25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Fiqi oo jawaab ka bixiyey tallaabadii ay qaadeen Muudey iyo Mahad Cawad

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ayaa ka jawaabay go’aannada ay qataeen guddoomiye ku xigeenka koowaad yok an labaad ee baarlamanka eek a dhanka ah guddoomiye Mursa.

Qoraal uu soo dhigay facebook ayuu Fiqi ku sheegay in labada ku-xigeen aysan soo saari karinw ax qoraallo ah, ayada oo guddoomiyaha u joogo.

“Xalay illaa iyo maanta waxaa iska soo daba dhacay hadallo ka soo yeeraya labada guddoomiye ku xigeen ee golaha shacabka, kii saacado ka hor uu qabtay guddoomiye ku xigeenka labaadna wuxuu ahaa amarro iyo go’aano uu kaligiis gaaray” ayuu yiri Fiqi.

“Waxaa is-weydiin mudan Guddoomiye ku xigeenada golaha shacabku maxay tahay shaqadooda iyo awoodoodu, sida ku cad qodobka 8-aad ee xeerhoosaadka golaha shacabka xilka gud kxg-nadu waa cad yahay, gaar ahaan guddoomiyaha oo jooga oo shaqadiisii gudanaya In Guddoomiye ku xigeenka labaad amarro Soo saaro waa wax sharciga iyo nimadaamka dawladnimada khilaafsan” ayuu yiri

Faysal Cali Waraabe oo ku biiray mooshinka looga soo horjeedo Farmaajo

Hargeysa (Caasimada Online) – Eng Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa ka hadlay mooshinka xildhibaanada baarlamaanka ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo soo dhaweeyay mooshinka.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka looga baahan yahay inay qaadaan talaabo ay ku keenayaan madaxweyne Wanaagsan oo badali kara madaxweynaha, islamarkaana labada sano ee soo hartay wax badan qaban kara.

“Aniga xiriir ayaan Soomaaliya dad kala leeyahay waana kala Shaqeynayaa inay xilka ka qaadaan Farmaajo, si labada sano ee soo socota loo gaaro dimuqraadiyad” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe”.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay xildhibaanada marka hore ay ku qaldameen doorashada madaxweynaha, waxaana uu sheegay in xiligan ay heystaan fursad ay madaxweyne cusub kusoo dooran karaan.

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa kamid ahaa masuuliyiin madaxweyne Farmaajo kula kulmay dalka Belgium-ka isagoo xiligaasi sheegay inuu wax badan kala hadlay madaxweyne Farmaajo ayna isku fahmeen, laakiin hadda lama oga waxa badalay aragtidiisa.

Dhageyso codka Faysal

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Muran ka taagan cidda maamuleysa xarunta BF (Yey la safteen shaqaalaha)

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka ka dhex taagan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saameyn ku yeeshay Shaqaallaha iyo Ciidanka Ilaalada ka haaya xarunta ay ku shiraan xildhibaanada Golaha Shacabka.

Khilaafka oo ah mid xooggan ayaa Ciidamada Ammaanka iyo shaqaallaha xarunta Golaha Shacabka waxa ay la safteen gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan xilli Gudoomiye ku xigeenada ay kasoo horjeeddaan Gudoomiye Mursal.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu soo waramaya in uu gacanta ku haayo xarunta Villa Hargeysa oo ay ku shiraan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Gudoomiye ku xigeenada ayaa sheegay in ciidanka Ammaanka aysan  faragalin ku sameyn karin xarunta Cida Imaaneysa, islamarkaana ay ka hortaggaan in xildhibaanada ay ku shiran inta ay  taagan tahay Xiisadda Guddoonka Golaha Shacabka.

Maamulka Baarlamaanka ayaa lagu soo waramaya in ay raaceen Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo xildhibaanada qaarkood ay sheegeen in uu ku jiro xabsi guri.

Shakiga ka taagan Cida maamuleysa xarumaha ayaa yimid ka dib markii Gudoomiye ku xigeenada ay goor dhow war ay soo saareen ay ugu digeen Shaqaallaha iyo maamulka Baarlamaaanka,taasoo ku aadaneyd in aysan la safan Gudoomiye Mursal.

Labadda dhinac ee Khilaafku ka dhaxeeyo ayaa isku daayay in Midkaste Kooxda taageersan uu ku shiriyo Xarunta Villa Hargeysa oo loogu tala galay Guddiyadda Joogtada ah ee Golaha Shacabka in ay ku shiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Warar sheegaya in Mursal uu tagayo Baydhabo, war xasaasi ahna sheegi doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu doonayo inuu ka baxo magaalada Muqdisho oo uu saldhigto Baydhabo.

Qorshahan oo ay nala wadeegn xildibaano ku dhow, ayaa la sheegay inuu yahya mid diyaarintiisa ay socoto, inakasta oo weli aan si rasmi ah loo ogeyn xilliga uu baxayo.

