26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xog: Guddiga maaliyadda BF oo diiday yabooh lacag ka-hor inta aan la kala dirin

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan guddiga maaliyadda baarlamanka Soomaaliya ee la sheegay in maanta la kala diray, ayaa Caasimada Online u sheegay inay diideen yabooh lacageed oo xukuumadda ay u sameyeysay.

Ilaa saddex xubnood oo ka mid ah guddiga ayaa sheegay inuu u yeeray guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad, kana codsaday inay la shaqeeyaan xukuumadda, oo ay joojiyaan eedeymaha musuq-maasuqa.

Arrintan ayaa timid kadib markii guddiga uu soo saaray toddobaadkii tegay warbixin si xooggan ugu eedeysay xukuumadda Kheyre inay musuq maasuq xooggan ku kacday ayada oo lagu la’yahay lacag gaareysay 42 milyan oo dollar.

“Waxaa naloo sheegay inaan lacag qaadanno, oo aan xukuumadda ka joojino eedeymaha, balse waan diidnay” ayuu yiri xubin ka mid ah guddiga oo la hadlay Caasimada Online balse codsaday inaan la magacaabin.

Waxa ay sheegeen in loogu hanjabay in haddii aysan la shaqeyn xukuumadda, la kala diri doono guddiga, lana soo magacaabi doono guddi cusub, taasi oo maanta dhacday.

Xubno ka mid ah guddiga oo ilaa 10 gaaraya ayaa horey ula saftay xukuumadda, kadib markii sida la sheegay ay is-fahmeen, ayada oo aan la macneyn is-fahamkaas.

Xiriir aan la sameynay xafiiska Mahad Cawad, nooma suurta-gelin inaan helno si ay arrintan uga jawaabaan.

Guddoonka golaha shacabka ayaa maanta sheegay in kala diray guddiga miisaaniyada, maalliyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka ee golaha ayadoo gudoonka uusoo dhisi doono gudi cusub.

Warqad kasoo baxday guddoonka oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudeey ayaa lagu sheegay in kala diristan ay ka dambeysay kadib markii xubnaha guddiga ay ku xadgudbeen xeer hoosaadka baarlamanka, islamarkaana xubnaha uu khilaaf soo kala dhex-galay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddoonka BF Somalia oo sheegay in ay kala direen guddigii maaliyadda BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka golaha shacabka ayaa kala diray guddiga miisaaniyada, maalliyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka ee golaha ayadoo gudoonka uusoo dhisi doono gudi cusub.

Warqad kasoo baxday guddoonka oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudeey ayaa lagu sheegay in kala deristan ay ka dambeysay kadib markii xubnaha guddiga ay ku xadgudbeen xeer hoosaadka baarlamanka.

Waxaa sidoo warqadda lagu sheegay in sababta kala dirista ay tahay yada oo xubnaha guddiga ay is-khilaafeen, iskuna hor khilaafeen guddoonka hortiisa.

Warqadda Muudeey ayaa sidoo kale u muuqata in kala dirista ay tahay mid ku timid soo jeedinta guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad, oo si aad ah ugu xiran xukuumadda.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo gyddigan ay dhowaan soo saareen warbixin musuq-maasuq xooggan ku eedeysay xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, oo fadeexad ay ka raacday arrintan.

Kala diristan ayaa muujineysa awoodda xukuumadda iyo sida baarlamanka u noqday meel ay xukuumadda maamusho.

Hoos ka aqriso warqadda.

Sawirro: Taliyaha AFRICOM oo qiimeeyey sida uu arko DF kadib markii Farmaajo uu kula kulmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidadmada Mareykanka ee AFRICOM Gen. Thomas D. Waldhauser ayaa la shaaciyey inuu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya talaadadii shalay ahayd.

Intii lagu guda jiray booqashada ayaa Waldhauser waxa uu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo sarakaiil sare oo ka mid ah ciidamada Soomaaliya.

“AFRICOM iyo dowladda Mareykanka waxa ay taageerayaan dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaalida ah, ayaga oo gacan ka siinaya dadaalka horumar waara iyo xasilooni amni looga hir-gelinayo Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay AFRICOM.

“Waxaan ku faraxsanahay xiriirka xooggan ee aan la leenahay madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisa” ayii yiri Gen. Thomas D. Waldhauser.

Waxa uu intaas ku daray in “Farmaajo iyo maamulkiisa ay horumar wanaagsan ka sameeyeen Soomaaliya ayna caddahay in hadafkoodu yahay nabad xasilooni iyo horumar ka dhaca Soomaaliya”.

AFRICOM ayaa sheegtay in siyaasadda dowladda Mareykanka ay tahay in Soomaaliya ay ka dhaceen xasilooni siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Dhinaca kale Gen. Thomas D. Waldhauser ayaa sheegay in wax kasta oo Soomaaliya ay ka sameeyaan ay ku fuliyaan codsiga dowladda Soomaaliya taasina ay qeyb ka tahay caawimaada siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ay ugu talo-gashay Soomaaliya.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madax goboleedyada oo jawaab ka bixiyey go’aankii gudiga Aqalka Sare (Aqri)

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynaha Maamulka Galmudug  Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxa ay War-Saxaafadeed ka soo saareen Go’aankii Guddiga Aqalka Sare ee xalinta khilaafka dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

War kasoo baxay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda oo hadda uu Gudoomiye ka yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa si buuxda loogu taageeray dadaallada Aqalka Sare.

Sidoo kale Golaha Iskaashiga ayaa qoralkooda waxa ay ku sheegeen inay diyaar u yihiin in Guddiga Aqalka Sare ka gacan siiyaan dhameystirka xalinta khilaafka  dowladda iyo Dowlad goboleedyada.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaano xulufada Xasan Sheekh u badan oo dacwad ka gudbiyey Mahad Cawad

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo ka careysan baaqashada kulanka  baarlamaanka oo maalintii labaad baaqday ayaa dacwad ka gudbiyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka.

Qoraalka kasoo baxay xildhibaanada baarlamaanka lag shaaciyay inay ka dacwoonayaan baaqashada kulanka baarlamaanka inuu door ku leeyahay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad.

Xildhibaanada dacwad gudbiyey ayaa waxaa u badan xulufada Xasan Sheekh ee ku midoobay xisbiga nabadda iyo horurmarka ee UDP.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo baahan yahay in arirntaan Guddoonka baarlamaanka uu wax ka qabto.

Hoos ka akhriso qoraalka xildhibaanada qaar ay soo saareen

HAWL-GAL milatari oo ka dhacay Sacuudiga, xilli laga cabsi qabo afgambi

Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxalsugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa gudaha dalkaas ka sameeyey hawlgallo Militari oo qarsoodi ah kaddib warar sheegayey in ay jiraan isku dayo afgambi isaga lala damacsanaa, sidaas waxaa wargeyska Khaleeji Online u sheegay heesaga caanka ah ee Mujtahid.

“Maxamed Bin Salmaan, kaddib markii uu ka tagay Sucuudi Carabiya, waxa uu u sheegay in ay jiraan qorsheyaal qoyska dhexdiisa ah oo lagu diyaarinayo afgambi ka dhan ah isaga,” sidaas waxaa yiri Mujtahid oo Twitter-ka ku soo gudbiya xogaha Sacuudiga.

“Bin Salmaan waxa uu amray hawlgallo taxadar leh isaga oo ku amray ciidamada ilaaliya boqortooyada ee ku kala sugan Bariga iyo Galbeedka Riyaad in ay ka hortagaan afambi” waxaa sidaas Khaleej Online u sheegay Mujtahid.

“Haddii uu Amiir Axmed dalbado in xukunka lagala wareego boqor Salmaan , waxa uu heli doonaa 95% taageerada qoyska, taas waxa ay walaac ku haysaa boqor Salmaan.”

