27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Guriga laga soo abaabulay weerarkii Gaalkacyo oo la ogaaday iyo rag la qabtay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Saraakiisha amaanka ee maamulka Galmudug ayaa shaaciyay inay ogaadeen gurigii laga soo abaabulay weerarkii lagu qaaday xarunta wadaadka C/Welli Cali Cilmi Yare.

Taliska ciidamada booliska ee Galmudug ayaa sheegay in howlgal labadii maalin ee lasoo dhaafay laga waday magaalada Gaalkacyo ay ku ogaadeen halka laga soo qorsheeyay weerarka iyo gurigii ay ku sugnaayeen ragga weerarka geystay.

Sidoo kale Taliska ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag kale oo la rumeysan yahay inay abaabulka weerarkaasi wax ka ogaayeen, kuwaasi oo ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Ragga la qabtay oo hadda baaris ay ku socoto ayaa waxaa soo gashay xog la xiriirta inay soo dhaweeyeen ragga weerarka ka dambeeyay iyaga oo ka keenay meel ka baxsan magaalada Gaalkacyo.

Ku dhawaad 15 ruux ayaa ku dhimatay Qaraxyadii ka dhacay xarunta xerta ee Wadaadka Cabdiweli, waxaana la qabtay mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday oo dhaawac ah.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay inay wadaan baaritaano kale oo ay ku raad joogaan dad kale oo tuhunka weerarka uu soo galay.
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

Sarkaalkii abaabulay qaraxi hotel Saxafi oo la qabtay

Muqdisho (Caasimada online) – Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay ruuxii ka dambeeyay abaabulka Qaraxii hotel Saxafi.

War qoraal ah oo kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ruuxa la qabtay uu ahaa maskaxdii abaabushay weerarka oo sagaalkii bishaan ka dhacay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi oo qaraxyo ku bilowday ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo rayid ahaa oo uu ku jiray wiilka uu Dhalay C/rashiid Shire Ilqeyte oo ahaa milkiilaha Hotelka oo isna seddex sano ka hor isla hotelka lagu dilay.

Walow NISA qoraalka kasoo baxay lagu sheegay in la qabtay ruuxaasi, haddana ma aysan sheegin magaca iyo halka laga soo qabtay ruuxa ka dambeeyay abaabulka qaraxii Hotel Saxafi.

Hay’adda ayaa sheegtay in ruuxaasi la horkeeni doono dhawaan sharciga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF oo dhaliishay shirkadd FAVORI kana fiirsaneysa HESHIISKA ay kula jirto

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dib u eegis lagu sameynayo heshiiskii shirkada Favori kaga howlgashay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wasiirka duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, ayaa sheegay in heshiiska  Shirkadda Favori uu dhacayo sanadka soo socdo, waxaana ka hor inta aan la saxiixin mid cusub uu sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono waxqabadka shirkadda.

Wasiirka wuxuu sheegay in shirkada aysan qaban qaar kamid ah qodobadii hore loogu heshiiyay oo ay ku jiraan dhismaha Terminal labaad, dukaamo laga dhiso banaanka garoonka diyaaradaha iyo qodobo kale.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shirkadda ay wax badan qabatay, laakiin aysan dhaqan gelin heshiiskii lala galay 100%, isaga oo sheegay inay jiraan cabashooyin shacabka kasoo gaarayay.

Wasiir Oomaar ayaa xusay in heshiiska cusub ee lala galayo Favori uu noqonayo mid si wanaasgan looga fiirsaday, islamarkaana dib u eegis lagu sameyn doono midka hadda dhamaadka ah.

Sharikadda Favori ayaa Garoonka Aadan Cadde la wareegtay sanadkii 2013kii, waxaana xilligaas jiray muran badan oo la xiriiray in heshiiskaas aan la geyn Golaha shacabka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warqadii uu Mahad Cawad qoray oo keentay in la kala diro guddiga maaliyadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka golaha shacabka ayaa sheegay in la kala diray guddiga miisaaniyada, maalliyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka ee golaha ayadoo gudoonka uusoo dhisi doono gudi cusub.

Warqad kasoo baxday guddoonka oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudeey ayaa lagu sheegay in kala deristan ay ka dambeysay kadib markii xubnaha guddiga ay ku xadgudbeen xeer hoosaadka baarlamanka, islamarkaana khilaaf uu ka dhex dhashay xubnaha..