Wararka ayaa sheegaya in marka uu baydhabo tago Mursal uu shaacin doono inuu Muqdisho kasoo tagay, sababtuna ay tahay inuu noloshiisa u cabsaday.

Xildhibaano ka mid ah kuwa taageersan madaxweynaha oo aan wax ka weydiinay arrintan ayaa sheegay inuu yahay qorshe Mursal doonayo inuu ku muujiyo in awood loo adeegsanayao, maadaama uusan hayn codad ku filan oo madaxweynaha xilka looga qaadi karo, sida ay hadalka u dhigeen.

Arrintan ayaa imanaysa ayada oo saacado ka hor ay xildhibaano Mursal ku dhow sheegeen in laga hor-istaagay inay tagaan xafiiskiisa lana kulmaan, oo uu xabsi guri ku jiro.

Mursal ayaa dhex degan Villa Hargeysa oo ku dhex-taalla Villa Somalia. Ciidamada iyo saraakiisha Villa Somalia ayaa ka amar qaata madaxweynaha.

Sidoo kale labadiisa guddoomiye ku xigeen ayaa soo saaray dhowaan qoraal ay ku shaaciyeen go’aano dhowr ah oo u muuqday in lagula wareegay awooddii guddoomiyaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqriso: Muudey iyo Cawad oo soo saaray 7 qodob oo lagu wiiqay awoodii Mursal

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa war ka soo saaray habka uu u shaqeynayo baarlamaanka inta lagu jiro kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee hadda dalka ka jira.

Go’aanka Mahad Cawad iyo Muudeey ayaa u muuqda mid lagu go’doomiyey laguna wiiqay awooddii guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal cabdiraxmaan.

Mahad Cabdalla Cawad oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay todobo kodob ka soo saareen habka shaqada ee shaqaalaha Baarlamaanka iyo Xarunta Villa Hargeysa ee ay ku shiraan Guddiyada joogtada ah.

Mahad, waxaa uu sheegay in hoolka Villa Hargeysa aan lagu qaban karin kulamo siyaasadeed islamarkaana shaqaalaha looga baahanyahay kaliya in ay ku shaqeeyaan.

In Guddigii Maaliyadda ee la kala diray ay sidoodii yihiin, islamarkaana aan la aqoonsaneyn, waxaana uu guddoomiye Mursal ugu baaqay in go’aankiisii soo celinta Guddiga uu aysan ahayn mid sharciga waafaqsan.

Shaqaalaha Golaha Shacabka ayuu sheegay in aysan fulin karin go’aanno maaliyadeed oo uusan u dhameyn Guddoonka Golaha shacabka iyo qodobo kale.

Wali waxaa magaalada Muqdisho ka jira xiisadda ka dhalatay Mooshinka qaar ka mid ah Golaha shacabka ay ka gudbiyeen Madaxeyne Farmaajo.

Hoos ka daawo Cawad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mooshinkii yimide maxaa la gudboon Farmaajo?

“Mineey fatuuro fiiq tiraah ninkii fadhaaya ma fayaabo.”

– Shaki ma leh inaanu fadhi oolin haddii giraantii waxay soo wareegtaba ay ku timid kursigii madaxweynaha, oo caawa dooddu aysan ka taagnayn Baydhabo, Kismaayo, Garowe, Dh/mareeb ama Jawhar ee doodda Golaha Shacabka hortaal ay tahay xil ka qaadista madaxweynaha.

– Dhaawaca maanta gaaray madaxweynaha wuxuu ahaa mid laga hortagi karay, mase dhicin, welise dabaqabasho iyo booga dhayid ayuu leeyahay, waase haddii lala yimaado aragti durugsan oo ku qotonta xilkasnimo, u danqasho danta guud iyo hanaanka dawladeed ee curdanka ah.

– Wadahadal iyo wadaxaajood xeerinaya danaha guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo uu madaxweynaha la yeesho xoogaga siyaasadeed ee ka biyo diidsan siyaasadiisa, indheer-garadka iyo xoogaga bulsho, ayaa lama huraan ah, si loo hakiyo baahitaanka khilaafka oo sida tagtada dhaw aan ka baranay albaabada u fura farogelin shisheeye oo aanay cidina ka macaashin.

– Dhaqan siyaasaseedka bulshadeena xilligii ka dambeeyay dagaalada sokeeye oo ku dhisan: qaniinyaa qaniinyo kaa fujisa, ma ogolaanayo talada sare ku xusan, waxaana laga yaabaa in halkii wadaxaajood laga geli lahaa la abaabulo mooshin ku aadan xil ka qaadista Gudoomiyaha Baarlamaanka. Hadaba haddii sheekadu halkaa aaddo maxaa ka dhalan kara?