Amiirka mucaaradka ah, Ahmed bin Abdul Aziz al Saud, waxa uu ku soo laabtay caasimadda Riyaad kaddib sanad uu ka maqnaa, waxaana si diiran u soo dhaweeyey Maxamed Bin Salmaan.

Sida ay qortay New York Times, Ahmed Bin Abdul Aziz waxa uu ku soo laabtay Sucuudi Carabiya salaasadii, October 30, sida ay sheegeen saddex Sucuudiyaan ah oo ku dhaw boqortooyada  waxaana madaarka ku soo dhaweeyey Maxamed Bin Salmaan.

Amiirka waxa uu doonayaa in uu kaalin ka qaato is bedelada, taas oo ka dhigan in uu door lixaad leh ka ciyaarayo iyo dib u habbeyn lagu sameenayo qoyska boqortooyada ama in uu gacan ka geysto in la doorto qof bedela Bin Salmaan.

Tan iyo khamiistii, dhaxalsugaha waxa uu booqasho ku marayaa dalal caalamka ah oo Imaaraadka uu ku jira, taasi oo ay ahayd meeshii ugu horreeysay oo uu tago socdaal uu ku kala bixinayo dunida oo ay ku jiraan wadammo carbeed.

Waa safarkii kowaad oo uu Bin Salmaan ku baxo kaddib dilkii wariye Jamal Khaashuqji, oo isaga loo haysto.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

 

Xildhibaan C/llaahi Nuur oo ka jawaabay hanjabaadda xukuumadda “Ma ahi Nin la cabsi geliy” + Dhageyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in hanjabaad joogto ah uu la kulmayay saacadihii ugu dambeeyay.

Wxuu sheegay in labadii maalin ee lasoo dhaafay ay soo gaareen ilaa shan fariin oo isaga loogu hanjabayo, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa arrimaha ugu badan ee loogu hanjabay ku sheegay inay tahay arrinta la xiriirta maaliyadda, isaga oo sheegay in lagu wargeliyay inuu arrimahaasi faraha kala baxo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hanjabaada ay tahay mid fariimo loogu soo dirayay iyo mid toos loo hor imaanayay,”Anigu ma ahi dadka handadaada ka cabsada, laakiin inaha ay quseyso ayaan la wadaagi doonaa”ayuu yiri xildhibaanka.

Hadalka Xildhibaanka ayaa yimid ka dib  markii dhawaan uu sheegay  xoghayaha ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed in ay jiraan Suxufiyiin dowladda handaday iyo kuwo ay xabsiga dhigtay, taasina ay tahay wax laga xumaado.

Hoos ka dhageyso codka Xildhibaanka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

3 musharax ee wareegyada dambe ee doorashada K/G isugu soo hari doonta

Baydhabo (Caasimada Online) – Lix Musharax ayaa isugu Soo haray doorashada Koofur Galbeed, kadib markii shalay Musharixiintii ugu badnaa ay ka tanaasuleen doorashada madaxweynaha iyaga oo wakiishay Mukhtaar Roobow Mansuur.

Lixda Musharax ee isku soo haray ayaa Seddex kamid ah la saadaalinayaa inay isugu soo hari karaan wareegyada ugu dambeeya ee doorashada, waxaana la hadal hayaa in xubno taageero ka helayo dowladda ay ka mid yihiin dadka ugu cad cad.

Lixda Musharax ee isku soo haray ayaa kala ah:-

1- CabdiCasiis Lafta gareen 2- Mukhtaar Rooboow 3- Ibraahim Macalin Nuur 4- Xuseen Cismaan Xuseen 5- Amb Sayid Axmed 6- Aadan Saran Soor

Seddexda Musharax ee isku soo hari kara ayaa kala ah Cabdi Casiis Lafta Gareen, Mukhtaar Roobow iyo Xuseen Cismaan Xuseen, waxaana la dhayalsan karin Aadan Saran soor oo isna taageero heysta.

Lafta Gareen ayaa ah ruuxa sida weyn loo hadal hayo inuu taageero buuxdo ka helayo dowladda Soomaaliya, laakiin markaan waxaa fursad kale helay Mukhtaar Roobow oo musharixiin uu kamid yahay wasiirkii maaliyadda uu u tanaasulay.

Haddii Aadan Saransoor iyo Mukhtaar Roobow ay usoo gudbaan wareega ugu dambeeya ee doorashada waxaa la saadaalinayaa inay iskuugu shubi karaan wareega ugu dambeeya iyaga oo ka horjeeda in musharaxa dowladda Dooneyso uu guuleysto.

Labo maalin kadib doorasho adag ayaa ka dhaceysa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana ku loolamaya musharaxa dowladda Soomaaliya ay dooneyso iyo Musharax mucaaradka ay wataan.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Maalintii ay Soomaaliya Mareykaka bartay sida Africa loo xushmeeyo

Sanadkii 1991 waxa ay kooxo hubeysan Somalia ku afgambiyeen Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Waxaa qarxay dagaallo sokeeyo oo horseeday gaajo ba’an; ugu yaraan waxaa la dilay saddex boqol oo kun.

1992, golaha amniga ee Qaramada Midoobay waxa ay sameeyeen hawgal oo ujeedkiisu ahaa sidii cunto loogu geyn lahaa dadka Jamhuuridda Somalia. Hase ahaatee, maalintii ugu horreeysay kolonyadii garaarka waxa ay bilaabeen in ay la kulmaan caqabado uga imanaayey dagaalyanahada hubeysan ee maxaliga ah.

Cuntada kaliya waxaa lagu gudin karay in lacag la siiyo maleeshiyada. Taas waxaa dheeraa, cuntada xataa ma gaari jirin dadka baahan. QM waxa ay go’aansatay in ay sameyso ciidamo nabad ilaalin ah oo ay ka mid ahaayeen 20 dal, Mareykanka wuu ku jiray.

Hase ahaatee, farogalinta arrimaha gudaha ee Soomaaliya ee caalamiga ah waxa ay mushtamaca kala kulmeen dagaal uu hoggaaminayey madaxii isbahaysiga qaranka Somalia (Somali National Alliance) ama SNA, Jeneral Maxamed Faarax Caydiid, kaas oo dagaal ku iclaamiyey nabad ilaaliyaashii.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada QM iyo kooxaha hubeysan waxa uu bilowday markii la qabsaday Raadiyihii SNA-da taas oo ay ciidamada nabad ilaalinta UN-ka ku sheegeen in ay kicin waday. 5-tii bishii Juun ciidamada nabad ilaalinta waxaa soo gaaray khasaarihii ugu horreeyey.

Markii ugu horreeysay waxaa weerar qorsheysan lagu dilay 24 askari oo Pakistani ah, isla maalintaas kaddib waxaa weerar lagu qaaday dhawr kooxood oo nabad ilaaliyeyaal ah. Iyaga oo ka jawaabaya, ciidamada cirka ee Mareykanka waxa ay duqeymo u geysteen xarumaha kooxaha hubeysan iyaga oo burburiyey xaruntii Isbahaysiga qaranka Soomaaliya, raadiyihii iyo gurigii Caydiid.

Hase ahaatee, ficilkii ceynkaas ahaa kaliya wax uu si xumeeyey xiriirkii dadweynaha iyada oo ay dhalisay in bulshada go’aan dagaal ka gaaraan Mareykanka. Hase ahaatee, hoggaankii QM waxa ay go’aan ku gaareen in la soo qabto iyada oo madixiisa la dul dhigay 25 kun oo dollar-ka Mareykanka ah.