Muudeey waxa uu yiri waxaan guddiga kala diray

1 – Markii caddaatay khilaafka ka dhex jira guddoonka guddiga, oo gaaray heer fool xun.

2 – Markii ay xubnaha isku khilaafeen golaha hortiisa, oo aaney muuqan wadashaqeyn ay ku guraan waajibkooda,

Caasimada Online ayaa ogaatay labada sabab ay kor ku xusan uu Muudey cuskaday kadib laba warqad oo ay kala qoreen guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad iyo xoghayaha guud ee golaha Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux.

Cawad ayaa warqaddiisa eedeyn ba’an ugu jeediyey xubnaha guddiga, oo ay ka mid ahaayeen xeerar lagu xadgudbay, wada-shaqeyn la’aan xubnaha dhexdooda ah iyo xubno ka mid ah guddiga oo cabasho usoo gudbiyey.

Warqadda Buux soo saaray oo iyana ku timid codsi uu u jeediyey Mahad Cawad, waxaana lagu sheegay in soo gudbinta warbixintii musuq-maasuqa ku eedeysay xukuumadda aan loo marin habraaca saxda ah.

Hoos ka arag warqadda Cawad oo saddex bog ah iyo tan Buux ooh al bog ah.

 

SACUUDIGA oo ay ka jirto xaalad qarsoon oo xilka uu ka weyn karo Bin Salman

Riyadh (Caasimada Online) – Dhimashadii Wariyaha Reer Sacuudi Jamaal Kashoqji ee ka dhex dhacay qunsuliyadda Istanbul iyo dareenkii Xigay ee diidmada Siyaada Caalamiga ayaa horseeday in maalgashadayaashii Sacuudiga inay dhaqaalahooda u xawishaan meel ka baxsan Sacuudiga, ayna joojiyaan maalgalintii gudaha, sida Shabakada Bloomberg ay shaacisay.

“Maalgashadayaasha Reer Sacuudi ayaa sida muuqata lumiyay aaminaadooda inta Maxamed Bin Salmaan laga difaacayo geeridii Kashoqji, gaar ahaan intii lagu gudo jiray howlgalkii ka dhanka ahaa dadka taajiriinta iyo ololihii ka dhanka ahaa Musuq maasuqa”ayaa lagu yiri warbixinta Bloomberg.

Marka la wareystay inka 10 ruux oo kala duwan ayaa waxaa la sheegay in dadka maalgashan jiray Sacuudiga ay dhaqaalahooda u xawisheen meel ka baxsan Sacuudiga, waxaana lagu guul dareystay in la ogaada marka xawaaladaha ay dhigayeen.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu ka badbaaday dilka wariyaha, laakiin dadka gudaha Sacuudiga ayaa lumiyay kalsoonidii lagu maalgashan lahaa, sidoo kale wuxuu u horseeday burburka dib habeynta lagu waday dalkaasi.

Waxyaabaha kale ee uu burburiyay waxaa kamid ah hay’addo ka qeyb qaata dhaqaalaha dalkaasi kuwaasi oo kor u qaadi lahaa dakhliga Sacuudiga ee kaliya Shidaalka ku tiirsan.

“Lacagta wey kasoo baxday gudaha Sacuudiga xitaa inta aan la xirin Ritz” Sidaa waxaa yiri Stephen Hertog oo ah qabiir ku taqasusay arimaha Khaliijka, waxna ka dhiga iskuulka dhaqaalaha ee London, “Tani waa sababta hoos u dhigtay dhaqaalaha oo waxay mas’uuliyiinta ay ku talaabsanayaan tallaabooyin miisaaniyadeed oo looga jawaabayo qiimaha saliida hooseeya.”

Haddii xaaladdan sii socota waxaa Sacuudiga qasab ku noqon doonta in Maxamed Bin salmaan meesha laga sarao si loo bad-baadiyo dhaqaalaha dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Riyadh
[email protected]

Cameey oo weerar culus ku qaaday golaha madax goboleedyada Somalia

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cameey ayaa weeraray markale golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo uu ku tilmaamay inay haraadi yihiin.

Mr Cameey, ayaa ku eedeeyay dowlad goboleedyada inaysan dooneyn in horumar laga sameeyo Soomaaliya, sida uu sheegayna ay hortaagan yihiin inta ka hartay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Kadib Heshiiskii dhexmaray dowladda iyo maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed wuxuu sheegay inay sii dhamanayaan xubnaha ku haray golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

“Qolooyinkaan waxaa iminka oran karaa Haraadiga, Waare iyo SHariifka wey ka baxeen, Haraadiga waxaan ogahay inaysan dooneyn in horumar la gaaro, anigu waxaan qabaa in fakar wanaagsan ay la yimaadaan, wax kale ayay doonayaan waxay doonayaana lama yaqaan”ayuu yiri Cameey.