1- Kuraasta iyo xilalka ugu sareeya dalka oo ku salaysan 4.5 waxa uu noqonayaa Gudoomiyaha Baarlamaanku siyaasigii 4aad oo reer Baydhabo ah oo ay xukuumaddu dagaal la gasho muddo 8 bilood gudahood ah taasoo caqabad weyn ku noqon doonta hanaanka dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska qaranimada dalka.

2- Baarlamaanka oo kala qaybsama kadibna xirma iyo xasarado siyaasadeed oo aan la maarayn karin oo ka dhasha.

3- Xukuumadda oo ka mashquusha in ay gudato waajibaadkeeda.

4 – Amaanka oo faraha ka baxa khilaafka hay’adaha dawladda u dhexeeya awgii.

Guntii iyo gabogabadii:-

– Madaxweyne Farmaajo horay ayaad danta guud u xeerisay oo aad uga tanaasushay xilkaagii sanadkii 2011, kumana aadan khaasarin oo si guud iyo si gaar ahba waad uga faa’iiday oo waa kaa aad maanta dalka hogaaminayso oo xilkii ugu sareeyay aad hayso.

– Maanta arrinka ku horyaal ee kaaga baahan inaad xeeriso waa inaad furto albaabka wadahadalka iyo wadaxaajoodka adiga oo ka bilaabaya Gudoomiye Mursal kadibna ku baahinaya dhamaan siyaasiyiinta ka biyo diidsan hanaanka aad wax u wado.

– Ku dedaal inaadan is lahaysiinin xildhibaanada maanta agtaada jooga oo aadan iska fogayn kuwa ku dhaliilsan, siyaasadu waa meerto ee dhamaan xildhibaanada dhagyso oo talo ka qaado.

– Xildhibaanada safka hor fadhiya oo mooshinkaaga aqrinaya, sanad ka hor safkaaga ayay ahaayeen. Gudoomiye Mursalna waa ninkii aad aaminsanayd inaan dhankiisa dabayshu kaaga imanayn.

– Dhamaan dhacdooyinkaa hal darsi ayaan ka baran karnaa oo ah “Soomaali walaaloow unbaa lagu wadi karaa” ee madaxweyne wadaxaajood ku dedaal.

Waxaa qoray Dr. Maxamed Axmed Sh Cali (Doodishe), oo ahaa lataliyaha arrimaha siyaasadda ee Madaxeynihii hore Xasan Sheekh, isagoo talooyin siinaya madaxweyne Farmaajo oo haatan uu mooshin ka yaallo

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Madax goboleedyada oo mooshinka Farmaajo ka soo saaray go’aan culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa war kasoo saaray mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya oo shalay loo gacan geliyay guddoomiyaha baarlamaanka.

Qoraalka kasoo baxay madaxda dowlad goboleedyada ayaa si cad loogu taageeray mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, iyaga oo sheegay in loo baahan yahay wax ka qabashada dhibaatooyinka dalka ka jira.

Waxay walaac ka muujiyeen xaaladda Siyaasadeed ee ka jirta dalka Soomaaliya oo muddooyinkii ugu dambeeyay kasii dareysay, sida ay ku sheegeen qoraalka kasoo baxay maamulada.

Seddex maamul goboleed ayay kusoo hareen golaha iskaashiga maamul goboleedyada, kadib markii Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ay la heshiiyeen dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Xildhibaanno sheegay in guddoomiyaha BF Mursal uu iminka yahay maxbuus

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaliya ayaa xog dheeri ah ka bixiyay xaaladda uu ku sugan yahay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo hadal ka jeedinayay goob lagu soo dhaweynayay hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa shaaciyay in maxbuus uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka.

Wuxuu sheegay inuu si hordhac ah u sheegayo in guddoomiyaha baarlamaanka markii mooshinka uu qabtay kadib laga dhigay maxbuus sida uu hadalka u dhigay.

“Xan Fresh ah ayaan idiin sheegayaa, guddoomiyaha baarlamaanka markii mooshinka uu qabtay kadib cadaadis ayaa la saaray, haddana waxaan idiin sheegayaa Guddoomiyaha baarlamaanka Waa maxbuus”ayuu yiri Xildhibaanka oo ka hadlayay soo dhaweynta C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya loo diiday inay u tagaan guddoomiyaha baarlamaanka, sidaasina uu ku xaqiijinayo in guddoomiyaha go’doon la geliyay.

“Xildhibaano badan oo kamid ahaa xildhibaanadii mooshinka gudbiyay ayaa loo diiday inay u tagaan guddoomiyaha baarlamaanka, waxaan idiin sheegayaa in Xan Fresh ah tahay in maxbuus uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka”ayuu hadalkiisa kusii daray xildhibaanka.

