaad ayuu jooga C/casii laftagareen maamulka uu hogaamiyo jooga weli su’aal la iskama weydiin away MADAXWEYNE KU XIGEEN? Taasi ayaa cadeeyn kugu filan in uu san wax maamul wanaag ah ka jirin maamulkaas.

Cadaalada maxaa ka hirgalay? Cadalada waa wax keliya ay umadi ay ku kala badbaadi karto laakin maamulka koofur galbeed uu mudane C/casiis lafta gareen u hogaamiye xita waxay hilmaameen erayga “CADAALAD” maxaa yeelay shacabka koofur galbeed sii joogta ayey ciidamad koofur galbeed u dilaan ilaa maanta shaqsi maxakaamad lasoo taagay malahan, taasi waxaa marqaati iga ah mudane C/casiis lafta gareen mar uu la hadlaayey ciidamada uu sheegay qof rayid ah oo muruq maalato ah loo dilay 5,000 shiling soomaali ah oo ila hada askarigii dilay aan maxkamad lasoo taagin.

Waa side Awood qeybsiga maamulka koofur galbeed Soomaaliya ama ma jirtaa sinaan metelaada qaabiilaada maamulka? Majirto wax metelaad ah oo ay u dhan yihhin qaabaailada dega koofur galbeed waxa keliya meesha ka taliye waa hal reer oo kuli ku heyb ah la qabiil ah Madaxewyne Mudane C/casiis lafta gareen Tusaale aad ku qanacdaan aan idin siiyo.

  1. Mudane C/casiis Laftagareen Madaxweyne KGS
  2. Zamzam Mahad C/raxmaan madaxa xafiiska Madaxweynaha Dhanka habeenka waana xaaska madaxweynaha hal reer ayey kasoo wada jeedaan (Isku beel)
  3. Ibrahim Baafo Agaasimaha Madaxatooyda koofur galbeed (Isku Beel)
  4. General Mahad oo mar dhow loo magacaaabay taliye ciidamada asluubta qaranka soo jeedin uu sameeyey c/casiis laftagareen waan sudogiisa ka hor wuxuu taliyaha ciidamada booliska koofur galbeed waa shaqsigii sida cad u yiri xabad Ayaan idin kugu jawaabeynaa hadii aad soo banana baxdaan wuxuun u qaabilsnaa ololaha c/casiis laftagareen dhanka amniga iyo caburinta shacbka (isku Beel)
  5. C/fataax Mahad C/raxmaan waa xoghayaha madaxweynaha waana seedigii (Isku Beel)

Intaas Iyo in kabadan ayaa jirto sidaas darteed maqaalkaan kuma soo koobi karo ee hadii Alle idmo maqaalo kale Ayaan ku soo bandhigi doonaa.

Waxa keliya ee shacabka koofur galbeed Soomaaliya u qabsoomay waa Maamulkii oo isku bedelay maamul ay hal reer ah leeyihiin hadii shacabka sidaa ku daawadaan waxaa faraha ka bixi doono inta yar ee u harsan fadlan kaca oo baraaruga oo uu sheega cida hada talada hayso in sidaan wax ka bedelaan hadii aysan suuro gal aheyn in sidaan lagu wada joog karin.

Waxaan kuleeyahay Mudane C/casiis Laftagareen wakhtiga kuu harsan waa 3 sano wax badan ayaad ka bedeli kartaa dhammaan wixii aan soo sheegay hadii ay daacad kaa tahay fursad dahabi ah ayaa ku hortaalo wakhtiga iyo geediga aad ayey u fog yihiin laakin waxa keliya kugu simi karo hayaan guul ku soo idlaada waa adigoo garabhaaga iyo hareerahaaga sii fiican u hagaajiya.

Mahadsanidiin

W/Q: Mohamed Ali Barre
Email: [email protected]
Nairobi, Kenya

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Khilaafka Beledweyne ka taagan oo sii xoogeystay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya kulamo gaar gaar ah oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kulamada oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxaa wada qaatay saraakiil ka socota dowladda iyo odayaasha dhaqanka ee magaaladaasi.