Wuxuu Cameey sheegay in seddexda madaxweyne ee kusoo haray golaha iskaashiga inay dhawaan iyagana meesha ka bixi doonaan, maadaama doorasho ay kusoo wajahan tahay Puntland iyo Jubbaland.

Golaha oo ay ku hareen maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug waxaa guddoomiye ka ah madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected] 

Soomaali weerar ku qaaday macbad Yahuudeed oo ku yaalla MAREYKANKA

New York (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah oo ku nool magaalada Seattle ee dalka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay Dambi naceyb ah kadib markii dacwad oogayaashaay sheegeen inuu isku dayay inuu raacdeysto labo ruux oo ku sugnaa macbad Yahuudeed ku yaala magaalada Los Angeles.

Maxamed Maxamed Cabdi oo 32 jir ah ayaa ku qeylinayay labada ruux, kala duwanaanshahooda xagga diinta darteed, isagoo kaga soo baxay dariishada gaarigiisa, waxaana uu isku dayay inuu waxyeeleeyo, sida ay sheegeen qareenada xafiiska magaalada Los Angeles, waxaana la sheegay labada ruux oo wada dhinaceeda ku lugeynayay inaysan waxyeelo gaarin.

Maxamed ayaa intii uu ku mashquulsanaa labada ruux wuxuu ka baxay wadadii uu ku socday, waxaana uu ku dhacay gaari gale, sida ay sheegeen saraakiisha booliska, iyadoo isla goobta  lagu xiray.

Waxaa Maxamed lagu eedeeyay labo dambi oo hal mar dhacay, kan koowaad oo ahaa fal naceyb ah iyo kan labaad oo ahaa inuu gaarigiisa ku dhacay mid kale, waxaana la sheegay inuu galay dambi aan dhiig ku daadan.

Qareenka u doodayay Maxamed oo maxkamadda ay u qabatay Micheal R, Enger, ayaanan wax jawaab ah ka bixin kiiska loo heysto Maxamed.

Maxamed, oo lagu sii deyn karo damaanad dhan $500,000, ayaa suuragal ah inuu wajaho xabsi sideed sano iyo sideed bilood ah oo uu ku qaadanayo gobolka, sida qaadiyaasha ay sheegeen.

Maxamed ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho, laakiin wuxuu ku nool yahay dalka Mareykanka oo dhalasho uu ka heysto, sida uu sheegay Frank, waxaana booliska ay sheegeen in markii la wareysanayay uu qariyay xog badan oo ku saabsan isaga, isagoo magaciisa ku sheegeen Maxamed Maxamed Cabdi.

Caasimada Online
Xafiiska USA
[email protected]

Xildhibaanada barlamanka oo ka hadlay kala diristii guddiga maaliyadda BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee ku kala aragti duwan xiisadda cusub ee ka dhex taagan guddoonka baarlamaanka ayaa ka hadlay eedaha loo jeediyay guddoonka baarlamaanka.

Khilaafka u dhaxeeya xildhibaanada baarlamaanka iyo guddoonka baarlamaanka ayaa sababay in muddo labo maalin ah ay baaqdaan kulamadii caadiga ahaa ee ka dhici lahaa golaha shacabka.

Xildhibaan C/fataax Daahir Ismaaciil ayaa sheegay in hanaankii ugu dambeeyay ee shirka baarlamaanka uu u maamulay Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ay keentay khilaafka iyo xiisadda cusub ee ka dhex jirta baarlamaanka.

“Sabtidii Qaabkii uu u hogaaminayay oo aheyd sida arday iskuul oo kale, ayaa ciladda keentay, dowladda waxay ku amaanan tahay waan ku amaaneynaa, laakiin waa inaan ka qabanaa waxay ku liidato”ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ah xildhibaanada taageersan xukuumadda ayaa sheegay in khilaafka cusub uu niyad ku abuuri karo shacabka, waxaana baarlamaanka horyaala shaqooyin muhiim ah.