Marka laga yimaado hadalka uu jeediyay Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar ma jiro cid xaqiijin karta in Maxbuus uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka oo uu kala jeeday in loo diiday dhaqdhaqaaqa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dibadbax ka duwan midka mooshinka ka dhanka ah oo Muqdisho ka bilowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan oo ka careysan mooshinka Shalay gelinkii dambe uu qabtay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta banaanbaxyo ka dhigay magaalada Muqdisho.

Dadka banaan baxa dhigayay oo ka dhawaaqayay erayo ka dhan ah xildhibaanada mooshinka gudbiyay ayaa xiray qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, iyagoo ugu dambeyn ay xireyn wadada hormarta madaxtooyada Soomaaliya.

Haween iyo dhalinyaro badan ayaa xiray wadada madaxtooyada, waxaana la sheegay inay gudaha u galeen madaxtooyada, waxaana ay tageen albaabka Villa Hargeysa oo madaxtooyada ku dhex yaal.

Dhinaca kale waxaa banaanbax uu ka socdaa degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo labo banaanbax oo kala duwan ay ka dhacayaan magaalada Muqdisho.

Marka laga yimaado banaanbaxa looga soo horjeedo mooshinka madaxweynaha waxaa bananbax kale oo lagu taageerayo C/raxmaan Cabdi Shakuur uu ka socdaa magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ugu badan ee mucaaradka ayaa ka qeyb galaya soo dhaweynta C/raxmaan Cabdi Shakuur oo goordhow  soo gaaray magaalada Muqdisho.

La soco waxyaabaha kasoo kordhay xaaladda guud ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyay ee mooshinka FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeeday mooshinkii xildhibaanada baarlamaanka ay ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wararkii u dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya inay magaalada ay ka socdaan kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan xildhibaanada baarlamaanka ee kala taageersan labada dhinac ee guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Qaar kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho iyo madaxtooyada ayay siyaabooyin kala duwan kaga dhacayaan kulamada kala duwan.

Kulamada ugu badan ayaa waxay yihiin kala xod xodashada xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya si dhinac walbaa uu u helaa xildhibaanada ugu badan ee mooshinka taageera ama kasoo horjeesta.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa caasimadda Online u sheegay in xildhibaano badan oo dalka dibadiisa ku maqan xitaa lagu wargeliyay inay deg deg ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.

Walli waxaa socdo kulamada isdaba jooga oo ilaa iyo xalay ka dhacayay madaxtooyada Soomaaliya oo u dhaxeeya dhinacyada isku qabtay mooshinka ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamanka iyo ku xigeenadiisa ayaa kulamada ugu badan la qaadanaya xildhibaanada baarlamaanka si dhinac walbaa uu taageero u helo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

3 arrin oo ka dhalan karta mooshinka ka dhanka ah madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya laga gudbiyay maalintii shalay islamarkaana uu qabtay guddoomiyaha baarlamaanka waxaa bilowday kala qeybsanaan baarlamaanka dhexdiisa ah.

Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in mooshinka uu salka ku hayo dano shaqsiyadeed  oo aysan ku jirin danta qaranka Soomaaliya, waxaana mooshinka uu qabtay guddoomiye Mursal uu ka dhigan tahay heerka uu gaaray Khilaafka.

Sidoo kale waxaa dadka la socdo arrimaha mooshinada ay sheegayaan in arintaan ay timid kadib markii la isku qabtay danaha Shaqsiyaadka u dhaxeeya, waxaana xaaladda ay adkaatay markii la isku fahmi waayay arrimaha Koofur Galbeed iyo Kordhinta Qandaraasyo socda.

Xeel dheerayaasha ayaa sheegaya in mooshinka xiligaan laga keenay madaxweynaha Soomaaliya uu sababi karo seddex arimood oo kala ah:-

1 –  Inay Joogsadaan dhamaan Shaqada Hay’adaha kala duwan ee dowladda Gaar ahaan golaha Shacabka oo howlo badan ay u yaalaan.

2 – In dhaqaalo ay ku bixiyaan labada dhinac xalinta iyo taageero u helidda Mooshinka, dhaqaalahaasi oo ah mid ummadad Soomaaliyeed ka wada dhaxeeyo.

3 –  In qalqal amaan uu kusoo kordho magaalada Muqdisho, iyadoo laga faa’ideysanayo buuqa siyaasadeed ee jira sida marar badan dhacday.

Waxaa hadda muuqata in xildhibaano badan ay gudbiyeen mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, waxaana guddoonka ay durba ku kala qeybsameen arinta mooshinka.

Waxaa meesha ka baxaya guddoonka dhexdhexaadnimadooda, maadaama weerar iyo difaac ay kala noqdeen, iyadoo ay adkaan doonto dhinac walbaa inuu baarlamaanka ku wargeliyo shir dhacaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Ujeedka rasmiga ah ee mooshinka FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddoonka baarlamaanka u gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya, walow aan la soo bandhigin xildhibaanada saxiixay mooshinka.