Soo qabashada Caydiid waxaa hawlgalkiisa loo xilsaaray ciidamada gaar ah ee Mareykanka iyada oo kooxda xeeladda gaarka ah lagu soo daabulay Soomaaliya (Tactical Ranger Forces). Kaddib markii ay sameeyeen dhawr hawgal oo muran dhaliyey, laguna khasaaray, Mareykanka waxa ay si KMG ah uga wareegeen Caydiid iyaga oo beegsaday saaxiibadiis.

Hadafka Mareykan-ka waxa uu ahaa soo qabashada Cumar Salaad oo ahaa la taliyaha Caydiid, October 3-deedii 1993, kaddib saddex maalin oo ay dheceen dibadbaxyo looga soo horjeeday Mareykanka waxa uu qorshaha ahaa in la joogo dabaq saddex fookh/biyaano ah oo xataa sida la sheegay Caydiid ku jiray.

Mareykanka oo halkaas ugu magacdaray xaafadda Badda Madow,  waxaa daganaa inta badan taageereyaasha Caydiid kuwaas oo haystay hub wanaagsan. Sida laga soo xiganayo dhawr khiyaas oo la sameeyey dagaalyahanada waxa ay tiradooda u dhexeeysay 2 kun ilaa iyo lix kun. Mareykanku waxa uu qorsheeyey in 160 ciidamada gaarka ah ay ku hawlgalaan laakiin wanaag uma ballan qaadin isku daygaas.

Hawlgalka waxa uu bilowday 3pm (Galabkii). Ciidamada Mareykanka oo adeegsanaya Helicopter ayaa bilaabay in ay ku soo dagaan dhismaha waxa ayna bilaabeen in ay hub ku rideen daaraddiisa. Hase ahaatee, wax daqiiqad ka yar waxaa jug culus ayaa uga timi dhisme kaas ku dhawaa ciidamadii gaarka ahaa. Jawaabtii kooxaha hubeysan waxa ay la yaab aan wanaagsaneyn ku noqotay Mareykanka.

Hase ahaatee, ciidamadii gaarka ahaa waxaa u suurtagashay in ay qabtaan Cumar Salaad iyo 23 ka mid ah Isbahaysiga Qaranka Soomalya laakiin Maxamed Faarax Caydiid guriga ma joogin. Horjoogeyaashii kooxihii dableyda ahaa iyo ciidamadii waday waxa ay galeen gaarigii Hammer-ka kaas oo yimi goobtoo hawlgalka, laakiin wadaddii xornimada ayaa ku noqotay mid dheer.

Saacado gudohood, jidadkii Muqdisho waxaa la wada dhigay jidgooyooyin, iyaga oo wajahayey caqabaddi labaad, kolanyadii Mareykanka waxaa lala beegsaday duqeymo culus.

Intii ay ciidamada Mareykanka wadeen iska caabinta waxaa la soo riday diyarad Helicopter ah oo siday 6 askari. Ciidmadii gaarka ahaa waxaa loo diray in ay badbaadiyaan diyaaradda soo dhacday waxa ay dagaal qaraar kala kulmeen kooxihii hubeysnaa.

Iska horimaan fool ka fool ah ayaa qarxay waxaana la sheegay dhawr saac godhood in la’iskuriday lixdan kun oo rasaas ah.

Saacad walba waxaa xumaanayey xaaladda sideetanka ciidamada Mareykanka ee hareereysnaa. Rasaasta ka yaraaneysay, biyaha iyo daawada. Waxa ay saqdii dhexe ku baxsadeen kaddib markii ay u yimaadeen ciidamo gurmad ah oo ka socday nabad ilaaliyeyaashii.

Dhammaan dagaaladdii ka dhacay jidadka Muqdsho, ciidamada gaar ah waxa ay ku dileen 18 halka 84 kale dhaawac soo gaaray. Intaas waxaa dheer kooxaha hubeysan waxa ay bur buriyeen diyaaraddii Black Hawk, saddex gaariwada qafilan ah iyo hal kuwa xamuulka ah.

Dabaaldagga carruurta Soomaaalida kaddib markii la soo riday diyaaraddii Black Hawk

Marka la qiimeeyo in ciidamada ugu wanaagsanaa ee gaarka ahaa ka qeybgaleen hawlgalka, natiijadii ka dhalatay waxa ay ahayd ‘MASIIBO’. Guuldaraddii Soomaaliya waxa si xanuun badan u liqay wasiirkii difaaca ee Mareykanka Les Aspin kaas oo durbadiiba is casilay.

Wixii ka dhacay Muqdisho waxa ay dhaliyeen jawaab bulsho oo Mareykanka ah taas oo uusan ka jawaabi kareyn madaxweyne Bill Clinton. Amarkiisa, waxaa lagu joojiyey dhammaan hawlgaladdii uu Mareykanka ka waday Soomaaliya, bishii Maarso 31-keedii, waxaa loo qorsheeyey bixitaankii ciidamadii ugu dambeeyey ee Mareykanka. Waxaa la soo gabagabeeyey heshiis lala galay hoggaamiyihii kooxaha hubeysnaa ee Soomaaliya, Caydiid.

W/Q: Joel Savage
W/T: Caasimada Online

Hagbadleyda Puntland oo ku qoslaysa golkii nabad iyo nolol ay ka dhaliyeen

Dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay isbadal xoogle oo dhanka siyaasada,  nabad galyada, dhaqaalaha iyo dawladnimada ah kadib curashadii  hogaanka dalka loogu doortay Mudane Madaxweyne Muxamed Cabdullahi 8/2/2017.  Dawlada fadaraalka ee Soomaaliya ayaa leh hadaf cad oo guud ahaan dalka ku soo dabaalaya nidaamkii iyo kala danbayntii dawladnimo ee burburtay 1991-kii.

Mudo ka yar laba sanadood markaad eegta waxqabadka halkay dawladu dalka ka qaaday iyo halkay maanta gaarsiisay, waa mid qofkii damiir leh oo iimaan leh oo wadaniyad lihi ku farxo kuna faano kuna qanco.  Mudadu yaraa oo wax qabadku badanaa! Mahad alle weeye. durba ciidamadii qarankaa inoo dhismay oo bilaw fiican ah, durba hawadeenii ayaan lasoo wareegnay rag haysatay, durba caasimadeenii ayaa aduunkii kusoo dhiiraday oo nabad laga dhigay, durba diyaaradihii aduunka oo nabada ka faa iidaysanaya iyo dawladnimada Soomaaliyeed ee taaba gashay, ayaa garoonkeenii Adan Cadde saf uugu jira.

Durba dawladihii dariska ayaa inoola dhaqmaya siday inoola dhaqmi jireen markayno xiniinyaha lahayn shalay ee aynu ahayn dawlad jirta,  durba wadamadii aduunka haday ahaan lahaayeen reer galbeed, dunidii carbeed, tii muslimka, Aasiya iyo Afrika oo dhan ayaa inagu soo qamaamaya iyagoo raba xiriir iyo wax wada qabsi dhulkena hodanka ah in ay la yeeshaan.

Durba Afrika iyo aduunkaba waxaa ka socda codkeena iyo soo jeedinteena, oo aad arkaysaan in taladii madaxweynaheena Farmaajo lagu nabadeeyay, Ethiopia, Erataria, Jabuuti, Suudaan, Masar,  Uganda, iyo Kenya iyo Soomaaliya.  Waxaan ka qaadanay kuna biirinay heshiiskaa qaarada oo talo la qaatay oo hirgashay.

Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba waa jecel yahay dawladan fadaraalka ah ee samata bixinaysa dalkeena hooyo.  Waxay dawladu la kulantay dhibaatooyin aan la xisaabin karin, oo dalkeena dhex yaala; nina kama sugayo in ay maalin ku xaliso dhib soo jiray ku dhawaad nusqarni.  Hadaan soo qaadano bal hada hal dhib oo ka mid ah kuwa ay wajahayso dawladeenu ayaa wuuxu yahay.