Baaqashada kulan walbaa oo baarlamaanka yeelan lahaa ayaa la sheegay inay dhibaato ku tahay dowladda Soomaaliya oo shaqooyin badan ay horyaalaan, waxaana baarlamaanka laga doonayaa meel marin sharciyo badan oo doorashada xigta muhiim u ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Doorashada Puntland iyo qorshaha C/Weli Gaas

Garoowe (Caasimada Online) – Xili wax ka yar 40 maalmood ay ka harsan  tahay doorashada madaxweyne ee Puntland oo la filayo in ay dhacdo 8 Janaayo ee sanadka soo socda ee 2019 ayaa waxaa xiligan jirta hadal hayn ku aadan qabsoomida doorashada.

Siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada reer Puntland ayaa ku kala ra’yi duwan qaabka iyo xiliga ay dhacayso doorashada waxaana qaarkood ay shaki galinayaan qabsoomida doorashada maadama aan wali lasoo dhisin gudigii xalinta khilaafaadka ee ka shaqeyn lahaa habsami u socodka doorashada.

Hase aahatee madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay daahfurka mashruuc dib u casriyeyn loogu sameeynsyay Isbitaalka guud ee magaalada Qardho ayaa meesha ka saaray hadal haynta ay qabaan Siyaasiyiinta iyo dad ka qaar ee reer Puntland kuna aadan in la arko Puntland oo doorashadeeda si xalaal ah xili la cayimay uga dhacda.

Hadalka Madaxweyne Gaas ee ah in ay dhacayso doorashada madaxweyne ee Puntland waxaa ku lifaaqnaa hadalka kale oo muujinayay damac uu markale madaxweyne Gaas ku doonayo in uu ku hanto kursi maaxweynenimo ee Puntland.

Hoos Dhageyso Codka Madaxweyne Gaas iyo muujinta damaciisa doorashada 2019

Hadaba Siyaasi muuse cali jaamac oo kamid ah Siyaasiyiinta reer Puntland oo aan wax ka weydiinay hadalka madaxweyne gaas iyo damaciisa siyaasadeed ee doorashada waxa uu sheegay in hubanti ay tahay in Gaas uu doonayo in markale uu kusoo laabto hogaanka Puntland.

Hase ahaatee Siyaasiga ayaa shaki galiyay in 8-Janaayo  ay dhacdo doorashada madaxtinimada Puntland duruufo iyo daldaloolo siyaasadeed oo jira owgood.

Duruufaha aan saamaxayn in ay dhacdo doorashada ayuu siyaasi Muuse Cali Jaamac ku sheegay maqnaanshiyaha gudigii ka shaqeyn lahaa doorashada oo aan wali la magacaabin hadii la magacaabana aysan xiligan noqon doonin gudiga cadli ah oo si hufan u guta howlohooda shaqo.

Daldaloolada siyaasadeed ee aan suurtgal ka dhigayn qabsoomida doorashada Puntland ayuu Siyaasi Muuse ku sheegay faragelin ay xukuumada wakhtigeeda gabo gabad marayo ku hayso howlihii doorashada sida soo xulistii xildhibaanada iyo maroorsiga awooddii isimidu ku lahaayeen ka qeyb qaadashada iyo xulida xildhibaanada beelaha ku matalaya golaha wakiilada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in madaxweyne Gaas uu miciin biday cudud ka raadinta haweenka Puntland xili uu dhowr jeer oo hore warqado uu kasoo saaray xafiiskiisa ku sheegay in ay lama taabtaan tahay doorka haweenka ee kamid noqoshada xildhibaanada cusub ee golaha wakiilada Puntland.

Si kastaba xaal ha noqdee siddeeda Janaayo (8 January) ayaa loo madlan yahay in Puntland ay ka dhacdo doorasho dad badan ay aaminsan yihiin in ay ka duwanaan doonto doorashooyinkii hore marka la eego sida awoodo kala duwan ay ugu baratamayaan ku guuleysiga kursiga looga arimiyo Puntland iyo isbedel ay rajaynayaan in shacabka Puntland ka fishaan doorashada.

Hadaba Hoos ka dhageyso wareysi dheer Siyaasi Muuse Cali Jaamac 

Guddoomiye Mursal oo “ka hor-yimid kala dirista gudiga maaliyadda BF”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda baarlamanka Soomaaliya ee maanta la kala diray ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya uusan waxba ka ogeyn arrintan.

Guddoomiye Mursal ayaa ku sugan dalka Turkiga oo uu howl-shaqo ku joogo, waxaana maanta guddiga kala diray ku xigeenkiisa kowoaad Cabdi Weli Ibraahim Muudey.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ahaa xoghayaha guddiga, ayaa sheegay inuu xiriir la sameeyey guddoomiye Mursal, una xaqiijiyey in arrintan ay tahay mid sharci darro ah oo uusan waxba ka ogeyn.