Intooda badan kulamadani ayaa waxaa diirada lagu saaray khilaafka ka taagan Beledweyne, kaas oo ka dhashay amar ka soo baxay dowladda oo ku aadanaa in ciidamada jooga magaaladaasi loo daabulo dhanka gobolka Galgaduud.

Waxgaradka magaalada ayaa ka biyo diiday arrintaasi,waxaana dowladda dhexe ay ku eedeeyeen inay farogelin ku heyso arrimaha gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo kulamadii xalay ayaa sheegaya inay ku soo dhamaadeen fashil, iyadoo aan la gaarin wax natiijo ah.

Sidoo kale ilo lagu kalsoonyahay ayaa  Caasimada Online u xaqiijiyey in lagu kala tagay shirarkaasi.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan Beledweyne uu ku sugan yahay Madaxweynaha HirShabelle oo dhankiisa kulamo gooni gooni ah la qaatay saraakiisha qeybaha 27-aad iyo 21-aad ee ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

Reer Koonfur Galbeed oo ayaga oo magdhow doon ah, dil kale maanta kala kulmay ciidamada Kheyre

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Iyadoo odayaasha Koonfur Galbeed ay maanta la kulmeen ra’iisul wasaare Kheyre, ayaga oo kala hadlay dadkii ay ciidamada dowladdu ku dileen magaaladaas iyo in magdhow laga bixiyo, ayaa ilaalada khaaska ah ee Ra’iisul Wasaare Kheyre waxay galabta Baydhabo ku dileen qof shacab ah.

Xilli uu Ra’iisul Wasaare Kheyre kusii jeeday dhagaxdhiga garoon lagu cayaaro kubadda Cagta oo lagu magacaabo Dr. Ayuub, ayaa askar ka tirsan ilaalada Kheyre waxa ay toogasho ku dileen ruux shacab ahaa.

Qofka ay toogteen ciidamadu oo watay gaari yar oo kuwa raaxada ah ayaa waxaa la sheegay inay isku soo dhawaadeen mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ilaalada Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Gaarigii uu watay marxuumka ayaa mar khura rasaas la huwiyay, waxaana la sheegay in looga shakiyay inuu qarxi rabay, sidaasna ay ku toogteen. Ruuxa la dilay ayaana ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Sidoo kale xiliga uu Kheyre aadayay garoonka ayaa waxaa guud ahaan hawada laga saaray is-gaarsiinta magaalada Baydhabo, taas oo maqneed tan iyo markii uu dib ugu laabtay hooyga laga dajiyay magaalada.

Dilka askarta ilaalisa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay u geysteen qofkaas shacabka ah ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay magaalada Baydhabo ay iskugu soo baxeen dad kasoo horjeeda imaatinka Kheyre ee magaalada Baydhabo.

Dibadbaxyaasha ayaa watay boorar uu ku sawirnaa Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur oo dabayaaqadii sanadkii tagay laga soo xiray Baydhabo isaga oo musharax ah.

Bulshada reer Baydhabo ayaa intooda badan kuu sheegaya inay ka careysanyihiin joogitaanka Kheyre ee magaaladaas, iyagoo caradooda u sababaynaya dadkii gaarayay 12-ka ruux, oo ay Baydhabo ku dileen ciidamo ay xukuumaddu kasoo daabushay magaalada Muqdisho iyo xariga loo gaystay Sheikh Muqtaar Roobow.

Caasimada Online
Xaafiiska Baydhaba
[email protected]

Xildhibaanada mucaaradka iyo Ahlu-Sunna oo qorshe ka dhan ah DF isku baheystay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kulamo is daba joog ah ayaa magaalada Dhuusamareeb caawa ilaa galabta uga socda xildhibaanada mucaaradka ku ah xukuumadda federaalka ee ku sugan magaaladaas iyo hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna, sida Macalin Maxamuud iyo Sheikh Maxamed Shaakir.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in kulamadaas looga arinsanayo sidii dowladda federaalka looga wareejin lahaa maamulidda shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug, oo ka socda xarunta loo asteeyay ee Shiirkole, oo haatan ay ku shirsanyihiin ergo mataleysa dhamaan beelaha Galmudug,

Ahlu-Sunna iyo xildhibaanada mucaaradka ah ayaa doonaya in arrimaha dib u heshiisiinta loo madax baneeyo odayaasha dhaqanka ee kasoo kala jeeda beelaha ku mideysan maamulka Galmudug.

