25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

DF “Somalia kama liidato dalka Syria, Libya iyo Iraq mana ogolaan doonno inay hay’adaha caalamiga ah…”

Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya ayaa waqti u qabatay Hay’adaha wali ku shaqeeya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasi oo ka shaqeeya arrimaha Soomaaliya.

Xoghayaha Joogtada ee wasaaradda Qorsheynta C/qaadir Aadan Maxamed ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha dalka gudahiisa loogu soo celinayo Hay’addaha fadhigoogu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kana shaqeeyan arimaha Soomaaliya.

Xoghayaha ayaa sheegay in Hay’addaha la doonayo inay usoo guuraan magaalada Muqdisho inay yihiin kuwa aan dowliga aheyn oo xorriyad u heysta inay magaalada ka dagaan magaalada halka ay doonaan, sida uu sheegay.

Xoghayaha ayaa isaga oo ka jawaabayay Hay’addaha Sheega in amaanka Muqdisho uusan wanaagsan, ayaa cadeeyay in hay’adahasi qaarkood ay Xarumo ku leeyihiin Dalalka Ciraaq, Syria, Afgaanistaan iyo Libya oo uu sheegay inay amaan ahaan ka hooseeyaan Muqdisho.

Hay’addo badan ayaa hadda xarumo ku leh xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana hay’adaha kale uu sheegay in looga baahan yahay inay yimaadaan magaalada Muqdisho ayna ku shaqeeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo: “Waali ayuu ku dhow yahay XANAAQA siyaasiyiinta mucaaradka”

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaaa mar kale weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladiisa ee uu ku sheegay siyaasiyiinta xanaaqsan, isagoo xalay magaalada Nairobi kula hadlay qaar ka mida jaaliyadda Soomaalida.

Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ayaa inteeda badan ahayd difaaca isbaheysiga uu la galay dalalka Itoobiya iyo Eritrea iyo weerar uu ku halgaaday siyaasiyiinta kasoo horjeeda ee ay ka mid yihiin xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.

Wuxuu sheegay inay siyasiyiinta xanaaqsay ay muddo wadeen Borobogaando siyaasadeed oo ku saabsan amniga dalka iyo inuu sii xumaaday, markii sida uu yiri ay taasi ku guul darreysten ayay u wareegeen arrin kale oo ku saabsan dhaqaalaha, isagoo tilmaamay Warbixintii Guddiga Maaliyadda, laakiin wuxuu ku faanay inay iyadiina soo af-jareen.

“Siyaasiyiinta careysan waxaan u sheegeynaa waqtigiina waa dhamamaday… ayaamo hore waxay wadeen inay yiraahdaan… dowladda amniga waa ku fashilantay… waa shaqeyn weyday… hadda waxay yiraahdeen: Nidaamkii Maaliyadda waa fashilmay…. dad badan oo shisheeya sida IMF iyo World Bank ayaa noo qiray inaan nahay dowlad nadiif ah.. waxay bilaabeen inay dhaqaale na siiyaan.. iyaguna waxay leeyihiin… maya waa inaan dhaqaale la siin… kuwaasi dadka shakiga gelinaya yey u daneynayaan..? wax kale maaha xanaaqii ayaa ka batay, qofku hadduu xanaaqu ka bato wuxuu u dhow yahay nooc waalli ah… ” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa caddeeyay inay dowladiisa soo xirtay Kanaalo ay siyaasiyiinta mucaaradka ah ka heli jireen biyaha oo dalal dibadda ah ay ku xirnaayeen, ayna sii xoojinayaan xiriirka ay la leeyihiin dowladaha dibadda iyo kuwa deriska ah.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Khilaafkii dowladda dhexe iyo maamullada oo lagu dhawaaqay in lasoo afjaray

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudiga Golaha Aqalka Sare ee Dhex dhexaadinta Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda  ayaa Ku dhawaaqay in la dhameeyay Khilaafkii u dhaxeeyay Dowladda Iyo Maamul Goboleedyadda.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ah Xildhibaan ka Tirsan Aqalka sare ayaa Warbaahinta u sheegay in arintan ay ku timid Dadaal ay Sameeyeen Golaha Aqalka Sare ee Howshan Mudo ku howlanaa.

Faroole ayaa ahaa Gudoomiyaha  Guddi loo xil saaray soo Afjaridda Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Waxaa uu sheegay in Aqalka Sare ay maalmihii lasoo dhaafay wadeen dadaallo ku aadan in Aqalka Sare uu qaato doorkiisa ku aadan dhameynta Khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyaddda.

Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaan weli wax war ah kasoo saarin in la dhameeyey Khilaafkaan iyo in kale, inkastoo Faroole uu yahay Mas’uulkii uu Aqalka Sare u saaray xallinta khilaafkaan mudada badan soo jiray.

Dhawaan ayaa lagu waddaa in uu dhexmaro kulan Maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya,kaasoo lagu shaacin doono kulankii ugu horreyay ee yeeshaan labadda dhinac tan iyo markii uu bilowday Khilaafka.

Guddiga aqalka sare ee wada-xaajoodka xal-u-raadinta khilaafka u dhaxeeya xukuumadda DFS iyo DXDF waxaa ay soo gudbiyeen 8 cabasho oo ay ka mideysan yihiin dhammaan dowlad goboleedyada, kuwaas oo la doonayo inay wax ka qabato xukuumadda federaalka ah.

Cabashooyinka ay Siman Yihiin Maamul Goboleedyada:

1. Dedejinta dhameystirka dastuurka federaalka.

2. Ka howlgelidda dhismaha  ciidama qaranka iyo sugidda amniga.

3. Dhismaha guddiga garsoorka qaranka iyo dib u habeynta gatsoorka.

4. Ka howlgelidda dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.

5. Ka heshiinta qaab dooarashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha axsaabta.

6. Xoojinta nidaamka federaleynta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan.

7. Mideynta qorshaha qaranka sida wax qeybsig mashaariicda iyo dhaqaalaha, iyada oo dowladda dhexe ay yeelaneyso go’aaminta meelaha ku habon, ka hirgelinta kabeyaasha dhaqaalaha iyo bulsho heer qaran

8. Faragelin la’aanta doorashooyinka DXDF iyo kuwa dowladda dhexe

Guddiga waxaa ay xukuumadda federaalka ah u soo-jeediyeen fulinta qodobada kor ku xusan, oo ah 8 qodob oo guud iyo 4 midba gooni u yahay maamul, oo ah nuxurka tabashooyinka

Go’aanka waxaa lagu saleeyey tabashooyin u dhaxeeya hey’ado isku dowlad ah oo leh shakhsiyad sharci, si waafaqsan dastuurka kmg ee Soomaaliya, kaas oo ku soco-la’aantiisa ay waxyeello u geysaneyso qabashadii adeegyada ay dadka iyo dalka u hayaan hey’adaha dowliga ah ee dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddoonka baarlamanka K/Galbeed oo beeniyay arirn aad loo hadal hayay

Baydhabo (Caasimada Online) – Ku simaha madaxweynaha Koofur Galbeed ahna guddoomiyaha baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhunaa ayaa beeniyay Faragelin dowladda Soomaaliya ku heyso doorashada Koofur Galbeed.