“Mursal wuxuu ii sheegay inuusan ogeyn arrintan, waana mid u gaar ah guddoomiye ku xigeenka koowaad Muudeey iyo kan labaad Mahad Cawad oo ku xiran ra’iisul wasaare Kheyre” ayuu ku yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur oo wareysi uu siiyey VOA.

Si kastaba, Mursal ayaan weli si rasmi ah arrintan uga hadal, kamana jawaabin xiriir ay la sameysay Caasimada Online.

Mursal ayaa aad loo rumeysan yahay inuu ku xiran yahay xukuumadda oo markii horeba kursiga ku fariisisay kadib markii dagaal siyaasadeed uu ku qasbay guddoomiyihii hore Jawaari inuu is-casilo. Waxaa la dhowri doonaa jawaabtiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Saddex qodob oo SAX ka dhigaya kala dirista gudigi maaliyada BF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Weli Ibraahim Muudey ayaa maanta kala diray Guddiigii Maaliyadda ee Baarlamaanka.

Inkastoo aan si fiican loo faahfaahin sababtii keentay in guddigaas la kala diro, haddana anigoo ah qoraaga warbixintaan waxaa ka fahmay inay sabab u aheyd Seddex arrin oo qatar ku ahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1) Xisbiga UPD

Inta badan Guddiga Maaliyadda ee la kala diray waxay ahaayeen xubno ka tirsan Xisbiga uu dhawaan dhisay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ee lagu magacaabo UDP, waxayna taas qatar weyn ku tahay horusocodka Dowladda iyo shaqooyinka la rabo in loo qabto Shacabka Soomaaliyeed.

Xisbiga UPD ayaa kasoo shaqeeyey warbixintii Guddiga Maaliyadda ee dhawaan soo saareen, waxayna ujeedka aheyd sidii loo ceebeyn lahaa Dowladda Soomaaliya isla markaasna la isaga hor keeni lahaa Shacabka iyo Dowladda.

Sidaa darteed guddoonka Baarlamaanka ayaa Guddiga Maaliyadda u arkay inay si cad uga hor imaadeen Danta Shacabka isla markaasna ay si cad ula safteen Xisbi mucaarad ku ah Waxqabadka Dowladda.

2) Guddiga oo hareer maray Sharciyo badan

Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa luuq gashtay koox yar oo danaheeda ku  fushaneysay, wuxuuna guddiga si cad u hareer maray Sharciyo iyo heer hoosaadka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya midaasna waxay qasab ka dhigtay inuu guddoonka qaato go’aan lagu badbaadinayo dalka iyo Dowladnimada.

3) Warbixintii Dhawaan soo baxday

Guddiga Maaliyadda ee la kala diray ayaa maalmo ka hor soo saaray warbixin ay ku sheegayeen inay Dowladda lunsatay lacago aad u badan taasoo markii dambe caddeyn loo waayey isla markaasna uu Guddoonka Baarlamaanka ka bixiyey raaligelin buuxda.

Warbixintaas ayaa waxaa looga dooday kulankii ugu dambeeyey ee Baarlamaanka, waxaana ugu dambeyn la isku afgartay inay aheyd warbixin ay luuq kusoo diyaarsadeyn koox yar oo dooneysay inay muuqaal qaldan ka bixiso horusocodka ay Dowladda Federaalka ka gaartay dhanka Maaliyadda iyo Canshuuraha.

Warbixintaan ayaa la aamisan yahay inay sabab u aheyd kala diristay Guddigaan, maadaama ay hareer mareyn arrimihii loo aasaasay markii hore.

W/Q: Mohamed Osman
Falanqeeye Siyaasadeed
Nairobi-Kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Mahad Salaad oo sheegay hal sabab oo aan lagu kala diri karin gudiga maaliyada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka soo hor-jeestay kala dirista  Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka isaga oo sheegay inay u taalo golaha, oo guddoonka uu leeyahay uun soo-jeedin.

Xildhibaan Mahad Salaad waxaa uu sheegay in Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka lagu ansixyey cod uu qaaday golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, isla markaana aan la kala diri karin.