Xildhibaanada la kulansan hoggaamiyaasha Ahlu-Sunna ayaa kala ah, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka sare Senetor Abshir Bukhaari, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Senetor Cabdi Qeydiid, Xildhibaan Mahad Salaad, iyo xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xog ay heshay Caasiamada Online ayaa sheegeysa in xildhibaanada mucaaradka ah ee ku sugan Dhuusamareeb  ay qorsheynayaan hadii ay ku guul dareystaan in odayaasha dhaqanka loo madax baneeyo  shirka dib u heshiisiinta inay sameeyaan guddi iskugu jira xildhibaanada iyo ergada shirka, kuwaas oo ay doonayaan inay wadaan geedi socodka shirka.

Waxaan la saadaali karin saameynta uu shirka ka socda Dhuusamareeb ku yeela karo go’aanka xildhibaanada mucaaradka ah iyo hoggaanka Ahlu-Sunna ee ah in Xukuumadda Federaalku ay arimaha shirkaas u madax baneyso odayaasha dhaqanka.

Xukuumadda federaalka oo iyadu gacanta ku heysa shirka dib u heshiisiinta ayaa doonaysa in lagu soo gaba-gabeeyo muddo Shan maalmood ah, sida uu horay uga dhawaajiyay Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya, halka Ahlu-Sunna iyo xildhibaanaduna ay doonayaan in shirkaas la siiyo fursad ay isku saamixi karaan beelaha Galmudug, kuwooda wax kala tabanaya.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

Safaricom iyo warbaahinta Kenya oo dagaal ku billaabay shirkadda Hormuud

Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Kenya, oo muuqda inay gadaal ka riixeyso shirkadda isgaarsiinta dalkaas ee Safaricom, ayaa kusoo biirtay dagaalkii ay horey ciidamada dalka Kenya ugu hayeen shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecon ee Soomaaliya.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxay Nairobi ayaa maanta qoray warbixin la-yaab leh, oo aan sal iyo raad lahayn oo uu shirkadda Hormuud ku eedeynayo inay ka dambeysay weeraro ka dhacay gudaha dalka Kenya oo lagu burburiyey anteenooyin iyo taawaro ay leedahay shirkadda Safaricom.

Warbixinta Daily Nation ayaa u muuqata mid caksi ku ah dhibaatada ay horey ciidamada Kenya ugu gaysteen qalabka shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee deegaanada ku dhow xuduudda Kenya, halkaasi oo shirkadda ay adeegyo taleefon ku siiso shacabka Soomaaliyeed.

Qorshahan ayaa u muuqda mid qeyb ka ah dagaalka guud ee Kenya ay ku haysom dowladda, shacabka iyo hantida umadda Soomaaliyeed, si loogu qasbo dowladda inay ka laabato dacwada kiiska badda.

Tallaabooyinka ay horey dowladda Kenya u qaaday waxaa ka mid ahaa:

  1. In ay iska hor keentay maamul goboleedka Jubbaland iyo dowladda dhexe
  2. Kenya waxa ay diiday in ay ilaaliso xasaanadda baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya.
  3. Diyaaradaha ka baxa Soomaaliya oo dib loogu celiyo baarista garoonka Wajeer oo la mariyo rakaabka kusii jeeda Kenya.
  4. Kenya waxa ay ku hanjabtay in ay aqoonsaneyso gobollada woqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), iyadoo ay labada dhinac yeesheen wada hadallo aan mirohooda saxaafadda loosoo bandhigin.
  5. Dagaal dhanka dhaqaalaha oo ay ugu horreyso, burburinta 12 xarumood oo ay laheyd shirkadda Iisgaarsiinta Hormuud oo ah shirkad qaran, si ay taas cadaadis ugu saarto dowladda Soomaaliya maadaama ay Hormuud tahay shirkad dalka saameyn ku leh.