Mooshinka ayaa socday labadii habeen ee ugu dambeysay, waxaana xiisadda ay adkaatay markii kulamo la isku fahmi waayay ay ka dhaceen Villa Soomaaliya, maadaama sharuudo adag la is hordhigay.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in mooshinkaan ay isku bahaysteen xildhibaano badan, iyadoo ujeedada ay tahay fariin loo dirayo madaxweynaha.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa qabtay mooshinkaan kadib markii uu waayay ujeedo isku soo dhawaansho iyo wada shaqeyn dhexmarta isaga, ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha, waxaana arrinta ugu weyn ee la isku hayo ay tahay arrinta Koonfur Galbeed, waxaana xildhibaanada ugu badan ee saxiixay mooshinka ay kasoo jeedaan deegaankaas.

Xildhibaanada baarlamaanka Qaarkood ayaa sheegay in mooshinka ay gudbiyeen ay ka doonayaan inay ku qalqal geliyaan madaxweynaha Soomaaliya oo muddo labo sano ku dhow aanan laga keenin wax mooshin ah.

“Way adag tahay in la helo laba meelood saddex meel xildhibaanada labada aqal, sidaas darteed madaxweynaha xilka sahal loogama qaadi karo, balse waa inaan farrin dirnaa” ayuu yiri xildhibaan la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan la magacaabin.

Mooshinkaan ayaa ka dhigan awood muujinta guddoonka baarlamaanka, waxaana arrimaha ugu badan ee la isku hayo ay tahay Doorashada Koonfur Galbeed iyo qorshaha musharixiinta qaar la doonayo in doorashada looga reebo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Banaanbaxyo xoogan oo ka billowday magaalada Muqdisho (Arag Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka bilowday Banaanbax xoogan oo ay sameynayaan shacabka magaalada Muqdisho, kaasi oo looga soo horjeedo mooshinkii laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya.

Banaanbaxa oo ku bilowday dhalinyaro Kooban ayaa is qabsaday meelo kale oo badan, waxaana la sheegayaa inay dadka ku dhawaaqayaan erayo ka dhan ah xildhibaanada mooshinka gudbiyay.

Dadka banaanaxa dhigaya ayaa u muuqdo kuwo lasoo abaabulay, waxaana la qorsheynayaa inay ku kulmaan fagaaraha Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, sida wararka aan ku heleyno.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in maamulka gobolka Banaadir uu qeyb ka yahay dadka ka dambeeya abaabulka banaanbaxayaasha, waxaana ay ka gaabsadeen inay warbaahinta la hadlaan.

Qaar kamid ah guddoomiyaasha Degmooyinka ayaa xalay fariimo u diray dadka madaxda u ah abaabulka Banaanbaxyada, waxaana la filayaa in banaanbaxyada ay sii xoogeystaan.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Saddex sabab oo uu salka ku hayo mooshinka laga gudbiyey Farmaajo (Aqri)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bulshada Soomaaliyeed ayaa aad u hadal haya mooshinka ka dhanka Madaxweyne Farmaajo ee uu qabtay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mursal.

Dadka falaanqeeya siyaasadda ayaa intooda badan waxa ay soo bandhigeen sadex sababood oo ka danbeeya mooshinkan.

1 – Dowlado shisheeye oo u ciil cunay dowladda Nabad iyo Nolol, iyadoona mooshinkan uu yimid kaddib 24 saac markii Guddoomiyaha Baarlamaanku uu shirar albaabadu u xiran yihiin la kala qaatay Safiirada Sucuudiga iyo UK ee ku sugan Muqidsho.

Sucuudiga ayaan la dhacsanayn siyaasada arrimaha dibadda Soomaaliya ee u janjeerta Qatar iyo Turkiga, halka Safiirka Ingiriiska uu ka shaqeynayey sidii shirkado dalkiisa ah loogu wareejin lahaa baaritaanka shidaalka Soomaaliya, arrinkas oo ay dowladdu ka madax adeygtay maadama shirkadaha ingiriiska ay saami aad u hooseeya ku doonayaan qodista shidaalka Soomaaliya.

2 – Mooshinkan waa farriin iyo hanjabaad shisheeye oo loo diray Madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisa, kaddib markii ay ka dhaga adeygtay qorshaha lagu doonayo in Mukhtaar Roobow uu qabto xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed, arrinkan oo ay ka soo horjeesteen Farmaajo iyo Khayre, iyadoona dowladda Ingiriisku ay ku adkaysatay musharaxnimadiisa, lana aaminsan yahay in lacagta uu isku sharaxay ay bixinayaan dalalka Imaaraatka iyo Sucuudiga.