Wuxuu si cad u sheegay inaysan jirin faragelin dowladda Soomaaliya ku heyso doorashada Koofur Galbeed, islamarkaana arintaasi ay tahay mid laga bad badiyay, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa intaasi u daray in hadda Koofur Galbeed ay isku filan tahay, maadaama uu ka jiro guddi doorasho, golle wasiiro oo shaqeynaya, baarlamaanka iyo madaxweyne KMG ah oo xilka ku wareejinayo madaxweynaha la doortay.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay masuul ka tahay dhamaan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka, Koofur Galbeedna ay kamid tahay meelaha ay masuulka ka tahay.

Balse wuxuu sheegay in sidaasi oo ay masuul uga tahay haddana inaysan wax faragelin ah ku sameyn arrimaha doorashada Koofur Galbeed, waxaana maalinta beri ah magaalada Baydhabo ka dhacaya doorashada madaxweynaha.

Waxaa uu meesha ka saaray eedaha la xiriira in dowladda Federaalka ah ay faragelin ku heyso Koofur Galbeed ,waxaana uu xusay in wixii farsamo ah ee ay dowladda dhexe uga baahdaan weydiisan doonaan haddase ay iyagu isku filanyihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Xubnaha difaacaya Kheyre oo ayaga aan is-ogeyn dambiga ku qiraya (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib warbixintii guddigha maaliyadda baarlamanka ee banaanka usoo saartay musuq-maasuqa xukuumadda Kheyre, ra’iisul wasaaraha ayaa dagaal siyaasadeed billaabay isaga oo adeegsanaya qaar ka mid ah xubnaha guddiga oo xukuumadda ku xiran, kuwaasi oo soo saaray qoraalo lagu taageerayo xukuumadda.

Hase yeeshee marka aad si wanaagsan u eegto qoraaladooda iyo habka ay u difaacayaan xukuumadda, waxaa kusoo baxaysa in ayaga oo aan is ogeyn ay xukuumadda ku qirayaan xatooyada markii hore ay warbixinta guddiga ku eedeysay xukuumadda. Bal si wanaagsan u fiirso qodobada hoose, kadibna is-weydii.

1 – Xubnaha guddiga ee tobanka gaaraya ee taageerada u muujiyey xukuumadda kadib warbixinta, iyo kadib markii uu Kheyre lasoo hadlay, waxay ku doodeen in kooramkii baarlamanka ee lagu soo bandhigay warbixinta uu ahaa mid aan buuxin, sidaa darteedna aysan sharci ahayn warbixinta guddiga maadaama sida ay sheegeen sharciga la hareer maray.

2 – Xubnahan waxay kale oo ku doodeen in warbixinta guddiga aysan ahayn mid loogu talo-galay in lasoo bandhigo ama warbaahinta lala wadaago ayna ahayd mid u gaar ah baarlamanka, sidaas darteedna ay qalad tahay warbixintaas.

Marka aad labadaas qodob u fiirsato waxaa kuu soo baxaya laba su’aal oo kuu xaqiijinya in xubnaha guddiga ee difaacaya xukuumadda ay xaqiiqdii ayaga oo aan is ogeyn dambiga ku xaqiijinayaan ra’iisul wasaaraha, bal is-weydii labadan su’aal.

1 – Xubnaha ilaa iyo hadda waxay dood ka qabaan habka warbixinta loo soo bandhigay. Weli lagama hayo dood ku saabsan sax ahaanshaha warbixinta, mana beeninayaan waxa meesha ku qoran. Haddii difaacooda xukuumadda uu yahay mid sal leh, maxaysan ugu doodin sax ahaanshaha warbixinta intii ay ka doodi lahaayeen arrimo farsamo?

2 – Haddii ay dood ka qabaan warbixinta, maxaysan uga doodin inta aan la shaacin ama maalintii lasoo bandhigay, maxay ugu qaadatay dhowr maalmood inay jawaab soo saaraan. Tani soo ma muujineyso in lala soo hadlo oo kaash uu gaaray ama dano kale oo siyaasadeed ay dhaqaajiyeen?

Xaqiiqda ayaa ah in xukuumadda aysan hayn wax ay isku difaacda iyo caddeymao muujinaya halka ay ku maqan tahay lacagta malaayiinta dollar ah ee lagu helay in ay musuq-maasuqday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

 

3-da farac ee DF Somalia oo noqday hal kaliya kadib markii BF la afduubtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay shir jaraa’id qabtay tiro xildhibaanno ah oo eed u jeediyey guddoonka baarlamaanka oo ay ku tilmaameen in aysan doodda golaha ee musuqii lagu soo eedeeyey xukumadda ka ahayn dhexdhexaad.

Golaha baarlamaanka ayaa dhawr maalmood ka hor looga dooday musuqii lagu soo eedeeyey xukumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre kaddib markii gudiga maaliyadda ee golaha shacabka ay shaaciyeen in ay la musuq maasuqay dhaqaale deeqo ahaa gaaraya 40 milyan.

Hase ahaatee, xukumadda oo hortimid golaha ayaa iska difaacday eedemahaas iyada oo uu guddoonka sheegay in wadaddii ay gudiga mareen aysan waafaqsaneyn sharica sidaasna ku tahay mid aan waxba ka jirin.

Xubinhii baarlamaanka ee markii hore qeyb ka ahaa eedda xukumadda loo jeediyey ayaa shir jaraa’id ay qabteen ku sheegay in la doc faruuray dooddii oo uu gudoonka dhinac la saftay.

Maxaa arrintaas macnaheedu yahay

Sida muuqata go’aankaas waxa uu horseedi doonaa in golaha uu u kala jabo laba qeyb oo ay adkaato in mar dambe laga doodo arrimiaha noocaas ah iyo waliba waxyaabo kale oo wax ku ool u ah dowladnimada dalka.

Xubnaha shalay hadlay waxa ay qisheen in golaha oo markii hore ay ka buuxeen Wasiiro ahaa xildhibaano ay afduubeen golaha sharci dajinta oo ay meesha ka baxday isla xisaabtankii goleyaasha dowladda ama waxa loo yaqaan korjoogteynta (Check and Balance).

Ma aha arrin ugub ah in guddoonka baarlamaanka lagu eedeeyo in uu u afduuban yahay xukumadda tan iyo markii meesha laga saaray guddoomihii hore Maxamed Shiekh Cismaan Jawaari.

Guddoomiyaha baarlamanka Mursal iyo ku xigeenkiisa Mahad Cawad, ayaa ku xiran xukuumadda, taasi oo saddexdii qeyb ee dowladda (Xukuumadda, baarlamanka, garsoorka), kusoo koobeysa hal qeyb oo ah xukuumadda, maadaama baarlamanka la safan yahay, garsoorne uusanba jirin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maareeyaha garoonka diyaaradaha JOWHAR oo dilay xaaskiisa oo uur leh

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabeelle ayaa sheegaya in ruux ka tirsan maamulka Hirshabeelle inuu dilay xaaskiisa.