Qoraal kale, oo ka soo baxay Xildhibaab Mahad, lagu faah-faahiyey arrinkan, wuxuu u qornaa:

Xubnaha Gudiyada Golaha Shacabka waxaa soo jeediya Gudoomiyaha Golaha Shacabka asagoo la tashanaya ku xigeenadiisa kadibna waxaa ogolaada Golaha Shacabka sida ku cad Qodobka 56aad, Faqradiisa 2aad ee Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Gudoonka gudiyada waxa uu leeyahay Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo xoghayn oo ah hogaanka guddiga. Xubin kasta oo ka mid ah guddoonka guddiga waa in laga dhex doortaa xubnaha gudiga dhexdooda laguna doortaa cod aqlabiyad ah oo ka yimid xubnaha guddiga sida ku cad qodobka 58aad, farqadiisa 1aad, 2aad ee Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Gudoonka gudiyada waxa uu xilka ku weyn karaa: istiqaalo qoraal ah, haddii uu dhinto, haddii ay ku timaado xil gudasho la’aan joogto ah ama uu si joogto ah uga maqnaado kulammada gudiga. Guddiguna waxaa uu arrinkaas ku wargalinayaa guddoomiyaha Golaha si ay u u doortaan gudoomiye cusub, sida ku cad qodobka 58aad, farqadiisa 4aad, 5aad iyo 6aad ee xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Sidaas daraadeed, tilaabada ay qaadeen Gudoomiye ku xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Shacabka ee ay yiraahdeen waan ku kala dirnay gudiga maaliyada sharci ma’ahan, waana xadgudub iyo ku tumasho dastuurka, xeerhoosaadka Golaha Shacabka iyo ku takrifal awoodeed oo baal marsan shuruucda dalka u yaalla. Mana yeeli doono inla cuuryaamiyo ama baabi’iyo gudiyda haya shaqada la xisaabtan iyo kor-joogtayn ee hay’adaha dowlada, waanan kula xisaabtameynaa inshaa’allaah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
[email protected]

Dhageyso: C/llaahi NUUR “Kheyre iyo Cawad ayaa BF ku soo duulay, lama kala diri karo gudiga maaliyada”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda baarlamanka Soomaaliya ee maanta la kala diray ayaa sheegay inay tahay sharci-darro oo aan guddiga la kala diri karin.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in iska daa guddoon’e, xitaa golaha guud ee baarlamanka uusan kala diri karin gudidga, sida ku cad xeer hoosaadka baarlamanka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sababta loo kala diray guddiga ay tahay warbixintii xukuumadda ku eedeysay musuq-maasuqa ee guddiga uu soo saaray toddobaadkii tegay.

“Dalka waxaa ka jira xukuumad aan ogoleyn in lala xisaabtamo, ee ma ahan inay ku jawaabto in guddiga la kala diro” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

“Arrintan waxaa si toos ah uga mas’uul ah oo baarlamanka kusoo duulay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in xubnaha guddiga ay sii wadi doonaan shaqadooda islamarkaana aysan aqbali dooni sharci-darro in lagu kala diro.

Hoos ka dhageyso wareysigiisa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kenyatta oo shaaciyey in Kenya rabto in ay khaat ku bedelato kaluunka Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa isaga oo ka qeyb galayay shirkii Dhaqaalaha Badaha wuxuu kormeeray goob lagu soo bandhigay Wax soo saarka Soomaaliya, Waxaana uu Yiri Hadal Kaftan iyo Dhab ka ahaa.

Wuxuu kasoo muuqday muuqaal ay baahisay wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya oo loogu sharaxayay kheyraadka Soomaaliya, waxaana masuul ka tirsan wasaaradda ganacsiga uu yiri “Waxaan rabnaa in kalluunka Soomaaliya loo iib keeno Kenya”.

Kadib waxaa hadalka qaatay madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta waxaana uu yiri “Haa kalluunka Soomaaliya waan soo dhoofsanaynaa, idinkuna khaadka naga dhoofsada”.

Waxaa jiro warbixino sanad walbaa lasoo saaro oo lagu sheego in shirkado shisheeye ay gurtaan kalluunka badda Soomaaliya, haddana waxaa la sheegaa inay jiraan tiro yar oo ganacsato Soomaali ah oo Kalluunka u iib geeya Kenya.

Ganacsato Soomaali ah ayaa sanadkii  lasoo dhaafay laga soo xigtay in magaalada Mombasa ee dalka Kenya u iib geeyeen 47 tan oo kalluun ah.