CAQABADAHA MAAMUL GOBOLEEDYADA: Maamul goboleedyada ama dawlad goboleedyada fadaraalka Soomaaliyeed, waxaan wada ogsoonahay in ay ka dhasheen xiligii dalka Ethiopia ay ka talinayeen TEGREEGII cadawga Soomaaliyeed ahaa.  Waxay inoo soo gudbiyeen waxay ugu yeereen fadaraal, oo dalkeena laga aqoon, fadaraalku waa nidaam jira dunida oo dawlado ku dhisan yihiin, laakiin lama gato badeecadkastoo suuq taal ee wixii adiga kaa anfacayaa laga taa oo baahidaada ah iyo dantaada.

FADARAAL macnaheeda waxa uu yahay, dad aan waxbadan wadaagin oo aan is qaadan karayn, wax u dhaxeeya oo lagu haynkaro ayaa layiraahdaa FADARAAL. Hadaba Ethiopia tusaale ahaan waa kala diin, kala af, kala dhaqan, dawladna way rabaan wadaag ah oo ka dhaxaysa, hadaba waxaa xal u ah nidaamka fadaraalka waana qaateen. Markay timaado inaga soomaalida ah waxaynu nahay dad isku isir ah, isku diin ah, isku af ah, isku midab ah, wax kala duwaansho ahi majiro soomaali waa uun soomaali mahadaa illaahay baa iska leh.  Hadaba sidaa ayaynaa waahoreba u qaadan fadaraal maadama dalkeena uusan uqabin baahi.

Hadaba dadbaa ku andacooda oo qiil uuga doondoona fadaraalka, dadkeenaa laysugu keenayaa oo dawladnimo ayaan ku dhisanaynaa iyo wax lamid ah, kolkaa hada waa iskuwada raacsanahay in aan wadano nidaamka fadaraalka ah.  Hayeeshee maha mid inaga inaga yimid oo aynu xal u aragnay, ee waa mid TIGREE inoo keenay kuna dhisay maamul goboleedyada dalkeena.  hadafkiisuna Tigreega waxa uu ahaa qaab cusub oo u keeni kara soomaali mudo dheer in ay is fahmi waydo, kuna jirto fadaraal qablilaysan oo aan ahayn fadaraalka dunidu taqaan.

Hadba waxaan leenahay haraadigii Tigreegu, waxay hore u ahaa yeen caqab hortaagan in dawlad dhexe oo xoogleh oo fadaraal ahi ka dhalato dalkeena, waadna aragteen in dawlad walba oo tan ka horaysay ay dhaqaaqi wayday oo lugaha ay ku dhageen.  Maxaa yeelay nin walba madaxweyne ayaa loogu yeeraa, bilwalbana malaayiin doolar ayuu helaa, markaa ma doonaayo dawlad xoog leh oo dalka ka dhalata,  qabiilkiisii uu ka dhashayna wuu isku hareereeyay xarantayna la cunaan.

Markii dawladani dhalatay, markiibii dagaal bay ku qaadeen, dhan walba ah. Dagaalka dawlada lagu qaaday in aysan hirgalin, waxaa ugu daran Puntland oo waxayba gaareen heer, dawlad goboleedyadii dalka ay isu keenaan oo shaqadii dawlada dhexe ee fadaraalka ah qabtaan iyagu sidii iyagoo dalka xukuma oo soomaali dooratay.

Hadafkoodu waxa uu ahaa in laga tuuro kursiga hada faramaajo, hadii lagu guul daraystana doorashada soosocota ay iyagu hogaanka sare ku guulaystaan. waxayna ka dhameeyeen dawlad goboleedyadii oo dhan mashruucaas. Soomaalidaa ku maah maahda “Sirmaqabe saabaa biyo u cesha” Dawladeenii waxay ku baraarugtay dhagarta intay qodontahay, kolkaas ayay go aan satay in dawlad goboleedyada boodhaka laga jafo,  waajibna ay tahay in laysla jaan qaado oo loowada adeego danta dalka iyo dadka ayadoo laraacayo rabitaanka shacabka oo ku salaysan maslaxda dalkeena.

Dawladnimadu macaanaa! halmar unbaa la arkay shantii shaydaan ee tigreega hoos fadhiday, oo gudoomiyaha samaystay, oo kolba ku shiraayay gobolada dalka, oo noqday,  oo libaax ku dhax dhacay!! hadee miyaan ka sheekayn karaaba fiigoodii ilaa kenya waa sii marayay waa maqlaynay.  caqli xumo waa nimanka fahmi waayay hade awlaba tigtee ayaa meesha idinku hayay isgiina daadkaa qaaday.  waxaa layiri “Dawaco meeshay malabsi uuga baratay, ayay macaluul uugu bakhtidaa”

Dawlad layskuma taag taago,  hadaba dawladeenu si weyn ayay uuga guulaysatay dawlad diidkii isbahaysi ee soomaali hortaagnaa waana lakala adkaaday.  dawladii iyo shacabkii Soomaaliyeed ayaa guulaystay.  Waxaan idin waydiinaa soomaaliyeey, away ningii Gaas ahaa ee madaxda u ahaa maamul guboleedyada dalkeena? Mar labooqday isagoo kusugan waxaan dhaamin sariir hoosteed! ayaa niman akhyaara oo reer Puntland ubadan ay booqdeen gurigiisa.

Waxay warsadeen  Mudane madaxweyne Dr. Gaas, waydan olole xoog leh ayaad waday, goboladii dalkana waad isku dubariday, shirar badan baad qabatay, laakiin ayaamahan laguma hayo, edeb ayaad yeelatoo saaxafada xataa ma ka hadashid, marka aqoontaadii miyaad boodhka ka jaftoo ku bartay edebtaan kaa muuqata iyo gaabsashadaan?

Wuxuu yiri Dr. Gaas jawaaab nin wali qosol aflabadii yeeray “Adeerayaal dhirbaaxadii shariifsakiin ku dhacday ayaa ishaa iiyeeshay aamuskana ibartay”

Waji cusub iyo dhagar loo dagay dawlada fadaraalka, marlabaad, ayadoo laga duulaayo doorashada 2020 dalkeena hadii illaahay idmo. Markay arkeen in markaan laga adkaaday, waxay badasheen shaadhkii, khamiis cad ayaa loo soo xirtay Madaxweyene farmaajo iyo Madaxtooyada Soomaaliya.  Waxay xasuusan yihiin isbadalka socda iyo wixii shariifka ku dhacay.

Waxaa lagu guulaystay in madaxtooyada Soomaaliya, laga dhaadhiciyo, in ay Puntland majaraha u qabtaan Dr. Gaas kadib 2019, dad taageersan dawlada fadaraalka ah, oo kabadalan tii Dr. Gaas.  waxaana lagu beer laxawsaday in loo hayo nin baari ah oo lashaqaynaya dawlada fadaraalka ah amarkeedana u hogaan samaya.  waxaana lagu salaaxay in xisbi nabad iyo nolo taageersan oo codsiinaya 2020 laga hirgalinaayo Puntland. Dawladu waa u guuxday saxankaa loo saaray madaxa kore ayayna ka cayaareen!

Waxaa loo soodiray Mogdisho nin daganaa, oo taksiile ka ahaa maraykanka, marna meelaha caruurta lagu hayo ku lacag qaadan jiray, laakiin hada sheegta in uu yahay milyaneer!! aduunkoo dhan laga yaqaan, ayaamahana qaybinaayay, laaluush lagu doorto Puntland gudaheeda iyadoo shacabku is waydiinaayo halkee katimid lacagtaani? Ninkan oo lagu magacaabo Maxamuud Khaliif Jabiye.  Jabiye oo ah mid ay Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, mudane Cumar Sharmarke amray saaxiib kii Dr. Gaas fulinta mashruucaan laga soo qaaday Mogadishu, kharashkana Gaas waa diiday waxaa jira tuhun dhanka Sharmarke ah.