Wararka ayaa sheegaya in ruux dilka geystay uu ahaa maareeyihii garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, waxaana magaciisa lagu koobay Cali Dheere.

Haweeneyda Geeriyootay ayaa magaceeda lagu sheegay Jamiilo Sheikh Cali, waxaana da’deeda lagu sheegay 32 jir, iyadoo la sheegay inay xaamilo aheyd.

Waxyaabaha ka dambeeya dilka haweeneyda ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay bastoolad ay ku murmeen kadibna uu toogtay, halka wararka qaar ay sheegayaan in haweeneyda ay ka maseertay haweeney lala guursaday.

Rasaas ayuu ku furay sida wararka aan ku heleyno, iyadoo u geeriyooday, waxaana laamaha amaanka ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen xili uu doonayay inuu ka baxsado magaalada.

Saraakiisha amaanka waxay sheegeen in ruuxa falkaasi geystay uu ku xiran yahay saldhiga magaalada Jowhar, baaritaan kadibna maxkamad lasoo taagi doono.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

Maxaad u baahan tahay in aad ogaato ka hor inta DF aysan bixin qandaraaska shidaal baarista Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah waxaa ay Febraayo 7, 2019-ka, bixin-doontaa qandaraas balook- yo dhan 206 oo ku saabsan baarista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya, shirka waxaa uu ka dhici-doonaa London.

Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa halka ay Soomaaliya maanta joogto diyaar-garow ahaan iyo maxaa naga dhimman oo loo baahanyahay in la qabto ka hor shirka London, waxaan ku soo koobnay 12 qodob, oo aan la bilaabi karin wax shaqo am heshiis ah iyada uu hal qodob ka dhimman yahay. 

(1): Ma Jiraan Wax Diyaar Ah: Meesha Soomaaliya ay iminka joogto ayaan ka bilaabaynaa. Hawsha hadda u qabsan Dawladda Federaalka waxaan ku soo gaabin karnaa sidaan:

  1. Heshiiska maamulka iyo wadaagga kheyraadka oo ay wada saxiixdeen Dawladaha Xubin Federaalka ah iyo Dawladda Federaalka.
  2. Sharciga Batroolka oo Baarlamaanka Federaalka la yaalla
  3. Xeerar hoosaadyo ku saabsan bii’ada (deegaanka) iyo caafimaadka (Health /safety and environment)
  4. Xeer-hoosaadka Hayadda Soomaaliyeed ee Shidaalka (Somali Petroleum Authority)- Hayaddan waxay bixinaysaa laysanada iyo ruqsadaha, waxayna daba-galaysaa hawlaha socda, iyo sida ay u socdaan hadday waafaqsan tahay heshiiska Soo-saar wadaagga shidaalka (Production sharing agreement.
  5. Waxaa la diyaariyay Modeelka Soomaaliyeed ee Soo-saar Wadaagga Shidaalka (Model Production Sharing Agreement). Shirkad kasta oo Soomaaliya la galayso heshiis waxay kula galaysaa Modeelka Soomaaliyeed.
  6. Waxaa kaloo diyaar ah xogahii saysmikada ee badda (2-D seismic data), oo tilmaamaya meelaha laga yaabo inuu shidaal ku jiro oo biyaha badda ka hooseeya.

(1): Maxay Tahay In La Qabto Ka Hor Shirka: Waa muhiim in aan isweydiinno, maxaa naga dhimman oo loo baahan yahay inay diyaar noo ahaato? Intaan ayaa naga dhimman ka hor bid -round ga (bixinta qandaraas balook- yada):

  1. Si sax ah in loo ogaado shidaalka ku jira balook-yada kala duwan iyadoo sal looga dhigayo xogaha 2-D saysmikada. Balookyada ka dib waxay noqonayaan kala qiimo, oo ay ku kala duwanaanayaan mugga shidaalka oo la qiyaasay.
  2. Waxaa xiga in la sameeyo qiimaynta saamaynta hawalaha shidaalka ay ku yeelan karaan deegaanka badda ah (Environmental impact assessment).
  3. Ka dib Wasaaradda Batroolka waxay soo xulaysaa balookyada shidaalka ee u diyaarsan inay qandaraaska ka mid noqdaan. Dokumeentiyada, xogaha seismikada, iyo maabab oo diyaar ah ayaa la hor-geynayaa Golaha Wasiirada oo ka dib markay ansixiyaan u gudbinaya Baarlamanka Federaalka, si u soo ansaxiyo.
  4. Dhinaca kale waa inay diyaar ahaadaan Sharciyada iyo xeer-hoosaadyada kor ku xusan oo dhammaan is-waafaqsan. Is-waafajinta sharciyada waa hawl weli ka dhimman shaqada.
  5. Waxaa kale loo baahan yahay Sharciga Cashuuraadka (a Modern Tax Law) inuu diyaar yahay. Sidaan og nahay Wasaaradda Maaliyadda ayaa faraha ku hayso hawshaas. Waxaa dhawaan la billaabayaa daraaf-garaynta Sharciga Cashuuraadka. Hawlaha.
  6. Ma lihin dad nagu filan oo aqoon iyo khibrad u leh hawlaha qandaraas-bixinta iyo gorgortanka la xiriirka ee shirkadaha caalamiga ah ee sahmiya, soona soo-saara shidaalka. Waa in la diyaariyaa khayraad aadami ah oo hanan karo hawlaha ilaalinta iyo horumarinta khayraadka in loo soo bixiyo.

Sidaas awgeed, waxaa muuqata in loo baahan yahay hawlaha dhimman si wanaagsan in loo dhammaystiro. Ma dhici karto si qabyo ah in loo gudo galo hawsha bixinta balookyada. Haddii kale, waxay la mid noqonaysaa inaan gadno khayraadka waddanka qiimo raqiis ah oo aad iyo aad u yar.

 

Xiisad cusub oo ka taagan deegaanka TUKARAQ oo cabsi hor leh abuurtay

Tukaraq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xiisad cusub ay maalintii labaad ka taagan tahay deegaanka, taasi oo u dhaxeysa dhinacyadii ku dagaalamay deegaankaasi.

Xiisadda ayaa ka dambeysay kadib markii maalin ka hor deegaankaasi uu tagay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isaga oo askarta ku sugan aaga dagaalka u sheegay inaysan dagaal diyaar u aheyn oo xuduudooda difaacayaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada labada dhinac ee ku sugan aagaga dagaalka ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ciidan, taasi oo cabsi gelisay shacabka deegaanka ku nool.

Dhaqdhaqaaqa cusub ayaa laga dareemayaa dhinaca Puntland, waxaana ciidamada Somaliland la sheegay inay wali ku sugan yihiin goobtii ay joogeen.

Waa socda xaalad la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland, waxaana dadaalka qeyb ka ah Urur goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka.

Waxay horey labada dhinac horey u aqbaleen inay dib u heshiisiin qaataan, waxaana wali jira xiisad ka taagan deegaanka oo u dhaxeysa dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Tukaraq ee gobolka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Sool
[email protected]

Musharaxiinta K/Galbeed oo maanta loo jeediyay digniintii ugu dambeysay

Baydhabo (Caasimada Online) – Musharixiinta Koofur Galbeed ee maalinta beri ah ka qeyb galaysa doorashada Koofur Galbeed ayaa loo jeediyay digniintii ugu dambeysay ee dhanka amaanka ah.