Dowladda Kenya ayaa u aragtay inay Hormuud tahay shirkadda heyso hantida ugu badan ee shacabka Soomaaliyeed, waxayna kusoo qaaday dagaal burburin ah iyo mid dhanka saxaafadda ah.

Shirkadda Hormuud ayaa waxaa ku midoobay ganacsato badan oo Soomaaliyeed oo isugu jiro qeybaha kala duwan ee bulshada, waxayna ka mid tahay shirkadaha ugu horreeyo ee Africa waxayna dhawr jeer dhibane u noqotay dowladda Kenya oo ay ka go’an tahay inay cuuryaamiso hantida shacabka Soomaaliyeed.

Dagaalka Kenya ayaa waxaa sidoo kale muuqata inay qeyb ka tahay shirkadda Safaricom ee ugu weyn dalka Kenya, taasi oo weysay macaamiil badan oo ah Soomaalida ku nool mnagaalooyinka Soomaaliya ee u dhow xuduudda Kenya, kuwaas oo isticmaali jiray taleefonka Safaricom, balse markii ay halkaas gaartay Hormuud, usoo wareegay shirkaddooda Soomaaliyeed.

Warbixinta Daily Nation ayaa lagu eedeeyey Hormuud inay dooneyso inay adeeg siiso shacabka ku nool deegaanada gudaha Kenya ku yaalla ee gaaraya illaa 50 km, sidaas darteedmna ay ugu lug leedahay burburinta qalabka Safaricom.

Hase yeeshee xaqiiqda ayaa ah in Daily Nation ay dib u wareejisay wixii ay sameynayeen ciidamada Kenya iyo Safaricom oo shirkadda Hormuud qalabkeeda u burburinayey si Safaricom u hesho suuqii uga lumay xuduudda Soomaaliya.

Xaqiiqda ayaa ah in burburinta Kenyan-ka loo hayo caddeymo buuxa, balse eedeynta ka dhanka ah Hormuud aan xitaa hal caddeyn loo hayn. Shacabka Soomaaliyed waa inay difaacdaan hantidooda, dalkooda iyo dowladdooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Wada-hadallo u socda Axmed Madoobe iyo C/naasir Seeraar iyo arrin culus oo laga dalbaday Seeraar

Nairobi (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ay ka socdaan wada-hadallo u dhaxeeya madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Cabdinaasir Seeraar, oo isna sidoo kale sheegtay madaxweynaha Jubaland.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ergo matalaysa Axmed Madoobe ay wada-hadalladan la leeyihiin Cabdinaasir oo laga doonayo inuu isaga baxo magaalada Kismaayo, islamarkaana aado meel kasta oo uu doonayo.

“Axmed Madoobe ma doonayo mana ogolaanayo in qof madaxweyne la sheegtay uu dhinac kasii joogo magaalada Kismaayo” waxaa sidaas yiri qof ku dhow Axmed Madoobe oo la hadlay Caasimada Online, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in dalabka Axmed Madoobe uusan horseedi doonin wax dagaal ah oo ka dhaca Kismaayo, islamarkaana Axmed Madoobe uu rajeynayo in Seeraar dib ugu laabto magaalada Nairobi oo uu ka yimid ka hor doorashada.

Si kastaba, Cabdinaasir Seeraar ayaa ah siyaasiga ciidan ahaan ugu awoodda badan siyaasiyiinta sheegtay xilka madaxweynaha Jubaland, waxaana laga cabsi qabaa in joogitaankiisa Kismaayo uu horseedi karo dagaal dhiig badan uu ku daato, haddii aan xal la gaarin.