3 – Wasiiradii hore ee uu casilay Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre bilihii la soo dhaafay ayaa hor boodaya mooshinka sida ka muuqata sawirada kulanka lala qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka, arrinkaas oo muujinaya in uu jiro isbahaysi u dhexeeya xildhibaanadii mucaaradka ah iyo kuwo xilal doon ah, waxaana macquul ah in tirada xildhibaanada moshinka keenay ay aad u yaraadaan haddii la meeleeyo, kaddib makii ay Villa Somalia bilowdo dadaalo dab damis ah oo lagu soo afmeerayo mooshinkan.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
[email protected]

Xildhibaano saxiixooda laga been abuuray oo moshinka Farmaajo iska fogeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo magacyadooda lagu lifaaqay mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in saxiixyadooda laga been abuurtay.

Xildhibannadan oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa iska fogeeyay magacyadooda oo lagu xusay mooshinka, waxayna sheegeen in ay sharci la tiigsan doonaan dadkii ka dambeeyay arrintan.

XIldhibaan Sheekh Shaacir iyo Xildhibaan Huddo oo kamid ahaa XIldhibaannada laga been abuurtay ayaa intaas ku daray in maanta dalka uusan u baahnayn carqalad iyo qad, loona baahanyahay in shacab iyo dowladba in gacmaha la is qabsado.

Mooshinka laga keenay Madaxweynaha oo sii jiitamayay muddooyin bilo ah ayaa sii xoogeystay maanta keddib markii Guddoomiyaha Barlamaanka uu ku biiray dadka ka biya diidan siyaasadda Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Hoos ka dhageyso codka xildhibaanada

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
[email protected]

Xog: Yaa ka dambeeya mooshinka FARMAAJO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaa 92 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay gudbiyey mooshin xil ka-qaadis oo ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mooshinka ayaa madaxweynaha ku eedeeyey “inuu ku kacay qiyaano-qaran, kuna xadgudbay dastuurka qaranka, sidoo kalena heshiisyo iyo is-afgarad qarsoodi ah lasoo galay dowlado shisheeye oo sheegay in ay la saxiixdeen Soomaaliya heshiisyo lagula wareejinayo dekadaha Soomaaliya”

Si kastaba Caasimada Online ayaa ogaatay in dhammaan eedeymahaas aysan ahayn waxa  dhabta ah ee madaxweynaha lagu haysto islamarkaana ay tahay arrin ka baxsan kana weyn gacanta Soomaalida.

Sida aan xogta ku heleyno, mooshinka ayaa waxaa ka dambeeya, abaabulkiisana leh, islamarkaana qarashka ku baxaya dhiibaya xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Xildhibaano ka tirsan baarlamanka ayaa maalmahan ka shaqeynayey mooshinka, waxaana jira xiriir laga dhex-waday guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Tuhunka weyn ayaa soo baxay sabtidii, markii guddoomiyaha baarlamanka uu Muqdisho kula kulmay safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya Mohamed Khayaat.

Sidoo kale la-taliyaha guddoomiyaha baarlamanka Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa dhowaan la kulmay xubno ka tirsan sirdoonka dalka Imaaraadka Carabta.

Waxaa sidoo kale jirta in mooshinka uu yahay mid aan cusbeyn, oo intiisa badan la diyaariyey dabayaaqadii sanadii tagtay markaas oo uu fashilmay, balse dib ayaa loo cusbooneysiiyey.

Inta badan qodobada mooshinka loo cuskadaya sida arrinta Qalbi-Dhagax iyo ku xagudubka dastuurka waa kuwa hore loo qoray, waxaana lagu daray oo kaliya qodobo dhowr oo cusub, oo xaaladda daagan lagu dabaqay, ayada oo taariikhdana laga beddelay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qorshe xukuumadda ay ka damacsaneyd Mursal oo ay hal cabqada ka hor-timid

Muqdisho (Caasimada Online) – Hal caqabad oo aan lagu gudbi karin ayaa hor-istaagtay qorshe laga damacsanaa guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal, ka hor inta uusan aqbalin mooshin ka dhan ah madaxweynaha.

Kulamo ay yeesheen madaxda dowladda iyo labada ku xigeen ee guddoomiyaha baarlamanka, ka hor inta aan la shaacin mooshinka madaxweynaha, ayaa looga hadlay sidii laga yeeli lahaa go’aankii uu Mursal kusoo celiyey guddiga maaliyadda baarlamanka, oo xukuumadda ay caqabad u aragto.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Cabdi Weli Muudey ayaa sii jeediyey inuu soo saaro qoraal uu kaga soo horjeesanayo Mursal, kadibna xildhibaanada taageersan xukuumadda ay billaabaan dagaal ugu dambeyn keeni kara in Mursal kursiga laga tuuro.

Si kastaba, kadib wada-hadal dheer, waxaa la go’aamiyey in dagaal lagu qaado Mursal ay dhaawac xooggan gaarsiin karto sumcadda dowladda iyo aragtida ay ka qabto beesha caalamka, sababo la xiriira in dowladda horeyn ay u tuuray Jawaari.