Wasiirka amniga Koofur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen ayaa ugu digay musharixiinta inay sameeyaan dhaqdhaqaaqyo carqalad ku noqon kara amaanka magaalada Baydhabo oo beri ay doorasho ka dhaceyso.

Wasiirka ayaa ugu  baaqay musharixiinta tirada badan inay ka shaqeeyaan xil iska saarida amaanka magaalada Baydhabo, isaga oo ka digay gaadiidkooda tirada badan inay qeyb ka noqdaan amni darada magaalada.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Musharaxiinta aysan ku xad gudbin hanaanka lagu xaqiijinaayo Ammaanka xilli ay jiraan Musharaxiin hub badan la galay Magaalada Baydhabo, sida uu wasiirka sheegay.

Talaabo sharciga waafaqsan ayuu sheegay inay ka qaadi doonaan dadka isku daya inay ka hor yimaadaan hanaanka sugidda amaan ee magaalada Baydhabo xiliga doorashada ay dhaceyso.

Beri oo ah maalin arbaco ah ayaa la qorsheynayaa inay doorasho ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa kusoo kordhay doorashada K/Galbeed?

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socoto qaban qaabadii ugu dambeeyay ee doorashada Koofur Galbeed.

Guddiga ayaa diiwaan geliyay musharixiinta dooneysa inay ka qeyb galaan doorashada madaxweynaa Koofur Galbeed, waxaana maalinta beri ah la filayaa inay doorashada ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Maanta Guddiga ayaa kormeeraya goobta ay ka dhaceyso doorashada Koofur Galbeed, waxaana ay doonayaan inay xaqiijiyaan amaanka iyo inay suurta gal tahay in doorashada ku qabsoonto.

Ciidamo oo amaanka xaqiijinaya ayaa la dhigay goobta doorashada ay ka dhaceyso, iyadoo la adkeeyay guud ahaan amaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Musharixiin badan ayaa labo maalin ka hor u tanaasulay musharax Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaana muuqata in doorashada ay dhexmari doono labo dhinac oo mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya taageero ka kala helaya.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Daawo muuqaalka qaraxii Muqdisho iyo xog cusub oo ku saabsan (Video)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 Qof ayaa ku dhimatay halka dad ka badan 20 kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii qarax uu ka dhacay suuqa Kalluunka oo uu ku dhowyahay Suuqa Qaadka ee Xaafadda Kaawo Godeey.

Gaadiidka Gurmadka Deg degga ah ayaa goobta ka qaaday dadkii ku dhaawacmay iyo Meydadkiiba,waxaana la geeyay Isbitaallada.

Goobjoogayaal ku sugan goobta uu shilka ka dhacay ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ee Dharkenley ay qabteen Ninka waday Gaariga qarxay, oo ka horta inta uusan qarxin ay Ciidamada dowladda qabteen.

Goobjoogaha ayaa sheegay in Ninka la qabtay ay Ciidamada ka shakiyeen islamarkaana mar laga fogeeyay uu gaarigu qarxay halkaas oo uu ka dhashay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.

Gaariga walxaha Qarxa siday ayaa ciidamada amniga ku joojiyeen bar-kontarool oo ku taalla xaafadda kaawo Godey ee degmada Wadajir, halkaasi oo markii dambe uu ku qarxay.

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa SONNA u sheegay in ninkii waday gaariga gacanta lagu soo dhigay kadib markii uu isku dayay inuu ka baxsado ciidamada amniga.

Ciidamada ammaanka ayaa ninka ay qabteen waxa ay ula dhaqaaqeen mid ka mid ah xarumahooda baarista, si sharciga loo horgeeyo.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe wuxuu noqday mid faraha ka baxay, kadib markii ay kordheen dilalka iyo falalka kale ee ammaanka ka baxsan.

Halkan ka daawo Muuqalaka Qaraxa

Xildhibaano go’aan kasoo saaray warbixintii kashiftay musuqa xukuumada Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa  walaac ka muujiyey baaqashada warbixintii guddiga maaliyadda iyo shirkii maanta ee golaha shacabka, iyaga oo intaas raaciyey in ay xukuumadda carqaladeyneyso howlaha golaha, una yeeray Mursal inuu si degdeg ah golaha u  guddoomiyo.

Xildhibaan Cabdifitaax Cusmaan Daahir oo u hadlay ayaa yiri “Annaga oo ah xildhibanno ka tirsan golaha shacabka, waxaan idiinku yeernay in aan muujinno walaaca aan ka qabno sidii loo maamulay dooddi sabtidii 24-kii bisha ay aheyd in aan ka yeelanno warbixinta maaliyadeedkii lagu gaaray qaraar baarlamaan, waxaa kaloo muujineynaa walaaca aan ka qabno inuu maanta baaqday shirkii golaha shacabka iyada oo goluhu u yaallaan ajendayaal muhiim ah, oo uu ka mid yahay ajendihii aan xirmin maalintii dhoweyd, ee warbixin maaliyadeedka ah iyo kii hanti-dhowrka oo akhrintii 3aad soo gudbay in golihii xirnaado walaac ayaan ka qabnaa, waxaan aaminsanahay xirirtaanka golaha shacabka ee maanta inuu qeyb ka yahay dadaal ay xukuumaddu ugu jirto carqladeynta howlaha baarlamaanka oo ay ugu muhiimsan tahay korjoogteynta, taasina waxaa daliil u ah sidii loo maamulay iyo foolxumadii ka dhacday maalintii dhoweyd golaha shacabka”.

Shir guddoonka ayey ku eedeeyeen inuu ku tuntay xeer hoosaadka golaha shacabka “Golaha shacabka, guddiga maaliyadda u qaabilsan waxaa ay soo diyaariyeen warbixin aan aaminsannahay inay xogo badan ku jireen, oo umadda Soomaaliyeed ay u baahnaayeen in looga jawaabo, laakin waxaa taasi ka hor istaagay shir guddoonka, oo si sharciga baal marsan u duudsiiyey xuquuqda xildhibaannada iyo tii shacabka u lahaayeen inay maqlaan sida loo maamulo howlaha maaliyadeed ee dalka, waxaa si bareer ah loogu tuntay qodobka 30aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka oo dhigaya in la sugo xuquuqda xildhibaanka u leeyahay inuu ka doodo howlaha markaa horyaalla baarlamaanka”.

Xildhibaannada waxaa ay caddeeyeen in hab raaca uu sax ahaa “ishortaagga waxaa si qaldan loogu daliilashaday in gudbinta waxbixinta aan loo soo marin si waafaqsan xeer hoosaadka golaha shacabka, taasi waan beenineynaa, waxaana daliil u ah shir guddoonka, oo khibrad u leh howlaha baarlamaanka uu aqbalay in warbixintaas si sharci ah loo soo gudbiyey, ajendaha golaha shacabkana laguma daro wax aan loo soo marin hab raaca saxda ah, marka guddigu sidii saxda ahaa wey soo mareen, laakin sida cudur-daarka ugu yeelay shir guddoonka, umadda Soomaaliyeedna ugu sheegay inay qaldameen, qaladkaas guddigu ma laheyn, dooddoodu in la carqaladeeyo ma aheyn”.