Dawladu waxay soo siisay Maxamuud Khaliif gaariga aan xabadu karin, diyaarad ayay Mogadishu uuga soo qaaday kuna keenta garoonka magalada garoowe, jabiye iyo baabuurkaas, Dr. Gaasna waa soo dhaweeyay guushaas. Cumar oo malaayiin doolar ka helaya dawlada Emaradka saaxiibo uu ku leeyahay ayaa salaxday Puntland iyo jubaland codkooda 2020.  markii ninkan la diray jabiye uu Mogdisho kula kulmay madaxda qaranka u saraysa,  ee arinkii hirgalay ayaa waxaa xaflad gaara dhigtay Hagbadleyda Puntland,  waxaana Mogadishu laga dhaadhiciyay in markaan ay tahay markoodii ninkanina yahay mid daacad u ah dawlada fadaraalka ah.

Waxaay heleen waxay rabeen oo dadban, waxayna doonayaan in ay lumiyaan kalsoonida shacabka Puntland ku qabaan dawlada fadaraalka ah ee Mogadishu fadhigeedu yahay, waxayna ogyihiin sida shacabka Puntland u rabaan madaxweyne farmaajo iyo raysal wasaare khayre oo ay uugu soo dhaweeyeen Puntland, taasoo ay kaxumaayeen hadana ku dadaalayaan kala shaki galin iyo fidno dhexmarta.

Waxay shacabka Puntland ku faraxsan yihiin isbadalka dalkeena ka dhacay, waxayna doonayaan isbadal ka dhaca Puntland iyo in laga baxo hagbada 20 jirsatay ee dikteeytar ee Garoowe.  Dadku waa garanayaan in baabuurka lasiiyay Jabiye oo ah isla noocii ay Baydhabo ka dijisay uu yahay mid lasiiyay Dr. Gaas mid lasiiyay cumar oo ka dhigan ninkii doontuu saaraa bad wayn dhexdeed dalooliyay!. markaa waxaan leenahay waa gool haduu u hirgalo quruxbadan oo laga dhaliyay Mogdisho 2020 doorashada.

Waxaanse lasaadalin karin siyaasada Mogadishu oo ah mid qodo dheer.  Dadka Puntland maha dad loo soo hulaabto oo lamaro, waxaana ka go an isbadal dhab ah sanadka 2020  (no more hagbadleey)  hor istaagta dawlad Soomaaliyeed oo dalka o dhan hanata.

Waxaan higaadin doonaa hab usocodka isbadalka dalkeena, anigoo idiin soo bandhigi doono arrimaha siyaasada ee qarsoon.

W/Q: Yuusuf Cumar
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xikmadda ka danbeysa in CC Shakuur uu ka jawaabo hadal kasta oo kasoo baxa madaxweyne FARMAJAO

Badanaa ma hadal badna madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, hase ahaatee, waxa uu mar mar tuurtaa hadallo NAANEYS noqda saameyn weynna yeeshaa,

Waxaa aad loo xusuustaa hadalkiisii ahaa “siyaasiyiinta xanaaqsan!” iyo “waali ayey ku dhawyihiin!”

Hadaba, inta badan waxaa ka soo falceliyey oo baraha bulshada siiba Facebook soo tiigsada siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ahaa musharixiintii xilka madaxweynenimada 2017.

Aqri sida uu uga soo falceliyey hadalkii ugu dambeeyey ee uu nairobi ka sheegay Farmaajo. Wuxuu Cabdiraxmaan yiri:-

Saaxibkey ayaa i waydiiyey ra’yigayga ku aadan khudbad uu xalay jeediyey Madaxweyne Farmaajo. Waxaan ku iri Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay waalida Soomaaliduna waxay tiraahdaa

“Waalida ninkii soo maraa laga waraystaa”. Waxay kaloo tiraahdaa “Xilku wuxuu u baahan yahay Xikmad”.

Abwaan Dhoodaan oo arrinkaas ka hadlayana wuxuu yiri

“Barashada xaggeediyo cilmiga, kii aan ku xisaabno

Shahaadooyinna u xaadiree, dhowr xilliba qaatay

Xafiis kaligii uu maamushey, xiiso ka hayaane

Xikmada asaageen watee, xoogga lagu yeesho

Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe?

Hadaba waxaa is weydiin mudan, waa maxay xikmadda ku jirta in CC Shakuur durba ka soo falceliyo hadallada kulkul ee Farmaajo?

Dowladda ay hoggaamiyaan Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Xassan Cali Kheyre waxa ay leedahay mucaarad tiro ahaan badan, xooggan oo dal iyo dibadba ku nool, taas waxa ay muujineysaa in hadaladda sarbeebta ah ama weerar siyaasadeedka ah ee labadooda ka soo baxa in aysan si gaar ah shaqsi ama koox kuwaas ka mid ah ku socon.

Maxaa keenay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur si kulul oo waliba aflagaado qaawan wadata uga soo jawaabo?

Halkan waxaa ka muuqata in siyaasiga doonayo in uu bulshada ka iibiyo in farriimaha Farmaajo kaligii ku socdaan oo aysan jirin siyaasiyiin kale ama mucaarad kale oo uu ula danleeyahay.

Caadiyan, Madaxweyne Farmaajo waxaa uga dhib badan ugana miisaan culus CC Shakuur xildhibaano badan, Daljir, Dhaamujadiid, Cumar Cabdirashiid oo la fahansan yahay in uu gadaal ka hago Cabdiraxmaan Cabdishakuur balse siyaasiga waxa uu doonayaa in uu ISKA SARREEYSIIYO intaas oo dhan oo uu MUCAARADNIMADA kaligii qaato! Maxay Faa’ido u leedahahay CC Shakuur?

Haddii ay u suurtagasho in uu bulshada ka iibiyo in Madaxweyne Farmaajo isaga ku dhaga hadlo oo uu farriimaha siyaasadeed ku rido! Waxaa halkaas uga soo baxaya MUDNAANTA mucaaradnimo in la siiyo isaga oo uu noqdo HALBEEGGA kuwa naqdiya dowladda!!

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

 

Dhismooyinka ciidamada cirka Somalia oo ay xoog ku haystaan shisheeye

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya Generaal Maxamuud Sheekh Cali (Dable-Beyloot), ayaa shaaciyay in wali gacanta ciidamada cirka ay ka maqan yihiin dhismooyinkii iyo xarumihii ay daganaan jireen ciidamada Cirka ee dalka.

Taliye Dable-Beyloot ayaa isaga oo warbaahinta la hadlayay wuxuu sheegay in shirkado gaar ah ay gacanta ku hayaan dhulkii iyo xarumihii  ay lahaayeen ciidamada cirka ee dowladda Soomaaliya.

Shirkadaha gacanta ku haya dhulka iyo xarumaha ciidanka Cirka ayuu tilmaamay inay leeyihiin shaqsiyaad Soomaali ah iyo Dad ajaaniib ah, isaga oo sheegay in looga baahan yahay inay soo wareejiyaan.

Shirkadaha ay leeyihiin Soomaalida iyo Ajaaniibta ayuu qaarkood sheegay, waxaana uu dowladda ugu baaqay inay arimahaasi wax ka qabato.

Taliyaha ciidamada cirka ayaa tilmaamay in haddii shirkadahaasi dowladda ay la og tahay loo baahan inay cadeyso “Dowladda haddii ay la ogtahay waxba ma dhibeyso, oo KMG waa lagu heysan karaa, laakiin haddii aan lala ogeyn waa dhibaato”ayuu yiri Taliyaha.