Hadalka madaxweyne Kenyatta ayaa u muuqda mid dhab ah , maadaama Soomaalida ay Khaat kala yimaadaan dalka Kenya, iyadoo Kenya ay geeyaan dhaqaalo badan iyo Kheyraadka dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay madaxii hore ee sirdoonka dalka Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad dhaqaale iyo mid socdaal ku soo rogtay madaxii hore ee sirdoonka dalka Itoobiya Getachew Assefa ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku kacay xadgudubyo ba’an mudadii uu hayey xilka taliyaha sirdoonka wadanka.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii dhawaan aqalka wakiilada ee Mareykanka ay soo gudbiyeen qaraar lagu dalbanayo cunaqabateynta ninkan, kaas oo markii dambe meel mariyey Congress-ka Mareykanka.

Getachew Assefa ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyey in soo abaabulay isku day dil oo lagu khaarijin rabay ra’sul wazaaraha dalka Itoobiya, Abey Axmad intii lagu gudajiray dibadbax lagu taageerayey hogaamiyaha isbedal doonka ah ee la wareegay talada wadanka.

Dambiyada loo heysto Getachew Assefa waxaa sidoo kale ka mid ah inuu gaboodfalo kula kacay kumanaan maxaabiis ah oo ku jiray xabsiyada wadanka intii uu ahaa taliyaha sirdoonka ee wadanka kuwaas oo isugu jira kufsi, jirdil iyo inuu koronto ku dilay maxaabiis ku xirneyd xabsiyada qarsoodiga ah ee ku yaalla dalka.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada Federalka Mareykanka ayaa dhawaan tilmaamay in la helay xabsiyo badan oo qarsoodi ah oo sirdoonka Itoobiya uu ku tacdiibin jiray maxaabiista, kuwaas oo 7 ka mid ah laga helay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayaa dhawaan xabsiga dhigtay in ka badan 10 sarkaal oo ka tirsanaa madaxda ugu sareysa ee sirdoonka Itoobiya, balse Getachew, taliyihii hore ee sirdoonka ayaa baxsaday ka dib markii uu ka warhelay raafka beegsanaya saaxiibadiisii hore.

Getachew Assefa oo ah sarkaal aanan wax sawir ah laga heynin, weligiina ka soo muuqan warbaahinada, ayaa la aaminsan yahay inuu ku dhuumaaleysanayo gobolka Tigreey oo ah halka uu asal ahaan ka soo jeedo.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa 
[email protected]

Xog: Guddiga maaliyadda BF oo diiday yabooh lacag ka-hor inta aan la kala dirin

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan guddiga maaliyadda baarlamanka Soomaaliya ee la sheegay in maanta la kala diray, ayaa Caasimada Online u sheegay inay diideen yabooh lacageed oo xukuumadda ay u sameyeysay.

Ilaa saddex xubnood oo ka mid ah guddiga ayaa sheegay inuu u yeeray guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad, kana codsaday inay la shaqeeyaan xukuumadda, oo ay joojiyaan eedeymaha musuq-maasuqa.

Arrintan ayaa timid kadib markii guddiga uu soo saaray toddobaadkii tegay warbixin si xooggan ugu eedeysay xukuumadda Kheyre inay musuq maasuq xooggan ku kacday ayada oo lagu la’yahay lacag gaareysay 42 milyan oo dollar.

“Waxaa naloo sheegay inaan lacag qaadanno, oo aan xukuumadda ka joojino eedeymaha, balse waan diidnay” ayuu yiri xubin ka mid ah guddiga oo la hadlay Caasimada Online balse codsaday inaan la magacaabin.

Waxa ay sheegeen in loogu hanjabay in haddii aysan la shaqeyn xukuumadda, la kala diri doono guddiga, lana soo magacaabi doono guddi cusub, taasi oo maanta dhacday.

Xubno ka mid ah guddiga oo ilaa 10 gaaraya ayaa horey ula saftay xukuumadda, kadib markii sida la sheegay ay is-fahmeen, ayada oo aan la macneyn is-fahamkaas.

Xiriir aan la sameynay xafiiska Mahad Cawad, nooma suurta-gelin inaan helno si ay arrintan uga jawaabaan.

Guddoonka golaha shacabka ayaa maanta sheegay in kala diray guddiga miisaaniyada, maalliyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka ee golaha ayadoo gudoonka uusoo dhisi doono gudi cusub.