Xukuumadda waxaa ay ku eedeeyeen kala qeybinta guddiga maaliyadda “Guddiga maaliyadda waxaa mudan in la xuso in 14-ka bisha, qaraar ay baarlamaanka ku gaareen in warbixintan la keeno ay daba socdeen ayna keeneen 19-kii bishan, xog badan iyaga oo soo uruuriyey, 23-kii November oo ah maalin ka hor doodda, waxaan ka war heynaa in xukuumadda oo kaashaneysa guddoonka ay dadaal u gashay qeybinta guddiga maaliyadda si buuq loogu furo golaha, loona hor istaago in warbixinta ay umadda Soomaaliya waxa ku jira la ogaato, warbixinta waxaa ay aheyd la hor keeno, laga doodo, kadibna loo yeero wasiirrada ay khuseyso si su’aalaha ay golahu qabaan ka jawaabaan, haddii guddigu wax qaldan keeneen waxaa ay caddaan laheyd doodda

Ugu dambeyntii, Xildhibaannada golaha shacabka waxaa ay soo-jeediyeen talooyin sida “In golaha loo ogolaado in uu ka doodo, wasaaradaha loo yeero, si ay uga jawaabaan, in ajende kasta oo golaha ka keenayo ay yeeshaan guddiga joogta ah iyo ajendayaasha golaha u codeeyaan, inay arkaan in kaalinta baarlamaanka la wiiqayo, in guddiyada la carqaladeynayo gaar ahaa kuwa si fiican u shaqeeyo loo kala diro qaab aan sharci aheyn, iyaga oo ku soo gabagabeeyey in guddoomiye Mursal uu soo gal mar haddii uu guddoonka uu ku guul-dareystay howlihii socday”.

Taariikhda Sheekh Cabdi Weli Sh. Cali Cilmi Yare

0

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah oo saaka waaberigii hore lagu qaaday xarun uu Koofurta magaalada Gaalkacyo ka degenaa Wadaad muran badan ka dhex dhaliyay bulshada, kaasoo lagu magacaabi jiray Sheekh C/weli Cali Cilmi Yare.

Qaraxyo ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari ayaa lagu weeraray xarunta wadaadka, iyadoo qaraxa kaddib ay xarunta gudaha u galeen dabley hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay Sheekh C/Weli Cali Cilmi Yare, Xaaskiisa iyo 13 kale oo xertiisa ka mid aheyd.

Haddaba dad badan ayaa is waydiinayo Taariikhda Shiikh Cabdiweli oo uu dhalay Shiikh Cali Cilmi Yare oo ahaa wadaad Diinta Islaamka si weyn ugu faafiyey Gobolka Mudug kaasoo Diinta Islaamka Caalim ku ahaa.

Halkaan hoose ka daawo Taariikhdiisa oo dhameystiran

Yuu Yariisow uga baqayaa inuu faro-geliyo xaaladda deegaanka Garasbaaley?

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusman Yariisow ayaa muddooyinkan aad uga gaabsaday dhibaata joogta ah oo lagu hayo dadka degan deegaanka Garasbaaley, oo laga dhibaateenayo degmada Dayniile ee ku dheggan.

Guddoomiyaha degmada Dayniile ayaa bishan gudaheeda weerar khasaare xooggan dhaliyay ku qaaday deegaanka Garasbaaleey oo dhaca duleedka Muqdisho.

Wax war ah ama tallaabo ah kama soo saarin maamulka gobalka Banaadir arrintaas, waxaana lagu warramayaa in sababta ay tahay cabsi uu ka qabo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaan Mustaf Dhuxulow.

Odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Garasbaaleey ayaa dhowr jeer oo hore ula kulmay duqa Muqdisho, isagoo u ballan qaaday in uu wax ka qaban doono dhibaatada lagu hayo deegaanka, balse ugu dambeyntii waxba kama suurt-gelin arrintaas.

Deegaanka Garasbaaleey ayaa sanadihii lasoo dhaafay ay ka muuqatay horumarro aad u waa weeyn oo ay u guntadeen bulshada qaybaheeda kala duwan ee kasoo jeeda deegaanka.

Weerarada uga imaanayay degmada Dayniile ayaa labadii bilood lasoo dhaafay joogta ahaa. Maamulka Dayniile ayaa doonaya in Garasbaaleey looga arrimiyo Dayniile, halka bulshada ay doonayaan inay noqdaan degmo madax banaan.

Odayaasha dhaqanka deegaanka ayaa sheegay in Yariisow uu maamulka gobolka Banaadir ku yahay oo kaliya magac u yaal, oo uusan gobolka isaga maamulin. “Gobolka waxaa maamulka Kheyre iyo xubnaha ku dhow, Yariisow waa iska magaacaban yahay” ayey yiraahdeen.

Dad ku dhow Yariisow ayaa iyagana laga soo xigtay in haddii uu qaado tallaabo aysan raali ka ahayn Kheyre iyo kooxdiisa uu u baqayo xilkiisa. Degmada Dayniile ayaa waxaa degan beesha ra’iisul wasaaraha, halka Garasbaaley ay ku badan yihiin beesha Yariisow.

Odayaasha beesha Yariisow ayaa hadda ka fakaraya inay qaadaan tallaabo ay ku dalbanayaan in maamulka gobolka loo dhiibo qof ayaga matal, maadaama Yariisow uusan sidaas u muuqan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

War ka cusub baaritaanka dilka Jamaal Khaashuqji ee ka socday Turkiga

Istanbul (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo kaashanaya Booliska Turkiga ayaa baaritaano  lagu baadi goobayo dad lala xiriirinaayo ku lug lahaasha dilkii Wariye Jamaal Kashoggi ka bilaabay labbo guri oo ku yaala Gobolka Yalova oo dhaca Waqooyi Galbeed dalkaasi Turkiga.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada wada baaritaanka oo habeenkii xalay ahaa gaaray goobtaasi in ay bartilmaameedsadeyn labbada guri oo kaliya iyagoo isku gadaamay una diiday dadkii ku jiray in ay ka baxaan ilaa amar dambe.

Mid kamid ah guryahaasi ayaa waxa iska leh ganacsade caan ah oo Sacuudiga u dhashay.

Baaritaankaani ayaa la sheegayaa in loo adeegsaday Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo  Eeyaha wax baara ee sida gaarka ah u tababaran si xaalada si fiican ay ula socdaan.

Ilaa iyo haatan laamaha amaanka Turkiga kama aysan warbixian howlgalkaasi  waxaase la filaayaa in goor dambe oo maanta ah ay ka warbixin doonaan sida ay xaqiijiyeen saraakiil u hadlay Booliska dalkaasi.