Wada-hadallada labada dhinac ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda beesha ay ka soo wada jeedaan labada siyaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Xog: Fal uu sarkaal Turkish ah garoonka Muqdisho ugu gaystay wiil Soomaali ah oo sababay shaqo joojin

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta sameeyay shaqo joojin, kadib markii mid kamid ah mas’uuliyiinta duulimaadka Muqdisho ee diyaaradaha, islamarkaana u dhashay Turkiga, uu dharbaaxay muwaadin Soomaali ah oo ka tirsan shaqaalaha garoonka.

Falka uu sarkaalka sare ee Turkish-ka kula kacay wiilka Soomaaliga oo ka tirsan qaybta taraafikada ee garoonka diyaaradaha, ayaa waxaa ka dhashay gacan ka hadal labadooda dhex maray iyo dood badan oo ilaa hadda ka taagan gudaha garoonka.

Dhamaan shaqaalaha taraafikada ee haga diyaaradaha ama diyaaradaha soo dagaya geliya baakinka ayaa maanta sameeyay shaqo joojin, iyadoo ay halis gashay mid kamid ah diyaaradaha shirkadda Turkish Airline oo maanta ka soo degtay Muqdisho.

Qof ka tirsan shaqaalaha garoonka ayaa Caasimada Online u sheegay, “halis wayn ayaa maanta dhacday waxaana isku baabi’i gaaray diyaarado baakin ku jiray iyo diyaaradda Turkish Airline oo saakay soo degtay kadib markii ay shaqo joojin sameeyeen shaqaalaha baakinka diyaaradaha” ayuu yiri mid kamid ah shaqaalaha airport-ka Muqdisho ee Aadan Cadde.

Gacan ka hadalka dhaxmaray muwaadinkaan soomaaliga ah iyo sarkaal sare oo katirsan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho una dhashay dalka Turkiga ayaa ilaa hadda la’ogeyn sababta keentay, balse waxay caasimada online ogaatay in labada qof uu dhaxmaray dagaal gacan ka hadal ah.

Xadgudubyada ka dhaca dekadda iyo airport-ka  Muqdisho oo ay geestaan masuuliyiinta Turkida ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay caadi ka ahaa Soomaaliya, waxaana Turkida rag iyo dumarba u geestaan gacan qaad waqtiyada qaar sababa dhibaatooyin maskaxeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Tirada xildhibaanada Ahlu Sunna looga ogolaaday baarlamaanka Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa ogaatay xog ku saabsan heshiis ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlu Sunna ka gaareen khilaafkii ku saabsan tirada xildhibaanadii ay dalbatay Ahlu Sunna.

Sida illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen, Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii Ahlu Sunna u ogolaatay inay Baarlamaanka Galmudug ku yeelato ilaa 30 xubnood kadib kulamo xasaasi ah oo Dhuusamareeb ku dhex maray Ahlu Sunna iyo Ra’isulwasaare Kheyre oo hadda ku sugan Baydhabo.

Ahlu Sunna ayaa markii hore dalbatay in Baarlamaanka Galmudug laga siiyo 50% oo ah kala bar Xildhibaanada Galmudug oo noqonayo 89 Xildhibaan balse waxaa arrintaas ka hor timid dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa Ahlu Sunna markii hore usoo bandhigtay inay Xildhibaanada Galmudug ka qaadato 15 Xildhibaan taasoo ay si weyn uga hor timid Ahlu Sunna.

Ugu dambeyntii kulamo is daba joog ahaa oo dhex maray labada dhinac ayey isku afgarteen in Ahlu Sunna laga siiyo Xildhibaanada Galmudug ilaa 30 Xildhibaan.

Baarlamaanka Galmudug ayaa lagu heshiiyey in tirada Xildhibaanada Galmudug lagu daro 30 Xildhibaan oo dheeri ah taasoo ka dhigan in Baarlamaanka Galmudug uu noqon doono 119 Xildhibaan.

Heshiiska labada dhinac ayaa sidoo kale waxaa ka kamid ah in Ahlu Sunna ay soo xulista 30 Xildhibaan u fiiriso hab qeybsiga Beelaha.