“Wey badan yihiin shirkadaha, hal iyo labo maaha, Soomaali iyo ajaaniib ayay ka kooban yihiin”ayuu hadalkiisa ku daray taliyaha ciidamada cirka dowladda Soomaaliya Generaal Dable-Beyloot.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu u faafayaa fikirka Al-Saadicuun? Waxaa qoray Cabdiraxman Cabdishakur

Al- saacdicuun waa koox diineed ka soo diga-rogatay Jamacaada Al- Dacwah Walhijra, ama Jaamacada Muslimiinta (sida ay isku yaqaanaan) ama Jaamacada Altakfiir Walhijra (sida loo yaqaan) laakiin magaca beddelatay ee la baxday الصادعون بالحق”, oo Af-keenna marka lagu fasiro noqoneysa “kuwa aan xaqa la gabban”

Sanad ka hor ayaan maqaal ka qoray kooxdaas, http://aawarsame.so/Blog/194-2/, laakiin waxaan maanta ka hadlayaa ma aha iyaga iyo waxa ay u taaganyihiin ee waxaan doonayaa in aan ka hadlo muxuu fikirkoodu ugu faafayaa si xawli ah?

Aniga oo isha ku haya dhaqdhaqaaqa kooxdan iyo sida xirfadaysan ee ay uga faa’iidaystaan warbaahinta baraha bulshada, ayaa subax aan sii dheerayn waxaa i soo wacay nin dhallinyaro ah oo ka walwalsan sida ay dhallinyardii ugu hoobteen qaadashada fikirka kooxdan.

Waxaan u kuurgalay sababta uu fikirka kooxdaan sida aadka ah ugu faafayo. Waxaa ii soo baxday in uusanba jirin fikir kale oo kooda dhinac yaal.

Fikir la’aan

Dunida Islaamka, Carabta iyo Afrikaba waxaa ka socda doodo aan kala go’in oo fikir iyo aydoolijiyad la isku hayo dhinaca fikirka diiniga ah ee ay hor boodayaan kooxaha Islaamiyiinta kala duwan, Ikhaawanul Muslimiin, duruqu Suufiya, Salifiyada iyo Caqlaaniyiinta. Dhinaca kale iyana waxaa jira Qowmiyiin, Calmaaniyiin, Liibaraaliyiin midigta xiga, Sooshaalista bidixda xiga, doodaha la xariira boor ka jafista fikirka Islaamiga ah iyo sida ay iskula jaanqaadi karaan dawladda casriha ah, gaar ahaan nidaamka dimoqoraadiga.

Soomaaliya kama jiro suuqa fikirka iyo mid afkaareed toona. Ma jirto cid xiisanaysa fikirka oo aasaas u ah nolasha bani’aadamka, xil, xoolo iyo xoog aysan fikir iyo aragti hagaynin waa tacab qasaaro oo burbur horseedi kara

Fikirku waa kan gundhiga u ah nolosha bulsho, dhaqan, siyaasad iyo dhaqaale, suugaan, masraxiyad, sheekooyinka, doodaha iyo qoraalladu waxay ka midyihiin hidde tebinta bulshada. Waa muraayadda ay jiilalka iyo faca mustaqbalka ka dheehan karaan fikirka, dareenka, dooqa, himillada iyo hamiga awooweyaashood.

Fikirka oo ah curiyaha aragtida, nolosha isbedelkeedana horseeda wuxuu ka noqday dalkeenna saylad macaamiil la’aan ah. Kooxihii Islaamiyiinta ee kala duwanaa sidii ay u galeen ganacsiga, samafalka iyo siyaasadda waxa ay mudnaanta siiyaan ilaalinta danaha ay ku hawlan yihiin. Waa jiraan culimo ganacsato u badan oo dadka xoogaa wacdi ah ku tuurtuura, oo aan raadeyn badan lahayn.

Iyadoo aysan awalba Soomaaliya ka jirin loolanka dhinaca fikirka iyo aragtida siyaasadda ayaa haatan waxaa la oran karaa siyaasadda Soomaalida waxa ay ku sifowday waxa uu aqoonyahankii Faransiiska ahaa Jean Bayart ugu yeeray siyaasadda caloosha (Politics of The Belly).

Kolkii kooxda keli ah ee fikir iyo aragti suuqa la taagan ay Al-saaciduun noqoto, waxaan marna la yaab lahayn in jiilka dhallinyarada ee u ooman fikirka iyo aragtida ay dhinacooda u jabaan. Dalkeena oo ay dhallinyaradu 70% ka badan yihiin, waxay ka daaleen colaadda, cabsida, qabiilka, nacaybka, waxaa kaloo aad u niyad jebinaya dhaqanka siyaasadeed ee calool u shaqaysiga ah.

Dhaqaale-yahankii Ingiriiska u dhashay
John Maynard Keynes oo ahaa hindisaagii aragtida (Macroeconomics) ayaa laga reebay In uu yiri “fikir ayaa taariikhda beddela, laakiin dhibku kama jiro curinta fikir hor leh, ee waa ka guurka kan lagu dhegganyahay”.

Horumarka bani’aadamka waxaa aasaas u ah feker wax curiya, suugaan xaaladda ka warranta iyo aragti garaadka dhista, sida uu jirka ugu baahanyahay raashin tamar siiya ayuu garaadka iyo caqliguba ugu baahanyihiin fikir iyo aragti kobcisa, sida ay ruuxdu ugu baahan tahay cibaado kor u qaadda.

Haddii aan fikirka iyo aragtida la tixgelin waxaa meesha ka baxaya, kobaca caqliga iyo garaadka iyo awoodda in uu samay karo qiimayn dheellitiran, dhaliil cilmiyeysan, dulqaadka lagu aqbalo aragti kala duwan.

Waxaa mar kasta sii murjinaya dhibaatada dalkeena ka taagan waa in caadifad iyo xamaasad lagu wajaho arrimo iyo hawlo fikir qodan, aragti qoto dheer iyo ka fiirsasho badan u bahaan.

Ma sahlana in aan dhibka ka baxno ilaa iyo inta aan caqliga ka adkeysiino caadifadda, khuraafaadka aan cilmi ka horgeyno, lana helo siyaasad fikir, aragti iyo faham ka duulaysa oo aan ka baxno siyaasada xagey ka bishisahay maanta??

Mahadi ha adiin sugnaato, Jimco suubban

W/Q: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Madax goboleedyada oo jawaab kasoo saaraya warkii kasoo baxay Aqalka Sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Jubaland ayaa soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay Golaha aqalka sare ee ahaa isku daygooda ay ku doonayaan in xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada.

Wasiiru dowlaha  Madaxtooyada Maamulka Jubaland, Xirsi Jaamac ayaa sheegay in Golaha aqalka sare ay dadaaleen laakiin sida uu sheegay laga tagay qodobo muhiim ah oo ay ka mid tahay cadaaladda,in dowladda dhexe ay fuliso wixii horay loogu heshiiyay iyo qodobo kale.

Xirsi Jaamac ayaa sheegay in dowlad Goboleedyada ay dhawaan War-safaxaafadeed ka soo saari doonaan Qodobada ay soo saareen aqalka sare ee ay kaga hadleen khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada.

Golaha aqalka sare ee dalka ayaa shalay soo saaray qodobo ka kooban 8, oo ay ku sheegeen in ay yihiin tabashada dowlad Goboleedyada.