Wariye Kashoggi oo wargeyska Washington Post ee dalka Mareykanka ka tirsanaa ayaa ka hor intaan la dilin galay qunsuliyada Sacuudiga ay ku leeyihiin dalka Turkiga bishii Oktoobar labbadeeda halkaasi oo lagu dilay.

Xigasho: Aljazeera TV

Safarka Biixi oo laba qodob muujiyey: Fashilka Puntland iyo go’aanka Dhulbahante

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan bilaabay safaro uu ku kala bixinayey gobollada maamulkaas oo uu ugu magacdaray “Safarka nabadda iyo Midnimada”.

Goobaha uu booqday Muuse Biixi waxaa ka mid ah gobolka Soo xilli uu u sii gudbay tuulada Tukaraq oo a meel ay isku horfadhiyaan ciidamadiisa iyo ciidamada maamulka Puntland.

Tukaraq waxaa ka jirtay xiisad dagaal oo tan iyo bishii Janaayo markaas oo ay xoog kula wareegeen ciidamada difaaca ee Somaliland.

Socdaalka Muuse Biixi waxa uu xaqiijiyey laba qodob.

1 – In lagu kala adkaaday dagaalkii gobolka Sool

Maamulka Somaliland waxa uu Laascaanood oo ah xaruta gobolka Sool xoog kula wareegay 2007 iyaga oo ka eryaday maamulka Puntland oo ka arriminayey.

Wixii intaa ka dambeeyey waxaa gobolka ka dhacay dagaalo goos goos ah oo ay Puntland ku sheegeysay in ay ku xorreyneyso deegaankaas, welina aysan wax guulo ah ka gaarin.

Hase ahaatee, ilaa iyo hadda oo ay xiisadi ka taagan tahay, waxa muuqata in Somaliland ay ficil ku muujisey in ay gebi’ahanba uga adkaatay Puntland dagaalkii gobolka Sool, taas waxaa xaqiiinaya in Biixi ka sii hordhoco in uu booqanayo Sool iyo Tukaraq kana dhabbeeyo halka Puntland ay soo saarto warqado booto ah oo hadda laga daalay aqrintooda.

2 – Bulshada reer Sool (Dhulbahante) oo boqolkiiba 80 ku siyaasad noqday Somaliland

Waxaa jirtay waqti la kala qeybiyo bulshada gobolka Sool iyada oo lagu andacoon jiray in beesha Jaamac Siyaad ay la socoto Somaliland, balse inta kale ee degta gobolka Sool aysan raacsaneyn ama ogoleyn Somaliland, hase yeeshee, waxaa marag madoonto ah in manta Dhulbahante 80% ay isku siyaasad noqdeen beesha dhexe ee Isaaq oo ay dhabarka u jeediyeen Majeerteen.

Beelaha awoodda leh ee hadda ka xarig furtay Puntland ee aaminsan laba midkood; in ay maamul sameystaan iyaga u gaar ah oo Dhulbahante u dhan yahay ama ay wax la qeybsadaan Isaaq waxaa ka mid ah Ogaadhyahan, Axemd Garaad, Barkad, Bahararsame iyo dhammaan ita ay beesha Dhulbahante ka kooban tahay.

Waxaa sabab u ah arintaas Puntland oo ka badin weyday in ka hano qaaddo halkii ay 10 sano joogtay iyo maamulkii ay Harti wada dhisteen oo isugu biyo shubtay saddex jiifo hoose oo ka mid ah Majeerteen ee loo yaqaan Maxamuud Saleebaan.

W/Q: Guuleed Axmed Baashe
Hargeysa, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Mareykanka: Soomaali ku qasbay shirkada Amazon waxaysan weligeed sameyn

Talaadadi ina dhaaftay wuxuu daabacay wargayska New York Times in shaqaale Soomaali ah  ay Amazon ku qasbeen inay gasho wada xaajood. Wargaysku wuxuu yiri waxaa la yaab noqotay arrintaas maadaama Amazon aysan waligeed aqbalin gorgorton xataa mid hoose sida ay qireen dad aqoon u leh shirkadda iyo kuwa u dhaqdhaaqo arrimaha shaqaalaha.
Amazon waa shirkad laga leeyahay Maraykanka. Waxay ka mid tahay shirkada caalamiga ah ee dunida ugu waaweyn uguna taajirsan. Milkiilaheeda ayaa dhowr goor noqday ruuxa ugu qanisan dunida. Shirkadaan oo la aasaasay 1994 ayaa si dag dag ah u kortay faaiido xad dhaaf ahna u samayso. Sifada ugu muhiimsan ee ay lacagta badan ku samayso ayaa ah sida la sheegay ku gaboodfalidda shaqaalaha.
Waxaa lagu eedeeayay inay shaqaalaha u dirto shaqo tankooda ka badan, waqtiga xataa ilbiriqsiyo u xisaabiso, ilaa ay gaartay in la xisaabiyo inta daqiiqo ee ay suuliga ku jiraan. Dhibkaan lagu hayo shaqaalaha waa mid gaal iyo islaam, caddaan iyo madowba u siman yahay. Muslimiinta waxaa u sii dheer inay u baahanyihiin waqti ay ku tukadaan. Haddii suuligi la isu xisaabiyay waqti lagu tukado in bilaash la isku siiyo ma meeshaba kuma jirto.
Hasa yeeshee Soomaalidu in badan ayay ka adkaadeen shirkadaha waaweyn ee ay u shaqeeyaan. 2005’ti shirkadda ugu weyn ee tafaariikhda iibiso dalka Ingriiska oo lagu magacaabo Tesco ayaa sidaas oo kale soomaali u shaqaynaysay ku qasbeen wada xaajood, ka dib marki ay diideen inay ka shaqeeyaan khamriga. Waqigtaan waxaa soomaalida la shaqaynayay muslimiin badan oo Aasiyada fog kasoo jeedo iyo kuwa Afrikaan ah. Muslimiintaan dood badan kama aysan keenin inay guraan khamriga balse Soomaalida ayaa isa soo taagtay. Shirkaddi waxay isku dayday xeel iyo xoog intaba inay arrintaan soomaalida marsiiso. Dhinac waxay ugu hanjabtay inay shaqada ka eryi doonto, dhinaca kale waxay raadisay fadwo culimo oo ogol inay muslimiintu khamriga ka shaqayn karaan taasoo ay soo heleen QIIL. Labadiba Soomaalidi mari wayday.
Laga yaabo inta aanan aqoonta u lahayn sharciyada shaqada iyo shaqaalaha waddamada Galbeedka inay la yaabayaan sababta aan loo cayrin karin qof kuu shaqeeyo. Shaqaaluhu waa labo nooc: Mid ku meel gaar ah oo waqti yar aad kiraysato iyo mid joogta oo heshiis waqti dheer lala galo. Kan hore xuquuq badan ma lahan oo shaqadiisu waa joornaati maalinle ama asbuuc leh ah. Midka labaad xuquuq badan oo heshiiskaas ku cad ayuu leeyahay.
Wixii aan heshiiskas aan ku jirin ee shirkaddu gadaal ka keento xaq ayuu u leeyahay inuu diido shaqana lagama eryi karo. Haddii ay dhacdo in laga eryo dacwo ayuu furi magdhow badan inuu helo ayayna u badan tahay. Sidoo kale, arrimaha la xariiro diidamaha iyo dadka laga tirada badan yahay sida khaniisiinta xuquuq lama taabtaan ah ayay leeyihiin.
Labadi xeeladodba shirkaddi u shaqayn wayday marki danbana waxay ku khasbanaatay inay aqbasho sidi ay Soomaalidu rabtay oo ahayd inay ka shaqeeyaan wixii diintoodu ogoshahay. 2012’ki aniga in la hadlayo iyo soomaali kale oo aan wada shaqayn jirnay ayaa isla shirkaddaas Tesco maxkamad la fuulnay ka dib markii ay nagu dhibeen salaaddi. 2013’ki ayaa kiiski nalo xukumay xoogaa magdhow ah oo aan badnayna waa nagala siiyay. Kiiskaan ayaa noqday kii ugu horreeyay ee dad ku doodayo in diin darted lagu takooray ay ku guulaysteen. Horay waxaa u dhacday dacwado ay gaysteen shaqsiyaad masiixi ahaa oo ka cowday in lagu dhibay diintooda laakiin kuma aysan guulaysan dacwadoodi.
Mar walba oo Soomaalidu dagaal intaas la eg oo qaarkiis sanado qaatay ay galayso Muslimiin iyo dad kale oo dhibka la qabo ayaan far dhaqaajin wixii loo sheegana yeelo. Haddaba waxaa maxay sababta ka adanbayso dhiirranaanta Soomaalida waase maxay sababta ay ugu guulaystaan inta badan dagaalka ay galaan.