Haddii Ahlu Sunna ay Baarlamaanka Galmudug ku yeelato 30 Xildhibaan waxay laf dhabar u noqon doontaa natiijada cidda noqoneyso seddexda hoggaan ee ugu sareeyo maamulkaas oo la filayo in dhawaan la doorto.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

CC Shakuur: Khayre waxaa looga fadhiyaa magdhowga dadkii lagu dilay Baydhabo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay socdaalka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku joogo magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka maamulka K/Galbeed Soomaaliya.

Cabdiraxamaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Khayre looga fadhiyo inuu garawshiyo iyo magdhow ka bixiyo dadkii lagu dilay magaaladaasi 13-kii, illaa 15-kii December ee sanadkii hore 2018-kii.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in looga baahan yahay inuu fuliyo Ra’iisul wasaaruhu ballantii ay guddoomiyaha golaha shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ay wadajir uga qaadeen shacabka iyo odayaasha deegaanka.

“Raysalwasaaraha waxay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Koonfur Galbeed uga fadhiyaaa in uu garawshiyo ka bixi, ka dibna magdhaw dadkii sanadii hore 13-15 December 2018 lagu laayey Baydhabo, fuliyana balantii ay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed oo wadajira u qaadeen shacabka iyo Odayaasha dhaqanka deegaanka.” ayuu yiri siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Rabshadihii ka dhacay K/Galbeed xilligii doorashada ayaa waxaa ku dhintay 11 qof, kadib markii la soo xiray Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka mid ah musharraxiintii maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Meydka sarkaal ka tirsanaa Amisom oo laga helay Xalane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Meydka sarkaal ka tirsanaa Booliska AMISOM, gaar ahaan ciidanka Uganda ayaa sabtidii laga helay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalkaasi oo Kaaliye ahaa ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Edward Bagonza, sida uu shabakadda Pmldaily u xaqiijiyey Grace Turyagumanawe oo ka tirsan AMISOM.

Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkiisa, balse waxa uu sarkaalku sheegay in Meydkiisa laga helay guri uu ka deganaa xerada Xalane oo ah taliska guud ee ciidamada nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee AMISOM.

“Waxaa meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla Muqdisho Sabtidii.” ayuu yiri Grace oo aan faah faahin ka bixin sababta dilkiisa.

Taliska ciidamada AMISOM ayaa haatan wada qaban qaabada aaska sarkaalkaasi.

Dhacdadan ma’ahan tii ugu horreysay, waxaana horay gudaha Xalane isugu dilay dhowr askari, halka kuwa kale ay ku dhinteen iska hor imaadyo ka dhacay xeradaasi.

Howlgalka AMISOM ayaa waxaa ciidamada ugu badan ay ka socdaan dalka Uganda oo askar badan looga dilay gudaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

FARMAAJO oo markii ugu horreysay ka qeyb galaya shirka golaha guud ee QM

0

Muqdisho (Caasimada ONline) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa shaaciyey in sanadkan markii ugu horreysay uu Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu ka qeyb galayo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Wasiir Jamaal oo ka warbixinayey shir ay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wakiilada beesha caalamka ku yeesheen Baydhabo ayaa xaqiijiyey safarka Madaxweynaha magaalada New York.

Sidoo kale wasiirka qorsheynta ayaa xusay inay dowladdu u diyaar garoobeyso shirka QM iyo mid kale oo ay bilowga bisha soo socota yeelanayaan Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in khudbad uu ka jeediyo shirkan oo ah kii 74-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobey, wuxuuna uga hadli doonaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, horumarada ay hiigsaneyso dowladdiisa iyo doorashada 2020/2021-ka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aanan shirkaasi ka qeyb galin, tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, sababo la xariira dhalashadii Mareykanka ee uu heystay.

Shirka guud ee QM ayaa ku soo aadaya, iyadoo 1-dii August ee sanadkan 2019-ka uu Madaxweynuhu dib isaga celiyay dhalashadii uu ka heystay dalka Mareykanka.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]