Guddoomiyihii Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada waxaa uu ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilkaas iska casilay,waxaa ku xigeen u ah Madaxweynaha Galmudug oo la filayo in War-saxaafadeedkaasi uu ka soo boxo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

3 ka mid ah 12-ka qodob ee maamul goboleedyada ay dalbadeen oo muujinaya is-dhiibid

Sida ay shaaciyeen gudigii uu Aqalka Sare u xil saaray xalinta khilaafkii u dhexeeyey dowladda Federal-ka ah iyo dowlad goboleedyada, waxaa la dhammeeyey khilaafkii u dhexeeyey labada dhinac. Inkastoo labada dhinac aysan weli war kasoo saarin.

Arrinta ayaa ku soo aadeysa xilli ku dhawaad sanad uu muran weyn u dhexeeyey dolwadda dhexe iyo maamulada oo xataa gaaray in uu meesha ka boxo wada shaqeyntii u dhexeeysay.

Maamulada waxa ay sameysteen gole iskaashi iyo guddoomiye metala, hase ahaatee waxaa ka baxay laba ka mid ah kuwii sameeyey golaha sida Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Shariif Xassan oo ay dowladda ka taqalustay.

Sida uu warbaahinta la wadaagay Fareelo oo ah Senator loona igmaday In uu hoggaamiyo gudigii Aqalka ee u kala dabqaadayey labada dhinac, maamulada waxa ay si guud oo cabasho ah u soo gudbeen sideed qodob halka mid walba gaar kuwo isaga u gooni ah soo bandhigay oo ay ka tabanayaan dowladda dhexe.

Hase ahaatee, dhammaan qodobada ay soo bandhigeen, marka si qotodheer loo qiimeeyo, waxaa soo baxeysa in maamulada aysan la gole imaan wax lagu qanco ilaa ay ka gaadhay ‘Wax aad sheegto ha waayin”, oo ay is-dhiibeen.

Aan is dul taagno qodobadii ugu diciifsanaa ee ay la gole yimaadeen maamulada

1 – Ka howlgelidda dhismaha ciidama qaranka iyo sugidda amniga.

Haddii aad qodobkan is dul taagto waxaa ku soo baxaya in maamulada aysan ahayn kuwo waaqici ah ama xushmeynaya garaadka bulshada Soomaaliyeed, waayo, waxaa marag ma doonta ah in xukumadda hadda jirta tahay tii ugu horreeysay oo ahmiyadda kowaad siisa dib u dhisidda ciidamada qalabka sida, sirdoonka iyo Booliska.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhisay gudiga Amniga Qaranka oo ay qeyb ka yihiin Maamul Gobolleedyada, guddigaas waxaa la’isla meel dhigay qodobo badan oo wax ku ool Qaranka u ahaa, hase ahaatee, khilaafkii ay dhaliyeen Maamulada ayaa hakad galiyey.

Ma ahayn qodob mudnaa in ay la horyimaadaan bulshada Soomaaliyeed! Waxaa sidoo kale xusid mudan, in mucaaradka, gaar ahaan xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah kuwa u durbaan tumayey Maamulada uu dowladda Farmaajo ku eedeeyey in ay xoogga saartay dhisidda ciidamada taasna tahay tusaale kalitalisnimo! Ogow, waa markii ugu horreeysay 27 sano kaddib oo ay ciidamada mushaar toos ah qaataan.

2 – Ka heshiinta qaabka doorashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha axsaabta.

Lagama heshiin nidaamka doorasho!? Waa qodob mudan in lagu qoslo! maxaa laga heshiiyey kulankii ugu dambeeyey ee ay dowladda iyo dowlad gobolleedyada ku yeesheen Baydhabo? Miyaan laga heshiin In 2021 nooca doorasho ay noqoto MID XIRAN (Proportional representation)? Haddii aan la’isku waafaqinse, maxay shirkii Baydhabo loogu xusi waayey in aan lagu heshiin ama ay bulshada ugu sheegi waayeen?

Dhammaan su’aalahaas waxa ay jawaab uga baahin yihiin hoggaamiyeyaasha hadda ku haray maamulada ee ka tirsanaa Golihii Iskaashiga Maamulada!

3 – Faragelin la’aanta doorashooyinka maamullada iyo kuwa dowladda dhexe

Halkee ayey dowladda farogelineysaa? Djibouti, Kenya mise Uganda? Dowladda Federal-ka ah iyada ayaa u leh awood dastuuri ah in ay korjoogteyn ku sameyso dhaq dhaqaaqyada maamulada hoos yimaada marka laga soo tago afarta waaxood ee ay iyada kaliga ku tahay.

Dabcan, dareenka iyo rabitaanka shacabka, dowladda dhexe kama hor imaan karto laakiin waa haddii ay ku qanacsan yihiin! Shariif Xassan, Madoobe iyo Gaas midna shacabkiisu marabaan mana ah kuwo lagu kalsoonaan karo in ay ridaan doorasho daahfuran! Waa waajib saaran dowladda in ay farogaliso si loo adkeeyo xasilloonida dalka oo dhan.

Dhammaan qodobada kale marka aad si dheer u qiimeyso waxaad ogaaneysaa in hoggaamyeyaasha hadda ku haray maamulada u muuqdaan kuwo taagnaa “Mar Yaa Naga Dhammeeya Khilaafka”, oo isa soo dhiibay.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Dhageyso: Jubbaland oo ka jawaabtay hadalkii ka soo baxay AQALKA SARE

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray hadalkii maanta kasoo baxay xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ee ahaa in la dhameeyay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda iyo dowlad goboleedyada dalka.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaanni, ayaa isaga oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan hadalka kasoo baxay Aqalka sare, balse taa macnaheeda uusan aheyn in Khilaafka la dhameeyay.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in la xaliyay qeybaha ugu horeeya ee tabashooyinka dowlad goboleedyada, balse ay wali harsan yihiin waxyaabo badan iyadoo dowladda laga doonayo dhaqan gelinta qoraalka kasoo baxay aqalka sare.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan qodobo kale oo aqalka sare aysan kusoo darin siddeeda qodob ee loo baahan yahay in xal laga gaaro, waxaana uu sheegay inay yihiin kuwa maqan qoraalka.

Ugu dambeyn Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegay in Jubbaland ay sugeyso jawaabta dowladda Soomaaliya iyo fulinta qodobada kasoo baxay golaha Baarlamaanka ee Aqalka sare.

Galmudug iyo Puntland ayaa ah maamulada kaliya ee harsan ee la doonayo inay ka jawaabaan hadalka kasoo baxay golaha aqalka sare oo wakiil ka ah dowlad goboleedyada dalka.
Halkan ka dhageyso codka Xirsi Jaamac
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

BEYLE oo sharxay lacagtii dowladda Sacuudiga laga keenay iyo halka ay jirto

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay lacagtii dowladda Sacuudiga ugu deeqday Soomaaliya.

Wasiir Beyle wuxuu sheegay in lacagtaasi ay aheyd mid dowladda Sacuudiga ugu deeqday Sacuudiga, isaga oo amaanay in lacagtaasi lagu aamino dalka oo toos loogu soo shubay Bangiga dhexe ee dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in lacagtaasi bil walbaa ay kasoo bixin jireen inta ay u baahdaan inay ku kabaan mushaaraadka shaqaalaha dowladda, oo aysan jirin cid si gaar ah lacagta kaga baxsaneysay Bangiga dhexe ee dalka.

Kalsooniyadda maaliyadeed ee ay sameeyeen xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay inay keentay in midowga Yurub dhankooda ay ku deeqeen 100 milyan oo lagu kabayo miisaaniyadda dowladda.