Warqad kasoo baxday guddoonka oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudeey ayaa lagu sheegay in kala diristan ay ka dambeysay kadib markii xubnaha guddiga ay ku xadgudbeen xeer hoosaadka baarlamanka, islamarkaana xubnaha uu khilaaf soo kala dhex-galay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddoonka BF Somalia oo sheegay in ay kala direen guddigii maaliyadda BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka golaha shacabka ayaa kala diray guddiga miisaaniyada, maalliyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka ee golaha ayadoo gudoonka uusoo dhisi doono gudi cusub.

Warqad kasoo baxday guddoonka oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudeey ayaa lagu sheegay in kala deristan ay ka dambeysay kadib markii xubnaha guddiga ay ku xadgudbeen xeer hoosaadka baarlamanka.

Waxaa sidoo warqadda lagu sheegay in sababta kala dirista ay tahay yada oo xubnaha guddiga ay is-khilaafeen, iskuna hor khilaafeen guddoonka hortiisa.

Warqadda Muudeey ayaa sidoo kale u muuqata in kala dirista ay tahay mid ku timid soo jeedinta guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad, oo si aad ah ugu xiran xukuumadda.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo gyddigan ay dhowaan soo saareen warbixin musuq-maasuq xooggan ku eedeysay xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, oo fadeexad ay ka raacday arrintan.

Kala diristan ayaa muujineysa awoodda xukuumadda iyo sida baarlamanka u noqday meel ay xukuumadda maamusho.

Hoos ka aqriso warqadda.

Sawirro: Taliyaha AFRICOM oo qiimeeyey sida uu arko DF kadib markii Farmaajo uu kula kulmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidadmada Mareykanka ee AFRICOM Gen. Thomas D. Waldhauser ayaa la shaaciyey inuu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya talaadadii shalay ahayd.

Intii lagu guda jiray booqashada ayaa Waldhauser waxa uu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo sarakaiil sare oo ka mid ah ciidamada Soomaaliya.

“AFRICOM iyo dowladda Mareykanka waxa ay taageerayaan dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaalida ah, ayaga oo gacan ka siinaya dadaalka horumar waara iyo xasilooni amni looga hir-gelinayo Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay AFRICOM.

“Waxaan ku faraxsanahay xiriirka xooggan ee aan la leenahay madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisa” ayii yiri Gen. Thomas D. Waldhauser.

Waxa uu intaas ku daray in “Farmaajo iyo maamulkiisa ay horumar wanaagsan ka sameeyeen Soomaaliya ayna caddahay in hadafkoodu yahay nabad xasilooni iyo horumar ka dhaca Soomaaliya”.

AFRICOM ayaa sheegtay in siyaasadda dowladda Mareykanka ay tahay in Soomaaliya ay ka dhaceen xasilooni siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Dhinaca kale Gen. Thomas D. Waldhauser ayaa sheegay in wax kasta oo Soomaaliya ay ka sameeyaan ay ku fuliyaan codsiga dowladda Soomaaliya taasina ay qeyb ka tahay caawimaada siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ay ugu talo-gashay Soomaaliya.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madax goboleedyada oo jawaab ka bixiyey go’aankii gudiga Aqalka Sare (Aqri)

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynaha Maamulka Galmudug  Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxa ay War-Saxaafadeed ka soo saareen Go’aankii Guddiga Aqalka Sare ee xalinta khilaafka dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

War kasoo baxay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda oo hadda uu Gudoomiye ka yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa si buuxda loogu taageeray dadaallada Aqalka Sare.

Sidoo kale Golaha Iskaashiga ayaa qoralkooda waxa ay ku sheegeen inay diyaar u yihiin in Guddiga Aqalka Sare ka gacan siiyaan dhameystirka xalinta khilaafka  dowladda iyo Dowlad goboleedyada.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaano xulufada Xasan Sheekh u badan oo dacwad ka gudbiyey Mahad Cawad

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo ka careysan baaqashada kulanka  baarlamaanka oo maalintii labaad baaqday ayaa dacwad ka gudbiyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka.

Qoraalka kasoo baxay xildhibaanada baarlamaanka lag shaaciyay inay ka dacwoonayaan baaqashada kulanka baarlamaanka inuu door ku leeyahay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad.

Xildhibaanada dacwad gudbiyey ayaa waxaa u badan xulufada Xasan Sheekh ee ku midoobay xisbiga nabadda iyo horurmarka ee UDP.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo baahan yahay in arirntaan Guddoonka baarlamaanka uu wax ka qabto.

Hoos ka akhriso qoraalka xildhibaanada qaar ay soo saareen