Marka hore, waxaa jiro ismaandhaaf. Soomaalida qurbaha tagto waa dad dhalinyaro ah, aqoon aan lahayn kana yimid dal burbursan. Sawirka laga haysto ayaa ah dad baahan oo hadda nolol cusub arkay, sharciga dalka aan aqoon, lacag ay garyaqaanno ku qabsadaan aan haysan af ay dacwo ku gudbistaanna aan aqoon. Arrimahaan oo la isku daray waxay keenaan inay maamulayaashu ay Soomaalidu la shaqayso isku dayaan inay cadaadis badan saaraan si xoogganna ugu shaqeeyaan.

Dhinaca Soomaalida badownimada ka hayso sharciga dalka, afka aysan aqoon iyo awood la’aanta dhaqaale ayaaba ah midda keenayso inay isa soo mutaxaan. Si aan u fahanno waxa aan kaga jeedo aan eegno dadka kale. Dadka loo yimid waa kuwo lagu barbaariyay sharciga. Waxay u kala cabsadaan sida loo kala darajo badanyahay. Wixii la yiraahdo waa sharciga shirakadda kuma dhiirran karaan inay jabiyaan waayo caaqibada ayay ogyihiin. Intooda badan shaqada ay hayaan dhowr fac ayay kusoo jireen oo aabbayaashood ayay ka dhaxleen sidaas awgeed in shaqo laga soo cayriyo ama lagu eedeeyo ma shaqayste waxay sumcad darro ku tahay qoyska oo dhan. Madaxtinimadu qiimo badan ayay u leedahay. Ruuxa horjoogaha u ah si xooggan ayay uga baqaan madaxda sarana wajigooda xataa ma fiirin karaan.

Ixtiraamka madaxda iyo cabsida sharciga waxaa usii dheer in lagu barbaariyay kalinimo (individualism). Taasi waxay ka dhigantahay naftiisa mooyee qof kale wax kama galin. Haddii saaxiibkiis la shaqayn jiray sanado badan qaraabo dhowna ay yihiin si walba loo dhibo wuxuu dhihi isagay u taallaa ee ha is furdaamiyo. Sababtu waa bulshada uu ku dhex koray ayaa sidaas u nidaamsan oo qof walbow naftaa la yiri nooc walba oo nolosha ka mid ah.

Intaas waxaa dheer inay intooda badan dayn ku jiraan. Ma jiro ruux qaangaar ah oo aan dayn qabin. Sanadkaan warbixin la qoray waxay tustay in celcelis ahaan qof walba oo Maraykan ah lagu leeyahay $38000 (Soddon iyo siddeed kun oo doolar). Deyntaan kuma jirto midda guryaha iyo baabuurta lagu qaato ee tirada badan ee waa midda dukaamaysiga caadiga ah lagu galo. Deymaha nuucaan ah waa kuwo bille loo bixiyo, hal bil oo ay kugu go’dana kuu horseedi karto dulsaar xad-dhaaf ah iyo ganaax. Sidaas darteed shaqada oo laga eryo waxay ooga dhigantahay inay xabsi galeen.

Soogalootiga aan Soomaalida ahayn way ka dhaqan duwanyihiin Soomaalida. Qaar sida caddaanka ayay ka yimaadeen dhaqammo sharciga iyo madaxda aad loo ixtiraamo. Qaar in shaqaalaha la guumaysto caadi ayay ka ahayd oo midda ay hadda yimaadeen ayaaba nasri u ah. Dadka sidaan ah waxaa u badan Aasiyaanka. Qaar cabsi rabbaani ah ayaa hayso sida dadka madow. Madowgu isagoo si walba u shabbaho Soomaalida oo aysan jirin caano ka daadanayo ayaysan ku dhiirran karin inay ka hadlaan dhibka lagu hayo.

Haddaba sawirka aad caddaanka kasoo aragtay garab dhig Soomaalida. Maamulayaashu 99% waa caddaan. Waxay filayaan dhaacada dadkooda oo kale iyo mid kasii badan maadaama ay u arkaan in ajaanibtu ka hoosayso caddaanka. Ninki sidaas qabay waxaa u yimid Soomaali aan waligiis shaqayn, waligiis aan arag aabbo iyo adeer shaqo u socdo. Sharci iyo nidaam la ilaaliyo aysan ku jirin manhajka wax lagu baro. Halka ruuxa cad maamule uu la murmay ay ceeb u keenayso reerkiisa, soomaaliga maamule si xun ula hadlay oo uusan ka falcelin ayaa fadeexad ku ah qoyskiisa iyo qabiilkiisa oo dhan.

Halka caddaanku ku shaqeeyaan “ninwalbow-naftaa”, Soomaalidu waa “walaalkaa u gargaar”. Sanadki 2007’di ayaa innagoo shaqo ku jirno waxaa ii yimid wiil soomaali ah oo xanaaqsan (waa wiilka aan Tesco maxkamadda wada saarnay). Hadba dhinac ayuu u ordayaa tobaneeyo Soomaali ah oo meesha ka shaqayso ayuu isu aruurinayaa wuxuuna leeyahay kasoo baxa shaqada. Marki uu yimid isagoon waxba ii sharrixin ayuu igu yiri soobax soobax anna waan raacay.