Lacagta hartay ayuu sheegay inay gaareyso 15 milyan oo doolar ayna adeegsan doonaan marka ay u baahdaan sida uu hadalka u dhigay wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

“Markii ugu horeysay Sacuudi Carabiga oo aan warbixin la siin jirin, ayaan warbixin ka siinay sidaan lacagta u adeegsanay, waxaan u dirnay labaatanka kun sidaan u adeegsanay, 15 Kun ee harayna waan u sheegnay”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Wasiirka maaliyadda ayaa dhinaca kale sheegay inaysan jirin dhaqaalo qaab aan la ogeyn looga bixiyo qasnadda dowladda Soomaaliya, waxaa kale oo uu beeniyay in xasaradaha siyaasadeed lagu bixiyo dhaqaalaha dowladda si loo xaliyo.

Wasiirka maaliyadda ayaa sidoo kale sheegay in bil walbaa uu bixiyo warbixin la xiriirta dhaqaalaha wasaaradda maaliyadda soo galay iyo sida loo adeegsaday, halkaasna laga ogaan karo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee wasaaradda.

Dhageyso wareysi uu Beyle siiyey VOA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF “Somalia kama liidato dalka Syria, Libya iyo Iraq mana ogolaan doonno inay hay’adaha caalamiga ah…”

Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya ayaa waqti u qabatay Hay’adaha wali ku shaqeeya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasi oo ka shaqeeya arrimaha Soomaaliya.

Xoghayaha Joogtada ee wasaaradda Qorsheynta C/qaadir Aadan Maxamed ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha dalka gudahiisa loogu soo celinayo Hay’addaha fadhigoogu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kana shaqeeyan arimaha Soomaaliya.

Xoghayaha ayaa sheegay in Hay’addaha la doonayo inay usoo guuraan magaalada Muqdisho inay yihiin kuwa aan dowliga aheyn oo xorriyad u heysta inay magaalada ka dagaan magaalada halka ay doonaan, sida uu sheegay.

Xoghayaha ayaa isaga oo ka jawaabayay Hay’addaha Sheega in amaanka Muqdisho uusan wanaagsan, ayaa cadeeyay in hay’adahasi qaarkood ay Xarumo ku leeyihiin Dalalka Ciraaq, Syria, Afgaanistaan iyo Libya oo uu sheegay inay amaan ahaan ka hooseeyaan Muqdisho.

Hay’addo badan ayaa hadda xarumo ku leh xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana hay’adaha kale uu sheegay in looga baahan yahay inay yimaadaan magaalada Muqdisho ayna ku shaqeeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo: “Waali ayuu ku dhow yahay XANAAQA siyaasiyiinta mucaaradka”

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaaa mar kale weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladiisa ee uu ku sheegay siyaasiyiinta xanaaqsan, isagoo xalay magaalada Nairobi kula hadlay qaar ka mida jaaliyadda Soomaalida.

Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ayaa inteeda badan ahayd difaaca isbaheysiga uu la galay dalalka Itoobiya iyo Eritrea iyo weerar uu ku halgaaday siyaasiyiinta kasoo horjeeda ee ay ka mid yihiin xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.

Wuxuu sheegay inay siyasiyiinta xanaaqsay ay muddo wadeen Borobogaando siyaasadeed oo ku saabsan amniga dalka iyo inuu sii xumaaday, markii sida uu yiri ay taasi ku guul darreysten ayay u wareegeen arrin kale oo ku saabsan dhaqaalaha, isagoo tilmaamay Warbixintii Guddiga Maaliyadda, laakiin wuxuu ku faanay inay iyadiina soo af-jareen.

“Siyaasiyiinta careysan waxaan u sheegeynaa waqtigiina waa dhamamaday… ayaamo hore waxay wadeen inay yiraahdaan… dowladda amniga waa ku fashilantay… waa shaqeyn weyday… hadda waxay yiraahdeen: Nidaamkii Maaliyadda waa fashilmay…. dad badan oo shisheeya sida IMF iyo World Bank ayaa noo qiray inaan nahay dowlad nadiif ah.. waxay bilaabeen inay dhaqaale na siiyaan.. iyaguna waxay leeyihiin… maya waa inaan dhaqaale la siin… kuwaasi dadka shakiga gelinaya yey u daneynayaan..? wax kale maaha xanaaqii ayaa ka batay, qofku hadduu xanaaqu ka bato wuxuu u dhow yahay nooc waalli ah… ” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa caddeeyay inay dowladiisa soo xirtay Kanaalo ay siyaasiyiinta mucaaradka ah ka heli jireen biyaha oo dalal dibadda ah ay ku xirnaayeen, ayna sii xoojinayaan xiriirka ay la leeyihiin dowladaha dibadda iyo kuwa deriska ah.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Khilaafkii dowladda dhexe iyo maamullada oo lagu dhawaaqay in lasoo afjaray

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudiga Golaha Aqalka Sare ee Dhex dhexaadinta Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda  ayaa Ku dhawaaqay in la dhameeyay Khilaafkii u dhaxeeyay Dowladda Iyo Maamul Goboleedyadda.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ah Xildhibaan ka Tirsan Aqalka sare ayaa Warbaahinta u sheegay in arintan ay ku timid Dadaal ay Sameeyeen Golaha Aqalka Sare ee Howshan Mudo ku howlanaa.

Faroole ayaa ahaa Gudoomiyaha  Guddi loo xil saaray soo Afjaridda Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Waxaa uu sheegay in Aqalka Sare ay maalmihii lasoo dhaafay wadeen dadaallo ku aadan in Aqalka Sare uu qaato doorkiisa ku aadan dhameynta Khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyaddda.

Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaan weli wax war ah kasoo saarin in la dhameeyey Khilaafkaan iyo in kale, inkastoo Faroole uu yahay Mas’uulkii uu Aqalka Sare u saaray xallinta khilaafkaan mudada badan soo jiray.

Dhawaan ayaa lagu waddaa in uu dhexmaro kulan Maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya,kaasoo lagu shaacin doono kulankii ugu horreyay ee yeeshaan labadda dhinac tan iyo markii uu bilowday Khilaafka.

Guddiga aqalka sare ee wada-xaajoodka xal-u-raadinta khilaafka u dhaxeeya xukuumadda DFS iyo DXDF waxaa ay soo gudbiyeen 8 cabasho oo ay ka mideysan yihiin dhammaan dowlad goboleedyada, kuwaas oo la doonayo inay wax ka qabato xukuumadda federaalka ah.

Cabashooyinka ay Siman Yihiin Maamul Goboleedyada:

1. Dedejinta dhameystirka dastuurka federaalka.

2. Ka howlgelidda dhismaha  ciidama qaranka iyo sugidda amniga.

3. Dhismaha guddiga garsoorka qaranka iyo dib u habeynta gatsoorka.

4. Ka howlgelidda dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.

5. Ka heshiinta qaab dooarashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha axsaabta.

6. Xoojinta nidaamka federaleynta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan.

7. Mideynta qorshaha qaranka sida wax qeybsig mashaariicda iyo dhaqaalaha, iyada oo dowladda dhexe ay yeelaneyso go’aaminta meelaha ku habon, ka hirgelinta kabeyaasha dhaqaalaha iyo bulsho heer qaran

8. Faragelin la’aanta doorashooyinka DXDF iyo kuwa dowladda dhexe

Guddiga waxaa ay xukuumadda federaalka ah u soo-jeediyeen fulinta qodobada kor ku xusan, oo ah 8 qodob oo guud iyo 4 midba gooni u yahay maamul, oo ah nuxurka tabashooyinka

Go’aanka waxaa lagu saleeyey tabashooyin u dhaxeeya hey’ado isku dowlad ah oo leh shakhsiyad sharci, si waafaqsan dastuurka kmg ee Soomaaliya, kaas oo ku soco-la’aantiisa ay waxyeello u geysaneyso qabashadii adeegyada ay dadka iyo dalka u hayaan hey’adaha dowliga ah ee dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]