“Haddii Mursal la tuuro, waxaa caalamka uu arkayaa xukuumad dooneysay inaan lala xisaabtamin oo ay isku noqota sharci-dejin iyo sharci-fulin” ayuu yiri xildhibaan xog-ogaal u ahaa kulanka oo ku dhow Muudey.

Waxaa sidoo kale la is-tusay in tallaabo ay qaaddo xukuumadda ay muujin karto in eedeymaha musuq-maasuq ay yihiin kuwa sax ah, taasina ay hogaamin karto in deeqaha caalamka laga gooyo dowladda, gaar ahaan kuwa Mareykanka, Yurub iyo Banka Adduunka.

Ayada oo xaal uu marayo halkaas ayaa mooshinka madaxweynaha waxaa aqbaly Mursal, waxayna hadda u muuqataa inaan dagaal laga fursan doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]  

Xaggee iska arkeen Muuse Biixi & Samatar? (Warbixin)

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa muuqata inay siyaasadda ku kala durkeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Macalin Axmed Ismaaciil Samatar, oo ay halgan siyaasadeed oo xoogan u soo wada galeen in Madaxweyne Biixi iyo xisbigiisa KULMIYE, ku guulaystaan doorashadii kal hore dalka ka dhacday.

Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa toddobaadkan qormo uu ku qoray shabakadda wararka ee Somaliland Chronicle, wuxuu ku duray hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku eedeeyay inuu ka leexday waxyaabihii uu xisbiga KULMIYE ku ololeeyay doorashadii madaxtooyada ee 2017.

Madaxweyne Biixi iyo Macalin Samatar, waxa saaxiibtinimadooda siyaasadeed hore loogu qeexay xumbo deg deg u gudhi doonta, iyadoo laga shidaal qaadanayo sida deg-dega ah ee ay isugu milmeen siyaasad ahaan iyagoon aqoon sal  balaadhan hore isugu lahayn.

Axmed Ismaaciil Samatar, waxa lagu tilmaamaa nin calool xaadhan oo aan qarsan dareenka uu qabo iyo aragtidiisa siyaasadeed, waxaana sidoo kale lagu tilmaamaa nin fudud oo si aan hubsiimo lahayn u dhex gala badweynta siyaasadda, una jeediya cidda aanu hoggaamintooda la dhacsanayn eeddo siyaasadeed oo aanu ka fiirsan.  Inkastoo uu yahay macalin jaamacadeed oo wax ka dhiga jaamacadaha dalka Maraykanka ee horumaray, haddana waxa ay dad badani u arkaan inaanu la haysan wacyiga siyaasadda gudaha ee Somaliland.

Madaxweyne Biixi, ayay isna saaxiibadii ku tilmaamaan hoggaamiye aan iloobin ninka ay maalin uun siyaasad isku seegaan amaba si uun uga horyimaada jidka uu u marayo damaciisa hoggaamineed. Wuxuu caan ku yahay isna inaanu qarsan Karin dareenka uu shakhsi ama koox siyaasadeed ka aaminsanyahay.

Inkastoo uu Madaxweyne Biixi yahay nin furfuran oo kaftan iyo dood badan, haddana saaxiibadii waxa ay ku sheegaan inaanu jeclayn cidda hoggaamintiisa ama aragtiisa siyaasadeed ka hortimaada. Tusaalena waxa loo soo qaadan karaa sida uu uga takhalusay saaxiibkiisii mudada dheer ee Jaamac Shabeel oo eeddo kala duwan oo uu xukuumadiisa u jeediyay ku waayay xilkii xisbiga KULMIYE.

Inkastoo uu Professor Samatar leeyahay miisaan siyasadeed oo culus, haddana waxa suurtogal ah in Professor Axmed Ismaaciil Samatar, mari doono halkii uu maray Jaamac-Shabeel, oo ay qormadan uu ku dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Biixi sabab u noqon doonto  inuu lumo isfahamkii siyaasadeed ee isaga iyo Madaxweyne Biixi.

Si kastaba ha ahaate , waxa uu ifaafalaheedu muuqdaa hirdan siyaasadeed oo u bilaabmi doona Madaxweyne Muuse Biixi iyo Macalin Axmed Ismaaciil Samatar, waana kuwan qodobada uu Samatar ku eedeeyay Madaxweyne Biixi.

  1. Madaxweyne Biixi weli ma’ uu fulin aragtidii la isku ogaa soo ee jiidatay inta badan ee dadka u codeeyey, taas oo mid ka mid ahi ay ku dhisnayd in la sameeyo caddaalad ballaadhan, sinnaan jinsi iyo isir, iyo xilgudasho aad u heersarraysa, arrimahaas oo ah kuwii loo ballan qaaday dalka.
  2. Dhismaha golihiisa wasiirradu waxa uu burinayaa ballanqaadkii ololaha ee soo noqnoqday oo ahaa in uu soo magacaabi doono haween iyo rag ah dadka aqoontoodu sarrrayso ah.