Illinki laga bixi lahaa markaan marayno ayaa waxaa na joojiyay maamule heer dhexe ah wuxuuna yiri suga waxyar. Wuxuu u yeeray mid ka sarreeyay wadahadal ka dibna dib ayaan shaqadi ugu noqonnay. In badan oo aan anigu ku jiro waxaan usoo baxnay xataa ma ogin. Markaan laabannay ayaa niri maxaa jiro. Waxaa naloo sheegay Xasan oo Soomaali ah inuu Mark oo aan wada naqiinnay inuu nin xun yahay af-dhaajiyay ka dibna caayay. Arrinti Xasan iyo Mark joogtay waxay Soomaalidi ka dhigtay Soomaali iyo Ingriis. Xasan-ka dhaqan iyo akhlaaq midna kuma uusan dhaammin Mark laakiin beel weynta Soomaaliyeed ayuu ka dhashay ilmo adeerro gacan fudud ayaana u joogo!.

Tallabada aan maalinkaas qaadnay sharci ahaan caaqibadeedu waa ruqso aan racfaan lahayn. Waayo lama ogala kooxaysi. Labo haddii ay tabasho jirto jid loo maro ayay shirkaduhu leeyihiin oo ciddi wax tabanayso warkeeda lagu maqlo. Saas oo ay tahay digniin xataa nalama siin laakiin inaysan mar danbe dhicin ayaa na loo sheegay muddo bilo gaartayna si joogta ah ayaa naloola kulmi jiray si loo xaqiijiyo inay tabashadi dhammaatay iyo in kale.

Kooxaysiga waa awoodda ugu badan ee ay Soomaalidu leedahay markay la macaamilayso shirkadaha dhiig-miiratada ah. Ma jirto qowmiyad kale oo fudaydkaas dhiiggeeda lagu kicin karo. Lama heli karo dad aan isku dan ahayn oo haddna hal ruux dantiisa danahoodi dhan oo qarribo. Hab-dhaqankaan waxaa loo arkay mid waalli iyo ku dhisan sharciga howdka. Sidaas darteed marki ay dhacdo shirkaduhu waxay garwaaqsadaan inaan laga guulaysan qof aan sharci aqoon. Sidaas ayay u door bidaan inay xeer jajab kula macaamilaan Soomaalida.

Sidoo kale, marki maxkmad la tago qaalliga waxaa u sawiran arrinta intaan oo qofka ah isku mamda’a ka dhigtay inaysan sahlanayn. Qaalliyadu waa odayaal waaya-arag ah aadna u yaqaan xad-gudubyada shirkadaha sidaas awgeed waxay aad u tuhmaan in la isku dayay in Soomaalida iyo soogalootiga si gooni loo bartilaamadaysto aqoonta la’aanta iyo af la’aanta awgeed. Garyaqaannada u doodo Soomaalida ayaa iyaguna sidaas oo kale hadalka u dhigo. Arrimhaan oo la isku daray waxay sahlaan in qaalligu dhinaca shaqaalaha dacwada qabo u bato.

Tan ugu danbayso ee Soomaalidu far soo dheeraatay u noqotay waa inaan deyn lagu lahayn. Meel walba oo ay tagto Soomaalidu wali waa ree guuraa. Si fudud uguma milmaan dalalka ay tageen dhaqankooda. Daymaha ay u baahanyihiin waxay ka qaateen Soomaali kale. Shayga kaliya ee ka xaaraanta ah Soomaalida waa dulsaarka (arrintaan hadda isbaddal ayaa ku socdo) sidaas darteed guri deyn dulsaar leh kuma qaataan. Si kooban ruuxa soomaaliga ah ee xammaaliga ah waa awr caddaysin ah. Wax ka dhulyaal iyo wax ka lumaya oo aan ka ahayn biilka uu qoyskooda u diro ma jiraan. Taasi dhib waa ku filantahay laakiin dhaqankeenna ah inaan barri laga fakerin iyo in waxwalba qaddar Eebbe loo tiiriyo ayaa keeno in aannan waxba ka nixin.

Ugu danbayn Soomaalidu waxay arrimo yaab geesinimo iyo dhiirranaan leh ka muujiyeen waddamada ay tageen. Meelaha ay ka shaqeeyaan ma qaataan xad-gudub iyo hoosayn. Taasi maahan inay marwalba iyagu saxanyihiin ee inta badan wax caadi ka ah goobaha shaqada ayay dood ka keenaan maadaama aysan fahamsanayn ama dhaqan ahaan aysan horay usoo baran.

Arrintaan inkastoo dhinac ay ka tahay mid lagu farxo dhinaca kale waa mid mugdi ah. Dhaqankaan waa dib u dhac u keenayo horumarka iyo nabadda dalkeenna. Ismaqalka, ixtiraamka madaxda iyo ka baqidda sharciga oo la waayo waxay ka dhigantahay in loo noolaado sida lagu noolaa barigi miyiga. waxaa la heli doonin shaqaale soomaali ah oo dhaga fudud kana shaqeeyo horumarka dalka. Waxaa dhici doonta marki dalku billaabo horumar ballaaran in la waayo shaqaale carbiyaysan oo Soomaali laguna qasbanaado in dalalka dariska ah laga keeno shaqaale badan taasoo dhib weyn ku ah qoysaska soomaaliyeed. Arrinta nuucaan waa mid hadda ka taagan dalalka Khaliijka oo dhaqammo badan aan iska shabbahno.

Waxaan qabaa in iskoollada, malcamadaha iyo jaamacadaha lagu tarbiyeeyo caruurta iyo dhalinta waxbarashada ku jirto si ay diyaar ugu noqdaan shaqo iyo shaqaalenimo.

W/:Q Ibrahim Aden Shire
[email protected]
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/

Qarax culus oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo guri gubanayo (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan laga malay magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa laga maqlay wadada Warshadaha ee Muqdisho, gaar ahaan agagaarkii hore ee warshadii hore ee Taraqa iyo Sigaarka, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Dadka goobjoogayaasha ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhex dhacay guri ku yaala agagaarka warshadii hore ee taraqa iyo Sigaarka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa uu gurigiisa la tagay ruuxii lahaa, kadibna uu qarxay.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga uu ku dhex qarxay gudaha guriga, iyadoo uu gubanayo gaariga.

Gaadiidka Gurmadka deg dega ayaa gaaray goobta, iyadoo ciidamo badan la geeyay si loo xaqiijiyo xaaladda goobta ay wax ka dhaceen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ninkii waday gaarigii ku qarxay Kaawa Godeey oo la qabaty + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geystay oo duhurnimadii maanta ka dhacay Isgoyska Kaawo-godey ee Degmada Wadajir, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska.

Qaraxan oo loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Isgosyka Kaawo-godey ee Degmada Wadajir.

Waxaa jira Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo ka dhashay Qaraxa oo loo adeegsaday gaari Nooca raaxadda ah oo la dhigay Igoyska Kaawo Godey.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa waxa ay gaareen goobta, si ay u soo qaadaan dhaawacyada halkaasi yaalla, si loo gaarsiiyo Isbitaalada oo xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa SONNA u sheegay in dhagar ninkii  waday gaariga gacanta lagu soo dhigay ka dib markii uu isku dayay inuu ka baxsado Ciidamada amniga.

Ciidanka ammaanka ayaa waxa ay xireen goobta uu Qaraxa ka dhacay, iyagoo dadka ku amraya in ay goobta ka fogaadaan.