Waxaa intaas dheer, in uu ka baxay wixii la isku ogaa oo ahaa in xukuumadda la soo dhisayaa ay ugu badnaan ku xadaysnaato Labaatan wasaaradood.  Runtii, Biixi waxa uu si degdeg ah dib ugu gurtay hannaankii guunka ahaa ee ceebaysnaa, ee ahaa in la buunbuuniyo magacaabista, (32 Wasiir iyo wasiir ku xigeen), iyo isu dheellitirnaan la’aantii caddaanka ahayd ee bulshada, taas oo illaa u eexanaysay beesha dhexe. (22 iyo 10 iyo gabadh keliya oo wasiir buuxa ah).

Marka la eego calool xumadii weynayd ee ku xeernayd arrinta u xaqsoorka, waxa ay u muuqataa in ay munaasab tahay in aynu dib u eegno aragtidii uu qabay, Michael Ignetieff (Waa siyaasi hore iyo qoraa u dhashay Kanada) “Wada noolaanshiyaha isirka kala duwan, meel kastaba ha ku noolaado ee waxa uu k uxidhan yahayisu dheellitirnaanta awoodaha. Isirrada laga tirada badan yahayna, waxa ay nabad kula noolaan karaan isirka tirada badan, inta ay kuwa tirada badani, aanay badnaantaas u isticmaalayn in ay hay’adaha dawladda ka dhigtaan qalab u daneeya isirka.

  1. Xukuumadda Biixi waxa ay ku sii socotaa, jidkii bilaa xikmadda ahaa, qorshe xumidii, shaqaale liidashadii, iyo hannaankii sida bakhaylnimada ah loo maalgelinayey ee arrimaha dibadda. Taas oo ah xanuunka hayey xidhiidhka ay Somaliland dunida la samaynaysay tan iyo markii ay dib u dhalatay, 27 sano ka hor.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

CC SHAKUUR oo digniin u diray dowladda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo siweyn u dhaliilsan hanaanka siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya ayaa digniin u diray madaxda dowladda Soomaaliya.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir oo kasoo muuqday muuqaal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu kaga hadlay safarka uu maanta ku imaanayo magaalada Muqdisho iyo digniintiisa.

Wuxuu sheegay in maanta sida qorshaha uu ahaa inuu imaan doono magaalada Muqdisho, isaga oo kasoo duulayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu ku sugnaa.

Wuxuu kaga digay dowladda Soomaaliya inay carqaladeyso dadka doonaya inay soo dhaweeyaan siyaasiga, waxaana uu sheegay inay hayaan xogaha ku aadan in la doonayo in dadkaasi laga hor istaago inay soo dhaweeyaan.

“Waxaan uga digayaa dowlada Federaalka inay carqaladeyso soo dhaweynteyda oo aysan baal marin dimuqraadiyadda”ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi.

Siyaasiga ayaa dhaqaalo badan ku bixiyay in dadweyne badan ka qeyb galaan soo dhaweyntiisa, isagoo idaacaddo gaar ah siiyay lacag ay kusii baahinayaan in dadweynaha ka qeyb galaan soo dhaweyntiisa.

La soco waxii kusoo Kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo Video: Muudeey iyo Cawad oo ka hor-yimid mooshinka FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamanka Soomaaliya Cabdi Weli Ibraahim Mudueey iyo Mahad Cawad ayaa kasoo horjeestay mooshinkii laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Labadan mas’uul oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Hargeysa, ayaa sheegay in sharci darro ay tahay in guddoomiyaha uu aqbalo mooshikan.

Muudey iyo Cawad ayaa sheegay in madaxweynaha aan laga keeni karin mooshin sababtuna ay tahay inaysan jirin maxkamaddii dastuuriga ahayd ee go’aanka ka gaari lahayd in sharci ahaanshaha mooshinka.

“Waxaa muuqata in Mursal uu ku deg degay aqbalaadda mooshinkan, waxaana muuqata in uu xanaaqsanaa, mana naqaan waxa uu ka xanaaqsanaa, waxaan leenahay xanaaqa kasoo noqo” ayuu yiri Muudeey.

Mahad Cawad ayaa isna sheegay in Mursal ay u sheegeen in mooshikan uu yahay sharci-darro, oo uusan aqbalin, balse uu ka diiday kuna adkeystay aqbalaadda mooshinka.

Waxa ay sheegeen in dhibaatadii iyo qalalaasihii ka dhashaa arrintan uu mas’uuliyadeeda qaadi doono guddoomiye Mursal, maadaama uu qaatay go’aan jahwareer gelinaya dalka.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]